Cirka – Issue 2

Page 29

ISDABA-GEDIGA HANAANKA MACAAWINOOYINKA

INYAR KA FAKIR DADKA SABOOLKA AH EE REER YURUB Waxaan markii hore u idhi su’aashaas si kaftan ku jiro,laakiin imika aad uma hubo.Goorma ayaa la arki iyada oo dadka reer Afrika iyo dolwadaha Afrika aay kaalmo dhaqaale u dirayaan Yurub halka imika iyaga loo soo diro? Goorma ayaan arki doona masrixiyad dhaqaale lagu ururinayo oo dadka caanka ah ee Afrika aay inagaga codsanayaan in aan lacagta aan dhididnay (ee ah sida shillin Soomaaliga,ka Uganda,Kenya ama Tanzania), iyaga oo xidhan calaamado qalbiga taabanaya iyo gacan gashiyo midabyo kala duwan leh si ay qaaradda Afrika u muujiso sida ay uga damqanayso dhibta dadka reer Yurub ama qaybta Waqooyi adduunyada? In badan ayaa Afrika soo aragtay dad liidaya ama jilayaasha caanka ah ee Reer Galbeedka oo deeq u ururinaya iyada oo ay awoodo in ay iyadu iskeed u xaliso dhibkeeda iyada oo aan cidi dibadda ka soo faro gelin, sida Somaliya, qaarada –oo kale. Intaas waxa dheer,waxaad moodaa in maalmihii Afrika loo arkayay meel saboolnimo daashatay oo Yurub na tahay barwaaqo in la soo dhaafay - xitaa haddii siyaasiyiinta midigta-dhexe iyo fanaaniinta caanka ah ay ku adkaystaan sidaas. Muuqaalka cusub ee dhaqaale ee kasoo baxaya labadda qaaraadood - Afrika iyo Yurub - waxa uu muujinayaa sawir aan si dhib yar loo sharxi karin.Wadanka Botswana, tusaale ahaan,waxa ay leedahay wakaalad gargaar oo dowladdu taageerto, inkasta oo ilaa imika aanay wali Yurub ka qaban hawlo gargaar. Arrinta la yaab ka leh waxa ay tahay in dhaqaalihii Yurub aanu kor u socon iyada oo wadamo badan oo Midawga Yurub ka mid ahi deeq ahaan u bixiyaan 0.7% ka mid wax soo saarkooda sanadkii ee loo yaqaan GDP. Sida muuqata,wakhtigu wuu

Maputo  Growth in Mozambique

is bedelayaa.Afrika oo mar baahi,gaajo ba’an iyo colaado caan ku ahayd - ama sida reer Yurub ba u arkayeen – kor ayay u socotaa, xitaa Soamaaliya marka lagu daro. Taas cakiskeeda,Yurub hoos ayay u socotaa si isku mid ah iyada oo lacagta ay wadaagaan ay keentay in dhowr wadan qarka u saaranyihiin burbur dhaqaale iyada kaalintii ay Midawga Yurub kaga jireen ganacsiga adduunkuna uu hoos u sii socda sanad walba. Haddii aad u fiirsato waad arkaysaa taas.Marka aad si dhaw u eegto korodhka xaga cabirta dhaqaale ee GDP ee ay soo saarto wakaaladda Maraykanka u qaabilsan wardoonka ee CIA,waxaa kuu muuqanaysa in 8 ka mid ah 20 ka wadan ee dhaqaalahoodu xawliga ku socdaan adduunka ay ku yaalaan Afrika, waana : South Sudan* (1), Sierra Leone** (2), Liberia** (11), Côte d’Ivoire (12), Ghana (13), Rwanda (14), Mozambique (19) and Eritrea (20). Wadanka Eretria, inkasta oo uu ku jiro kaalinta 20aad, haddana waxa muuqata inuu ku socdo koriin dhaqaale oo ah 7% - waa korniin ay ku riyoon karaan uun wadamada Midawga Yurub ku jiraa. Is bedelka ku yimid dhaqaalaha waxa aad ka dheehankartaa kumanaanka reer Portugal ee u soo haajiraya wadamada Angola iyo Mozambique iyaga oo ka yaacaya xaalada dhaqaale ee adag ee wadankooda.Weli ma ay gaadhin in aay badbaadiyaan ciidamada bada ee Morocco iyaga dadkaasi tahriib ah si ay uga sii talaabaan gacanka Gibraltar iyaga oo u socda Afrika,balse waa calaamad in mustaqbalku yaalo xagaa iyo wadamada Afrika ee ku hadla afka Bortaqiiska. Wadanka ugu sareeyay xaga korodhka dhaqaale ee Midawga Yurub sanadkii 2013 waxa uu ahaa Latvia, oo gashay kaalinta 83-aad ee adduunka. Wadamada Greece, Portugal, Cyprus, Slovenia, Finland, Spain, Croatia, the Czech Republic iyo Netherlands waxa ay iyagu ku jireen 20-ka ugu hooseeya. Sida la ogyahay, dhaqaalaha Afrika inta badan waxa uu ka soo bilaabmay meel hoose taas oo

keentay inta uu boqolkiiba kordhayo loo arko mid wanaagsan oo dani ugu jirto wadamada aan dhaqaalahoodu fiicnayn. Dhinaca kale, dadweynaha wadamadaasi waa sii kordhayaan.Si kastaba ha ahaatee,lixda wadan ee Afrika ee kala ah Equatorial Guinea, Seychelles, Gabon, Mauritius, Libya iyo Botswana waxa aay ku naaloon doonaan xaalad nololeed oo ka fiican wadamada Romania, Bulgaria, Hungary, Estonia, Latvia, Lithuania iyo Poland - xitaa in ay kasii sareeyaan in badan waa dhici kartaa. Arrin kale ayaa Iyana jirta - taas oo muddo dheer na mudnaanta yeelan doonta - waa tamarta ama “energy” ga. Saliid iyo shidaal badan ayaa laga helayaa Afrika taas oo weliba badan - dhinaca badda iyo berrigaba. Dhowr wadan( sida Mozambique iyo Tanzania) waxa ay heli doonaan dakhli badan oo ka soo gala shidaalka taas oo kor u qaadi doonta barwaaqada dhinaca dhaqaalaha. Ma aha oo qudha dhaqaalayahanada ama saraakiisha dowladaha u shaqeeya dadka ku baraarugsan isbedelka dhaqaale ee labadda qaaradood.U fiirso qaybta ra’yiga dadweynaha ee wargeysyadda ka soo baxa Afrika ee lagu soo qoro internet-ka.Waxaad ogaanaysaa sida amakaaga leh aay uga hadlayaan maalinta Afrika xor ka noqonayso taageerada reer Yurub iyo haay’addahooda samafal. Si ka duwan war la’aanta haysa dhigooda Yurub, xitaa dadka dhinaca maaweelada ku takhasusay ee reer Afrika ayaa ku baraarugsan in Afrika kor u socoto oo Yurub na ku jirto hoos u dhac dhaqaale.Waxa jirta cajalad muuqaal ah oo kaftan ah oo aad u fiday.Waxa la yidhaahda “Radi-Aid”, waxaanay ku jeesjeesaysaa hees tii “We are the World” ee ku jirtay ruwaayadii deeq-ururinta ee Afrika loo sameeyay ee la odhan jiray “Live Aid”.Fiidyowgaasi wuxuu dadka Afrika ka rabaa in ay kaalmo u ururiyaan reer Yurub, gaar ahaan( inkasta oo sababta loo xushay cadayn ) reer Norway. Waa wax wakhti uun inaga xiga marka ay run noqon karto saadaasha fiidyowgaasi, in kasta oo tusaale in loo qaato Norway oo aan ku jirin Midawga Yurub balse dakhliga qofkii uu gaadhayo lacag dhan $80,000, aay ku qaldantay muuqaalka “RaidAid”.Si kastaba ha ahaatee, waa cajalad si wacan loo matalay oo u qalanta in la daawado.

*Ka hor dagaaladii sokeeye **Ka hor intii aan cudurka Ebola dilaacin

jubbaairways.com

27


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.
Cirka – Issue 2 by Land & Marine Publications Ltd. - Issuu