9789178256563

Page 1


Nypon förlag info@nyponochviljaforlag.se www.nyponochviljaforlag.se Cinwaanka: Dhibicdayda yar ee cas Cinwaanka asalka ah: Min lilla röda Qoraa: Marie Oskarsson Jeldiga: Nils Olsson Hubinta xogta ku jirta buugga. Sofia Wickstrand Linhem, waa umuliso takhasus leh. © 2019 Marie Oskarsson iyo madbacadda Nypon Turjume: Musa M. Isse Översättning till somaliska av Musa M. Isse, 2020 Daabacaaddii koowaad 2020 ISBN 978-91-7825-656-3 Xigashada sawirrada: Jaldiga hore: Istockphoto.com, 8: Sudowoodo/Shutterstock, 12: Marochkina Anastasiia/Shutterstock, 15: corbac40/Shutterstock, 24: Makyzz/Shutterstock, 27: M-SUR/Shutterstock, 28, 32, 35, 39: Lex Collection/Shutterstock, 36: Sudowoodo/Shutterstock, 58: AveNa/ Shutterstock.



Waxa aan si weyn ugu mahadcelinayaa dhammaan dadkii aan waraystay iyo kuwii aqoonta iyo sheekooyinka ugu deeqay buuggan dhiigga caadada ka hadlaya.


Hordhac Dhammaanteen waa aynu kala duwannahay, siyaabo kala duwan ayaynu wax u aragnaa, una dareennaa. Sidaas aawadeed ayay u jiraan waxyaabo ay adag tahay in qofku uu u sharaxo dadka kale. Qofku waa in uu tijaabiyo si uu u fahmo wax ku cusub. Waxa aan rabaa in aan isku dayo in aan sharaxo sida uu qofku noqdo marka uu dhiigga caadada leeyahay. Marka aad buuggan akhrido waxa aad wax badan ka ogaan doontaa caadada iyo sida uu noqdo qofku marka uu dhiigga leeyahay. Waxa aan ka hadli doonaa wixii caadi ah iyo waliba sida loo raadsado caawimo. Halka shay ee keliya ee aan kuu iyo hal wax baan kuu ballan qaadayaa: Waxaad tahay caadi! Marie Oskarsson


Tusmo 1. Waa maxay caadadu?............................................... 9 Meertada caadada.................................................................12 Sidan ayay u shaqaysaa........................................................13 Sidee ayay u eeg tahay caadadu?...................................15 Muddo intee leeg ayay caadadu socotaa?....................17 2. Goorma ayay caadadu timaaddaa?........19 Baaluqidda – jidhka isbeddel baa ku dhaca..............19 Sidee lagu ogaan karaa in caadadu timid?.................21 La soco wakhtiga aad yeelanayso dhiigga caadada.......................................................................................25 3. Caadodhawr kee ugu fiican?.....................26 Caadodhawr xafaayad ah...................................................28 Marada caadada......................................................................31 Tambooniga siilka la galiyo.................................................32 Nigisdhawr.................................................................................35 Koobka caadada ....................................................................36 Khuraafaad ku saabsan xuubka bikrada.....................38 Barkin waraabe dabiici ah..................................................39 4. xaflad, wax aan laga hadli karin mise wax iska caadi ah......................................................40 Ma aha qof weyn....................................................................40 Lagama hadlaan.......................................................................42 Ma wax dhib badan baa? Maya!......................................43 Faallooyin bahdilid ah...........................................................46


5. calool xanuun, finan iyo calaamadaha la arko caadada ka hor iyo ka dib..............................................................47 Finan iyo nabaro......................................................................47 Madax xanuun..........................................................................48 Yalaalugo iyo calool xanuun..............................................48 Xanuunka dhiigga caadada................................................49 Dabeecadda oo is bedbeddesha...................................50 Calaamadaha la arko caadada ka hor iyo ka dib........ 51 Macaan jeclaysi.........................................................................52 Calool bararsan.......................................................................53 Caado si yar yar u imanaysa oo muddo dheer soconaysa...................................................................53 Naasaha oo damqada..........................................................53 6.marka uu tago dhiigga caadadu.............54 Tababar adag ............................................................................55 Miisaanka oo hoos u dhaca..............................................55 Cadaadis ama culays maskaxeed...................................55 Uur..................................................................................................56 Xilliga ay caadadu dumarka ka dhammaato ..........56 7. Caadada iyo labeebka........................................57 Marka wax ka qaldan yihiin jinsigaaga.........................58 8. Ma caadi baan ahay?............................................61 liiska ereyada..................................................................66 caawimo raadso oo wax badan akhri.....70


tuumbada ugxanta sidda

ilmagaleen

qaybaha jirka ee shiida balqanka

Meesha ugxantu ku samaysanto ee tuumbada ilmagaleenka

siilka

siilka afkiisa hore Murqaha ilmagaleenku waa kuwo adag! Waxa ay soo cadaadin karaan oo ay siilka dibadda uga soo saari karaan ilmaha dhalanaya. Isla murqahaa ayaa dibadda u soo saara dhiigga caadada.


1. Waa maxay caadadu? Caadadu waa dhiig ka yimaadda ilmagaleenka, kaasi oo dumarku helaan hal mar bishii. Dhammaan dadka ku dhashay ee leh hal ilmogaleen way heli karaan dhiigga caadada. Marka aad hesho dhiigga koowaad ee caadada waxa aad qaadi kartaa uur oo ilmo ayaa aad dhali kartaa. Marka aad caadada hesho waxa ay ka dhigan tahay in aanad uur qaadin. Dhammaan dadka ku dhasha ilmagaleenka ee leh ugxan-sidayaal waxa ay haystaan ugxan gaadhaysa hal milyan oo ugxan.

9


Marka ay da’daadu tahay 12 ilaa 13 jir kuma fikirtid in aad ilmo dhasho, waayo hawshaasi waa mid u taallo qofka weyn. Laakiin marka aad sidaa u dhalatay ayuu jidhkaagu isku diyaarayaa in uu uur qaado. Marka ay caadadaada koowaad timaaddo, waxa uu jidhkaagu ka guuray carruurnimo waxaanu isku beddelay qof weyn. Waxa ay taasi ka dhigan tahay in aad uur qaadi karto oo aad waalid noqon karto. Jidhku diyaar buu iska dhigayaa, xitaa haddii aanad ku fikiriyan in aad carruur hesho dhawaanahaan. Waa doqonnimo in caado ku dhicidda loo arko astaan qof weynnimo, sidii inaad hal mar qof weyn noqotay. Waa wax iska dabiici ah. Jirkaaga ayaa is beddelaya, waa intaas uun. Ella, 17 jir

10


Waxa ay ila tahay in ay nacasnimo tahay in qof yar oo 12 jir ahi yeesho dhiigga caadada. Ma jiro qof raba in uu carruur dhalo isaga oo da’diisu tahay 12 ilaa 13 jir. Bahar, 13 jir

Waxa aan ku jiray fasalka lixaad markii aan dhiigga caadada isku arkay. Waxa aan in badan kala sheekaystay hooyaday: ”Waa maxay waxani?” ayaan waydiiyay. ”Waa wax ku dhaca dumarka oo dhan”, ayay i tidhi. ”Imminka uur baad yeelan kartaa. Naag baad noqotay!" Hooyaday way ku faraxday markii koowaad ee aan dhiigga caadada helay. Waxa ay dubtay bur, waxaanay ii samaysay xaflad. Si weyn ayaanu u xafladaynay. Shirin, 16 jir

11


MEERTADA CAADADA

ugxansidaha qaybaha jirka ee shiida balqanka

1. qaybaha jirka ee shiida balqanka ayaa ku dhex korta ilmagaleenka

ugxan qaybaha jirka ee shiida balqanka

2. Ugxanta oo qaraxda. Waa fursad ay gabadhu uur ku qaadi karto.

dhiigga kaa yimaada = waa caado

qaybaha jirka ee shiida balqanka

3. Uur ma leh. Qaybaha jirka ee shiida balqanka waa ay burburayaan, waxaanay u soo baxayaan dibadda = dhiigga caadada.

12


Sidan ayay u shaqaysaa

Jidhka waxa aad ku leedahay laba ugxanside (waxa ay u eeg yihiin sida laba xabbo oo yicib ah). Halkaas waxa ka bilaabma wax hadhow noqda ugxan. Bil kasta waxa abuurma 300 oo ugxan ah. Qiyaastii 14 cisho ka hor inta aanad dhiigga caadada yeelan waxa ilmagaleenka gudihiisa ku weynaada qaybaha jirka ee shiida balqanka. (I). Waxa ay yeelataa dhiig badan, waxaanay noqotaa jileec. Toddobaad ka dib mid ka mid ah ugxantii ayaa weynaata. Waxa ay ka soo baxdaa ugxansidaha iyo gudaha tuumbada ugxanta sidda. (2) Hadda waxa qarxay ugxantaadii, waxaanad u dhaw dahay in aan uur yeelato. Haddii ugxantu la kulanto manida ama biyaha ninka waxa dhacda bacrimin. Ugxantu waxa ay haysataa 72 saacadood si ay u bacrinto. Waxaanay fadhiisataa ilmagaleenka oo meel jilicsan ah iyo qaybaha jirka ee shiida balqanka oo dhiig ka buuxo ilaa inta ay ka noqonayso ilmo yar. 13


Haddii aanay ugxantu la kulmin biyaha ninka ma dhacdo wax bacrimin ahi. Sidaasi darteed qaybaha jirka ee shiida balqanka ee ilmagaleenka ku yaalla wax shaqo ah ma qabanayaan, waxaanu jidhku noqdaa mid aan la shaqaynayn oo raba inuu ka takhalluso. Qaybaha jirka ee shiida balqanku way go’aan, waxaanay ka soo baxaan jidhka. (3) Haddii aad sidaasi dareento waxa aad ogaataa in aad yeelanaysid dhiiggii caadada. Dhiigga caadadu waxa uu astaan u yahay in aanad uur lahayn. Inta badan dhiiggu waxa uu qofka ka yimaaddaa marka uu xanuunsan yahay ama uu dhaawacmo, balse dhiigga caadadu la mid maaha oo waa uu ka duwan yahay. Dhiigga caadadu waa calaamad sheegaysa in aad caafimaad qabto iyo in uu jidhkaagu u shaqaynayo sidii loogu talogalay oo aad uur qaadi karto.

14


Sidee ayay u eeg tahay caadadu? Maaddaama oo dhiigga caadadu yahay dhiigga ka buuxa qaybaha jirka ee shiida balqanka, waxa uu yeelan karaa midabyo kala duwan. Sida casaan ama bunni. Waxa uu sidoo kale noqon karaa dhiig fudud oo si yar u dareera ama mid xinjiro ah. Dhiigga midabka casi waxa uu ka yimaaddaa xididka dhiigga ee qaybaha jirka ee shiida balqanka. Xinjiraha bunniga ahina waa qaybo yar yar oo ka mid ah qaybaha jirka ee shiida balqanka ama dhiig yar oo xinjiroobay. Wax layaab leh ayuu u eekaan karaa, balse waa wax iska caadi ah oo aan dhib lahayn. Maalmaha ugu horreeya ayuu dhiigga ugu badani ka yimaaddaa dumarka, waana marka qaybaha jirka ee shiida balqanku dhiigga soo dayso.

15


Su’aalaha ku saabsan dhiigga caadadu way badan yihiin. Goorma ayaan heli karaa dhiigga caadada? Maxaa jidhka ku dhaca? Qofku muxuu dareemaa marka uu dhiigga caadada leeyahay? Jawaabahaas oo dhan waxa aad ka helaysaa buuggan Dhibicdayda yar ee cas – buuggan waxa loogu talogalay inta dhiigga caadada leh ama inta yeelan doonta!


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.