AMISOM Dib - U Eegid: Diirad saaridda xasiloonida

Page 1

www.amisom-au.org Cadadkii 10aad Bisha May- July 2013

Diirad saaridda

xasiloonida

Sanad guuradii 50aad ee Midnimada Afrika

1


Farriin ka socota

Ergeyga Gaarka ah ee

Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Halkan guji si aad u aragto video ku saabsan.

Ra’yiga Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mahamat Saleh Annadif

R

a’yiga Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mahamat Saleh Annadif Muddo, haatan laga joogo nus qarni ayay wadamada Afrika isku yimaadeen si ay unkaan Ururka Midowga Afrika, oo markii dambe magaciisa lagu soo gaabiyey Midowga Afrika. Ujeedadda ugu weyn ee isutagga dalalka Afrika ayaa ahayd ka tashiga aayaha umadaha ku nool qaaradda Afrika. Maanta dadaaladda midawga Afrika uu ka wado Soomaaliya si markale cagaheeda iskugu taagto muddo 20 sano kadib isla markaana loo dhiso wadan barwaaqeysan oo xasiloon, ayaa tilmaan cad u ah sida Midowga Afrika uga go’antahay hirgelinta himiloonkii loo unkay. Hawlgalka Midowga Afrika ayaa wuxuu Soomaaliya kasocday 6dii sano ee la soo dhaafay. Mudadaasi gudaheed, waxay ay ku guuleysteen in kooxaha Al-shabaab ay ka saaraan magaalooyinka waaweyn taasoo fududeysay: abuurista dowlad rasmi ah oo la aqoonsan yahay, iyo waliba jawi uu ku hormari karo hanaanka siyaasadeed ee dib- u heshiisiinta. Shacabka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin helidda aqoonsi iyo in lagu bogaadiyo tallaabooyinka dhaxalgalka ahaa ee ay u qaadeen dhanka horumarka iyo sidii ay u garab istaageen dadaalada nabadda. Sidoo kale ka fogaanshahooda xag jirnimada iyo u adkeysigooda dhibaatooyinkii daba dheeraaday ayaa sabab u noqday horumarka la gaaray ee ah abuurida jawi nabadeed oo xasiloon. AMISOM waxay diiradda saareysaa inay ku caawiso dadweynaha Soomaaliyeed adkeynta awooda hey’adaha dowladda ee dhinacyada amniga iyo dowlad wanaagga. Maadaama amniga uu yahay laf dhabarka nabadda, ayaa AMISOM waxay tababareysaa ciidamada qalabka sida si 2

ay ula wareegaan masuuliyadda ilaalinta shacabka Soomaaliyeed. Waxaa xusid mudan in ciidanka booliiska khaaska ah ee AMISOM ee loo yaqaan FPU ay roondo habeen iyo maalin ah wadasameeyaan ciidanka booliiska Soomaaliyeed Inkastoo ay jiraan weerarro argagixiso oo goos-goos ah ayaa hadana waxaan shaki ku jirin in roondada ciidamada uu si weyn wax uga qabtay amniga caasimada taasoo keentay in goobaha ganacsiga ay si xor ah oo cabsi la’aan ah xili dambe ku gaaraan. Bishii April, waxan nasiib u yeeshay inan booqdo magaala xeebeedka

xafiisyada dowladda iyo qalabaynta saldhigyada booliska. Waxay isla markaana tababareysaa shaqaalaha dowladda. Dhawaan 120 saraakiisha hab-maamulka, xog-hayayaal iyo maareeyayaal ka kala socda dhowr wasaaradood ee dowladda Federaalka ayaa ka qeyb galay tababaro xirfadeed ee maamulka iyo maareeynta ee ka dhacay caasimadda Burundi ee Bujumbura. Tababarro kale ayaa qorsheysan. Qeybta rayidka ee AMISOM ayaa waxay kaloo la shaqeysaa saraakiisha dowladda hoose iyo bulshada rayidka si loo adkeeyo xiriirkooda iyo tan

Tani caddayn u tahay waxa aan qabsan karo hadaan wada shaqeyno waxayna tusinaysaa inaan xalisan karno dhibaatooyinka qaaradanada Kismaayo taasoo ay xoogagga AMISOM iyo Soomaaliya xooreeyeen October-tii lasoo dhaafay. Waxaa wax aad loogu farxo ahayd isbedelada ka muuqday magaalada ee ka dhalatay in shacabku ay dib- u dhis ku sameeyaan goobahooda iyo ay dib u hawl galaan hey’adahii sama-falka ahaa ee Al-Shabaab ka mamnuuceen magaalada. Xoojinta amniga waxay u baahantahay dowlad caddaalad ku xukunta dadkeeda, islamarkaana bixisa adeegga bulshada iyo kasbashada kasbatana dadkeeda. Wadamo badan oo ka tirsan qaarada Afrika ayaa sanadihii la soo dhaafay ka gudbay dagaalo sokeeye una gudbay nidaam dawladeed oo u adeega bulshadeeda. Khibradahaas oo kale ayaa qeybta rayidka ee AMISOM ka taabgelinaysaa Soomaaliya si loo loogu kobciyo tayada dowladda Soomaaliya si ay ugu adeegto bulshada. Qeybta rayidka ee AMISOM ayaa waxay gacan ka geysanaysaa dib- u dhiska

dhowladda dhexe iyo weliba xoojinta xiriirka shacabka iyo dowladda. Waxay dowladda ka caawineysaa inay fuliso barnaamijyo saameyn deg deg ah leh sida dib-u dhiska dugsiyada, wadooyinka, buundooyinka, goobaha caafimaadka, biyo nadhiif ah iyo hoyga barakacayaasha. Dadaaladan kuma eka horumarinta shacabka Soomaaliyeed oo kaliya, balse waxay dalka u horseedeysaa jawi xasiloon oo doorashooyin iyo afti guud lagu qaban karo. Dabbaaldegga sananguuradii 50aad ee midowga Afrika ayaa ah mid ad loogu farxo maxaa yeelay wuxuu kusoo beegmay iyada oo laga mirodhaliyey dadaaladii laga waday Soomaaliya. Guushan waxay caddayn u tahay in Afrika ay xallin karto dhibaatooyinka ka jira dhexdeeda. Kani waa habka ugu wanaagsan ee aan ku xusi karno Assaasayaashii Ururka Midowga Africa.


Tusmo 2

Fariinta Midowga Afrika

4

Warbixino Kooban

6

Diirad-Saarid Qeybta rayidka ee AMISOM

7 8 9 10

Qeybta arrimaha bini’aadanimada Qeybta arrimaha rayidka Qeybta siyaasadda Qeybta Jinsiga

11

Diirad-Saarid Qeybta Bookliska AMISOM

12 14 15

Xasilinta ammaanka Muqdisho Nolol maalmeedka Sargaal AMISOM ah Kobcinta tayada ciidamada nabadgelyada

16 Muuqalo

Howlgalka Dib-unabadeynta AMISOM Engaging Isku xirka Qurbo joogta iyo Soomaaliya

20

Codka iyo Doorka Haweenka – Nabada iyo Dib-udhiska Soomaaliya

22

Ciiidamada AMISOM ee Beledweyne

24

Dadaalka nabadda Soomaaliya oo loo marayo farshaxanka, Muusika iyo gabayada

26

Isku-xirka Muqdisho iyo Baydhabo

28 Isbitaalada AMISOM cidkasta waa u furanyihin 30

Ciidamada Sierra Leone oo ku soo biiray hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM

Nagala soco: Isku-dubaridaha: Eloi Yao Af-hayeenka: Gaashaanle Dhexe Cali Aden Xoumed Qorsheynta: Vikki Keingati Sawir qaadayaal: Stuart Price iyo Tobin Jones | AU/UN-IST

amisom.somalia

issuu.com/amisom

amisomsomalia

amisom.somalia

amisomsomalia

Email: au-amisom@africa-union.org or amisomhom@gmail.com P.O. Box 20182 – 00200, Nairobi, Kenya Taleefoon: +254 202 713 755 /56 /58 Fax: +254 202 713 766

www.amisom-au.org

Soosaare: Waaxdawarbaahinta AMISOM

3


Warbixino Kooban Shirkii London 2013

Shirkan oo ay wada guddoominiyayeen dowladaha Soomaaliya iyo Ingiriiska ayaa waxa uu ka dhacay Lancaster House eemagaalada London 7-dii May, 2013. Iyada oo ay shirka kasoo qaybgaleen 54 wakiil oo kala matalayey dawlado, shirkado caalami ah iyo hay’adaha qaramada midoobay ayaa waxaa kamid ahaa Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Safiir Mahamat Saleh Annadif. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkaasi ku soo bandhigtay aragtideeda ku aadan fulinta arrimaha ismaamul-gobaleedyada (Federalism), meel marinta dastuurka rasmiga ah iyo qaban-qaabada doorashooyinka. Beesha caalamka ayaa waxay iskuafgarteen in saddex qodob oo muhiim ah ay ka taageeri doonto qorsheynta dowladda Soomaaliya; sida hagaajinta amniga, cadaaladda iyo maamulka dhaqaalaha dadweynaha. Shirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ayaa qabsoomay 23dii Febraayo 2012.

Xiriirka AMISOM iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee

UK

4

Intii uu shirka socday, AMISOM ayaa shir wadatashi ah la gashay qurba joogta Soomaaliyeed ee UK 9-11kii bishii May 2013. Wakiilada AMISOM ayaa shirkaasi soo qaban qaabiyay si ay u dhageystaan fikradaha ku aadan 6-dii tiir uu soo jeediyay madaxweynaha Xassan Shiikh Maxamud ee xasilinta dhibaatooyinka Soomaaliya si loo helo ka qaybgalka qurba joogta Soomaaliyeed geedi socodka nabadda Soomaaliya. Safiir Annadif ayaa ka codsaday qurba joogta UK in ay ka qayb qaataan dib-u dhiska Sooomaaliya.

Waajibaadka oo la

AMISOM

kordhiyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya, AMISOM iyo beesha caalamka ayaa waxaa ay soo dhoweeyeen kordhinta waajibaadka AMISOM ee ay kordhisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Sida ku cad qaraarka 2093, AMISOM ayaa iminka ogolaansho ka heysata sii joogida iyo sugida ammaanka ee afarta goobood ay AMISOM ay ku sugantahay. Joogitaanka AMISOM oo la kordhaiyey Dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo beesha caalamka ayaa soo dhaweeyey muddo kordhinta joogitaanka ciidamada Afrika oo ku ekaan doonta 28 Febraayo, 2014. Golaha amaanka QM ayaa qaraarka tirsigiisu yahay 2093 ayaa u fasaxaya ciidamada AMISOM inay sii wadaan hawlgalkooda ay Soomaaliya ka wadaan. Qaraarka ayaa tibaaxay in ciidamada AMISOM ay si dhaw ula sii shaqeeyaan ciidamada Soomaaliya si loo wiiqo awooda kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab loona abuuro jawi lagu meelmarin karo ismaamul dawladeed oo sharci ah.ismaamul dawladeed oo sharci ah.

Golaha Ammaanka ee QM oo xayiraadka

hubka qaaday

Bishii Maarso sanadkan, Golaha Ammaanka ee QM ayaa qeyb ahaan qaaday xayiraadii hubka ee Soomaaliya muddo hal sano ah iyadoo xasilooni laga dareemayo wadanka kadib dagaaladii wadanka ka dhacay. Xayiraadda hubka ayaa lagu soo rogay Soomaaliya sanadkii 1992, hal sano uun kadib markii uu dhacay xukunkii madaxweyne Maxamed Siad Barre. Qaadidda xayiraaadka hubka ayaa fursad siinaya ciidamada qalabka sida si ay u helaan qalab milatarui, waxayna fududeynaysaa tababarkooda iyo hawlahooda milatari.


AMISOM oo

Qaybta siyaasadda ee AMISOM oo qalab ugu deeqday Dowladda Soomaliya

isku balaarisay

goobo cusub Bishii April, Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed oo taageero ka helaya kuwa AMISOM ayaa ku guuleystay iskuxerka caasimadda iyo magaalada Baydhabo oo muhiim ah isku socodka dadweynaha iyo ganacsiga.

Qeybta siyaasadda AMISOM ayaa qalab ugu deeqday dowladda Federaalka Soomaaliyaa taasoo qeyb ka ah dadaalada lagu taageerayo masuuliyiinta si ay dib-ugu dhisaan hey’adaha dawladda isla markaana bixiya adeega bulshada Soomaaliyeed.

Ciidamada Sierra Leone

oo laga

hawlgaliyay

Koox horudhac ah oo ka tirsan ciidamada Sierra Leone ayaa laga hawlgaliyay koofurta Soomaaliya horaantii bishii April, 2013, iyaga oo ku biiraya ciidamada AMISOM ee Kenya. Midowga Afrika iyo Golaha ammaanka ayaa ogolaaday ciidamada Sierra Leone in lagu biiriyo AMISOM sanadii 2012. Hawlgalinta ciidamada Sierra Leone ayaa ka dhigaya wadanka shanaad ee ciidamo ku soo biiriya AMISOM, kadib Burundi, Djibouti, Kenya iyo Uganda..

Qeybta rayidka ee AMISOM oo hawlaheeda ballaarisay

In Bishii Febraayo ee sanadkan, qeybta rayidka ee AMISOM ayaa hawlo indha-indhayn u aaday magaalooyinka Beledweyne, Baydhabo iyo Kismaayo halkaasoo qeybaha siyaasadda, kuwa rayidka iyo qeybta haweenka oo qiimayn iyo xiriir la sameeyeen madaxda siyaasadda, bulshada rayidka iyo ururada haweenka iyo saraakiisha AMISOM ee halkaa joogta. Waxaa la rajaynayaa in AMISOM ay hawlgaliso ugu yaraan 50 shaqaale rayid oo dheeri ah oo loo dirayo goobaha hawlgalada si ay ula shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya loona dhiso hey’ado dowladeed oo hufan lalana xisaabtami karo.

Dawladda Soomaaliya oo magacawday cusub ee Ciidamada Qalabka Sida

Taliye

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sameysay isbaddel hogaanka ciidamada dalka. Jeneraal Daahir Aadan Cilmi ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed halka Jeneraal C/qaadir Khaliif Xuseen loo magacaabay ku/xigeenkiisa. Labada Jeneraal waxay baddeleen Jeneraal Cabdiqaadir Shiikh Cali Diini iyo ku/xigeenkiisa Jeneraal Cabdikariin Yussuf Dhegabadan. Waxaa kaloo la dhaariyay Jeneraal Bashiir Maxamed oo noqday madaxa hey’adda Sirdoonka halka Cabdixakiim Daahir Saciidna laga dhigay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Tababarida

Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Bishii April sanadkan, 96 sarkaal oo isagujira laba xidigleyaal iyo sarkaal garaado hoose leh oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ayaa ka soo qalinjabiyay tababar dhinaca hogaaminta oo ay bixisay AMISOM kana dhacay xarunta dhawaan la dayac tiray ee Jazeera, Muqdisho. Tababarkan oo socday 10 usbuuc aya soo bilowday Bishii Jannaayo e e sanadkan ayaa waxaa bixinayay 75 macalin oo ka kala socday Uganda iyo Burundi. Saraakiisha ayaa waxay qaateen tababaro dhinaca maamulka, taatiko, xirfada hawlgalka, ka hor-tagga xag-jirnimada, haynta hubka heer caalami ah, daryeelka bulshada iyo shuruucda caalamiga ee bini’aadanimo. Ilaa hadda, ugu yaraan 4000 oo ciidanka Soomaaliyeed ah ayay tababartay AMISOM. 5


Diirad-Saarid

Qeybta

rayidka ee AMISOM

M

idowga Afrika ayaa yimi Soomaaliya bishii January sanadkii 2007 iyagoo waajibkooda uu ahaa inay xasiliyaan wadanka isla markaana u abuuraan jawi ku haboon xal siyasadeed oo dalka ka maqnayd mudo 20 sano ah. Waajibaadka ammaanka marka laga reebo, AMISOM waxaa kaloo ay ku hawlan yihiin shaqo aan ahayn mida milatari. Qeybahan waxay hoos yimaadaan qeyba rayidka taasoo AMISOM ka fogeyneysa hawlaheda nabad ilaalineed. Qeybta rayidka ayaa loogu tala galay gacansiinta dowladda federaalka Soomaaliya si dib loogu dhiso hey’adaha dowladda iyo bixinta adeegga dadweynaha iyadoo la isticmaalayo qeybaha siyaasadda, kuwa bini’aadanimada, rayidka iyo qeybta jinsiga. Qeybtan oo markii hore ku sugnayd Nairobi ayaa haatan u soo wareegtay Muqdisho bishii May 2011 waxayna hoos timaadaa wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya safiir Mahamat Saleh Annadif.

6


Qeybta

arrimaha

bini’aadanimada

X

aaladaha bini’aadanimo ee Soomaaliya ayaa noqday dhibaatooyin sanad walba soo noq noqda ee wadanka geeska Afrika. Balse Soomaaliya xaaladeeda bini’aadanimo waxaa sii xumeeyay musiibooyinka dabiiciga ah sida daadadka, abaaraha iyo xaaladaha caafimaad ee saf-marka ah. Hadana arrimaha waxaa ku sii darsamay xukunka Al-Shabaab oo mamnuucay gargaarka bini’aadanimo in la geeyo Soomaaliya taasina waxay keentay in gargaarka la gaarsiin waayo dadka u baahan. Waajibaadka AMISOM ee ku aadan hawlaha bani’aadanimada waa mid ku eg oo kaliya ‘fududeyn’. Dawrka AMISOM ee hawlaha bini’aadanimada waa inay fududeysaa intii karaankeeda ah ee looga baahdo hawlaha bini’aadanimo. Marka laga hadlayo la shaqeynta iyo isku dubaridka hey’addaha bini’aadinimada ka shaqeeya, waxaa AMISOM u qaabilsan Waaxda arrimaha bini’aadanimo ee AMISOM oo wada shaqeyn dhaw la leh Xafiiska QM ee Isu-duwida hawlaha bini’aadanimo (OCHA),UNICEF-Soomaaliya, Hey’adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan QM (UNHCR)-Somalia, Barnaamijka cuntada adduunka (WFP) iyo hay’addo kale oo ka tirsan QM iyo ururro aan dawli aheyn. Si loo sameeyo iskhaashi dhinacyada ah loona wadaago xogta, AMISOM waxay kaloo iskaashi la leedahay wasaaradda arrimaha dib u-dejinta iyo bini’aadanimada ee Soomaaliya, wasaaradda caafimaadka iyo madaxda kale ee ay khuseyso arrimahaan. Iyagoo ay dhab ka tahay inay yareeyaan

dhibaatooyinka shacabka Soomaaliyeed, qeybta bini’aadanimo ee AMISOM ayaa isbitaalka Banaadir ugu deeqday labo matoor oo koronto dhaliyayaal. Labada koronto dhaliyayaal ayaa dabka korontada siinaya qeybaha kala duwan ee Banaadir oo ay ku jiraan sheybaarka, qeybta X-ray, qolka qaliinka, qeybaha dhalmada iyo qeybta badbaadinta oo bil walba 3,000 bukaan ay iska soo xaadiriyaan iyadoo dhaqaalaha ay bixiyeen dalka Sweden. Qeybta bini’aadanimo ee AMISOM ayaa mar dhow soo gaba gabeeyay dhayactir ay ku sameeyeen saddex ceel oo ku kala yaala Xamar weyne, Xamar Jajab iyo Dharkeenley. Mashruuca oo lagu fuliyay lacago laga helay dalka Sweden ayaa waxaa kaloo lagu hagaajiyay dhismaha warshad safeysa biyaha, koronto dhaliyayaal, dhismaha haamooyin biyo iyo dhigista dhuumo biyo. Marka mashruuca lagu wareejiyo dadka deegaanka, waxaa ka faa’ideysan doona ugu yaraan 216,000 qoys waxay helayaan biyo nadhiif ah. Danta laga leeyahay mashruucan ayaa ah in lagu hagaajiyo nolosha dadka iyo qeybta caafimaadka ee caasimadda si ay u heelan biyo nadhiif ah si loo yareeyo cudurada ka dhasha biyaha oo ay kamid yihiin daacuunka iyo shuban biyoodka. “Iyadoo Soomaaliya ay ka baxeyso colaadda iyo kumeel gaarnimo una gudbeyso xasilooni, AMISOM iyo qeybaha bini’aadanimo ayaa taageeraya dowladad federaalka Soomaaliya si ay u baxnaaniyaan dibna u dejiyaan barakacayaasha,” ayuu yiri madaxa qeybta bini’aadanimo ee AMISOM Abdul Diabagate.

“Danta ayaa ah in la abuuro jawi u fududeynaya in barakacayaasha ay soo laabtaan. Dadaalo gaar ah ayaa waxaa sameynaya AMISOM, gacan saarayaasha iyo madaxda deegaanka si loo xaqiijiyo in barakacayaasha ay ka qayb qaataan qorshaha dib-u dejinta, baxnaaninta iyo habeynta,” ayaa raaciyay Abdul Diabagate. Qeybta taageerada rayidka AMISOM shaqo la’an maaha. Kadib markii la furay isbitaalo ay leedahay AMISOM, AMISOM waxay sameysay qorshayaal albaabada looga furayo shacabka Soomaaliyeed. Inkasto isbitaalada loogu tala galay in ciidamada AMISOM lagu daaweeyo hadana dadka Soomaaliyeed oo u baahan daryeel caafimaad oo deg deg ah ayaa ka faaideystay. 7


Qeybta arrimaha

rayidka

Q

eybta arrimaha rayidka AMISOM ayaa la shaqeynaysa dowladda Soomaaliya si loo fududeeyo dadaalada lagu doonayo in lagu horumariyo dibna loogu dhiso hey’adaha muhiimka ah ee dowladda sida gaadiidka, korontada, dugsiyada iyo xarumaha caafimaadka. Mar dhow ayaa qeybta arrimaha rayidka waxay la kulmeen madaxda ururada dhalinyerta, ururada haweenka iyo bulshada rayidka si looga xaajoodo dib- u heshiisiin iyo dib- u soo celinta nolosha asaasiga ah. Qeybta arrimaha rayidka ee AMISOM iyagoo la shaqeynaya wasaaradaha dowladda iyo hey’adaha dowladda waxay hormuud u tahay dhisida kaabooyinka bulshada hadana waxay rabaan inay dugsi hoose oo ay maal

8

galiyeen gacansiiyeyaasha AMISOM ku wareejin rabaan dowladda. Bilawgii sanadkan, qeybta rayidka ee AMISOM ayaa hawlo indha-indhayn u aaday magaalooyinka Beledweyne, Baydhabo iyo Kismaayo halkaasoo qeybaha siyaasadda, qeybaha rayidka iyo qeybta jinsiga ay soo qiimeeyeen xiriirna la sameeyeen madaxda siyaasadda, bulshada rayidka iyo ururada haweenka iyo saraakiisha AMISOM ee halkaa jooga. Waxaa la rajaynayaa in AMISOM ay hawlgaliso ugu yaraan 50 shaqaale rayid oo dheeri ah oo loo dirayo goobaha hawlgalada si ay ula shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya loona dhiso hey’ado dowladeed oo hufan lalana xisaabtami karo.


Qeybta siyaasadda S

anadkii la soo dhaafay, is-beddelo badan ayaa ka dhacay Soomaaliya oo ku dhamaaday doorashada madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud, oo la dhaariyay kadib doorashooyin xor ah oo lagu qabtay caasimadda Muqdisho. Hanaanka oo guul ku dhamaaday ayaa waxaa sababay ammaanka iyo nabad galyada ay soo hooyeen ciidamada dowladda iyagoo taageero ka helaya kuwa AMISOM. Qeybta rayidka ee AMISOM ayaa gacan siisay dowladda federaalka Soomaaliya dhinacyo badan oo ay ku jiraan tababarista, hagidda iyo la talo siinta qeybta shaqaalaha bulshada. Qeybta siyaasada ee AMISOM ayaa talo bixin u fidisa dowladda Soomaaliya ee dadaalada wada hadalada iyo dib-u heshiisiinta. Qeybta siyaasadeed waxaa kaloo ay tababartaa, fasirtaa qortaana warbixinno ku aadan horumarada laga sameeyay wadanka iyo talo bixinta hanaanka siyaasadeed ee socda. Qeybta ayaa ku masuul ka ah inay hir galiso go’aanada siyaasadeed ee golaha ammaanka midowga Afrika waxayna ku tala jiraan inay dib-u bilaabaan adeega bulshada. Iyadoo dowladda cusub ay ku sii socota la wareegida goobaha ka baxsan caasimadda, qeybta labaad

ee xasiloonida siyaasadeed ayaa bilaabanaya. Qeybtani waxay isagu jirtaa hawlgalinta qeybta booliska iyo qeybta rayidka oo la geynaayo goobaha cusub ee ay xoreysay AMISOM. Qeybta rayidka ayaa door weyn ka cayaareysa inay xaqiijiso in hey’adaha dowladda ay shaqeynayaan. Qeybta siyaasadda ayaa taageereysa dowladda federaalka Soomaaliya ee dhisida adeeg bulsho oo shaqeynaya iyo tababarista shaqaalaha dowladda. Qeybta ayaa waxay bixiyeen tababaro nadari ah oo ay la socdaan la talin shaqada dhexdeeda. Mar dhow ayaa qeybta siyaasadda AMISOM waxay fududeeyeen tababar labo asbuuc ee dhinaca maareynta iyo maamulka oo loo sameeyay shaqaalada dowladda Soomaaliya ee Bujumbura, Burundi taasoo isu keentay 120 saraakiil borotokool, xog-hayayaal iyo maareeyayaal oo laga soo xulat wasaaradaha dowladda. Madaxa qeybta siyaasadda ee AMISOM danjire Basile Gateretse ayaa sheegay in tababarka loogu tala galay in lagu taageero qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee dib- u dhiska hey’adaha dowlada. “Soomaaliya waxay ku sii socotaa isbedello dhanka dhaqaalaha iyo

siyaasadda oo u baahan taageero hiil iyo hooba ah iyo tayo dhisida awoodda shaqaalaha. Tababarkan waxaa uu qeyb ka yahay taageerada tayo dhisida la siinayo shaqaalaha dowlada,” ayuu raaciyay danjiraha. Qeybta siyaasadda ayaa waxaa kaloo ay ku dadaaleysa inay la shaqeyso saraakiisha deegaanka iyo bulshada rayidka si loo horumariyo xiriirka ay la leeyihiin dowladda dhexe. Qeybta ayaa si gooni ah ula shaqeynaya dowladda si loo hirgaliyo mashaariicda wax tarka leh si loogu fududeeyo hey’adaha gargaarka inay hawshooda gutaan. Qeybta AMISOM ee siyaasadda waxay ku dadaaleysaa inay sare u qaado nolosha dadka Soomaaliyeed iyo abuurista jawi ku haboon qabashada doorashooyin iyo aftiguud oo loo qaado dastuurka wadanka.

9


Qeybta

Jinsiga

K

adib markii ay imaadeen, qeybta jinsiga ee AMISOM ayaa la xiriirtay bulshada deegaanka iyagoo qaban qaabinayay dhacdooyinka isla markaana sameynayay tababaro si loo awood siiyo bulshada gaar ahaan kuwa la takooray. Si loo cadeeyo ka go’naanta Midowga Afrika ee horumarinta sinaanta dhanka jinsiga iyo taageerida hawlgalka Soomaaliya, qeybta waxay wacyi galin ku sameynayaan goobaha si ay u cadeeyaan sinaanta. Qeybta AMISOM ee jinsiga ayaa dawrkooda ah sidii ay u keeni lahaayeen nabad iyo xaqiijinta hanaanka dib-u dhiska ee colaadda kadib, isla markaana horumariya xuquuqda haweenka iyo gabdhaha ayaa mar dhow waxay qaban qaabisay munaasabad hal maalin ah ee lagu horumarinayay haweenka Soomaaliya iyo la xiriirka odayaasha deegaanka iyo siyaasiyiinta Muqdisho, munaasabadda ayaa waxay 10

isu keentay odayaasha deegaanka, aqoonyahayo, kuwa u-ololeeya haweenka iyo madaxda culimada iyagoo ka qeyb qaatay wadahadalo ku saabsan dawrrka haweenka ee arrimaha siyaasadda, aqoon la’aanta bulshada iyo faa’iidooyinka awoodsiinta haweenka ee horumarka Soomaaliya. Iyagoo tababaro siinaya ciidamada AMISOM, shaqaalaha dowladda iyo shacabka deegaanka waxay dawrr weyn ka cayaaraan qeybta jinsiga. Qeybta jinsiga iyagoo la shaqeynaya qeybta siyaasadda ayaa sanadkii la soo dhaafay waxay qaban qaabiyeen siminaar qiimaynta rabitaanka oo loo qabtay xildibaanada haweenka ah ee baarlamaanka Soomaaliya oo lagu qabtay Kampala, Uganda. Siminaarka ayaa fursad u siinay inay la kulmaan xiriirna la yeeshaan saaxiibadood ka socda Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Uganda. Waxaa kaloo ay is-dhaafsadeen casharada ay barteen.


Diirad-Saarid

Qeybta

Bookliska ee AMISOM

11


Xasilinta ammaanka

Muqdisho: Qeybta booliska

AMISOM ee khaaska ah

S

anadkii 2011, qeybta booliska AMISOM ayaa Muqdisho waxay hawlgalisay labo koox oo ah qeybta booliska ee khaaska ah, waxayna ahayd kuwii ugu horreeyay ee Midowga Afrika ay abid dibad u diraan. Tirada booliska ayaa gaaraya 280 oo ka kala socda Uganda iyo Nigeria. Booliska waxay garab siinayaan ciidamada booliska Soomaaliya si loo xasiliyo magaalooyinka waaweyn ee dowladda ay gacanta ku heyso. Dawrka ciidamada booliska ee khaaska ah wuu ka duwan yahay qeybta milatariga ee ciidamada AMISOM. Booliska la abuuray waxay ku hawlanyihiin ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta ee caasimadda. Waxay gacan weyn ka gaysteen inay roondo la sameeyaan ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo hawlgalada baaritaanka ee adkeeyay ammaanka caasimadda. Joogitaankooda wuxuu fududeeyay in ganacsiga uu sii socda ilaa iyo habeenki waqti dambe. Maalmalan waxaa caado ah in la arko shacabka oo iska shaaheynaya, ka cunteynaya maqaayadaha iskana soconaya iyagoo jalaato cunaya. 12

Sida laga soo xiganayo ku/xigeenka taliyaha booliska Benson Oyo-Nyeko, Muqdisho ammaankeeda wuu is-bedelay kadib markii ay bilaabeen inay gacan siiyaan booliska Soomaaliyeed. Wuxuu ammaanay ciidamada booliska iyagoo mar walba shaqeynaya si loo helo magaalo ammaan ah. Taliye Oyo-Nyeko wuxuu kaloo ku baaqayaa in la taageero booliska Soomaaliyeed si ay ula tacaalaan caqabadaha ammaan darada Muqdisho. “Dhaqaale badan waa in la galiyaa booliska la abuuray si ay ula tacaalaan ammaanka Muqdhso. Inkastoo booliska Soomaaliyeed ay diyaar yihiin, hadana lama shaqeyn karo hadaan qalab la haysan. Waxay u baahan yihiin taageerada dowladda iyo beesha caalamka,” ayuu yiri. Inkastoo ay jiraan caqabado badan, qaadida xayiraadda hubka ayaa fududeynaysa in ciidamada qalabka sida ay helaan hub milatari. Tani waxay sare u qaadeysaa dhamaan tayada tababareed iyo mida hawlgalka ciidamada qalabka sida iyagoo ku sii socda xasilinta wadanka oo dhan.


Halkan guji si aad u aragto video ku saabsan.

Maalmalan waxaa caadi iska ah in la arko shacabka oo iska shaaheynaya, kana cunteynaya maqaayadaha iyaga oo iska tamashleynaya waddooyinka oo jallaato dhuuqaya

13


Nolol maalmeedka

Sargaal AMISOM ah S

amuel Bentil waa sarkaal boolis ah oo u dhashay dalka Ghana wuxuuna la shaqeeyaa ciidamada booliska la abuuray ee AMISOM. Bentil wuxuu shaqadan ku jiray 23 sano. Soomaaliya ma ahan hawlgalkiisa nabadeed ee ugu horreeyay. “Sanadkii 2001, waxan ka soo shaqeeyay Kosovo anigoo ah sarkaal xafiis fadhiya, kadib waxan noqday sarkaal roondo sammeeya ilaa aan ka noqday markii dambe sarkaal baaritaanada sammeeya ee xudduudka Lebanon iyo Kosovo,” ayuu ku warramay Markaan ka shaqeynayay Kosovo, Bentil waxaa la isiiyay galbinta iyo ilaalinta madaxda Serbia ilaa ay u gudbaan Albania. 13 bilood ayan hawshaas waday kadibna waxan ku laabtay shaqadeydi hore ee Ghana. Eheladeyda iyo wadankeyga ayan cabbaar ka maqnaa sidaa daraadeed wan u xiiso qabay. Waa ay adkayd balse wax ayan qabannay waana ku qanacsanaa inan kamid ahaa kooxdii isbedelka u keenay Kosovo,” ayuu raaciyay. Bentil xirfadiisa iyo aqoontiisa wuxuu la soo aaday Soomaaliya bishii September 21 isagoo kamid ah 142 sarkaal boolis oo ka tirsan AMISOM. Booliska ugu horreeyay waxay yimaadeen xili ay dagaallo socdeen ay wadeen dowlada iyo AMISOMna ay gacan ku hayeen 30% ee caasimadda. Booliska ayaa waxay loo dirayay waqtigaa iyagoo kooxo 14 ah waxayna ku kala firarsan yihiin 17 sal-dhig boolis ee Muqdisho iyagoo gacan siiya taliyeyaasha sal-dhigyada si ay ula jaan qaadaan heerka caalamiga ee ilaalinta dadweynaha. Saraakiisha booliska waxay ciidamada booliska Soomaaliyeed ka tababaraan arrimo dhowr ah sida maamulka shaqaalaha, maamulka iyo maareeynta dhaqaalaha iyo lacagaha.

14

Bentil horraan wuxuu joogay garoonka Aden Abdulle ee caalamiga isagoo booliska Soomaaliya ka taageeraya dhowrista sharciga iyo kala dambeynta ee garoonka. “Hawsheyda garoonka waxa kamid ahaa indha-indhaynta tirada qurba joogta Soomaaliyeed oo wadanka ku soo laabanaya oo ka kala socda dalal badan, tirada diyaaradaha soo caga dhiganaya maalin walba, dhinaca diyaaradaha gargaarka iyo helikobtarada,” ayuu yiri. Lixdii todobaad ee la soo dhaafay, Bentil waxaa loo magacaabay madaxa kooxda ururinta iyo xaqiijinta macluumaadka. Kooxdan waxay ku shaqo leeyihiin ururinta macluumaadka ku saabsan kooxaha argagixisada iyo tuugada si ciidamada booliska ay ugu hor-tagaan weerarada laga yaabo lasoo qaado. “lama shaqeyno Ciidamada booliska Soomaaliyeed oo kaliya ee xataa shacabka ayaa noo soo gudbiya macluumaad ku saabsan weerarro lala damacsanyahay AMISOM ama shacabka kadibna waan uruurinnaa macluumaadka, una gudbinaa saraakiisha u xil saaran”. “Maraka qaar macluumaadka aan gudbino ayaa waxaa looga hor-tagaa weerarro la soo qaadi lahaa. Balse mararka qaar macluumaadka aan gaynaa run ma wada noqdaan” Bentil wuxuu sheegay caqabadda ugu weyn inay tahay tirada booliska oo yar. Balse taasi waxaa laga yaabaa in la daboolo taasoo keeneysa fursad ah in booliska la geeyo goobaha ka baxsan Muqdisho. “Booliska AMISOM waxay qorsheynayaan in ciidamada la geeyo aagagga 2aad iyo 3aad sanadkan dhexdiisa si loo soo nooleeyo hawlaha booliska ee goobaha la xorreeyay. Markan halkaa tagno waxan diyaargareynaynaa saldhigyada waana u kuurgalaynaa sidii isbaddel loogu sammeyn lahaa booliska. Sanadkan qeybtiisa dambe, waa inaan booliska AMISOM wada geynaa aagagga oo dhan,” ayuu carabka ku dhuftay ku/ xigeenka booliska AMISOM Benson OyoNyeko. Sarkaal Bentil oo kale khibrad u leh ayaa wuxuu halbawle u yahay hawlgalka AMISOM oo wax kataraya dadaalada lagu soo celinayo sharciga iyo kala dambeynta.


B

ishii April 2013, ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa kor u kac weyn helay kadib markii 197 sarkaal ay kasoo qalin jabiyeen tababar dhinaca maamulka iyo maareynta dadweynaha. FPU booliska AMISOM ayaa loo igmaday tababaridda iyo talasiinta ciidamada booliska Soomaaliyeed iyagoo isu-bedelaya ciidan habeysan oo la isku halleysan karo. Tababarka waxaa lagu qabtay Jabuuti waxaana bixiyay saraakiil sar sare ee ka tirsan booliska AMISOM iyo gacansiiyeyaal caalami ah. Tababar aad u dhib badan ayay ka soo qalin jabiyeen 182ka rag iyo 15ka haween ah oo ay ka koobnaayeen booliska. “Qeybta tababarista ee ka tirsan AMISOM ayaa masuul ka ah horumarinta iyo tababaridda ciidamada booliska Soomaaliyeed. Waxaa kamid ah qiimeynta tababarka iyo sameynta qaabka tababarka oo loo sameynayo dhamaan qeybaha booliska Soomaaliyeed,” ayuu yiri ku/xigeenka taliyaha booliska AMISOM Benson Oyo-Nyeko. Taliye Oyo-Nyeko ayaa raaciyay in qeybta tababarka ay ku hawlaneyd tababar cilmi kororsi ah oo loo qabtay booliska Soomaaliyeed iyadoo bar-bar socota tababarka horumarinta mashaariicda iyo qalabka lagu dhisayo tayada booliska

Soomaaliyeed oo lala shaqeynayo gacan siiyeyaasha caalamiga ah. “Saraakiisha lagu soo tababaray Jabuuti iyo 871-ga sarkaal ee hada lagu tababarayo Muqdisho ayaa waxay diiradda saarayaan ammaanka magaalada Muqdisho iyo sugidda sharciga iyo kala dambeynta,” ayuu sii raaciyay. “dib- u xaqiijinta nabadda waa muhiim, ma rabno in dadka ganacsiga furtay ay ganacsiga xiraan iyagoo ka cabsi qaba khatar ammaan. Waa inan la dagaalannaa dambiilayaasha. Dadku waxay ku sii jeedaan nabadda, balse caqabado ayaa na hortaagan. Waxan rabnaa inan ka hor tagno falal dambiyeedka oo dhan.” Dr. Benjamin Kwasi Agordzo, oo ah isku-duwaha qeybta horumarinta iyo tababarka booliska AMISOM, ayaa raaciyay in AMISOM ay leedahay goobo badan oo ay ka dooran karto qeybta loo fidinayo tababarka. “Tababarkan waxaa lagu qaban karaa gudaha iyo dibadda ba. AMISOM waxay heleysaa dhaqaale lagu bixiyo tababarka si loogu bixiyo Muqdisho ama dibadda Soomaaliya sida wadamada Uganda, Djibouti iyo Burundi,” ayuu yiri. Dr. Agordzo wuxuu intaa ku daray in AMISOM iyo gacansiiyeyaasheeda

caalamiga ay horay u tababareen 1,131 booliska Soomaaliyeed tan iyo bishii January. Hawlgalka waxaa u qorsheysan inay tababaraan 560 saraakiil oo dheeri ah iyagoo la siinayo tababaro cilmi kororsi ah oo ah kuwii ugu horeeyay kadib dagaaladii sokeeye.taliyeyayaal sal-dhig oo gaaraya 55 ayaa iyagana la siin doonaa tababar dhinaca xirfadaha maamulka aasaasiga oo kagadaal lagu daabuli doono goobaha la xoreeyay. 100 kale oo dheeri ahna waa la soo xulayaa waxaana la siinayaa tababaro si ay u noqdaan tabarayaal. “Sanadkan ayaa ah sanadka ugu wanaagsan ee tababarka AMISOM. tan iyo markii aan iimaanay 2012, waxan qabanay tababarada intooda badan. waanna ku faraxnay horumarka. Booliska Soomaaliyeed way noo fududeeyaan hawlaha tababarka. Muhimadda ugu weyn waxaa weeye in sare loo qaado tayada ciidamada booliska Soomaaliyeed si ay u noqdaan tabarayaal ayna u qabsadaan tabaradooda,” ayuu raaciyay. Dr. Agordzo ayaa sheegay in raadka tababarka uu ka muuqdo booliska Soomaaliyeed inkastoo ay jiraan caqabado dhinaca qalabka iyo dhaqaalaha.

Kobcinta tayada

ciidamada nabadgelyada Halkan guji si aad u aragto video ku saabsan.

15


Howlgalka Dib-unabadeynta AMISOM

Muuqaalo

BIDIX KABILOW: Booliska la abuuray ee AMISOM oo ka socda Nigeria oo heegan ah. DHEXDA, BIDIX, MIDIG U WAD: Booliska la abuuray ee AMISOM oo ka socda Nigeria oo heegan ah.

DUSHA, BIDIX, MIDIGNA U WAD: Booliska AMISOM oo cunno u qeybinaysa barakacayaasha Indhoolayaasha oo la keenay isbitaalka Marka.

16


DUSHA, BIDIX, MIDIGNA U WAD: Aabbe oo canugiisa haya oo uu hayo xanuunka shubanbiyoodka iyagoo jooga Isbitaalka Beledweyne Ciidamada booliska ee la abuuray ee roondo ka wada waddada KM4 oo Muqdisho. 17


Isku xirka Qurbo joogta iyo Soomaaliya

Muuqaalo


Xiriirka AMISOM iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee UK Intii uu shirka socday, AMISOM ayaa shir wadatashi ah la gashay qurba joogta Soomaaliyeed ee UK 9-11kii bishii May 2013. Wakiilada AMISOM ayaa shirkaasi soo qaban qaabiyay si ay u dhageystaan fikradaha ku aadan 6-dii tiir uu soo jeediyay madaxweynaha Xassan Shiikh Maxamud ee xasilinta dhibaatooyinka Soomaaliya si loo helo ka qaybgalka qurba joogta Soomaaliyeed geedi socodka nabadda Soomaaliya. Safiir Annadif ayaa ka codsaday qurba joogta UK in ay ka qayb qaataan dib-u dhiska Sooomaaliya.

19


Codka iyo Doorka

Haweenka

Maryam Qasim

H

aweenka Soomaaliyeed waxay muujiyeen adkeysi aad u weyn tobankii sanoo la soo dhaafay hadana waxay diyaar u yihiin inay dawr fiican ka cayaaraan dib- u dhiska iyo horumarka wadanka Haweenka qaar sida Maluka Abdikadir kama hadleyso kaliya ka qeyb qaadashada arrimaha wadanka balse way tusaale ayay u tahay. Doorkeeda iyo booskeeda shaqo ee ah la taliye qorshaha xasilinta dowladda federaalka Soomaaliya ma kaliya maaha mid dhiira galinayssa haweenka kale balse waa door wanaagsan oo lagu horumarinayo xuquuqda haweenka. “Waxaa muhiim ah in haweenka Soomaaliyeed loo ogolaado inay dareemaan lahaansho iyo aragti qaram”, 20

Maluka Abdulkadir

sidaas ayay tiri mar laga wareystay doorka haweenka ee hanaanka nabadda ee socda. Maluka Abdikadir ayaa ah haweeneydii ugu horeysa oo qirta in wax ka bedelka bulshada Soomaaliyeed oo ay maamulaan ragga inan si dhakhsi ah lagu bedeli Karin, balse waxan aaminsantahay in fikradahaasi ay is-bedelayaan. Haweenka Soomaaliyeed ayaa ka koobma 18% ee baarlamaanka wadanka. Inkastoo aan la xaqiijin 30% la rabay, balse waa kobac aad u weyn oo laga soo gudbay 5% xiligii dowladda kumeel gaarka ahayd taasoo dhiirragalisay Maluka C/qadir. “Waxan rabnaa in carruurtooda ay ku noolaadaan noloshii aysan iyaga helin 20 kii sanoo la soo dhaafay. Haweenka

Soomaaliyeed waxay soo toosayaan aroorti iyagoo og in carruurtooda ay dugsiga aadayaan ayna leeyihiin mustaqbal ifaya ” ayay raacisay. Qeybta jinsiga ee AMISOM ayaa bilawday inay daneeyaan arrimaha la xiriira xuquuqda haweenka iyo gabood fallada. Qeybtan ayaa waxay wadday tababarro ay u fidisay shaqaalaha AMISOM ee jooga Baydhabo iyo Beledweyne taasoo qeyb ka ah dadaalada lagu xoojinayo ciidamada inay fahmaan dhaqanka wanaagsan ee jinsiga gaar ahaan xuquuqda haweenka iyo gabdhaha. Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qabilsan Soomaaliya mudane Mahamet Saleh Annadif ayaa ammaanay qeybta jinsiga wuxuna ballan


Haweenka waxay rabaan in carruurtooda ay ku noolaadaan noloshii aysan iyaga helin 20 kii sanoo la soo dhaafay. Haweenka Soomaaliyeed waxay rabaan inay soo toosaan aroorti iyagoo og in carruurtooda ay dugsiga aadayaan ayna leeyihiin mustaqbal ifaya

Halkan guji si aad u aragto video ku saabsan.

qaaday in AMISOM ay ka go’antahay dhowrista xuquuqda Soomaaliya gaar ahaan kuwa u nugul xadgudubka. “Jawi ammaan ah oo ka maran gaajo, xadgudubyo iyo hanjabaad ayaa shuruud u ah helitaanka xuquuqda aadanaha. AMISOM waxay gacan siinaysaa dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka si loo abuuro jawi noocaasi ah,” ayuu yiri. Ma ahan Maluka C/qadir haweeneyda kaliya ee codkeeda kor u qaaday. Dawladda Soomaaliya ayaa mar dhow lagu amaanay magacaabida Fawzia Yussuf Haji oo loo magacaabay raisul wasaare ku/xigeenkii ugu horesay ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka adeega bulshada oo loo magacaabay Maryam Qasim. Iyadoo Soomaaliya ay ku sii socoto waa cusub, lagama tagi karo lamana hilmaami karo haweenkii qoysaska ilaalinayay ahaana sal-dhigga iyo xudunta bulshada xiligii dhibaatooyinka dagaalada. AMISOM waxay diyaar u tahay inay kordhiso taageerada Soomaaliya si loo meelmariyo sinnaanta haweenka iyo ragga isla markaana bulshada ay ka qeyb galaan. AMISOM waxay diyaar u tahay inay xaqiijiso sinnaan dhinaca haweenka iyo ragga ee ka dhaca Soomaaliya halkaasoo qeybaha bulshada oo dhan ay is-gacan qabsanayaan lana raadinayo nabad iyo barwaaqo. 21


Ciiidamada AMISOM ee

Beletweyne B

eledweyne waa magaalada shanaad ee ugu weyn Soomaaliya, waxay Muqdisho u jirtaa 300 km. Waxa ugu horreeya ee indhahaada ay qabanayaan waa garoonka diyaaradaha oo la dayactiray oo ku yaala dhul banaan oo ishaadu ay qabanayso. Garoonka haatan waxaa ka soo dega diyaarahada rayidka iyo kuwa QM todobaadkiiba labo mar taasoo keeneysa hor-u socodka ganacsiga iyo gargaarka bini’aadanimo. Beledweyne waxay gacanta ugu jirtay kooxaha Al-Shabaab ilaa iyo bishii December 31, 2013 kadib markii ciidamada Ethiopia oo la shaqeynaya ciidamada dowlada ay ka saareen magaalada. Bishii September 2012, ciidamo ka socda Jabuuti oo hoos yimaada AMISOM ayaa tagay lana wareegay ammaanka magaalada. Maanta, Beledweyne waxaa gacanta 22

ku haya ciidamada AMISOM ee Jabuuti, kuwa Ethiopia iyo ciidamada Soomaaliyeed. Beledweyne uu ku taala dhul beereedka gobolka Hiiraan ayaa dalka oo dhan u ah goob ganacsi. Xoolaha laga keeno Baledweyne ayaa laga dhoofiyaa dekedda Muqdisho, Boosaaso iyo Berbera si loogu iibgeeyo wadamada carabka. Joogitaanka AMISOM ayaa fududeysay in ganacsatada ay sii wataan ganacsigooda kadib sanooyin caga-juglayn iyo canshuuro badan oo Al-Shabaab ay ka qaadan jireen dadweynaha. Ciidamada AMISOM ayaa tababar u soo gaba-gabeeyay 500 kamid ah ciidamada taabacsan dowladda oo hada lagu biiriyay ciidamada qalabka sida waxayna barteen tababar dhinaca baarida waxyaabaha qarxa ee gacanta lagu sameeyay, gargaarka deg degga

ah, darawalnimo horumarsan iyo isgaarsiinta. Hadana waxay tababarayaan 500 oo kale. Hadafka AMISOM ayaa ah in ciidamada Soomaaliya awood u yesheen inay ugu dambeynta la wareegaan amaanka dalka iyo dadkooda. Iyaga oo leh tababar iyo qalab ku filan. Ciidamada Jabuuti ayaa waxaa Beledweyne looga bixiyay ‘hiil walaal’ sababta oo ah waxay ku guuleysteen inay cayriyaan kooxaha magaalada iyo agagaarkeeda. Iyo in ciidamada Jabuuti xaliyeen khilaafaad u dhaxeeyey dadka wada dega magaaladaas. Intaa waxaa u dheer iyaga oo gacan ka gaystay fududeynta hawlaha gargaarka. Sababta ugu weyn ee bulshada ay u jecel yihiin ciidamada AMISOM waxaa keentay daadadkii bishii September oo ka dhacay CelJaley halkaasoo barakacayaasha ay daadadka ku waayeen


Halkan guji si aad u aragto video ku saabsan.

guryahoodi. AMISOM ayaaa gacan ka geysatay daad-gureynta shacabka iyo barakacayaasha ilaa laga geeyo goobo taag ah waxayna ilaalinayeen shacabka halkaasi oo gaaraya 400. Ciidamada ayaa mararka qaar barakacayaasha u qeybiya cunadooda. Waxaa kaloo ciidamada Jabuuti ee AMISOM ka tirsan koox yer oo dumar ah oo ku hawlan arrimaha ciidamada haweenka ee Jabuuti. Kooxda ayaa waxay ka kooban yihiin 8 haween oo ku xeel dheer arrimaha bulshada, daryeelka caafimaad iyo tababarka milatari iyo maamulka. Kooxda waxaa kaloo ay sameeyaan baaritaano ee goobaha bulshada sida garoonka, isbitaalada, sal-dhigyada booliska. Waxaa kaloo ay sameeyaan ilaalada iyo galbinta saraakiisha dowladda iyo shaqaalada qaramada midoobay. Fatuma Muumin Dallen oo

ah madaxa haweenka ayaa ka warameysa hawlgalka iyo shaqooyinka haweenka AMISOM ee ciidanka ah ee maalin walba. “Masuuliyad weyn ayaa naga saran shacabka Soomaaliyeed hadaan nahay walaalo. Hal luuqad ayan ku hadalnaa, hal dhaqan iyo hal caqiido sidaa daraadeed way xiisaynayaan joogitaankanaga halkan (Beledweyne) wayna fahmayaan shaqada ah halkan u joogno inay tahay ku soo dabaalida nabad iyo xasilooni,” ayaa tiri Fadumo. Hal sano kadib markii ciidamada Jabuuti ay imaadeen Beledweyne, magaalada ayaa hawlo aad u balaaran lagadareemayaa iyagoo kalsooni ay soo galeyso shacabka maalinba maalinta ka dambeysa iyagoo aaminsan in magaaladooda ay barwaaqo iyo xasilooni ku soo laabaneyso.

Hal sano kadib markii ciidamada Jabuuti ay yimaadeen Beledweyne, magaalada ayaa hawlo aad u balaaran laga dareemayaa iyagoo kalsooni ay soo galeyso shacabka maalinba maalinta ka dambeysa ayna aaminsan in magaaladooda ay barwaaqo iyo xasilooni ku soo laabaneyso

23


marayo farshaxanka,

Dadaalka nabadda Soomaaliya oo loo

muusika gabayada iyo

S

oomaalida waxaa lagu yaqaanaa dhaqanka aftahanimada. Dhaqankan suugaaneed ayaa waxaa iska soo dhaxlayay jiilba jiilka kale iyagoo habeynaya gabayo, sarbeeb iyo wareejinta sheekooyinka oo nuxur xikmado iyo geesinimo leh oo ay ka sheekeynayaan ayeeyooyin ayna dhageysanayaan caruur indho waaweyn leh oo dab shidan ku wareegsan. Maalmahan xitaa, koox ka kooban rag iyo haween Soomaaliyeed ayaa la arkayaa iyagoo isagu soo ururaya goobta shaaha oo ka sheekeysanaya siyaasadda, qaranimo iyo arrimo ganacsi. Dhaqanka ayaa xitaa dadka iska caadiga ah ka dhigay ashkhaas suugaanta aad u yaqaana iyo abwaano oo wax ka bedeli kara bulshada. Tan iyo qarnigii 20aad, gabayga iyo suugaanta Soomaaliyeed ayaa loo isticmaalayay in farriimo dagaalo 24

iyo kuwa nabadeed loogu gudbiyo dadka Soomaaliyeed. Ka hor dagaaladii sokeeye, dhaqanka iyo farshaxanka ayaa dawrr weyn ka ciyaaray siyaasadda halka gabayayaasha iyo heesaayaasha ay taageero dadweynaha ka raadsan jireen si looga hortago xukunka dadka ka soo horjeeda. Halyeeyada suugaaneed waxaa kamid ah Nuruddin Farah oo wadanka ka cararay isgoo ku hawlan arrimaha suugaanta. Balse Muqdisho ayaa dib-u soo kaceysa taasoo tusinaysa in caasimada lagu qabtay munaasabada muusik oo ugu horeysay mudo 20 sano ah. Munaasabada oo loogu magic daray “dib- u soo kaca fanka Soomaaliyeed” oo ay soo qaban qaabiyeen kooxda Waayaha Cusub. Muhimadooda ayaa ah inay dhalinta Soomaaliyeed ka dhaadhiciyaan inay “dhigaan xabadda/ qoriga ayna ka hortagaan xag-jirnimada’’. Kooxda Waayaha Cusub ayaa cod dheer uga soo horjeeda kooxda Al-Shabaab waxayna ka kooban yihiin farshaxano ka

cararay wadanka 90aad kii. Munaasabad fanka ah kumaysan dhigin Soomaaliya balse waa ay isku dayeen marar badan. Waayaha cusub waxaa hogaaminaya halabuure Shiine Cali. Kooxda ayaa is-hor taagay hanjabaado dil iyo khaarijin. Balse ammaanka Muqdisho oo soo hagaagay ayna gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa u fududeeyay inay fankii ugu horreeyay qabtaan. Kooxda waxaa ku soo biiray huballo kale oo wadamo kala duwan ka socda sida Afghanistan, Ethiopia iyo Mareykanka. Shiine Cali ayaa sharaxa “Sababta aan caasimadda Soomaaliya Muqdisho u nimid waa inan qabannaa fan u badan heeso oo ku saabsan nabadda oo lagu qabanayo meelo kala duwan ee caasimadda. Waxaan nahay koox balaaran oo wadamo kala duwan ka yimid innagoo raadinayna nabadda


Halkan guji si aad u aragto video ku saabsan.

Soomaaliya iyadoo la isticmaalayo farka,” Shiine ayaa tibaaxay. Kooxda Al-Shabaab ayaa ka mamnuucday fanka, ciyaaraha iyo noocyo badan ee madadaalada laga soo bilaabo 2009 taasoo joojisay qeybta dhaqanka Soomaaliyeed. Sanadkan horaantiisi, farshaxano ka socda Xarunta cilmi-baarista iyo Wadatashiga oo xafiis ku leh Muqdisho ayaa sameeyay farshaxano 20 gaaraya oo loogu tala galay in lagu cabbiro horumarrada iyo is-bedelada laga sameeyay dhanka siyaasadda iyo dabbaaldegga dowladda cusub ee dhalatay. Goobaha ay xukumayeen Al-Shabaab ee Muqdisho, farshaxano ka socda xafiiska ayaa si qarsoodi ah ku hawlgalayay kadib markii guddoomiyahoodi Cabdulqadir Yaxye Cali gurigiisa lagu dilay. Farshaxanada cabbiraya muhiimada nabadda iyo farriimo rajo galinaya dimoqraadiyadda

Hoballo cabbiraya muhiimadda

iyo midnimada ayaa waxay ka nabadda iyo fariimo rajo taagan yihiin goobaha saxmadda badan ee Muqdisho si ay dadka u galinaya dimoqraadiyadda arkaan. “Ugu horreyntii, muhimadanada iyo midnimada ayaa waxay waxay ahayd in farshaxanada aan ka oogan yihiin goobaha meel amaan oo ay hawshooda ku saxmadda badan ee Muqdisho gudan karaan isagu keenno. Waxay rabeen inay dhex-galaan bulshada si ay dadka u arkaan deegaanka iyagoo isticmaalaya xirfadahooda. Farshaxanada hadda waxay heystaan goob ay ka shaqayn karaan ayna ku wada kulmi karaan. Hawshooda muhimadeeda waa inay la Soomaaliya ayay ku wareegayaan iyagoo xiriiraan bulshada deegaanka iyo inay dhiira galinaya nabadda iyo wadaka dhaadhiciyaan si ay go’aano dhanka hadalada. siyaasadeed iyo kuwo ammaan ah Iyadoo ammaanka Muqdisho uu soo qaataan,” Yaxye ayaa sheegay. hagaagayo iyo goobaha kale, rajada ayaa Al-Shabaab waxay beegsanaysaa waxay tahay in farshaxano iyo hoballo hobalada iyo wariyayaasha balse taasi badani ay ku soo noqon doonaan wadanka ma istaajinayso Geediga Nabadda oo ah si ay dib- ugu soo kiciyaan dhaqanka koox farshaxano, gabyaa iyo heesaayaal wadanka iyo madadaalada kadib marka la ah oo labo sano ka hor is-uruursaday. helo taageerada dowladda. 25


Isku-xirka

Muqdisho iyo

Baydhabo

C

iidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed oo taageero ka helaya kuwa AMISOM ayaa si guul ah u dhameystiray horusocodkoodi 241km ee u dhaxeysa Muqdisho ito Baydhabo bishii April. Horusocodka ayaa ah kii ugu horeeyay ee isku xira labada caasimadood. Cidamada ka dhaqaaqay Buur-Hakaba oo ay sal-dhig ay ka sameysteen daba yaaqadii bishii February. Hawlgalka ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM waa u muhiim isku furmidda jidka u dhaxeeya Mugadishu iyo Baydhaba sababta oo waxay u

26


Halkan guji si aad u aragto video ku saabsan.

Ma han oo keliya in Al-Shabaab dib aysan usoo noqon karin, ee way cabsanayaan, awooddeena dagaalna iskama caabin karaan taasina waxay tusinaysaa inaysan hor-istaagi karin ciidamadeenna sahlaysaa in ay si fudud isaga gooshaan magaalooyinka Marka, Jowhar iyo Baydhaba inta u dhaxaysa. Magaalada Buur-Hakaba oo 64 km Baydhabo ka xigta dhanka bari ayaa ahayd goobta ay ku kulmi jireen kooxaha Al-Shabaab si ay weerarro ugu soo qaadaan ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo dadweynaha Soomaaliyeed. Kooxaha xag-jirka ah ayaa waxaa kaloo ay dhaqaale sharci daro si handadaad uga heli jireen magaalada. “Al-Shabaab waxay waysay

taageerada shacabka Soomaaliyed. Taageerada dadweynaha ma heysato, saadkiina wuu ka dhamaaday. Waxan la wareegnay dhamaan goobihii ay canshuuraadka sharci darada ka heli jireen iyagoo isticmaalayay dekedda waxan gacanta ku haynaa goobahaasi oo dhan. Shacabka way na taageersanyihiin” ayuu yiri gaashaanle dhexe Connel Edson Muhangusi, oo ah taliye guuto ee ciidamada AMISOM oo goobta joogay. Sarreeye guuto Ibrahim Yarow oo ka tirsan ciidamada qalabka sida

ayaa amaanay hawlkarnimada iyo geesinimada ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM. “kooxda Al-Shabaab arrinkooda ma ahan inay jabeen oo kaliye ee way cabsanayaan, awoodanada dagaalka iskama celin karaan taasina waxay tusinaysaa inaysan hor-istaagi Karin ciidamadanada”, ayuu yiri wax yar uun kadib markii ay galeen Buur-Hakaba. Horusocodka ayaa furay 60kii kilomitir ee ugu dambeeyay ee caasimadda ku xirayay Baydhabo. 27


Isbitaalada AMISOM

cidkasta waa u furanyihin

Halkan guji si aad u aragto video ku saabsan.

A

deegga daryeelka caafimaad ee Soomaaliya ayaa waxaa aafeeyay dagaalkii sokeeye iyadoo Isbitaalada ay noqdeen hoyga barakacayaasha. Shaqaalaha caafimaadkuna meesha ayay ka baxeen. Adeegga daryeel caafimaad ayaa saamayn xun ku yeeshay dalka. Dhimashada haweenka Soomaaliya ayaa tirahaan ugu badan caalamka, kumanaan carruur ahna waxay u dhintaan cudurro la dhaaweyn karo sida oof-wareen, shuban, nafaqo daro iyo jadeeco. Sidaas daraadeed ayay ciidamada AMISOM u yimaadeen Soomaaliya 28

sanadkii 2007. Iyagoo waajibaadkooda uu noqday taageerida nabadda, AMISOM waxaa caqabad ku noqday bixinta adeeg daryeel caafimaad oo kumanaan kamid ah shacabka Soomaaliyeed kuwaasoo adeeg caafimaad u soo doontay. Isbitaaladii markii hore loogu tala galay daaweynta ciidamada dhaawacmay ayaa waxay bilaabeen inay qaabilaan shacabka. Qeybta bukaan socodka, tusaale ahaan, wuxuu ku dhex-yaalaa xarunta AMISOM ee Muqdisho wuxuuna qaabilaa dadweyne todobaadkiiba saddex jeer. Maalmahaas gudahood, boqolaal shacab ah ayaa safaf dhaadheer galaya

iyagoo meelo fog kasoo safray. Isbitaalka AMISOM wuxu lacag la’aan ku daaweeyaa dadweyne cudurro kala duwan qaba. Kadib markii isbitaalka loo ogolaaday shacabka, kumanaan shacab ah ayaa lagu daaweeyay oo ay ku jiraan dadka ka soo barakacay meelaha kale ee dalka katirsan Qeybta labaad ee bukaan socodka wuxu ku yaalaa jaamacada Umadda waana xarunta ciidamada Burundi. Qeybta kowaad ee isbitaalka oo ku yaala xarunta AMISOM waxaa lagu qabtaa qaliimada iyo xaaladaha culus hadii loo baahdo. Inkastoo uu yahay isbitaal loogu tala galay shaqaalada AMISOM iyo


kuwa dowladda, hadana bukaano ayaa lagu daaweeyaa maalmaha Isniinta iyo Khamiista. Daryeelka caafimaad ee Baydhabo wuu ka duwan yahay kan Muqdisho. Isbitaalka Baydhabo hal dhakhtar kaliya ayaa jooga wuxuuna qaabilaa 60 bukaan maalintiiba. Inkastoo isbitaalka uu leeyahay qol qaliin, shaybaar, farmasiyo iyo qeybta carruurta, hadana dhakhtarku wuxuu daaweyn karaa cudurrada iska caadiga ah sida Malariya, tiifow iyo Salmonella. Bukaana xaaladaha adag waxaa loo diraa dhakhaatiirta AMISOM ee xarunta Baydhabo. Aagga 2aad ee Kismaay ee AMISOM

ayaa sii wada gacansiinta dhaawacyada iyo xanuunada culus iyada oo loo daabulo Dhoobley halkaasoo leh qalab caafimaad oo wanaagsan. Roobab lixaad leh oo horaantii bishii March da’ay ayaa aad loogu dirsaday hayeeshee daadad ayaa ka dhashay, dad badan ayaa barakacay dadaadakaas dartiis waxaana dilaacay cudurrada biyaha ka dhasha. Ugu yaraan lix qof ayaa dhimatay bishii March, 367 kalena waxaa la seexiyay kadib cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay magaalada Baledweyne. Ciidamada AMISOM ee Jabuuti ayaa dadka goobo taag ah u daad gureeyay si ugu badbaadaan.

Ciidamada AMISOM oo ka shaqeeya qeybaha oo dhan ammaanka kaliya kuma eka balse isbitaalada iyo shaqaalahooda caafimaad ayay gacansiiyaan. Dadweynuhuna way mahdiyeen dadaalkooda ku aadan daryeelka caafimaad. Dowladda Soomaaliya ayaa sare u qaadeysa awoodeeda iyadoo muhiimad siinaysa daryeelka caafimaadka. Bishii March daba yaaqadeedi, qorshe daryeel caafimaad ayaa la bilaabay. Waxaana loola dan leeyahay in muwaadin walba oo Soomaaliyeed uu helo daryeel caafimaad sanadka 2016.

29


Ciidamada

Sierra Leone oo ku soo biiray hawlgalka

nabad ilaalinta

AMISOM ee Soomaaliya


Halkan guji si aad u aragto video ku saabsan.

H

awlgalinta ciidamada Sierra Leone ee aadka loo sugayay wuxu bilawday bishii April taasoo 5 ka dhigtay tirada wadamada ciidamada ku soo biiriyay hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya The rest of the infantry battalion soon followed. 200 ciidan kuwa lugta ah oo hordhac ah oo ka socda Sierra Leone ayaa Wajeer ka soo degay kadibna usoo tallaabay xudduudka Soomaaliya si ay ugu biiraan ciidamada Kenya AMISOM aggaas ka jooga. Sierra Leone waxay noqtay wadankii ugu horreeyay ee galbeedka Afrika uga soo dira ciidamo Soomaaliya. Waxay noqdeen ciidamada shanaad ee kamid noqda AMISOM kadib Burundi, Djibouti, Kenya iyo Uganda. Dagaaladii sokeeye ee ka socday 1991 ilaa iyo 2002, Sierra Leone waxay ku hawlanayd in ay ciidamadeeda ka dhigto awood caalami ah ee qalabeysan awoodana u leh ka qeyb qaadashada dadaalada nabad ilaalineed ee aduunka. Ciidanka ay Sierra Leone u soo dirtay Soomaaliya ayaa ahaa kuwii ugu badnaa tan iyo

dagaaladi. Sierra Leone waxay Darfur u dirtay 100 askari ee nabad ilaalineed. Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mahamat Annadif ayaa soo dhoweeyay ku soo birida ciidamada Sierra Leone ee AMISOM wuxuuna sheegay in taasi ay tusinayso sida ay uga go’antahay qaaradda Afrika xasilinta Soomaaliya. “Waxan ku qanacsanahay in imaatinkooda uu muhiim u yahay xoojinta ammaanka koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ku soo biirida ciidamadan ka socda wadamada Afrika waxay tusinaysaa In hawlgalkan uu muhiim u yahay gobolka iyo caalamkaba,” ayuu yiri. Hawlgalinta ciidamada Sierra Leone waxay daba socotaa ballan qaad 2 sano ah ee la sammeeyay December 2010. Isagoo ciidamada ka sagootinaya Freetown, madaxweynaha Sierra Leone ayaa sheegay in ciidamadasiisa diyaar u yihiin “nabad kusoo biirinta caalamka.” “Safar muhiim ayaad bilaabeysaan, safar nabadeed, safar geesinimo, safar tusinaya sida wadan dhisan iyo milaterigiisa uu horseedi karo dimoqaraadiyad, nabad iyo dib-u heshiisiin,” madaxweyne Ernest Bai

Koroma ayaa sidaas u sheegay ciidamada Sierra Leone, isagoo ugu mahad celinayay in ciidamada ay ka qeyb qaateen nabad ku soo dabaalida wadanka Sierra Leone kadib 11 sanoo colaad ah. Ciidamada waxaa la hawlgaliyay kadib 12 bilood oo abaabul iyo is-diyaarin ah waxaana tababaray ciidamada Koofur Afrika iyagoo helay qalab ku filan oo ay ku gali lahaayeen hawlgalka. Labadii sanoo la soo dhaafay, AMISOM iyagoo taageeraya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Al-Shabaab waxay ka saareen Muqdisho iyo goobo badan oo kamid ah wadanka taasoo abuurtay jawi lagu socodsiin karo hanaanka siyaasadeed iyo dib-u dhiska dhaqaalaha. Xiligaasi ayaa Soomaaliya waxay ka gudubtay sanooyin badan oo kumeel gaarnimo ah waxaana loo gudbay hanaan siyaasadeed oo loo wada dhan yahay. Hawlaha ganacsiga ayaa aad o kobcay caasimadihina waxay isu-baddeleen goobo dhismo iyadoo kumanaan dadkana ay dibugu soo laabteen guryahooda iyo ganacsigooda.

Ku soo biiridda ciidamadan ka socda wadamada Afrika waxay tusinaysaa In hawlgalkan uu muhiim u yahay gobolka iyo caalamkaba

31


Nagala soco: amisom.somalia

32

www.amisom-au.org

amisomsomalia

amisom.somalia

issuu.com/amisom

amisomsomalia


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.