Halgan press vol 4 08 35 47 08 35 47

Page 1

Explore the

only one magazine

HALGAN

PRESS

ISSUE NO 1VOL 13 Adress :Libakkveien 26 Postnr :1184 Oslo Tlf : +4745793051/40611811 Epost: info@halgan.no


HALGAN PRESS

LAHADAL DAD KAAGA USHEEG SHACAB KAAGA

MAQASHII FIKIR KAAGA QAADO TALADOODA SOO GAARSII

2 36


tusmada magazine ka SHIRKII HIIGSIGA SOMALIYA 2016

FADUMO IYO XAWOTAAKO

XUSKA GALMUDUG SOLO NORWAY

SAFARKII SIINLAYO IYO GOBALADA SOMALILAND

SHEEKO JACEELKU WAA NOLOL NOLSHUNA WAA JACEEL SHEEKO ILA OOY

SHEEKO MURUGA LEH

CAAFIMAAD KA

XAFALADII PUNTLAND OSLO

DHAR HIDIYO DHAQAN AROOS

OBAMA IN AFRICA

THE CELEBRITY THE MOST CELEBRITY OFF SOMALIYA MUWADINTA SOMALIDA UGU CANSANA DHINACA MIDEA HA

XILDHIBAAN SACIID IYO CASHO SAHARF

HIDO IYO DHAQAN HIDAHA IYO DHAQANKA SOMALIYE HIDAHA IYO DHAQANKA SOMALIYEED WAA MIDA AAN KU FAANO HADAAN NAHAY UMADA SOMALIYEED

HANANO CAWINATA AGOONTA FANKA IYO SUGANTA FANAKA IYO SUGANATA FANAKA IYO SUGANATA WAA HIDAH IYO DHAQANAKA SOMALIYEED

QISO KU SABASAN RASUUKA N.N.K.H SOMALI SPORT NORWAY CUP

3 36


siyaaasada maanta

Shirka Hiigsiga Somalia 2016

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo maanta furay shirka Hiigsiga Somalia ee 2016-ka oo Muqdisho lagu qabanayo ayaa ka hadlay arrimo badan oo Dowladda ku Guuleystay iyo kuwa haatan lagu Wajahan yahay. Xasan Sheekh ayaa mar uu ka hadlay sida looga faa’ideysanayo iyo sida loo wado Hiigsiga 2016ka ayuu sheegay inuu ka xun yahay meesha inaysan ka muuqan Somaliland, Laakiin wuxuu sheegay in Shacabka ku dhaqan deegaanada Somaliland ay ka faa’iideysan doonaan mashaariicda Hiigsiga 2016-ka. Waan ka xumahay in Somaliland aysan nagala soo Qayb-galin shirka, balse Dowladda FS waxay hubanti ka dhigi doontaa in Shacabka Somaliland ay ka faa’iideystaan mashaariicda Hiigsiga Cusub ee Somalia. Sannadkii 2013-kii, Baarlamaanka Somalia, Beesha Caalamka iyo Maamul-goboleedyada waxay isla Ansixiyeen nidaam iskaashi oo ku dhisan is-faham & Waxqabad, iyadoo la Higsanayo hal gool oo laga Mideysan yahay, kaasoo ah in la gaaro Somalia oo nabad iyo barwaaqo ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

sheegay in hogaaminta Barnaamijka Hiigsiga Cusub ay udub-dhexaad u yihiin shacabka Soomaaliyeed. Waxaa udub-dhexaad u ah Hoggaaminta Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Sannadka 2016ka Shacabka Soomaaliyeed; iyadoo la raacayo Muhiimadaha ay dowladda Somalia dajisay, kuwaasoo ku qotoma Miisaaniyadda Dalka, iyadoo howsha loo qabanayo si isku-xir ku jirta, si aysan u dhicin in hal shay dhawr jeer la qabto,” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. “Somaliland, Jubbaland iyo Puntland waxay muhiim u yihiin Hir-gelinta Soomaaliya cusub oo ku dhisan dimuqraadiyad iyo nabad kuwada noolaansho. Dadaal badan ayaan sameynay aniga iyo RW Soomaaliya, kuwaasoo aan ku doonaynay in maamullada Jubba iyo Puntland ay Shirkan kasoo Qayb-galaan, hase yeeshee way ku Gacan-sayreen. Laakiin Waxaanu sii wadaynaa inaan Wadahadal iyo wada-tashi la yeelanno dhammaan Qaybaha kala duwan ee d a l k a , s i a a n Wa d a j i r d i b u g u d h i s n o Soomaaliya,” ayuu yiri Xasan Sheekh. 4 36


siyaaasada maanta

Shirka Hiigsiga Cusub Somalia

Rw. Cabdirashiid Sharmarke Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Doorashooyinka ayuu sheegay in Sannadka 2016-ka aysan ka dhici karin Waddanka doorasho ku dhisan qof iyo cod, marka xaaladda dalka ka jirta loo eego, balse la darsayo Qaababka kale ee Suuro-gal ah oo looga sameyn karo dalka doorashooyin horseeda dhismaha Baarlamaan iyo Xukuummad cusub. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka furmay Shir looga hadlayo Hiigsiga 2016-ka, Waxaana Shirkaan ka Qayb-galaya Xubno ka socda Qaar ka mid ah Waddamada Beesha Caalamka iyo Maamullada dalka ka jira Qaarkood.

Md. Hassan Shiiq Ugu dambeyn, Waxyaabaha Hiigsiga Cusub ka Qabsoomay waxaa ka mid ah lix Mashruuc oo ay ku baxday 240-Milyan oo Doollarka Mareykanka ah, sidoo kale waxaa la Sameeyay Maamullada KMG ah, iyadoo ay dhiman tahay dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waxaana la sameeyay Guddiyada dib-u-eegista dastuurka KMG-ka ah, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

5 36


fadumo dayib iyo xaawo taako

haawo osman tako

Somali President Candidate 2016 fadumo dayib

Assallaamu Calleykum Waraxmatullaahi Wabarrakaatuhu, Ma kuu sheegaa haweeneyda ugu kartida badnayd aduunka? Waa Xaawo Taako. waxay lahayd shaqsiyad hogaamineed oo Gobonimo u dirir ah. kuna sifoowday Daacadnimo iyo Geesinimo. Sida sawirkaba kaaga muuqda, gacanteeda midig waxay ku sidatay Qori ay ugu ku raadinaysay Gobonimo iyo madax banaani. Gacanteeda bidixna, waxay ku sidatay Yaanbo iyo Badiil oo ay ku qodaysay Qabri, si sharaf lehna ugu sagootinaysay halgamayaashi ku shahiiday dagaalkii Gobonimo doonka. Waxaa xusid mudan in dagaalka oo socdana ay nuujinaysay canugeeda, kaas oo ay ku haminaysay inuu maalin un ka barbar dagaalamo halgamayaasha. Xaawo intaa kaliya kuma aysan ekeysan waxqabadkeeda oo waxaa ay hurtay hantideeda, iibisayna dhamaan dahabkeeda. Waxaa kale oo ay ka aruurinaysay Dumarka la mid ka ah lacag Qaaraan si halganka xurriyadda u miro dhalo. Arrinkaas oo ay ku mutaysatay in sawirkeeda lagu muujiyo 100-ka Shilling ee lacagteena ah.

Waxaa nasiib darro ah in qofkaasi qiimaha badneeyd ay ku dhimato falaar ka timid muwaadin Soomaaliyeed oo caqligiisa la gatay , moodayna in gumeystuhu xaq ku taagnaa. Waxaan adkeynayaa in Xaawo Taako iyo dumarka Soomaaliyeedba ay qaateen, qaadan doonnaana doorka uga aadan nabad ku soo dabaalida dalkeena. Waxaan cadeynayaa inaan isku hilqaamay dhameytirida hawshii ay ka tagtay Hawo Tako. Waxaan kale oo go’aansaday, diyaarna u ahay inaan naf iyo maal u huro Dalkayga iyo Dadkayga. Ogsoonow, isku duubnideena, Codkaaga iyo taageeradaada, waa waddada kaliya aan ku soo nooleyn karno taariikhdaas dahabiga ah, kuna xaqiijin karno Soomaaliya oo Nabad iyo Barwaaqo ah.

7 36


Xaflad aad u balaaran oo aay soo qaban qaabiyeen Jaaliyada Galmudug State ee ku nool Norway. ayaa lagu qabtay Oslo taariikhdu markay ahayd 08.08.2015. Xafladaa oo lagu soo dhowaynayey Madaxweynaha iyo Xubnaha cusub oo aay ka kooban tahay Galmudug State. Waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u fara badan, oo soo buux dhaafshay Hoolkii lagu qabtay Xaflada, dadweynahaa oo ka kala yimid magaalooyin fara badan oo ku yaal Norway. Xafladu waxay ahayd mid si heer sare ah loo soo qaban qaabiyey, mudana laga sii shaqeeyey sidii aay u dhici lahayd. Dadweynaha ka soo qayb galay Xaflada waxay isugu jireen Bulshada noocyadeeda kala duwan sida Odayaal, Waxgaradka magaalada Oslo, Culuma udiinka wadankan Norway, Dhalinyaro iyo Fanaaniin. Waxaa dadka maaweelinayey oo heeso macaan u qaaday Fanaanada weyn ee Maryan Mursal, waxaa iyagana meesha aan ka maqnayn fanaaniinta loogu jecel yahay Oslo, Mahad Jeesto iyo Xuseen Nuuriyoow. Xafladu waxay ahayd mid dadkii ka soo qayb galay aay aad uga heleen, waxaa xaga qadka Telefoonka dadweynaha kala soo hadlay Masuuliyiinta ugu sareysa Galmudug State.

8 36


XAFALADIII

14 36


MADAXWEYNAHA SOMALILAND SIILAANYO OO SAFAR KU SOO MARAY GOBOLADA BARIGA SOMALILAND

Wafdi aad u balaadhan oo uu horkacayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo ) ayaa safar dheer ugu kicitimay Gobolada Bariga Somaliland. Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku weheliya 13 ka mid ah golihiisa Wasiirada, Madax Dhaqameed iyo Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye. Socdaalka Madaxweynaha oo muddo shan maalmood ah qaatay, wuxuu ku soo maray Goboladda Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag. Nuxurka socdaalka Madaxweynuhu wuxuu ahaa, in uu soo qiimeeyo halka uu marayo dhismaha jidka isku xidha Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, iyo in uu mashaariic kala duwan ka furo xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood, mashaariicdaasi oo ah kuwii ugu horeeyay ee laga furo, oo ah jidad laamiyo ah, marka laga tago wadada dheer ee magaalada dhex marta waxay ahaayeen jidad kale oo magaalada dhex mari doona. Socdaalka uu ku tagay Gobolka Sanaag, oo uu ka socdo mashruuca ugu weyn dalka, kaasi oo ah wadada isku xidhaysa Burco iyo Ceerigaabo, wadadaas oo ah 370 KM, iyadoo la doonayo in jidkaasi la dhameeyo, waxaa uu Madaxweynuhu soo maray 150 KM oo ka mid ah jidkaasi oo qaybna Daamuurkii la saaray, inta kalena carro kaawadii ay taalo. Ugu danbayntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ugu baaqaya shacabka guddo iyo dibadba in aay ka qayb qaataan horumarka dalka ka socda.

18 36


JAALIYADA SOMALIEED EE PUNTLAND AYAA XAFALAD BALARA KU QABATAY MAGALADA OSLO EE WADAN KA NORWAY TAASO LOOGU DABAL DAGAYAY SANAD GUURADA 17 EE ASASKII MAMUL GOBALEED KA PUNTLAND TAASO EEY KASOO QEEYB GALEEN INDHEER GARADA KA KASOO JEEDA PUNTLAND IYO DAKA KALE EE SOMALIYEED EE KU NOOL MAGALADA OSLO WAXAA DHANKA KALE JOGAY

FANANII CAAN AH SIDA LAKI HAJI WACEYS IYO ABDI HOLLAND IYO FANANIIN KALE OO DAGAN MAGALADAN OSLO XAFALADA OO LOO SOO QABAN QABIYAY SI HEER KEEDU U SAREEYO DAKII KASOO QEEYB,GALAYANA EEY KU FARXEEN .. HALGAN PRESS OO GOOB JOOG HAYEET

17 36


Barack Obama waa Madaxweynihii 44-aad ee Mareykanka, waana nin asal ahaan ka soo jeeda Dalka Kenya. Waxaa dhalay Xuseen Obaama oo ka soo jeeda magaalada Nyangona, oo ku geeriyooday shil gaari 1982-kii ( Gudaha Kenya ) hooyadii ( Ann Dunham ) oo aheyd Gabadh Cadaan ah oo ka soo jeeda magaalada Kuchita ee Gobolka Kansas ee Dalka Mareykanka.

Waxaad dareemeysaa dalka Mareykanka oo isku sheega inuu yahay dalka ilaaliya xuquuqda bani aadamka, oo uu weliba Madaxweyne ka yahay nin madow oo ka soo jeeda Afrika ilaa maanta waxaad arkeysaa in askarta cadaanka ah hadii aay dilaan qof madoow in aan waxba laga soo qaadeyn oo weliba xeerarkii iyo sharciyadii hos u dhigayay dadka madoow weli aan waxba laga bedelin.

Hooyadii iyo Aabihii waxay is guursadeen iyagoo dhigta jaamacad Hawai - University 1960-kii halkaa oo uu aabihii Vissa ku joogay. Obaama wuxuu dhashay 04/08/1961 waxay hooyadii iyo aabihii kala tageen isagoo Afar sano jir ah.

Labo jeer ayuu ku guuleystay Obaama Seneternimadii oo wuxuu ka mid noqday Congresska Mareykanka wuxuuna noqday ninkii shanaad ee Madoow ee seneter ka noqda isagoo laga soo doortay Gobolka Chicago. Madaxweyne

Hooyadii sanad kadib waxay guursatay nin Muslim ah oo reer Indonesiya oo la odhan jiray Loloseotora oo ahaa nin Ganacsade ah. 1965 ayaa hooyadii iyo odeygeedi cusbaa ee ay guursatay waxay u guureen dalka Indonesiya iyagoo kaxeeystay Obama.

nimadana waxaa loo doortay 04/11/2008kii markii hore isagoo mar labaadna ku guuleystay 2012kii. Obama waa qoraa waxa lagu xusuustaa Buugiisii DREAMS OF MY FATHER ( Himiladii Aabahey ) oo uu kaga waramayay qoyskooga iyo buugiisii 2aad AUDACITY OF HOPE ( Dhiiranaanta Rejada )

Tacliintii hoose wuxuu ka galay Magaalada Jakarta ee dalka Indonesiya, iskuul ku yaala ilaa Toban Jirkiisii ayuu dhiganayey. Wixii ka dambeeyay 1971-kii wuxuu ku soo noqday Gobolka Hawai ee dalka Mareykanka oo ay ayeeydii hooyo deganeyd, wixii intaa ka dambeyay wuxuu ku sugnaa oo uu wax ku bartay dalka Mareykanka Obaama Mareykanka wuxuu kala kulmay markuu yaraa dhibaatooyin iyo cunsuriyad, oo wuxuu la mid ahaa dadka madoow ee ku noolaa Mareykanka, arimahaa waxaa cadeeynayo 23/07/1995-kii warqad uu u qoray Obama walaalkii Maalik oo ku nool dalka Kenya, xiligaa oo uu Obama uu ahaa Qareen u dooda dadka Madow ee Gobolka Chicago. Warqadaa waxaa daabacay wargeyska DAILY MAIL wuxuu walaalkii u sheegay dhibaatooyinka haysta dadka madow ee Mareykanka iyo Dulmiga lagu hayo. Waxa kale oo uu u sheegay qaar saaxiibadii ka mid ah inay kula taliyeen inu u u tartamo Aqalka Sanetarka Mareykanka si uu ugu doodo xuquuqda dadka Madoow, isna wuu la qaatay arintaa.

Barack Obama and his mother, Ann, in 1963.

13 36


siyaaasada maanta

Obama In Africa Waxaa goor dhow kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi diyaaradii waday Madaxweyne Barack Obama oo si weyn looga sugaayay wadankaan Kenya. Obama, ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo xubno ka tirsan xukuumadiisa. Iyadoo sidoo kale soo dhaweyntiisa ay ka qeyb galeen dad weyne tiro badan oo ay hogaamineysay Ayeydiis Aabihiis soo korisay ee Sarah Obama, oo ah xaaska saddexaad ee awoowgiis aabihiis dhalay. Sidoo kalana ah qofka ugu weyn ee ka nool qaraabadiisa Kenya. Barack Obama oo lagu wado inuu Kenya joogo maalmaha soo socdo, ayaa wuxuu 25 iyo 26-ka bishaan oga qeyb gali doonaa Nairobi - Shirka caalamiga ah ee Ganacsiga (GES) Global Entrepreneurship Summit, oo sanadkaan markii ugu horeysay ka dhacaayo Bariga qaarada Africa. Wuxuu sidoo kale Axada soo socoto uu Madaxweyne Obama kula hadli doonaa Garoonka Kubada Cagta Kasarani ee magaalada Nairobi, shacabka Kenya oo si weyn u sugaayo iney la kulmaan Madaxweynaha Mareykanka ee Aabihiis uu ka soo jeedo Kenya. Dhanka kale wararka horu dhaca ah, ayaa tilmaamaayo in Madaxweyne Obama xubno ka tirsan qoyskiisa oo ay ka mid yihiin labadiisa gabadhood ee Sasha iyo Malia, aynan ku wehlinin safarkaan xili warbaahinta Kenya qaarkood ay horay u sheegen in qoyska Madaxweynaha ay u dhan yihiin booqashadaan. Obama oo safarkaan uu u noqonaayo kii afaraad ee uu ku yimaado Qaaradda Afrika tan iyo markii xafiiska loo doortay, ayaa wuxuu horay u tagay dalalka Koonfur Afrika, Senegal, Ghana iyo Tanzania, isagoona sanadii 2013-ka mar uu booqday wadanka Tanzania oo daris dhow la ah Kenya oga dhawaaqay, qorshaha dowladda Mareykanka ay ku horumarineyso qaarada Africa oo uu sheegay iney ku baxeyso lacag dhan 7 Bilyan oo dollarka Mareykanka ah. Sababaha uu Obama horay ugu soo booqan waayay dalka Kenya, ayaa lagu sheegay iney qeyb ka aheyd dacwadii Maxkamadda ICC oga socotay Madaxweynaha Kenya- Uhuru Kenya oo markii dambe ay Maxkamada caalamiga ah ee dembiyada dagaalku ay joojisay. Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Mareykanka, ayaa booqashadaan uu hada ku yimid Kenya waxey noqoneysaa tii ugu horeysay ee Kenya uu ku yimaado tan iyo intii uu xilka hayay.

Jaceeyel walaaltinimo

6 36


XILDHIBAAN SAID AMIIN OO CASHO SHARAF USAMEYAY ODAYASHA OSLO

26 36


CAAWI AGOONTA SOAMLIYEED GARAB ISTAAG HANANO FOUNDATION Warbixin ku saabsab waxqabadka Hanano foundation iyo Zakatulfitri sanadka 2015. Hanano Foundation sanadkaan waxaa u suurta gashay in ay soo aruuriyaan lacag dhan =5237 Dollar waxana ka faaidaystay dad isugu jira Agoon iyo dad danyar ah oo qiyaastii gaaraya 1200 oo qof. Hanano Foundation waxay sanadkasta Zakatulfitriga ka soo aruurisaa dadka muslimiinta waxayna gaarsiisaa ama u dirta agoomaha iyo dadka danyarta ah ee ku nool dalka Somalia. Hanano Foundation waxay gacanta ku haysaa oo si toos ah u xanaanaysaa 100 agoon ah. waxaana laga caawiyaa, 1-waxbarashada maadi iyo diin, 2-quudinta, 3-camimaad iyo school uniform.

11 36


Sida la wada ogsoon yahay nasabka Rasuulka SCW ama abtirisiinyihiisu wuxuu galaa nabiyullaahi Ismaaciil oo uu dhalay nabi Ibraahim. Abtirsiinyada nabiga SCW waxay u qaybsantaa saddex qaybood: Qaybta u hooreysa marka nabiga SCW laga soo bilaabo waxay ku eg tahay ilaa Cadnaa, waana qayb culimada islaamka oo dhan ay isku waafaqsan tahay isla markaasna la hubo sixadeeda; Qaybta labaad oo iyaduna ka bilaabato Cadnaan waxay ku eg tahay ilaa nabi Ismaaciil, hase yeeshee waa qayb ay culimadu isku khilaafsan tahay sixadeeda in badan oo culimada ka mid ihina way ka gaabsadaan, qaar kalena way ka hadlaan; Qaybta saddexaad oo ka bilaabata nabi Ismaaciil ilaa laga gaaro nabi Aadan aad ayaay u adag tahay xaqiijinteeda iyo sixadeeda waxana wanaagsan in laga dhowrsada oo aan la dhex dabaalan. Waxaan markaa soo qaadaneynaa qaybta ugu horreysa ee ay culimada islaamku isku waafaqsan yihiin dhabnimadeeda hadday noqon lahaayeen kuwii hore iyo kuwii dambeba, waxaana weeye sidatan: Maxammed binu Cabdullahi binu Cabdimudhalib (Shaybah) binu Haashim (Camar) binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu Kacab binu Nadar (Qays) binu Kinaana binu Khuseyma binu Mudrik (binu Ilyaas binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu Cadnaa. Rasuulka SCW jilibkiisa waxaa la oran jirey reer binu Haashim, waxaana loogu magac daray awoowgiisii labaad, Haashim binu Cabdimanaaf. Haashim wuxuu ahaa nin ka sheegganaa reer Makka, wuxuu waraabin jirey xujeyda oo uu aabbihiis Cabdimanaaf ka dhaxlay, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee jideeyey labadii safar ee suuratul Quraysh sheegtay oo ay qurayshtu u kala safri jirtay Shaam iyo Yamaan. Haashim Wuxuu dhalay afar wiil oo kala ahaa: Asad, Abu Seyfi, Nadla' iyo Cabdimudhalib iyo shan gabdhood oo kala ahaa: Sharaf, Khaalida, Daciifa, Ruqiya iyo Junna. Waxaa sagaalkooda ugu yaraa Cabdimudhalib oo ahaa nibiga SCW awowgiis.

Cabdimudhalib siduu ku dhashay waxay ahayd aabbihiis Haashim ayaa Safar ugu kacay Shaam, wuxuuna sii maray Madiina oo uu ku guursaday kulana aqalgalay Salma bintu Camar. Haashim wuxuu sii watay safarkiisii Shaam. Markuu Shaam tegey ayuu xanuunsaday, muddo dabadeedna wuxuu ku geeriyooday magaalo la yiraahdo Qusa oo Falastiin ku taala. Salma, oo uur lahayd markuu Haashim tegey, waxay dhashay wiil ay u bixisay Sheyba. Haashim markuu dhintay waxa mas'uuliyaddii waraabinta xujeyda qaaday walaalkiis Mudhalib. Mudhalib markuu hawshaas muddo hayey ayuu Madiina aaday si uu u soo wado wiilkii uu walaalkiis Haashim ka tegey (Sheyba). Markuu Madiina yimid ayuu Salma ka codsaday inay wiilka ku darto hase yeeshee way u diidday, markaasuu ku yiri "waxaan u dhiibayaa hawshii aabbihiis iyo xaramkii Alle", sidaa ayeyna ugu dartay. Mudhalib markuu Makka ku soo noqday isagoo wiilkuu adeerka u ahaa wada, ayaa waxaa arkay dadkii Makka joogey markaasey wiilkii u maleeyeen addoon uu Mudhalib soo iibsaday sidaas darteed ayey wiilkii ku dheheen Cabdimudhalib (addoonkii Mudhalib), markaasuu mudhalib ku yiri "war hooggiinee, waa wiilkii walaalkay Haashim". Sidaas ayaa wiilkii Sheyba ahaa kula baxay naaneystaas Cabdimudhalib. Cabdimudhalib wuxuu dhalay toban wiil iyo lix gabdhood, waxaana tobanka wiil lakalal oran jiray: Xaarith, Subayr, Abuu Dhaalib, Cadullahi, Safar, Cabbaas, Xamsa, abuu Lahab, Qiyidaaq, Muqawim. Lixda Gabdhoodna waxay kala ahaayeen: Safiya, Arwa, Ummu Xakiim, Bara'Caatika iyo Ummayma. Cabdimudhalib wuxuu noqday nin cajiib ah oo qureysh oo dhan ka tilmaaman, wuxuu noqday odeygii qureysheed sida lo ogsoon yahayna wuxuu leeyahay qisooyin caan ah oo kala duwan, halkanna aynaan ku soo wada koobi karin, waxaana ka mida ahaa Duullaankii Abraha iyo Qodiddii Samsamka, kuwaas oo isaga iyo qureyshba Ilaahay ugu gargaaray. 16 36


sheeko jaceel Maryan Mursal:" Sadex cadaawe ayaa jiray. Dadka soo cadabi jiray, oo ciriiri gelin jiray. Labo waa la cirib tiray. Cilmigii wax laga baray, Cirka waa tan loo kacay, la caraabiyay gaajo, caydh xoolo laga dhaqay. Hayeeshee colka u daran weli caymo loowaa. Ahh! Culimada aduunkee, Caafimaadka baadhaay, cudurada la dabargooyn, Caashaqa halagu daro.!!" Beenteed maahan oo CAASHAQ waa CUDUR, loona dhinto!

"Noloshu waa Jaceyl, Jaceylkuna waa Nolol!"

W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka)

Qoraal walba Qarnigiisa, Qalin walba Qisadiisa, ee aqriste Qaracanka Qarankaaga wiilkiisa Qorsheeyay ma diidantahay in aad Qiratid?

qaybtii labaad iii Hadii aan u gudubno kan oo qofku u qaado qofka lidka u ah calaashaan wiilku gabar u qaado, gabadhuna wiil u qaado waa kan aan sidaan u wada fasirno: Jaceylka aad adiga sameeysay, ama aad sababta u noqotay waa dareen aad u qaadid hal qof oo kaliya, waana inuu noqdo mid la isla qaybsado oo labada qof ay isla wada qabaan. Erayga Jaceyl Sadax Walxaad ayuu kulmiyaa oo kala ah: Dareen, maskax/feker iyo ficil . Marka koowaad oo aad qofka aragtid wanaagiisa, quruxdiisa, ama macaanka hadalkiisa dareen ayaa ku saameeya, qalbiga ayuuna la adaa aqbaartaas cusub oo indhaha iyo dhegahu isla soo arkeen, si degdeg ah ayuuna maskaxdaada ugu diraa si ay u qiimeyso waxa qalbigaaga dareemay, maskaxdu fekerka ayeey kaashataa, oo qofka maalmaha soo socota waxa uu la yimaado u qiimeeysaa. Maxaayeelay aqligaaga iyo fekerkaaga weli qofkaan meeysan ogaanin sida uu u fekero iyo sida uu la rabo midna, sidaas darteed ayeey markiiba difaac weeyn xirtaan, si aan looga adkaanin, ama qatarta qofkaan cusub oo soo galootiga ah wata u soo gaarin. Maalmo ama bilo kadib waxaa dhacda in aad fekerkaaga ka dareentid in qofkaas yahay qof aad aqbali kartid iyo inkale, sheekooyinka iyo qibrad is dhaafsiga idin dhex maray adiga iyo qofka lidkaaga ah, iyo waliba wada hadalka adiga iyo naftaada ka dhaxeeya sheekadii aad la sheekeeysatay qofkii kadib, waxeey sababaan in maskaxdaadu aysan soo galooti u dareemin qofka, lana qabsato oo u aqbasho sidii dadkii hore loo aqbalay oo kale. Intaas waxa ka danbeeya aqligaaga iyo fekerkaaga waa is dhiibeen, waxeeyna isku mashquuliyaan sida ay qofkaan qalbigiisa iyo aqligiisa u soo jiidan lahaayeen,

waxeeyna la kulmaan waxyaabo badan oo aysan horay qorshahii qofkaan soo galootiga ahaa lagu aqbalay loogu dirin, lana hilmaansanaa, hadasa sida bil shan iyo toban ah u soo if baxay. Laakiin waxeey hadane fashilaan hadii ay isku dayaan in ay wax ka qabtaan arimahaas aysan rabin oo qofkaan soo galootiga ah la dhex yimid in ay wax qaldami doonaan, waxaana maskaxdaada iyo qalbigaaga la soo dersa kalsooni daro, waxeeyna ogaadaan in ay yihiin wax ma tarayaal, oo qofkaan ka xoog badshay, cabsida ay xanuun iyo kali ahaansho ka qabaan darteedna waxwalba ayeey ku aqbalaan. Fekerkaaga iyo maskaxdaadu waxeey isku dayaan in ay qofkaan la socdaan, waxa uu rabo, iyo sida ay u qancin lahaayeen ayeey qorsheeyaan, si ay kaga hortagaan dhibaato walba oo xanuun sababi karta, ayagoonan is ogeen, is mooda in ay ayaga awood sareeyaan weli. Sidoo kale markii intaas ay wada dhacaan, ayaad ficil u diyaar garowdaa, ficilkaas ha noqdo mid aad qofka kula kulantid, ama aad kula hadashay, taas oo micnaheedo yahay in aad qoftaas qayb qaali ah oo waqtigaaga ka mid ah aad siisay, oo aad tustid micnaha uu kuu leeyahay. Islamaarkaas ficilka waxyaabahaas ku soo xiga oo lagu muujinaa in dareenkaaga iyo jaceylka aad u sheegee qofkaan saxyahay, iyo inkale ayaa lagu dhaqaaqaa waxyaabo la taaban karo oo xaqiiqo ah. Waxeeyna tusaala ahaan ficiladaas noqon karaan alkun, (micnaha in labada famil iyo bulshada ay ogeeysiiyaan in ay guur ku heshiiyiin muqstaqbalka) ama guur oo ka turjumaaya dareenkaaga iyo fekerkaago waxa ay isku raaceen ama axdi iyo balan adag 19 36


”Ila OOY!!!” qaybtii labaad iii Qoraal walba Qarnigiisa, Qalin walba Qisadiisa, ee aqriste Qaracanka Qarankaaga wiilkiisa Qorsheeyay ma diidantahay in aad Qiratid?

W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka)

Isla hadalkaygii iyo walaacaygii waa kusii dhex waashay ilaa taksigii hor istaagay filadii weeyneed ee aan u socday…… Waxaa sida caadada aheeyd iga furay albaabka ilaaliya filada weeyn hor taagan, oo uusan wajigayga ku cusbeen, kuna iri: ” Ma joogaa mudanahaagii?” Waxuuna yiri: ” Haa Marwo… soo gudub!” Ninkaan markaan arko ilaaliyaha qorayga inuu dad kale ku ilaalsho lacagtiisa gashay iyo sida uu u edbanyahay oo u yahay qof xag Rabi aqlaaq iyo degenaan laga siiyay, waxaan ku fekeraa waxa mudanihiisa iyo nimanka dalkaan degen waalay oo ay dumarkooda marnaba u qaddarin, uguna nixin, ma damiir la’aanbaa masa waa dadnimo xumo ay ab iyo awoow hore ka dhaxleen?. Waxaa iga hortimid marwadii guriga, oo murugeeysan, iina tacsiyeeysay, waxaana ku iri: ”Waa mahadsantahay!” Niyadane iska

ay ii geeyso qolka shirka ka jiro, inta aan soo soconay qosol nimeed iyo hadalo si aamin ah loo dhahaayo oo la ogyahay in qofna ka qaadi karin meesha ayuu nin aad u cod weeyn ku daldalmaayay, waxaana iga soo gaayay erayadiis oo jirkayga gubay: “ Hada ayaan ka taquluseeynaa asiga dhanba! Naagta xunta ah oo qabane waa ay ogaaneeysaa waxa ay tahay faqrinimo, waa in ay ka shaleeyso in ay ka soo guutay London oo waddooyinka Muqdisho ay ka tuugsato, hada kaaga daranta waaba kaligeed.. maba u maleeynaayo in ay socon karto oo saacadaan meel la qabto ma leh!” Anigoo raba in aan cuno qofka eraygaas leh, aqaana codka oo uusan igu cusbeen ayaan soo socod boobsiinaayay, iskuna dayaayay in aysan i fahmin gabadha I gabar socoto oo ayada iska dhigeyso qof aan ogaana qofka ninkeeda af dheeridiisa dili doonto

iri laakiin weli goaanka geerida ninkayga xag Rabi lagama gaarin, waa noolyahay. Cabitaan baa la ii keenay, in aan rabo wax aan cuno baa la ii weeydiiyay waana ka diiday, oo u sheegay in aan horay ka baxaayo, oo aan doonaayo in aan laba eray ku iraahdo ninkeeda oo kaliya. Waxeey ii sheegtay inuu kulan jiro, oo raggii shirkadaha ninkayga ka ahaa maamulayaash la kulmaayo, maadaama arin degdeg ah soo saaiday. Hada ayeey arin ii cadaatay, yaah? Kulan degdeg ah oo aan xisaabiyaheen guud ka qayb qaadaneeynin? Yaa u siisay xaq inuu xoolaha ninkayga ka taliyo? Inuu yahay ina adeerkiisa koowaad ma siineeyso xaq oo dhaqaalihiisa kula wareego ayaan niyada iska iri anigoo u dhoola cadeeynaayo marwadiisa. Hada ayaana fahmay shaxda meesha ay ka socotay, kana codsaday in

oo sidaas mustaqbalkeeda u dudumin doono. Naxtintii maalmihii qaraaraa ee noloshayda maalinkaan ayeey bilaabatay, ninka sidaas u hadlaayo waa halkii nin oo aan ku tashanaayay, inkastoo aan ogahay aanada weeyn ee dhinackasta nooga dhaxeeyso ilaa intii aan yareen, hadane waxaan islahaa sanada badan oo aan ishilmaansiineeysay dhibaatada inka dhaxeeyso ninkaaga dartiis waa ku hilmaamay asna, oo waa aqbalay inuu kuu yahay dumaashi oo kaliya, sidaas darted markaan waxaa inkaga dhaxeeyso walaaltinimo iyo xariir cusub oo ku dhisnaa inuu yahay adeer kaligiis ilmahayga. Ala dhib badnaa oo dheeraa .

SHEEKO RUNAH

20 36


Waxaan rabaa in aan maanta idin la wadaago sheeko naxtin badan oo aan la kulmay usbuucii hore, badanaa dhakhaatiirta waa dadka ug dhaw bulshada waxyaabo badan oo dadka kale aysan ka warqabi karin ayay la socdaan, sidaas awgeed waa muhiim in bulshada lagaga digo khatarta jirto.

qabto xaaladda walaasheed oo ayna ogaatay laba usbuuc ka hor kaliya, waxay iiga sheekaysay arrin dhaxtin badan, waxayna ii sheegtay in nin hore oo qabi jiray ay xanuunkaan ka qaaday, ninkaas oo xanuunka u dhintay dhowr sano ka hor, markuu dhimanaayay ayuu u sheegay in xanuunkaas uu qabo, kulana taliyay iyadane in ay is baarto ay Sheekooyin badan oo bulshada ka faa'idi karto way la muhiim tahay oo ay dhakhtar u tagto oo daawo kulmaan dhakhaatiirta maalin kasta, inkastoo aan la raadsato maadaama isaga uusan daawo qaadanin. qabsannay waxyaabo badan oo caadi noo noqday laakiin waxaa haboon in bulshada lala wadaago iyadoo aan la Gabadhii isma baarin, daawane ma raadsanin, oo xusin magacyada dadka ay khuseyso iyo meesha ay ka markii sadax bil ka soo wareegatay waxay dhacday laakiin wacyi galin ahaan loo adeegsado si guursatay nin ganacsade ah oo laba xaas leh oo khatarta wacyi la'aanta ay bulshadu ay fahanto. caruur badan u joogaan, waxay is qabeen 3 sano oo waxay u dahshay laba cunug kale, horayne waxay u Waxaan isku dayi doonaa in sheekadaan aad ka kororsan haysatay laba cunug oo ninkii hore oo dhintay u doontaan faa'idada wacyi galinta, waxaana filayaa qof dhashay. walba oo akhristo in uu ilaahay naftiisa iyo nafta ehelkiisaba uga cabsado iyo qaraabadiisa intaba. Odagii ganacsatada ahaa, wuxuu u kala gooshi jiray wadamo kale duwan isagoo safar ku maqan sadax Maalin subax barqo ah ayaa gaari ordaya keenay bil ka hor ayuu ku xanuunsaday wadankaas, isbitaalka haween foolanaysa, ilaahay qadartii, haweentii isbitaalka markii uu tagayne waxaa loo sheegay in si sahlan ayay ku dhashay oo way u fududaatay, islaantii AIDS laga helay, ninkii dib ayuu u fakaray wuxuu is waxay u ekayd qof aad u xanuunsan oo nafaqo darri y i r i n a a g t i i d a m b e o o a a d g u u r s a t a y o o hayso, aad ayay u qufacaysay oo ma aysan awoodin xitaa xanuunsanayd amay cillada tahay, inta uusan soo in ay dhowr tillaabo socoto, dhakhtarkii gacanta ku bixin ayuu taleefan soo diray. hayay howsheeda oo ahaa dhakhtar haweenka ku taqasusay wuxuu haweentii uga shakiyay in ay tiibisho / Wuxuuna islaantiisaan xanuunsan u sheegay inuu qaaxo qabto, wuxuu u diray baaritaanno oo ay ka mid xanuunsan yahay uuna soo laaban rabo, hadduu soo tahay raajo feeraha ah (x-ray), raajadii wuxuu ku arkay laabtane uu ka baari doono xanuun uu kaga astaamo tiibisho oo aan ahayn midda caadiga ah. shakisan yahay, hadduu ka helane uu tii uu ku sameeyo la ogaan doono maadaama ay khiyaantay Takhtarkii xaaladda ayuu ii soo xawilay, baaritaano kadib oo xitaa soo ogaaday in ninkeedii hore uusan shil ku gabadhii waxaa laga helay xanuunka AIDS-ka, maadaama dhiman sida ay u sheegtay oo uu xanuun la dhintay. gabadha ay aad u xanuusanayd oo isku dhex yaacsanayd oo aysan awoodin in su'aalaha ay fahanto ama marmarka Islaantii xanuusanayd waxay isku dayday si kasto in qaar dadka aysan kala garanayn ayaa waxaan ku ay wadanka ka cararto maadaama wadanka ay ku qasbanaaday in aan wareesto walaasheed oo isbitaalka noolaayeen aysan cidaheeda joogin oo hadduu keentay. ninkaan uu soo laabto wuxuu rabo ku samayn karo, Gabadhii la dhalatay waxaan ka ogaaday in ay ka war

12 36


markii ay go'aansatay ayay u sheegtay walaasheed in ay lacag ticket ay ku goosato u soo raadiso si ay u safarto oo uga cararto wadankaan, ilmaheedane ay uga tagto maadaama heerka ay marayso ay is tiri ma sii noolaan doontid ee inta kuu hartay ehelkaaga ku dhex dhimo. Gabadhii waxay tagtay Airoport-ka si ay u safarto, laakiin waa la soo celiyay maadaama ay xanuusanayd, bishii sagaalaadne ay ku jirtay oo aan la ogoleyn qof dhali raba inuu diyaarad raaco. Sidaasne lagu keenay isbitaalka in ay ku dhasho. Gabadhii la dhalatay oo ii sheekeynaysay waxaan weydiiyay: maxaa xal ah oo aad damacsan tihiniin hadda? Waxay tiri: laba maalin ka dib waan dirayaa oo halkaan ma sii joogi karto, way fiicnaan lahayd in ay sii joogto oo ay daawo qaadato oo xanuunkeeda heerka uu gaarsiisan yahay iyo inuu wax ka qabasho leeyaahay la ogaado. Waxaan kula taliyay in marnaba in ay safarto in aysan caafimaadkeeda dan ugu jirin, cunuga ay dhashayne aysan dan ugu jirin, sababtoo ah ilmaha noocaan oo kale ah daawo ayaa la siiyaa, naasne lama nuujiyo haddii loo arko in uu ka maarmi karo si uusan xanuunka uga qaadin hooyada hadduu uusan hadda ka qaadin. Ciddii waxay go'aan sadeen in aysan wax baaritaano ah aysan samayn, wax daawane aysan raadsan oo ay safraan sida ugu dhakhsiyaha badan. Akhristow sheekadaan naxtinta badan leh waxaa laga faa'idayaa dhowr shay oo muhiim ah: 1- Marka hore xanuun kasta alle ayaa keeno isaga ayaana qaadi kara, siyaabo kala duwan ayuu qofka ugu dhici karaa, fikradda ah in xanuunkaan qofkii laga helo uu yahay qof xun oo gogol dhaaf sameeyay ama soo sineestay waa arrin qalad ah, waana sababta ugu horreysa oo qofka u keenayso inuu qarsado maadaama sumcadda uu ku dhex leeyahay bulshada in ay ka lunto uusan rabin. 2- Midda ku xigta waa in aad u baqdid noloshaada iyo nolosha caruurtaada oo aadan ka fakarin kaliya in aad si khiyaano ku jirto aad ku korisid oo umad aanan waxba galabsan aad dambi ka gashid taasoo in

qofkaas ku cafiyo mooyee aad ku hoogi kartid. 3- Haddii aad aaminsan tahay in xanuunkaan usuan daawo lahayn ama hadduu kugu dhaco aadan rajo lahayn taasina wax jiro ma ahan oo sidii hore si ka duwan ayaa hadda loola tacaalaa xanuunkaan, waxaa jira daawooyin lagu xakameeyo xanuunka oo uu qofka noloshiisa caadiga ah ku wadan karo iyadoo difaaciisa uusan hoos u dhicin, wayna jiraan dad xanuunka qabo 10, 20 illaa 30 sano oo dadkooda ku dhex nool oo magaalada ka shaqeesto, aqoon darridaan waxay keentaa in aad caruurtaada iyo ehelkaaga aad waxyeellayso. 4- Midda kale waa isbaaris la'aanta iyo isguursiga aan laga fiirsanin, fikradda dadka qaar ay aaminsan yihiin in xanuunka uu soomaalida ku yar yahay ama uu u gooni yahay dadka gaalada ah waa mid qaldan, inta xanuunkaan qabto lama tirin karo, waxa keenay inuu sidaan xawliga ah ku faafane waa aqoon darrida jirto iyo taxaddar la'aanta. 5- Ceeb ma ahan in la is baaro marka la is guursanayo, in aad ka hortagtaa wixii naftaada dhib u geysan karo oo aad xaasaskaaga iyo caruurtaada aad baadbaadiso waa waajib ilaahay dusha kaa saaray, haddii aadan taxaddarin oo xanuun u keentid qoyskaaga ilaahay wuu kuu qabsanayaa, haddii ay aqoon darri kaa tahay waa gooni, laakiin haddii ay kaa tahay taxaddar la'aan iyo fududeysi waa dhibaato aad u wayn. Bal ka fakar qaladka uu galay ninkii gabadha ka dhintay ee hore iyo iyadaba qaladka ay gashay iyo waxa qof uu dhibaato gaarsiiyay iyo inta qof ay noloshooda saameeyeen. Waxaan ku soo gabagabaynayaa, ilaahay halaga cabsado, naftaada u cabso, xaaskaaga u cabso, caruurtaada u cabso, haddaa xanuunsatid daawo raadso, midda kale xanuunkaan waa xanuun daawo lagu xakamayn karo, badanaa daawooyinkiisa bilaash ayaa lagu bixiyaa, waxaadna heli kartaa adigoo qofna ku ogaan ayaad is daawayn kartaa haddii aad ku nooshahay meel aad daawo ka heli kartid. Midda kale haddii aad xaas leedahay ama caruur leedahay talooyin iyo tusaalooyin badan ayaa lagu siin karaa qaabka aad ku wada noolaan kartaan iyo sida aad isku ilaalin kartaan intaba.

30 36


Telephone ku hadalka badan iyo caafimaadka?

dhibka uu keeno telefoonka lagaliyo xijaabka hoostiisa wakhiga lagu hadlayo

Waa su'aalo muhiim ah oo ka dhalanayso cabsida laga qabo isticmaalka joogtada ee moobeelada, haddii ay caafimaadka dhibaato u keeni karaan iyo dhibaatooyinkaas nooca ay noqon karaan.

moobeelada waa in ay saameeyaan shaqada qalabyada kale ee ku shaqeeyo signals-ka sida qalabka wadnaha la galiyo, qalabka maqalka loo adeegsado ee maqalka iyo wixii la mid ah.

Way jiraan qoraallo badan oo laga diyaariyay arintaan iyadoo lagu diraasaynayo xiriirka ka dhaxeeyo kansarka, xanuuno kale hadii ay jiraan iyo saameenta dhambaalada bir-qabadka leh ee taleefanda.

Waxaa kaloo la isku waafaqay in heerka shilalka gawaarida ay bateen markii aad u faafeen isticmaalka moobeelada sidaasne uu xiriir la leeyahay in 3 illaa 4 jeer ay shilalkii labalaabmeen.

Waxay baaritaanada xooga ay wada saareen xanuunka kansarka maadaam taleefanka uu bixinayo signals joogto oo laga cabsaday amay saameyn ku yeelan karaan qaabka jirkeena u shaqeeyo. Inkastoo signals' ka soo baxo taleefanada wireless-ka ku shaqeeyo la qiyaasayo in ay dhici karto in ay keenaan laba nooc oo kansar maskaxda galo oo la kala dhaho "Glioma iyo Acoustic Neuroma" laakiin illaa iyo hadda wax cilmibaaris lagu ogaaday ama hubaal loo hayo in moobeelada kansar laga qaado lama hayo, waana go'aanka ay hay'dda caafimaadka aduunka "WHO" ay ka gaartay gunaanadka baaritaanadaas oo idil. Waxaa kaloo la baaray in mobeelada uu saameyn ku leeyahay shaqada wadnaha, hooyada uurka leh, dhinaca raganimada, hurdada iyo isbadalka niyada iyo fakarka qofka, iyadane baaritaano arintaas wax ku ool ah oo wax lagu dhisi karo lama hayo inkastoo ay socdaan baaritaano dhowr ah oo laga war sugayo wixii ka soo bixi doono arintaas. Waxa kaliya oo la arkay oo dhibaato keeni karaan

Gabagabo: Inkastoo moobeelada in kansar maskaxda laga qaado aanan weli la xaqiijin, laakiin waxaa laga cabsi qabaa in isticmaalka joogtada ah oo sanooyinka badan in ay dhici karto inuu dhibaato keeno maadaama hadda aanan laga joogin waqti badan xilligii la bilaabay isticmaalka moobeelada siyaadada ah, laakiin cabsida hadda jirta ayaa ah in da' aad u hooseyso lagu bilaabo isticmaalka moobeelada waqtigaan la joogo oo waalidka caruurtiisa u soo iibiyo mobeel ama taleefan markii ay gaaraan da' 10 sano iyo wixii ka sareeya taasina ay keeni karto in sanooyin aad u badan uu qofkaas ku xirnaan doono isticmaalka moobeelkaas iyo in howlihii loo isticmaali jiray moobeelka oo aad u badatay oo aysan ahayn kaliya wicitaanka oo hadda wax kasta loo adeegsado. Talow jiilkaan cusub dhibaato aan horay loo arag ma lagu arki doonaa markii 20 ama 30 sano ka soo wareegato?!! Waa su'aal aan hadda laga jawaabi karin, waana cabsi taagan. Caafimaad baan idiin rajaynayaa. http://somalidoc.com 21 36


Fibromyalgia waa lafo iyo murqo xanuunka ugu caansan markii laga reebo riixa "Osteoarthritis". Badanaa xanuunkaan waxaa lagu qaldaan xanuunnada kale sida riixa, roomaatiisamka iyo lafa xanuunnada kale. Fibromyalgia waa xanuun raaga oo keena xanuun, tigtignaan, danqasho murqaha, seedaha iyo kala-goysyada.

welwelka uu yareeyo, jimicsi Calaamadaha lagu garto cudurka sameeyo iyo inuu qaato kaliya Fibromyalgia waxaa ugu horeeya daawo takhtar u qoro. xanuun kaasoo ay kicin karaan Waa muhiim in bukaanka laga qeylada, isbadallada cimillada iyo wacyi galiyo cudurkaan si uu u niyad kaca, xanuunka wuxuu ku faafaa fahmo waxa uu ka cabanayo inay jirka oo dhan wuxuuna u badanyahay yihiin calaamado kala duwan qoorta, barida, garbaha, gacmaha, laakiin hal cudur isku noqon karo. dhabarka iyo xabadka. Cudurkaan waxaa ku socdo baaris Fibromyalgia waxay ka koobantahay Dadka badankiis wuxuu xanuunkaan iyo barasho si looga ogaado wax laba eray oo kala ah: uu bilawdaa qalliin, infekshan daran keeno kadibne daawadiisa loo Fiber: Miiqo ama Liif ama dhibaato nafsiyan ah markuu soo helo, wayna jiraan daawooyinno Myalgia: Murqo xanuun. gaaro. cusub oo loogu talogalay in lagu Waxaa kaloo cudurkaan la socon karo calaamada kale ee ku xigta waa daal daaweeyo xanuunka fibromyalgia calaamado kale sida daganaansho iyo tabardarri taasoo lagu arko 90% laakiin waa wax baaritaanno ay ku la'aan, daal, tabardarri, welwel, diiqo, dadka qaba cudurkaan. socdaan. iyo socodka caloosha oo isbadasha madax-xanuun, calool-xanuun iyo (saxaro adeeg ama shuban). xanuunno kale sida kaadiheysta oo Diraasadii ugu dambeysan waxay Waxa keeno cudurkaan illaa iyo hadda xanuunta ayaa la socon kara. sheegtay in maskaxda meel ku lama garanayo laakiin waxaa la taalla oo loo yaqaanno "Insula" in aaminsan yahay in dareemidda Sidey takhaatiirta ku gartaan ay ka dambeyso xanuunkaan xanuunka uu ka sarreeyo sidii qofka cudurkaan? fibromyalgia, weliba baaritaanno caadiga ah laga rabay. Cudurkaan malaha baaritaanno dhiig ayaa socda. Fibromyalgia waxuu kaga ama mid raajaba taasoo laga fahmi duwanyahay cudurrada kale ee lafaha karo cudurkaan. iyo murqaha ku dhaca in uusan laakiin baaritaannadaas waxay meesha keenin wax dhaawac ama burbur lafo ka saarayaan cudurrada kale oo lagu ama muruq maxaa yeelay ma wato qaldi karo cudurkaan, sidaas ayaa lagu cudurkaan wax calaamad caabuq ama sheegi karaa. belbel ka baxsan xanuunkaas. Waxaa cudurka lagu gartaa kaliya cabashada bukaaanka iyo wiisitoTusaale ahaan: cudurka muuqaaleed "physical examination". roomaatiisamka wuxuu keenaa lafa qalqallooc sida gacmaha iyo faraha Fibromyalgia malahan daawo u gooni oo kale. ah laakiin waxay ku xirantahay qofka waxa uu ka cabanayo maadaama Cudurka fibromyalgia wuxuu u badan cabashada bukaanka ay kala duwanaan yahay haweenka oo in ka badan 80% karto iyo cabashooyinkaas laftrikooda wuxuu ku dhacaa dumarka u oo xiriir lahaan karin. dhaxeysa da'dooda 35 ilaa 55 sano. Laakiin waxaa ugu muhiimsan in qofka cudurka kuma badno caruurta yaryar iyo dadka da'da ah.

10 36


SABABAHA QAAXADA KORDHIYO MAXAA KA MID AH

Cudurka Qaaxada ayaa kusii kordhaya umada Somalida ee ku nool wadamada reer galbeeda,ka gaar ahaan kuwa yurub kunool taaso eenu wareesi kalayelanaya DR cabdi samad mallin oo ku nool wadan ka UK gaar ahaan magalada LONDON . Cuddurka qaaxada waa cudur uu sababo jeermis loo yaqaanno "Mycobacterium" oo badanaa ku dhaca sanbabada iyo xubbno kale ee jirka. Jeermiskaan sababa cuddurka qaaxada ayaa adkeysi u yeesha labada daawo ee ugu awooda badan safka horana kaga jira daaweynta cudurka kuwaas oo kala ah isoniazid iyo rifampin. Tayada daawada, daawada aan la dhameysan iyo aqoonta daryeel bixiyaasha, arrimahaas ayaa saameyn ku leh Adkeysi jeermiska sababa cudurka qaaxada ee somaaliya. Baahsanaanta qaaxada u adkeysata daawada waa mid aad u weyn, daraasadaan ayaa lagu ogaaday 500 qof oo adkeysi u leh daawada ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, 5.2% dadkaan ayaa dhowaan laga helay cudurka qaaxada. halka 40.8% hore looga daaweeyay cudurka.

Sababaha xanuunka MDR TB iyo XDR TB ugu badanayaan soomaalida ayaa ah kuwaan soo socda 1- Aqoon darri iyo xanuunka oo laga fahansan yahay fikrado qaldan taasoo keenayso in qofka xanuunka qarsado ama daawo uu raadsan waayo, dad badan ayaa u arkay in qaaxada hadiiay kugu dhacdo ay ceeb tahay, dad ayaa aaminsan in laga qaado gaajada 2- Daawada qaaxada oo laga ganacsado oo uu qofkii rabo isticmaali karo, ha u baahnaado ama yuusan u baahan, meesha wadamada kale ay xadidan tahay oo aadan heli karin daawada illaa in nidaam la yaqaanno soo martid mooyee. 3- Nidaam daawada lagu bilaabo ama lagu kontarool oo sax ah kama jiro dalkii waa laga yaabaa hay'ado qaar in ay leeyihiin nidaam u gaar ah oo daawada ku bixiyaan. 4- Ma jiro nidaam dabakac iyo wacyi galin oo looga hortagayo in daawada aanan la joojin iyo dhibaatooyinka ka dhalan karo, maxaa yeelay dadka ugu badan ee daawada la qabsaday waxay ka timid in ay daawadii ka tageen iyagoo aanan wali dhamaysan koorsigii loogu talagalay. 5- Daawada tayadeeda oo aan kontaroolneyn tanoo iyadane ah midda labaad ee badinaysa qaaxada daawada la qabsatay.

09 36


the most celebrity of somalia MIDEA AUTUMN SHARIF waa gabar somaliyeed oo kusoo baxday barnamij caan ah oo soo saaro fananiinta dada yar ee wadanaka uk gar ahaan casimadiisa LONDON. TheVoice waa barnamij caan ka ah aduunka oo dhan taasoo eey AUTUMN SHARIF oo magaceeda runta uu yahay FADUMO SHARIF Ayaa waxeey ka dhex muqatay goobtii uu ka dhacayay taratanka ayadoo soo jiidatay maraqur.ah garsorayashii iyo daweynihii dhagasanayay FADUMO SHARIF ayaa axeey gashay kalinta sadaxaad ee barnamijka iyadoo looga adkaday hadaba FADUMO SHARIIF waxeey ku jirtaa somalida ugu cansan ee kunool dalak uk

Iman & Siham

Hadaba aqristoow maxaad ka garaneysaa labada gabdhood ee matanaha ah ee ku caanbaxay heesaha westren,ka ah IMAAN IYO SIHAM waxeey ku nool iyihiin wadan ka canada waana fananinta dhinaca somalida ugu cansan aduunka maraka laga reebo K,naan waxeey leeyihiin 2albam oo dunida ka ah caan waa fananintii labaad ee ka soo baxa wadan kan CANADA waxaa horay loo yaqanay fanan ka dunida dhan ka ah caan ka ee K.naan

K,NAAN

SOMALI SUPER STAAR

22 36


Dharka oo loo habeeyo loona naqshadeeyo si casri ah oo misana dhaqanka ka tarjumaysa waa mihnad adag oo u baahan xirfad iyo aqoon gaar ah, gaar ahaan markii ay timaado in dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida laga sameeyo dharka aroosyada ee taashashka ee casriga ah. Shukri Maxamed Xaashi, waxay ka mid tahay Soomaalida naadirka ah ee ka shaqeeya habka casriga ah ee loo naqshadeeyo dharka, waxayna howshan bilowday sanadkii 2013-kii. Shukri, waxa ay ku haminaysay in ay mar uun dhar naqshadeyso markii ay jaamacadda dhameysay lix sanno ka hor, oo waxaa ka go’neyd in ay soo bandhigto dhar aroos oo naqshadeysan oo muujinaya hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Tallaabadaasina ma ahan mid fudud oo waxaa Shukri ka horreeyay wadda dheer si ay riyadeeda uga guul gaarto.

27 36


T HE D E S I G N E R Shukri Hashi is a first generation Somali living in the UK. Her unique brand seeks to cater for those many Somali women who’ve made their homes in countries outside of Somalia, and yet still seek to maintain a connection with the homeland. Shukri was raised in London, England for the majority of her life. With a keen interest in fashion, she pursued her passion at the London College of Fashion, where she graduated in 2008.

25 36


HIDO HIDO IYO IYO DHAQAN DHAQAN

HAB DHAQAN KA SOOMALIDII HORE IYO SOMALIDA MAANTA HAB DHAQANKII SOMALIDII HORWE. SOMALIDII HORE WAXEEY XEER DHAQAMED KOODA KU GOOSAN JIREEN GEED KA HOOSTIISA IYAGOO U ADEEGSANAYA XEER DIIMET IYO MID DHAQAN. HADABA AQRISTOOW MAXEEY TAHAY ISBADAL KA KU YIMID SOMALIDA MAANTA IYO SOMAALIDII HORE ????

FARSAMO GACAMEED

FARSAMO GACAMEED KA WAA MID LAGU FAANO OO HIDAHA IYO DHAQANKA KAGA JIRATA DOOR KA KOWAAT. HADABA FASAMO GACAMEED KA SOOMAALID HEERKUU MARAYAA MAANTA MA KU FAAN NAA. FARSAMO DHAQAMEET KA AAN U LEENAHAY HIDAHA IYO DHAQAN

23 36


FANKA IYO SUGANTA

HOBOLADA

AHMED ALI CIGAL

HIBO NUURA

HASSAN ADAN SAMATAR

Waa 3 kamid ah Tiirarka iyo Udub dhexaadka Fankeena, 2 waa kuwii ugu Masraxiyada iyo Saameynta badnaa Legend Samatar iyo Legend Cigaal qofka 3aad waa Marwadi Fanka oo Astaan u ahayd Edeb iyo Daganaan waa Halyeeyad Hiba Nuura. Hade cod uma baahna inaan ka sheekeeyo ileyn adinkaaba u markhaaati ah. Aan kusoo xiro hadalkeyga Farxada wajiyadiina ka muuqata Allaha u siyaadiyo, Caafimaad buuxa noloshiina Aakhirana Jannadii udgooneyd aaamiin yaa rabbi. LAKI HAJI WACEYS WAA FANANAD

AAD IYO AAD U COD MACAN IYADOO WALIBA KU DARSATAY DHANKA QAAB MASRAXEEDAK WAXEEY WIIGII LASOO DHAFATA KA TUNTAY MAGALADA OSLO EE WADAN KA NORWAY IYADOO U TIMID SHOOW EEY YESHEEN JALIYADA PUNTLAND WAXEEYNA SI LAMA FILAAN AH EEY GOOBTII URUXDAY IYADOO QADAY HEES CUSUB EE SHUU SHOOW BAX LAKI HAJI WACEYS OO EEY SISAY WREYSI HALAGAN PRESS WAXEEY KU TIRI INEEY MAGALADA OSLO IYO SHACABKAAEDA EEY AAD IYO AAD UALA DHACADAY UNA SOO LABAN DOONTO IYADOO SOO DIYARINEYSA SHOOW AAD IYO AAD U WEEYN TAASO EEY SOO DHAWEYEN FAANKEEDA REER SLO IYO GAAR HAN KU REER NORWAY WAXAAN KULEENAHAY LAKI HAJI WEEYENU KU SUGEYNAA HADEEYNU NAHAY REER OSLO KU SOOO NOQO ADOO NADA AH.

LAKI HAJI WACEYS FARXIYO FISKA

BOQORADA CODKA

IDIL BARKHAD

FANANADA IDIL BARKHAD AYAA WAXEEY TAHAY FANANADA UGU CODKA MACAAN EE KUNOOL WADAN KAN NORWAY GARAHANMAGALO MADAX,DIISA OSLO FANANADA IDIL BARAKHAD OO INTA BADAN FANKEEDU EEY DHAHAAN WAXEEY WADATAA COD KA DUWAN FANANINTA KALE TAASOO U YEELA HESAHEEDA DHAWAAQ KA DUWAN KUWA KALE . HALGAN PRESS WAXUU DHAWAAN WARESI LAYELAN DONAA FANANDA .

BOQORADA CODKA EE HEESAHEEDA AAD KA IYO AADKA LOOLA DHACAY AYAAN WAXAAN KU BOOQDAY SHOW EEY KULAHEED MAGALADA YOTOBORI EE WADANKA SWEDAN HALGAN PRESS OO WAREESI LAYEESHAY FANANADA CAAN KA AHE EE FARXIYO FISKA WARESIGAAS OO DHAMESTIRAN WAXAAD KA DAWAN KARATA www.halgan.no

24 36


SPORT HALGAN PRESS

KOOS SOMALI AH OO NORWAY CUP GASHAY KALINTA 3 Koobka Kubada Cagta ee Dhalinyara Caalamka, laguna magacaabo Norway Cup ayaa lagu qabtay garoonka EkebergSletta oo ku yaal magaalada Oslo, taariikhdu markay ahayd 26.Juli-1.August. Koobkan waa mid sanad walba wakhtiga Summerka la qabto oo aay ka soo qayb galaan Dhalinyaro badan oo ka kala socota 5 Qaaradood ee dunida, sanadkan waxaa ka soo qayb galay 126 wadan. Taariikh ahaan koobkan markii ugu horaysay wuxuu bilaabmay 31 Juli 1972. Waxaa markii ugu horaysay taariikhda koobkan ka soo qayb galay koox matalaysay Soomaaliya, oo lagu magacaabo WARYAA STARS, oo aay dadoodu u dhaxayso 11-14 sano. Dhalinyaradaa oo laga soo xulay gobolada dalka oo dhan, dhalinyaradan waxay ciyaareen 9 ciyaarood, waxay badiyeen 8, waxaana laga badiyey 1 ciyaar, waxay ka galeen kaalinta 3 dhalinyarada dadodu u dhaxayso 11-14 sano jirka. Dhalinyaradan ku ciyaaraysay magaca Soomaaliya waxay soo bandhigeen ciyaar aad u heer sareysa, oo aay dadweynihii ka soo qayb galay aay aad uga heleen. Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Oslo si aad ah ayey u taageereen dhalinyaradaa ku ciyaarayey magacooda. Kooxda WARYAA STARS waxaa watay Tababare khidrad u leh ciyaarta kubada cagta, waxaan rajeynaynaa sanadaha soo socda in aay sidan oo kale uga soo qayb galaan, guul wayna ka soo hooyaan.

34 36


SPORT HALGAN PRESS

28 36


KA ADEEGO TUKANKA SOMALIDA

CABITAANO KALADUWAN

RAASHIIN TAYO LEH

29 36


GOLIS COSMETIC MONEY TRANSFER

somali beauty shop

STORGATE 37 0182 OSLO TEL 2204421 TEL 99105436 golisnet@gmail.com

15 36


KU DUUL DIYARADA AAD DOONTO Shirkadda tigidhada soomaalida ee Oslo, Madiina Travel ayaa waxaa lagu sameeyay dib u habeyn iyo balaarin xafiiseed kadib markii loo raray xarunta cusub ee MADINA SENTER oo ku dhaggan halkii uu horay xafiiska Madina Travel ugu ooli jiray.

KALA XIRIIR MADIINA TRAVEL: ADRESKA XARUNTA: MADINA TRAVEL: Breigata 12 (Salaama Restaurant geeskeeda) 0187, Grønland, Oslo TEL: 213 811 66 / Mob: 458 09 658 TEL:213 825 86 AMA +47 21389820

O

S

L

O

31 36


Dhakhtar Ilkaha oo somali ah Dhakhtar Ilkaha oo somali ah oo laga furay magaalada Oslo, Norway

Dr. Abshir C/laahi

KHOSOLKU WAA KHURUXDA AFKAGA

Dhanka dumarka waxaa diyaar idin kugu ah xarunta Dressa. Mona Cumar Jaamac oo gacmo furan idin kugu soo dhaweyneysa. Waa dhakhtarkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo laga hirgeliyo magaalada Oslo, waxaana ay ku soo beegmeysaa furitaanka xaruntani xilli soomaali badan ay baahi u qabaan caafimaadka ilkaha oo dalkani Norway aad qaali uga ah.

Maamulha xarunta Dr. Abshir C/laahi J. Nuur oo shabakadda Calanka u waramayay mar ay ku booqatay xarunta ayaa waxa uu u sheegay in uu mudo dheer ku fikirayay in uu furo dhakhtar Ilkaha oo ay bulshadeena Soomaalida aad ugu baahan yihiin. Xarun ka yar tan uu iminka ka hirgeliyay bartamaha magaalada Oslo, gaar ahaan nawaaxiga Gunnerius ayuu sheegay in uu ku howlgeli jiray mudo lix sano ah taas oo ku taalay xaafadda Grønland.

Dressa. Mona Cumar Jaamac

Kala xiriir xarunta Ilkaha ADRESSKA: Storgt Tannklinkk Storgata. 39 0182, Oslo V/Gunnerius E-mail: abshir1999@hotmail.com TELEFON: 22 201 111

Åpningstider: Man.-Fre. (09-16) CADEYSO MALINTII LABO JEER SUBAXII IYO XILIGA JIIFKA

32 36


TLF +4747634190

33 36


35 36


The revolution in wedding videography

* Contact us for *Â Wedding Video * TV Programms * Commercial * Flyers

Call MAYE MOOGEE +4745793051


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.