Parents' Guide to Assessment Tri-fold (Somali)

Page 1

Sidee ilmahayga ugu caawin karaa isudiyaarinta imtixaanka?

Ilmahaaga u sheeg in imtixaanku yahay nooc ka mid ah waxbarashada kuna dhiirigeli in uu wixii tabarteeda/tabartiisa ah dadaalo. Ku amaan ilmahaaga wixii uu ku fiicanyahay. Caruurta naftooda ku kalsooni aad bay u dadaalaan.

Ilmahaaga la wadaag in aad si xamaasadi ku jirto aad wax la akhrido, xujooyinka la xaliso iyo in ay wax sahmiyaan. Ilmahaaga la wadaag in aad si xamaasadi ku jirto aad wax la akhrido, xujooyinka la xaliso iyo in ay wax sahmiyaan. Imtixaanka habeenka ka horeeya Ilmahaagu hurda fiican ha seexdo hana cuno cunto nafaqo leh,quraac borotiin u badan imtixaanka ka hor ha cuno. Weydii macallimka in uu kuu sheego waxyaabo adiga iyo ilmahaagu aad guriga ku samayn kartaan si imtixaanka la isugu diyaariyo. Waalidka iyo macallimiintu waa in ay wada shaqeeyaan si ay ardayga wax u taraan. Ilmahaaga ku dhiirigeli in dhibcaha uu ka helo imtixaanku aysan si buuxda uga turjumayn kartidiisa/kartideeda iyo in darajada hal imtixaan aysan halbeeg u noqonayn.

Sidee u Helaa Natiijada Imtixaanka Ilmahayga? Natiijada imtixaanka ilmahaaga qaarkeed waxaad ka helaysaa internetka adiga oo u maraya Skyward Family Access system. Booqo www.isd742.org. Haddii aad u baahato in lagaa kaalmeeyo sidii aad koontadaada u geli lahayd, fadlan la xiriir xoghayaha iskoolkaaga.

Maxaan Sameeyaa Haddii aan Su’aalo Dheeraad ah Qabo? La hadal macallimkaaga, maamulaha ama Agaasimaha Student Achievement and Strategic Alignment, Joni Olson, kala xiriir joni.olson@isd742org.

Hagaha Waalidka ee Imtixaanka

320.253.9333 info@isd742.org www.isd742.org 1000 44th Ave N, St. Cloud, MN

St. Cloud Area School District 742


Waa Maxay Qiimayn?

Qiimayn, ama Imtixaan wuxuu noo sheegaa waxa ardaydu taqaan oo ay samayn karaan. Imtixaanka qiimeynta ah waxaa loo qaabeeyaa ujeedo gaar ah oo natiijadeeda la cabiri karo. Imtixaanka qiimaynta ee macallimka haga waa imtixaan joogto ah oo fasalka lagu qaado ujeedadiisuna tahay in uu macallimka ku caawino hagidda istraatejiyada uu ardayda wax u baraayo. Wuxuu ka jawaabaa: Waa maxay talaabada xigta? ee ardayga laga rabo. Imtixaanka qiimaynta ee lagu cabiro horumarka waa imtixaan mudaysan ujeedadiisuna tahay in lagu ogaado lagulana socdo horumarka ardayga. Waxaa loo adeegsadaa in lagu aqoonsado meelaha ardaygu ku fiican yahay iyo meelaha ka dhiman ee manhajka iyo duruusta. Imtixaanka qiimaynta ee sanadlaha ah waa imtixaan balaaran kaas oo la qaado dhamaadka xilli waxbarasho, badanaaba sanad kasta, waxaana loo isticmaalaa in la isbarbardhigo horumarka uu xilligaas sameeyay iyo in lagu cabiro horumarka uu ka sameeyay heerka larabo ee imtixaanka gobolka.

Maxaa Imtixaan qiimayn loogu Baahan yahay ? Imtixaanku waa qayb ka mid ah geedi socodka waxbarashada ilmaha. Waxaa laga helaa macluumaad muhiim oo ah horumarka ilmuhu ka sameeyay xirfado gaar ah iyo heerka u deggan imtixaanka gobolka.

Sidee Ilmahaygu uga faa’iidayaa Imtixaanka qiimaynta?

Sidee Imtixaanada Qiimaynta loo Qaadaa?

Imtixaanada qiimaynta waxaa loo qaadaa siyaabo kala duwan. Waxay noqon kartaa wax dhexmara arday iyo macallim sida arday macallim wax u akhriyaya( hal -hal qof), koox wada shaqaynaysa, imtixaan qalin iyo warqad la isticmaalayo ama imtixaan arday kaligiis kombiyuutar ku gelayo.

Imtixaanada qiimeynta waxaa loola jeedaa in lagu ogaado in ilmahaagu helayo xirfadaha muhiimka u ah mustaqbalkiisa/mustaqbalkeeda waxbarasho iyo shaqo. Waxuu saadaalin karaa waxqabadka ilmaha iyo/ama wuxuu go’aamin karaa baahida ilmaha ee mustaqbalka. Imtixaanku wuxuu nagu caawinaa in aannu garano hadii uu/ay ka faa’idaysan karto adeegyo dheeraad ah si loo hubiyo gaaritaanka meesha ku haboon.

Maxay Muhiim u Tahay in Ilmahaygu ka Qaybqaato? Talagalka ah in imtixaanku uu waxbarashada horumariyo waxaa dheer, in ka qaybqaadashada imtixaanka qiimeynta ee ilmahaagu ay muhiim u tahay iskoolkaaga guud ahaan. Natiijooyinka qaarkood waxaa lagu go’aamiyaa la xisaabtanka iskoolka iyo degmada, taas oo loo adeegsado in la garto iskoolada u baahan taagera dheerad ah, iyo in la aqoonsado iskoolada muujinaaya waxqabad fiican. Haddi aan ardaydu imtixaanka qiimeynta ka qaybqaadan, xogta ama macluumaadka degmada iyo iskoolkuba sax noqon mayaan.

Xogta Imtixaanka Sidee loo Isticmaalaa?

Macallimiinta degmada 742 waxay lafaguraan xogta iyo natiijada imtixaanka iyaga oo ka qaybqaadanaya siminaarada xogta iyo kulanka kooxaha xogta si ay sare ugu qaadaan aqoonta ardayda, macallimiinta iyo maamulayaasha.

Xogta imtixaanku waxay tartaa in la ogaado casharada ka dhiman. Xogta waxaa ka soo baxa sawir macallimiinta, iskoolada iyo degmooyinku ay u isticmaali karaan samaynta manhaj, istaraatejiyo waxbaris iyo horumarin xirfadeed. Iyaga oo ka qaybqaadanaya siminaarada xogta iyo kulanka kooxaha xogta macallimiintayadu waxay lafa-guraan xagta iyo natiijooyinka. Kooxahan iyo kulamadoodu waxay caawinaan in ay sare u qaadaan aqoonta ardayda, macallimiinta iyo maamulayaasha.

Waa Maxay Imtixaanada Qiimaynta ee ay Galaan Ardayda 742? Imtixaanada qiimaynta waxaa laga qaadaa heer kasta ee waxbarasho, xanaano ka hor ilaa dugsi sare. Inta uu ilmahaagu waxbaranayo oo dhan, wuxuu/waxay gelaysaa imtixaano qiimayn oo kala duwan iyada oo ay ku xiran tahay fasalka ay tahay/uu yahay. Imtixaanadaas waxaa ka mid ah Minnesota Comprehensive Assessment (MCA), STAR, EXPLORE, PLAN iyo ACT, iyo waliba noocyo kala duwan oo ah imtixaanka macallimka haga/ imtixaanka fasalka. Si aad u aragto dhammaan imtixaanada degmada 742, booqo boggayaga internetka ee www.isd742.org


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.