Wargeyska Gobollada Dhexe - Abril 2017

Page 1

Wargeys bille ah, kana soo baxa magaalada Dusmo reeb Sabti, 01 abril 2017, Cadadka 049aad, Sanadka 5aad

MAXAA CUSUB?

Galmudug oo dooraneysa Madaxweyne iyo Maamulka Ahlu Sunna oo ka hadlay qabanqaabada doorashada Galmudug

QORAALLO KALE Dusmo Reeb: Degmo Dadkeedii Dayacay | bogga 4aad Dammanaanta Galmudug iyo Dibandaabyada Xasidka | bogga 4aad Galmudug; Guuleed ka ddib | bogga 5aad

Bogga 1aad


2

Cadadka 049aad, Sanadka 5aad

WARARKA

Sabti 01, abril 2017

GALMUDUG OO DOORANEYSA MADAXWEYNE Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa ku dhawaaqay jadwalka doorashada, waxayna musharixiinta ugu baaqeen in ay isdiiwaan galin karaan laga bilaabo 2da abril ilaa 5ta abril 2017. Gudoomiyaha Guddiga doorashada Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle ayaa sheegay in doorashada Madaxweynuhu dhaceyso 10ka bisha abril 2017. Maalinta doodda Musharraxiinta ayaa ku aaddan 06da abril 2017, iyagoo 08da bishana ka horjeedin doona baarlamaanka khudbadahooda la xariira qorshe siyaasadeedkooda. Waxaa sidaa lagu qoray warqadda uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug, Mudane Maxamed Xassan Geelle.

Maamulka Ahlu sunno oo markale ka hadlay doorashada Galmudug Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu-sunna ee Gobolada Dhexe C/laahi Xirsi Diirshe (Daacad) oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay muhiim in a tahay in la wadaago talada Doorashada Madaxweynaha Galmudug. Waxa uu sheegay in ay ku taliyeen ummadda wax iyada ay raali ku tahay in loo dhiso, maadaama shacabka ay yihiin dad isla dhashay oo isku dan ah, loona baahneyn

dad gaar ah in ay hoggaamiyaan Doorashada waa sida uu yiri. Sidoo kale Prof C/laahi Xirsi ayaa ku baaqay in fara gelinta laga daayo shacabka, wuxuuna ku taliyay muhiim in ay tahay in la isa sugo, maadaama hal meel loo wada socdo. Maamulka Ahlu sunno ayaa la sheegayaa inay ku kala aragti duwan yihiin doorashada Galmudug, waxaa muuqata siyaasiyiin qunyar so-

codka ah ay daneynayaan in Galmudug wax lala dhisto, halka garab kale qabaan in aysan wax wada hadal ah la galeynin Galmudug. Doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa loo asteeyey in ay dhacdo 10 April, waxaana maanta la filayaa in guddiga doorashada ku dhawaaqaan jadwalka doorshada.

Halkaan ku xayaysiiso ganacsigaaga, ogeysiisyadaada, codsiyadaada iyo wixii kale oo aad jeclaan laheyd. Nagala soo xariir: w.g.dhexe@gmail.com

Wargeyska Gobollada Dhexe, waa Wargeys bille ah, oo ka faallooda arrimaha gobollada dhexe, kana soo baxa magaalada Dhuusa Mareeb (Dahar Dheer). Wargeysku wuxuu xarun ku leeyahay qaaradda Yurub oo ay akhristayaasha ugu badan ku nool yihiin. Madaxa Wargeyska: Bashiir M. Xersi (brdiraac@hotmail.com). Tifaftiraha: Maxamed Midnimo (w.g.dhexe@gmail.com). Nagala soo xariir ciwaanka: w.g.dhexe@gmail.com.


WARARKA

Sabti 01, abril 2017

Cadadka 049aad, Sanadka 5aad

3

Dhismaha garoonka diyaaradaha Hobyo oo billowday Isbtiaalka magaalada Cadaado, oo lafdhabar u ah adeegga caafimaad ee degmada iyo degaannada hoosyimaada, ayaa waxaa lagu kordhiyey dhismayaal cusub. Munaasabad xarigga looga jarayey dhismayasha cusub, ee lagu kordhiyey isbitaalka degmada Cadaado ayaa lagu qabtay gudaha isbitaalka. Xafladda waxaa ka soo qeybgalay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Galmudug, maamulka degmada Cadaado, madax ka socotay hay’adda CPD, madaxda isbitaalka, guddiga tabarwadaag, waxgaradka degmada iyo marti sharaf kale. Mashruucan oo dhaqaalaha ku baxay ay is ka kaashadeen bulshada Cadaado, ayaa 20% waxaa bixiyey Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya SSF, waxaana masruuca fuliyey hay’adda CPD. Guddi ay is ka soo xuleen dadka degaanka oo lagu

magaacabay Tabarwadaag, ayna is ka soo xuleen dad degaanka ayaa garwadeen ka ahaa mashruuca, iyagoo ka koobnaa19 xubnood, kana ka la socday qeybaha bulshada oo dhan, waxaana gudoomiye u ahaa Sheekh Bashiir Ugaas. Shirkadda “Jimcaale Generaal Service” ayaa dhistay dhismayaasha lagu kordhiyey isbitaalka, waxaana mashruucan uu ka kooban yahay: • • • • • • •

Qeybta bukaan socodka oo 8 Qol ah. Qeybta Sheybaarka oo 5 Qol ah. Qeybta saalada Qaliinka oo ah 5 qol iyo hall weyn oo qalliinka. Qeybta bukaan jiifka waa 2 hool oo midkiiba yahay 15mx8.5m ah. Afar qol oo daawada iyo kalkaalku ay leyihin. 13 Musqulood Haan weyn oo biyaha ah oo qaadda 100 fuusto iyo tubbagelinta hospitalka oo dhan.

Iyo 4 boosaneer oo aad u waweyn iyo derbiga wareegga hospital ka.

Mashruucan ayaa noqonaya kii ug ballaarnaa ee laga fuliyo isbitaalka Cadaado tan iyo markii la dhidbay. Mashruucan ayaa waxaa ku baxday lacag ka badan 300,000 dollar, waxaana ku lammaannaa mashruuc kale oo saddex waddo oo laga dhisay xaafadaha magaalada. Degmada Cadaado ayaa noqotay degmadii koowaad ee dhameystirta mashaariic lagu hormarinayey degmooyinka Cadaado, Hobyo, Cabudwaaq iyo Balanbal. Gabagabadii xafladda ayaa guddoomiyaha guddigu wuxuu furayaasha dhismooyinkan cusub ku wareejiyey guddoomiyaha degmada Cadaado, oo isna ku sii wareejiyey agaasimaha guud ee isbitaal Dr. Maxamed Cumar.

Dhismaha garoonka diyaaradaha Hobyo oo billowday

Sidii maamulka loogu dhisay degmada xeebeedka Hobyo, waxaa magaalada ku soo laabtay noloshii iyo adeegyadii bulsho. Kulammo, aragti is dhaafsi, wada tashi iyo wadaag maamul ayaa ka hanaqaaday, oo horseed u noqday, in dib loo hawlgeliyo, loo dayactiro ama la dhagaxdhigo ilo muhim u ah degmada,

sida dekadda. Dhanka kale, dhismaha garoonka diyaaradaha magaalo xeebeedka Hobyo, ayaa meel fiican maraya, oo la billabay, ka dib markii la hawlgeliyey dekadda, oo Iyana dayactir lagu wado. Dhismaha garoonka waxaa dhaqaalaha ku baxaya is ka kaashanaya hay’adda SSF iyo dadka deegaanka. Dhismaha

garoonka Hoybo, ayaa waxaa ku baxaya dhaqaale kor u dhaafaya 300 kun dollar, waana mashruucii ugu ballaarnaa, ee dhawaanahaan laga fuliyo Hobyo. Dadka ku nool degmada Hobyo ayaa u safra Cadaado ama Galkacyo oo u jirta ku dhawaad 300 km si ay diyaarad u helaan dalka ku xirta iyo dunida inteeda kale. Sidoo

kale waxaa gabagabo maraya dhismaha xarunta degmada iyo iskoolka. Hobyo ayaa dib uga soo kabanaysa dhibaatadii dagaalada sokeeye iyo maamul la’aantii haysatay, waxaana dhawaan gaaray halkaasi ciidamo boolis ah oo tababar soo dhameystay.


4

Cadadka 049aad, Sanadka 5aad

QORAALLADA WARGEYSKA

Sabti 01, abril 2017

DUSMA REEB: DEGMO DADKEEDII DAYACAY! W/Q: Axmed Siigaale Magaalada Dusma reeb waa xarunta gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya, adhna, caasimadda rasmiga ah, ee maamulka Galmudug. Waa magaalo magac iyo maamus wacan ku laheyd gobollada dalka, kana horreyn jirtay qaar ka mida magaalooyinka dhiggeeda ah ee dalka waqti sii horreeyey. Dusma reeb waxaa si buuxda uga taliya maamulka Gobollada Dhexe, ee uu madaxa ka yahay Sheekh Max'ed Shaakir Cali Xasan, oo sidoo kale, ka arrimiya magaalooyinka Guri Ceel, Matabaan iyo deegaanno kale, oo ay ka mid yihiin Gadoon, Xeraale iyo meelo kale. Dusma reeb waa magaalo uu ka jiro amni iyo ka la dambayn la isku halleyn karo, oon waliba ka jirin deegaanno badan, oo dawladda dhexe u aqoonsan tahay maamul goboleed. Magaalda Dusma reeb waqtigaan waxay u muuqataa magaalo aan helin garab iyo gurmad ballaaran, oo dib loogu dhiso, taasoo ka dhigtay in ay ka dabamarto degmooyinka kale, ee caasimad gobol ah, ama asaaggeed

ah, heer xitaa mararka qaar ay ka soo hoosmarto degmooyin hoosyimaada maamulkeeda. Waxaa la wada ogsoon yahay dalka in aysan ka jirin dowlad si buuxda u maamusha ama laga dhowro dib u dhiska iyo dib u soo nooleynta adeeggii bulshada, taas bedelkeeda waxaa deegaannada qaar is xilqaamay dadkii u dhashay ama ka soo jeeday, oo dib u howlgaliyey xarumihii waxbarashada, caafimaadka, biyaha, maamulka dadweynaha iyo wax kasta ee degmo u baahan tahay, ee adeeg bulsho ku xiran. In kasta oo magaalada Dusma reeb ay heysato qeybo muhim ah oo ka mida adeegyadaa bulsho, haddana, xaqiiqada ayaa ah, in uu aad u hooseeyo, ayna maqan yihiin kuwo kale, oo ahmiyaddeeda u leh bulshada, aysanna garab iyo gurmad mug leh ka haysan ka helin bulshada deegaankaa ku abtirsata, ee dal iyo dibad ku nool. Bulshada ku dhaqan magaaladaa Dusma reeb waxa ay u baahan yihiin in loo gurmado, is

la markaana la helo dad ka fekera aayaha degmada iyo gobolka, si loo hago ama loo qurxiyo wajiga mustaqbalka dhow iyo kan fogba, ee uu yeelan doono deegaanku. Si taas loo suuragaliyo waa muhim in la helo dad si hagar la'aana oo naf hurnimo leh ku shaqeeya, kana dhex shaqeyn kara siyaasadaha miliqsan aa cakiran, ee ka jira guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan gobollada dhexe iyo is diidmooyinka ka jira. Ma habboona, in horumarka deegaanka aad uga joogsato sababo la xiriirta siyaasadda deegaanka ka jirta, waayo, waxaa hubaal ah, in ugu dambeyn laga gudbidoono ka la jeedka iyo ismari waaga siyaasadeed, sida aad hadda uga fekerto dhismaha iyo badbaadinta deegaanka ayuu mar kasta ahaan doonaa xitaa haddii isbedello waaweyn ka dhacaan gobolkaa. Waa in la sameeyo dhaqaaq ku saabsan dib u soo nooleynta magacii iyo maamuuskii magaalada, iyadoo la kaashanayo cid kasta oo gacan ka geysan karta oo ay ugu horreeyaan maamulka

hadda ka taliya deegaanka. Waxaan ku soo gaabinaa qoraalkeygan " DUSMA REEB: degmo dadkeedii dayacay!" tuducyo ka mid ah gabaygii “Farriin Gobol” ee uu Abwaan: Cabdi Yare Xasan Muuse curiyey Feberaayo, 2003; “War gobolkaad ku dhalateen abwaan gaarey baan aheye Galgaduud xaqiiqdey aheyd waan ka soo guraye Gefna ku ma tilmaamine dalkii way u gaabiday’e Gam'i maayo ruuxii arkaa gurigii Daardheere (1) Qalbigaada gali mee iney gobol aheyd waaye Ganacsadana waad leedihiin gaaray heersare’e Goor iyo ayaan meel kalaad maalka galisaane Goobtii mudneyd waad gabteen garashadeydiiye!” (1) Daardheer: magac ka mid ah magacyada loo yaqaan magaalada Dusmo reeb. Walow Daardheere ay tahay xarunta degmada.

DAMMANAANTA GALMUDUG & DIBANDAABYADA XASIDKA

W/Q: Bashiir Cali Barre

DIBANDAABYADII XASIDKA GALMUDUG: Dibandaabyaynta lagu hayey Galmudug waayo badan ayey socotay, haddii si dhaba loo lafagurana qarni ku dhawaad, balse aan ka soo billawno markii maamulka Galmudug la dhisay. Galmudug waxaa lagu aasaasay laba arrimood; Qodob dastuur oo heer qaran ah iyo dadka labada gobol deggan oo aad ugu baahiqabay maamul mida. Federaaleynta Mudug iyo Galgaduud, waxaa la billaabay 2011kii. Xilligii waxaa heshiis kala saxiixday Raysulwasaarihii hore C/weli Maxammed Cali Gaas oo hadda madaxweyne ka ah Puntland iyo Mdaxweynihii horee Galmudugtii hore Col. Maxammed Axmed Caalin. Nasiibdarro maalinkaas lama billaabin in waxgaradka iyo aqoonyahannada labada gobol laysku keeno dhidibbadana loo taago maamul ay ku midaysan yihiin. Waxaan hubaa in haddii maalinkaas loo hawlgeli lahaa ay ka dhib yaraan lahayd tii la abaabulay 3 sano ka dib ee lagu dhisay Galmudug ta hadda u jirta magac

wax maamul iyo kala dambayn ah laga samayn Galgaduud iyo Mudugta aan haybtoodu degganayn, waana tii bishii Noofeembar 2015kii weerarka cad ku soo qaadday qaybta Galmudug ay Gaalkacyo ka maamusho, waxaa ka loo dagaalka barbar socday dicaayad ahayd Galmudug maahan maamul buuxa! Waa yaabe maxaa ka galay?. DAMMANAANTA GALMUDUG: Reer Galmudug ayadoo sidaas loo luqaafaynayo ayey ayaguna dhexdooda isku maqnaayeen illaa iyo haddana isku maqan yihiin oo tuulooyin iyo magaalooyin u kala xiran yihiin.Hubaal in qof kastoo wax tabaneyaa uu caafimaadayo haddii maanta gacanta laga saari lahaa madaxtinimada Galmudug, haddaba haddii waxaa uu doonayaba ay intaas tahay ee aysan jirin mab’da iyo aragti kale ee uu doonayo, maxaa u diiday inuu wax kasta ka hor mariyo xaqiijinta jiritaanka galmudug? Illeyn markaas ka dib ayuu wax ka noqon karaaye. Adduunka qola kastoo wax isku haysataa marka uu cadow

ahaanta. Bishii Luulyo 2014kii ayaa Muqdisho laysugu keenay saddexdii maamul ee deegaanka magac ahaanta uga jiray iyo shaqsiyaad matalayey beelo gobollada deggan, waxaana la go’aansaday in maamul mid ah loo sameeyo labada gobol. Markii gogoshii nabadeynta beelaha ay taallo Dusma reeb, maamulka Puntland waxay billaabeen qashqashaadda iyo daandaansiga ay ka mid ahayd inay yiraaheen diyaaraddii garoomada Galmudug ka degta kama soo degi karto garoommada Puntland, maamulkeenna weerar cad baa lagu soo qaaday, dowladda federaalka xiriirka ayaan u jarnay iyo qaar kaloo badan, si inaan wax maamul ah ka dhismin dhulka hadda maamulka Galmudug hoostaga. Bilo ka dib waxaa maamulka Puntland hawlo shaqo oo daminta buuqaas la xiriira Garoowe u tagey Raysulwasaarihii waqtigaas mudane C/weli Shiikh Axmad, mudanuhu wuxuu halkaa ku soo saxiixay in gobolka

Mudug uusan dhammaan ka mid noqonayn maamulka lagu dhisi doono gogosha magaalada Cadaado ka fidsan, lagana soo eryo ergada matalaysa beelaha Majeerteen iyo Leelkase. Cajiib!! Ogoow C/weli Sh Axmad wuxuu ka mid ahaa saxiixayaashii Xamar ku saxiixay in maamulka loo samaynayo laba gobol oo buuxda asagoo matalaya beeshiisa Marriixaan sida MD Xasan Shiikh u matalayey qabiilka Wacaysle, Wasiir Mustaf Dhuxuloow na u matalayey beeshiisa Murusade. In la fuliyo saxiixaas, ergadii Majeerteen iyo Leelkasena shirka laga saaro aragtidayda waxaa qasab ka dhigay in Raysulwasaaruhu uu ku saxiixay awoodda mas’uuliyadda uu hayo, in kastoo madaxweynihii xilligaas Xasan Shiikh uu isku dayey inuu go’aankaas baajiyo haddana ku ma guuleysan, waxaana fashilmay in Mudug iyo Galgaduud oo dhammaystiran ay hal maamul oo mid ah yeeshaan. Ishaa falatayntii Puntland intaas ku ma aysan harin, maxaa yeelay, ujeedka ayaa ahaa inaan


Sabti 01, abril 2017

QORAALLADA WARGEYSKA

Cadadka 049aad, Sanadka 5aad

5

DARUL-CULUUM PRINTING CENTER (DPC)

Waxey ku taallaa KM4, inta u dhaxeysa Hotel Sahafi International iyo Isgoyska Zobe, gaar ahaan Ex-Wasaaradii Beeraha. Kala xariir: Tel: 0615570589/0615174039 | Email: xog-doon@hotmail.com

GALMUDUG; GUULEED KA DIB W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

Gobollada Galgaduud iyo Mudug waa meel ay ku noolyihiin beelo aad u badan. Waxaa si siman ugu wada dega, inta badan beelaha Soomaaliyeed. Waa dhul ay ilaha dhaqaaluhu ku yaryihiin, intiisa badan hadda ka hor dalag wax ku ool ah laga ma soo saarin, dadkuna baddiyaa waxay ku tiirsanyihiin xoolaha iyo ganacsiga.

eedeynayay, in ay gacan musuq ku lahayd, dadka reeg Galmudug inta badan rejo beel ayay ka dhigtay, maxaa yeelay, wuxuu ahaa nin horay loo soo tijaabiyay. Guuleed malaha, markii horaba ujeedkiisu ma ahayn, in uu wax qabto, mana isku shiddeyn, in uu caqabadaha horyaallay xal u helo. Markii la doortayba dad badan way u muuqatay, in uusan Galmudug guri doog ah geyn doonin, ugu danbeynna wuxuu isu casilay arrimo la xiriira caafimaadkiisa – in kasta oo ay xildhibaannada Galmudug qaarkood horay u sheegeen, in ay xilka ka qaadeen -.

Dib u dhigista doorashada, maadaama uu dalku ku jiro xaalad abaar oo aad u daran, waxaa wanaagsan, in xildhibaannadu ay si furan u fekeraan, ugu yaraanna ay dib u durjiyaan doorashada madaxweynaha muddo laba bilood ah.

Dhisiddii maamulka Galmudug waxaa laga soo maray dhib iyo is jiijiid badan oo muddo dheer qaatay. Aqristoow xasuuso intii jeer ee uu madaxweyinii hore Xasan Shiikh arrintaas darteed ugu laalaabtay Dusma reeb. Ugu danbeyn cadaado ayaa la isugu tegay, waxaana lagu dhisay maamulkii uu Guuleed madaxda ka noqday, doorashadii Cabdikariin oo dowladda dhexe lagu

Guuleed ka dib: Wixii ka dabeeyay is casilaaddii Madaxweyne Guuleed, Galmudug ifafaalo fiican ka ma muuqdo; baarlammaankii waqti ayuu u qabtay doorshada madaxweynaha, taas oo ah 10 ka April, raysul wasaare Kheyre na wuxuu codsaday, in doorashada dib loo dhigo, dadki deegaanku waa ka la qaybsanyihiin, oo muqaafaqo ma jirto. Haddaba, iyada oo la xeerinayo xaaladaha adag, ee dalka ka jira guud ahaan, gaar ahaanna Galmudug, waxaa habboonaan lahayd:

Dib u heshiisiin: Galmudug waxaa ka jira, kuna soo laalaabtay, dagaallo beeleedyo, dhib badan u geystay dadka deegaanka, dagaalladaas weli si dhab ah looga ma heshiin, marka waxaa khasab ah, in xoog badan la isugu geeyo daminta colaadaha deegaanka ka taagan, shacabkana xaalkiisa la ogaado, laguna dadaaalo, in la dhiso maamul daboola baahida dadka. Siyaasadda oo laga heshiiyo: waxaan ognahay sida uu xalka gobolku yahay iyo sida siyaasadda la isugu qilaafsanyahay; caasimaddii Galmudug waxaa haysta Ahlusunna, oo aah urur hubeysan, xoog leh taageera badanna deegaanka ku leh. Waxaa laga ma maarmaan ah, in Ahlusuuna/maamulka gobollada dhexe lala furo wadahadal masiiri ah, oo ku saabsan mustaqbalka deegaanka. Waxaa cad, in Ahlusunna aan laga maarmi-

kale soo weeraro af iyo addin kuu rabo ha ahaadee, wixii ay isku hayeen meel ayey dhigtaan waxayna u midoobaan cidda soo weerartay, mararka qaarna intay waxay isku hayeen jeebka dambe gashadaan ayey wada weeraraan meel weeraristeeda deegaanka, dalka ama dalalka {waa marba midkey yihiine} dan guud ugu jirto, aan tusaale dhow ku siiyo anoo aan meel dheer ku gayn dalkana aan kaa dhex saarin:1- Somaliland waxay leedahay xisbiyo beelaysi u eg, waxayna mid xukunka haya iyo kan mucaaradka ahba ka siman yihiin dagaalka afka ah ee ay ku hayaan Jumhuuriyadda inteeda kale iyo dagaalka gacanta ah ee lagu cabburinayo maamulka tabarta daran ee Khaatumo. 2- Puntland ninka xilka haya, kii heyn jiray iyo midka doonaya inuu hadda ka dib xil ka doon-

taba waxay ka siman yihiin u xusulduubka danaha Majeerteen, maxaa yeelay, wuxuu ogyahay haddii reerkiisu wax helo inuusan dheef mooyee dhib ka soo wajahayn. Haddaba Galmudug weerar af ah iyo gacan ah midkoodna cid ku ma waddee, maxaa midaynteeda u diiday qaybaha xukun doonka ah ee buuraha ku kala jira? GARASHO YARI & GUNNIMO. DIBANDAABYADA CUSUB: Asalba waxaa halkaas Galmudug dhigay waxay ahayd dibandaabyo isugu jirtay nin jeclaysi iyo beel nacayb ka soo fulay caasimadda dalka ee Xamar, maantana waxaa jirta ama la wadaa sida ii muuqata mid ka daran tii hore. Hadalladii ay cadowga Galmudug ku celcelin jireen waxaa ka mid ahaa ugu badnaa [Galmudug maahan maamul dastuurka waafaqsan], ayadoo

ay sidaasi jirtay ayaa haddana waxaa maalmo ka hor Xamar ka soo baxay xaashi baarlamaanka Galmudug iyo guddiga doorashada looga codsanayo in 45 maalmood dib loo dhigo doorashada madaxweynenimo ee Galmudug, si loo sameeyo wada xaajood dhexmara maamulka oo aan madaxweyne lahayn iyo kooxda mucaaradka ah ee ASWJ. Sax waa arrin wanaagsan oo mudan in la bogaadiyo gacmo furanna lagu soo dhaweeyo, waayo waxaa macquul ah in la soo af-jaro laba sano oo kala qoqobnaan iyo kayb la yuurar ah, balse midda ii muuqatay ayaa ah; sida caadiga ah ama sharciyanba ah waxaa maamullo u samaynta dalka u qaabbilsan dowladda dhexe wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalaynta dalka, haddaba wasaaraddaas waxaa loo magacaabay nin reer Punt-

Gobolladan waxaa la sheegaa, in ay saameynta ugu ballaaran ku leeyihiin nabadda iyo colaadda Soomaaliya, waxaa ka soo jeeda siyaasiyiin iyo hoggaamiyayaal caan ah, oo dalka soo maray. Galmudug waxay ka soo daashay dagaallo sokeeye, abaaro joogta ah, ka la qaybsanaan maamul.

doonin, haddii la rabo, in la dhiso maamul taya leh, oo la isla oggol ayahay. Sooyaalka oo wax laga barto: shalay ayaa la dhisay maamul fadhiid ah, oo aan caasimaddiisii tegi karin; waxaa la iska indha tiray maamul xoog leh caasimaddiina jooga, Guuleed iyo maamulkiisiina halkii lagu yagleelay ma dhaafin. Dadka reer Galmudug waa in ay indhaha furaan, aysanna mar kale qaadin waddo aan ceel tegi doonin. Dowlad cusub ayaa la dhisay, oo malaha wadaaddada Dusmo reeb joogaahi ay hadda xiisa yar u hayaan, waxaadna mooddaa, in shiikh Shaakir uu Farmaajo iyo maamulkiisa rejo ka qabo, in uu ugu yaraan wadahadal la furo, fursaddaas waxaan u arkaa mid ay dan weyne ugu jirto reer Galmudug, sidaas darteed, ayaan qabaa, in maamul cadaado laga dhisaa uusan micno badan yeelanayn, haddii uusan Dusmo reeb, Xeraale iyo Caabudwaaq si buuxda uga shaqeyn karin.

land ah, haddana isla maamulka Puntland wasiir ka soo noqday, waxaana wasaaradda magaceedii ahaa arrimaha gudaha lagu kordhiyay {dib u heshiiyiinta}. Haddaba Reer Galmudugoow ama reer gobollada dhexoow waxaad is waydiisaan; dib u heshiisiin caynkee ah ayaan ka filan karnaa wasiirkaas, haddii golaha wasiirrada ee hadda magacaaban uu baarlamaanku ansixiyo? Soo ma dhici kartaba in si xeeladaysan loo dhexdhigo ma hadho aanay waligood dambe isaga soo noqon? Soo ma suurowdo inuu haba soo daahdee wasiirku ku dhawaaqo in maamulka Galmudug uusan buuxin sharuuddii maamul goboleed, asaga oo gacan ka helaya saaxiibkiisa ah wasiirka dastuurka ku magacaaban oo ay reer Puntland wada yihiin?. Hankiinnu ha dhaafo Is hagardaamayn!.


06155555209 / 0699969192


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.