Wargeyska Gobollada Dhexe - Nofembar 2016

Page 1

Qiimaha 3000 Sh, So

Wargeys bille ah, kana soo baxa magaalada Dusmo reeb Talaado, 01 nofembar 2016, Cadadka 044aad, Sanadka 4aad

MAXAA CUSUB? XUBNAHA AQALKA SARE U MATALAYA GALMUDUG | bogga 3aad

Burcadbadeed maxaabiis sii daysay Burcadbadeed fadhigeedu yahay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, ayaa sii daayey shaqaalaha markabka Naham3.Markabka Naham 3 oo ku gooshayey calanka dalka Taiwan, ayaa ahaa nooca kalluumeysiga, waxaana loo badinayaa, in uu ka mid ahaa maraakiibta kalluumeysiga sharcidarrada ah ka sameeya xeebaha Soomaaliya. Markabkan wuxu gacanta u galay burcadbadeedka bishii Maarso 26 2012. | bogga 2aad.

QORAALLO KALE

Mudane aayaheenna sida mudan u maaree bogga 4aad

Gudniinka Gabdhaha bogga 5aad


2

WARARKA

Cadadka 044aad, Sanadka 4aad

Talaado 01, nofembar 2016

Mudane aayaheenna sida mudan u maaree Waxaa si xowli ah u socda soo xulista ergooyninka xildhibaannada aqalka hoose, ee golaha shacabka Soomaaliyeed. Soo xulistani waxay ka socotaa dhammaan gobollada Soomaaliya. Cadaado waa magaalada xildhibaannada iyo ergooyinka gobollada dhexe laga dooranayo, haddaba, qormadani waxay farriin u tahay: odayaasha dhaqanka, ergooyinka xildhibaannada dooranaya iyo xildhibaannada cusub ee iman doona. ODAYAASHA GOBOLLADA DHEXE Waxaan idin xasuusinayaa, in guud ahaan masiirka dalka iyo gaar ahaan, kan dadka gobollada dhexe uu maanta gacantiinna ku jiro, dadka aad maanta xuleysaan waa dad saameyn ballaaran ku yeelan doona; noloshiinna, nolosha carruurtiinna iyo dhammaan facyaasha ka danbeeya, awoodda gacanta la idiin geliyay ha dheyelsannina, ee aad uga fiirsada.Waa mas’uuliyad culus, oo Rabbi idin weydiin doono. Waxaad ku jirtaan xilligii aad taariikh iyo magaca ka

tegi lahaydeen, ee hunguri, nin jecleysi iyo jufo ha fiirinnina! Gobollada dhexe, waxay ka mid yihiin deegaannada aad u haray, oo ay daashadeen dagaallada sokeeye, abaaraha iyo maamullada fadhiidka ahi, haddaba, si ay dadkeennu dhibkaas uga baxaan ayna u la tartamaan, gobollada la deriska ah iyo kuwa kale, odayashaa waxaa ku habboon, in ay qof mas’uuliyadda ka bixi kara soo xulaan. Meel dhowba ka fiiri; haddii aad qof eexloow ah, caddaaladna ka fog aad doorato, waxaa ka suurtagala, in uu adiga oo ugaas ah kugu xadgudbo. ERGADA LA XULAYO Halkii xildhibaan waxaa dooranaya oo u codeynaya 51 qofood. Qofkii Alle u qoro ee ka mid noqda xubnahaas, waxaa ku waajib ah, in uu marka hore u fekeraa dadka gobollada dhexe, ee uu ka soo jeedo, uuna doortaa qofka uu is leeyahay waa kan ugu tayada iyo kartida roon, dadka gobollada dhexana meteli kara, Soomaaliya oo dhanna wax u qaban kara. Qofkii horay xil qaran u soo qabtay waxaa

W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmad

laga ma maarmaan ah, in dib loo milicsado waxqabadkiisii hore intii uu xilka hahay, sidoo kale, qofka cusub ee xil doonka ah, waa in laga eegaa xagga kartida, aqoonta, ammaanada iyo waddaniyadda. Waxaan ergada ku boorrinaya, in ay ka fogaadaan musuq iyo in ay laaluush qaataan, xubnaha dooranaya xildhibaannada baarlamaanka, waxaa aad uu badan dhallinyaro, da’yartaas waxaan u sheegi lahaa, in uu mustaqbalkoodii dhimmanyahay, marka waxaan dhihi lahaa sumcaddiinna ilaashada, oo tubtii aabbeyaashiin mareen ka leexda. XILDHIBAANKA Haddii xildhibaan lagaa dhigo, waxaad si dhab ah u meteshaa muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gobollada dhexe. Erayga xildhibaan fasiro, oo mas’uuliyadda culeyskeeda dhug u yeelo. Markkii lagu magacaabo waxaad haysataa fursad, jaaniskaas waxaad sii haysan doontaa muddo kooban. Xildhibaanoow waxaad haysataa fursad aad ku abuurto taariikh

la ma illaawaan ah, taariikhdaas haddii aad sameyso waxaa ku naalloon doona, jiilka Soomaaliyeed ee soo aaddan. Mudane Xildhibaan, waxaad gacanta ku haysaa guusha dhaammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar kuwa aad sida khaaska ah u metesho, ee reer gobolladha dhexe. Waxaa codkaada ku soo bixi doona hoggaankii dalka wedi lahaa 4 ta sano ee soo socota. Soomaaliya waxa ay adduunyada uga hartay waxaa ka mid ah hoggaan xumo. Dadku waxay u baahanyihiin hoggaan iyo madax si dhab ah baahidooda uga turjuma. Waxay u hamuun qabaan madax runta sheegta oo aan nifaaq aqoon, haddaba, xildhbaanoow si aan u baraarno, carruurteennuna ay barwaaqo u gaaraan madax wanaagsan noo door. Ugaasow ergo fiican noo door. Ergooy xildhibaan fiican noo xula. Xildhibaanow hooggaamiye daacada dooro.

Madaxweynaha Galmudug iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ciidan booliis ah tababbar u xiray Madaxweynaha maamulka Galmudug, mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamad Xasan Xaamud, ayaa magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka ah, ee maamulka Galmudug, tababbar ugu xiray ciidamo cusub, oo ka tirsan Booliska maamulka Galmudug. Ciidamadan tababbarka loo xeray ayaa ah dufcadi ugu horreysay, ee ciidanka booliska galmudug, oo tira ahaan gaarayay 400 oo askari, oo 60 ka mid ah dumar ahaayeen. oo tababar uga soo baxo dugsiga tababbarka guuleed. Ciidankan tababbarka loo xiray, ayaa ah Booliska Galmudug, oouu muddo tababbar uga socday magaalada Cadaado, waxaana ciidankan loo diyaarshay, in ay ka gacan ka gaystaan sugidda ammaanka, xasilinta iyo nabadda deegaannada Galmudug. Munaasa-

bad lagu qabtay garoonka kubbadda cagta, ee magaalada, ayey ciidamadu madaxda hortooda waxay ku soo bandhigeen gaadda ka cayaar, gaardis iyo dhoollatur muujinaya tababbarkii ay qaaateen iyo heerkooda farsamo. Taliyaha Booliska Galmudug Gaashaanle Sare Cabdicasiis Yuusuf Aadan “Dhaga Badan” ayaa uga mahadceliyey Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed doorka ay ku lahaayeen tababbarka ciidanka iyo kaalintii mugga laheed, ee ay ka qaateen sare u qaadidda aqoonta xirfadeed ee ciidanka. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeyo Gaas Xaamud ayaa sheegay, in ciidankan ay dhammeysteen tababbarkooda, hadda ka dibna ay diyaar u yihiin, in la howlgeliyo, isagoo xusay, in taliska booliska uu ku howllanyahay, sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa ciidamada booliska, ee heer dowlad

goboleed iyo heer Federaal. “Tababarkan la siiyay ciidanka booliska Galmudug, ayaa ku yimid iskaashi dhexmaray maamulka Galmudug iyo Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed” ayuu yiri Xaamud, isagoo baaq u diray ganacsatada Galmudug, si ay uga qeybqaataan dib u dhiska ciidanka. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo soo xiray tababbarka, ayaa tilmaamay, in maamulkooda mar waliba ay ku dadaalayaan, sidii loo dhisi lahaa hey’adaha ammaanka, is la markaana Boolisku ay door muhiim ah ku leeyihiin nabadgalyada bulshada. Ciidaman tababbarka loo xiray, ayaa waxaa la filayaa, in kaalin weyn ay ka qaataan sugidda amaanka deegaanada Galmudug, gaar ahaana magaalada Cadaado, oo xarun iminka u ah maamulkaasi.

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer). Wargeysku wuxuu xarun ku leeyahay qaaradda Yurub oo ay akhristayaasha ugu badan ku nool yihiin. Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com). Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com). Nagala soo xariir ciwaanka: w.g.dhexe@gmail.com.


Talaado 01, nofembar 2016

WARARKA

Cadadka 044aad, Sanadka 4aad

Xubnaha aqalka sare u metelaya Galmudug Degmada Cadaado, xarunta KMG ah, ee maamulka Galmudug, waxaa lagu qabtay, doorashadii ugu horreysay, ee loogu codeeyo Xubnaha aqalka sare, ee baarlamaaka federaalka ah, si gaar ah kuwa u metelaya Galmudug. Sida ku cad heshiiska MADASHA QARAN, doorashada Xubnaha aqalka sare, waxaa u codeynaya, oo dooranaya baarlamaannada dawlad goboleedyada, oo logu xulayo magaalo madaxdooda, haddana, codeynta ka sokow, waxaa diiwaangelinaya, oo saxiixaya, ka dibna u gudbinaya guddiga doorashada dahsoon madaxweynaha dawlad goboleedka. Doorasho aad loo sugayey, xiiso gaar ah leheed, wareeg adag iyo leheed tartanno aan ka la dhicin, ayaa ka dhacday magaalada Cadaado, xarunta baarlamaanka Galmudug, oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxweyne Guuleed, ku xigeenkiisa Maxamad Xaashi, guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo ku dhawaad 80 xildhibaan oo ka

ytirsan baarlamaanka, xubnihii tartamayey, marti sharaf iyo waxgaradka deegaanka. Dawlad goboleedka Galmudug tiro ahaan Xubnaha aqalka sare, waxay u leedahay siddeed xunbood, oo waxay is ku qoondo yihiin maamullada Koofur Galbeed iyo Jubbaland, halka Puntland iyo Somaliland sed dheeri ah la siiyey sabab la’aan! Doorashada Xubnaha aqalka sare, ayaa la qabtay labo maalin oo is xigtay, oo maalintii hore la doortay shan xubnood, halka maalintii labadaad la doortay saddaxda soo hartay. Xubnaha aqalka sare, ee laga doortay dowlada goboleedka Galmudug, ayaa labo ka mid ah waxaa ay noqdeen dumar, halka lixda kalana ay rag yihiin. Samsam Daahir Maxamuud ayaa noqotay marwadii u horraysay, ee ku guulaysatay xubinnamada aqalka sare, halka Jawaahir Axmed Cilmi ay noqotay marwadii labaad. Xubnaha aqalka sare, ayaa waxaa ka soo dhaxmuuqday

musuuliyin xilal ka la duwan ka soo qabtay dalka, caanna ka ah bulshada dhexdeeda. Mudanayasha loo doortay, in ay ka mid noqdaan Xubnaha aqalka sare waxay ka la yihiin; 1. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) 2. Axmad Cabdi Dhuxulow (Dhagdheer) 3. Cabdiwaaxid Cilmi (Goonjeex) 4. Jawaahir Axmad Cilmi 5. Abshir Maxamad Axmad (Bukhaari) 6. Abuukar Aadan Xaashi 7. Samsam Daahir Maxamuud 8. Yuusuf Geelle Ugaas Dhammaan xubnahan ayaa ka mid noqonaya Sanatarrada u fadhindoona Galmudug Aqalka Sare, ee dalku yeelanayo markii u horreeysay, waxaana liiska xubnahan Aqalka Sare loo gudbiyey guddiga doorashada dahsoon, oo aad ugu ammaanay Galmudg, hannaanka hufan ee doorashadu u dhacday.

Madaxweyne Guuleed oo afar waddo ka dhagaxdhigey Cadaado Madaxweynaha maamulka Galmudug, mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa magaalada Cadaado, xarunta ku meel gaarka ah, ee maamulka ku dhagaxdhigey afar waddo, oo laga hirgelinayo gudaha magaalada. Madaxweyne Guuleed, oo ay la socdeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, ayaa si rasmi ah u dhagaxdhigey dhismaha afartan waddo, oo oo laga dhisayo caasimadda KMG ah ee Cadaado. Madaxweynaha Galmudug mudane Guuleed, ayaa sheegay, in maamulkiisa uu horey ugu guuleystay hirgelinta waddooyin kale, waxaana is ku celcelis waddooyinka afarta ah ee magaalada Cadaado laga hirgelinayo ay gaarayaan 4 KM jaay ah.“Marka koowaad waxaan idin sheegayaa, in

3

Duullimaadyada taga Cadaado oo sii kordhaya Diyaaradaha duullimaadkaa ku tega magaalada Cadaado, xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug, ayaa sii korshay bishii na dhaaftay ee Sebtembar. Celcelis, 7 illaa 8 diyaaradood ayaa maalin walba, ka duula garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho, oo si toos ah ugu duula magaaladda Cadaado. Maamulka garoonka Aadan Cadde ayaa warfidiyeennada u sheegay, in duullimaadyada diyaaradaha isaga ka la goosha dalka gudihiisa, ay ugu badan yihiin diyaaradaha ku wajahan Garoonka magaalladda Cadaado.dhan kale, shirkadaha diyaaradaha ayaa sheegay, inay celcelis ahaan 50 Duullimaad toddobaadkiiba u duulaan magaaladda Cadaado, oo tikidka hal qofba halka Safar noqday 160-dollar, halka uu hore uga ahaa wax ka yar 100dollar.. Badashada duullimaadyada ku wajahan magaalada Cadaado, ayaa waxaa sabab u ah, qulqulka wufuudda ka la duwan, ee magaalada ku sii soo socota, oo isugu jira; dhaqan, waxgarad, ergo, siyaasihiin, murashaxiin, dhallinyaro iyo kor joogayaal danaynaya siyaasadda Galmudug iyo guud ahaan doorashooyinka dalka la filayo in ay ka dhacaan bisha soo socda. Dhanka kale, siyaasiyiinta iyo musharixiinta doorashooyinka heer madaxweyne ama xildhibaan, ayaa si gaara ah u kireysta diyaaradaha maalin kasta u ka la socdaala garoommada Muqdisho iyo Cadaado, oo ay hadda ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo aad u xooggan, maalmo ka horna lagu doortay xubaha aqalka sare u metelaya maamulka Galmudug Barlamaanka Federalka ah. Musharaxiinta ka soo jeeda maamulka Galmudug, ayaa taageerayaashooda ku sugan Muqdisho u geeynaya magaaladda Cadaado, si ay uga ololeeyaan tartanka xildhibaannimo ama guud ahaan MW.

waddooyinku kor u qaadaya bilicda magaalada Cadaadowaxaana sidoo kale bulshada ugu baaqayaa, in ay dhibsan inta ay howshu socoto, oo ay qeyb ka noqdaan dhismaha waddooyinka, si horumar wanaagsan loo gaaro” ayuu yiri madaxweyne Guuleed, isagoo u mahadceliyey maamulka degmada Cadaado. Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaahir Cabdi-

raxmaan Xuseen, oo ka hadlay madasha dhagaxdhigga ayaa sheegay, in hay’ad ah ay ka heleen mashaariicda hirgelinta waddooyinka. Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, ayaa Qaramada Madoobe ku taageertay sanadkii hore iyo kanba, in laga dhiso waddooyin dadka iyo dawladdaba u noqonaya faa’iido weyn.

Siyaasiyiinta badan oo magac ku leh bulshada Soomaaliyeed, oo reer Galmudug ah, ayaa ku sugan magaaladda Cadaado, oo xodxodasho iyo xoolo badan ku bixinaya sidii ay uga mid noqon lahaayeen musharixiinta loo xulayo Aqalka Sare ama u joogo korjoogta iyo qiimaysan siyaasadeed.


4

Cadadka 044aad, Sanadka 4aad

QORAALLADA WARGEYSKA

Talaado 01, nofembar 2016

UMMADDII TASHAN WEYDA WAA LOO TALINAYAA! W/Q: Axmed Ciise Guutaale

Waddamada ay dowladnimadoodu jilcan tahay, waxa jira dhib ay ka siman yihiin, oo ka billowda habka ay u la xiriirayaan dowladaha ay oodwadaagga yihiin, iyo kuwa danaha ka yeesha ee qaaradaha kale. Waddamada colaadda iyo deganaansho la’aanta siyaasadeed ka jiraan iyo kuwo dhaqaale ahaan koraya hayeeshee aanay dowaldnimada iyo ismaamulku saldhigan, waxa ay u nugul yihiin faragelin dano la socdaan, balse loogu sheego in ujeedku yahay hagaajinta dowladnimada iyo u diyaarinta heer ay maamuli karaan waddamadooda.Baahida uu waddan u qabo cid ku gacan siisa, sidii uu u noqon lahaa waddan iswada, oo maamuli kara xudduudihiisa badeed, berri iyo hawo, ayaa ah tan ugu daran ee adduunka oo dhan fududeysa faragelinta siyaasadeed oo ay daba socdaan dhammaan waxyaabaha qaranimada daleed kala dhantaala.

Dadka haya hoggaanka waddamada iyo maamulka siyaasadda ayaa iyana kaalin weyn ku leh in waddan u baahdo caawinta dhaqaale, aqoon iyo awoodda waddan kale, iyada oo si intaas loogu caawiyo ay u baahan tahay in ay jiraan waxyaabo looga beddesho, mar haddii aanay jirin wax bilaash ah. Nidaamka kali taliska iyo kan dhaxaltooyada ayaa iyana ah laba nidaam oo sababta in waddamadoodu ay ku dambeeyaan burbur iyo faragelinta dowlado kale.Nidaamka keligi talisku waxa uu inta badan horseedaa deganaansho iyo horumar waddan, kuwaas oo ku fadhiya laab la kac iyo xamaasad, ugu dambeystana waxa uu ku dambeeyaa halis mararka qaarkood keenta in waddanku galo maamulka waddan kale, (Maxmiyad) ama in uu noqdo waddan qayb ahaan la maamulo sida arrimaha dibadda iyo ciidanka.

Waddamada ay ku dhacday in cd kale u maamusho xiriirkooda dibadda iyo nabadgelyadooda gudaha waxa qabsaday dhibaato weyn, tusaale dowladda maamusha ciidanka iyo siyaasadda dowlad kale haddii aanay helin danaha ay ka leedahay, waxa u furan in ay qaadato doorashada ah in waddanku galo deganaansho la’aan sababta in waddanku noqdo meel ay isku hayaan dowlado kale oo ku diriraya danaha ay daba socdaan, sidaas oo kalana dagaalka aan cidina guuleysan oo loo yaqaan NO WINNER, Waddamada uu saameeyey kacdoonka gugii carabtu, oo hadda isu rogay Jiilaalkii carabtu, dhammaantood waxa ay hadda gelayaan heer ay wada maamulaan dowladaha jilcan ee ka jira iyo beesha caalamku. Haddii aad maqasho waddamada deeqaha bixiya, macnaheedu waa in ay wax ku leeyihiin go’aanada waddamada ay

Waa maxay warqadda dheellitirku (balance sheet)? Q1AAD Warqadda dheellitirka (BALANCE SHEET) oo ay la socdaan warqadda caddeynta dakhliga (faa’iido iyo khasaaro) iyo dhaqdhaqaaqa lacagta cad (cash flow), waa qaababka ugu muhiimsan, ee lagu cabbiro awoodda dhaqaale ee ganacsiga (shirkadaha). Waxay koobtaa hantida shirkadda (ASSETS) deymaha lagu leeyahay (LIABILITIES) iyo xuquuqda milkiilayaasha (OWNER’S EQUITY). Waxaa loo isticmalaa si loo ogaado qiimaha guud ee ay shirkaddu joogto. Si kooban, warqadda dheellitirku waxay tustaa hantida ay shirkaddu leedahay iyo deynta lagu leeyahay. Labadaas waxaa sii dheer, in warqadda dheelitirku ay caddeyso xuquuqda maalgaliyayaasha. Mar kasta, shirkadda hantideedu waa in ay la ekaataa deymaha shirkadda lagu leeyahay oo lagu daray xuquuqda maalgaliyayaasha. Waxaa laga ma maarmaan ah, in la fahmo warqadda dheellitirka shirkadda, si loo hubiyo awoodda dhaqaale ee ganacsiga. Sida caadiga ah, marka hantida

deeqaha siiyaan, taasina waa sababtii uu Mareykanku ugu magacaabay Paul Bremer waddanka Ciraaq, kadib markii uu si xoog ah ku baaba’shay madaxbannaanidii daleed ee Ciraaq oo dhan, markii uu riday keligi taliyihii awoodda badnaa ee Cirqaa Saddam Xuseen, ayuu billaabay in uu siiyo dhaqaale, si waddankaas ugu tiirsanaado Mareykanka siyaasad ahaan, taas oo dhanka danaha Mareykankuna ku lammaansan yihiin. Haddii aad isweydiineyso sababta ay beesha caalamku ugu lug leedahay arrimaha Soomaaliyana ogow in ay dhaqaale ku baxshaan, sidaas awgeedna ay go’aanka wax ku leeyihiin, beesha caalamka badankeedu waa dowladihii ku guuleystay dagaalkii 2aad, iyaga iyo kuwii laga guuleystay oo qaarkood ahaa gumeystayaalna waxa ay wada dhisteen QM, halkii ay ka ahaayeen gumeystayaalna maanta ah saaxiibayaal. W/Q: Bashiir Xaashi Dhoorre dheellitirku waxay ganacsiga ku caawisaa, in ay fahmaan badeecadda markaas xowliga ku socota inta bandanna waxaa la isticmalaa marka la la macaamilayo shirkadaha deymaha bixiya sida bangiyada iyo maalgaliyayaasha. QAABKA QORISTA WARQADDA DHEELLITIRKA: Warqadda dheelitirku waxay sawir guud ka bixisaa qiimaha shirkadda waqti cayiman, sida dhammaadka sanadka. Waxaa muhiim ah, in la abuuro, dib u eegisna lagu sameeyo awoodda ganacsi ee shirkadda, si loo ogaado halka ay shirkaddu ku socoto.

shirkaddu ay ka badan tahay deymaha lagu leeyahay, waxay ka dhigan tahay, in shirkaddu xooggan tahay dhaqaale ahaan, qiimaheeduna uu sarreeyo. Taas baddalkeed, marka deymaha shirkadda lagu leeyahay ay ka badan yihiin hantideeda guud, waxay ka dhigan tahay, in

awooddeeda dhaqaale ay liidato qiimaheeduna uu hooseeyo. Warqadda dheellitirka waxay ku caawisaa milkiilayaasha iyo maamulayaasha, in ay fahmaan awoodda ama taagdaridda shirkadda iyo in ay meelmariyaan xeelado ku aaddan sidii horay loogu socon lahaa. Warqadda

Sida erayga ka muuqata, warqadda dheelitirku waxay ka kooban tahay laba tiir (column) oo xisaab ahaan is la siman. Tiirka hore wuxuu ka kooban yahay dhammaan hantida ay shirkaddu leedahay. Tiirka labaad waxaa lagu aruuriyaa deymaha shirkadda lagu leeyahay iyo xuquuqda milkiilayaasha sida ay muujineyso is la egtan: Assets = Liabilities + Owner’s Equity


Talaado 01, nofembar 2016

QORAALLADA WARGEYSKA

Cadadka 044aad, Sanadka 4aad

5

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC)

Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com

GUDNIINKA GABDHAHA W/Q: Gallad Dahir Hassan Gudniinka gadhaha waa dhaqan ka soo horjeeda caafimadka bulshada, muddo badan soo jiray, oo ay dadku caadaysteen. Waa dhaxal jiilku is ku gudbiyaan ayada oon loo meel dayin dhibta ka dhalata had iyo goor. Gudniinku waa in la jaro qayb ahaan ama dhammaan qaybaha banananka ee xubinta taranka haweenka amase dhaawac loo gaysto xubnaha ku hareeraysan saxaaxa sababo aan la xariirin caafimadka shaqsiga. Gudniinku waxay hay’adda cafimaadka ee QM u ka la qaybisay afar nuuc: a) In la jaro qayb ahaan ama gabi ahaanba KINTIRKA b) In la jaro qayb ahaan ama gabi ahaanba KINTIRKA iyo FARUURYAHA yaryar iyado la la jarayo ama laga tagayo faruuryaha wawayn c) In la yareeyo duleelka saxaaxa, ayadoo la qodbayo ama la jarayo la iskuna tolayo faruuryaha yaryar ama kuwa waawayn, ayado loo meel dayin KINTIRKA. d) Nuucyda falalka waxyeellada leh ee ka soo hara seddexdaan aan kor ku so sheegnay ee lagu sameeyo saaxaaxa gabdha sabab cafimaadna aan la xariirin. Warbixintan ay soo saartay hay'adda UNICEF ayaa sheegtay, in tirada guud ee gabdhaha iyo haweenka la guday sanadkii hore ee 2015 ay 70 milyan dheer yihiin sanadkii ka horreeyey ee 2014. Warbixintu waxay sheegtay, in taasi ay ugu wacan tahay kororka tirada dadka. Soomaaliya ayey warbixintu sheegtay in gudniinku uu weli ku badan yahay, oo dumarka da'doodu u dhaxayso 15 - 49 la guday 98%, Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka ugu horreeya ee sida wayn loogaga dhaqmo gudniinka fircooniga ah, in kasta oo ay socdaan dadaallo lagu doonayo, in lagu xakameeyo hab dhaqankaas muddada dheer soo jiray.

Gudniinka waxaa sameeya inta badan xirfadlayaal ay shaqadooda tahay, inay gudaaan gabdhaha aan qaangarin oo halkaas nolol maalmodkooda ka raadiya, waxaase soo raaca marmarka qaar umulisooyinka iyo kalkaalisooyinka. Gudniinka waxa uu sababaa xaalad caafimad darro hadday noqon lahayd kuwo nagaada ama kuwo soo degdega, madaama la jaro xubin ama xubno ka mida xubnaha Ilaahay ku abuuray dheddigga, is la markaasna meesha ka saaraysa shaqadii dabiiciga ahayd ee ay qaban lahayd xubintaas la jaray. Xaaladda caafimad darro ee soo degdega waxaa ka mida: xanuunka waqtiga gudniinka sidoo kale dhiig baxa sasabi karo shook iyo dhimasho. Waxaa kale oo jiri kara tetanus, caabuq, kaadida oo dhibta iyo dhaawac soo gara xubnaha ku dhawdhaw

saxaaxa. Xaladaha caafimad darro ee nagaada waxaa ka mida: caabuq soo noqnoqda ee kaadi mareenka, madhaleesnimo, qatarta dhalliinka ay ku dhibtooto iyo dhimashada dhaallanka oo siyaada, isku furanka, caadada oo wareerta ama dhib ku noqoto inay soo baxdo iyo marmarka qaar oo lo baahdo, in qalliin lagu sameeyo gudniinka. Waxaa kale oo jiri kara dhibaatoyin nafsiyadeed iyo mid nololeed oo joogto ah. Waxaa intaas dheer oo gabdha la guday ay halis ugu jirtaa, in ay qaaddo cudarka HIV/AIDS haddaan la nadiifin aaladda lagu gudayo gabdha. Waxaad u malaysaa, in muddooyinkan danbe xal laga dhigtay, in la sameeyo gudniin loogu magic daray SUNNA ka dib markii ay bulshadu garwaaqsatay dhibaaatada baaxadda wayn ee uu leeyahay nuuca fircoooniga ah. Gudniinka nuucasa ma noqo-

nayo mid meesha ka wada saari kara dhibaatooyinkii aan kor ku soo sheegnay. Haddaba, hadaanan doonayn inaan ku xadgudubno gabdhaheena maanta iyo hooyoyinka barrito waa inaan gabi ahaanba joojinnaa gudninka nuucuu doonaba ha noqdee. Si looga hortago xadgudubkaas wuxaa loo baahan yahay, in ay is ka kashadaan dhammaan dhinacyada ka la duwan ee bulshada, hadday noqon lahayeen siyaasiyinta, culimada, madax reeredyada, aqoonyahannada, gancsata iyo dumarka qudhooda. Waa in loo istaagaa wacyigalin dhaba, si loo joojiyo falkaa ka hor imanaya caafimadka bulshada. Waa in maamulka iyo madxdu ay ka soo saaran siyaasad cad oo lagu xakamaynayo.


Nagala soco: www.facebook.com/w.g.dhexe ama ciwaankeenna Twitter-ka @GobolladaDhexe


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.