Qiimaha 3000 Sh, So
Ramadaan wanaagsan
WARGEYS BILLE AH, KANA SOO BAXA MAGAALADA DHUUSA MAREEB Arbaco, 01 luulyo 2015, Cadadka 028-aad, Sanadka 3-aad
MAXAA CUSUB?
MARXALADAHA DHISMAHA MAAMULKA GOBOLLADA DHEXE EE GALMUDUG
Q
O
RM
O
GA
AR
AH
Wada tashiga dhismaha maamulka Gobollada Dhexe, waxay billaabatay sanadkii 2013dii. Shirar ka kala dhacay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ayaa lagu lafaguray arrintaa. Horraantii sanadkii 2014ka ayaa shir aan loo kala kicin ka dhacay magaalada Muqdisho, oo ay ka soo qaybgaleen odoyaasha dhaqanka, aqooliyayaasha, ganacsata iyo ururrada bulshada Gobollada Dhexe...ka sii akhri bogga 2aad.
SICIR BARAKA BISHA SOON IYO CABASHADA DADWEYNAHA
QORAALLO KALE MAXAAD KA TAQAAN CUDURKA CAGAARSHOWGA? W/Q: Ramieza Mahdi ...bogga 3aad.
Ganacsatada suuqyada Soomaaliya, ayaa qiimaha cuntada daruuriga ah sida Burka, Sonkorta, Saliidda, Bariiska, Khudaarta, Timirta, Hilibka iyo Caanaha, kor u qaada Xilliga Bisha Barakeysan ee Rabadaanka. "Qiimaha Cuntada ayaa si la dareemi karo kor ugu kacday markii loo fiiriyo bisha Soonka ka hor" Ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada suuqa Bakaare, mar uu la hadlayay wargeyska Goballada Dhexe.
Qiimaha Cuntada ayaa kor u kacay in kastoo uu jiray codsi Rabadaanka ka hor uu Ganacsatada ka codsaday Madaxwayne Xasan Sheekh; inaysan qiimaha kor u qaadin "Inaga oo soo dhawaynayna bisha Rabadaan, ayaan waxaan ka codsanayaa dhammaan ganacsatada in aysan kor u qaadin qiimaha cuntada daruuriga ah. Waxaan kale oo dhammaan...ka sii akhri bogga 3aad.
CALOOSHA IYO CAQLIGA KALA CELIYA W/Q: Xassan Kaafi Xalane ...bogga 4aad.
XADKA XURRIYADDA W/Q: C/raxmaan F. Xaashi
...bogga 5aad.