14 minute read

Dhaqaalaha iyo Shaqaalaha

Beeraha, Tiirka Dhaqaalaha Soomaaliya

Beeruhu waxay ku kabaan wax-soosaarka guud ee gudaha 40% waxayna soo xereeyaan 50% dhakhliga dhoofka Soomaaliya. Beeruhu ma aha oo kaliya majaraha dhaqaalaha Soomaaliya balse waa nolosha dadka. Waaxdan waxay ka koobantahay tacabka dalagga, xoolaha nool iyo kaymaha, Dhoofinta wax-soosaarka beeraha Soomaaliya wuu kobcayaa, waxaana ugu badan Sisinta, Liinta iyo Mooska.

Advertisement

Maxaa loo maalgashanayaa Dhaqaalaha Soomaaliya?

Waxaa jira fursado maalgahatol shisheeye ah oo raadinaya ganacsato soomaaliyeed oo ay wax isla maalgashadaan. Arimahan soo socda waxay xoojinayaan inay Soomaaliya tahay goob maalgashi oo safka hore Dhul beereed ballaaran kaga jirta tartanka maalgashi: • Tacabka gudaha oo aan ku filnayn dalabka jira • Waxaa jira suuqyo wax loo dhiifiyo oo Heshiisyada • raadinaya dalagyadii hore iyo kuwo cusub-ba Si xoog ah wali looma maalgashan waaxdan Agab beereed dihin mudnaansiinta leh ee Turkiga iyo Ururka • Shaqaale jaban Iskaashiga • Fursado hal-abuur iyo tiknoolojiyad cusub lagu IslaamakA samaynkaro • Dhul-beereed ballaaran oo fidin iyo tacab lagu samaynkaro • Suuq goboleed wax loo iibgayn karo iyada oo loo marayo Suuqa Dhexe ee Bariga iyo Bartama Afrika (COMESA), Urur Goboleedka (IGAD), iyo Ururka

Ganacsiga Aduunka (WTO) • Siyaadaha mudnaansiinta leh ee aan la leenahay

Turkiga iyo inta badan Wadamada Ururka

Islaamka • Udhawaanta marinada iyo dekedha dib-u-siirarka caamaliga ah • Hab isgaarsiineed fiican. • Taageerada iyo u heelanaanta Xafiiska Dhiirigalinta

Maalgashiga oo ay ka go’antahay bed-baadada, ilaalinta iyo bixinta ageedyada daryeelka ka dib.

Beeraha Soomaaliya

Ubax Maxamed oo goosanaysa Sallar la beeray intii uu socday tartankii tacabka beeraha ee ee Tvga ee loo yaqaanay Tartan Tacab.

3

Beeralay da’ yar oo caws ku habaynnaysa beer-xoolaad dhexdeed.

Siyaasadda Maaligalinta beeraha, Sharciga iyo Xeerka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dejisay sharciyo iyo xeerar la xiriira soo jiidashada maalgashiga shisheeye oo toos ah si ay uga qayb-qaataan koboca dhaqaalaha. Sanadihii u danbeeyay, dowladu waxay dadaal xoogan ku bixisay dib u eegista sharciyada si loo dhiirigaliyo maalgashi wax-soosaar baaxad leh. Qaar ka mid ah sharciyada Baarlamaanku meelmariyay waxaa ka mid ah; • Sharciga Maalgashiga Soomaaliya 2015 • Sharciga beeraha Soomaaliya 2020 Xafiiska Qaran ee Dhiirigalinta maalgashiga wuxuu gacan siiyaa, dhiirigaliyaa maalgashatada qalaad, wuxuuna aduunka u suuq-geeyaa waxyaalaha Soomaaliya soo saarto isaga oo gacan ka helaya Wasaarada Gacansiga iyo Hay’adaha kale. Istaraatiijiyada Qaran ee Maalgashigu waxuu hortabinta siinayaa maalgashiga beeraha iyo xoolaha, tamarta iyo khayraadka badda. Istaraatiijiyada Qaran ee Dhiirigalinta Maalgashiga iyo hannaanka guud ee BadSIYAASADDA & • Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Adeega baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed (SARIS) • Ahindise-Sharciyeedka Xakamaynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed • Xeerka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir-beereedka • Sharciga Badbaada Dhir-beereedka iyo Takoorka • Siyaasadda Qaran ee BacrimiyeyaashaNational • Siyaasadda Qaran we Dulin-dilayaasha Ganacsiga iyo maalgalintu waa furaha horumarka Soomaaliya kuwaas oo xaqiijinaya inay Soomaaliya ka ciyaarto kaalin muhiim ah isbedelka aduunka ee isku xiran. Taageeridda hadafkaas, Soomaaliya waxay qaadatay mid ka mid ah sharciyada maalgashiga shisheeye ee ugu dabacsan/furfuran. Tan muhiimada leh waa in sharcigan maalgashigu uu ula dhaqmayo maalgashadaha wadaniga ah iyo ka ajnabiga ah si siman dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba. Maalgashadaha ajbaniga ah wuxuu xaq u leeyahay dhamman dhinacyada dhaqaalaha hadii aanuu wax-yeellaynayn ammaanka qaran, deegaanka, diinta iyo dhaqanka ama aanuu moral ahaan haboonayn. Xoolo nool oo laga dhoofinayo dekedda Muqdisho. 4 baadada Maalgashadaha Qalaad ayaa la diyaariyay. Suuqyada Soomaaliya waa xor taasina waxay fursad u tahay maalgashatada. Dowladda Soomaaliya waxay dadaal badan ugu jirtaa gacan-siinta ganacsiga si loo horumariyo hannanka guud ee sharciyada kaasoo taageeraya korna u qaadaya xiriirkooda suuqyada caalamiga ah iyo maalgalinta. Hay’adda Adeega Baaritanka Beeraha Soomaaliyeed iyo Xafiska Halbeegyada Soomaaliyeed ayaa la dhisay si loo dar-dar geliyo xeerarka iyo hal-beegyada. Sharciyadii beeraha ee dhowaan la meelmariyay waxay hannan qaanuuneed kusoo kordhinayaan hab-maamulka beeraha Soomaaliya, waxay kaloo gacan ka gaysanayaan ilaalinta tayada beer-gashiga iyo dalagaba. Hannankan waxaa hirgaliyay dhaq-dhaqaaqa fududaynaya ganacsiga iyo iyo maalgashiga ee dhinaca beeraha kaas oo tiir muhiim ah u ah Qorshaha Horukmarinta Qaran. SHARCIGA MAALGASHIGA

Shaqaale nadiifinaysa Moos dhowaan laga soo jaray Afgooye, ka hor intaan la caabbayn si loo dhoofiyo.

Beeraha

Soomaaliya waxaa inta badan laga tacbaa beeraha dhul-beereedka gobollada wabiyadu maraan oo gaaraya 2,300km. sidaasi darteed, tacabka beeruhu waxay leeyihiin fursado maalgashi oo dakhli fiican keeni kara, waxaana ka mid ah: • Takhasus tacab ballaran ee dalag beerasho • Beer-gashiga iyo qalabka • Tacbashada digiraha iyo misirta • Tacbashada Qudaarta iyo miraha • Warshadaynta cuntada, qaybinta iyo dhoofinta • Beer-gashiga oo isugu jira qalab iyo tiknoolojiyadda • Silsiladda qabowga iyo keydinta • Safrinta iyo saadka • Dammanadda tayada iyo tijaabinta • Maalgainta beeraha

Tacabka ballaran ee dalaga

Biya la’aanta iyo kharashka badan ee waraabka, tamarta iyo habka ama farsamaynta ayaa inta badan tacabashada ballaran ka dhiga mid aan isbixin lana tartami karin kuwa dibadda laga keeno.Sidaasi darteed, maalgashatadu waa inay xoogga saaraan dalgyada asalka u ah Soomaaliya ama kuwa ku habboon caqabadaha cimiladeeda.

Tacabka Miraha

Cimilada kulul ee Soomaaliya waxay ku habboon tahay tacbashada ganacsi iyo dhoofin ee miraha iyo qudaarta, iyada oo lagu beerayo deegaan cimildadiisu ilaashantahay si uu u kordho waxsoosaarku. • Miraha qiimaha sare leh sida Liinta, Canbaha,

Cinabka iyo Mooska: • Moosku wuxuu ka mid yahay dalagyada qiimaha sare leh ee la dhoofiyo kharashka tacabkiisuna uu hooseeyo marka la barbardhigo wadamada Laatiin Ameerika ee ku tartama. Beeralayda Soomaaliyeed waxay tacbanayeen mooska in ka baan 100 sano. Waxa jira in ka badan 50,000 Higter oo la tacban karo, tacabka mooska iyo dhoofkiisu wuxuu leeyahay fursado faa’iido leh oo maalgashi. Mooska ka baxa

Soomaaliya kuma dhacaan dulinka iyo cudurrada halista ah sidaasi awgeed wuxuu u baahanyahay inyar ama uma baahna wax kiimika ah in la adeegsado si uu u baxo, taasi waxay hoos u dhigaysaa kharashka tacabka.

Intaa waxa dheer, dowladda Soomaaliya iyo

Turkigu waxay kala saxiixdeen heshiis xor ah oo mudnaan leh, kaas oo ka yaraynaya canshuurta soo dejinta suuqyada. • Tacab baaxad leh iyo dhoofinta waxaa lagu gaari karaa dakhli aad u sareeya in la helo.

Ganacsiga mooska ee aduunka waxaa laga sameeyaa USD 8 billion sanadkii. Hase yeeshee, dhoofinta caalamiga ahi waxay ka tahay 15% kaliya ganacsigaas. inta kale waxaa lagu isticmaalaa gudaha, gaar ahaan wadamada sida Hindiya, Shiinaha iyo Baraaziil.

Sisinta ka soo go'da Soommaaliya, Laguna farsameeyay Muqdishu, cabbaysan diyaarna u ah dhoofin.

Kharashka Tacabka/Hekter kii

5

Habka waraabka ee Kor ka bilbilidda (Central pivot irrigation system) oo lagu adeegsanayo beercowsaad Soomaaliya ku taal.

Warshadaynta Beeraha

Soomaaliya oo u sii fidaysa xagga magaalooyinka ayaa dhalisay baahida loo qabo cunto la warshadeeyay. Waddanku xilligan waxuu soo dejistaa cunto warshadaysan oo gaaraysa 1.5 billion dollar sannadkii, inta badan ka timaada wadama dariska iyo Bariga Dhexe. Fursad baaxad leh oo maalgashi ayaa ka jira dhicana warshadaynta beeraha waayo wadanka kama jiraan shirkado waawayn oo cuntada warshadeeya. Waxaa la wariyaa in 55 ilaa 60 boqolkiiba ay lumaan dalagga gurashada ka dib, waa arin u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho. Fursadaha maalgalinta ee jira; • Warshadaynta Miraha: shiididda Canbaha, casiirka, Jaamka iyo farsamaynta maraqa.

Celcelis 50,000 tan oo cambe ah ayaa la helikaraa in la farsameeyo sannadkii. • Farsamaynta Qudaarta: Tacabka Yaanyada waxaa lagu qiyaasaa 35,000 MT sannadkii, kalabar ayaa la farsamayn karaa. Qudaarta kale sida sallarka iyo basbaaska ayaa iyagana la farsamayn karaa. • Dalagga saliida iyo farsamayna iniinta:

Soomaaliya waa wadanka 7aad ee tacba sisinta, waxaa la tacbaa qiyaastii 500,000 MT sannadkii si loo daboolo dalabka gudaha oo ah 150,000 MT . fursad ayay leedahay maalgashiga warsadaynta sisinta si looga faa’iidaysto dheeriga. • Warsadaynta Digiraha iyo Misirta: Soomaaliya wali waxay wajahaysaa yaraanta Gallayda,

Bariiska, Digiraha iyo kuwa lamidka ah, wali waxay soo dhoofsataa qiima gaaraya 600 milyan oo dollar sannadkii. • Waxaa kale oo ka mid ah Sonkorta, Burka iyo Cudbiga. Beer-gashiga iyo Habka Waraabka Casiga ah La’aanta shirkado caalami ah oo ka ganacsada abuurka iyo walxaha kiimikada beeraha ee wadanka ayaa siinaya maalagashatada fursado dahabi ah ee maalgashiga dhinaca beer-gashiga. Tusaale ahaan: • Tacabka abuurka iyo warshadaynta: baahida loo qabo abuur la hubiyay oo taya leh waxay ka badan 10,000mt sannadkii, waxaa jira laba shirkadood oo soo saara 1,000mt. faraqa jira waa fursad la maalgashan karo. • Dulin-dilaha: dhamman dulin-dilaha laga isticmaalo gudaha wadanka waxaa laga keenaa dibadda, waxaa jira fursad lagu samayn karo laguna suuqgaynkaro dulin-dilaha. • Bacrimiyayaal: suuqa Soomaalilya wuxuu u baahanyahay in ka badan 10,000mt oo bacrimiye ah sannadkii, laakiin waxba laguma sameeyo wadanka inkastoo walxaha laga sameeyo wadanka laga heli karo. • Tiknoolojiyadda aqalka cagaaran (Greenhouse) ka: adeegsiga kordhaya ee greenhouse ka ee beeralayda Soomaaliya ayaa wuxuu kordhiyay teiknoolojiyadda loo baahanyahay, lakiin dhamman qalabka greenhouse ka dibadda ayaa laga keenaa. • Ganacsiga waraabka iyo keydinta biyaha: waxaa jira 8.9 milyan oo hiktar oo dhulbeereed la waraabin karo Soomaaliya, laakiin FURSADAHA MAALGASHI kaliya 6000,000 hiktar ayaa la waraabiyaa.

Sidaasi darteed waxaa jira fursad lagu samaynkaro iskaashi ballaaran oo dowladda iyo ganacsatada ah. • Cilmi baaris iyo tarmin: hadda kama jiraan

Soomaaliya xarumo cilmi baaris iyo tarmin, waa qayb faa’iido badan leh loona baahanyahay.

Shaqaale beereed baaritaan ku samaynaya moos afyooge ka soo go’ay, ka hor intaan la farsamayn lana cabbayn si loo dhoofiyo.

Qalabka Beeraha

Inta badan dhamman qalabka beeraha, sida cagafta, waa la soo dhoofiyaa, celcelis 1,000 cagaf ayaa la soo dhoofiyaa sannadkii. Fursado ayaa ka jira in gudaha wadanka lagu sameeyo, in kabadan 3,000 cagaf ayay u baahan yihiin beeralaydu, sidoo kale beeraha deeq bixiyayaashu taageeraan sanndaha soo socda, iyo celceliska ugu yar ee ay iska bedelaan beerganacsiyeedku oo gaaraya 1,000 cagaf sannadkii. Qalabka ay adeegsadaan beeralayda yar-yar ayaa iyaguna dalab fiican leh, in gudaha wadanka lagu sameeyo waa fursad maalgashi.

Maalgalinta Beeraha

Markii uu meesha ka baxay Bangigii Maalgalinta Beeraha ee Soomaaliya sannadkii 1990kii wuxuu si xoog leh u saameeyay tacabkii beeraha wadanka, beeralaydii waxay waayeen daymihii ay ka qaadan jireen bangiyada. Inkasta oo ay dib u aasaasmeen bangiyo gudaha laga leeyahay, waxaa jirta wali fursado nidaam wadaag maalgashi ay ku aasaasi karaan dowladda, ama ganacsato aasaasi karto bangi gaar u ah beeraha. Meelaha xoogga la saarayo ay ka mid tahay: • Maalgashiga yagleelidda Bangiga Qaran ee

Beeraha oo dowladda lagula shirkadoobo • Wadaaga Dowlada iyo Ganacsadata si loo bixiyo maalgalinno kooban oo lagu taageerayo beeralayda yar-yar, lana daymiyo qalabka beeraha ganacsiga ah ee waawayn iyadoo la waafaqayo Habka

Bankiyada Islaamka, ganacsiyada caalamiga ah iyo maalgalin qalab.

Shaqaale buufinaya moos la dhaqay, Afgooye. Silsilada qaboojinta iyo Keydinta

Dhoofka dalagyada daray ah oo kordhay ayaa siyaadiyay baahida loo qabo hab qaboojinta iyo kaydinta ee wadanka.Meelaha maalgashiga lagu samaynkaro waxaa ka mid ah dekedaha Berbera, Kismaayo, Boosaaso, Muqdisho iyo Hobyo iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho, Hargaysa, Garowe, iyo meelaha dhowaan loo diyaarinayo in lagu farsameeyo salaga la dhoofinayo. Dammaanada Tayada iyo Tijaabinta Markasta oo uu kobco tacabka beeruhu, waxaa jira baahi kordhaysa oo loo qabo in la helo shay-baar sameeya tijaabo isla markaasna bixiya shahaadada tayada, fursad maalgashi ayaa ku jirta in la dhiso shay-baar gaar loo leeyahay si loo ilaaliyo tayada dalagga beeraha. Meelaha suuragalka ah in la maalgashado; • Shay-baarro: in la maalgashado shay-baar la aqoonsanyahay oo baari kara ciidda, H20, bacrimayaal iyo baarista haraaga kiimikaad. • Hay’ad shahaada bixin: dhismaha xarumaha Soomaaliya ee Hab-beerashada Habboon (GAP) ka Caalamiga ah,shahaadaha Hay’dda Caalamiga ah ee Hal-beegyada (ISO), shahaadada bed-baada cuntada. • Adeegyada Horumarinta Dhaqaalaha: kobcinta awoodda wax qabad, hanti-dhowrka, iyo habka iswaafajinta. • Shahaada siinta dhoofka: in ay si wadaag ah FURSADAHA MAALGASHI u maalgashadaan dowladda iyo ganacstadu si loo hubiyo tayada waxa dhoofaya ama soo degaya.

Farsamayaqaan shay-baar oo ku tijaabinaya muunad moos shay-baar nud beerid oo Soomaaliya ku yaal.

Xoolo nool oo u diyaarsan in laga dhoofiyo dekedda Muqdishu.

Moos iyo xoolo nool oo loo diyaariyay inay Soomaaliya ka dhoofaan.

Dhinacyada kale ee Maalgashi

• Agabka cabbaynta: waxaa jira fursado maalgashi oo aan la dhayalsan karin ee soosaarista xaashida iyo bacaha, aluminum, dhalooyinka, caagaga iyo xaashiyaha loo isticmaalo cabbaynta. Tusaale, baahida agabka lagu cabeeyo mooska sannadkii waxay kor u dhaafaysaa 500,000 oo wal-xood ee afarta sano ee soo socota.Isticmaalka bacda ee

Africa waxaa la filayaa inuu saddex jibaarmo shanta sano ee soo socota adeegsiga wal-xaha bacda ka samaysan wuu kusii kordhi doonaa Soomaaliya. • Loojistikada hawada iyo badda ee dalagga dhakhso u hallaysmikara. • Kaydinta mudada dheer

Faa’iidooyinka Maalgashiga Qalaad ee Tooska ah ee Beeraha

• Waxay waafaqdaa istaraatiijiyadaha sugnaanta cuntada • Isu gud-binta tiknoolojiyada iyo kor u-qaadideeda • Shaqo-abuur iyo yaraynta faqriga • Kororka tayada iyo tirada cuntada la tacbo, taasoo xaqiijisa sugnaanta cuntada.

• Beerasho baaxad leh iyo ganacsiyayn 8 tooda • Kala bed-bedelka iyo qiima ku kordhinta

Wax-soosaarka

Sidee looga Aasaasaa Gannacsi-Beereed Soomaaliya

In laga aasaaso shirkad Soomaaliya way fududaatay ka dib markii ay Wasaaradda Ganacsiga ee Dowladda Federalka ay daah furtay adeega E-government. Halkaas oo Maalgashatadu gancasigooda ay ka diiwaan galinkaraan website ka www.ebusiness.gov.so shahaadadana waxaa lagu heli karaa hal maalin gudeheed. Si kastaba ha ahaatee, maalgashatada shisheeye waa inay waafajiyaan ganacsigooda Sharciyada Maalgashiga Shisheeye ee Soomaaliya si ay shaqadu ugu fududaato.

9

Farsamayaqaan dayactiraya qaboojiye intii lagu guda jiray tababar ku saabsan silsiladda qaboojinta kaydka oo Muqdishu lagu qabtay.

Maalgalinta Dhinaca Beeraha

Inta badan hantida lagu abuuro ganacsiyada Soomaaliya waxa ay ka timaadaa ganacsatada, eheladooda iyo asxaabtooda. Badanaa dhaqaale ku filan ma noqdo, waxaana loo baahdaa dhaqaale kale oo gudaha ah. Bangiyadu aad ayay isugu howlayaan inay maangaliyaan ganacsiyada la xiriira beeraha iyo cuntada beeraha ka soo go’da, iyaga oo adeegsanaya maalgalin shareecada ku salaysan. Shuruuduhu inta badan waa labo sano, laakiin way jiraan mudda ka badan intaa iyo wakhti fursad siin ah oo hore ayaa hadda soo badanaya. Xaddiga faa’iidada bangiga waxay u muuqataa inuu sarreeyo laakiin waxay la jaanqaadaan dhaqamada caalamiga ah ee suuqyada horumarinta. Ganacsiyada waxaa la rabaa sida curfigu yahay inay la yimaadaan dhul ama hanti kale oo maguurta ah dammaanad ahaan.

FCA waxay maalgalisaa ganacsiga beeraha, iyo beergashiga waxay gacan ka gaysataan mashaariica baaxad leh oo u baahan ugu yaraan 111,029 Dollar lehna shuruud 5 ilaa 6 sano waxaana loo qaabayn karaa raasamaal, ama dayn la waafajinayo habka shareecada islaamka. Shuraako waxay bixisaa maalgalin ku salaysan shareecada ay ugu yartahay $100,000 ayna saarantahay faa’iido ka yar midda bangiyada. Hay’adaha Caalamiga ah ee Horumarinta Maaliyadda (DFIs) waxay bilaabayaan inay soo galaan suuqa iyagoo aad u xiisaynaya inay si ballaran wax uga qabtaan dhanacya khaas ah. Dammanadda maalgaliyaha iyo caymiska halista khaaska ayaa noqonaya kuwa la heli karo hase yeeshee waxay u baahan yihiin macaamil ganacsi oo gaaraya 10 maylan oo dollar.

Suuqa shaqaalaha

Soomaaliya waxay ku faantaa bulsho aqoon iyo fir-fircooni leh, 81.5 boqolkiiba waxay ka yaryihiin 30 sano. 67 boqolkiiba oo u dhaxeeya 14 ilaa 29 sano jir waa shaqa la’aan. Nasiib wanaag, shaqaalaha wanaagsan oo howl-karka ah ee Soomaaliya ayaa soo jiidanaya maalgashatada. Qurba-joogta Soomaaliya ee sida xawliga ah ugu soo laabanaya wadanka ayaa sababay kor u kaca hal -aburka, maalgashiga iyo raasamaalka. Mushaharka bishii wuxuu u dhaxeeyaa 300 dollay ilaa 600 dollar shaqaalaha xirfadda leh, halka kuwa aan xirfadda lahaynna ay qaataan 100 dollar ilaa 300 oo dollar bishii, way ka jaban yihiin suuqa shaqaalaha ee gobolka.

Beeralay ku faraxsan liinta qurxoon ee u soo go'day.

Yaanyo lagu beeray Aqalka Cagaaran (geernhouse) laguna waraabiyay habka tifqinta.

Nagala soo xiriir Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Cinwaan: Muqdisho, Soomaaliya Website: www.moa.gov.so/ Email: minister@moa.gov.so Tel: +25261 2266277 Wasaaradda Ganacsiga iyo Warsahadaha Cinwaan: P.O. Box 30, Muqdisho, Soomaaliya Website:www. moci.gov.so Email: ministry@moci.gov.so/ info@moci.gov.so Xafiiska Horumarinta Maalgashiga Soomaaliya Cinwaan: Afgoye Road, KM5, Muqdisho, Soomaaliya Website: http://sominvest.mop.gov.so Adeegga Baaritaanka Beeraha Soomaaliya (SARIS) Cinwaan: Muqdisho, Soomaaliya Website: www.moa.gov.so/ Email: minister@moa.gov.so Tel: +25261 2266277 Xarunta Hal-beegga Soomaaliyeed Cinwaan: P.O.Box 30, Muqdisho, Soomaaliya Website:www. moci.gov.so Email: ministry@moci.gov.so/info@moci.gov.so XIRIIRADA GUUD Email: sominvest@mop.gov.so Tel : +252619111530

Beeralay reer afyooye ah oo kormeeraya dhirt a mooska ah ee u soo baxaysa.

Daabacaadan waxaa suurta galiyay taageerada dadka Mareekanka oo adeegsanaya Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareekankanka (USAID) oo adeegsanaya USAID/Soomaaliya mashruuca GEEL. Xogta daabacaadani waxay u gaartahay Kooxda Khayraadka Caalamiga ah (a subsidiary of RTI) kamana turjumayso aragtida USAID. Ama Dowladda Mareekanka.