shan habeen

Page 86

Noloshooda wax badan ayaa iska bedelay. Beernugeyl iyo naxariis ayaa ilaah dhexd ooda dhigay. Maalin uu saaxibkii isbedelka uga warammay Muuse waxaa la baray dhaqanka hablaha soomaliyeed. Wuxuu saaxibkii oo ahaa odey reer baadiye ah usheegay in hablaha soomaaliyeed marka lasoo guursado iyo markey weynaato labadaba sidii aarki u ilko adag tahay. Inta udhaxeysana waa qof la dhaqan karo. Ayuu yiri. Markey cusub tahay waxay dooni inay kuu taliso, markey gaboowdana sidoo kale! Ayuu ujilciyey. Inta udhaxeysa waa xilliga aad kujirtid hadee waa raxmad! Sida aad xaalkiina iigu sheegeyso weeye. Heer sare! Naxariis, beernugelyl iyo waxay ku tusayaan jaceyl, inaad odeygi aqalka tahay. Labada qof hadii ay calaf isku leeyihiin wey isla joogayaan. Hadii kalena cid ama wax isku heyn kara majiraan. Labada qof hadii guurkoodu uu ku saleysan yahay dareen jaceyl, kalsooni, naxariis, is aaminid, damacwadaag iyo alla ka cabsi aalaaba guurkoodu wuu hagaagaa. Hadii intaa lawaayo wuxuu guurkoodu ku danbeeyaa naar aduun iyo dalqo furitaan. Intaa odeygu ma ogeeyn. Muuse iyo Mulki guurkoodu ilaah wuxuu uga dhigay naar aduun. Labadooduba kuma faraxsaneyn nolosha ay ku nool yihiin. Is -afgarad-waa iyo nolol cariiri ah ayaa habeeno badan sariirta dhigay iyagoo uurka ka booyaya.


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.