South Park Roots - Jan 2021 - Somali

Page 1

SOUTH PARK ROOTS Wararka ama sheekooyinka ku saabsan South Park, Seattle

JANAAYO 2021 IN THIS ISSUE

DHALINYARADA LA TABABARAAYO WAXAY U GARGAAR ADIGA GANACSIGA MAHADCELINT: NEIGHBOR APPRECIATION

COVID-19 CIYAARAHA GAMISKA NON-PROFIT UPDATES

SDOT STUFF GABAYADA ARDAYDA DUGSIGA HOOSE CONCORD

english

Dhalinyarada la tababaraayo waxay saahmayn ku sameeynayaa Duwamish Valley Waxaynu aad ugu faraxsanahay dhalinyarada degaanka shaqada fiican ay fuliyeeyn xiligii kuleelaha la soo dhaafaye ee Youth Opportunity Motion Internship oo ahaay mashruuca ay maalgaliyeen Port of Seattle iskana gaashteeyn si wadajir ah Seattle Parks Foundation iyo Duwamish River Cleanup Coalition. 15 dhalinyaro deegaanka ah iyo 8 urur jaaliyada waxay sameeyen fursad ay ku abuurayn awood aqoon-kororsi ah iyo dhalinyarada la siiyo goob wax ku bartaan, isbadal ku sameeyaan si ay u cawinaayo qorshaha lagu horumarinaayo jaaliyada.

español

អក រែខរ

tiếng việt


Dhalinyaradeeyna da’dooda waxay u dhaxeeysay 16 – 21 jir oo u helay fursay ay ugu shaqayaan jaaliyada degaankooda, waxaana la siinaayey mushaarka lacagta ugu yar $15/saacadii si ay ugu gargaarto dhaqaalo ahaan xiliga cudurka faafaayo. Dhamaan mashaariicda dhaliyarada la siiyey waxay fursad u siinayaan in ay ka helaano dhaqaalaha, fursadaha tababarka shaqada iyo in ay hormariyaan bulshadood halkaas oo ay ku muujinayaaa aqoontooda iyo xirfadood bilaawga ilaa hamadauuca. Waxaan u mahadcelinayaa iskaashiga wadajirka ururada deegaanka: Duwamish Valley Affordable Housing Coalition, Duwamish Valley Safe Streets, Seattle Neighborhood Group, Somali Parent Education Board, Villa Comunitaria, Duwamish Valley Youth Corps, iyo Duwamish Valley Sustainability Association.

Iskaashiga DRCC ee Duwamish Valley Sustainability Association oo soo abaabulay tababrka iyo qaababka Xalinta dhimaatooyinka halkaas oo dhalinyarada ka qaybgalayaan shirarka todobaabka sidee u bartaan udoodida, ka-hortaga iyo xalinta qilaafka shaqsi ahaan iyo mida jaaliyada. Shirarkaan dhalinyarada waxay ka helayn isbarasho iyo wada-shaqeeynta jaaliyada. Maamulaha dhalinyarada wuxuu la shiraayey qofkastaba todobaadkii hal jeer oo fiirinaayey shaqadooda, waxbarashadooda, mashruuca ku siimeelgaarka shaqada iyo xaaladaha caafimaadka miirkooda xiliga adag oo niyad-jabka ah.

Isticmaalka qaabkaan dhalinyarada wuxuu ka cawinayaa abuurida calaqaadka saaxibnimada dhalinyarada, ururada deegaanka iyo jaaliyada. Waxaynu qiraynaa in dhalinyarada muhimada ay u leedahay is-jaceelka jaaliyada iyo aragtida mustaqbilka fiican, iyo sameeynta qorsha mustaqbilka ku xiran jaaliyadaha, cimilada deegaanka ururada. Waxaynu sameeyneeynaa hogaamiyaashii mustaqbilka kuwaas oo siiwadaayo ilaalinta iyo la dagaalka cimilada cadaalo darada ah isla markaan wax ka bartaan qaladkii horay u dhaca, si loo helo wado cusub oo cadaal leh, carqaladaha cusub iyo mustaqbil cunsuriyad la’aan ah

Waxaynu si aad iyo aad ah ugu faraxsanahay fursadaan qaaliga iyo rajada wanaagsan mustaqbilka ee qaabka wada-shaqeeynta haboon. Waxaynu si xaqiiq ah ugu mahad-celineeynaa Port of Seattle oo maalgalisay hogaamiyaasha dhalinyarada jaaliyadeeyna iyo ururada martigaliyey barashada shaqooyinka ku sii-meelgaarka.


U GARGAAR ADIGA GANACSIGA SOUTH PARK


MAHADCELINT: SOUTH PARK NEIGHBOR APPRECIATION


COVID-19

Coronavirus is the worst. Thankfully, you live in a neighborhood where people look out for one another.

Akhbaaraha Caafimaadka COVID-19 ee King County Public Healthwww.kingcounty.gov/covid

Khayraadka City of Seattle Resources www.seattle.gov/mayor/covid-19 Miyaa u baahan tahay cunto ama raashin? U soo dir Text southparkfood (206) 278-2553 Ama fiiri the Urban Fresh Food Collective www.urbanfreshfoodcollective.org/covid19 Akhbaarta guryaha qiimaha jaban Affordable Housing for Seattle www.seattle.gov/housing/covid19

Maxaa sameeyn kartaa in la xasiliyo amaanka caafimaadka? Sii-wad masaafada isku jirka dadka 6 feet Yareey la xariirka dadka dibada oo kula deganeeyn gurigaada In badan dhaqo gacmahaada ama isticmaal qalabka jeermi dilaha “sanitizer” Isticmaal dharka wejiga lagu daboolo goobaha dadweynaha Iska ilaali isku imaashaha kooxyaha iyo meelaha ku xun isdhaafsiga hawo-siin

Goobo badan ee King County waxay bixiyaan baarista cudurka safmarka COVID-19 Iyadoo loo fiirineeynin xaalada hijrada ama caymiskaada.Waxaa lagu siinayaa turjumaano lacag la’aan ah.Raadso khariidada goobaha baarista kuugu dhaw: www.kingcounty.gov/depts/health/covid19/care/testing/locations


CIYAARAHA IYO XUJOOYINKA Sudoku Fill the grid so that every row, every column and every 3x3 box contains the numbers 1 to 9. Check your own work, you either got it or not

Word Find

MATH QUIZ The first person to complete all the math problems and email the correct answers to jake@sngi.org gets a prize

Find the words backwards, forwards, and diagonally. The first person to circle all the words and email photo proof to jake@sngi.org gets a prize.


WARABIXIN: Hay’ada Duwamish Valley Affordable Housing Coalition (DVAHC) waxay mareeysaa dhamaadka sanadka seddexaad, waxay la shaqaysaa dadka guri la’aanta ah iyo hay’adaha samafalka iyadoo abuuraayo qorshaha ficil ah lagu helaayo guryo, dhaqanka ku haboon, iyo kana wakiil ah jaaliyida laga tira-badan yahay, guri ijaarka dadka daqligooda hooseeyo, iyo lahaasha ama iibsiga guryaha, waxay raadinayaa iskaashi yar iyo mid weyn. Isbahaysiga dariska waxay xoojineeysaa dhaqaalaha, jinsiyadaha iyo dhaqanada kale duwan kuwaas oo ah taariikh ahaan dadkii ugu horeeyey deegaanka. Ugu dambeey waxaynu raadineeyna horumarka faa’iido u leh kooxdaan ugu horeeyn.

Halkaan waxaa ka helaysaa qaar ka mid ah wax-qabadka ee ku guulaysatay isbahaysiga sanadahii hore la soo dhaafay. Tira-koob lagu sameeyey cawinaada lagu horumarinaayo guryaha qayb ka mid ah South Park Plaza. Wuxuu qeexay 97.5% guryaha 405 jawaabta guryaha qiimaha jaban in oo leeyahay ahmiyada koowaad. Fulinta koowaad mashruuca Ilaalinta ee guul-gaaritaanka goobta iyo sameeynta daraaso la fahmi karo Natiijada udoodida is-bahaysiga waxay keentay fursada lahaashaha 13 guriga Habitat’s South Park Cottages, guryahaas oo lagu iibiyey $210,000 qoysaska celceliska daqligooda yahay $45,000 sandkiiba. Waxaa ka mid ahaay guryo labo qol ah, guryo leh labo musqul weli waa diyaar. - www.dvahc.org/index.php/habitat-for-humanity-south-park-homes-for-sale/ Isbahaysiga waxaa soo raacay jaaliyada Duwamish Valley u soo dooday ilaalinta 6 guri oo ka kooban guryo hal qoys kaliyah ah baalia ama areebo ahaan loo dumiyey. Ka falanqooshaha martigalinta jaaliyada, waxaa la doortay saraagiil iyo maamulayaal soo sahmiyo fursadaha lagu helaayo qorshaha shan guri baakadaha ee South Park. Waxaa la martiqaaday dadka dhiso guryaha si ay u sahmiyaan guryo cusub, ilaalinta guryaha iyo dhismo guryo cusub oo leh dhismooyin kala nooc ah.. Natiijo ahaan waxay awoodayna in ay noqotay in la dhiso guryo kale hay’ada maalgalinta Villa Comunitaria, waxay la timid qaab hogaamin cusub ee South Park Neighborhood Center. Isbahaysiga waxay si wadajir ah ula shaqeeneeysa Villa Comunitaria iyo Concord PTA si loo helo maalgalin lagu gargaaraayo qoysaska si ay isaga dhiibaan ijaarka guryaha iyo so looga hortago qatarta guri ka eritaanka. Isbahaysiga waxaa lagu amaal-mariyey maalgalinta awooda dhismaha ay bixiyeeyn City of Seattle’s Equitable Development Fund. Maalgalintaan waxaynu ku baranay arimaha ku saabsan guriyeeynta iyo qaabka loo horumariyo jaaliyada. Sanadkii 2019 Isbahaysiga waxaa lagu amaal-mariyey $250,000 oo ay bixisay the Social Justice Fund Displaced si loo kordhiyo tayada guryaha, guryo la awoodi karo, la heli karo, cimilada u fiican isla markaana maamulaayo ama xakameeynaayo guryaha dadka degan dhaqligooda hooseeyo ee magaalada City Seattle.

www.DVAHC.org

Sanadkii 2021 DVAHC waxay siiwaday in ay ka shaqayso una doodo guro la awoodi karo ee Duwamish Valley, howshaan waxaa ugu muhimsan hogaaminta iyo daboolida baahida, la xiiseeynaayo iyo ka faa’ideysiga jaaliyada Duwamish Valley. Isbahaysiga waxay sii wadeeysaa habeeynta marti galinta aqoon is-waydaarsiga, barashada iyo joogtaynta jaaliyadayna oo ku saabsan baahiga guryo helitaanka. Dhacdooyinka soo socdo kala soco bugga facebook page: www.facebook.com/DVAHC


CONCORD ELEMENTARY

PTA

Dugsga Concord Elementary PTA (Ururka waalidka iyo macalimiinta) sanadkaan waxay si adag ugu shaqeeyeen bad-baadinta u baahan yihiin jaaliyadeeyn. Ma sameeyneeno martigalita dhacdooyinka dhismaha-jaaliyada ama shirarka qadka shabakada. Waxaan ku siineeynaa akhbaaraha ka imaanaayo Seattle Public Schools si aynu ugu doodno jaaliyadeeyna. Tusaale, SPS waxaa looga bahan yahay dhamaan ardayda fasalada 3-8 in ay qaataan imtixaanka SBA oo ah imtixaanka heerka aqoonta. Waxaynu rabnaa in dhamaan qoysaska xaq u leeyihiin in ay diidaan imtixaanka heerka aqoonta waqti kastaba, gaar ahaan xiliga hadda adag waxbarida fog ee qadka ah. Waxaa u sheegi kartaa macalinta ubadkaada in aad diiday imtixaanka SBA. Intaa waxaa ii dheeraad ah kaqeybgalka shiraraka School Board iyo Seattle Council PTSA, iyo ka wakiil ahaashaha Building Leadership Team, waxaynu sii-wadeynaa iskaashiga dowlada iyo hay’adaha samafalka deeq ururinta lacagaha aynu ku cawineeyno qoysaskeeyna. Fadlan bixida deeqda ama la qaybso goobta shabakada la xariirta GoFundMe link:

www.gofundme.com/f/6jusy-concord-families-rent-assistance

Haddii aad u baahan tahay cawinaad la soo xariir macalinka dugsiga ubadkaada. Waxaan kaloo helnay deeqa inoogu timid City of Seattle's Duwamish River Opportunity Fund, taas oo cawinaada isaga kaashtay Villa Comunitaria. Deeqda waxaa lagu sameeynayaa fasalka waxbarashada farsamada casriga waalidka iyo shaqaaleeyn afar hogaamiyo urur oo la shaqaynaayo sida layskugu xiro qoysaska iyo Concord PTA iyo Concord Family Support Team. Haddii aad rabto Hogaamiyaha Ururuka, fadlan email igala soo xariir theconcordpta@gmail.com theconcordpta@gmail.com!!


GABAYADA ARDAYDA DUGSIGA HOOSE CONCORD

Salmon: Waa nooca malaayga ama kaluunka.Ku dabaasha biyaha iyo biyaha cusbada badda.Cawin xoolaha diba-jooga si ay u helaano cunto una noolaadaan mustaqbilkaKu dadaal dabaasha iyo dabaasha -Marcos Qalbigayga gudahiisa Qalbigayga gudahiisa, aniga waxaan u egahay Aniga waxaan u egahay hab-siinta Qoraxda iftiimeeyso sida luulka oo kale. Laysku qabo oo Jirkayga ku sameeynayaa iftiimid ama kaahid. Ku siinaayo jaceel. -Suad Qalbigayga gudahiisa -Nolan Aniga waxaan u egahay dabeelaha kaa dhaqaayo xanaaga iyo tiraanyada, kuna siinaayo Qalbigayga gudahiisa naxariista iyo farxada.. Qalbigayga gudahiisa Aniga waxaan u egahay shimbiraha ku kor -Nate Aniga waxaan u egahay farshaxanka duulaayo ubaxa beerta taasi waxay tahay masawirka rinjiga fiican si ay dunida u qoyskayga, Saaxibyaasha, jaceelka iyo dareemto deganaasho.. qoraxda. -Marlyn -Daniela

Waxaan ahaa macalin baro gabayga ardayda 30 sano, taas oo micnaheeda tahay barashada qiirada bulshada. Aniga waxaan ku faraxsanahay oo aan ilaabayn shaqada Jack Straw iyo dugsiga Concord sanadihii fara badnaay! Gabayada caruurta ay qoraano waa kuwo cajiib iyo daacadnimo leh, waxay ino xasuusineeynaa naxariista runta ah ay leeyihiin caruurta.

Waxaan soo dulmarnay gabayada noocyo kala jaad ah, waxaa shaqsi ahaan u xiiseeynayaa in aan idinla qaybsado shaqada wacan caruurta ay qabteeyn. Goorta aan tusiyo caruurta gabayadooda waxay ogaanayaan tayada shaqada fiican ay sameeyeeyn una soo bandhigayn dunida, waa shaqo wanaagsan oo xaqiiq ah oo loo baahan yahay in ardayda lagu xasuusto. -Vicky Edmonds


2020 WARABIXIN! Sanadkaan wuxuu ahaa mid waqti adag dad badan oo anaga ahoo sahmeeyey laakiin waxaan ugu soo gudubnay iskaashiga xooga leh wadajirkayna. Wadooyinka Duwamish Valley Safe Streets wuxuu aha mid nabadgalyo u leh jaaliyada, la daryeelay, loo wadasiman yahay cidna ka maqneeyn. Waxaynu ku guulaysanay in aynu qabano labo dhacdooyin jaaliyada ah; Raashin siinta Jaaliyada Community Meal Pick Up goobta El Buen Sabor iyo buugta sheekooyin Spooky Storybook Trail goobta 8th Ave S Trail. Waxaynu kormeer ku sameeynay dhalinyaradii deegaanka tababarka ku sameeyneesay aqoon korsida iyo xoojinta jiilka dambe sida ay ugu doodi lahaayeeyn gaadiidka ee Danny Viles. Waxaynu ka codsanay Seattle Department of Transportation (SDOT) in afar waddo nala siiyo ogolaasho si loogu isticmaalo goobaha daryeelka caafimaadka(Stay Health Block) South Park iyo Georgetown. Stay Health Block si ku sii meel-gaar ah waa laga xiray wadooyinka deegaanka si loo helo goobo ciyaaraha iyo madadaalada. Waxaynu dhameeystirnay Mashruucii Fiidiyoowgii Sheegitaanka sheekooyinka ku saabsan galitaanka iyo baahida loo qabo Georgetown ilaa South Park Trail. Howshaan waxaa lagu dhameeyey iskaashi wadajir ah ee xubnaha jaaliyada, dhalinyarada iyo udoodayaasha dadka lugeeyo/bushkuleetada. Sanadkaan guusha ugu weyn in ay ilaalinay maagalinta Georgetown ilaa South Park Trail. In ka badan 20 sano, Georgetown iyo South Park Trail waxaan weydiisaneeynin in la helo wadooyin isgoonaayo amaan u leh dadka degan E. Marginal Way meelo lagu socdo, bushkuleetiga maraano iyo meelo lagu ciyaaro. Georgetown ilaa South Park Trail waxaa bixinayaan goobo amaan ah oo jidka loo maro, wadooyin cilimo leh saaxibtinimo lagu socdo/bushkuleetiga lagu ee wado E. Marginal Way. Waxaa aad u muhimsan isku xirka dadka iyo dugsiyada, dhismooyinka caafimaadka, ganacsiga, iyo maktaba dadweynaha. City Council waxay cod-bixin u bixiyeeyn maalgalinta $5.2 Million dollars Georgetown ilaa South Park Trail. Tani waxay tahay guul weyn wadooyinka loo maro Duwamish Valley! Waxaan mahacelin siineeynaa Councilmembers Herbold iyo Morales cawinaadooda iyo gargaarka muhimka ay siiyeeyn mashruuca jaaliyada. Howshaan ma fulin laheeyn dadaal udoodi la’aan ah jaaliyadaha Duwamish Valley. Amaanka Wadooyinka Duwamish Valley waxaa looga mahadnoqoyaa cawinaada iyo sii-waditaanka gargaarka amaanka wadooyinka dadk ay maraano, bushkuleetiyada iyo goobaha lagu ciyaaro ee South Park iyo Georgetown. Wadajir ahaa waxaynu si xoog leh u dhisnay midnimadeey iyo caafimaadkayna Duwamish Valley! Haddii aad jeceshahay in aad ka qaybgasho Amaanka Wadooyinka Duwamish Valley kala soo xariir www.dvafestreets.org ama email dvsafestreets@gmail.com. Waxaa kaloo kala socon kartaa Facebook, Twitter, iyo Instagram: @dvsafestreets. -Peaches Thomas, Duwamish Valley Safe Streets


SEATTLE NEIGHBORHOOD GROUP Kooxda Seattle Neighborhood Group waxay mashquul ku ahaayeyn sanadkaan South Park .Qaar ka mid ah howlaha qabteeyn waa kuwaan: Waddada: 8th Avenue Trail River City SkatePark Underpass Lighting on Cloverdale Amaanka 7th/8th Ave and Cloverdale Safety Joornaalka: This Newsletter Kooxda Qoritaanka Dhalinyarada: Youth Writing Group 3 Murals Public Safety Problem-solving Community Safety Trainings

Haddii aad jeceshahay akhbaaro fara badan ama aad rabto in aad ka qaybgasho mashaaricdaan, la soo xariir:

Dennis Diaz (dennis@sngi.org) ama Jake Hellenkamp (jake@sngi.org)

RIVER CITY SKATE PARK WARABIXIN River City SkatePark wuxuu ku guulaystay dhaqaalayn ka yimid Duwamish River Oppotunity Fund sidii loo samayn lahaa dhul loogu talo galay inay dhalinyaradu ku ciyaaraan sidoo kale deegankan dadka daeganina ay kulanada ku yeelan karaan, waxaanu ku xigaa wadada Cloverdale. Sandka 2021 waxaanu bilaabaynaa tababar ay qaadan doonaan ardayda dhigta Concord Elementry oo ah Skate. Waxaana la shaqaalayn doonaa Valley Youth Corps sidii ay u ilaalin lahaayeen nadaafada meeshaa. Waxaanu u baananay caawimo badan, fadlan la soo xidhiidh jake@sngi.org, hadii aad doonayso inaad ka qayb qaadatid amba aad warbixin ku saabsan arinkan heshid.

www.facebook.com/RiverCitySkatePark or www.instagram.com/rivercityskatepark

DE-ESCALATION TABABARKA

Kooxda iskaashiga ee Seattle Neighborhood Group iyo shaqaalaha Whitebird Rugta caafimaadka/CAHOOTS (www.whitebirdclinic.org) kana yimideeyn Eugene, Gobolka OR in ay qorsheeynayaan kordhinta tababarka degdega ah bisha Nofeembar dadka ku nool ama ka shaqeeyo South Park oo rabaano in ay bartaano siyaabaha loo cawinaayo dadka la kulmaayo dhibaatooyinka. Kooxdaan waxay ka kooban yihiin hay’ado samo-fal ah, Jaaliyada South Park Community Center, Maktabada, jaaliyada ganacsiga iyo dad yar oo deegaanka ah. Halkaan waa muraajacada siminaarka aqoon korsiga iyo akhbaargalinta halgeeyga maktabata South Park, Lupine Miller:


"Aniga si aad ah ayaa ugu faraxsanahay ka-qeybgalka kordhinta tababarka deg-dega ah laga bixiyey dariskeeyna. Goorka maktabada furneed, waxaan lala kulmi jiray dad musiibo ku dhacaday, iyo dad leh xalado caafimaad daro xaga miirka iyo qaabka jirka. Waxaynu ku dadaalna in aynu la shaqeynu kormeerayaasha si ixtiraam iyo qadarin leh qofkastaba, si loo daryeelo nabada cimilada deegaanka. Tababarkaan waxaa lagu bartay xeeladaha ugu fiican oo dadka jaha-wareersan lagu hagaajin lahaa xaaladahooda. Waxaa jira labo ashyaa oo aad muhiim ah. Mida koowaad waa muhiimada mahadcelinta iyo garashada farqiga u dhaxeeyo sida adiga kula tahay musiibada iyo sida xaqiiqada ah musiibada qofka. Mida labaad ee muhiimka ah waxay tahay nafsadaada yeesan raaci dhibaatada goorta ay dhacdo, hubi in aadan si dhaqsi ah ugu falcaliso una fiirso adigoo degan. Aniga waxaan aad ugu mahadcelinayaa habka galkaceelka ah loo adeegsanaayo tababarka, waxaana dareemayaa in oo cawini doono mustaqbilka shaqaalaheeyna. IWararka maktabada kale: Maktabada Seattle Public Library waxay ka helaysaa ashyaa badan in laguu haayo ama in aad ka qaadato laamaha makhtabada Southwest iyo High Point (akhbaaraha iyo saacadaha waxaa ka helaysa spl.org/Curbside) hadda waxaa la bilaaway barnaamijka cawinaata waxbarashada (tutoring program) qadka shabaka fasalada k-12 (go to spl.org/VirtualTutoring). Anagoo ah maamulka laanta South Park Branch waa idin tabay, waxaana rajeeneeynaa in aynu isku soo laaban doono oo aan is arki doono mustaqbilka. Fiiri cutubyada xiliga qaboobaha StoryWalk™ South Park Branch waxay ku siinayaa ashyaada dariishada ama qadka shabakada website- www.spl.org. Ha ilaabin in aad tageerto ardayda fasalada afaraad iyo shanaad Dugsiga Concord Internatinal Elementary goorta ay dhameeyaan wax-akhriska Global Reading Challenge Bisha Fabaraayo!

XARUNTA BULSHADA SOUTH PARK Xarunta Bulshada South Park waxay dhawaan furtay meel ardayda iskuulka dhexe iyo iskuulka sare lugu caawinayo.Waxaanay furnaan doontaa ilaa inta sanad iskuuleedka ka hadhay, waa bilaash Internet qabta, waxaa jooga shaqaalaha xarunta iyo shaqaale la yaqeeya dhalin yarada oo ka cawin doona wax barashada.Xaruntani waa meel xasiloon oo wax soo saar leh, taa soo suurta galinaysa in ardayda Seattle Public School qataan casharadooda,iyadoo shaqaale caawinaya oo taageeraya waxbarashadoodu joogaan, cuntadadana maalin walba la siinayo

Wixii warbixina ee in taa dheer la soo xidhiidh Halkan: www.seattle.gov/parks/find/teen-learning-hubs The January 2021 virtual recreation brochure is now available and can be viewed at the link below! Through virtual recreation you and your family can explore new opportunities to learn and engage from the safety of your own home. There are many options for all ages, some of them FREE. Registration is now open.

Wixii warbixina ee in taa dheer la soo xidhiidh Halkan: https://fal.cn/3co33


DRCC WARABIXIN 2020! Guryaha Raqiiska ah DRCC waxay sii wadi dontaa caawinta bulshada Ku dhaqan Duwamish Sidii ay u heli lahayd guriyo raqiisa, bishii Febraayo, ururka Habitat ayaa dhul badan ka iibsaday degaankan South park, dhawaana Seattle Office of Housing wuxuu siiyey caawin ururka Habitat Cotteges Project. Ururadan iskaashaday waxaa la siiyey lacag, si ay u gaadhsiyaan warbixintaa dadka guryahaa iibsan lahaa. Arinkana waa mid fursad u furtay qoysaska doonaya inay ku soo noqdaan South Park ama sii deganaadaan,ururadan is kaashaday waxay raadinayaan dhul iyo dhadkii dhisilahaa sidii loo dhisilahaa guryo kala duduwan, guryo cusub oo raqiisa ams la goyn karo iyo sidii loo badbaadin lahaa kuwa, kore ugu yaalay xaafada.DRCC waxa kale oy codkeeda gaadhsiisay ilaa iyo madaxda magaalada sidii si dhakhso ah loo suurto galin lahaa in guryo jaban ay bulshadan Duwamish Valley u hesho.

Badhitaanka Moss DRCC, qaybteeda hawada nadiifta ah waxay wada shaqaynayaan U.S Forest Service's Pacific Northwest Research Station iyo kooxa kale sidii loo ururin lahaa geedaha cagaarka ku baxa ee la yidhaa moss ee wax looga ogaan lahaa hawada iyo nadiifteeda.War bixinta laga soo saaro waxay caawin doontaa, sidii, dadka sharciyada dajiyaa ay u dhigi lahaayeen qalab soo qabta xaladaha degaankaa, ee loo raaci lahaa meelaha mihiimka ah,dadka baadhitaankan wadaa waxy sheegeen in arinka ugu mihiimsan yahay sidii loo taba bar lahaa ee loo xoogayn lahaa dhalin yarada si ay u noqdaan, saynisyahanada bulshada.

Superfund Update DRCC waxay si wayn u wada shaqeeyaan Environmental Protection Agency(uruka ilaaliya cimilada iyo wixii la dhidhiidha)Ururo aad u muhiima iyo bulshada ay waxyeelaysay cudurkan soo kordhay, si loo war galiyo,wax loo baro loona wada shaqeeyo: Sadex kulan oo aanu kaga hadaly sharciyda nadaafada iyo warbixino la xidhiidha. Kulan bishiiba mar lala yeeshay Ecology( dadku takhasusa siday bulshadu u wada noolaato iyo xidhiidhka ay yeelan karaan)Si looga wada hadlo siyaabaha kala duwan ee loo qaban lahaa mustaqbalka banaan baxyada deegaankan,sidii loo ururin lahaa ee loo qori lahaa is badalada dhacaSidii loo hor marin lahaa qabta nadaafada qaabil san, koxahn oo dhan ayaa ka qayb qatay sanadkan.Dougles Management Dock,Industrial Container Services,Crowley Marine Services 8th AVE S Snopac Property and Emerald. Wada shaqaynta Just Health Action(JHA)Si loo wacyi galiyo bulshada arimada ku saabsan hawada, aanay uga ilaalin lahaayeen qashinka iyo wixii dhibaato ku keenaya wabiga.

Duwamish Valley Youth Corps Ilaa iyo malintii uu Hogaamiyaha gobalkani ku dhawaaqay in guryaha la joogo cudurka awgii Bishii Maayo (March) Dhalinyarada Duwamish Valley Corps waxay ku mashquuleen sidii ay uga shaqayn lahaayeeh xidhiidhka iyo nabadgalyada dhalin yarada. Waxay la shaqeeyeen bulshada iyo farshaxano badan oo degaankan ku nool, waxay suurto galiyeen in 20 dhalin yarada ka mid ay ka qayb qaatan gaadhsiinta cuntada qoysaska u baahan,( waxay bixiyeed in ka badan 900 oo kartoon oo cunto ah oy gaadhsiyeen ilaa iyo 140 qoys) waxay ka qayb qaateed bixintii 250 mashin oo nadiifiya hawada in la gaadhsiiyo bulshada si loo hormariyo hawada aynu qaadano ee qiqii ay gubadku sababay keenay. Cadaalada cimilada DRCC waxay ku dhaqaaqday talaabo cad cad oo ah sidii lagu raadinlahaa qalab iyo maal hor mar kusamaynaya Cimilada wanaagsan iyo sidii looga shaqayn lahaa sharciyadii lagu gaadhi lahaa arinka. Waxaanu marti galinay kulano la is dhagaysanayo oo fikrada la kala qaadanayo ku saabsan sidii hawo caafimaad qabta lagu heli lahaa mustaqbalka.

contact@duwamishcleanup.org l Duwamishcleanup.org











Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.