1 minute read

Maxay Kugula Talinayaan Dhakhaatiirta Dhinaca Cudurrada Maskaxda

Waxaan wareysi gaar ah ugu tagney xaruntiisa caafimaadka ee United Urgent Care ee woqooyiga magaalada Columbus Dr. Mohamed Hashi, waxaana ka wareysaney cudurrada faafa iyo cudurrada dhimirka oo waayahan ku soo badanaya bulshadeena ku nool Columbus, Ohio dhibaato ba’an ku haya.

Wuxuu Yiri” Waxaad ogtihiin labadii sano ee la soo dhaafey sida cudurka Covid-19 ugu faafey wadanka oo dhan dileyna in ka badan hal milyan oo qof.

Advertisement

Alxamdulillah inkastoo uu weli jiro, hadana ma badna oo waxaa loo baahan yahay in weli la taxadaro oo meelaha la isugu yimaado af jeebka la xirto sida aroosyada iyo xafladaha dadka badan isugu imaanayaan, sidoo kale mar walba faraha la dhaqo mar walba aad taaabato meelo kala duwan oo aadan taaban indhaha, sanka iyo afka intaad ka nadiifineyso gacmahaaga.”

Midda labaad wuxuu Dr. Hashi ka warramay sida cudurka dhimirka ugu soo badanayo bulshadeena wuxuuna yiri”

Inkastoo saameyn weyn uu ku leeyahay xirnaantii meel walba la xirey Covid19kii dad badana lumiyeen shaqadoodii iyo ganacsigoodii oo loo xiriirinayo cudurka dhimirka in uu kor u kacay sannadahaas, hadana waxaa inta badan sababa walaahowga iyo wel welka badan( depression), sidoo kale waxaa laga qaadaa isticmaalka xad dhaafka ah ee maandooriyaasha sida

Cabitaanka aalkolada, daroogooyinka kala duwan, kiniiniyada loo isticmaalo cudurro kala duwan oo si xad dhaaf ah loo qaato, mararka qaarkoodna waa wax la kala dhaxlo oo qoysku isu gudbiyo”. Waxaan kula talinayaa bulshada soomaaliyeed haddii ay dareemaan in wax si ka yihiin dhanka maskaxda sida xaaq badan,hurdo la’aan, murugo badan oohin badan ama qosol aan meel lahayn ama mid ka mid ah qoyskooda in aysan ka xishoon oo ay aadan hay’adaha caafimaadka ku shaqada leh, sababta oo ah maskaxda waa qeyb ka mid ah jirka haddii ay xanuusato waxaa baaba’ya dhammaan jirkii oo dhan oo meesha hagta oo go’aamada dhan ka soo baxaan. Waa la daweyn karaa sida loo daweeyo Cudurrada jirka kale ku dhaca. Walaalayaal waxaan mar kale idin kula talinayaa in hay’addan New American Resource oo wada wacyi galin iyo talo ka bixin halka ugu habboon ee lagu daweyn karo cudurrada dhimirka, ha noqota quraan lagugu daweeyo ama sida ugu sahlan ee loola xiriiro dhaqtarrada ka shaqeeya maskaxda iyo daweyntooda la soo xiriir. Waa dadkaagii uma baahnid turjumaan waxayna kugu hagayaan meesha kugu habboon ee daweynta. ■