CIISE MA GUULDARAYSTO!
Cabsida laga qabo guuldaradu waa xaalad casriga la socota. Haddii aynu ku noolaan lahay duni aynaan maalin walba la kulmayn guuldaro, noloshu way fiicnaan lahayd.
Waxaa jira warsan oo ku saabsan guuldarada. Middaa waxbaa laga qabtay.
Haddii aad dareemayso guuldaro ama uu qof sababay inaad guuldaraysato, waxaan ku barayaa
Mid, Kaas oo ka gudbay kana adkaaday guuldarada. Ma doonaysaa inaad middan ogaato iyo sidii lugu helay? Taasu waa ujeedada buuggan yar: in aad ogooto in uu jiro jid kaa gudbinaya guuldaradii aad soo martay iyo waliba kuwa soo socda.
Waa run. Waan la kulmaynaa guuldaro. Waa dembi. Ma ahayn waalidiinteennii koowaad oo kaliya kuwa guuldarada kula kulmay Beertii
Ceeden, sidaasna ay waalidkeen ku dhaxleen.
Balse innaguna waan dhaxallay guuldaradaas.
Dembigu wuxuu kharqiyay dunideenna. Dembigu wuxuu ina dhigay beerta dhimashada, murugada iyo garasho la’aanta.
Maanta waxaan rabaa inaan kula wadaaggo in taasu aysan halkaa ku dhammaanayn. Waxaa la ina siiyay jid aan kaga gudubno.
DADKU WAY INA GUULDAREEYAAN
Waa run in dadku inoo horseedo guuldaro; xataa saaxiibadeen way inoo keenaan guuldaro.
Waxaan luggooyo kala kulannaa ruun aan isku hallaynay. Qof aynu jecel nahay ayaan xumaan kala kulannaa. Waxaan saaxiib ka dhigannaa qof aan isagu ina rabin. Jabka ay inoo gaystaan dartii, ugu dambaysta waan ka qalbi-jabnaa dadka kale iyo saaxiibadeenba, waayo ma fahmayaan xaaladda aan ku sugan nahay. Saaxiibadeen iyo
dadka kaleba marka aynu aad ugu baahan nahay ayay inoo horseedaan guuldaro. Ma qiyaasi kartaa
sida uu Ilaah uga xumaaday markuu uunkiisii
kaamilka ahaa guuldarada u keenay?
ALAABTU WAY IN A GUULDARAYSAA
Noloshaada oo idil ma ku mashquushay inaad wax urursato? Waa guuldaro laga siman yahay. Tanu way dhacdaa oo xataa ma garawsanno. Si aan wax badan oo badan u urursanno waxaan adeegsannaa tamarteenna, wakhtigeenna, iyo xirfaddeen waayo waxaan aaminsan nahay inaan ka helayno farxad. Dabadeed kolka wax dhacaan
waxaan ogaanaynaa alaab iyo lacag, intay doonaan ha la ekaadeene, in aysan ina qancinayn ama aysan inaga bi’inayn cabsida iyo walwalka. Alaabtu way inoo keentaa guuldaro.
CAAFIMAADKU WUU INA GUULDAREEYAA
Waxaa dhibaato inoogu filan in saaxiibadeen iyo alaabtuba ay inoo horseedaan guuldaro, balse ka waran marka caafimaadkeennu inoo keeno guuldaro? Dadka qaar waxay yidhaahdaan haddaad caafimaad qabto waxba kaama maqna.
Laakiin maxaa dhacaya hadduu uu
caafimaadkeennu guuldaro inoo keeno? Ma jiro wax ka naxdin badan in aan maqallo erayada sida kansar ama wadne xanuun marka
caafimaadkeena laga hadlayo. Xageen u ciirsanayaa? Yaa inoo gargaari kara marka uu dhakhtarku yidhaahdo, “Waxba arintaada kama qaban karo.” Rajo kale miyaan haysannaa marka caafimaadku ina guuldareeyo?
CIISE MA GUULDARAYSTO
Ma ogtahay in uu jiro Mid aadan marnaba guuldaro kala kulmayn? Haa, saaxiibo way ku guuldarayn karaan, alaabtu way ku guuldarayn kartaa, oo caafimaadku wuu ku guuldarayn karaa
LAAKIIN…
Waxaa jira Mid aan marnaba ku guuldaraynayn .
SIDEEN KU OGAANAYNAA?
Waan ognahay sababta oo ah Ciise wuxuu awooday in uu wax ka qabto baahideenna hoose.
Waxaa dhici karta in aad la yaabto sida uu wax
uga qabtay , laakiin waxay kaa caawinaysaa inaad ka gudubto guuldaradaada shakhsi ahaaneed iyo midda ay kuu horseedeen saaxiibada, alaabta iyo caafimaadku.
Dabcan ma garawsanno waxa baahideenna hoose ee dhabta ahu tahay. Ma aha baahida aan u qabno saaxiibbo, alaab ama caafimaad. Maya, ma aha. Baahideenna ugu waynu waa in la inaga cafiyo guuldaradeenna, gafkeenna, iyo dembigeenna. Kitaabka Qudduusku wuxuu leeyahay: “Qofna wanaag ma sameeyo, xataa mid qudhu…waayo dhammaan way dembaabeen oo ka gaabiyeen ammaanta Ilaah.” (Rooma 3:12, 23)
CIISE SAAXIIB WANAAGSANAA!
“Ninna ma laha jacayl ka wayn midkan, in nin naftiisa u bixiyo saaxiibadii.”
Ciise wuxuu arkay baahideenna ugu wayn markuu xidhiidhkeennu ka go’ay Isaga. Kitaabka Qudduusku wuxuu leeyahay, “Faraq uma
dhexeeyo; maadaama ay dhammaan dembaabeen oo ka gaabiyeen ammaanta Ilaah” (Rooma 3: 23) oo waxaa kaloo uu leeyahay: “Waayo waxaan qabnaa in qofka lagu qiilbixiyo rumaysadka oo ka gees ah shuqullada sharciga” (Rooma 3: 28).
Ciise waa Midka jidka inoo furay. “Waxaa la idinku badbaadiyay nimco xagga rumaysadka. Oo tanu waa deeqda Ilaah ee ma aha mid aad idinku la timaadeen; oo si aan ninna ugu faanin, ma aha natiijada shuqullada” (Efesoos 2:8, 9).
CIISE WUU XALLIYAY
BAAHIDEENII UGU WAYNAYD
Wuxuu baahideenii ugu waynayd u xalliyay si yaab leh. “Laakiin Ilaah wuxuu jacaylka uu inoo qabo ku muujinayaa in innaga oo wali dembiilayaal ah uu Masiixu inoo dhinto” (Rooma 5:8).
Sida kor ku qoran, haddii aan garwsanno iyo
haddii kaleba, baahideenna ugu waynu waa
cafiska dembiyadeenna. Middaana waxaa ina siiyay Ciise. Sideen ku ogaannay?
Wuxuu fuulay iskutallaabta. Halkaa ayuuna inagaga badbaadiyay gudcurka iyo xukunkaba.
“Wuxuu inaga samatabixiyay goobtii mugdiga oo inoogu beddelay boqortooyada Wiilkiisa uu jecel yahay, kaas oo aan ku hellay madax-furasho, cafiska dembiyada” (Kolosay 1:13, 14).
SIDUU KU XALLIYAY
BAAHIDEENNA UGU WAYN!
“Oo innaga aawadeen (Ilaah) wuxuu Isaga oo aan dembi aqoon ka dhigay in uu dembi noqdo, si xagga (Masiix) aynu ugu noqonno xaqnimada Ilaah” (2 Korintos 5:21).
Ciise wuxuu wajigiisa u jeediyay dhanka Yerusaalem isaga oo si fiican u ogsoon waxa halkaa ka dhici doona. Wuxuu yidhi, “Midna (Noloshayda) igama qaadayo, laakiin anigaa raalligayga ku bixinaya” (Yooxaana 10:18).
Sidaa ayuuna ku maray silicii iyo saxariirtii
dembiile caadi ah. Waa lagu majaajilooday oo la garaacay. Waxaa madaxa loo saaray taaj qodxo ah; wuxuuna iskutallaabta u qaaday xagga Kalferi, halkaa oo uu dembiyada dunida ugu dhintay.
“Oo Ilaah inta uu dunida jacayl u qabay wuxuu u bixiyay Wiilkiisii madiga ahaa si mid kasta oo
Isaga rumaystaa uusan u baabi’in balse uu u helo nolosha waligeed ah” (Yooxanaa 3:16).
Waxa uu ku sameeyay iskutallaabta korkeedu wuxuu ahaa inuu kaa qaado culayskii dembigaaga. “Dhiigga Wiilkiisa Ciise wuxuu inaga nadiifiyaa DHAMMAAN DEMBIYADA. Isagu waa aamin iyo cadli oo haddii aan dembiyadeena u qiranno, wuu ina cafinayaa oo inaga nadiifinayaa xaqdaro dhammaanteed” (1 Yooxanaa 1:7, 9).
Isagu wuxuu u silcay oo u dhintay culayskii dembigeenna, laakiin wuu ka soo sarekacay dhimashadii isaga oo muujinaya inuu ka guulaystay dhammaan cadawgeenna! Siliciisa iyo