Deynabo by bile hashi

Page 122

sida daawadaa loo isticmaalo. Waan ku mahdiyey, waana jecleystay sida uu iiga taxadarayo. Markaan guriga imid ayaan isku daliigay ilaa aan kuleylka subaga la dhididay. Subixii dambe markaan soo toosay qoortu way dhaantay intii xalay. Waxaan isweeydiiyey Macoow inuu sidaa ii dhaqaaleeyn doono xitaa hadaan xaaskiisa noqdo, iyo in naxariistiisu tahay mid soo jiidasho un ka ah. Waxaan sidii caadiga ii ahaydba u barbardhigay naxariista Cilmi uu ii naxariisto. Ma dan gaar ah ayuu Cilmi iga leeyahay?, ayaan isweeydiiyey, ma hubin jawaabta su’aashaas, mana is oran guur ayuu kaa doonayaa, waayo waxaan ogaa inuu xaaskiisa jeclaa, waxaan ogaa siduu u dhaqo, ugu dulqaato, ugu roon yahay, waxaanse isweeydiiyey aniga muxuu sidaa iigu roon yahay hadaba?. Ma aniguu ijecel yahay? mise Sahruu jecel yahay?. Mise labadeenuba wuu na jecel yahay? Waxaan xusuustaa maalin aan jiraday oo aan shaqeyn kari waayay, subixii halkuu shaqada ka aadi lahaa ayuu aniga ii qaaday dhakhtarka, wuxuu i kortaagnaa intuu dhakhtarka i baarayay, wuxuu i dhinac fadhiyey intey kalkaalisadu dhiiga iga miireysay. Waxaan dareemayay markaas iyo marwalboo aan agjoogo isaga kalsooni iyo naxariis. Waxaa su’aal adag 122 best-selling fiction author in somali -Qoraaga loogu akhris badan yahay Qurbaha!


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.