GALIILYO: GABAY TAHRIIBTA.....
Intuu saxaruhu go’doonshay Halyey lagu giirtay fiicni Intee xabsi lagu gumeeyey Gashaantimo wada quraysha Intee guuleed tisqaaday Raqdiisii haad ku goohay Dhashii guuluhu ku siiyey Dugaagu muxuu ku guusay Markuu huudhigu geddoomay Markay goglanayd barbaartu Kalluunku miyuu galiilyo Ilmadda ciil gabbax ka siiyey Xasuuqa tahriibku geysto Gummaadiyo geeri foolxun Hooyooyinka weerka goostay Shilkani kugu gaafwareegay Waxuunbaa laga guntaaye Miyeydaan kaba gabboobin? Gu’goo da’ay oo gadooday Gudgude soo gallab caraabay Markay galawgiyo jugleydu Ka yuusaan gelida kaynta Miyaan garashadu dhigaynin Dasada gibilada ku giiji? Geeliyo geesley lo’daada Halkii gelmi iyo dugaag le Gelgelin gawsaha hungaysa Miyaan garashadu dhigaynin Inaad waaberi ka guurto? Adoo gurigaagi iibshay Haddaad gabankiina weydo Adoo gebogebo u yaala Haddaad dhiilada guddoonto Wedkaad gini siisataaye
10
Haddaad geerida la jaarto Hadduu maalkaagu gooyo Intuu Aadmigu ka giigay Kolay waa galabsigaaye Maxaad gocashada ka toosin? Garwaaqsaday inan taraaray Guddoon xaal idhi bal qaado. Sareedaddu may guddeene Barbaartuna may go’deene Badweyn iskuma gureene Xil baan gubin kaad u dhiibtay Xal muu garan aayatiinle Xaq muu gudin aad sugaysay Halkaad u golleyd ma geynin Hayaankiyo geeddigaaga Guubaabana wuu ka seexday Inuu galab nool tibaaxo. Dhalaankani sii gurmaaya Hankaa laga wada gumaystay Guulguulka naftaa ku oogan Buug guunaa yidhi ma gaadhid Halkuu Aadmigu u guuray Rajada gibilbaa ka saran Runtana waa laga go’doonshay Gabnaad tahaybaa asqaysay Gufaacaa lagu faruuray Kalsoonida gabagabaysay. Galbeed Yurub kuuma yeedhin Giriigguna kuuma baahna adiga geyigaagu waa kan. Qofbaad tahay guul abuura Qofbaad tahay guri yagleela Qofbaad tahay gaar ahaantaa Ku gaajo baxoo iskeena
| S E P T E M B E R - DECEMBER 2 0 1 1 | VO L 1 | ISSUE 7 | CODKA DA’YARTA