Halgan magazine vol 7

Page 1

Explore the onlye one magazine

HALGAN PRESS

ISSUE NO 1VOL 14 Adress :Libakkveien 8B Postnr :1184 Oslo Tlf : +40611811 halganpressmagazine@gmail.com

MUDAAHARADKII OSLO 4 36


HALGAN PRESS

LAHADAL DAD KAAGA USHEEG SHACAB KAAGA

MAQASHII FIKIR KAAGA QAADO TALADOODA SOO GAARSII

2 36


Tusmada Magazine Ka Mudaharadkii Oslo Norway

SHEEKO MACAAN

XIDIGAHA GEESKA FREE Faah Faahintii MUDAHARAAD KA

DHISMO CUSUB G.B.C SOOMAALIDII HORE 1954-1957

SOOMAALIDA Maanta iyo siyaasadooda

HIDDO DHEEG Oslo Norway

MUCJISOOYINKII RASUULAK N.N.K.H

SHEEKO JACEELKU WAA NOLOL NOLSHUNA WAA JACEEL

CAAFIMADAKA OO AAN KUSOO QADANAY CUDURAK MACAANKA

HORUMARAKA MAGAALO MADAXADA SOMAALIYA MUQDISHO K,NAAN IYO AARMAANTA OO SANAD KAA LABADOODABA TAGAY CURO BILICDA HARGEYSA GABAR SOOMALIYEED OO KA SAMEYSAY DHARKII AROOSKA . DHARAKA HIDAHA IYO DHAQANKA XEEBAT LIIDO IYO DAMASHAD KEEDA

HIDO IYO DHAQAN

AADAN ABDULL AIRPORT OO HORUMAR DHINACAYO BADAN KU DHAQAQAY

MO FAARAH OO AAN LA QBAN KARIN

3 36


photo by maye mooge

MUDAHARAAD

kii ugu weeynaa ee soomaalida ku nool wadan Ka Norway is kugu soo baxaan 700 -1000 Grønland

Mudaharaadkii

somaliyeed ee ugu waynaa ee abid ka dhacay Norway! Mudaharaadkan oo lalga soo horjeeday hooyo soomalidiyeed oo booliska Norway toogtay. Sida mid ka mid ah jaraadika ugu miisaanka bada nee kasoo baxa ladka Norway qoray waxa kasoo qayb galay mudaharaadka ilaa 700-1000 qof isla markaas mudaharaadkani waxa uu noqdey kii ugu waynaa ee somalida Norway ku midowday iyga oo diidan dulmiga somalida lagu hayo

 Â

 Â

 Â

Â

photo by maye mooge

 Â

Mudaharaadkan soomalidu Norway cabashadooda ku muujinaysay ayaa noqday mid booliska Norway amaanay uguna habalyey sida nidaamka leh ee loo soo qabanqaabiyey iyo sida wanaagsan ee uu ku dhamaaday. Madaxa booliska Oslo Mr. Brian Skotnes ayaa hambalyeey sida wanaagsan ee

nabedgelyada ah ee uu u dhacay mudaharaadkani, waxaanuu yidhi wada shaqayn iyo wada hadal fiican ayaa naga dhaxaysa anaga iyo qabqaabiyaasha mudaharaadka. Mudaharaadu lagu muujiinaayey in soomalida Norway ay iyaga oo isku duuban oo gacmaha is haysta diidi karaan dulimga ku yimaada, waxaanay waraaq cabasho ah u gudbiyeen Baarlamaanka Norway iyo wasaarada cadaalada, halkaas oo ay ku sheegeen in aanay aqbali karin in hooyo soomaaliyeed si xaqdara ah xabad lagu dhufto iyo su’aalo ku saabsan hadalo kasoo yeedhay afhayeenka booliska maalitii gabadha la toogatay.

4

36


M

MUDAHARAADKII Oslo Norway udaharaadku waxa uu hordhac u noqonayaa in ay soomaalida

Norway is abaabusho oo ay noqoto dad isku duuban oo la joogasada marka la arako in ay isku dubanyahiin isna jecelyahiin. Sidaas darteed waxaanu rajaynaynaa in aanu cududeena ku soo dhacsan doono caruura la inagna qaaday ayay tidhi Xildhibaan Fatima Cali Madar oo ka mid ah didkii mudaharaadka ka danbeeyey. 3 qof oo is kaashaday iyo in kale oo nala shaqaynaysay ayaa hoosha intaas leeg ku guulaystay, karwaran hadii soomalida Norway oodhami is kaashato?. Mudaharadkan waxa ka dhalatay shaf iyo citiraaf, jaraadika wadanka iyo tiiga qaran ayaa soo saaray in 700 -900 boqol oo soomali ahi cambaaraynayso falka xun ee boolisku ku kacay, waxa noo soo baxay oo waraaqdii naga qabtay baarlamaanka Norway –taas oo aanu filayno in arrintan baarlamaanka la soo dhex dhigi doono. Waxa aanu ognay in shaqadii la fadhiisiyey ninkii

HALGAN PRESS MAGAZINE

THE MAN OFF THE MANTHE

booliiska ahaa ee gabadha toogtay. Waxa aan soomalida Noway ugu baaqayaa «wax wada qabsi, is weheshi, isku duubni» meeshu waa qurbe, dad walaal ah ayaynu nahay ee dhaqankeedii iyo ficilkeedii ayaa la inaga rabaa maadama oo aynu ku dhownay 40000 awood buuxda ayaynu haysanaa oo la inagu dhegaysan karo ayay tidhi Xildhibaan Fatima Cali Madar.

MAGAZINE KA HALGAN PRESS AYAA WAXUU GUDOON SIIYAYA INUU YAHAY MAN OFF THE MANTHE MR DAHIR MAHAMED OO LOO YAQANO UNCLE CIRO ISAGA OO QABTAY SHAQO WANAGASAN OO EEY U BAHNAYEEN UMADA KU NOOL OSLO EE WADAN KA NORWAY ISGA IYO TIME KIISA LASHAQEYNAYAY WAXAAN KU LEENAHAY UNCLE CIRO THANKS

5 36


GUDIGA QABANQAABADA

MUDAHARAAD KA

Banaanbixii ka dhacay maalintii jimcihii 9.oktoobar magaalada oslo. Waxaan banaanbax weyn aa si aad ah loo soo qabanqaabiyey uu ka dhacay suuqa caasimada oslo, isagoo ka bilaabmay xaafadda Grønland ee Oslo. Waxa banaanbaxa loo saarey gudi ka kooban ilaa iyo 12 qof oo isugu jira gudidda fulinta iyo gudidda odeyaasha. Waxaa banaanbaxa qayb galey ururka OMOD (Organisajon mot offentlige diskriminering). Waxa kale oo iyuguna inagala qayb galey kulankaasi SOS – rasisme. Banaanbuxu waxa uu bilalabmey maalinta Jimcaha 9.oktoobar. Sacadu markay ahayd 15:00 galabnimo. Waxa halkaas lagu furay banaanbaxa khudbado kala gooni ah . Waxaa halkaas ka qudbadeeyey qaar ka mid ah Gudidda fulinta iyo ururka SOS- rasisme. Halkas waxa looga dhaqaaqey dhinaca barlamanka oo la doonayey in loo gudbiyo warqad lagu soo qoray suaalo badan oo la waydiinayay wasiirka cadaalada iyo gudoomiyaha xubnaha barlmaanka ee qaabilsen sharciyada iyo caddaalada. Warqadaasi waxa gudbiyay seddex ka mid gudidda fulinta. Waxaa halkaas waxa kale oo qudbad looga jeediyey dadweynihii ka soo qayb galey banaanbaxa , waxaa halkaas qudbad ka soo jeediyey ururka OMOD iyo qaar ka mid ah gudidda fulinta iyo odeyaashii..

6

36


MUDAHARAAD GUUL KU DHAMAADAY Gudigu waxauu Qoraal aahan u Gudbiyay Warqada eey Ku Qoran Yihiin Qodobadana Waxyaabaha loo gudbinayay dawladda norway waxa ka mid ah.

1)Boolisku maxay u toogteen Zeinab. Ninkii booliska ahaa muxuu u sii shaqeynaya! 2)Sidii loola dhaqmay walaashen Zeinab may ahayn si sax , 3)Maxaa loola sugi waayey gadhigii ambulanse ahaaa 4)Boolisku muxuu uga soo qaadey arrinta mid fudud , uguna sheegay dhaawaca Zeinab mid fudud. 5)Maxaa loo wareysan waayey markhaatiyaal badan oo goob joog ahaa. 6)Dad badan oo soomali ah waxa ka baqayaan in arintani dhacdo, markale.

700 demonstrerte mot skytingen på Grønland Omlag 700 personer detok fredag ettermiddag i en demonstrasjon mot politiet. Den kom som en reaksjon mot skyteepisoden på Grønland 18. september. Demonstrasjonen startet klokken 15 på Grønlands torg. Kl. 15.30 gikk gruppen til Stortinget, hvor blant annet Organisasjonen Mot Offentlig Diskriminering (OMOD) og andre organisasjoner holdt appeller. Ifølge politiet deltok cirka 700 personer. ▪ BAKGRUNN: Kvinne skutt av politiet - Vi er samlet for å støtte moren som ble skutt, sier initiativtager Said Amir til Osloby.

Holder plakater med kvinnens navn på - Målet er mer fokus på hva som egentlig skjedde før og etter skytingen. Vi har respekt for politiet, men trenger mer informasjon i denne saken, sier han. De fleste oppmøtte er norsksomaliere. 7 36


SOOMAALIDII HORE 1954 ILAA 1967 waa waasiirkii arimaha Dibada dalkena soomaaliya sanadihii 1964--1967 Waa ninkii Dharbaxay Boqorkii dalka Ethopia Hayla Salase Ninkani Magaciisa Waxaa la yirahda ALLAHA U NAXARIISTE Axmed yusuf Ducaale ... Sabata dharbaxada keentayna waxaay ahayad Hayla Salase ayaa shirkii OAU ka yiri Dhulka soomaali Galbeed waa Dhul Ethopia ay leedaha Soomaaliyana kama hadli karto .....Wasiir Axmed yusuf Ducaale ayaa u jawabay Hayle waxuuna ku iri .....Hayla salase kama hadli kartid soomaaliya iyo dhulkeeda waayo soomaaliya Waa qaran jira Calan bay leedahay Jimciyada Qurumaha ka dhaxaysana waa ay ka tirsantahay ...Kadibna wuu dharbaaxay ....Heyla salase ayaa waxuu yiri dharbaxadii kadib ma ilaawi doono Dharbaxadas dhabankayga ku dhacaday. Sikastaba ha ahaate dalkaan iyo dadkaan ragbaa usoo dhididay oo gaaray heer ay Boqoro u dharbaxaan maantay in lagu ciyaaro ama gumaysi gacanta loo galiyo maaha wax laqadan karo ee Somalaay u kaca dalkiina iyo sharafiinaba.

WASIIRKII ARIMAHA DIBADA 1964–1967

Axmed yusuf Ducaale

TAARIIKH KOOBAN: SOOMAALIYA & ITOOBIYA IYO KENYA

Soomaalidu

ma aqoonsan

heshiiskii ay galeen Ingiriiska iyo Itoobiya ee loo yaqaan "AngloEthiopian Treaty ee 1954", heshiikaas ay itoobiya ku sheegatay dhulka loo yaqaan Hawd oo dhigayey xadka cusub ee la sameeyey. Waxaana dhacdooyin ka bilowdeen Hawd lix bilood gudohood markii Soomaalida qaarkeed la siiyey xornimada (1960). February 1964: Ayaa dagaal ka bilowday xadka la sameeyey ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Itoobiya waxa ay diyaarado ku duqeeyeen meelo ka mid ah gudaha Soomaaliya, waxaa dagaalkaasi qaboobey bishii April 1964 kaddib markii ay Suudaan oo garabsaney ururkii OAU soo kala dhex gashay. Waxaana la isla gaarey xabbadjoojin. 1964: Itoobiya iyo Kenya waxa ay wada geleen heshiis u gaar ah, kaas oo ku saabsanaa sidii si wadjir ah

ay isaga kaashan lahaayeen iska difaaca Soomaaliya, maadama ay labadaas dalba haystaan dhul Soomaaliyeed (NFD & Soomaali Galbeed), heshiiskaas waxa ay cusboonaysiiyeen sannadkii 1980, waxana ay mar saddexaad cusboonaysiiyeen August 28, 1987. July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee xabashu gumaysato ee Soomaali Galbeed. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen Ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaawino weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo

qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "dhulka u cadayn sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay dadka iyo duunyada laga barakiciyo, taas oo dhanka ka ahayd (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay Soomaali Galbeed (Ogaden) markey taariikhu ahayd March 15, 1978, dhulkaas oo ay ilaa hadda (2006) gumeysato. MA U OGALI DAD KEEGA IYO DALKEEGA INUU ITOOBIYAAN QAATO DHIMASHO AAN KA XIGNAA

J/R MAXAMED SIYAAD BARE

8

36


WAXAAN IS HOR TAGNAY SOOMAALIDA MAANTA RIYADDI SOMALI WEYN RIYADDOODA

M

D

ILEZ ZANAWE

ANIEL ARAB MOI

oo ka hadlayey Jaamacadda Difaaca ee Maraykanka (The American Defence University) oo ku taalla magaalladda Washington DC ayaa sheegay in mid ka mid ah caqabadaha hortaagan Dadaalka Nabadda Somalia inay tahay iyado oay Dowladaha Gobalka rumeysan yihiin haddii ay Somalia cagaheeda isku taagto ay dib u soo xusuusan doonaan waxa uu ugu yeeray Riyadda Somali-weyn. Waxa uu intaasi ku daray in qaar ka mid ah Dalalka deriska la ah Somalia ka baqanayaan Dib-u-mideynta Somalia iyo Somali hodan ah mar kale horseedo sheegashadda Xuduudaha ka maqan Somalia. Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Daniel Arab Moi waxa uu Khudbad-sharafeedka lagu casuumay inuu ka jeediyo Jamaacadda (The American Defence University) ku xusay in Waddanka Jamhuuriyadda Somalia markii uu madaxbannanida helay ay sheegeen inay ka maqan yihiin dhulal, sida qeybo ka mid ah Kenya, Ethiopia iyo dalka Djibouti, isla markaana ay bilaabeen dagaal ay ku doonayaan inay Soomaalida ku xaqiijiyaan Ra’yigaasi.Hadalka Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, ayaa waxay markhaati u tahay Istaraatijiyadda Dowladaha Kenya iyo Ethiopia ka leeyihiin Deganaansho La’aanta Somalia iyo inaysan dib u curanin Somali Mideysan, waxayna Dowladahaasi u ololeynayaan inay Somalia noqoto dal ay kala maamulaan Maamul-gobaleedyo kala aragti ah. Kumanaanka Ciiddanka Ethiopia iyo Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa waxaa iyagana laga dareemayaa kuwo ku hawlgala Istaraatijiyad Qarsoon iyo Hagardaamaynta Midnimadda Somalia.

Madaxda Soomaalida Ee Maanta Siyaasadooda iyo Lashaqeeyn ta Cadawga Soomaliya Maxaa isbada Ku imaan Karo dalak soomaaliya Gabi ahaan Marka lagaro 2016 Qorshaha eey damac san Yihiin Dalalka eeynu Dariska Nahahay ee Ethiopia iyo Kenya. Maxeey ka damacasan Yiyhiin Dunida Caalamka Soomaaliya

MADAXDA MAANTA SOOMAALIYA YAA U TALIYA DALKA SOOMAALIYA YEEY KA GODAA TALADA DALKA YAASE NOO AH MADAX AMA MAAMULO DALKA

2016

MR GEBRE

MAXAA ISBADALI DOONO BALSE YAA MADAX AMA MADAXWEEYEN KANOQON DOONO MA DHICI KARATAA INUU NIN AAN ASAL AHAAN KASOO JEDIN SOMAALI UU QABTO TALADA DALKA

MR KEY 9 36


HALGAN PRESS

HIDDO DHEEG Magaalada Oslo ee Wadanka Norway Ayaa Waxaa lagu qabtay Bandhig Afka Soomaaliga Ah Oo lagu Marti Galiyay Professor Said Salah Ahmed

Bashir Jamac Hønefoss

Luul Kulmiye

Professor Said Salah Ahmed

Bashir Ali Hussen

Waxaa Magalada OSLO Lagu Soo Dhaweeyey Professor Said Salah oo Ka Qeeyeb Galay Barnamij Loogu magac Daray HIDDO DHEEG Barnamij Kan oo Lagu Xusaayay Afka SOOMAALIGA Ayaa Waxaa DHinacayo Badan Looga Hadlay Aftirsiimaha afka Soomaaliga Iyo Sida Loo Xoojin Lahaa Afka Soomaaliga Taasoo U Hada Ku Yimid Hoos U Dhac Xoogan

10 36


halgan press

MUQDISHO CADEEY

MUQDISHO IYO MAANATA

WADADA MAKA ALMUKARAMA

MAGALADA MUQDISHO OO CAGATA SARATAY WADADAII HORUMARAKA IYO NABADA AYAAD WAXAA IDHAHAGA QABANAYAAN BILICDA MAGALADA OO DIB USOO LABATAY SIDA WADOOYINAK OO LAMI LASARAYA IYO DHISMIHII BUR BURSANAY OO DIB LOO DHISAY WADAD MAKA AL MUKARAMA AYAA AH HADA HALBOLAHA MAGALADA MUSQDISHO. TAAS OO EEY TUSALO U TAHAY WAX QABADKA GOBALAK BANADIR UU KAWADO MAGALO MADAXDA MUQDISHO

Samsung waa horumaraka kusoo biiray magalada muqdisho oo eey ku turjumeso in eey magalada Muqdisho ku dhaqaqeyso astamhii lagu yaqanay magaalo madax Dal waxaa horumar garsiin .karo dakiisa oo isku duuban waa ialahay mahadiis hadaan bilicdii magaalo madaxada eey soo labatay.

TUK TUK waa taxis kusoo batay wadamada africa gaar ahaan magaalo madaxda somaaliya ee muqdisho tuk tuk waa fududeey u roon shacabaka iyadoo ku geeyneyso xaafad walbo iyo wado walbo ee magalada muqdisho ku yaalo

11 36


HORUMARKA HARGEYSA

magaalo qurxoon dalxiis ku wacan Magaalada Hargeysa ayaa ka mid ah magaalooyinka sanadadan dambe sida weyn u sameeyay horumarka dhinacyada adeega bulshada iyada oo waliba ay magaaladu noqotay mid si weyn u fiday oo gaadhay meelo hore aanay dadku awal u degi jirin markii la waayay meelo ay dadku degaan taasina waxa ay magaalada u horseeday in uu magalaad ku yimaado korodh xad dhaafa.

Magalaada Hargeysa oo waqtiyadii hore ahayd meel ay ku nool yihiin tiro yar oo dad ahi oo aan ka badnayn 200`000 qof hada waxa ku nool in ku dhow Hal milyan oo qof, taasina waa ta sababtay in magaaladu inta badan ay noqoto mid saxmad iyo cidhiidhi badan leh magaalada Hargeyysa waxa ka jira ganacsi xoog leh taasi oo ay kala siman tahay dhamaan magaalooyinka kale ee Somalidu degto . Waxaana ganasigaasi u kala socdaa dhamaan dalka oo dhan waxana ka furan oo xarumo ku leh ganacsatada iyo shaqsiyaadka kale ee u deega bulshada.

Qofka ay mudo hore ugu dambaysay Hargeysa waxa uu arkayaa markiiba oo ay indhahiisu qabanayaan waa dhismayaal dhaadheer oo cusub intooda badani kuwaasi oo ah Hotelo ay dadku degaan. Hargeysa waxa ku yaala meelo laga raaco gawaadhida Basaska yar yar iyo waaweyn kuwaasi oo u kala baxa xaafada magaalada Hargeysa, maadama ay adag tahay in ay dadku lug ku gaadhan, waxase maalmahan dambe ku soo biiray waa Tagaasi yar yar oo iyana lagu raacaayo qiimo jaban kuna gaynaaya meelaha aad u ubaahato, waxana keenay shirkado gaar ah sida Raaxo Taxi,Maroodi jeex Taxi iyo waliba Dalxiis Taxi kuwaasi oo aad arkayso iyaga oo kala leh calaamado kala duwan iyo midabo aanay dadku isku khaldayn. Maqaaxiyaha iyo meelaha kale ee wax laga cabo ayaa ku badan magaalada iyada aad arkayso dhalinyaro badan oo koox koox u fadhiya meelahaasi sheekaduna ay si wacan isugu saaran tahay... Magaalada Hargeisa taariikhdeeda ayaan soo qaadan doonaa maqaaladeena danbe.

12 36


HALGAN PRESS

XEEBTA LIIDO MUQDISHO SOMALIYA

xeebtaliido

waxeey ka mit, tahay xeebaha ugu quruxda badan ee Dalka Soomaliya gaar ahaan Magaalo Madaxada muqdisho Xeebata liido ayaa waxeey ka mit tahay xeebaha ugu mashquulak badan dhinaca dalaxiis ka iyo damaashad ka gaar ahaan somalida qurba joog ta ee dalaka dib ugu noqota Maalmaha jimcaha yaa hadaa tagato xeebta liido ee xafada cabla casiis waxaad lakul meysaa soomali iyo ajanib ku damashaday xeebta kiido Xeebta liido ayaa waxaa dib looga furay maqaxidyo iyo hoteelo laga cunteeyo dadkuna eey ku Nasan karaa maraka eeey soo dabashaan iyagoo eey faraxad kamuuqato wajigooda .

KU DALXIIS DALAKAGA HOOYO 13 36


AADAN ABDULLE AIRPORT MOGADISHU INTERNATIONAL AIRPORT

WAREEYSI GNR C/LAAHI GAFOOW Waxaan qadaka telfon ka ee magalada Muqdisho ku waresananay GNR C/Laahi Gaafoow oo inooga warbixiyay wax qabadaka iyo horumaraka AADAN ABDULLE AIRPORT oo eey kusoo kor dheen dulimadyo horleh isagoo xusay In mudo dhaw la bilabi doo shaqada habeenkii inuu Airportiga uu shaqey doono xiliga Habeen kii waxaa oo kale uu hadalkisa raciyay in diyarada EMIRATES AIRLINES Eey ka shaqo bilawday AADEN ABDULLE ARIPORT iyadoo imata halamar weeke Waxuu GNR Gaafoow Hadalkiisii raciyay in tirada ka duusho AIRPORTIGA eey koar Usii kacaday. Hadana ku dhawaad ialaa 50.000 oo shaqsi ineey weeke ka dulaan kuwas oo isgu Jiara muwadiniin iyo kuwa ajanib ah waxaana keenay casriyenata la casriyeeyay Garoonka Waxuu intaas ku daray inuu abuuray garoonak shaqo taaso eey ka faidesteen dhalina wax u soo baratay wadan kooda sida dhinaca sadasha hawada iyo waxayale kaladuwan taasan waxeey hor,seed u tahay horu maraka uu garay dalaka gaar ahaan magalada muqdisho oo ah magalo madaxada dalaka

Zacharia Abdirahman Ahmed waa Wiil dhalinyaro ah oo soo bandhiga bilicda airporka muqdisho muwaadinka soomaaligana ku dhiirageliya dal jecleysiga thanks Zakariya Walaalkiis 14 36 6 36


SOO DHAWAYNTII EX XILDHIBAAN

XALDOON PARTY

EX XILDHIBAAN CABDIRAHMAN MOALLILM

Ex X ildhibaan Cabdirahmaan Moallim Oo Ah Siyaasi Soomaaliyeed Oo Ku Nool Dalka UK Magaalada LONDON Ayaa Waxuu Booqasho Ku Soo Gaari Doona Magalada OSLO Ee Wadan Ka NORWAY Ex Xildhibaan Cabdirahman Moallim Oo Ah Madaxa Xisbiga XALDOON Waxuu Jaaliyada Soomaaliyeed ee Ku Nool Wadan Kan NORWAY Gaar Ahaan Magalada OSLO Lakulmi Doona Maalinta Sabdiga Waa Hadii Eebe Idmo

EX XILDHIBAAN C/MAAN MACALLIN AHNA GUDOOMIYAHA XALDOON OO XAFIIS KIISU YAHAY LONDON UK EX XILDHIBAAN C/MAAN MACALLIN WAXUU BOOQOSHO KU SOO GAARI DOONA MAGALADA OSLO EE DALK NORWAY MAALINTA ARBACADA — 14/10/2015 WAXUU JAALIYADA SOOMALIYEED EE KU NOOL OSLO LA KULMI DOONA MAALINTA SABTIGA — 1 7/10/2015 RØDE KØRS TIME HAUSMANNSGATE 7 17,00——21,00 OSLO NORWAY

15 36


XIDIGAHA GEESKA

we love fanaaninta WAXAA XORIYADOODA DIB U HELLAY

XIDIGAHA GEESKA Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah siyaasiinta ugu caansan Somaliland gaar ahaan kuwooda aqoonta leh ee Dibadaha wax ku soo bartay ayaa kashifay Sir kaas oo si kulul uga hadlay xariga magaalada Hargeysa loogu geystay qaar ka mid ah Fanaaniinta Xiddigaha Geeska Musharax Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ah xisbiga Ucid ayaa sheegay in xariga loo geeystay Wariyaal iyo Fanaaniin ka soo jeeda deegaanada maamulka Somaliland ay ka dambeeyso siyaasad qaas ah oo ay wataan rag ka tirsan xisbiga Kulmiye oo qudhooda Xamar u kula dhuunta kaas farta ku fiiqay in ragaan ay guryo ku leeyihiin magaalada Muqdisho .

XAMADA QUEEN IYO XABSIGA HARGEESA

16 36


xaaji Aadan Axmad(Afqallooc) Halyeey Mudan in lagu xuso taariikhda umadda Soomaaliyeed. Xaaji Aadan Axmed “Afqallooc” wuu ku dhashay miyiga ama baadiyaha Ceerigaabo sanadkii 1864kii. Xaaji aadan waa mid ka mid ah geesiyaasha Soomaaliyeed ee halganka dheer u soo galay sidii ay Ummadda Soomaaliyeed uga xoroobi lahayd gumaysiga. Xaaji Aadan (AUN ) wuxuu leeyahay suugaan aad u badan oo badideedu ku salaysantahay halgankii iyo xornima doonkii umadda soomaaliyeed. Xaajigu waxaa kale uu taariikhdiisa lagu xusaa sidii yaabka lahayd oo uu geeri uga badbaaday laba jeer, oo kala ah inuu waa mare libaax qaatay balse ilaah amarkii aan libaaxaasi cunin oo uu iskaga tegey isagoo dhaawac ah,ayna soo heshay gabar yar oo xoolo raacaysey. Marka labaadna waxay ahayd in doonidii uu la socday ay degtay balse ilaah ku badbaadiyey loox uu qabsaday oo isagoo la sabeeynaaya ay heleen rag doon kale saaran . Xaajigu waxuu ahaa badmaax weeyn ,waxuu kaloo ahaa ganacsade,waxauu ka noqday macalin jaamacadda Azhar ee ku taal dalka masar. Waxaa kale uu ka mid ahaa saraakiishii dowladdii Cusmaaniyiinta. Waxaa kaloo la sheegaa inuu ka mid ahaa raggii wax ka aasaasay ciidamada booliska sacuudiga. Xaaji Aadan Afqalooc (AUN) waxa uu ku geeryooday 5 July 1986 Magaaladda Ceerigaabo ee ah caasimadda Gobolka Sanaag isagoo cimrigiisu dhaafay 120 sano. Waxaan idiin soo xulay mid ka mid ah suugaantiisa ,ahna gabay uu dhalinyarada kula hadlaayey waxaadna fahmaysaan ujeedkiisa kolka aad akhrisataan gabaygan. Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye

* Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo awaal baxa e

* Itaal gabe dadkiinii hore waydin aragtaane

* Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e

* Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye

* Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu

* Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhexaadkiiye

* Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e

* Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane

* Markii Aadam iyo Xaawa iyo keynta la abuuray

* Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagay oohin kugu reebye

* Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene

* Ayaantii ku dhaaftana waa waxaan la eegayne

* Umaddaan shabaabkeedu hanan waa u ayaan xuma e

* Axadkii kaslaan ahi sabool abidkii weeyaane.

* Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye

Waxaa soo xulay idiin soona gudbioyey Maxamad Bashir Jaamac Hønefoss- Norway 17 36


Qoristii iyo diyaarintii Macalin Mawlid maxamed 45553259 Hoyga aqoonta Oslo Norwey

HOYGA AQOONTA waxaad ka heleysa Macalimiin iyo Culimo kaa caawisa barashada Quraanka , Xisaabta iyo ingiriiska kala xiriir Tlfonka 45553259

Mucjisooyinka waaweyn ee rasuulkeena,risaaladiisa lagu xoojiyey waxa ka mid ah dheelmintiisii. Dheelmintii Rasuulka SCW waa la isku khilaafaa waqtigii ay ahayd ama sannadkii ay dhacday. Waxayna culimada qaarkood weriyaan inay hal sano ka hor hijrada ahayd, qaarna waxay weriyaan in ay hal sano iyo laba bilood ka horreysey hijrada, qaar kalena waxay weriyaan waqtiyo kale oo kala duwan. Hase yeeshee Allaah ayaa garanaya waqtiga saxa ah, mana ku soo aroorin qur'an iyo axaadiis saxiix ah oo ka hadlaya waqtigay ahayd.Safarkani wuxuu ka koobnaa laba safar.Mid ka bilaabmey maka ilaa beytul maqdis iyo mid ka bilaabmey beytul/maqdis ilaa sammada oo isla habeen keliya dhacey.Safarkani wuxuu ahaa safar aad udheer,nabigeenuna habeen kaliya ayuu ku tagey ,kagana soo noqdey.Arintani waa ta lagaga yaabiyey madaxyo weyntii reer makaad (gaaladii qureesheed) waana meesha abuu bakar kula baxey magaca Sidiiq, ka dib markii Abuu jahal iyo saaxiibadii ku yidhaahdeen ma rumeysaneysaa waxa uu mohamed sheegayo ee ah, inuu xaley beytul maqdis guure ku tagey oo haddana markiiba soo laabtey.Abuu bakarna wuxuu ugu jawaabey, waan rumeysanayaa oo waxyiga sammada oo ka weyn ayuuba nooga waramaa oo ka rumeysannaa. Waxyaabaha kale ee culimmadu isku khilaafeen waxa ka mid ah = inta jeer ee Nabiga SCW la dheelmiyey, laakiin sida saxiixa ah oo culimadu u badan tahay, adilladana laga fahmayo waxa weeye in hal mar la dheelmiyey. Sidoo kale waxaa iyadana khilaaf ku jiraa habkii loo dheelmiyey iyo waxyaabihii uu Rasuulku SCW habeenkaa soo arkay, kutubaha qaarkood markay arrimahaas ka hadlayaan waxay soo weriyaan arrimo badan oo sugnaanshahooda aan la hubin loona baahnayn in la iska dhex galo. Rasuulka SCW waxaa la dheelmiyey jasadkiisa iyo ruuxdiisa sida saxiixa ah. Waqti habeennimo ah ayaana la dheelmiyey, waxayna saxiixaynku wariyeen in Rasuulka SCW markii la dheeelminayey malaku Jibriil iyo malag kale ugu yimaadeen gurigii ummu_haani ,isagoo kala dhex jiifa laba saxaabi.Labada malag guriga saqafkiisa ka soo galeen waxeyna ka jeexeen shafkiisa(xabadka)waxeyna kasoo bixiyeen qabigiisa,waxeyna ku meydheen biyo samsam ah oo laga buuxiyey xikmad iyo iimaan. Waxaana laga dheelmiyey masjidka Xaramka ah ilaa Beytul-Maqdis. Rasuulku SCW wuxuu sarnaa Buraaqo, waxaana la socday Jibriil. Wuxuu Nabiga SCW ku degey BaytulMaqdis oo uu halkaa ku tujiyey anbiyadii, buraaqadiina

waxaa lagu xiray masaajidka albaabkiisa. Ka dib wuxuu ka baxay Baytul-Maqdis isaga iyo Jibriil isla habeenkiiba, waxayna tageen oo koreen samadaan dhow. Ka dib Jibriil ayaa dalbay in laga furo (Albaabka samada) waana laga furay. Nabiga SCW wuxuu samada 1aad ku arkay Nabi Aadam, wuuna salaamay.Aadamna salaan iyo duco ayuu ku soo dhaweeyey. Wuxuuna Rasuulka SCW halkaas ku arkey dadkii wanaagsanaa arwaaxdoodii oo dhinaca midig ka xiga Nabi Aadan, iyo kuwii xumaa oo dhinaca bidix ka xiga. Ka dib wuxuu tegey samada labaad oo uu ku arkay Nabi Yaxye iyo Nabi Ciise. Markaasuu la kulmay oo salaamay, iyaguna waa ka ajiibeen salaantii wayna soo dhoweeyeen,ducana ku sagootiyeen. Samada saddexaad ayuu markaas u gudbay wuxuuna ku arkay Nabi Yuusuf, wuu salaamay isna waa ka ajiibey, waana soo dhoweeyey. Ka dib wuxuu koray samada 4aad, wuxuuna ku arkay Nabi Idriis, wuu salaamay, isna waa ka aqbalay, wuuna soo dhoweeyey. Ka dib samada 5aad ayuu koray oo uu ku arkay Nabi Haaruun, wuu salaamay, isna waa ka qaaday waana soo dhoweeyey. Samada 6aad ayuu dabadeed koray halkaas oo uu ku arkay Nabi Muuse, wuuna salaamay, isna waa ka ajiibay waana soo dhoweeyey. Markuu Rasuulku SCW ka tegey Nabi Muuse ayaa ooyey. Markaasaa lagu yiri "maxaa kaa oohiyey", wuxuu yiri "waxaa iga oohiyey wiil gadaashay la soo diray oo ummaddiisa jannada gelaysaa ay ka badan tahay ummaddayda jannada gelaysa". Ka dib wuxuu Rasuulka SCW koray samada 7aad oo uu kula kulmay Nabi Ibrahim, wuu salaamay, isna waa ka qaaday waana soo dhoweeyey.Dhamaan nabiyadaasi uu soo marey farxad iyo duco ayey ku qaabileen kuna sii sagootiyeen.

18 36


sheeko jaceel

"Noloshu waa Jaceyl, Jaceylkuna waa Nolol!"

Maryan Mursal:" Sadex cadaawe ayaa jiray. Dadka soo cadabi jiray, oo ciriiri gelin jiray. Labo waa la cirib tiray. Cilmigii wax laga baray, Cirka waa tan loo kacay, la caraabiyay gaajo, caydh xoolo laga dhaqay. Hayeeshee colka u daran weli caymo loowaa. Ahh! Culimada aduunkee, Caafimaadka baadhaay, cudurada la dabargooyn, Caashaqa halagu daro.!!" Beenteed maahan oo CAASHAQ waa CUDUR, loona dhinto!

qaybtii labaad iiii

W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka)

Qoraal walba Qarnigiisa, Qalin walba Qisadiisa, ee aqriste Qaracanka Qarankaaga wiilkiisa Qorsheeyay ma diidantahay in aad Qiratid?

Hadii aan u gudubno kan oo qofku u qaado qofka lidka u ah calaashaan wiilku gabar u qaado, gabadhuna wiil u qaado waa kan aan sidaan u wada fasirno: Jaceylka aad adiga sameeysay, ama aad sababta u noqotay waa dareen aad u qaadid hal qof oo kaliya, waana inuu noqdo mid la isla qaybsado oo labada qof ay isla wada qabaan. Erayga Jaceyl Sadax Walxaad ayuu kulmiyaa oo kala ah: Dareen, maskax/feker iyo ficil . Marka koowaad oo aad qofka aragtid wanaagiisa, quruxdiisa, ama macaanka hadalkiisa dareen ayaa ku saameeya, qalbiga ayuuna la adaa aqbaartaas cusub oo indhaha iyo dhegahu isla soo arkeen, si degdeg ah ayuuna maskaxdaada ugu diraa si ay u qiimeyso waxa qalbigaaga dareemay, maskaxdu fekerka ayeey kaashataa, oo qofka maalmaha soo socota waxa uu la yimaado u qiimeeysaa. Maxaayeelay aqligaaga iyo fekerkaaga weli qofkaan meeysan ogaanin sida uu u fekero iyo sida uu la rabo midna, sidaas darteed ayeey markiiba difaac weeyn xirtaan, si aan looga adkaanin, ama qatarta qofkaan cusub oo soo galootiga ah wata u soo gaarin. Maalmo ama bilo kadib waxaa dhacda in aad fekerkaaga ka dareentid in qofkaas yahay qof aad aqbali kartid iyo inkale, sheekooyinka iyo qibrad is dhaafsiga idin dhex maray adiga iyo qofka lidkaaga ah, iyo waliba wada hadalka adiga iyo naftaada ka dhaxeeya sheekadii aad la sheekeeysatay qofkii kadib, waxeey sababaan in maskaxdaadu aysan soo galooti u dareemin qofka, lana qabsato oo u aqbasho sidii dadkii hore loo aqbalay oo kale.

Intaas waxa ka danbeeya aqligaaga iyo fekerkaaga waa is dhiibeen, waxeeyna isku mashquuliyaan sida ay qofkaan qalbigiisa iyo aqligiisa u soo jiidan lahaayeen, waxeeyna la kulmaan waxyaabo badan oo aysan horay qorshahii qofkaan soo galootiga ahaa lagu aqbalay loogu dirin, lana hilmaansanaa, hadasa sida bil shan iyo toban ah u soo if baxay. Laakiin waxeey hadane fashilaan hadii ay isku dayaan in ay wax ka qabtaan arimahaas aysan rabin oo qofkaan soo galootiga ah la dhex yimid in ay wax qaldami doonaan, waxaana maskaxdaada iyo qalbigaaga la soo dersa kalsooni daro, waxeeyna ogaadaan in ay yihiin wax ma tarayaal, oo qofkaan ka xoog badshay, cabsida ay xanuun iyo kali ahaansho ka qabaan darteedna waxwalba ayeey ku aqbalaan. Fekerkaaga iyo maskaxdaadu waxeey isku dayaan in ay qofkaan la socdaan, waxa uu rabo, iyo sida ay u qancin lahaayeen ayeey qorsheeyaan, si ay kaga hortagaan dhibaato walba oo xanuun sababi karta, ayagoonan is ogeen, is mooda in ay ayaga awood sareeyaan weli. Sidoo kale markii intaas ay wada dhacaan, ayaad ficil u diyaar garowdaa, ficilkaas ha noqdo mid aad qofka kula kulantid, ama aad kula hadashay, taas oo micnaheedo yahay in aad qoftaas qayb qaali ah oo waqtigaaga ka mid ah aad siisay, oo aad tustid micnaha uu kuu leeyahay. Islamaarkaas ficilka waxyaabahaas ku soo xiga oo lagu muujinaa in dareenkaaga iyo jaceylka aad u sheegee qofkaan saxyahay, iyo inkale ayaa lagu dhaqaaqaa waxyaabo la taaban karo oo xaqiiqo ah. Waxeeyna tusaala ahaan ficiladaas noqon karaan alkun, (micnaha in labada famil iyo bulshada ay ogeeysiiyaan in ay guur ku heshiiyiin muqstaqbalka) ama guur oo ka turjumaaya dareenkaaga iyo fekerkaago waxa ay isku raaceen ama axdi iyo balan adag in la wada galo, oo mustaqbalka halkii waddo oo loo qaadi lahaa la wada goaansado, lana is garab socdo. Hada halkaas waxaan kaga soo tagnay fasiraadii erayga jaceylka qayb ka mid ah, balsa kow iyo laba midna ma joogo.

19 36


”Ila OOY!!!” qaybtii labaad iiii

W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka)

Qoraal walba Qarnigiisa, Qalin walba Qisadiisa, ee aqriste Qaracanka Qarankaaga wiilkiisa Qorsheeyay ma diidantahay in aad Qiratid?

Isla hadalkaygii iyo walaacaygii waa kusii dhex waashay ilaa taksigii hor istaagay filadii weeyneed ee aan u socday…… Waxaa sida caadada aheeyd iga furay albaabka ilaaliya filada weeyn hor taagan, oo uusan wajigayga ku cusbeen, kuna iri: ” Ma joogaa mudanahaagii?” Waxuuna yiri: ” Haa Marwo… soo gudub!” Ninkaan markaan arko ilaaliyaha qorayga inuu dad kale ku ilaalsho lacagtiisa gashay iyo sida uu u edbanyahay oo u yahay qof xag Rabi aqlaaq iyo degenaan laga siiyay, waxaan ku fekeraa waxa mudanihiisa iyo nimanka dalkaan degen waalay oo ay dumarkooda marnaba u qaddarin, uguna nixin, ma damiir la’aanbaa masa waa dadnimo xumo ay ab iyo awoow hore ka dhaxleen?. Waxaa iga hortimid marwadii guriga, oo murugeeysan, iina tacsiyeeysay, waxaana ku iri: ”Waa mahadsantahay!” Niyadane iska iri laakiin weli goaanka geerida ninkayga xag Rabi lagama gaarin, waa noolyahay. Cabitaan baa la ii keenay, in aan rabo wax aan cuno baa la ii weeydiiyay waana ka diiday, oo u sheegay in aan horay ka baxaayo, oo aan doonaayo in aan laba eray ku iraahdo ninkeeda oo kaliya. Waxeey ii sheegtay inuu kulan jiro, oo raggii shirkadaha ninkayga ka ahaa maamulayaash la kulmaayo, maadaama arin degdeg ah soo saaiday. Hada ayeey arin ii cadaatay, yaah? Kulan degdeg ah oo aan xisaabiyaheen guud ka qayb qaadaneeynin? Yaa u siisay xaq inuu xoolaha ninkayga ka taliyo? Inuu yahay ina adeerkiisa koowaad ma siineeyso xaq oo dhaqaalihiisa kula wareego ayaan niyada iska iri anigoo u dhoola cadeeynaayo marwadiisa. Hada ayaana fahmay shaxda meesha ay ka socotay, kana codsaday in ay ii geeyso qolka shirka ka jiro, inta aan soo soconay qosol nimeed iyo hadalo si aamin ah loo dhahaayo oo la ogyahay in qofna ka qaadi karin meesha ayuu nin aad u cod weeyn ku daldalmaayay, waxaana iga soo gaayay

SHEEKO RUNAH erayadiis oo jirkayga gubay: “ Hada ayaan ka taquluseeynaa asiga dhanba! Naagta xunta ah oo qabane waa ay ogaaneeysaa waxa ay tahay faqrinimo, waa in ay ka shaleeyso in ay ka soo guutay London oo waddooyinka Muqdisho ay ka tuugsato, hada kaaga daranta waaba kaligeed.. maba u maleeynaayo in ay socon karto oo saacadaan meel la qabto ma leh!” Anigoo raba in aan cuno qofka eraygaas leh, aqaana codka oo uusan igu cusbeen ayaan soo socod boobsiinaayay, iskuna dayaayay in aysan i fahmin gabadha I gabar socoto oo ayada iska dhigeyso qof aan ogaana qofka ninkeeda af dheeridiisa dili doonto oo sidaas mustaqbalkeeda u dudumin doono. Naxtintii maalmihii qaraaraa ee noloshayda maalinkaan ayeey bilaabatay, ninka sidaas u hadlaayo waa halkii nin oo aan ku tashanaayay, inkastoo aan ogahay aanada weeyn ee dhinackasta nooga dhaxeeyso ilaa intii aan yareen, hadane waxaan islahaa sanada badan oo aan ishilmaansiineeysay dhibaatada inka dhaxeeyso ninkaaga dartiis waa ku hilmaamay asna, oo waa aqbalay inuu kuu yahay dumaashi oo kaliya, sidaas darted markaan waxaa inkaga dhaxeeyso walaaltinimo iyo xariir cusub oo ku dhisnaa inuu yahay adeer kaligiis ilmahayga. Ala dhib badnaa oo dheeraa .

”Ila OOY!!!” PLEASE SHEEKO RUNAH

20 36


WAA SHEEKOOYINKA UGU YAABKA BADAN EE AAD MAQASHO EBID

Badanaa waxaa la aamisan yahay in wacyi la'aanta iyo aqoon darridu ay xiriir la leedahay saboolnimada iyo helis la'aanta daryeel caafimaad ka jirta meelaha ay ku nool yihiin dadka ku waxyeellooba gacanta dad aan aqoon iyo khibrad caafimaad toona lahayn. Waxaa dhacday gabar soomaaliyeed oo ku nool dhowr sano wadan ka mid ah wadamada yurub in ay xanuunsatay, markii ay dhakhtar lala xiriiriyay waxaa lagu sheegay xanuunka baabasiirka oo ku fogaaday oo gaaray heerka sadaxaad oo ah heer qalliin. Gabadhii waxaa lagula taliyay in qalliinka lagama maarmaan uu u yahay uuna yahay qalliin sahlan oo dhibaato keeni karin, gabadhii waxay dalbatay in ay ka soo fakarto. Talooyin ka dib, gabadhii waxay eheladeeda qaar ka mid ah oo ku nool gobol soomaalidu dagto mid ka mid ah kula taliyeen in ay soo safarto oo dhakhaatiirtaas warkooda iska dayso, iyagoo u sheegay in baabasiir waligiisba aan daawayn jirnay oo iyadoo la qalaayo lama maqlin ee gaalada ka soo carar yeysan dhibaato kuu geysaninee!!. Gabadhii ticket ayay soo jaratay, diyaarad ayay soo raacday, dhulkii hooyo weliba tuuladii ay ku noolaan jirtay iyadoo yar ayay timid, waxaa loo ballamiyay islaan ama habar waayeel ah oo la yiri waxay khabiir ku tahay daawaynta baabasiirka!.. Islaantii waxay la timid geedo oo uu ka mid yahay geedka cadayga, kadib ayay inta dabada ka galisay ku walaaqday!!, taasi waxay keentay in dhaawacyo samayso, baabasiirtii dillaacdo, meeshiina infekshan qaaday oo gabadhiiba saxaroon wayday oo meeshii dhan wada boog noqotay.. Gabadhii iyadoo xaalad halis ah ku jirto oo aanan saxaroon muddo dhowr maalmood ayaa si emergency ah loo keenay isbitaal si wax looga qabto, tanoo ku dambayn doonto in la marsiiyo dhowr qalliin oo lagu saxaayo dhibaatada gaartay malawadka si uu qofka dib si caadi ah ugu saxaroon karo!. Inkastoo ay isoo mareen dhowr sheeko oo la yaab leh oo ka tarjumayso wacyi la'aanta bulshada haysato, laakiin weli ma arag qof awood u leh inuu helo daryeel heer sare ah in uu ku gacan sayro oo uu ku badasho daryeel la'aan iyo dhibaato hor leh oo naftiisa halis galin karto. Waxaa laga yaabaa in aad is dhahdaan, qofkaan waa qof la siray oo laga caqli badiyay oo dhibka waxaa ka taliyay ehelkeeda, laakiin taasi cuur daar ma ahan, maxaa yeelay qofkii caqli leh oo maanta dunidaan ku nool wuu fahmi karaa dhibaatada aqoon darrida iyo wacyi la'aanta ka jirto dhulalkeena qaar oo haddii alle adiga ku siiyay fursad taa ka fiican, waxuu waajibku ahaan lahaa in aad ehelkaaga aad adiga ka wacyi galisaa arrimaha noocaas oo kale iskaba daayee in iyagu ay ku siraan. Gabadhaasi waxay tiri: qarashka aan soo galay si aan isku dhibaateeyo, haddaan ogaan lahaa saan

21

36


XAQ DHOOWR HOOYO HADII AAD JANO RABTO qiso cajiib ah oo dhex Martay wiil iyo hooyadiisii dhashey Nin ka mid ahaa asxaabta oo magaciisa la oraanjiray calqama waxa uu ahaa wiil salaad badan oo soon badan khayrkana ku dadaala maalin ayuu xanuunsaday kadib xaaskiisii ayaa rasuulka scw utimid una sheegtay xaaladiisa rasuulku wuxu udiray bilaal iyo asxaab kale markay gaareen gurigii calqama ayay damceen in shahaadada ay uqabtaan lkn carabkiisii ayaa kari waayay bilaal rasuulka salalaahu calayihi wasalam ayuu usheegay in calqama tawxiidkii carabkiisii kari waayay rasuulku salalaahu calayihi wasalam wuxu yiri waalidiintii ma nlyihiin asxaatii waxay dhaheen hooyadii oo duqa ayaa nool rasuulku wuxu yiri iigu yeera islaantii Ayaa utimid rasuulka Wayna salaantay rasuulku scw wuxuu ku yiri been hadaad ii sheegto alle waxyi ayuu igu soo dajinayaa ee runta iisheeg kawaran wiilkaaga calqama? Waxay tiri rasuulkii ilaahayoow wiilkaygu wuxu ahaa mid salaad badan soonbadan lkn waan uxanaaqsanahay ...! Rasuulku salalaahu calayhi wasalam wuxu yiri Maxaad ugu xanaaqsantahay ? Waxay tiri rasuul allaw wiilkaygu xaaskiisii Ayuu iga doortay wuuna icaasiyay rasuulku wuxu yiri walaahi wiiikaagu shahaadadii ayuu kari waayaa soon iyo salaadna waxba uma tarayaan .... Rasuulku wuxu yidhi bilaal xaabo ii keena ... Waxay tiri rasuul allow maxaad ku falaysaa xaabada ? Wuxu yiri rasuulku wiilkaaga ayaan ku gubayaa....! Waxay tiri rasuul allaw wiilkaygu uma adkaysankaro eekadaa.... Rasuulku wuxu ku yiri wlahi cadaabta alle ayaa kaga kulul hadaad karaali noqon waydo waxay tiri waan cafiyey ... Rasuulku wuxu bilaal ku yiri orod soo fiiri inuu karay tawxiidkii bilaal wuu tagay markuu albaabka marayay ayuu maqlay calqama oo asha haadanaya.... Bilaal wuxu yiri wiilku wuxu tawxiidka ukari waayay hooyadiis ayaan ka raali ahayn naftuna way ka baxday waa lamayray rasuulkuna wuu ku tukaday........ ilaahay waalidiinteena danbigooda ha dhaafo

22 36


KA BARO SIDA CUNTADA LOO KARIYO HALGAN PRESS

BARNAAMIJKA CUNTO KARINTA BARIIS

5Basashii oo aad jarjartay ku shub, oo ku walaaq.

Waxaan bishan ku soo qaadan doona Barnaamijka cunto karinta Bariiska. Bariiska sida aanu wada ognahay waa cuntada ugu badan oo aay Soomaalidu sida aadka ah u cunto. Guri walbana lagu sameeyo.

6-

Bariiska sidiisaba wuxuu naga soo galay wadamada ku yaal Qaarada Aasiya sida wadamada Khaliijka Carabta, Yaman iyo Hindiya. waxaana noo keenay ganacsatadii barigii hore isaga gooshi jirtay Soomaaliya iyo wadamada aan kor ku soo sheegay.

7Ku dar Qorfe ,iyo Hayl aad dhexda ka kala jebisay iyo dhega yarihii

Ugu horayn waa in aad soo diyaarsataa marka ugu horaysa. 4

koob ( 840 g )

Basmati rice.

4

Qaado wayn oo saliid ah.

1

Onion ( basal ) ( chopped ) Basal jarjaran.

3

Garlic Cloves ( minced ) Toon la tumay oo aad loo yaryareyey.

2

Cinnamon Sticks ( Qorfe ).

8-

Ku shub toontii.

Ku dar Xawaashkii, si fiican u walaaq.

9Ku dar haylkii shiidna, iyo Milixdii ama Cusbadii. 10- Ku shub Bariiskii oo aad biyihii aad ka shubtay, ka dibna si fiican ugu walaaq.

Qaado yar oo Milix ah ama Cusbo, kolba sida aad u taqaanid. 5

Qorfe, dhexda ka jebi.

Qaado barkeed ( 2.5 mL ) Cardamom ( ground ) hayl shiidan. 10

Cloves ( dhega yare ).

2

Litres hot water ( biyo kulul si diyaarso ).

1

Qaado wayn ( 5mL ) Xawaash

2 digaag )

Qaado ( 30 ml ) Vegetable seasoning salt ( Maraq

Inyar Kamsar Caleenta Freshka ah ee Udgoon, Tun oo aad u yaryaree. Qaado yar ( 1.25 mL ) ( Red Food Colour ) midabka cuntada caseeya ama gududiya. Qaado yar ( 1.25 ML ) ( Yellow Food Colour ) midabka cuntada huruuda ama jaalaha ka dhiga. Intaa marka aad diyaarsatay waxaa aad ka bilowday sidii aad u karin lahayd, adiga oo raacaya sida aay u kala horeyaan. 1- marka ugu horaysa dhaq bariiska, kaddibna biyo la dhig muddo 15 daqiiqa ah 2-

Digsi dabka saar.

3-

Dabku ha noqdo mid meel dhaxaad ah.

4-

Ku shub saliida.

11-

Ku dar maraq digaagi kuna walaaq.

12-

Ku shub biyo kulul oo aad sii diyaarsatay.

13-

Ku dar Kamsar Caleenta, kuna walaaq.

15- Aluminiyam dusha ka saar digsiga,daboolkana ka sareysii. 16- 10 daqiiqo Dabka meeshii hore ka sii gaabi, si uu bariisku si fiican ugu karsamo. 17- 10 daqiiqo kadib, daboolka ka qaad, oo si fiican bariiska u walaaq. 18- Bariisku marka uu karo waxad 2 weel oo yaryar ku diyaarsataa Red Food Colour ( Midabka cuntada Caseeya ama Gududiya), iyo Yellow Food Colour ( Midabka cuntada Huruuda ama Jaalaha ka dhiga. 2 weel mid walba ku shub 1 qaado oo yar ( 5 mL )oo biyo ah kuna qas. ka dibna ku shub Bariiska kuna walaaq, si uu midabku si fiican isku dhex galo 19-

Dabool oo dab aad u gaaban ku kari, muddo 5 daqiiqo ah.

20-

Dabka ka demi ama bakhti, sidaa ayuu diyaar kugu yahay.

Guul baan ku rajaynayaa, Caafimaad ku cun, cuntada aad karsatay.

23 36


Dharka oo loo habeeyo loona naqshadeeyo si casri ah oo misana dhaqanka ka tarjumaysa waa mihnad adag oo u baahan xirfad iyo aqoon gaar ah, gaar ahaan markii ay timaado in dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida laga sameeyo dharka aroosyada ee taashashka ee casriga ah. Shukri Maxamed Xaashi, waxay ka mid tahay Soomaalida naadirka ah ee ka shaqeeya habka casriga ah ee loo naqshadeeyo dharka, waxayna howshan bilowday sanadkii 2013-kii. Shukri, waxa ay ku haminaysay in ay mar uun dhar naqshadeyso markii ay jaamacadda dhameysay lix sanno ka hor, oo waxaa ka go’neyd in ay soo bandhigto dhar aroos oo naqshadeysan oo muujinaya hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Tallaabadaasina ma ahan mid fudud oo waxaa Shukri ka horreeyay wadda dheer si ay riyadeeda uga guul gaarto.

24 36


SOMALI SUPER STAAR

K,NAAN oo soo cumreesaty

SHEEQ K.NAAN

AL FANAAN AARMAANTA AARMAANTA AYAA SOO SARAY HEES WADANI H ISAGOO KU FANAY DALKISA WAX TARAK UU LEEYAHAY FANAANKA AARMANTA AYAA WAXAA LAGU YAQANAA INUU KA DUWAN YAHAY FANANINATA KALE EE AFKA SOMLIGA KU HEESTA ISAGOO OO TIXGALIAYA FANAKA IYO MURTIDA WAANA FAANA JECEL INUU KU LUQEYO AFKIISA HOOYO KUNA FAAAN HIDAHA IYO DHAQANKA WAXUUNA MARAKASAT UU AWOODA SARAA INUU DHAQANKIISA MEEL LOOGA DHICIN SIDA QAABAKA UU USAMEYO MUSICE VIDEO WAANA FAANAKA SANADA AMABA QARIGA

HIP HOP K.NAAN

FANAANINATA CAANKA AH EE K,NAAN IYO AARMAANTA AYAA WAXAA SANAAD KAN LAGU DHEX ARKAYAY IYAGOO GUDANAYAY WAAJIBAD KOODII DHANAKA CIBAADADA TAASO EEY KA MITAHAY IN AAD HADAAD AWOODIT AAD AADO MAKA IYO MADIINA TAASO EEY TAHAY MEESHA UGU BARAKEEYSAN EE ADUUNAKAN AAN KU NOOL,NAHAY WAA FANANINTI UGU HOREYSAYE EE DHAKA FANAKA SOMALIYEED UGU CAANSAN OO TAGA GURIG BARAKEYASAN EE MAKA IYO MADIIN K,NAAN OO DAKA INATA BADAN EEY KU YAQANEEN HEESO IYO MUSICE AYAA DAD BADAN EEY LANOQOTAY WAX KU CUSUBFANANINTA SOMALIYEED TAASO INATA BADAN AAN LAGU ARKIN HAJ IYO CUMRO WAXEEY,NA DAD BADAN UU SOO JIITAY K,NAAN OO LAGU YAQANO IN WADANI AH O U DHINATA DALKIIS IYO DAKIISA HADAN KU DARAY DIINTIIS MANSHA ALLAH

WE LOVE FANAKA SOMALIYEED 25 36


HIDO HIDO IYO IYO DHAQAN DHAQAN

HAB DHAQAN KA SOOMALIDII HORE IYO SOMALIDA MAANTA HAB DHAQANKII SOMALIDII HORWE. SOMALIDII HORE WAXEEY XEER DHAQAMED KOODA KU GOOSAN JIREEN GEED KA HOOSTIISA IYAGOO U ADEEGSANAYA XEER DIIMET IYO MID DHAQAN. HADABA AQRISTOOW MAXEEY TAHAY ISBADAL KA KU YIMID SOMALIDA MAANTA IYO SOMAALIDII HORE ????

FARSAMO GACAMEED

FARSAMO GACAMEED KA WAA MID LAGU FAANO OO HIDAHA IYO DHAQANKA KAGA JIRATA DOOR KA KOWAAT. HADABA FASAMO GACAMEED KA SOOMAALID HEERKUU MARAYAA MAANTA MA KU FAAN NAA. FARSAMO DHAQAMEET KA AAN U LEENAHAY HIDAHA IYO DHAQAN

26 36


SPORT HALGAN PRESS

Orodyahanka Soomaaliyeed isla markaana u orda dalka England ee Mohamed Farah ayaa ku guulaystay orodada 5000 kun ee mitir iyo 10,000 kun ee mitir, kaas oo ka dhacay dalka Shiinaha gaar ahaan Caasimadiisa Beijing. Mohamed Farah oo sanadkii hore ku guulaystay bilada 10,000 M iyo 5000 Mitir, ayaa ku guulaystay inuu difaacdo biladaha dahabka ah ee uu haystay. Mohamed Farah ayaa tartan adag kala kulmay saddexda orodyahan ee u dhashay dalka Kenya ee kala ah Bedan Muchiri, Paul Tanui iyo Kamworor, kuwaas oo doonayey inay Mohamed Farah xeeladeeyaan balse orodyahankan labada jeer ku guulaystay Olmpicada ayaa qorshahaa saddexdan nin si fiican u fahmay, wuxuuna tusay in ayna awoodin inay meel mariyaan farsamada ay ku soo heshiiyeen oo ahayd in marba uu midkood Mohamed daaliyo, iyagoo xitaa isku dayey inuu kufo ayey labada lugood isugu dhufteen, laakiin Mohamed Farah orodkiisii halkiisii buu ka sii watay. Inkastoo oo uu sanadkan dhibaato badan ku ahaa Mo Farah, kadib markii isaga iyo tababarihiisa looga shakiyey inay ku lug lahaayeen daawooyin kordhiya awooda orodyahanada oo aduunka laga mabnuucay ayuu Mo Farah arintaa kaga Jawaabay inuu awoodiisa dibada soo dhigo isla markaana uu gaadho 3 guulood oo xidhiidh ah. Mohamed Farah ayaa July 9 hore ugu soo guulaystay tartanka orodka 5000 kun ee mitir, waxayna ahayd markii ugu horaysay ee Mohamed Farah uu tartan ku guulaysto tan iyo markii isaga iyo tababarihiisa Alberto Salaza eedaynta loogu soo jeediyay inay ku lug lahaayeen daawooyin aduunka ka mamnuuc ah. Sidoo kale July 25 ayuu Mohamed Farah guulihiisa sii watay wuxuuna mar kale ku guulaystay orodka 3000M , kaas oo ka dhacay London ee tartanka loo yaqaan Anniversary Games 2015 ee London Diamond League. Guusha ugu danbaysay ee uu Mohamed Farah ka soo hooyay tartanka 10000 kun ee mitir ayaa ka dul qaadaysa culayskii sanadkan soo foodsaaray, waxayna guushani ka caawinaysaa inuu aduunka tuso kalsooni iyo in aanu guulahiisa ku gaadhin daawo awooda kordhisa oo uu isticmaalay. Mohamed Farah ayaa hore loogu waayey inuu isagu ku lug lahaa isticmaalka daawooyinka awooda qofka kordhisa.

Happy to be home for the twins first day at school. 27 36


GOLIS COSMETIC MONEY TRANSFER

somali beauty shop STORGATE 37 0182 OSLO TEL 2204421 TEL 99105436 golisnet@gmail.com

28 36


HAIR CUTS SPORT CLUB HAIR CUTS SPORT CLUB WAXEEY MACAMISHEEDA U SHEGESAA IN DIBUDHIS CASRIYEEYEN IYO STYL NOOCYO CUSUB AH LUGUSOO KORDHIYAY TIMAJARAHA DHALINTA REER OSLO QIIMO DHIMIS IYO SOO DHAWEEYEN . SHAQAALO HUFAN OO XIFRADOODA SAERESO HA KA MAQNAAN TIMAJATRAHA DHALINA . REER OSLO EE GRONLAND

APNINGSTIDER • MAN — FRE 10.OO — 18.OO •

LORDAG 10.00 —17.OO

HAIR CUTS SPORT CLUB DHALINA WAXEEY KALE OO EEY KA HELAYAAN CIYARAHA OO AAD UGA DAWAN KARATO LIVE SIDA PREMIER LEAGUE AND CHAMPIONS LEAGUE SHEEKO IYO WALIBA YAA ADIGA TAGER TAA KALAY KOX,DAAD TAGEER TAASO EEY KUSII DHEER TAHAY IN LAGU QURXIYO HA KA MAQNAAN CLUB KA CIYALAKA XAFADA

29 36


STAR RESTAURANT

BARIIS IYO MALAY AMA KALUUN

SOOR IYO MALAAY AMA HILIB

CABITAAN FAREESH AH OO KALA DUWAN SIDA ORANJ MANGO IYO AFU KADO

MALAAY ALFOORNO

CANJEERO IYO BEER AMA SUQAAR

STAR RESTAURANT WAXEEY MACAMISHEEDA OGESINESAA IN EEY DIBU HABEEN BALARAN LAGU SAMAYAY OO AAD KU QABSAN KARATI XAFLADAHA NIKAAXA IYO MARTIQAAAD KA STAR RESTAURANT WAXEEY KUU HEEY,SAA CUNTO TAYALEH IYO SOO DHAWEEYEN WACAN WAXAA INATAAS OO KALE KUU DHEER IN STAR RESTAURANT UU KUUGU KEENI DOONO RASHIINKA AAD KA DALBATO GOOB ALLALE GOOBTA AAD OSLO KA DAGANTAHAY AMA XAFALAD KU LEEDAHAY HA MOOGAN HANA KA MAQ,NAAN .

CABITAANKA STAR RESTAURANT

STAR RESTAURANT ADERS

TEL

MOTZFELDTS GATE 5 OSLO NORWAY GRONDLAN 0187

96959331

STAR RESTAURANT 3036


KU SOO DHAWAAW GEERESH KA ISMAIIL

32 36


JUBBA RESTAURANT AFRICAN

BEER IYO CANJEERO

BI

JUBBA RESTAURANT waxaa kuugu diyaar ah shaqaale huffan oo kuu adeegi doono iyo cunto ku raali galin doob,to hadii aad qabato xafalad ama nikaax amaba casuumad jubba waxeey kuula diyaar tahay cunto heerkeedu sareeyo iyo QIIMO ku raali galindoono waxaa intaas kusii dheer in goob,ta aad rabato laguugu keeni doono rashiinkaga

CA

CA

BI TA A

N

TA A

N

M US

AF

HA

UK

KA

L

AT O

marabataa inaan soo xasuusato quracadii wadanaka beer iyo canjeero iyo shaah yeey kaa dhaman ee ka gaar Jubba Restaurant oo ku yaalo xaafada GRONLAND

BARIIS IYO HILIB

ADERS

TEL

MOTZFELDTS GATE 1 OSLO NORWAY GRONDLAN 0187

00479575326

31 36


G.B.C OO KUU WADO DHISMO CUSUB TEL 004747458720 004740611811 www.gbcconstrucion.no

DHISMO CUSUB MOGADISHO

33 36


KU DUUL DIYARADA AAD DOONTO Shirkadda tigidhada soomaalida ee Oslo, Madiina Travel ayaa waxaa lagu sameeyay dib u habeyn iyo balaarin xafiiseed kadib markii loo raray xarunta cusub ee MADINA SENTER oo ku dhaggan halkii uu horay xafiiska Madina Travel ugu ooli jiray.

KALA XIRIIR MADIINA TRAVEL: ADRESKA XARUNTA: MADINA TRAVEL: Breigata 12 (Salaama Restaurant geeskeeda) 0187, Grønland, Oslo TEL: 213 811 66 / Mob: 458 09 658 TEL:213 825 86 AMA +47 21389820

O

S

L

O

34 36


The revolution in wedding videography

* Contact us for *Â Wedding Video * TV Programms * Commercial * Flyers

Call MAYE MOOGEE +4740611811

35 36


O L S O

AY RW NO

MUDANE AHMED AWED MADAXA SARE EE DAHABSHIIL OSLO NORWAY.

WAXAAN JECLAHAY HORUMARAKA IYO GANACSIGA UAMADA SOMALIYEED EE KU NOOL DALKAN NORWAY DAHABSHIIL WAXEEY HAD IYO JEER U TAGAN TAHAY KOR UQAADIDA GANACSIGA SOOMALIYEED WAXAAN MUWAADIN WALABO EE SOOMAALI AH KUSOO DHAWEYNEYNAA GACMO FURAN IYO WADA SHAQEEYEN DAHABSHIIL OSLO NORWAY

Adresse: Tøyengata 2, 0190 Oslo

Telefon

22 42 57 64


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.