Page 1

Wargeys bille ah, kana soo baxa magaalada Dusmo reeb Talaado, 01 Novembar 2018, Cadadka 068ad, Sanadka 6aad

MAXAA CUSUB?

DUSMO REEB OO MARTIGELINDOONTA SHIR WEYNE QARAN IYO KAN MAAMULLADA QORAALLO KALE WAXYEELLADA TRAMADOL-KA

| bogga 2aad

WAX KA BARO TAARIIKH NOLOLEEDKA SHAKHSIYAAD KA GUUL GAARAY GANACSIGA Q5 | bogga 4aad QAABKA DHULKA IYO CIMILADA SOOMAALIYA

| bogga 5aad


2

Cadadka 068aad, Sanadka 6aad

WARARKA

Talaado, 01 Novembar 2018

WAXYEELLADA TRAMADOL-KA W/Q: Dr. Abdullahi Osman Yusuf (Dr.Naaji)

Tramadol waa dawo xanuunka baabbi’iso ah, waxaana lagu la tacaalaa xanuunnada meel dhaxaadka ah iyo kuwa aadka u daran sida xanuunnada ka dhasha kaankarrada. Cirbad iyo kaniiniba wa ay u diyaarsantahay, oo waa looga helaa farmashiyaasha iyo xarumaha daawooyinka. Daawooyinka dunida laga helo ayaa ah labo qeybood marka loo eego sharciga iibsashada Daawooyinka; 1. qeyb loo oggolyahay in uu qofka iibsado, isagoon heysan ruqsad ama warqad dhaqtar u soo qoray. 2. Qeyb uusan qofka iibsan karin warqad dhaqtar uu soo qoray la’aanteed. Tramadol-ku waxa uu qeyb ka yahay qeybta 2aad ee aan la oggoleyn, in uu dhaqtar soo qoro mooyaane aan la gadan karin lana gadi karin. Dhibaaytooyinka Tramadol-ka  Daawadaan waxa ay ka howlgashaa maskaxda, waxa ayna yareysaa dareenka xanuun ee jirka, iyadoo ka dhigto qofka mid

xanuun iyo cajis aan dareemin inta ay jirkiisa ugu jirto, balse dhibaatada ugu xooggan ayaa ah la qabsi iyo in qofkii jirkiisa uu shaqeyn waayo daawada la’aanteed, taasoo qofkii ka dhigtay mid u baahan mar kasta qaadashada daawada. La qabsiga daawada Tramadol-ka waxaa keena: 1. isticmaalka daawadan waqti dheer 2. Qaadashada kuuro ka weyn inta loogu talagalay 3. Qaadashada daawadan si isu dhadhow. 4.  In uu qofkii iska cuno asigoo uusan dhaqtar u soo qorin; arintan waxa ku badan dhallinyarta kubbadda ciyaarta iyo dadka shaqooyinka culus qabta, ayagoo ka dareema firfircooni, balse, aan aqoon badan u laheyn dhibaata ay keenayso. 5.  In la la isticmaalo daawadaan maandoriyayaal kale sida: khamrada, xashiishka, daawada diyaasbam (diazepam), xanuun baabi’yaal kale IWM. Calaamadaha la qabsiga tramadolka: 1. Qofka oo aan daawada ka ahaan kareyn, mar walbana raadiyo 2.  Qofka oo aan daawada la’aanteeda shaqeyn kareyn 3. Saameyn shaqada maskaxda sida: qofkii oo lug ama gacan dhacdo, kaadida oo ku dhagta IWM. 4.  Qofki oo aan shaqeyn karin daawada la’aanteeda 5. Kacsanaan, xanaaq badan,

walwal, qallal, matag, wareer, dhalmo la’aan, mala’awaal, wadno garaac, madax xanuun, qofka oo dhulka ku dhaca iyo calaamado badan ayaa laga yaaba in u qofka isku arko. Haddii uu qofka la qabsado daawadaan haddii uu iska joojiyo daawada caqabad ayey ku noqonee, haddaba, waxaa lagu taliyaa, in qofka si tartiib tartiib ah u yareeyo isticmaalka daawada, isla markaasna la siiyo daawooyin lagu baabbi’inaayo calaamadaha ka dhashay tramadol-kii la yareeyay ama la joojiyay. Sanadihii ugu dambeeyay waxa aad u soo batay isticmaalka daawada Tramadol-ka, gaar ahaan dhallinyarada iyo xoogsatada, iyagoo ka aaminsan in tramadol-ku yahay daawo xanuun baabbi’iye foorta ah, balse aan si dhab ah u ogeyn waxyeelladiisa ba’an. Marka is ka ilaali guud ahaan isticlaamka dawo aan kuu soo qorin dhaqtar ama aadan u qaadnayn xanuun aad taqaan la tacaalliddiisa. Sidoo kale, qoyskaaga, xigtaada iyo qofkii aad taqaan uga dig, in uu dawada is ka soo gato isaga oon dhaqtar u qorin ama la tashan. Dawo adoo raadinaya ha is ku daarin dab, hana is ku ridin daacuun aan dabiibi la dabiibi karin. Digtoonow.

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer). Wargeysku wuxuu xarun ku leeyahay qaaradda Yurub oo ay akhristayaasha ugu badan ku nool yihiin.

Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com). Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com). Nagala soo xariir ciwaanka: w.g.dhexe@gmail.com.


Talaado, 01 Novembar 2018

WARARKA

Cadadka 068aad, Sanadka 6aad

3

DUSMO REEB OO MARTIGELINDOONTA SHIR WEYNE QARAN IYO KAN MAAMULLADA

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dhammaadkii oktoobar ku sugnaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa dib ugu laabtay magaalo madaxda Galmudug ee caasimadda Dusma reeb. Wafdiga madaxweynaha ee Garoowe u joogay ka qeybgalka shirkii iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa isugu jiray labada gole ee dowladda Galmudug.

iyadoo taas dhalisay, in magaalada Dusma reeb ay marti galin doonto laba shir oo kale ah mid lagaga hadlayo aayaha Soomaaliya, oo ay ka soo qaybgeli doonto Soomaali weyn oo dhan iyo midka golaha Iskaashiga oo noqonaya kii shanaad.

Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf ayaa Garoowe ka sheegay, in aan loo dulqaadan doonin faragalinta dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe uga Madaxweynaha dowladda imaanaysa isla dowladda dhexe, Galmudug Axmed Ducaale ayaa oo dumin keliya ladabataagan. markii hore safar dhulka ah oo uu kaga baxay magaalada Gaalkacyo Markii shirku dhammaaday ku tagay magaalada Garoowe, Madaxweyne Axmed Ducaale isagoo degmada Burtinle oo uu wuxuu baaqi ku sii ahaaday sii maray ka sheegay, in uu yahay magaalada Garoowe, oo maalmo nabaddoon Soomaaliyeed, oo dheeri ah sii joogay, halka doonaya in umadda Soomaaliyeed madaxdii kale u ka la dhoofeen meel kasta oo ay ku nool yihiin ay maamulladii ay hoggaaminayeen. nabad ku wada noolaadaan. Sababta uu ugu sii hakaday Garoowe ayuu ku sheegay arrimo Sida Wargayska Gobollada Dhexe u gaar ah Galmudug iyo Puntland, uu fahamsan yahay qabsoomidda oo labada dhinac Galmudug shirkani ayaa kaalin weyn waxaa iyo Puntland ayaa waxaa ku lahayd dowladda Galmudug, muddooyinkii dambe ay fureen

albaab ka duwan kii hore ee colaadda ahaa oo muddo sanado ah soo jiitamayay. In kastoo Galmudug iyo Puntland xilliyo colaadeed oo isu socodka iyo dadka iyo ganacsiga uu qariib yahay la soo maray, haddana labada madaxweyne Xaaf iyo Gaas waxay ka shaqeeyeen, in wajigii hore lagu beddalo isfaham ku dhisan horumar iyo nabad. Madaxweynaha dowladda Galmudug ayaa lagu ammaanaa inuu door fiican ka qaatay isdhexgalka bulshada gobollada Mudug iyo Galgaduudba, taasoo dadka siyaasadda odrosa ay ku sheegaan, in uu yahay oday dhaqameed, si fiican u yaqaan bulshada Soomaaliyeed. Isniintii markii madaxweynaha lagu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb ayuu bulshada ugu baaqay, in ay u diyaargaroobaan martigelinta shirweynaha magaaladaasi la filayo in lagu qabto.


4

QORAALLADA WARGEYSKA

Cadadka 068aad, Sanadka 6aad

Talaado, 01 Novembar 2018

WAX KA BARO TAARIIKH NOLOLEEDKA SHAKHSIYAAD KA GUUL GAARAY GANACSIGA Q5 W/Q: Xasan Mudane (qoraha buugga; SIRTA GUUSHA)

Taariikh nololeedka Zhou Qunfei Qaybtii afraad ee taxanaha taariikh nololeedka shakhsiyaadka ka guul gaaray ganacsiga, waxa aynu kaga hadalnay taariikh nololeedka maalqabeenka Alhaji Aliko Dangote, oo ah qofka koowaad ee ugu taajirsan Afrika, una dhashay dalka Nayjeeriya. Qaybtan, oo taxanaha ugu dambaysa, waxa aynu kaga sheekeyn doonaa taariikh nololeedka Zhou Qunfei.

saacadaha, waxayna ahayd shakhsi ku fiican shaqadeeda, isla markaana ahayd shaqaale aad u firfircoon. Saddex bilood ka dib markii ay shaqada billowday ayay codsi u dirtay madaxa shirkadda iyada oo ka codsatay in la dallacsiiyo. Mar kasta hadafkeedu wuxuu ahaa in ay heersare gaarto. Ka hor inta aysan ku soo biirin saaxada ganacsiga waxaa jiray shakhsiyaad ku dhiirriggeliyay, in ay billowdo ganacsi ay iyada u madax bannaan tahay, kuwaasi waxay ka la ahaayeen ina abtigeed, maantana waa shirkad weyn oo walaasheed iyo walaalkeed. awood badan ku leh suuqyada Ma ku la tahay, in ay ganacsigeeda caalamka. Shirkaddeeda waxay ku billowday lacag badan? macaamil la tahay oo ay adeegyo Labaatan kun oo doollar ayay siisaa shirkadaha kala ah Apply, ku billowday ganacsigeedii Samsung iyo Huawei.

ZHOU QUNFEI Waa hal-abuurad ganacsi, waana aasaasaha shirkadda ugu weyn ee samaysa shaashadda moobeellada ee lagu magacaabo Lens Technology. Hantideeda waxaa lagu qiyaasaa 8.8 bilyan 1 oo doollar. Tani waxay ka dhigtay gabadha ugu taajirsan dalka shiinaha, sidoo kale waxay ka mid tahay dumarka ugu awoodda badan dunida. ugu horreeyay, oo ay dhigaal ahaan ugu kaydsatay xilligii ay Waxay dhalatay sanadkii 1970kii, shaqeynaysay. kuna dhalatay tuulo ku taalla gobalka Hunan dalka shiinaha. Tiraddan waxaa laga soo xigtay Waxay ku soo dhexbarbaartay wargeyska: http://www.forbes.com/ qoys sabool ah, iyada oo shan profile/zhou-qunfei jir ah, ayaa aabbaheed dhintay. Dhimashada aabaheed waxay Sannadkii 2001 waxay dhigtay sababtay, in ay iskuulka ka iskoor weyn, waayo shirkaddeeda habsaamto, ka dib iyada iyo cusub ee Lens Technology, hooyadeed waxay u soo guureen waxay ku guulaysatay heshiis gobolka Guangdong. Zhou markii ay la gashay shirkadda weyn ay soo hanaqaadday waxay ku ee TCL Corporation. Markii ay biirtay jaamacadda Shenzhen, shirkaddeeda heshiis la saxiixatay balse iyada oo jaamacadda shirkadda TCL waxay tiri “Wixii ka dhiganaysa ayay doorbidday, in ay dambeeyay heshiiskaas waxaan shaqeyso, waxayna heshiisyo kale oo cusub la galay jaamacadda ka akhrisatay shirkado kale oo waaweyn.” casharro kala duwan sida xisaabta iyo kombuyuutarka. Shirkaddeeda Lens Technology oo ah shirkadda ugu weyn ee Waxay shaqo ka heshay shirkad samaysa shaashada moobeellada, yar oo samaysa shaashadda waxay aasaastay gu’gii 2003,

Si kastaba, muddo dheer ayay ku qaadatay, in shirkaddeeda ay faa’iido badan soosaarto, balse, marnaba maysan ka quusan, mana aysan isdhiibin, laba jeer ayay iibisay gurigeeda si ay isaga bixiso mushaarka shaqaalaha, balse, marnaba ma aysan go’aansan, in ay albaabbada u laabto shirkaddeeda, oo aan faa’iido badan soo saarin. Sheekaddeeda waxay dhiirriggelin u tahay qof walba oo doonaya, in uu ganacsi abuuro. Waxay tiri mar ay wareysi siisay TVga Gansu “Sirta ku jirta guushayda waxay tahay, mar walba waxaan jeclaa, in aan wax cusub barto.”


QORAALLADA WARGEYSKA

Talaado, 01 Novembar 2018

Cadadka 068aad, Sanadka 6aad

5

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC) Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com

QAABKA DHULKA IYO CIMILADA SOOMAALIYA W/D: Anas Khaliif

Dalka Soomaaliya waa dal ku yaalla Geeska Bari ee Qaaradda Afrika oo xudduudyo la leh dalalka ka la ah: Itoobiya, Kiinya iyo Jabuuti. Bed ahaan dalkeennu wuxuu ku fadhiyaa dhul baaxaddiisa lagu qiyaasay 637, 540 km2. Soomaalidu waxay sanadkii 1960kii ka xorowday gumeystihii Reer Yurub. Intii ka dambeysay 1991dii soomaalidu ma aysan laheyn nidaam dowladeed oo dhexe, ayada oo ay u sabab tahay dagaalladii sokeeye ee xilligaas bilowday. Tusmadan hoose waxaa laga arki karaa dhererka xuduudaha uu dalka Soomaaliya la wadaago dalalka deriska la ah Joqoraafi ahaan, dalka Soomaaliya waa dal dhinaca gobollada woqooyi ka ah dhul buuralley ah, oo isku bebedela sinnaanta aragtida siman, ee laga tixraaco badda 900 illaa 2100 m. Dhinaca woqooyi bari waa dhul qallalan wuxuuna gaarayaa aragtidaasi siman in ka badan 2000 m. Dhinaca koonfurta iyo galbeedka ilaa laga soo gaaro webiga Shabeelle dhulku wuu siman yahay, wuxuuna u dhexeeyaa 200 illaa 500 m. Gobollada u dhexeeya labada webi (Jubba iyo Shabeelle) waa dhul hoose oo dhul beeralley ah. Dhinaca kale koonfur galbeed ilaaa laga soo gaaro xudduudda Kiinya waa dhul daaq leh. Dhulka Soomaaliya waxaa 14% daboola keymo, in kastoo 4% oo kaliya ay tahay keymo jiq ah. Dhulku intiisa badan waa dhulka loo yaqaanno savanna oo geed

gaabka ah. Dhulka Soomaalida ee daaqa ku habboon waa 45% guud ahaan dhulka dalka uu ku fadhiyo, 13% waa dhul ku habboon beerashada. Itoobiya

1645 km

Kiinya

682 km

Jabuuti

61 km

Wadar

2388 km

Soomaaliya waxaa mara xarriiqda loo yaqaanno dhul-baraha. Dalku waxa uu leeyahay laba webi oo dhaadheer oo kala ah Webiga Jubba (1200 km) iyo Webiga Shabeelle (1700 km). Dalka Soomaaliya wuxuu leeyahay laba xeebood oo ku ka la yaala Badweynta Hindiya (2170km) iyo Badda Cas (1040 km), xeebahaasi wadar ahaan waxay gaarayaan dherer dhan 3210 km. Cirifta dalka ugu dheer waa buurta Daalo ee ku taallo meel u dhaw magaalada Ceerigaabo oo dhererkeeda lagu qiyaasay 2408 m. Dhinaca cimilada, maaddaama ay xarriiqda dhulka kala barta ay Soomaaliya marto, waxaa markaasi muuqata in dhulka Soomaaliya ka mid yahay waddamada kulkulul. Isbedelka heer-kulku aad ayuu u yar yahay. Isku-celcelis ahaan, heerkulka sanadkii oo dhan waxaa lagu qiyaasay 27oC. Ayada oo ay meelaha ugu kulul uguna qallalan ay ka mid tahay dhulka xiga dhinaca gacanka Cadan ee Badda Cas, meelaha ugu qabowna ay ka mid tahay dhula xiga dhinaca Badweynta Hindiya. Meelaha ugu kulul heerkulku wuxuu gaaraa 42oC. Roobabka dalkeenna oo

aad u yar aadna isku bebedela waxay kala da’aan labada xilli ee guga iyo deyrta, oo inta badan ku kala aaddan bilaha abriil - maajo iyo bilaha oktoobar - nofember. Tirada roobka ka da’a dalkeenna waxaa lagu qiyaasay 250 mm sanadkii. Sawirka 6 waxaa laga arki karaa tirada roobka ee dalka Soomaaliaya, ayada oo tusmada ka hooseysa sawirka ay muujineyso tirada roobka iyo uumibaxa ee dhowr magaalo ee Soomaaliya ka mid, waxaana halkaasi laga garan karaa, in uumibaxu si aad ah uga badan yahay tirada roob ee sanadkii da’a, kuleylka dartii. Labada waxyaabood ee ka muuqda dabeecadda dalka Soomaaliya waa abaarta iyo fatahaadda webiyada, oo labaduba ah arrin la xiriirta biyaha. In ay aad u badan tahay oo ay aad u sarreyso soo noqnoqoshada abaarta ee dhulka Soomaaliya waxaad si cad u muujinaaya sawirka hoose ee tusinaaya soo noqnoqoshada abaarta qaaradda Afrika. Waxaa la qiyaasay in 50 kii sanadba ay 17 jeer oo ka mid ah ay dalkeennu abaaro isbada-joog ay ku dhacaan, taasi waxay micnaheedu tahay, in eysan Soomaalidu abaar moogaanin saddex sano oo isku xigta. Sidoo kale fatahaadyada waxay qiyaas ahaan dhacaan 1520kii sanaba mar sida 1964, 1982, 1997. Abaaraha iyo fatahaaduba waxay keenaan dhibaatooyin gaajo iyo macluul iyo weliba cudurro.


06155555209 / 0699969192

Wargeyska Gobollada Dhexe - Novembre 2018  
Wargeyska Gobollada Dhexe - Novembre 2018  
Advertisement