camera, which can be anything from a compact GoPro to a much larger DSLR. YouTube is filling up with videos of people’s home towns, coastlines, sports and landscapes, all taken from aloft using cameras attached to drones. It’s a wonderful new look at our world from an angle that few get to see first hand. Several retailers, including Amazon, have announced plans to make deliveries by drone and it is thought that within a decade a significant percentage of courier deliveries will be made in this way. DHL has also started its own research. In the United Arab Emirates, work is under way to use drones to deliver important documents. The environmental impact is obvious, taking vehicles off roads; but, in addition, urgent or time-sensitive consignments such as food supplies or medicine can be delivered in minutes, assuming the customer is close enough to the warehouse.
Restrictions Contrary to some opinion, the use of low-level drones is not unrestricted. There are both safety and privacy concerns over their usage. Many countries are developing legislation to ensure public safety and confidence – for example, how high they can be used without a licence, how close they can
BAL KA SOO DAAWO ADDUUNKA XAGAL AMA DHINAC CUSUB Marka la soo hadal qaado diyaaradaha aan duuliyuhu wadin ee loo yaqaan “drones” waxa maskaxdaada ku soo dhacaya ciidan iyo diyaarad wax basaasta.Laakiin sancada ama tiknoolajiyadu waa ay sii horumaraysaa oo waxa mar walba soo baxaya qalab cusub oo aan aad ba u weyneyn balse inoo sahla wax badan oo nolosheena ah. Waxa ka mid ah oo aad loo hadalhayaa imika waa diyaarada is-wada oo ah hal-abuur cusub oo aad isticmaalkeedu u badanayo, iyada oo aan aad u weyneyn balse qabanaysa shaqadii aay qaban lahayd diyaarad weyni. Sida internet-ka oo kale, oo isaga laftiisu ahaa markii hore ahaa hindise ka yimi ciidamada, ayaa diyaaradaha is-wada laftigoodu ugu soo wareegaan gacanta dadka wax farsameeya ee rayidka ah oo iyagu markii dambe ka dhigay wax caalamka wada gaadhay. Qalabyadda is haga,kuwa wax tebiya,kamaradaha iyo dhamaan farsamada komboyuutarku waxa ay noqdeen qaar baaxad ahaan aad u yar oo qiimahooduna hooseeyo oo la iibsan karo.Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay suuqa ama dalabka diyaaradaha yar yar ee is-wadaa waxa uu noqday mid kor u kaca iyada oo waxyaabaha loo isticmaalaa ay sii kordhayaan mar walba.Wax badan oo sancada tiknoolajiyada ku shaqaysa ah ayaa laga soo qaatay taleefanada casriga ee gacanta lagu qaato ee loo yaqaan “smartphones” ee ku shaqeeya taabashada. Marka lagu daro sawirada laga qaado dusha ama joog sare,waxa kale oo loo isticmaalayaa in lagu ilaaleeyo ama lagula socdo duurjoogta,in khariiradaha dhulka lagu sameeyo, maamulida beeraha waaweyn iyo xitaa hawlaha badbaadinta iyo samatobixinta ah marka uu shil dhaco. Noocyada la helo qaarkood qaali maaha oo qiimahoodu waxa uu ka bilaabmaa wax yar oo ku siman ilaa $40 oo, sida muuqata, in yar uun ka qaalisan waxyaabaha ay caruurtu ku ciyaarto.Haddii aad lacagta kordhiso waxaad helaysaa qaar loo isticmaali karo hawlaha ganacsiga sida qaadida sawirada iyo samaynta filimada muuqaalka ah. Iyada oo la duulin karo xitaa haddii aad isaga ciyaarayso,ayaa haddana waxa ay intooda badan leeyihin kamarad ama qalab sawirada qaada oo ku samaysan ama laguba dhejiyay oo leeg nooca gacanta lagu qaadan karo ee “GoPro” ah ama mid weyn oo ah nooca loo yaqaan “DSLR” ee shiishka dheer leh. Waxa inta badan ka buuxa bogga Youtube muuqaalo badan oo magaalooyin, xeebo,goobo ciyaareed iyo dhul kala duwan oo lagu soo qaaday dhamaantood iyada oo la isticmaalayo diyaaradaha yar yar ee is-wada oo lagu dhejiyay kamarad.Waa wax aad u xiiso badan in aad meel xagal ah ama dusha sare ah wax ka soo sawirto si aad u hesho muuqaal aan hore loo arag. Goobo badan oo alaabooyinka gadda,
oo uu ka mid yahay Amazon, ayaa ku dhawaaqay in waxyaabaha laga dalbado ku diraan iyaga oo isticmaalaya diyaaradahaa yar yar ee aan cidi wadin, iyada laga yaabo in muddo 10 sano gudahood ah wax badan la isugu diri doono. Shirkada DHL ayaa iyadu wada cilmi baadhis arrintan ku saabsan.Wadanka isu-taga Imaaraadka Carabta waxa socota in la isticmaalo diyaaradaha yar yar marka la isu dirayo waaraqaha muhiimka ah. Dhinaca kale,waxa muuqata in ay saamayn ku yeelanayso deegaanka waayo waxa is dhimi doonta tirada baabuurta ee la isticmaalo.Waxa kale oo jirta in shixnadaha deg dega ah ee sida cuntada ama daawooyinka la isku gaadhsiin karo qadar miridho gudahood ah marka uu qofku u dhow yahay bakhaarka alaabta laga soo dirayo.
Sharciyada lagu xakamayno Isticmaalka diyaaradahan yar ee is-wada waxa jira sharciyo lagu xakameeyo isticmaalkooda inkasta oo dadka qaarkood laga yaabo in aanay rumaysan.Waxa jira walaac laga qabo xaga amaanka iyo in loo isticmaalo wax yaabo dhaawici kara xaqa qofku u leeyaahay in aan nolishiisa gaarka lala socon ama la basaasin.Wadamo badan ayaa imika soo saaraya shuruuc lagu damaanad qaadayo amaanka dadweynaha iyo in aan loo isticmaalin in lagu farogeliyo nolosha iyo sirta dadka kale - waxaa ka mid ah, tusaale ahaan, inta ay kor u duuli karaan iyaga oo aan haaysan rukhsad ama ogolaanshiiyo,inta ay u dul mari karaan goobaha ay dadku deganyihiin ama inta ay u jirsan karaan dhismayaasha haddii ay wax duubayaan. Wadamo badan waxa jirta dad si gaar ah isaga jecel in ay duuliyaan ama isku madadaaliyaan diyaaradahan yar yar ilaa joogga la ogolyahay oo laakiin aan ka lahayn ujeedo ganacsi.Waa in ay duulaan ilaa joog uu qofka hagayaa arki karo. In muuqaal ama filim laga duubo goobaha aan dadka loo ogolayn ama goobaha u dhow madaaradda iyo in sawiro lagaga qaado xafladdaha sida gaarka ah loo qabsado ama goobaha dadka caanka ah aay joogaan, waa waxyaabaha diyaaradahan is-wada ay u isticmaalaan sawirqaadayaashu dabagala dadka caanka ah. Wadamo badan weli sharciyada lagu xakamaynayaa si fiican uma qeexna,balse waxa haboon inta aanad isticmaalin in aad deristo sharciyada meesha aad joogto u dejisan.Iyada oo la saadaalinayo in diyaaradahan yar yar aay ka noqon doonaan 10 % marka la eego suuqa dhinaca diyaaradaha ama duulista hawada 10 ka sano ee socda, ayaa ururka Midawga Yurub waxa uu ka fikirayaa sharciyo adag oo lagu maamulo. Waxa la aaminsan yahay in Maraykanka laga helayo diyaarado yar yar oo si gaar ah loo leeyahay oo ka badan inta aay haay-
jubbaairways.com
39