Building Bridges through Managing Conflict and Differences - Part 2

Page 61

DSHISKA Biriishyada

tusaalihii Raider iyo Coleman ee dhexdhaxaadinta ee lagu sharaxay cutubka lix ee“akhriyaha”. Maskaxda loo isticmaalay tusaalahan waxa ay ka soo jeedaa sahlanida marka labada (tusaale) ee kale loo eego, waxa aad u sheegtaa ka qaybgalayaasha koox kasta oo aan jilayn kaalmo, bal inay qaataan (kaalinta) goobjoogayaasha. Mid kasta oo ka mid ah goobjoogayaasha sii tilmaamihii goobjoogaha inta kooxdoodii dhab ahaan ay ku jiraan matalaadii. 5 . Waydii labada kooxood inay ku kulmaan laba goobood oo kala gooni ah. U sheeg koox kasta oo ka qayb galayaasha dhinac kasta oo khilaafka ah ka tirsan iyo kooxaha dhexdhexaadintaba inay goonidooda u shiraan si shirka loogu diyaar garoobo. Bal eeg marxalada is diyaarinta ee tusaalaha Raider iyo Coleman. (15) Daqiiqo kadib u sheeg ka qayb galayaasha koox kasta inay dhammays tiraan shirkii is diyaarinta iyaga oo u diyaar garoobaya matalaadii dhexdhaxaadinta soo socota. 6 . Inta labada kooxood shirayaan si ay ugu diyaar garoobaan fadhigii is diyaarinta, waydii goobjoogayaasha koox kasta in ay caawiyaan diyaarinta iyo qalabaynta qolka tababarka si dhexdhexaadinta si haboon loogu habeeyo. Eeg marxalada 1 aad Furitaanka dhexdhaxaadinta ee tusaalihii Raider iyo Coleman. Marka ka qaybgalayaashii labadaa kooxood diyaar garoobaan bilaw qaybtii labaad ee matalaada, adiga oo waydiinaya xubnihii kooxda koowaad inay fadhiistaan miiska loo diyaariyay matalaada dhexdhaxaadinta. Iyaga oo goobjoogayaashii iyo xubnihii kooxda labaad fadhiya wareega (hareeraha) miiska dhexdhaxaadinta, bilaw matalaadii. 60 ilaa 90 daqiiqo kadib, marxalada dhexdhaxaadintu marka ay dhammaato, gabagabee matalaadii. Dhawr daqiiqo ka dib, iyaga oo xubnihii kooxda labaad fadhiya miiska, bilaw wareegii labaad ee dhexdhaxaadinta imika, iyaga oo goobjoogayaashii iyo xubnihii kooxda hore fadhiyaan wareega (hareeraha) miiska dhexdhaxaadinta. 7. Marka la dhammeeyo wareega labaad ee dhexdhaxaadinta, war celin weydii goobjoogayaasha, ka qaybgalayaasha labada kooxoodna ha galaan dood layligii ah. Fiiro ugaar ah tababaraha: layligan matalaada ah waxa loo badali karaa siyaabo badan si uu ugu haboonaado baahiyaha ka qaybgalayaasha tababarka. Tan waxa ay noqon kartaa in sikale loo qoro iyada oo la milicsanayo xaalad ay ka qaybgalayaashu aad u garanayaan, iyada oo la badalayo kaalmaha la fulinayo ee geedi socodka dhexdhaxaadinta ama la isticmaalayo tusaale dhexdhaxaadin ah oo duwan, ujeedadu se waa isku mid uun. Waxa weeye in ka qaybgalayaasha lagu caawiyo geedi socodka dhexdhexaadinta oo ay helaan xirfad dhexdhaxaadineed.

58


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.