

Shaxda nuxurka
Table of contents


2 4 8 10 Gogoldhig Introduction
Shayma Meecaad
“Xasuustii Dhallaanimo”
Cabdirisaaq Bidixo
“Tales of Hawd”
Cabdillaahi Barre

Gogoldhig
Soo cago dhigo caalamka Fankeenna, oo ah bar ka marag kacday in fanku aannu qalab uun ahayn, ee uu yahay quwad nool oo kulansiisa qaababka kala duwan ee fanka dabadeed ka soo saarta iscabbiraad isku dhafan oo la laabraaco loona beerraqo. Ku soo dhawaada bogagga majalladda Fanside oo barkulan u noqon doona maqaallo, sheekooyin, maansooyin, iyo farshaxanno la kulansiiyay oo cirka ku laalaya suuraysiga maankeenna, isla markaana dhaqdhaqaajinaya ruuxdeenna. Fanside wuxuu kugu martiqaadayaa geeddi labo af la isaga dabqaadayo, oo loogu indho kuulanayo kaladuwanaanshaha dhaqameed ee akhristayaashayada.
Fanside majallad keliya ma aha, ee wuxuu irrid u noqonayaa in suugaanjeceshaha Soomaaliyeed lagu xidho dadyawga u jeelqaba in ay ka jibba keenaan darka suugaaneed ee ay dhaqannadu ka durduurtaan. Laakiin arrintu qiso la tebinayo uun ma aha—waa ka-go’naan ku aaddan in la gacanqabto halabuurnimada casrigan, oo madal loo yagleelo fannaaniintu ay ka muuqdaan codkoodana laga maqlo.
Tirsigan, oo ah kii kowaad ee Fanside, waxaad ka filataan lama’arag idin indhadaraandarisa, maaddaama ay idin sugayso in aad dhex mushaaxdaan hawlo isku sidkan oo soo taxnaa tan iyo dharaartii aannu madashan asaasnay Febarweri 2023. Waxaannu ku shuqlanayn xaqiijinta himilo looga dan leeyahay in dadka lagu boorriyo oo lagu xiise beero, waxana ka mid ahaa kulanno aqoon-korodhsi ah oo sawirqaadista, filinsamaynta, iyo wadasheekaysiga dhaqameed ka kooban, iyo bandhigyadii filimmada ee Fankeenna oo ahaa saddex


madlood oo ilyartu inta ay is qabatay kaahoodu cirka gaadhay. Bogaggan aad akhriyi doontid waxa sidoo kale ka mid ah taxanaha maaweelada iyo murtidaba isku darsaday ee Shaah iyo Shaxan oo qotadheerida looga bartay ay tahay in lagu soo casuumo dad halabuurro ah oo qisadooda iyo waxqabadkooda inoogu
warrama gole shaah baraad ahi yaallo oo fiirada hadalka iyo fiiqsiga shaahu ay midoobaan—wadasheekaysiyadaas oo iminka hawada inta ay galeen
barnaamijkayaga podcast-ka ku gaadha meelo meelo!
Xaajo intaas uun ku ma eka, oo weli fari ka ma qodna! Bogaggan aad akhrisan doontid waxaad sidoo kale ugu tegaysaa qaadhaan dhaxal ah oo ay ku yabooheen halabuurro iyo saaxiibbo Fankeenna ku xidhan. Farshaxanyahad Shayma
Maed waxay idin ku sooraysaa in aad la wada falgashaan micnaha “hoy” oo ay ku soo gudbinayso taxanaheeda
faneed ee garaadka daandaansanaya; dhanka kalana Cabdirisaaq Bidixo oo maansayahan ahi wuxuu idiin hayaaminayaa halka ay u dhimatay ee dhaxalka hiddaheenna, iyadoo gaadiidka uu isticmaalayaana yahay maansadiisa aan laga jeesanayn.
“Fanside majallad keliya ma aha”
Haatan iyo dan, akhriste, heer kasta oo aad tahay iyo si kasta oo aad fanka isku tihiinba, waxaan kugu martiqaadaynaa in aad muquurato caalamka Fanside. Isu diyaari duni markaad dhex gasho aad ka helaysid farax iyo dhiirrigelin, adiga oo sidaadii ahna aanad ka soo laabanayn. Ku soo dhawaada duni halabuurku aanu soohdin lahayn—ku soo dhawaada Fanside.


Introduction
Step into the extraordinary universe of Fankeenna, where creativity isn’t just a tool—it’s a living, breathing force that intertwines various art forms into a mesmerizing mosaic of expression. Welcome to the vibrant pages of Fanside, our vibrant hub where articles, short stories, poetry, and cartoons come together to ignite imaginations and stir souls.
In the realm of Fan-side, we invite you to embark on a bilingual voyage, celebrating the diverse cultural tapestry of our readership. More than just a magazine, Fan-side serves as a gateway, connecting Somali literature aficionados with those hungry for a cross-cultural literary escapade. But it’s not just about the tales—it’s a commitment to nurturing contemporary creativity, providing a stage for artists to shine and voices to be heard.
“Fan-side serves as a gateway, connecting Somali literature aficionados with those hungry for a crosscultural literary escapade”
In this premiere issue of Fanside, prepare to be whisked away on a cosmic adventure as we explore the galaxy of activities that have unfolded since our launch in February 2023.
From exhilarating workshops delving into photography, filmmaking, and cultural dialogue, to the glitz and glamour of our


three stellar Fankeenna film festivals, we’ve been on a mission to inspire and captivate. And nestled within these pages lies “Shaah iyo Shaxan,” a cozy yet profound series where creatives share their stories over steaming cups of tea—a conversation now echoing through the airwaves via our engaging podcast, reaching hearts far and wide.
But the enchantment doesn’t stop there. Within these pages, you’ll discover the remarkable contributions of our Fankeenna collective and esteemed friends.
Visual artist Shaima Maed invites you to ponder the concept of “home” through her evocative artwork series, while poet Abdirisak Bidixo transports you to the heart of our cultural heritage with his soulstirring verses.
So, dear reader, whether you’re a seasoned enthusiast or an eager explorer, we invite you to dive headfirst into the spellbinding universe of Fanside. Prepare to be enchanted, inspired, and forever changed. Welcome to a world where creativity knows no bounds—welcome to Fanside!
