foraeldreintra2_somalisk

Page 1

ForældreIntra2 Somalisk

ForældreIntra

Magacani waxa uu ka kooban yahay waalidiinta [Forældre ] iyo shebekeda gaarka ah [Intranet]

Ku dhowow dugsiga ForældreIntra waxa aad ka heli kartaa • • • •

In In In In

aad aad aad aad

la socotid waxa ka dhacaya dugsiga ilmahaaga macalinka kula xidhiidhid buuga xidhiidka [Kontakt bog] email u dirtid macalimiinta iyo waalidiinta ka balansatid qabanq aabooyinka iyo kulamada

ForældreIntra waa qayb ka mid ah internetka gaarka ah ee dugsiga, SkoleIntra, oo sidaa darteed waxa aad ku geli kartaa Magaca adeegsadaha [Dit Brugnavn] iyo Furaha [Adgangkode]. Waxa aad barnaamijka ka geli kartaa bogga internetka ee dugsiga.

Bogga intarnetka ee dugsiga: Magaca adeegsadaha: Furaha:


Ku soo dhawow shabakada waalidka ee gaarka ah ForældreIntra Waxa aad ForældreIntra ka soo geli kartaa magaca ForældreIntra ee bogga intarnetka dugsiga. Marka aad gujisid barta magaca, waa in aad qortaa Magaca adeegsadaha iyo Furaha uu dugsigu ku siiyay. Dugsiga ayaa go´aamiya sida uu u eegaan karo ForældreIntra ee fasal kastaa. Sidaa darteed tirada hawlaha iyo barta magacyada bogga way ku kala duwanaan karaan dugsiyada iyo fasaladuba.

Liis [Menu] Liisku hadda waa liiska [ForældreIntra] Markii hore waxa ka muuqday liiska bogga intaretka ee dugsiga

Warar [Nyheder] Bartan waxa aad ka arki kartaa ogaysiiska, wararka ka imanaya xafiiska, rug kutubeedda iyo warar muujinaya hawlaha socda

Diiwaan [arkiv] Diinwaankan waxaa ku jira qoraalada, sawirada iyo wararka dugsiga.

Wargelin [Information] Bartan waxa aad ka ogaan kartaa jadwalka, kalandarka hawlaha la qabanayo, isbedellada jadwalka, qorshayaasha todobaadka, qorshayaasha sannadka iyo kaydka sawirada fasalka.

Xidhiidh [Kontakt] Eeg tusaale ahaan macalinka fasalka, oo ku dar magacaaga liiska magacyada ardayda fasalka. Muuqaalka dhalashooyinka fasalka 4B Magaca ardayga Dhalashada Alex Hansen 27-03-1992 Anders Villadsen 31-07-1991

Sabuurada xogta ee fasalka [Klassens opslagstavle] Sabuurada xogta fasalka waxa aad ka akhriyi kartaa ogaysiin kooban oo ku saabsan nolosha fasalka.

Jadwalka [Skema] Halkan waxa aad ka arki kartaa jadwalka ilmahaaga iyo laga yaabee isbedelka jadwalka


Suurtagallada cusub ee ForældreIntra Suurtagallo cusub ayaa hadda socda ForældreIntra. Tusaale ahaan, ilmo kastaa waxa uu leeyahay boggiisa, halkaas oo aad si dhakhso ah isugu bedeli kartid bogagga hore ee caruurta, haddii aad ubad badan ku leedahay dugsiga. Oo haddii ay kuu yimaaddaan fariimo cusubi marka aad furto ForældreIntra waxa shaashada kaaga furmaya daaqad cusub. Waxa kale oo ay aad wax isaga bedelayaan fikradaadii hore. Wax badan oo arrintaas la xidhiidha waxa aad ka akhriyi kartaa bogga dambe.

Bogga ilmo kasta Ilmo kastaa waxa uu leeyahay barcaleen, halkaas oo haddii aad ubad badan ku leedahay dugsiga aad si fudud isugu bedbedeli kartid bogagga hore ee ubadka.

Caawimo Waxa aad caawimo ka heli kartaa muuqaal iyo qoraal.

Wadahadalka dugsiga iyo guriga [Dialog mellem skolen og hjem] farriimaha, qorshayaasha ardayga, isdiiwaan gelinta qabanqaabooyinka ee [arrangementer] iyo waxyaabo kale oo badan.

Farriimo ee [Beskeder] Halkan waxa aad ka diri kartaa oo aad ka heli kartaa farriimaha

Buugga xidhiidhka [Kontaktbog] Buugga xidhiidhka waxa aad ku fulin kartaa wadahadalka adiga iyo macalinka ee ku saabsan ilmahaaga.

Wax soosaarka fasalka ee [Klassens egne produkter] Halkan waxa aad ku arki kartaa tusaale ahaan sawirada iyo wargeyska intarnetka ee fasalka.

Qorshayaasha ardayga [Elevplaner] Halkan waxa aad ka arki kartaa qorshayaasha ardayga ee ilmahaaga.


Dhismahaaga [Indstilliger] Halkan ForældreIntra waxa suurtagal kuu ah, in aad shakhsiyan waxyaabo badan oo aad rabtid ka bedeli kartid dhismaha bogga. Dugsi kasta waxa uu leeyahay suurtagallo gaar ah oo aad adeegsan kartid.

Furaha [Kodeord] Halkan waxa aad ka bedeli kartaa Furaha [Adgangskode]

Warbixinta qofka [Personligoplysning] Halkan waxa aad ku dari kartaa waxa iska bedelay warbixinta qofka.

Ogaysiin [Advisering] Dooro, in email laguu soo diro, marka wax cusubi soo kordhaan ForældreIntra.

Habayn Iyada oo ku xidhan doorashada dugsiga, waxa kuu suurtageli karta In aad samayn kartid naqshadaada ForældreIntra oo wadata midabka iyo waxyaabaha aad la rabtid bogga hore.

Afar walxood oo ka muuqda meelo badan ForældreIntra Samee qoraal, farriina ama wax kale oo badan

Sax ama tifatir

Masax qoraalada, sawirada iyo wax kale oo badan

Caawimada ForældreIntra

UNI•C waa guddi hoos timaada Wasaarada waxbarashada, oo waxbarashada dunida iyo cilmi baadhista dunida si balaadhan ugu gudbisa adeegyada farsamada kombiyuutarka. Dad ka badan 1.000.000 ayaa si joogto ah ula haysta adeegyada farsamada kombiyuutarka iyo wax soosaarka UNI•C’da. Ka akhri wixii dheeraad ah www.uni-c.dk


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.