
1 minute read
COMPLETING THE CHALLENGES
Ninkii dalandoolay Ku duugto salkeeda Dabeedna tidhaahdo Dabaal ha hawaysan Dadaal haku taamin Dad kuu gurmadaana Docdaada ma joogo Dacaamiya mawdka U daadaga hoosta Dubkiiniyo jiidhka Libaaxu ha diirto Kaluunku duxdiina Ha daadiyo saaka. Dalkaad ka hayaantay Dib maandhe u fiiri Adoo dadab fiican Barwaaqo ku daaqa Dugsoona ku haysta Maxaa kula duulay Dabaysha kuu raacshay Daartaadii ku seejay Dawaafkiyo xiinka Maxaa kula doontay Dushayda ku keenay. Dad baa kugu xiiqay Dartaa huray maalyo Wuxuu hayay duunyo Inaad ka dul guurto Miyaad danta mooday Maxaad u dishootay Dareen ugu reebtay Dhalaan kugu dayda Hal doorna ku mooda Adoon tusin dawga Duruusna u reebin Maxaad dalanbaabi Dayawga dhibtiisa Diihaal ugu dhaaftay Dalkaad ku barbaartay Da’daad jirtay oo dhan Dalkii ku kolkooshay Dayntuu kugu leeyay Miyaanu damiirku Daqiiqad xasuusan. Ma daaro qalaadyo Dux aanad lahaynyo Duunyaad ku ilowday Dhulkaagii ku daysay Aduunkan dushiisa Dadkaa lagu beeray Qof hiifa dalkiisa Dilaala dhulkiisa Duruustu ma sheegin
maandhoow nolol duunyo hadaa u dambaysa. Miyaad doc wareenka Darraanta dhexdayda Duruufaha yaala Xanuunka dubaynta Dubaaqa ku haysay
Advertisement
Ninkii dalandoolay Dan baa u run sheegtay Dib buu u jaleecay Dawgii noloshiisa Dabeeto garwaaqsay Halkay dayaanta Ee ay ka dar jiidhay
Dareenkuna qoonsay Dar daaran la’aanta Daruuraha mawdka Hadheeyay dushiisa
Damiirka qofkaasi Naftii lagu deeqay Ee daainku siiyay Duunyuu kaga maarmay Wuxuu danta mooday Inuu dago iilka Diraacda badheedho Hankiisana daadsho Dumaalo xumaanta . Si uu dirhamad yo Usoo helo doolar.
An gaabsho dabuubta Soo duubo warkayga Ruux jooga daleeloo Dalkiisa ka rooray Kolay dibindaabyo Ma waayo ku duusha Dadkaaga dhexdiisa Ayaad darajooyin Ku leeday dushaada Nin hiifa dubkaaga Maxaad kaba dooni.
Haduu qof doraato Dabuub kugu siiyay Inay dibad baastu Dawayso dhibaato Dantaada ma eegin Kumuu tusin dawga Rabaa haya deeqda Daruuraha khayrku Docdeena ma mooga Hadaad dagto ruushyo Hadaad dalka joogto Arsaaqda darkeeda Intuu rabbi doonay Ayaad ka durduuran Intaasi dardaarn. An deelka ka baadhay Ku daakir wanaagyo Dareen hal abuur dhe.
By: Axmed Ali Axmed (Cantar)