SPPS 2015-2016 PreK-12 School Selection Guide - Somali

Page 1

WAA XILIGII AAD DUGSI WANAAGSAN DOORAN LAHAYDEEN Xulashada Dugsiyada 2015-2016

TUSMADA XULASHADA DUGSIYADA 2015-16

XILIGA KAMA DAMBAYSTA DIIWAANGALINTA:

FEBARWARI 20, 2015

Arjiga ka buuxi bogga interneedka ee ah apply.spps.org

For translated copies of this guide, call 651-767-8110 or visit apply.spps.org | Para conseguir una traducción de esta guía, llame al 651-767-8110 o visite apply.spps.org | Yog xav tau phau ntawv qhia no ua lus Hmoob, thov hu rau 651-767-8110 los sis mus saib hauv apply.spps.org | Gacanqabsigan oo tarjuman si aad u hesho, soo wac Su'aal |ma Wacx651-632-3760 booqouapply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Febarwariwuh 20, >2015 | 1 651-767-8110 ama booqo: apply.spps.org erh>qabtaa? vd.b.w>Ck XuFdAvHmw>eJ.usama JtHRvXAunD sdmM.<AqJ;usd;b.A651=767=8110Arh wrh>AvJREkDiiwaangalinta: mvDRuG>b. apply.spps.org I


Khariirada dugsiyada xulashada iyo soonayaasha dugsiyada xaafada

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

2 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015

Si aad u doorato dugsiga ikhyaarkaadaha, ka soo saar aagaaga xuduudka loo yaqaan (A-F1/F2)

Raadi aagaada

Aaga dugsiga laga soo aadi karo Soonayaasha dugsiyada xaafada Waxaa kala qaybisa wadada 35E Xuduudaha F1/F2

KHARIIRADA DUGISYADA DADWEYNAHA EE SAINT PAUL 2015-16 MAP


Jadwalka Tusmada Khariirada Dugisyada Dadweynaha Ee Saint Paul 2015-16......................................................... 2

Khariirada Dugsiyada Dhexe...................................... 48

Ku Soo Dhawaada Dugsiyada Dadwaynaha 4 ee Saint Paul..................................................................

Sharaxaada Dugsiga Dhexe....................................... 51

Shaxda Tixraaca Dugsiyada Dhexe.......................... 49

Ogaysiiska Sanadlaha Ah Ee Ardayda 4 Naafada Ah.....................................................................

Khariirada Dugsiyada Sare......................................... 56

Xulashada Dugsiga Saxda U Ah Ilmahaada........... 5

Sharaxaada Dugsiga Sare.......................................... 60

Codsiga Dugsiyada....................................................... 6

Dugsiya Sare Oo Ka Nooc-Duwan Kuwa Caadiga Ah..................................................................... 63

Wakhtiga Iyo Taariikhda Iskuullada Ay Qabaan Open House..................................................

8

Gaadiidka Baska Ee Dugsiga..................................... 10 Muxuu Ilmahaadu Ka Baranayaa Dugsiyada Dadweynaha Ee Saint Paul........................................ 11

Dugsiyada Sare............................................................. 57

Ixtiraamidda Arday Walba Meeshuu Ka Soo Jeedo....................................................................... 64 Waxbarasho Aan Dhamaad Lahayn......................... 65

Waxbarasho Ku Salaysan Baahida Shakhsiga Ah 12

Iskaashatada Ayaa Ka Dhigaya Iskuuladeena Meel Wanaagsan........................................................... 66

Barmaamijka Xanaanada Ka-Hor.............................. 13

Su’aalaha Had Iyo Jeer La Iswaydiiyo..................... 67

Barmaamijya La Dar-Dar Galiye................................. 15 Kuleejka Iyo Barnaamijka Diyaarinta Shaqooyinka.................................................................. 15 Barashada Luuqadaha Badan....................................
 17 Adeega Waxbarashada Gaarka Ah.......................... 19 Barmaamijta Waxbarashada Gaarka Ah................. 23 Dugsiyada Waxbarashada Gaarka Ah..................... 23 Barnaamijyada Dugsiyada Kahor Iyo Ka Dib......... 24 Barmaamijyada Taageerada Ardada........................ 27 Tacliin Fasalka Dhaafsan............................................. 29 Khariirada Dugsiyada Hoose..................................... 30 Shaxda Tixraaca Dugsiyada Hoose......................... 31 Tixraaca Shaxda Dugsiyada Hoose......................... 34

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

DUGSIYADA DADWEYNAHA SAINT PAUL: WAXAY ARDAYDA SIINAYAAN DUNI DHAN OO FURSADO AH

MAALINTA UGU DAMBAYSA EE ARJIGA LA SOO CELIN KARO: Febarwari 20, 2015.

Arjiyada fasalada oo dhan waa in la helaa ugu dambayn 20-ka Febarwari. • Isticmaal arjiga la socoda tusmadan ama ka buuxi baraha interneedka apply.spps.org. • Tusmadan waxaad ka heli kartaa Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul, Maktabadaha iyo Xarunta Meelaynta Ardayda. • Hadii aad wakhtigii loogu talagalay ku keento arjiga, waxaad fursad weyn u leedadhay in aad hesho dugsiga adiga dookhaada ah. Waxaan kugula talinaynaa in aad qoratid dugsiga hoose, dhexe ama sare ee xaafadaada in aad ka dhigato midka dookhaada ah.

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 3


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

KU SOO DHAWAADA DUGSIYADA DADWAYNAHA EE SAINT PAUL Asxaabta qaaliga ah: Guud ahaan 28-dii sano oo aan ku howlanaa Saint Paul Public Schools, imaysan soo marin xilli waxbarashada dadweynana ay ka xiisad badnayd shantan sano ee ugu dambeysay oo aan ahaa Maamulaha/Superitendant. Iskuullada waddanka oo idil khaasatan kuwa ay ardada kala jinsiyadaha ah wax ku bartaan sida degmadeena oo kale, waxaan noo sii kordhay fahamka ah in si loo gaaro sida ugu haboon ee loo daboolo baahida waxbarasho ee ilmo kasto ay tahay in la ogaado inuu yahay shakhsi gaar ah oo muhiim ah. Waxyaabaha aan samayno waxaa kamid ah kordhinta aqoonta tiknoolojiyadda anagoo adeegsanayno ku isticmaalidda iPadyo iskuullada oo idili sanad iskuuleedka 2015-16. Sidoo kale waxaan ku dadaalnaa inaan u fidinno ardada waxbarasho si xooggan oo sinaan ku dheehanatahay uga turjumaysa isirrada iyo daqammada qoysaska iyo dhamaan ardada dhigato iskuuladeenu. Arday kasto oo ku nool St. Paul wuxuu xaq u leeyhay waxbarasho heer sare waana waxbarashada noocaas ah tan aniga iyo kooxdayda naga go’an inaan u fidino. Waxaan si dhab ah u rumaysnahay in mid kasto oo ka mid ah iskuulladayada uu ardayga iyo qoyskiisuba ka haqab tiri karo baahidooda waxbarasho. Hadii aad su’aal qabtid fadhalan kala soo xiriir shaqaalaha ku sugan xarunta diiwaan-galinta ardada 651-632-3760. Waxaan sugayaa waa in aan marinnada dismayaasha iskuullada ku arko ilmahaagu oo ay farxad wajigiisa ka muuqato. Waxaan idiin rajaynayaa wanaag badan,

Superintendent Valeria Silva

Follow the Superintendent on Twitter @SPPS_SuptSilva

Ogaysiiska Sanadlaha ah ee Ardayda Naafada ah

Dugsiyada Dadwaynaha ee Saint Paul waxaa ka go’an inay siiyaan arday walba oo degan degmada waxbarasho lacag la’aan ah oo ku haboon. Waxay degmadu u qasdaysaa in ay xaqiijiso in ardayda naafada ah sida lagu qeexay qaybta 504 ee qaanuunka baxnaaninta ee soo baxay 1973 in la qeexaa, la qiimeeyaa, markaasna la siiyaa adeeg ku haboon oo macquul ah. Wixii akhbaar dheeraad ah, fadlan la xiriir Jennifer Nordstrand, qaybta 504 ee adeegyada, Dugsiyad Dadwaynaha ee Saint Paul, 651-767-8382; jennifer.nordstrand@spps.org.

4 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


XULASHADA DUGSIGA SAXDA U AH ILMAHAADA 2. Booqo baraha interneedka apply.spps.org si aad u hesho macluumaad dheerad aha. Gali ciwaanka gurigaada meesha ay ku qorantahay (finder) si aad u xaqiijiso aagaada iyo soonaha dugsiga xaafadaada, ka dibna dib u eeg dugsiyada aad kala dooranaysid. 
 3. Ka soo qaybgal kulanka xulashada dugsiyada ee dhici doona Sabti, 10-ka Janaayo ee 2015 9:30 subaxnimo ilaa 2galabnimo. Shaqaale dugsiyada ka kala yimid ayaa diyaar kuu ah si ay uga jawaaban su’aalaha. 

 Goobta: Saint Paul River Centre, 175 West Kellogg Blvd., Farasmaagalaha Saint Paul. booqo spps.org wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan kulanka xulashada dugsiyada. 4. Booqo dugsiyada aad xiisaynaysid xiliga jiilaalka (winter) maalmaha kulamada waalidiinta. Taariikhda iyo wakhtiga fadlan ka fiiri boga 8. 5. Akhbaartii ugu danbaysay iyo jawaabaha aad u baahantahay, kawac Xarunta diiwan-galinta Ardayda 651-632-3760. 6. Diiwaangali ilmahaada kahor February 20,2015, dooro ugu yaraan labo dugsi, 1-aad iyo 2-aad. Isticmaal arjiga tusmada ama booqo apply.spps.org.

MAALINTA UGU DAMBAYSA EE ARJIGA LA SOO CELIN KARO: Febarwari 20, 2015. Arjiyada fasalada oo dhan waa in la helaa ugu dambayn 20-ka Febarwari. • Isticmaal arjiga la socoda tusmadan ama ka buuxi baraha interneedka apply.spps.org.

• Tusmadan waxaad ka heli kartaa Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul, Maktabadaha iyo Xarunta Meelaynta Ardayda. • Hadii aad wakhtigii loogu talagalay ku keento arjiga, waxaad fursad weyn u leedadhay in aad hesho dugsiga adiga dookhaada ah. Waxaan kugula talinaynaa in aad qoratid dugsiga hoose, dhexe ama sare ee xaafadaada in aad ka dhigato midka dookhaada ah.

Arimo Muhiim ah Pathways
 (Tubta-Tacliinta)

Dugsiwalba iyo barnaamijwalba oo magnet ah ama gaar ah wuxuu leeyahay tub-tacliin taas oo hab uu usii wato ardaygu usiinaysa waxbarashada laga bilaabo xanaanada ilaa iyo Dugsiga sare. Tubta-tacliintu waxay ardayda siinaysaa fursado ay wax kula bartaan, kulana koraan ardayda kale, kuwaas oo ku nool meel u dhow ama ay isku hami yihiin.

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

1. Daalaco tusmadan si aad u ogaato dugsiga ku haboon ilmahaada. Hadii uusan ilmahaadu ka diiwaangashanayn Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul, waxaad u baahantahay in aad arji soo buuxisid.

Soonayaasha Dugsiyada Xaafada

Soonayaasha dugsiyada xaafadu waa aaga juqoraafi ee dugsiga u dhow. Ardayda dugsiyada hoose ee ku nool gudaha soonaha dugsiyada xaafada waxay helayaan ogolaanshaha mudnaanta ugu wayn leh ee dugsiyadaas lagu doorto.

Aaga

Aaga xuduudaha ee (A-F1/F2) waxay ka koobanyihiin lix xuduudood juqoraafi ahaan oo isga gudba degmada. Aaga dugsiga laga soo aadi karo waxaa loo isticmaala in ay qoysaska ka caawiso helitaanka dugsiga ugu dhow gurigooda. Si aad u aragto aaga aad degantahay, daalaco khariirada bogga 2-aad.

Dugsiyada Magnet-ka ee Degmada iyo Gobolka

Dugsiyada loo yaqaano Magnet waxay diirada saaraaan maadooyinka waxbarashada xudunta u ah oo ay ka midka yihiin akhriska,xisaabta, iyo seyniska oo ay waliba xooga sii saarayaan qaybo gaar ah. Inta-badan, barnaamijyadanu diyaar ayay caruurta u yihiin laga soo bilaabo xanaanada ilaa fasalka 12-aad. Tusaalooyinka barnaamijyadan gaarka ah waxaa ka mid ah barnaajiyada xooga saara luuqadaha, diyaaradaha iyo cilimiga farshaxanka.

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 5


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

CODSIGA DUGSIYADA Fadlan ku cadeee arjigaada labada dugsi ee dookhaada ah. Dugsiga dookhaada ah waxaa loo fiirin habka aad adigu isugu xijisay. Tusaale, dugsiga aad u dooratay midka koowaad waxaa loo aqoonsanayaa in uu yahay midkaada koowaad, markaas ayaa laguu raadin kii u dhigmayay. Ardayda aan laga aqbalin dugsigoodii ay doorteen waa lala soo xiriiridoonaa si loo siiyo fursad kale oo ay dugsi kaga doortaan dugsiyada la heli karo. Arji loogama baahna in ay buuxiyaan ardayda hada dhigata SPPS kuwaas oo galaya fasalada 6-aad ama 9-aad.. Ardayda waxaa lagu qorayaa dugsiga xaafadooda, qaybta ama degmadooda ee magned-ka ah iyadoo loo eegayo ciwaanka gurigooda iyo barnaamijka ay hada ku qoranyihiin. Ardayda danaynaysa dugsiyo ka duwan kuwa xaafadooda, qaybta ama barnaamijyo degmad dhan laga soo aadi karo waxay u baahanyihiin in ay arji soo buuxiyaan si looga baarandago ogolaanshohooda. Ka dib marka ardayga la diiwaangaliyo, wuxuu isku qorayaa maadooyinka dugsiga uu ka diiwaan gashanyahay. Qodobo dhowra oo ahmiyadle ayaa la’eegayaa inta aan ardayda dugsiga loo ogolaanin. Ahmiyadaani waxay qoyska ku caawinaysaa in ay isla joogaan, ku dhiirigalinaysaa in ay wax ku bartaan dugsi gurigooda u dhow, oo ay helaan barnaamijyo iyo adeegyo, kuwaas oo gaarsinaya in dugsiyadeenu wax ku bartaan arday ka soo jeedo qoomiyada kala duwan.

Jaleecada Ahmiyada Ogolaansha ah Xanaanada Kahor Pre-K*

Dugsiyada Hoose Dugsiyada Xaafada/ Community

Gobol
/Regional

Dugsiyada Dhexe iyo kuwa sare Degmo
/District

1

Dugsiyada Soonaha Xaafada (Community School Zone)

Dugsiyada Soonaha Xaafada (Community School Zone)

Qayb ama Gobol (Regional)

La-xiriirta ama matalaysa Saint Paul 
(Reflecting St. Paul)

Magnet/ Articulation

2

Aagga (Area)

Muujinaya ama matalaysa Saint Paul 
(Reflecting St. Paul)

Muujinaya ama matalaysa Saint Paul 
(Reflecting St. Paul)

Muujinaya ama matalaysa Saint Paul 
(Reflecting St. Paul)

Aaga (Area)

3

Qayb ama Gobol (Regional)

Tixgalin siin Shaqaale gaara (Specific Employee Consideration)

Tixgalin siin Shaqaale gaara (Specific Employee Consideration)

Degmo (District)

Tixgalin siin Shaqaale gaara (Specific Employee Consideration)

4

Degmo (District)

Aaga (Area)

Degmo (District)

Ka baxsan Degmada (Out of District)

Qayb ama Gobol (Regional

5

Ka baxsan Degmada (Out of District)

Degmo (District)

Ka baxsan Degmada (Out of District)

6

Ka baxsan Degmada (Out of District)

Degmo (District) Ka baxsan Degmada (Out of District)

* Ogow: Dhamaan barnaamijyada Xanaanada kahor ee (Pre-K) waxaa ahmiyada diiwaan galinta loo eegayaa dhaqaalaha qoyska, luuqada guriga lagaga hadlo iyo haday u baahan yihiin waxbarashada gaarka ah. 6 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


CODSIGA DUGSIYADA Soonaha Dugsiga Xaafada: Ahmiyadani waxay khusaysaa ardayda dugsiyada hoose oo dhan. Waxaa ahmiyada la siinayaa ardayda degan soonaha dugsiyada xaafada si ardayda degan xaafada dugsiga u galaan. Muujinaya St. Paul: Ahmiyada aqbalaadani waxay ku salaysantahay deganaansha aha cinwaan ku yaala xaafad ay baahi badani ka jirto, taas oo lagu qeexay saamiga deganaadayaasha mudan in la siiyo qado lacag la’aan ah ama qiimo jaban; saamiga degaanadayaasha luuqadooda gurigu ahayn Ingiriis; iyo inta aqoonta akhriska iyo xisaabtu la’egtahay ardayda xaafadaas degan. Kadib marka ardayda loo ogolaado dugsiga soonaha xaafada, dugsiyada ku yaala xaafadaha faqrigoodu hooseeyo waxaa boqolkiiba 20 kuraasta la heli karo loo gaar yeelayaa ardayda degan xaafadahaas. Liistada dugsiyadaas ee hada waa: Capitol Hill Gifted and Talented, Chelsea Heights Elementary, Expo Elementary, Groveland Park Elementary, Highland Park Elementary, Horace Mann School, Jie Ming Mandarin Immersion Academy, J.J. Hill Montessori, L’Etoile du Nord French Immersion (Lower and Upper Campus), Randolph Heights Elementary, and St. Anthony Park Elementary. Akhbaar dheeraada ah wac Xarunta Meelaynta Ardayda 651-632-3760. Aagga: Ahmiyada waxaa la siindoonaa ardayda ku nool xuduudka aaga la aqoonsaday (A-F1/F2), balse ka baxsan soonaha dugsiga xaafada. Gobol: Waxaa ahmiyada la siindoonaa ardayda codsanysa in ay galaandugsi cinwaankooda dugsi-goboleed Magnet u ah. Degmada: Waxaa ahmiyada la siindoonaa ardayda codsanysa in ay galaan dugsi-degmo oo Magnet-ah, ardaydaas oo ku nool xuduuda ay ka koobantahay Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul. Ka baxsan degmada: Ardayda ku nool meel ka baxsan Magaalada Saint Paul waa loo ogolaan in ay galaan dugsiyada degmada.

Tixgalin muhiim ah ka hor intaadan codsanin dugsiga • Xaqiiji in la heli karo gaadiid kaa soo qaada gurigaada oo ku keena dugsigaad dooratay.

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Sharaxaada Ahmiyadaha

• Fiiro gaara u yeelo siday u socdaan barnaamijyada dugsiyada loo yaqaano magnet-ka loga bilaabo dugsiyada hoose, kuwa dhexe iyo kuwa sareba. • Barnaamijyada waxbarasho ee dugsiga ka hor iyo ka dib waa laga heli karaa aagaga oo idil, laakiin ma aha dugsiyada oo dhan. Dooro dugsiga leh adeega aad u baahantahay. • Hadii aad codsato dugsi ka baxsan aagaaga ama dugsiyada xaafadaada, waxaad u baahantahay in aad saxiixdo warqad cadaynaysa in aadan gaadiid xaq u lahayn ood adigu ilmahaada dugsiga gaynaysid ood ka soo qaadanaysid.

Tixgalin siin Shaqaale Gaar ah: Ahmiyada waxaa la siindoonaa ilmaha ay dhaleen shaqaale ku jira ururada shaqaalaha ee Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul. Ahmiyadan ma saamaynayso ardayda codsanaysa in ay galaan dugsiga Capital Hill iyo barnaamijyada xanaanada ka hor. Fadlan ogow: Caruurta ay walaalahood hada dhigtaan dugsiga la codsaday waxay helayaan ahmiyadaha ogolaansha ah oo dhan, hadii aan si gaar ah wax diidaya loo sheegin. Si aad xaq ugu yeelato ahmiyada walaalnimada loo ogolyahay waxaa khasab ah in uu ilmo kuu dhigto dugsiga aad la codsaday sanad dugsiyeedka 2014-2015 markaasna uu sii dhigandoono sanad dugsiyeedka 2015-2016.

Isticmaal aalada looyaqaan School Finder ee ka booqon karto apply.spps.org si aad interneedka iskuulkaad jeceshahayuga xulato.

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 7


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

WAKHTIGA IYO TAARIIKHDA ISKUULLADA AY QABAAN OPEN HOUSE

Fadlan soo wac dugsiga oo hubso wakhtiga iyo taariikhda la qabanayo open house. Saacadaha qaarkood waxaa laga yaabaa inay isbadalaan.

Magaca Dugsiga

TTaleefoonka

TTaariikhda

Saacada

Adams Spanish Immersion

651-298-1595

Janawari 29, 2015

6:30 - 7:30 galabnimo

AGAPE High School

651-228-7746

Febarwari 26, 2015

4 - 8 galabnimo

American Indian Magnet

651-778-3100

Febarwari 13, 2015

6 - 8 galabnimo

Battle Creek Elementary

651-744-4130

Janawari 29, 2015

6 - 7 galabnimo

Battle Creek Middle

651-293-8960

Janawari 27, 2015

5 - 7 galabnimo

Benjamin E. Mays IB World School

651-325-2400

Janawari 29, 2015

6 - 7 galabnimo

Bruce F. Vento Elementary

651-293-8685

Janawari 22, 2015

9 - 11 subaxnimo

Capitol Hill Gifted and Talented

651-325-2500

Febarwari 5, 2015

6 - 7 galabnimo

Central Senior High

651-744-4900

Febarwari 5, 2015

6 - 8 galabnimo

Chelsea Heights Elementary

651-293-8790

Daawashada/kormeerka Shakhsiga ah- Iskuulka Wac

Cherokee Heights Elementary

651-293-8610

Febarwari 5, 2015

5:30 - 7:30 galabnimo

Como Park Elementary

651-293-8820

Febarwari 5, 2015

5 - 6 galanimo

Como Park Senior High

651-293-8800

Febarwari 3, 2015

6 - 8 galabnimo

Creative Arts Secondary

651-292-3480

Janawari 20, 2015

6 - 8 galabnimo

Crossroads Montessori

651-767-8540

Janawari 22, 2015

5 - 6 galabnimo

Crossroads Science

651-767-8540

Janawari 22, 2015

5 - 6 galabnimo

Dayton’s Bluff Achievement Plus

651-293-8915

Janawari 21, 2015

9 subaxnimo. - 2 galabnimo

Eastern Heights Elementary

651-293-8870

Febarwari 9, 2015

10 - 11:30 subaxnimo

EXPO Elementary

651-290-8384

Janawari 27, 2015

5 - 7 galabnimo

Farnsworth - PreK-4 Campus (Lower)

651-293-8675

Janawari 13, 2015

10 subaxnimo - 2 galabnimo

Farnsworth - 5-8 Campus (Upper)

651-293-8880

Janawari 13, 2015

5 - 7 galabnimo

Four Seasons Arts+

651-290-7595

Janawari 22, 2015

8:30 - 10 subaxnimo 5:30 - 6:30 galabnimo

Frost Lake Elementary

651-293-8930

Janawari 29, 2015

5:30 - 7 galabnimo

Galtier Community School

651-293-8710

Janawari 15, 2015

5:30 - 7 galabnimo

Gordon Parks High School

651-744-1212

Febarwari 12, 2015

5:30 - 7:30 galabnimo

Groveland Park Elementary

651-293-8760

Febarwari 10, 2015

5 - 7 galabnimo

Hamline Elementary

651-293-8715

Janawari 22, 2015

6 - 7:30 galabnimo

Harding Senior High

651-793-4700

Janawari 26, 2015

5 - 6:30 galabnimo

Hazel Park Preparatory Academy

651-293-8970

Febarwari 3, 2015

5 - 7 galabnimo

Highland Park Elementary

651-293-8770

Janawari 15, 2015

5:30 - 7 galabnimo

Highland Park Middle

651-293-8950

Janawari 22, 2015

6 - 8 galabnimo

Highland Park Senior

651-293-8940

Janawari 22, 2015

6 - 8 galabnimo

Highwood Hills Elementary

651-744-3290

Janawari 22, 2015

5:30 - 7 galabnimo

Horace Mann School

651-293-8965

Janawari 21, 2015

5 - 6:30 galabnimo

Humboldt High School

651-293-8600

Janawari 21, 2015

5:30 - 7 galabnimo

J.J. Hill Montessori

651-293-8720

Febarwari 5, 2015

5:30 - 6:30 galanimo

8 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


Fadlan soo wac dugsiga oo hubso wakhtiga iyo taariikhda la qabanayo open house. Saacadaha qaarkood waxaa laga yaabaa inay isbadalaan.

Magaca Dugsiga

TTaleefoonka

TTaariikhda

Saacada

Jackson Elementary

651-293-8650

Febarwari 9, 2015

2 - 6 galanimo

Jie Ming Mandarin Immersion

651-293-8715

Janawari 15, 2015

5 - 7 galabnimo

John A. Johnson Achievement Plus

651-793-7300

Febarwari 5, 2015

5 - 6:30 galabnimo

Johnson Senior High

651-293-8890

Janawari 28, 2015

5:30 - 7 galabnimo

L'Etoile du Nord French Immersion

651-221-1480

Janawari 22, 2015

5:30 - 6:30 galab
waa lagu qaban iskuulka hoose

LEAP High School

651-228-7706

Janawari 15, 2015

4 - 7 galabnimo

Linwood Monroe Arts Plus - Lower Campus (Linwood)

651-293-6606

Janawari 27, 2015

6 - 7:30 galabnimo

Linwood Monroe Arts Plus - Upper Campus (Monroe)

651-293-8690

Janawari 22, 2015

6 - 7:30 galabnimo

Maxfield Elementary

651-293-8680

Janawari 22, 2015

6 - 7 galanimo

Mississippi Creative Arts

651-293-8840

Febarwari 12, 2015

5:30 - 6:30 galanimo

Murray Middle

651-293-8740

Febarwari 5, 2015

6:30 - 8 galabnimo

Nokomis Montessori - North Campus

651-744-7440

Janawari 29, 2015

10 - 11 subaxnimo and 6 - 7 galabnimo

Nokomis Montessori - South Campus

651-744-5500

Janawari 29, 2015

2 - 3 galabnimo and 6 - 7 galabnimo

Obama Elementary

651-293-8625

Janawari 21, 2015

8 subaxnimo - 3 galabnimo

Open World Learning Community

651-293-8670

Janawari 15, 2015

6:30 - 8 galabnimo

Parkway Montessori and Community Middle School

651-744-1000

Febarwari 5, 2015

5 - 6:30 galabnimo

Phalen Lake Hmong Studies

651-293-8935

Febarwari 9, 2015

8:30 subaxnimo - 3 galabnimo

Ramsey Middle

651-293-8860

Randolph Heights Elementary

651-293-8780

Febarwari 5, 2015

5:30 - 7 galabnimo

Riverview West Side School of Excellence

651-293-8665

Febarwari 5, 2015

6 - 7 galabnimo

Saint Paul Music Academy

651-293-8795

Febarwari 4, 2015

5 - 7 galabnimo

St. Anthony Park Elementary

651-293-8735

Febarwari 3, 2015

5:30 - 6:30 galabnimo

The Heights Community School

651-293-8815

Janawari 14, 2015

10 - 11:30 waad codsan kartaa dawaashada/kormeerka shakhsiga ah

Washington Technology

651-293-8830

Janawari 22, 2015

6 - 8 galabnimo

Wellstone Elementary

651-290-8354

Janawari 20, 2015

4:30 - 6 galabnimo

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

WAKHTIGA IYO TAARIIKHDA ISKUULLADA AY QABAAN OPEN HOUSE

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 9


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

GAADIIDKA BASKA EE DUGSIGA Qawaaniinta Gaadiidka

Ardayda dugsiga hoose ee u dhaxaysa xanaanada ka hor ilaa fasalka 5-aad (Prek5), kuwaas oo ku nool meel dugsiga u jirta in ka badan nus-mayl waxay helayaan gaadiid; ardaydaa dugsiga dhexe iyo kan sare (6-12), kuwaas oo degan meel dugsiga u jirta in ka badan hal-mayl waxay helayaan gaadiid marka loo eego tusamada gaadiidka.

Gaadiidka Baska ee Soonayaasha Dugsiyada Xaafada

Ardayda ku nool Aaga dugsiyada xaafada xuduudka (A-F1/F2) waxay helayaan bas. Ardayda khasab kuma ah in ay doortaan dugsiyada xaafadooda, balse looma balanqaadayo gaadiid ay ku tagaan dugsi ka baxsan xaafadooda hadii aysan si kale xaq ugu yeelanin tusmada gaadiidka.

Gaadiidka baska Dugsiyada Magnet Goboleed

Ardayda ku nool mid ka mid ah Aaga xuduudka (A-F1/F2) ee Dugsiyada Magnet Goboleed-ku u qaabilsanyahay waxay helayaan bas.

Gaadiidka Baska Dugsiyada District Magnet

Ardayda ku nool gudaha degmada Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay helayaan gaadiid.

Sida ugu sahlan ee dugsiga lagu tagi karo waa raacida baska dugsiga. Qoysasku waxay heli doonaa macaluumaadka meesha basku istaago dhamaadka bisha Agosto wax yar ka hor intuusan dugsigu bilaaban.

Gaadiid waxaa laga yaabaa in laguu helo haddii: • Ciwaanka gurigaada ama meesha xanaanada ilmhaadu ay ku taalo Aaga loo cayimay dugsiga (S-F1/F2). Eeg khariirada tusmadan, ama isticmaal adeega School Finder apply.spps.org si aad u ogaatid adeega Aaga laguu cayimay. • Ardaygaadu dhigto fasalada Xanaada ka hor ilaa 5-aad isla markaana ku noolyahay meel dugsiga u jirta in ka badan nus-mayl. Hadii gurigaadu u jiro dugsiga nus-mayl ama ka badan, ardaygaadu gaadiid wuu helayaa marka loo eego habka tusmada gaadiidka. Tan waxaa soo raaca ardayda xanaanada ilaa 5-aad ee dhigta dugsiyada xanaanada8-aad. • Ardaygaadu dhigto fasalada 6-12-aad isla markaana ku noolyahay meel dugsiga u jirta in ka badan hal-mayl. Hadii gurigaadu dugsiga u jiro hal-mayl ama ka badan, ardaygaadu gaadiid wuu helayaa marka loo eego habka tusmada gaadiidka. • Ardaygaadu dhigto barnaamij gobol ama degmo oo Magnet U ah Aaga ay deganyihiin. • Ardaygaadu ku jiro barnaamijka Xanaanada ka hor. Barnaamjika Xanaanada ka hor ee subaxdii, ardayda waxaa si koox ah looga qaadaa meesha basku istaago; marka lakeenayo waxaa lagu dajiyaa guriga ilmaha ama meel u dhow. Barnaamika Xanaanada ka hor ee galabtii, ardayda waxaa laga qaadaa guriga ilmaha ama meel u dhow; marka lakeenayo, waxaa lagu dajiyaa si koox ah meeshuu basku istaago. NOTE: Qoysasku waxay u baahanyihiim in ay ilmahooda gaystaan dugsiyada hadii aysan xaq u yeelanin baska dugsiyada marka la’eego tusmooyinkan. Wac Xarunta Meelaynta Ardayda 651-632-3760 hadii aadan hubin in ilmahaadu xaq u leeyahay raacitaanka baska dugsiga aad dooratay.

Iskuulka Johnson Senior High School Ayaa Iskhaashi Kala Samaynayaa Gadiidka Metro Transit Sidii Sacaadaha Iskuulku Bilaabmayo Dib Loogu Dhigi Lahaa

Jawaab-celin laga ururinayay bulshada sanadka oo idil , ayaa in badan oo qoysaska SPPS ay ku cadeyeen rabitaankooda ah in saacadaha uu iskuulku ubilaabmayo ardada dugsiga sare dhib loo dhigo. Iskuulka sare ee Johnson, ayaa si uu u hubiyo saamaynta uu yeelani karo isbedel noocaan oo kale, ayaa horseedayo qorshe ah in ardadu yimaadaan iskuulku 8:30 subax eyaga oo isticmaali karo gadiidka Metro Transit. Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan barmaamijka booqo barta johnsonsr.spps.org.

10 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay ardayda siinayaan hab barasho iyo tacliineed oo ku salaysan baahida shakhsiga. Madooyinka muhiimka ah iyo nashaadaadka waxbarashaba waxaa loogu talagalay inta ugu badan ee suurta gal ah in ay la saanqaadaan awooda waxbarasho ee ardaywalba.

Xanaanada ka hor ardaydu waxay barandoonaan:

• Xirfadaha akhriska, qoraalka iyo xisaabta • Sidii loo xoojin lahaa kobcinta hab dhaqankooda, jirkooda iyo dareenkooda • Wadashaqaynta ardayda dhexdooda iyo dadka • Xirfado dheeraad aha si ay ugu diyaar noqdaan Xanaanada

Fasalada Xanaanada ilaa 5-aad waxay barandoonaan:

Fasalada 9-aad 12-aad waxay barandoonaan:

• Luuqada Ingiriisiga, suugaanta Marayknaka iyo suugaanta Aduunka

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

MUXUU ILMAHAADU KA BARANAYAA DUGSIYADA DADWEYNAHA EE SAINT PAUL

• Aljabrada dhexe, Jiyomatari, Aljabrada 2-aad, falanqaynta macluumaadka iyo xisaabaadka, qiyaasaadka, tirignoomatari, iyo kalkulaas • Seyniska maadiga ah, cilimga naflayda, cilmiga fisigiska • Taariikhda Aduunka, juquraafiga dadka, taariikhda Maraykanka, dowlada, iyo dhaqaalaha

• Akhriska, qoraalka iyo hadalka oo ku salaysan halbeega Minnesota ee Luuqada Ingiriisiga • Xirfado dheeraad ah oo Luuqada Ingiriisiga la xiriira iyadoo laga baranayo heerka aqoonsiga caalamiga aha ee Qoraalka iyo Akhriska • Lambarada iyo shaqadooda,jiyomatari, aljabra iyo falanqaynta macluumaadka iyo xisaabaadka (DATA Analysis) oo ku dhisan halbeega xisaabta ee Minnesota • Barashada cilmiga bulshada, jir-dhiska, taariikhda, seyniska, farshaxanka, muusikada, qoobkaciyaarka, ama gurbaanka

Fasalada 6-aad 8-aad waxay barandoonaan:

• Xirfadaha akhrinta, qorista, xisaabta, taariikhda Minnesota iyo seyniska oo ku dhisan halbeega waxbarasho ee Minnesota • Luuqada Ingiriisiga iyadoo laga baranayo heerka aqoonsiga ee wadanka oo idil ah ee Qoraalka, Akhriska iyo cilmiga Luuqada Ingiriisiga • Xisaabaadka sida Aljabrada hore, aljabra, jiyomatari, falanqaynta macluumaadka iyo xisaabaadka, qiyaasaadka (probability), taariikhda Maraykanka, juquraafiga aduunka, seyniska noolaha iyo dhulka • Xirfado dheeraad ah oo ay ka baranyaaan dugsiga iyo taageerada lataliyayaasha iyo macalimiinta taas oo ka caawinaysa in ay ku guulaystaan dugsiga dhexe xaalada kala guurka

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 11


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

WAXBARASHO KU SALAYSAN BAAHIDA SHAKHSIGA AH Waxbarashada ku salaysan baahida shakhsiga ah waxay ka qayb qaadanaysaa in ardaywalba sida ugu fiican uu wax u barto. Ardayda qaar baa u baahan in ay maqalaan cashirka in ka badan hal mar. Qaar kale waxay rabaan in ay cashirka arkaan. Hal arday waxaa laga yaabaa in uu diyaar u yahay cashiro sare halka arday kale oo isku fasal yihiin uu u baahanyahay in uu ku celceliyo qaybihii hoose. Cashir tusinaya ardayga qomiyadiisa, dhaqankiisa ama luuqadiisa wuxuu waxbarashada ka dhigi karaa mid micno u leh.

Hordhaca iPad-yada

Sanado badan, Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay tignoolojiga la-falgalinayeen maadooyinka fasalka si loo hormariyo guusha waxbarasho ee ardayda iyagoo siinaya waxbarasho ku haboon ardaywalba baahidiisa. Si loo sii wado goolkaas, ardaywalba wuxuu hada helayaa iPad.

Maxaa ardaywalba iPad loo siinayaa?

iPad-ku waa aalad tignoolaji ah oo awood leh. Marka ardaywalba uu haysto iPad si uu asagu u isticmaalo, wuxuu ka dhigan karaa iPad-ka waxa la saan qaada baahidiisa waxbarasho si uu u gaaro danihiisa iyo habkiisa waxbarasho ee shakhsiga ah. iPad-ku wuxuu wataa kameero, interneed, qaybta warqadaha lagu qaro (word process), iyo waliba waxyaabo kale oo badan oo ay fududahay in la isticmaalo kuwaas oo loo yaqaan apps. Sidoo kale iPad-ku wuxuu leeyahay aalado ku dhisan dhexdiisa oo ka dhigaya waxbarashada mid fudud oo qofwalba jecelyahay. In gurigu interneed leeyahay khasb ma ahan. Waxkasta oo ardaygu u baahanyahay in uu ka isticmaalo iPadka waxaa iPad-ku loogu shubi karaa inta uu ardaygu iskuulka joogo. iPad-ku aad ayuu u sahlanyahay in la wato, baytarigiisuna wakhti dheer ayaa la isticmaali karaa, sidaa daraadeed, meelkasta ayaa waxa lagaga baran karaa.

Maxaa wixii hore ka duwan oo ardaydu samayn doonaa marka qof walba iPad haysto? • Si fudud ayay masruucyada uga wada shaqayn karaan, macluumaadkana isula wadaagi karaan dhexedooda iyo macalimiintoodaba. • Si dhakhsa ah ayay interneedka uga fiirinkaraan kalmadaha ama jawaabaha ay rabaan markaas si aysan su’aashii jawaab la’aan uga tagin. • Waxay baari karaan ahraamta Masar ku taal ama falagyada fogfog iyagoo isticmaalaya dhaqadhaqaaqa iyo sawirada kumbiyuutarka. • Waxay isticmaali barnaamijyo farabadan (apps) si ay u sharaxaan shaqada iskuulka, sida barnaamijka sawirada kaas oo micna u samaynaya dadka aragtida wax ku barata. • In ay duubtaan tilmaamaha iyo sharaxaada macalinka si ay hadhow u dhagaystaan si markaas ay u xoojiso fahamkooda iyo barashadooda.

Liistada dugsiyada iPad-ka le oo dhamaystiran boggan ka fiiri 31-34, 49-51 and 57-59. Dugsiyada kale oo dhan waxay iPad helayaan sanad dugsiyeedka 2015-2016. Wixii dheeraad ah ka sii akhriso personalizedlearning.spps.org, halkaan waxaad ka helaysaa buuga gacanta ee iPad-ka ee ardayda iyo qoysaska iyo waliba akhbaar dheeraad ah oo ku saabsan nabad galiyada la xiriirta iPad-ka. 12 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


BARMAAMIJKA XANAANADA KA-HOR (PRE-KINDERGARTEN)

Fasalada intooda badan waa 2.5 saacadood, goobaha qaarkoodna waxay qabaan barnaamij maalintoo dhan ah. Fasalad oo dhan way jiraan shanta maalmood ee asbuuca. Caruurta noqonaysa afar jir markii la gaaro 1-ad Sebteembar 2015, kuwaas oo degan Saint Paul waxay xaq u yeelanayaan in ay galaan barnaamijka Xanaanada kahor ee Dayrta (fall) 2015.

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Waxaan aad ugu faraxsanahay in Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul in tooda badan ay leeyihiin barnaamijka Xanaanada kahor oo lacag la’aan ah. Barnaamijka Xanaanda kahor waa barnaamij la xaqiijiyay in uu caawinayo ardayda jirta afar sano si ay ugu diyaar noqadaan in ay ku guulaystaan waxbarashada dugsiga. Sanad dugsiyeedkii 2013-2014, boqolkiiba 83 ardaydeena barnaamijka xanaanada kahor way yaqaaneen alfabeetada (alphabets) taas oo ah mida ugu wayn ee sheegaysa in ardaydu ku guulaysandoonaan akhariska.

Fursada ugu wanaagsan in laga aqabalo barnaamijka Xanaanada kahor, soo dhamaysti arjiga ugu dambayn 21-ka Febarwari ee 2015. Hadii aad su’aal qabto ku saabsan barnaamijka Xanaanada kahor ee dugsiga, wac dugsiga aad xiisaynaysid. Hadii aad qabto su’aal caam aha oo ku saabsan barnaamijka, gaadiid helida, arjiga, wac Xarunta Meelaynta Ardayda 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org.

Qaaciidada Ogolaansha ah

Caruurta waa loo ogolaanayaa barnaamijka Xanaanada kahor iyadoo loo eegayo ahmiyado dhowr ah, oo ay ku jiraan in ay yihiin kuwo baranaya Luuqada Ingiriisiga; in ay xaq u leeyihiin cunto lacag la’aan ah ama qiimo jaban; ama in ay yihiin kuwa xaq u leh adeegyada barbaarinta caruurta ee waxbarashada gaarka ah (Especial Education).

Goobaha Barnaamijyada Xanaanada Kahor ee 2015-2016

Saacadaha Barnaamijka

J.J. Hill Montessori

2.75 saacadood

American Indian Magnet

2.5 saacadood

Jackson Elementary

2.5 saacadood

Battle Creek Elementary

2.5 saacadood

2.5 saacadood

Benjamin E. Mays IB World School

2.5 saacadood

Jackson Elementary Two-Way Immersion (Hmong)

Bruce F. Vento Elementary

2.5 saacadood iyo maalin buuxda

John A. Johnson Achievement Plus

2.5 saacadood

Linwood Monroe Arts Plus

2.5 saacadood

Maxfield Elementary

2.5 saacadood

Cherokee Heights

2.5 saacadood

Mississippi Creative Arts

2.5 saacadood

Como Park Elementary

2.5 saacadood

Nokomis Montessori (North)

2.5 saacadood

Crossroads Montessori

2.75 saacadood

Nokomis Montessori (South)

2.5 saacadood

Crossroads Science

2.5 saacadood

Obama Elementary

Dayton’s Bluff Achievement Plus

2.5 saacadood

2.5 saacadood iyo maalin buuxda

Eastern Heights

2.5 saacadood

Phalen Lake Hmong Studies

2.5 saacadood

EXPO Elementary

2.5 saacadood

2.5 saacadood

Farnsworth Aerospace

2.5 saacadood

Phalen Lake Hmong Studies Two-Way Immersion (Hmong)

Four Seasons Arts+

2.5 saacadood

2.5 saacadood

Frost Lake Elementary

2.5 saacadood

Riverview West Side School of Excellence

Galtier Community School

2.5 saacadood

2.5 saacadood

Groveland Park Elementary

2.5 saacadood

Riverview West Side School of Excellence Two-Way Immersion (Spanish)

Hamline Elementary

2.5 saacadood

Saint Paul Music Academy

maalin buuxda

Hazel Park Preparatory Academy

2.5 saacadood

Wellstone Elementary

maalin buuxda

The Heights Community School

2.5 saacadood 2.5 saacadood

Wellstone Elementary Two-Way Immersion (Spanish)

maalin buuxda

Highwood Hills Elementary

Fiiro gaar ah: booqo prek.spps.org si aad u hesho warbixintii ugu danbaysay. Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 13


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

BARMAAMIJKA XANAANADA KA-HOR (PRE-KINDERGARTEN) Horay U Galida Xanaanada (Kindergarten) Baarista Caafimaadka Caruurta waa Khasab Intaysan Dugsiga Galin kahor

Dhamaan caruurtu waa in ay maraan baaritaanka caafimaadka 30 maalmood gudahood marka diiwaangalinta xanaanadu dhacdo. Eegista caafimaadka waxaa ku jira hubinta talaallada iyo warbixinada caafimaadka, iyo eegista araga, maqalka, dhererka, miisaanka, hadalka iyo horumarka waxbarshada. Waxaan aad u dhiirigalinaynaa in caafimaadka caruurta la eego inta u dhaxaysa seddex iyo afar sanno jirka si loo aqoonsado wixii dhib ah ee laga yaabo inay ka carqaladeeyaan waxbarashada Dugsiyada Dadwynaha ee Saint Paul waxa farxad u ah inay siiso qoysaska baaristan caafimaad oo lacag la’aan ah. Balamaha waxaa heli kara caruurta ku nool gudaha xuduudd Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul. Si aad u samaysato baaris caafimaad, u hesho macluumaad ama liistada hay’adaha caafimaadka, wac xafiiska baarista caruurta 651-632-3746 ama booqo gostudentwellness.spps. org. Ilmahaada sidoo kale waxaa baari kara dhatarka qoyskaada ama bukaan eegto kale halkii ay kaa baadhilahaayeen Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul. Baaris caafimaad ma la heli karo Agoosto ama Sebtembar.

Ardayda galaysa Xanaanada xiliga dayrta (fall) 2015, waa in ay shan sano u buuxsantaa ugu dambayn 1-da Sebtemaber. Ilmaha dhalashadiisu ku aado inta u dhaxaysa 2-da Sebtembar ilaa 31-da Desambar wuxuu codsan karaa in loo ogolaado horay u aqbalida Xanaanada. Habka horay u ogolaanshaha waan in la eego ilmaha aqoontiisa iyo fahamkiisa, xirfadaha dhaqdhaqaaqa ama gacan wax ka samaynta, hadalkiisa, la dhaqankiisa bulshada iyo kobaca dareenkiisa ee fasalka. Eegista caafimaadkan waxay socotaa labo asbuuc oo ah Abriil ilaa May. In wakhti hore la galo Xanaanada waa go’aan muhiim ah kaas oo saamayn dheer ku yeelanaya horumarka waxbarasho ee ilmahaada. Dhamaan ardayda horay u soo gasha Xanaanada waa lala socon xiliga dayrta oo dhan (fall) si loo qiimeeyo hadii la dhaqankooda bulsho, dareenkooda iyo xirfadahooda waxbarasho ay muujinayaan awoodi laga rabay in ay ku sii wataan fasalka Xanaanada. Wakhti hore ayaa ardayda laga diiwangalindoonaa Xanaanda iyadoo loo eegayo natiijadii ka soo baxday baaritaankii caafimaadkooda. Ardayda lagula taliyay in ay horay u bilaabaan Xanaanada waxaa la diiwaangalindoonaa Kadib marka dhamaan ardayda xanaanda xaqa u leh la meeleeyo. Fadlan isu diiwaangali ogolaansha eegista caafimaadka Xanaanada ugu dambayn Talaadada, 14-ka Abriil, 2015. Ardayda waxaa lagu baari doonaa iskuul ka mid ah sikuullada SPPS. Macluumaad dheeraad ah, fadlan wac Xarunta Meelaynta Ardayda 651-632-3760.

Barnaamijka Waxbarashada Caruurta iyo Qoyska

Waxbarashada Jaaliyada ee Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay siinaysaa qoyska barnaamij wanaagsan kuwaas oo qoyska oo dhan si wada jir ah wax u baran karo. Caruurta u dhaxaysa dhalashada ilaa Xanaanada waxay baranyaan luuqada, akhriska iyo xisaabta iyadoo macalimiin leysan leh ay caawinayaan waalidiinta si ay u noqdaan macalinka koowaad ee ilmahooda iyo in ay horumariyaan xirfadahooda waalidnimo. Fasalada barnaamijka caruurta iyo qoyska waxay baxaan asbuuc walba xiliyada subixii, galabtii iyo habeenkii, waxaana lagu qabtaa dhamaan xaafadaha Magaalada Saint Paul, gaadiidna waa la helaa mararka qaarkood. Barnaamijku sidoo kale wuxuu leeyahay qayb qofka guriga loogu tagayo. Wax badan ka baro adigoo booqanaysid ecfe.spps.org ama wac 651-793-5410.

14 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


BARMAAMIJYA LA DAR-DAR GALIYE Horumarinta Fahmadda iyo Dar-dargalinta Adeegyada

Ardayda u baahan cashirada dardargalinta waxaa laga tixgaliyaa dugsi kasta. Arday badan ayaa ka faa’iida maadooyinka la dar-dar galiyay iyo cashirada ay ka bartaan baraha interneedka. Fasalada la dadajiyo waa waxa ugu dambeeya ee la aqabalo, kadib marka si faahfaahsan la isula eego waxbarashada, dhaqanka ijtimaaciga ah baahida niyada ee ardayga. Ardayda dugsiga hoose, SPPS waxay isticmaali qaaciidooyin dhowr ah (kuwaas oo ay ku jiraan awooda fahamka maskaxda imtixaanka/CogAt 7) si loo ogaado in ardaygu u qalmo adeega barnaamijka horumarinta fahamka iyo dardar galinta, kuwaas oo ay ka midyihiin barnaamijyo aad u sareeya iyo galida Capitol Hill Gifted and Talented Magnet. Waxaa sidoo kale barnaamijka horumarinta fahamka iyo dar-dar galinta adeega sii taageeraya waxbarashada ku dhisan baahida shakhsiga ee dugsi walba. Akhbaar dheeraad ah, wac 651-744-5007 ama booqo tdas.spps.org.

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay ardayda siinayaan fursad ay ku tijaabiyaan naftooda si ay u korto awoodooda, fahamkooda iyo danayntooda waxbarasho.

BARNAAMIJKA U DIYAARINTA KULEEJKA IYO SHAQOOYINKA Iyadoo loo marayo barnaamijyo waxbarasho oo kala duwan, ardaydu diyaar ayay u noqon karaan kuleejka, iyagoo helaya kiridhidka (credit) dugsiga sare iyo kuleejka, iyo barashada xirfado la xiriira shaqooyinka ay jecalyihiin.

Barnaamijka International Baccalaureate

Barnaamjka International Baccalaureate (IB) wuxuu ardayda ka qayb galinayaa halbeeg waxbarasho oo sare oo si caalami ah loo aqoonsaday. Shahaadada barnaamijkan waxaa laga bixiyaa Dugsiyada Sare ee Central, Harding iyo Highland Park. Maadooyinka barnaamijka waxay ardayda ka caawinayaan in ay helaan kiridhidyada (credits) kuleejka hadii ay helaan dhibco afara ama kabadan imtixaanka maadada ugu dambaysa. Ardaydaa u tartamaya in ay helaan shahaado dhamaystiran waxay heli karaan ilaa sanad buuxa oo kiridhidka (credit) kuleejka ah, taas oo ku dhisan natijada imtixaankooda. • Barnaamijka IB ee sanadaha Dugsiga Hoose (PYP/ Dugsiga Hoose): Dugsiyada hoose ee Benjamin E. Mays IB World iyo Highland Park • Barnaamijka IB Dugsiga Dhexe (MYP/Dugsiga Dhexe): Dugsiyada dhexe ee Highland Park iyo Ramsey • Barnaamijka IB ee Dugsiga Sare (DP/Dugsiga Sare): Dugsiyada sare ee Central, Harding iyo Highland Park Ogow: Hazel Park waa mid u taagan in uu noqodo Dugsiga labadaba IB PYP iyo IB MYP. Akbaar dheeraad ah, wac 651-744-5007 ama booqo tdas.spps.org.

Barnaamijka AVID (Advancement Via Individual Determination)

Barnaanijka AVID waa barnaamij wanaagsan kaas oo loo doorayo ardayda gaar ahaana fasalada 7-aad ilaa iyo 12-aad si ay waxbarashada kuleejka iyo wixii ka dambeeyaba ugu guulaystaan. Barnaamijka AVID wuxuu ardayda siinayaa kaalmo dheeraad ah, safaro la xiriira xirfadaha shaqooyinka, booqashada kulleejyada, iyo walibo deeq dhaqaale oo waxbarasho. Barnaamijku wuxuu caqabd ka horqaadayaa ardayda laga yaabo in ay yihiin kuwii ugu horeeyay qoyskooda ee kuleej gala, ama ah kuwo dhaqaalohoodu hooseeyo. Afartii sano ee ugu dambaysay, 10-kiiba 9 ardaydii ku jirtay barnaamijka AVID waxay galeen fursada waxbarashada sare isla markay dugsiga sare ka qalinjabiyeenba. Akhbaar dheeraad ah, la xiriir dugsiyada hoos ku qoran si aad ula hadasho agaasimaha barnaamika AVID ee dugsiga.

Dugsiyada AVID • • • • • • • • • • • • • • • •

American Indian Magnet Battle Creek Middle Capitol Hill Gifted & Talented Central Senior High Como Park Senior High Farnsworth Aerospace Harding Senior High Hazel Park Preparatory Academy Highland Park Middle Highland Park Senior High Humboldt High School Linwood Monroe Arts Plus Murray Middle Ramsey Middle Washington Technology Johnson Senior High

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 15


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

BARNAAMIJKA U DIYAARINTA KULEEJKA IYO SHAQOOYINKA Barnaamijka Advanced Placement iyo Maadooyinka Pre-AP

Fasallada AP-ga waa fasalo heer kuleej ah kuwaas oo marka ardayda imtixaanka laga qaado siinaya fursad ay ku helaan kiridhit kuleej (college credit) iyagoo wali ku jira dugsiga sare. Kuleejyada qaybta ka ah barnaamijka waxay ardaygii hela afar ama ka badan imtixaanka u ogolaanayaan kiridhidyada kuleejka. Fasakada APka hore waxay ardayda u diyaariyaan barnaamijka AP-ga oo dhamaystiran. Waxaa barnaamijka AP-ga hada bixiya Dugsiyada sare ee Como, Creative Arts Secondary, Humboldt, Johnson, Open World Learning, iyo Washington Technology. Akhbaar dheeraad ah, wac 651-744-5007 ama booqo tdas.spps.org.

Barnaamijka Kuleejka lagu dhex wado Dugsiga sare

Barnaamijkan waa fursad kale oo ardaydu ku heli karaan kiridhidyada kuleejka iyagoo dugsiga sare ku jira. Macalimiinta dugsiga sare oo ay tababareen barfasoorada Jaamacada Minnesota ayaa bixiya maadooyinkan. Waxaa barnaamijkan hada bixiya Central Senior High, Como Senior High, Highland Park Senior High, Humboldt High School, Johnson Senior High and Washington Technology. Akhbaar dheeraad ha, wac 651-744-5007 ama booqo tdas.spps.org.

Tacliina Tubta Shaqada

Barnaamijkan wuxuu ardayda siinayaa awood iyo fursad ay ku dhigtaan kuleejka Saint Paul kiridhidna ay kaga helaan. Ardaydu waxay qaadan karaan maadooyin ku saabsan ganacsiga, shahaado yar oo ku saabsan kalkaalisanimada, cilmiga kombiyuutarka, dhismaha iyo injineeriyada. Barnaamijka wuxuu u furanyahay ardayda AGAPE, dugsiyada sare ee Central, Como, Creative Arts Secondary, Gordon Parks, Harding, Highland Park, Humboldt, Johnson, Open World Learning Community iyo Washington Technology. Akhbaar dheeraad ah, wac 651-744-1312 ama booqo cte.spps.org.

Fursada Tacliinta Kadambaysa Dugsiga Sare

Baraamijkan wuxuu ardayda siinayaa fursad ay ku bilaabaan waxbarashada kuleejka iyaga oo wali ku jira dugsigii sare. Ardayda u qalanta ee fasalada 10aad ilaa 12-aad way codsan karaan si ay maadooyin uga qaataan kuleejyada ama jaamacadaha ku yaala Aagooda. Ardaydu maadooyin ayay ka qaadanyaan kuleejka si ay u helaan kiridhidyada dugsiga sare iyo kuleejkaba iyagoon wax lacaga ah bixinayn. Sidoo kale kiridhidyadan (credits) ardaygu wuxuu u gudbisan karaa kuleejka ama jaamacada uu doorto hadhow markuu dugsiga sare dhameeyo. Inkastoo maadooyinka intooda badan laga qaato kuleejka dhexdiisa, hadana waxaa jira in kuleejyada iyo jaamacadaha qaarkood ay qabaan maadooyink interneedka laga qaato. Kuleej iyo jaamacadwalba waxay leeyihiin xeerkooda ku aadan PSEO-ga. Fadlan la xiriir la la taliyaha dugsigaada sare, si aad u hesho akhbaar dheeraad ah oo ku saabsan waajibaadka u qalmida iyo xeerarka kalaba. Akhbaar dheeraad ah, wac 651-744-5007 ama booqo tdas.spps.org.

Waxbarashada Farsamada Gacanta iyo Shaqada

Ma ogtahay in aad taariikh shaqo iyo wabxarasho (resume) samaysan karto adoo dugsi sare ku jira? Fasalada barnaamijkan waxay ardayda ka caawinayaan in ay helaan khibrad dhab ah iyaga oo waliba baranaya xirfado muhiim ah. Laga bilaabo dhaqaalaha qaybihiisa kala duwan, ardaydu waxay helayaan awood ay wax kaga bartaan dad takhasus leh, in ay bilaabaan tababarka shaqada (internship), helida kiridhidyada kuleejka iyo waliba in ay ku guulaystaan shahaado la xiriirta xirfad ay jecalyihiin. Akhbaar dheeraad ah, wac 651-744-1312 ama booqo cte.spps.org.

Barnaamijka Marinka Kuleejka

Barnaamijkna waa mid waxbarasho oo loogu talagalay ardayda iskuulka dhexda kaga-tagay ama u baahan kiridhidyo dheeraad ah si ay u qalin-jabiyaan. Ardayda ku jira barnaamijkan waxay heli karaan shahaada dugsiga sare iyo kiridhidyada kuleejka. Fasaladu waxay ka baxaan Kuleejka Saint Paul, Ardaydu waxay ka faa’iidaysanayaan taageero iyo danayn ku salaysan baahidooda. Akhbaar dheeraad ah, wac 651-744-8020 ama booqo occr.spps.org.

16 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


BARASHADA LUUQADAHA BADAN Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxaa dhigta ardayda ugu badan ee ka kale yimid qoomiyado kale duwan marka loo fiiriyo wadanka guud ahaan. Ardayda iyo qoysaskoodu waxay ku hadlaan ilaa in ka badan 100 luuqadood iyo lahjadood. Qaar ardaydeena ka mid ah waxay ku hadlaan labo, sadex iyo waliba afar luuqadood oo kale duwan.

Barnaamijyada Labada Luuqadood la isla Baranayo

Goolka barnaamijkan waa in ardaydu noqodaan kuwa ku hadla oo qora laba luuqadood, labo dhaqana yaqaana. Ardayda labada luuqad isla baranaysa waa in ay: • Fahmaan, ku hadlaan, akhriyaan oo ay qoraan luuqad kale. • Ku qaabilaan dabeecad wanaagsan dadka ku hadla luuqadaha kale ee dhaqamada kale leh. • Helaan xirfado iyo aqoon maadooyinka muhiimka ah sida akhriska, qoraalka, xisaabta iyo seyniska iyagoo ku baranaya luuqad kale.

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Soo dhawaynta dhaqamada kala duwan ee ardaydeena

Barnaamijka halka-dhinca (one-way) ee luuqadaha la isla baranayo, ardayda ku hadasha luuqada Ingiriisiga ayaa waxay wax ku baranyaan waxbarashada luuqad kale waxyna noqonayaan kuwo si fiican u yaqaana luuqadaas. Barnaamijkan waxaa hada lagu bixiyaa French, Mandarin ama Spanish. Hoos ka fiiri dugsiyada bixiya barnaamijkan. Barnaamijka labada-dhinac (two-way) ee luuqadaha la isla baranayo, ardayda ku hadasha luuqada ingiriisiga iyo arday ku hadasha luuqad kale ayaa waxay isla baranayaan. Fasalada oo dhan waxay maadooyinka waxbrashada lagu qaadanayaa labo luuqo. Barnaamijkan waxaa lagu bixiyaa Hmong iyo Spanish. Hoos ka fiiri dugsiyada bixiya barnaamijkan. Su’aalo dheeraad ah oo la xiriira barnaamijyada luuqadaha ee Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul, wac 651-767-8320.

Tubta Barmaamijka Luuqadaha Laisla Baranayo Barnaamijka Luuqada

Dugsiga Hoose

Dugsiga Dhexe

Dugsiga Sare

Hmong/English Isla Barashada Luuqadaha ee Labada-Dhinac (Hmong Dual Language)

Jackson Elementary* (Dual Language) - Areas C (West of 35E), D, E and F

Washington Technology Dhaqanka iyo Luuqada Hmong ah (Hmong Language & Culture)

Washington Technology Dhaqanka iyo Luuqada Hmong ah (Hmong Language & Culture)

Phalen Lake Hmong Studies* (Dual Language) - Areas A, B, C (East of 35E)

Battle Creek Middle Dhaqanka iyo Luuqada Hmong ah (Hmong Language & Culture)

Harding Senior High (Dhaqanka iyo Luuqada Hmong ah (Hmong Language & Culture)

Spanish Immersion

Adams Spanish Immersion (One-Way Immersion. School-wide) Areas A-F Dugsiga Dhexe ee Highland Park

Dugsiga Sare ee Highland Park

Riverview West Side School of Excellence (Two-Way Immersion) Areas B, D and F Wellstone Elementary (Two-Way Immersion) Areas A, C and E French Immersion

L’Etoile du Nord French Immersion (One-Way Immersion. School-wide)

Dugsig Dhexe ee Ramsey

Dugsiga Sare ee Central

Mandarin Immersion

Jie Ming Mandarin Immersion Academy (One-Way Immersion. School-wide)

Dugsiga Dhexe ee Highland Park (la heli doonaa 2017)

Dugsiga Sare ee Highland Park (la heli doonaa 2020)

* Ardayda Barnaamijyadaan wax ku bartaa waxay leeyihiin fursad ay barnaamijka ku sii wataan tacliintooda dugsiyada dhexe iyo sare. Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 17


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

BARASHADA LUUQADAHA BADAN Barnaamijka Bartayaasha Luuqada Ingiriisiga (EL)

Barnaamijka luuqadaha ee xanaanada ilaa fasalka 12aad wuxuu siinayaa ardayda gurigooda lagaga hadlo luuqad aan Ingiriis ahayn fursada ay ku kobciyaan Ingiriiskooda waxna ku bartaan. Boqolkiiba 40 qiyaastii ardayda Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxaa gurigooda lagaga hadlaa luuqad aan Ingiriisi ahayn. Tacliintu waxay xooga saaraysaa in ardaydu kordhiyaan aqoontooda luuqada Ingiriisiga si ay u gaaraan halbeega waxbarasho ee Gobolka iyo Degmada. Waxbarashada waxaa lagu gaarayaa barid ku dhisan iskaashi, dar-dargalin barnaamijka luuqada, iyo in maadooyinka muhiimka aha lagu baro luuqada Ingiriisiga. Macalinka waxbarashada guud iyo kan luuqada Ingiriisiga bara ayaa inta badan si wada jir ah wax u bara ardayda si ay si joogtaha ardaydu ula macaamiiltamaan ardayda fasalkooda ee sida buuxda ugu hadasha luuqada Ingiriisiga. Akhaabr dheeraad ah, wac 651-767-8320.

Mac’hadka Luuqada

Caruurta ku cusub wadanka ee u baahan in ay soo kobciyaan tacliintood luuqada Ingiriisiga, waxay leeyihiin khiyaar ay kaga qaybqaataan Mac’hadka Luuqada. Ardayda fasalada 1-aad ilaa 12-aad waxay la dhaqmaan bulshada dugsiga si looga caawiyo xiriirka iyo calaaqada ardayda Ingiriisiga ku hadasha ee da’dood ah. Machadyada luuqada waxaa wax ka dhiga macalimiinta barta Ingiriisiga iyo macalimiinta kale ee waxbarashad guud si ardayda loo siiyo waxbarasho ku dhisan baahidooda. Barnaamijkan shaqada badan leh wuxuu ardayda ka caawinayaa in ay si degdeg ah u dhisaan aqoontooda luuqada Ingiriisiga taas oo u diyaarinaysa guusha waxbarasho. Akhbaar dheeraad ah, wac 651-767-8320.

Luqad Wadani (Indigenous)/Luuqadaha Aduunka

Barnaamijkan waxuu ardayda ka caawinayaa barashada sidii ay ula xiriiri lahaayeen dadka dhaqamada kale, in ay balaariyaan argtidooda ku aadan aduunka, iyo in ay kobciyaan luuqadooda iyo dhaqankooda. Barnaamijkan wuxuu ka baxaa dugsiyo badan iyo fasalo kala duwan. Luuqadaha uu ku boxo waxaa ka mid ah Chinese, French, German, Hmong, Japanese, Lakota/Dakota, Latin, Ojibwe, Russian, and Spanish.

Barnaamijyada Luuqada iyo Dhaqanka Dheeraadka ah

Barnaamijka wuxuu ardayda, waalidiinta, shaqaalaha iyo qaybaha kale ee bulshada siinayaa adeegyo iyo fursado tacliineed oo kale duwan. Barnaamijka Xoojinta Luuqad Hmong ah wuxuu ardayda oo dhan siinayaa fursad waxbarasho, iyagoo ilaalinaya isla markaasna horumarinaya dhaqanka iyo luuqada Hmong ah. Barnaamijka waxaa laga heli karaa Phalen Lake Hmong Studies iyo Dugsiga Hoose ee Jackson iyadoo loo marayo barnaamijka Barashada Hmong ah iyo Hmong Two-Way Immersion (Dual Language); sidoo kale Dugsiyada Battle Creek Dhexe, Harding Sare iyo Washington Technology iyadoo loo marayo fasalada dhaqanka iyo luuqada Hmong ah. Akhbaar dheeraad ah, wac 651-767-8320. Latino Consent Decree (LCD) Barnaamijkan wuxuu diirada saaraa ardayda Latinada ah ee baranaya Luuqada Ingiriisiga iyadoo loo marayo barnaamijka taageera barashada labda luuqadood, tacliinta barashada Isbaanishka, iyo dhaqanka Latiinada. Akhbaar dheeraad ah,wac 651-767-8320. Fasalada Luuqada iyo Dhaqanka Soomaaliga wuxuu ardayda siinayaa fursada in ay ku xirmaan dhaqankooda iyagoo waliba baranaya oo kobcinaya aqoonta iyo fahamka dhaqamada kale. Waxaa barnaamijkan hada bixiya Dugsiga Hoose ee Highwood Hills. Akhbaar dheeraad ah, wac 651-767-8320. Barnaamijka Xoojinta Luuqada Kuuriyaanka barnaamijkan wuxuu siinayaa ardayda Kuriyaanka ah fursada ay ku bartaan qorista iyo akhriska luuqada kuriyaanka, iyagoo ka wacyigalinaya ardayda kale fahamka iyo dhaqanka Kuriyaanka. Akhbaar dheeraad ah, wac 651-767-8320. Barnaamijka Waxbarashada ee American Indianka wanaaga iyo helida khibrad waxabarasho sare. Waxaa laga heli karaa dugsiyada degmada Saint Paull oo dhan manhaj iyo adeeg waxbarasho oo barnaamijkan la xiriira, sidoo kale adeegyadan waxaa laga heli karaa barnaamijka barashada American Indianka ee American Indian Magnet iyo Dugsiga Sare ee Harding. Akhbaar dheeraad ah, wac 651-293-5191.

18 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


ADEEGA WAXBARASHADA GAARKA AH Arday walba oo xaq u leh waxbarashada gaarka ah wuxuu helayaa adeeg ku salaysan baahidiisa shakhsiga ah. Kooxda waxbarashada gaarka ah oo ay ku jiran waalidiin ayaa diirada saaraya sidii loo caawin lahaa ardayda in ay helaan xirfado ay wax ku bartaan, dadka kula dhaqmaan, waxana ku qabsadaan si ay u noqdaan kuwo iskufilan intii suurtagal ah. Hadii aad leedahay ilmo u baahan waxbarasho gaar ah, arin la xiriirta caafimaad, ama baahi naafo, fadlan la xiriir Xafiiska Adeegyada Gaarka ah 651-767-8321 kahor intaadan arjiga soo celin, ama la xiriirin maamulaha dugsiga aad dooratay si aad u ogaato in adeeg ku haboon laga heli karo dugsiga.

Adeega Waxbarashada Gaarka ah ee Dugsiyada

Dugsiyada oo dhan waxay leeyihiin wax kamid aha waxbarashada gaarka ah iyo adeegyada la xiriira. Laakiin adeegyada oo dhan lagama heli karo dugsiyada oo dhan. Liistada adeegyada waxbarashada gaarka ah ee hoos ku qoran ayaa laga heli karaa dugsi walba oo kamid ah dugsiyada hoose, dhexe, iyo sare ee SPPS: • Waxbarashada gaarka u ah Naafada • Dhaga la’aan ama maqalku ku adegyahay • Argtidu ku xunatahay (indho la’aan) • Fasal caawiya ardayda uusan xanuunkooda la xiriira dareenka iyo dabeecadu uu san aadka u darnayn. • Adeegyada hadalka iyo luuqadaha • Caawimaad kale oo la xiriirta naafanimada iyo xanuunada kale sida dhaawaca maskaxda ama jirka, (macalimiinta waxbarashada gaarka ah iyo tan caamka ah ayaa dugsiyada dhan la shaqaynaya si ardaywalba u helo adeeg ku haboon)

Adeegyada La xiriira waxaa kamid ah: • Adeega Dugsiyada ee Bulshada • Daawaynta Camaliyaadka • Daawaynta Jirka • Kobcinta la Qabsashada Waxbaashada Jirka • Adeega Kalkaalisada Iskuulka • Adeega tababarka si loo caawiyo ardayda in ay la qabsadaan dugsigooda iyo bay’ada uu ku yaalo (Dugsiga Sare Kaliya) • Khibrada adeega shaqada; in la baro ardayda nolosha ka danbaysa dugsiga iyo in laga caawiyo helida fursado tababaro shaqo (Dugsiga Sare Kaliya)

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Arday walba wuxuu xaq u leeyahay in uu helo iskuul wanaagsan. Barnaamijka waxbarashada gaarka ah ee Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul, wuxuu aqoonsan yahay muhiimmada ay leedahay in khibrada waxbarasho loogu tala galo arday waliba taas oo daboolaysa baahida arday walba laga bilaabo dhalashada ilaa 21 jirka.

Ku daridda Ardayda Naafada ah Fasalada Guud ee Waxbarashada Ardayda naafada ah waxay xaq u leeyihiin in ay jawi dugsi oo fiican helaan oo la mid ah ardayda fasalda iyo waxbarashada guud dhigta. SPPS waxay kordhiyeen wada shaqaynta iyo wada barista macalimiinta waxbarashada guud iyo macalimiinta waxbarashada gaarka ah si ardayda waxbarashada gaarka ah iyo ardayda waxbarashada guud fasalada u wada galaan. Iyaga oo u hagayo balan-qaadkoodii ku aadanaa cadaalada iyo sinaanta waxbarashada. Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay ka caawinayaan ardayda naafada ah in ay gaaraan heer waxbarasho iyo goolkooda nolosha.

Ardayda baahida caafimaad ee aadka u daran qabta gaar ahaan dhinca Koritaanka Xiska (Developmental Cognitive Disabilities), Cudurka Ootiisamka (Autism Spectrum Disorders) iyo Cudrada la xiriira Dareenka iyo Dabeecada (Emotional or Behavioral Disorders ), waxaa dhici kara in ay u baahanyihiin adeegyo ay bixiyaan hay’ado ama barnaamijyo kale oo gaar ah ugu yaraan maalinta qaarkeed ee wakhtiga dugsiga. Waalidiintu waxay la shaqayn karaan kooxada Adeegyada Waxbarashada Gaarka ah si ay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dugsiga ay dooranayaan u ogaadaan. Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 19


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

ADEEGA WAXBARASHADA GAARKA AH Waxbarashada Gaark ah ee Caruurta

Adeegyada waxaa heli kara ardayda yaryar laga bilaabo dhalashada ilaa 5 jir. Adeegan waxaa ku heli kartaa gurigaada, goobaha bulshada ee caruurta lagu hayo, dugsiyada xanaanda kahor, waxaana bixiya Barnaamijka Waxbarashada Qoyska iyo Caruurta (Ealry Childhood Family Education), Dugsiyada Caruurta (Head Start), iyo fasallada xanaanda kahor ee Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul. Fasalada Gaarka ah ee caruurta u dhexeeya 3-5 jir waxaad ka heli kartaa Dugsiyada Hoose ee SPPS. Akhbaar dheeraad ah oo la xiriirta barnaamijka waxbarashada gaarka ah ee caruurta, fadlan wac 651-744-8094. Ogow: Ardaywalba oo xaq u yeesha waxbarashada gaarka ah wuxuu xaq u leeyahay in uu helo waxbarashada dadweynaha oo ku habon oo bilaash ah taas oo wax lagu xirayaa jirin.
 (Sharciga Waxbarashada Dadka Naafad ah, 2004).

Gaadiid

Qorshaha barnaamijka ee IEP, waxaa khasab ah in uu ogaado baahida gaadiid ee arday walba. Si ay u helaan macluumaad dheeraad ah oo la xiriira gaadiidka waalidiintu waxay la hadli karaan qof ka mid ah kooxda qorshaha waxbarashada shakhsiga ah ee dugsiga. Inta badan, ardayda naafada ah waxay raacayaan nidaamka gaadiidka ee Dugsiyada Dadweynaha Saint Paul.

Ciyaaraha Fudud ee Ku Haboon Naafada waxay baxaan

Ardayda qabta xanuunka jirka/maskaxda ama naafada ah ee fasalada 7-aad ilaa 12-aad waxaa lagu dhiiri galinayaa inay fiiriyaan ciyaaraha fudud ee degmada. Ardayda ka qayb qaadata ciyaaraha waxay horumariyaan caafimaadka jirkooda, waxay samaystaan saaxiibo, waxay qayb ka noqdaan kooxo, waxay ka qayb-qaataan ciyaaraha dugsiyada sare ee Gobolka Minnesota. • Dayr (Fall): Adapted Soccer • Jiilaal (Winter): Adapted Floor Hockey • Gu’ (Spring): Adapted Bowling or Softball

CIYAAR OO KAMID NOQO KOOX: • Hel Abaal marin (Earn a Varsity letter) • Tartran ilaa heerka Gobolka (Compete at the state level) • Ka mid noqo ciyaartoyda usbuuca (Be prep athlete of the week) Wixii su’aala, ka wac agaasimaha ciyaaraha fudud Dave Mergens at 651-744-5640. Jadwalka iyo macluumaad dheeraad ah, booqo sports.spps.org.to sports.spps.org.

Gudigga La-taliyayaalka Waxbarashada Khaaska ah

Gudigan wuxu ka koobanyahay waalidiin, macalimiin iyo dad bulshada ka mid ah oo danaynaya, waxay talooyin ku saabsan waxbarashada gaarka ah siiyaan kaaliyaha madaxa dugsiyada ee xafiiska adeegyada gaarka ah. Ka qayb-qaadashada waalidku waxay gudiga u ogolaanaysaa in ay: • Talo ka bixiyaan soo saarista iyo dib u eegista xeerarka iyo dhaqamda la xiriira waxbarashda gaarka ah • Bartaan oo ay kala faa’iidaystaan qoysaska kale ee haysta caruur naafa ah • La yeeshaan xiriir xoog leh shaqaalaha waxbarashada gaarka ah • Aqoon badan u yeeshaan ilaha caawin kara waxbarashada gaarka ah. Akhbaar dheeraad ah oo ku saabsan gudigan, wac Jackie Kelly at 651-767-3437 ama u dir iimeyl Jackie.Kelly@spps.org.

20 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


ADEEGA WAXBARASHADA GAARKA AH Muhimada:

Cudur ama Dhib Xadidaya in la Barato Maado Gaar ah (SLD). Waa cudur ku dhaca fahamka ama adeegsiga ku hadalka ama qorida luuqada kaas oo si aad ah u saamaynaya horumarka waxbarasho isaga oo dhib u gaysanaya awooda dhagaysiga, fakarka, hadalka, akhriska, qorida, garashada xarfaha iyo ka shaqaynta xisaabta ee ardayga. Dabeecad qalqaalnimo wadata (EBD). Dabeecad daran oo xiriir ah, waxaa lagu gartaa in ardayga dareenkiisu maqanyahay oo uusan xiisaynayn waxa la samaynayo, in uu la yimaado gardaro/dagaal, ama uusan si sax ah u fakarayn, taas oo dareenkiisa, waxbarashadiisa, la dhankiisa dadka iyo shaqdiisa wax u dhimaysa.

»

Ardayda Aagan waxay helayaan gaadiid ay ku tagaan Dugsiga Sare ee Como Park si ay u helaan barnaamij gaar ah oo loogu talagalay ardayda qabta DCD

••

Ardayda Aagan waxay helayaan gaadiid ay ku tagaan Dugsiga Sare ee Central si ay u helaan barnaamij gaar ah oo loogu talagalay ardayda qabta DCD

•••

Ardayda Aagan waxay helayaan gaadiid ay ku tagaan Dugsiga Sare ee Highland Park si ay u helaan barnaamij gaar ah oo loogu talagalay ardayda qabta ASD

Cudur ama Dhib Sahlan/Dhexedhexaad ah oo ku dhaca Korida Maskaxda iyo Garashada (DCD). Ducfi ama liidanaan ku timaada qaabka caliga qofku u shaqeeyo iyo xirfada howl-qabashada ee uu qof ku u haahanyahay si uu kaligii wax u qabsado. Cudur ama Dhib Daran oo ku dhaca horumarka Maskaxda iyo Garashada (CDD). Ducfi ama liidanaan aad u daran oo ku timaada qaabka caliga qofku u shaqeeyo iyo xirfada howl-qabashada ee uu qofku u baahanyahay si uu kaligii wax u qabsado. Cudur Saameeya qiyaasta Caruurta (Autism Spectrum Disorder (ASD). Cudur ku dhac koriinka caruura, kaas oo saameeya hab-dhaqankooda bulshada, xiriirka iyo wada hadalka; waxay leeyihiin dabeecad ay wax ku dhagayaan ama ku celcelinayaan

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Adeegyo iyo waxbarasho gaar ah oo ku salaysan baahida ardaywalba ayaa laga heli karaa Aagwalab.

Dhaga la’aan ama Maqal-Xumo (DHH). Ardayda la ogyahay in uu maqalku ka lumay.

Adeegyada Waxbarashada Gaarka ah iyo Barnaamijyada Aag-kasta Iskuulka

Fasalada

ECSE

SLD EBD Resources

DCD M/M

DCD S/P

Autism

EBD III

Area A Frost Lake Elementary

PreK-5

Hazel Park Preparatory Academy

PreK-8

The Heights Community School

PreK-5

Johnson Senior High

9-12

L'Etoile du Nord French Immersion

K-5

Nokomis Montessori - North Campus PreK-5 Parkway Montessori and Community Middle School

6-8

Phalen Lake Hmong Studies

PreK-5

• • • • • • •

• • • •

• •* • •

• • •

• •

Area B American Indian Magnet

PreK-8

Battle Creek Elementary

PreK-5

Battle Creek Middle

6-8

Dayton's Bluff Achievement Plus

PreK-5

Eastern Heights Elementary

PreK-5

Harding Senior High

9-12

Highwood Hills Elementary

PreK-5

Nokomis Montessori - South Campus PreK-5

• • • • • • • •

• • • • • •

• • •

• •

• •

• •

• * Available to students in grades 6-8

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 21


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

ADEEGA WAXBARASHADA GAARKA AH Adeegyada Waxbarashada Gaarka ah iyo Barnaamijyada Aag-kasta Iskuulka

Fasalada

ECSE

SLD EBD Resources

DCD M/M

DCD S/P

Autism

EBD III

Area C Bruce F. Vento Elementary

PreK-5

Farnsworth Aerospace - PreK-4 Campus

PreK-4

Farnsworth Aerospace - 5-8 Campus

5-8

John A. Johnson Achievement Plus

PreK-5

Mississippi Creative Arts

PreK-5

Saint Paul Music Academy

PreK-5

Washington Technology

6-12

• •

• • • • •

• •

»

• • • •

• •

•*

•*

•* •

»

• •

• •

• • •

• •

• •

• •

Area D Cherokee Heights Elementary

PreK-5

Humboldt High School

6-12

Open World Learning Community

6-12

Riverview West Side School of Excellence

PreK-5

Area E Chelsea Heights Elementary

K-5

Como Park Elementary

PreK-5

Como Park Senior High

9-12

Crossroads Montessori

PreK-5

Crossroads Science

PreK-5

Galtier Community School

PreK-5

Hamline Elementary

PreK-5

Murray Middle

6-8

St. Anthony Park Elementary

K-5

Wellstone Elementary

PreK-5

• •

• • • • • • • • • •

• • • • • •

Area F1 Benjamin E. Mays IB World School

PreK-5

Capitol Hill Gifted & Talented

1-8

Central Senior High

9-12

Creative Arts Secondary

6-12

Four Seasons Arts+

PreK-5

Groveland Park Elementary

PreK-5

J.J. Hill Montessori

PreK-5

Jackson Elementary

PreK-5

Linwood Monroe Arts Plus - Lower

K-3

Linwood Monroe Arts Plus - Upper

PreK; 4-8

Maxfield Elementary

PreK-5

Obama Elementary

PreK-5

Ramsey Middle

6-8

Randolph Heights Elementary

K-5

• •

• • • • • • • • • • • • • •

• • • •

• • • •

• •

• •

• •

•••

• • • * Available to students in grades 6-8

22 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


ADEEGA WAXBARASHADA GAARKA AH Iskuulka

Fasalada

ECSE

SLD EBD Resources

DCD M/M

DCD S/P

Autism

EBD III

Area F2 Adams Spanish Immersion

K-5

EXPO Elementary

PreK-5

Highland Park Elementary

K-5

Highland Park Middle

6-8

Highland Park Senior High

9-12

Horace Mann School

K-5

• • • • • •

• • •

••

••

• •

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Adeegyada Waxbarashada Gaarka ah iyo Barnaamijyada Aag-kasta

Districtwide programs: Bridge View (DCD, ECSE), RiverEast (EBD/Mental Health), Como Park Elementary (lift bus only), Journeys 9-12 (EBD), Four Season A+ (DHH), Humboldt (DHH)

Barnaamijyada fasalada oo dhan muhiim ma aha in laga wada helo hal guri.

Barmaamijta Waxbarashada Gaarka Ah

Guud ahaan ardayda ayaa loo soo gudbiyaa barnaamiyadan iyadoo loo eegayo baahida waxbarasho taas oo laga yaabo in aan laga helin dugisyada kale.

Journeys Secondary

90 S. Western Ave. | 651-744-1900 | 8:30 subax 3 galab Hadaan nahay Dugsiga Journeys ma aqbalno in lana sumadeeyo. Dugsigeenu wuxuu ardayda qaba naafanimda dhinaca dareenka ama dabeecada siiyaa nidaam ay ku bartaan xirfado ay kalsooni ku helaan. Ardaydu waxay subaxdii xooga saarayaan barashada cilmiga guud, galabtiina waxay ka qayb-qaadanayaan nashaadadda ku dhisan mashruucyo, kuwaas oo u diyaarinaya ardada noloshooda dugsiga sare ka dib. Dugsigeena yar wuxuu ardayda u ogolaanayaa in ay xooga saaraan wixii mustaqbalkooda anfici-lahaa. Inta ay barnaamijkeena ku dhax jiraan waxaa laga yaabaa in ay ogaadaan awooda ay lahaayeen oo ka qarsoonayd, in ay bartaan waxyaaba ay danaynayaan oo cusub taas oo ay sii wataan markay waynaadaan.

RiverEast Elementary and Secondary 1845 Sheridan Ave. | 651-312-9030 | 8:30 subax 3 galab

Iyadoo diirada aan ku hayno caafimaadka maskaxda, barnaamijkeenu wuxuu ardayda fasalada k-8 siiyaa adeegyo caafimaad. Fasalo kooban – macalimku ma qabanayo in ka badan 8 arday– micnaheedu waa in ardaydu helayaan ogaansho shakhsi ah oo badan. Fasal walba wuxuu leeyahay macalin waxabarashada gaarka ah bara, mid caawiya, iyo dhakhtar cudurada maskada qaabilsan. Shaqaaleheena aadka u dadaala wuxuu la shaqeeyaa daryeelayaasha, dhakhaatiirta, xirfalayaasha kale si loo xaqiijiyo in barnaamijkeenu daboolayo baahida gaarka ah ee ardayga. Barnaamijkeena dhiirigalinta dabeecadaha wanaagsan, ardaydu waxay ka qaybqaadanyaan barnaamijka dhiirigalinta, iyaga oo markaas helaya dhibco markay xirfado wanaagsan iyo caafimaadka ka qaybqaataa.

Dugsiyada Waxbarashada Gaarka Ah

Dugsigeena waxbarashada gaarka ah waxay ardayda baahida wayn qaba siinayaan taageero iyo adeegyo.

Focus Beyond

340 Colborne St. | 651-293-5997 | 9:30 subax - 4 galab Banraaijkeenu wuxuu caawiyaa ardayda u dhexeeya 18-21 sano, kuwaas oo aan helin waxbarashadii gaarka ahayd ee ay u baahnaayeen. Waxaa ardayda si dhow u la shaqeeya macaliin, takhsusayaal iyo hay’adaha jaaliyada si loo caawiyo in ay bartaan xirfadaha ay ugu baahanyihiin shaqada, tacliinta sare, iyo nolol xor ah. Barnaamijkeenu wuxuu ardayda siiyaa tababaro xirfadaha gacanta, oo lagu bixiyo goobaha bulshada, cashiro ka caawiya shaqooyinka, helida nolol xor ah, barashada wada hadalka si nabadoon, daryeelka naftooda iyo qorshaynta xirfadaha mustaqbalka. Barnaamijkeenu wuxuu ardayda siiyaan xirfadaha iyo adeegyada ay u baahanyihiin in ay guul ku gaaraan dugsiga ka dib.

Bridge View School

360 Colborne St. | 651-293-8640| 9:30 subax - 4 galab At Bridge View, our students don’t face barriers, just Hadaanahay Bridge View, ma jiraan waxa caqabad ah oo hor istaagi karta ardaydeena; waa carqalado kaliya oo laga gudbi karo. Waxaan u adeegnaa ardayda qabta naafanimo ka timid dhinaca koriinka oo aad u daran laga soo bilaabo xanaanda kahor ilaa dugsiga sare. Guriggeena halka dabaq ah wuxuu leeyahay barkad lagu dabaasho iyo meel jir-dhis lagu sameeyo si ardayda caafimaadka jirka iyo maskaxadaba uga caawiso si ay u helaan xirfad ay nolol xor ah ku helaan. Waxaa kale oon rumaysanayahay ciyaarta banaanka in ay ardayda u tahay qayb-muhiim ah oo dugsigooda ka mid ah. Sidaa daraadeed, waxaa ka shaqaynaynaa in aan dhisno meel cusub oo lugu ciyaaro oo daboolaysa baahida gaarka ah ee ardaydeena. Shaqaaleheena si dhow ayuu waalidiinta ula shaqeeyaa si ardaywalba loogu dajiyo gool uu gaari karo. Ardaydu waxay baranayaan wada hadalka, kala doorashada waxyaabaha kale duwan, fahamka aduunka ay dareemayaan, arkayaan, si ay u soo saaraan waxyaabaha wanaagsan ee ku qarsoon.

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 23


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

BARNAAMIJYADA DUGSIYADA KAHOR IYO KA DIB Discovery Club

Waa barnaamij caruurhayn (child care) oo amaan ah oo kobciya caruurta waxbarashada iyo horumarka caruurta oo baxa dugsiga kahor iyo ka diba. Barnaamijka waxaa heli kara ardayda hada ka diiwaan gashan Xanaanda kahor ilaa fasalka 5-aad. Waxay ardaydu ka heli karaan dugsiga ay dhigtaan ama Discovery Club School. Ardaydu waxay ka qayb qaadanayaan nashaadaad firfircoon oo kale duwan oo siinaya ardayda fursad waxbarasho, xirfado hab-dhaqan iyo jir-dhis ah. Discovery Club waa barnaamij lacag ah kaas oo hoos yimaada barnaamijka waxbarashada jaaliyada oo baxa dugsiga kahor, kadib, maalmaha uusan dusigu jirin iyo waliba wakhtiyada dugsigu fasaxa yahay. Qoysasku waa in ay ilmahooda keenaan oo ay ka qaadaan Dugsiyada Hub. Maalmaha dugsiga, ardayda waxaa laga soo qaadaa oo lugu celiyaa dugsigooda caadiga ah si ay cashira uga soo qaataan. Qoysaska xaqa u yeesha waxaa laga yaabaa in ay helaan kaalmo dhaqaale. Akhbaar dheeraad ah, qimaha lacagta iyo codisgaba, wac 651-632-3793 ama booqo discoveryclub.spps.org. .

2015-16 Discovery Club Sites

Barnaamijka Discovery Club waxaa laga bixiyaa goobahan hoos ku qoran waxaana dhigta arday ka kale yimid iskuula kale duwan:

Ardadyda dhita iskuuladaas: • Farnsworth (Upper and Lower Campus) • Frost Lake Elementary • Hazel Park Preparatory Academy • The Heights Community School • Nokomis Montessori (North and South) • Phalen Lake Hmong Studies • • • •

Chelsea Heights Elementary Como Park Elementary Galtier Community School Hamline Elementary

Ka dhigo barnaamijka Discovery Club halka:

Nokomis Montessori (North)

Four Seasons Arts+ Groveland Park Elementary Jackson Elementary Linwood Monroe Arts Plus Maxfield Elementary Obama Elementary

• Adams Spanish Immersion • Crossroads Montessori/ Crossroads Science • EXPO Elementary • Four Seasons Arts+ • Hamline Elementary • Highland Park Elementary

Hamline Elementary

• Horace Mann School • J.J. Hill Montessori

• Jie Ming Mandarin Immersion Academy • Saint Paul Music Academy • Wellstone Elementary • • • • • •

Barnaamijka Discovery Club waxaa bixiya iskuuldan hoose ku qoran waxaana dhigta ardayda dugsigayadaan aada:

• L’Etoile du Nord French Immersion (Located at the Lower Campus) • Nokomis Montessori (North) Four Seasons Arts+

• Randolph Heights Elementary • Rondo (Capitol Hill and Ben E. Mays) • St. Anthony Park Elementary

Barnaamijyada caruur haynta ee jaaliyada ee Aaggaga B, C, or D, fadlan wac 651-266-4444. Ogow: Barnaamijka Discovery Club si uu u shaqeeyo waa in ugu yaraan le helaa 20 arday oo dhigata; hadii barnaamijku uusan helin 20 arday oo dhigata, shaqaalaha Discovery Club ayaa la shaqaynaya qoysaska si ay isula meel dhigaan wixi badiil ah. Goobaha iyo wakhtiyada barnaamijku way isbadali karaan. 24 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


BARNAAMIJYADA DUGSIYADA KAHOR IYO KA DIB

Ardayda doorta in ay ka qaybqaataan waxbarashada maalinta ee wakhtiga loo dheereeyay ee dugsiga kadib waxay baranayaan waxayaabo badan oo xiiso galiya sida saaxiibo cusub, horumarinta xirfadahooda waxbarasho iyo in ay bartaan in ay noqdaan dad wax abuurle, firfircoon oo caafimaadle. Barnaamijkan wuxuu ardayda ka caawinayaa dhinaca waxbarashada iyo nashaadaadka. Wuxuu baxaa asbuucii laba maalmood (Isniin/Arboco ama Talaado/Khamiis) ama afar maalmood asbuucii (Isniin ilaa Khamiis). Wuxuu socdaa saacad iyo 45 daqiiqo.

Taageerada waxbarasho iyo barnaamijyada ee EDL waxaa ku jiri kara: Dugsiga Hoose (Fasalada K-5) • Barashada xisaabta iyo akhriska • Fursado waxbarasho oo ficil-ahaana • Qalabka muusikada (Ardayda fasalada 4-5) Dugsiga Dhexe (Fasalada 6-8) • Ka Caawinta xisaabta iyo akhriska • La Dajinta hadaf ay ku gaaraan guusha waxbarasho

Barnaamijka aan Wakhtiga Dugsiga ahayn ee Goobaha Iskaashaday Waa barnaamija dugsiga ka dib baxa oo la qabto asbuuciiba afar maalmood. Barnaamijka waxaa lagu qabtaa Riverview West Side School of Excellence, ardayda K-5 ee dhigta Riverview iyo dugsiga hoose ee Cherokee Heights; iyo Dugsiga hoose Battle Creek, ardayda fasalada K-5 ee dhigta Battle Creek iyo Highwood Hills Elementary.

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaya

Barnaamijku wuxuu ka koobanyahay fasalo ardayda ka caawiyo dhinaca waxbarashada sida akhriska, xisaabta iyo naashaadaad kale oo waxbarasho. Waxaa barnaamijka suurta galiyay ururro bulsho oo iskaashaday sida Saint Paul Parks iyo Recreation, Boy Scouts, Girl Scouts, 3M Lego League, St. Paul Urban Tennis League, YMCA, iyo kuwo kale). Basku wuxuu ardayda ka soo qaadayaa Dugsiga Hoose ee Highwood Hills wuxuu gaynayaa Dugsiga Hoose ee Battle Creek; dhinaca kale, wuxuu basku ka soo qaadayaa ardayda Dugsiga Hoose ee Cherokee Heights wuxuu gaynayaa Dugsiga Hoose ee Riverview. Akhbaar dheeraad ah oo ku saabsan, booqo extendedday.spps.org ama wac 651-744-8020.

• Manhaj ku salaysan baahida ardayga Dugsiga Sare (Fasalada 9-12) • Fasalo ay ku diyaariyaan imtixaanka kuleejka ee ACT • Fasalo ay ku bartaan Luuqada Ingiriisiga • Helida kiridhit (credit) iyo fasalada khadka interneedka lagu qaato ee ka baxa Dugisga Sare ee Habeenkii (ee ku yaala Gordon Parks iyo East Side Learning Hub @ Harding High School) Barnaamijka lacag la’aanta ah waxaa kale oo ku jira: • Cunto fudud • Bas guriga keena ardayda degan in ka fog nusmeyl hadii uu waafaqsanyahay nidaamka gadiidka • Caawimaad soo marista wadooyinka waa wayn ardayda guriga u soo lugaynaysa • Waxbarasho ay dhigayaan macalimiint tababar u leh Akhbaar dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka iyo sidaad u diiwaangalinlahayd ilmahaada, booqo extendedday.spps.org ama wac 651-744-8020.

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 25


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

BARNAAMIJYADA DUGSIYADA KAHOR IYO KA DIB Fl!pside

Waa barnaamij dugsiga ka dib baxa oo ardayda dugsiyada dhexe ka caawiya waxbarashada iyo nashaadaadka. Iskaashi ka imanaya hay’ado badan oo jaaliyada, ardaydu waxay ka qaybqaadan karaan: • Barashada iyo ogaansha ah xirfadaha mustaqbalka • Xisaabta, cilmiga luuqadaha, nashaadaadka iyo waxbarashada seyniska • Hagida iyo la talinta • Xaflado gaar ah oo habeenkii dhac • Ciyaaraha iyo baashaalka • Tignoolojiga • Caawimaada cashirada iy shaqo-guriga • Cilimga arga ee muuqaalka iyo bandhiga • Qalabka muusikada Barnaamijkan waxaa lagu qabtaa dugsiyada dhexe oo dhan maalmaha Isniinta ilaa Khamiista. Cunta fudud iyo gaadiid ardayda geeya gurigooda markuu dhamaado barnaamijku waa la helayaa hadii uu waafaqsanyahay nidaamka gadiidka iskuullada. Akhbaar dheeraad ah iyo goobaha booqo commed.spps.org ama wac 651-325-3674.

Ciyaaraha

Waxaa ka mid ah wax yaabaha ugu muhiimsan in uu ardaygu noqodo arday ciyaartoy wanaagsan waa in uu helaa dhibco fiican (good grades) Ciyaaryahanimada Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxaa loogu talagalay in ay waxbarashada kaa caawiso iyo in aad horumar ka gaartid dhinaca waxbarashada iyo dhinaca shakhsi ahaanba. Fursadaha ciyaaraha ee dugsiyadu way kale duwanyihiin, balse arday walba wuxuu ka baranayaa hoogaaminta, ciyaaroonimada, wadashaqaynta, balan qaadka, gaarista hadafka aad rabtay, barashada akhlaaq wanaagsan, tartan iyo ku faanida dugsiga. Dugsiyada sare waxay ardaydu ka heli karaan ilaa 37 ciyaarood oo kale duwan, dugsiyada dhexena waxay ka helayaan ilaa iyo 11 ciyaarood oo kale duwan inta lagu jiro sandad dugsiyeed. Sidoo kale, ardaydu waxay u baahanyihiim in ay ku tartamaan imtixaanka jirka sadexdii –sanaba hal mar si ay uga sii qayb-qaataan. Akhbaar dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijkan, la xiriir agaasimaha ciyaaraha ee dugsigaada ama booqo sports.spps.org.

Freedom Schools Express

Freedom Schools Express waa barmaamij after-School ah oo loogu talo galay in aradada dhigato fasallada K-8 lagu baro sidii ay hogaamiyoyaal u noqon lahaayeen mustaqbalka.Barmaamijka wuxuu diiradda saarayaa waxyaabaha ay soo biiriyeen dadka aan cadaanka ahayn iyo American Indian. Cashiradda oo ay ka mid yihiin maadooyink a sida culuunta ijtimaaciga (Social studies), taariikhda iyo qaar kale oo badan ayaa wuxuu ardaygu ku baranayaa dhaqammada.Ardadu waxay kala dooraan karaan adeegyo tiro badan oo ah kuwa wax lagu barto oo ku saabsan dhaqannada kala duwan. Waxaa kale oo ay ardadu helayaan dad wanaagsan oo kudayasho mudan oo kunool gudaha Twin Cities. Ardadu waxay wax ka baranayaan qawaaniinta Kwanzaa (oo ah dabaal –deg African American) si ay u sugaan asluubta, u samaystaan hadafyo, looguna dhiirigaliyo in ay bulshada wax ku soo biiriyaan marka ay hoggamiyayaal noqdaan. Mashruucani wuxuu baxaa laba maalmood usbuuca (sida isniin/arbaco ama Talaado iyo khamiis) ama wuxuu baxaa oo kale afar maalmood usbuuca (Isniin ila iyo khamiis). Barmaamijka Freedom Express Schools wuxuu u furan yahay ardada dhigato iskuullada Benjamin E. Mays IB World School, Capitol Hill Gifted and Talented, Galtier Community School, Chelsea Heights Elementary, Dayton’s Bluff Elementary, Obama Elementary, Riverview West Side School of Excellence iyo Cherokee Heights. 26 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


BARMAAMIJYADA TAAGEERADA ARDADA Achievement plus waa barnaamij u adeega ardayda in uu ka caawiyo wixii caqabad ah ee ka hortaagan awoodooda waxbarasho iyo in ay bartaan oo ay diirada saarida fasalka. Waxaa barnaamijka bixiya John A. Johnson Elementary, Dayton’s Bluff Elementary and Saint Paul Music Academy. Waxay ardayda iyo qoysaskaba laga caawinayaa adeegyo ay ku jiraan cunto, dhar, guri, caafimaad, caafimaadka maskaxda, shaqo iyo waxbarashada. Achievement Plus waa barnaamij socoday ilaa iyo 15 sano oo ay iska kaashadeen Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul iyo Amherst H. Wilder Foundation. Akhbaar dheeraad ah, wac dugsigeena bixiya barnaamijka.

Quraacda iyo Qadada

Barnaamijkeena quraacdu wuxuu xaqiijinayaa in ay ardaydu helaan quraac caafimaad leh dugsigu intuusan bilaaban. Markay ardaydu dugsiga soo galaan, waxay horay u sii qaadanayaan quraacdooda ka dibna fasalka ku dhax-cunayaan. Quraacdu lacag la’aan ayay u tahay ardayda oo dhan, waxaana ka mid ah homemade whole grain muffins, cereal, fresh fruit, yogurt, breakfast sandwiches, and 100% juice and milk. Barnaamikeena nafaqada (nutrition) ee laga aqoonsanyahay wadanka oo dhan ee helay Abaal marinta waxaa cuntooyinka saldhig ka ah saxan habaysan oo qadaha iyo walibo mid adigoo u jeedid la sameynayo, iyo khiyaaro badan oo ay ka mid yihiin ansalaato, qudrada macaan iyo ta cagaaran. Barnaamijkeena cuntada waxaa ka mid yahay kuwo aad u kale duwan oo ka turjumaya noocyada cuntooyinka ee ay cunaan jaaliyadaheena kala gadisan, iyo baarhayaha cuntooyin kala gadisan oo la kale dooran karo, waxaa ka mid ah helib lo’ oo lagu shiilay bariis, digaaga dhanaan, ku macaan, iyo digaag suqaarka laga dhigay. Dugsi walba wuxuu siinayaa ardayda khiyaaro badan sida qudaarta macaan, tan cagaaran, digirta cagaaran oo cusub (fresh). Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay sameeyeen da’daal dheeraad ah in ay cuntadooda ugu daraan oo uga dhex-muuqato tan maxliga ah. Fiiri dab-caseeyaha ka muuqada masawirka ee dugsigaada cuntadiisa, markaas waxaad ogaanaysaa in ilmahaadu cuno cunto cusub oo ka soo baxday Minnesota laga soo bilaabo tufaax ilaa zukinidika (zucchini). Akhbaar dheeraad ah oo ku saabsan cuntada dugsiga iyo arjiga cuntad lacag la’aanta ah ama qiimaha jabna, wac 651-603-4950 ama booqo ns.spps.org.

Project REACH Education Services for Homeless Youth

Waxbarsho loogu talo galay dhalinta hoy la’aanta ah Project REACH wuxuu u fidiyaa taageero waxbarsho ardada ama qoysaska ay haysato hoy la’aan (homelessness). Adeegyada uu mashruucu ka caawiyo ardaygu waxaa ka mid ah ka diiwaan-galinta ardayga iskuul, u qorshaynta gadiidka iskuullada,u raadinta waxyaabaha sida (caafimaadka, adeegyada xagga sharciga, cunno, dhar iyo guryaha) iyo ka caawinta qalabka iskuulka.

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Achievement Plus

Ardadu iyo qoysasku waxaay u adeegyadani mutaysanayaan hadii ay ku noolyihiin shelter, motel/ hudheel,gaari dhushiis, xero, wadada, ama ay la noolyihiin ehello ama asxaab oo xaalada dhaqaale darted aysan u helikarin meel kale oo ay ku noolaadaan. Waxii akhbaar dheeraad ah soo wax 651-632-3790.

Fursadaha Title I

Kaalmada dowlada dhexe ee la yiraahdo Title I wuxuu caawiyaa aradayda, isagoo u adeega tiro badan oo ardayda ka mid ah kuwaas oo xaq u leh in ay helaan cunto lacag la’aan ah ama qiimo jaban. Caawimadan waxaa ku jiri kara mid ardayda ka taageerta dhinaca waxbarashada iyo dabeecadaha, tababar u samaynta shaqaalaha, iyo waxbarashada waalidka. Sidoo kale wuxuu barnaamijka caawinayaa ardayda hoy la’aanta ah kuwaas oo ku nool meel aan adeeg fiican siinayn ama caruurta xaalada khatarta ah ku jira. Akhbaar dheeraad ah, wac 651-632-3790 ama booqo title1.spps.org.

La-talinta Dugsiga (School Counseling
)

Lataliyayaasha dugsigu waa kuwa haysta sharici latalin oo khibradeed waxay meel-mariyaan ku dhaqanka sinaanta qomiyadaha kale duwan sidoo kale waxay oo saaran wixii caqabad aha ee hortaagan waxbarashada iyo guusha ardayda. Lataliyayaashu waxay ardayda iyo qoysaska awood ka siin karaan: • Caawinta waxbarashada • Caawinta dareenka dhinaca bulshada • U diyaar garowga kuleejka iyo xirfadaha shaqo

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 27


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

BARMAAMIJYADA TAAGEERADA ARDADA

Barnaamijka hagidda iyo latalinta ee aadka u Wanaagsan

Qaar kamid ah dadka aduunka gaaray guusha ugu badan waxay lahaayeen dad lataliya oo ay ku daydaanqof ay aamini karaan oo ay taladiisa raaci karaan. Barmaamijka Murabiga wanaagsan wuxuu isku dhafayaa hoogaamiyaal ganacsato ah oo gobolkeena ka yimid iyo kooxo arday wiilal ah oo kujira fasalada 10-12-aad oo isugu jira African American, American Indian, iyo Latino bishiiba laba-mar. Ardaydu waxay helayaan taageero la xiriira kuleejka iyo qorshaynta xirfadaha shaqada, barashada xirfado shaqo, sameysashada taariikh shaqo iyo waxbarasho (resume), iyo in ay booqdaan ganacsiga gudaha. Akhbaar dheeraad ah, wac 651-603-4941.

Gudiga Waalidka ee Lataliya Dugsiyada

Guddigan fursad ayuu u yahay waalidka in ay tala ku siiyaan dugsiga arimaha khuseeya ee saamayn kara ardayda iyo qoysaska Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul. Waalidku waxay hogaamiya ka noqon karaan dugsigooda ama heer degmo iyagoo soo maraya gudiga gaarka ah ee ay ka mid ka yihiin, waxaa ka mid ah gudiyo luuqad gaar u ah sida (Hmong, Spanish, Karen iyo Somali) iyo waliba gudiyada sida African American, Waxbarashada Gaarka ah, American Indian, Green iyo Bay’o Caafimaadle iyo Gender and Sexual Diversity. Akhbaar dheeraad ah, wa 651-767-8347 ama booqo engagement.spps.org.

Gudiga Waalidka ee Lataliya Degmada

Waalidka mutadhawaca ah ee ku jira gudigan waxay talo siiyaan gudoomiyaha waxbarashada iyo hogaamiyayaasha degmada arimaha saamaynaya ardayda sida waxbarashada gaarka ah, waxbarashada caruurta yar-yar, dhaqaalah degmada, dugsiyada xirmaya iyo arima kale. Gudigan wuxuu ka koobanyahay 24 ruux oo buuxinaya arimo badan sida qowmiyadaha, dhaqamada, khibrado iyo waxabarasho kale duwan si ay u matalaan ardayda Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul. Akhbaar dheeraad ah, wac 651-767-8347 ama booqo engagement.spps.org.

Machadka Waalidka

Machadka waalidku waa barnaamij caawiya waalidiinta iyo daryeelayaasha in ay bartaan sida ugu wanaagsan ee caruurtooda ay u caawin lahaayeen xiliga dugsiga iyo ka diba. Cashiro taxanaha oo soconaya ilaa lix asbuuc ayaa isu keenaya waalidiinta, dugsiyada iyo jaaliyadaba si ay u caawiyaan ardaydu in ay u diyaar noqdaan kuleejka, in ay bartaan imtixaanaadka halbeega waxbarasho ee Minnesota, manhajka dugsiga iyo dhisida fursado hogaamiyanimo. Waxaa la heli karaa barnaamijka oo luuqad gaar ah ku baxaya. Akhbaar dheeraad ah, wac 651-767-8347 ama booqo engagement.spps.org.

28 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


TACLIIN FASALKA DHAAFSAN

Barmaamijka Belwin Outdoor Science- ee Waxbarasho dhiirigalin leh laga baranayo waxyaabaha dabeeciga ah

Belwin waxay ku taalaa 225 acres oo ka mid ah Belwin Nature Conservancy, seyniska banaanka wuxuu si gaar ah ugu xiranyahay Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul. Sanda walba waxaa Belwin taga 10,000 arday oo dhigata dugsiyada SPPS kuwaas oo ka kooban fasalka 3-aad ilaa iyo 5-aad iyo 1,000 arday dugisyada sare dhigta. Banraamijka seyniska banaanka ee Belwin wuxuu ka koban yahay dhul gaaraya 5,000-square-foot oo ay ku jiraan guri fasalo leh, iyo fasal dheeri ah oo uu leeyahay mashruuca waxbarashada khaaska ah, sidoo kale Casby Observatory, oo ah solar filter laga eego dhibcaha qoraxda iyo taliskoobka ugu weyn ee Minnesota. Belwin waa meel wanaagsan oo lagu barto waxyaabaha dabeeciga ah ee Minnesota: Waxay ka kooban tahay sadexda howd ee Minnesota ee loo yaqaano Minneota biomes (prairie, pine and hardwood forests) iyo afarta biyood (stream, pond, marsh, and a glacial pothole).

Xidiginta Como

Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay leeyihiin planetarium(carwo lagu barto cilmiga fallaga) u gaar ah, waxaana uu ku yaalaa Dugsiga Hoose ee Como. Shaashadan 30-foot yahay dherarkeedu waxay arddayd (k-12) iyo dadweynaha kalaba u suurta galinaysaa soosaarid khibrad filim oo tayo fiican leh. Hadii aad rabto inaad duusho adoo adeegsanaysid Solar System ama inaad argto Migratory of grey whales, Planetarium waa meel wanaagsan oo aad ka helaysid adeegyada waxbarasho oo noocaasi.

Tababarka Saraakiisha Yaryar ee kaydka Ciidamada

JROTC waa barnaamij ciidamo oo dugsi sare kaas oo bara wadaninimo wanaagsan oo ardayda u diyaariya shaqo hoogaamiyanimo. Barnaamijku wuxuu ardayda siinayaa waxbarasho dhinaca warbaahinta ah iyo waliba fursado si loogu adeego dugsiyada iyo bulshada, laga qaybqaato nashaadaad waxbarasho oo dheeraad ah, iyo tartan dhiiri-galinaya ardayda yaryar ee tababarka ku jirta (cadets). Ardaydu sidoo kale waxay kiridhit (credit) u buuxiya fasalada dheeraadka ah ee loo yaqaano (electives). JROTC waxaa bixiya Dugsiyadan Sare ee Hoose ku Qoran: Washington Technology – Navy; Harding Senior High – Navy; Como Park Senior – Marines; Johnson Senior High – Air Force; Humboldt High School – Army

Qorsheynta Talaabooyinka Seyniska iyo Injineeriyada

Hay’ada 3M Foundation ayaa si deeqsinimo ku jirto kharash ugu bixisa qayba badan oo ka mid ah STEM (Seyniska, Tignoolajiyada, Injineeriyada iyo Xisaabta) barnaamijyada iyo khibradaha ardayda k-12 ee SPPS, oo ay ku jiraan safaro (filed trips) iy khibardo waxbarasho oo loo sameynayo ardayda dugsiyada hoose oo dhan, field trip/rixlooyinka oo la xiriira seynis iyo/ama injineerinimo oo loogu talagaly in ay ardayda ka caawiso fahamka helbeega seyniska ee imtixaanaadka Minnesota, sidoo kale barnaamjiku wuxuu daboolayaa kharashka ogolaanshaha iyo gaadiidkaba. Meelaha safarada loo aadi waxaa ka mid ah Como Planetarium, Belwin Outdoor Science, iyo The Bakken Museum.

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Ardayda dhigato, dugsiga hoose, dhexe iyo sare waxay fursad u helayaan nashaadaad waxbarasho iyo mada’daalo. Hoos waxaad ka helaysaa tusaale kooban oo ka mid ah barnaamijyada ugu caansan ee dhiirigaliya ardaydeena.

Hay’ada Genesys Works

Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay iskaashi la sameeyeen hay’ada Genesys ee Shaqooyinka oo ah hay’ad aan macaash doon ahayn taas oo ku xirta ardayda dusiga sare ganacsiyo raadinaya shaqaale aqoon u leh tignoolojiyada. Ardaydu waxay dhamaystirayaan tababaro soconaya dhowr asbuuc kaas oo laqaato marka ay dhameeyaan fasalka 11-aad xilga xagaaga (summer) ka dib waxaa fursad loo siinayaa in ay noqdaadaan shaqaale ku meel gaar ah (internship) oo lacag la siinayo inta ay ku jiraan fasalka 12-aad. Ardaydu waxay baranayaan xirfado, waxay helayaan dhaqaale, sidoo kale waxay helayaan kiridhit ku began fasalda loo ayaqaano electives, waa fasalda dheeraadka ah.

Barnaamijka STEP ee 3M

Barnaamijka Dhiirigalinta Tababarka Seyniska waa iskaashi u dhexeeya 3M iyo SPPS oo ku caawinaya ardayda in ay ka qaybqaataan hababka khibrada iyo soo-saarka cilimga (scientific discovery and experience). Ardaydu waxay ka qayb qaadanayaan maadooyin asbuuciiba laba maalmood baxa oo ay bixiso 3M markay ku jiraan semesterka labaad ka dib waxay xagaaga (summer) dhamaystirayaan internship. Ardayda ka qaybqaadanaysa waa in ay ahaadaan 16 jir ugu yaraan; cecaliska dhibcahoodu (GPA) uu ka badanyahay 2.0; imaanshahooda iskuulku uu fiicanyahay; oo ay xiisana u hayaan barashada seyniska.

Sprockets

Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay la shaqeeyaan hay’adaha bulshada iyga oo maraya xiriirka loo yaqaan (Sprockets network) si ay ardayda u siiyaan nashaadaadka iskuulka ka dib, barnaamijyada xagaaga, ama waxyaabo kale oo caruurta u wanaagsan. Si aad u hesho barnaamijyo caruurta, dhalinyarada yaryar iyo dhalinyarada roon-roon oo u dhow ciwaanka gurigaada ama iskuulkaada, booqo sprocketssaintpaul.org.

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 29


30 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015

Si aad u doorato dugsiga ikhyaarkaadaha, ka soo saar aagaaga xuduudka loo yaqaan (A-F1/F2)

Raadi aagaada

Aaga dugsiga laga soo aadi karo Soonayaasha dugsiyada xaafada Waxaa kala qaybisa wadada 35E

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

KHARIIRADA DUGSIYADA HOOSE


SHAXDA TIXRAACA DUGSIYADA HOOSE Dugsiyada Xaafadaada

Dugsiyada xaafadahu waxay ardayda siiyaan waxbarasho wanaagsan oo ay ka heli karaan dugsi u dhow guriga. Waxaa kale oo ay bixiyaan fursado waxabarasho iyo barnaamijyo ciyaareed. Hadii aad su’aal dheeraad ah qabto, la xiriir Xarunta Meelaynta Ardayda 651-632-3760. Faah faahintan way isbadali kartaa

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

PreK

iPads **

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada *

Frost Lake Elementary (PreK-5) frost.spps.org | 651-293-8930

9:30 subax 4:00 galab

Hazel Park Preparatory Academy (PreK-8) hppa.spps.org | 651-293-8970

9:30 subax 4:00 galab

201516

The Heights Community School (PreK-5) heights.spps.org | 651-293-8815

8:30 subax 3:00 galab

201516

Battle Creek Elementary (PreK-5) battlecreekel.spps.org | 651-744-4130

8:30 subax 3:00 galab

201516

Dayton’s Bluff Achievement Plus (PreK-5) daytonsbluff.spps.org | 651-293-8915

8:30 subax 3:00 galab

201516

Eastern Heights Elementary (PreK-5) eastern.spps.org | 651-293-8870

9:30 subax 4:00 galab

Highwood Hills Elementary (PreK-5) highwoodhills.spps.org | 651-744-3290

8:30 subax 3:00 galab

201516

Bruce F. Vento Elementary (PreK-5) vento.spps.org | 651-293-8685

8:30 subax 3:00 galab

201516

John A. Johnson Achievement Plus (PreK-5) jaj.spps.org | 651-793-7300

8:30 subax 3:00 galab

Cherokee Heights Elementary (PreK-5) cherokeeheights.spps.org | 651-293-8610

8:30 subax 3:00 galab

Riverview West Side School of Excellence (PreK-5) riverview.spps.org | 651-293-8665

8:30 subax 3:00 galab

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay xaafad walba oo Saint Paul ka mid ah ku leeyihiin dugsiyo wanaagsan. Hadaad doorato dugsiga xaafadaada ee gurigaada u dhow iyo hadaad isku qorto dugsi Magnet ah oo heer degmo ama gobol ah, waxaad heli dugsi hoose oo kugu haboon. Si aad u hesho gaadiidka baska, dooro dugsi ama barnaamijka magnet-ka ah ee u adeega Aaga aad ku nooshahay.

Aagga A

Aagga B

Aagga C

Aagga D

Aagga E

201516

9:30 subax 4:00 galab

Hamline Elementary (PreK-5) hamline.spps.org | 651-293-8715

8:30 subax 3:00 galab

St. Anthony Park Elementary (K-5) stanthony.spps.org | 651-293-8735

8:30 subax 3:00 galab

Chelsea Heights Elementary (K-5) chelsea.spps.org | 651-293-8790

8:30 subax 3:00 galab

Como Park Elementary (PreK-5) comoel.spps.org | 651-293-8820

8:30 subax 3:00 galab

Galtier Community School (PreK-5) galtier.spps.org | 651-293-8710

* Macadka Luuqadu waa barnaamij ay leeyihiin ardayda barta luuqada Ingiriisiga. Macluumaad dheeraad ah eeg boga 18. | ** Xilliga ipaadka la qaybinayo waxaa laga yaabaa inuu isbadelo

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 31


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

SHAXDA TIXRAACA DUGSIYADA HOOSE Dugsiyada Xaafadaada

Faah faahintan way isbadali kartaa

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

PreK

iPads **

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

EXPO Elementary (PreK-5) expo.spps.org | 651-290-8384

8:30 subax 3:00 galab

201516

Groveland Park Elementary (PreK-5) groveland.spps.org | 651-293-8760

9:30 subax 4:00 galab

201516

Horace Mann School (K-5) mann.spps.org | 651-293-8965

8:30 subax 3:00 galab

Jackson Elementary (PreK-5) jackson.spps.org | 651-293-8650

8:30 subax 3:00 galab

Maxfield Elementary (PreK-5) maxfield.spps.org | 651-293-8680

8:30 subax 3:00 galab

Randolph Heights Elementary (K-5) randolph.spps.org | 651-293-8780

9:30 subax 4:00 galab

Macadka Luuqada *

Aagga F

* Macadka Luuqadu waa barnaamij ay leeyihiin ardayda barta luuqada Ingiriisiga. Macluumaad dheeraad ah eeg boga 18. | ** Xilliga ipaadka la qaybinayo waxaa laga yaabaa inuu isbadelo

Dugsiyada Magnet-ka ee heer Degmo/Gobol

Dugsiyada loo yaqaano Magnet waxay diirada saaraaan maadooyinka ay ka midka yihiin akhriska,xisaabta, iyo seyniska oo ay waliba xooga sii saarayaan qaybo gaara ah. Inta-badan, barnaamijyadanu diyaar ayay caruurta u yihiin laga soo bilaabo xanaanada ilaa fasalka 12-aad. Faah faahintan way isbadali kartaa

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

PreK

iPads **

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada *

Aerospace/Engineering

Dugsiganu wuxuu si gaar ah u baraa maadooyinka la xiriira habka diyaarada iyo injineerinimada: Shuruuda galita: Wax shuruuda kuma xirna. Farnsworth Aerospace - PreK-4 Campus farnsworth.spps.org | 651-293-8675

A-F

9:35 subax 4:05 galab

Farnsworth Aerospace - 5-8 Campus farnsworth.spps.org | 651-293-8880

A-F

9:30 subax 4:00 galab

American Indian Language and Culture

Waxaa lagu bartaa taariikhda, dhaqanka, farshaxanka, caadada, iyo qiimaha qoomiyada American Indian. Shuruudaha lagu dhigan karo: Wax shardi ah kuma xirna. Ardayda ka soo jeeda qoomiyada American Indian ayaa waxaa laga yaabaa in la siiyo addeegyo dheeraad ah oo ay taageerayso Adeega Waxbarashada Dugsiyada SPPS ee qoomiyada Indianka. Arintaan si looga qaybgalo ardaydu waa inay dhamaystiraan arjiga barnaamijka dowlada dhexe ee lagu magacaabo “Title VII Student Eligibility Certification. American Indian Magnet (PreK-8) aims.spps.org | 651-778-3100

A-F

9:30 subax 4:00 galab

201516

BioSMART

Wuxuu barnaamijkaani diirada saaraa isku dhafka cilmiga loo yaqaan bioscience iyo cilmiga teknoolajiyada. Shuruuda galita: wax shuruuda kuma xirna. Wellstone Elementary (PreK-5) wellstone.spps.org | 651-290-8354

A-F

9:30 subax 4:00 galab

201516

Capitol Hill Gifted & Talented

Barnaamijkaan waxay ardayda kula dadaala in ay soo saaraan awooda iyo kartida ay wax ku baran karaan. Shuruudaha lagu dhigan karo: Waxayku xirantahay qiimaynta degmadu qaado oo ay ku jirto awooda fahm ee maskaxda (Cognitive Abilities) Test (CogAt 7) oo ah imtixaan ay ardaydu qaataan si loo ogaado ardayga fahmada badan, fasalada 1-5. Capitol Hill Gifted & Talented (1-8) capitolhill.spps.org | 651-325-2500

A-F

8:30 subax 3:00 galab

* Macadka Luuqadu waa barnaamij ay leeyihiin ardayda barta luuqada Ingiriisiga. Macluumaad dheeraad ah eeg boga 18. | ** Xilliga ipaadka la qaybinayo waxaa laga yaabaa inuu isbadelo

32 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


SHAXDA TIXRAACA DUGSIYADA HOOSE Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

PreK

iPads **

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada *

French Immersion

Ardayda waxaa wax lagu baraa luuqada Faransiiska si ay luuqadaas akhriskeeda, qoraalkeeda iyo waliba dhaqankeeda sifiican fahm sarale ugu barataan. Shuruudaha lagu dhigan karo: Imtixaanka lagu aqbalo luuqada Faransiiska (fasalada 2-aad iyo wixii ka sareeya). L’Etoile du Nord – Lower Campus (K-1) frenchimmersion.spps.org | 651-221-1480

A-F

9:30 subax 4:00 galab

201516

L’Etoile du Nord – Upper Campus (2-5) frenchimmersion.spps.org | 651-221-1480

A-F

9:40 subax 4:10 galab

201516

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Faah faahintan way isbadali kartaa

Hmong/English Two-Way Immersion (Hmong Dual Language)

Ardayda Ingiriiska ku hadla iyo kuwa Hmonga ku hadla labaduba waxay bartaan labada luuqadood. Shuruudaha lagu dhigan karo: Waa in ardaygu dhiganayaa fasalada labada luuqadood (Two-Way Immersion (Hmong Dual Language). Ardaygu waa inuu qaataa imtixaanka qiimaynta luuqada Hmong (fasalada 2-aad iyo wixii ka sareeya). Jackson Elementary (PreK-5) jackson.spps.org | 651-293-8650

C (West of 35E), D, E, F

8:30 subax 3:00 galab

Phalen Lake Hmong Studies (PreK-5) phalenlake.spps.org | 651-293-8935

A, B, C (East of 35E)

8:30 subax 3:00 galab

International Baccalaureate (IB)

Waa Barnaamij Caalamiya oo ardayda tacliinta u dadajinaya si ay u noqdaan kuwo wax soo saar leh oo dunada wax. Tara:shuruuda lagu dhigan karo: Faslada K-5 ee iskuulka oo dhan, barnaamijka sanadaha dugsiga hoose (PYP) ilaa xiliga kala guurka ee Barnaamijka Dugsiga Dhexe. Benjamin E. Mays IB World School (PreK-5) benmays.spps.org | 651-325-2400

A, B, C, E, F

8:30 subax 3:00 galab

201516

Hazel Park Preparatory Academy (PreK-8) IB PYP/MYP Candidate hppa.spps.org | 651-293-8970

A, B

9:30 subax 4:00 galab

201516

Highland Park Elementary (K-5) highlandel.spps.org | 651-293-8770

D, F

9:30 subax 4:00 galab

201516

Mandarin Immersion

Ardayda waxaa wax lugu baraa luuqada Mandarin ee Shiinaha si ay faham sare ugu yeeshaan akhriska qoraalka, iyo wadahadalka si ay ugu bartaan luuqada iyo dhaqanka shiinaha. Shuruudaha lagu dhigan karo: Imtixaanka lagu ogolaado barashada luuqada shiinaha fasalada 2-aad iyo wixii ka sareeya). Jie Ming Mandarin Immersion Academy (K-4) jieming.spps.org | 651-293-8715

A-F

8:30 subax 3:00 galab

Montessori

Barista habka ku salaysan tusmooyinka in ilmawalba uu leeyahay awoodiisa, baahidiisa, wuxuu jecalyahay iyo qaabkiisa waxbarasho oo ku dhisan habk falsafadeed ee nidaamka Montessori.Shuruudaha lagu dhigan karo: wax shuruud ah kuma xirna. A-F

8:30 subax 3:00 galab

J.J. Hill Montessori (PreK-5) jjhill.spps.org | 651-293-8720

C (West of 35E), D, E, F

8:30 subax 3:00 galab

201516

Nokomis Montessori - North (PreK-5) nokomis.spps.org | 651-744-7440

A, C (East of 35E)

9:35 subax 4:05 galab

201516

Nokomis Montessori - South (PreK-5) nokomis.spps.org | 651-744-5500

B

9:35 subax 4:05 galab

201516

Crossroads Montessori, year-round (PreK-5) crossroads.spps.org | 651-767-8540

Preparatory School Iskuulku waxaa ka baxaa cashirro u diyaarinayo ardada koolijka iyo waxbarshada heerka jaamacadaha. Shruudaha lagu galo iskuulkaas: Ardayga u ma baahno wax shuruud ah.

Obama Elementary (PreK-5) obama.spps.org | 651-293-8625

A-F

8:30 subax 3:00 galab

* Macadka Luuqadu waa barnaamij ay leeyihiin ardayda barta luuqada Ingiriisiga. Macluumaad dheeraad ah eeg boga 18. | ** Xilliga ipaadka la qaybinayo waxaa laga yaabaa inuu isbadelo

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 33


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

SHAXDA TIXRAACA DUGSIYADA HOOSE Faah faahintan way isbadali kartaa

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

PreK

iPads **

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada *

Science

Waa wax barid gaar ah oo diirada saaraysa waxyaabaha gacanta laga qabto oo la xiriira cilmga seyniska: Shuruuda lagu dhigan karo: wax shuruuda kuma xirna. Crossroads Science, year-round (PreK-5) crossroads.spps.org | 651-767-8540

A-F

8:30 subax 3:00 galab

Spanish/English Two-Way Immersion

Ardayda ku hadasha luuqada Ingiriisiga iyo ardayda ku hadasha luuqada Isbaaneshka ayaa labad luuqadoodba baranaya. Shuruuda lagu dhigan karo: Waa in uu ardaygu ku jiraa fasalada labada luuqo ee loo yaqaan Two-Way Immersion iyo in ardaygu qaataa imtixaanka aqoonta luuqada Isbaaneshka (fasalada 2-aad iyo wixii ka sareeya). Riverview West Side School of Excellence (PreK-5) riverview.spps.org | 651-293-8665

B, D, F

8:30 subax 3:00 galab

Wellstone Elementary (PreK-5) wellstone.spps.org | 651-290-8354

A, C, E

9:30 subax 4:00 galab

201516

• •

Spanish Immersion

Ardayda waxaa wax lagu baraa luuqada Isbaaneshka si ay aqoon sare ugu yeeshaan akhriskeeda, qoristeeda iyo in ay ku xiriiri karaan luuqada Isbaaneshka oo ay bartaan dhaqanka Isbaanishka. Shuruuda lagu dhigan kar. In ardaygu qaataa imtixaanka aqoonta luuqada Isbaaneshka ( fasalada 2-aad iyo wixii ka sareeya). Adams Spanish Immersion Magnet (K-5) adams.spps.org | 651-298-1595

A-F

9:30 subax 4:00 galab

Visual and Performing Arts

Cilmiga farshaxanka ee muuqaalka iyo bandhigita ayaa lala falgalinayaa waxbarashada si looga dhigo ficil ahaan, oo ay u noqoto khibrad dugsi oo wax abuurle. Shuruuda lagu dhigan karo: in qofku uu aad u xiisaynayo ama uu diyaar u yahay nuu sahamiyo tacliinta qofku naftiisa ku soo saarayo ayadoo la isticmaalayo cilmiga farshaxanka. A-F

8:30 subax 3:00 galab

201516

A, B, C

9:30 subax 4:00 galab

Linwood Monroe Arts Plus - Lower (K-3) lmap.spps.org | 651-293-6606

D, F

9:40 subax 4:10 galab

Linwood Monroe - Upper (Pre-K, 4-8) lmap.spps.org | 651-293-8690

D, F

9:30 subax 4:00 galab

A, B, C, E

8:30 subax 3:00 galab

Four Seasons Arts+ (PreK-5) fourseasons.spps.org | 651-290-7595 Mississippi Creative Arts (PreK-5) mississippi.spps.org | 651-293-8840

Saint Paul Music Academy (PreK-5) spmusicacademy.spps.org | 651-293-8795

201516

* Macadka Luuqadu waa barnaamij ay leeyihiin ardayda barta luuqada Ingiriisiga. Macluumaad dheeraad ah eeg boga 18. | ** Xilliga ipaadka la qaybinayo waxaa laga yaabaa inuu isbadelo

SHARAXAADA DUGSIYADA HOOSE Adams Spanish Immersion (K-5)

615 S. Chatsworth St. | adams.spps.org | 651-298-1595 Hadii aad ka doonaysid waxbarasho caalami ah oo aadan u safareyn, fiiro u yeelo dugsiga Adams ee labada luuqu lagu barto. Dusigeenu waa meel shaqaalaha iyo qoysaskuba ay qiimeeyaan fursada ay u helayaan barashada labada luuqo. Ardayda xanaanada ilaa iyo fasalka 1-aad waxay bartaan maadooyinka aasaasiga ah sida, xisaabta, akhriska, luuqada, seyniska, cilmiga bulshada oo ay ku bartaan luuqada Isbaaneshka/Spanish. Laga bilaabo fasalka 2-aad ardaydu waxay maalin walba helayaan 30 daqiiqo oo ay ku baranayaan luuqadda Ingiriisiga. Manhajkeena waxaa saldhig u ah cilmiga farshaxanka, muusigada, tignoolajiyada, iyo waxbarashada jir-dhiska. Waan u mahadnaqaynaa waalidiinta nala shaqeeya iyo bulshada hawl-wadaagata nala ah iyo sidoo kale dadka bulshada ee iskaashiga nagala qaybqaata, kooxa firfircoon oo mutadhawiciin ah waxay dhamaan caawinaysaa ardaydeena iyo macalimiinteena.

34 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


SHARAXAADA DUGSIYADA HOOSE Tubata Tacliinta: Adams > Highland Middle > Highland Senior Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

A-F

9:30 subax - 4:00 galab

Macadka Luuqada

American Indian Magnet (PreK-8)

1075 E. Third St. | aims.spps.org | 651-778-3100 Dugsigeena waxbarashadiisu waxay salka ku haysaa taariikhda, dhaqanka, farshaxanka, caadaadka iyo qiyamka Indian Americans. Waan soo dhawaynaynaa ardayda dhaqamada kale duwan oo dhan in ay bartaan waxbarasho la xiriita Indian American. Macalimiintu waxay kulifaaqayaan luuqadaha iyo dhaqanka Ojibwe iyo Lakota maadooyinka waxbarashada. Anaga oo adeegsanayo barnaamijkeena buuga bisha, waxaan dugsiyada oo dhan u soo banadhigaynaa khibrada akhirska iyo qorida luqadda Indian Americaanka ee caawinaysa arday walba inuu aad ugu faraxsanaado akhriska. Dugsiga Indianka ee Magnet-ka ah wuxuu bogaadinayaa in waalidiinta iyo qaybaha jaalida ee kale ka qayb-qaateen machadka waalidka, gurbaanka, qoob ka ciyaarka, iyo xaflada Powpow ee bil kasta dhaco. Sidoo kale, waxaan ardayda fasallada 6-aad ilaa 8-aad siinaynaa barnaamijka AVID, kaas oo diiradda saaraya inu ardayda u diyaariyo guulgaarid dhinaca fasallada iyo galida kuleejkaba. Maadooyinkeena waxaa sare u qaadaya khubarada seyniska, luuqadaha iyo dhaqanka Lakota iyo Ojibwe iyo waxbarashada jir-dhiska. Ardadeena dugsiga dhexe (6-8) waxaa khasab ku ah in ay qaataan mid ka mid ah luuqadaha Lakota ama Ojibwe si ay ugu diyaar garoobaan sii wadashada barashada Indian American-ka ee Dugsiga Sare ee Harding. Wuxuuna ka baxayaa dugsiga sare ee Harding. Barnaamijka dugsiga ka dib oo uu ku jiro barnaamijka kobciska dhalinyarada Indianka, Urban 4-H, waxbarashada maalinta la dhereeyay(Extended Day for Learning) iyo ciyaarah fudud.

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Sidoo kale waxaan nasiib u helnay in aan haysano Amity Interns –oo ah arday luuqadooda kowaad tahay Isbaanesh/Spanish kuwaas oo hodantinimada dhaqanka ku soo kor dhinaya dugsiga bulshada. Imow oo soo booqo si aad u aragto waxyaaba ah ka jira dugsiga Adams.

Tubata Tacliinta: American Indian > American Indian > Harding Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

A-F

9:30 subax - 4:00 galab

2015-16

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

Battle Creek Elementary (PreK-5)

60 S. Ruth St. | battlecreekel.spps.org | 651-744-4130 Buuraha geeda-layda iyo dhulka qoyan ee jirdiinooyinka Battle Creek waxay ardayda siinaysaa fursad gaar ah oo ay ku bartaan kheyraadka dabeeciga ah ee Minnesota. Waxaan xooga saaranaa waxbarasho nashaadle oo ficil ahaan loo baranayo, iyada oo la isticmaalayo howdka iyo wadooyinka amaanka ah laga bilaabo barashada biyaha baliyada ku jira ilaa iyo dhax-socodka dhulka dabeeciga ah, Ardaydu waxay fursada u helayaan barashada muusiga, jir-dhiska, iyo cilmiga farshaxanka ee muuqaalka ah. Waalidkeena fir-fircoon ayaa dugsigeena hormariya, iyaga oo ku caawiya lacag u aruurinta si nashaadaad iyo adeegyo dheeraad ah loo helo. Iskaashiga aan la leenahay Minneapolis Institute of Art, Ordway Performing Arts Center, STARBASE iyo YMCA ayaa sare u qaadaya khibrada arday walba. Battle Creek oo ay ku wareegsantahay bay’o dabeeci ah, ardaydu waxay bartaan isku kalsooni iyo wadaninimo wanaagsan. Tubata Tacliinta: Battle Creek Elementary > Battle Creek Middle > Harding Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

B

8:30 subax - 3:00 galab

2015-16

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

Benjamin E. Mays IB World School (PreK-5)

560 Concordia Ave. | benmays.spps.org | 651-325-2400 Dugsigeenu wuxuu ardayd ku dhiiri-galiyaa in ay si sare oo caalami ah u fakaraan. Maadaam aan nahay International Baccalaureate (IB) dugsi, waxaan ardaydeena ku dhiiri galainaynaa in ay fahmaan aduunka ku hareeraysan iyo sidii ay talaabo ku aadan u qaadi lahayeen. Barnaamijyada IB waxay ku dadaalayaan in ay ardayda ka caawiyaan sidii ay u yeelan lahayeen faham caalami ah, iyaga oo ka baranaya mashruucyada ay ku sameynayaan fasalada dhexdooda, kuwaas oo baraya dhacdooyinka dhab ah oo ka dhaca dunida. Macalimiinteena khubarada ah waxay ardayda siinayaan cashiro luuqada Isbaaneshka ku baxa, waxbarashada jir-dhiska, iyo muusiga oo ay ku jiraan hobolada Orchestra iyo Chorus. Boqolaal iskaa wax u qabsadayaal ah ayaa ardaydeena wax u aqriya sanad walba, waalidiinteena awood dheeraad ayay ka yihiin dugsigeena. Aad buu ugu faraxsanaan lahaa Dr. Benjamin Mays oo dugsigeena loogu magacdaray. Dharka Uniform-ka ayaa khasab ah. Tubata Tacliinta: Ben E. Mays > Hazel Park (A, B, C-East), Ramsey (C-West, E, F1) or Highland Mid (F2) > Harding (A, B, C-East), Central (C-West, E, F1) or Highland Senior (F2) Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

A, B, C, E, F

8:30 subax - 3:00 galab

2015-16

Macadka Luuqada

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 35


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

SHARAXAADA DUGSIYADA HOOSE Bruce F. Vento Elementary (PreK-5)

409 Case Ave. | vento.spps.org | 651-293-8685 Dugsigeena ardayday maalinta kowaadba waxay bilaabayaan in ay kuleej isku diyaariyaan. Iyada oo ay ardaydu u jeedaan calamada midabada badan iyo shaqaalaha oo si farxadi ku jirto u ogaysiinaya ardayda meesha ay kuleejka ka dhigteen, Dugsiga hoose ee Bruce Vento ayaa si xoog ah ugu cadaynaya ardayda in kuleejku yahay hadafka ardadydeena. Fasal walaba wuxuu qaadanayaa kuleej ama jaamacad, markaasna baranayaan deegaanka kuleejkaas ama jaamacadaas. Sidoo kale, kuleejyada iyo jaamacaduhu waxay ardaydeena siinayaan fursad ay ku boodaan deegaankooda ama mashaariic wanaagsan sida sameynta qolabka caruurtu ku ciyaarto (toys) iyaga oo isticmaalaya aalada loo yaqaan 3D computer-aid interior design ayay ardayda iskaashi kula samaynayaan. Xarunteena kheyraadka waalidka, waxaan iskaashi la samaynaa Xarunta Qoysaska ee Dhinaca Bariga iyo Xarunta Caafimaadqabka iyo Dhaqanka si ay qoysaskeena u taageeraan. Tubata Tacliinta: Bruce Vento > Washington > Washington Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

C

8:30 subax - 3:00 galab

2015-16

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

Capitol Hill Gifted and Talented Magnet (1-8)

560 Concordia Ave. | capitolhill.spps.org | 651-325-2500 Dugsigeenu wuxuu ardayda oo culays ku saarayaa in ay sii raacdaan waxa ay ku fiicanyihiin, xiisaynayaan, oo ay jecelyihiin. Ardaydu waxay ka qayb-qaadan karaan kooxa ah muusiga sida choir, orchestra iyo Suzki strings. Nashaadaadka kale oo dhaca xiliga dugsiga ama kadib waxaa ka mid ah qaab dhismeedka Qaramada Midoobay, Maalinta Taariikhda, bandhiga seyniska, tartanka juquraafiga, dooda, barashad rayada iyo kuwo kale oo badan. Fasallada Capitol Hill's waxay isticmaal iyo nolol ku soo celinayaan seyniska, farshaxanka muuqaalka ah, gurbaanka, waxbarashada jir-dhiska, iyo muusiga. Tartamada maxaliga ah, kuwa gobolka iyo kuwa wadanka guud ayaa ardaydeena ku dhiiri-galinaya in ay aad u sareeyaan. Aqbalaada fasalada 1-5-aad wuxuu ku salaysan yahay imtixaan ay qaaday degmadu oo la qaaday fasallada xanaanada iyo 2-aad. Fasalada 6-8-aad ogolaanshahoodu imtixaan kuma xirna. Tubata Tacliinta: Capitol Hill > Capitol Hill > Highland Senior Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

A-F

8:30 subax - 3:00 galab

Macadka Luuqada

Chelsea Heights Elementary (K-5)

1557 Huron St. | chelsea.spps.org | 651-293-8790 Waxaan bixinaa jawi ku dhisan dugsi yar, laakiin nashaadaad dugsi wayn oo kale leh: Farshaxanka, ciyaarta qaansada iyo leebka iyo dhamaan carwooyinka seyniska dugsiga. Chelsea Heights wuxuu ku yaalaa xaafad deegaan ah oo buuq yar, wuxuu diirada saaraa waxbarid ku dhisan habka ugu wanaagsan ee arday walba wax ku baran karo. Mutadhawiciin bulshada ka mid ah ayaa ardaydeena ka caawiya akhriska, halka waalidiinta fir-fircooni ay ka qorshaynayaan xafladaha, lacag uruurinta, si loo abuuro fursad aad u wanaagsan. Dugsigeenu wuxuu ku xigaa Xarunta ciyaaraha iyo madadaalada ee Northwest Como, halkaas oo qoysasku ardaydooda ka diiwaan galin karaan S’more Fan si ay ugu ciyaaraan dugsiga kahor ama ka dib. Dugsiga Chelsea Heights xaafada wanaagsan wuxuu ardayda siinayaa khibrad fiican oo ay ku bartaan seyniska, muusiga, farshaxanka, tignoolajiga iyo jir-dhiska. Tubata Tacliinta: Chelsea Heights > Murray > Como Park Senior Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

E

8:30 subax - 3:00 galab

Macadka Luuqada

Cherokee Heights Elementary (PreK-5)

694 Charlton St. | cherokeeheights.spps.org | 651-293-8610 Dugsigeenu wuxuu u dabaal-dagaa, oo uu dhiiri-galiyaa in qoyska oo dhani ka qaybqaato waxbarashada caruurtooda. Akhris xiiso leh oo adag ayaa dhiiri galiyaa dugsiga oo dhan iyo arday walba si uu uga qayb-qaato akhriska, shaqaalaheena dadaalka badan wuxay arday walba ku caawiyaan taageero iyo dhiirigalin. Dugsigeena Cherokee sidoo kale wuxuu ku faanayaa wada shaqaynta uu la leeyahay hay’ada Travelers Foundation, taas oo ardayda siisa khibrad farshaxan iyo masrax oo ay ku jiraan gurbaanka afirkaanka (African Drumming), oraahyo, iyo qoobka ciyaarka hip hop. Maadaama ay haystaan xarun warbaahin oo qalabaysan, waxay ardaydeenu dugsiga oo dhan u soo saaraan warar toos ah asbuucii laba-jeer. Barnaamijyada dugsiga ka dib waxay dheereeyaan wakhtiga barashada, wada shaqaynta iyo xirfadaha la dhaqanka bulshada. Dugsiga Cherokee Heights wuu jecelyahay barkadeena ku taal gudaha, oo ay dabaasha ku baraan ardayda macalimiin sharci u leh oo ka socota hay’da Red Cross-ka. Tubata Tacliinta: Cherokee Heights > Humboldt > Humboldt Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

D

8:30 subax - 3:00 galab

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay •

36 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015

Macadka Luuqada


SHARAXAADA DUGSIYADA HOOSE 780 W Wheelock Pkwy | comoel.spps.org | 651-293-8820 Dugsigeenu wuxuu ardayda siiyaa kheyraad aan le heli Karin oo ay ku jiraan xarunta xidiglayda (planetarium) tan kaliya ee ay degmadu leedahay ee u dhow Come Park. Sidaas daraadeed, Dugsigeenu si gaar ah ayuu waxbarashada dabeeciga ah diirada u saaraa. Si joogta ah ayay jaaliyadeenu ugu xirantahay goobahan muhiimka ah sida Belwin Outdoor Science, Bakken Museum, Children’s Museum, Big River Journey, Como Zoo, and Starbase Minnesota. Ardayda dhigata dusigeena si aad ah ayay ugu guulaysteen in ay sare u qaadaan akhriska iyo xisaabta. Fasalada maadooyinka muhiimka ah waxaa dheer, waxaa dhiiri galiya ardaydeena yar-yar ee culuumta seyniska, barashashda bulshada, muusiga, farshaxanka waxbarashada jir-dhiska. Ardaydu waxay tignoolajiga u isticmaalaan in uu yahay aalad waxbarasho oo ay macluumaadka ku fahmaan ka dibna ay ku jeediyaan maadooyinkii ay soo barteen oo dhan. Tubata Tacliinta: Como Park Elementary > Murray > Como Park Senior Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

E

8:30 subax - 3:00 galab

2015-16

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Como Park Elementary (PreK-5)

Crossroads Montessori, year-round (PreK-5)

543 Front Ave. | crossroads.spps.org | 651-767-8540 Crossroads waa dugsiga kaliya ee Degmada ee sanadka oo dhan socoda, 45 maalmood furan, 15 maalmoodna xiran. Maria Montessori waxay 10 sano kahor Talyaaniga ka hirgalisay waxbarashada ku salaysan baahida shakhsiga, habkeedu waxbarashana ilaa maanta waa laga isticmaalaa Dugsiga Crossroads. Ardaydu waxbay baranayaan iyaga oo raacayo rabitaankooda iyo dareenkooda dabeeciga ah ee ku aadan aduunaka, macalimiintuna waxay siinayaan ardayda bay’o dhiiri-galin oo hagto arday walba in uu wax ku barto rabitaankiisa dabeeciga ah. Wada-shaqayntu waa qiyam muhiim u ah waxbarida Montessoriga, kaas oo sidoo kale soo bandhigaya fasallo badan, oo ku wada shaqaynaya jawi qoys oo kala ah iyo macalimiin ardayda la joogaya labo ilaa sadex sano. Ardaydu waxbay kala baranayaan iyaga oo soo bandhigaya isku filaansho, aadaab, nabad abuurid iyo waliba wadaninimo caalami ah. Dharka Uniform-ka ayaa khasab ah. Tubata Tacliinta: Crossroads Montessori > Parkway > Your Community High School Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

A-F

8:30 subax - 3:00 galab

Macadka Luuqada

Crossroads Science, year-round (PreK-5)

543 Front Ave. | crossroads.spps.org | 651-767-8540 Crossroads Elementary Science Magnet waa barnaamij sanadka oo dhan jira, 45-maalmood furan, 15-maalmood xiran. Aad ayaan seyniska ugu faraxsanahay! Seyniska ayaa maadooyinka muhiimka ah oo dhan lagu dhex-sameyay waana aasaaska akhriska, qoraalka iyo xisaabta. Dugsigeena gudihiisa waxaa ku yaala qol shaybaar ah oo aad u qalabaysan iyada oo lala kaashanayo xarunta hidaha iyo taariikhda dabeeciga ee Jaamacada Minnesota, halkaas oo ay ardaydu gacmahooda ku samayn karaan mashiino, nashqado iyo waliba baaritaan. Xarunta warbaahinta iyo maktabada ee casriga ah ayaa sidoo kale laga helayaa kheyraad badan. Barnaamijka nashaadaadka iyo barashada ee maalinta loo dheereeyay (Extended Day Learning) waxaa ka mid ah ciyaaraha banaanka iyo mashiinnada. Uniform ayaa khasab ah. Tubata Tacliinta: Crossroads Science > Humboldt (B, D, F) or Washington (A, C, E) > Humboldt (B, D, F) or Washington (A, C, E) Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

A-F

8:30 subax - 3:00 galab

Macadka Luuqada

Dayton’s Bluff Achievement Plus (PreK-5)

262 Bates Ave. | daytonsbluff.spps.org | 651-293-8915 Dugsigeena ku yaala xaafada hodanka ku ah qowmiyadaha iyo dhaqamada kala duwan waxay daris la tahay xarunta madadaalada iyo ciyaarah ee Dayton’s Bluff ee dhinaca bariga. Ardayda dugsigeenu waxay diyaar u yihiin in ay wax-bartaan, waxaa dhiirigaliya shaqaalaha in ay way diiyaan su’aalah, xaliyaan dhibka, markaasna bartaan sida wax u shaqeeyaan. Tababaraheena xisaabta iyo akhriska ayaa ardayda ka caawiya in ay fahmaan heerka xirfda iyo aqoontoodu joogto, sidoo kale tababaraha ayaa ilaalinaya horumarkooda waxbarasho. Fasallada oo ay ka midyihiin kuwa seyniska, muusiga, farshaxanka iyo jir-dhiska, arday walba wuxuu helayaa maalin buuxda oo waxbarasha ah, iyada oo ay baranayaan maadooyinka muhiimka ah iyo nashaadaad kale duwan.

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 37


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

SHARAXAADA DUGSIYADA HOOSE Maadaama aan nahay Achievement Plus school, dugsigeenu wuxuu la shaqaynayaa oo iskaashi la samynayaa mutadhawiciin iyo ururro si qoysaska loogu keeno adeegyo ay ka midyihiin ilko hagaajinta, caafimaadka maskaxda, guryo, iyo caawimaad shaqo. Waxaa qoysaskeena dugsiga diyaar ugu ah xirfadlayaal ay ka mid yihiin Kalkaaliye caafimaad, sshaqaale bulsho, speech pathologist iyo occupational therapist. Tubata Tacliinta: Dayton’s Bluff > Battle Creek Middle > Harding Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

B

8:30 subax - 3:00 galab

2015-16

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

Eastern Heights Elementary (PreK-5)

2001 Margaret St. | eastern.spps.org | 651-293-8870 Dugsigeena waa mid yar hadana waa mid aad u niyad sani. Waxaan ku naala xaafad degaan ah oo ku taalo dhinaca Bari. Dugsigeenu wuxuu sanadka oo dhan u dabaal dagaa hodantinimada dhaqanka ardaydeena. Dugsigeena, ardayda oo dhan waxaa la siinayaa fursad si ay koboc fiican u sameeyaan: bulsha ahaan, dareen ahaan, caqli ahaan iyo jir ahaanba. Maclimiinteenu way ogyihiin in aysan waxbarashadu lahayn hal qaab oo kaliya. Sidaas darteed, ayaan waxbarshadeena ugu darnay isticmaalka Chromebooks, iPads iyo Google Docs. Ardaydu way jecelyihiin in ay la shaqeeyaan ardayda kale iyga oo isticmaalaya tignoolajiga iyo in ay wax u bartaan si kali ahba. Eastern Heights wuxuu sugayaa bay’o soo dhawyn leh, iyada oon adeegsanayno jaceylka, iyo ixtiraamka aan u hayno qoyswalba oo soo gala dugsigeena. Tubata Tacliinta: Eastern Heights > Battle Creek Middle > Harding Senior Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

B

9:30 subax - 4:00 galab

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

EXPO Elementary (PreK-5)

540 Warwick St. S | expo.spps.org | 651-290-8384 Bay’o saaxiibtinimo iyo farxad leh oo ay ka buuxdo farshaxanka ardayda ayaa soo dhawaynaya qof kasta iyo dhamaan EXPO- Dugsi xayi ah oo kheyraad aad u heer sareeyale. Fasalo Isku Sar go’an oo ardayda u ogolaanaya in ay haystaan hal macalin in ka badan hal sanad-dugsiyadeed markay ku jiraan fasalada 1-2-aad iyo 3-4-aad. Fasaldan gaarka ah ee habkan u dhisan, waxay u surta galinyaaan in aradayda iyo macalimiinta yeeshaan xiriir xeel dheer. Fasalka 5-aad wuxuu ku jiraa sanadkii hogaamiyanimada, kaas oo ardayda waaweyn musuuliyada dheeraad ah ku qaataan. EXPO wuxuu siinayaa ardayda xisaab, waxbarasho jir-dhis and barnaamijka ardayda fahmada badan oo la dar-dargaliyay. Sidoo kale waxaan aad u xoojinaa mashuurcayada la xiriira farshaxanka, seyniska, tignoolajiga, injineeriyada- ardaydu waxaa laga yaabaa in ay qoraan oo ay soo saaraan riwaayad, halka sanad kale ay dhisayaan gawaari. Mid ka mida meelah dibadda ha ee lagy ciyaaro ee la yiraahdo Tresure Island waxaana si la jecelyahay u dhisay waalidiin iskaa wax u qabsadayaal. Tubata Tacliinta: EXPO > Ramsey (F1) or Highland Middle (F2) > Central (F1) or Highland Senior (F2) Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

F

8:30 subax - 3:00 galab

2015-16

Macadka Luuqada

Farnsworth Aerospace – Dual Campus (PreK-4 Campus – Lower)

PreK-4 Campus: 1290 Arcade St. | 651-293-8675 // 5-8 Campus: 1000 Walsh St. | 651-293-8880 | farnsworth.spps.org Farnsworth waa "Gurigii Hoogaamiyayaasha Mustaqbalka” barashada cilimiga aerospace-ka ayaa qaybkasta oo manhajkeena ka mid ah lagu dhaxdaray.Waxay dhiirigalinaysaa fikirka iyo tijaabda. Ardaydeenu waxay u shaqeynayaan kooxo si ay u xaliyaan dhibaatooyin, guul walbana waxay kalsooni Ku siinayaa in ay ka gudbi karaan carqaladaha soo socda. Fasallada kale waxaa ka mid ah muusiga, farshaxanka, sida diyaaradda loo duuliyo, dal-xiisyo la xiriira fahamka sida loo duuliyo diyaaradaha. Qoysaska waxaa lagu dhiiri galinayaa inay wax isla bartaan, iyaga oo adeegsanaya xaflada aha habeenada laga sheekaynayo injineeriyada iyo hababka diyaaradaha loo duuliyo. Ardaydu way ku hormari dugsigeena, iyga oo adeeg sanaya go’aan, hami, iyo hididiilo, si ay u noqdaan hogaamiyayaalkii mustaqbalka. Tubata Tacliinta: Farnsworth Lower > Farnsworth Upper > Johnson Senior Aagga ay u adeegaan

A-F

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

9:35 subax - 4:05 galab

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

38 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015

Macadka Luuqada


SHARAXAADA DUGSIYADA HOOSE 318 Moore St. | fourseasons.spps.org | 651-290-7595 Ardaydeenu waxay sahamiyaan maadawalba, iyga oo adeegsanya farshaxanka iyo waliba seyniska iyo xisaabta. Ardaydu waxabrarshada way ka qaybqaadan, sababtoo ah, macalimiinteenu waxay yaqaanin sida loogu xiro wax abuurka maadooyinka muhiimka ah. Faa’iidooyink sida fasalada lagu dhigo taniirka dhoobada (kiln for clay pottery) iyo goobta qoob -ka –ciyaarka, ardaydu way ka faa’iidaysan habka ficil ahaanta ee farshaxanka lagu baranayo. Sanadwalba bisha june original musical extravaganza ayaa qofwalba siiya door/shaqo, laga bilaabo in uu jilo riwaayada, heeso ama dhisida masrax. Waan ku faraxsanahay sida ay qoysaskeenu iyo iskaashatada jaaliyadeenu u danaynayaan in ay taageeraan ardaydeena. Uniform ayaa khasab ah. Tubata Tacliinta: Four Seasons > Linwood Monroe (D, F) or Creative Arts (A, B, C, E) > Creative Arts Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

A-F

8:30 subax - 3:00 galab

2015-16

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Four Seasons A+ Elementary (PreK-5)

Frost Lake Elementary (PreK-5)

1505 E. Hoyt Ave. | frost.spps.org | 651-293-8930 Caruurta maanta joogata waxaa loo diyaarinayaa shaqooyin iyo xirfado aan wali soo bixin. Waxaan ognahay in si wax qabad leh hadii loo wada shaqeeyo; waxaa loo baahani doonaa xirfadaha xirirka, dabacsanaanta, hal-abuurnimo, iyo awood si ay u fahmaan oo ay u raadsadaan macluumaad cusub. Arda walba oo dugsigeena dhigta wuxuu macalimiinta ka helayaa waxbarasho ku salaysan baahida shakhsiga ah si uu u daboolo baahidiisa gaark ah. Ardaydeenu waxay isticmaalyaan iPads, iPods, interactive white boards iyo tinoolaji kale oo dhiiri galinaya waxbarashada ardayda. Waxaan sidoo kale siinaa ardayda barnaamij seynis ah iyo muusig, farshaxan iyo waxbrashada jir-dhiska. Shaqaalaheenu si kudayasho mudan ayay u muujiyaanyaan dabeecad ixtiraam ku jiro, deeqsinimo, iyo ficil naxariis leh. Waxaan rumaysan nahay dugsiga hoose in uu yahay meeshii ardayda yar-yar lagu caawin lahaa kobcinta khidadkooda, kalsoonidooda si ay waxbarashada u sii wataan. Tubata Tacliinta: Frost Lake > Parkway > Johnson Senior Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

A

9:30 subax - 4:00 galab

Galtier Community School (PreK-5)

1317 Charles Ave. | galtier.spps.org | 651-293-8710 Laga bilaabo mashruucyada fiidiyowga ee iPadyada ilaa farshaxanka lagu xardhay biibitooyinka maxliga, ardaydeenu waxay khibrad u helyaan waxbarashada mustaqbalka. Iyaga oo u isticmaalaya qolkeena yar ee barashada tignoolajiga, ardadyda waxaa loo qaybin karaa koox, iyada oo loo eegayo heerka aqoontootu joogto, oon loo fiirinayn heerka fasalkooda- tanu waxay siinaysaa in la helo hab wanaagsan oo ardaydu ku wadashaqeeyaan. Xarunteena wayn ee warbaahinta,“Exploratorium,” waxay siinaysaa aradayda hab ficil ah oo ay ku baranayaan tignoolajiga. Dugsigan dib loo cusboonaysiiyay wuxuu caawinayaa waxbarashada ku salaysan baahida shakhsiga ah iyo in macalimiinta seyniska, jir-dhiska, wadashaqaynta farshaxanka iyo macalimiinta fasallad wada shaqeeyaan si arday walba loo caawiyo. Ardayda waxaa culays lagu saraa in ay tusaan in ay fahmeen iyo in kale, iyaga oo isticmaalya iPads, jilid, sawirid, sharixid iyo wax la mid ah. Sidoo kale dugsigeenu wuxuu siinayaa caawimaad akhriska iyo qoraalka la xiriirta, si ardaydu u gaaran goolkooda akhriska. Shaqaale si xeel dheer u jecel iyo jaaliyada xoogle ayaa caawinaya ardaydeena, iyga oo waliba jooga bay’o diiran oo naxariisle. Uniform ayaa khasab ah. Tubata Tacliinta: Galtier > Murray > Como Park Senior Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

E

9:30 subax - 4:00 galab

Macadka Luuqada

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 39


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

SHARAXAADA DUGSIYADA HOOSE Groveland Park Elementary (PreK-5)

2045 St. Clair Ave. | groveland.spps.org | 651-293-8760 Dugsigeena waxaa laga dareemaa inuu yahay jaaliyada yar, hadana waxaan heli karnaa fursad kasta oo looga baahanyahay dugsi magaala wayn ku yaala. Iskaashiga aan la leenahay jaamacadaha hay’adaha bulshada, sida Saint Paul Chamber iyo Orchestra CONNECT ayaa noo saamaxaya inaan bixino khibrado hodan ah. Barnaamijka caruurhaynta dugsiga kahore iyo ka dib waxaa bixiya Discovery Clup iyo S’more Fun. Waalidiinta wax walba noo hura ayaa miisaaniyad noo soo ururiya sanad kasta si aan dugsiga u keeno Amity Intern – waa dad u dhashay Spanish, Mexico, ama South America – oo ardayda ku caawiya inay bartaan luuqada iyo dhaqanka. Dayr kastana ardayda fasalada shanaad waxay safar ku tagaan kaam dabiici oo u dhoow magaalada Ely, ee Minnesota oo ay mudo afar cisho ah ku maqnaadaan. Khuburada culuunta muusiga, farshaxanka, iyo waxbarashada jir-dhiska ayaa waxay kobciyaan manhajka, iyo laba khabiir oo culuunta sayniska ku takhasusay ayaa waxay ardayda oo dhan fasal kasta oo ay yihiin waxay u dhigaan maadada saynis 100 daqiiqo asbuuc walba. Tubata Tacliinta: Groveland > Ramsey (F1) or Highland Middle (F2) > Central (F1) or Highland Senior (F2) Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

F

9:30 subax - 4:00 galab

2015-16

Macadka Luuqada

Hamline Elementary (PreK-5)

1599 Englewood Ave. | hamline.spps.org | 651-293-8715 Dugsigeenu wuxuu ku yaalaa dhinaca ka soo horjeedka Jaamacad Hamline, taas oo fasal walba iskaashi aan kala sameyno. Jawi isga dhanba diirada saaraya u diyaar garowga kuleejka, ardaydeenu waxay sameeyaan booqashadooda kowaad ee kuleejka markay yihiin xanaanada. In ka badan 100 arday oo caawinaya ardaydeena ayaa nooga timaada Jaamacada Hamline, taas oo sidoo kale naga caawisa bixinta muusiga, seyniska, barashada bulshooyinka kale duwan, iyo qaanuunka. Dugsigeenu waa goob waxbarasho oo qani ku ha kheyraad ay ku jiraan xarummaha jimicsiga iyo tegnoolajiga ee hada dib-u habaynta lagu sameeyay. Macalimiin takhasus kuleh waxbarashada jir-dhiska, seyniska, adeegyada ardayda fahmada badan, isticmaalka tignoolajiga ayaa ardaydeena caawinaya si ardayu uga dhigtaan dugsiga bay’ada ugu fiican. Xarunta ciyaaraha iyo madadaalada ee Hancock Recreation ee noo dhow waxay leedahay barnaamijyo bilaash ah oo dugsiga ka dib baxa, sida after-school program, Canvas arts program, archery, iyo fursado kale oo socoda sanadka oo dhan. Tubata Tacliinta: Hamline > Murray > Como Park Senior Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

E

8:30 subax - 3:00 galab

Macadka Luuqada

Hazel Park Preparatory Academy (PreK-8)

1140 White Bear Ave. | hppa.spps.org | 651-293-8970 Ardayda Hazel Park oo dhan waxaa lagu dhiiri galinayaa in ay gaaraan guushooda ugu saraysa iyga oo oo ku eegaya arimaha aragti caalami ah. Anaga oo u sharaxan in aan ka mid noqono dugsiyada haysto International Baccalaureate (IB) Sanadadaha dugsiga hoose ee hay’ada (PYP) iyo barnaamijyada dugsiga dhexe (MYP), dugsigeenu wuxuu ardayda siinayaa faham guud oo la xiriira aduunka. Ardayda waxaa lagu dhiiri galinayaa in ay sahmiyaan mowduucyo ad-adag, iyaga oo si koox-koox ah uga wada hadlaya. Hazel Park wuxuu bixiyaa fasallo ku baxa luuqada Isbaaneshka/Spanish, farshaxan, muusig, iyo waxbarshada jir-dhiska. Ardayda oo dhan waxay ka faa’iidaystaan laga bilaabo tignoolaji, dalxiis, iyo barid habka waxbarashada iyo danaynta, ciyaaraha fufud kuwaas oo wiilasha iyo gabdhaha la siiyo dugsiga ka dib. Shaqaaleheenu si dhow ayay qoysaska u la shaqeeyaan iyaga oo og wadajirkaas in aan ku abuuri karno koox arday walba ku caawinaya dhiiri galin. Uniform ayaa khasab ah. Tubata Tacliinta: Hazel Park > Hazel Park > Harding Senior Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

A + Magnet Programs

9:30 subax - 4:00 galab

2015-16

40 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015

Macadka Luuqada


SHARAXAADA DUGSIYADA HOOSE 1863 E. Clear Ave. | heights.spps.org | 651-293-8815 Dugsigeenu wuxuu ku yaalaa xaafad ka mid ah (East side), dugsigeena qurxoon wuxuu ardayda u siinayaa furasad aad u wanaagsan maadooyinka muhiimka ah waxaa lagu dhafay seynis, farshaxanka muuqaalka ah, muusig, iyo jir-dhis, iyo walibo adeegyada ardayda fahmada badan. Nashaadaadka kale ee waxbarashada waxaa ka mid ah Lego League, Math Masters, chess club, muusiga, qob-ka-ciyaar, DestiNation Imagination iyo kuwo kale. Ardayda u baahan caawimaad ama taxiyaad dheeraad ah, ka soo hel waxay ka helayaan Heights, halkaas oon siinayno ardayda taageero waxbarasho maalin walba. Sidoo kale waxaan jecelanahay in aan helno madadaalo, sidaas daraadeed ayay qoysasku iyo iskaa wax uqbsadayaashu nooga caawiyeen dhista meel ay caruurtu ku ciyaaraat oo cusub. Tubata Tacliinta: The Heights > Parkway > Johnson Senior Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

A

8:30 subax - 3:00 galab

2015-16

Macadka Luuqada

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

The Heights Community School (PreK-5)

Highland Park Elementary (K-5)

1700 Saunders Ave. | highlandel.spps.org | 651-293-8770 Dugsigeenu waa qayb ka mid ah barnaamijyada sanadaha dugsiga hoose (Primary Years Programme (PYP)) maadaama aan nahay dugsi ku dhisan habka caalamiga ah ee International Baccalaureate (IB). Tan micnaheedu waa in ardaydeenu u fakaraan qaab heer caalami ah, iyaga oo sahaminaya xaalada caalamiga ah , talaabo ay ku xalinayaan dhibaatooyinka in ay qaadaan, iyo inay dib u eegaan waxay soo barteen. Fasallada kooban ee dugsigeena waxay keenayaan in ay ardayda siiyaan fursad badan oo ay ku helaan fiiro gaar ah, sidoo kale macalimiinteenu way danaynayaan oo ku faanayaan ardaydeena. Waxan bixinaa maadooyin gaar ah oo ku baxa luuqada Mandarin Chinese, seynsi, farshaxan, jir-dhiska. Farshxanka barnaamijyada meelah ladagan yahay wuxuu xiisa galiyaa ardayda ku jirta barnaamijka bandhiga iyo muuqaalka farshaxank. Nashaadaadka kale waxaa ka mid ah koox-faneed, choir, tiyaatar, dance, Lego League, Lego Robotics, kooxda oradka, DestiNation Imagination, koox cilmi-baarid waxyaabaha khaaska ah iyo kooxo kale. Tubata Tacliinta: Highland Elementary > Ramsey (F1) or Highland Middle (D, F2) > Central (F1) or Highland Senior (D, F2) Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

D, F

9:30 subax - 4:00 galab

2015-16

Macadka Luuqada

Highwood Hills Elementary (PreK-5)

2188 Londin Lane | highwoodhills.spps.org | 651-744-3290 Dugsigeenu wuxuu rumaysanyahay waxbarida ilmaha oo dhan. Waxaan ka taageernaa ardayda dhinaca bulshada, dareenka, jismiga, iyo waxbarashada– waxaana u dajinaa ardayda halbeeg sare. Ardaydu waxay bartaan sidii ay u noqonlahaayeen wadaniyiin wanaagsan iyaga oo ku dhex jira dugsi xasiloon oo naxariis leh. Waxaa kale oo ay haystaan fursad ay ku noqon karaan hoogaamiyayaal yaryar: Murabiyada akhriska, iyaga oo ka baranaya recycling club sidoo xubin ay ka yihiin school pride team. Barida cashirada waxay la saanqaadaysaa awooda ilmaha, iyo fasalka noociisa, farshaxanka, seynis, jir-dhiska. Highwood Hills wuxuu u adeegaa maha oo kaliya ardayda, balse qoysaska wuxuu siiyaa fasalo, xaflado, iyo nashaadaad ka baxsan wakhtiga iskuulka ee caadiga ah. Iskaashiga u dhaxeeya ardayda, waalidiinta iyo shaqaalaha, dugsigeenu wuxuu siinayaa khibrada soo dhawenle taas oo xoojinaysa awooda guusha waxbarasho ee ardaywalba. Uniform ayaa Khasab ah. Tubata Tacliinta: Highwood Hills > Battle Creek Middle > Harding Senior Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

B

8:30 subax - 3:00 galab

2015-16

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

Horace Mann School (K-5)

2001 Eleanor Ave. | mann.spps.org | 651-293-8965 Dugsigeena xaafadayada waxaa buuxiyey arday aad ugu faraxsan inay halkaa ay joogaan – waxaa baraya macalimiin farxada guul u rogi kara. Rajadu aad ayey u saraysaa laga soo bilaabo maalintii ugu horaysay ee ay bilaabeen fasalada xanaanada. Ardayda ugu yaryari waxay wax ka bartaan tusaalayaalkii wanaagsanaa ee ay kuwii ayaga horeeyey ay dhigeen, kuwaas oo dugsigeena dhexediisa ka noqoday hoogaamiyayaal. Waxaa ka muuqata dugsigeena caawimaad sare oo uu ka helayo waalidiinta iyo qaybaha bulshada, caawimaadaas oo isugu jirta caawinta macalimiinta, waxbarida caruurta, lacga loo uruurinayo barnaamijyada fashaxanka, dalxiisyada, iyo nashaadaadka kale ee gaarka ah. Caawimaad balaaran oo dugsigu ka helayo bulshada inteeda kale: ardayda dhigta kuleejyada, dadka howl-gabka ah, shaqaalaha iyo ganacsatada maxliga ah si dugsigeena looga dhigo meel wanaagsan oo wax lagu barto. Tubata Tacliinta: Horace Mann > Ramsey (F1) or Highland Middle (F2) > Central (F1) or Highland Senior (F2) Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

F

8:30 subax - 3:00 galab

Macadka Luuqada

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 41


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

SHARAXAADA DUGSIYADA HOOSE Jackson Elementary - Community School (PreK-5)

437 Edmund Ave. | jackson.spps.org | 651-293-8650 Dugsigeenu wuxuu rumaysanyahay in caruurtu tahay qofwalba ahamiyadiisa ugu sareysa. Macalimiinta, waalidiinta, bulshada hawl wadaagta nalaleh iyo St. Paul Neighborhood Initiative waxay ballan qaadayaan in ay kobciyaan ardaywalba sidii uu u noqon lahaa qof wanaagsan. Iyada oo ay ardaydu haystaan laba qol oo kumbiyutarada lagu dhigo, ardaywalbana uu haysto iPad, tignoolajiga waxaa loo isticmaalaa waxbarida maalin walba si loo dar-dargaliyo waxbarashada fasallada iyo ta banaankaba. Xudunta barnaamijka waxbarashadeenu waa maadooyin ay daadihinayaan macalimiin ku takhasusay oo ay ka midyihiin seyniska, muusiga, waxbarashada jirdhiska, suugaanta iyo dhaqanka umada Hmong-ga. Ardayda oo dhan waxay haystaan fursad si ay u sahamiyaan luuqada, taariikhda iyo dhaqamada bulshooyinka kale iyada oo diirada la saarayo barashada Hmong ah. Tubata Tacliinta: Jackson > Ramsey (F1) or Highland Mid (F2) > Central (F1) or Highland Senior (F2) Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

F

8:30 subax - 3:00 galab

Macadka Luuqada

Jackson Elementary - Hmong/English Two-Way Immersion (Hmong Dual Language) (PreK-5)

437 Edmund Ave. | jackson.spps.org | 651-293-8650 Barnaamijka laba luuqo ee loo yaqaano Hmong Dual Language ee dugsiga Jackson waxay ardaydu maadooyinka ku baran karaan laba luuqo. Marka ardaydu sii galaan fasallada sare, waxaa kordhaysa xirfadooda aqoonta labada luuqo ee Hmong aha iyo Ingiriisiga. Cilmibaarista ayaa muujinaysa in caruurta barnaamijyada labada luuqadood wax ku bartaa ay tacliin ahaan gaadhaan meeshii la rabay. Fasallada seyniska, muusiga, waxbarashad jir-dhiska iyo Luuqada iyo dhaqanka Hmong ah waxay horumarinayaan muhimada waxbarasahda. Barnaamijkeena waxaa loogu talagalay ardayda ku hadasha luuqadaha ingiriisiga iyo Hmong ah. Shaqada farshaxanka, matxaf yar, iyo waxyaabo la xiriira dhaqanka Hmong ah oo guriga laga keeno ayaa ah waxyaabaha halboowlaha u ah jaaliyada. Tubata Tacliinta: Jackson > Washington > Washington | * Serves Area C (WEST of 35E) Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

C*, D, E, F

8:30 subax - 3:00 galab

Macadka Luuqada

Jie Ming Mandarin Academy (K-4)

1599 Englewood Ave. | jieming.spps.org | 651-293-8715 Dugsigeenu wuxuu ardayda maadooyinka muhiimka ah ku baraa luugada shiinaha ee lagu magacaabo Mandarin- kuwaas oo ay ku jiraan barashada bulshada, xisaabta, seyniska, tignoolajiga iyo injineeriyada- wuxuu abuurayaa arday muwaadiniin ah oo dhaqamo badan. Ardaydu waxay si heer sare ah u bartaan luuqada Mandarin ee Shiinaha, sidoo kale waxay bartaan xirfado la siman ama ka sareeya mustawaha loogu talagalay ardayda Ingiriiska oo kaliya wax ku barata. Fasallada Xanaanada iyo koowaad ardayda waxaa wax lagu baraa luuqada Mandirin. Sidaa si la mid ah fasallada 2-aad ilaa 3-aad ardayda inta badan waxaa wax lagu baraa luuqadda Mandarin-ka, balse sidoo kale waxay helaan 50 daqiiqo oo maalin walba luuqada Ingiriisiga lagu barayo. Fasalada 4-5-aad waxay heli doonaan ilaa 90 daqiiqo oo maalinwalba ingiriisiga lagu baro. Sanad dugsiyeedka 2015-2016 dugsigu wuxuu wax barayaa fasalad xanaanada ilaa afaraad, sidoo kale markii lagaaro dayrta (fall 2016) waxaa lagu daridoonaa fasalka shanaad. Barnaamijka Mandarin ee Magaalooyinka Mataanaha wax arday ah oo liistada sugida ku jirtaa ma jirto. Uniform ayaa khasb ah. Tubata Tacliinta: Jie Ming > Highland Middle > Highland Senior Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

A-F

8:30 subax - 3:00 galab

J. J. Hill Montessori (PreK-5)

Macadka Luuqada

998 Selby Ave. | jjhill.spps.org | 651-293-8720 Ardayda dugsiga Montessori waxay wax u bartaan inay waxbarashada meel walba uga soo baxaan. Aydoo ay caawinayaan macalimiin loo tababaray, ardayda wax ka barata dugsiga J.J. Hill waxay isticmaalayaan farsamooyin gacanta lagu qabanayo si ardaydu u yeeshaa xirfado oo u noqdaan kuwa mafakiriin ah oo faalo iyo jawaabo ka bixin kara xaalada ah aduunka Iya Iyaga oo ka baranaya fasallo ay dhigtaan arday da’doodu kala duwantahay ardayduna xiriir la samaynayaan macalim iyo arday is ku mid ah laba ilaa sadex sano. Sidoo kale bay’ada dibada ah iyo abuurka ku yaalaaba waa qayb wayn oo ka mid ah khibrada laga dhaxlo dugsiyada Montessori –ga: Beeraheena waxay ku guulaysteen abaal marin iyo soo jiidasho labadaba, isla markaana kooxda biladda ku guulaysatay ayaa waxay wadaan inay caruurta xaafada ku wareejiyaan hal maalin asbuuciiba. Farshaxanka iyo meelaynta la socota waxay caawisaan u dabaal-

42 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


SHARAXAADA DUGSIYADA HOOSE Tubata Tacliinta: J.J. Hill > Parkway > Your Community High School | * Serves Area C (WEST of 35E) Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

C*, D, E, F

8:30 subax - 3:00 galab

2015-16

Macadka Luuqada

John A. Johnson Achievement Plus (PreK-5)

740 York Ave. | jaj.spps.org | 651-793-7300 Dugsigeena wuxuu u muuqdaa heer sare markii dibada laga joogo; gudihiisuna waa meel nadiif ah oo si casri ah u dhisan, oo uu iftiinka dabeeciga ahu ka soo galayo dariishada. Johnson Elementray dugsi un kali ma’ahan– waa xarun xayi ah oo u furan jaaliyada oo dhan. Xarunta quruxda badan ee YMCA ee dhinaca Bari ee Magaalada ayaa ku dhagan dhisma dugsigeena, ardaydeenu waxay u isticmaalaan fasallada waxbarashada jir-dhiska. Macalimiinteenu waxay ka shaqeeyaan in ardaywalba uu gaaro faham weyn oo guul ku dhisan kaas oo ku salaysan habka baridda waxbarashada ku dhisan baahida shakhsiga. Dugsiga John A. Johnson wuxuu ka mid yahay dugsiyada loo yaqaano Achievement Plus, oo macnaheedu yahay: waxbarasho, ciyaaro/madadaalo, fayadhowr ama caafimaadqab, iyo adeegyo kale oo yaal dhamaantood hal meel oo sahlan ka aad wada helaysaan. Dugsigeenu wuxuu la shaqaynayaa oo iskaashi la samynayaa mutadhawiciin iyo ururro si qoysaska loogu keeno adeegyo ay ka midyihiin ilko hagaajinta, caafimaadka maskaxda, guryo, iyo caawimaad shaqo. Adeegyo badan oo hal-goob laga helayo, hadafkeena ugu danbeeya waa in ardayda laga hor qaado caqabada ka hortaagan guusha.

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

daga hodantinimda ee leeyihiin aragtida Dugsiyada Montessori iyo dhaqamada kala duwan ee bulshadeena. Gudiga firfircoon Wadashaqaynta Waalidiinta iyo Macalimiinta ayaa martigaliya dalxiisyo madan, oo khibrado badan laga barto,oo ardaydu baadiyaha ku soo dhaxyaan.

Tubata Tacliinta: John A. Johnson > Washington > Washington Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

C

8:30 subax - 3:00 galab

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

L’Etoile du Nord French Immersion – Dual Campus (K-5)

Lower (K-1): 1305 Prosperity Ave. | Upper (2-5): 1760 Ames Place | 651-221-1480 | frenchimmersion.spps.org Waxaa la yiri hadiyada ugu wanaagsan ee waalidku ilmahooda siin karaan waa haddiyada barida luuqad labaad. L’Etoile du Nord. French Immersion (LNFI) waa iskuulka kaliya ee French Immersion ah ee ku yaal St. Paul. Hadafkeenu waa in ardayda oo dhan ay ku hadlaan oo ay fahmaan luuqad faransiiska markay gaaraan fasalka 5-aad. Halkaas laga bilaabo waxay sii wadanayaan barashadooda Faransiiska ilaa dugsiyada dhexe iyo sare. Barnaamijkeena dugsiga hoose aad a yuu caan uyahay, markaas waxaan leenahay laba deegaan (two campuses). LNFI waxaan la soconaa in si guul loo gaaro loo baahan yahay isu-tag; sidaas daraadeed, waalidiinteenu ay aad uga qaybqaadanayaan wax kasta oo aan samaynayno. Maadaama aan haysano in badan oo luuqada faransiiska u dhasha, waxaan ardayda siinaa fursado waxbarasho oo aad u wanaagsan. Tubata Tacliinta: L’Etoile > Ramsey > Central Area Served

Start Time End Time Lower: 9:30 subax - 4 galab Upper: 9:40 subax - 4:10 galab

A-F

iPads

Discovery Club

Extended Day for Learning

2015-16

Language Academy*

Linwood Monroe Arts Plus - Dual Campus (PreK-8)

Lower (K-3): 1023 Osceola Ave; 651-293-6606 | Upper (Pre-K, 4-8): 810 Palace Ave; 651-293-8690 | lmap.spps.org Dugsigeenu wuxuu bixiyaa khibrad waxbarasho oo naadir ah oo la siiyo fasalada Pre-K ilaa 8-aad oo ku kala yaala labo deegaan. Wuxuu ka bilaabanayaa ilmaha khibradiisa fasalka ugu horeeya ilaa iyo dugsiga dhexe. Isaga oo ka bilaabamay deegaankeena hoose ee fasalada xanaanada ilaa 3-aad, ardaydu waxay jeclaanayaan in ay noqdaan kuwa u nasab sheegta aqoonta farshaxanka: barashada sida uu farshaxanku u sameeyo aqoonsi gaar ah oo awoodle. Marka ardaydu gaaraan fasalka 4-aad ayey waxay u warerayaan qaybta sare ee dugsiga, si fududna ugu gudbaan barnaamijka dugsiga dhexe ee fasalka 6-aad. Dugsiga dhexe, ardaydu waxay baranayaan in ay dajistaan hadafkood shakhsiga, bulshada, iyo waxbarashada. Fasallada dardargalinta, hoogamiyanimada, khibradaha, ciyaaraha iyo barnaamijyada dugsiga ka dib, waxay caruurta ka taageeraan masuuliyadooda cusub iyo taxadiyaadka waxbarashada. Barnaamijkeeana cilimga farshaxanka ayaa qayb ka ah dhaqamo, codad iyo halabuuro: kaas oo ay ardaydu baranayaan qoob-ka-ciyaarka loo yaqaano flamenco, gurbaanka Taiko, gobay iyo wax kale oo badan. Ardaydu waxay sii wadanayaan cilmigooda farshaxanka iyaga oo barashadooda soo bandhigaya kulnka jimcaha, waa kulan asbuucla ah oo isku xira aqoonyahanada farshaxanka. Tubata Tacliinta: Linwood Monroe > Linwood Monroe > Creative Arts Aagga ay u adeegaan

D, F

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

Lower:9:40 subax - 4:10 galab Upper: 9:30 subax - 4 galab

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 43


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

SHARAXAADA DUGSIYADA HOOSE Maxfield Elementary (PreK-5)

380 N. Victoria St. | maxfield.spps.org | 651-293-8680 Dhaqanka Dugsigeena ee jiray 124 sano, sanadwalba wuu ku sii xoogaystaa caawimaada qoysaska iyo bulshada. Macalimiinteenu waxay ardayda ku caawiyaan in ay waxbarashada ka qayb-qaataan iyaga oo adeegasanaya rabitaankooda, danayntooda, iyo hamigooda. Ardaydeenu waxay helaan khibrad buuxda oo nashaadaad waxabarasha ah, laga bilaabo xirfadaha akhriska iyo qorida si ay u soo bandhigaan African Drums. Dugsigeenu qof walba wuu soo dhawaynayaa, aad ayaana ugu faraxsanahay waalidiinta soo booqda fasalada caruurtooda, qoysaska ka soo qayb gala xafladaha dugsigeena, iyo iskaa wax u qabsadayaasha iyo iskaashatada jaaliyada kuwaas oo caawiya ardayda xiliga dugsiga. Intaas oo dhan waxaa dheer, Dugsigeenu, waa jaaliyad si wada jir ah uga shaqaynaysa guusha caruurta. Uniform ayaa khasab ah. Tubata Tacliinta: Maxfield > Ramsey (F1) or Highland Middle (F2) > Central (F1) or Highland Senior (F2) Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

F

8:30 subax - 3:00 galab

Macadka Luuqada

Mississippi Creative Arts (PreK-5)

1575 L’Orient St. | mississippi.spps.org | 651-293-8840 Dugsigeenu waa mid ka mid ah dugsiyada laga barto cilmiga farshaxanka kuwa ugu horeeya uguna fiican ee Saint Paul. Arday walba wuu helayaa khibrada farshaxanka isaga oo ka baranaya muusiga, qoob-ka- ciyaarka riwaad, akhris iyo xitaa barashada seyniska iyo xisaabta. Macalimiinteenu way jecelyihiin waxay sameynayaan, qaar baddana way ka qaybqaataan cilmiga farshaxanka. La shaqaynta iskaashatadeena bulshada ardaydeenu waxay ka qayb-qaataan bandhigyada Magaalada oo dhan iyo khibradaha farshaxanka iyaga oo ka baranaya Ordway Center, Saint Chamber Orchestra iyo Ethnic Dance. Aqoonyahanadeena farshaxanka ee da’da yar-yar waxay farshaxanka ku dhax-sameeyaan fasalka dhexdiisa, waxayna haystaan fursad ay jaaliyadeena xayiga ah ugu soo bandhigaan farshaxankooda. Fursado dugsiga ka diba iyo madadaalo ayay ardaydu ka heli karaan dugsiga ama Xarunta Madadaalada McDonnough oo wax yar u jirta. Qofwalba waan soo dhawaynaynaa, aadna waan ugu faraxsanahay ka qaybqaadashada xoogale ee qoysaskeena iyo jaaliyadeena. Tubata Tacliinta: Mississippi > Creative Arts > Creative Arts Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

A, B, C

9:30 subax - 4:00 galab

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

Nokomis Montessori Elementary - Mirror Campus (PreK-5)

North: 985 Ruth St; 651-744-7440 | South: 525 White Bear Ave. N; 651-744-5500 | nokomis.spps.org Dugsigeenu wuxuu ku salaysan yaahay habka dugsiyada Montessori: ardaydu waxay wax ku bartaan hadba inta ay awoodaan ayagoo isla dhiganya fasalo badan, oo ay si xor ah u baranayaan taas oo ku salaysan dantooda iyo awoodooda dabeeciga ah. Macalimiintu waxay ardayda ku caawiyaan inay shaqada ay rabaan si taxadar leh u doortaan ayagoo wax ku baranaya bay’ad nabdoon; ardaydu qalab ayay ficil ahaan wax ugu baranayaan si ay ugu celceliyaan oo ay u fahmaan xirfadaha iyo cashirada. Macalimiintu waxay aqoonsi ku haystaan habka barida dugsiyada Montessori taas oo hagaysa wax baridooda. Dugsiga Nokomis wuxuu leeyahay gudi oo isugu jira waalidiinta iyo macalimiinta oo shaqaynaya, kaas oo qoysaska siinaysa fursado badan oo ay kaga qaybqaadan karaan arimaha dugsiga sanad walba, iyadoo lagu darayo hawlo bulshada ama jaaliyadaha lagu dhisayo sida Festival, Hmong New Year, Family Craft Night, Fun Fair and the Spring Luau Dance. Dugsiga Nokomis wuxuu u adeegaa Dhinaca Bari ee Magaalada St Paul wuxuuna leeyahay laba deegaan (Campuses). Labada waxaa wax ka barata ardayda dhigta fasalada Pre-K-5-aad. Tubata Tacliinta: Nokomis > Parkway > Your Community High School | * Serves Area C (EAST of 35E) Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

North - Area A, C* South - Area B

9:35 subax - 4:05 galab

2015-16

44 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015

Macadka Luuqada


SHARAXAADA DUGSIYADA HOOSE 707 Holly Ave. | obama.spps.org | 651-293-8625 Dugsigeena waa meel soo dhaweyn u leh qoysaska oo si dhow ula shaqaysa waalidiinta si loo xaqiijiyo guusha ardada oo dhan. Haddii aanu nahay dugsiga Obama aqoonyahnadeenu yaryar waxay qaadanayaan dhaqan hodan ah oo wayn. Iyada oo laga baranayo maadooyinka muhiimka ah oo ay la socdaan nashaadaad kale, ardaydu waxay si farxadle diyaar ugu yihiin in ay noqdaan hoogaamiyayaalka jaaliyadeena. Fasallo xiiso badan oo ay ka mid yihiin seyniska iyo kubarshada hidaha iyo dhaqanka eyada oo la adeegsanayo tignoolajiyada ayaa sare u qaadayso fasal walbo . Iskaashatadeena jaaliyada, iskaa wax u qabsadayaalka, kuwaas oo barashada jir-dhiska, sahaminta dhaqamada iyada oo lagu adeegsanayo tignoolajiga, iyo muusiga fasalwalbo. Imow oo soo booqo mid ka mid ah kuwa ugu quruxda badan dugsiyada hoose ee degmada oo saldhig u ah xarunta tignoolajigaardayda siinaya talo iyo tusaale, iyo diirad saarida in laga qaybgaliyo qoysaska howsha dugsiga ayaa ka dhigaya dugsiga Obama mid xayi ah oo taageera leh. Uniform ayaa khasab ah.

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Obama Elementary (PreK-5)

Tubata Tacliinta: Obama > Your Community Middle School > Your Community High School

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

A-F

8:30 subax - 3:00 galab

Macadka Luuqada

Phalen Lake Hmong Studies (PreK-5)

1089 Cypress St. | phalenlake.spps.org | 651-293-8935 Zoo Siab Tos Txais! Dugsigeenu wuxuu ardayda siinayaa fursad, si ay hormariyaan xirfado ayna wax ugu kordhiyaan mujtamaca maanta ee dhaqamada kale duwan. Ardaydeenu waxay sahminayaan dhaqamada, luuqadaha, taariikhaha, sheekooyinka, farshaxanka iyo caadaadka dhaqamo badan, iyaga oo si gaar ah diirada u saaraya dadka Hmonga ah. Ardayda iyo shaqaalah Phalen Lake waxay waxbarashada ku salaysan baahida shakhsiga waafajinayaan tignoolajiga maalin walba loo isticmaalayo cashirada, mashruucyada, iyo manhajka. Dugsiga Phalen Lake wuxuu rumaysanyahay ardaydu in ay isticmaalan, bartaan oo ay lafal-galaan tinoolajiga si ay aduunka tignoolajiga ah ee koraya wax ugu kordhiyaan, oo ay u noqdaan muwaadiniin caalami ah. Tubata Tacliinta: Phalen Lake > Your Community Middle School > Your Community High School

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

A, B, C*

8:30 subax - 3:00 galab

Phalen Lake Hmong Studies - Hmong/English Two-Way Immersion (Dual Language) (K-5)

1089 Cypress St. | phalenlake.spps.org | 651-293-8935 Barnaamijka Luuqadaha ee Dusiga Phalen Lake Hmong/English Immersion waa barnaamij ardayda siiya faa’iidida barashada labada luuqadood ee Ingiriisiga iyo Hmong ah. Ardayda oo dhan waxaa maadooyinka muhiimka ah lagu baraa labada luuqo ee Ingiriisiga iyo Hmonga ah. Ardaydeenu waxay baranaayaan aqoon iyo xirfado si ay u fahmaan, ugu hadlaan, u akhiriyaan oo ay u qoraan luuqad kale, markaasna waxay dhaqamada kale ka helayaan ixtiraam. Isku xirnaansha aduunka oo sii koraysa sababteed, dugsigeenu wuxuu ardayda u diyaarinayaa aduunyo aan isku wada xiranahay. Tubata Tacliinta: Phalen Lake > Battle Creek Middle > Harding Senior | * Serves Area C (EAST of 35E)

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

A, B, C*

8:30 subax - 3:00 galab

Randolph Heights Elementary (K-5)

348 S. Hamline Ave. | randolph.spps.org | 651-293-8780 Dugsi xaafadeedeenu wuxuu xiriir xoog badan la leeyahay bulshada, taas oo waalidiinteena iyo qoysaskeena ka dhigtay kuwo xitaa intaa ka sii xoog badan. Kooxo mutadhawiciin ah ayaa caawiya barnaamijyada sida Book Club ee ardayda fasalada K-2-aad. Qoysaskeena firfircoon ayaa waxay dhisaan jaaliyad hanwaynle , taageera safarada dalxiiska, oo caawiya nashaadaadka waxbarashada ee kale. Maadaama aanu nahay dusi lagu aqoonsanyahay manhajka loo yaqaano Core Knowledge, ardaydeenu waxay si saare u bartaan cilmiga bulshada, seynika,suugaanta, xisaabta iyo farshaxanka. Sidoo kale waxay ardaydeenu qaataan fasallo joogta ah oo ay ka bartaan farshaxanka muuqaalka, tignoolajiga, seyniska, muusiga, iyo barashada jir-dhiska. Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay maktabadeena, taas oo wareejisa sanadwalba in ka badan 40,000 oo buug ah. Tubata Tacliinta: Randolph Heights > Ramsey (F1) or Highland Mid (F2) > Central (F1) or Highland Senior (F2)

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

F

9:30 subax - 4:00 galab

Macadka Luuqada

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 45


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

SHARAXAADA DUGSIYADA HOOSE Riverview West Side School of Excellence - Community School (PreK-5)

160 Isabel St. E. | riverview.spps.org | 651-293-8665 Dhismaha cusub ee e Riverview wuxuu bilic u yahay dhinaca Galbeed ee magaalada St. Paul. Inta lagu jiro sanad dugsiyeedka oo dhan ardaydeenu waxay bartaan oo ay u dabaal-degaan dhaqammada kala duwan, gaar ahaan muusiga: waxay ku sameeyaan fasalo badan oo kala duwan, oo soo bandhigaya muuqaalada iyo qoob ka ciyaarka. Iskaashatadeena badan ee bulshada ayaa nagala qaybqaata sanadka oo dhan in la caawiyo ardayda say u guulaystaan: macalimiinteena ayaa ardayda siiya fasallo khibrad waxbarasho oo fiican leh taas oo ay isticmaalaya tignoolajiga iyo aalada kale oo badan. Nashaadaadka iskuulka ka dib waxaa ka mid ah caawimaad waxbarasho, muusig, qoob ka ciyaar, qalab ciyaar iyo tignoolaji fasalada sare. Run ahaantii Dugsiga Riverview waa qayb soo koraysa oo ka mid ah jaaliyada dhinaca Galbeede Saint Paul. Uniform ayaa khasab ah. Tubata Tacliinta: Riverview > Humboldt > Humboldt

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

D

8:30 subax - 3:00 galab

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

Riverview West Side School of Excellence - English/Spanish Two-Way Immersion (PreK-5)

160 Isabel St. E. | riverview.spps.org | 651-293-8665 Bartamaha dhaqanka qoomiyada Hispaniga ee St. Paul waa Dugsiga Hoose ee Riverview- oo run ahaantii ah wandanaha jaaliyada dhinaca Galbeede ee magalada Saint Paul. Meeshaan dib u cusboonaysiinta lagu sameyay waxay leedahay daaqado waawayn oo keenaya iftiin dabeeci ah- iyo qayb tignoolajiga loogu tala galay oo cusub. Barnaamijkayaga labada luuqo ee Isbaanishka iyo Ingiriisiga wuxuu ardayda ku hadla luuqadah ingiriisiga iyo isbaanishka u diyaarinayaa in ay noqdaan kuwo si fiican u yaqaana labada luuqo. Hadafkeenu waa in ardaydu akhriyaan, qoraan, dhagaystaan ingiriisiga iyo isbaaneshkaba markay noqdaan fasalka 5-aad. Inta sanad dugsiyeedka lagu jiro oo dhan ardaydeenu waxay bartaan oo ay u dabaaldegaan dhaqanka Latin American-ka, si gaar ah muusig ay arday iyo kooxo kale duwan ay soo bandhigayaan iyo qoob ka ciyaarka. In badan oo ka mid ah Iskaashatad jaaliyada ayaa sanadka oo dhan naga caawiya sidii ardaydeenu ay ku guulaysan lahaayeen. Uniform ayaa khasab ah. Tubata Tacliinta: Riverview > Highland Park Middle > Highland Park Senior

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

B, D, F

8:30 subax - 3:00 galab

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

Saint Paul Music Academy (PreK-5)

27 E. Geranium Ave. | spmusicacademy.spps.org | 651-293-8795 Muusigu waa luuqada caadiga u ah dugsigeena: ardayda oo dhan waxaa la baraa violinta marka ay ku jiraan fasallada Xanaanada kahor ilaa fasalka 2-aad, iyadoo ay weheliso qalabka kale muusiga ee lagu magacaabo vocal muusig iyo keyboard. Ardayda fasallada 3-5-aad waxay qalab muusig ka dooran karaan orchera- heena, iyo waliba durbaanka Afrikaanka.Khiyaarada dugsiga ka dib waxaa ka mid ah choir iyo guitar. Ardaydu sanadka oo dhan waxay dhigaan riwaayado, ay ku jiraan riwaayada wayn ee la dhigo xiliyada jiilaalka (winter) iyo gu’ga (spring), taas oo u dabaal degta dhaqamada kala duwan ee dugsigeena. Muusigaas waxaa dheer, fasallada seyniska, tignoolajiga, barashada jir-dhiska, iyo barnaamijka ardada fahmkoodu sareeyo intuba waxay ardayda siinayaan waxyaaba badan oo ka dambeeya waxbashada dugsiga. Maktabada dib loo cusboonaysiiyay ee dugsiga waxay ardaydu ka helayaan boqolaal buug oo cusubsidoo kale ardaydu waxa ku ciyaari karaan garoonkeena ciyaarta ee cusub. Maadaama aanahay Achievement Plus dugsi, waxaan bixinaa adeegyada caawimaada guryaha, shaqooyinka, ilka hagaajinta iyo adeegyo kale oo ardayda iyo qoysaskooda loogu talagalay. Tubata Tacliinta: SPMA > Creative Arts > Creative Arts

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

A, B, C, E

8:30 subax - 3:00 galab

2015-16

46 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


SHARAXAADA DUGSIYADA HOOSE 2180 Knapp St. | stanthony.spps.org | 651-293-8735 Dhismaheena bulikeetiga ka dhisan ee ku yaala Langford Park waxaa ka buuxo arday, shaqaale, xubnaha qoyska jecel dugsigeena. Waxaan nahay dugsi naadir ah, xasiloon, waxaan nahay meel jaaliyada oo dhan bar-baarinaysa. Bay’adeena xayiga ah, ee wax soo saar kale, ayaa u ogolaanaysa ilmahaada in uu helo qof uu ku dayan karo oo wakhti dheer saaxiib u noqon kara. Caruurtu waxay dareemaan nabadgaliyo si ay tijaabooyinka u samaynayaan waxna u bartaan; si ay khalad u sameeyaan hadana khalad kooda wax uga bartaan; oo ay u soo saaraan hami iyo yididiilo taas oo ay ula sii gudbi karaan wakhtiga ay dugsiga dhexe tagaan.Khabiirro ku takhasusay sayniska, teknoolajiyada, cilmiga bulshada, tacliinta jirdhiska, farshaxanka, iyo muusiga ayaa ardayda dhiirigalinaya wixii ka dambeeya fasalada muhiimka ah. Qoysas iyo jaaliyad taageera waxay ka caawin karaan ardayda in ay helaan khibrado dheeraad ah, oo ay ka baranayaan safarada dalxiiska, cilmiga farshaxanka, riwaayadaha iyo nashaadaad kale oo badan. Bandhiga seyniska ee sanadlaha ah, habeenada seyniska ee qoyska aad ayay ardaydu u jecelyihiin. Ardayda boqolaal mutadhawiciin ah ayaa sanadka oo dhan caawiya, waxaana ku jira marka laga qayb galayo dhacdooyinka khaask ah sida xafladaha Fall Festival, Art Adventure, Running Club, track and field iyo bandhiga dhaqanka ee spring.

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

St. Anthony Park Elementary (K-5)

Tubata Tacliinta: St. Anthony Park > Murray > Como Park Senior

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

E

8:30 subax - 3:00 galab

Macadka Luuqada

Wellstone Elementary - English/Spanish Two-Way Immersion (PreK-5)

1041 Marion St. | wellstone.spps.org | 651-290-8354 Dugsiga Wellstone, ardaydu waxay bartaan akhriska, qoraalka iyo dhagaysiga labada luuqo ee Isbaanishka iyo Ingiriisiga. Dhismaheena taarikhiga ah ee iftiinka dabeeciga leh waxaa loogu magacdaray Paul Wellstone oo ka tirsanaa golaha odayaasha ee Marayknaka iyo xaaskiisii Sheila, waxay ardayda iyo qoysasku ka heli karaan dugsigeena sadex qol oo kombiyutarka lagu barto, makatabad qurux badan oo laga heli karo alaabo ku qoran luuqadaha Isbaaneshka iyo Ingiriisiga. Hadafkeenu waa in ardayda aqoon labaro si ay aqoon sare ugu yeeshaan Isbaanishka iyo Ingiriisiga, si ay u helaan fikar guud oo caalami ah oo ay u fahmaan dhaqamada kale. Dhismaheenu wuxuu leeyahay labo qaybood oo jimicsi lagu sameeyo, qayb shirarka lagu qabto, halkaas oo ay bulshadu dugsigu ugu raaxaystaan bandhiga ardayda. Maalinta oo dhan waxaa socda fasalada lagu dhigo muusiga, farshaxanka, qoobka ciyaarka iyo barashada jir-dhiska. Iyada oo la isticmaalayo barnaamijka barashada muuqaalka, takhasusayaal ayaa taageero siinaya macalimiinta fasalada si loo kor dhiyo khibrada waxbarasho ee ardayda luuqada ingiriisiga baranaysa. Tubata Tacliinta: Wellstone > Highland Park Middle > Highland Park Senior

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

A, C, E

9:30 subax - 4:00 galab

2015-16

Macadka Luuqada

Wellstone Elementary - BioSMART (PreK-5)

1041 Marion St. | wellstone.spps.org | 651-290-8354 Ardaydeenu waxay wax ku bartaan manhajka BioSMART- barnaaamijkaan biosciences ee degmada ayaa la falgalinaya tignoolajiga maada kasta. Barmaamijku waa mid teknoolajiyada ku daraya maada kasta oo iyadoo lagu bixiyo manhaj dhamaystiran oo aad u qurux bada. Dhoowr kambani oo ka mid ah iskaashatadeena joogtada ah ayaa ardayda u diyaarinaya dusiga sare, kuleejka iyo xirfada shaqo oo la xiriira dawada iyo tignoolajiga, seyniska iyo caafimaadka, ganacsiga iyo beecinta, iyo injineeriyada oo dhamaan la xiirta tignoolajiga. Qol qalabaysan oo shaybaarka laga barto, maktabad bilic badan leh soo dhawaynle ayaa araday dhiirigalinaya si ay ugu raaxaystaan barashada oo ay si fikir wanaagsan u yeeshaan. Ardaydeenu way jecelyihiin Seyniska Jimaca ah, waa maalin dhan oo mashaariic seynis ah la sameynayo kaas oo dhisya fahmka seyniska ee ardayda. Tubata Tacliinta: Wellstone > Washington > Washington

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Barnaamijka Discovery Club

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

A-F

9:30 subax - 4:00 galab

2015-16

Macadka Luuqada

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 47


48 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015

Si aad u doorato dugsiga ikhyaarkaadaha, ka soo saar aagaaga xuduudka loo yaqaan (A-F1/F2)

Raadi aagaada

Aaga dugsiga laga soo aadi karo Waxaa kala qaybisa wadada 35E Xuduudaha F1/F2

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

KHARIIRADA DUGSIYADA DHEXE


SHAXDA TIXRAACA DUGSIYADA DHEXE Dugsiyada Xaafada

Dugsiyada xaafadahu waxay ardayda siiyaan waxbarasho wanaagsan oo ay ka heli karaan dugsi u dhow guriga. Waxaa kale oo ay bixiyaan fursado waxabarasho iyo barnaamijyo kale. Hadii aad su’aal dheeraad ah qabto, la xiriir Xarunta Meelaynta Ardayda 651-632-3760. Faah faahintan way isbadali kartaa

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads **

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Asalka/Luuqada Luuqada Aduunka 
Indigenous/ * World Languages

Parkway Montessori and Community Middle School (6-8) parkway.spps.org | 651-744-1000

A

7:30 subax 2:00 galab

Battle Creek Middle (6-8) bcms.spps.org | 651-293-8960

B

7:30 subax 2:00 galab

201516

Washington Technology (6-12) washington.spps.org | 651-293-8830

C

7:30 subax 3:00 galab

French, Hmong, Mandarin, Spanish

Humboldt High School (6-12) humboldt.spps.org | 651-293-8600

D

7:30 subax 2:00 galab

French, Spanish

Murray Middle (6-8) murray.spps.org | 651-293-8740

E

7:30 subax 2:00 galab

French, Spanish

Ramsey Middle (6-8) ramsey.spps.org | 651-293-8860

F1

7:30 subax 2:00 galab

201516

French, Spanish

Highland Park Middle (6-8) highlandms.spps.org | 651-293-8950

F2

7:30 subax 2:00 galab

French, Mandarin, Spanish

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul Public waxay siinayaa ardayda dugsiyada dhexe waxbarasho adag iyo barnaamiyo awoodle oo caawinaya si ay ugu fududaato xaalada kala guurka, caruurnimadii-dhaliyaranimo. Gaadiidka baska, doorashada dugsiga ama barnaamijka magnet-ka ee u adeega Aaga aad ku nooshahay.

French, Japanese

* Macadka Luuqadu waa barnaamij ay leeyihiin ardayda barta luuqada Ingiriisiga. Macluumaad dheeraad ah eeg boga 18. | ** Xilliga ipaadka la qaybinayo waxaa laga yaabaa inuu isbadelo

Dugsiyada Magnet-ka ee Degmo/Gobol

Dugsiyada loo yaqaano Magnet waxay diirada saaraaan maadooyinka ay ka midka yihiin akhriska,xisaabta, iyo seyniska oo ay waliba xooga sii saarayaan qaybo gaar ah. Inta-badan, barnaamijyadanu diyaar ayay caruurta u yihiin laga soo bilaabo xanaanada ilaa fasalka 12-aad. Faah faahintan way isbadali kartaa

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads **

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada *

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/ World Languages

Aerospace/Engineering

Dugsiganu wuxuu si gaar ah u baraa maadooyinka la xiriira habka diyaarada iyo injineerinimada: Shuruuda galita: Wax shuruuda kuma xirna. Farnsworth Aerospace – 5-8 Campus farnsworth.spps.org | 651-293-8880

A-F1/F2

9:30 subax 4:00 galab

Spanish

American Indian Language and Culture

Waxaa lagu bartaa taariikhda, dhaqanka, farshaxanka, caadada, iyo qiimaha qoomiyada American Indian. Shuruudaha lagu dhigan karo: Wax shardi ah kuma xirna. Ardayda ka soo jeeda qoomiyada American Indian ayaa waxaa laga yaaabaa in la siiyo addeegyo dheeraad ah oo ay taageerayso Adeega Waxbarashada Dugsiyada SPPS ee qoomiyada Indianka. Arintaan si looga qaybgalo ardaydu waa inay dhamaystiraan arjiga barnaamijka dowlada dhexe ee lagu magacaabo “Title VII Student Eligibility Certification. American Indian Magnet (PreK-8) aims.spps.org | 651-778-3100

A-F1/F2

9:30 subax 4:00 galab

201516

Lakota, Ojibwe

BioSMART

Wuxuu barnaamijkaani diirada saaraa isku dhafka cilmiga loo yaqaan bioscience iyo cilmiga teknoolajiyada. Shuruuda galita: wax shuruuda kuma xirna Washington Technology (6-12) washington.spps.org | 651-293-8830

A-F1/F2

7:30 subax 3:00 galab

French, Hmong, Mandarin, Spanish

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 49


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

SHAXDA TIXRAACA DUGSIYADA DHEXE Dugsiyada Magnet-ka ee Degmo/Gobol Faah faahintan way isbadali kartaa

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads **

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada *

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/ World Languages

Capitol Hill Gifted & Talented

Barnaamijkaan ardayda kula dadaala in ay soo saaraan awooda iyo kartida ay wax ku baran karaan. Shuruudaha lagu dhigan karo. Wax shuruuda kuma xirna. Capitol Hill Gifted & Talented (1-8) capitolhill.spps.org | 651-325-2500

A-F1/F2

8:30 subax 3:00 galab

French, Spanish

Environmental Science

Waa barnaamij waxabrasho gaar ah oo diirada saaraya barashada bay’ada, inta badan waxbarashadu waxay ka dhacaysaa banaaka fasalka. Shuruuda lagu dhigan karo: Wax shuruuda kuma xirna. Humboldt High School (6-12) humboldt.spps.org | 651-293-8600

A-F1/F2

7:30 subax 2:00 galab

French, Spanish

Expeditionary Learning

Waa waxbarasho ku dhisan mashaariica, halkaa oo ardaywalba uu cod ku leeyahay. Shuruuda lagu dhigan karo: Wax shuruud ah kuma xirna. Open World Learning Community (6-12) open.spps.org | 651-293-8670

A-F1/F2

7:30 subax 2:00 galab

Spanish

French Immersion

Ardayda waxaa wax lagu baraa luuqada Faransiiska si ay luuqadaas akhriskeeda, qoraalkeed iyo waliba dhaqankeeda sifiican oo fahm sarale ugu barataan. Shuruudaha lagu dhigan karo: Imtixaanka lagu aqbalo luuqada Faransiiska. In ardaygu dhiganayaa fasalada labada luuqadood (two French Immersion) sanadka oo dhan. Ramsey Middle (6-8) ramsey.spps.org | 651-293-8860

A-F1/F2

7:30 subax 2:00 galab

201516

French, Spanish

Hmong Language & Culture

Siiwadida barnaamijka luuqada Hmonga ah Two-Way Immersion (Dual Language) ee dugsiyada Phalen Lake Hmong Studies iyo Dugsiga Hoose ee Jackson; oo lagu daray luuqada, taariikhada iyo dhaqanka. Shuruuda lagu dhigan karo: Mudnaanta waxaa la siin ardayda dhigata Hmong/English Two-Way Immersion (Dual Language). In ardaygu ka diiwaan gashanyahay fasalada luuqada iyo dhaqanka Hmonga ah (fasalada 6-10). In ardaygu qaato imtixaanka qiimaynta aqoonta luuqda Hmonga ah. Battle Creek Middle (6-8) bcms.spps.org | 651-293-8960 Washington Technology (6-12) washington.spps.org | 651-293-8830

A, B, C (East of 35E)

7:30 subax 2:00 galab

201516

C (West of 35E), D, E, F1/F2

7:30 subax 3:00 galab

French, Hmong, Mandarin, Spanish

International Baccalaureate (IB)

Waa Barnaamij Caalamiya oo ardayda tacliinta u dadajinaya si ay u noqdaan kuwo wax soo saar leh oo dunada wax. Tara: Shuruuda laga dhigan karo: wax shuruuda kuma xirna. Fasalada 6-8 sanadaha dugsiga dhexe (MYP) oo la socota MYP 9-10 iyo barnaamijka shahaadada ee International Baccalaureate ee lagu bixiyo heerka dugsiga sare. Hazel Park Preparatory Academy (PreK-8) IB PYP/MYP Candidate hppa.spps.org | 651-293-8970 Highland Park Middle (6-8) highlandms.spps.org | 651-293-8950 Ramsey Middle (6-8) ramsey.spps.org | 651-293-8860

A, B, C (East of 35E)

9:30 subax 4:00 galab

201516

Spanish

D, F2

7:30 subax 2:00 galab

French, Mandarin, Spanish

C (West of 35E), E, F1

7:30 subax 2:00 galab

201516

French, Spanish

Mandarin Immersion Ardayda waxaa wax lugu baraa luuqada Mandarin ee Shiinaha si ay faham sare ugu yeeshaan akhriska qoraalka, iyo wadahadalka si ay ugu bartaan luuqada iyo dhaqanka shiinaha. Shuruudaha lagu dhigan karo: Imtixaanka qiimaynta aqoonta luuqada shiinaha. in ardaydu ka diiwaan gashanyihiin sanadka oo dhan fasalada two Mandarin immersion. Highland Park Middle (6-8) highlandms.spps.org | 651-293-8950

Waxaa la heli sandaka 2017. Fadlan arag Jie Ming Mandarin Immersion school information on page 42.

* Macadka Luuqadu waa barnaamij ay leeyihiin ardayda barta luuqada Ingiriisiga. Macluumaad dheeraad ah eeg boga 18. | ** Xilliga ipaadka la qaybinayo waxaa laga yaabaa inuu isbadelo

50 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


SHAXDA TIXRAACA DUGSIYADA DHEXE Faah faahintan way isbadali kartaa

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads **

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada *

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/ World Languages

Montessori

Barista habka ku salaysan tusmooyinka in ilmawalba uu leeyahay awoodiisa, baahidiisa, wuxuu jecalyahay iyo qaabkiisa waxbarasho oo ku dhisan habk falsafadeed ee nidaamka Montessori.Shuruudaha lagu dhigan karo: wax shuruud ah kuma xirna. Parkway Montessori and Community Middle School (6-8) parkway.spps.org | 651-744-1000

A-F1/F2

7:30 subax 2:00 galab

French, Japanese

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Dugsiyada Magnet-ka ee Degmo/Gobol

Spanish Immersion

Ardayda waxaa wax lagu baraa luuqada Isbaaneshka si ay aqoon sare ugu yeeshaan akhriskeeda, qoristeeda iyo in ay ku xiriiri karaan luuqada Isbaaneshka oo ay bartaan dhaqanka Isbaanishka. Shuruuda lagu dhigan kar. In ardaygu qaataa imtixaanka aqoonta luuqada Isbaaneshka in ardaydu ka diiwaan gashanyihiin sanadka oo dhan fasalada two Spanish immersion. Highland Park Middle (6-8) highlandms.spps.org | 651-293-8950

A-F1/F2

7:30 subax 2:00 galab

French, Mandarin, Spanish

Visual and Performing Arts

Cilmiga farshaxanka ee muuqaalka iyo bandhigita ayaa lala falfalinayaa waxbarashada si looga dhigo baraakticaal, oo ay u noqoto khibrad iskuul oo wax abuurle. Shuruuda lagu dhigan karo: in qofku uu aad u xiisaynayo ama uu diyaar u yahay nuu sahamiyo tacliinta qofku naftiisa ku soo saarayo ayadoo la isticmaalayo cilmiga farshaxanka. Linwood Monroe Arts Plus – Upper Campus (Pre-K, 4-8) lmap.spps.org | 651-293-6606

D, F1/F2

9:30 subax 4:00 galab

Creative Arts Secondary (6-12) creativearts.spps.org | 651-292-3480

A-F1/F2

7:30 subax 2:00 galab

201516

Spanish

Spanish

* Macadka Luuqadu waa barnaamij ay leeyihiin ardayda barta luuqada Ingiriisiga. Macluumaad dheeraad ah eeg boga 18. | ** Xilliga ipaadka la qaybinayo waxaa laga yaabaa inuu isbadelo

SHARAXAADA DUGSIYADA DHEXE Dugsiyada dhexe badankooda waxaa laga aadi karaa Aaga A-F. Fadkalan eeg bogaga 51-53 soo hel iskuulka xaafadaada iyo barnaamijyada sida khaaska ah loo barto ee sida khaaska ah iskuulkaaga looga bixiyol.

American Indian Magnet (PreK-8)

1075 E. Third St. | aims.spps.org | 651- 778-3100 Dugsigeena waxbarashadiisu waxay salka ku haysaa taariikhda, dhaqanka, farshaxanka, caadaadka iyo qiyamka Indian Americans. Waan soo dhawaynaynaa ardayda dhaqamada kale duwan oo dhan in ay bartaan waxbarasho la xiriita Indian American. Macalimiintu waxay kulifaaqayaan luuqadaha iyo dhaqanka Ojibwe iyo Lakota maadooyinka waxbarashada. Anaga oo adeegsanayo barnaamijkeena buuga bisha, waxaan dugsiyada oo dhan u soo banadhigaynaa khibrada akhirska iyo qorida luqadda Indian Americaanka ee caawinaysa arday walba inuu aad ugu faraxsanaado akhriska. Dugsiga Indianka ee Magnet-ka ah wuxuu bogaadinayaa in waalidiinta iyo qaybaha jaalida ee kale ka qayb-qaateen machadka waalidka, gurbaanka, qoob ka ciyaarka, iyo xaflada Powpow ee bil kasta dhaco. Sidoo kale, waxaan ardayda fasallada 6-aad ilaa 8-aad siinaynaa barnaamijka AVID, kaas oo diiradda saaraya inu ardayda u diyaariyo guulgaarid dhinaca fasallada iyo galida kuleejkaba. Maadooyinkeena waxaa sare u qaadaya khubarada seyniska, luuqadaha iyo dhaqanka Lakota iyo Ojibwe iyo waxbarashada jir-dhiska. Ardadeena dugsiga dhexe (6-8) waxaa khasab ku ah in ay qaataan mid ka mid ah luuqadaha Lakota ama Ojibwe si ay ugu diyaar garoobaan sii wadashada barashada Indian American-ka ee Dugsiga Sare ee Harding. Wuxuuna ka baxayaa dugsiga sare ee Harding. Barnaamijka dugsiga ka dib oo uu ku jiro barnaamijka kobciska dhalinyarada Indianka, Urban 4-H, waxbarashada maalinta la dhereeyay(Extended Day for Learning) iyo ciyaarah fudud. Tubata Tacliinta: American Indian > Harding Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

A-F1/F2

9:30 subax - 4:00 galab

2015-16

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

Lakota, Ojibwe

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 51


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

SHARAXAADA DUGSIYADA DHEXE Battle Creek Middle (6-8)

2121 N. Park Dr. | bcms.spps.org | 651-293-8960 Waxaan rumaysanahay in dugsiga dhexe yahay qaybta ugu farxada badan ilmaha waxbarashadiisa. Dugsiga Dhexe ee Battle Creek, arday walba qayb ayuu ka yahay laba kooxood fasal waliba kuwaas oo kulma bishii hal mar si ay u bartaan habka bulshanimada, oo ay khibradahooda dugsiga dhexena dib ugu fiiriyaan. Macalimiintu ardayda wax ma baraan oo kaliya, balse iskaashi ayay la sameeyaan si ay ardayda ugu kordhiyaan dhiirgalin iyo niyad dhis. Ardaydu waxay helayaan maadooyin dhamaystiran oo ay ku jiraan farshaxanka, tignoolojiga, seyniska, barashada bulshada iyo jir-dhiska, sidoo kale ardayda oo dhan waxay ka qayb-qaadan karaan barnaamij bilaash ah oo dugsiga ka dib baxa. Si xooga loo saaro akhriska iyo xisaabta, fasalada waxaa lagu taageera islabarid: waa macalimiin isla shaqeeya fasalad dhexdooda, si ay ardayda u siiyaan ogaanshaha ay u baahanyihiin iyaga oo wax u baraya hal-hal. Aad ayaan ugu faraxsanahay barnaamijkeena la yiraahdo Qofwalba Qaybuu ka yahay (Where Everybody Belongs) hoogaamiyayaasha iyo ardo dhigato fasalka 8-aad kuwaas oo tusaale siiya ardayda fasalka 6-aad si ay guul ugu bilaabaan dugsiga dhexe. Barnaamijka dugsigeena ee la yiraahdo Panther Pride ayaa matalaya dhaqamada ardayda yar-yar ee quruxda badan ee yididiilada leh ee dhigato Dugsiga Dhexe ee Battle Creek. Uniform ayaa khasab ah. Tubata Tacliinta: Battle Creek > Harding Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

B + Magnet Program**

7:30 subax - 2:00 galab

2015-16

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

** Fadlan, ka eeg bogga 49-51 liiska dugsiyadda barmaamijyada magnet-ka (Iskuullada Degmada ama gobolka oo idil looga iman karo)

Capitol Hill Gifted and Talented Magnet (1-8) 560 Concordia Ave. | capitolhill.spps.org | 651-325-2500

Dugsigeenu wuxuu ardayda u culays ku saarayaa in ay sii raacdaan waxa ay ku fiicanyihiin, xiisaynayaan, oo ay jecelyihiin. Ardaydu waxay ka qayb-qaadan karaan kooxa ah muusiga sida choir, orchestra iyo Suzki strings. Nashaadaadka kale oo dhaca xiliga dugsiga ama kadib waxaa ka mid ah qaab dhismeedka Qaramada Midoobay, Maalinta Taariikhda, bandhiga seyniska, tartanka juquraafiga, dooda, barashad arayada iyo kuwo kale oo badan. Fasallada Capitol Hill's waxay isticmaal iyo nolol ku soo celinayaan seyniska, farshaxanka muuqaalka ah, gurbaanka, waxbarashada jir-dhiska, iyo muusiga. Tartamada maxaliga ah, kuwa gobolka iyo kuwa wadanka guud ayaa ardaydeena ku dhiiri-galinaya in ay aad u sareeyaan. Aqbalaada fasalada 1-5-aad wuxuu ku salaysan yahay imtixaan ay qaaday degmadu oo la qaaday fasallada xanaanada iyo 2-aad. Fasalada 6-8-aad ogolaanshahoodu imtixaan kuma xirna. Tubata Tacliinta: Capitol Hill > Highland Senior Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

A-F1/F2

9:30 subax - 4:00 galab

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

French, Spanish

Creative Arts Secondary (6-12)

65 Kellogg Blvd. | creativearts.spps.org | 651-292-3480 Ardaydu waxay u doortaan Dugsiga Creative Arts waayo waxay jecel yihiin sida loogu boorinayo dhinaca waxbarasho iyo farshaxanka iyo dugsigeena oo ah mid ardayda taageeraya. Ayadoo dhismaha hadda la cusboonaysiiyey, Dugsiga Creative Arts waxuu ardayda siiyaa khibrad waxbarsho oo naadir ah, iyagoo adeegsanaya bandhiga, muuqaalka, qorida iyo akhriska cilmiga farshaxanka. Qaybteena cusub ee waxbarasho- oo ay ku jiraan masraxa qoobka ciyaarka, xarunta filimada lagu dhigo, waxaan siinaaa ardayda manhaj dareen sare siinaya ardayda, waana jecelahay in aan u dhownahay madxafka, Xarunta Farshaxanka lagu soo bandhigo ee Ordway, iyo Lowertwon artist community. Macalimiinteena dadaal ayey farshaxanka si joogta ah ugu sameeyaan : Waa oraahda dugsigeena 20 sano kahor loogu magaca daray. Tubata Tacliinta: Creative Arts > Creative Arts Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

A-F1/F2

7:30 subax - 2:00 galab

2015-16

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

Spanish

Farnsworth Aerospace – Dual Campus (5-8 Campus – Upper)

PreK-4 Campus: 1290 Arcade St. | 651-293-8675 // 5-8 Campus: 1000 Walsh St. | 651-293-8880 | farnsworth.spps.org Farnsworth waa "Gurigii Hoogaamiyayaasha Mustaqbalka” barashada cilimiga aerospace-ka ayaa qaybkasta oo manhajkeena ka mid ah lagu dhaxdaray.Waxay dhiirigalinaysaa fikirka iyo tijaabda. Ardaydeenu waxay u shaqeynayaan kooxo si ay u xaliyaan dhibaatooyin, guul walbana waxay kalsooni Ku siinayaa in ay ka gudbi karaan carqaladaha soo socda. Fasallada kale waxaa ka mid ah muusiga, farshaxanka, sida diyaaradda loo duuliyo, dal-xiisyo la xiriira fahamka sida loo duuliyo diyaaradaha. Qoysaska waxaa lagu dhiiri galinayaa

52 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


SHARAXAADA DUGSIYADA DHEXE Tubata Tacliinta: Farnsworth > Johnson Senior Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

A-F1/F2

9:30 subax - 4:00 galab

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

Spanish

Hazel Park Preparatory Academy (PreK-8)

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

inay wax isla bartaan, iyaga oo adeegsanaya xafladaha habeenada laga sheekaynayo injineeriyada iyo hababka diyaaradaha loo duuliyo. Ardaydu way ku hormari dugsigeena, iyga oo adeeg sanaya go’aan, hami, iyo hididiilo, si ay u noqdaan hogaamiyayaalkii mustaqbalka.

1140 White Bear Ave. | hppa.spps.org | 651-293-8970 Ardayda Hazel Park oo dhan waxaa lagu dhiiri galinayaa in ay gaaraan guushooda ugu saraysa iyga oo oo ku eegaya arimaha aragti caalami ah. Anaga oo u sharaxan in aan ka mid noqono dugsiyada haysto International Baccalaureate (IB) Sanadadaha dugsiga hoose ee hay’ada (PYP) iyo barnaamijyada dugsiga dhexe (MYP), dugsigeenu wuxuu ardayda siinayaa faham guud oo la xiriira aduunka. Ardayda waxaa lagu dhiiri galinayaa in ay sahmiyaan mowduucyo ad-adag, iyaga oo si koox-koox ah uga wada hadlaya. Hazel Park wuxuu bixiyaa fasallo ku baxa luuqada Isbaaneshka/Spanish, farshaxan, muusig, iyo waxbarshada jir-dhiska. Ardayda oo dhan waxay ka faa’iidaystaan laga bilaabo tignoolaji, dalxiis, iyo barid habka waxbarashada iyo danaynta, ciyaaraha fufud kuwaas oo wiilasha iyo gabdhaha la siiyo dugsiga ka dib. Shaqaaleheenu si dhow ayay qoysaska u la shaqeeyaan iyaga oo og wadajirkaas in aan ku abuuri karno koox arday walba ku caawinaya dhiiri galin. Uniform ayaa khasab ah. Tubata Tacliinta: Hazel Park > Harding Senior * Serves Area C (EAST of 35E) Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

A, B, C*

9:30 subax - 4:00 galab

2015-16

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

Spanish

Highland Park Middle (6-8)

975 S. Snelling Ave. | highlandms.spps.org | 651-293-8950 Kooxa ka kooban tiro yar oo arday iyo shaqaale ayaa dugsigeena ka dhigaya meel ardayda dugsiga dhexe ay ka helaan khibrad xooggan oo wadata dareen isku-xirnaasho iyo ka mid noqosho. Barnaamijkeena la yiraahdo (Where Everybody Belongs) ayaa u diyaarinaya ardayda fasalka 8-aad in ay u noqdaan hoogaamiyayaal iyo tusaale ardayda fasalka 6-aad, iyaga oo taageeraya in ay guul ugu gudbaan dugsiga dhexe. Maadaama aan nahay dugsi loo aqoon saday barnaamijka International Baccalaureate Middle Years, Dugsiga Highland wuxuu ardayda ku dhiirigaliyaa in ay si firfircoon uga qaybqaataan isbadallada ka dhacaya aduunka; safar sanadla’ah oo afar maalmood soconaya oo Washington D.C. iyo dunida oo dhan ka dhacaya; safarka ardayda aragtida kowaad ka siiya taariikhda Maraykanka. Intaa waxaa weheliya oo si joogta u socda barnaamij degmada ee luuqada Spanishka lagu baranayo (Spanish Immersion). Sidoo kale, Dugsiga Dhexe ee Highland wuxuu ardyada siinayaa fasalo kubaxaya luuqadaha Faransiiska iyo Mandarin, iyo waliba nashaadaad iyo barnaamijyo xoojin ah oo baxa dugsiga ka dib. Waxaan diirada saarnaa in aan noqono dugsi ay ardaydu ka helaan jawi waxbarasho iyo fursado hoogaamiyanimo, iyada oo aan adeegsanayno barnaamijyada sida National Junior Honor Society, Student Council and WEB. Tubata Tacliinta: Highland Park Middle > Highland Park Senior Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

F2 + Magnet 7:30 subax - 2:00 galab French, Mandarin, Spanish • • Programs** ** Fadlan, ka eeg bogga 49-51 liiska dugsiyadda barmaamijyada magnet-ka (Iskuullada Degmada ama gobolka oo idil looga iman karo)

Humboldt High School (6-12)

30 E. Baker St. | humboldt.spps.org | 651-293-8600 Laga soo bilaabo barashada cilmiga farshaxanka, beeraha, seyniska ilaa kan bulshada, ardaydu waxay dugsigeena yimaadaan iyaga oo faraxsan oo diyaar u ah in ay waxbartaan. Maadaama aan nahay dugsiga kaliya ee degmada ee seyniska iyo bay’da ee fasalada 6-12, Dugsiga Humboldt wuxuu takhasus ku leeyhahay in uu ardayda siiyo waxbarasho ay ficil ahaan u sameynayaan oo ka baxasan fasallada. Waxaa suurta gal ah in ardaydu maalin cuntu ku beeraan beerteena, maalinta kalena ay barnaamij kombiyuutar ah wax ka qoraan. Iyada oo la adeegsanayo machadkeena cusub ee macluumaadka iyo tignoolajiga, waxaa la heli karaa fursado shaqo oo la xiriira cilmiga tignoolajiga. Barnaamijyada kombiyutarka, maamulka iyo falanqaynta xisaabaadka iyo macluumaadka, iyo dhisida website-yada waa qaybo ka mid ah fasallada ardayda u diyaarinaya kuleejka iyo shaqooyinka. Fursadaha ka baxsan fasallada waxaa ka mid ah muusiga, ciyaaraha, mustaqabalka beeralayda maraykanka, JROTC, dhisida boonbalaha (robotics), xisaabta iyo wax yaabo kale. Barnaamijta

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 53


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

SHARAXAADA DUGSIYADA DHEXE

waxbarasho sida, AVID, Advanced Placement and College in Schools challenge iyo taageerida dadkeena yar-yar talaabo kasta oo ay dugsiga iyo shaqad u qaadaan. Tubata Tacliinta: Humboldt > Humboldt ** Fadlan, ka eeg bogga 49-51 liiska dugsiyadda barmaamijyada magnet-ka (Iskuullada Degmada ama gobolka oo idil looga iman karo) Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

D + Magnet Program**

7:30 subax - 2:00 galab

French, Spanish

Linwood Monroe Arts Plus – Upper Campus (PreK, 4-8)

Lower (K-3): 1023 Osceola Ave; 651-293-6606 | Upper (Pre-K, 4-8): 810 Palace Ave; 651-293-8690 | lmap.spps.org Dugsigeenu wuxuu bixiyaa khibrad waxbarasho oo naadir ah oo la siiyo fasalada Pre-K ilaa 8-aad oo ku kala yaala labo deegaan. Wuxuu ka bilaabanayaa ilmaha khibradiisa fasalka ugu horeeya ilaa iyo dugsiga dhexe. Isaga oo ka bilaabamay deegaankeena hoose ee fasalad xanaanada ilaa 3-aad, ardaydu waxay jeclaanayaan in ay noqdaan kuwa u nasab sheegta aqoonta farshaxanka: barashada sida uu farshaxanku u sameeyo aqoonsi gaar ah oo awoodle. Marka ardaydu gaaraan fasalka 4-aad ayey waxay u wareegayaan qaybta sare ee dugsiga, si fududna ugu gudbaan barnaamijka dugsiga dhexe ee fasalka 6-aad. Dugsiga dhexe, ardaydu waxay baranayaan in ay dajistaan hadafkood shakhsiga, bulshada, iyo waxbarashada. Fasallada dardargalinta, hoogamiyanimada, khibradaha, ciyaaraha iyo barnaamijyada dugsiga ka dib, waxay caruurta ka taageeraan masuuliyadooda cusub iyo taxadiyaadka waxbarashada. Barnaamijkeeana cilimga farshaxanka ayaa qayb ka ah dhaqamo, codad iyo halabuuro: kaas oo ay ardaydu baranayaan qoob-ka-ciyaarka loo yaqaano flamenco, gurbaanka Taiko, gobay iyo wax kale oo badan. Ardaydu waxay sii wadanayaan cilmigooda farshaxanka iyaga oo barashadooda soo bandhigaya kulnka jimcaha, waa kulan asbuucla ah oo isku xira aqoonyahanada farshaxanka. Tubata Tacliinta: Linwood Monroe > Creative Arts Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

D, F1/F2

9:30 subax - 4:00 galab

Spanish

Murray Middle (6-8)

2200 Buford Ave. | murray.spps.org | 651-293-8740 Dugsiga Murray wuxuu siinayaa ardayda jawi iyo bay’o isu keenid leh si loo xoojiyo kobcinta waxbarashada, bulsho la dhaqanka, iyo dareenka ardaydeena. Waxaan ku caawinaa arday walba in uu yeesho akhlaaq wanaagsan, iyada oo aan adeegsanayno qiyamkeena muhiimka ah iyo waalidiinta iyo iskaashatadeena jaaliyada ee firfircoon. Diirad sarida seyniska iyo bi’ada waxaa xoojisa fasallada ka baxa banaanka iyo iskaashiga aan la leenahay Wolf Ridge Environmental Learning Center, taas oo marti-galisa kulanka hoogaamiyanimada ee sanadlaha ah ee ardayda fasalada 7-8-aad. Sidoo kale waxaan seyniska ka dhiganaa madadaalo anagoo soo saarayna carwada ama bandhiga ugu wayn Minnesota ee seynis maalin gudaheed lagu qabto. Fasallada dar-dar galinta ah waxay siinayaan ardayda kirirdhit (credit) u qalma seyniska, joomatoriga, luuqadaha Isbaanihska iyo Faransiiska lagu qaato dugisga sare. Fursadadaha kale waxay isugu jiraan laga bilaabo qalabka muusiga (band iyo orchestra) ilaa masrax iyo injineeriya. Dugsigeenu wuxuu haystaa fursad uu ku sii balaadho taas oo ay keentay dib u habayntii lagu sameeyay meelaha waxbarashada, qolka kombiyutarka iyo maqaaxida. Barnaamijka maalinta loo dheereeyaya ee Murray wuxuu ardayda siinayaa in ay sahamiyaan waxay jecelyihiin isla markaasna ay yeeshaan xirfado waxbarasho, farshaxan, ciyaaro iyo tgnoolaji. Tubata Tacliinta: Murray > Como Park Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

E

7:30 subax - 2:00 galab

Spanish, French

Open World Learning Community (6-12)

640 Humboldt Ave. | open.spps.org | 651-293-8670 Open World Learning Community (OWL) waa dugsi yar dhinac qaab dhismeedka oo dhismihiisa dib u habeyn lagu sameeyay oo loogu talo galay waxabarasho aad u heer saraysa. Manhajkeena waxaa loogu talagalay in uu baro ardayda dhinaca socdaalada- mashruucyo u ogolaanaya ardayda in ay baaritaano ku sameeyaan arimaha dugsigeena, jaaliyadeena iyo aduunkaba. Barashada fikradaha caalamiga ah ayaa inoo ogolaanaya in si wada jir ah uga wada shaqayno maadooyin kale duwan. Ardayda waxaa la siin wakhti kaga fakaraan arimaha muhiimka ah, wakhti ay ku tijaabiyaan, wakhti ay ku fahmaan wixii ay barteen. Dugsigeena yar bay’adiisa waxbarasho ardayda waxay ku dhiiri-galinaysaa in ay su’aalo waydiiyaan, dhaqan wax dalbanaya oo bara naxariis iyo wadaninimo wanaagsan. Gurigeena cusub ee Galbeedka Saint Paul waxaa si gaar ah loogu sameeyay in ay taageerto waxbarasho heer sara ah oo ku dhisan hab waxbarasho oo wadashaqayn ah. Tubata Tacliinta: Open World > Open World Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

A-F1/F2

7:30 subax - 2:00 galab

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

54 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015

Spanish


SHARAXAADA DUGSIYADA DHEXE

1363 Bush Ave. | parkway.spps.org | 651-744-1000 Dhismaha quruxda badan ayaa wuxuu hoy u yahay mid ka mid ah dugsiyda tirada yare e loo yaqaano Montessori middle schools ee ku yaala Minnesota. Ardaydu waxay ku raaxaysanayaan xoriyad si ay wax u bartaan, u sahamiyaan, oo ay u fahmaan aduunka ku wareegsan. Wax barideenu waxay ku salaysantahay in ilma walba lagu hago sidii uu u soo saari lahaa awoodiisa shakhsinimo, baahidiisa, wuxuu jecelyahay iyo habkiisa waxbarasho ee ku aadan aragtida Dugsiyada Montessori. Fasalo heerar kale duwan ayaa loogu talagalay in ay ardayda ka caawiyaan dhiiri-galinta iyo ka qayb-qaadashada iyagoo adeegsanaya rabitaankooda waxbarasho. Waxaa la socda maadooyinka muhiimka ah, oo uu dugsiga Parkway siyaa ardayda sida qalabka codka iyo muusikada, farshaxanka muuqalka ah, luuqada Jabaanka iyo Faransiiska, maadooyin kombuyuutarrada, barasahda jir-dhiska, ciyaaraha dugsiga ka dib iyo waxbarashada maalinta loo dheereeyay. Deegaankeena naadirka ah ee ku dhagan Penny Park iyo urban forest, ayaa ardayda siinaya fursad ay fasalada banaankooda kaga bartaan xaywaanka iyo wax yaabaha dabeeciga ah.

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Parkway Montessori and Community Middle School (6-8)

Tubata Tacliinta: Parkway > Your Community High School Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

A + Magnet Program**

7:30 subax - 2:00 galab

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

French, Japanese

** Fadlan, ka eeg bogga 49-51 liiska dugsiyadda barmaamijyada magnet-ka (Iskuullada Degmada ama gobolka oo idil looga iman karo)

Ramsey Middle (6-8)

1700 Summit Ave. | ramsey.spps.org | 651-293-8860 Hadaanahay Ramsey Middle School, hadafkeenu waan in aan ardayda ka caawino sidii ay aduunka uga heli lahaayeen aragti. Anagoo adeegsanayna barnaamijkeena sanadaha dhexe ee dugsiyada IB ee loo yaqaano ( International Baccalaureate (IB) Middle Years Programme (MYP)) waxaan xooga saarnaa qiyamka waxbarida ardayda si ay waydiiyaan su’aalo micno wayn leh oo ku saabsan arimaha dugsigena, bulshadeena iyo aduunkaba. Fasallada dugsigeena oo dhan waxay salka ku hayaan manhajka IB oo ardayda baraya cashiro la xiriira noloshooda. Waxaan bixinaa barnaamijka in ardaydu sii wataan barashada Faransiiska ee loo yaqaano (French Immersion) kaas oo u adeegaya in uu wadada dugsiga dhexe u jeexo ardayda ka imanaya L’etoile du Nord. Maadooyinka muhiimka ah waxaa xoojinaya barnaamijyada nashaadaadka iyo barashada sida AVID, band iyo orchestra iyo farashaxanka muuqaalka ah ee ardaydu soo saaraan. Ramsey Show oo ah barnaamij cajalad ah oo ardayda laga tuso khadka interneedka asbuucii hal mar, soo daabicid buuga masawirada ardayda, iyo ka qaybqaadashada nashaadaadka hoogaamiyanimada ee sanadka oo dhan. Ardaydeena waxaa taxadi lagu galiyaa in raadiyaan oo ay fahmaan qaybtii ay bulshada ka gali lahaayeen iyo sidii ay talaabo ku aadan u qaadi la haayeen. Tubata Tacliinta: Ramsey > Central Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

F1 + Magnet 7:30 subax - 2:00 galab French, Spanish 2015-16 • Programs** ** Fadlan, ka eeg bogga 49-51 liiska dugsiyadda barmaamijyada magnet-ka (Iskuullada Degmada ama gobolka oo idil looga iman karo)

Washington Technology (6-12)

1495 Rice St. | washington.spps.org | 651-293-8830 Ardaydeenu waxay helaan khibrado ku aadan heerka kuleejka marka ay bilaabaan fasalka 6-aad. Maadaama aan nahay technology magnet school, waxaan ardayda u diyaarinaa in ay u diyaar garoobaan aqoonta sare ee tignoolajiga, shaqooyin aad loogu baahanyahay oon ahayn shaqooyinka hada jira. Xiliga dugsiga oo dhan, waxaan isticmaalaa tignoolaji taas oo ay ku jiraan 12 qol oo kombuyuutarada lagau barto, sabuurada casirga ah ee cad, maykariskoobka wax yaabaha yar-yar lagu fiiriyo, qolka cajaladaha lagu soo saaro iyo boonbala ah (robotics). Ardayda dhamaan dhigata fasalada 6-12-aad waxay helaan fursad ay xiriir dheer kula yeeshaan shaqaalaha, oo ay si sahlan ugu gudbaan dugsiga sare. Maadaama aan haysano barnaamijka waxbarashada maalinta loo dheereeyaya tan ugu dheer ee gobolka, arday walba oo dhigta dugsigeena wuxuu helayaa ugu yaraan hal saac maalintii oo ah waxbarasho ama nashaadaad xoojiya, oo ay ku jiraan luuqadaha aduunka, tartanka ciyaaraha barnaamijyada kombuyutarada. Tubata Tacliinta: Washington > Washington Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Waxbarashada Maalinta ee Wakhtiga loo Dheereeyaay

Macadka Luuqada

C + Magnet Programs**

7:30 subax - 3:00 galab

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

French, Hmong, Mandarin, Spanish ** Fadlan, ka eeg bogga 49-51 liiska dugsiyadda barmaamijyada magnet-ka (Iskuullada Degmada ama gobolka oo idil looga iman karo)

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 55


56 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015

Si aad u doorato dugsiga ikhyaarkaadaha, ka soo saar aagaaga xuduudka loo yaqaan (A-F1/F2)

Raadi aagaada

Aaga dugsiga laga soo aadi karo Waxaa kala qaybisa wadada 35E Xuduudaha F1/F2

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

KHARIIRADA DUGSIYADA SARE


SHAXDA TIXRAACA DUGSIYADA SARE Community Schools

Dugsiyada xaafadaadu waxay ardayda siiyaan waxbarasho wanaagsan oo ay ka heli karaan dugsi u dhow guriga. Waxaa kale oo ay bixiyaan fursado waxabarasho iyo barnaamijyo xiisale. Faah faahintan way isbadali kartaa

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads **

Macadka Luuqada*

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

Johnson Senior High (9-12) johnsonsr.spps.org | 651-293-8890

A

8:30 subax 3:00 galab

Harding Senior High (9-12) harding.spps.org | 651-793-4700

B

7:30 subax 2:00 galab

Dakota/Lakota, French, Hmong, Japanese, Spanish

Washington Technology (6-12) washington.spps.org | 651-293-8830

C

7:30 subax 3:00 galab

French, Hmong, Mandarin, Spanish

Humboldt High School (6-12) humboldt.spps.org | 651-293-8600

D

7:30 subax 2:00 galab

French, Spanish

Como Park Senior High (9-12) comosr.spps.org | 651-293-8800

E

7:30 subax 2:00 galab

French, Spanish

Central Senior High (9-12) central.spps.org | 651-744-4900

F1

7:30 subax 2:00 galab

Highland Park Senior High (9-12) highlandsr.spps.org | 651-293-8940

F2

7:30 subax 2:00 galab

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul Public waxay leeyihiin ilaa iyo 9 dugsiyo sare ah oo diirada saaraya barnaamijyo waxbarasho iyo nashaadaad kale duwan, kuwaas oo loogu talaglay in ay ardayda u diyaariyaan dhamaynta dugsiga sare iyo wixii ka dambeeya. Gaadiidka baska, doorashada dugsiga ama barnaamijka magnet-ka ee u adeega Aaga aad ku nooshahay.

French, Spanish

French, German, Latin, Mandarin, Russian, Spanish

French, Mandarin, Spanish

* Macadka Luuqadu waa barnaamij ay leeyihiin ardayda barta luuqada Ingiriisiga. Macluumaad dheeraad ah eeg boga 18. | ** Xilliga ipaadka la qaybinayo waxaa laga yaabaa inuu isbadelo

Dugsiyada Magnet-ka ee heer Degmo/Gobol

Dugsiyada loo yaqaano Magnet waxay diirada saaraaan maadooyinka ay ka midka yihiin akhriska,xisaabta, iyo seyniska oo ay waliba xooga sii saarayaan qaybo gaaraha. Inta-badan, barnaamijyadanu diyaar ayay caruurta u yihiin laga soo bilaabo xanaanada ilaa fasalka 12-aad. Faah faahintan way isbadali kartaa

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads **

Macadka Luuqada*

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/ World Languages

Advanced Placement (AP) Waa barnaamij loo aqoonsaday in uu yahay maadooyin iyo imtixaano heer kuleej ah oo ardayda u ogolaanaya in ay helaan kiridhidyada kuleejka (college credit). Shuruuda lagu dhigan karo: in ardaygu qaadanayo ugu yaraan hal fasal oo AP fasalada 9-12-aad. Como Park Senior High (9-12) comosr.spps.org | 651-293-8800

E, F1

7:30 subax 2:00 galab

French, Spanish

Humboldt High School (6-12) humboldt.spps.org | 651-293-8600

D, F2

7:30 subax 2:00 galab

French, Spanish

Johnson Senior High (9-12) johnsonsr.spps.org | 651-293-8890

A, B

8:30 subax 3:00 galab

C

7:30 subax 3:00 galab

Washington Technology (6-12) washington.spps.org | 651-293-8830

French, Spanish

French, Hmong, Mandarin, Spanish

* Macadka Luuqadu waa barnaamij ay leeyihiin ardayda barta luuqada Ingiriisiga. Macluumaad dheeraad ah eeg boga 18. | ** Xilliga ipaadka la qaybinayo waxaa laga yaabaa inuu isbadelo

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 57


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

SHAXDA TIXRAACA DUGSIYADA SARE

Dugsiyada Magnet-ka ee heer Degmo/Gobol Faah faahintan way isbadali kartaa

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads **

Macadka Luuqada*

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/ World Languages

Aerospace/Engineering Dugsiganu wuxuu si gaar ah u baraa maadooyinka la xiriira habka diyaarada iyo injineerinimada: Shuruuda galita: in ardaygu aad u xiisaynayo aerospace iyo injineeriyada. Johnson Senior High (9-12) johnsonsr.spps.org | 651-293-8890

A-F1/F2

8:30 subax 3:00 galab

French, Spanish

American Indian Language and Culture Waxaa lagu bartaa taariikhda, dhaqanka, farshaxanka, caadada, iyo qiimaha qoomiyada American Indian. Shuruudaha lagu dhigan karo: Wax shardi ah kuma xirna. Harding Senior High (9-12) harding.spps.org | 651-793-4700

A-F1/F2

7:30 subax 2:00 galab

Dakota/Lakota, French, Hmong, Japanese, Spanish

BioSMART Wuxuu barnaamijkaani diirada saaraa isku dhafka cilmiga loo yaqaan bioscience iyo cilmiga tignoolajiyada. Shuruuda galita: wax shuruuda kuma xirna. Washington Technology (6-12) washington.spps.org | 651-293-8830

A-F1/F2

7:30 subax 3:00 galab

French, Hmong, Mandarin, Spanish

Capitol Hill Gifted & Talented Barnaamijkaan ardayda kula dadaala in ay soo saaraan awooda iyo kartida ay wax ku baran karaan. Shuruudaha lagu dhigan karo: wax shuruud ah kuma xirna. Highland Park Senior High (9-12) highlandsr.spps.org | 651-293-8940

A-F1/F2

7:30 subax 2:00 galab

French, Mandarin, Spanish

Environmental Science Waa barnaamij waxabrasho gaar ah oo diirada saaraya barashada bay’ada, inta badan waxbarashadu waxay ka dhacaysaa banaaka fasalka. Shuruuda lagu dhigan karo: Wax shuruuda kuma xirna. Humboldt High School (6-12) humboldt.spps.org | 651-293-8600

A-F1/F2

7:30 subax 2:00 galab

French, Spanish

Expeditionary Learning Waa waxbarasho ku dhisan mashaariica, halkaa oo ardaywalba uu cod ku leeyahay. Shuruuda lagu dhigan karo: Wax shuruud ah kuma xirna. Open World Learning Community (6-12) open.spps.org | 651-293-8670

A-F1/F2

7:30 subax 2:00 galab

Spanish

Finance Waxbarasho la xiriirta xisaabaadka iyo dhaqaalaha, ganacsiga caalamiga ah, hogaaminta, iyo isticmaalka tignoolajiga ee adeegayada dhaqaalaha iyo warshadaha. Shuruuda lagu dhigan karo. Wax shuruuda kuma xirna. Como Park Senior High (9-12) comosr.spps.org | 651-293-8800

A-F1/F2

7:30 subax 2:00 galab

French, Spanish

French Immersion Ardayda waxaa wax lagu baraa luuqada Faransiiska si ay luuqadaas akhriskeeda, qoraalkeed iyo waliba dhaqankeeda sifiican fahm sarale ugu barataan. Shuruudaha lagu dhigan karo: in ardaydu dhigtaan fasalda French immersion barnaamijkiiba (fasalada 9-12). Imtixaanka lagu aqbalo luuqada Faransiiska. Central Senior High (9-12) central.spps.org | 651-744-4900

A-F1/F2

7:30 subax 2:00 galab

French, German, Latin, Mandarin, Russian, Spanish

* Macadka Luuqadu waa barnaamij ay leeyihiin ardayda barta luuqada Ingiriisiga. Macluumaad dheeraad ah eeg boga 18. | ** Xilliga ipaadka la qaybinayo waxaa laga yaabaa inuu isbadelo

58 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


SHAXDA TIXRAACA DUGSIYADA SARE Faah faahintan way isbadali kartaa

Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads **

Macadka Luuqada*

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/ World Languages

Hmong Language & Culture In ardaydu sii wataan barnaamijka Hmong/English Two Immersion (Hmong Dual Language); oo ay laqaataan luuqada, taariikhda iyo dhaqanka. Shuruuda lagu dhigan karo: In ardaygu ka qoranyahay fasalada luuqada iyo dhaqanka Hmonga ah (fasalada 9-12). Imtixaanka qiimanyta aqoonta luuqada Hmonga ah. Harding Senior High (9-12) harding.spps.org | 651-793-4700

A, B, C (East of 35E)

7:30 subax 2:00 galab

Dakota/Lakota, French, Hmong, Japanese, Spanish

Washington Technology (6-12) washington.spps.org | 651-293-8830

C (West of 35E), D, E, F1/ F2

7:30 subax 3:00 galab

French, Hmong, Mandarin, Spanish

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Dugsiyada Magnet-ka ee heer Degmo/Gobol

Information Technology Barahshada culuumta kumbiyuutarka, macluumaadka xisaabaadka iyo maamulka, sameynta website-yada iyadoo diirada la saarayo u diyaarinta ardayda shaqooyinka mustaqbalka ee tignoolojiga xawliga ku socoda. Shuruuda lagu dhigan karo. Wax shuruuda ah kuma xirna. Humboldt High School (6-12) humboldt.spps.org | 651-293-8600

A-F1/F2

7:30 subax 2:00 galab

French, Spanish

International Baccalaureate (IB) Waa Barnaamij Caalamiya oo ardayda tacliinta u dadajinaya si ay u noqdaan kuwo wax soo saar leh oo dunada wax. Tara: Shuruuda laga dhigan karo: in ardaydau qaateen ugu yaraan maado IB ah rubicii-sanad dugsiyeedka. Central Senior High (9-12) central.spps.org | 651-744-4900

C (West of 35E), E, F1

7:30 subax 2:00 galab

Harding Senior High (9-12) harding.spps.org | 651-793-4700

A, B, C (East of 35E)

7:30 subax 2:00 galab

Dakota/Lakota, French, Hmong, Japanese, Spanish

D, F2

7:30 subax 2:00 galab

French, Mandarin, Spanish

Highland Park Senior High (9-12) highlandsr.spps.org | 651-293-8940

French, German, Latin, Mandarin, Russian, Spanish

Mandarin Immersion Ardayda waxaa wax lugu baraa luuqada Mandarin ee Shiinaha si ay faham sare ugu yeeshaan akhriska qoraalka, iyo wadahadalka si ay ugu bartaan luuqada iyo dhaqanka shiinaha. Shuruudaha lagu dhigan karo: Imtixaanka qiimaynta aqoonta luuqada shiinaha. in ardaydu ka diiwaan gashanyihiin sanadka oo dhan fasalada two Mandarin immersion. Highland Park Senior High (9-12) highlandsr.spps.org | 651-293-8940

Available in 2020. Please see Jie Ming Mandarin Immersion school information on page 42.

Spanish Immersion Ardayda waxaa wax lagu baraa luuqada Isbaaneshka si ay aqoon sare ugu yeeshaan akhriskeeda, qoristeeda iyo in ay ku xiriiri karaan luuqada Isbaaneshka oo ay bartaan dhaqanka Isbaanishka. Shuruuda lagu dhigan kar. In ardaygu qaataa imtixaanka aqoonta luuqada Isbaaneshka in ardaydu ka diiwaan gashanyihiin sanadka oo dhan fasalada two Spanish immersion (fasalada 9-10). In ardaygu qaato IB ee luuqada iyo dhaqanka Ibaanesh ka schoolka bixiya (fasalada 11-12). Highland Park Senior High (9-12) highlandsr.spps.org | 651-293-8940

A-F1/F2

7:30 subax 2:00 galab

French, Mandarin, Spanish

Visual and Performing Arts Cilmiga farshaxanka ee muuqaalka iyo bandhigita ayaa lala falfalinayaa waxbarashada si looga dhigo baraakticaal, oo ay u noqoto khibrad iskuul oo wax abuurle. Shuruuda lagu dhigan karo: in qofku uu aad u xiisaynayo ama uu diyaar u yahay nuu sahamiyo tacliinta qofku naftiisa ku soo saarayo ayadoo la isticmaalayo cilmiga farshaxanka. Creative Arts Secondary (6-12) creativearts.spps.org | 651-292-3480

A-F1/F2

7:30 subax 2:00 galab

201516

Spanish

* Macadka Luuqadu waa barnaamij ay leeyihiin ardayda barta luuqada Ingiriisiga. Macluumaad dheeraad ah eeg boga 18. | ** Xilliga ipaadka la qaybinayo waxaa laga yaabaa inuu isbadelo

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 59


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

SHARAXAADA DUGSIYADA SARE Central Senior High (9-12)

275 N. Lexington Pkwy. | central.spps.org | 651-744-4900 Dugsiga Sare ee Central waa dugsiga ugu da’da wayn gobolka Minnesota, isaga oo hada galay sanad- guuradiisii 150-aad. Xeerarka uu caanka ku yahay dugsigu oo ay ka mid tahay heerka waxbarashadiisa oo sareysa ayaa si balaaran loogu dabaal dagaa. Qoysasku way qiimeeyaan sida heerka sarada leh ee aan u qiimayno waxbarashada; waxbarashada dheeraadka ah ee badan; dhaqankeena sida joogtada ah wax soo saarka u samaynaya; iyo dadaalkeena aan xiriirka iyo calaaqaadka aan udub dhexeedka uga dhigayno waxbarashada. Centeral wuxuu ka mid yahay dugsiyada la yiraahdo International Baccalaureate ilaa iyo 1987 shahaadada dugsiga sare a yuu bixiyaa isagoo bara ardayda mawaadiicda saameynaya bulshadeena iyo aduunkaba. Sidoo kale ardaydeenu waxay ka faa’iidaystaan barnaamijyada kale duwan ee waxbarasho, oo ay ku jiraan quest, meelaynta sare, fasalada kuleejka oo dugsiga sare lagu qaadanayo, fasalo ka qaadashada kuleejka adoo dugsiga sare dhiganaya, barashada iyo wax ku barashada luuqada farafnsiiska (waxayna ka mid tahay lix luuqadood oo aan bixino). Fursadaha kuleejka loogu diyaar garoobayo waxaana ka mid ah barnaamijyada Upward Bound, College Polssible, AVID, iyo African-American Male Initiative. Wakaalada U.S. News and World Report, ayaa hada u aqoonsatay dugsigeen in uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu fiican dugsiyada sare ee wadanka. Dugsiga Sare ee Central fursado ayuu qof walba siinayaa. Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

F1 + Magnet Programs**

7:30 subax - 2:00 galab

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

French, German, Latin, Mandarin, Russian, Spanish

** Fadlan, ka eeg bogga 57-59 liiska dugsiyadda barmaamijyada magnet-ka (Iskuullada Degmada ama gobolka oo idil looga iman karo)

Como Park Senior High (9-12)

740 W. Rose Ave. | comosr.spps.org | 651-293-8800 Dugsiga Sare ee Como Park waxaan ku hagaynaa hal-qabsiga dugsigeena oo ah Ka mid noqo, Sahami, Gaar, Guul, si Wad Jir ah oo loo ayaqaano (B.E.A.S.T. − Belong, Explore, Achieve, Succeed Together ) Waxaan nahay dugsi wayn oo ardayda siin kara fursado badan oo ay ku guulaysan karaan, dhinaca kale waxaan nahay dugsi yar oo qof walba siinaya fursad uu wax ku sahamiyo- laga soo bilaabo ciyaaraha, muusiga, gurbaanka ilaa dood climiyeedka. Anaga oo diirada saarayna kuleejka iyo xirfadaha shaqo, Dugsiga Como wuu caawiyaa ardayda in ay ka fakaraan wixii ka dambeeya Dugsiga Sare. Barnaamijkeena AP-ga wuxuu qof walba siinayaa aasaas xooggan iyo bilow kuleej. Maadaama aan nahay mid ka mid ah kuwii ugu horeeyay dugsiyada Minnesota ee noqoda dugsi ku dhisan credit union, machadka dhaqaalaha ee Como wuxuu ardayda ka caawinayaa in ay helaan khibrad shaqo oo ay weheliyaan fursado shaqooyinka tababarka ee kumeelgaarka ah (internship). Dugsiga Como Park wuxuu ardayda siinayaa barnaamijyo ku dhisan awood arday walba si ay u guulaystaan: Marine Corps JROTC, fursado muusig ah oo badan, AVID, Peer Mediation, Girl Scouts, Mentoring iyo kuwo kale oo badan. Fasallo taxadi leh iyo barnaamijo quwad leh sida naadiyo oo hada faynalka yimid, kubadda wiilasha iyo ciyaarta adaptive bowling ayaa qof walba ka caawinaysa in uu ku faano in uu ka mid yahay Cougar. Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

E + Magnet Programs**

7:30 subax - 2:00 galab

French, Spanish

** Fadlan, ka eeg bogga 57-59 liiska dugsiyadda barmaamijyada magnet-ka (Iskuullada Degmada ama gobolka oo idil looga iman karo)

Creative Arts Secondary (6-12)

65 Kellogg Blvd. | creativearts.spps.org | 651-292-3480 Ardaydu waxay u doortaan Dugsiga Creative Arts waayo waxay jecel yihiin sida loogu boorinayo dhinaca waxbarasho iyo farshaxanka iyo dugsigeena oo ah mid ardayda taageeraya. Ayadoo dhismaha hadda la cusboonaysiiyey, Dugsiga Creative Arts waxuu ardayda siiyaa khibrad waxbarsho oo naadir ah, iyagoo adeegsanaya bandhiga, muuqaalka, qorida iyo akhriska cilmiga farshaxanka. Qaybteena cusub ee waxbarasho- oo ay ku jiraan masraxa qoobka ciyaarka, xarunta filimada lagu dhigo, waxaan siinaaa ardayda manhaj dareen sare siinaya ardayda, waana jecelahay in aan u dhownahay madxafka, Xarunta Farshaxanka lagu soo bandhigo ee Ordway, iyo Lowertwon artist community. Macalimiinteena dadaal ayey farshaxanka si joogta ah ugu sameeyaan : Waa oraahda dugsigeena 20 sano kahor loogu magaca daray. Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

A-F1/F2

7:30 subax - 2:00 galab

2015-16

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

Spanish

60 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


SHARAXAADA DUGSIYADA SARE 1540 E. Sixth St. | harding.spps.org | 651-793-4700 Dugsiga Sare ee Harding waxaan diyaar u nahay in aan dhisno oon tijaabino maskaxda qof walba oo soo gala dugsigeena bulshada. Ardaydu waxay u diyaar garoobayaan nolosha ka dambaysa dugsiga sare iyaga oo kaashanaya qorsha ah 6-sano ee gool u dajinta waxbarashada sare. Dugsigeenu wuxuu ardayda siinayaa cashro dar-dar galin ah oo loogu talagalay fasallada 9 iyo 10, oo ay ku jiraan luuqadaha Faransiiska, Spaanishka iyo Jabaniiska, xisaabta, seyniska, culuunta American Indian, taariikhda iyo sugaanta; iyo dhisida iyo tijaabinta ardayda fasalada 11-12-aad ee dhigta International Baccalaureate (IB) . Ku dhowaad nus kamid ah ardaydeenu waxay ugu yaraan qaataan hal maado oo ka mid ah kuwa sare. In ku dhow ilaa 30 naadiyo iyo ururo ardayeed ayuu qof walba wax ka faa’iidaysan karaa. Navy JROTC, farshaxan, dhaqamada aduunka, suxufinimo kuwa kaloo badan – oo lagu daray ciyaaraha sadexda xili dhaca- ayaa salka u dhigaya horumarka shakhsi walba oo Harding dhigta. Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

B + Magnet Programs**

7:30 subax - 2:00 galab

Dakota/Lakota, French, Hmong, Japanese, Spanish

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Harding Senior High (9-12)

** Fadlan, ka eeg bogga 57-59 liiska dugsiyadda barmaamijyada magnet-ka (Iskuullada Degmada ama gobolka oo idil looga iman karo)

Highland Park Senior High (9-12)

1015 S. Snelling Ave. | highlandsr.spps.org | 651-293-8940 Maadaama uu yahay dugsi u sharciyaysan in uu yahay International Baccalaureate (IB) World school, Dugsiga Sare ee Highland wuxuu siinayaa ardayda dhiiri-galin iyo khibrad waxbarasho. Ardayda oo dhan waxaa lagu dhiiri-galiyay in ay hormariyaan shakhsinimadooda, dareenkooda iyo xirfadaha bulshanimo kuwaas oo muhiim u ah caalamkeena sida xowliga u koraya. Dugsigeenu waa Dugsiga Sare ee kaliya ee degmada Saint Paul ku yaala kaas oo dhamaan ardayda 9-10-aad ay ka qayb-qaadanayaan barnaamijka loo yaqaano IB Middle Years Programme (MYP); Fasalada Shahaadada IB waxay u furanyihiin ardayda dhigata fasalada 11-12-aad. Dugsiga Sare ee Highland wuxuu siinayaa ardaydeena qowmiyadaha kale duwan bay’o waxbarasho oo nidaamsan. Waxaan saldhig u nahay barnaamijaka sii wadida luuqada Spanishka iyo ardayda fahmada badan ee Capitol Hill. Bay’adeena oo ah mid loogu talo galay taageerka waxbarashada ayaa u sahlaysa in ay ardayda fasalka isla dhigata iskaahi la samaystaan kuwa kale ee ay isku wax xiiseeyaan. Cashiro baaxad dheer oo dheeri ah oo ku saabsan bandhiga iyo muuqaalka farshaxanka, mashruuca hooganka (project lead the way) ,luuqadaha aduunka, AVID, cilmiga beeraha iyo injineeriyada ayaa dhisaya oo tijaabinaya ardaydeena. Waan ku faraxsanahay in aan bixino waxbarasho caalami ah oo ka timid dugsi ku yaalo magaalo wayn dhexdeeda oo sidii la rabay u shaqaya. Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

F2 + Magnet Programs**

7:30 subax - 2:00 galab

French, Mandarin, Spanish

** Fadlan, ka eeg bogga 57-59 liiska dugsiyadda barmaamijyada magnet-ka (Iskuullada Degmada ama gobolka oo idil looga iman karo)

Humboldt High School (6-12)

30 E. Baker St. | humboldt.spps.org | 651-293-8600 Laga soo bilaabo barashada cilmiga farshaxanka, beeraha, seyniska ilaa kan bulshada, ardaydu waxay dugsigeena yimaadaan iyaga oo faraxsan oo diyaar u ah in ay waxbartaan. Maadaama aan nahay dugsiga kaliya ee degmada ee ee seyniska iyo bay’da ee fasalada 6-12, Dugsiga Humboldt wuxuu takhasus ku leeyhahay in uu ardayda siiyo waxbarasho ay ficil ahaan u sameynayaan oo ka baxasan fasallada. Waxaa suurta gal ah in ardaydu maalin cuntu ku beeraan beerteena, maalinta kalena ay barnaamij kombiyuutar ah wax ka qoraan. Iyada oo la adeegsanayo machadkeena cusub ee macluumaadka iyo tignoolajiga, waxaa la heli karaa fursado shaqo oo la xiriira cilmiga tignoolajiga. Barnaamijyada kombiyutarka, maamulka iyo falanqaynta xisaabaadka iyo macluumaadka, iyo dhisida website-yada waa qaybo ka mid ah fasallada ardayda u diyaarinaya kuleejka iyo shaqooyinka. Fursadaha ka baxsan fasallada waxaa ka mid ah muusiga, ciyaaraha, mustaqabalka beeralayda maraykanka, JROTC, dhisida boonbalaha (robotics), xisaabta iyo wax yaabo kale. Barnaamijta waxbarasho sida, AVID, Advanced Placement and College in Schools challenge iyo taageerida dadkeena yar-yar talaabo kasta oo ay dugsiga iyo shaqad u qaadaan. Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

D + Magnet Programs**

7:30 subax - 2:00 galab

French, Spanish

** Fadlan, ka eeg bogga 57-59 liiska dugsiyadda barmaamijyada magnet-ka (Iskuullada Degmada ama gobolka oo idil looga iman karo)

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 61


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

SHARAXAADA DUGSIYADA SARE Johnson Senior High (9-12)

1349 Arcade St. | johnsonsr.spps.org | 651-293-8890 Johnson Senior High School waa iskuul arday kasto u noqon karo meel uu wax-kabarto iyo meel uu ku soo barbaaro labaduba. Iskuulkayagu waxaa uu hoy u yahay mac’hadka cilmiga dayuuradaha iyo injireenimada, kaas oo ay ardaydu uga yimaadaan degmada oo idil. Maadaama uu iskuulku ka mid yahay iskuullada haysta shahaadada “Project Lead the Way”, ardadu waxay ay sii qaadan karaan lix fasal oo kuwa injeernimada ah oo ay jaamacadahu ama koolijiyadaha usii gudbisani karaan .Sidoo kale waxaa jiraa koorsooyin badan oo heer koolij ama jaamacad ah oo ardadu hore u baran karaan. Iskuulka Johnson waxaa uu ardada u hayaa fursado badan oo ay ku raacan karaan shaqooyinka ay jecelyihiin sida 35 ururo iyo 25 kooxo spoorti oo ay ardadu ka mid noqon karaan. Arday kasto waxaa loo xil-saarayaa in uu dhameeyo shaqo muujinaysa in uu ardaygu , si wacan wax u qori karo, si kalsoon leh u hadli yaqaano, si xirfad leh ugu dhameen karo mashruuc wayn waqtigii loogu talo galay. Waxaa sharaf iyo mudnaan leh bulshadeena iyo iskaashiga aan la leenahay ganacsiyada sida 3M iyo jaaamacadaha si aan u hubino in arday kasto yeesho qorsho waxbarasho marka uu dhameeyo dugsiga sare. Akhbaar dheeri ah oo ku saabsan iskaashiga dugsiga sare ee Johnson Senior iyo Metro Transit ee kusaabsan saacadaha uu iskuulku bilaabmayo ka eeg johnsonsr.spps.org. Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

A + Magnet Programs**

8:30 subax - 3:00 galab

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

French, Spanish

** Fadlan, ka eeg bogga 57-59 liiska dugsiyadda barmaamijyada magnet-ka (Iskuullada Degmada ama gobolka oo idil looga iman karo)

Open World Learning Community (6-12)

640 Humboldt Ave. | open.spps.org | 651-293-8670 Open World Learning Community (OWL) waa dugsi yar dhinac qaab dhismeedka oo dhismihiisa dib u habeyn lagu sameeyay oo loogu talo galay waxabarasho aad u heer saraysa. Manhajkeena waxaa loogu talagalay in uu baro ardayda dhinaca socdaalada- mashruucyo u ogolaanaya ardayda in ay baaritaano ku sameeyaan arimaha dugsigeena, jaaliyadeena iyo aduunkaba. Barashada fikradaha caalamiga ah ayaa inoo ogolaanaya in si wada jir ah uga wada shaqayno maadooyin kale duwan. Ardayda waxaa la siin wakhti kaga fakaraan arimaha muhiimka ah, wakhti ay ku tijaabiyaan, wakhti ay ku fahmaan wixii ay barteen. Dugsigeena yar bay’adiisa waxbarasho ardayda waxay ku dhiiri-galinaysaa in ay su’aalo waydiiyaan, dhaqan wax dalbanaya oo bara naxariis iyo wadaninimo wanaagsan. Gurigeena cusub ee Galbeedka Saint Paul waxaa si gaar ah loogu sameeyay in ay taageerto waxbarasho heer sara ah oo ku dhisan hab waxbarasho oo wadashaqayn ah. Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

A-F1/F2

7:30 subax - 2:00 galab

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

Spanish

Washington Technology (6-12)

1495 Rice St. | washington.spps.org | 651-293-8830 Ardaydeenu waxay helaan khibrado ku aadan heerka kuleejka marka ay bilaabaan fasalka 6-aad. Maadaama aan nahay technology magnet school, waxaan ardayda u diyaarinaa in ay u diyaar garoobaan aqoonta sare ee tignoolajiga, shaqooyin aad loogu baahanyahay oon ahayn shaqooyinka hada jira. Xiliga dugsiga oo dhan, waxaan isticmaalaa tignoolaji taas oo ay ku jiraan 12 qol oo kombuyuutarada lagau barto, sabuurada casirga ah ee cad, maykariskoobka wax yaabaha yar-yar lagu fiiriyo, qolka cajaladaha lagu soo saaro iyo boonbala ah (robotics). Ardayda dhamaan dhigata fasalada 6-12-aad waxay helaan fursad ay xiriir dheer kula yeeshaan shaqaalaha, oo ay si sahlan ugu gudbaan dugsiga sare. Maadaama aan haysano barnaamijka waxbarashada maalinta loo dheereeyaya tan ugu dheer ee gobolka, arday walba oo dhigta dugsigeena wuxuu helayaa ugu yaraan hal saac maalintii oo ah waxbarasho ama nashaadaad xoojiya, oo ay ku jiraan luuqadaha aduunka, tartanka ciyaaraha barnaamijyada kombuyutarada. Aagga ay u adeegaan

Wakhtiga uu bilaabanayo ama dhamaanayo

iPads

Macadka Luuqada

Asalka/Luuqada Aduunka 
Indigenous/World Languages

C + Magnet Programs**

7:30 subax - 3:00 galab

French, Hmong, Mandarin, Spanish

** Fadlan, ka eeg bogga 57-59 liiska dugsiyadda barmaamijyada magnet-ka (Iskuullada Degmada ama gobolka oo idil looga iman karo)

62 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


DUGSIYA SARE OO KA NOOC-DUWAN KUWA CAADIGA AH

Fadlan ka wac Xarunta diiwaan-galinta Ardayda 651-632-3760, macluumaad dheeraad aha si aad u ogaato hadii iskuulada sare ee ka duwan kuwa caadiga ah in ay sax kuu yihiin.

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Dugsiyada sare ee loo ayaqaan (Non-traditional high schools), ama ka nooc-duwan ka sare ee caadiga ah waa dugsiyo ay heli karaan ardayda u baahan ama diyaarka u ah in ay helaan bay’o waxbarasho oo ka duwan tii dugsiyada sare ee caadiga ahayd. Saacado aad dooran karto iyo waxbarid ka duwan tan iskuulka sare ee caadiga ah waxay ka caawinaysaa ardada in ay gaaraan horumar dheeraad ah oo ku aadan qalin-jabintooda. Ardada waxay dugsiyadan isgu qori karaan si buuxda (full-time) si ay shaadadooda uga qaataan, dugsiyada ama waxay ka qaadan karaan fasalo dugsi ka dib ama habeenkii si ay u helaan kiridhit (credit) dheeraad ah oo ay iskuulkooda ay hada dhigtaan uga baahanyihiin.

Dugisga Sare ee AGAPE (Gabdhaha Soo Qaan-gaaraya iyo Waxbarashada Waalidnimada)

1037 University Ave W. | agape.spps.org | 651-228-7746 | 9:30 subax - 4 galab Dugsiga sare ee AGAPE wuxuu siinayaa waalidiinta da’da yar ama uurka leh waxbarasho dugsi sare oo dhamaystiran. Ardaydu waxay xooga saari karaan waxbarashadooda iyaga oo ilmahoodu joogaan goobteena caafimaad ee Health Start Clinic ama xarunteena caruur haynta (child care center). Sidoo kale waxaan haynaa adeegyo dheeraad ah oo ardaydeena ka caawin kara waxyaabaha ka hor istaagi kara guusha waxbarasho. Dugsiga sare ee AGAPE wuxuu iskaashi la leeyahay Inver Hills Community College in uu fasalo ka bixiyo dugsiga fasaladaas oo ay ardaydu ku helaan kiridhit (credits) u dhima heer kuleej ama dugsi sare.

Dugsiga Sare ee LEAP

631 N. Albert St. | leap.spps.org | 651-228-7706 | 9:30 subax - 4 galab Dugsigeenu wuxuu u adeegaa ardayda da’doodu u dhaxayso 14 ilaa 20 jir kuwaas oo ku cusub Maraykanka oo baranaya luuqad ingiriisiga iyga oo waliba helaya shahaadada dugsiga sare. Ardayda waxaa la siinayaa waxbarasho ku qiyaasan heerkooda aqoonta ingiriisiga oo isugu jirta akharis, qorid, iyo ku hadalka ingiriisiga. Shaqaale ku hadla laba luuqadood ayaa ardayda la shaqaynaya iyga oo waliba kooxa yar ah si ay ardadu u helaan fiiro gaar ah iyo jawi taageeraya oo ixtiraamaya dhaqankooda. Dugsiga LEAP sidoo kale wuxuu leeyahay fasalo iskuulka kadib ah, iskaashi laga helo hay’ada ah jaalida, ardaydu sidoo kale waxay helayaan fursada ay ku bartaan xirfado hogaamiyanimo and mashruucyo loogu adeegayo bulshada. Waan caawinaa dadka ugu cusub ee jaaliyadeena si ay ugu guulaystaan nolosha hada iyo mustaqbalkaba.

Dugsiga Sare ee Gordan Parks

1212 University Ave W. | gordonparks.spps.org | 651-744-1212 | 8:30 subax - 3 galab U jeedada Dugsigeena waa in la abuuro ardady u diyaar ah kuleejka iyo shaqooyinka mustaqbalka oo xirfad u leh cilmiga warbaahinta iyo khibrad shaqooyin ku dhisan waxbarasho. Dusigeena waxaa lagu magacaabay halyaygii African American-ka ahaa ee ahaa nin u dagaalama xuquuqda dadka, filimaanta sameeya, masawirada qaada oo waliba qoraa ah ee la oran jiray Gordon Parks, dugsigeenu waa dugsi dadaalka qofku micno samaynayo. Ardaydu way jecalyihiin jadwalka ku dhisan baahidooda (flexbile schedule), awood ay ku helaan kiridits (credits) ku aadan qalin-jabintooda, iyagoo sidoo kale helaya khibrad shaqo, cardka-ay u isticaamlayaan raacida baska magaalada is ay iskuulka u yimaadaan oo ay uga tagaan. Sidoo kale waxaad arkaysaa in qaar ka mid ah ardaydeenu ay ka qaybqaataan barashada danaha bulshada sida difaaca xuquuda dadka, cilmiga bulshada, farshaxanka iyo bay’ada. Wada shaqaynta shaqaalaha, ardayda iyo qoysaska darteed waxaan taageero iyo fursad siinaa ardaywalba si uu guul u gaaro. Tusaale, ardaywalba wuxuu ka tagi doonaa dugsiga Gordon Parks isaga oo wata qorshe kuleej iyo shaqo si uu noloshiisa u sii raadsado dugsiga sare ka dib.

Dugsiga Sare ee Habeenkii ee Gordon Parks

ehs.spps.org | 651-744-1210 | 3:30 galab - 8:35 galab Dugsiga habeenkii waa barnaamij waxbarsho oo ka duwan kuwa caadiga ah kaas oo loo sameeyay in uu ardayda siiyo khibrad waxbarasho oo wanaagsan si ay u dhamaystiraan maadooyinka laga rabo wax wanaaggsan ay ku qalin-jabiyaan. Fasalada caadiga ah iyo kuwo ku baxa khadka interneedka ayaa laga bixiyaa laba goobood: Eastside Learning Hub oo ku taala Harding, ciwaankiisuuna yahay 1526 Sixth St. E.,iyo Dugsiga sare ee Gordon oo ku yaala, 1212 University Ave. W. Da’da, arimaha u qalnka iyo adeega gaarka ahiba waa kala duwan yihiin. La taliyayaal ayaa hagaya ardayda da’doodu tahay 16 sano ama ka wayn fasalada ay u baahanyihiin in ay ku qalin-jabiyaan. Ardayda aan dhiganin dugsiyada sare ee caadiga ah way imaan karaan si ay isugu qoraan wakhti buuxa (full-time) inta ay socdaan taariikhda iyo saacadaha la is qorayo. Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 63


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

IXTIRAAMIDDA ARDAY WALBA MEESHA UU KA SOO JEEDO
 Sinaanta Qowmiyadaha Degmooyinka dugsiyada oo dhan ee wadnaka, kala duwanaahaha heerka waxbarasho ee ardayda waxaa lagu saadaalin karaa qowmiyada ay ka soo jeedaan, iyadoon loo eegin xaalad dhaqaale. Xaalada Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waa sidoo kale. Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay ku holanaayeen tababar loo sameynayay shaqaalaha degmada oo dhan, tababar kaas oo ku saabsan sinaanta qowmiyadaha. Hadafkeenu waa inaan tirtino in lagu saadaaliyo hoos u dhaca waxbarasho ardayda loo yaqaano (students of color,) iyo ardayda Indiyaanka ah (native indinas). Waan ka shaqaynaynaa arintan anaga oo dardar-galinayna guusha ardaydeena waxbarashadoodu hoosayso iyo in aan kordhino guusha ardayda oo dhan. Guddiga waxbarashada ee Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay meel mariyeen sanadka 2013 xeerarkii gobolka ugu horeeyay ee sinaanta qowmiyadaha. Meel walba oo aan ka joogno degmada dugsiyada xeerarkani ayaa hagaya shaqadeena haday noqoto –fasallada dhexdooda, doorashada dusiga iyo qaybinta ilaha kheraadka. Go’aankeena sinaansha ah ayaa horumarinaya fasallada waxbarashada, kadibna horumarinya nolosha, qoysaska, xaafadaha iyo jaaliyadeena dhamaanteed. Waxaan oganahay xeerarka iyo dhaqamada degmada dugsiyada inay saamaynayso ardaydeena. Sidaa daraadeed ayay argtida ardaydu ay qayb xoog leh uga tahay shaqada. Ku darida ardayda codkooda waxay kordhinaysaa in ardaydu qayb ka noqdaan go’aan gaarista, iyga oo ka qaybqaadanaha gudiyada degamada oo dhan sida qorshaynta goobaha waxbarashada, ka hortaga cayrinta ardayda, iyo la falgalka tignoolajiga. Si aad wax badan uga barato, booqo equity.spps.org.

Ma Ogtahay?

In ka badan 9 malyuun oo Maraykna ah in ay isku yaqaanaan in ay ka soo jeedaan in ka badan hal qowmiyad. Dugsiyada Dadweynaha Saint Paul oo ah wadanka kuwa ugu badan ee haysta arday ka soo kala jeeda qowmiyado kale duwan ayaa waxay qoysaska u sahlaysaa in ay cusboonaysiiyaan (update) macluumaadka la xiirita qowmiyada iyo isirrada caruurtooda.

Waxa aad U baahantahay in aad Ogaato • Qoysaska isugu jira qomiyado ama dhaqamo kala duwan hada waxay dooran karaan in ka badan hal qowmiyad markay qeexayaan isirka iyo qowmiyada caruurtoodu ka soo jeedo. • Dugsiga la xiriir hadii aad u malaynayso qowmiyada iyo isirka ilmahaadu ka soo jeedo in aan si sax ah loo qorin. Fadlan ogow: Waalidka ama daryeelah kaliya ayaa badali kara macluumaadkan hadii ardaygu ka yar yahay 18 sano. • Hadii macluumaadku qaldanyahay, waxaad dugsigaada ka codsan kartaa arjiga Sixida Isirka iyo Qowmiyada uu ilmuhu ka soo jeedo ee loo yaqaan “Declaration of Ethnic and Racial Background Correction”. Samee wixii sixid ah kadibna ku celi arjiga xafiiska wayn ee iskuulka.

Waxaan Rabnaa Inaan Si Sax ah U sheegno Awooda iyo Kala Duwanaanshaha Ardada Dugisyada Dadweynaha Saint Paul.

Sharciyada dowlada dhexe iyo tan gobolka ayaa faraaya Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul inay cadeeyaan qowmiyada iyo isirka uu ardaywalba ka soo jeedo. Warbixintan waa mid sir ah waxaana lagu bixin karaa oo kaliya xaaladahan soo socda: • Qof u shaqeeya degmada oo sharci u leh baahina u qaba in uu ogaado; • Hay’ad kale oo waxbarasho oo sharci u leh baahina u qabta in ay ogaato; iyo • Hay’ad ama qofkale kuwaas oo haysta arji aad adigu saxiixday ama ilmahaadu markuu garay da’da sharciga ah.

64 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


WAXBARASHO AAN DHAMAAD LAHAYN Tacliinta Bulshada

Qofkasta xirfado cusub wuxuu ka baran karaa fasalada waxbarashada jaaliyada, kuwaas oo bixiya barnaamijo waxbarasho, madadaalo, dhaqan, iyo nashaadaaadka wakhtiga firaaqada. Barnaamijyadan waxay ka baxaan meelo badan oo ka mid ah Dugisyada Dadweynaha Saint Paul iyo Magaalada Saint Paul iyada oo lala kaashanayo ururrada bulshada. Waxaa kale oo la heli karaa fasallada barashada darwalnimada, dabaasha iyo barnaamijyada dadka waaweyn. Akhbaar dheeraad ah, wac 651-767-8179 ama booqo commed.spps.org.

Fasallada Dadka Waaweyn si ay Ingirisiga u Bartaan

Adult Basic Education (ABE) wuxuu caawiyaa dadka waaweyn ee barta luuwqada ingiriisiga, si shaqo diyaar ugu noqdaa, helaan shahaadada dugsiga sare, (GED) ama isugu diyaariyaan waxbarashada sare. Fasalada waxaa laga heli karaa ilaa dhwor goobood, waxaana ka mid ah Ronald M. Hubbs Center for Lifelong Learning ee ku taala (1030 University Ave. W.) iyo East Side Learning Hub @ Harding (1526 E. Sixth St.). akhbaar dheeraad ah booqo hubbs.spps.org am wac 651-290-4822.

Fasalada Dadka Waaweyn ee Naafada ah

Community Culture Club (CCC) wuxuu siinayaa dadka waaweyn ee naafada ah nashaadaad iyo xaflado gaar ah. Nashaadaadka waxaa ka mid ah cunno karinta, waxyaabaha gacmaha laga sameeyo, iyo ciyaaro ay ka midyihiin bingo, karaoke iyo outings. Fasaladu waxay baxaan Arbacada iyo Jimacaha laga bilaabo 6:30 ilaa 8:30 galabnimo. Waxay ka baxaan Bridge View School, 360 Colborne Street.

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Dadku da’walba hajiraan waxay ka faa’iidaysan karaan barnaamijyada iyo nashaadaadka Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul Public.

Community Leisure Education and Recreation (CLEAR) and Community Culture Club (CCC)
Tacliinta istareexa, raaxada iyo dhaqamada bulshada waxay siinaysaa dadka waaweyn ee jir ahaan iyo garasho ahaan naafada u ah fursad ay kula kulmaan saaxiibo, kula wadaagaan waxyaabaha ay xiisaynayaan, soo saaraan garashadooda, oo ay bartaan xirfado ka caawiya in ay noqdaan kuwo isku filan noloshooda. Waxaa ka mid ah fasalada, cilmiga farshaxanka iyo kan gacanta laga sameeyo, bingo, kumbuyuutar, wax Karin, qoob ka ciyaar, jir-dhis, mootho, ciyaaro, muusiga, aflaamta, shaqadacirbada, dabaasaha iyo wax kale oo badan. Fasaladu waxay baxaan Talaadada iyo Khamiista laga bilaabo 6:30 ilaa 8:30 galabnimo. Waxay ka baxaan Bridge View School, 360 Colborne Street. Supportive Experiential Education (SEED) waa fasalo ka caawinaya ardayda maskaxda ka jiran kobciyaan dhinaca caqliga, wax abuurista, cilmiga bulshada iyo xirfadaha wax sameynta. Fasallada waxaa ka mid ah barashada nolosha isku filaanshaha, in uu qofku muujisto dantiisa, sii wadashada waxbarashada aas aasiga ah ee dadka waaweyn, tignoolajiyada, seyniska iyo waxbarashada jirka. Fasaladu waxay baxaan Isniinta ilaa iyo Khamiista laga bilaabo 9 subaxnimo ilaa 2 galabnimo. Waxay ka baxaan Xarunta adeegayada iyo waxbarashada jaaliyada ee SPPS ee ku taala 1780 Seventh St.W.

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 65


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

ISKAASHATADA AYAA KA DHIGAYA ISKUULADEENA MEEL WANAAGSAN Hay’ado jaaliyadeed, deeq-bixiyaal iyo ururo waaweyn oo badan ayaa ka caawinaya SPPS in ay noqoto mid xoogan. Iyada oo lagu darayo boqlaalkeena iskaashato, waxaan jecelnahay in aan mahad-celin gaar ah siino hay’adahan soo socoda taageeradoodii aadka u wanaagsanayd ee ay na siiyeen sanadka 2014-ka:

Mahad-celin Gaar ah Hay’da Saint Paul Public Schools Foundation

Waxay uruurisaa kheyraadka lagu taageerayo in ardayda degmadeenu guulaysato. Iyadoo adeegsanaysa Baridda Iskaashiga, Deeqda Dhiiri-galinta Waxbarashada ee Macalimiinta iyo New Lens Urban Mentoring Society, Foundationkeenu wuxuu rumaysanyahay in marka ardayda oo dhan guulaystaan, Saint Paul way guulaysanaysaa. Akhbaar dheeraad ah, booqo sppsfoundation.org. Hay’da 3M Foundation waxay si xoogle u taageertay waxbarashada STEM( Seynis, tignooloji, Injineeriya iyo Xisaab) ee ardayda K-12 ee dhigta Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul iyada oo nasiisay xirfadbarashada loo yaqaano internships, manhaj, hurumarinta xirfadlayaasha, nashaadaad markuusan iskuulku jirin, Rixlooyinka/field trips iyo mutadhawaciin (volunteers). Hay’da Ecolab Foundation waxay ka caawisaa ardayda SPPS iyadoo adeegsanaysa waxaadeeda loo yaqaan Visions for Learning grants waa deeq ay siinayso macaliimnta iyo Dugsiga sare ee Humboldt High iyo hay’ado aan macaash doon ahayn oo iskaashi la sameeya degmadeena. Hay’da Greater Twin Cities United Way waxay ka caawisay in ka badan 30 dugsi oo ka mid ah dugsiyadeen barnaamijka qof-qofka loo barayo (oneon-one tutoring) taas oo ka mid ah barnaamijkeeda loo yaqaano Early Grade Literacy initiative, oo taageera baridda fasalada xanaanda kahor ilaa 3-aad.

Hay’da McNeely Foundation waxay caawisaa nashaadaadka ardayda dugsiyada dhexe ee degan dhinaca Bari ee Saint Paul. Hay’daha Minnesota Philanthropy Partners, waxaa ka mid ah hay’da Saint Paul Foundation iyo hay’da F. R. Bigelow Foundation, waxay taageero dhaqaale siiyaan barnaamijyo iyo dhaqdhaqaayo badan oo ka mid ah degmada dugsiyada, waxaana ka mid ah dugsiyada xoriyada, xilliga uu ardaygu u gudbayo dugsiga dhexe iyo sare, iyo caafimaadka maskaxda. Robins, Kaplan, Miller & Ciresi Foundation for Children waxay si deeqsinimo leh u kaalmeeyaan shaqada hoogaamiyanimada iyo sinaanta ee SPPS. Hay’da Target waxay deeq ku bixisaa safarrada dalxiiska iyo barnaamijyada farshaxanka, akhriska iyo qoraalka. Iyada oo wadna u ah hay’daha deeqda bixiya ee Maraykanka, hay’da Target waxay dib u habayn ku sameysay shan maktabadood oo SPPS leedahay. Ugu damabyn hada, hay’da Target waxay iskaashi la sameysay iskuulka Galtier Community kaas oo dib-u habayn lagu sameeyay fasaladiisa iyo maktabadiisa si sixoogleh diirada loogu saaro waxbarashada ku salaysan baahida shakhsiga. Hay’da Travelers Foundation waxay caawimaad siisaa barnaamijka AVID (Advancement Via Individual Determination) iyo machadka dhaqaalah ee Dugsiga Sare ee Como Park, iyo waliba sanadda badan oo ay caawimaad xoogle gaysanaysay.

Hay’da W. K. Kellogg Foundation waxay taageertaa ardayda luuqada ingiriisiga barata iyo horumarinta xirfadaha maclimiinta u dhiga. Hay’da McKnight Foundation kharashka ay bixiso waxay kor u qaadaa in sida ugu wanaagsan wax loo baro ardayda fasalada xanaanada kahor ilaa 3-aad, taas oo faa’iido u ah Dugsiyada Dadweynaha Saint Paul iyo Gobolka Minnesota.

66 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


SU'AALAHA HAD IYO JEER LA ISWAYDIIYO Q. Codsiga diiwaan-galinta iskuulada ma waxaa laga buuxin karaa barta internetka mise warqadda formka ah? A. Labaduba. Haddi aad doontid waxaad buuxin kartaa codsiga warqadda ah hadii kale booqo bogga internetka apply.spps.org halkaas waxaad ka helaysaa adeega school finder oo aad ku ogaan kartid in iskuulku siinayo ilmahaaga adeega gaadiidka/transportation. Q. Maxaa dhacayo hadii aan soo gudbiyo codsiga diwaan-galinta in ka badan hal mar? A. Waxaa laguu raacayaa codsigga ugu dambeeyay oo aad soo dirtay iskuulka aad ku dooratay. Q: Goormee laisoo ogaysiinayaa iskuulka aan helay? A. Qoysaska codsiyadooda dhiibtay ugu dambayn February 20, 2015 waxay helayaan ogaysiinta qaabilitaanka(ama in ardaygu lagaliyay liiska sugitaanka /waiting list) ugu dambayn bisha march 2015. Q. Hadii uu ilmahaygu xiligaan dhigto iskuul kaas oo u ka siiwadan rabo fasallada u haray ma wuxuu u baahanyahay in uu markale codsado? A. Uma baahno in uu mar kale dib u codsado, ilmahaagu wuxuu sii joogayaa iskuulka uu hada joogo. Q. Hadii aan doono in aan iskuulka badelo, ma waxaan luminayaa booskii iskuulka uu hada ilmaha ii dhigto? A. Hadii aad codsi dhiibtid kaliyo booskagii hore ma luminaysid, lakiin hadii iskuul kale lagaa soo aqabalo booskii aad ka haysatay iskuulkaagi hore ma sii haysan kartid. Hadii aad go’aansatid in aad iskuulkaagii hore joogtid markaad ka heshay aqbalaad iskuul kale, waa in aad ka laabatid qaabilitaanka cusub waxaase dhacdaa in uu boos kaaga banaanayn iskuulkaagii hore. Q. Qoysaska aanan dagnayn St. Paul ma codsan karaan Saint Paul Public Schools? A. Haa, qaanuunka Minnesota ee ku aadan diwaangalinta furan (open enrollment law) ayaa digaya in ay qoysasku codsan karaan iskuul ka baxsan deegaanka ay degganyihiin. Qaabitaankooda waxuu ku xiran yahay boosaska iskuullada ka banana iyo qawaaniinta u degsan.

Q: Sidee ayaan sare ugu qaadi karaa fursada laigaga aqbali karo iskuulka aan rabo? A. Sababaha kor u qaadi karo fursdahaaga waxaa ka mid ah: Codsiga oo aad dhiibatid ugu damabyn February, 20,2015. Codsiyada la qabto xiliyada hore ayaa la siiyaa mudnaanta koowaad. Sidoo kale waxaad codsataa marka uu ilmahaagu galayo fasalka ugu heesaya ee iskuulka laga bixiyo waa marka ay bosas badan ka banan yihiin iskuullada.In aad ku nooshahay nawaaxiga uu ku yaalo dugsiga hose iyo sare ayaad ku helaysaa fursad dheeri ah in codsigaaga lagaga hormariyo codisyada dadka aan degganayn aagaasi in kasto oo ay dhacdo in qawaaniinta u deggan iskuulka iyo boosaska banani ay xadido tirada ardada laga diwaan-galin karo iskuul.

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Ku Saabsan Diiwaan-galinta

Q: Fursad intee laeg ayuu ilmahaygu u haystaa helitaanka iskuulka aan doorano? A. In kasto oo ay tirado kaladuwan tahay, qoysaska badanaa waxaa laga qaabilaa iskuulka kowaad oo ay doortaan.Sidoo kale shuruucda diiwaan-galinta ayaa xadidaysa tirada ardada ee lagu qaabili karaa iskuullada qaarkood. Q: Hadii aan codsigayga dhiibto ka hor xiliga kama dambaysta ah, ma waxay ii fududaynaysaa in aan helo iskuulka doorkayga ah? A. Maya, codsiyada la qabto ugu dambays February 20, 2015 oo dhan si sinaan ah ayaa loo tix-galiya. Q: Ma hubaalbaa in ilmahaygu lagu qaabilayo mid ka mid ah iskuulada aan doortay eek u qoran liiska codsiga? A. Maya. inta badan Iskuullada waxay helaan codsiyo ka badan bosaska ay hayaan.Badanaa iskuullada waxaa buuxiyo ardada uu iskuulku u yahay xulashadooda kowaad. Hadii ay iskuullada aad xulatay ay wada yihiin kuwa ay boosas yar ka banana yihiin ama kuwa helo tiro badan oo codsiya ah , waxaa yaraanaysa fursada ah in lagugu qaabilo. Si aad kor ugu qaadid fursadaha helitaanka iskuulka dookhaaga ah, ku dar liiska iskuulada aad dooranaysid iskuulada bulshada (Community Schools) oo ah iskuul ku yaal nawaaxiga aad degantahay.

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 67


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

SU'AALAHA HAD IYO JEER LA ISWAYDIIYO Q. Ka waran hadii aan soo degnay degmada Saint Paul goor ay dhamaatay codsi- qabashada? A. Ardadu waxaa la diwaan-galiyaa sanadka oo idil ma aha xiliga diwaan-galinta oo kali ah. Xiliga kama dambaysta ah ee codsiya (deadline) waa xilliga ugu fudud ee la helo iskuulka dookhaaga ah. Xarunta qaabilitaanka ardada wa ay furantahay sanadka oo idil waxayna kala shaqaysaa qoysaska doorashada iskuulada. Hadii aad doonaysid in aad aad balan diiwaan-galin ku saabsan aad samaysaatid fadlan kawac xarunta diwaangalinta ardada 651-632-3700. Q. Meeqa sano jir ayuu ilmahaygu iskuulku ku aadayaa? A. I lmuhu hadii uu gaaro shan sano kahor September 1,2015, wuxuu diyaar u yahay in uu aadao Kindergarten xilli-iskuuleedka 2015-16 . Cunuga waa in u jiraa afar sano kahor September,1,2015 si uu ugu qalmo aaditaanka pre-Kindergarten xilliga iskuulka ee 2015-2016. Q. Maxaa laga yeelaayaa Hadii uu ilmahaygu uusan wali garin shan sano kahor 1-da bisha September, lakiin aan rabo in uu iskuulka bilaabo 2015-16.? A. Ardada qaar ayaa diyaar u noqota Kindergarten inta ayan gaarin shan sano. Hadii uu ilmahaagu gaari doono shan sano inta u dhexaysa September 2 ilaa iyo December 31, waxaa loo qiimayn in uu sii bilaawo Kindergarteen. Qiimaynta waxaa ka mid ah si loo ogaado caruurta uu fahamkoodu samreeyo. La xiriir xarunta diiwaan-galinta ardada si aad u heshid akhbaarta ku saabsan saacadaha iyo maalmaha qimmaynta la sameeyo. Ogow: Xiliga kama dambayska ah ee codsiga in u qiimaynta ilmaha si loogu qaabilo Kindergerteen waa Tuesday, April, 14,2015. Q. Hadii aan degnahay degmada St. Paul, hubaal miyaa in ilmahaygu boos ka helayo Saint Paul Public Schools? A. Haa, Laga bilaabo Kindergarten ilaa iyo fasalka 12aad. Xarunta diiwaan-galinta ardada ayaa qoysaska kala shaqaysaa in loo helo boos arday kasto oo ku nool degmada St. Paul. Haddi ay fasalada kahoreeya Kindergarten buuxsamaan, liiska sugaal ah (waitlist) ayaa la galiyaa ardada, hadii boos soo baxana waa lala soo xiriiraa. Q. Ma laiga rabaa inaan cadeeyo cinwaanka/adreeska aan dagnahay? A. Waa suurta gal in lagaa codsado in aad soo cadaysid cinwaanka aad daggantahay. Cinwaanka waxaa loo isticmaalaa fududaynta diwaan-galinta iyo sidoo kale gaadiidka iskuullada. Cadaymaha loo baahan karo

waxaa ka mid ah kaarka state-ka (State ID), drivers license, ama warqadaha sida biilasha korontada si loo xaqiijiyo cinwaanka aad ku nooshahay.

Su’aalaha ku Saabsan Soonaha iyo Aaga uu iskuulku ku yaalo

Q. Waa Maxay Soonaha Dugsiyada Xaafada/ Community School? A. SPPS waxuu u sameeyay iskuullada bulshada Community School soonayaal si ay qoysaska deggan aagaasi u helaan fursad dheeri ah. Waxaa muhiimad dheeri ah la siinayaa ardada deggan gudaha soonahaas. Hadii ay codisyada diwaan-galinta soo dhiibtaan xilligii laga rabay, ardada deggan gudaha xuduuda soonaha iskuulku ku yaalo waxaa loo siinayaa mudnaan dheer ah aqbalitaanka iskuulkaasi. Sababaha xuduuda loogu sameeyay iskuullada bulshada/Community School waxaa ka mid ah: • Si loogu sahlo ardada iyo qoysaska • Si loo dhiiri galiyo isdhex-galka ardada iskuulada wada dhigato. • Si loo ilaaliyo in aan dhismaha iskuulada mugooda la dhaafinin • Si loo waafajiyo xuduuda jiro ee xaafadaha iyo xadiidka tareenka, meelaha biyuhu ku jiraan. Q. Waa maxay aag? A. Qorshaha istaraatijiyada ee degmada ee loo yaqaano Strong Schools, Strong Communities ayaa wuxuu degmada u kala qaybiyay lix aag (A-F1/F2). Sanadkii lasoo dhaafay xuduuda aagaga waxbo iska bedelin. Aagaga waxaad ka eegi kartaa qariiradda buugan ku daabacan sidoo kalena waxaad ka heli kartaa adeega school finder eek u yaal barta internetka ee apply.spps.org. Q. Waa maxay waddada “ariculations” iyo iskuulada bulshada? A. Iskuullada degmada iyo kuwa loo yaqaan magnet schools wxaa ay leeyihiin barmaamij waxbarasho sida in luqad aan ingriis ahayn ilamaha lagu baro (language immersion) ama cilmiga dayuuradaha oo ardadu ay ku wadan karaan laga bilaabo dugsiga hoose ilaa kan dhexe ilaa iyo mid sare. Waa in uu ardaygu buuxiyo shuruudaha degmada iyo shuruudaha khaaska ah ee u degsan iskuullada magnet inta uusan galin. Barmaamijka community school pathway ,eyada oo cinwaanka guriga la tix raacayo,waxaa u ardadu u suurta galiyaa in ay ku sii wataan waxbarashadooda laga bilaabo dugsiga hoose, kan dhexe ilaa dugsiga sare gudaha soonaha community school. Ardada codsata iskuul ka mid ah dugsiyada bulshada waxaay u halayaan fursad fiican in laga aqbalo iskuulkaas.

68 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


SU'AALAHA HAD IYO JEER LA ISWAYDIIYO

Q. Hadii aan deganahay meel ka baxsan balse u dhow aaga iskuulku ku yaalo, oo uu ilmahaygu rabo in uu dhigto dugsiga sare ma u helayaa fursad dheeri ah boosaska furan? A. Maya. U dhowaanshaha iskuulku ma ahan waxa la fiirinayo marka ardada laga qaabilayo dugsiga sare Q. Ma inaan raaco baa community school pathways ka jira xaafadayda? A. Khasab ma’ahan in aad raacdid. Barmaamijka community pathway waxuu u jiraa kaliya in ilmahaagu iskuulka uu ladhigto ardada kale ee xaafada la deggan. Qoysasku waxaa u banaan iskuullada kale oo aanan ahayn kuwa Komminitiga hadii ay ka helaan boos sidoo kale ay buuxiyaan shuruudaha ay iskuuladaas ka rabaan ardaygu. Gadiid/transportation lama siiyo ardada dhigto iskuul ka baxsan aaga ay ku nool yihiin. Barmaamijyada iskuulada bulshada/community schools waxaa uu isku xiraa iskuullada si uu ardaygu u helo qorsha toos ah oo u wadan karo waxbarashadiisa laga bilaabo kindergerteen ilaa iyo dugsiga sare. Q. Hadii uu ilmahaygu dhigto iskuulada loo yaqaano magnet schools ee heer degmo iyo heer gobol hadii uu iskuulku ka baxsan yahay aaga aan degganahay ilmahaygu boos ma ka helayaa markuu ka gubdo heerka uu hada dhigto? A. Haa , wuu helayaa boos umana baahna inuu codsado.

Ahmiyaddaha lagu aqbalo ardada

Q. Waa maxay ahmiyadduhu la tix-galiyo marka iskuulku aqbalayo arday? A. Ahmiyaduhu waxaa ay leeyihiin heerar kala duwan oo lagu qiimeeyo sida uu ardaygu ugu qalmo in la aqbalo. Waxaad ka eegi kartaa macluumaad ku saabsan ahmiyadahaas bogga 12-aad.

Q. Waa maxay ahmiyada ay leedahay in ilmaha walaalkiis ama walaashiis uu dhigto/dhigato iskuulka aad codsanaysid? A. Ahmiyadani waxaa u saamaxaysaa in qoysasku ilmaha u wada dhigtaan hal iskuul. Ardayga ahmiyadan leh waa midka buuxiyo shuruudaha soo socda: • Waa inuu arday kula dhashay dhigto iskuulka aad codsanaysid sanadka 2014-2015 sidoo kale waa inuu ardaygu sii dhigani doono iskuulkaas sanadka 2015-2016.

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Q. Hadii aan doorto iskuul ka baxsan aagayga balse aanan helin, ma waxaan boos ka helayaa iskuulka bulshada (community School)? A. Maya. Maadaama ardadu ay codsiyadoodu ku dooran karaan labo iskuul, waa mid ka mid ah ka dhigaan community school hadii ay sidoo kale doonayaan in ay codsadaan iskuul ka baxsan aaga ay deggan yihiin. Ma jirto iskuul aad adigoo codsanin helaysid ama mid la hubo in lagaa aqabalayo. Ardadu waa in ay codsadaan isla markaasna la xiriiraan xarunta diiwaangalinta ardada.

Q. Hadii ilmo aan dhalay dhigto fasalkii ugu dambeeyay iskuulka balse aan rabo in walaalkiis ama walaashiis iskuulkaas aan keeno, ma la hubaa inaan boos u helayo? A. Maya, waxaa shuruudaha ahmiyadaha ardada wada dhashay ka mid ah inuu ardayga wayn sii dhigan doono iskuulka sanad kale.

Su’aalaha ku saabsan Gaadiidka

Q. Ilmahaygu ma loo ogolyahay inuu baska iskuulka u raaco? A. Akhbaarta ku saabsan ardada xaqqa u leh raacitaanka baska ka fiiri bogga 10. Q. Ma runbaa in ardada dhigata iskuulka hoose heli karaan baas ay u raacaan iskuul kasto oo ku yaalo aaga ay degganyihiin? A. Haa, hadii aysan ka baxsanayn qawaaniinta gadiidka. Qawaaniinta gaadiidka Ka eeg bogga 10. ee buugaan. Q. Ilmahaygu ma dhigan karaa dugsiga hoose oo ku yaalo meel ka baxsan iskuulada xaafada aan deganahay? A. Waa in aad codsatid hadii aad doonaysid iskuul ka baxsan xaafadaada. Waxaad ku heli kartaa inuu boos ka banana yahay iskuulka aad doonaysid, sidoo kale waa inaad buuxisaa shuruudaha diwaan-galinta ee u degsan degmada iyo wadankuba. Waxaadse ogaataa in aadan xaq u lahayn adeega basaska. Q. Ilmahaygu ma dhigan karaa dugsi hoose oo u dhow day care-ka uu aado balse ka baxsan aaga aan degganahay? A. Waa in ay codsadaan hadii ay qoysasku doonayaan in ay ilmahoogu u adhigtaan iskuul ku dhow day careka ay aadaan hase yeeshee lama hubo in laga aqbali doono iskuulkaasi marka ay codsadaan.

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 69


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

SU'AALAHA HAD IYO JEER LA ISWAYDIIYO Q. Hadii uu arday ii dhigto iskuul ka baxsan aaga aan deggnahay oo aan soo gaarsiiyo meelaha basaska looga raaco iskuulka uu dhigto ma helayaa baas ka sii qaado? A. Maya, waa in aad adigu keentid ilaa iyo iskuulka hadii ilmahaagu laga aqbalo iskuul ka baxsan aaga aad deggantahay. In kasto oo ay u muuqato xal fudud, ilmahu ma raaci baas uusan xaq u lahayn. Q. Ma shardibaa in lagaa qaabilo barmaamij bixiya shahaadada caalamiga ee International Baccalaureate (IB)/ ama in aad qaadanaysid koorsooyin koolijiyadda ah (AP) si aad ugu qalantid gaadiidka basaska? Qaabkee ayaa lagu codsan karaa barmaamijyada noocaas? A. Maya, ardaygu uma baahno inuu qaadanayo barmaamijyadaasi. Si loo diiwaan-galiyo ayaa ardaygu waxaa laga rabaa inuu oogu yaraan qaato hal maado oo tusinayso inuu ardaygu ka qayb qaadanayo barmaamijyada IB/AP. Ardaygu wuxuu xaq u yeelanayaa gaadiid baas oo geeyo iskuulka hadii u codsada inuu ka qayb qaato barmaamij IB/AP oo heer gobol lagu bixiyo. Hadii uu ardaygu joojiyo fasalladaasi uu ka qaadanayay iskuulkaasi ka baxsan degmada, sidoo kale waxaa la joojinayaa baaskii halkaasi gayni jiray.Tirada ardada ee gali kata barmaamijyada ayaa xadidan.Ardada hore usii dhigata barmaamijyada khaaska ah ayaa marka hore la diiwaan-galiyaa kadibna boosaska soo haro ayaa loo qaybiyaa sida ahmiyada loo kala leeyahay. Q. Ardaygu ma dhigan karaa iskuul bixiya shahaadada caalamiga ah oo ku yaal meel ka baxsan aaga aan degganahay? Baas miyuu u helayaa? Sidoo kale barmaamijka IB-ga miyuu qaabilaa ardada ka timaada meel ka baxsan aaga uu kuyaalo iskuulka? A. Ardadygu waa inuu codsadaa hadii uu doonayo barmaamijka shahaadada caalamiga ah oo ka baxsan aaga uu degganyahay laakiin waxaa uu lagu qaabilyaa hadii uu boos ka banaanyahay. Xitaa hadii la qaabilo baas ma helayaan.

Marka Iskuul Kusoo Aqbalo Ama lagaa diiwaan-galiyo Ka Dib Q. Maxaa dhacayo marka ilmahaygu laga aqbalo iskuul? A. Qoysasku waxay helayaan qoraal ama email ogaysiinaysa aqbalitaanka. Ardaygu waxaa laga diiwaan-galin karaa hal iskuul oo kaliya.

Q. Ma waxaa jirayaa liiska sugaalka/ Waiting list? A. liiska sugitaanka/waiting list waxaa loo sameeyaa iskuullada qabta codsiyo ka badan boosaska jira. Ardada digata K-12 waxaa lagu darayaa liiska sugitaanka hadii ay heli wayaan iskuulka dookhooda kowaad.

Waiting liiska waxaa uu badanaabo dhacaa labo usbuuc ka dib marka uu iskuulku bilaawdo marka laga reebo barmaamijyada sida ( Pre-K, barmaamijka luqadaha kale wax lugu barto ee immersion iyo kan Capitol Hill Gifted and Talented). Sanadka 2015-16 waxaa cusub: In hadii ardayga dhigta Pre-K laga aqbalo iskuulka dookhiisa kowaad ama labaad laga saarayo waiting liiska meelaha kale uu kaga jiray. Q.Maxaa dhacayo hadii uu ardaygu aan laga aqabalin mid ka mid ah iskuulada uu dooratay? A. Ardaygu magaciisa waxaa la galinayaa waiting list sida uu dhigayo qaanuunka doorahsada iskuullada.Hadii uu boos soo baxo waa lagu soo wacayaa waxaadna helaysaa fursad aad ilmahaagu ku diiwaan-galisid iskuulkaas. Si aad akhbaar dheeri ah oo ku saabsan diiwaan-galinta aad u heshid , fadlan kawac xarunta diiwaan-galinta 651-632-3760. Q. Suurto–gal ma tahay in ilmahaygu la galiyo in kabadan hal wainting list? A. Maya, ardaygu waxuu geli karaa hal waiting list oo kaliya. Waiting list-ka waxaad ka geli kartaa iskuulka kuu ah dhookhaaga kowaad oo kaliya. Q. Hadii aan degnahay iskuulka agtiisa, ma hubaalbaa in iskuulkaas heli doono? A. Fursadda aad u leedahay in aad iskuulka heshid waxay ku xirantahay in aad deggantahay soonaha uu iskuulka ku yaalo marka la tix-raaco (A-F1/F2).

Manhajka/Wax- Baridda

Q. Muxuu yahay “standard-based”? A. Wakaalada wax-barashada ee Minnesota ayaa go’aamisa xadka aqooneed “standard knowledge” oo ardadu laga rabo inay ku bartaan fasal walibo iyo maada walibo. SPPS waxay waafajisay manhajkeeda waxbarasho nidaamka guud ee wakaaladu dajisay. Dowllada federaalka ayaa barashada luqadda ingriiska (sida qoraalkeeda,ku-hadalkeeda, naxwaheeda) u sameysay minhaj guud kaas oo state-ka Minnesotana ansixiyay. Sidoo kalena SPPS waxay waafijisay manhajkiis nidaamkaas guud ee federaalka u yaalo. Manhajka baridda xisaabta fasallada K-12 wuxuu waafaqsanyahay manhajka guud ee u degsan Minnesota. Waxaa qiimayn lagu sameeyaa habka uu ardaygu wax u baranayo si markaas loogu sameeyo qaabk wax-barasho ee ugu habaoon.

70 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


SU'AALAHA HAD IYO JEER LA ISWAYDIIYO

Q. Xagee ayaan ka heli karaa natiijada imtixaanaadka iskuulada? A. SPPS wuxuu fududeeya heltaanka natiijada imtixaanaadka, fadlan booqo bogga School Data Center datacenter.spps.org. Q. Maxay ku kala duwanyihiin labada nooc ee ardada luqadaha aanan ingriiska ahayn wax loogu baro ee one-way iyo two-way-ga loo yaqaano? A. Farqiga u dhaxeeya labada qaab ee luqadaha lagu bartaa waa luqadda uu ardaygu ku hadlo. Oneway immersion waxaa loogu talo-galay aradayga ay luqadiisa hooyo tahay ingriis inuu barta luqad kale. Two-way immersion waxaa loogu talo galay in ay adrada luqadooda kowaad ay tahay ingriiska iyo kuwa ay tahay luqqado kale ay hal fasal kuwada bartaan luqadda ardayga kale. Waxii akhbaar dheeri ah kala xiriir xafiiska barahada luqadaha 651-767-8320. Q. Qaabkee ayaan ku ogaadaa inuu barmaamijka afterschool ka jira iskuulka ilmahaygu dhigta? A. Hadii aad rabtid akhbaar khaas ah oo ku saabsan after-schoolka wac iskuulka. Fadlan ogow in jiritaanka barmaamijyada isbadeli karaan ilaa iyo deerta -2015. Ka eeg bogga 24 akhbaar dheeraad ah oo ku saabsan fursadaha after-schoolka. Q. Muxuu yahay farqiga u dhexeeya barmaamijyada AP iyo IB? A. AP iyo IB labaduba waxay ardayga u siinayaan fursad uu ku qaadan karo koorsooyin la dardar galiyay. AP oo ah Fasallada koolijiyada oo ardaygu sii qaato asagoo dhiganayo dugsiga sare. Koorsooyinka waxaa soo saaray gudiga kulijiyada oo ah urur ardada dugsiyada sare ku xiro fursado jaamacadeed; aradada qaadata fasallada AP-ga waxay fursad u yeelanayaan in koorsoyinka loogu qadariyo heer jaamacadeed hadii ay imtixaanka AP-ga qaataan.Koorsooyinka IB-ga waxay qayb ka yihiin diploomada IB-ga oo mid calaamka muctarif ka ah.Ardada qaadato koorsooyinka IB-ga waxay fursad u helayaan in ay koolijiyadaha u qadariyaan koorsooyinka ay ku qaataan IB-ga hadii ay imtixaannada ku baasaan. La-xiriir Konsilaar-ka iskuulka si uu faahfaahin dheeraad ah kaaga siiyo barmaamijyada IB iyo AP.

Cunnada ardada laga siiyo Saint Paul Public Schools

Q. Hadii aan u qalmo cunnada lacag la’aanta ah ama mid qiimo jaban, ma waxaa jiro caawimaad kale oo aan u qlamo? A. Haa. Waxaad u qalantaa barmaamijka WIC (ama food stamp-ka) hadii aad uur tahay ama aad leedahay caruur da’doodu ka yarthay shan sano jir. Waxaa lagaa doonayaa in aad gaysid warqadda xannanda iskuulku ku siyay xafiiska Ramsey County barmaamijka WIC. Waxaa laga yaabaa sidoo kale in aad u qalantid kaar caafimaad sida MNSure, MinnesotaCare, kaarka MAga. Akhbaar dheeraad ah ka wac qaybta xanaanada ee Saint Paul Public Schools 651-603-4950, sidoo kale waxaad la xiriiri kartaa xafiiska caafimaadka eek u yaala xarunta placement center oo aad ka wici kartid 651-632-3763 ama studentwellness.org.

Xulashada Dugsiyada 2015-2016

Q. Sidee ayaan ku ogaan karaa waxa uu ilmahaygu ka barto iskuulka? A. Si aad u ogaatid maadooyinka laga barto sikuuladeenu, fadlan booqo barta internetka ee u leeyahay xafiiska wax-barashada: thecenter.spps.org sidoo kale ka eeg bogga 11 ee buugaan.

Talaallada looga baahanyahay ardada

Q. Ilmahaygu ma wuxuu u baahanyahay inuu talaal qaato si uu iskuulka u dhigto? A. Qaanuunka u dhegsan state-ka (MS 121A. 15) ayaa dhiigaya in arday kasto oo Minnesota joogo la talaalo si looga badbaadiyo cudurrada dhalaanka. Waalidiinta waxaay si sharci ah ku keensan karaan dokumeentiyo ka dhaafayo talaalka hadii ay u diidan talaalka sababo caqiido iyo kuwa caafimaad.Arday kasto oo cusub oo Saint Paul Public Schools usoo wareego waa in uu keenaa xarunta diiwaan-galinta ardada talaalladiisii hore ama warqad ka dhaafayso.Cudurrada laga talaalayo waxa ka mid ah diphtheria, pertussis and tetanus (DPT); polio; measles, mumps and rubella (MMR); Hepatitis B iyo varicella (chicken pox). Shuruuc la soo jeediyay oo ku saabsan wax ka bedelista talaalka ayaa sida la filayo hir-geli doonto sanaddugsiyeedka 2015-2016 wxaana ka mid ah talaalka loo yaqaan: 1)Ardada digato fasalka 7-aad Meningococcal iyo Tdap 2) Hepatitis B iyo Hepatitis A ee caruurta ku sugan meelaha caruurta lagu hayo ama caruurta dhigto barmaamijka wax-barashad dhalaanka (early childhood). 3) dokumeenti cadaynaya in Hepatisis B, Vericella iyo MMR ee ardayda dhigato fasalada K-12. Cidii haysato dokumeentiya sharci oo ka reebayo talaalka shurudahani ma saamaynayaan. Ardada bilaabayo Saint Paul Public Schools, xarunta diiwaan-galinta ayaa u samaysaa qiimayn caafimaad iyo dib-u-eegid talaalada. Waxaa kale oo ay xaruntu talaalo u diyaarisaa ardada aanan haysanin kaar caafimaad. Akhbaar dheeri ah ka la xiriir xarunta diiwan-galinta ardada 651-632-3763 ama booqo studentwellness.spps.org.

Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015 | 71


Xulashada Dugsiyada 2015-2016

NON-PROFIT ORG. U.S. POSTAGE PAID TWIN CITIES, MN PERMIT NO. 3085

Independent School District #625 360 Colborne Street St. Paul, MN 55102-3299 www.spps.org

MORE OPPORTUNITIES. MORE THINGS TO LOVE. MUAJ CIB FURSADO INTII FIM HORE KABADAN. MUAJNTAU. NTAU

WAXYAABO LAJECLAADO YAM NYIAM. OO INTII HORE KABADAN. -

MAS OPORTUNIDADES. MAS COSAS QUE LE VAN GUSTAR.

VISIT THE SCHOOL CHOICE FAIR w>cG;Jw>,mtgrRHtguvm.k January 10, 2015 at the SAINT PAUL RIVERCENTRE FREE ADMISSION. FREE SHUTTLE. DETAILS at spps.org w>tgrHRvXyb.o;tDR. Questions? CALL 651-632-3760

72 | Su'aal ma qabtaa? Wac 651-632-3760 ama booqo apply.spps.org // 
Xiliga Kama Dambaysta Diiwaangalinta: Febarwari 20, 2015


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.