Jihada carruurnimo badbaado leh

Page 1

! si fi ic an ug u ko ro n aa si li ga ri ii dh I

Jihada carruurnimo badbaado leh


Ilmuhu wuxuu u baahan yahay waalid

Xidhiidhka ka dhexeeya ilmaha iyo waalidku waa xidhiidhka ugu muhiimsan nolosha ilmaha. Wuxuu ku leeyahay raad wayn korriinka iyo koboca ilmaha. Carruurtu waxay u baahan yihiin in la daryeelyeelo oo la koolkooliyo oo dareensiiyo in la jecel yahay laguna qaddirinayo cidda ay yihiin. Carruurtu wax bay baranayaan waxayna u baahan yihiin waalid is-garab taaga, xiitaa marka habdhaqankoodu ku keenayo dareeno xanuun leh waalidka.

Marka carruurtu cadhoodaan/xanaaqaan ee ooyaan oo ay dhibta leeyihiin, habdhaqankoodu wuxuu muujinayaa/ dirayaa farriin muhiim ah: waxay ilmaha u baahan yihiin waalidkooda. Waa waajibka waalidka inuu xakameeyo xaaladda dareenkiisa iyo ka ilmaha; qaabkan, ilmuhu wuxuu baran karaa sida loo xakameeyo dareenkiisa si madaxbannaan. Carruurtu sidoo kale waxay u baahan yihiin xuduud, xuduudaha loo dhigay qaab toosan waxay abuuraan nabadgelyo. Waalidnimada waxay u baahan tahay awoodda lagu la hadlayo, cudurdaarayo, lagu la gorgortamaayo oo lagula xaajoonayo ilmaha. Maalin kasta caadaysiyada sida wakhtiyada hurdada iyo cuntadu waa xuduudo joogto ah kuwaasi oggolaanaya in tamarta qofka in lagu isticmaalo waxyaalo kale.

mu hu uu Waa mu hi im in il l ya ha y. da re em o in la je ce




U muuji inaad jeceshahay ilmahaaga kana hesho inaad la joogto. Taabo, hab-sii oo dhunko. U sheeg ilmahaaga inuu muhiim yahay! U muuji danayn ilmahaaga. Ogow marka ay muujiyaan hindise iskuna day inaad ku lug yeelato waxyaalaha ay danaynayaan. Joogtee xidhiidh dhaw oo aad la yeelato ilmahaaga. Tani waxay sare u qaadaa dareenka yeelashada wax waxayna taageertaa jacaylka ilmaha ee barashada. Dhiirigali oo ammaan – waligaa ha yaraysan ama dhayalsan ilmahaaga!

Sii dhiirigalin Ciyaar badnida, dareen badnida iyo naxariis badnida qofka wayni ilmaha la samaynayo waxay abuurtaa xidhiidh xooggan oo ka dhexeeya labada. Dhexgali toosan waxay fududaysaa barashada iyo xirfadaha niyadeed iyo sidoo kale koboca xirfadaha bulsheed ee ilmaha. Marka ilmuhu dareemo badbaado/nabadgelyo, waa wax sahlan inuu aqbalo hagista, xukunada iyo qiyamka waalidkiisa. Dareemista in la jecel yahay oo la qaddarinayo oo sidoo kale lagu ammaanayo guusha waa aasaaska isku kalsooni caafimaad qabto oo ilmuhu yeesho.

ca af im aa dk a qa bt a Is ku ka ls oo na an ta sa la ys an ee il m uh u wa xa y ku al id ka . ta ha y ja ca yl ka wa


Qaar kamid ah hababka barbaarintu waxyeelo ayey yeelan karaan

Waalidiintu waxay rabaan waxa ugu fiican carruurtooda, laakiin iyaga oo mashquul ah, daalan oo kalidaa jir ah waxay ku noqon karaa waalidiinta culays. Baahiyada ilmaha waxay u muuqan kartaa dalabaad oo kale, tanina waxay mararka qaar ka siibi kartaa raaxada barbaarinta. Xaaladaha maalinlaha ah ee adag waxay ka dhigi karaan waalidiinta inay u baydhaan habab kusalaysan noocyada kala duwan ee ciqaabta maskaxeed ama jidheed ah. Kani waa xadgudub edbineed: tallaabooyinka uu qaado qof wayni si uu u ciqaabo ilmaha

ama si uu u xakameeyo habdhaqankiisa isaga oo dhaawacaya ama ku keenaya inuu u dareemo xanuun qaab kale. Tusaalayaasha xadgudubka edbineed waa jiidista timaha ilmaha, kala tuuritaan, ugu yeedhista magac xun, aflagaadaynta ama ku qaylinta, uga tagista ilmaha kali ama u diidista jacaylkaaga. Dadku sida badan waxay ugu cudurdaaraan xadgudubka edbineed ahdaaf waxbarasho, sidoo kalena waxa loo isticmaali karaa si loo xoojiyo/muujiyo awoodda qofka wayn. Isticmaalka xadgudub barbaarinta waxa dhici karta ilmaha inay ka dhigto inuu waalidka addeeco markaas la joogo, laakiin waxyeelo eyey u leedahay koboca ilmaha muddada fog/mustaqbalka, waxayna dhaawacdaa xidhiidhka u dhexeeya ilmaha iyo waalidka. Waxay abuurtaa habdhaqan gardarro badnaan iyo dhibaatooyin kale oo habdhaqan waxayna liiddaa isku kalsoonida ilmaha. Ilmuhu sidoo kle wuxuu baranaya inay wax la aqbali karo tahay in la doorbido xadgudub waxaanu u dhaw yahay inuu la sameeyo xidhiidho xadgudub ah dadka kale noloshiisa dambe.


ka ls oo na an Il ma ha ag u ku gu ma a ca bs an ay o. ka ro ha dd ii uu ka


Waxa jira siyaabo badan oo loogu gabboodfalo carruurta Carruurtu waa xubnaha ugu nugul bulshadeena. Qiyaastii ilmaha reer Finland tobankiiba hal ayaa si uun si xun loola dhaqmaa. Gabboodfalka inta badan waa qarsoon yahay waana adkaan kartaa in la ogaado maadaama uu sida badan uu gudaha guriga iyo qoysaska uu ka dhaco; waalidiinu kama hadlaan, astaamuhu waa kala duwan yihiin carruurta, carruurta qaarna ma laha astaamo muuqdo. Carruurta waa lagu gabboodfali karaa xiitaa qoysaska u muuqda inay si fiican wax u wadaan.

Dayacu waa qaabka ugu badan gabboodfalka. Sida badan si tartiib ah ayuu u sii kordhaa, sida badanna waa wax aan loo kasayn; waalidku ma awoodo inuu buuxiyo baahiyaha ilmaha. Dayac jidheed waxa loo tixraacaa halka waalidku aanu hubin/ ka warheyn in ilmaha la quudiyey, nadiif yahay oo uu seexdo hurdo ku filan. Sidoo kale waa dayac haddii ilmaha aan la siin boorin iyo haggis, ama aan la siin dhar habbon iyo daryeel caafimaad oo habboon.

Haddii aanu lahayn dhexgal toosan oo ku filan ama aanu waalidku jeclayn, ama haddii waalidku niyad ahaan maqan yahay, kani waa waxa loo yaqaan dayaca niyadeed. Waalidku waxa dhici karta inuu khalad ka fahamsan yahay ilmaha, ama waalidku aanu aqoonsanayn baahiyaha gaarka ah ee ilmaha ama inuu qaddariyo caqabadaha saykoolajiyeed ee ilmaha.

Xadgudubka maskaxeed waxa kamid ah cadaadis, khasbid, bahdil, magic xun ugu yeedhis, eryid iyo hanjabaad. Marka la iska taago dhinaca ilmaha, habdhaqanka cabsi galinta iyo gardarrada waalidku, sida ku qaylinta iyo wax ku tuuristu, waa xadgudub maskaxeed.


Xadgudubka jidheed wuxuu dhaawacaa caafimaadka ilmaha waxaanu ku keenaa xanuun. Wuxuu noqon karaa mid sahlan ama halis ah, kiisa ugu xunna wuxuu horseedi karaa dhimasho. Tusaalayaasha kale ee xadgudubka jidheed waxa kamid ah garaacista, timo jiidista, xoog ku quudinta iyo lulista ilmaha. Tusaalayaasha kale ee gabboodfalka waxa kamid ah Gabboodfalka galmeed iyo xaaladaha xanuun ama dhaawac la gaadhsiiyey ilme ama loo horseeday inuu rumaysto inuu lahaa xanuunka ama dhaawaca la sheegayo. Waa in la xasuusnaado in xadgudubka maskaxeed uu ku lug leeyahay dhammaan noocyada gabboodfal.

Gabboodfalku wuxuu leeyahay cawaaqib muddo fog Haddii ilme yar lagu gabboodfalo, wuxuu saameeyaa qaabdhismeedka iyo shaqada maskaxdiisa iyo sidoo kale, isla markaa, koboca ilmaha guud ahaan iyo noloshiisa oo dhan. Gabboodfalka ilmaha wuxuu yeelan karaan astaamo kala duwan. Ilmuhu wuxuu noqon karaa qalqaali, mid aan xasilnayn, gardarro badan, gooni-socod ah oo saxariirsan. Waxa dhici karta inuu yeesho dhibaatooyin hurdo ama cunto cunista, madaxanuun ama calool xanuun ama habeenkii ayuu isku kaadin karaa marka uu hurdo. Ammaan darrada uu keenay gabboodfalku waxay ku adkaysaa inuu barto waxyaalo cusub, oo carruurta lagu gabboodfalay ee dugsiga dhigta waxa dhici karta inay waxbarashada ku adkaatto. Gabboodfalka carruurta ay la kulmaan marka ay yaryihiin waxay keentaa xanuun jidheed iyo maskaxeed nolosha dambe/mustaqbalka.

nk a la ma og aa do . Ga bb oo df al ka ba da

o qo ys ka . n ya ha y gu ri ga iy Wux uu ku qa rs oo


Cadho ha ku jawaabin cadho Xiitaa haddii waalidku uu cadhoonayo, waa inayna waligood ilmaha si xun ula dhaqmin. Haddii ilmuhu uu sameeyo wax waalidka ka cadhaysiinaya, waa in la xasuusnaado in ilmuhu aanu rabin inuu cid waxyeelo. Badanaa ilmaha habdhaqankiisa xun waxa sababta u ah waa la fahmi karaa. Ilmaha yari ma laha xirfadaha uu ku xakamaynayo dareenka iyo habdhaqankiisa. Ilmaha marka uu xanaaqsanyahay ee ooyayaa wuu daallan yahay, gaajoonayaa ama u baahan yahay hab-siin, dareen iyo cid ku soo dhawaata. Marba marka ka dambaysa, ilmuhu wuxuu ka baranayaa waalidkii sida loo xakameeyo dareenka iyo habdhaqankiisa, waalidkuna waa lagu-dayde muhiim ah. Waalidku sidoo kale waa inuu barto habab uu ku dejiyo naftiisa marka dareenkiisu ka awood bato. Habka ugu fiican ee uu isku dejin karaa waa inuu neefta si dheer sanka uu ka qaatto oo uu afka ka afuufo dhowrmar. Waqti in laga qaatto arinta oo laga ”nasto” sidoo kale waxaa dhicikarta in ay caawiso.

Waxa muhiim ah in ilmuhu uu ogaado in waalidkiisu uu ka adegyahay dareenkiisa. Waalidku, sidoo kale, wuxuu u baahan yahay hurdo iyo nasasho ku filan, cunto dheellitiran, jimicsi iyo wakhti uu qaato. Masuuliyadda koritaanka ilmaha waxaa fiican in la’la qeybsado lammaanihiisa ama xubnaha qoyska ee kale. Taageerada dadaka kale ee xaaladdaas oo kale ku jiraan waa wax aad iyo aad u qiimo badan. Waayo-aragnimada carruurnimo ee waalidka ayaa saamaysa qaabka uu u dhaqmayo waalid ahaan. Waayo-aragnimo carruurnimo oo xanuun badan oo aan lala tacaalin waxay yarayn kartaa awoodda waalidku inuu u dhaqmo si waalidnimo, gaar ahaan xaaladaha adag. Waalidiintu waxay soo mareen waayo-aragnimadooda carruurnimo: sidee waalidkaygu iila dhaqmi jiray? Waa maxay nooca dhexgalka iyo daryeelka aan heli jiray? Sidee ayaan u awoodi jiray inaan muujiyo dareenkayga iyo sidee ayaa khilaafyada loo maarayn jiray qoyska carruurnimadaydii?

qt i la qa at o da d al in ka st a in uu wa ma y ha ya an ah ba u Il ma ha wu xu u sa n isa ga . oo ku ni ya d wa na ag an xs ra fa ku a iis no lo sh


Caawimo waa jirtaa a ug u Wax aa d ta ha y qo fk a il ma ha ag a. mu hi im sa n no lo sh Caawimada waxaa fiican in hore loo raadsado. Hooyooyinka iyo aabayaasha intooda badan waxay waajahaan dareemaan arimo adag, mararka qaarka waxay ku sugan yihiin xaalad waxyeelo waalid ahaan. Waxa dhici karta inay noqoto calaamadda kowaad ee dhibaato haddii ayna jirin farxad nolosha ama haddii la joogista ilmuhu ayna farxad u ahayn. U baahnaanta caawimo ma aha wax laga xishoodo. La hadalka lammaanaha, saaxiibada, qoyska ama xirfadlayaasha ku lugta leh nolosha qoyska waa fikrad fiican. Ururada xubnaha ka ah Iskaashiga Guryaha iyo Gabbaadyada Hooyada iyo Dhallaanka (Federation of Mother and Child Homes and Shelters) sidoo kale waxay siiyaan taageero qoysaska si ay u dhisi karaan nolol guri oo badbaado leh.


asho , ee la ka

Iskaashiga guryaha iyo gabbaadyada hooyada iyo dhallaanka Asemamiehenkatu 4 A | 00520 Helsinki www.ensijaturvakotienliitto.fi Tietoa, vertaistukea ja apua myรถs verkossa www.turvakoti.net

GRAAFINEN SUUNNITTELU: ROHKEA RUUSU | KUVAT (LUKUUN OTTAMATTA SIVUA 8) JAANA LITMANEN

D

iy e y s a n ha ku kel a d a t a a h ib


Turn static files into dynamic content formats.

Create a flipbook
Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.