Magazine ka dhalinyarada

Page 1


Tusmo Madaxa Magazine-ka

Liibaan Axmed Shire

K/x Madaxa Magazine-ka

C/fataax Nuur (Ashkir)

Tafaftiraha

Faarax Biniin Boos

Xog-hayn

Khadar A. Nuur (Oog)

Ereyga Madaxa Wargeyska

Design & Graphics

Abdallah Yusuf (Qaylo)

04

Liibaan Axmed Shire

Khadar Axmed Nuur

Economic, Political MBS

Animal Production, MBS


Dhaliyaradu waa dhaliyayaasha kacdoonadda!!!

Da’yarta Iyo Doorka Siyaasadda

Caqabadaha ka hortaagan dhalinyarada siyadasada

Siyaasadda maanta iyo kaalinta Dhalinyarada Puntland

06 10 13 17

Salim Sa’id Salim

Eng. Abdallah Yusuf

Lawyer, Teacher

IT Engineer


“

Eebbe bay mahadoo dhan u sugnaatay inoo suuragaliyay naguna guleeyay soo-saarista

buugaan

yar oo diirada lagu saaray laguna iftiiminayay dowrka dhalinyarada ee siyaasadda,

caqabadaha

hortaagan iyo sidi looga gudbi lahaa. Dhalinyarada

Liibaan Axmed Shire

waa

laf-dhabarta ummadi ay ku taagantahay, waa shidaalka ay ku socoto, ummadi hormarkeedu wuxuu ku xiranyahay habka iyo heerka fikir ee dhalin-

Ereyga madaxa Wargeys-ka 4

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka

yaradeeda, haddaynu taariikhda dib u yara milicsano kacdoon iyo hormar oo dhan waxaa hormuud u ahaa dhalinyaro.


waa in ay dareensantahay bulshada

dhalinyarada siday qayb uga noqon la-

Soomaaliyeed awoodaha qarsoon ee aan haayeen siyaasadda , buuggan waxaan laga faa’iideysan ee ku duugan dhalin- ku soo bandhigaynaa sida ugu habboon yaradooda ay waajib tahay in lala yimaa-

ee caqabadaha badan ee hortaagan

do tabab iyo farsamooyin wax ku oola oo dhalinayada looga gudbi lahaa. wax ka baddali kara hab-dhaqankii hore ee ku saleysnaa curyaaminta dhalinyarada ee ku aadan hankooda dhinaca siyaasadda.

na falanqeeyay caqabadaha is hortaagi kara hanka dhalinyarada iyo inay qayb ka noqdaan siyaasadda dalka.

Buuggaan wuxuu dib u milicsaday taariikhda sooyaalka ee xiriirka dhalinyarada iyo siyaasadda, waxa uu usoo qaatay tusaalooyin caddaynaya

Waxaa si qotodheer loogu lafaguray loo-

qayb ka mida

dhalinyaro soo joogay xilliyo kala duwan iyo saamaynta wanaagsan ee ay ku lahaayeen siyaasadda, tani waxa ay tusaale iyo dhiirigalin u noqonaysaa dhalinyarada maanta joogta inay ciyaari karaan dow-

Waxaan ku kalsoonnahay in buuggani ee aqoonyahanada soomaaliyeed qalinka u qaateen inuu faa’iido taabbo gal ah soo kordhin doono, sarana u qaadi doono hanka dhalinyarada ee qayb ka noqoshadooda hanaanka siyaasadda ee wadanka, isbaddel lataaban karana ay la’imaan doonaan.

rkaas iyo mid ka wanaagsan maxaa yee-

Waxaan halkaan mahad balaaran aan

lay aqoonta iyo fursaduhuba maanta ayay

lasoo koobi Karin uga soo jeedinayaa

ka wanaagsan yihiin waagii hore, intaas

dhammaan aqoonyhanadii barnaamijik-

waxaa sii dheer in aaladaha lagu wada xi-

aan soo diyaariyay, waqti, maal, dada-

riiro ay fududaynayaan isku xirka dhali- al iyo fakir intaba galiyay si ay usoo saaraan buuggan yar ee afkaarta quruxnayarada. Waxaa hubanti ah in ay jiraan caqabado

da badan iyo dhiiragalinta xambaarsan.

aan la dhayalsan Karin ee ku hor-gudban

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka

5


Dhallinyaradu Waa Dhaliyayaasha Kacaannada!!!

6

Dr. Saadiq Enow Waxaa hubaal ah, halgan uu qof aadami ah u galo nolosha middeeda ugu qiimiga badan, in ay tahay halganka lagu xoraynayo bulshada. Caqabado laga xoreeyo bulshada, kuwa ugu mudnaanta weyn, waxay tahay, in laga xoreeyo saddexda cadow oo aanan muuqan—kuwaas oo kala ah aqoonxumida, saboolnimada, iyo cudurrada‫ز‬

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka


Dhallinyaro . . . dhallinyarannimadu, waa xilli hu ay munaasib ku tahay. Sidaa darteed, qof uu qof walba maro. Waa xilliga qofku uu xoog walba oo taariikhda galay ficillada iyo falaadiyo firfircooni badan yahay. Tirada badan oo ka uu taariikhda ku galay, waxay yihiin kuwo ay meel walba ku joogaan, iyo tamarta badan

ka suuroobay intuu dhallinyarada ahaa. Hog-

ee korkooda ku jirta, ayaa waxay sabab u no-

gaamiyihii weynaa ee la oran jiray “The Great

qotaa, haddii ay bulsho horumar gaadho in

Alexander,” dagaallada uu hoggaaminayay ee

iyagu ay sabab u noqdaan—haddii bulsho ay

uu ku gaaray bariga iyo galbeedka dunidii la

burburto na in isla iyagu ay sabab u noqdaan.

yiqiin, wuxuu galay isaga oo dhallinyaro ah.

Taariikh walba iyo ilbaxnimo walba waa natiijo laga dhaxlay falal ay sameeyeen dhallinyaro. Gaar ahaan, taariikhda casriga ah, ilbaxnimada uu aadamigu ku kala hormaray waxay bannaanka soo dhigtay, in bulshooyinku ay ku kala hormareen firfircoonida dhallinyaradeeda.

Suubbanihii Maxamed ahaa (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee), wuxuu mudan yahay in looga tusaale qaato dhinac walba oo nolosha ah. Dhambaalkii Islaamka ahaa ee uu la yimid, goor hore iyo goor danbe, dhallinyaradu waxay ku lahaayeen door mudnaan-

Biology ahaan, korkooda waxaa si dheeri ah tiisa leh. Wiilkii yaraa oo aqalkiisa ay fadhiyauga shaqeeya, hormons-ka kala nadaaminaya

da ku qabsan jireen, ayaa tusaale ah. Arqam

howlaha qallafsan ee jirka gudihiisa ka dha-

ibnu Abii Arqam, wuxuu xilligaas ahaa, 16 san-

caya. Abuurka unugyada cusub oo korku uu

no jir. Wuxuuna ka dhashay reer sabool ah. Si-

isku waa ay ku badan yihiin korka dhallinyara- daa darteed, aqalka wiilkan yar wuxuu ku yiil da. Murqaha xilliga dhallinyarada la yahay, xaafad ay ku dhaqnaayeen dadkii ugu saboolwaa xilliga ay ugu xooggan yihiin. Tilmaama- sanaa degmada. Isaga oo xaaladdiisu ay sidaas haas iyo kuwo kale oo uu helayo qofka dhal-

tahay, ayuu hoy u noqdey dhambaalkaas cu-

linyarada ah, ayaa waxay ahmiyad gaar ah si- lus. Waxaa kale oo tusaale ah, saxaabigii ahaa inayaan, in waxqabadkoodu uu ka nafac badan Usaama binu Zeyd, oo isaga oo 17 sanno jir ah, yahay, kana qiimi badan yahay, facaha ay la uu suubanihii hoggaamiye uga dhigay ciidan nool yihiin.

ay ku jiraan maqaawiirtii saxaabada.

Faca da´da ah waxay la nool yihiin xusuustii

Waxaa hubaal ah, halgan uu qof aadami ah u

dhallinyarannimada—faca

ahna

galo nolosha middeeda ugu qiimiga badan, in

waxay la daaladhacayaan culaabta nolosha.

ay tahay halganka lagu xoraynayo bulshada.

Laakiin, dhallinyarannimadu, waa xilli nolos-

Caqabado laga xoreeyo bulshada, kuwa ugu

carruurta

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka

7


mudnaanta weyn, waxay tahay, in laga xoreeyo

Mararka qaarkood waa uu lugeynayay, marar-

saddexda cadow oo aanan muuqan—kuwaas ka qaarkood dameer ama faras ayuu fuulayay. oo kala ah aqoonxumida, saboolnimada, iyo Ugu dambeyn, wuxuu ku wareegey 15 tuulo oo cudurrada. Kuwaas oo la dagaallankoodu uu ay beelahaasi deggaan, halkaas oo uu mid walka qallafsan yahay la dagaallanka cadow-

ba dhowr habeen uu ku sugnaa, oo dadka uu

ga kuu muuqda. Waxaa xusid mudan, ururkii

la hadlayay. Waa uu ku soo guuleystey in uu

ahaa Isbahaysiga Dhallinyarada Soomaaliyeed heshiisiiyo! (S.Y.L.) in uu ahaa urur u joogsadey in uu bulshada kala diriro jahliga iyo cudurrada. Dhallinyaradaas, mashruucooda gobanimadoonka ah, waxay ku dhinac wadeen olole ay Soomaalida ku bari jireen “akhriska iyo dhigaalka.” Qolal ayay inta kireeyaan, wax ku bari jireen da´yarta Soomaaliyeed. Waxaa kale oo ay lahaayeen, kooxo caafimaad oo inta magaalada Xamar ka baxa, baadiyaha u baxa, si ay reer miyiga uga daweeyaan cudurrada faafa oo TB-du ay ugu horreyso.

Wiilkii dhallinyarada ahaa ee u dhashay dalka Shiinaha, kaas oo isaga oo 19 sanno jir ah horjoogsaday taangiyadii safka ku socday, oo marayay fagaaraha Tiananmen ee bannaanbaxyadu ka dhacaan. Wiilkaas, wuxuu naftiisii u hibeeyey dowladdaas xoogga weyn oo adeegsanaysa taangiyadaas tirada badan, in inta uu nool yahay ayan hor joogsan karin rabitaankiisa. Waxay ahayd 5/ 7- 1989-kii; halkii ayuu ku dhintey. Sidaas ayuu uga mid noqday 100-ka qof ee mudan in lagu xuso taariikhda

Waxaa intaas u weheliya, hiraalka ku abuuran qarnigii 20-aad. Magaca loo yaqaan wuxuu dhallinyarada oo ah, hiigsiga ay ku tiigsan- yahay ninkii taangiga (Tanka Man), iyo banayaan nolol ka wanaagsan midda ay bulshadoodu ku sugan-tahay. Haddaannu tusaale ka soo qaadanno Isbahaysigii Dhallinyarada Soomaaliyeed (S.Y.L.), iyaga oo da´yar ah ayay isu urursadeen in ay u joogsadaan madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliyeed. Maxamed Saalax Ladane, wuxuu ka warramay, sannadkii 1947-kii in ururku uu u diray degmada Ceelkarre oo ay ku dirireen laba beelood oo Soomaali ah (Harti iyo Karanle). Degmadu waxay ku taal gobolka Siidaamo ee koonfurta Itoobiya. Maxamed Saalax Ladane,

naanbixihii dahsoonaa (Unknown Protester). Maxamed Al-Bu-caziizi, wuxuu u dhashay dalka Tuunis. Isagu markay taariikhda ahayd 4/ 1- 2011-kii, ayuu xarunta degmadii uu ku noolaa inta horteeda joogsaday, isku gubay. Wuxuu markaas ka cabanayay dhibaatooyin xadgudubyo ah oo ay u geysteen askar biliis ah. Waxaa halkaas ka bilaabatay dhaqdhaqaaqa loo bixiyay “Gugii Carabta” (Arab Spring), kaas oo salfaday madaxweynayaal badan oo Carbeed.

Xamar ayaa laga diray, si uu u soo heshiisii-

Halhayskii ahaa, “Dhammaantayo waxaanu

yo labadaas beelood—iyada oo uusan gaa-

nahay Khaalid Siciid,” oo sababay in shan me-

diid wanaagsan jirin iyo waddooyin la maro. lyan oo qof ay bannaanka u soo baxaan, oo ay

8

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka


dhacdo dowladdii uu hoggaaminayay keligiitaliyihii Masar (Xusni Mubaarak). Halhayskaas dartiis, ayaa dhallinyaradii reer Masar wuxuu u saamaxay in ay ridaan xukun adag oo 30 sanno jirsaday, kaas oo xaalad aanan caadi ahayn ku maammulayay dalka.

gamaaga ah taariikhdiisii. Bishii July 1990-kii, hoggaamiyihii Koonfur Afrika, Nilson Mandela, iyada oo shan bilood ay ka soo wareegatay markii xabsiga laga soo daayay, ayuu Nairobi booqasho ku yimid. Dhowrkii cisho ee uu joogay, ayuu wux-

Halgamaa u dhashay dalka Ukrain, oo la uu weyddiistey madaxweynihii uu martida u yiraahdo Nikolai Ostrovsky, 32 jir ayuu ku

ahaa, Daniel Arab Moi, in uu geeyo qabrigii

dhintay. Waxaa lagu xasuustaa buug uu ka

Dedan Kimathi—xaaskiisiina lala kulansiiyo.

tegey oo uu ku magacaabay: “Sidee ayaa Birtii Waa ay warwareejiyeen iyaga oo diiddanaa in loo Hagaajiyay (How the Steel was Tempered).

ay tusiyaan; waayo, waxay ceeb ku noqon la-

Waxaa jirta oraah uu ka tegey, oo ahayd:

hayd dowladda oo ihmaalisey halgamaaga iyo

”Qofka aadamiga ah agtiisa waxa ugu qaalisan waa nolosha. Mar qura ayuu heley. Sidaa darteed, waxaa ku waajib ah in uu u noolaado si uusan u dareemin cadaabta ay leedahay shallaytida sannooyinka ka dayacmay. Nolosha caynkaas ah—oo laga dhimanayo—waxaa haboon in lagu yiraahdo, dhammaan wixii awood ah oo aan leeyahay waxaan ku bixinayaa qaddiyadaha dunida middeeda ugu wanaagsan. Taas oo ah, halgan lagu xoraynayo aadamiga.”

xaaskiisii. Nilson Mandela, waxaa kulan dadweyne loogu qabtay garoonka kubbadda cagta ee la yiraahdo, Kasarani Stadium. Halkaas, ayuu Mandela kaga faa´iideystey, oo uu ku xusay halgamaaga Dedan Kimathi—isaga oo 5,000 oo qof hortooda ka sheegey in uu muraayad u ahaa halgankii ay isaga iyo saaxiibbadiis ka bilaabeen Koonfur Afrika. Markaas dabadeed, ayaa shacabka Kenya ay dareemeen qiimaha uu ku fadhiyo wiilkoodii geesiga

ahaa. Markaas, ayaa dowladdiina ay bilowday Waxaa jira oraah oranaysa, “Halgan kasta oo in magaciisii ay soo saarto, oo ay ku magaaadamiga lagu xoraynayo, waxaa hal’abuura cawdo jaamicad, dugsi sare, waddo weyn, iyo qof cabqari ah, waxaa u howlgala qof naftiihure ah, waxaana miraheeda gurta qof tuug ah.”

meelo kale. Sheekadan, waxay markhaati ka tahay, in halganka guuleysta uu yahay midka leh hi-

Dhaqdhaqaaqii Mawmawda (Mau Mau), wux-

raal muuqda, ee ka maran masaalix gaaban.

uu ahaa mid ay hal’abuureen dhallinyaro reer

Shakhsiyaadkiisuna ay ku qadaan miraha guuKenya ah, sannadkii 1952-kii. Nin dhallinyaro sha, laakiin waxaa ku baraara dadka ay u halah oo la yiraahdo Dedan Kimathi, oo 32 sanno gamayaan. Dadkaas, ayaa laga doonayaa, in jir ah, ayaa hal’abuurey. Shan sanno oo halgan ay ilaashadaan miraha guusha halganka dhalah dabadeed, waa la qabtay, waana la dilay. linyarada. Dowladda Kenya ayaa qarisay ninkaas hal-

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka

9


DA’YARTA IYO DOORKA SIYAASADDA Eng. Abdallah Yusuf IT Engineer

Hagarlaawe Xaaji Aadam, Ilaahay ha u naxriisto e, “Hadduu geed engego

wuxuu qarni ka hor u qa-

xaabadaa laga idlaystaaye

reemay qiimaha da’yarta iyo

Aan ku bilaabo meerisyo ka

Mid yar oo iniintiisa ah baa

mida suugaantii samatal-

soo awaal baxa e

iska ahayd, ee halgamaagii

qaybtooda bulsho—dhiirrigelin iyo dhawaaq xooggan ayuuna meertada bulsho ugu

Isagaa anfaaciga hadhkiyo

tiraabay, sida suugaantiisa ka

oodda kaafiya e

muuqata.

Afqallooc, Ilaahay ha u nax-

Dadkana odaygu goortuu ka

Da’yartu, waa halbawlaha iyo

ariisto ee uu ku tibaaxayay

baxo iyo islaantiisu

hanaqaadka ummad walba,

Ubadkooda hadha baa tabcoo

oo bulshooyinka aadama-

aayatiin hela e!”

ha ka mid ah. Masiirka iyo

iyo hal’abuurihii weynaa ee Soomaaliyeed, Xaaji Aadam

miisaanka da’yarta iyo mudnaanta ay bulshada ku leeyihiin.

10

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka


meelmarka bulsho tanaa-

waa mid aan ku duxin, da-

qaadashada hoggaanka dalka

day, waxaa tiirdhexaad u ah

reenna ku samayn, da’yar-

iyo fagaarayaasha siyaasad-

da’yartooda samataliska ah.

teenna waqtiga dhallinyaran-

du, waa tan keliya ee dhalin

Haldoorkii hilaabtay ee hal-

nimo—balse ay gole kaga

karta isbeddel qumman, iyada

ganka aynnu hadhsanaynno

kac iyo afgobaadsi siyaasi u

oo ay jiraan fursado dhaqa-

hiigsigiisa dhaliyay, waxay

fahmaan!

aleed, aqooneed, iyo xorriya-

ahaayeen da’yar dareenka mas’uuliyadnimo damqayso.

Dhallintu waa muraayadda

deed.

iyo masiirka bulsho; waxa

In da’yartu kaalin ku lahaato

muhiim ah inaad dareento

siyaasadda, waxay darda-

rejada ummada Soomaaliy-

rgelin kartaa hannaanka

eed naawilayso inay tahay

maammulka iyo hammiga

Waxaa qiraal ah, in bulsho

da’yarta caqliga, cududda,

bulshada ee aan ku taamayn-

walba oo adduunka ka jir-

iyo cilmiga leh ee waqtigaan

no.

ta, mustaqbalka ay leeyihiin

nool.

Halgankii S.Y.L., waa tusaalaha muuqda ee miro-dhalka ee da’yarteennii lagu majeerto.

Horumarka nolosha awgeed,

uu yahay da’yar togan. Inta

kaalinta dowladda iyo si-

badan, waxa lagu sifeeyaa

yaasadduba ay ku leeyihiin

“madaxda berri,” sida aan

I. Waa Maxay Doorka

ka maqalnay waqtiyo badan

Da’yarta ee Siyaasadda?

siyaasiyiinteenna, si ay ugu

Tamarta ugu badan ee dal-

juxaansadaan goobaha ay

Waxaa korodhay ku tiirsa-

keenna waa da’yar aqoon

da’yarta kula kulmaan. Dhad-

naanta dowladda maadaama

iyo aragti togan leh. Ka qayb

ay maammusho, gacantana

hansiga dhawaaqa eraygani,

nolosha qofka iyo bulshadaba, waa mid aad u weyn.

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka

11


ku hayso, waxbarashada,

2. Siyaasaddu, waxay keen-

mas’uulna ay ka tahay nabad- sanaysaa in lala shaqeeyo, gelyada iyo amniga bulshada.

lagana dhex shaqeeyo, kooxo

Sidoo kalena, ay maareyso

iyo ururro kala geddisan. Xil-

arimaha dhaqaalaha iyo ga-

ligaas ay marayaan awgeed,

nacsiga, ayna go’aaminayso

dhallinyaradu waxay aad u je-

xiriirka ay ummaddu la leeda- cel yiihiin inay ku shaqeeyaan hay ummadaha kale—hadii ay kooxo-kooxo iyo isbahaysi. ahaan lahayd xaalad dagaal, iyo xaalad nabadgelyoba.

3. Dhalintu, waxay jecel yihiin inay la jaanqaadaan horu-

Intaas aan soo sheegay oo

marka iyo isbeddelka dunida,

idil, waxaa laga dheehanayaa

gaar ahaan teknoolajiyadda

in masiirka qofku uu ku xiran iyo cilmiga. taasina, waxay u yahay, kuna gawracan yahay,

suurtagalinaysaa inuu noqdo

dowladda. Sidaas darteed,

qof wacyi leh, kana war qaba

waxaa habboon, in qofka

waxa ku hareeraysan, indhah-

dhallinyarada ah uu u dhug

ana kala haya.

lahaado siyaasadda, uuna xaqiijiyo himilada naftiisa ee ku aaddan hoggaaminta bulshadiisa.

4. Qabka iyo xamaasadda ku jira dhallinyarada, waxay horseedayaan in meeshii ay galaanba ay ka midhadhali-

Da’yartu, waxay leeyihiin

yaan, kana muuqdaan. Taasi-

awoodo badan oo ka caaw-

na, waxay sababaysaa koror-

inaya inay sida ugu wa-

ka iyo horumarka shaqada.

naagsan u hoggaamiyaan dalkooda, ugana qayb qaataan siyaasadda. Hadii aan isku dayo inaan wax ka sheego fursadaha ay haystaan, waxaan ku soo koobi karaa:

Ugu dambayntii, da’yartu waa hoggaamiyaha bulshadani hibanayso, iyo halyeyga dalkani u baahi qabo. Muhiimad xooggan bay u tahay dal walba inuu yeesho da’yar fagaaraha

1. Waxay leeyihiin awood

siyaasadda ka muuqda—qa-

jir ahaaneed, iyo mid naf

ybna ka ahaada masiirka

ahaaneed, taasoo u fududay-

ummaddooda.

naysa inay geli karaan loollan iyo adkaysin farabadan.

12

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka

Khadar Nuur Oog Animal Production, MBS


CAQABADAHA DHALLINYARADA KAGA HOR GUDBAN SIYAASADDA Caqabadaha kaga hor gudban dhallinyara-

dheerna u galo, shaqo raadin—maanki-

da in ay ka qayb qaataan siyaasadda, wax-

isa iyo caqligiisa oo dhanna ay u afdu-

aa loo qaybiyaa labo qaybood, oo kala ah:

ubnaadaan siduu mar uun shaqo ku heli

cawaamil gudaha ah (internal factors), iyo

lahaa! Welwelka iyo walbahaarka shaqo

cawaamil dibadda ah (external factors).

la’aaneed waxaa loo aaneeyaa, mar-

Qormadaan kooban, waxaan ku eegayaa, cawaamisha dibadda (external factors) ah saamaynta ay ku leeyihiin dhallinyarada

ka laga tago baahida uu u qabo shaqo, cadaadiska kaga imaanaya dhinaca bulshada.

inay gaari waayaan hanka siyaasadda ay

Kii ku guulaysta shaqo, waxaa soo

ka leeyihiin, waxaana ka mida:

foodsaara dhib kale oo aan wax badan

I . Hoosaynta Xaaladda Dhaqaale Ee Dhal-

dhaamin, shaqala’aantii haysatay. Waxa

linyarada:

uu kala kulmaa shaqada muddo dheer in la shaqeeyo, taasoo aan siinayn fursad

Waxyaalaha ugu muhiimsan ee hortaagan

uu ku fikiro, hal’abuur iyo wax soo kord-

hanka siyaasadeed ee uu leeyahay qofka

hin cusubna ku sameeyo. Inta yar ee uu

dhallinyarada ahi, waxaa ka mid ah, xaa-

fursadda leeyahay, waxaa ka qaata na-

ladda dhaqaala xumada ay la nool yihiin

sasho uu ugu diyaar garoobayo berrito

intooda badan.

shaqadiisii rootiiniga ahayd. Shaqooyin-

Guud ahaan hoos ahaanshaha dhaqaale

ka la qabanayo badankood ma ahan mid

ee waddanka, ayaa qayb weyn ka ah in

waafaqsan wixii uu soo bartay, ee waa

dhallinyarada badankoodu aysan si deg-

shaqo laga fursanwaa ah! Intaa waxaa

dega shaqo u helin. Inta yar ee ku guulay-

ka sii xanuun badan, in qof aan waxna

sata helidda shaqo, waxay ku shaqeeyaan

baran ay shaqada u wada siman yihiin.

mushahar aad u hooseeya, oo aan dabooli

Xaaladahaasi waxay abuurayaan jawi

karin baahida noloshooda iyo tan qoys-

geliya dhallinyarada wax soo baratay

kooda ay wax u soo barteen.

jahwareer ku danbeeya hanjab kee-

Shaqa la’aanta baahsan ee waddanka ka

na tayada iyo waxtarka aqoonyahanka

jirta, ayaa sabab u ah in qofka dhallinyara-

oo hoos u dhaca taasoo khasaare ku

da ahi uu aad ugu mashquulo, dedaal

ah waddanka oo dhan. Qayb ka mida

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka

13


cadaadiska haysta, ayaa waxa uu la aadi

daysan akhrin karana habdhaqanka dadka,

karaa inay ku lug yeeshaan falal ka dhan

kuna hoggaamin kara mustaqbal ifaya.

ah waddanka, diinta, iyo maslaxadda ummadda.

guud ahaan, ma ahan xarumo loo carbiyay

Tani waa khatar weyn oo burburin kar-

ama u diyaarsan in lagu ababiyo jiilka cusub

ta mustaqbalka dhallinyarada, dhinaca

ee soo gelaya siyasaasadda. Ururro siyaas-

maanka; maxaa yeelay, maskaxdii ayaa

adeed waddanka kama jiraan kuwaasoo fur-

lagu mashquuliyay shaqo yar oo soo

sad u siin lahaa dhallinyarada inay isku soo

noq-noqonaysa oo aan fikir iyo maskax-

dhex diyaariyaan kana caawin lahaa in ay

tuujin midnaba aan lahayn. Maskaxda

siyaasadda iyo fankeeda soo fahmaan, inta

bani’aadamka waxa ay u shaqaysaa sida

aanay dhex muquuranin ayagoo aan ku leb-

buufinta oo kale mar kasta oo maskaxda

bisnayn waxay kaga dabaalan lahaayeen.

la tuujiyo, waa ay sii barartaa, siina bal-

III. Fahanka Khaldan Ee Laga Aaminsan Ya-

laarataa. Haddii lagu mashquuliyo wax yar oo aan qiime lahayn, waa ayba shuuqdaa;

hay Siyaasadda Iyo Siyaasiyiinta:

markaa, waxaa hubanti ah oo aan shaki

Fahanka siyaasadda iyo waxa laga aamin-

ku jirin, in dhallinyaradii aqoonta lahaa

san yahay oo ah mid aan dhiirrigelinayn

halkaas si bareera loogu curyaamiyay.

dhallinyarada inay ku hammiyaan siyaas-

II. Dhallinyarada Oo Aan U Carbisnayn Siyaasadda:

adda inay qayb ka noqdaan. Dadweynaha, badankii siyaasiyiinta waxay ka aaminsan yihiin dad meharaddoodu tahay been, mu-

Wax kasta oo meel sare laga gaaray waxaa

suq, iskudir, kala-geyn ummadeed, hurinta

loo tiiriyaa, ama loo sababeeyaa in waqti

colaadaha walaalaha wada deggan, ka ga-

dheer lagu soo gude jiray. Siyaasaddana

nacsiga qubashada dhiigga, iyo u dabadhili-

qaaciidadaas guud ma hareer marsana.

faynta cadowga shisheeye.

Qofka siyaasadda iyo maaraynta arrimaha bulshada raba heer wanaagsan inuu ka gaaro, waa inuu yahay qof in muddo ah ku soo gude jiray, dedaal badanna ku bixiyay, sidii uu uga miradhalin lahaa.

Waxaa nasiibdarro ah, in shacabka Soomaaliyeed, badankiisu, uusan aaminsanayn qof siyaasi ah ayaa dhowrsoon, danta guud ka shaqaynaya, ummaddana ku hagaya waddo toosan. Waxyaalahaa xumaanta ahi ee lagu

Siyaasaddu kusoobood ma ahan Maanta,

astaameeyay siyaasiyiinta, iskama imaan,

Soomaaliya qofku waxa uu bilaabaa si-

ee waxaa loo aaneeyaa go’aammo khaldan

yaasadda asagoon garoonka siyaasadda

iyo falal gurracan oo ay ku dhaqaaqeen

aan alamiito ku soo qaadan. Siyaasiga

jiilashii hore.

alamiito badan soo qaatay waa siyaasiga keliya ee ummadda ku jihayn kara yool mi-

14

Goobaha waxbarashada ee geyigeenna,

Su’aasha meesha taagan, waxaa weeye, “Sidee baa maskaxda dadka looga tirti-

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka


ri karaa aaminsanaantaas khaldan, loo-

mise waa mid ku dhisan mala’awaal aan ta-

na abuuri karaa fahan kaa ka duwan oo

ageero ka helayn dhacdooyinka ku qotama

abuuraya jawi dadka dhowrsan ee wanaag-

xaqiiqooyinka? Si aan wax uga ogaanno eed-

ga lagu yaqaan ay ka soo dhex muuqdaan

eemahaas waaweyn inay jiraan iyo in kale,

siyaasadda?”

bal ina keenna aannu isla dhugannee dooda-

Qofka siyaasiga ahi waa uu xumaan karaa

haan soo socda.

waa uuna fiicnaan karaa. Siyaasaddu waa

(1) Arrimahan dhallinyarada lagu sifeeyay

in laga shaqeeyo maslaxadda guud ee um-

waqtiyadii ay baxeen waxay ahayd waq-

madda, meesha ay ku jirtana loo jiheeyaa.

tiyo sii horraysay, halbeegga qura ee lagu

Dadka fiican waa in la dhiirrigeliyaa oo loo

kala sooci jiray garaadka dadkana uu ahaa,

doortaa metalaadda shacabka, si ay u fuli-

da’dooda oo keliya. Cawaamisha kaloo idil

yaan rabitaanka shacabka, taasina waxay

waa ay yaraayeen, ama ma aysan jirinba,

imaan kartaa oo qura marka shacabwey-

sida: aqoonta, iyo khibradda, maadaama

naha wacyigooda sare loo qaado, kalsooni-

waxabarashadu aysan u baahsanayn sida

da loo soo celiyo, waxyaalihii khaldanaa ee

maanta oo kale go’aammada la qaato waxa

maskaxda ka degay dib looga shubo aya-

ugu badanna ay ahayd

doo waddada loo marayana ay tahay, in la

maanta halbeeggii waa uu isbeddelay waxaa

tuso wax ka beddelan wixii ay horay u arki

lagu qiimeeyaa aqoontiisa heerka ay gaarsi-

jireen.

isan tahay waxa uu akhriyay iyo sida ay ta-

IV. Fahanka Khaldan Ee Laga Aaminsan

jaaribtu usoofeesay maskaxdiisa iyo garaad-

Yahay Dhallinyarada: Waa mid ka mida caqabadaha ugu waaweyn ee ay dhallinyaradu tallaabo ugu qaadi waayeen dhinaca siyaasadda. Fahanka waddanka ka jira ayaa ah mid ka hiilinaya dhallinyarada, una sawiraya inay yihiin kuwo fudud, degdeg badan, aragti gaaban, waxna aan u aabbayeelaynin qar iskatuurnimaduna ay cinwaan u tahay. sifooyinkaas lagu astaameeyay, waa kuwo aan ku fiicnayn qofka lagu aaminayo masiir ummadeed.

dagaal. Markaa,

kiisa. (2) Nolosha maanta keliya ma ahan go’aanqaadashada iyo maaraynta dagaal iyo colaad sida dadkeennii hore ahaayeen. Maaraynta noloshu waa ay ka gude ballaadhan tahay intaas. Maanta qofka siyaasiga ah ama madaxweynaha ah waxaa ay mas’uuliyadi ka saaran tahay adkaynta dowlad wanaagga, maaraynta nolosha oo idil, sida: amniga, waxbarashada, biyaha, korontada, caafimaadka, wanaajinta xiriirka dibadda, maaraynta khilaafaadka gudaha iyo kan dibaddaba, sare u qaadidda nolol wanaagga, maaraynta masii-

Laakiin su’aasha taagani waxay tahay fu-

booyinka, ka faa’iidaysiga khayraadka da-

daydkaas lagu shaabbadeeyay dhallinyara-

biiciga ah ee waddanka, iyo waxyaalo kale

da, maxaa ka jira? Ma looqaateen baa,

oo badan.

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka

15


SIYAASADDA MAANTA IYO KAALINTA DHALINYARADA PUNTLAND Xilligan oo Soomaaliya ay guud ahaan ka

keentay in dhallinyaradu u nuglaadaan

soo kabanayso mid ka mida dagaalladii

kulugyeelashada xagjirnimada, burcad-

sokeeye ee ugu waqtiga dheeraa duni-

badeedka, tahriibta, dagaalabeeleedya-

da, ayaa waxaa lagamamaarmaan ah in

da , iyo dambiyada kale ee halista ku ah

dhammaan fursadaha jira looga faa’ii-

jiritaanka bulshada—sida: daroogada,

daysto si buuxda—gaar ahaan, hantida

dilka, kufsiga, I.W.M..

bani’aadamka (human resource). Waxaana la isku waafaqsan yahay, in xoogga ugu muhiimsan ee bulsho horumar higsanaysaa ay ku dhaadataa uu yahay, xoogga dhallinyarada .

kaalinta hoosaysa ee dhallinyaradu kaga jiraan horumarka dalka—sida: jariifka khayraadka badda, kaas oo meesha ka saaray ama khatar geliyay qaabno-

Keliya ma aha in dhallinyaradu ay yihi-

loleedkii dhallin badan oo ku nool xee-

in madaxda mustaqbalka, ee waxa ay

baha ay ku dabbari jireen noloshooda;

kaloo muhiim u yihiin horumarka dh-

jahliga, kaas oo awoodda dhallin badan

aqan-dhaqaale ee ay bulshadu higsan-

dhantaalay, ama meesha ka saaaray;

ayso.

iyo, shaqala’aanta, oo ka dhigtay dhal-

Dhallinta Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay 30ka sanno, ayaa lagu qiyaasaa inay ka yihiin tirada guud ee dadka Soomaalida in ka badan 70% , kuwaas oo la kulma caqabado siyaasadeed, dhaqaaleed, iyo bulsheed oo ka hor taagan inay kaalin mug leh ka ciyaaraan guud ahaan horumarka dalka. Tanoo

16

Sababo badan ayaa loo aanayn karaa

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka

lin badan kuwo dalka ka hayaama, ama qaad iyo daroogo la degto, iyo kuwo rumeeya afkaar xagjir ah, kuna biira kooxaha hubaysan ee amniga iyo xasilloonida khatarta ku haya . Waxaa intaas wehelisa, dareenka uurkutaallada iyo niyadjabka ay dhallin badan ka qaadeen burburka dabada dheeraaday ee


dalkooda haysta—xilli dhiggooda

II.

dhallinta dunidu iyo gobolku ku

Kaga Jiraan Dhallinyaradu

tallaabsanayaan horumar dhan

Siyaasadda:

walba ah.

Kaalinta Hadda Ay

Dastuurka Puntland

waxa

Yeelkadeede, dhib kasta oo dhal-

uu qeexayaa in qofka da’di-

linyaradu qabto iyo fal kasta oo

isu tahay 18 sanno uu xaq u

ay ka dhaxleen burburkii dal-

leeyahay inuu ka qayb galo

ka ku dhacay, waxaa xaqiiqa ah

hannaanka

inaan dibudhiska dawladnima-

ka—codkiisa bixin karo, ka

da Soomaaliya la xaqiijin karin

mid noqon karo urur siyaas-

Saalim Siciid

la’aantood, ayna yihiin xoogga

adeed, una tartami karo jago

Lawyer

lafdhabarka u ah isbeddel wana-

dawladeed haddii uu buux-

agsan oo dalka ka dhaca—dhan

iyo shuruudaha jagadaas u

siyaasadeed, dhan dhaqaaleed,

yaalla. Sidoo kale, siyaas-

iyo dhan bulsheed.

adda dhallinyarada Puntland

doorashooyin-

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka

17


(nuqulkeeda dib loo eegay ee 2017-2020), ayaa

iyo midnimadii ummada Soomaaliyeed—iya-

hiigsanaysa xaqiijinta kaqaybgalka dhallinta

goo tusaale iyo daliil u soo qaadanaya 13kii

ee siyaasadda, iyo inay tahay xaq asaasi ah oo

dhallinta ahaa ee yagleelay ururkii S.Y.L., san-

dhallintu leeyihiin.

nadkii 1943, kaas oo markii dambe horseeday

Hase yeeshee, hannaanka maammul ee Puntland oo ah mid ku dhisan awoodqaybsi

in Soomaaliya ka xorawdo gumaystihii, sannadkii 1960.

beeleed, ayaa kaalin mug leh siin dhallinyarada, gaar ahaan jagooyinka muhiimka ah, maadaama odayaasha dhaqanka marka ay timaaddo xulista golaha shacabka iyo golayaas-

III.

Faa’iidooyinka Ay Leedahay In Dhal-

linyaradu Siyaasadda Ka Dhex Muuqdaan:

ha degmooyinka ay inta badan u janjeersadaan musharrixiinta reerka ee aan dhallinyarada Faa’iidooyin dhawra ayaa ka dhalan kara dhalahayn. Sidoo kale, soo magacaabista wasiirra- linyarada oo laga siiyo kaalin mug leh siyaasda iyo jagooyinka kale ee muhiimka ah iyagana adda, iyada oo lagu xulanayo karti, aqoon, iyo si dhaw ayaa wax looga weyddiiyaa odayaa- waaya’aragnimo. sha dhaqanka, taas oo keenta in badi shakhsiyaad aan dhallinyaro ahayn jagooyinkaa ku soo baxaan .

Dhallinta oo siyaasadda kaalin weyn ku yeeshaa waxa ay xoojinaysaa in la helo hannaan maammul oo loo dhan yahay, iyo dareen

Sannadahaan dambe, dhallinyaro dhawr ah muwaadinnimo oo ku abuurma qaybta ugu ayaa ka soo dhex muuqday golayaasha deg- muhiimsan bulshada oo dhallinyarada ah. mooyinka, golaha wasiirrada, iyo golaha sha- Waxaana hubanti ah, inaan maammul dadka cabka—in kasta oo tiro ahaan ay aad uga yar

intiisa badan ku qanacsan yihiin la yagleeli

yihiin intii la rabay.

karin, haddii ay ka maqan yihiin tirada ugu

Waxaa isa soo taraya dhawaq badan oo ka badan shacabka oo dhallinta ah. imaanaya dhallinta, oo ku doodaya inay ka Dhallinyarada oo saaxadda siyaasadda si xoog helaan siyaasadda kaalin mug leh, waxaana ah uga muuqdaa waxay hoos u dhigi kartaa dhallinta Soomaalida guud ahaan beryahaan

mucaaradka iyo jabhadaha hubaysan ee dad-

dambe bilaabeen inay isugu yimaaddaan shi- ka iyo dawladda ka hor yimaadda, maadaarar ay ku dalbanayaan xuquuqdooda siyaasiga ma qancinta dhallintu ay keenayso in uu ah—iyo inay fursad ka ballaaran inta hadda

hoos u dhaco tirada dhallinta u nugul in lagu

helaan lagana siiyo siyaasadda.

abuuro afkaar xagjir ah, ama loo qorto askar

In badan oo dhallinta maanta ah waxay ku iyo maleeshiyaad. Dhallin badan waxa ay ugu doodayaan in kaqaybgal baaxad leh oo ay ku biiraan kooxaha qaswadayaasha ah magac yeeshaan talada iyo hoggaanka dalka uu sabab

raadin iyo inay dareemaan inay wax yihiin.

u noqon karo dibusoocelinta dawladnimadii

18

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka


Dhallinyarada aqoonta iyo kartida leh ee si- taa nololmaalmeedkooda dabbari karin, iskana yaasadda ku soo biira, maadaama ay u jajaban bixin karin kharashaadka shirinta beesha iyo yihiin isbeddelka iyo la jaanqaadka xaalada- taageero raadinta. ha isbedbeddelaya ee dunida, waxay hindisi karaan hal’abuur sare oo xambaarsan fikrado badan, kaa oo sababaya horumar weyn oo uu dalku ku tallaabsado.

Jahliga: Dhallin badan waxa ay la ildaran yihiin aqoon la’aan, taas oo baday in aanay fahmi karin waxa ay dantoodu tahay. Siyaasadda oo u baahan fahan caqliyaysan iyo ka fekeridda masiirka ummadeed waqtiga dhaw iyo waqti-

IV.

Caqabadaha Dhallinyarada Ka Haysta

Siyaasadda:

ga fog, ayaa u baahan dhallin aqoonyahan ah, xilkas ah, kana fog habdhaqanka dadka waxmagaratada ah. Soomaaliya oo ah dalka ugu hooseeya dunida dhanka tacliinta , dagaal

Caqabado ayaa dhallinta ka haysta sidii ay sokeeyana uu la degay, dhallintiisu intooda qayb weyn uga heli lahaayeen siyaasadda, badan aqoonta asaasiga ah ma helaan, kuwooda tirada yar ee wax bartaanna in badan aqoon

waxaana ugu waaweyn caqabadahaas: Qabyaaladda: Dhallinta Soomaaliyeed waxaa xooggoodii wiiqay, kana dhigay mid aan muuqan, “qabyaaladda,” taas oo baday inay

tayo leh ma helaan, taas oo caqabad ku ah in la helo dhallin tiro iyo tayo leh oo masiirka dalka shafka u tumi kara.

noqdaan kuwo kala qoqoban, kala daadsan, Kalsoonixumada: Shakhsiyaaad dhallinyaro ah marar badanna ay dhacdo in iyaga la isku jabi- oo nasiib u yeeshay qabashada xilal muhiim yo—halkii ay ka noqon lahaayeen cudud weyn ah, ayaa habdhaqankoodu noqday mid aan oo “haybta dhallinyaro” isku raaca. Iyaga oo wanaagsanayn, ama aan wax la sheego ku hubkaas adeegsanayana, siyaasiyiinta iyo soo kordhin hay’adihii maammul ee loo dhiiodayaasha qabaa’ilka ayaa si fudud ugu faa’ii- bay. Shakhsiyaadkaas, waxa ay abuureen jawi daysta dhallinta, waxaana dhacda in dhallin

dad badan ay su’aal ka keenaan isku hallayn-

xaqooda dhacsan lahaa lagu jabiyo dhallin ta dhallinyarada, iyo inay noqon karaan kuwo kale oo aanay isku reer ahayn, sidaasna iya- kaga wanaagsan xilalka muhiimka ah odayaaga dhexdooda la isaga horkeenno ama fitno la sha. In kasta oo aan dhallinyarada loo qaban karin shakhsiyaad xumaaday, haddana, dhkala dhex dhigo. Faqriga: Qiyaastii 67% dhallinta Soomaalida— oo ay ku jiraan kuwa Puntland—shaqo ma haystaan, taas oo muujinaysa in badi dhallinta ay yihiin kuwo maxaysato ah. Caqabaddani, waxa ay ka hor istaagaysaa dhallin badan inay tartan u galaan siyaasadda, maadaama aanay xi-

aqanxumada iyo waxmatarannimada dhawrka xilalka loo dhiibaa waxa ay dharbaaxo ku noqotaa dhallinta kale ee xilaldoonka ah—waxaana laga dhigtaa halhays iyo marmarsiiyo looga hor istaago xilalka waaweyn. Qaadka: Cunista qaadka ayaa aad ugu badan

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka

19


dhallinta Soomaaliyeed, kaas oo dhaxalsii-

ka maqnayn baahida dalkoodu iyo dadkoo-

yay shaqo la’aan, faqri, waxbarasho la’aan,

du u qabaan gurmad dhallinyaro oo daacad

caafimaad xumo, iyo feker la’aan. Qaadku,

ah.

laba siyaabood ayuu caqabad ugu yahay in dhallintu siyaasadda door weyn ku yeeshaan. Midi waa qaadka oo dhallinta ka hor istaaga waxbarashada iyo shaqada, kuwaas oo fure u ah horumar dhallintu ka samayso siyaasadda. Midka kale, waa qaadka oo

Sannadkii 1964, ayaa suxufi reer Farance ah waxa uu weyddiiyay aqoonyahankii dalkaas ee caanka ahaa, ee lagu magacaabi jiray Jan Bawl Sarter, su’aal ahayd sababta dhallinta reer France ay siyaasadda uga jiifaan.

dhallinta cuntaa ay xitaa haddii ay fursad u

Sarter, waxa uu ku jaawabay, in fikradda ah

helaan siyaasadda ka dhiga kuwo saaqidiin

in dhallintu siyaasadda ka jiifaan ay u baa-

ah oo aan ka soo dhalaali karin mas’uuli-

han tahay in si hoose loo lafaguro, loona

yaddii loo igmaday—halkaasna magacxumo

eego.

iyo sharafdhac sabab ugu noqda dhallinta

Sarter, hadalkiisu, waxa uu ahaa, in aan-

kale.

ay dhallintu mooganayn siyaasadda, waxa

V. Gunaanad:

wariyaha u muuqdaanna aanay ahayn

Shaki kuma jiro in dhallintu ay hormuud u yihiin horumar kasta oo dalku higsanayo— mid siyaasadeed, mid dhaqaaleed, iyo mid bulsheed. Si loo helo dhallinyaro buuxin

xaqiiqada dhabta ah ee jirta—guuxa hoose iyo dareenka qarsoon ee dhallinyarada ka guuxayaanna uu bannaanka u soo bixi doono gooray noqotaba.

karta kaalintaas, waxaa lagamamaarmaan

Afar sanno ka dib hadalkii Sarter (1968),

ah, inay ugu horrayn la yimaaddaan arag-

ayaa dhallintii Farance horseed ka noqdeen

ti midaysan iyo iskuduubni la mida kii ay la

cabashooyin gilgilay dalkii oo dhan, hors-

yimaaddeen dhallintii 13ka ahaa ee S.Y.L..

eedna u noqday isbeddel ka hanaqaaday

Caqabado kasta oo haysta dhallinta, haddana, haddii aragti midaysan la helo iyo daacadnimo waxaa hubanti ah, in dhal-

dalkaas, waxaana dadka qaar yiraahdeen, “Sarter, ma waxa uu wax ka ogaa guuxa dhallinta?!”

linyarada aan awooddooda la iska indha tiri

Waxaan soo xigashada Sarter uga gol leeya-

karin, noqon karaanna kuwa iyagu yeeriya

hay, in dhalinyaradu ay yihiin awood isbed-

waxa ay rabaan.

del oo haddii ay xooggooda gartaan aan cidi

Kaladaadsanaanta iyo damanaanta haysata dhallinyarada waxa uu noqon karaa mid uu ku xigo baraarug weyn oo beddela xaaladda haatan dalku ku sugan yahay. Waxaana hubanti ah, inaan dhallin badan maskaxdooda

20

hor istaagi karin, kala daadsanaanta iyo awooddarrada ka muuqataanna ay tahay mid aan lagu kadsoomi karin oo ay maalin uun u istaagi doonaan isbeddel ka dhaca Puntland—oo horseeda horumar dhaqaale, siyaasad, iyo bulsho.

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka



QAYB KA MIDA WAXQABADKII

22

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka


XARUNTA EE 2017

Dhalinyarada | doorka siyaasadda iyo horumarka

23



Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.