Baabtiiskii Biyaha iyo Dabka Markaasaan xusuustay eraygii Rabbiga, siduu yidhi, Runtii Yooxanaa wuxuu ku baabtiisay biyo, laakiin idinka waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah. Falimaha Rasuullada 11:16
Injiillada Matayos 3:1-17 1 Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, 2 Oo wuxuu yidhi, Toobad keena, waayo, boqortooyadii jannadu way dhow dahay. 3 Waayo, kanu waa kii nebi Isayos ka hadlay isagoo leh, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya. 4 Yooxanaa qudhiisu wuxuu lahaa dharkiisii timaha geel, dhexdana suun maqaar ah ayuu ku xidhnaa, hilibkiisuna wuxuu ahaa ayax iyo malab duurjoog ah. 5 Markaas waxaa u soo baxay Yeruusaalem, iyo Yahuudiya oo dhan, iyo dhulka Urdun oo dhan, 6 oo waxaa lagu baabtiisay Webi Urdun iyagoo dembiyadooda qiranaya. 7 Laakiin markuu arkay Farrisiin iyo Sadukiin badan oo baabtiiskiisa yimid, wuxuu ku yidhi, Jiilka jilbiska, yaa idiin digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa? 8 Haddaba soo bixiya midho toobad istaahila. 9 Ha u malaynina inaad isku tidhaahdaan, Waxaannu leennahay Ibraahim oo aabbe noo ah. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ilaah baa dhagaxyadan carruur uga soo saari kara Ibraahim. 10 Haddaba faaska waxaa la dhigay xididka geedaha, sidaas darteed geed kasta oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabka lagu tuuraa. 11 Runtii waxaan idinku baabtiisaa biyo ilaa toobadkeenidda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga xoog badan yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab. 12 Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa, oo goobtiisa wax lagu tumona si wanaagsan ayuu u nadiifin doonaa, oo sarreenkiisana maqsinka ayuu ku soo ururin doonaa, laakiin buunshaha ayuu dab aan la demin karin ku gubi doonaa. 13 Markaasaa Ciise wuxuu ka yimid Galili oo u yimid Webi Urdun oo wuxuu u tegey Yooxanaa inuu baabtiiso. 14 Yooxanaase wuu diiday, isagoo leh, Waa inaan ku baabtiisaa adigu, adiguna ma ii timid? 15 Ciise baa u jawaabay oo ku yidhi, Haatan ha ahaato, waayo, sidaas oo kale ayaynu xaqnimada oo dhan u samaynaa. Markaasuu u oggolaaday. 16 Ciise markuu baabtiisay, ayuu markiiba biyaha ka baxay; oo bal eeg, samooyinku way furmeen, oo wuxuu arkay Ruuxa Ilaah oo sida qoolley oo kale u soo degaya oo ku dul imanaya. 17 Oo cod baa samada ka yimid oo leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay, oo aan ku faraxsanahay.