Tilmaanbixiyaha waxbarashada iyo shaqooyinka

Page 1

SOMALI

Tilmaanbixiye ku saabsan waxbarashada iyo shaqooyinka oo loogu talaggalay dhallinyarada dhaqammada kala duwan ka soo jeeda

qada • waxbarasho xirfadeed • dugsi sare • xiriirrada bulsho • goob shaqo oo loo simanyahay


Wax ha la barto! Wakhtiga xulashada

4

Dugsi sare

8

Machadka xirfadaha (ammattiopisto) iyo 10

heshiiska shaqo wax ku barashada (oppisopimus)

Dugsiga tacliinta sare ee xirfadaha (ammattikorkeakoulu) 12 13

Jaamacad Ha la shaqaysto! Tallaabooyinka koowaad ee shaqo bilaabidda

14

Baro sida xiriirrada bulsho loo samaysto

16

Ku guulayso shaqadaada

18

Goob shaqo oo loo simanyahay

20

Shaqaale dhaqammo kala duwan ka soo jeeda

22

Waddooyinka waxbarashada

(bogga 8) Dugsi sare Shahaadada dugsiga sare (ylioppilastutkinto)

1

Dugsiga hoose-dhexe Waxbarashada aasaasiga ah

1

2

3

4

5

6

7

8

9

(bogga 10)

10

Machadyada xirfadaha iyo heshiiska shaqo wax ku barashada Shahaado xirfadeedyada aasaasiga ah

1

2

3

Shaqada xagaaga

MAVA

Waxbarashada hore (esiopetus)

2

2

3 Waaya-aragnimo shaqo

MAVA

= U diyaarinta waxbarashada dugsi xirfadeedka ee dadka waddanka u soo guray (Maahanmuuttajien ammattiliseen koulutukseen valmistava opetus) (bogga 6)

Waaya-aragnimo shaqo

Shahaado xirfadeedyada


qo

Jidkaaga suuqyada shaqo iyo xirfadda aad ku taamayso Shaqooyinka siyaabo kala duwan ayaa lagu helaa oo waddooyin kala nooc ah ayaa loo maraa. Inta aad dugsiga dhexe (yl채koulu) ku jirto ayaad ka fekeri kartaa, xirfadda adiga kugu habboon. Xirfadda aad ugu jeceshahay waxaad tusaale ahaan ku ogaan kartaa maaddada aad iskuulka ugu jeceshahay ama hiwaayaddaada ayaad u kaashan kartaa. Muhimaddu waa adiga oo is dhegeysta oo si taxaddar leh wax u doorta. Waxabarashadu waxay kuu fududaynaysaa helitaanka shaqada aad rabto.

ogaanaysaa shaqaalaha dhaqammada kala duwan ka soo jeeda iyo sida goobaha shaqo loogu wada simanyahay. Sida uu sharcigu qabo, tusaale ahaan shaqaalaha lama haybsooci karo oo dhammaan waa la wada simanyahay. Boggan qaybtiisa hoose waxaa ku yaalla jidka waxbarashada, kaas oo kuu fududaynaya helitaanka macluumaadka aad u baahantahay. Tilmaanbixiyahan meel dhigo ilaa aad shaqo ka bilowdo. Muddo kaddib ayaad sidoo kale akhriskiisa ku laaban kartaa, markii ay xaaladdaadu is beddesho oo aad macluumaad cusub u baahatid.

Timaanbixiyahan bilowgiisa waxaan uga hadlaynaa waxbarashada oo waxaan ku iftiiminaynaa waxbarashooyinka kala duwan. Waxaan ka hadli doonnaa codsiga guud ee goobaha waxbarasho (yhteishaku), dugsiyada sare, waxbarashada xirfadaha, dugsiyada tacliinta sare ee xirfadaha iyo jaamacadda.

Xusuuso, inaad hadafkaaga sida aad rabtid kor ugu qaadi kartid. Qof kasta oo dhallinyaro ah wuxuu fursad u haystaa barashada xirfadda uu jecelyahay. Isku kalsoonow!

Tilmaanbixiyaha qaybtiisa labaad waxaad ka helaysaa macluumaad la xiriira doorashada xirfadaha iyo codsiyada shaqooyinka. Sidoo kale waxaad ka

Mehdi Arai iyo Evelyn S천er Mashruuca ESR ee Samalle viivalle

(bogga 13)

1

2

3

4

5

Waaya-aragnimo shaqo

(bogga 12) Dugsiga tacliinta sare ee xirfadaha Shahaadooyinka dugsiyada tacliinta sare ee xirfadaha

1

2

3

Shahaadooyinka sare ee dugsiyada tacliinta sare ee xirfadaha

4

1

2

Waaya-aragnimo shaqo

Qof haysta shahaado jaamacadeedka Qof haysta hoose shahaado jaamacadeedka Qof haysta sare shahaado jaamacadeedka 1 2 3 4 dhexe

Jaamacad Shahaado Shahaado jaamacadeedyada jaamacadeedyada sare hoose

Khasab ma aha in isla hadda la ogaado, waxa marka la weynaado la qabanayo. Balse aad uga fiirso fursadaha aad leedahay oo xulashadaada samee! Xusuuso: waxbarashada ayaa ugu muhimsan!

Waaya-aragnimo shaqo

Shahaado xirfadeedyada khaaska ah

= Sannadaha ay qaadato

waxbarashada machadka Tilmaanbixiyaha Tilmaanbixiyaha waxbarashada iyo shaqooyinka waxbarashada iyo shaqooyinka

3 3


Wakhtiga xulashada Khasab kuguma aha inaad dugsiga dhexe ka dib ogtahay, waxaad noloshaada oo dhan ku shaqaysan doontid. Dadka qaarkiis 50-jir bay xirfaddooda ku beddelaan. Si kastaba way fiicantahay, in dugsiga dhexe ka dib waxbarasho la raadsado. Dantu waxbarashada ayay ku jirtaa, xitaa haddii aadan weli ogayn, waxaad mustaqbalka qaban doontid. Iskuulka waxaad ka heleysaa macluumaad cusub oo muhim ah oo mustaqbalkaaga ayaad qorshaysan kartaa. Hadafyadu way kuu kala caddaanayaan oo saaxiibbo cusub ayaad baranaysaa. – Muhimaddu waa inaad xulashooyinkaaga samaysid oo aad xilkoodana qaaddid. Qofka dhallinyarada ah waa inuu sameeyaa, waxa isaga la habboon, sidaasna waxaa tiri Tiina Valtonen oo ah hagaha waxbarashada ee Dugsiga dhexe ee Myllypuro. Sidee baan waxbarasho ku helaa? Codsiga guud ee goobaha waxbarashada ayaa lagu wada dalbadaa dugsiyada sare iyo kuwa xirfadaha. Sannad walba xilliga guga ayaa la qabanqaabiyaa. Codsiga guud ee goobaha waxbarashada waxaa loola jeedaa, in dhammaan ardayda Finland oo dhan ay isku

4

wakhti wada dalban karaan dugsiyada sare ama kuwa xirfadaha. Foomka codsiga waxaa laga buuxinayaa bog internetka ku yaalla oo cinwaankiisu yahay www.opintopolku.fi. Dugsiyada sare waxaa ardayda lagu qaadanayaa celceliska darajada ay maaddooyinka cilmiga ka haystaan. Waxbarasho xirfadeedka waxaa codsadayaasha lagu qaadanayaa dhibcaha ay la yimaadaan. Darajooyinka shahaadada ayaa tusaale ahaan dhibco lagu heli karaa. Waxaa habboon, in si wanaagsan looga fiirsado nidaamka xulashooyinka loo kala hormarinayo. Waxaad galaysaa dugsiga aad dhibcaha ugu badan ka hesho oo xulashadaadana ugu soo horreeya. Codsiga guud ee goobaha waxbarashada ka qaybqaadashadiisa waxaa la iska doonayaa aqoon luqadeed oo kugu filan. Codsiga guud ee goobaha waxbarashada ka qaybqaadashadiisa waxaa la isaga baahanyahay, inay ardayga shahaadadiisa ka muuqato, inuu barashada luqadda finishka ama tan iswiidhishka uu ugu yaraan darajo 7 buundo ah ka haysto. Bogga 7-aad ayaad ka heleysaa warbixin dheeraad ah oo imtixaanka luqadeed ku saabsan.


Wax ha la barto!

finish ama iswiidhish ku soo baran. Sidoo kale waxaad halkaas ku wanaajin kartaa aqoontaada luqadeed ama maaddooyinka kale.

Dugsiyadu waxay codsadayaasha ku qaadan karaan nidaam ka fiirsasho ku salaysan. Dugsigu boqolkiiba soddon ayuu ardayda dugsi walba soo codsatay ka qaadan karaa, isagoo nidaamkan ka fiirsashada ku salaysan adeegsanaya. Sidaas markay tahay, qaadashadu dhibcaha codsiga kuma xirna. Qaadashada ka fiirsashada ku salaysan waxaa la adeegsadaa, tusaale ahaan haddii uu codsaduhu dugsiga hoose-dhexe ku soo dhigtay meel aan Finland ahayn. Horay u sii xisaabi dhibcaha codsiga guud ee goobaha waxbarashada Waxaa habboon, inaad tirada dhibcahaaga horay u sii xisaabsatid. Hagaha waxbarashada ayaad caawimaad arrinkan uga weydiisan kartaa. Haddii tirada dhibcahaagu kugu filnaadaan, dugsiyo badan baad qaar ka xulan kartaa. Haddii aadan dhibco kugu filan helin, waxaad codsan kartaa fasalka tobanaad (kymppiluokka), u diyaarinta waxbarashada dugsiga sare oo LUVA loo yaqaanno (lukioon valmistavaan koulutukseen = LUVA) ama u diyaarinta waxbarashada aasaasiga ah ee dugsi xirfadeedka oo MAVA loo yaqaanno. (eeg bogga 6-aad) Waxbarashooyinkan diyaarinta ah waxaa habboon in la codsado, haddii aadan dugsiga hoose-dhexe

Arrinkan ma ogayd?

– Waxbarashooyinka diyaarinta ah ee kala duwan aqoon cusub baa laga helaa iyo wakhti mustaqbalka looga fekero. Sidoo kale waxaad ku kordhin kartaa darajadaada dugsiga hoose-dhexe, taladaasna waxaa soo jeedisay Tiina Valtonen oo ah hagaha waxbarashada. Dugsi sare mise machad xirfadeed? Dugsi sare iyo machad xirfadeed way kala duwanyihiin. Waxbarashada dugsiga sare wax akhris bay u badantahay. Ardayga waxaa laga rabaa akhris iyo qoraal ka badan midka la isaga baahanyahay machad xirfadeedka. Dugsiga sare laguma barto xirfad gaar ah. Dugsiga sare ka dib waxaa badanaa la codsadaa dugsiyada tacliinta sare ee xirfadaha ama jaamacadaha. Waxbarashada machad xirfadeedku waxay u dhowdahay hawlgacmeedka. – Haddii aad dugsi sare ka soo baxdo, waxbarasho jaamacadeed ayaad u bisishahay. Haddii aad machad xirfadeed aasaasi ah ka soo baxdo, xirfad baad leedahay, faahfaahintaasna waxaa soo jeedisay Anna Quagraine oo ah hagaha waxbarashada dugsiga sare ee Mattlidens gymnasium. www.opintopolku.fi (bog af finish ah)

”Dugsiga sare ee dadka waaweyn ayaan bilowgii galay, balse ka dib ayaan xiiseeyay hawlaha makhaayadaha. Iskuul beddelashadu way fududayd, maaddaama xulashooyinka laga laaban karo.” – Inka, 18-jir

Qaabkee ayaad dhibcaha codsiga guud ee goobaha waxbarashada uga heleysaa waxbarasho xirfadeedka aasaasiga ah?

• Haddii aad codsanaysid isla sannadka aad

shahaadada dugsiga hoose-dhexe qaadatay

• Haddii aadan weli boos iskuul ka helin

waxbarasho xirfadeedka aasaasiga ah

• Haddii xulashadaada koowaad ay tahay

waxbarashada xirfadaha

= lix dhibcood. = siddeed dhibcood = laba dhibcood

• Haddii waxbarasho xirfadeedka aad codsatay ay in ka yar boqolkiiba 30 yihiin kuwo lab ama dheddig kula ah

Amis = Machad xirfadeed Opo = Hagaha waxbarashada ee kaa caawinaya qorshaynta waxbarashadaada.

= laba dhibcood Xusuuso shaqada xagaaga! Lacag iyo waaya-aragnimo shaqo oo qiimo leh baad heleysaa, adigoo wax baranaya!

Tilmaanbixiyaha waxbarashada iyo shaqooyinka

5


MAVA waxay fududaynaysaa waddada loo maro waxbarasho xirfadeedka aasaasiga ah U diyaarinta waxbarashada dugsi xirfadeedka ee dadka waddanka u soo guray ama MAVA waxaa lagu ogaan karaa waxbarashooyinka xirfadaha oo xirfaddii la dooran lahaa ayaa looga fiirsan karaa. MAVA waxaa lagu bartaa aqoonta la isaga baahanyahay dugsiyada xirfadaha. MAVA waxay ku habboontahay ardayda aqoontooda luqadda finishka ama iswiidhishku aysan weli ku filnayn ka qaybgelidda codsiga guud ee goobaha waxbarashada. Codsiga guud ee goobaha waxbarashada waxaa la isaga baahanyahay aqoon luqadeed oo wanaagsan ama heerkeedu yahay B 1.2., taas oo ah luqad aasaasi ah oo si wanaagsan loo yaqaanno. Heerka luqadeed ee ardayda MAVA soo codsanaysa waa inuu ahaado A 2.2. ama luqad aasaasi ah oo horumar ku jirta. Arrimaha ku saabsan aqoonta luqadeed waxaad kala xiriirtaa macallinka afka hooyo kuu dhiga. Wasaaradda waxbarashada iyo dhaqanku (opetus- ja kulttuuriministeriö) waxay wakhtigan la joogo diyaarinaysaa manhajka u diyaarinta waxbarashada dugsiga sare oo LUVA loo yaqaanno. Waxbarashadaas waxaa la qabanqaabinayaa laga bilaabo xilli-dugsiyeedka dayrta ee 2014-ka.

Arrinkan ma ogayd?

Hadaf sarreeya Sidoo kale laba shahaado ayaad isku mar qaadan kartaa (kaksoistutkinto). Tani macnaheedu waa inuu ardaygu warbarasho xirfadeedka iyo dugsiga sareba isku mar wada dhammaynayo. Dugsiyadu siyaabo kala duwan bay waxbarashada u qabanqaabiyaan. Dugsiyada qaarkood saddex maalmood ayaa tusaale ahaan toddobaadkiiba machad xirfadeedka la tagaa, laba maalmoodna dugsiga sare. Goorma ayay habboontahay, in labada shahaado la isku qaato, hage waxbarasho Tiina Valtonen? Haddii loo baahanyahay aqoon guud oo wanaagsan iyo shahaado xirfadeed degdeg lagu helo. Qofkee baa labada shahaado isku qaadan kara? Qofkii hanweyni iyo dadaal la yimaada. Haddii uu qofku ku fiicnaa waxbarashada dugsiga hoosedhexe, waa hubaal inay wax u tarayso. Faahfaahin dheeraad ah oo faa’iido leh oo ku saabsan fursadaha dugsiga dhexe ka dib: www.ysinjalkeen.fi (bog af finish ah)

”Fasalka tobanaad waa meeshii iigu fiicnayd ee aan buundooyinka iskuulka sare ugu qaaday, maaddaama aan dugsiga sare doonayay.” – John, 16-jir

Fasalka tobanaad wanaag buu leeyahay! Aqoontaada ayaad ku kordhin kartaa oo buundooyinka shahaadadaadana sare ayaad ugu qaadi kartaa. Fasalka tobanaad waxaad geli kartaa isla sannadka aad shahaadada dugsiga-hoose dhexe qaadatid ama sannadka xiga. www.opintoluotsi.fi (bog af finish ah) Hoosada (työpaja) iskaa baad shaqo ugu qabsan kartaa

”Hoosadu waa meel wanaagsan! Waxyaabo cusub baan bartay, sida sawirqaadidda.” – Tanja, 20-jir

Hoosada shaqo ayaa wax lagu bartaa. Ugu yaraan saddex bilood oo hooso laga soo shaqeeyay ayaa loo arkaa, inay waaya-aragnimo shaqo tahay. Dhibcaha waaya-aragnimada shaqo ayaa codsiga guud ee goobaha waxbarashada looga helayaa. www.tyopajatieto.fi (bog af finish ah)

S2 = luqad labaad ahaaneed oo finish ama iswiidhish ah.

6


Wax ha la barto!

Baro afkaaga hooyo Barashada afka hooyo waa muhim. Afka hooyo oo si wanaagsan loo yaqaanno, waxay aasaas fiican u tahay barashada afka finishka ama iswiidhishka. Sidoo kale aqoonista dhaqanka iyo qiimeyntiisuna way wanaagsantahay. Aqoonsiga dhaqan ahaaneed ayaa xoogaysanaya oo horumar qalbi ahaaneed baad ku gaaraysaa barashada afka hooyo. Sidoo kale suuqyada shaqadana waa laga tixgeliyaa aqoonta luqadeed. Hadba sida loogu baahdo ayay degmooyinku u qabanqaabiyaan barashada afka hooyo. Faahfaahin dheeraad ah kala xiriir hagaha waxbarasho ee iskuulkaaga. Waa maxay xisadda S2? Finishka luqad labaad ahaan ama xisadda S2 waxay caawinaysaa ku guulaysashada waxbarashada. Xeeldheerayaashu waxay qabaan, inay habboontahay ka qaybqaadashada S2, haddii uusan qofka afkiisa hooyo finish ahayn.

Xisadda S2 waxaa finishka loogu bartaa si ka xooggan xisadda finishka af hooyo ahaan loogu dhigto. Xisadaha S2 waxaa laga dhigaa dugsiyada hoose-dhexe, dugsiyada sare iyo dugsiyada xirfadaha. Waxbarashada la sii wadanayo saamayn kuma laha kala doorashada xisdaha S2 iyo kuwa finishka af hooyo ahaan loogu dhigto. Haddii aad ku jirto iskuul af iswiidhish ah, waxaad dhigan kartaa iswiidhishka luqad labaad ahaaneed. Ugu yeeridda imtixaanka luqadeed Dhowr siyaabood ayaa heerka luqadeed lagu xaqiijin karaa, haddii afkaaga hooyo uusan finish ama iswiidhish ahayn. Haddii heerkaaga luqadeed ee darajada shahaadadaada uu kugu filnaan waayo, waxaa imtixaan luqadeed laguugu yeerayaa dugsiga dhexe gugiisa ugu dambeeya. Imtixaanka waxaa lagu ogaanayaa, inaad finishka ama iswiidhishka ku hadli taqaanid, inaad qoraallada fahmi kartid iyo inaad qoritaanka ka maraysid heerka la iska doonayo. Tilmaanbixiyaha waxbarashada iyo shaqooyinka

7


Dugsi sare Dugsi sare ma doonaysaa? Haddii aad doonaysid – waa arrin wanaagsan! Dugsiga sare aradayga dhiganaya masuuliyadda uu waxbarashadiisa ka qaadayo way ka badantahay midda dugsiga hoose-dhexe. Balse dugsiga sare xornimo ayuu leeyahay. – Marka aad qorshaynayso koorsooyinka aad qaadanaysid, waxaad tusaale ahaan tixgelin siin kartaa hiwaayaddaada, ayay tiri Anna Quagraine oo ah hagaha waxbarashada dugsiga sare ee Mattlidens gymnasium.

Imtixaannada dugsiga sare (ylioppilaskirjoitukset) mustaqbalka ayay saamayn ku leeyihiin Imtixaannada dugsiga sare waxay ka imaanayaan maaddooyinka aad dugsiga sare ku qaadatid. Imtixaannada buundooyinka aad ka heshid waxay saamayn ku yeelanayaan waxbarashada la sii wadanayo. Imtixaannada dugsiga sare waa in tixgelintooda lagu dhaqaaqo, marka la bilaabo fasalka koowaad ee dugsiga sare. Imtixaannada saddex qaybood baad u kala geli kartaa, tusaale ahaan guga, deyrta iyo guga xiga oo sanooyinkoodu isku xigaan.

Dugsiga sare koorsooyin kala duwan baa lagu dhigan karaa. Ardaygu kuwa uu xiisaynayo ayuu ka dooran karaa. Koorsooyinka la doorto waxay sidoo kale saamayn ku yeelanayaan waxbarashada la sii wadanayo. Way kala duwanyihiin nidaamyada dugsiyada koorsooyinka looga kala doorto. Dugsiyada sare qaarkood maaddooyin gaar ah ayay dhigashadooda xoogga saaraan. Kuwaas waxaa ka mid ah farshaxanka, warbaahinta, ganacsiga, cilmiyada dabiiciga ah, isboortiga iyo luqadaha.

Finishka/iswiidhishka luqad labaad ahaaneed ama afka hooyo imtixaankooda dugsiga sare mar walba waa khasab. Sidoo kale waa in afarta qaybood ee hoos ku yaalla laga doorto saddex imtixaan oo khasab ah: 1) afka labaad ee waddanka, 2) luqadaha kale, 3) xisaab iyo 4) maaddooyinka akhriska (reaaliaineet). Maaddooyinka akhriska waxaa loola jeedaa diinta ama aqoonta aragtida nololeed (elämänkatsomustieto), falsafadda, taariikhda, cilmiga bulshada, fiisikis, kimisteri, bayoolaji, juquraafi iyo aqoonta caafimaadka. – Waxaad tusaale ahaan imtixaankooda qaadan kartaa afka hooyo, ingiriiska, xisaabta iyo cilmiga bulshada, ayay caddaysay Anna Quagraine.

Maxaa la qabanayaa dugsiga sare ka dib? www.abit.fi (bog af finish ah)

Faahfaahin dheeraad ah www.lukio.fi (bog af finish ah)

Arrinkan ma ogayd? Dugsiga sare waxaa ka jira 47–51 maaddo oo khasab ah. Koorsooyinka waxbarashada lagu ballaariyo waa kuwa sii socda oo loo baahanyahay, in ugu yaraan toban laga doorto. Inta soo hartay waa kuwo

la kala dooran karo. Wadar ahaan koorsooyinku waa inay 75 noqdaan. Hoos waxaa ku yaalla tusaale faahfaahinaya hal toddobaad oo jadwalka xiisadaha dugsiga sare ah.

isniin

talaado

arbaco

khamiis

jimce

8.15–9.30

Falsafad 1

Falsafad 1

Bayoolaji 1

Psykologia 1

Bayoolaji 1

9.40–10.55

Ingiriis 2

Isbaanish B3 1

Kimistari 3

Xisaab dheer 1

Kimistari 3

11.05–12.20

Xisaab dheer 1

Kimistari 3

Afka hooyo 2

Ingiriis 2

Isbaanish B3 1

13.00–14.15

Afka hooyo 2

Ingiriis 2

hagid kooxeed (ROT) 13.00-13.20

Afka hooyo 2

Xisaab dheer 1

14.25–15.40

Bayoolaji 1

Cilminafsi 1

13.30-14.35 Isbaanish B3 1

Falsafad 1

Cilminafsi 1

Qado

14.45-16.00 Jimicsi 1

Abi = Ardayga ku jira sannadka dugsiga sare ugu dambeeya (Abiturientti)

8


Wax ha la barto!

Waa wakhtigii xafladaynta! Dugsiga sare ee Finland waxaa la xiriira xaflado waaweyn oo sannad walba la dhigo. Ka qaybgalkooda xor ayaa loo yahay. Qoob ka ciyaarka ardayda fasalka labaad ee dugsiga sare (Vanhojen tanssit) Munaasabadda qoob ka ciyaarka waxaa ka qaybqaata ardayda fasalka labaad ee dugsiga sare, marka kuwa sannadka ugu dambeeya ku jira ay iskuulka ka baxayaan. Ardaydu waxay soo xirtaan dharka xafladaha, waxayna soo bandhigaan qoob ka ciyaar waayo badan soo jiray. Penkkarit Munaasabaddan waa mid ay ardayda ku jirta sannadka dugsiga sare ugu dambeeya ku xusaan dhammaanshaha xisadaha waxbarashada dugsiga. Islamarkaasna waxaa bilowda u diyaargarowga imtixaannada dugsiga sare. Xafladdaas waxaa qayb ka ah, inay ardayda ku jirta sannadka dugsiga sare ugu dambeeya ay raacaan baabuurta xammuulka oo magaalada ku soo maraan. Ardayda ku jirta sannadka dugsiga sare ugu dambeeya waxay soo xirtaan dhar wax lagu jilo, baabuurta xammuulkana waxaa lagu xiraa baakado sawirro leh oo waaweyn. Ardayda ku jirta sannadka dugsiga sare ugu dambeeya waxay dadka waddooyinka socda u tuuraan waxyaabo macaan, iyagoo baabuurta xammuulka dushooda saaran. Tilmaanbixiyaha waxbarashada iyo shaqooyinka

9


Machadka xirfadaha (ammattiopisto) iyo heshiiska shaqo wax ku barashada (oppisopimus) Ma xiisaysaa baabuurta ama hawlgacmeedka? Xirfadaha makaanignimada ama najaarnimada ayaa laga yaabaa, inay kugu habboonyihiin! Mise internetka iyo kombiyuutarrada ayaad xiisaysaa? Noqo qof haysta shahaadada aasaasiga ah ee macluumaadka kombiyuutarka (Datanomi)! Ma jeclayd marwalba, inaad dadka caawisid oo daryeeshid? Waxaad noqon kartaa xannaaneeye dhow (lähihoitaja) ama timahagaajiye (parturi-kampaaja)! Fursaduhu way badanyihiin. Finland waxaa ka jira 52 shahaado xirfadeed oo aasaasi ah iyo dhowr barnaamij oo waxbarasho ah. Qof walba wuxuu codsan karaa, wixii uu rabo. Waxaa habboon in wakhti la siiyo, ka fiirsashada waxbarashada la dooranayo. – Qofka dhallinyarada ah waa inuu dhowr laamood tijaabintooda fursad u helaa, ayay soo jeedisay Riitta Ristlakki oo ah iskudduwaha hagidda waxbarashada ee machadka xirfadaha Stadi.

10

Samaysashada xiriirrada bulsho waxay ka bilaabataa shaqo wax ku barashada Waxbarasho xirfadeedka waxaa qayb ka ah shaqo wax ku barasho ama tababbar shaqo. Tani macnaheedu waa waxbarasho lagu qaadanayo goob shaqo oo rasmi ah. Waxbarasho xirfadeedka waxaa ku jira ugu yaraan 20 toddobaad oo shaqo wax ku barasho ah. Shaqo wax ku barashadu saamayn weyn ayay ku leedahay shaqada mustaqbalka. Hagaha shaqo wax ku barashada ayaa wanaaggaaga cid kale u gudbin kara, haddii aad shaqadaada ku dadaashid oo aad niyadna u haysid. Sidaas ayay ku bilaabataa samaysashada xiriirrada bulsho ee goobaha shaqooyinka!

Faahfaahin dheeraad ah www.opintopolku.fi (bog af finish ah) Maxaa la qabanayaa machad xirfadeedka ka dib? www.ammattiosaaja.fi (bog af finish ah)


Wax ha la barto!

Arrinkan ma ogayd? Heshiiska shaqo wax ku barashada – shaqo wax ku baro

Machadka xirfadaha qalab baa loo iibsadaa, dugsiga sarena buugaagta wax laga barto

Ka feker heshiiska shaqo wax ku barashada, haddii aadan iskuul-fadhiga badan ka helin. Sidaas ayaad goobaha shaqo ku geleysaa, adigoo shahaadana ku qaadanaya. Heshiiska shaqo ku barashada wuxuu qaataa qiyaastii saddex sano, wakhtigaas oo aad boqolkiiba 80 ku qaadanaysid goobta shaqo, boqolkiiba 20 iskuulka ayaad dhiganaysaa.

Qiimaha buugaagta wax laga barto ee dugsiyada sare waa 1500 yuuro muddada saddexda sano ah, haddii iyagoo cusub la iibsado. Waxbarasho xirfadeedka buugaag sidaas u badan loogama baahna, balse laamo xirfadeedka qaarkood ayaa qalab loo iibsadaa. Tusaale ahaan barashada cunto karinta waxaa laga yaabaa, inaad u baahatid soo iibsashada mindiyo kuu gaar ah, dugsiga timo hagaajinta dumarkana waxaad u baahantahay maqas iyo qalab kale oo aad adigu leedahay. Waxbarashada machad xirfadeedka waxaa ku baxaya qiyaastii 600 yuuro muddada saddexda sano ah.

Saddex xaqiiqo oo ku saabsan heshiiska shaqo wax ku barashada:

• Muddada uu qaadanayo heshiiska shaqo wax

ku barashadu wuxuu ku xiranyahay ardayga hadafkiisa, shahaadada uu qaadashadeeda ku talajiro, aqoontiisa iyo waaya-aragnimadiisa shaqo. • Shaqabixiyuhu wuxuu ardayga siinayaa mushaar ugu yaraantii waafaqsan shuruudaha heshiiska shaqo (työehtosopimus). • Heshiis shaqo oo qoraal ah ayaa shaqo wax ku barashada lagu kala saxiixanayaa. Siyaabaha lagu helo goobaha shaqo wax ku barashada: Ka hubso xafiiska heshiisyada shaqo wax ku barashada (oppisopimustoimisto), in waxbarashada aad rabtid lagu qaadan karo habka shaqo wax ku barashada. Dooro goob shaqo oo weyddii, inaad heli kartid heshiiska shaqo wax ku barashada. U sheeg shaqabixiyaha, inay heli karaan lacagta waxbarashada iyo taageerada mushaarka. Haddii aad u baahatid, talo weyddiiso kormeeraha waxbarashada.

Waxbarasho xirfadeedka ayaa kugu habboon, haddii aad hawlgacmeedka iyo dad la shaqaynta ka heshid.

www.oppisopimus.net (bog af finish ah)

Waa wakhtigii xafladaynta!

Xafladaha dhammaynta waxbarashada Waa in xafladayn lagu xuso qaadashada shahaado xirfadeedka! Badanaa xafladaha waxaa lagu dhigaa guriga ardayga qalinjebiyay oo ehelkiisa iyo asxaabtiisa ayaa la qaata. Raashin baa la bixiyaa, martiduna wadasheekaysi furan bay isla dhexqaadaan. Isbeddelka qaybaha Fasalladu xaflado yaryar bay dhigan karaan, marka ay qaybaha jadwalka xisaduhu isbeddeleyaan. Xafladahaas raashin wanaagsan baa lagu cunaa, filimaan baa la daawadaa ama muusig baa la dhagaystaa. Tilmaanbixiyaha waxbarashada iyo shaqooyinka

11


Dugsiga tacliinta sare ee xirfadaha Waxbarashada heerka labaad ka dib waad sii wadan kartaa waxbarashadaada. Dugsiyada tacliinta sare ee xirfadaha waxaa ka soo baxa dad loo soo tababbaray hawlaha maamulka, horumarinta iyo xeeldheerinnimo kala duwan. Tusaale ahaan waxaad geli kartaa laanta farsamada iyo qorshaynta gaadiidka, laanta caafimaadka iyo arrimaha bulshada ama laanta dhaqaalaha. Badanaa waxbarashadu waxay u qaybsantaa duruus dhigasho, imtixaanno iyo qaybaha tababbarka shaqo. Wadar ahaan waxbarashada dugsiyada tacliinta sare waxay qaadataa 3,5–4,5 sannadood. Dugsiga tacliinta sare ee xirfadaha ayaa kugu habboon, haddii aad rabtid tacliin sare oo waxqabadka muuqda u dhow. Ardaygu wuxuu badanaa dugsiga tacliinta sare ee xirfadaha ku helaa xiriirrada bulsho ee goobaha shaqooyinka. Waxbarashada waxaa ku jira tababbar shaqo oo wadar ahaan lix bilood qaata, xilligaas oo uu ardaygu helayo fursad uu xiriirro bulsho ku samaysto.

1

Yaa codsan kara?

Arrinkan ma ogayd?

Waad codsan kartaa dugsiga tacliinta sare ee xirfadaha, haddii aad haysato shahaadada dugsiga sare ama midda waxbarasho xirfadeedka heerka labaad ah. Codsiga ka dib waxaa imtixaanka gelitaanka la isugu yeerayaa, iyadoo la tixgelinayo hadba sida wanaagsan ee uu ardaygu horay wax ugu soo bartay.

2

Sidee baan u codsan karaa?

Wakhtigan la joogo afar codsi oo kala duwan oo internetka ku jira ayaa dugsiyada tacliinta sare ee xirfadaha u degsan: Codsiga dhallinyarada = iskuul maalintii la dhigto. Codsiga dadka waaweyn = iskuul fiidkii la dhigto. - wuxuu ku habboonyahay dadka iyagoo shaqaynaya doonaya, inay waxbartaan. Codsiga afka qalaad = waxbarasho af ingiriis lagu qaadanayo. Dugsiga tacliinta sare ee macallinnimada = macallin xirfadeed baad noqon kartaa. Shahaadooyinka sare ee dugsiyada tacliinta sare ee xirfadaha (ylempi ammattikorkeakoulututkinto) = waxaad ka heleysaa aqoon la xiriirta horumarinta hawlaha goobaha shaqo, taas oo la isaga baahanyahay xeeldheerinnimo khaas ah. Waxbarashada noocan oo kale ah waxay ku habboontahay, qofka haysta shahaadada dugsiga tacliinta sare ee xirfadaha. Sidoo kale waa in la haystaa ugu yaraan saddex sano oo waayaaragnimo shaqo ah oo la xiriirta laanta la codsanayo. www.amkhaku.fi (bog af finish ah)

12

Nidaamka codsigu wuu isbeddelayaa! Codsiyada dugsiga tacliinta sare ee xirfadaha iyo jaamacadda waxaa la isugu geynayaa bogga internetka ee opintopolku.fi, marka la gaaro xilliga deyrta ee 2014-ka. Codsiga waxaa lagu samayn karaa hal foom oo internetka ku jira, kaas oo lagu dalban karo lix goobood oo waxbarasho, iyadoo loo kala hormarinayo hadba sida loo kala danaynayo.

AMK = dugsiga tacliinta sare ee xirfadaha

3

Sidee loogu diyaargaroobaa imtixaanka gelitaanka?

Laamaha waxbarasho qaarkood waxay leeyihiin imtixaannada gelitaanka ama hawlo hormaris ahaan la isugu diro. Imtixaanka qaadashada ka hor waxaad ka fekertaa, waxa aad is leedahay waa in la igu qaato. Ka feker sidoo kale niyadda aad u hayso. Arrimahaas ayaa lagugu weyddiin karaa waraysiga imtixaanka qaadashada.


Wax ha la barto!

Jaamacad Jaamacadda waxaa xoogga la saaraa, sida ay feker ahaan arrimuhu u shaqeeyaan ama loo horumariyo. Jaamacadda waxaa laga qaataa shahaado jaamacadeedka dhexe. Tusaale ahaan dhakhaatiirta, macallimiinta iyo terabiistayaasha hadalka waxaa looga baahanyahay shahaado jamacadeed dhexe. Jaamacadda fursado aad u badan ayaa ka jira: maaddooyinku ilaa saddex boqol ayay gaaraan, kulliyaduhuna waa tobaneeyo. Jaamacadaha Finland waxay leeyihiin 21 laamood oo waxbarasho. Laamaha ugu waaweyn waa cilmiga teknoolojiyada, adabka iyo cilmiga dabiiciga ah. Laamaha kale waa farshaxan sawireedka, tiyaatarka iyo qoob ka ciyaarka iyo laanta cilmiga caafimaadka xoolaha. Tusaale ahaan laanta adabka waxaa lagu bartaa falsafad, taariikh, farshaxan iyo dhaqan iyo sidoo kale afafka qalaad. Laanta cilmiga teknoolojiyada waxaa tusaale ahaan lagu bartaa cilmiga samaynta naqshadaha iyo qaababka dhismayaasha.

1

Yaa codsan kara? Waad codsan kartaa jaamacadda, haddii aad haysato shahaadada dugsiga sare ama midda waxbarasho xirfadeedka heerka labaad ah.

2

Sidee baan u codsan karaa?

Jaamacadda waxaa lagu codsan karaa hal foom oo wadar ahaan sagaal goobood oo waxbarasho lagu codsan karo. Jaamacaduhu iskood bay go’aan uga gaarayaan ardayda ay qaadanayaan. Sannadkii laba goor baa la codsadaa, xilliga guga iyo xilliga deyrta. Waxaa habboon, in codsiga sida ugu dhakhsaha badan loo gudbiyo. www.yliopistohaku.fi (bog af finish ah)

Arrinkan ma ogayd?

Afar xaqiiqo oo jaamacadda ku saabsan:

• Shahaadada jaamacadeed qofka soo qaata

wuxuu ka shaqayn karaa hawlaha la xiriira xeeldheerinnimada, qorshaynta, horumarinta iyo maamulka.

• Jaamacadaha badankood waxaa marka hore laga qaataa shahaado jaamacadeed hoose. Saddex sano ayaa lagu qaadan karaa.

• Ka dib waxaa loo sii gudbaa shahaado

jaamacadeedka dhexe. Laba sano ayaa lagu qaadan karaa.

• Waxbarashada jaamacadda tababbar shaqo

3

ayaa ku jira.

Sidee bay jaamacaduhu ardayda ku qaataan?

Badanaa qaadashadu waxay ku salaysantahay, sida wanaagsan ee uu ardaygu horay wax ugu soo bartay iyo imtixaanka gelitaanka. Jaamacad walba waxay faahfaahinta waxbarashadeeda ku caddaysaa macluumaad la xiriira nidaamka ay ardayda ku qaataan. Arrimahaas si wanaagsan u akhri. Faahfaahinta waxbarashada waxaad ka heleysaa jaamacad walba boggeeda internetka.

Arag heerarka waxbarasho, fiirso fiidiyowyada: www.samalleviivalle.fi (bog af finish ah)

Tilmaanbixiyaha waxbarashada iyo shaqooyinka

13


Tallaabooyinka koowaad ee shaqo bilaabidda Waxbarashada ka dib waxaa la gaarayaa xilligii suuqyada shaqo loo wareegi lahaa. Haddii aad tahay qof dadaalaya, xilkas ah oo hawlihiisa toos u guta, mowqif kaaga shaqo wuu saxanyahay. Waa in la raaco jadwalka iyo wakhtiyada shaqooyinka u degsan. Goobaha shaqo waxaa laga qiimeeyaa aqoonta afafka qalaad iyo dhaqammada. Arrimahaas waxaa habboon, in codsiyada shaqooyinka aad loogu muujiyo. Codsiga shaqo ayaad aqoontaada ku muujinaysaa Hiwaayad ma leedahay? Luqadehee taqaannaa? Shaqooyinka xagaaga ma soo qabatay ama ma soo martay tababbarka barashada goobaha shaqo (TET)? Arrimahan oo dhan ku sheeg codsigaaga shaqo! Waraysiga goobta shaqo ka hor, waxaa codsiga shaqada lagu diraa foom diyaarsan oo internetka ku jira ama toos baa shaqabixiyaha email ahaan loogu gudbiyaa. Haddii nambar telefoon lagu soo qoro

14

ogeysiiska goobta shaqo, wac shaqabixiyaha. Horay uga sii feker, waxa aad weyddiinaysid. Sidaas ayaad xilkasnimadaada ku caddayn kartaa! Waxaa habboon, in codsiga shaqo si wanaagsan loo qoro. Shaqabixiyaashu waxay mudnaanta siiyaan codsiyada shaqo ee sida khalad la’aanta leh oo fasiixa ah loo soo qoray oo codsiyada kalena ka soo muuqda. Tusaalooyin ku qor codsiga shaqo. Haddii aad tiraahdid xilkas baan ahay, sheeg sida aad ku tahay. Codsiga shaqo waxaa badanaa la raaciyaa qof ka warran ama CV. Waa liis ay ku qoranyihiin waxa aad soo baratay iyo goobaha aad ka soo shaqaysay. Halkaas waxaad sidoo kale ku sheegi kartaa waxyaabaha aad sida khaaska ah u taqaanno iyo hiwaayadahaaga. Wareysiga goobta shaqo ayaa laguugu yeerayaa, haddii qoraalkaaga codsiga shaqo uu shaqabixiyaha soo jiito. Badanaa wareysiga goobta shaqo waxaa loogu yeeraa 1–10 qofood oo shaqo raadis ah. Wareysiga ka dib, shaqabixiyuhu wuxuu go’aan ka gaarayaa, qofkii shaqadaas heli lahaa.


Ha la shaqaysto!

Waxaa sidoo kale habboon, in CV-ga lagu qoro magacyada dadka kaa warbixin kara. Arrinkan waxaa loola jeedaa, inuu qofku kaa bixiyo warbixin uu ku muujinayo, inaad shaqadaas ku habboontahay. Xusuuso, inaad oggolaansho ka haysato qofka kaa warbixin kara oo aad magaciisa CV-ga ku qori kartid. Qofka kaa warbixinaya wuxuu noqon karaa tababbare hiwaayadeed, hagaha tababbarka shaqo ama horjoogaha shaqada xagaaga. Ha niyadjabin, haddii aadan islamarkiiba shaqo helin. Wakhti iyo sabar bay shaqo raadintu u baahantahay.

Shaqo raadintu waa shaqo oo kale. Isku day, inaad shaqabixiyaal iyo shaqooyin kale heshid. Sidoo kale waxaa habboon, in shaqooyinka ku meelgaarka ahna la raadsado. Xirfadda dib ayaa laga beddeli karaa, haddii waxbarasho dheeraad ah la galo oo shaqadana lagu tababbarto. Tusmooyin la xiriira shaqo raadinta www.te-palvelut.fi (bog af finish ah) Halkan ka sii akhriso www.kunkoululoppuu.fi (bog af finish ah)

Arrinkan ma ogayd?

Shan arrimood oo waraysiga shaqada ku saabsan

• • • • •

Si wanaagsan u diyaargarow! Goobta shaqo macluumaadkeeda raadi oo sii diyaarso jawaabaha aad su’aalaha ka bixinaysid. Si wanaagsan oo shaqada ku habboon u labbiso. Wakhti wanaagsan goobta sii tag. Haddii aad soo habsaamayso, wac oo ogeysii. Qofka ku waraysanaya indhihiisa fiiri. Se deggan u dhagayso. Mar walba daacad noqo oo isku kalsoonow.

Su’aalaha guud ee waraysiga shaqada

• • • •

Shaqadan maxaad u soo codsatay? Su’aashan waxaa lagu ogaanayaa niyadda aad u hayso. Maxay tahay sababta adiga lagugu dooranayo? U sheeg, aqoonta aad shirkaddaas uga faa’iidayn karto. Saaxiib shaqo oo noocee ah ayaad tahay? Uga warran dabeecaddaada, adigoo tusaalooyin adeegsanaya. Waa maxay waxyaabaha aad ku wanaagsantahay iyo kuwa aad ku liidato? Sheeg saddex tusaale oo waxyaabaha aad ku wanaagsantahay ah, balse ka sii feker waxa aad ku liidato.

Akhriso wargeyska Duuni maqaalkiisa dhaqammada kala duwan oo ka hadlaya, sida waraysiga loogu diyaargaroobo. www.samalleviivalle.fi

Tusaale ahaan su’aalahan ka jawaabiddooda LOOMA baahna:

• • •

Diintee ayaad haysataa? Qof miyaad is qabtaan mise keligaa baad nooshahay? Carruur yeelasho ma ku talajirtaa?

Sida uu sharciga Finland qabo, su’aalahaas khasab ma aha in waraysiga shaqo looga jawaabo. Sidoo kale arrimaha la xiriira xaaladdaada caafimaad waa kuwo xasaasi ah. Su’aalaha waraysiga shaqo jawaabtooda waad ka gaabsan kartaa, haddii aysan shaqada toos ula xiriirin. Haddii aad tusaale ahaan codsanayso shaqooyinka xafiisyada, shaqabixiyuhu inuu ogaado ma aha, in aragga indhahaagu uu kuu saamaxayo waditaanka gaadiidka.

(bog af finish ah)

Tilmaanbixiyaha waxbarashada iyo shaqooyinka

15


Baro sida xiriirrada bulsho loo samaysto Waa hubaal, inaad goobaha shaqo ka maqli doontid muhimadda ay xiriirrada bulsho leeyihiin. – Hawluhu dad la’aan ma kala soconayaan. Xiriirrada bulsho waxay ku caawinayaan, marka aad shaqo kale, macmiil ama qof aad wadashaqaysataan raadinaysid, ayuu yiri Artem Daniliants oo ah aasaasaha shirkadda LumoLink. Marka aad shaqo raadinaysid, waxaa wanaagsan inaad ka fekertid, haddii uu jiro shaqabixiye ama shirkad aad la xiriiri karto. Tusaale ahaan saaxiibkaa ma yaqaannaa shaqabixiye u baahan shaqaale cusub? Sidee baa xiriirrada bulsho loo samaysan karaa? – Isku day inaad qof dadka waxtara noqotid. Sidaas ayaad dadka ku caawinaysaa, xiriirradaaduna ay ku ballaaranayaan, ayuu yiri Artem Daniliants. Wuxuu shirkaddiisa lahaa ilaa bilwgii 2010-ka. – Shirkad yeelashadu macno weyn bay ii leedahay. Siyaabo

kala duwan baan wax u qaban karaa oo waxyaabo cusub u soo saari karaa, ayuu ka dhawaajiyay Daniliants. Gaar ahaan qofka shirkadda leh waa inuu yaqaanno, sida xiriirrada bulsho loo samaysto. Haddii aad doonaysid, inaad shirkad samaysatid, waa inaad tahay qof aad u dadaal badan oo dad la dhaqankana ku fiican. Artem Daniliants wuxuu samaysashada xiriirrada bulsho ka bilaabay Suomen Nuorkauppakamarit ry, ka dib markii uu ku guulaystay tartan dood ah oo uu ururkaas qabanqaabiyay. Haddii aad waxbarashada ka dib shirkad samaysasho xiisaynaysid, booqo bogga internetka ee Nuorkauppakamarit ry www.jci.fi (bog af finish ah).

Warbaahinta madaniga (sosiaalinen media) ayaad u adeegsan kartaa shaqo raadinta. Ka feker, inaad bartaada Facebook-ga aad gelin kartid fiidiyow gaaban oo aad isaga hadlaysid, islamarkaasna aad codsigaada shaqo ku sheegtid. Xusuuso, inay shaqabixiyaashuna isticmaalaan warbaahinta madaniga ah oo ay shaqooyinka bannaan soo dhigaan.

16 16


Ha la shaqaysto!

Sidan ayaad ku bilaabi kartaa samaysashada xiriirrada bulsho

• • • • • • • •

Internetka ka raadi munaasabadaha la xiriira samaysashada xiriirrada bulsho. Inta ugu badan ee aad awooddo ka qaybqaado. Wejifurnaan, xilkasnimo iyo dhiirranaan la tag munaasabadahaas! Hadaf samayso. Tusaale ahaan ha ka soo tagin munaasabadda adiga oo aan toban kaar oo magacyo ah wadanin. Hiwaayaddaada u adeegso samaysashada xiriirrada bulsho. Baro dadka aad isku hiwaayadda tihiin. Ka wadahadla waaya-aragnimada shaqo. Mustaqbalka waxaad shaqo ka heli kartaa shaqabixiyaha uu hadda saaxiibkaa u shaqeeyo!

Tilmaanbixiyaha waxbarashada iyo shaqooyinka

17


Ku guulayso shaqadaada Bilaabidda shaqooyinka mar walba hiyikacsanaan baa la socota. Waxyaabo badan oo cusub baa imaanaya. Isla markaasna waa in shaqada xoog la saaro. Waa muhim xilkasnimada iyo dhiirranaanta niyadeed, balse jawiga shaqo ee rasmiga ah shirkadda ayuu ka dhex abuurmaa. Wadar ahaan baa arrimaha loo go’aamiyaa, iyadoo koox la yahay. – Wadashaqaynta koox ahaaneed waa muhim. Macnuhu waa inay saaxiibbada shaqadu muhim yihiin. Sidoo kale horjoogaha ugu sokeeya waa inuu dhiirriggelinta ku fiicanyahay, ayay tiri Merja Ranta-Aho oo ah maamulaha shaqaalaha shirkadda hagidda telefoonnada gacanta ee Elisa Oyj. Niyadsami horumar lagu tiigsado Wadashaqaynta koox ahaaneed waxaa qof walba looga baahanyahay niyadsami iyo waxqabad shakhsi ahaaneed. Niyadsamida maxaa loola jeedaa? Waxaa

tusaale ahaan loola jeedaa dad la dhaqan wanaagsan iyo in dadka kalena wax laga baran karo. Saaxiibka shaqo ayaa mar walba la weyddiin karaa, haddii waxyaabo shaqada la xiriira la fahmi waayo. – Dadka kale waa in la maqlo oo la tixgeliyo. Shaqada inta lagu jiro waa in mar walba laga fekero, sidii waxqabadka loo wanaajin lahaa, ayay Ranta-Aho ku dardaarantay. Shaqadu waa inay mid xiiso leh noqotaa, islamarkaasna aan fududayn. Goobta shaqo ee wanaagsan shaqabixiyaheedu wuu ku tixgelinyaa. – Waa inay caddahay sida hawlaha loo kala leeyahay oo qalabka lagu shaqaynayana waa inuu hagaagsanaadaa. Shaqaaluhu waa inuu sidoo kale dareemo, inay shaqadu macno ku fadhido, ayay tiri Ranta-Aho.

”Waxaa la hubaa, in qofka dhallinyarada ah la ammaanayo, haddii uu shaqada niyad wanaagsan u hayo, haddii uu ku dhiirrado weyddiisashada caawimaadda iyo haddii uu shaqooyinka cusub si firfircooni leh ugu dhaqaaqo.” – Merja Ranta-Aho oo ah madaxa shaqaalaha Elisa

Shaqo tusiddu waa inay faahfaahsanaataa Shaqo tusiddu waa marka qofka shaqada ku cusub la barayo isticmaalka qalabka shaqada, islamarkaasna la soo tusayo goobaha hawshu ka socoto iyo shaqaalaha halkaas ka hawlgala. – Shaqo tusidda waxaa lagu xaqiijinayaa, sidii uu qofka shaqada ku cusub hawlihiisa si nabadgelyo leh ugu gudan lahaa, ayuu yiri Aku Ryhänen oo ah maamulaha adeegga Itella.

”Shaqabixiyaha wanaagsan waa aammin. Wuu yaqaannaa shaqaalihiisa oo shaqooyin ku habboon ayuu u dhiibaa.” – Johannes, 24-jir

Shaqo tusidda waxaa u xilsaaran shaqabixiyaha. Shaqaaluhu su’aalid ayuu xaq u leeyahay, haddii uusan waxyaabaha qaarkood fahmin. In la sheego ayaa habboon, haddii tusaale ahaan shaqo tusidda si boobsiis ah arrimaha looga warramo. – Shaqaalaha wanaagsan wuu niyadfuranyahay, wuu dhiirranyahay oo wadashaqayntana wuu ku fiicanyahay. Xitaa xilliga shaqo tusidda, ayuu yiri Ryhänen.

18


Ha la shaqaysto!

Shahaadada shaqada Shaqaaluhu wuxuu mar walba xaq u leeyahay shahaadada shaqada, marka ay shaqadu ka dhammaato. Noocyada shahaadooyinkaas way badanyihiin. Tusaalaha hoos ku yaalla ayaad ka arki kartaa, waxyaabaha loo baahanyahay, inay shahaadada shaqada ku yaallaan. Haddii aad codsatay shahaadada shaqada oo shaqabixiyuhu ku siin waayo, waxaad caawimaad weyddiisan kartaa xilhayaha badbaadada shaqaalaha. www.tyosuojelu.fi (bog af finish ah)

Magaca shaqaalaha: Ahmed Ahkera Taariikhda dhalashada iyo nambarka diiwaanka: 123456-1111 Macluumaadka shirkadda: Magac: Elektroniikka Oy

Cinwaan:

Yritystie 7, 00100 Helsinki Shaqaaluhu wuxuu codsan karaa, in shahaadada shaqada loogu qoro qiimaynta waxqabadkiisa iyo habdhaqankiisa. Shahaado aan qiimayn wadan baa sidoo kale la codsan karaa.

Shahaadada shaqada Macluumaadka khasabka ah!

Ahmed Ahkera wuxuu Elektroniikka Oy shaqaale ka ahaa 02.06.2013–16.08.2013. Ahkera shaqooyinkiisu waxay ahaayeen diiwaangelinta sawirrada iyo dokumentiyada iyo ka jawaabidda telefoonka adeegga macaamiisha. Ahkera si heersare ah ayuu shaqooyinka loo dhiibo u gudan jiray. Wuxuu ahaa qof xilkas ah oo si firfircooni leh shaqooyinka ugu dhaqaaqa. Shaqadu waxay ahayd ku meelgaar oo sidaas ayay uga dhammaatay.

Helsinki 16.8.2013 Saxiix iyo muujinta magaca

Goobta iyo taariikhda

Sababta ay shaqadu u dhammaatay waxaa shahaadada shaqada lagu qorayaa, haddii uu shaqaaluhu sidaas codsado.

Maamulaha shaqada

Tilmaanbixiyaha Tilmaanbixiyaha waxbarashada waxbarashada iyo iyo shaqooyinka shaqooyinka

19 19


Goob shaqo oo loo wada simanyahay Qof walba waxqabadkiisa waa laga qiimeeyaa goobta shaqo ee wanaagsan, balse nidaamkana waa in loo wada sinnaado. Qodobbada sharci akhriskooda waa lagu caajisaa, balse waa muhim ogaanshaha xuquuqda la leeyahay. Tusaale ahaan ma la socotaa, mushaar intee le’eg ayaad xaq u leedahay? Ama meeqa saacadood ayaad shaqayn kartaa? Xuquuqda iyo waajibaadka Shaqabixiyaha iyo shaqaaluhu xuquuq bay leeyihiin, waajibaadna wuu saaranyahay. Sharciga waddanka Finland ayaa ka hadlaya shaqooyinka oo reebaya takooridda. Takoorid la’aantu waa marka la wada

20

simanyahay, iyadoo aan la eegin da’da, xaaladda caafimaad, qofka asalkiisa, luqaddiisa ama aragtidiisa. Shaqaalaha dhallinyarada ah Finland sharci gaar ah ayaa ka yaalla xuquuqda ay leeyihiin shaqaala ka yar 18 sano. Sharcigaasi wuxuu ka hadlayaa saacadaha iyo noocyada shaqo ee dhallinyaradu qaban karaan. Tusaale ahaan qofka dhallinyarada ah ma qaban karo shaqo masuuliyaddeedu sarrayso. Sidoo kale shaqooyinku ma noqon karaan, kuwo awood xad dhaaf ah u baahan. Sidoo kale shaqadu waxyeello uma geysan karto qofka dhallinyarada ah horumarkiisa jireed ama qalbi ahaaneed.


Ha la shaqaysto!

Arrinkan ma ogayd? Haddii aan jirrado – maxaan samaynayaa? Jirrooyinka ama shilalka waa in sida ugu dhakhsaha badan shaqabixiyaha loola socodsiiyo. Haddii uu xiriirkaada shaqo bil ka badan socday, sharciga heshiiska shaqo wuxuu dhigayaa, inaad xaq u leedahay helitaanka mushaar buuxa oo sagaalka maalmood ee fasaxaaga jirro ugu horreeya. Haddii uu xiriirkaada shaqo bil ka yar socday, mushaarkaada barkiis ayaad heleysaa. Badanaa shaqabixiyuhu wuxuu u baahanyahay caddayn dhakhtareed oo jirradaada la xiriirta.

Heshiiska shuruudaha shaqada ama TES

• • • •

Qofka shaaqalaha ah xaq uma yeelanayo mushaarka xilliga jirrada, haddii uu taxaddar la’aan weyn awgeed ama si ulakac ah shaqo karid la’aanta u sababay. Sidoo kale ha samayn shaqo xad dhaaf ah. Taas xitaa jirro ayay keeni kartaa. Waa inaad shaqabixiyaha kala hadashaa, haddii ay shaqadu badantahay. Talo weyddiiso saaxiibka shaqada ama wakiilka shaqaalaha (luottamusmies), haddii aad ka baqaysid la hadalka maamulaha shaqada. Marka shaqooyinka la qaybinayo ayaad caddadka shaqada uga hadli kartaa.

Mushaarka

• • •

Xusuuso kaarka canshuurta! www.vero.fi (bog af finish ah)

Heshiiska shuruudaha shaqada ayaa go’aaminaya mushaarka, saacadaha shaqada, fasaxyada iyo waxyaabaha kale ee dantu ku jirto. Laan xirfadeed kasta waxay leedahay heshiiska shuruudaha shaqada oo u gaar ah. Shaqabixiyuhu waa inuu u hoggaansamo heshiiska shuruudaha shaqada ee waddanka u yaalla, kaas oo shuruudaha iyo xaaladaha shaqo go’aaminaya. Arrimaha ku saabsan heshiiska shuruudaha shaqada waxaa habboon, in wakiilka shaqaalaha la weyddiiyo. Badanaa goob kasta oo shaqo waxay leedahay wakiilka shaqaalaha, kaas oo shaqaalaha u hadla. Si kalsooni leh ayaa wakiilka shaqaalaha loogala hadli karaa arrimaha shaqada la xiriira.

Mushaarku wuxuu ku salaysanyahay shaqada nooceeda ama xirfadda. Badanaa goobaha shaqooyinka waxaa la raacaa mushaarbixin waafaqsan heshiiska shuruudaha shaqada. Sannadkii 2012-ka mushaarka qofka 20-jirka ah wuxuu celcelis ahaan bishiiba ahaa 1952 yuuro. Mushaar bileedyada kuwooda yar waxay ahaayeen 1364 yuuro, mushaar bileedyada kuwooda weyna waxay ahaayeen 2552 yuuro.

Wakhtiga shaqo ee qofka 18 sano ka yar 13–14-jirrada

• • • •

Wakhtiga joogtada ah ee shaqadu wuxuu ugu badnaantii noqon karaa toddoba saacadood oo maalintii iyo habeenkii ah. Maalinta aad iskuulka fasaxa ka tahay waxaad shaqayn kartaa toddoba saacadood, maalinta uu iskuulku jirana laba saacadood. Shaqo dheeraad ah lama qaban karo! Wakhtiga shaqadu waa inuu ku beegmo saacadaha u dhexeeya 8–20.

• • •

15–17-jirrada

• •

• •

Wakhtiga joogtada ah ee shaqadu wuxuu ugu badnaantii noqon karaa siddeed saacadood oo maalintii iyo habeenkii ah. Shaqo dheeraad ah waa la qaban karaa, laakiin khasab ma aha. Si kastaba shaqooyinkaas waxaa sannadkiiba la qaban karaa ugu badnaantii 80 saacadood. Wakhtiga shaqadu waa inuu ku beegmo saacadaha u dhexeeya 6–22. Hawlaha guri ka shaqaynta waxaa la qaban karaa ilaa saacaddu ka gaarayso 23, haddii sabab gaar ahi jirto.

Saacadaha iskuulka iyo shaqadu waxay ugu badnaantii isku noqon karaan siddeed saacadood oo maalintii iyo habeenkii ah. Wakhtiga raashinku waa 30 daqiiqadood, haddii saacadaha shaqadu ay ka badanyihiin afar saacadood iyo 30 daqiiqo. Toddobaad walba waa in la helo nasasho xiriir ah oo 38 saacadood ah.

Tilmaanbixiyaha Tilmaanbixiyaha waxbarashada waxbarashadaiyo iyoshaqooyinka shaqooyinka

21 21


Shaqaale dhaqammo kala duwan ka soo jeeda Wadashaqayn dhexmarta shaqabixiyaha iyo dhammaan shaqaalaha ayay ku dhalan kartaa goob shaqo oo wanaag leh. Tani macnaheedu waa, inuu qof walba helo fursad uu shaqadiisa ugu horumaro oo masuuliyaddiisuna ay kororto. Iyo inay shaqaalaha oo dhan aqoonkororsi helaan. Sidoo kale waa muhim, inay hawluhu si habboon isu bedbeddelaan. Qaybahaas kala duwan ayaa waxaa ka dhalanaya goob shaqo oo ay ka hawlgalaan shaqaale dhaqammo kala duwan ka soo jeeda, iyadoo kala duwanaantoodana la tixgelinayo. Shaqaaluhu way u simanyihiin goobta shaqo ee dhaqammada kala duwan. Arrinkan waxaa loola jeedaa, inuu qofka shaqaalaha ahi xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisu ay shaqaalaha kale la mid yihiin, iyada oo aan loo eegeynin halka uu ka soo jeedo. Qof walba nidaam hawleedkiisa waa laga tixgeliyaa goobta shaqo ee loo wada simanyahay. Waa la oggolyahay aragtida duwan ee qofku yeelan karo.

22

– Qof walba hab u gaar ah ayuu shaqada u qabtaa. Tusaale ahaan qof shaqaale ah baa wuxuu qabaa aragti ah, inay muhim tahay warbixinnada oo si aad u faahfaahsan loo qoro. Mid kale wuxuu qabaa fikrad ah, in la hadalka macaamiisha wakhti dheeraad ah la siiyo. Labadooduba nidaamkooda shaqo wuu saxsanyahay, ayay tiri Miriam Attias oo maamule mashruuc ka ah magaalada Helsinki. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay, inuu wuxuu yahay ahaado Wadajir ahaan ayaa loo dejiyaa oo si siman ayaa loogu dhaqmaa nidaamyada u yaalla goobta shaqo ee shaqaalaha dhaqammada kala duwan ka soo jeeda. Qofku wuxuu yahay ayuu goobta shaqo ku ahaanayaa, balse tani macnaheedu ma ahan, inuu qofku wixii uu doono sameeyo. Saaxiibbada shaqada waa in la ixtiraamo, nidaamyadana waa in la raaco. Goobta shaqo ee waxqabadka leh shaqaalaheeda xiriir wanaagsan baa ka wada dhexeeya. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay, inuu aragtidiisa dhiibto.


Ha la shaqaysto!

Fursad uu qofku caqligiisa ku kaashan karo ayaa goobta shaqo ee wanaagsan laga helaa. – Waxaan aaminsanahay, inay masuuliyaddu tahay waxa qofka dadaalka ka keenaya, ayay ka dhawaajisay Attias. Wadashaqaynta wanaagsan hal xeer baa ku filan. – Waa la khaldami karaa oo khatif waa la geli karaa! Haddii jawigu uu yahay mid khatifka saamaxaya, in haddana wixii la isku dayo oo la toosiyo ayuu dhiirriggelinteeda leeyahay, ayay Attias hadalkeeda raacisay. Goob shaqo oo aan fikrad khaldan la iska qabin Fikradaha khaldan ee la iska qabo ama iska sii nebcaanta ku salaysan waxay xumeeyaan jawiga goobta shaqo. Badanaa shaqabixiyaha iyo shaqaaluhuba way qabi karaan fikradahaas khaldan. Shaqaalaha goobta shaqo ee dhaqammada kala duwan jooga way is shaqo yaqaannaan. Haddii saaxiibkaaga shaqo hadalkiisa ama qaabka uu u shaqaynayo ay kula qummanaan waayaan, weyddii sida ay wax u jiraan.

Goobta shaqo ee loo simanyahay Shaqaaluhu • wuu niyadfuranyahay, waa daacad oo fikrad khaldan kama dhaadhacsana • wuu garanayaa xuquuqdiisa, tusaale ahaan wakhtiyada shaqo ee sharciga waafaqsan (eeg bogga 21) • xil ayuu iska saaraa horumarinta jawiga shaqo • wuu yaqaannaa sida wax loo maqlo • wuu is maamuli yaqaannaa oo shaqooyinka lagula ballammo si hufan buu uga soo baxaa. Shaqabixiyuhu • wuxuu shaqalaaha la diyaarinayaa hababka looga hortago wixii dhib keeni kara • xal ayuu khilaafyada u keenayaa • ma qabo fikrado khaldan • warcelin wanaagsan oo wadashaqayn ku salaysan buu shaqaalaha shaqadiisa ka siinayaa • wuu tixgelinayaa rabitaanka shaqaalaha • wuu aamminayaa shaqaalaha • wuxuu xil iska saarayaa, sidii ay shaqaaluhu u heli lahaayeen jawi wanaagsan, qalab shaqo iyo nidaam waxqabad oo hagaagsan.

Koox-hawleedka tilmaanbixiyahan Soosaarayaasha Madaxa diyaarinta Soosaarayaasha qoraalka Qorshaynta mashruuca Qorshaynta garaaf sawireedka Af finishka fududayntiisa Sawirrada Madaxa mashruuca Turjumidda qoraalka finishka Daabace Dalabaadka ISBN Sannadka daabacaadda

Mehdi Arai iyo Evelyn Sõer Vera Miettinen Vera Miettinen, Evelyn Sõer, Mehdi Arai iyo Janne Niinivaara Lenape Design Leena Seppänen Selkokeskus Vera Miettinen iyo Mari Lassinharju Mehdi Arai Helsingin seudun asioimistulkkikeskus Taloudellinen tiedotustoimisto TAT / Mashruuca ESR ee Samalle viivalle tilaukset@tat.fi www.tat.fi/aineistot 978-952-7073-03-2 2014

Tigsu Qorshaynta iyo hirgelinta sawirka Tigsu: Advertising Kioski

– Horjoogaha shaqada ayaa masuul ka ah, inuu qofku wuxuu yahay ahaado. Haddii uu jiro arrin kugu cuslaaday, inaad sheegto ayaa habboon. Haddii tusaale ahaan lagu dhibaateeyo, si faahfaahsan uga hadal wixi dhacay iyo dareenka ay kugu reebeen, ayay tiri Miriam Attias.

Waxaan u mahadcelinaynaa Xafiiska horumarinta manaahijta (Opetushallitus) iyo wasaaradda shaqada iyo wax soosaarashada (työ- ja elinkeinoministeriötä) oo tifaftiray tilmaanbixiyahan. Sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa wakiillada suuqyada shaqo oo aan ka helnay wareysiyo iyo aragtiyo qiimo weyn leh. Mashruuca ESR ee Samalle viivalle waxaa iskuduwiddiisa leh Taloudellinen tiedotustoimisto TAT. Mashruucan waxyaabaha lagu horumarinayo waxaa ka mid ah nidaam-hawleedyo iyo tusaalooyin loogu talaggalay, in dhallinyarada ku jirta da’da dugsiyada dhexe ee dhaqammada kala duwan ka soo jeeda loogu fududeeyo barashada suuqyada shaqo iyo xulashada xirfadaha. Tilmaanbixiyaha Tilmaanbixiyaha waxbarashada iyo iyo shaqooyinka shaqooyinka waxbarashada

23 23


www.samalleviivalle.fi

dugsiga tacliinta sare ee xirfadaha • jaamacad • codsiga shaqada • shahaadada shaqada • wax


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.