JAMHUURIYADA SOMALILAND WASAARADA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA
JAMHUURIYADA SOMALILAND WASAARADA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA
WAXQABADKA BILAHA Jan-Sep 2019
1
2
Designed & Printed by:
3
Waxqabka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Bilaha January - September 2019
4
B
Hordhac
uugan waxa soo saaray Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, waana buug sawir guud ka muujinaya waxqabadka xukuumada ee ku aadan dhinaca dhallinyarada iyo ciyaaraha.
Buugani waxa uu ka hadlayaa tartamada ciyaaraha ee qabsoomay kuwaas oo ka qabsoomay caasimadaha kala duwan ee gobolada waawayn, safarada ciyaareed ee dibada ay kaga qayb galeen ciyaartoyga ee qaran ee orodada, chesta iyo juuduuga, sidoo kale waxa uu ka hadlayaa tababarada loo qabtay qaybaha ciyaaraha qaarkood, garoomada la dhigay rooga casriga ah iyo tababaro loo qabtay dhallinyarada oo lagaga wacyi gelinayay cudurada ku faafa galmada, kulamo loo qabtay iskuxidhka daneeyayaasha arimaha dhallinyarada. Ansixinta istiraatijiyada qorshaha qaybta dhallinyarada ee qorshaha qaranka ee labaad (validation workshop for the Youth Sector Strategic Plan for National Development Plan II) iyo wufuud heer sare ah oo timid dalka. Buugan waxa diyaariyay isla markaana isku dubariday, tafatirayna Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Xog Ururinta Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, waxa kale oo gacan ka gaysatay ku xigeenka Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Xog ururinta Najwa Cismaan Cabdi.
5
W
Odhaahda Wasiirka
axaan u mahadnaqayaa M a d a x w a y n a h a Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo nagu hagay siyaasada ku qotonta waxqabad, horumar, iyo ka midho dhallinta barnaamijyo hufan oo waxtar u leh bulshada Somaliland. Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo mar walba nala garab taagan dhiirigelin ku saabsan dhallinyarada iyo ciyaaraha, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo marwalba gacan naga siiya sidii ay wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu u gudan lahayd waajibaadkeeda shaqo, waxa kale oo xusid mudan taliska bilayska Somaliland oo mar walba gacan naga siiya ilaalinta nabadgelyada wakhtiga tartamada ciyaaruhu socdaan. Waxqabadkani waa mid ku qotoma dedaalka ay wasaaradu ugu jirto sidii ay u fulin lahayd barnaamijka xisbiga Kulmiye iyo Qorshaha Qaranka ee labaad (National Development Plan II). Wasaarad ahaan mudnaanta waxaanu siinay fulinta tartamada ciyaaraha ee kala duwan sida kubada cagta, kubada kolayga, ciyaaraha fudud, chesta, juuduuga iyo tennista, waxa kale oo aanu mudnaan siinay in aqoonta tababarayaasha iyo garsoorayaasha la fuliyo, tababar loo qabto dhallinyarada ku sugan gobolada dalka taas oo lagaga wacyigelinayo cudurada galmada ku faafa iyo ciyaaro saaxiibtinimo oo lagaga qayb galo wadamada jaarka ah sida Djibouti iyo Kenya.
6
Tusmada Hordhac...........................................................................................................................4 Odhaahda Wasiirka.........................................................................................................5 1. Tartan Kubada Cagta ah oo ka Qabsoomay Magaalada Borama................................8 2. Tartan Kubada Cagta ah oo ka Qabsoomay Magaalada Berbera................................10 3. Dallada Dhalinyarada Ee SONYO ayaa Guddonsiisay Wasaaradda...........................11 4. Socdaalkii Xidhiidhka Qalaaba Rogodka ee Dalka Djabouti.....................................12 5. Tartanka Orodka Somaliland Maraton oo ay ka qaybgaleen Ajanabi iyo..................13 6. Tartan Kubada Cagta ah oo ka Qabsoomay Magaalada Burco...................................15 7. Maalinta Dhalinyarada Somaliland Feb 20, 2019 Oo.................................................17 8. Magaalada Ceerigabo Oo Laga Xusay Xuska Maalinta Dhalinyarada Somaliland.....21 Magaalo madaxda gobalka sanaag ee ceerigaabo ayaa waxaa si.......................................21 9. Xidhiidhka Kubada Cagta Aduunka ee Dalalka aan la..............................................24 10. Kulan Lagu Ansixinayo Qorshaha Istaraatijiyada Qaybta Dhallinyarada ee............27 11. Orodyahano reer Somaliland ah oo ka Qayb Galay Tartan Orodada ah oo............29 12. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo Qabtay Tartan...................................31 13. Xidhiidhka Chessta Somaliland oo ka Qayb Galay Tartan Caalami ah...................33
7
14. Tartanka Orodka 10km ee Degmooyinka Hargeysa..................................................36 15. Tartanka Kubada Cagta ee Bisha Ramadaan............................................................38 16. Tartanka Tennista......................................................................................................40 17. Tababar Loo Qabtay Garsoorayaasha iyo Tababarayaasha Ciyaaraha Fudud............41 18. Tartanka Kubada Cagta ee Degmooyinka Caasimada Hargeysa...............................44 19. Wafdi ka Socda Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dawlada........................46 20. Tababar ku Saabsan Wacyigelinta Cudurada Faafa oo.............................................47 21. Xuska Maalinta Dhallinyarada Aduunka..................................................................48 22. Xadhig ka Jarida Rooga iyo Dhismaha Garoonka Alamsay Stadium Burco............50 23. Tartanka Kubada Cagta ee Kooxaha heerka Koowaad ee Ceerigaabo.....................51 24. Tartanka Orodada 5 KM ee Magaalada Ceerigaabo.................................................53 25. Tartanka Kubada Cagta ee Kooxaha heerka Koowaad ee Laascaanood...................54 26. Kulan Ku Saabsan Isku Xidhka Daneeyayaasha Arimaha Dhallinyarada oo...........57
8 1. Tartan Kubada Cagta ah oo ka Qabsoomay Magaalada Borama
( 03, 01—01, 02, 2019) - Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaya shirkada socdaalka ee Bariga iyo Galbeedka ayaa waxay tartan kubada cagta ah ku qabteen magaalada Borama, tartanka ayaa waxa ka qayb galay 12 kooxood oo ka dhisan magaaladaasi. Arintan ayaa waxay ka mid tahay dadaal ay wasaaraddu ugu jirto inay caasimadaha gobolada dalka gaadhsiiso tartamo ciyaareed oo ka qabsooma kuwaas oo joogto noqonaya.
Munaasibadii gabagabada tartanka ayaa waxa ka hadlay masuuliyiinta wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha somalailand mudaneyuususf mire maxamed (boos) oo ka sheekeeyey ahmiyada uu koobkani u lahaa dhalinyarada gobolka awdal waxa uu sidoo kale ka hadlay mudadii uu socday koobkaasi. Waxaana hadaladii wasiirka ka mida “koobkaasi mudo sodon cisho ah buu socdaywaanu soo xidhmaysiyaasad ahaana siyaasada dawlada uu hogaamiyomadaxweeyne muuse biixi cabdiiyo wasaarada ciyaarahuba waxa ka go’an dhiirigelinta ciyaaraha,manta waad arkaysaan inta kooxood ee ka qaybgashay”sidoo kale waxa uu wasiirku u
9 mahadceliyey dhamaan TVyada sida LIVEka ah usoo gudbinayey ciyaaraha gobolka awdal ka socday oo dhamaan daafaha dunida laga daawanayey si toos ah. Sidoo kale waxa isna ka qayb galay wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland waxaana
ku wehelinayey wasiirka socdaalkan masuuliyiinta shirkada socdaalka bari iyo galbeed iyo xidhiidhka kubada cagta Somaliland iyadoo ay aad ugu mahadnaqeen ciyaarihii ka socday gobolka awdal. Xubin ka tirsan xidhiidhka kubada cagta Somaliland oo isna goobta ka hadlay ayaa si balaadhan uguga mahadceliyey dadweynaha reer boorame ee sida laxaadka leh ee nabadu ku dheehan tahay uga qaybqaatay tartanka boorame ka socday mudada bisha ah. Xubin ku hadlaysay afka shirkadaha ka qayb galay ayaa soo dhaweysay sida quruxda leh ee loo agaasimay koobkan una mahadnaqay abaabulayaasha koobkan iyo wasaarada dhalinyarada iyo ciyaarahaba. Masuuliyiinta TVga caalamiga ah ee horn cable tv ayaa iyaguna goobta ka sheegay isda ay uga go’an tahay taageerida dhalinyarada reer Somaliland dhan walba .
10
2. Tartan Kubada Cagta ah oo ka Qabsoomay Magaalada Berbera Waxa soo gabogaboobay tartankii kooxaha heerka kowad ee gobolka saaxil waxana kulankii finalka isku arkay kooxaha kala ah kooxda ku ciyaarta magaca shirkada maamusha dekeda berbera ee Dp world iyo kooxda ku ciyaarta magaca wakalada biyaha ee degamada sheekh ciyaartaas oo ahayd ciyaar aad u adag oo ay labada kooxod is mariwaayeen waxanay natijaadi ciyaartu ku soo uruurtay 0-0 waxana loo dhigayaa rikoodhayaal waxa 3-2 Ku badisay kooxda Dp world berbera sidaana ku hanatay horyaalkii kooxaha heerka koowaad.
Tartankii kooxaha heerka kowad ee gobolka saaxil waxa ka qayb galay 12 kooxood oo heerka kowaad ah 2 kooxod waxay ahayeen degmada sheekh 10 kooxod ee kale ahaayeen degmada berbera wana sidan kooxuhu: 1. Ciidanka Policeka 2. Ciidanka Asluubta 3. Ciidanka Ilaalada Xeebta 4. Dekeda Berbera 5. Hamaha Kaydka Shidaalka Berbera 6. Wakalada Biyaha Berbera 7. Gacal Store 8. Wasarada Maliyada 9. Dawlada Hoose Berbera 10. Yovenco 11. Waxbarashada Sheekh 12. Wakalada Biyaha Sheekh
11
3. Dallada Dhalinyarada Ee SONYO ayaa Guddonsiisay Wasaaradda Ciyaaraha Agab Ciyaartooy oo loogu Talo galay gobalada Sanaag. (24,01,2019)- Munaasibad Kooban Oo Ka Dhacday Xarunta Dallada Ayaa waxaa ka Soo Qeyb Galay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Mudane.Yuusuf Mire Maxamuud (Boos) oo horkacaya Qaar ka mida Sarakiisha Wasaaradiisa iyo Guddomiyaha & Guddomiye Ku Xigeenka Dallada SONYO Mudane Cabdicasiis Siciid Saalax iyo Khaalid Cali Axmed Iyada oo sidoo kale uu Goob Joog Ka Ahaa Agaasimaha Fulinta Dallada Sonyo Cumar Cismaan Miigane.
12
4. Socdaalkii Xidhiidhka Qalaaba Rogodka ee Dalka Djabouti
Waxa uu socdaalkii ugu baxay dalka djabouti mudo lix cisho oo uu ugu baxay guddoomiyaha xidhiidhka lagdanka iyo qalaamarogodka ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland kaasi oo loogu soo gabageyey tababar kaasi oo ku saabsanaa ciyaaraha loo yaqaano judo ama lagdanka . Kullanka ka hor waxa kulan wada qaatay madaxda waasarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee djabouti oo horkacayo agaasimaha guud ee wasaarada djabouti iyo madaxda xidhiidhka ee somalialnd kuwaasi oo kawada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahayn horumarinta waaxayaha kala duwan ee wasaaradaha labada dal. Isna waxa kulanka ka qayb ahaa gudoomiyaha ciyaaraha judoga ee dalka djabouti mudane faysal cabdiraxmaan rakuub oo isna ka sheekeeyey xidhiidhka kala dhexeeya wasaarada dhalinyarada ciyaaraha Somaliland gaar ahaan waaxda judoga. Gudoomiayaha xidhiidhka ayaa ka qayb galay laba tartan oo lagu qabtay djabouti oo lagu soo bandhigayey
13
ciyaaraha judoga kaasi oo ahaa tartan lagu gudoonsiiyey biladdo xidhiidhka judoga oo tartanka kagalay kaalmaha ugu sareeya qaatayna bilado.
5. Tartanka Orodka Somaliland Maraton oo ay ka qaybgaleen Ajanabi iyo muwaadiniin oo lagu qabtay Hargeysa
( 08, 02, 2019)- Magaaladda Hargeysa ayaa maanta lagu qabtay tartanka orodka oo ay ka qaybgaleen muwaadiniin iyo dad ajanabi ah oo ka kala yimid dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo dalal kale oo Yurub ah. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil ayaa ka qaybgallay tartanka, waxaanu bogaadiyey dhalinyaradii ku guulaystay tartanka, waxaana kaalinta kowaad gallay Cismaan Cali Sheekh oo ku ordayey 42KM, Xamse Beder ayaa isna kaalinta kowaad u gallay tobanka KM, halka Hanna Mukhtaar Cabdilaahi ay kaalinta kowaad u gashay tobanka KM ee dhanka haweenka ah.
14
Tartanka waxa uu kuwii hore kaga duwanaa waxa ka qaybgallay haween iskugu jiray muwaadiniin iyo Ajanabi, kuwaas oo ku ordayey orodka tobanka Killomitir. Wasiirka Dhalinyaraddda iyo Ciyaaraha Somaliland, Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in tar-tankani yahay kii ugu horeeyay ee Somaliland lagu qabto, waxaanu bogaadiyay dhalinyaradda reer Somaliland ee ku guulaystay tar-tankaasi. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Saylici oo soo xidhay xidhay tar-tankaasi ayaa isna si weyn u hambalyeeyay dhalinyaradda reer Somaliland ee ku guulaystay tartankaasi, waxaanu Madaxweyne ku-xigeenku sheegay in tartankani sumcad ballaadhan usoo jiiday Somaliland. Ugu dambeyntii waxa abaalmarino iyo shahaadooyin la gudoonsiiyey dhallinyaradii ku ordayey magaca Somaliland ee guulaystay
15
6. Tartan Kubada Cagta ah oo ka Qabsoomay Magaalada Burco Isuduwaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka togdheer mudsne kayse yuusuf cilmi ayaa si rasmi ah uga furay garoonka bayle ee magaalada burco wareeg ka kooban 12 kooxood oo heerka sero C da ah.
16
Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Isuduwaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka togdheer mudsne kayse yuusuf cilmioo ku dheeraaday horumarka ciyaaraha ee ka hanaqaaday gobolka togdheer mudada uu hayey xilka isu-duwanimo ,isagoo dhalinyaradii halkaasii ku sugnaydna u balanqaaday inuu marwalba la barbartaagan yahay dhiirigelinta nooc oo kale ah Isu duwaha ayaa sidoo kale sheegay inay waqti dhaw ka furi doono wareegyo kale garoomada kale ee magaalada burco.
Siuduwaha ayaa ka sheegay inayna u kala soocnayn dhmaan kooxaha gobolka togdheer haday tahay sero A,B,C imikana ahmiyada la siinayo dhalinta da’da yar oo tartankii u horeeyey loo qabanayo Isuduwaha yaa ka sheekeeyey faaiidada ay ciyaaraha u leeyihiin da’yarta oo ay noqonayaan ciyaaraha geed ay gabaad kaga dhigtaan balwadaha , mukhaadaraadka iyo falalka gangs ah ee lagu dhacayo hantida bulshada . Ugu dambayn mudane kayse wuxuu mahad celin balaadhan usoo jeediyey wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha somalailand iyo agaasimaha wasaaradasi
17
7. Maalinta Dhalinyarada Somaliland Feb 20, 2019 Oo Lagu Xusay Magaalada Hargeysa
Magaalada Hargeysa waxaa siweyn looga xusay maalinta dhalinyaradd Somaliland taasi oo loo asteeyay 20/2/2019. Waxaana socodka luga subaxnimadii Shalay (Maanta) ku maray inta u dhaxeysa xarunta wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo taalada xuska UFFO ee ka soo horjeedka maxkamadda gobolka Maroodijeex inta hataan ka nool dhalinyaradii maalintii dhagax-tuurka, masuuliyiinta ugu sareeya wasaarada Dhalinyarada Iyo iyo ciyaaraha iyo taalada xuska UFFO ee ka soo horjeedka maxkamadda gobolka Maroodijeex inta hataan ka nool dhalinyaradii maalintii dhagaxtuurka, masuuliyiinta ugu sareeya wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha,Dallada Dhalinyarada Qaranka Ee SONYO ,bulshoweynta caasimada iyo waliba ardayda kala duwan ee dugsiyadda dalka.
18
Xuska maalintan ayaa waxaa ciwaan looga dhigay “Qaran wuxu dhaqaaqa xidigaha u dheelmaa, marku dhumuc awoodiyo, dhalin xoogan yeeshe;. Iyada oo halku dhiga sanadkanina uu ahaa Daahfurka Awoodaha Dhalinyarda Somaliland. Gudoomiyaha daladda heer qaran ee Somaliland Sonyo Cabdicasiis Siciid Saalax oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay munaasibadii lagu weynayay maalintan oo ka qabsoontay Hutel Ambasator ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu yidhi “Maanta waa maalin taariikh facweyne leh, taariikhdeeduna waxaa ay ka soo bilaabantey dhalinyaradii ka hortagtey diiday, dulmigii dawladii gabood falka badneyd ee Siyaad Bare, dhalinyaraddu maalintii ay dhagax-tuurka sameeyeen ilaa maalintii aynu wadanka qabsaney waxaa socday halgan dheer oo dalkan, anaga oo og shaqa la’aanta jirta waxaa aanu nidhi laba boqol oo Kun ayaanu u heynaa, ;labadaasi boqol ee Kuna hadii aanu is nidhaahno qaybiya oo wax u qabta in aanay wax badan gaadheyn ayaanu og-nahay, sanduuqan waxaa aanu sanadkaaba jilcineynay oo dhan walba kaga nimid sida uu u eekaanayo qorshaha lagu shaqeynayo cida ka mid noqoneysa, markaa waxaa ay noqoneysa mid dawladdu ay qayb ka tahay, mushtamaca aan dawliga aheynina ay qayb ka yihiin, ganacsataduna ay qayb ka tahay. Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada marwo Hinda gaani ayaa halkaasi ka hadashay sheegtayna “Dhalinyaradii reer Somaliland ee joogtay wakhtigii ugu adkaa ee markhaatiyaashoodu ay yihiin kuwa goobtani maanta ku sugan, ee dilka lagu xukumay iyo kuwii ku dhawaaday, hadii ay ahaayeen aasaasayaasha qaranimadda Somaliland ee dabkii iyagu ay shideen iyo durbaankoodi iyo naf hurnimadoodii, aynu
19
hada ku soo gaadhney aynu sida aynu doono ugu damaashaadeyno, maxay tahay hiigsiga iyo caqliga iyo aqoonta iyo ujeedada iyo macnaha fikirka ay doonayaan inay gaadhaan dhalinyaradda maanta joogta maxay tahay? waxaan hanbalyaynayaa urrurka dhalinyaradda qaranka Somaliland ee SONYO, aniga oo uga mahad celinaya munaasibadan ay sida weyn u soo abaabuleen, iyo ka wasiirkooda ee qaaliga ahba, laguna dareensiinayo bulshada reer Somaliland dhalinyaraddu maxay tahay? aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa Waxaan halkan hanbalyo uga dirayaa dhammaan bahda wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo garoomadda Somaliland dhammaantood ku qaban doona ciyaar laguna soo dhaweynayo laguna sagootiyayo xuska maalintani”;Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilllaahi Ismaaciil Saylici ayaa golaha guurtidda iyo wakiiladda ku dhaliilay muda badan ee ay kuraasta fadhiyaan waxaanu soo jeediyay in lagalo doorasho xor iyo xalaala waxaanu yidhi “Dhalinyaranimdda wakhtigeedu waa qaali, waa in aydaan wakhtigiina ku luminin qabyaalad iyo balwadaha aan loo baahneyn, ee aad noqotaan dad soo jeeda oo shaqo u diyaara oo waxqabtaan wadankana wax ka badel ku sameeyaa, Dimuquraadiyadii waxaa aynu sameynay inay kuraastu isbedesho, oo madaxweyneyaal isbadelaan, hase ahaate golihii sharci dejinta in uu midna fadhiyo 26-sano midna fadhiyo 24-sanadood bar ayay ku tahay qaranimadda Somaliland, taasina waxaa ay u baahan tahay far kaliyihi fooll ma dhaqde in loo wada diyaar garoobo sidii doorasho xor iyo xalaala loogu diyaar garoobilahaa, wixii wanaagsana aynu u taageerilaheyn, cida inaga carqaladeyneysana dhan uga soo wada jeesanlaheyn, aad iyo aadna waan idiin hanbalyeynayaa oo maanta waa maalintiini.
20
Mid ka mida dhalinyaradii maalintaasi goob jooga u aheyd dhagax tuurkaasi ayaa ku taliyay in manhajka qaranka Somaliland lagu daro barashadda taariikhda maalintani waxaanu yidi”Maanta waa maalin taariikhiya, waana in lagu daraa manhajka iskuuladda. waxa ugu mihiimsan ee taariikhda loo barta waa inaan lagu celin khaladaadkii hore u soo dhacay, bulshadda badhkeed waxaa ay yidhaahan maxaa isbadelay, intiina dhalinyaradda ah ee hada sawirqadayaasha ah ee kamaradda indhaha iga galinaya lama ogoleyn, waxaa ceynkaasi oo kale ah, xoriyatul qawlka lama ogoleyn, dadka laf ahaantiisa ayaaba la xasuuqayay”Ayuu yidhi mid ka dhalinyaradii maalintaasi goob jooga u soo ahey. Waxaa Sidoo kale Xusid mudan in xuska maalintan dhalinyarada Somaliland ayaa sidoo kale laga xusay guud ahaan magaalooyinka waa weyn ee Somaliland iyada oo ayna ku beegantahay 37 guuradii maalintii dhagaxtuurka
21
8. Magaalada Ceerigabo Oo Laga Xusay Xuska Maalinta Dhalinyarada Somaliland Magaalo madaxda gobalka sanaag ee ceerigaabo ayaa waxaa si balaadhan looga xusay maalinta dhalinyarada UFFO ee 1982 kii.
Munaasibada maalinta dhalinyarada oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka sanaag emagaalda ceerigaabo ayaa waxaa soo qabanqaabiyey wasaarada dhalinyarada ito ciyaaraha Somaliland ee gobolka sanaag,waxaana munaasibadaasi kazoo qayb galay oo halkaasi hadaloku wajahan muhiimada maalintani ugu fadhido dhalinyarada reer Somaliland iyo guud ahaanba qaranka Somaliland ka jeediyey gudoomiye ku xigeenka gobolka sanaag,xoghayha maamulka gobolka sanaag, masuuliyiinta ururada dhalinyarada ee gobolka sanaag ,bahda wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ,aqoonyahan,siyaasiyiin iyo masuuliyiinta laamaha dawlada. Midka mida dhaliyarada gobolka oo ku hadlayey magaca dhaliyarada gobolka ayaa sheegay sida dawlada manta jirtaa heegan ugu tahay kor uqaadida iyo tayaynta aqoonta dhalinyarada Somaliland iyo sidii loo dhisi lahaa aqoontooda ku wajahan wadan jacaylka isagoo carabaabay sida dawladu ugu dhiiratey bilawga barnaajimka
22
lamagac baxay shaqo qaran taasi oo ujeedka ka dambeeyaa yahay shaqa gelinta da’yarta wadanka iyo waxbairstodaba.
Waxa iayguna madasha ka hadlay masuuliiyiinta heer gobol ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland oo sheegay in maalinta 20 febauary aanu ku iman fadhi iyo ciyaar ee dad reer Somaliland ah nafahooda loo sadqeeyey oo kumanaan nafahooda ku waayeen dhalinyaradana ku booriyey weynaynta iyo qiimeynta maalintan Sidoo kale waxay masuuliiyiintu halkaa ka cadyeeyeen in wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland dedaal ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa waxqabadka wasaarada ee gobolka sanaag iyo siday wasaaradu ugu heelan horumarintoodaba . Gudoomiye ku xigeenka gobolka sanaag ayaa halkaasi hambalyo ugu diray dhamaaan dhalinyarta reer Somaliland, uguna baaqay ilaalinta maalintan qiimaha u leh qaranka Somaliland Sidoo kale sheegay in maalintan loo xusayo sababta dhalinyaro wax qabatay oo midhahoodii lagu hadhsanayo Intaa kadib waxa ciyaar maaalintan lagu xusayo lagu qabtay garoonka kubada cagta ee gobolka sanaag, halakaaasi oo kooxihii guuleystay loogu qaybiyey agab sports. Tartan Ciyaareed Lagu Xusayey Maalinta Dhalinyarada Somaliland Oo Lagu Qabtay Magaalada Caynaba Ee Xarunta Gobolka Saraar
23
Iyada oo ay ku beegnay xuska dhalinyarada jamhuuriyada somalailand ayaa waa magaalaada caynaba lagu qabtay tartan ciyaareed oo lagu xusayey maalinta dhalinyarada . Tartankan oo ay soo qabanqaabisay wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee gobolka saraar iyo dallada ururada dhalinyarada Somaliland ee sonyo ayaa waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyey isuduwaha wasaarada ciyaaraha ee gobolka saraar xuseen axmed cawad, xoghayaha dawlada hoose ee degmada caynaba cumar maxamuud muuse iyo dhalinyaro ku hadlaysay kooxaha kala duwan ee tartankan ka qaybgalay waxayna dhamaan soo dhaweeyeen tartamada noocan oo kale ah ee lagu dhiirigelinayodhalinyarada gobolka saraar . Waxay sidoo kale hambalyo u direen dhamaan dhalinyarada reer Somaliland iyo maamulka wasaarada ciyaaraha ee gobolka saraar sida dedaalka ka muuqdo ee tartankan usoo abaabuleen gaar ahaan isuduwaha gobolka.
24
9. Xidhiidhka Kubada Cagta Aduunka ee Dalalka aan la Aqoonsanayn (Confederation of Independence Football Association) oo Somaliland u Yimid Suurto Galnimada ku Qabashada Tartanka 2020 ee Dalalka aan la Aqoonsanayn
(08,--11,03,2019)- Xoghayaha Guud ee Xidhiidhka Kubada Cagta ee dalalka aan la aqoonsanayn CONIFA Mr. Soscha Duerkop iyo sarkaal sare oo wehelinayay kana tirsan maamulka Conifa Mr. Paul C. Watson ayaa socdaal shaqo ku yimid dalka Somaliland, ujeedada socdaalkooda ayaa wuxuu ahaa inay u kuur galaan suurto galnimada in Somaliland lagu qabto tartanka kubada cagta ee dalalka aan la aqoonsanay ee 2020, iyaga oo eegaya dhinacyada garoomada, hudheelada martigelinta, adeega caafimaad iyo shirkadaha caymiska ee dalka ka dhisan. Wefdiga ayaa mudadii ay dalka joogeen
25
waxay la kulmeen masuuliyiinta dhinaca ciyaaraha oo ay ugu horeeyaan masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo masuuliyiinta Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland, iyaga oo ka wada hadlay qaabka uu tartanku u qabsoomayo iyo sidoo kale dhamaan waxyaabaha looga baahan yahay Somaliland ee ku saabsan qabsoomida tartankaasi, masuuliyiinta Somaliland ee dhinaca ciyaaraha ayaa iyaguna uga waramay xaalada ciyaaraha dalka iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen, waxaanay sidoo kale u sheegeen inay Somaliland leedahay dhamaan waxyaabaha looga baahan yahay dal la aqoonsan yahay iyo in Somaliland ku naalooto nabadgelyo taam ah. Wafdiga Conifa oo ay wehelinayaan masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland ayaa socdaal indho indhayn ah ku tagay garoomada kubada cagta ee magaalooyinka qaarkood sida garoonka kubada cagta ee Hargeysa stadium, garoonka Xaaji Daahir ee Borama, garoonka Mo. Farah ee Gabilay, garoonka Cabdale ee Berbera iyo garoonka Halamsay stadium ee Burco, goobahan ayaa waxa ku soo dhaweeyay maayarada magaalooyinka iyo masuuliyiinta Wasaarada ee heer gobol oo war bixin ka siiyay garoomadan iyo xaaladooda iyada oo ay wafdiga ka socday Conifa ay si qoto dheer ugu kuur galeen garoomada kubada cagta ee magaalooyinkaa, dhakhtarada, cisbitaalada iyo shirkadaha caymiska.
26
Arinta ayaa waxa ka soo shaqeeyay muwaadiniin reer Somaliland ah oo degan dalka UK, kuwaas oo hore u suurto galiyay in Somaliland ka qayb gasho tartanka kubada cagta ee dalalka aan la aqoonsanayn 2016 oo ka qabsoomay dalka Ubkhasiya. Wefdiga ka socday Conifa ayaa ku qancay inay Somaliland marti gelin karto tartanka kubada cagta ee dalalka aan la aqoonsanayn ee 2020, waxaanay ku taliyeen in garoomada qaarkood loo sameeyo qolalka lebiska oo ka dhiman mudada ka hadhay tartanka taas oo suurto gal ay tahay in la fuliyo.
27
10. Kulan Lagu Ansixinayo Qorshaha Istaraatijiyada Qaybta Dhallinyarada ee Qorshaha Qaranka Labaad oo ka Qabsoomay Magaalada Hargeysa
(14, 03, 2019)- Kulan lagu ansixinayo qorshaha istraraatijiyada qaybta dhallinyarada ee qorshaha qaranka labaad (Youth Sector Strategy Plan for NDP II) ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay daneeyayaasha arimaha dhallinyarada oo ka koobnaa wasaaraddaha iyo hay`addaha dawlada ee ay khusayso arimaha dhallinyarada, ururada bulshada ee ka shaqeeya arimaha dhallinyarada, hayaddaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah iyo ganacsatada shirkadaha. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha mudane Cabdikariim Xuseen Siciid oo furay kulankan ayaa sheegay muhiimada ay qaranka ugu fadhido
28
istaraatijiyadu maadaama ay ka hadlayso sida ugu sahlan oo loo fulinayo qorshaha qaranka labaad qaybtiisa dhallinyarada oo sheegaysa in wax badan laga qabto baahiyaha ku gedaaman ee dhallinyarada ee ay ka mid tahay shaqo abuurka, ka fogaanshaha balwadaha, joojinta tahriibta iyo ka hortaga cudurada faafa ee galmada ku yimaada iyo arimo kale oo muhiim u ah dhallinyarada. Agaasimaha dallada SONYO Cumar Cismaan Miigane oo ka hadlay munaasibada ayaa sheegay inay dareemayaan sida ay uga go`an tahay wasaaradda iyo xukuumadaba wax ka qabashada baahiyaha tirada badan ee ku gedaaman dhallinyarda taas oo ku imanaysa fulinteedu inay wada jir uga shaqeeyaan xukuumada gaar ahaan wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, hay`addaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah iyo ganacsatada shirkadaha waawayn oo iyagu sidii loo baahnaa aan uga shaqayn arimaha dhallinyarada marka laga reebo shirkado ganacsi oo fara ku tiris ah. Waxa isaguna munaasibada ka hadlay Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta oo sheegay inay aad u soo dhawaynayaa istaraatijiyadan oo ah hanaanka labaad ee qorshaha qaranku marayo, iyada oo ka hore yahay in la sameeyo qorshe qaran oo ka kooban qaybo kala duwan marka xigtana la sameeyo istaraatijiyadii lagu fulinayay qorshahaasi. Waxa kale oo uu amaanay wasaaradda oo uu sheegay inay ka maarantay aqoonyahano dibada ka ah oo loo soo kireeyo samaynta siyaasada balse iyagu isku tashaday taas oo uu xusay inuu arintaasi ku amaanan yahay agaasimaha waaxda qorshaynta iyo xog ururinta ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo xirfad iyo farshaxanimo aad u saraysa ku sameeyay istaraatijiyada. Istaraatijiyada oo nuxurkeedu yahay sida ugu sahlan oo loo fulinayo qorshaha qaranka ee labaad NDP II qaybtiisa dhallinyarada ee sadex sano 2019-2021 ayaa ka soo qayb galayaashu ku gorfeeyeen arimaha lagu dari karo ama laga reebo karo qabyo qoraalka istaraatijiyada oo ay soo diyaariyeen waaxda qorshaynta iyo xog ururinta ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha.
29
11. Orodyahano reer Somaliland ah oo ka Qayb Galay Tartan Orodada ah oo Ka Qabsoomay Dalka Djibouti
(14--17,03,2019)- Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed (Boos) oo hogaaminaya wefdi ay ka mid yihiin agaasimaha waaxda ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil iyo gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland iyo orodyahano ayaa safar shaqo u tagay dalka Djibouti. orodyahanada Somaliland ah ayaa ka qayb galay tartan orodada ah oo heer caalami ah oo lagu qabtay dalka Djibouti, orodyahanada oo tiradoodu ahayd sadex orodyahan ayaa waxay ka qayb galeen orodada 800m, 3000m iyo 5000m iyaga oo galay kaalmo muhiim ah marka aad u eegto orodyahanada caalamiga ah ee tartankaasi ka qayb galayay oo ahaa kuwo leh waayo aragnimo iyo tababaro aad u sareeya oo ay ku soo qaateen dalalka dhulkoodu sareeyo.
30
Orodyahan Khaalid Xuseen Yuusuf oo ordayay orodka 800m ayaa galay kaalinta sideedaad isaga oo ku orday 2 minit iyo 16 sec, sidoo kale Xamse Macalin Bade oo ka qayb galay tartanka orodka 3000m ayaa galay sagaalaad isaga oo ku orday 8 minit iyo 49 sec, halka Cismaan Cilmi Sheer oo ka qayb galay orodka 5000m uu muruq booday markuu orodku in yar socday kaas oo dhamaysan kari waayay orodkaais, taas oo muujinaysa in mustaqbalkoodu wanaagsan yahay maadaama orodyahano waawayn oo ka socday dunida gaar ahaan dalalka geeska Afrika oo caan ku ah orodada sida Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Tansaaniya ay tartanka ka qayb galeen tartanka. Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa mudadii uu joogay dalka Djibouti la kulmay masuuliyiinta dalkaasi ee ciyaaraha,
31
12. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo Qabtay Tartan Akadamiyadaha Kubada Cagta
(7—10, 03, 2019)- Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa soo qabanqaabisay tartan kubada cagta ah oo ay ku loolamayeen akadamiyadaha kubada cagta ee ka jira caasimada Hargeysa, tartankan ayaa waxa ka qayb galay afar kooxood oo ka kala tirsan akadamiyadaha kubada cagta ee kala ah akadamiyadaha Ciyaar Same, Horyaalka Hoogan, Dhalaax iyo Libaaxyada, kooxahan ayaa waxay ka koobnaayeen ciyaartoy dadoodu u dhaxayso 14 –17 jir, kuwaas oo ahaa kuwo mudo la barayay habka casriga ah oo loo barto kubada cagta. Tartankan oo ay kooxuhu is wada arkeen ayaa gabagabadii waxa ku guulaystay kooxda akadamiyada ee Ciyaar Same. Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed (Boos) oo ka hadlay munaasibada gudoonsiinta abaalmarinada tartanka ayaa u mahad celiyay muwaadiniinta ku fekeray inay furan akadamiyadaha lagu barto kubada cagta,
32
taas oo ah fursad way oo aanay fahmin ganacsatadeenu, waxa kale oo uu xusay wasiirku inay xukuumad ahaan dhiirigelinayaan arintaasi, taas oo qayb ka ah siyaasadda Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi iyo barnaamijka xisbiga Kulmiye, ugu dambayna waxa uu abaalmarinadii gudoonsiiyay da`yartii ku guulaysatay abaalmarinada.
33
Akadamiyada ayaa ah kuwo ay kuwo ay ka diiwaan gashan yihiin in ka badan 800 oo ciyaartoy, kuwaas oo dadoodu u dhaxayso 12 –17 jir, waxaanay yihiin kuwo barta inay mihnad ka dhigtaan kubada cagta taas oo ah mida aydalal badan oo aduunka ahi gaar ahaan dalal badan oo Afrika ahi ay ku horumariyeen kubada cagta dalalkooda iyaga oo helay ciyaaryahano badan oo ka ciyaara horyaalada kubada cagta ee dalalka Yurub, kuwaas oo dhaqaale iyo magac ku soo kordhiyay dalalkooda.
13. Xidhiidhka Chessta Somaliland oo ka Qayb Galay Tartan Caalami ah
Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa Xidhiidhka Chess-ta Somaliland ayaa markii labaad ka qeyb galay Cup-ka Bariga iyo bartamaha ee loo yaqaano Zone 4.2 oo ay ka qeyb galaan in ku dhaw 15 Dal ayaa waxay sanadkii hore ku soo ciyaareen 2018kii Wadanka Jabuuti, Waxay Somaliland ka mid noqotey kuna guulaysatey in loo aqoonsado Xubin Caalamiya oo ka qeyb gashaTartanada Ciyaaraha Chess-ta ee heer caalami, iyada oo kaalmaha hore ka gasheyWadamadii uu tartanku ku dhex marey wadanka Jabuuti, hadaba bilowgii bishii May 2018 waxaa martiqaad Rasmiya oo heer caalamiya uu xidhiidhku ka heleyWadanka Kenya, 5 ciyaartoy iyo hal wariye oo ka tirsan Tv-ga Qaranka JSL Isagoo si toos ah u soo gudbinaayey heererka tartanka kolba halka uu maraayo waxaa si toos ah loogu soo
34
dhaweeyey ciyaartooyadaasi Garoonka Mombasa iyagoo, si toosa loo gudogaley soo dhaweyniyo Marti-galin wadamada waxaa si toos ah ugu dhex muuqdey garoonka lagu Ciyaaraayey Calanka Jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland, Waxaa ka dhacay garoonka ciyaaro aad u xiiso badan kuwaas oo guulo la taabankaro ay la yimaadeen Ciyaartooyadii ka socdey Somaliland, iyaga oo bartaasi lagu gudoonsiiyey Shahaado Sharaf, waxaa sidoo kale Mahadnaq kala dul dhacayMadaxweynahaChess-ta Kenya Mr. BenardWanjalaisagoo ka markhaati kacay ciyaar wanaagooda, iyo akhlaaqda ka muuqata ciyaartoydan la soo xuley.
35
hadaba guulaha noo ay sabab u yihiin Alleswt ka sokow Madaxweynaha JSL Mudane: Muuse Biixi Cabdi oo ay qeyb ka ahayd siyaasadiisa kobcinta Ciyaaraha wadanka, sidoo kale Madaxweyne ku xigeenkaJSL Mudane Cabdiraxmaan Saylici oo isna dhalinyaradaa u muujiyey garab istaag, sidoo kale waxaan marnaba la ilaabi Karin Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL ee uu Horseedka ka yahayWasiir Boos Mire Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee W.Dh.iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdillaahi Saciid “Khaawi” iyo dhamaan shaqaala weyanaha Wasaaraadda W.Dh.iyo Ciyaaraha, sidoo kale waxaa mahad gaara leh Gudoomiyahaxidhiidhka Chess-ta Somaliland Mudane Mustafe Sh. Cabdiraxmaan, oo runtii wakhtigiisa ugu badan galiya sidii ay meeluu u gaadhi lahaa xidhidhku waana ku mahadsan yahay sida sharafta leh ee uu uga soo baxo markasta waajibkiisa shaqo,
36
14. Tartanka Orodka 10km ee Degmooyinka Hargeysa
(09,08,2019)- Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa Shirkada Takaaful iyo Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ayaa waxay ka fulisay caasimada Hargeysa tartan orodada ah oo qiyaastiisu tahay 10 km, kaas oo ay ku loolamayeen degmooyinka magaalada Hargeysa, tartankan ayaa ah kii labaad ee ay iska kaashadaan Wasaaradda, shirkada Takaaful iyo Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud, iyada oo sanadkii horena ay qabteen tartankan kaas oo noqon doono mid joogto ah. Tartanku markii uu bilaabmayay ayaa waxa ka hadlay masuuliyiin ka kala socday Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Shirkada Takaaful iyo Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud, ugu horey waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland Mudane Mustafe Cabdi/rahman Xadi oo sheegay in ay ka xidhiidh ahaan iyo ka wasaarada ahaanba u mahad-celinayaan shirkadda caymiska ee Takaful
37
oo xidhiidhka markii labaad ka taageertay hirgalinta tartanka degmooyinka caasimadda Hargeisa, sidoo kale waxa uu u mahadceliyey wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha oo runtii la garab taagan xidhiidhka hiil iyo hooba.Waxa kale oo gudoomiyuhu u hambaliyeye degmooyinkii ku guuleystay tartankii degmooyinka caasimadda sidoo kale waxa uu tilmaamay in xidhiidhka ka go,an tahay in uu waxqabto isla markaana waxa uu hambaliyeey degmadii ku guuleytay tartankii degmooyinka caasimadda oo ahayd A/dhagax. Waxa kale oo hadalka qaatay Mudane Xamse Maal oo ka mid ah shaqaalaha shirkadda caymiska ee Takaful oo sheegay in shirkadda Takaful diyaar u tahay mar-walba in ay wax ku celiso macaamiisheeda isla markaana ka war bixiyey adeegyada ay shirkadu u qabato dadweynaha reer Somaliland sidoo kalena sheegay in ay sii wadi doonaan taageeradda ay la garab-taagan yihiin xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland. Waxa kale oo halka hadalka qaatay gudoomiyaha gobolka m/jeex oo runtii u mahadceliyey shirkadda takaful iyo wasaarada dhalinyaradda iyo ciyaaraha isla markaana hoosada ka xariiqey in wasaaraddu aad iyo aad uuga shaqaysay dhiirigalinta dhalinta gobolka iyo guud ahaanba Somaliland.Waxa kale oo u hambaliyeeyey degmadii ku guuleystay tartankii degmooyinka caasimada Hargeisa oo ahayd Degmada A/ dhagax. Waxa kale oo hadal qaatay Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee WDH&C Mudane Maxamed NuurJibriil oo u mahad-celiyey xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland iyo shirkada caymiska ee Takaful isla markaana tilmaamay in shirkadda kale ku daydaan takaful sidoo kalena sheegay in shirkadda takaful looga fadhiyo in ay goboladana wax ka qabato, waxa kale oo uu sheegay in wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaarahu diyaar u tahay in ay dhiirigaliso dhalinyaradda dalka.
38 Ugu dambayn waxa hadalka soo af-meerey Wasiirka Wasaarada Dhalinyaradda Iyo Ciyaaraha Somaliland Mudane Boos Mire oo u hambaliyeeyey dhalintii ka qayb-gashay tartanka degmooyinka caasimadda Hargeisa, sidoo bogaadiyey shirkadda caymiska ee Takaful oo markii labaad maal-galisey tartanka degmooyinka caasimada siina wadi doonta.Waxa kale oo uu bogaadiyey xidhiiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland sidoo kalena waxa uu u hambaliyeeyey degmadii ku guuleystay tartanka degmooyinka caasimadda oo ayhayd degmada A/dhagax.
15. Tartanka Kubada Cagta ee Bisha Ramadaan
(06,05,--05,06, 2019)- Tartanka Kubada Cagta ee bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa ka qabsoomay garoomo kala duwan oo ka dhisan magaalada Hargeysa, garoomada tartankani ka qabsoomay ayaa waxay kala yihiin garoonka Hargeysa Stadium, garoonka Xawaadle, garoonka Guryo Samo, garoonka Maxamuud Axmed Cali, garoonka 31ka May, garoonka Maxamed Mooge, garoonka Dhurqaanta,
garoonka Gacma Dheere, garoomadan oo ah dhamaan kuwo dawliya ayaa waxa ka qayb galay ku dhawaad boqol iyo konton kooxood (150) oo kooxdiiba ka kooban tahay
39
labaatan (20) ciyaartoy taas oo dhan sadex kun oo ciyaartoy (3000), ciyaartoygan ayaa dhamaan waxay ka heleen shirkadihii ay magacooda ku ciyaarayeen. Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha mudane Yuusuf Mire Maxamed (Boos) iyo masuuliyiinta kala duwan ee wasaaradda oo uu ugu horeeyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cabdillaahi Siciid ayaa kala qayb galay furitaankii tartamadaasi gudiyada xaafadaha garoomadaasi ee soo qabanqaabiyay tartamada kubada cagta ee bisha Ramadaan, masuuliyiinta ayaa sharaxay ujeedada tartanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in ay ciyaartoyga ciyaaraya iyo dadka daawanayaaba ay ilaaliyaan anshaxa maadaama bishii barakaysnayd ee Ramadaan lagu jiro, maadaama ciyaaruhu is dhexgalka bulshada ay qayb wayn ka qaataan ayaa waxa dhib ku ah in ciyaaruhu ay sababaan rabshado dhex mara ciyaartoyga ama dadwaynaha daawanaya taas oo dhaawac u gaysanaysa ujeedadii laga lahaa ciyaaraha. Sidoo kale masuuliyiinta wasaaradda ayaa inta badan garoomada Hargeysa ee tartamada kubada cagta ee Ramadaan ka socdeen kala qayb galay xidhitaankii tartanka iyada oo abaalmarino ay gudoonsiiyeen kooxihii iyo ciyaartoygii ku guulaystay abaalmarinahaasi. Waxa kale oo tartamada ramadaan ee kubada cagtu ka qabsoomeen dhamaan garoomada waawayn ee caasimadaha gobolada dalka oo dhan sida Buroc, Borama, Laascaanood, Ceerigaabo, Berbera, Gebilay, Oodwayne, Caynabo, Buuhoodle, Taleex, Badhan, Baligubadle iyo Saylac waxaana maamulayay dhamaan tartamadaasi masuuliyiinta wasaaradda ee heer gobol, waxaanay ku dhamaadeen dhamaantood jawi wanaagsan.
40
16. Tartanka Tennista (06,05,2019)-Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa Xidhiidhka Tennis ta Somaliland waxa u qabsoomay tartanka bisha barakaysan ee Ramadan Kaas oo ay ka qayb qaateen 16 ciyaartooy oo kala duwan tartankan oo ahaa mid aad xiiso badan ayaa waxa maalgalisay shirkada horn cable tv.Tartanka waxyaabaha xiisaha gaar ka ah u yeelay waxa uu ahaa. Tartan isreebreeb ah (knock out) waxyaabaha dadwaynaha soo jiitay waxa ka mid ahaa in tartanka ay final isugu yimaadan wiil iyo aabihii Waxaana finalka isugu yimid General Aadan Ahmed Canady vs Amiin Adan Canady
Waxaana gushu halkaa ku raacday aabaha oo soo bandhigay ciyaar aad u quruxbadan oo dhiirigalisay dad badan oo waawayn. Waxyaabaha kale ee xiisha u yeelay tartankana waxa ka mida in loogu magac daray wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha JSL Mudane Yusuf Mire Mohamed (Boss) Ugu horayn waxa halkaa ka hadlay gudoomiyaha xidhiidhka tennis JSL Mudane Musa
41
Hashi Abdillahi waxaanu ugu horayn u mahad naqay allah (swt) waxaanu yidhi waxa farxad noo ah in aan qabano tartankii labaad ee sanadkan gudihiisa kaas oo aan ku maamusnay wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha JSL oo u qalma inaan ku maamuusno waayo waa wasiirkii ugu horeeyay ee ku dhiiradada samaynta xidhiidho cusub run ahaantii waana wasiirka kaliya ee shaqaalaha ka hor imaada wasiirkana waxaan leenahay xidhiidhadii waad samaysay laakin waxaa lagaaga fadhiyaa dardargalintooda iyo in loo raadiyo budget ay ku qabtaan tartano joogta ah Gudoomiyuhu waxa uu u mahadnaqay shirkada horn cable tv oo ah shirkad aad u danaysa ciyaaraha gaar’aaha tenniska Ugu danbayn waxa xaflada soo xidhay isla markaana bogaadiyay xidhiidhka la taliyaha wasiirka ee dhanka ciyaarahaMudane Hassan warabe cade Waxa farxad ii ah inaan soo xidho tartanka tenniska miiska oo uu ii wakiishay wasiirka wasaaradda ciyaaraha oo hawl shaqo u baxay Waaanan dhiirigalinayna in ay finalka isigu yimadan wiil iyo aabihii,anigaaba ka qayb qaadan doona tartanada danbe.Ugu danbayna waxa uu gudoonsiiyay jaa’isadihii loogu talagalay ciyaartoyga.
17. Tababar Loo Qabtay Garsoorayaasha iyo Tababarayaasha Ciyaaraha Fudud
42
(22—26,07,2019)- Xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland oo ka duulaya siyaasada qabyo- qoraalka ah ee wasaarada dhalinyaradda iyo ciyaaraha jamhuuriyadda Somaliland ayaa tababar kor loogu qaadayo tayada garsoorka xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somliland uuga furey xarunta wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha tababarkan waxa runtii daadihinayey khabiir sacad oo reer Djibouti isla markaana ka mid ah masuuliyiinta xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Djibout. Khabiir sacad maaha markii koowaad ee uu tababarkan oo kale siiyo garsoorka xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland , sacad waa qof jecel in xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland in uu gaadho isku filnaashiyo dhanka aqoonta iyo waliba in xidhiidhku ka mid noqodo xidhiidhada laga aqoonsan yahay LAAF. Tababarkani waxa uu socday mudo dhan shan cisho waxna ka qayb-galay 23 garsoore oo iskugu jira rag iyo dumar, tababarkan waxa ka caawiyey qabsoomidiisa xidhiidhkan wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Slland. Tababarka waxa furay wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Mudane Boos mire isagoo garsoorayaasha ku dhiirigaliyey in ay si wacan uuga qayb-qaataan tababakan kor loogu qaadayo aqoonta garsoorka xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland isla markaana ka qayb-galka tababakan iyo joogtayntiisu mudada uu socdo in ay muhiim u tahay wasaaradda iyo xidhiidhka. Waxa kale oo garsoorayaasha la hadlay Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee WDH&C Mudane Maxamed Nuux Jibriil isagoo garsoorayaasha ku kula dardaarmay in ayna cilmiga iyo aqoonta marnaba beerdareyn. Waxa kale oo Garsoorayaasha la hadlay Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha fudud ee Somaliland Mudane Mustafe Cabdi/rahman Xadi, musfate waxa uu garsoorayaasha u sheegay in ay xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland u hayaan shaqo adag oo ay mar-walba qayb-laxaadle ka qaataan shaqo kasta oo uu xidhiidhku qabanayo sidaa daraadeed ay muhiim u tahay in la kobciyo tayada iyo aqoonta garsoorka, isla markaana kula dardaarmay garsoorka in ay weeleeyaan aqoonta la siiyo inta uu socdo tababarkani. Waxa kale oo ka hadlay furitaankii tababarka Aqoonyahan Sacad oo ahaa macalinkii tababarka bixinayey oo sheegay in tababarkani muhiim u yahay garsoorka xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland sitaa la mid ahna balan-qaaday in uu joogtayn doono taageerada uu la garab-taagan yahay xidhiidhka iyo wasaaraddaba.
43
Waxa kale oo qabsoomida tababarkan qayb-laaxadle ka qaatay Xoghayaha guud ee X.C.F ee Somaliland Mudane Maxamed Xasan Nageeye (Baney) isagoo isku dubariday qabsoomida tababarkan soconayey mudada shanta cisho ah. Afar cisho kadib markii khabiirkii gudbinayey aqoontu ka qaaday imtixaan toos ah iyo mid dadbanba garsoorayaashii ka faa,ideystay tababarka, waxa la siiyey garsoorayaashii shahaadooyin,Ugu horey waxa ka hadlay goobtii xidhitaan Siciid mire isagoo bogaadiyey sida uu xidhiidhku diyaar ugu yahay in uu tayada iyo aqoonta garsoorka kor u qaado, isla markaana kula dardaarmay in aqoontan garsoorku dabaqaan. Waxa kale oo ka hadlay Gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland isagoo ku dheeraaday ahmiyada iyo qiimaha tababakani uu u leeyahay xidhiidhka iyo garsoorkaba. Ugu dambayntii waxa soo xidhay tababarkan agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Mudane Mohamed cabdilahi Khaawi, Mr Khaawi waxa uu kula dardaarmay garsoorka in ay aqoonta uuga faa,ideeyaan intii aan nasiibka u leeyan isla markaana gaarsoorayaasha u sheegay in ay wasaaraddu diyaar u tahay dhiirigalinta garsoorka.
44 18. Tartanka Kubada Cagta ee Degmooyinka Caasimada Hargeysa. (14, 07—, 08, 2019)- Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa shirkada Astaan Tv ayaa waxay qabteen tartan kubada cagta ah oo ay ku loolamayaan sideeda degmo ee caasimada Somaliland ee Hargeysa kuwaas oo kala ah degmooyinka Axmed Dhagax, Ibraahim Koodbuur, 26ka Juun, Maxamuud Haybe, Gacan Libaax,
Maxamed Mooge, Macalin Haaruun iyo 31ka May. Furitaanka tartanka ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiinta xukuumadda oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed ( Boos), Badhasaabka gobolka, maayarka caasimada Hargeysa, Agaasimaha Guud ee WDHC ,Gudoomiyaha iyo Xoghayaha Xidhiidhka Kubada Cagta iyo Isuduwaha gobolka ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha. Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa furitaankii tartanka ka sheegay inay arintani bilaw ay u tahay tartanka degmooyinka oo sanad kasta la qorsheeyay inuu dalka ka qabsoomo, waxa kale oo uu xusay inay qayb libaax ka qaadanayso is dhexgalka dhallinyarada iyo inay ka mashquulaan ama ka hadhaan balwadaha dhallinyarada dishooday ee uu qaadku ugu horeeyo. Mudane
45
Boos ayaa waxa kale oo uu sheegay inay muhiim tahay in dadwaynaha ku dhaqan xaafada garoonku ku yaalo ee Axmed Dhagax ay ilaaliyaan anshaxa iyo nabadgelyada isla markaana soo dhaweeyaan taageerayaasha degmooyinka kale ee martida u ah degmada Axmed Dhagax. Tartanku mudadii uu socda dadwaynaha ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisa ee nasiibka u yeelan waayay inay garoonka Hargeysa Stadium joogaan ayaa waxay ka daawanayeen si toos ah Astaan Tv oo iyadu baahinaysay dhamaan ciyaaraha, arintan ayaa waxay xiiso gelisay dhamaan dadka dunida dacaladeeda ku nool ee reer Somaliland ee xiiseeya ciyaaraha dalka iyaga oo baraha bulshada soo dhigayay taageeradooda iyo faalooyin ay kaga waramayaan tartankaasi qiimihiisa, sidoo kale waxay arintani dhiirigelin u noqotay ciyaartoygii iyaguna u ciyaarayay degmooyinka kala duwan ee caasimada Hargeysa kuwaas oo magacooda iyo muuqooduba ku dhex wareegayay bulshada ciyaarahaasi sida tooska ah ula socotay, waxa iyaduna soo jiidatay dhamaan daawadayaashii ciyaarahayaasi ee kala socday TVga inay baahintu ahayd mid la heer ah baahinaha ciyaaraha ee dunida sida sida soo celinta (replay) iyo kamaradaha ka tusaya daawadayaasha dhinacyo kala duwan oo aad ugu dhaw taas oo
46
wax wayn ka tartay in la ogaado khaladaadka ciyaarta gudaheeda dhacay. Gabagabadii tartanka waxay ay guushu raacday ciyaartoyga degmada Axmed Dhagax oo ay ciyaartii kama dambaysta ahayd ay isugu yimaadeen ciyaartoyga degmada Ibraahim Koodbuur, iyada oo natiijadii ciyaartaasi ku dhamaatay 2:1. Xidhitaankii tartanka ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Yuusuf Mire Maxamed, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka, Badhasaabka Gobolka iyo ku xigeenka Badhasaabka gobolka, maayarka caasimada Hargeysa, agaasimaha guud ee WDHC, waxaana abaal marin la gudoonsiiyay kooxihii iyo ciyaartoygii ku guulaystay abaalmarinada.
19. Wafdi ka Socda Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dawlada Deegaanka Ethiopia oo Dalka Yimid
47
Wasiirka dhalinyaradda & ciyaaraha jsl ayaa soo dhaweeyay wafdi ka socday dawlad deegaanka somalida itoobiya oo uu hogaaminaayo wasiirka ku-xigeenka ciyaaraha Mudane axmed xasan cilm. Kulankan ayaa daaranaa sidii loo horumarin lahaa Xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada wasaaradood. Wasiirka ciyaaraha mudane Yuusuf Mire Maxamed (Boos) ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey inuu marwalba garabtaagan yihiin Wada shaqaynta Wacan ee ka dhaxeeya dawlad deegaanka somalida itoobiya.. Dhinaca kalena wasiirka ku xigeenka dawlad deegaanka somalida itoobiya mudane axmed xasan cilmi oo hogaaminaayey waftigaasi ayaa isna ka dhawaajiyey inay horumar ballaadhan ka samayn doonaan ciyaaraha kala duwan ee dalku ubaahan yahay.. Wefdiga oo mudo laba cisho ah joogay caasimada dalka ee Hargeysa ayaa kulamo la yeeshay qaybaha kala duwan ee maamulka ciyaaraha dalka sida waaxaha kala duwan ee wasaaradda iyo xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha, waxa kale oo ay mudadii ay ku sugnaayeen dalka soo booqdeen garoomada waawayn ee qaybaha kala duwan ee ciyaaraha.
20. Tababar ku Saabsan Wacyigelinta Cudurada Faafa oo loo Qaybtay qaar ka mid ah Dhallinyarada Gobolada Dalka (07,07,--12,08,2019)2019Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha oo kaashanaysa hay`adda UNFPA ayaa waxay ka qabteen tababar ku saabsan wacyigelinta cudurada faafa caasimadaha lixda gobol ee waawayn ee kala ah Hargeysa, Burco, Boorama, Laascaanood, Ceerigaabo iyo Berbera, tababrka ayaa loo
48
qabtay qaar ka mid ah dhallinyarda ee dhaqan caasimadahaasi kuwaas oo loo sharaxay arimaha keena in dhallinyaradu ay ku dhacdo gogol xumaana (sino) oo ay ugu horeeyaan balwadaha kala duwan ee maandooriyayaasha ah sida khamriga, xashiishada iyo waliba qaadka oo isaguna kaalin wayn ka qaata in dhallinyaradu ku kacdo gogol xumaan ah. Waxa kale oo si wayn laysula qaadaa dhigay arimaha ka iman kara gogol xumaana (sino) oo uu ugu horeeyo cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS iyo waliba cuduro kale oo iyaguna ku faafa galmada, kuwaas oo dhamaantood keenaya in xoogii dalka ee la filayay in waxtarkooda la helo mustaqbalka ay halkaasi ku wiiqmaan
21. Xuska Maalinta Dhallinyarada Aduunka (14, 08,2019)- Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha oo kaashanaysa hay`addaha wadaniga ah ee HAVOYOCO iyo SONYO iyo kuwa caalamiga ah ee OXFAM, UNFPA iyo SAVE THE CHILDREN ayaa waxay qabteen xuska maalinta dhallinyarada aduunka oo ku beegnayd 12, August, 2019. Xuskan oo sanad walba laga xuso dhamaan daafaha dunida oo Somaliland na ay ku jirto ayaa waxa lagu soo bandhigay dhallinyaro hal abuur ah oo naftooda iyo dhallinyaro kaleba u sameeyay shaqo abuur, kuwaas oo ka jeediyay hadalo ay ku sharaxayeen sidii ay guushaasi ku gaadheen.
49
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo furay munaasibadaai ayaa sheegay inay dhallinyaradu yihiin lafdhabarta dal waliba leeyahay isaga oo sheegay inay xukuumadani xooga saartay sidii dhallinyarada wax la taaban karo loogu qaban lahaa waxaanu tusaale u soo qaatay barnaamijka shaqo qaran oo uu sheegay inuu faa`iido wayn soo kordhiyay. Waxa isaguna ka hadlay munaasibadaasi wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha mudane Yuusuf Mire Maxamed (Boos) oo sheegay inay xukuumad ahaan ka go`an tahay inay wax ka qabtaan baahiyaha dhallinyarada walow ay jirto inay xadidan tahay dhaqaalaha aynu hayno, waxa kale oo uu xusay in dhallinyarada looga baahan yahay inay la yimaadaan fikrado hal abuur ganacsi taas oo wax wayn ka tari karta shaqo la`aanta, maadaama aanay dhallinyarada jaamacadaha ka baxaysa aanay ku filnayn xafiisyada dawlada iyo kuwa shirkadaha iyo hay`addahaba. Waxa isaguna ka hadlay Cabdillaahi Xasan oo ahaa agaasimaha HAVOYOCO ee Somaliland kaas oo sheegay inay hay`addaha wadaniga ah oo kaashanaya hay`addaha caalamiga ah iyo dalalka horumaray ee inagala shaqeeya horumarku inay wax la taaban karo ka qabteen shaqo abuurka dhallinyarada oo ah dhibaatada hooyada u ah dhibaatooyinka haysta dhallinyarada aduunka gaar ahaana kuwa Somaliland, waxaanu sheegay inay xooga saareen sidii dhallinyarada looga dhisi lahaa xirfadaha taas oo suurto gelinaysa inuu sida ugu dhakhsaha badan u shaqo tago.
50
22. Xadhig ka Jarida Rooga iyo Dhismaha Garoonka Alamsay Stadium Burco
Madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xadhiga ka jaray garoonka kubada cagta iyo ciyaaraha fudud ee Halamsay stadium ee magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco. Garoonkan oo lagu sameeyay dib u habayn casriya oo ah in la dhigay rooga casriga ah ee cagaaran (artificial grass) iyo dayactir lagu sameeyay garoonka gidaaradiisa iyo kaabadaha oo roobab ay dumiyeen sanadkii 2018 ayaa waxa maalgeliyay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi taas oo qayb ka ahayd balanqaadkiisii wakhtigii ololaha doorashada oo uu ku balan qaaday in hadii uu talada dalka ku guulaysto uu wax ka qaban doono arimaha dhallinyarada iyo ciyaaraha isaga oo sii ambaqaadi doona halka ay soo gaadhsiisay xukuumadii ka horaysay ee Xisbiga Kulmiye ee uu gadhwadeenka ka ahaa Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
51
Arintan ayaa waxay qayb wayn ka qaadanaysaa kor u qaadida tayada ciyaaraha dalka gaar ahaan gobolka Togdheer magaalo madaxdiisa Burco, waxaanay ku dhiirigelinaysaa dhallinyaradu inay kaga maararoobaan dhinaca ciyaaraha arimaha aadka u naafeeyay ee ay ka midka yihiin balwadaha sida qaadka iyo xanuunada ku faafa galmada ee dilaaga ah.
23. Tartanka Kubada Cagta ee Kooxaha heerka Koowaad ee Ceerigaabo
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa ka fulisay tartanka kooxaha heerka koowaad magaalada Ceerigaabo kooxaha tartanka ka qayb galay ayaa waxay yihiin laba iyo toban kooxood iyaga oo u qabsan afar qaybood (groups) iyada oo qayb walba ay ku wada jiraan sadex kooxood ayaa waxa ka soo baxaya laba kooxood ee ugu dhibcaha badan marka ay wada ciyaaraan kooxaha ku wada jira qayb waliba, waxaanay u qabsan yihiin sidan
52
Group A 1. Gaashaan 2. SBI 3. Ajax
Group B 1. Muunays 2. Surdu Stationary 3. Unigas
Group C 1. ZamZam Group 2. Alif Jet 3. Tuurta
Group D 1. Goodir 2. Golis University 3. Beder Hotel
Furitaanka tartanka ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiinta wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha oo uu ugu horeeyo agaasimaha waaxda ciyaaraha Maxamed Nuux Jibriil, Isuduwaha gobolka Cabdi Ismaaciil Guuleed iyo masuuliyiinta Xidhiidhka Kubada Cagta oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha garsoorka kubada cagta Somaliland Khadar Xuseen Jaamac ( Khadar Jiilaal). Agaasimaha waaxda ayaa oo ka hadlay munaasibadii furitaanka tartanka ka waramay ujeedada tartanka ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu inay tahay maamul daadejin dhinaca tartamada ah oo ay wasaaradu ka bilawday dhamaan gobolada dalka iyada oo loogu horeysiiyay gobolada bariga oo laga bilaabay markii ugu horaysay magaalada ceerigaabo, taas oo qayb ka ah dadaalka ay wasaaradu ugu jirto inay gaadhsiiso dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka tartamo ciyaareed oo tayo leh, waxaanu kula dartaamay dhamaan ciyaartoyga kooxaha
53
ka qayb galaya tartanka iyo dadwaynaha daawanayaba inay nabadgelyada ilaaliyaan isla markaana ka ilaaliyaan gobolka sumcad xumada ay keeni karto rabshado ka dhaca ciyaarahan. Waxa isaguna halkaasi ka hadlay isuduwaha gobolka oo uga mahadnaqay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha inay ahmiyada siiyeen in gobolada ay soo gaadhsiiyaan tartamo ay iyagu maalgeliyeen iyada oo weliba gobolkii koowaad uu noqday gobolka Sanaag magaalo madaxdiisa Ceerigaabo, waxaanu balanqaaday inay maamul ahaan iyo ciyaartoy ahaanba ku dedaali doonaan sidii talaabo looga qaadi lahaa cid kasta oo isku dayda inay carqalad geliso qabsoomida tartankan, isaga oo sheegay inay la tiigsan doonaan sharciga.
24. Tartanka Orodada 5 KM ee Magaalada Ceerigaabo (24, 08, 2019)- Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud iyo waliba HCTV ayaa waxay tartan 5 km ka hirgaliyeen gobolka Sanaag.Tartanka waxa loogu magacdarey Tartanka Nabada iyo is dhex-galka dhalinyarada gobolada sanaag, tartankan waxa ka qeyb-galay 100 orodyahan iyadoo abaal-marin la gudoon siiyey 10 orodyahan ee kaalmaha hore ka galay tartankan loogu magic-darey tartanka nabada iyo is dhexgalka dhalinyarada. Uugu horeyn waxa tartankan ahmiyadiisa ka hadlay Mudane Mustafe Cabdirahman
54
Xadi (Diyaaro) oo ah Gudoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland isagoo hoosta ka xariiqey in ay dhalinyaradda reer sanaag nasiib u heleen ceerigaab oo highland oo la mid ah Ethiopia. Sidaa awgeed waxa uu kula dardaarmey dhalintii ka qeyb-galaysay tartanka in ay dadaal la miyaadaan xidhiidhka iyo wasaaraduna taageero la garab istaagi doonaan. Sidoo kalena u mahad-celiyey HCTV oo runtii taariikhdu xusidoonta waayo waa TV diyaar u ah in uu taageero la garab istaago dhalinyarada dalkeeena. Waxa kale oo halka qaatay Iskuduwaha Wasaarada Dhalinyaradda Iyo ciyaaraha ee Gobolka Sanaag waxa uuna tilmaamay in wasaarada iyo xidhiidhkuba diyaar u yihiin dhiirigalinta dhalinyaradda. Ugu dambayntii waxa halka so oaf-meerey Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha EeWDH&CMudane Maxamed Nuur Jibriil isagoo uugu horeyn u mhad-celiyey HCTV, gudoomiyaha gobolka sanaag, Maayirka gobolka, Ciidamada , Bisha cas, Iskuduwaha gobolka. Orodyahanadii ka qeyngalay tartanka gaar ahaan 10 orodyahan ee kaalmaha hore ku guuleysatay.Mudane maxamed waxa uu dhalinta ku dhiirigaliyey in ay ka fogaadaan qabyaalada iyo wax-kasta oo wax u dhimaya nabada iyo wada noolaanshaha dhalinta ku dhaqan gobolka sanaag.
25. Tartanka Kubada Cagta ee Kooxaha heerka Koowaad ee Laascaanood
55
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa Xidhiidhka Kubada Cagta Somaliland ayaa ka qabatay tartanka kubada cagta kooxaha heerka koowaad ee Laascaanood, tartanka ayaa waxa ka qayb loolamaya lix iyo toban (16) kooxood oo ah kooxaha heerka koowaad ee magaalada Laascaanood waxaanay u qaybsan yihiin afar qaybood (groups) iyada oo qayb waliba soo wada ciyaarayaan ayaa waxaa ka soo bixi doona qayb walba labada kooxood ee ugu sareeya waxaanay kala yihiin sidan:Group A. 1.Tog Sool 2.Nugaal 3.Hot Boys 4.Goodir
Group B 1. Gaashaan 2. Daraawiish 3. BSD 4. Dabka
Group C 1. Bari iyo Galbeed 2. Bisha Cas 3. Ilays 4. D/Hoose
Group D 1. Gol Khaatumo 2. City Star 3. W/ Maaliyada 4. Jabuutaawi group
Tartankan ayaa ah kii ugu horeeyay ee tan iyo intii dayactirka casiga ah lagu sameeyay garoonka kubada cagta ee Cabdi Bile magaalada Laascaanood ee ay ku ciyaaraan kooxaha heerka koowaad ee magaaladaasi, waxaanu noqday mid aad u xiiso badan iyada oo marka laga yimaado garoonka cagaaran ee lagu ciyaarayo ay wehelinaysay in ciyaar kasta oo tartanka ka mid ah si toos ah looga baahinayay warbaahinta qaarkood sida baraha bulshada iyo TVga caalamiga ah ee Horn Cable TV oo isagu gacan ka gaystay sidii tartankan looga daawan lahaa dunida dacaladeeda oo ah dalka gudihiisa iyo dibadiisa, arintan ayaa ku beertay ciyaartoyga inay dareemaan dhiirigelin aad u saraysa, waxa kale oo gacan ka gaystay shirkada Telesom oo ku deeqday internetka lagu baahinayo ciyaarahaasi mudada uu tartanku socdo. Tartanka ayaa la filayaa inuu dhamaado bilawga bisha November.
56
57
26. Kulan Ku Saabsan Isku Xidhka Daneeyayaasha Arimaha Dhallinyarada oo ka Qabsoomay Magaalada Hargeysa
(30, 09, 2019)- Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo kaashanaysa hay`adda UNFPA ayaa waxay qabteen kulan ku saabsan isku xidhka daneeyayaasha arimaha dhallinyarada (Youth Sector Coordination Meeting), kulankan oo ay ka soo qayb galeen hay`addaha dawlada ee ay khusayso arimaha dhallinyarada, hay`addaha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah, hay`addaha qaramada midoobay (UN organizations) iyo shirkadaha ganacsiga ee waawayn ayaa ujeedadiisu waxay ahayd sidii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu ula wadaagi lahayd dhamaan daneeyayaasha siyaasadda dhallinyarada ee Somaliland (Somaliland National Youth Policy) iyo qorshaha qaranka labaad qaybtiisa dhallinyarada oo dhawaan loo sameeyay mudnaanta inta leh (prioritization of National Development Plan II Youth Sector) iyo sidoo kale inay
58
jeediyaan ama sharaxaan hay`ad waliba wixii ay ka qabatay mashaariicda dhallinyarada ee ay ka shaqeeyaan. Ugu horayn kulanka waxa ka hadlay agaasimaha waaxda dhallinyarada Mr. Maxamed Xasan Cabdi oo uga mahadceliyay ka qayb galayaasha inay soo ajiibeen yeedhitaankii loo yeedhay sidoo kalena sharaxay ujeedada kulanka. Waxa isaguna furay kulanka agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mr. Maxamed Cabdillaahi Siciid oo sheegay in kulanka ujeedadiisu tahay inay Wasaarada ahaan ogaadaan waxyaabihii ka qabsoomay qorshaha qaranka ee labaad qaybtiisa dhallinyarada (National Development Plan II for Youth Sector) ee ay fuliyeen daneeyayaasha arimaha dhallinyarada haday yihiin hay`addaha qaramada midoobay, hay`adaha caalamiga ah, hay`addaha wadaniga ah iyo shirkadaha ganacsiga. Sidoo kale in la ogaado mashaariicda hal goob laga wada fuliyay si looga fuliyo mashaariicda gobolada dalka si isu dheeli tiran. Waxa iyaguna goobta ka jeediyay mashaariicdii ay ka qabteen dalka ee khuseeyay arimha dhallinyarada si toos ah iyo si dadbanba dhamaan hay`addihii ka soo qayb galay kulankaasi oo kala ahaa UNFPA, UNICEF, IOM, Save the Children, OXFAM, SPARK, World Vision, Care International, The Girl Generation, Mercy Corps iyo sidoo kale hay`addaha wadaniga ah ee SONYO, HAVOYOCO, SHAQODOON IYO YPEER
59
60
JAMHUURIYADA SOMALILAND WASAARADA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA