Iskaa wax u qabso Doula Vapaaehtoinen doula, somali

Page 1

SOMALI

Iskaa wax u qabso

doul a

– ayaa ku caawineysa, ma hooyaad noqon rabtaa mise aabe?


Iskaa wax u qabso Doula Doula waxay xubin ka tahay ururka Ensi- ja turvakoti waxaana ka howl gala si iskaa wax u qabso ah dad taakuleeyeyaal ah, kuwaasoo kaa taakuleynaya xiliga aad uurka leedahay iyo xiliga aad umushaba. Doula waa erey giriig ah waxaana loola jeedaa adeege dumar. Doula waxaad kala sheekeysan kartaa uurka/xaamilonimada, nolosha qoyska iyo foosha. Haddii aad rabto wey kuu raaci kartaa xiliga aad foolaneyso si ay kuu dhiirigeliso, kuuna caawiso. Waad codsan kartaa in Doula ku raacdo, xitaa hadduu ninkaagu kula socdo. Doula wey ku dhageysan iyadoo tixgelineysa rabitaankaaga iyo fikirkaagaba waxa adiga iyo qoyskaagaba idiin muhiimka ah. Doula ma ahan aqoonyahan caafimaad, waxa keliya ay qabaneysaa waa iney idin caawiso garabna idiin noqoto. Dhammaan inta xubnaha ka ah ururka Ensi- ja turvakoti ee Doula waxaa lasiiyaa koorso billow ah iyo mid dhameystir ah iyo in Doula loo qabto bishiiba kulan tusmo-shaqeed ah.

Waxaad la xiriiri kartaa shaqsiga uga wakiilka ah Doula nawaaxigaaga wakhtigaad rabto inta aad uurka leedahay Iskaa wax uqabsada Doula ayaa ku caawineysa, haddii qoyskaagu u baahan yahay kaalmo gaar ah. Waad kala sheekeysan kartaa xaaladdaada shaqsiga u qaabilsan. Adigoo wakhti hore la xiriiraya inaad ka hubsato xiliga dhalmada iney kuu raacdo Doula. Adiga iyo Doula ayaa ka heshiinaya inta jeer eed kulmeysaan iyo halka aad ku kulmeysaan. Inta badan kulamadu waa mar ilaa saddex jeer dhalmada kahor, dhalmada kadibna dhowr jeer. Inta badan Doula adeegeeda reerka waa u lacag la’aan, laaakiin deeggaamada qaarkood ayaa suurogal ah kharshka ku baxay in lagu soo dalacdo qiyaas 20–50 euro.


Doula Maaddaama adeegunimo ah: yahay si mutatawac – Doula waxay og tahay ”habkey wax u dhacayaan” Ugubka wax walba waa ku cusub yihiin. Doula waxay taakuleysaa hooyooyinka iyo weliba aabayaasha, kaftanka,sheekada iyo weliba dhiirigelinta iyo gacanta ooy ku qabtaan. Ruux wehel wanaagsan ah. Jaska & Jonna – Kalkacal, kalsooni, kaalmo, bini’aadanimo, neefsiga, degennaansho, dareen, goob-joog. Doula Linda

Haddii aad u bahan tahay mutatawaca Doula waxay kaa caawin karaan sidoo kale bilowga nuujinta.


Helsinki:

Helsingin ensikoti ry, tel. 040 160 4194, doula@helsinginensikoti.fi

Hämeenlinna:

Kanta-Hämeen perhetyö ry, tel. 044 730 0910, doula@khperhetyo.fi

Iisalmi:

Ylä-Savon Ensi- ja turvakotiyhdistys ry, tel. 040 192 0112

Jyväskylä:

Keski-Suomen ensi- ja turvakoti ry, tel. 050 596 5447, jenni.tolvanen@ksetu.fi

Kauhajoki:

Etelä-Pohjanmaan Ensi- ja turvakotiyhdistys ry, tel. 044 977 2022

Kotka:

Kymenlaakson Ensi- ja turvakotiyhdistys ry, tel. 044 321 1035, avopalvelu@kletu.fi

Kuopio:

Kuopion Ensikotiyhdistys ry, tel. 044 369 7202, 044 369 7214

Lahti:

Lahden ensi- ja turvakoti ry, tel. 044 777 0292, doula@letk.fi

Lappeenranta:

Etelä-Karjalan perhetyön kehittämisyhdistys ry, tel. 040 776 7548, paivaryhma@ek-perhetyo.fi

Oulu:

Oulun ensi- ja turvakoti ry, tel. 040 744 4300, doula@oetk.fi

Outokumpu:

Perheidenpaikka ry, tel. 0400 819 841, doulaohjaaja@perheidenpaikka.fi

Rovaniemi:

Lapin ensi- ja turvakoti ry, tel. 0400 814 946, avopalvelu@lapinensijaturvakoti.fi

Tampere:

Tampereen ensi- ja turvakoti ry, tel. 050 405 7946, annantupa@tetuko.fi, tel. 050 405 7947, hervantatupa@tetuko.fi, tel. 050 405 7948, linnainmaatupa@tetuko.fi

Turku:

Turun ensi- ja turvakoti ry, tel. 0500 967 714, doula@tuentu.fi

Doula waxay kugu caawineysaa afafka finnishka iyo ingiriiska. Balse si geesinimo leh ula soo xiriir xitaa haddaad ku hadleyso luuqado kale.

ENSI- JA TURVAKOTIEN LIITTO 2018 • KUVAT: SOFIA JERNSTRÖM

Haddii aad u bahan tahay mutadawaca Doula ama aad rabto inaad adigu kamid noqoto horinta Doula:


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.