Jaamacadda St Thomas 2014-2015 Qorsheeyaha Waaridka/Qoyska
Jaamacadda St. Thomas Minnesota
Qayb Kamid Ah Arrimaha Ardayda
2
UJEEDADDA IYO WAXAY RUMAYSANTAHAY JAAMACADDA ST. Thomas UJEEDADDA Iyada oo dhiiragalin ka helaysa, dhaqan fakarka diinta masiixiga, Jaamacada ST. Thomas waxay ardadeeda bartaa in ay noqdaan hoggaamiyayaal masuul ah kuwaasoo u fakara si qoto dheer, u dhaqma si edeb leh una shaqeeya si xirfadu ku jirto si ay u horumariyaan danta guud. AAMINSANAAN Bulsho ahaan waxaa naga go’an: SHEEGIDDA RUNTA Waxaan qiimaynaa in ay dhaqan noo noqoto wax waydiinta caqliga ku fadhida, runta oo la sheego si ay rabto ha u qaraaraatee, isku xirka aqoonta maado kasta iyo korinta iyo kobcinta fikradaha cusub. WAXBARASHADDA HUFFAN Waxaan abuurnaa dhaqan u dhexeeya macalimiinta, ardadda iyo shaqaalaha kaa soo aqoonsanaya awooda fikirka cusub iyo abaalmarinayana fakarka wanaagasan. CAQIIDA IYO CAQLI Waxaan si joogta ah u raacnaa dhaqanka diinta masiixiga, kaasoo qiimeeya aasaaska habdhaqanka caqiidadda iyo caqliga. Kaa soo horseeda wada hadal micno ku dhisan oo ku wajahan dhaqanka bani adaanka.
3
SHARAFTA Waxaan xushmaynaa sharafta qof kasta. Waxaan qiimaynaa tabaruca qof kasta ee uu ku soo kordhiyo bulshada jaamacada. KALA DUWANAANTA Waxaan ku dadaalnaa in aan samayno bulsho nooc kasta leh, waxaan ka wada shaqaynaynaa bulsho cadaalad ah iskuna dhafan. DIGTOONI SHAKHSI AH Waxaan lee nahay dhaqan qofka u naxariista kana taageera horumarkiisa. MAHADNAQA Waan u dabaal daganaa hurumarka dadka xubnaha ka ah bulshadeena himilada ay gaareen iyo dhibaatooyinka ay ka gudbeen. Wax kastana ilaahay baa mahada leh.
4
Waan ku faraxsannahay in qoyskaagu uu ku soo biirayo jaamacadda St. Thomas. Waxaa sharaf weyn noo ah in aan la shaqayno ardadaygaaga waqtidaan xiisaha leh ee noloshoodda. Qofka waarid u ah arday jaamacadeed waa waqti farxad badan, walwal badan, hal maalin gudaheeda ayuu qofka kala kulmi karaa mashaacir kala duwan. Buugaan yarka ah waxaan adiga gaar ahaan kuugu diyaarinay si aad oga caawidid ardayga sanadaka koobaad ee iskoolka. Si aad ugu caawiso ardayga xilliga uu jaamacada St. Thomas ku cusub yahay, taasoo noqon karta xagga:
Barashada waqti maamulka ee wanaagsan. Taaso noqon karta saacadda alaarmiga laku tooso oo la buuxsado illaa iyo fasallada oo lakala wadayo, shaqada, iyo saaxiibada. Arday badan ayaa ku dhibtoota sanadka koobaad.
Go’aan gaarka. Isku day in aad ku kalsoonaatid go’aanka uu ardaygaagu gaaro xagga waxyaabaha muhiimka ah
Maamulka xaaladdooda dhaqaale. Badanaa arrimaha dhaqaalaha waxay ardayda iyo waaridka dhexdooda u keenaan dhibaatooyin iyo walwal
Arrimamaha caafimaadka. Kala hadla arrimaha caafimaadkooda saamayn kara sida hurdo ku filan in la seexdo, dhaqdhaqaaq in la sameeyo, cunno caafimaad leh in la cuno iyo fasallada si joogto ah loo tago.
Ku dhiiragali ardaygaagu in uu ku lug yeesho ururada ardayda, ciyaaraha ama musiga iyo in uu xataa shaqooyin ka raadsado jaamacada gudaheeda.
Mar labaad ku soo dhawow bulshadeena. Waxaa xushmad weyn noo ah in aad anaka naga dooratay jaamacadaha kale xilligaan. Mahadsanid,
Jane W. Canney, Ed.D. Madaxaweyne ku xigeenka arrimaha ardayda
5
Waxaan rajaynaynaa in caruurteenna ay si fudud ula qabsadaan nolosha jaamacadda iyo in farxadda iskoolka bilowgiisa ay noqoto mid illaa ay ka qalin jabiyaan socota. Sida waaridiinta kale, waan ka walwalnaa sida caruurteena ay meesha ola qabsanayaan, sida saaxiibo ay u yeelanayaan, iyo sida ay u gaarahayaan wixii laga doonahayay ardayga jaamacadeed xagga waxbarashada. Waan aaminsannahay in bulshada St. Thomas cunugaagu uu ka helayo meel canaanaynaysa waxbarashada iyo kobcinta shakhsiga, iyo barashada waxyaabaha caqliga u sii kordhinaya fasalka gudihiisa iyo banaankiisaba. Ururka ka dhexeeya waalidiinta, waa nooc mutadawaciin oo ka kooban waalidiin iyo qoysas ardayda jaamacadda St. Thomas ah, waxay tusaale u yihiin in jaamacadu ardayda ka taxadarayso. Xubnahaasu waxay aad u daneeyaan waxbarashada, diinta iyo fursadaha bulshada, dagaanka jaamacadda iyo qiimaha nolosha midaas oo St. Thomas ka dhigay machad qiima leh.
Fadlan koobta internetka xiriirka waalidiinta www.stthomas.edu/parentnetwork. Mar labaad soo dhwaada! Waxaan rajaynaynaa in aan wax badan idinka ogaano si aad uga faa’iidaysataan fursadaha ururka waalidiinta ka dhexeeya laga helo. Waxaad tihiin xubin muhiim ah oo ka tirsan jaamacada St. Thomas
Mahadsanid,
Beth iyo Jerry Hersman 2013-2014 Gudoomiyaal Xiriirka waalidiinta
6
Xiriirka Waalidiinta Talooyin ku socda waaridka oo ka socdana waaridka Halkaani waaxaa lagu soo koobay talooyin ku caawinahaya si aad si fudud ula qabsatid jaamacad adiga oo waarid ah. 1. SII DAA. Waxa ugu adag waa midaas. Ardaygaagu wuu u baahnaandoona taageeriddaada laakin xasuusnow in loo baahanyahay in aad ku kalsoonaato una dayso in qalad ay sameeyaan si hadhowtodo ay darsin korriimo ugu noqoto. 2. Waxaad soo gashaa nidaamka interneetka lacagta looga bixiyo . Ardayda waa in si gaar ah ay ugu idintaa wixii dad kale ah oo doonahaya in ay arkaan ama bixiyaan lacagtooga oo internetkeeka ah. 3. Ka qayb qaadashada. U sheeg cunugaaga inuusan illoobin inuu ka qayb qaato Dhaqdhaqaaqyada xilliga dayrta kaasoo la qabanahayo talaadada, bisha sagaalaad 16keeda, September 16. 4. Wada hadalka. Waxaa laga yaabaa inuu ardaygaagu adiga talo kaa soo doonto intuu qof kale oo jaamacadda aadi lahaa. Intii aad horey uga gargaari lahayd, waxaad ku boorisaa in ay macluumaad soo ururiyaan, wixii dhibaato ah ay isku dayaan in xaliyaan ayagoo isticmaalahaya khayraadka laga heli karo jaamacadda. 5. Gargaarka Ciyow Raadi. Hadii aad aragtid inuu ardayga dhib fasalladii ay ku tahay, fadlan ku boori in ay gargaar ciyowba ay warsadaan. St. Thomas waxay leedahay meelo badan oo ardayda waxbarashada ka caawini karta. 6. Xiriir joogto ah. Kaalandarkaaga ku qoro kana soo qayb qaato weekendiga qoyska, bisha tobnaad saddexdeeda illaa shanteeda, October 3-5, 2014.
7
Waxaan ku casuumaynaa in waalidiinta oo dhan ay ku lug yeeshaan ururka waalidiinta iyagoo galinaya waqtigooda, xoogooda iyo ka go’naansho in ay hagaajiyaan khibrada ardadooda inta ay jaamacadda dhiganayaan. UJEEDADDA Soo jeedinta aragtida waalidiinta ee jaamacadda St. Thomas iyo waliba in ay noqdaan codad muhiim ah ee jaamacadda. In aan ka caawinno in waalidiintu ay noqdaan dad xog ogaal u ah arrimaha St. Thomas. Horumarinta iyo taageerida lacag aruurinta si deeq wax barasho loogu helo, xirfadaha aradadda, goobaha iyo ururadda ardayda. SIDA AAD NOO CAWINKARTO
Xubin ka noqoshada ururka xiriirka waalidiinta Ku taba rucidda in aad matasho ururka xiriirka waalideenta dhacdooyinka jaamacada Ka qayb qaadashada soo wacidda iyo soo dhawaynta waalidiinta ardada cusub. Ka qayb qaadashada lacag ururinta.
Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan la xiriir XAAFIISKA HORUMARINTA (651) 962-6950 www.stthomas.edu/parentnetwork
Facebook: raadi UST Parent Network.
8
#jaamacad ayaa loo socdaa Bisha soo socota waa mid aad mashquul ardayda ay u tahay – waxay kaaga baahanaayaan taageerid si ay arrimaha soo socda ay u fuliyaan. Waxaad soo gudbisaa waraaqda cadaynaysa dugsiga aad ka soo baxday iyo buuntadda aad heshay: ardaydu waa in ay soo gudbiyaan waraaqda muujinaysa dugsiga sare ee ay ka baxeen oo dowli ah, wixii ay casharo ka qaateen koleejadda, ama imtixaanka lagu meeleeyey kaa soo ay u soo gudbinayaan xafiiska ogolaanshaha. Wixii suaal ah waxaa la waydiin karaa xafiiska la talinta iyo taageerida 651-962-6300 www.stthomas.edu/academiccounseling. Buuggaagta soo gata: ardaydu waxay buuggaagta ka soo gadan karaan dukaanka ku yaala dabaqa hoose ee Murray-Herrick Campus Center ee jaamacadda gudaheeda. Wixii war bixin ah waxaad ka helaysaa http://tommiebooks.stthomas.edu. Fiiri iimaylkaaga: iimaylku waa waxa koowaad ee aan kula soo xiriirno dadka, sidaa daraadeed ardaydu waa in ay u furaan si joogta ah. Waxay ka heli karaan buuga teknolojiyada ardayda cusub www.stthomas.edu/irt/students/newtocampus/. Miisaaniyad dagso: miisaaniyadu waa wax wanaagsan in la barto inta ardayga la yahay ee jaamacadda lagu jiro. La taliyayaasha lacagta ayaa ka caawin kara ardayda in ay wax ka kasta diyaar u yihiin sanad dugsiyeedkan iyo kuwa soo socdaba. Wixii macluumaad dheeraad ah soo booqo www.stthomas.edu/financialaid/undergraduate/. Daggidda Kolleejada dhexdeeda ama banaankeeda: hadii uu ardaygaagu ku noolaanayo jaamacada gudaheeda, waxay ka heli karaan wixii warbixin ah deegaanka nolosha www.stthomas.edu/residencelife. Hadii uu ardaygaagu ku noolaanayo gurigaaga ama jaamacada banaankeed waxay warbixin wanaagsan ka heli karaan www.stthomas.edu/offcampus.
9
Hel ogolaansho meel aad gaariga dhigato: hadii uu ardaygaagu gaari u soo qaadanayo jaamacada waxay booqan karaan www.stthomas.edu/parking wixii la xiriira baarkinka iyo gaadiidka kale. Ogolaanshaha baarkinka ee ardaydu waa ciriiri waxaana lagu qaybiyaa si baqtiyaa nasiib ah. Fur Boostadda jaamacadda: dhamaan ardayda sanadka koowaad oo jaamacada si buuxda u dhigta kuna nool kolleejada dhexdeeda, waxaa la siin doonaa boosto. Ardayda kale oo banaanka ku nool, way codsan karaan in boost la siiyo. Xaafiiska Khidmaynta Boostada ee Jaamacadda wuxuu iimayl ugu soo dirahayaa bokiska boostada la siiyay iyo lambarka furaha lagu furi lahaa. Cinwaankaaga sax ha ahaado: sanad kasta, ardaydu waa in ay cusboonaysiiyaan cinwaankooda, taleefankooda, qofka hadii ay wax ku dhacaan la la xiriiro iyo wixii kale oo ogaysiis ah ee Murphy Online. Digniin UST. Waa nidaam digniin ah oo u diga bulshada jaamacadda markii ay wax degdeg ah ay dhacaan. Ardayda waxay diiwaan galin karaan lambarka taleefoonkooda gacanta Murphy Online si hadhow loogu soo diri karo Digniinta UST. Dadka loo ogol yahay si ay u arki karaan biilashooda internetka: war bixinada biilasha, ee lagu soo dallaco ardayga akawnkiisa (lacagta skoolka, qarash yadda yar yar, kirada, cuntada, iwm) waxay ku soo bixi doonaa si elektroonik ah. Ardaygu wuxuu u ogolaan karaa qof kale in uu fiiriyo ama bixiyo ayadoo la isticmaalayo ardayga akawnkiisa. www.stthomas.edu/businessoffice/ebilling/. Caafimaadkaagu waa in uu dhan yahay: macluumaadka soo socda waa in ardaygu galiyoa internetka Murphy Online ee https://banner.stthomas.edu o Cadayn caymis caafimaad: ardayda cusub ee dhiganaysa jaamacada oo qaadanaysana 12 kredit iyo wixii ka badan waa in ay keenaan cadayn caymiska caafimaadka. Macluumaadkaan waxaa ardayga laga rabaa 15ka bisha todobaad ee juulay ka dib iyadoo aan laga dib marinaynin 16ka bisha sagaalaad ee
10
September, 2014. Hadii kale ardaygaagu wuxuuu bixin doonaa caymiska caafimaadka ee jaamacada ($1365 afartii biloodba) o Macluumaadka talaalka: ardaygaagu warbixinta talaalkiisa waa in aad galisaa ugu danbayn 17ka bisha tobnaad ee October, 2014. Hadii aadan ku galin macluumaadka talaalka waqtiga loogu talagalay waxaa lagaa xanibayaa iskuqoridda fasalada soo socda. Baro siyaasadda Jaamacada: ardayda waxaa laga filayaa in ay aqoonsadaan sharciyadda jaamacadda. Waxaa laga heli karaa www.stthomas.edu/policies. Shaqo ka raadi jaamacada: ardaygaa ku boori in uu booqdo xarunta shaqaalaynta ardadda www.stthomas.edu/hr/studentemployment/ wixii war bixin dheeri ah. Ka qayb gal dacdooyinka soo dhawaynta: ardaygaagu waa in uu ka qayb qaataa dhacdooyinka jaamacada si uu u aqoodo meeshuu rabo, si uu ula kulmo ardayda cusub iyo kuwo horay u dhiganayey. Dhacdooyinka ugu fiican ee in ay tagaan haboon tahay waxaa ka mid ah carwada ardayda oo dhacaysa 12:00-1:00 p.m talaaddada 16ka bisha sagaalaad September, 2014. Midaas oo lagu qabanayo John P. Monahan Plaza. www.stthomas.edu/campuslife Dooro nooca cunnada: ardaygaagu hadii uu dagan yahay jaamacada iyo hadii kalaba wuxuu dooran karaan in ay cunto jaamacada ka iibsadaan. Qorshaha cunnada midda flex dollars iyo midda eXpress dollars waa siyaabo qarashkana loo yareeyo, cuntada xilligaad rabtana loo helo. www.stthomas.edu/cardoffice.
11
FLEX Dollars = Lacagta kaarka lagu shubto = Cunno Lacagta flexka la dhoho waxaa lagu gadan karaa raashin kaliya. Flexka lacagta ku jirta waxaa wax looga gadan karaa jaamacada gudaheeda iyo suuqa Summit oo ku yaal dabaqa koowaad ee xaranta ardayda Anderson Student Center. Flexka lacagta ku jirta waxay kaa dhacaysaa dhamaadka simistarka. Wixii baaqi ku jirana waa kaa gubanayaan. eXpress Dollars = lacagta waxbyaabaha kale oo dhan Lacagta eXpressku waa sida kaarka bankiga oo kale. Ardaydu waxay ku shuban karaan lacag cadaan ah ama mid jeeg ah ama waxay lacagta kala bixi karaan akawnkooda jaamacada. Lacagta eXpresska waxaa loo isticmaali karaa in lagu gatto buuggaagta, saadka, dharka iyo hadiyadaha dukaanka buuggaagta ee jaamacada, cunnada meel kasta oo jaaamcada ah iyo meelo khaas ah oo jaamacada ka baxsan. Lacagta aan la isticmaalin waxay kaarka ku jiraysaa inta uu ardaygu ka qalin jabinayo. Hadii aad doonayso in lacagta jaamacadda ku siisay ama dayn ama deeq ah si aad iskaga bixid buugta, waad inaad furatid websayntka GET Funds akawn eXpress ah. GET FUNDS https://get.cbord.com/stthomas
GET Funds waxaa laga isticmaalaa internetka oo waxaa isticmaali kara ardayda akawnada eXpress qaba si ay u maamulaan lacagta ku jirta akwnkaas waqtiga ay doonaan iyo meel kasta oo ay joogaan‌.xattaa taleefoonkooda gacantaba ha noqdee. - Lacag ay ku shubi karaan ayadoo kredit kaar la isticmaalahayo - Lacag ay ku shubi karaan ayadoo Bill Me la isticmaalahayo, waa akwnka lacagta fasallada la iskaga bixiyo - Waxaa laga fiirin karaa intii lacag akawnka ku hartay iyo lacaga sida ay ku bexeen - Dadka kale ay loo ogolaan karaa in ay fiirin karaan akwanka, sida waaridiinta si ay lacag ugu shubaan akwanka eXpress taasoo iimayl lagu samayn karo.
12
BISHA SIDEEDAAD EE AUGUST Soo dhawaynta dayrta waxay u ogolaanaysaa in ardaygaagu uu la kulmo ardayda cusub, ardayda soo noqonaysa, iyo dhamaan nulshadda jaamacada, iyadoo uu ku qaadan doono soo dhawayn dhamaystiran wax kasta oo ku saabsan jaamacada. Caadooyinka midda ugu fiican waxaa ka mid ah March Through the Arches oo loogu tala galay ardayda cusub. www.stthomas.edu/studentorientation/fallwelcome. Waalidka raba xiriirka joogtada ah: Ururka xiriirka waalidiinta waa meel aad u fiican www.stthomas.edu/parentnetwork
Rukumayso oo isku qor joornaalka waaridiinta www.stthomas.edu/parents/newsletter/ Eeg wararka jaamacada oo laga heli karo qolka wararka ee jaamacada www.stthomas.edu/news/. Hadaad rabtid in aad iska qorto booqo www.stthomas.edu/news/subscribe/.
NOLOSHA JAAMACADEED Anderson Student Center, Qolka 325 651-962-6130 www.stthomas.edu/campuslife PARENT RESOURCES Dean of Students Office, Anderson Student Center, Qolka 241 651-962-6050 www.stthomas.edu/parents
13
AUGUST 2014 S
M
T
T
W
F
S
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
24
25
26
27
28
22 29
23 30
31
TAARIKHDA MAALMAHA MUHIIMKA AH Aug. 22 ardaydu waxay fiirin karaan interneetka biilashoosha. Lacagta ugu horaysa waxaa la iska rabaa 19ka bisha sagaalaad ee September. Aug. 27 soo dhawaynta ardayda sanadka koowaad iyo qoysaskooda waxa lagu qabanayaa John P. Monahan Plaza, 6pm. Aug. 30 ardaydu cusub waxay u soo guuraysaa guryahooda ee jaamacadda Aug. 30 salaada tukashada kaniisada ardaydda cusub waxay dhacaysaa 5:00 p.m Aug 30 – Sept 2 Dhaqdhaqaaqa soo dhawaynta dayrta Aug. 31 salaada tukashada kaniisada, 11am iyo 5:00 p.m
14
BISHA SAGAALAAD EE SEPTEMBER Fasaladu waxay bilaabanayaan 3da bisha sagaalaad September 2014. Ardaygaaga ku boori in uu watigiisa dheeli tiro. Ardayda waxay fursad u haystaan in ay ka qayb qaataan xirfado ku saabsan wax barasho, dhaqan, cayaaro, iyo wax qabad bulsheed. Kulanka Dhaqdhaqaaqa oo la qabanyo talaadada bisha sagaalaad 16keeda, September 16, 2014 waa fursad uu qofka ku ogaado waxyaaba uu ka qayb qaadan karo. Laga bilaawo bartamada bisha sagaalaad September, waxaa ku soo waci doona xubin ka mid ah ururka xiriirka waalidiinta. Qorshohoodu waxa weeye in ay la xiriiraan qoysaska ardayda cusub si ay u hubiyaan in nolosha ardadda iyo waalidiinta ay caadi tahay.
Bisha sagaalaad ee September waa bisha ka war haynta nabada Xafiisyada nabadgalyada waxay la midoobaan in ay ogaysiiyaan ardayda mas’uuliyadda iyo abuurida nabadgalyada jaamacadda iyo nawaaxigeeda. NABADGALYADA DADWAYNAHA St. Paul Campus, Morrison Hall, dabaqa koowaad, dhinaca Lot B Minneapolis Campus, Opus Hall, dabaqa labaad 651-962-5100 qaybta wixii dagdag ahayn iyo codsiga wehel raacaha 651-962-5555 qabyta dagdagta www.stthomas.edu/publicsafety Iyadoo la raacayo sharciga Title IX ee hagaajinta waxbarashada ee 1972, jaamacadu qofna kuma cunsuriso in uu yahay dhadig ama lab barnaamijyada iyo wax qabadka. Jaamacadu waxay magacawday Murwo Nora Fitzpatrick, in ay noqoto horjoogaha jaamacadda u qaabilsan in la raaco sharcigan iyo wixii la xiriira, middaas oo ay ku jirto baarida wixii sharciga duminaya, sida dhibaatayn jinsi. Qofkii rumaysan jaamacaddu in aysan ku dhaqmayn sharciga Title IX ha la xiriiro: ISUDUWAHA KU MEEL GAARKA EE TITLE IX Murwo Nora Fitzpatrick Kalkaaliyaha Sare ee Hormuudka wax Maamulka Qolka 411, Iskoolka Sharciga nbfitzpatric@stthomas.edu 651-962-4884
15
SEPTEMBER 2014 S M T W T F 1
S
3
4
5
6
9
10
11
12
13
2
7
8
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
TAARIIKHDA MAALMAHA MUHIIMKA AH March Through the Arches iyo Barakaynta Diimaha kala duwan oo lagu soo Sept. 2 Sept. 3 Sept. 7 Sept. 9 Sept. 16 Sept. 16 Sept. 16 Sept. 19 Sept. 30
dhawynahayo sanad dugsiyeedka cusub iyo cunno jardiinada lagu cuno fasaladda ayaa bilaabanaya Tukashadda kaniisadda 11 subaxnimo maalinta ugu danbaysa ee aad fasal ka bixi karto adigoon macalin ogolaansho ka qaadan maalinta ugu danbaysa ee aad fasal ka bixi karto carwada shaqooyinka (baro 130 urur ardayeed iyo kuwo kale) maalinta ugu danbaysa ee lagaa rabo kaarka caymiska caafimaadka biilka ugu horeeya ayaa la rabaa in la bixiyo U diyaar garowgab boos-celinta ee saddexda bari usbuuca dhamaadkiis ee qoysaska
16
BISHA TOBNAAD EE OCTOBER Saddexda bari ee usbuuca dhamaadkiisa ee qoysaska loogu talagalay: 3da illaa 5ta bisha tobnaad ee October 2014, waa fursad aad u wanaagsan adiga iyo qoyskaagaba in aad xiriir la yeelataan jaamacada. Noogu imow muxaadaro, ka qayb qaado Qadada Madaxwaynaha, soo booqo goobaha muhiimka ah ee jaamacada, iyo la tuko ardadda. Waxaa ugu muhiimsan in aad aragto waxa uu ardaygaagu u jecel yahay Jaamacadda UST www.stthomas.edu/familyweekend.
Iyadoo orodka iyo da’daalka dhamaadka sanad dugsiyeedka uu soo dhow yahay, bisha tobnaad ee October waa waqti aad sii dhagaysan karto ardayda. Ku dhiira gali in ay raadiyaan xirfadda ay aad ugu baahan yihiin intii ay wax baranayaan si ay ula qabsadaan nolosha jaamacadda. Waxaa kaloo jira Xarunta Khayraadka Xisaabta (MaRC) ama Xarunta wax Qorka si looga caawiyo imtixaanaadka iyo waraaqaha laga rabo. Hadii aad aragto in wiilkaaga ama gabadhaada ay dhibaato ka haysato nolosha cusub ee jaamacada, ku baraaruji in ay isticmaalaan waxyaabaha bilaashka ah ee ay jaamacada ka heli karaan, waaninta iyo cilmi nafsiga dadka u qaabil san. Bartamaha sanad dugsiyeedku waa October 24, 2014 waana fursad ii qof kasta ku nasanayo. HORMUUDKA JAAMACADDA EE ARRIMAHA ARDAYDA Anderson Student Center, qolka 241 651-962-6050 www.stthomas.edu/deanofstudents WAANINTA IYO CILMI NAFSIGA Murray-Herrick Campus Center, qolka 356 651-962-6780 www.stthomas.edu/counseling Xarunta Khayraadka Xisaabta (MaRC)
O’Shaughnessy Science Hall, Room 235 (651) 962-5529 www.stthomas.edu/marc Xarunta wax Qorka
John R. Roach Center, Room 361 (651) 962-5601 www.stthomas.edu/writing
17
OCTOBER 2014 S
M
T
T
W 1
F 2
S 3
4
9
10
11
5
6
7
8
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
31
TAARIIKHDA MAALMAHA MUHIIMKA AH waa maalinta ugu danbaysa qabashadda arjiyadda ardayda dibadda wax ku baranaya Oct. 1 Oct 3-5 Oct 11 Oct 17 Oct. 24 Oct. 27
kuwaas oo ay ku jiraan fasalka bisha koobaad ee January, 2015 saddexda bari usbuuca dhamaadkiis ee qoysaska isu imaadka jaamacadda Malinta ugu danbaysa oo la dhiibi karo macluumaadka tallaalka imtixaanka sanad bartameedka fasaladda ayaa bilaabanaya
18
BISHA KOW IYO TOBNAAD EE NOVEMBER Hadii aad u dabaal dagto fasaxa maraykanka ee la dhoho thanksgiving iyo hadii kalaba, xilligaanu waa xilliga aan ku mahadnaqno nicmooyinka oo ay tahay in aan ka fakarno sidii aan ugu adeegi lahayn. Mahadcelintu waxay ka mid tahay waxyaabaha jaamacadu rumaysan tahay. Waxaana rajeynaynaa in ardaydu ay nagala qayb qaadato in aan u adeegno dadka gudaha, dadka wadanka, iyo mujtamaca aduunka. Hadii aad ku nooshahay maagalada, waxaad ku dartaa hal ama labo kursi miisaga cuntada oo u casun ardayda dibadda ka timid waqtiga ka ciida masiixiga ee Thanksgiving ah sanadkaan. Waa dabaaldag Maraykanka gaar u ah. Ciida Thanksgivingka waa fursad Khidmooyinka Ardayda Caalamiga ah si ay hadhowto oga sheekeeyaan waxay kala kulmeen. Xaafiiska Khidmaynta Waxbarashada iyo Hawlgalinta Madaniga waxay ka shaqeeyaan si ay u caawiyaan ardayda si ay u hesho shaqooyin iskaa wax u qabso ah dhinaca maagalada Minneapolis iyo St Paul. Waxaa lagugu waaninayaa, ardaygaagu waxaa laga rabaa in uu la kulmo lataliyayaashiisa jaamacadda ama dadka waxbarashadda kala taliya horaanta bisha kow iyo tobnaad ee November si u iskugu diyaariyo fasalka bisha koowaad ee January iyo is qoridda simistarka xagaagga. LA TALINTA IYO TAAKULAYNTA WAX BARASHADA Murray-Herrick Campus Center, qolka 110 651-962-6300 www.stthomas.edu/academiccounseling Khidmooyinka Ardada Caalamiga ah Anderson Student Center, Room 218 (651) 962-6650
www.stthomas.edu/oiss
Xaafiiska Khidmaynta Waxbarashada iyo Hawlgalinta Madaniga Aquinas Hall, Room 313 (651) 962-5380 www.stthomas.edu/servicelearning
19
NOVEMBER 2014 S
M
T
W
T
F
S 1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
TAARIIKHDA MAALMAHA MUHIIMKA AH Nov. 17- Dec 5 isqorida fasalka xili hore ee fasalka bisha koowaad ee January iyo fasalka xagaagga maalinta ugu danbaysa ee aad fasalka ka laaban karto adigoon lagu riddin Nov. 17 Usbuuca tacliinta caalamiga ah Nov. 17 waxaa bilaabanaya fasaxa thanksgivings Nov. 28
20
BISHA LABO IYO TOBNAAD EE DECEMBER Marka aad ku soo dhaweeyso ardaygaaga guriga waqtiga fasaxa qaboobaha, waxaa laga yaabaa in aad wiilkaaga ama gabadhaada aad ku aragtid isbaddal. Waxaa laga yaabaa inuu ardaygaaga iskiis wax u qabdaso, inuu isku kalsoonyaha, inuu himilo dheeraad ah uu leeyahay marka loo fiiriyo intuusan ama intaysan soo aadin St. Thomas. Inkasta oo laga yaabo in ay tahay dhaqso, bisha January waa waqti wanaagsan oo aad ardaygaagu kala hadli karo meesha uu dagayo sanad dugsiyeedka soo socda. Xarunta deggaanka waxay u sheegi doontaa ardayda deggan jaamacadda habka doorashadda guryaha iyadoo iimayl loo soo diraya. Xarunta qofka raba in uu dago jaamacadda banaankeeda waxay siin doontaa warbixin ku saabsan guryaha iyo gaadiidka dadwaynaha. Xarunta ardayda banaanka deggan waxay qabanaysaa bisha February siminaar lagu barayo ardadda waxa dhabta ah iyo waxa beenta ah ee noolaanshaha jaamacadda banaankeeda. Ku boori ardaygaagu in uu gaaro go’aan xagga deggmada asagoo wax kasta og. KANIISADDA JAAMACADDA Anderson Student Center, qolka 207 651-962-6560 www.stthomas.edu/campusministry KHIDMAYNTA ARDADA JAAMACADDA BANAANKEEDA DEGGAN - OFF-CAMPUS STUDENT SERVICES Anderson Student Center, qolka 253 651-962-6138 www.stthomas.edu/offcampus
XARUNTA DEGGAANKA - RESIDENCE LIFE Koch Commons, qolka 106 651-962-6470 www.stthomas.edu/residencelife ISKAA WAX U QABSO KUWA AH VOLUNTEERS IN ACTION (VIA) IYO KUWA AH VOLUNTEERS IN SERVICE INTERNATIONALLY OR NATIONALLY (VISION) Anderson Student Center, qolka 207 651-962-6560 www.stthomas.edu/campusministry/service
21
DECEMBER 2014 S
M 1
T 2
T
W
F
S
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
31
TAARIIKHDA MAALMAHA MUHIIMKA AH fasaladda ayaa bilaabanaya Dec. 1 Barnaamijka Kiraynta 101 Dec. 2 Riwaayad ciidda masiixiga ee lagu magacaabo krismas Dec. 7 Fasaladda ayaa dhamaanaya Dec. 12 maalin wax barasho Dec. 15 imtixaanaadkii sanad dhamaadka Dec. 16-19
22
BISHA KOOBAAD EE JANUARY Waa sanad cusub waana bilowga fasalka bisha koowaad ee January. Waa xilli aan waalidiinta iyo ardadda aan ku casunno in ay dib uga fakaraan bilihii ugu horeeyey ee ay jaamacadda arday ka ahaayeen. Maxaad guul gaartay? Guuldarooyin miyaa jiray? Xilligaanu waa xilli wanaagsan oo ay ardaydu la kulmi karaan la taliyayaasha maaliyeed si ay u oga jawaabaan wixii su’aalo ah oo ay ka qabaan dhiibidda foomka codsiga gargaarka dawladeed ee ardayda (FAFSA). Bisha January waa waqti wanaagsan oo shaqo lagu raadin karo jaamacadda dhexdeeda ama shaqo jaamacadda banaankeeda oo ku meel gaar ah. GARGAARKA MAALIYEED Murray-Herrick Campus Center, qolka 152 651-962-6550 www.stthomas.edu/financialaid/undergraduate KHAYRAADKA AADANAHA Aquinas Hall, qolka 217 651-962-6510 www.stthomas.edu/hr/studentemployment DOORASHADA HOGGAAMINTA ARDAYDA Anderson Student Center, qolka 325 (651) 962-6130 www.stthomas.edu/hr/studentemployment
23
JANUARY 2015 S
M
T
W
T
F 1
S 2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
31
TAARIIKHDA MUHIIMKA AH fasaladda bisha January ayaa bilaabanaya Jan. 2 maalinta ugu dhanbeeysa oo fasal gali karto ama ka bixi karto adigoon fasax ka haysan Jan. 8 Jan. 19 Jan. 29
macalin ama lagu qorin diiwaanka fasax, maalinta Martin Luther King jr January fasaladeedii ayaa dhamaaday
24
BISHA LABAAD EE FEBRUARY Hawwada wali waa qaboow, fasaladii xagaaguna waa bilowdeen! Ku caawi ardaygaagu in uu ka adkaago qabowga adigoo ku dhiira galinaya in uu ku noolaado nolol caafimaad leh oo firfircoon. Xarunta jirdhiska waxay ku boorinaysaa ardayda jaamacadda in ay ku noolaadaan nolol caafimaad leh iyadoo bixinaysa sanadkoo dhan barnaamijyo kala duwan oo ku saabsan caafimaadka. Barnaamijyadaan waxaa ka mid yaraynta walwalka, isticmaalka khamriga iyo tubaakadda, muuqaalka jirka, nafaqadda, nabadgalyadda, nabadgalyada, hurdadda, xiriirka caafimaadka, iyo dhamaan caafimaadka iyo dhisnaanta. Xarunta jirdhiska iyo wax qabadka ee Anderson waxaa ku yaala meel lagu ciyaaro oo leh biyaha dabaasha oo siddeed layn ah, meel lagu quuso, garoon leh 2000 oo kursi oo lagu ciyaaro kubadda kolayga, kubadda gacanta, garoonku wuxuu lee yahay 200 oo mitir oo lagu ordo, goob jimicdhis, oo leh qalabka lagu ciyaaro oo wadnaha garaaciisa kor u qaada, jirdhiska, qolalka lagu ciyaaro iyo qolal wax la gashaddo. Ku boori ardayda in uu ku biro kooxaaha is barashada, la jimicso saaxiibadaa ama ku biir ciyaarta bushkuleetigga, ama zumba ama fasaladda kale ee jir dhiska. Jaamacada St. Thomas waxay qiimaysaa kala duwanaanshaha ardayda, waxaayna ku dhiiragalisaa in ardaydu ay la kulmaan dad ayyaga duwan. Xafiisyo kala duwan ayaa waxay qabtaan xaflado iyo barnaamijyo ay ku caawinayaan ardayda in ay kordhiyaan aqoontooda dhaqanka – midaasoo ah xirfad ay u baahan yihiin ardada dhamaan waxay rabaan ha bartaane.
XARUNTA WACNAANTA Murray-Herrick Campus Center, Qolka 355 651-962-6128 www.stthomas.edu/wellness XARUNTA JIRDHISKA EE ANDERSON ATHLETIC AND RECREATION COMPLEX (AARC) 651-962-5920 www.stthomas.edu/aarc KHIDMAYNTA KALA DUWANAANTA IYO ISU KEENIDDA ARDAYDA Anderson Student Center, qolka 224 651-962-6460 www.stthomas.edu/studentdiversity
25
FEBRUARY 2015 S
M
1
2
T
W
T
F
S
3
4
5
6
7
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
8
TAARIIKHDA MUHIIMKA AH xiligii guga fasaladiisa ayaa bilaab maya Feb. 2 maalinta ugu danbaysa ee aad fasal ku darsan karto adigoon fasax ka haysan macalin Feb. 6 Feb. 12 Bandhigga wax barashada dibadda Feb. 13 maalinta ugu danbaysa ee aad fasal ka bixi karto adigoon diiwanka lagugu qorin
26
BISHA SADDEXAAD EE MARCH Iyadoo uu xilligii xagaagga fooda nagu so hayo, hada waa xilli ku wanaagsan in aad adiga iyo ardaygaagu aad ka fakartaan in uu wax barasho dibadda ah aado. Wax barashadda wadan kale waxay ardayga siisaa fursad ay ku helaan khibrad iyo hab fakar cusub. Sanad kasta, wax ka badan 1000 arday ayaa wax ku barta jaamacadda banaankeeda waxa ayna kuu sheegayaan waxaa waxyaabihii ugu wanaagsanaa ee ay heleen intii ay jaamacaddaan dhiganaayeen. St Thomas waxay bixisaa wax ka badan 330 siminaar ama sanad dhan barnaamij ah meelaha kala ah, Talyaaniga, Ingiriiska, Jarmalka, iyo Isbayn. In aad hal simistar aad dibadda soo joogto, ama aad xiliga January aad dibadda ku qaadato, waxay u baahan tahay u diyaar garow muhiim ah. Waxaad ku boorisaa ardaygaaga in uu la kulmo la taliye xarunta wax barashadda caalamiga ah si uu u bilaabo isu diyaarinta khibradda noloshiisa badali doonta. Arjiyadda dadka safrahaya 2015 waa in ay dhameeyaan ugu danbayn 1da bisha October, 2015. XARUNTA WAX BARASHADA CAALAMIGA (WAX BARASHADA DIBADDA) 44 N. Cleveland Ave 651-962-6450 www.stthomas.edu/studyabroad
27
MARCH 2015 S
M
1
2
T
T
W
F
S
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16
17
18
19
20
21
22
23
24
25
26
27
28
29
30
31
TAARIIKHDA MUHIIMKA AH Waqtiga ugu danbayn la iska doonayo in la buuxiyo foomka waxbarashada March 15 Mar. 27 Mar. 30 – April 6
dibadda, midka codsiga jaamacadda dayrta iyo xagaaga 2015 Darajooyinka fasalka ayaa la qorayaa fasax bartamaha fasalka iyo ciida masiixiga ee iister
28
BISHA AFRAAD EE APRIL Ardaygaagu suaal ma ka qabaa takhasuskiisa, ma raadinayaa shaqo ku meel gaar ah, mase ka fakarayaa waxa uu sameyndoono markuu qalin jabiyo? Hadii aysan wali booqon xarunta horumarinta shaqadda (CDC), ku waani ardaygaaga in uu booqdo. Xaruntaan waxay qabataa wax yaabo badan sida qoridda waraaqda shaqadda lagu raadsado, isku diyaarinta waraysiga shaqadda, isla dhig dhigga shaqadda, iyo kulamo shaqadda la xiriira. Kulamadaanu waxay kordhiyaan khibradda wax barasho iyo u diyaarinta ardayda shaqooyinka mustaqbalka. Inta lagu jiro bisha abril, ardaydu waa in ay la kulmaan la taliyayaashooda wax barashadda si ay isugu diyaariyaan isqorka fasaladda xilliyada xagaaga iyo gu’ga. Xilligaanu waa xilli wanaagsan oo ay ardaydu la kulmi karaan la taliyayaasha maaliyeed si ay u hubsadaan in FAFSA la diray iyo. XARUNTA HORUMARINTA SHAQADA - A CAREER DEVELOPMENT CENTER Murray-Herrick Campus Center, qolka 123 651-962-6761 www.stthomas.edu/careerdevelopment
29
APRIL 2015 S
M
T
T
W
1 5 12
6 13
7
8
14
19
20
21
26
27
28
F
2
S
3
4
9
10
11
15
16
17
18
22
23
24
25
29
30
TAARIIKHDA MAALMAHA MUHIIMKA AH fasaladda ayaa bilaabmaya Apr. 7 is qorida fasaladda xagaagga iyo gu’ga Apr. 13-24 maalinta ugu danbaysa ee aad fasalka ka laaban karto adigoon lagu riddin Apr. 22 Ururka Arday Ka Fakarta Caalamka Apr. 25 Cashada Caalamiga ah
30
BISHA SHANAAD EE MAY Sanadka dugsiyeedka koobaad ee jaamacadda St. Thomas waa dhamaaday! Adiga iyo ardaygaaguba waxaad dareemaysaan dareemo kala duwan. Wax badan ayaa is badalay sanadkii la soo dhaafay. Waxaad ka cayaartay qayb libaax intii lagu jiray sanadkaan nolosha ardaygaaga. Ururka xiriirka waalidiinta waxaa uu jecel yahay in uu xiriir, lug iyo wadashaqayn la yeesho waalidiinta ardayda jaamacadda midkaas oo ku suuroobi kara barnaamijyo iyo fursado iskaa wax u qabo ah. Ururku xiriirka wuxu ku dadaalaa taageeridda walidiinta ardayda afarta sano oo jaamacadda ah aan wali dhamayn. Ururka xiriirku wuxuu sii wadi doonaa in uu la xiriiro waalidiinta inta uu ardaygaagu dhiganayo St. Thomas XIRIIRKA WAALIDIINTA 651-962-6941 www.stthomas.edu/parentnetwork
31
MAY 2015 S
M
T
T
W
F
S
1 5
6
8
9
14
15
16
20
21
22
23
27
28
29
30
3
4
10
11
12
13
17
18
19
24
25
26
7
2
31
TAARIIKHDA MAALMAHA MUHIIMKA AH Waa in la dhamaystiraa darajooyinka dhimanaa ee xilliga dayrta iyo midka bisha May 1 May 15 May 19 May 19-22 May 23
koobaad ee January fasaladii ayaa dhamaaday Maalin wax barasho imtixaanadii ugu danbayey Qalinjabinta
32
XUSUUS QOR
33
34
XUSUUS QOR
35
XUSUUS QOR
36
QAYBAHA MUHIIMKA EE LALA XIRIIRO
LA TALINTA IYO TAAGERIDDA WAX BARASHADA (Fasallada, isqorka) 651-962-6300 www.stthomas.edu/academiccounseling
KHIDMAYNTA ARDAYDA JAAMACADDA DIBADEED KU NOOL 651-962-6138 www.stthomas.edu/offcampus
URURKA ARDAYDII QALIN JABISAY 651-692-6430 https://alumni.stthomas.edu
ISLA SHAQANTA WAALIDIINTA/ XAAFIISKA HORMUUDKA JAAMACADDA EE ARDAYDA 651-962-6050 www.stthomas.edu/parents
XAAFIISKA CIYAARAHA FUDUD 651-962-5900 www.stthomas.edu/athletics
XIRIIRKA WAALIDIINTA 651-962-6941 www.stthomas.edu/parentnetwork
DUKAANKA JAAMACADDA 651-962-6850 www.stthomas.edu/bookstore
KHIDMAYNTA MEELAHA BAABUURTA LA DHIGTO 651-962-PARK (7275) www.stthomas.edu/parking
XAAFIISKA (Ardayda akawnkooda, biilasha) 651-962-6600 www.stthomas.edu/businessoffice
NABADGALYADA DADWAYNAHA GUUD Qaybta wixii dagdag ahayn iyo codsiga wehel raacaha 651-962-5100 Qaybta dagdagta 651-962-5555 www.stthomas.edu/publicsafety
NOLOSHA JAAMACADEED (Ururadda ardayda) 651-962-6130 www.stthomas.edu/campuslife
XAAFIISKA ISQORKA 651-962-6700 www.stthomas.edu/registrar
KANIISADDA JAAMACADDA 651-962-6560 www.stthomas.edu/campusministry
XARUNTA DEGGAANKA 651-962-6470 www.stthomas.edu/residencelife
XARUNTA HORUMARINTA SHAQADA 651-962-6761 www.stthomas.edu/careerdevelopment
KHIDMAYNTA KALA DUWANAANTA IYO ISU KEENIDDA ARDAYDA 651-962-6460 www.stthomas.edu/studentdiversity
WAANINTA IYO CILMI NAFSIGA 651-962-6780 www.stthomas.edu/counseling
ISUDUWAHA KU MEEL GAARKA EE Title IX Murwo Nora Fitzpatrick Kalkaaliyaha Sare ee Hormuudka wax Maamulka Qolka 411, Iskoolka Sharciga 651-962-4884 nbfitzpatric@stthomas.edu
HORMUUDKA JAAMACADDA EE ARDAYDA 651-962-6050 www.stthomas.edu/deanofstudents KHIDMAYNTA CURYAANKA 651-962-6315 www.stthomas.edu/enhancementprog
BARTAMAHA TOMMIE Warbixinta iyo iibinta tiggiyada ee dacdooyinnka bulshada 651-962-5000 www.stthomas.edu/asc/facilitiesandservices/tommiecentral
GARGAARKA MAALIYEED 651-962-6550 www.stthomas.edu/financialaid/undergraduate/
DUKAANKA TOMMIE 651-962-7850 www.stthomas.edu/asc/retail/
KHIDMAYNTA CAAFIMAADKA 651-962-6750 www.stthomas.edu/studenthealth XARUNTA WAX BARASHADA DIBADDA (Dibadda wax ku baro) 651-962-6450 www.stthomas.edu/studyabroad KHIDMAYNTA ARRIMAHA ARDAYDA CAALAMIGA AH 651-962-6650 www.stthomas.edu/oiss
UST CARES waxay bixisaa khidmooyin iyo war bixinno wanaajinta nabadda iyo caafimaadka jaamcadda. Hadii wax walwal aad ka qabto ardaygaaga, fadlan booqo www.stthomas.edu/ustcares
37
Mashruucaan waxaa soo saaray Qaybta Arrimaha Ardayda iyo xarunta Xiriirka Waalidiinta.
Jaamacadda St. Thomas Minnesota
Qaybta Arrimaha Ardayda