Wargeyska Gobollada Dhexe - Luulyo 2014

Page 1

Ramadaan wanaagsan

WARGEYS BILLE AH KANA SOO BAXA MAGAALADA DHUUSA MAREEB Talaado, 01 luulyo 2014, Cadadka 016-aad, Sanadka 2-aad

QORMADA WARGEYSKA: SHIRKA MAAMUL U SAMAYNTA GOBOLLADA DHEXE Shirar badan oo looga arrinsanayey maamul u samaynta Gobollada Dhexe ayaa muddaba si isdaba jooga ah uga dhacayey dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, oo runtii dad badan oo deegaanka ah, marna dareen galisay marna ka yaabisay. Run ahaan waxaa ayaan darro ah in shir ku saaban xal u ...ka sii akhri bogga 2aad.

Qiimaha 3000 Sh, So

QORAALLO KALE UGAAS NUUR AIRPORT OO DIB LOO HOWGELIYAY ...ka akhri bogga 3aad.

BISHA SOON OO LAGA ARKAY GOBOLLADA DHEXE ...ka akhri bogga 3aad.

CADAADO OO ISBITAALKA DHIMIRKA LAGA FURAY ...ka akhri bogga 3aad.

RUN MISE BEEN! Qeybtii 3aad W/Q: Axmed Xaayow ...ka akhri bogga 4aad.

DIRIR BEELO DHEXMARTAY OO LAGA HESHIIYAY

HOBYO OO MAAMUL CUSUB YEELATAY

QORSHE GANACSI! W/Q: Bashiir Xaashi Dhoorre ...ka akhri bogga 4aad.

ISBEDEL-DOON Qeybtii 2aad W/Q: C/qaadir Faarax Diiriye (Carab) ...ka akhri bogga 5aad.

Odayaasha dhaqanka iyo maamullada deegaannada Guriceel iyo Balanballe ayaa xal ka gaaray colaad u dhaxeysay beelo wada daga deegaannadaas.Deegaanka Hardis oo uu ka dhacay kulanka dhexmaray odayaasha iyo...ka sii akhri bogga 2aad.

Munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada Hobyo oo kamid ah deegaannada maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa lagu magacaabay maamul cusub oo magaalada ka arrimin doona. Wasiirka arrimaha gudaha Ximin iyo Xeeb...ka sii akhri bogga 2aad.

CUDURKA SHUBAN BIYOODKA

W/Q: Maxamed Cali Axmed

Wixii faahfaahin dheeri ah, la soo xariir: Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com) ama Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com).

...ka akhri bogga 6aad. Kala xariir: info@midnimodesigns.com


2

Cadadka 016-aad, Sanadka 2-aad

WARARKA

Talaado 01, luulyo 2014

SHIRKA MAAMUL U SAMAYNTA GOBOLLADA DHEXE W/Q: Maamulka Wargeyska | w.g.dhexe@gmail.com Shirar badan oo looga arrinsanayey maamul u samaynta Gobollada Dhexe ayaa muddaba si isdaba jooga ah uga dhacayey dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, oo runtii dad badan oo deegaanka ah, marna dareen galisay marna ka yaabisay. Run ahaan waxaa ayaan darro ah in shir ku saaban xal u helidda xaaladaha Gobollada Dhexe iyo qaabkii maamul loogu samayn lahaa, in shirarkaa aan lagu qaban deegaan ka mid ah gobolka. Inay nasiib xumo tahay ka sokow, waxayba qayb ka tahay cuuryaaminta dhaqaale ee lagu hayo Gobollada Dhexe, maxaa yeelay, dhaqaalaha lagu baxshay shirarkii la qabtay ee uu ugu dambeeyey shirkii Nayroobi, maxaa diidaya in shirka lagu qabto gobolka dhexdiisa si dhaqaalaha ku baxa uu u noqdo mid lagu maalgalinayo deegaanka, waa haddii lagu qabto shirarkee. Saw ma abuuro shaqooyin deegaankana soo galinaya

dhaqaale iyo ra’sumaal, ay ganacsato ku sii hormarin karaan adeegyada ganacsi ee ay leeyihiin, balse, si aysan taa u dhicin, waxaa had iyo jeer shirarka lagu qaban jiray meel kale. Bal adba qiyaas mudanayaasha ka qaybgalay shirarkii dhacay waxay ka tageen gudaha waddanka, oo saw kama raqiisana in waddaanka dhexdiisa la isaga goosho, hoteellada ay seexdeen waxna ka cuneen, saw iyana kama jabna kuwa deegaanka ku yaal, oo ay hubaal tahay iyo marag ma doonto inay cad iyo caano dheef fiican leh cuni lahaayeen. Shanta bishan todobaad ayaa la qorshaynayaa in la furo shir ku saabsan, haddaba, waxaan ka filnaaba waa guul iyo wax in wax ka soo baxaan. Taa kale waxaa muhim ah in khilaafaadka aan dhammaadka lahayn iyo muranka aan ujeedka lahayn dhan la iska dhigo, oo loo soo jeesto sidii la isugu tanaasuli lahaa, waxna loo wada dhisan lahaa, waxna loo wada qabsan lahaa.

In had walba maamul u samaynta Gobollada Dhexe lala aado meel ka baxsan deegaanka waxaa la musiibo ah, in la yiraa waxaa maamul loo samaynayaa afar gobol oo la isku darayaa oo kala ah: Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Aan is weydiinno Dastuurka waxaa ku qoran in laba gobol ay maamul samaysan karaan, haddaba, maxaa diidaya in la isku daro labada gobol ee kala ah: Mudug iyo Galguduud, ooba iska ah Mudugtii hore, maamul u gaar ahna loo sameeyo, dhanka kalana in gobolka Hiiraan oo dawladdii Madaxweyne Shariif ay ka dhigtay laba gobol oo kala ah Hiiraan iyo Shabeellaha Sare iyagana la isku daro ee maamul gooni ah loo sameeyo, oo iyana isku noqonayaan Hiiraantii hore, halka Shabeellaha Dhexe haddaan laba gobol laga dhigi karin ay tahay in la raaciyo Shabeellaha hoose? Run ahaan waa wax marna lala yaabo, marna ku tusinaysa in gobolladaa lala doonayo dibir iyo luggooyo iyo inaysan hana qaadin, balse, iska daa inay hore

kac sameeyaan ama hore u tallaabsadaane. Dhibkan ah in maamul u samaynta Gobollada Dhexe mar walba lala aado dibadda iyo deegaanno ka baxsan gobolka iyo midda ah in gobollada la isku canyuuso, iyadoo la awoodo sharcina ay tahay iyo dastuur in laba laba la isu raaciyo, dhibkaa waxaa eeddiisa inta badan qaadaya oo leh xubanaha dawladda ku metala ee ka soo jeeda gobolka oo aan iyagu marna diyaar u ahayn inay wax ka badalaan qaabdarradii hore loo bartay iyo dhabbihii qalloocnaa oo hore loo qaaday, mudanayaashaa waxaa ugu horreeya Madaxweyne Xasan Sheeq, Wasiirka Arriimaha Gudaha Mudane Guuleed, C/ risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Khayradka Dalka IKKB oo aan marna ka dhawaajin in Gobolladaa laga daayo dibindaabyada lagu wado inay sheegaan oo qorsheeyeen iska daaye, oo loo gudbo in loo sameeyo maamul loo dhan ee shaqaynayee.

Dirir beelo dhexmartay oo laga heshiiyay

Hobyo oo maamul cusub yeelatay

Odayaasha dhaqanka iyo maamullada deegaannada Guriceel iyo Balanballe ayaa xal ka gaaray colaad u dhaxeysay beelo wada daga deegaannadaas.

Munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada Hobyo oo kamid ah deegaannada maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa lagu magacaabay maamul cusub oo magaalada ka arrimin doona.

Deegaanka Hardis oo uu ka dhacay kulanka dhexmaray odayaasha iyo maamullada labada deegaan ayaa lagu go’aamiyay in marka hore maaleeshiyada beelaha ee is horfadhida la kala diro, kaddibna diyo laga bixiyo dadkii ku dhintay dagaalka. Guddoomiyaha degmada Balanballe Hareeri Xasan Barre ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay nabadda ka shaqeeyaan,

iyadoo sidoo kale uu tibaaxay in toddobaad kaddib kulan kale uu ka dhici doono magaalada Guriceel. Odayaasha iyo madaxda maamullada labada degmo ayaa booqan doona deegaannada dagaalladu ka dhaceen oo ay ka mid yihiin Labi Aw-Cali, Garas gaab iyo Garasle. Horraantii bishii juun ayaa dagaal ku dhexmaray laba beelood deegaanno u dhaxeeya Balanballe iyo Guriceel, kaas oo ay ku naf waayeen 12 qof halka dhaawacyo bandanna uu sababay.

QORAYAASHA WARGEYSKA Axmed Xaayow (Dulmidiid), Maxmed Cali Axmed, C/qaadir Faarax Diiriye (Carab) iyo Maxamed Bashiir Midnimo. Ma tahay qoraa, oo ma dooneysaa inaad nala shaqeyso? Noogu soo dir codsigaaga w.g.dhexe@gmail.com

Wasiirka arrimaha gudaha Ximin iyo Xeeb Xasan C/llaahi Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka deegaanka ay isku howleen sidii ay u sameysan lahaayeen maamul ay iyagu raalli ka yihiin, kaas oo ugu dambeynna la horgeeyay madaxda maamulka sare ee Ximin iyo Xeeb. Mudane Xasan C/llaahi ayaa ku dhawaaqay xubnaha maamulka cusub ee degmada Hobyo, kaas oo guddoomiye looga dhigay C/llaahi Axmed Barre, halka gudoomiye ku xigeen loo magacaabay Abshir Ceynab Maxamed.

Sidoo kale dadka deegaanka waxay soo magacowdeen Xoghaya degmada Hobyo iyo masuuliyiin kale oo ka shaqeyn doona arrimaha degmada, iyagoo isla markaana dhawaan soo magacaabi doona golaha deegaanka Hobyo. Xasan C/laahi Maxamed, wasiirka arrimaha gudaha Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in maamulkan cusub looga fadhiyo inay wax ka badalaan howlaha degmada iyo sare u qaadida hormarka degmada Hobyo. Madax ka tirsan maamulka Ximin iyo Xeeb oo isugu jira wasiirro iyo xubno kaleba ayaa bishii juun booqasho ku tagay magaalo xeebeedka Hobyo, si ay u wacyi geliyaan bulshada, islamarkaana ugala hadlaan sidii ay wax uga badali lahaayeen magaalada.


WARARKA

Talaado 01, luulyo 2014

Cadadka 016-aad, Sanadka 2-aad

Garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur oo dib loo howlgaliyay Burburkii dowladdii dhexe kadib, ayaa diyaarad wadday rakaab dad rayid ah kasoo dagtay garoonka caalimiga ah ee ugaas nuur, ee magaalo madaxda gobolka galguduud, ee dhuusa mareeb (Dahar Dheer). Dib u furintaanka garoonka ugaas nuur, ayaa wuxuu fududayn doonaa isu socodka iyo duulimaadyada dalka gudihiisa, halka ewel ay in ahayd in laga soo dego garoommada guri ceel ama cadaado. Shirkadda salaam air oo lahayd diyaaradda duulimaadka ku tagtay garoonka ugaas nuur ayaa sheegtay in ay tagi doonto garoonka ugaas nuur ee dhuusa mareeb (Dahar Dheer), ilaa sadax maalin todobaadkiiba. Munaasabadda dib loogu furayey garoonka ugaas nuur ayaa waxaa kasoo qeybgalay guddoomiyaha gobalka Galguduud, guddoomiyaha degmada dhuusa mareeb, guddoomaiyaha waxbarashada ee gobalka, ururrada haweenka iyo dhallinyarada, madaxa horumarinta mashaariicda gobalka, aqoonayanno, ganacsato, oday-

aasha dhaqanka iyo dhamaanba bulshada gobolka iyo degmada, iyadoo barbaarta gaashaaman ay halkaasi ku soo bandhigeen ciyaaro.

Nuur ka soo degi karaan, diyaaradaha rakaabka ee shacabka qaada, maamulkii garoonkana waa la dhisay” ayuu yiri guddoomiye Cirfo.

Guddoomiyaha degmada Dhuusa Mareeb mudane geedo qoroow ayaa ugu horreyn ka warbixiyeey marxaladihii uu soo maray garoonka uaas nuur, isagoo yiri: “garoonkan wuxuu soo maray marxalado kala duwan, waayihii dambe ma uusan shaqeeyneyn, sababtoo ah, waxaa saameyn ku yeeshay dagaalladii gobalka ka dhacay, kuwaas oo u dhexeeyey ahlusunna iyo alshabaab, ugu dambeynna waxaan ku guuleysannay in aan dib u furno maadaama amniga gobalka la xaqiijiyey” ayuu yiri gudoomiyuhu.

Ugu dambeyn Cabdiwali Cali Dheere oo ka mid ah madaxda Wakaaladaha ka howlgala Dhuusa Mareeb ayaa sheegay in duulimaadka ay joogteyn doonaan. Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ayaa ah garoon ay horay uga soo degi jireeen duullimaadyada caalamigaa waxaana horay uga soo degay wafdi u badnaa golo Wasiirro oo uu hogaaminayeey Raysalwasirihii hore mudane Saacid, isku duwihii hore ee dhanka Bini Aadanimada Qaramada Midoobay Mac Powean, Safiirka Soomalaiya u fadhiya dalka eItoobiya iyo wafdi Wasiirro ah oo uu hoggaaminiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

Guddoomiyaha gobalka Galguduud ayaa qaxiijiyey in wixii hadda ka dambeeya uu furnaan doono Garoonka Ugaas Nuur ee degmada Dhuusa Mareeb , wuxuuna yiri: “Waxaan caddeynayaa in maanta laga billaabo ay garoonka diyaaradaha Ugaas

Xigasho: www.radiodhuusamareeb.com

WARAR GOOS-GOOS AH Dhuusa Mareeb: Munaasabad lugu maamuusayay 26-ka bisha juun ayaa lugu qabtay magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobolka Galguduud. Munaasabadda waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Galgaduud, kan degmada Dhuusa Mareeb, cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Guddoomiyaha maamulka dowladda ee gobolka Galguduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) ayaa dadweynaha u hambalyeeyay, isagoo xusay in halgan dheer loo soo maray helidda xoriyadda. Wuxuu kula dardaarmay dadka Soomaalida inay ilaashadaan gobannimada, kana shaqeeyaan midnimada umadda.

miyiga ee gobollada dhexe. Ololahan ayaa loogu tala galay in lagu horumariyo aqrinta iyo qorista. Agaasimaha hay’adda waxbarashada iyo horumarinta ee Iftiin Maxamed C/llaahi Maxamed Dhaga cadde ayaa sheegay in ololahaan ay wadaan sanadkii saddaxaad, islamarkaana ujeedkoodu yahay sidii ay uga hortagi lahaayeen aqris iyo qoris la’aanta. Dhaga cadde oo wareysi siiyay idaacadda codka gobollada dhexe ayaa sheegay inay si horudhac ah iminka ka billaabeen deegaannada Qansaxley, Xanjabarde iyo Kaxandho, isagoo sheegay in deegaannada kalena ay ku sii xigaan.

‘Ololahaan waxaa fulinaya ardayda iskuullada magaalooyinka gobollada dhaxe, waxayne ku Cirfo ayaa sidoo kale u hambalyeeyay dadka wadanka Jabuuti, bixinayaan tababarka si tabarrucaad ah…sanadkaan waxaan kuwaas oo iyana maalin kaddib rajeyneynaa inaan ololahaan u dabaal degay 27-ka juun oo gaarsiinno illaa iyo 35 tuulo’. ku beegneyd maalintii ay xornimada qaadatay Jabuuti sanadkii sidaa waxaa yiri Maxamed C/ llaahi Dhaga cadde. 1977. Cadaado: Olole looga hortagayo Ololaha ayaa soconaya muddo laba bilood ah oo ay ardaydu jahliga, aqris iyo qoris la’aanta ayaa ka billowday deegaannada ku jiraan xilligooda fasaxa,

waxaaney gaarsiin doonaan goobaha aaney waxbarashadu ka jirin. Gaalkacyo: Maxamed Cali Xasan, ku xigeenkii duqa degmada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaaasi, kaddib markii sida uu sheegay culeesyo kala duwan uu kala kulmay maamulka sare ee dowladda hoose. Maxamed Cali Xasan wuxuu ahaa ku xigeenkii 1aad ee duqa magaalada Gaalkacyo. Camaara: Camaara waa degmo ka tirsan deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Ximan iyo Xeeb, waxaa laga dareemayaa isbadello dhinacyo badan. Camaara ayaa isbadelka ugu horeeya ka sameysay dhanka waxbarashada, waxaana ka jira iskuullo daboolay baahida waxbarasho ee reer Camaara. Xiliyada dabeylaha waxaa magaalada qeybo kamid ha ku bata bacadka. Amaanka magaalada ayaa aad u wanaagsan, taas oo ay keentay wadashaqeynta fiican ee shacabka iyo ciidamada maamulka ka dhaxeysa.

3

Cadaado oo isbitaalka dhimirka laga furay Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Isbitaalka degmada Cadaado gaar ahaan qeybta DHIMIRKA. Masuuliyiinta goobjoogga ahaa waxaa ku jiray wasiirka arrimahabulshada Cumar Maxamed Diiriye (Cumar Guureeye), nabaddoon Axmed Diiriye Cali, afhayeenka beelaha Hawiye iyo masuuliyiin kale. Dhaqtar Xabeeb oo ah dhaqtar qaabilsan xanuunnada dhimirka oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay in maanta magaalada Cadaado laga furo isbitaal qaabilsan dhimirka, xusayna baahida loo qabay inay ahayd mid weyn. Xarunta qaabilsan dhimirka ayaa dhismaheeda waxaa taabba galshay qurbajoogta ka soo jeedda deegaannada Ximan iyo Xeeb ee ku nool daafaha caalamka, taas oo uu si rasmi ah xarigga uga jaray wasiirka arrimaha bulshada Ximan iyo Xeeb mudane Cumar Guureeye. Xaruntan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay oo laga furo deegaannada Ximin iyo Xeeb, iyadoo sidoo kalena ay qeyb ka tahay horumarka deegaannadaasi ka soo muuqanaya waayadan dambe.

Bisha Ramadan oo laga arkay meelo kamid ah Gobollada Dhexe Bisha barakeysan ee Soonfur ayaa curatay, waxaana bisha laga arkay habeenkii axadda soo galeysay deegaanno badan oo kamid ah gobollada dhexe sida ay inoo xaqiijiyeen dad deegaanno kala duwan ku sugan. Mid kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Cadaado oo xarun u ah maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in isaga qudhiisu uu arkay bisha barakeysan ee Ramadaan, islamarkaana bulshada ku dhaqan halkaasi badankood ay wada arkeen. Wariye ku sugan deegaanka Camaara ayaa isna noo sheegay in qeyba kamid ah deegaannada hoos yimaada maamulka Ximin iyo Xeeb laga arkay bisha barakeysan ee Ramadaan. Wasaaradda diinta iyo awqaafta DF Soomaaliya ayaa warbaahinta u marisay dadweynaha Soomaaliyeed inay bisha Ramadaan billaaban doonto maalinka axadda oo ku beegneyd 29 juun 2014.


4

Cadadka 016-aad, Sanadka 2-aad

QORAALLADA WARGEYSKA

Talaado 01, luulyo 2014

RUN MISE BEEN?! | Q3AAD W/D: Axmed Xaayow (Dulmidiid) Sheeko ka hadleysa nolosha haasaawaha dhallinyarada. Habeenkii jawaabta laga sugayay Bashiir wuxuu noqday kii ugu horreeyay oo uu xiriir mustaqbal la yeesho gabar. Khadiijana waxay noqotay mid uu gabdhaha ka baadi goobo ayadoo kale, baadi goobkaas oo gaarsiiyay inuu Habboon ka dhur sugo ayadoo ay ula muuqatay inay tahay Khadiija oo yar. Dhowr habeen markey wada sheekeysteen Bashiir iyo Khadiija, fursadna ay u heleen inuu wax u akhriyo ayaa waxaa dhacay habeen uu ka soo baxay guriga Khadiija inuu jiiro uga hor yimid wiil la yiraahdo Cali Nuur, oo ay ilma habreed yihiin Khadiija, markuu Cali Nuur istaajiyay Bashiir ayuu ku yiri “saaxiib gabadhaad la sheekeysaneyso rag ayay u doonan tahay ee miyaadan ogeyn?” Bashiir oo yaabban isuna diyaariyay dagaal ayaa yiri “iima sheegin inay rag u doonan tahay, laakiin, waa arki doonaa hadday middaas jirto”. Bashiir intaa kadib wuu iska dhaqaaqay asagoo qaba dareen weyn iyo digniin ah inuu foojignaanta badiyo. Khadiija ina adeerkeed Cabdullaahi wuxuu guriga adeerkiis ugu soo laal-

aabanayay waxay aheyd inuu adeer u dhiibo gaari tagsi ahaa oo uu rabay inuu wado, markuu helay muraadkuu lahaana wuxuu ku mashquulay tagsiga inuu ku shaqeeyo, waayoo waxbarashadii wuxuu uga tegay fasalka 8aad markey ka wada bexeen asaga iyo saaxiibkiis Bashiir oo Dugsiga sare sii watay haddana guriga ku yimaada madaxa Cabdullaahi oo reerka ay ku barteen una sheegay inuu yahay wiil fiican oo waxbarashadana ku fiican, sidaa daraaddeed ayaa loogu aaminay inuu Khadiijo oo ah fasalka 8aad ka caawiyo waxbarashada. Khadiija hooyadeed iyo aabbaheed waxay kala tageen goor hore, waxayna la joogtaa aabbaheed, hooyadeedna waxaa guursaday nin kale oo ay u dhashay carruur, waxayna deggan yihiin degmada Wadajir. Habeenkii xigay wuxuu Bashiir weydiiyay Khadiija wiilkii jidka u galay, waxay u sheegtay in la yiraahdo Cali Nuur ayna wada sheekeysan jireen, laakiin hadda ay kala hareen iyo inay dhashay habaryarteed, Bashiir oo ku andacooday inaanu hore ula socon inay wiil kale xiriir leeyihiin ayay Khadiija ku qancisay inay iskala sheekeysan jirtay, laakiin aaney wax dan ah ka laheyn xiriirkiisa, balse inay jeclaatay

asaga markii ugu horreeysay ee ay aragtay. Markuu Bashiir ka soo tegay Khadiija asagoo aad u digtoon ayuu Cali Nuur uga hor yimid barteey xalay ku kulmeen, markan asagoo ka duwan sidiisii hore kana codsaday inuu u daayo gabadha uu jecel yahay ugana soo horreeyay xaqna uu ku leeyahay. Bashiir erayadaas waxay taabteen laabtiisa isla markaana waxaa ka tan badiyay hadalladii ay Khadiija ku soo akhrisay oo ahaa inay wax dan iyo muraad ah ka laheyn wiilka hor taagan, markaa ayuu ku yiri “haddaad xalay sidaan iila hadli laheyd waxbey ahaan laheyd, laakiin afkaad igula hadashay inaad ku adkeysato ayaa caawa kuu fiican” wuuna ka dhaqaaqay asagoo ka xun jawaabta uu siiyay Cali Nuur. Bashiir weli qalbigiisa kama go’in muddadii sanad ku dhawaadka aheyd ee ay wada socdeen Khadiija, sidey hadalkiisa u dhageysan jirtay, qosolkeedi iyo ilka caddeynteedii, sidey diyaar ugu aheyd inay qaadato talooyinkiisa oo ay ka mid aheyd inay soo booqato hooyadeed wanaajisana xiriirka qoyska hooyadeed, kuna dadaasho inay laba reerood safiir u noqoto. Wuxuu Bashiir dhisay qofka uu noloshiisa ku aamini lahaa dhan walba. Khadiija waxaa

ku dhacay isbedel weyn oo ay ka dareemeen waalidkeed, waxay ula muuqatay inay gabadhoodu la soo baxday fir fircoonaan iyo caqli ay ku xalliso xumaan ay ku kala maqnaayeen muddo badan, una furtay baal cusub labada qoys ee hooyo iyo aabbe. Waxaa kale oo ay saameyn ku yeelatay ardayda ay isku fasalka yihiin oo ka dareemay isbedel xagga waxbarashada ah iyo mid xagga hadalka ah. Markey Khadiija hadleyso waxay u dhegeystaan sidey u dhegeeysato Bashiir oo kale, Khadiija lafteeda ayaa isla yaabtay horumarka ay sameysay. Cali Nuur si sahlan kuma harin, wuxuu ku mintiday inuu gacanta ku dhigo Khadiija, oo markaan intii hore ka sii qiima badan. Ammaanteeda waxay gaartay reeraha oo dhan, taas oo Cali Nuur ku dhiirrigelisay inuu hooyadiis u adeegsado inay uga doonto walaasheed oo ah Khadiija hooyadeed, taas oo noqotay fursadda uu ku heli karo, nasiib wanaagna uu ku helay inuu weydiishada uga hor maro Bashiir oo qorshihiisu ahaa inuu doonto markuu dugsiga sare ka baxo. Labada hooyo waxay isla garteen in arrinta lala sugo… La soco qeybta 4aad ee sheekada.

Qorshe ganacsi!

W/Q: Bashiir Xaashi Dhoorre | bashka144@gmail.com Waa maxay qorshe Ganacsi? Qaabka ugu fudud ee loo qeexi karo qorshe Ganacsi, waa; HAGE. Sidoo kale, waa jidkii aad u qaadi laheyd Hiigsigaaga iyo faahfaahinta qorshahaga, si aad u gaarto himilooyinkaaga. Qorshaha ganacsiga sidoo kale, wuxuu sharraxaad ka bixiyaa kooxda kula shaqeyneysa iyo in ay yihin kuwo awood u leh in ay kugu kaalmeeyan sidii aad u gaari laheyd hadafyada iyo ujeeddooyinkaaga ganacsigaga. Qorsheynta ganacsi qoritaanka qorshe ganacsi oo dhammeystiran ayaa ah tallaabada ugu horreysa marka la billaabayo ganacsi. Qorshahaaga ganacsi waa uu: - Ku hagi doonaa marka aad ganacsigaaga dhab ka dhigaysid. - Kaa caawin doonaa inaad ka baxsatid khaladaad kharash badan. - Kaa caawin doonaa inaad dhaqaale ahaan is diyaarisid, haddii aad ku talogashay

inaad adigu maalgalisid ganacsigaaga iyo haddii aad ku talogashay inaad cid kale ka heshid maalgalin. - Kaa caawin doonaa inaad heshid kalsoonida dadka kale ee laga yaabo inay xiiseynayaan keeneyaal.

Bayaan Waxqabasho iyo Hadaf

Qaybta ugu qiimo badan qorshe ganacsi, waa aqoonta aad heshid marka aad sameysid daraasad qoto dheer, oo aad qortid. In kasta oo ay soo jiidasho leedahy inaad kireysatid qof kuu diyaariya qorshahaaga, ama inaad iibsatid qorshe jira oo loogu talogalay nooca ganacsigaaga, haddana, waxaa danta kuugu fiicani kuugu jirtaa inaad adigu hawsha qabatid. Taas macnaheedu ma aha inaad kaligaa qabatid. Waxaa talo fiican ah inaad la shaqeysid bareyaal, la-taliyeyaal, ama talobixiyeyaal inta aad ku jirtid hawsha. Tilmaantoodu waxay kuu keydin kartaa wakhti iyo dadaal badan.

Bayaan ujeeddo waxa uu ka jawaabaya su’aasha ah “Maxaan rabnaa inaan noqono?” Waxa uu ku siinaya tilmaan marka aad sameynaysid go’aanno saameyn doona mustaqbalka ganacsigaaga.

Qorshe Ganacsi oo waara guulna gaara waxa uu ka kooban yahay.

Sidoo kale, waxaa ku jira lahaanshaha, nooca ganacsi, taariikhda billaabista, iyo goobta.

Bayaan waxqabasho waa sharraxaad gaaban oo qeexeysa waxa aad qaban doontid. Waxa uu adiga iyo dadka kula shaqeynaya ka cawinaaya in diiradda la saaro waxa muhiimka ah.

Sharraxaad Ganacsi Sharaxaaddaada ganacsi waxay ka jawaabaysa su’aalaha ah “kuma, maxay, goorma, iyo halkee?” oo macnaheedu yahay ruuxa ad dooneyso inaad wax ka iibiso, waqtiga ay tahay inaad ka iibiso, iyo mesha ad dooneyso inaad ganacsigaga ka fuliso ama aad ka billawdo.


Talaado 01, luulyo 2014

QORAALLADA WARGEYSKA

Cadadka 016-aad, Sanadka 2-aad

5

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC)

Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com

ISBEDEL-DOON | Q2AAD W/D: C/qaadir Faarax Diiriye (Carab) | awdirie4@hotmail.com “Ma garanee qofka aad tahay, iyo waxa uu noqon. Ma ogtahay waxa aad rabtid, horey u soco waad heliye!” Maamiye: Carroll Bryant. Marka aad soo afmeertid maan tashiilka, mar kale waa inaa maskaxda ku haysaa fikradaha iyo fursadaha aad ku hormarinee naftaada, si aad u xaqiijisid ujeeddooyinka Isbedel-doonka. Marka ay halkaasi taagantahay “Gudagalka iyo bilowdaga Isbedel-doonku” macnihiisu waa dajinta iyo bilaabidda qorshe, isla markaana waa in waddo sax ah logu arooriyaa fikaradaha Isbedel-doonka, ee qof-ahaaneed. Sidaa darted, qorsheynta waxa aad dooneysid waa lagama maarmaan. Qorista waxa aad dooneysid waa tallaabada ugu horreysa. Kala duwanaashiyo ama farqi ma uu jiro marka laga hadlaayo hannaanka isbedeldoonka. Fuli wixii aad ku talagashay oo qorshe ah, kadib waxad isdultaagtaa, dulmar yarna ku sameysaa wixii dhacay, deedna qor natiijada aad la kulantay, kana sameey qoraal xasuuseed. Qoritaankaasi waxaa ay fal-celin kaa siineysaa helitaanka wixii aad rabtay, kala cedeynta habka fikirka iyo ujeeddooyinka. Waa albaab markasta kuu furan inaad bedeshid ama dib u habeyn ku sameysid qorshahaada xilli kasta oo aad u baahatid. Haddii uusan jirin horomar la taaban karo oo aad ka soo hoysay sida aad ugu hoggaamisay tillaabooyinka qorshahaada Isbedel-doon, taasina waa calaamad ku tusineysa wixii aad qabatay. 9 Talo oo ku saabsan hannaanka Isbedel-doonka Qofhaaneed.

1- Hadda billow qorshahaaga. Wax uun maanta ka bilow qorshaada isbedel-doonka. Waayo waxaa soo socda waqti la gaari doono isbedelka, sidaa darted, maanta bilow. “Kama aad baxsandoontid mas’uuliyadda berri, haddii aad maanta iska fogeysid”. Abraham Lincoln 2- Kala qaad-qaad tillaabooyinkaada. Si aad u sameysid isbedel waa inaad kala qaybisaa qorshayaashaada, una kala soocdaa kuwa waweyn iyo kuwa yar yar. Ugu danbeyn waa inaad diiradda saartaa isla markaana aad maskaxda ku haysaa qorsheyaalka mugga leh (Xajmiga) ee ay tahay inaad ka tillaabo qaadid. 3- Dadka kale ka baro. Dadka ayaad ka faa’iideysan kartaa sida loo guuleysto, waxaa kale ood ka baran kartaa qaladaadkooda. Waayo aragnimadu waa bare-qallafsan, sidaa darted, dadka kale ka baro qaladaadkooda. Haddii aad heli kartid hage ama bare aad ayay u sahlanaanlaheyd howshaadu. Akhri waxbadan intii karaankaada ah, si aad wax badan u ogaatid. 4- Galaangalka Isbedelka. Dunidu waqti kasta waxaa ay ku jirtaa isbedel. Saameynta isbedellada dunidu sameynee ayaysan jirin meel looga baxsanaayo. Haddii Dadka iyo halabuurkooda aysan wax badan bedelin, shaki kuma jiro in lagu noolaanayo mugdi iyo bohol qarsoon. Qorshahaada isbedel-doon waxaa uu u baahanyahay in lagu biiriyo sidee ayaad u dooneysaa inaad wax u bedeshid? Fal nuucee ah ayaad qaadi doontaa? Fal kaliyaa ayaa natiijo soo hooyo. “Wax wanaagsan ayaan

arkayaa intii aan maqal uun ku noolaan lahaa” Waana halkaas mesha la doonayo in maskaxdu isugu biyo shubato. 5- Isla xisaabtan. Waxaad mas’uul ka tahay horomarkaada. Waxaad mas’uul ka tahay waxa aad tahay maanta iyo halka aad joogtid maanta. Taasi macnaheedu waxaa weeye, waa shaqadaada inaad bilowdid qaadista tillaabooyin ku lug leh qorshe hormarineed iyo isbededoonka qof-ahaaneed. Haddii aadan adigu is dhibin, mid kalaa jirin doona, faa’iidooyinka aad ka dhaxashaana ma jiri doonto cid kale oo kula wadaagi. 6- Isku kalsoonaw. Fadlan eeg wax aad horey u haysatay,k ana fakar sida dadku uga faa’iideystaan waxa aad qabatid. Haddi aad naftaada sii hagaajisid, faa’iidooyinkaasi waa ay kordhidoonaan. Ishormarintaada iyo isbedelkaadu waxaa ay faa’iido u tahay bulshada inteeda kale, isbedelka hormarineed ee buslshada ku yimaadana waa horomarkaada. 7- Noqo kaskii qabe. Wax kasta oo aad ku talo jirtid waxaa ay noqdaan xaqiiqdaada. Salka u dhig xaqiiqada iyo ujeeddooyinkaada ka hor inta aadan xallin qaladaadka aad sameyneysid una xaqiijisid waxa runta ah ee aad dooneysid inaad tiraahdid. Haddii ujeeddooyinkaadu iyo tillaabooyinkaadu noqdaan kuwa aaan isku dheelli tirneyn, waa marag ma mdoonto inaad wax badan fikir ku bixin doontid raalligalin iyo raadinta marmarsiimo. Taana waxaa ay is hortaag ku sameynee Isbedelkada iyo is hormarinta qof-ahaaneed.

8- Dagaal lagal naftaada. Tiigsiga yoolashaadu kaliya waxaa ay u baahanyihiin xaqiijin dhab ah. Haddii aad gaartid bartilmaameedsi aan caadi aheyn, shaki kuma jiro inaad naftaada ku haysay xaqiraad. Haddii aad xulatid waxa fudud-na waxaad hagraneysaa naftaada, waxaana dhacaya ku qanacsanaan la’aanta gaaritaanka iyo Isbedelka arrimaha ay yartahay in gaaro. Arrimaha ka xulo halka ugu dhexeysa, ayadoo himiladu tahay isbedelka iyo hormarinta naftaada. 9- Horey u soco, hana is dhiibin. Noloshu waxaa ay u shaqeysaa si joogta ah, waana geedka labadiisa gellin. Marka aad la kulantid wixii aad fileysay wax ka hooseya, ama arrimuhu kuula muuqdaan kuwa aan hore u socod laheyn, ha is dhiibin, horey u soco. Si deg deg ah laguma hanto horomarka, taasina waxaa ay ka dhigantahay in qorshahaada horomarineed iyo isbedel-doonku uu u baahanyahay xaqiijin iyo isku dheellitirid. Ogoow ma jiraan wax lamid ah ka miro-dhalinta hannaanka isbedel iyo hormarineed ee noloshaada. Waad sii wadan kartaa waxbarashada, Isbedelka iyo dib u hagaajinta noloshaada oo dhan. Waxan rejeynayaa inaad tixgalisay dhamaan qodobbadaan isla markaana aad dhaqangalin doontid farriintaan, si aad u horomar iyo isbedel ugu sameysid qorshaha Isbedel-doonka qofahaaneed adiga oo hirgelinayaa qaar ka mid ah farsamooyinka aynu kor kusoo xusnay. La soco qeybta 3aad.

HALKAAN KU XAYAYSIISO GANACSIGAAGA, OGEYSIISYADAADA, CODSIYADAADA IYO WIXII KALE OO AAD JECLAAN LAHEYD. NAGALA SOO XARIIR: w.g.dhexe@gmail.com


CUDURKA SHUBAN BIYOODKA! W/Q: Maxmed Cali Axmed | Cali_640@hotmail.com Waa maxay shuban biyood ama cholera? Cholera waa cudur keena shuban biyood daran, taas oo sababta bakteeriyada loo yaqaanno vibrio cholerae. Siduu ku gudbaa cudurka? Cudurkaan wuxuu ku gudbaa: - Saxaro wadata bacterida vibrio cholerae oo taabata ama ku milanta biyaha la cabo sida ceelasha, wabiyada, waraha, harooyinka iyo laasaska iwm. - Cunto wasaqeysan ama cabitaanno wasaqeysan, ee ay ka mid tahay qudaarta aan la dhaqin, taas oo ay bakteeriyadu dul saaran tahay. - In qofku si toos ah u taabto isaga oo aan fileynin matag ka soo baxay qof cudurkii qaba. Meeqa ayuu socon kara cudurka ? Wuxuu socon karaa muddo 5 maalmood ah, balse waxey u badan tahay 1-2 maalmood. Sidee lagu gartaa cudurka? Darnaashada cudurku wuxuu ku qotomaa

labo shey oo kala ah: - Ku soo booditaanka cudurka oo qofka ku dhacay iyo qatiga oo dareeraha jirka ku lumiyay. Sida dhabta ah koleeraha wuxu maraa saddax xaaladood:

laaban, neef qaadashada oo si deg deg ah u badata, kaadida oo yaraata iyo oon badan. Waxaana xaaladdan oo kale badan in qofku u geeriyoodo fuuq baxa iyo aashitada keentay shubanka.

1. Stage of evacuation: xaaladdan wuxuu billowga hore ku billowmaa kadis, kuna fidaa isagoon dhalineyn wax xanuun ah, taas oo keenta shuban biyood iyo matag. Bukaanka waxaa suura gal ah in uu shubmo wax ka badan 30 jeer maalintii, kaas oo u eg bariis biyo la socdo oo kale.

3. Stage of recovery: hadii bukaanku xaaladda kore ugu geeriyoon waxaa kasoo muuqanaya astaamaha soo kabsashada, taaso ay kow ka tahay garaaca wadnaha oo dib u soo kaca, xaraaradda jirka oo oo caadi ku soo noqota, kaadida oo dib sida caadiga ah ugu soo laabata, iyadoo haddii kaadidu sida caadiga ahi ay kusoo noqon weyso, ay istaageyso shaqadii kilyaha, markaasna dhici karto in bukaanku u dhinto shaqo la’aanta kilyaha.

2. Stage of collapse: marka bukaanku kasoo gudbo marxalada kore, una soo gudbo isku soo aruurka, taas oo keenta fuuq bax waxaa calaamadaha ugu qatarsan oo la arki karo marka la joogo xaaladdan kamid ah indhaha oo god gala, goomaha oo soo baxa, caloosha oo isku dhagta, heerkulka oo hoos u dhaca, gacmaha iyo lugaha oo u ekadaan sida qof wax dhaqay, garaaca wadnaha oo la waayo, qiyaasta dhiigga oo la aqrin waayo, maqaarka bukaanka markii la jiido oo aan

Xaaladda loo yaqaanno koleeraha adag waxay dhacdaa 5-10 boqolkiiba, inta kalena waa xaaladaha qafiifka ah sida shuban matag la socdo ama aanan la socon. Xaaladahaasi qanuun ahaan waxaa loo yaqannaa xaaladda fudud, muddadooduna tahay 1-3 maalmood.

WAX BADAN AKHRI; WAX BADAN OGOW! Nagala soco: www.facebook.com/w.g.dhexe ama ciwaankeenna Twitter-ka @GobolladaDhexe


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.