Wargeyska Gobollada Dhexe - Maarso 2016

Page 1

Qiimaha 3000 Sh, So

Wargeys bille ah, kana soo baxa magaalada Dusmo reeb Talaado, 01 maarso 2016, Cadadka 036-aad, Sanadka 3-aad

MAXAA CUSUB?

HOBYO OO MAAMUL LOO SAMEEYAY | bogga 2aad

Maamulka Cusub ee gobolka Mudug oo xilka la wareegay Munaasabad xilwareejin ah, ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Hotel Embassy, ee magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug.Munaasabaddu waxay ku saabsaneed xilwareejin. Doorashadii ka dhacay gobolka ka dib, ayaa guddoonka Gobolka Mudug ku ka la wareegay Guddoomiyihii hore ee gobolkaa, mudane Aweys Cali Siciid iyo Guddoomiyaha Cusub Mudane C/rashiid Xaashi Cartan... | bogga 3aad.

QORAALLO KALE Cudurka Duumada W/Q: Xasan Kheyre | bogga 3aad

Socdaalkii Galgaduud

W/Q: Ramiis Mahdi | bogga 4aad

Hobyo aan u hambalyeyno W/Q: Cabdiqaadir Cali | bogga 5aad


2

Cadadka 036-aad, Sanadka 3-aad

WARARKA

Talaado 01, maarso 2016

HOBYO OO MAAMUL LOO SAMEEYEY W/Q: Maamulka Wargeyska Munaasabad lagu qabtay xarunta degmada Hobyo, ayaa madaxweyne C/kariim Xuseen Guuleed wareegto ku magacaabay xubnaha maamulka cusub ee degmada Hobyo. Wasiiru dowladaha Arrimaha Gudaha iyo dowladda hoose ee maamulka Galmudug, Mudane Cumar Maxamed Diiriye (Guureeye) ayaa akhriyey wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug, waxa uuna u magac dhabay mudanayaasha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin jagooyinka ku hor qoran; Cabdullaahi Axmed Cali (Faat) – Guddoomiyaha Degmada Hobyo. Maxamuud Maxamad Cawaale- Gudoomiye ku xigeenka Mursal Maxamuud Aadan – Xoghayaha Degmada. Xasan Macalin Yuusuf Maxamuud – Madaxa Gargaarka Cabdi wali Nuur Cosoble – Madaxa Samafalka. Cabdirisaaq Maxamad Jaamac – Madaxa Waxbarashada Yuusuf Maxamad Maxamuud – Madaxa Caafimaadka Cabdi risaaq Maxamed Ducaale – Mareeyaha Dekadda Hobyo. Sayid Cali Daahir – Maareeye ku xigeenka dekadda Hobyo, qeybta maamulka gaadiidka. Daahir Xirsi Cali – Maareeye ku xigeenka dekadda Hobyo, Qeybta Howlgalinta. Maxamed Cali Nuur Cagaweyne – Maareeye ku xigeenka dekadda Hobyo, Qeybta maamulka iyo Maaliyadda. Cumar Maxamed Faarax – Madaxa Kastamka dekadda Hobyo. Bashiir Cilmi Geeddi – Taliyaha Booliska. Cabdullaahi Cilmi Cawaale – Taliyaha Nabad suggidda Xassan Maxamed Axmad Shiino – Madaxa Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda. Cabdi Warsame Afrax – Mareeyaha Garoonka diyaaradaha Hobyo. Maxamed Cabdi Guure

– Madaxa Hormarinta iyo Mashaariicda. Maamulkan cusub ayaa xilka heyn doona muddo sanad ah, waana maamulkii ugu horreeyey, ee ay ku mideysan yihiin beelaha dega degamada muddo 25 sano. Horey waxaa degmada Hobyo uga jiray laba maamul degmo, oo ay soo magacaabeen galmudugtii hore iyo Ximan iyo xeeb. Sooyaalka nololeed, ee Guddoomiyaha Hobyo Waxaa wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane C/kariim Xuseen Guuleed, Guddoomiye loogu magacaabay, in uu ka noqdo degmada Hobyo, Mudane Cabdullaahi Axmed Cali Faat. Mudane Cabdullaahi Axmed Cali Faat

wuxuu ku dhashay sanadkii 1965 kii Magaalada Muqdisho, oo uu ku qaatay waxbarashadiisii illaa heer jaamacadeed. Sanaddii 1983 ilaa 1991 wuxuu ka shaqeyey Madbacaddii Qaranka, 1991 ilaa 1998 wuxuu ahaa saxafi caan ka ahaa magaalada Muqdisho, 1998 ayuu u guuray waddanka Norway, halkaas oo ku noolaa muddooyinkii ugu dambeeyey. Cabdullaahi wuxuu noqonaya Guddoomiyihii ugu horreeyey, ee Maamulka Galmudug ay u magacaabaan degmada Hobyo, sidoo kale, wuxuu sal u yahay maamul ay ku mideysan yihiin beelaha dega Hobyo. Hambalyo iyo hawl badan.

XAYAYSIIS

XAYAYSIIS

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer). Wargeysku wuxuu xarun ku leeyahay qaaradda Yurub oo ay akhristayaasha ugu badan ku nool yihiin. Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com). Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com). Nagala soo xariir ciwaanka: w.g.dhexe@gmail.com.


Talaado 01, maarso 2016

WARARKA

Cadadka 036-aad, Sanadka 3-aad

Guuleed oo Cadaado ku la kulmay wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya

Soo dhaweyn ka dib wafdiga waxaa lo soo galbiyay xarunta madaxtooyada magaalada Cadaado

Safarka Mechal uu ku gaaray magaalada Cadaado, ayaa ah kii ugu horreeyey, ee uu ku tago deegaannada Galmudug guud ahaan iyo

gaar ahaan magaalada Cadaado. Socdaalka xoghaya QM ee Cadaado ayaa qeyb ka ah socdaalo maalmihii danbe uu ku marayay qaar ka mida maamul goboleedyada dalka.

Maamulka Cusub ee Gobolka Mudug oo xilka la wareegay Munaasabad xilwareejin ah, ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Hotel Embassy, ee magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug. Munaasabaddu waxay ku saabsaneed xilwareejin. Doorashadii ka dhacay gobolka ka dib, ayaa guddoonka Gobolka Mudug ku ka la wareegay Guddoomiyihii hore ee gobolkaa, mudane Aweys Cali Siciid iyo Guddoomiyaha Cusub Mudane C/rashiid Xaashi Cartan. Madasha waxaa xaadir ku ahaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi, Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Dowlada Hoose Mudane Cumar Maxamed Diiriye, Xildhibaanno, maamulka cusub ee gobolka Mudug iyo marti sharaf kale. Maamulka Cusub ayaa dukumenti xafiiska gobolka Mudug ka la wareegay maamulkii hore, waxaana ugu dambeyntii goobta ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, isagoo sheegay, in hiil iyo hoo la garab taagan yihiin Maamulka cusub, ee gobolka Mudug, ayna u mahad celinayaan maamulkii hore sida wanaagsan ee ay dadkoodu ugu soo shaqeeyeen.

Cudurka Duumada Cudurka duumada, in ka badan 500 milyuun oo dad ah, ayuu sanad kasta ku dhacaa, halka, 1 ilaa 3 milyan ey u dhintaan. Dhimashada iyo ku dhicidda cudurka, waxa ey u badantahay dhulalka kuleylaha, sida meelo ka mid ah Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Ameerika sanadka 2014, 12,120 bukaan oo qaba cudurka duumada/kaneecada ayaa la diiwaan geliyay Soomaaliya. Duumadu, waa cudur ey sababto, kaneeco sumeysan, oo qaniinta dadka. Kaneecadu waa nooca dheddigga, oo la yiraahdo ‘Anopheles’. Anopheles waxa ey qabtaa, noolaha sababa cudurka, oo loo yaqaanno ‘Plasmodium’, kaas oo keena Duumada. Had-

Dekadda Hobyo oo la dhagaxdhigay Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikariim Guuleed ayaa booqasho ku tagay magaalo xeebeedka Hobyo. Madaxweyne Guuleed safarkiisa waxaa ku wehliyey xildhibaanno, wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo waliba ganacsto ajnabi ah.

Wafdi ka socda QM, oo uu horakacayay ergeyga gaarka ee Soomaaliya Mechal Keating, oo ay qeyb ka ahaayeen wakiillo ka socda beesha caalamka sida safiirka Sweden, safiirka Kinya, safiirka Itoobiya iyo safiirka Suudaan iyo xubno kale ayaa tagay magaalada Cadaado, oo uu ku la kulmay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Wakiilka ayaa kulammo la qaatay madaxweynaha Galmudug, wasiirrada Galmudug iyo qaar ka mida qeybaha bulshada.

3

daba, noolaha sababa xanuunka kaneecada, ayaa raaca dhiigga, waxa uuna tagaa Beerka, si uu ugu tarmo, marka ey ka soo baxaan beerka, ayay dib ugu soo laabtaan dhiigga, si ey cudurka u billaabaan laba toddobaad ka dib, in kastoo, noocyo ka mid ah kaneecada, ey ku jiri karaan Beerka, muddo aad u dheer. Calaamadaha lagu garto duumada ayaa ah: qandho, dhaxan, madax xanuun, jir xanuun, dhabar xanuun, xanuunka ka la goysyada, matag, qarqaryo, dhidid iyo calaamado kale oo badan. Haddaba, calaamadahan waxaa suurtagal ah, in ey qofka ku soo boodaan, amaba soo bixitaankoodu qaato, toddobaad iyo ka

Ajaanibtan oo ah Ganacsato, ayaa la sheegay, in ay doonayan, in ay qayb ka qaatan dhismaha dakadda HOBYO, waxaana maamulka Galmudug dedaal ugu jiri lahaa, sidii uu soo jiidan lahaa maalgasgi lagu sameeyo deegaannada Galmudug guud ahaan, gaar ahaan dekadda Hobyo. Socdaalka madaxweyne Galmudug iyo ajaanibtan, ayaa lagu sheegay, sidii Maamulka Galmudug iyo ganacsatadan ay isaga fahmi lahaayeen qaabka iyo sida loo hirgelin karo dhismaha dekadda Dhanka kale, Madaxweyne Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdiraxmaan Odowaa, wasiiro Dawladaha Madaxtooyada Mudane Mahad Salaad iyo Madax kake, oo ku sugnaa magaalo Xeebeedka Hobyo, ayaa waxay goobjoog ka ahaayeen dhagaxdhigga Dekadda Hobyo, oo si rasmi ah uu u dhagaxdhignay Madaxweynaha Galmudug Abdikariim Hussein Gulled. Hambalyo iyo hormar.

badan, ka dib marka ey qaniinto kaneeco sumeysan. Dadka ey duumadu ku dhacdo, marar badan waxay yeeshaan difaac jir, oo aan buuxin, balse, difaacaas waqti yar buu ku tagaa, adigoo 1 ilaa 2 sano guduhood, aad la mid noqon kartid, qofka aan hore ugu dhicin duumadu, markaasne u ma lihid difaac, xataa hadii ay goor hore kugu dhacday Duumo. Ma jiro tallaal lagaga hortago duumada, balse, waxay sababtaa xanuun xun, oo keeni kara dhimasho, kuguna dili kara 12 saac gudohood, sidaas darteed, waxaa laga maarmaan ah, in aad sameysid ka hortag, is kana ilaalisid qaniinyada kaneecada. Kaneecadu waxay dadka qaniintaa subaxa hore iyo maqribkii inta badan, haddaba, samee arrimahan: Gasho dhar kuu qariya gacmaha iyo lugaha, seexo guri leh shabaq dariishadaha, seexo sariir leh mara kaneeco, ku buufi guriga dawooyinga dila kaneecada. Marka laga hadlaayo daawada duumada/kaneecada, waxa jira dawooyin ka la nooc ah, oo la isticmaalo, weydii takhtarkaaga nooca iyo sida aad u qaadan lahayd. Waa laga ma maarmaan, in adiga iyo carruurtuba aad qaadataan dawada ka hortagga kaneecada, u na qaado dawada sida loo qoray.


4

Cadadka 036-aad, Sanadka 3-aad

QORAALLADA WARGEYSKA

Talaado 01, maarso 2016

SOCDAALKII AAN KU TAGAY GALGUDUUD W/Q: Ramiis Mahdi Waa markii ugu horreysay, ee aan ku tago socdaal, gobollada dhexe, gaar ahaan Galguduud, magaalada Dusmo reeb. Waxaan aminsanaa, in ay tahay magaalo aan la tagi karin, oo ay ku noolyihiin dad wada jabhad ah, nabadgalyo aysan ka jirin, dhulkuna yahay, mid aan barwaaqo aheyn, waa sida la iigu sheekeeyay. Waxaa ka loo la iigu sheekeyay, in ay tahay magaalo dhagax ah, aan waxba ka bixin, dadkuna ay wada reer baaddiye yihiin. Waxaan tagay gobolka, anigoo ay iga buuxdo baqdin badan. Sababta keentay baqdintay waa magaalada, oo soo martay marxalado ka la duwan iyo dagaalladii badnaa ee ka dhacay. Waxaa middaas ii sii dheereyd, warbixinnada laga soo diyaariyo gobolka, si dhab ah, aan looga warbixn. Waxaan diyaarad toos uga dagtay Dusmo reeb ka raacay Muqdisho. Markii aan magaalada imid, waxaan dareemay daganaasho iyo hawo macaan. Waxaan tagay magaalo leh, nalal, biyo, Isbitaallo, jamacad iyo iskuullo hoose, dhexe, sare iyo xarumo ganacsi. Waxaan u tagay dhallinyaro ilbax ah, niyad furan, oo soo dhaweyn fiican. Dhinaca siyaasada: Magaaladu waxay soo martay marxalado ka la duwan, sanadiihi ugu danbeeyay. Waxaad mooddaa, in shacakbu u ka la qeybsan yahay mabaadi’ diini ah iyo dowlad. Ayadoo ay saas tahay, haddana, ka la aragti duwanaanshaha, ku ma ahan caqabad magaalada booqashadeeda iyo maalgashigeeda. Ammaanka oo sugan awegeed, ma dareemeysid wax cariiri ah, haddii aad tahay shacab aan waxba shaqo ah ku laheyn dowlad ama urur diimeed. Dhinaca Caafimaadka: Waxa ku yaalla magaalada isbitaalkii gobolka oo la yirahdo, Dhuusamareeb regional referal hospital oo ay gacanta ku heyso uruka SAHED. Waxaa la furay 2000, illa iyo haddana, waa shaqeeyaa, waliba waxa uu ku leeyahay degmooyinka ku dhow magaalada, xarumo caafimaad. Isbitaalka ayaa waxuu siiyaa daryeel caafimaad guud ahaan, bulshada ku nool gobolka Galgaduud, Waxa uu leeyahay bukaan

socod eegto, bukaan jiif, hooyada iyo dhallanka, cudurrada haweenka, dhalmada, qeyb dhan oo qaaxada lagu daaweeyo, qeybtaas oo leh, sheeybaarkeeda iyo xafiisyadeeda u gaarka ah. Waxaa ka loo ku yaalla sheeybaar iyo farmashi. wuxuu ka loo leeyahay qeyb qalliin, oo inta badan lagu qalo dumarka ku dhibtooda dhalmada. Waxaa ayadana hadda joogta gobolka hay`adda la yiraahdo Swiss Kaalmo, oo la ah partner Sahed, hay`addaas oo ka taakuleyso Isbitaalka, mushaarada shaqaalaha isbitaalka qaarkood. Swiss Kaalmo waxay ka dhistay magaalda Dusmo reeb, MCH quudin weyn, oo la rabo, in la furo mustaqbalka dhow. Dhinaca waxbarashada: In mudda ahba waxbarashada gobolka aad ayey isu soo tareysay, gaar ahaan magaalada Dusmo reeb, taasna waxaa suurtagaliyay, dhallinyarada gobolka ka soo jeedda, ee wax ku bartay magaalada Muqdisho, ka dibna dib ugu soo laabatay gobolka, si ay ugu faa’iideeyaan carruurta gobolka. Dhalinyaradaas ayaa ku shaqeeya is kaa wax u qabso. Aad ayaan uga helay hammiga ku jira, xilka ay dusha saarteen, masuuliyadda ay dareemayaan iyo firfircoonidooda, intaba waxay igu dhalisay, in aan anigana noqdo qof ka qeybqaata, rabtana in ay la sameyso wadashaqeyn iyo xiriir saaxiibtinimo. Waxay xil is ka saareen, arrin la rabay, in ay waxgaradka iyo indheergaradka ka fakaraan. Higsiga iyo hadafkooda, waa la dagaallanka jahliga, aqoon la’aanta, ogaal yarida, horumarinta iyo kobcinta maskaxda carruurta gobolka. Howlahii ay qabteen ayaa ka mid ah, dardargalinta, dib u furka xarumihii waxbarashada, ee magaalada, sida dugisa hoose, dhexe iyo sare ee Gurmad. Sidoo kale, magaalada waxaa ka furan Jamacadda Plasma oo ay dhigtaan ardo badan, heli karana waxbarasho ka la duwan. Jaamacaddaas oo looga maarmay, in ardada ka baxday dugsiyada gobolka, ay magaalooyin kale u aadaan Jaamacado. Faa’iidada kale ee lagu qabo Jamacadda ayaa ah, qoysaska aan awoodin, in ay carrutooda ka bixiyaan waxbarashada, is la markaasna

ay dabbaraan noloshooda, loo soo dhaweeyay Jaamacadii, ayagoo xaafadahooda daganna ka faa’iideystaan waxbarashada. Ururka Sahed ayaa asagana ku talojiro, in ay ka furaan Machad waxbarasho, oo manhaj caalami ah lagu dhigidoono, ayadoo laga furi doona mustqablaka dhow magaalada Machadka GIVE, waxayna u noqon doontaa gobolka guul iyo horumar. Barnaamijkan waxbarashada, ayaa waxaa is ka kaashan doona ururka Sahed ry ee Finland iyo Jamacadda Salaama ee magaalada Guri Ceel, ardada lagu billaabi doono Machadkaas, ayaa noqon doona ardada laga soo xusho dugsiyada sare ee gobolka, gaar ahaan, magaalooyinka ku dhowdhow Dusmo reeb. Bulshada iyo nolosha Dusmo reeb: Dusmo reeb waxaa 2014 iyo horraantii 2015 ka socday dib u dhis xooggan, balse, waxaa ku yimid gaabis, ka dib markii ay dowladdu ka baxday, ayna la wareegeen ururka Ahlusunno magaalada, ayadoo ay saas tahay, wixii ay dhiseen qurbajoogta, waa lagu nacfay oo maanta waa goobaha ugu quruxda badan magaalada. Waxaan aad u jeclaan lahaa, in aysan qurbajoogtu joojin maalgalinta gobolka. Muhiim ma ahan qofka kursiga maamulka ku fadhiya, mana i la ahan, in ay diidayaan horumar, maamulka hadda magaadala gacanta ku hayo. In kastoo ay joogsadeen dhaqdhaqaaqii dhismo, maciishaddu magaalda aad ayeey u jabantahay. Noloshu waa nolol aad

iyo u daggan. Waxaad heleysaa raashiin dabiici ah, caano geel iyo hilib macaan. Dusmo reeb dadkeedu waa dad soo dhaweyn iyo qaddarin u haya martiddooda. Waxaad arkeysa wiil 20 jir ah, oo haddana, ku dhahaya laba xaas ayaan qabaa, is la markaasna sii raba mid seddexaad iyo afradaad hadduu helayo. Markii aan baaray sababta keentay, waxaa la igu yiri, dhallinyarada ma heystaan maaweelo kale, fursadna u ma helin waxbarasho ama shaqo mashquulisa. Waxay u ka la qeybsameen, kuwa gobolka ka soo dhoofa, oo soo gala Xamar, kuwa guursada iyo kuwa qori qaatay, oo ku biiray malleeshiyaad diimeed ama dowladda. Waxaa ka loo xusid mudan, in dadka waxbarta ama aadka uga faa’iideysta iskuulaadka magaalada ka dhisan ay yihiin dumar, ahna wax lagu farxo, oo laguna faano. Waxaad ka loo arkeysa, xarumha caafimaadka, isbitaalka, suuqyada, dabakaayooyinka, in intaba ay ka shaqeeyaan dumar. Magaalada dakhliga soo gala oo joogtada ah, waxa uu ka imaada, dumarka, ayadoo ay sisaas tahay, dumarku waa kuwa had iyo jeer ku dhibban deegaanka, maadaama aysan awood u laheyn in ay wax ka dhahaan arrimaha siyaasadda, kana qeybgali karin si rasmi ah go’aammada degaanka. Halkaas waxaad mooddaa in uu wali gobolka uusan ku baraarugin awoodda iyo maskaxda dumarka in ay ka faa’iideystaan, kana qeybgaliyaan, tashiga iyo aayaha gobolka. Dhanka kale, waxaan safar shaqo


QORAALLADA WARGEYSKA

Talaado 01, maarso 2016

Cadadka 036-aad, Sanadka 3-aad

5

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC)

Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com

HOBYO AAN U HAMBALYEYNO W/Q: Cabdiqaadir Cali | abdulkadiralieco@gmail.com Hobyo waa degmo ka mid ah degmooyinka gobolka Mudug, waa magaalo facweyn, kana mid ah degmooyinka ugu qaddiimsan Soomaaliya. Magaca HOBYO, sida uu ku baxay cilmi baaris kuma sameyn – ujeeddada qormaduna ma aha - ha yeeshee, waxaa la ii sheegay, in magucu ka yimid, laba eray oo la isu geeyay, oo kala ah: (Hoo & Biyo), maxaa yeelay, dhulka xeebta ahi, waa mid biyaha si fudud lagu gaari karo. Hobyo waxay leedahay deked dabiici ah, oo ganacsi iyo xiriir dheer la lahayd waddamada kulaala badweynta Hindiya iyo Khaliijka, waa magaalo qarniyo dhisnayd, lehna dhismooyin aad u facweyn. Dekedda Hobyo howl gab ayay noqotay dagaalladii sokeeye kadib, wayna iska xirantay, maadaama uu san halkaa ka jirin maamul suubban oo ay dadka deegaanku ku midaysnaayeen. Maalmo ka hor ayaan maqlay, in si rasmi ah loo furay dekedda Hobyo, hadal aan aad ugu farxay ayuuna ii ahaa, waxaanna filayaa, in farxaddaas ay ila wadaagayaan dad badan oo Soomaali ahi, gaar ahaan dadka gobollada dhexe arrintaasi aad ayay u taabaneysaa. Dekedda Hoybo waxay noqon dontaa lafdhabarka dhaqaalaha gobollada dhexe, haddii dekeddaasi shaqeyso waxay ka dhigantahay, in Galmudug ay heshay deked ay wax kala soo degto, kana dhoofsato, sidoo kale, waxay noqon doontaa mid ay ka faa’iidaystaan maamullada deriska la ah Galmudug. Sida lawada ogyahay, dekeduhu waxay ka mid yihiin, kaabayaa-

sha dhaqaalaha ee uu dal/gobol leeyahay; dekedda markii la furo waxay magaaladu soo jiidan doontaa ganacsi baaxad weyn, waxaana imaan doona dad cusub, waxaa ka furmi doona hoteello, maqaayado, suuqyo waa weyn oo wax laga gato laguna iibiyo, supermarket-yo, iskuullo, isbitaallo IWM, qaybahan aan soo sheegay, midkasta dad ayaa ka shaqeyn doona, sidoo kale, dekedda waxaa ka howl geli doona shaqaale xoogsato ah, shaqaale maamul, ciidan nabad gelyo iyo baabuurta badeecadaha udaabbuli doona deegaannada kale, sidaas awgeed, dekeddu waxay abuuri doontaa fursado shaqo oo aad u badan.

ku tagey magaalada Guri Ceel, Galgaduud. Arrimaha aan aad ka u la dhacay, ayaa waxaa ka mid ah dhismaha iyo hormarka dhinaca bulshada, gaar ahaan qeybaha waxbarashada, caafimaadka, dibudhiska iyo qurxinta magaalada. Guri ceel ayaa 10kii sano ee ugu danbeeyay aad u hormartay marka la barbar dhigo magaalooyinka kale ee gobolka. Guri ceel waxay leedahay waxbrasho ilaa heer jamaacadeed, isbitaallo, xarumo caafimaad iyo hotello aad u qurux badan. Guri ceel waxay leedahay garood diyaaradeed, waxaana si joogta ah uga soo daga duulimaadyo ka yimaada magaalada Muqdisho. Waxaa ka socda magaalada mashruuca dhireynta gobollada dhexe ee Ramad, oo hadda xarun u ah Guri ceel, balse, hadafkooda yahay, in ay gaaraan magaalo kasta, si loo baro dadka degaanka faa’iidada dhirta iyo beeraha. Mashruucan waxaa is ka kaashada hay’ado ku bahoobay Finish Soomaali network, oo ka shaqeeya ku baraarujinta dadka faaa’iidada dhirta u leedahay bii’ada, dadka iyo noolahaba. Arrinkan waxay daliil u tahay nabadda iyo horumarka ka jira magaalada iyo kalsoonida lagu qabo, in ay kafaalo qaadi karaan reer Guri ceel martidooda, si wanaagsanna loo

soo dhaweyn doono. Guri ceel caqabadaha heysta waxay ka la mid tahay Dusmo reeb xagga siyaasadaa, haddana, ma arkin dhibaato ama baqdin ku saabsan nabadgalyada. Gabagabdii iyo gunaanadkii, gobolka waa gobol fursado badan ay ka bannaan yihiin. Qofkii raba, in uu malgashto, sameeyo horamr ganacsi, ama damacsan kobcinta bulshada, cid ka hor istaageyso ma jirto. Gacmo furan ku soo dhawaaw. Waxaan ku baraarujianayaa qurbajoogta, in ay tagaan gobolka, si ay u soo arkaan waaqica jira. Ha dhageysan waxyaabaha xunxun, ee laga sheegayo, guud ahaan gobolka, gaar ahaan magaalada. Sumcadda iyo qiimaha magaalada, annaga ayaa kor u qaadi karna, kana dhigi karna, meel loo soo dalxiis tago. Si gaar ah farrinteyda waxay ugu socotaa qurbajoogta u dhalatay gobolka. Marka aad adigu shacab tahay, oo aadan dowlad iyo maamul midna shaqo ku leheyn, cidna kuu diidi meyso, ka qeyb noqoshada dib u dhiska gobolka iyo magaalada. Isbadal idinka ayaa keeni kara. Hammigii loo lahaa gobolka ha la soo nooleysiiyo, cid kale oo u maqan, ee aan idinka ahayn ma jirto. Waxaan rabana horumarka deegaanka, sida aad idinkaba u rabtaan. Iskaashato ma kufto. Gacmo wadajir ayey wax ku qabtaan.

Magaaladu markii ay hesho adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha, ayay dad badani soo degi doonaan, kuna soo kordhin doonaan shaqo iyo dhaqaale cusub qiimo leh. Dekedda Hobyo oo si dhab ah u shaqeysa waa dadka gobollada dhexe oo ka gudba dagaallada qabiilka, saboolnimda iyo burcad badeedda. Hobyo markii ay noqoto deked shaqeysa, waxaa looga imaan doonaa dhammaan gobollada deriska la ah Galmudug iyo xitaa Itoobiya, waxayna dekeddu faa’iidayn doontaa is dhexgal bulsho oo ballaaran. Dekedda Hobyo waa il dhaqaale oo weyn, oo uu maamulka Galmudug kaga faa’iideysan karo, maalgelinta mashaariic horumarineed oo ballaaran, kuwaas oo ay dadka deegaanku uga fadhiyaan.

Caqabado badan ayaa ka hor imaan kara furitaanka dekedda Hobyo, waxaanse si dhab ah u aanminsanahay, in dadka deegaanka uu wacyigoodu is beddelay, maamulka cusubna ay u tahay fursad uu dadka ku howl gelinkaro. Haddii ay maamulka ka go’an tahay, in uu howl geliyo dekedda Hobyo waxaa habboon, in uu si qota dheer uga baaraan dego arrinkaas, beelahana uu u kala tixgeliyo sida ay u kala mudanyihiin deegaan ahaan, waana in uu holw geliyaa dad u fara dhuudhuuban arrinkaas, oo ay ugu horreeyaan: odayaasha dhaqanka, ganacsatada, culimada iyo dadka aqoonta u leh horumarinta dhaqaalaha. Beeluhu waa in ay ka fekeraan waxa ay dekeddu u soo kordhin doonto mustaqbalka dhow iyo kan fog, waana in aysan fiirin waxa hadda la sameynayo, ee ay kamid yihiin, maamulka lagu billaabayo iyo shaqaalaha ka howl gelaya dekedda. Odayaasha beeluhu, waa in ay muujiyaan isu tanaasul iyo is texgelin, si arrintani u hirgasho. Dekedda hobyo oo howl gashaan higsanayaa. Iyada lagu hirtaan higsanayaa. Maraakiibta oo hogata ban higsanayaa. Doomohoo hirqanayaan higsanayaa. Hobyo oo horumartaan higsanayaa. Da’yarta oo u hayaanta ban higsanayaa. Oo howl kawada helaan higsanayaa. Ummadda oo horumartaan higsanayaa. Maamul howl kara baan higsanayaa. Heshiis iyo horumar ban higsanayaa.


WAX BADAN AKHRI; WAX BADAN OGOW!

Nagala soco: www.facebook.com/w.g.dhexe ama ciwaankeenna Twitter-ka @GobolladaDhexe


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.