IOM Somalia Overview Fact Sheet (Somali translation)

Page 1

SOMALIA

HAY’ADDA CAALAMIGA EE SOCDAALKA (IOM)

Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka waxay kashaqeyneysay Soomaaliya ila 2006-dii. Daganaansho la’aanta xaaladda siyasadeed ee Soomaaliya waxay kentay in Soomaalidu u kala guuran dalal kale. Soomaalidu waxaa lagu yaqaanaa socdaal badan oo aan isu dheeli tirneyn kaasoo keenaya dhibaatooyin aad u waaweyn. Qodobo Muhiim Ah Kumanaan ka mid ah dadka Geeska Afrika dagan waxay u guuraan Yeman iyo dalal kale iyagoo ka imanaya Itoobiya iyo Soomaaliya. Dadkaas ayaa sababo la xiriira dhaqaala xumo iyo aamin darro u guura, taaso gelinaysa noloshooda gacanta tahriibayaasha. Xeebta Soomaliya waa xebta Afrika ugu dheer (3300KM) waxayna tahay xebta ugu khatarta badan adunka burcad badeed

awgeed. Tahriibinta iyo burcad badeedduba waa ganacsi weyn oo faida balaaran kufadhiyo, ayadoo daroogada, hubka, alabta mamnuuca ah iyo tahriibayaasha lamariyo Gacanka Eden iyo goobaha konfurta kasii xigo. Si ay u fududeyso dibaatooyinkan, IOM waxay barnaamijyadeeda kala duwan kafulisaa Somaliland, Puntland iyo Konfurta Dhexe ee Soomaaliya. IOM waxaa wacyi gelin u sameysaa dadka loo maleeyo in ay tahriibka u badan yihiin; in ay kobciso fursada nololeed meelaha ay tahribyaasha kunoolyihiin iyo meelaha ay soo maraan; in ay kor u qaaddo awoodda dowladaha iyo siday u maamuli lahaayeen xuduudaha; in ay xoojiso aqoonta iyadoo isticmaalaysa Soomaalida dalka dhibidhiisa wax kubartay; isla mar ahantaana u kaalmeyneysa guurayaasha tabarta daran

iyo kuwa dhibka soo garay. Hawlqabad IOM waxay lashaqeysaa dowladda Soomaaliya, masuuliyiinta gobolada dariska, Jamciyadda Quruumaha Kadhaxeysa, Dowladaha deeqda bixiya iyo bulshada rayidka ah.

Mushkiladaha Socdaalka Soomaaliya waxay hoos imadaan qeybahan: • Socdaal qasab ah: taas oo ay keento dagaalada iyo dhibaatoyinka dhabiiciga ah oo keenta qaxooti badan iyo dad dalka gudihiisa ku dhibaateysan. •

Socdaal oo aan taxano aheyn: waxaa keeno fursadaha nololeed oo iska yar taaso keeneyso in dadka la tahriibiyo.

Socdaalka iyo Horumarka

Mashruuca Guuridda iyo Horumarka Africa (MIDA) waa barnaamij loo sameeyey inay dadka dhibadda jooga aqoontoda u isticmaalaan horumarka iyo kor u qaadida bulshada. Barnaamijyada MIDA waxay ku howlanyihiin in ay kor u qaadaan aqoonta iyo waxtarka hay’adaha qarameed ee Soomaaliya.

Hiilgurasho labnaan: middaas oo ah in hal waddo isticmaalaan dhowr kooxood oo guuraya oo kala duwan sidii tahribayaasha, kuwa dhaqaalo doonka ah iyo kuwa naftooda badbaadinayo.

Socdaal dhaqameed: middan waa qaab ay isku badbaadiyaan dadka xoola dhaqatada ah ayagoo u raadinaya xoolaha baad ay cunaan, kana ganacsanaya gobolada kala duwan oo ay sii gudbaan.


Barnamijka wuxuu wadaa afar mashruuuc, ayagoo lala shaqeynayo sadexda maamul goboleed ee kajira Soomaaliya. Illaa iyo waqtigaan la joogo, barnaamijku wuxuu ku howlanyahay inuu shaqaaleysiyo 83 khabiir kuwaas oo ka shaqeya gobolada oo dhan lana shaqeeya wasaarada kala duwan. Mashruuca Xasillinta Xilliga Kala Guurka (TIS) TIS waxay ulajedadiisa tahay in kalsooni loo dhiso dowladda iyo qeybaheeda kala duwan sidaa ay shacabka uga howlgasho. TIS waxaa ay wada shaqeyn ufurtaa sidii ay isuu la wada shaqeyni laheyn dowladda, waaxyada khaaska ah iyo bulshada. Barnamijyadan sida dagdaga loo fuliyo waxaa doorta dowladda iyadoo lashaqeyneyso wakiillo matalaya shacabka. Horumarinta Qaab Nololed IOM-ta waxay ku howlgeshaa in ay ka shaqeyso xasilinta shacabka, horumarka qaab nololedka bulshada,yareyso nafaqa darida iyo cunta xumada, iyadoo u isticmaaleyso mashruucyo ku howlagelan horumarinta qaab nololedka bulshoyinka guuraya iyo kuwa melahooda deganba. Mashaariicdaan waxaa kamid ah tababaro farshaxan; in mashaaric lacag dhalin loo sameeyo magaaloyinka ayagoo

la tix gelinayo goobjooga dumarka iyo raga; mashaaric biyo keydin loo sameeyo dadka xoola daqatada iyo barnaamij kaluumeysi loo sameyo dadka ku daqan xeebaha kuwaas oo aan helin deeq aan badneyn. Kobcinta Maamulka Socdaalka Xuduudaha sida fudud loo gudbo ee Soomaaliya ayaa kordhiyay amni darrada dalka iyo kuwa dariska la ah. Maamul darrida xuduudaha waxay dhib u keneysaa sidii loo ilalin lahaa dadka guuraya iyu kuwa doonaya in naftooda labadbadiyo. Iyagoo la eegayo codsi ka imado maamul goboleedyada Soomaliya, IOM waxay sameysey barnaamij Kobcinta. Maamulka Socdaalka, midkaas oo loogu tala galey in lagu hormariyo awodda iyo aqoonta dadka ka shaqeeyo socdaalka. IOM waxay kala habeyneysaa goobaha laga soo gelo dalaka sidaa gegida diyaaradha, dakadaha iyo xuduudaha. IOM waxaa kale oo ay tababar kabixisaa maamulka socodalka. Kahortaga Tahriibka IOM waxay awood u yeelatey in ay soo aruuriso macluumaad tusinayo in tahriibka iyo kaganacsiga dadka ay kadhacaan Soomaaliya. Sanadkii 2009ka IOM waxay kabilawdey Somaliland, Puntland iyo Koonfurta Dhexe ee Soomaaliya mashruucii uga

IOM Soomaaliya laanteeda daryeelka caafimaadka waxay gacansiisaa haweenka ku nool xeryaha barakacayaasha si ay uga qeybgalaan tiiraanya bixinta bulshada, waxbarashada dadka isku da’ada ah, gacansaarka durmarka ama tumidda durmaka iyo raadka ay ku leedahay kuwa ka badbaado, sidey ula qabsan lahaayeen xeryahan iyo weliba in loo tilmaamo meelaha caawimaadka laga helo. © IOM 2012 (Photo: Mary-Sanyu Osire)

horeeyey la dhagalaanka tahriibka dadka kaasoo kaheley taageero farabadan maamullada gobolada iyo bulshada rayidka. IOM waxay ufidisaa gurmad dadka dhibaatooyinka kasoo gaara tahriibka. IOM-ta waxay howlgalisaa barnaamij wacyi gelin ah ee kahortaga dadka waxan kashaqeynayo. Daryeelka Caafimadka Socdaalka Mashaariicda caafimad ee IOM waxaa kamida ah: in lala shaqeyo bulshada sidii looga hortagi laha cudurka HIV-ga lana yareeyo dhibatooyinka loo geysanayo dadka cudurkaa qabo; in laga shaqeyo biyaha iyo nadaafada; in loo fidiyo bulshada caafimad; in laga

“Hay’adda IOM Soomaaliya waa xubin ka tirsan Kooxda Dalka ee Jamciyadda Quruumaha ka Dhaxeysa, taas oo loo yaqaano (UNCT), waxayna la shaqeysaa dhowr wasaaradood oo ka shaqeeya gobollada kala duwan ee Soomaaliya sidey u hirgaliso mashruucyadeeda. IOM waxay la shaqeysaa dhowr hay’adood oon UN ah iyo hay’ado kale oo ka shaqeeya Soomaaliya.” SOCDAALKU WAA U FAA’IIDO DADKOO DHAN International Organization for Migration (IOM) Somalia Mission Gitanga Groove – off Gitanga Road, Lavington PO Box 1810 – 00606, Nairobi, Kenya Tel: +254 20 292 6000 Email: iomsomalia@iom.int www.iom.int

MARCH 2013

MAAL GALIN:

hortago dhibaatooyinka kulugleh tumidda dumarka, la daaweyo lana garabqabto dadkaas ayagoo lasiinayo tiiraanyo bixin. Ayadoo lala shaqeynayo kooxaha mashruucan ku lug leh, waaxda Daryeelka Caafimaadka Socdaalka waxay kaalmeysaa dadka tabaaleysan, kuwaas oo ay ku jiraan dadka guuraaga ah oo dagan gobollada Soomaaliya kuwaas oo ay ku jiraan goobaha mar dhow la xoreeyay sida Afgooye. Mashruucan Daryeelka Caafimaadka oo loo yaqaano MHD wuxuu isticmaalaa teknoolojiya horumarsan sida Poly-Glu, middaas oo lagu sameeyey Japan, ayadoo lala kaashanayo waaxyada khaaska ah sidii loo fulin lahaa mashruucyadan.

WAXAN LA SHAQEYNA: • Dowlada • Somali dhibida • Ururada bulshada • Waxyada khaas ka ah


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.