Sidee ilmahayga ugu caawin karaa isudiyaarinta imtixaanka?
Ilmahaaga u sheeg in imtixaanku yahay nooc ka mid ah waxbarashada kuna dhiirigeli in uu wixii tabarteeda/tabartiisa ah dadaalo. Ku amaan ilmahaaga wixii uu ku fiicanyahay. Caruurta naftooda ku kalsooni aad bay u dadaalaan.
Ilmahaaga la wadaag in aad si xamaasadi ku jirto aad wax la akhrido, xujooyinka la xaliso iyo in ay wax sahmiyaan. Ilmahaaga la wadaag in aad si xamaasadi ku jirto aad wax la akhrido, xujooyinka la xaliso iyo in ay wax sahmiyaan. Imtixaanka habeenka ka horeeya Ilmahaagu hurda fiican ha seexdo hana cuno cunto nafaqo leh,quraac borotiin u badan imtixaanka ka hor ha cuno. Weydii macallimka in uu kuu sheego waxyaabo adiga iyo ilmahaagu aad guriga ku samayn kartaan si imtixaanka la isugu diyaariyo. Waalidka iyo macallimiintu waa in ay wada shaqeeyaan si ay ardayga wax u taraan. Ilmahaaga ku dhiirigeli in dhibcaha uu ka helo imtixaanku aysan si buuxda uga turjumayn kartidiisa/kartideeda iyo in darajada hal imtixaan aysan halbeeg u noqonayn.
Sidee u Helaa Natiijada Imtixaanka Ilmahayga? Natiijada imtixaanka ilmahaaga qaarkeed waxaad ka helaysaa internetka adiga oo u maraya Skyward Family Access system. Booqo www.isd742.org. Haddii aad u baahato in lagaa kaalmeeyo sidii aad koontadaada u geli lahayd, fadlan la xiriir xoghayaha iskoolkaaga.
Maxaan Sameeyaa Haddii aan Su’aalo Dheeraad ah Qabo? La hadal macallimkaaga, maamulaha ama Agaasimaha Student Achievement and Strategic Alignment, Joni Olson, kala xiriir joni.olson@isd742org.
Hagaha Waalidka ee Imtixaanka
320.253.9333 info@isd742.org www.isd742.org 1000 44th Ave N, St. Cloud, MN
St. Cloud Area School District 742