9789175676487

Page 1

Annelie Drewsen

Aamina waxay ka timi Soomaaliya. Iswiidhan ayey timi iyada oo keli ah. Aamina ku fiicantahay orodka. Waxay ku qancisay Aamina inay ka bilawdo tababarka orodka isla naadiga ay Lina ku jirto. Hadda waxa soo dhawaaday tartankii ugu horreeyey.

–– waa mid u taagan en möjlighet för allau adeegidda bulshada

AAMINAAY CARAR!

Saaxiibadeed Lina, ayaa ogaatay in ay

AAMINAAY CARAR! Annelie Drewsen

Nypon förlag


Magaca: AAMINAAY CARAR! Ciwaankii asalka: Spring, Amina! Qoraalka: Annelie Drewsen Sawirka: Anders Westerberg Waxa turjumay: Abdibashir Hirsiguled, 2016 © 2014 Annelie Drewsen, Anders Westerberg, Nypon förlag Daabacaaddii koowaad 2016 Tirada Bogagga: 52 bog ISBN 978-91-7567-648-7 Nypon förlag/Madbacadda Nypon – waa mid u taagan u adeegidda bulshada. info@nyponforlag.se www.nyponforlag.se


Annelie Drewsen

Aaminaay carar!

Sawirgacmeedka: Anders Westerberg Waxa turjumay: Abdibashir Hirsiguled

Nypon fรถrlag


Buuggan waxa ku jira: Aamina- oo uu buuggu ku saabsanyahay Aamina hooyadeed- oo Kenya joogta Lina- oo Aamina Saaxiibadeed ah Lina Aabbeheed Camilla- Lina iyo Aamina tababarahooda


1 Rashkii

Waa qorrax maanta. Dad badan ayaa bannaanka jooga. Aamina iyo Lina waxay dhex marayaan suuqa. – Ina keen, ayey tiri Lina. Waxaynu soo fiirinaynaa bal inay wax maryo ah oo qurux badani yaallaan eh. Waxay tilmaamaysaa dukaanka dharka ee santarka geeskiisa ku yaal. Aamina kuma fikirayso inay wax iibsato. Lacagteeda way dhigataa inta ugu badan ee ay karto. Mar dhaw waxay hooyo u diraysaa lacag. Laakiin way fiicantahay inay raacdo Lina. 3


Waxay sii dhaafeen hooyo haysata ilmo yar oo ooyaya. Hal miisna waxa ku fadhiya laba nin. Dhawr wiil oo ordaya ayaa yimid. Qarax baa si kedis ah u yeedhay. BOOM! Aamina way cabsootay. Iyada oo aan fikirin ayey dib u jeesatay oo carartay. Waxay u orodday sidii ugu dheeraynta badnayd ee ay karaysay. Tan hore way u soo samaysay. Marka qarax dhaco, waa la cararaa. Mar ayey taasi nafteeda badbaadisay. Waxay ahayd berigii ay weli deggenayd Soomaaliya. Iyada iyo walaalkeed Axmed waxay ku sii socdeen guriga, iyaga oo ka yimi iskuulka. 4


Way sheekaysanayeen oo qosqoslayeen. Markaas ayuu qof bilaabay in uu xabbado rido. Aamina way carartay. Way badbaadday, laakiin walaalkeed ma badbaadin. Wuu dhintay. Sawirkii Ahmed ayaa madaxeeda ku soo noqnoqonaya. Walaalkeedii weynaa ee ay jeclayd. Hadda isagii wuu dhintay. Isaga iyo qaar kale oo badan. Aamina waxay orod ku dhaaftay suuqii. Waxay dul carartay biriishka, jardiinada ayey dhex martay ilaa xagga hore. Caguhu waxay u dhaqaaqayeen dhakhso. Wadnuhu xoog ayuu u garaacayey. Laakiin Aamina way sii orodday.

5


– Aaminaay i sug! Waa codkii Lina. Aamina way istaagtay oo soo jeedsatay. Meel fog waxa ka soo socota Lina. Maxaad la carartay? Waxay ahayd uun rash eh! Aamina waxay hoos u fiirisay dhulka. Si kedis ah ayey u xasuusatay wax. Alla! Shaw meeshu waa Iswiidhan. Iyadu uma baahna inay nafteeda la cararto. Way khajishay, laakiinse waxba may odhan. Lina way dhoolla-caddaysay iyada oo wejiga ka masaxaysa dhidid yar. – ah, Macna ma leh. Waxadse u ordaysay si dheeraysa. Waxa kugu haboon in aad ii raacdo tababarkayga, marka soo socota. – Waa maxay tababarku? Ayey waydiisay Aamina. 6


– Isboorti madaxmannaan. Waxan ku tababartaa orodka degdegga ah. Habeenkii waxay Aamina kelideed fadhiday qolkeeda. Dhallinyaradii kale ee ay isla deggenaayeen waxay daawanayeen tiifiiga. Aamina waxay rabtay inay ahaato keli. Daaqadda ayey ka daawanaysaa bannaanka. Halkaa waxa ku yaal geed. Caleentu hadda ayey bilawday in ay u soo baxdo. Laba shimbirood baa hore iyo gadaal u duulduulaya. Waxay dhisayaan buul. Guri. Aamina waxay xasuusatay gurigoodii Soomaaliya. Halkaas waxay la deggenayd hooyo iyo Axmed. Waxay ahaayeen qoys. 7


Markii Axmed la dilay ayey hooyo iyo Aamina soo qaxeen. Waxay yimaaddeen Kiiniya. Dhawr bilood ka dib, waxay Aamina u soo safartay Iswiidhan. Hooyo waxay weli joogtaa Kiiniya. Halkaa waxay la deggentahay Aamina habar-wadaagteed Sagal. Aamina waxay kor u qaadday moobiilkeeda oo hooyadeed bay wacday. – Saaxiibadday ayaa rabtaa in aan raaco oo ku tababarto isboortiga xorta ah, ayey tiri Aamina. – Sabab? Ayey waydiisay Hooyo – Waxay igu leedahay waad dheeraysaa, marka aan ordayo. – Saaxibaddaa run bay sheegtay. Waad dheeraysaa, sidii walaalkaaba u dheerayn jiray. 8


Shib, way aamustay. Aamina waxay maqashay in ay ooyeyso hooyo. Markaa Aamina, iyaduna way oyday. Way xanuun badan tahay in la xasuusto Axmed. Iyo in hooyo sidan looga fogaado. Markaas ayey hooyo tidhi: – Aaminaay ha ooyin. Orodka baro!

9


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.