Building NGO/CBO Capacity through Managing and Developing Human Resources - Part 1

Page 86

DHISIDA AWOODDA NGO/CBODA MAARAYNTA IYO HORUMARINTA KHAYRAADKA LACAGEED

---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------Natiijooyinka aan rajeynayo inaan ku gaadho hawlgaladaasi waa: -------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

QODOBADA FURAYAASHA AH • • • • • • • •

• • •

Waxa jira doorashooyin badan oo kor loogu qaadi karo siday lacaguhu u badbaadi lahaayeen, habsocdyadu u kobci lahaayeen, Qiimayaashana loo hakin lahaa NGO/CBO gudahooda. Habka ururinta dakhligu waxa sal u ah helidda siyaabo biilasha loo gaadhsiiyo, kadibna go’aaminta sida ugu wax ku oolsan ee lacagta looga qaadi lahaa ee lagu badbaadin lahaa mar haddii la ururiyo. Kontorolada guduhu waa muhiim xataa ururada diinta ee halku-dhigood yahay “dadow ha xadina”. Markaynu taas ognahay waa lama huraan in dhamaan NGO/CBO ay yareeyaan shaqaalaha damacaas leh. Hase ahaatee kontorooladda guduhu waxay ururkiina u leeyihiin waxtaro kale:-xog kalsooni leh oo waqtigeedii la helo, wax-ku-oolnimada hawlgalo oo ay kamid yihiin badinta isku-dayada, iyo fududaanta gaadhsiinta xaladaada lacageed dadka kale. Kala qaybinta hawlaha iyo xilalka shaqaqalaha ku hawshan kaashka ururkiina dhexdiisa waa arin laga yeeshoon kara xagga badbaadinta kuwa masuulka ah dhaqdhaqaaq lacagaha ayaa iyaguna raali ku noqda. Hakinta qiimaha iyo helidiisuba waxay u yihiin qalabka maaliyadda ee ururkaaga dhiggi kara mid muddo sii jira. Maareynta agabka iyo alaabada ururkiina dhexdiisa waa caajis laakiin muhiima. Haddii si wanaagsan loo sameeyo, waxay baabiin karta damac “Makhaasiinka ka sii amaaho, badbaadi sabada, oo uu hubin dadka hawlaha wada uu agabka iyo alaabadu ay yaaliin markay u baahdaan. Soo iibsiguna waa meel ay NGO/CBO aanay kaydinayn oo kaliya ee, laakiin kor u qaada waxqabadnimada iyo wax-ku-oolnimada fulinta risaalada ururkiina kuwaas oo ay keenaan helidda tayada wanaagsan iyo tirada saxda ah, meesha ugu hagaagsan, ee ugu sicir hagaagsan waqtiga ugu hagaagsan. Intaas kama hagaagto NGO/CBO gudohooda. Soo iibsashada tartanka leh waxa soo raaca diyaarinta soo bandhigada tilmaamaha gaarka u ah qandaraaska;ka feker isweydaarsiga badeecado, deeqaha iyo soo iibsiga iskaashataysan iyo siyaabo kale oo aad ku heli karto badeecadaha iyo adeegyada aad u baahan tahay sicirka ugu hagaagsan. Hawlaha qolka keydka si weyn baa loo hagaajin karaa iyadoo la adeegsanayo haynta rikoodhada iyo maareynta dhulka si hal-abuur leh. NGO/CBO badan ayaan gaadhi labadan heer midna. Hakinta qiimaha iyo helidda qiimuhu waa laba qalab oo muhiim u ah fududeynta in ururkiinu sii jiro ilaa muddo. Qoraalo

1. 2.

Qiimaha xisaabtu waa qeyb wayn oo xisaabeed khusaysana bilowga minqiyaaska, iyo kaantaroolka qiimayaasha. Qiimaha Tooska- waa qiime kaas oo si dega dega loo cadayn karo iyo lagu isticmaali karo barnaamij 85


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.