3 minute read

Fursadaha Maalgashi ee Beeraha

Najma oo ka tirasan Somfaresh oo ku soo bandigaysa Moos Carwada Gulfood ee Dubai.

Beeraha Soomaaliya

Advertisement

Beeraha iyo xoolahu waa laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna ku kabaan wax-soosaarka guud ee gudaha wadanka (GDP) qiyaastii 70%, halka ay ka shaqeeyaan 80%, iyo ilaa 50% wax dhoofinta. Soomaaliya way soo kabanaysaa colaado ka dib, iyada oo ay jiraan caqabado, Wasaaradaydu waxay ka shaqaynaysaa sidii loo gaari lahaa sungnaan cunto. Waxaanu qayb ka nahay Yoolasha Joogtaynta Horumarineed ee Qaramada Midoobay (UNSDGs) waxaan ka shaqaynaynaa inaan noqono qaran gaajo ka xorooba sannadda 2030.

Waxaan cunno ku soo iibsanna lacag ka badan USD 1.5 Bilyan sannadkii. Si loo xalliyo faraqaas dowladu waxay dhiirigalinaysaa maalgashiga dhinaca wax-soosaarka waxayna taageeraysaa kororka tacabka gudaha ee cuntada. Waxaan hirgalinay hal-beegyo dhowr ah si loo dar-dargeliyo koboca loona xaliyo caqabada jira. Tusaale ahaan, waxaan ku howllanahay sidii loo kordhin lahaa tacabka dalagyada cuntooyinka aasaasiga ah sida Gallayda, Qamandiga, iyo Digirta iyada oo la adeegsanayo hal-abuur, kob-cinta aqoonta, iyo Tiknoolojiyada. Ilaa iyo hadda, dowladda Soomaaliya waxay kordhisay dhulka la tacbado, casriyaysay wax-soosaarka beeraha, hirgalisay habka cimiladda caqliyaysan (climate-smart) ee beeraha, dib u dayac-tir lagu sameeyay habkii cakirnaa ee waraabka, iyo tabarta beeralayda oo la horumariyay iyaga oo la tababarayo.

sugnaanta cuntadu waa kan ugu muhiimsan ee hor-tabinta noo leh, hadii aad akhrido Hagaha maalgalinta beeraha ee aan diyaarinay, waxaan rajaynayaa inaad ka heli doonto dhinacyo muhiim ah oo maalgashiga Soomaaliya ah.

Said Hussein Iid Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaal ka Soomaaliya

Khiyaar lagu beeray Aqal cagaaran (Greenhouse) loona adeegsadey waraabka tifoqda oo diyaar u ah

in suuqa loo iib geeyo. .

1

Beeralay rasaynaya si u qalajiyo sisintii uga soo go’day Balcad.

Kusoo dhowowSoomaliaya

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo adeegsanaysa Wasaaradeeda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha (MoPIED) iyo Xafiiska Qaran ee Dhiirigalinta Maalgashiga (SOMINVEST), waxay siiyeen wax-soosaarka beeraha mid ka mid ah mudnaanta hor-tabinta leh ee dhinacyada maaalgashiga iyadoo la xeerinayo sida ay uga qayb-qaadanayaan horumarinta dhaqan-dhaqaale iyo nololeed ee waddanka.

Xafiiska Qaran ee Dhiirigalinta Maalgashiga (SOMINVEST) wuxuu dhowaan diyaariyay Istaraatiijiyadda Qaran ee Dhiirigalinta Maalgashiga (NIPS) si loo helo tilmaamaha maalgashi oo dhamaystiran oo ku saabsan dhinacyada muhiimka u ah dhaqaalaha, ay ka mid tahay wax-soosaarka beeraha, taasoo saamiga uu ku leeyahay wax-soosaarka Guud ee Wadanka ay si wayn kor ugu kacday laga soo bilaabo heerkii uu joogay dagaaladii ka hor oo ahayd 62 boqolkiiba uuna gaaray 70 boqolkiiba. Burburkii dowladda ka hor, dalagu wuxuu ahaa kan labaad ee ugu badan oo ku biiriya wax-soosaarka Guud ee Wadanka iyo dhoofka, xoolaha nool ka dib.

Istaraatiijiyadda Qaran ee Dhiirigalinta Maalgashiga waxay hab-istaraatiijiyadaysan ula jaan qaadaysaa Qorshaha Horumarinta Qaran ee Soomaaliya (NDP), kaasoo lagu gaari karo horumar wakhti dhexe iyo wakhti fog iyo istaraatiijiyadda yaraynta saboolnimadda. Qorshuhu wuxuu qeexayaa ajendaha isbedelka wax-soosaarka ee dowladdeena isagoo hagaya farsamada ay ganacsiga yar-yar iyo dhexe uga guurikaraan howlahooda ku salaysan tabartooda ee loo guuro tacab takhasus leh ayna hagto baahida suuqa.

Intaa waxa dheer,Istaraatiijayada Qaran ee Dhiirigalinta Maalgashigu waxay taabba galinaysaa nidaam ganacsigu Hagayo Horumarka, kaasoo kobcinaya awoodda ganacsiga si uu xal u keeno iyo xaddiga dhaqaale ayna iskaashanayaan dowladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta caalamiga ah. Waxay taageeraysaa mabaadi’da Caalamiga ah Yoolasha Joogtaynta Horumarineed (SDGs) si loo gaaro koboc loo dhanyahay loona simanyahay isla markaasna la hor tabinayo maalgashiga dhinaca wax- soosaarka ee Soomaaliya, aqoonsanayana heerka maalgalinta waaxda iyo waax-hoosaadka dhiirigalinaya soo jiidashada iyo adkaynta maalgalinta loo qasday, kaasi waa xiriir maalgalineed oo dedejinaya hormarka dhaqaalaha.

Guusha fulinta Istaraatiijayada Qaran ee Dhiirigalinta Maalgashigu waxay qayb-libaax ka qaadandoontaa xiriir iyo iskaashi dhow ay yeeshaan daneeyayaasha oo dhan iyo iswaafajin habboon ee maalgashiyada. Sidaasi awgeed, Mashaariicda muhiim ka ah sida Mashruuca GEEL waa in la siiwadaa.

Xafiiska Qaran ee Dhiirigalinta Maalgashiga (SOMINVEST), oo kaashanaya Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, waxaa ka go’an inuu bixiyo hogaamin iyo iskaashi la xiriira fulinta istaraatiijiyada maalgalinta waaxdan muhiin ka ah waxayna u fududayn-doontaa ka qaybqadashada daneeyayaasha, oo ay ugu horayso Wasaarada Beeraha iyo Warabka.

Sidaasi darteed, waxaan ugu baaqaynayaa dhammaan daneeyashaasha ay ka midka yihiin

beeralayda,hay’adaha horumarinta, bulshada rayidka ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahayba, 2 inay si dhow ugala shaqeeyan dowladda sidii loo hirgalin lahaa qorshahan.Innaga oo isku duuban,waan bedeli karnaa maalgalinteenna, dhaqaalaha, iyo nolosha dadkeena.

Hassan A. Farah

Agasimaha

SOMINVEST