MNA - What should you do with your waste

Page 1

SOMALISK

Sideed qashinka yeeshaa?

Taleefaon: 74 28 17 60 Ii-mayl: firmapost@mna.no • www.mna.no

KA FIKIR BEY’ADDA – WAX QIIME LEH SAMEE!


QASHINKA AAN QAADNO WARQADAHA Warqadaha waxaa la qaadaa saddexdii toddobaadba mar. Kiishka warqadda ka samaysan/tanagga qashinka waxaad ku ridaysaa wargeysyada, wargeysyada toddobaadlayaasha ah, xayeesiiska iyo waxyaalaha kale ee la akhristo ee aan koollada iyo balaastigga lahayn. Waa in ay nadiif ahaadaan oo engegnaadaan. Waraaqaha waxaa loo dirayaa Norske Skog oo ku yaalla Skogn, halkaas oo loo isticmaalo samaynta warqadaha wargeysyada. WAXYAALAHA BALAASTIGGA AH Toddobaadyada cagaaran ee jadwalka qashin-qaadka ayaa ah toddobaadyada la qaado dhammaan waxyaalaha balaastigga ah – dhalooyinka, tanagyada, baakadaha iyo bacaha wax lagu qaato, kuwa rootiga ee balaastigga ah, balaastigga ay ku jiraan waxyaalaha rootiga lagu duubto iyo noocyada kale ee balaastigga jilcan. Isticmaal kiishashka cagaarka khafiifka ah. Balaastikada la soo aruuriyo waxaa laga sameeyaa waxyaalo cusub oo balaastig ah. Xusuuso waa in uu balaastigu nadiif ahaadaa oo engegnaadaa. Balaastig wasakh ahi wuxuu noqonayaa qashin haraa ah. BAAKADAHA CABBITAANKA Baakadaha cabbitaanka waxaa lagu ridayaa kiishashka buluugga khafiifka ah ee la qaado 6-dii toddobaad ee walba. Waa inay ahaadaan nadiif engegan. Waxaa fiican in aad ku riddo «kurjad dhan oo baakado ah» (biyaraaci-iskulaab-isdhexgeli) oo ugu yaraan lix baakadood ku dhex rid midda toddobaad dabadeedna ku qor magac, ciwaan iyo lambar taleefan. Waxaad markaa ku jirtaa Bakhtiyanasiibka baakadaha cabbitaanka – kiishka buluugga khafiifka ahna boos ayaad u tashiishay. QASHINKA RAASHINKA Haraaga qashinka toddobaad walba ayaa la qaadaa. Qashinka raashinka ku rid bacaha balaastigga ah. FG! Ha isticmaalin bacaha qashinka noocooda bio. Bacaha raashinka dukaammo badan ayaad ka heleysaa. Bacaha haraaga raashinka ku rid tanagga midabka kafeega leh ee yaalla barta qashinka lagu kala sooco. (Meelaha qaarkood waxaa qashinka raashinka lagu ridaa tanag lagu leh). Qashinka raashinka waxaa loo diraa Ecopro AS oo ku taalla Verdal waxaana laga sameeyaa gaaska biyogass iyo waxyaalo wax lagu bacriyo. CAFAAYADAHA Cafaayadaha waxaa lagu darayaa qashinka haraaga ah. Haddii uu booska qashinka haraaga ahi kugu yaraado – la xiriir MNA si ay kuu siiyaan tanag intaas ka weyn.


QASHINKA HARAAGA AH Qashinka haraaga ahi waa inta soo harta marka aad isticmaasho nidaamyada kale ee qashin-qaadista. Waxaa la qaadaa saddexdi toddobaadba mar. Cabbirka caadiga ahi waa tanag lugu leh oo qaada 240-liitar. Haddii uu kani kugu weyn yahay, waxaad codsan kartaa mid ka yar. Dadka uu u yaallo tanag qaada 100-liitar, waxaa kulaylaha horraantiisa la siiyaa kiishashkii ay hal sano isticmaali lahaayeen. Waxaa suuragal ah in dadka qashinka badan daadiya in ay dalbadaan tanag qaada 360 oo liitar. Khiishashka waxaa la dhigayaa meesha qashinka lagu kala sooco. Qashinka haraaga ah waxaa loo dirayaa Xoogga korontada ee Trondheim oo soo saara koronto iyo kul. FG! Raashin ha ku darin qashinka haraaga ah. Midtre Namdal Avfallsselskap Et selskap i Retura-gruppen

For levering av 100 ltr.’s sekk til vår innsamlingsbil eller miljøtorg. Tapes/stiftes på sekken eller medsendes ved leveranse.

HOJEM - Namsos

KUPONG FOR EKSTRA SEKK

QASHIN HARAA AH OO BADAN? Haddii uu qashinkaaga haraaga ahi badan yahay, waxaad soo gadan kartaa calaamado (merker) si aad ugu dhejiso kiishash qashin haraa ah oo dheeri ah. Qiimaha halkii calaamadba waa 30 karoon. Dukaammo badan ayaana kuwan iibiya. Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa xarunta macaamiisha ee MNA si laguugu kordhiyo.

QASHIN AAD ADIGU KEENEYSO BAAKADO Baakadaha waxaad bislaash ku keeni kartaa xarummahayaga dib-uga-faa’iideysiga. DHARKA Haddii aad haysid dhar, kabo ama waxyaalo kala duwan oo maryo ah, waxaad ku ridi kartaa kontaynarrada cagaarka ah ee UFF ee meelaha yaalla. Meelaha ay yaallaan ka eeg bogga internetka ee: sortere.no QURAARRADDA IYO BIRTA Quraaradda cad iyo midda midabka leh ee wax lagu shubto (sida kuwa malmalaaddada, kuwa aan dib loo iibin karin iyo wixi la mid ah). Teeda kale nadiifi biraha wax lagu duubo (gasacadaha walxaha alxaman oo dhan, waxyaalaha birtu ku duuban tahay ee kale), waxaa la geyn karaa meesha qaabka aqalka leh (glassigloer) ee quraarada loogu talo galay ama kontaynarrada ay ku qoran tahay quraarad-/bir. Qashinkan waxaa la geeyaa Norsk Glassgjenvinning/ Norsk Metallgjenvinning waxaana dib looga sameeyaa walxaha ay tusaale ahaan ka mid yihiin quraarad cusub, nooca isbuunyada galaaska ah ee (glasopor), waxyaalo wax lagu qoqobo, iyo laamiga oo lagu qaso. Guluubyada nalalka, walxaha dhoobada ah ee dhalooyinka balaastigga ah waa in aan halkan la keenin. Sidoo kale lama keenayo dhalooyinka wax lagu karsado! Kuwan waxaa la geyn karaa xarummaha dib-uga faa’iideysiga.


ISBUUBNAYADA ISOPOR Kuwan waxaad keeni kartaa xarummaha qashinka dib looga faa’iideysto (gjenvinningsstasjonene) ama barta qashinka haraaga (restavfallet). QASHINKA BEY’ADDA KHATARTA KU AH Kan waxaad keeneysaa xarummahayaga qashinka dib looga faa’iideysto. Xilliyada ay furan yihiin waxaad ka heleysaa www.mna.no. Qashinka bey’adda khatarta ku ah waxaa ka mid ah: Haraaga saliidda, waxyaalaha wax lagu milo, qasacadaha waxyaalaha la buufiyo, riinjiga, haraaga koollada, waxyaalaha dhirta ilaaliya, batariyada la isticmaalay iyo qaar kale oo badan. Tanagyada/ qasacyada birta ah ee maran oo engegan khatar kuma aha bey’adda waxaana loo soo xaraynayaa bir ahaan. Qashinka bey’adda khatarta ku ah dib ayaa looga faa’iideysanayaa, ama tamar ahaan ayaa loo isticmaalayaa ama waxaa loo dirayaa meel lagu qabanayo iyada oo si bey’adda u roon wax looga qabanayo. QASHINKA KHATARTA AH IYO HARAAGA DAAWOOYINKA Daawooyinka dhacay iyo daawooyinka aad isticmaalkooda joojisay, waxaa la gayn karaa farmashiyaha ama waxaa lagu ridi karaa tanagyada gaarka ah ee loogu tala galay ee yaalla qolka sugitaanka ee dhakhtarka iyo goobaha kale ee caafimaadka qaarkood. Sidaas ayaana hab fiican loogu maammulayaa. QASHINKA EE Qashinka EE waa qalab koronto oo la tuuray sida makiinadda cuntada lagu kariyo, makiinadaha dharka dhaqa, kombiyuutarro, tiifiiyaal, nalal iwm. Taas oo laga wado: Dhammaan qashinka elegtaroonigga ah ama ay ku jiraan qaybo elegtaroonig ah. Dukaammada qalabkaas gada ayaa inta badan la keenaa qashinka noocaan ah. Bilaash ayay macaamiisha uga qabtaan qashinka EE. Si loo hubiyo in meelo badan laga helo, ayay degmooyinka laftigoodu leeyihiin meelo alaabtaas la geeyo. Qalabka kala duwan waxaa loo diraa xarun dib loogaga faa’iideysto. NYGAMMELT OO KU TAALLA NAMSOS IYO RØRVIK NyGammelt waa meesha la geeyo waxyaalo la tuurayo si dib loogu isticmaalo. Waxa aadan adigu u baahnayn, dad kale ayaa ka faa’iideysan kara. Waxay noqon karaan saabaan duug ah, qalab kale, buugaag, dhar ama waxyaalo kale. Waxay noqon kartaa fikrad fiican in la tago oo bal la soo fiiriyo NyGammelt, iyada oo laga eegayo xag dhaqaale iyo xag bey’ad ahaaneed labadaba. Waxaa kale oo aad halkan geyn kartaa dhar nadiif ah oo is wata. Waxaa loo dirayaa UFF – oo caawisa dalalka soo koraya.

Waad ku mahadsan tahay in aad gacan ka geysato sidii ay Namdalen nadiif u ahaan lahayd!

Trio Media 05/14

QASHINKA KALE Waxaa kale oo aad xarummahayaga waxyaalahan dib loogaga faa’iideysto keeni kartaa lugaha baabuurta, alwaaxda, alwaaxda koollada, riinjiga iwm leh, daaqadaha iyo biraha.


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.