Xeerka koobka ramadanka

Page 1

HABDHAQAN Das Integrationsgeheimnis

XEERKA KOOBKA RAMADANKA Dhegelayda 1: Jaaliyada HABDHAQAN ayaa qabanqaabada iska le koobkan kubada cagta ee dhici doona bisha Ramadan kiisi labaad (20. Juni 2015 – 12. Juli 2015). Walaaltinimo, fair-play iyo wada kulan qurux badan ayaan rajadu tahay. Dhegelayda 2: Kooxaha ka soo qayb qaadan doona waa inay soo gaadhsiiyaan arjiga iyo magacyada ciyaartooyada iyo mas’uulkooga ka hor 01/06/2015. Waxaa ka qayb qaadan doona 12 kooxod. Dhegelayda 3: Waxaan ku waaninaynaa kooxaha ka soo qayb qaadan doona inay soo wadaan ciyaarooyi sooman. Dhegelayda 4: Xeerka tartantankan wuxuu la xeer yahay xeerka kubada cagta u yaala ee dunida. Waxaan ku soo darnay inyar : • Touche ka lugta ayaa lugu laagi doona • Ma jiro offside. • Haddii goolka loo laago gacanta waa ku qabsan karaa. • Laag kasta waa direct, gidaarkana waa 5 talaabo.

Koox kasta waxay ka kooban tahay 8 ciyaartooyi, 6 ciyaari doonta iyo labbo bedel ah oo goortay rabaan soo geli kara marka ay u sheegaan sidhi walaha.

Dhegelayda 5: Waxaa loo qaybin doona labba Group. Ciyaar kasta waxay socon doonta 2 x 25 daqiiqo iyo 10 daqiiqo oo pause ah. Waxaa waqtiga ilaalin doona gudiga qaban qaabada. Group kasta waxaa loo xisaabin doona sida tan : Badis : 3 dhibcood, barbardhac : 1 dhibic, badis amma maqnaasho : 0 dhibic. Haddii intaa la sinmo waxaa la eegi doona sida loo kala goolal badanyahay. Quart-finale, Semi-final iyo Finaleka yar iyo ka weyn ba haddii barbardhac lagu soo baxo waxaa lagu kala badini penalty oo ay laagan doonan 3 ciyaartoyi koox kasta. Sidhi walaha waxaa wadata gudiga qabanqaabada. Dhegelayda 6: Waxaa kaa mamnuuc ah inaad garoonka la timaado kabo biro hoosta ku le’. Waxaa garoonka soo geli kara ciyaartooyada marka ciyaarta u le’ dadka kale dibada ayay ka joogi doonan garoonka. Dhegelayda 7:


HABDHAQAN Das Integrationsgeheimnis

Waxay koox kasta dhibi doontaa 80 CHF oo ka soo qaybqaadasho, waxayna dhiibi doonan markay isqorayaan. Waxaa la yeeli doona oo keliya kooxda sajilaadooda keena iyadoo la socoto lacagtaas.

Xusuus : Koobka waxaa qaaday sanadkii hore kooxda EMMEN Ciyaartooyiga ugu wanaagsan waxaa la dhaha Hassan (Gobolka Zug) isaga ayaana ugu goolal badnaa.

Dhegelayda 8:

Dhegelayda 12:

Waxaa la rogi doona tartankan Malinka Sonntag 7. Juni 2015, 17:30 – 19:30. Waxaana lagu qaban doona Nuralhuda Verein, Schachenweidstrasse 46, 60 Ebikon, Luzern. Kooxaha ka qayb gali doona ayaan noo casuuman.

Wixii aan xeerkan ka maqan ee yimaada waxaa go’aan ka gaadhi doona gudida qabanqaabada oo iyagu goo’ni doona sidii ugu macquulsan.

Dhegelayda 9: Maalmaha la ciyaari doono waa Samstags 20, 27 juni, 4, 11 Juli iyo Sonntags 21, 28 Juni, 5, 12 Juli 2015. Labbo ciyaarood ayaa dhici doonta maalinkasta. 18h00 – 20:00 Dhegelayda 10: Kooxaha ka iman doona gobollada Zürich iyo Zug, waxay affur ku yeelan doonan Masjidka Nur Alhuda. Kooxaha Luzern sidoo kale haday rabaan. Dhegelayda 11: Waxaa la gudoonsiin doona koobab, billado iyo hadyado kale oo loo qaybin doono kooxda 1aad, 2aad iyo sadeexaad. Ciyaartooyiga ugu ciyaar wanaagsanaada, ciyaartooyiga ugu goolal bata, ciyaartooyiga ugu akhlaaq wanaagsan, gool hayaha ugu fiican, toobabaraha ugu roon.

Kooxuhu waxay raali ka yihiin xeerkan marka ay saxiixooga ku dhigaan ka soo qayb qaadashada.


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.