Safety Cards - Turvakortit - Somali

Page 99

LL

S

UU

LI

S

H

Dab dhaliyaasha hawada iyo marqaxadaha

S

TURVA KORTIT

OSALL

IS

T U RVA

UU

S

Ä

VA

IS

TA

TURVAL

Waa maxay sababta aan u adeegsanaayo? Qalabka wax kululeeya ee la qaadan karo, qalabka qaboowga ee korontada ah ama marwaxadaha korontada ku shaqeeya ayaa loo adeegsadaa in lagu kululeeyo si ku meel gaar ah guryaha ama qololka. Kululeeyaashu waxay baxshaan dab dheeraad ah haddii nidaamka kuleelka ee caadiga ah uusan kugu filnayn ama marka dhismayaashu aysan lahayn kululeeye. Si waafaqsan, marwaxadaha korontada ku sahqeeya ayaa loo adeegsada ain lagu qaboojiyo guriga, gaar ahaana marka lagu jiro xiliyada kuleelaha.

Xagee ayaan u adeegsanayaa? Waxaa loo adeegsadaa kululaynta ama qaboojinta gruiga ama qol kaliya.

Sidee ayaan u adeegsanayaa? Kululeeyaasha iyo marwaxaduhu waa aalado ku shaqeeya koronto kuwaasoo la gasho bareeska korontada. Mar kasta aaga kululeeyahay nadiifi. Ha daboolin kululeeyahay ama marwaxada. Khatarta dabka.

Arin muhiim ah inaad ogaato Adeegsiga kululeeyaal badan ama marwaxado isku mar ama ku xiristooda isku fiilo ayaa keeni kara inuu dab badan qaado uuna qarxo fiilada. Waa fikir wanaagsan inaad galiso aaladaha bareesyo ku xiran fiilooyin kala duwan. Haddii aaladu si joogto ah u qarxiso fiilada, nadiifi oo kormeer ku samee ama iska tuur aalada. Kormeer ku samee badqabka korontada iyo dabka markad adeegsanayso kululeeyaasha iyo marwaxadaha hawada. Waligaa ha taaban aalad koronto ah haddii aad qoyan tahay. Khatarta shooga korontada. Ha aadin meelaha qoyan adoo caga cad ee ay yaalaan alaabaha korontad aku shaqeeya ee la qaadi karo sida kululeeyaasha ama marwaxadaha. Haku qalajir dharka fiilooyinka korontada ama haku daboolin kululeeyaasha ama marwaxadaha. Xasuusnoow inaad nadiifiso ood buufiso kululeeyaha iyo marwaxada markii loo baahdo.

© Ururka Gurmadka Qaranka ee Finland 2019


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.