9789178256501

Page 1

ANNELIE DREWSEN

Xog ku saabsan dhiigga caadada


Nypon förlag info@nyponochviljaforlag.se www.nyponochviljaforlag.se Ciwaanka: Xog ku saabsan dhiigga caadada Ciwaanka asalka ah: Fakta om mens Qoraa: Annelie Drewsen © 2019 Annelie Drewsen iyo madbacadda Nypon Turjume: Musa M. Isse Översättning till somaliska av Musa M. Isse, 2020 Daabacaaddii koowaad 2020 ISBN 978-91-7825-650-1 Xigashada sawirrada Jaldiga hore: munalin/Shutterstock, 5: Annelie Drewsen, 7: Annelie Drewsen, 9: Sudowoodo/ Shutterstock, 10-11: Annelie Drewsen, 13: Annelie Drewsen, 14-15: iamnoonmai/Shutterstock, 16-17: Ekaterina43/Shutterstock, 19: Annelie Drewsen, 20-21: marcogarrincha7Shutterstock, 23: Cass Bliss, 24- 25: Hortimages/shutterstock, 26: Sarah Levy, 27: Annelie Drewsen, 28-29: Eyevine/IBL Bildbyrå, Jaldiga danbe: Ekaterina43/shutterstock


Xog ku saabsan dhiigga caadada ANNELIE DREWSEN



Tusmo 4

Nigiska oo aad dhiig ku yeelato!

6

Caadada ugu horraysa

8

Maxaa jidhka ku dhacaya?

10

La soco wakhtiga caadada

12

Intee in le'eg oo dhiig ah ayaa qofka ka yimaadda?

14

Caadodhawr xafaayad ah

16

Caadodhawr dhuuban

18

Caadhodhawr koob ah

20

Xanuunka dhiigga caadada iyo isbeddelka jidhka ku dhaca wakhtiga caadada

22

Wiilashu ma yeelan karaan dhiigga caadada?

24

88 erey oo ku saabsan caadada

26

Farshaxanka iyo caadada

28

Duni bilaa caddaalad ah

30

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan caadada

31

Diiwaan


Nigiska oo aad dhiig ku yeelato! Bar dhiig ah ayaa nigiska iga marsan! Waa waajib in uu noqdo dhiiggii caadada. Maxaan hadda sameeyaa? Yaan la hadlaa? Dhiigga koowaad ee caadadu waxa uu keenaa dareenno iyo fikirro badan. Waa caadi in lagu farxo ama in werwer iyo murugo la dareemo. Dhiigga caadadu waxa uu noqon karaa wax xiiso leh iyo wax dhib badan. Dadka qaar waxa ay aaminsan yihiin in aan laga hadlin caadada. Balse dhiigga caadadu waxa uu saamayn ku leeyahay 800 milyan oo qof maalin kasta. Waa muhiim in aynu markaa ka hadalno!

4


Hal maalin ayaa aad nigiskaaga ku arkaysaa dhiig. Waa dhiiggii koowaad ee caadada.

5


Caadada ugu horraysa Dhiigga caadadu waxa uu qayb ka yahay astaamaha baaluqidda. Dumarka qaar waxa ay caadadooda koowaad helaan marka ay 9 jir yihiin, halka ay kuwa kalena helaan marka ay 16 jir noqdaan. Waxa keliya ee lagu gartaa waa dhiigga ka imanaya siilka. Balse jidhka gudihiisa wax badan ayaa ka dhacaya. Qiyaastii laba toddobaad ka hor wakhtiga caadadu imanayso ayay xabbad ugxan ahi ka baxdaa ugxansidaha. Haddii manida raggu soo gasho siilka naagta waxa dhici karta in ay naagtu uur qaaddo. Haddii aannay ugxantu keenin in ay gabadhu uuraysato waxa uu horseedaa in ay gabadhu caado yeelato. Caadadu waxa ay astaan u tahay in uu qofku uur qaadi karo, balse in uu uur qaaday maaha.

Baaluqiddu waa wakhtiga uu jidhku is beddelayo ee uu qofku noqonayo qof weyn. Dhawr sanno ayay qaadataa.

6


Ma midab basali ah, ma midab bunni ah mise midab casaan ah? Dhiigga caadadu waxa uu noqon karaa midabyo kala duwan, waxaanu noqon karaa dhiig biyo biyo ah ama mid adag.

7


Maxaa jidhka ku dhacaya? Ilmogaleenku waa unnug cajiib ah. Halkaa waxa gali karta ugxanta manida ragga la kulantay, waxaanay noqon kartaa ilmo. Bil kasta waxa uu jidhku isku diyaariyaa in uu uur qaado. Gudaha ilmogaleenka waxa ku kora qaybta jidhka ee shiidda balqanka, waxaanay qaabishaa ugxanta uurka isku beddelaysa, si ay halkaa u joogto oo ay u korto. Looma baahanayo qaybta jidhka ee shiidda balqanka, haddii aannay ugxantu isku beddelin uur marka ay manidu ku dhacdo. Ka dib waxa ay ka baxdaa jidhka oo waxa ay isu beddeshaa caado, iyada oo ugxanta la socota.

8


tuumbada ukunta sidda

ilmogaleen

qaybaha jirka ee shiida balqanka

meesha ukuntu ku samaysanto qaybta hoose ee ilmogaleenka

siilka

Murqaha ilmogaleenku waa kuwo xooggan! Waxa ay ilmaha ka soo saari karaan siilka. Sidoo kale isla murqahaas ayaa bannaanka u soo tuura dhiigga caadada.

9


Maanta waxa dunida ku nool 800 milyan oo qof oo dhiigga caadada leh! Waxa ay noqon kartaa arrin xiiso leh iyo mid dhibkeeda leh ba. Buuggan waxa loogu talogalay dadka raba in ay wax ka ogaadaan dhiigga caadada. Maxaa jidhka ku dhaca? Imisa nooc oo caadhodhawr ah ayaa jira? Intee in leeg oo dhiig ah ayaa qofka ka imaadda? Wiilashu dhiigga caadada ma yeelan karaan? Waa maxay sababta aynu uga hadlayno dhiigga caadada?


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.