AMISOM Magazine - Issue 23 - Somali

Page 1

QIIMAYNTA www.amisom-au.org

Caddadka 23-aad | Janaayo – Maarso 2018

XIL-WAREEJINTA

TALISKA

J oor naalka A MISOM

1


Dhambaal ka yimid

SRCC

Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Uqaabilsan Soomaaliya (SRCC), Danjire Francisco Caetano Madeira

Waxaan meel dhignay qorshe xil-wareejin ah, kaas oo haddii si sax ah loo hirgeliyo, xaqiijin doono in si nidaamsan oo hufan mas’uuliyadda amniga loo kala wareego. Sidaasi darteed, waxaan ka rajeyneynaa taageero hagar la’aan ah bahwadaagteenna, si loogu guuleysto xilwareejinta. AMISOM waxaa mar waliba ka go’an oo ay ku dadaaleysaa fulinta waajibaadka ay u joogto Soomaaliya, iyada oo ujeedkeedu ugu weyn ay tahay in ay ka baxdo dalka isaga oo oo nabad ah isla markana ah meel wanaagsan oo lagu noolaado. —Danjire Francisco Caetano Madeira

2

Jo o r n a a l ka A M IS O M

D

hammaadka bisha Maay, Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay waxaa uu ku wadaa in uu yeesho fadhi uu dib u eegis ku sameynayo waajibaadka AMISOM. Rajadeennu waxaa ay tahay in QM ay si dhab ah u tixgelin doonto aragtiyada dhammaan daneeyayaasha; gaar ahaan, walaaca ay jeediyeen dhinacyo badan kuwaas oo ku aaddan xil-wareejinta la qorsheeyay ee mas’uuliyadda laga wareejinayo AMISOM, laguna wareejinayo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Hase yeeshee, inta aanu sugeyno waajibaadka cusub, AMISOM waxaa ay haatanba si firfircoon ugu howlan tahay diyaarinta qorhe xil-wareejin ah oo waafaqsan Hab-dhismeedka Amniga Qaran. Haddii ay wax waliba u dhacaan sida qorsheysan, AMISOM waxaa ay qorsheyneysaa in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tayeysan ay ku wareejiso ugu yaraan 10 xarumood oo laga fuliyo howlgallada, taasi oo qayb ka ah xil-wareejinta. Waxaa socdaa wadahadallo lala yeelanayo Dowladda Federaalka ah kuwaas oo ku aaddan habka ay u dhaceyso xil-wareejinta. Sanadkii la soo dhaafay, waxaa aan diiradda saareynay qorsheynta iyo hirgelinta xil-wareejin u dhaceyso si tartiib ah, isla markana ku saleysan shuruudo taasi oo lagu dhimayo ciidamada qaab waafaqsan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee caddadkiisu yahay 2372 ee la meelmariyay 30-kii Agosto 2017. Sanadkanna, waxaa aan xoogga saareynaa ilaalinta goobaha ay bulshadu isugu yimaadaan iyo in aanu qaadno howlgallo ballaaran oo aan uga gol leennahay in aan isku furno waddooyinka muhiimka ah, si aan dadka u suurtagelinno isu socod xor ah, si loo sahlo ganacsiga, isla markana loo horumariyo laga sameeyo deegaannada la xorreeyay. Tababarka loo fidinayo Ciidanka Booliska ee Soomaaliya wali waa ay socdaan, iyada oo aan ciidamada ammaanka u diyaarineyno in ay AMISOM kala wareegaan mas’uuliyadaha amniga. 160 saraakiil boolis ah oo ka socda Sierra Leone oo dhowaan loo keenay Soomaaliya in ay xoojiyaan tababarka loo fidinayo saraakiisha booliska Soomaaliyeed ee ku sugan Jubbaland, waxaa ay qayb ka tahay dadaallada lagu dhisayo kartida ciidamada ammaanka Soomaaliyeed si ay u noqdaan kuwo isku filan. Sida aan horey u sheegnay, geeddi-socodka xil-wareejinta waa in si taxaddar leh loogu dhaqaaqa, si aanay u khasaarin guulaha la gaaray. Waxaan ku rajo weynnahay in dib u eegista waajibka AMISOM lagu tixgelin doono walaaca ay soo jeediyeen Midowga Afrika, waddamada ciidamadooda deeqay iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaan meel dhignay qorshe xil-wareejin ah, kaas oo haddii si sax ah loo hirgeliyo, xaqiijin doono in si nidaamsan oo hufan mas’uuliyadda amniga loo kala wareego. Sidaasi darteed, waxaan ka rajeyneynaa taageero hagar la’aan ah bah-wadaagteenna, si loogu guuleysto xil-wareejinta. AMISOM waxaa mar waliba ka go’an oo ay ku dadaaleysaa fulinta waajibaadka ay u joogto Soomaaliya, iyada oo ujeedkeedu ugu weyn ay tahay in ay ka baxdo dalka isaga oo oo nabad ah isla markana ah meel wanaagsan oo lagu noolaado. Akhris wacan!


JADWALKA 2

Dhambaal ka yimid wakiilka Midowga Afrika

4 Wararka 8

Wareejinta Taliska Ciidamada

9

Qorshaynta Xil-Wareejinta

12

Wada-tashiga ku saabsan Dhaqaalaha AMISOM

13

La Dagaalanka Walxaha Qarxa

15

Is-dhaafsiga Macluumaadka & Sirdoonka ku Aadan Argagixisada

16

AMISOM oo loogu deeqay qalabka Ilaallada

17

UK oo AMISOM ku ammaantay Yareynta Halista Argagixisada

18

Wafdiga Qiimeynta PSOD ee Soomaaliya

19

Kulan Dood-wadaag ah oo ku Saabsan AMISOM

20

Maareynta Khasaaraha Goobaha Colaadda

21

Hay’adda ‘Smile Train’ oo Gaartay Koonfur Galbeed

22

Maamuuska Haweenka Ka Tirsan Nabad-ilaalinta

23

Arrinta Jinsiga ee Baarlamaanka Soomaaliya

24

La-kulanka Warbaahinta

25

Qodobbada la Xiriira Ciidankeenna

30

Sierra Leone oo Booliska ugu badan u dirtay Soomaaliya

31

Isku-dhafka Ciidamada Daraawiishta

32

AMISOM oo Tababar Siisay Bah-wadaagta dhinaca Samafalka

33

Xildhibaannada HirShabeelle oo kobciyay Xirfaddooda ku aaddan Hab-raacyada Baarlamaanka

34

Kooxda Haweenka Ciyaartooyda Kubadda Cagta ah ee Golden Girls

Sawirka sare Danjire Francisco Madeira, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo ku wareejinaya calanka Midowga Afrika Sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire, oo ah Taliyaha cusub ee Ciidanka AMISOM, intii ay socotay xafladda xil wareejinta oo lagu qabtay Muqdisho, Somaaliya 31-dii bishii Jannaayo, 2018-ka. Waxaa kor ka eegaya Taliyihii hore ee Ciidanka, Sarreeye Guud Cusmaan Nuur Soubagleh. AMISOM Photo / Omar Abdisalan

Qaabaynta & Naqshadda: Noel Lumbama Sawirka: AU-UN IST Newsroom | thenewsroom@auunist.org Email-ka: amisommediacentre@gmail.com P.O. Box 20182 – 00200, Nairobi, Kenya Talefoonka: +254 202 713 755 /56 /58 Fax: +254 202 713 766 Soo Saarista: AMISOM Public Information Unit

J oor naalka A MISOM

3


WARARKA 2018

JANAAYO

ayaa tababar ku saabsan faraqaadka 10 AMISOM dembi barista casriga ah u bilowday Ciidamada

Booliska Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed. Tababarka aasaasiga ah ee socday muddo 14 maalmood ayaa lagu baray saraakiisha qaababka casriga ah ee loo baaro falal-dembiyeedka.

2018

JANAAYO

W

aaxda Qaramada Midoobay ee Taageerada Goobaha Hawlgallada ayaa bishii Janaayo tababar waji cusub ah oo ku aaddan hawlaha culus ee injineernimada u furtay ciidamada nabad-ilaalinta ee Afrikaanka. Labo iyo toban ciidan oo ka kala socda Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Zambia, iyo Ethiopia ayaa ka mid ah dadkii qaadanayay koorsada Macalimiinta Tababareyaasha oo socday muddo seddax bilood kaas oo ku aaddan hawlaha injineernimada culus ee nabad-ilaalinta, oo lagu bixiyay Dugsiga Humanitarian Peace Support School (HPSS), ee ku yaalla caasimadda Kenya ee Nairobi.

15

2018

JANAAYO

27

K

oox saraakiil booliska ah oo ka kala socda Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia ayaa lagu soo daray Hawlgalka. Afartanka saraakiil iyo saaxibada kale waxaa ay booliska maxalliga ah u fidin doonaan la talin dhanka maareynta sharciga iyo kala dambeynta, xilli uu dalka ku hawlan yahay dib u dhiska laamahiisa amniga.

2018

JANAAYO

31

S

arreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire ayaa 31-dii bishii Janaayo ee 2018-ka ku wareegay xilka Taliyaha Ciidamada AMISOM, asaga oo xilka kala wareegay Sarreeye Guud Cusmaan Nuur Soubagleh. “Inta aan shaqeynayay, 39-kii ugu dambeysay waligey goob dagaal dib ugama aanan guranin, waxaana jeclahay tababarka; waana midda aan la sameyn rabo Ciidanka Xoogga Soomaaliya, oo aan la hawlgalo, markii wakhtiga la gaarana, in aan ku wareejiyo xilka, sidaasi ayaan sameyn doonaa,” ayuu yiri.

4

Jo o r n a a l ka A M IS O M

2018

FABRAAYO

W

afdi ka socda Qaybta Hawlgallada Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika ee loo soo gaabiyo PSOD ayaa bishii Febraayo booqday Soomaaliya si ay u qiimeeyaan hawlaha nabadilaalinta xilli uu meel fiican marayo qorshaha mas’uuliyadda amniga looga wareejinayo AMISOM laguna wareejinayo ciidamada ammaanka Soomaaliyeed. Wafdiga ka kooban 10 qof ayaa wadahadallo la yeeshay mas’uuliyiin sarsare ee ka socda AMISOM, UNSOS, iyo safiirrada Waddamada Ciidamadooda ay joogaan Soomaaliya.

13


2018

FABRAAYO

23

K

ulan dood-wadaag ah oo ku saabsan horumarka ay sameysay AMISOM ayaa lagu qabtay caasimadda Muqdisho. Ka soo qaybgaleyaasha waxaa ka mid ahaa siyaasiyiin Soomaaliyeed, xubnaha bulshada rayidka ah, ganacsatada, culimada, aqoonyahanno iyo khubarro ku xeel-dheer amniga. Wadahadalka waxaa diiradda lagu saaray guulaha iyo caqabadaha ay la kulmaan hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee 11 sano jirsaday.

2018

2018

MAARSO

FABRAAYO

D

owladda Federaalka ah ee Soomaaliya, hoggaanka Midowga Afrika, Madaxda Waddamada Ciidamada qaybta ka ah AMISOM iyo saaxibada caalamka ah ayaa isugu yimid

3

27

Kampala ee dalka Uganda si ay uga wada hadlaan xil wareejinta AMISOM ee Soomaaliya. Waddamada ciidamadooda deeqay ayaa ku baaqay in la joojiyo dhimista ciidamada oo bilaabatay Diseembar 2017-ka.

A

MISOM ayaa siminaar socday muddo seddax maalmood u qabatay haweenka Soomaaliyeed ee ka tirsan baarlamanka. Siminaarka waxaa uu diiradda saaray sharcidejinta la xiriira haweenka iyo xuquuqda carruurta.

2018

MAARSO

2018

H

aweenka ka tirsan ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika (AMISOM) ayaa xusay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, iyaga oo baaq u diray dowladaha in ay dumar badan ku soo biiriyaan hawlgallada nabad-ilaalinta. Haweenkan oo ka kala yimid dhammaan Dalalka Ciidamada militariga iyo Booliska Deeqay iyo hay’adaha amniga ee Soomaaliya ayaa isugu yimid Muqdisho si u muujiyaan kaalinta ay ka ciyaareen nabadda Soomaaliya.

8

MAARSO

13

W

akiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare la yeeshay wadahadal ku aaddan qorshaha xilwareejinta amniga ee maamul goboleedka iyo sida loo xoojin karo dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

J oor naalka A MISOM

5


2018

MAARSO

19

S

hirkii saddexaad ee Sirdoonka iyo Isdhaafsiga Macluumaadka, oo looga gol lahaa in lagu xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxeysa hay’adaha sirdoonka ee kala duwan ee ku sugan Soomaaliya, ayaa lagu qabtay caasimadda Muqdisho. “Waxaa qayb ka ah waxyaabaha mudnaanta u ah wadaagista sirdoonka/xogta waa in la fududeeyo, la ogaado, laga hortago lagana falceliyo khatarta iyo halista la xidhiidha argagixisada isla markaana loo sameeyo hab hufan oo sidoo kale faa’iido u ah hay’adaha, goobaha hawlgallada, hay’adaha maxalliga ah si loo taageero dadaallada wax looga qabanayo amniga iyo khatarta. Waxaa xusid mudan in is-dhaafisiga macluumaadka sirdoonka iyo hannaanka sirdoonka, ay kaalin lixaad leh ka ciyaaraan ka hortagga weerarrada argagixisada, gaar ahaan weerarrada Al-Shabaab,” – Sarreeye Gaas Charles Tai Gitua, Ku-Xigeenka Taliyaha Ciidamada AMISOM, u qaabilsan Hawlgallada iyo Qorshaynta.

2018

MAARSO

20

2018

MAARSO

26

K

S

haqaale ka kooban soddon qof oo ka socda ciidamada ammaanka ee Soomaaliyeed ee laga soo kala xulay guud ahaan dalka ayaa ka faa’iideystay tababar socday muddo seddax maalmood oo lagu qabtay Muqdisho, kaas oo ku saabsanaa ilaalinta carruurta. Tababarka oo ay qabanqaabisay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayna maalgelisay Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya, ayaa waxaa diiradda lagu saaray tallaabooyinka looga hortagi lahaa isticmaalka carruurta ee colaadaha hubka la isu adeegsado. “Tababarka waa mid muhiim ah sababtoo ah waxaa la idin baray xirfadihii idiin suurtagelin lahaa in aad fulisaan howshan aad muhiimka u ah ee ah in aad ilaalisaan carruurta ku nool dalkan sharafta leh ee Jamhuuriyadda Soomaaliya,” – Mudane Simon Mulongo oo ah Ku Xigeenka Madaxa AMISOM.

2018

MAARSO

30

oox ka kooban 39 dhaqaatiir militari ah oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa Muqdisho kaga qaybgalay tababar ku saabsan daad-gureynta degdegga ah, maareynta khasaaraha iyo bukaannada uu ku dhacay qaracan, kuwaas oo ku sugan goobaha ay ka jiraan dhibaatooyinka badan.

A

MISOM ayaa maamul goboleedka Jubbaland ka bilowday diiwaangalinta casriga ah ee ciidamada Daraawiishta, ka hor inta aanan lagu dhafin ciidamada ammaanka ee maamul goboleedka. Hadafka ayaa ah in la diiwaangeliyo in ka badan shan kun oo askar ah oo ku sugan Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. Diwaangelinta casriga ah ayaa waxa ay ka kooban tahay uruurinta xogta muhiimka ah ee shakhsiga oo ay ka mid yihiin sawirrada iyo fara qaadista xubin kasta oo ka tirsan kooxda.

6

Jo o r n a a l ka A M IS O M


2018

ABRIIL

E

rgada gaarka ah ee Midowga Afrika iyo QM u qaabilsan Wadatashiga Dhaqaalaha AMISOM, ayaa booqasho hal maalin ah ku tagay magaalada Muqdisho 1-dii bishii Abriil, si ay uga wadahadlaan in dhaqaale wax ku ool ah loo fidiyo hawlaha nabadda ee dalka. Ramtane Lamamra iyo Jean-Marie Gehenno, oo ah Ergada Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, ayaa ku celceliyay in loo baahan yahay in si tartiib ah mas’uuliyadaha amniga looga wareejiyo AMISOM loona wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, iyada oo aan dib u dhac ku imaaneyn horumarka laga gaaray sugidda amniga dalka. “Waxaa aad muhiim u ah in xil-wareejinta tartiibka ah ee mas’uuliyadaha looga wareejinayo AMISOM laguna wareejinayo hay’adaha Soomaaliyeed ay u dhacdo qaab aanan carqalad gelineyn dhammaan dadaallada ilaa iyo hadda lagu guuleystay” – Ergayga QM Jean-Marie Guehenno.

1

2018

ABRIIL

W

asiiru Dowlaha Ciidamada Qalabka Sida ee waddanka Ingiriiska Mudane Mark Lancaster ayaa booqday Soomaaliya, asaga oo ku ammaanay ciidamada Midowga Afrika nabadeynta dalka iyo yareynta halista argagixisada. Wasiirka ayaa kulan la yeeshay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire, halkaas oo ay ka wada hadleen wareejinta mas’uuliyadaha amniga ee laga wareejinayo AMISOM loona wareejinayo ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo nooca iyo mugga taageerrada Ingiriiska ay u fidiso Howlgalka Midowga Afrika. “Waxaan jeclahay in aan ku bilaabo in aan boogaadiyo shaqada ay AMISOM qabatay kow iyo tobankii sano ee ugu dambeeyay, iyo waxyaabaha ay hureen, waayo waxaan shaki ku jirin haddii AMISOM aysan qaban lahayn shaqada wanaagsan ay qabatay koow iyo tobankii sano ee ugu

10

2018

ABRIIL

16

dambeeyay, Soomaaliya ma aysan qaaddeen dhabbaha horumarka ee maanta ay ku taagan tahay,” – ayuu yiri Mudane Lancaster.

2018

ABRIIL

18

C

utub ka kooban 145 saraakiil boolis oo ka socda dalka Sierra Leone ayaa soo gaaray Soomaaliya iyagoo qayb ka ah dadaallada sare loogu qaadayo tirada booliska ee barnaamijyada booliska ka fulin doono koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Kooxda 145 saraakiil ee Cutubka Booliska Diyaarsan waxaa la geeyey Kismaayo, Jubbaland halkaasi oo ay ku biireen koox 15 ka kooban oo ka horreeysay. “Waan ka tagaynaa Muqdisho. Waxaan u gudbaynaa maamul goboleedyada, oo si qoto dheer aan u galayno degmooyinka waana u baahannahay iyaga maxaa yeelay waxaa ay naga caawin doonaan dhaqdhaqaaqa iyo hawlgallada kale” – Christine Alalo.

S

hirka afaraad ee ku saabsan walxaha qarxa ee sanadkiiba labo mar la qabto ayaa lagu qabtay Muqdisho. Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, ayaa ku baaqay in la sameeyo dadaal wadajir ah si looga adkaado halista ay walxaha qarxa ku hayaan ciidamada ammaanka iyo shacabkuba. Danjire Madeira ayaa hadalkan ka yiri khudbad uu ka jeediyay furitaanka rasmiga ah ee kulanka afaraad ee sanadkiiba labo mar la qabto oo ku saabsan walxaha qarxa, kaas oo lagu qabtay Muqdisho.

J oor naalka A MISOM

7


Xil-Wareejinta Taliska Ciidamada SARREEYE GUUD JIM BEESIGYE OWOYGESIGIRE , ayaa

xilka Taliyaha Ciidamada AMISOM la wareegay 30-kii bishii Jannaayo 2018-ka, asaga oo xilka kala wareegay Sarreeye Guud Cusmaan Nuur Soubagleh. Taliyaha cusub ee Ciidamada ayaa ballan qaaday in uu sii wadi doono shaqada sii socotay, gaar ahaan dhinaca dhisidda tayada Ciidanka Xoogga Soomaaliya. Sarreeye Guud Oweyisigire oo muddo Khibrad muddo 39 sano u leh militariga, ayaa waxaa uu ku Ciidamada ku biirinaya aqoon ballaaran ee dhanka Madaafiicda iyo Difaaca Hawada, asaga oo horay Militariga Uganda ka ahaa Taliyaha Ciidamada Cirka iyo Taliyaha Qaybta iyo xilal kale. Waxyaabaha uu mudnaanta koowaad siinayo waxaa ka mid ah in uu maareeyo uuna xaqiijiyo in mas’uuliyadda amniga S: Maadaama aad tahay Ku-Xigeenka

Ciidamada u qaabilsan Howlgallada iyo Qorshaynta, waxa aad sharraxaad ka bixisaa dowrkaaaga, iyo saameynta uu ku leeyahay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

J: Mudnaanteena koowaad hadda waa qorshaha xil wareejinta, kaas oo ay hormuud ka tahay Dowladda Soomaaliya. Marka waxa hadda aan samaynayno ayaa waxaa uu yahay, in aan la nimaadno qorshe istaratiiji ah ah oo ku aaddan sida ugu habboon ee aan ula tacaali karno dhimista ciidamada AMISOM, anaga oo isla markana xqqiijinayo in lagu saleeyo shuruudo. Markaan shuruudo dhahno, micnaheeda waxaa ay tahay in aan dhimista ciidamada ay u dhacdo si waafaqsan waxaan u naqaanno Habka Dhammeystiran ee Amniga (CAS), kaas oo la filayo in markii aan baxayno, Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ay awood u leeyihiin in ay buuxiyaan meelaha aan banneynayno. Waxa aan sidoo kale dooneynaa in meelaha aan ka baxeyno ay noqdaan kuwo xasilloon, isla markana howlaha sida siyaasadda, dib u habeynta qaybta amniga, oo ay ka mid yihiin dowladnimada, iyo sidoo kale dhisidda hab-dhismeedka dowladda oo hirgelaya. Sidoo kale waa in ay hirgalaan sharci iyo kala dambeyn, iyo dhismaha dugsiyada, xarumaha caafimaadka iyo in ay dadka helaan biyo nadiif ah. Dabcan in sidoo kale

Sarreeye Gaas C Tai Gituai, oo ah Ku-Xigeenka Taliyaha Ciidamada AMISOM u Qaabilsan Howlgallada iyo Qorshayaasha.

8

Jo o r n a a l ka A M IS O M

ee laga wareejinayo AMISOM laguna wareejinayo ciidamada ammaanka ee Soomaaliyeed ay u dhacdo si hufan, oo tartiib ah oo ku saleysan shuruudo, iyo sidoo kale in la baabi’iyo haraaga maleeshiyada Al-Shabaab. “Dhammaanteen waxaan leennahay hal cadow, waana Al-Shabaab. Ma dooneyno in aan gacmaha ka duubanno Al-Shabaab. Waa in aan la dagaalno, in aan dhabarka ka jabinno, ugu dambeyntina aan cirib tirno. Taasi ayaa yoolkeyga ah, waana ku guuleysan doonaa,” ayuu yiri markii uu awoodda kala wareegayay Sarreeye Guud Soubagleh. Sarreeye Guud Owoeysigire oo muddo dheer ciidan ahaa ayaa waxaa uu labo Shahaado Sare ee jaamacadeed ka haystaa culuumta Difaaca iyo Waxbarashada Istaratiijiyadda iyo Diimaha, Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka. dadku lagu abuuro kalsooni ah in dhab ahaan la xorreeyay; isla markana ay si xor ah u wadan karaan dhaqdhaqaaqooda dhaqaale ayaga oo aan wax carqalad ah la kulmeyn. Marka, kuwaan ayaa ah qaar ka mid ah arrimaha aanu ka shaqaynayno, oo qayb ka ah qorshaha aan dalka uga baxayno. S: AMISOM waxaa ay dooneysaa in

ay xoojiso howlgallada militari iyo in ay kordhiso tirada ciidamada si ay u maareeyaan xil-warejintan. Howlgallo noocee ah ayaa la filan karaa wakhtigan?

J: Qorshaha xil wareejinta waxaa uu leeyahay ujeeddooyin gaar ah oo ay tahay in aan ku guuleysanno. Waa in aan nadiifinno Waddooyinka Muhiimka qaarkood, si loo nadiifiyana waxaad u baahan tahay in aad haysato ciidamo ku filan in ay shaqadan qabtaan. Sidaad la socotidba, 11-kii sano ee ugu dambeeyay, AMISOM halkan Soomaaliya ayay joogtay, waxaa ayna qabatay shaqo badan. Guud ahaan, waxaa jiray shaqooyin badan oo ay qabteen dhammaan Waddmada Ciidamada Deeqay. Hase yeeshe, maleeshiyaadka Al-Shabaab mar waliba waxaa ay la yimaadaan xeelado cusub, waxaa ay fuliyaan weerarro gaadmo ah, waxaana ayna bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ka sameysteen meelo yar ay ku dhuumaaleystaan, halkaas oo ay si aan kala sooc lahayn u geliyaan walxaha qarxa. Marka, waxaan dooneynaa in aan yeelanno ciidan nagu filan oo nadiifin karo waddooyinka, isla markana aanu yeelanno ciidamo sugi karo goobaha horey loo nadiifiyay. Sidaasi darteed, waxaa aan adeegsaneynaa hab isku dhafan. Waxaan ula jeeda, in aan u baahannay ciidamo sugi kara amniga magaalooyinka la xorreeyay. Waa taasi waxa aanu ka hadleyno – in aan diyaarinno ciidamada ammanka ee Soomaaliya si ay awood u yeeshaan in ay la wareegaan goobahaas, oo abuuraan jawi horseedi karo horumar, suurtaglin kara in la hirgeliyo kaabayaal iyo adeegyada bulshada sida isbitaallada iyo dugsiyada. Haddii

Sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire, oo ah Taliyaha Ciidanka AMISOM, oo ka hadlaya xafladda uuxilka taliyenimada kula wareegayay.

marka aanay meelahaasi joogin ciidamo lagu kalsoonaan karo, haddii aanay jirin maamul; haddii xita ay noqoto in awood la siiyo odayaasha deegaanka si loo yagleelo wax un u dhigma maamul dowladeed, amah hab-dhismeed maamul, kaas oo awood u leh in wax lagu maamulo, waxaa imaan kara caqabado. Waa kuwaas arrimaha aanu hadda la tacaaleyno. Kordhinta tirade waxaa si gaar ah looga gol leeyahay goobaha istaratiijiga ah, kuwaas oo aanu isleennahay waxaa ay u baahan yihiin caawinaad dheeri ah. S: Ma magacaabi kartaa qaar ka mid

ah goobahan?

J: Tusaale waxaa ah Dooxada Jubba, oo aan

og nahay in ay tahay goob ay Al-Shabaab aad u joogaan. Sababtu ayaa waxaa ay tahay waa meel carro san oo dhul beereed ah, waxaa ay halkaas ka heli karaan cunno ay ku joogaan muddo dheer. Haddii aan adeegsanno qalab ciidamada xoojiya, tusaale ahaan diyaarado naga caawiya howlgalladeeenna, hal mar ayaanu cirib tiri lahayn, waxaana goobahaas ku wareejin lahayn Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. S: Markii la eego dhammaan

qorshayaashani, waxaa jiraa caqabado. Sidee ayay AMISOM uga gudbeysaa?

J: Xaalad walba oo noocan kale ah markii lagu jiro, waa qasab in aad la kulanto caqabado. Hase ahaatee, waxaan ku dadaalnaa in aan ka faa’ideysanno waxa aan haysanno, anaga oo sida ugu hufan uguna habboon u adeegsaneyno waxa gacanteenna ku jira si aan u gaarno hadafkeenna. Haddii ay arrintu tahay in aan eegno sida ugu habboon ee aan ciddankeenna goobaha u diri karno, haddii ay tahay dib u habeynta ciidamada dhulka jooga, in aan sameyno ciidan yar oo dhaq-dhaqaaq sameeya, in aan yareyno qaar ka mid ah goobaha laga fuliyo howlgallada; iyo in aan ciidamada dejinno goobaha istaratiijiga ah, si ay noogu suurtagasho in aan wax ka qabanno halista na hortaalla.


Qorshaynta Xil-Wareejinta M adaxweynayaasha waddamada ay ciidamadooda qaybta ka yihiin AMISOM, Hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika, Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo bahwadaagta caalamiga ah, ayaa horraantii bisha Maarso kulan ku yeeshay Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo ay uga arrinsanayeen xil-wareejinta AMISOM ee Soomaaliya, gaar ahaan dhimista ciidamadeeda u jooga dalkan ku yaal Geeska Afrika, oo la bilaabay bishii Diseembar ee sanadkii tagay. Madaxweynaha Uganda, Mudane Yoweri Museveni, dhiggiisa Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”; Madaxweyne ku Xigeenka koowaad ee Burundi, Gaston Sindimwo, Wasiirka Difaaca dalka Kenya, Marwo Raychelle Omamo, Wasiirka Difaaca dalka Jabuuti, Cali Xasan Bahdoon; Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Uganda, Tolesa Shagi Moti; Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat, iyo Xog-hayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD, Maxbuub Macallin, ayaa saxiixay war-murtiyeed ku baaqayo in si degdeg ah loo hakiyo dhimista ciidamada Midowga Afrika ku sugan Soomaaliya. War-murtiyeedkan oo uu akhriyay Wasiirka Arrimaha DIbadda Uganda, Sam Kutesa, ayaa waxaa uu Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ku boorriyay in uu dib u eego qararkii ku aaddanaa dhimista ciidamada AMISOM, in dib loo celiyo heerarkii hore ee ciidamada isla markana la joojiyo dhimis dheeraad ah oo lagu sameeyo ciidamada, si ay u suurtagasho in lala wareego deegaannada weli Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah gacanta ugu jira. Madaxda ka qayb-galay kulan madaxeedka ayaa u xil-saaray Madaxweynaha dalka martigaliyay kulanka, Museveni, in uu qodobbada lagu heshiiyay la wadaago Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Midowga Afrika oo uu haatan guddoomiye ka yahay madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kagame. Madaxda ayaa isla qaatay in wakhtiga iyo tirada ciidamada sida ku xusan Qaraarka Golaha Ammanka ee QM aysan ahayn macquul, ayna horseedayaan in dib u dhac uu ku yimaado guulaha ay dhowr sano ku qaadatay AMISOM in looga adkaado kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. War-murtiyeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in dhimista tirada ciidamada ay wiiqeyso awoodda AMISOM ay ku fuliso waajibkeeda, awoodda Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo weli yar iyo muhiimadda ay leedahay in la dardar geliyo dhisidda ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Madaxweyne Museveni ayaa sheegay in war-murtiyeedka kulanka uu ahaa natiijo ka soo baxay wada-hadal kalsooni leh oo ay yeesheen shanta waddan ay ciidamadooda qaybta ka yihiin AMISOM, Soomaaliya iyo bah-wadaagta kale.

Mudane Moussa Fakii Mahamat, Guddomiyaha Guddiiga Midowga Africa (dhanka midig) iyo Gaston Sindimwo, oo ah Madaxweyne Ku-Xigeenkii koowaad ee Burundi oo ka qayb galaya Shirka Madaxda Dowladaha Ciidamada ku Deeqay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo lagu qabtay Kampala, Uganda.

Wufuud ka qayb galaya Shirka Madaxda iyo Dowladaha Ciidamada ku Deeqay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo lagu qabtay Kampala, Uganda.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, oo la hadlaya Michael Keating, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u Qaabilsan Soomaaliya,intii lagu guda jiray Shirka Madaxda dowladaha Ciidamada ku Deeqay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). J oor naalka A MISOM

9


“Waxaa jiraa saaxibbada Afrika, kuwaas oo aan intooda badan ahayn Afrikaan, balse muddo dheer taageerayey Afrika. Waxaa ay ayaga (mas’uuliyiinta matalaya bahwadaagta horumarineed) ka soo jeedaan qaaradda Amerika, Yurub iyo Aasiya. Waxaa ay lacag ku bixinayeen howlgallada ka socda Soomaaliya sanadahan oo dhan Tan iyo markii aanu bilownay. Waxaa ay tababar siinayeen askarteenna,” ayuu yir Madaxweyne Museveni. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in ay jirto baahi ah

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo ku jira sawir koox ah oo ay kula jiraan wefdi ka qayb galay Shirka Madaxda Dowladaha Ciidamada ku Deeqay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo lagu qabtay Kampala, Uganda.

in dadaal badan la geliyo sidii loo sii horumarin lahaa amniga ayada oo loo marayo howlgallo militari ah oo joogta ah, iyo barnaamijyo xasilin ah oo laga hirgeliyo guud ahaan dalka. “Iyada oo aan wakhtiga ugu habboon la gaarin haddii la isaga baxo, waxaa ay taasi wiiqi kartaa waxqabadkii la sameeyay muddo toban sano ah, oo ay dad badan u dhinteen dhaqaale badanna la geliyay.

Waxaa muhiim ah in AMISOM loo helo dhaqaale la saadaalin karo taasi oo u suurtagelin doonto ciidamada ammaanka ee Soomaaliya in ay AMISOM kala wareegaan mas’uuliyadda koowaad ee amniga,” ayuu yiri Mudane Mahamat. Hoggaamiyeyaasha ayaa isku afgartay in ay sanadkiiba mar yeeshaan kulan heer madaxweyne, isla markana ay jiraan kulan heer wasiirro iyo heer taliyeyaasha

Hadallada laga Jeediyay Kulanka “Waxaan aaminsanahay in ay wax badan noo dhiman yihiin. Waxaan u baahannahay in aan la nimaadno xeelad wax ku ool ah si aan si hufan ula dagaalanno Al-Shabaab aanna ka adkaanno. Waxaan aaminsanahay in ay tabar daran yihiin” – Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, Madaxweynaha Soomaaliya. AMISOM waxaa ay weli la tacaaleysaa caqabadda ka haysato is waafaqsanaan la’aan dhinaca howlaha Howlgalka iyo dhaqaalihii loo baahnaa, iyo tallaabooyinka la qaadi lahaa si loo helo saameynta loo baahan yahay jadwalka wakhtiga gudihiis. Tani waxaa ka mid ah ciidamo, qalabkii ciidamada lagu xoojin lahaa, taageerrada howgalka oo wax ku ool, iyo dabcan dhisidda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya” – Jeneraal Muhoozi, Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda.

10

Jo o r n a a l ka A M IS O M

“Dhimista iyo yareynta ciidamada AMISOM waa arrin walaac abuureysa, gaar ahaan haddii aanan lagu kaabin qalabkii lagu xoojin lahaa ciidanka. Waxaan u baahannahay in aan si hufan uga hortagno, u carqaladeyno isla markana u burburinno Al-Shabaab. Si aanu taasi u gaarno, waxaan u baahannahay ciidankii loo baahnaa, waxaan u baahannahay qalabkii lagu xoojin lahaa si shaqadani si sax ah loo qabto” – Danjire Francisco Caetano Madeira, Madaxa AMISOM. “Arrinta uu Midowga Afrika diiradda doono kulanka dambe waa in ay noqoto in ay taageerto dardargelinta qorshahan, in la sii wado wada-shaqeyn wanaagsan oo dhex marto Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleed xubnaha ka ah dowladda federaalka, iyo in si buuxa loo hirgeliyo Qorshaha Xilwareejinta Amniga ee Soomaaliya” – Smail Chergui, Guddoomiyaha Nabadda iyo Amniga ee Guddiga Midowga Afrika.


ciidamada difaaca oo dhaco sanadkiba labo mar, si loo sameeyo qorshe wadajir ah, dib u eegis lagu sameeyo horumarka, laguna heshiiyo sidii si hufan loo hirgelin lahaa waajibaadka AMISOM iyo qorshaha xilwareejinta. Kulanka ayaa waxaa lagu soo jeediyay in la sameeyo Qorshe Xil-wareejin ah oo macquul ah oo ay hormuud ka yihiin AMISOM iyo Soomaalida, kaas oo waafaqsan Habka Dhammeystiran ee Amniga, isla markana tixgelinaya ahmiyadda nabadda. Kulanka ayaa sidoo

kale loogu baaqay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, hoggaanka AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya in ay wada shaqeeyaan ayna la yimaadaan qorshe si loogu lafagguro kulanka xiga. Danjire Smail Chergui, oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Nabadda iyo Amniga, oo khudbad ka jeediyay kulanka wasiirrada arrimaha dibadda, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto meel wanaagsan isla markana ay horumar badan ka sameysay dhinaca amniga iyo siyaasadda.

Mas’uulka Midowga Afrika ayaa soo hadal qaaday meel-marinta Habdhismeedka Amniga Qaran oo xusaya habka dib u dhis loogu sameeyn lahaa ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, iyo qorshaha siyaasad loo dhan yahay; geeddisocodka dib u eegista dastuurka, iyo habka cusub ee doorashooyinka qof iyo cod ee lagu wado in la qabto 2020. Waxaa uu xusay in xasilloonida siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya ay suurtagelisay bilowga sameynta Qorshaha Xil-wareejinta amniga Soomaaliya, iyada oo la dhisay guddi u xil-saaran diyaarinta dukumiintiga xil-wareejinta. Qorshahan, ayuu yiri, wuxuu ka qayb muhiim ka noqon doonaa qorshaha xil-wareejinta ee AMISOM, oo ay ka mid yihiin dib u eegista Qorshaheeda Hawlgallada iyo horumarinta hufnaanta hawlgalladeeda. Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee cadadkiisu yahay 2372 (2017) ee la ansixiyay bishii Agosto ee la soo dhaafay, ayaa meel-mariyay in si tartiib ah oo ku saleysan shuruudo loo dhimo tirade ciidamada ku sugan Soomaaliya, isla markana mas’uuliyadda amniga qaranka laga wareejiyo AMISOM, laguna wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Tiro dhimista ugu horreysay ee kunka askari ayaa waxaa ay dhacday bishii Diiseembar ee la soo dhaafay, oo tirada ciidamada oo ahayd 22,126 la dhimay lana gaarsiiyay 21,626.

Guddiga Xil-Wareejinta

G

uddi Xil-Wareejin ah oo ka kooban wakiillo ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, AMISOM, QM, Midowga Yurub iyo bah-wadaag kale oo caalami ah oo muhiim ah ayaa waxaa uu Soomaaliya u diyaarinayaa qorshe xilwareejin ah ee horseedi doona in mas’uuliyadda amniga qaranka lagu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Guddiga oo uu madaxa ka yahay Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, oo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ka caawinaya in ay hor kacaan geeddi-socodka xil-wareejinta, ayaa sidoo kale gacan ka geysanaya habka loo mari lahaa xil-wareejinta. Ujeedka ugu weyn ee guddiga ayaa waxaa uu yahay in ay horseedaan xil-wareejin “macquul ah, marxalado leh, kuna saleysan shuruudo”, taas oo sidoo kale loo sameeyay jadwal suurtagal, ee mas’uuliyadda amniga dalka

Danjire Francisco Madeira, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, oo wehelinaya ergayda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee soo booqashada ku timid kuwaas oo u yimid howlgal wadajir ah oo looga tashanayo maalgelinta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee Muqdisho Sawirro ka Muuqda Jaraa’idka AMISOM.

looga wareejinayo AMISOM, laguna wareejinayo ciidamada ammanka ee Soomaaliya. Ayada oo shuruud hordhac u ah hannaanka xil-wareejinta, AMISOM ayaa kulanka ku aaddan qorshaynta xilwareejinta ee dhowaan la qabtay ka codsatay in la hirgeliyo mabaadii’ lagu xaqiijin doono hufnaanta xil-wareejinta,

kuwaas oo ay ka mid yihiin qiimeynta heerarka dhaqaalaha iyo agabka ciidanka, iyo qalabka lagu xoojiyo ciidanka, isla markana waxaa ay ku baaqeen in hoggaanka siyaasadeed ee heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed ay “si hagar la’aan ah u garab istaagaan” AMISOM. “Waxaa uu ku saabsan yahay in si nidaamsan,

oo tartiib ah ay AMISOM mas’uuliyadda ku wareejiso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,” ayuu KuXigeenka Madaxa Howlgalka AMISOM, Simon Mulongo ku yiri kulanka kooxda waaxda amniga, oo bishii Maarso lagu qabtay Muqdisho, si looga arrinsado qorshaynta xilwareejinta. J oor naalka A MISOM

11


Wada-tashiga ku saabsan Dhaqaalaha AMISOM

H

oos u dhaca dhinaca dhaqaalaha iyo taageerrada loo fidiyo AMISOM iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliyeed ayaa ah mowduuca ugu weyn ee lagu soo qaadayay kulammada ku saabsan xilwareejinta mas’uuliyadda amniga Soomaaliya muddo bilooyin ah. Shirkii Madaxda Waddamada Ciidamada Deeqay ee bishii Maarso lagu qabtay Kambaala, waxaa ay Waddamada Ciidamada Deeqay, dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Saaxibada Caalamka isku af-garteen in loo baahan yahay dhaqaale si loo bilaabo hawlaha xilwareejinta. Ergeyda Gaarka ah ee u qaabilsan Wada-tashiga ol’olaha Dhaqaalaha AMISOM, ayaa 1-dii bishii Abril booqday Soomaaliya si looga wadahadlo sidii dhaqaale joogta ah loogu fidin lahaa hawlaha nabadda ee dalkan ku yaal Geeska Afrika. Ramtane Lamamra iyo Jean-Marie Guehenno, oo ah Wakiillada Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa ku celceliyay in loo baahan yahay in si tartiib ah mas’uuliyadda amniga looga wareejiyo AMISOM laguna wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, iyada oo aan dib u dhac ku imaanin horumarka laga sameeyay dhinaca amniga ee dalka. Labada wakiil ayaa Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre, Wakiillada Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabullaahi Maxamed oo kula kulmaya ergeyga Midowga Afrika Ramtane Lamamra iyo ergeyga Qaramada Midoobay Jean-Marié Guéhenno Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho. Ergada waxaa ay u joogeen howlgal wadajir ah oo looga tashanayo maalgelinta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Madeira iyo Michael Keating, safiirrada Waddamada ciidamadooda qaybta ka ah AMISOM kuwaasi iyo mas’uuliyiin ka socota Midowga Yurub. Wada-hadalkooda ayaa waxaa ay diiradda ku saareen dadaallada loo baahan yahay si loogu guuleysto xil-wareejin habsami leh, oo mas’uuliyadda amniga looga wareejiyo AMiISOM laguna wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. “Waxaa aad muhiim u ah in xil-wareejinta tartiibka ah ee mas’uuliyadaha looga wareejinayo AMISOM loona wareejinayo ciidamada Soomaaliya ay u dhacdo qaab aanan carqalad ku imaaneyn

Jean-Marié Guéhenno (oo ah qofka labaad ee dhinaca bidix), ergeyga Qaramada Midoobay ee wadatashiga maalgelinta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ka hadlaya shir uu la yeeshay mas’uuliyiin saree e ka tirsan Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee Muqdisho, Soomaaliya.

12

Jo o r n a a l ka A M IS O M

Danjire Francisco Madeira, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, oo wehelinaya ergayda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee soo booqashada ku timid kuwaas oo u yimid howlgal wadajir ah oo looga tashanayo maalgelinta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee Muqdisho.

guulaha ilaa iyo hadda la gaaray,” ayuu yiri Ergayga QM Guehenno, kaasi oo sidoo kale aqoonsaday dhinacyada kala duwan ee taageeraya barnaamijyada amniga iyo nabadeynta Soomaliya, asaga oo isla markana shaaciyay kaalinta muhiimka ah ee ay ka ciyaarayaan in la helo nabad waarta. “Wajiga xiga, waxaa aad muhiim u ah wada-shaqeynta dhammaan dhinacyadan kala duwan, waana dabcan arrin xasaasi ah,” ayuu yiri. Booqashadan qiimeynta ee ay wakiilladan u yimaadeen Soomaaliya ayaa waxaa ay qayb ka tahay wadatashi socda oo ku saabsan hawlgallada taageerada nabadda ee AMISOM, oo ay hormuud ka yihiin Midowga Afrika iyo QM. “Ergada Gaarka ah waxaa ay bilaabeen wadatashiyo wadajir ah oo ay la yeelanayaan waddamada saaxibada ah, Waddamada

Ciidamadooda qaybta ka ah AMISOM iyo daneeyeyaasha kale ee muhiimka ah, taasi oo looga gol leeyahay in lagu mideeyo aragtiyada kala duwan, isla markana lala yimaado xal wax ku ool ah oo siyaasad ahaan la aqbali karo. Natiijada wada-tashiyada waxaa la hor geyn doonaa hay’adaha Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay,” ayuu Mudane Faki Mahamat, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ku sheegay Shirkii Kambaala ee bishii Maarso la qabtay. Saaxibada caalamka ee ka kala socday waddamada Aljeeriya, Shiinaha, Faraansiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Japan, Qadar, Ruushka, Sacuudiga, Kuuriyada Koonfureed, Sweden, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Ingiriiska, Mareeykanka, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa ka soo qaybgalay Shirka.


La Dagaalanka Walxaha Qarxa

S

oomaaliya ayaa 16-ka bishii Abriil magaalada Muqdisho ku qabatay kulanka afaraad ee ku saabsan walxaha qarxa, kaas oo sanadkiiba la qabto labo mar. Kulankan ayaa waxaa looga hadlayay sidii xal waara loogu heli lahaa isticmaalka aan kala sooca lahayn ee walxaha qarxa. Kulanka oo ay abaabushay AMISOM ayna ka gacan ka geysatay dowladda Ingiriiska, ayaa waxaa uu isku keenay ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, wakiillo ka socda Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo asxaabta caalamiga ah; waxaana looga gol lahaa in la

isla eego siyaabaha loo dhisi karo awoodda AMISOM iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya si ay si hufan uga hortagaan hubka ay inta badan adeegsadaan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, oo si rasmi ah u furay shirka, ayaa ku baaqay in la sameeyo dadaal wadajir ah si looga adkaado halista ay walxaha qarxa ku hayaan ciidamada ammaanka iyo shacabkuba. Waxaa uu ku boorriyay in militariga, booliska iyo

Danjire Francisco Madeira, oo ah Wakiilka Gaarka ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) u Qaabilsan Soomaaliya, Sarreeye Gaas Harushimana Salvator, oo ah Ku-Xigeenka Taliyaha Ciidanka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) u Qaabilsan Taageerada iyo Saadka, iyo Korneel Richard Maundrell,, oo ah Taliyaha Ciidanka Ingiriiska ee Soomaaliya, oo eegaya nooc Walxaha Qarxa ka mid ah oo la soo bandhigay intii lagu guda jiray seminaar ku saabsanaa Ka Hortagga Walxaha Qarxa oo lagu qabtay Muqdisho, Soomaaliya.

Korneel Richard Maundrell, oo ah Taliyaha Ciidanka Ingiriiska ee Soomaaliya, oo ka hadlaya furitaanka xafladda furitaanka ee seminaar ku aaddan Ka Hortagga Walxaha Qarxa oo lagu qabtay Muqdisho, Soomaaliya, 16-kii Bishii Abriil 2018.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay wada shaqeeyaan si ay si hufan uga hortagaan isticmaalka aan kala sooca lahayn ee walxaha qarxa, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si hufan loo wadaago macluumaadka iyo sirdoonka iyo in xiriir dhow lala yeesho shacabka, si loogu guuleysto dagaalka ka dhan ah walxaha qarxa. Gaashaanle Sare Maundrell, oo ah Taliyaha Ciidamada Ingiriiska ku sugan Soomaaliya, ayaa asagana ku celiyay hadalka Madeira ee ku saabsan in xiriir dhow ay yeeshaan daneeyayaasha iyo laamaha ammaanka, si dalka looga cirib tiro saameynta walxaha qarxa. “Si tani loogu guuleysto, waxaa aad muhiim u ah is-dhaafsiga macluumaadka iyo iskaashiga dhammaan dhinacyada iyo hay’adaha kala duwan. In kastoo ay muhiim tahay in

la diyaaro ciidamada lagana adkaado qalabkan, qaabka kaliya ee loogu guuleysan karo dagaalka ka dhan walxaha qarxaa waxaa uu noqonayaa in loo maro hawlgallo wax ku ool ah oo ka dhan qalabka qarxa. Sidani waxaa diiradda lagu saaraya dembiilayaasha hawlaha walxaha qarxa,” ayuu yiri. Waxyaabihii la isku afgartay shirkan ayaa waxaa ka mid ah in lagu dhiirrado in baaritaanka casriga ah loo adeegsado dagaalka ka dhan dhibaatadan, isla markana la xoojiyo tababarka shaqaalaha ee ku aaddan ogaanshaha iyo bixinta walxaha qarxa. AMISOM, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo bah-wadaagta horumarineed ayaa waxaa ay haatan ka wada shaqeynayaan xeelado looga hortago khatarta walxaha qarxa, si loo xaqiijiyo in aanay khasaarin guulaha ilaa iyo haatan la gaaray. J oor naalka A MISOM

13


Saraakiisha Booliska Soomaaliyeed oo la siiyay Tababar ku Saabsan ka Hortagga Walxaha Qarxa

M

arkii laga soo gudbo militariga, tababarka ku aaddan ka hortagga walxaha qarxa ee la siiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya waxaa uu socday muddo bilooyin ah. Booliska AMISOM ayaa dhiggooda Soomaaliyeed ku horumarinaayay xirfado muhiim ah oo ku aaddan ka hortagga, saarista iyo iska caabbinta weerarrada loo adeegsado walxaha qarxa. Xasan Guhaad Cabdullaahi oo ah Tababaraha ka Hortagga Argagixisada ee Booliska

AMISOM, oo ka hadlay mid ka mid ah tababarrada noocaasi horraantii sanadka cusub, ayaa ka xumaaday sida aan kala sooca lahayn ee ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku adeegsadaan walxaha qarxa Soomaaliya, iyo saameynta qaraxyada ay ku leeyihiin bulshada iyo ciidamada ammaanka. Tababarkaasi oo lagu qabtay Muqdisho ayaa saraakiisha lagu baray xeelaha ay adeegsadaan dembiilayaasha si ay u fuliyaan weerarrada loo isticmaalo walxaha qarxa.

Sarkaal ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed oo daaweynaya sarkaal intii la soo bandhigayay koorso tababar oo ku aaddan Walxaha Qarxa.

Booliska AMISOM ayaa tababar kaasi la mid ah siiyay saraakiisha booliska maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

D

hinaca magaalada Baydhabo oo ah caasimadda maamulka Koonfur Galbeed, Isku-duwaha Booliska AMISOM Tresphord Kasale, ayaa guddoominayay tababarka. “Tababarka ka hortagga iyo saarista walxaha qarxa waxaa ka faa’iideystay 15 qof oo laga soo xulay ciidanka booliska Soomaaliya. Ujeeddada tababarkan waa in sare loogu qaado wacyiga saraakiiisha si ay awood u yeeshaan in ay gartaan walxaha qarxa ayna u wacaan dadka ku xeel-dheer si ay wax ka qabtaan ayna u saaraan si nabad ah,” ayuu ku faahfaahiyay Kasale. Kormeeraha Booliska AMISOM, Sahr Emmanuel Kobai-Aruna, ayaa xusay in tababarka loogu talagalay in lagu kobciyo awoodda ciidanka booliska maamulka Koonfur Galbeed, asaga oo intaasi raaciyay in saraakiisha la baray

14

Jo o r n a a l ka A M IS O M

mowduucyo kala duwan oo ku aaddan amniga iyo nabadgelyada. “Kani waxaa uu qayb ka yahay waajibaadka saran AMISOM in ay tayeyso Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana barnay wax ku saabsan Walxaha Qarxa iyo Saarista walxaha qarxa; noocyada ay u kala baxaan walxaha qarxa iyo tababarro kale oo ku aaddan maareynta. Waxaanu xitaa barnay gargaarka koowaad ee goobta jariimada, iyo sida loo qaado qiimeynta lagu ogaado xaaladda dadka ku waxyeeloobay,” ayuu yiri Mudane Kobai-Aruna. Farxiya Axmed Maxamed oo ka mid ah dadkii tababarka qaatay ayaa tababarka ku tilmaamtay mid la bixiyay wakhtiga ugu habboon, ayada oo intaasi raacisay in uu ka caawin doono in ay waajibkooda si hufan u fuliyaan. “Maanta waxaa noo dhammaaday tababar ku saabsan walxaha qarxada iyo saaristooda oo ay qaban-qaabisay AMISOM, waxaana nala guddoonsiiyay

Xassan Guhaad Cabdullaahi, oo ah tababarraha tababarka ka hortagga argagixisada ee ka socda qaybta booliska ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), oo cashir bixinaya intii lagu guda jiray koorso tababar ah oo ku saabsan Walxaha Qarxa oo loogu talagalay Saraakiisha Booliiska Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho 31-dii Bishii Diseembar 2017-kii.

“Waxaa ka mid ah waxyaabaha ay barteen sidii nabad-diidka loogu diidi lahaa fursad ay dhibaato ku geystaan, iyo sidii loo wiiqi lahaa awoodda ay ku fulin lahaayeen weerarrada, iyada oo la adeegsanayo xogta la haayo,” ayuu yiri IP Xasan. Tababarka ku saabsan walxaha qarxa oo ay maalgelisay dowladda Japan iyada oo u mareyso Xafiiska Adeegyada Mashruucyada ee Qaramada Midoobay (UNOPS), waxaa ka mid ahaa casharro dhoolatus ah, iyo casharro ku aaddan

sidii loogu fal-celin lahaa xaalado kala duwan oo la xiriira weerarrada walxaha qarxa. “Waxaan bartay wax badan oo muhiim ah kuwaas oo aniga iyo asxaabteyda ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed na caawin doono. Tababarka wuxuu ahaa mid aad u faa’iido badan, markii loo eego shaqadeyda,” ayuu yiri Cabdi Aadan Gacal oo ka mid ah saraakiisha ka faa’iideystay tababarka socday toban maalmood ee bilaha Diiseembar iyo Janaayo.

Sarkaal booliis ah oo ka socda Maamulka Koonfur Galbeed oo ka qayb galaya koorso tababar ah oo ku saabsan Walxaha Qarxa & Hubka Qarxa oo loogu talagalay Ciidanka Booliiska Koonfur Galbeed.

shahaadooyin. “Waxaan barannay wax badan oo waxtar u leh dalkeenna, tusaale ahaa, sida loo ogaado meesha lagu aasay miino. Waxaan sidoo kale barannay sida gargaarka koowaad loo siiyo dadka ay dhibaatadu gaartay; iyo sidii qofka ku waxyeeloobay loo geyn lahaa isbitaalka si loo daaweeyo,” ayay tiri Farxiya Axmed Maxamed oo ka mid ahayd dadkii ka faa’iideystay tababarka. AMISOM ayaa kaalin lixaad leh ka ciyaaray aasaaska Ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed. Hawlgalka MIdowga Afrika waxaa uu tababaray 600 oo saraakiisha booliska maamul goboleedka, saraakiishana waxaa ay hadda haayaan hawlo kala duwan

Evelyn, oo ah tababare ka socota qaybta booliska ee AMISOM, oo guddoonsiinaysa shahaado mid ka mid ah kuwa la tababarayay intii lagu guda jiray koorsada tababarka ku saabsanaa Walxaha Qarxa & Hubka Qarxa oo loogu talagalay ciidanka booliiska Maamulka Koonfur Galbeed.

oo ay ku sugayaan amniga maamulka. Intaasi waxaa dheer, 600 oo saraakiisha booliska Jubbaland ayaa ayagana la tababaray, waxaana socda qorshe ah in maamul goboleedka HirShabeelle loo qoro isla markana loo tababaro saraakiil dheeraad ah.


Saraakiil militari ah oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo saaxiibbo kale, oo galaya sawir kooxeed kaddib furitaanka Shirka AMISOM ee is-dhaafsiga macluumaadka oo ay gacan ka gaysatay Kooxda Taageerrada Hawlgalka ee Ingiriiska (UKMST).

Is-dhaafsiga Macluumaadka iyo Sirdoonka ku aaddan Argagixisada

S

hirkii saddexaad ee Sirdoonka iyo Is-dhaafsiga Macluumaadka, oo looga gol lahaa in lagu xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxeysa hay’adaha kala duwan ee sirdoonka ee ku sugan Soomaaliya, ayaa bishii Maarso lagu qabtay caasimadda Muqdisho, iyada oo uu Sarreeye Gaas Charles Tai Gituai, oo ah Taliye ku xigeenka Ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya u qaabilsan Howlgallada iyo Qorshaha, u ol’oleeyay in ay hay’adaha sirdoonka ay la yimaadaan habab hufan oo la isku dhaafsado xogta sirdoonka. “Xogta waa in la uruuriya loona adeegsadaa qaab xaqiijinayo hufnaan dhinaca hawlgallada iyada oo aan la carqaladeyneyn xalaalnimada iyo dhexdhexaadnimada lagama maarmaanka u ah howlgalka nabadda si uu si wax ku ool ah u guto howshiisa,” ayuu hadalkiisa ku furtay Sarreeye Gaas Gituai. Shirka waxa sidoo kale lagu eegay sidii loo heli karo ilaha macluumaadka

ee aan rasmiga ahayn, waxaa looga hadli doonaa xoojinta wadaagista iyo isdhaafsiga sirdoonka, iyo khatarta cusub ee ka imaanaysa kooxda argagixisada AlShabaab, xilli ay awoodda maleeshiyada wiiqeen weerarrada kaga imaanayo Dowladda Federaalka ah, Midowga Afrika, iyo ciidamada saaxiibbada ah. “Sirdoonka aad ayuu muhiim ugu yahay howlgalka nabadda, si ay u siiyaan dadka go’aannada gaaro wacyi ku aaddan xaaladda, iyada oo loo marayo falanqeyn abaabushan ee xogta oo ay sameeyaan qaybaha kala duwan ee howlgalka,” ayuu Sarreeye Gaas Gituai u sheegay ka qaybgalayaasha shirka saddexaad ee wadaagista macluumaadka. Ka qayb-galayaasha waxaa ay isugu jiraan saraakiisha sirdoonka ah oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee AMISOM, ciidamada ammaanka ee Soomaaliyeed iyo bah-wadaagta muhiimka ah ee ammaanka caalamiga ah. Sarreeye Gaas Gituai ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin

Saraakiisha Militariga ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, Ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska, oo ka qayb galaya shirka AMISOM ee Wadaagidda Macluumaadka oo ay taageeraysay Kooxda Howlgalka Taageerada ee Ingiriiska (UKMST).

Sarreeye Gaas Charles Tai Gituai, Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka AMISOM, oo ka hadlaya shirkii AMISOM ee wadaagidda macluumaadka oo uu taageeraysay Kooxda Howlgalka Taageerada ee Ingiriiska (UKMST).

“nidaamyada hufan iyo qaab-dhismeedka,” kuwaas oo xaqiijin doona in xogta la soo uruuriyay loo wadaago loona kaydiyo si ammaan ah, kaas oo faa’iido u leh dhammaan dhinacyada kala duwan ee ku lug leh. Madaxa Sirdoonka Militariga AMISOM Korneyl Naboth Mwesigwa ayaa sheegay in kulanka uu “xoojin doono wadaagista sirdoonka”, isla markana uu ka gacan ka geysan doono in isbeddel lagu sameeyo awoodaha dhinaca difaaca iyo weerarka, iyada oo sidoo kale la dhisayo kalsooni iyo xiriirka bah-wadaagta iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Qaban-qaabinta kulanka waxaa gacan ka geystay Kooxda Taageerrada Hawlgalka ee Ingiriiska (UKMST). J oor naalka A MISOM

15


AMISOM oo loogu deeqay Qalabka Ilaalada

Q

alabka cusub ee ilaalada oo ay bixisay dowladda Mareykanka ayaa waxaa lagu rakibay garoonka diyaaradaha militariga ee Balidoogle ee ku yaalla gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya, si sare loogu qaado uruurinta sirdoonka. Madaxa AMISOM, Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa dowladda Mareykanka ku ammaanay taageerrada joogtada ah ee ay u fidiso Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ee dagaalka ka dhan ah argagixisada. “Aad ayay muhiim u tahay ciidamada AMISOM sababtoo ah waxaa ay waxaa ay kaalin lixaad leh ka ciyaarayaan xallinta mid ka mid ah waxyaabaha hoos u dhigaya awoodda AMISOM,” ayuu yiri Madeira, markii la daahfurayay qalabka ilaallada bishii Febraayo. Qalabkan ayaa buuxinaya dalool dhinaca awoodaha militariga ee loo baahan yahay si ay u fuliyaan hawlgal hufan oo ka dhan ah Al-Shabaab. Hawlgalka ayaa qorsheynayaa in uu xoojiyo hawlgallada uu ka wado guud ahaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, oo ay ku badan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab. Madaxa Arrimaha Hawlgalka Mareynka ee Soomaaliya, Martin Dale, ayaa xaqiijiyay sida ay dowladda Mareykanka uga go’an tahay dadaallada loogu raadinayo nabad waarta Soomaaliya. “Sababta aanu halkan u joogna kaliya ma aha in aan xaqiijinno amniga ciidamadiinna (askarta AMISOM) balse sidoo kale in aan xoojinno cadaadiska aanu ku hayno argagixsada si ay shacabka Soomaaliyeed u helaan nolol fiican. Waxaa la joogaa

16

Jo o r n a a l ka A M IS O M

xilligii si wadajir ah loo wada shaqeyn lahaa. Waxaa aan u baahannahay in aan dhammaan si wadajir ah u wada-shaqeyno si aan u xoojinno cadaadiska aan ku hayno.”

“Waa qayb muhiim ah,” ayuu raaciyay Mudane Dale. “Soomaalida waxaa ay rabaan in ay maal-gashadaan amnigooda si ay barwaaqo u gaaraan, anaguna waxaa

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Danjire Francisco Caetano Jose Madeira, ayaa 26-dii Bishii Febraayo 2018-ka waxaa loo soo bandhigay diyaaradda duuliye la’aanta duusha oo uu soo bandhigay Sarkaal Maraykan ah oo ku sugan Baledogele, Somalia.

Taliyaha Ciidanka ee AMISOM, Sarreeye Guud Jim B Owoyesigire, iyo Mas’uuliyiin kale oo AMISOM ah ayaa waxaa ay saraakiisha Maraykanka ee ku Sugan Baledogle, Soomaaliya u soo bandhigeen diyaaradda duuliye la’aanta duusha.

aan halkan u joognaa in aan arrintaasi suurtagelinno.”


UK oo AMISOM ku ammaantay Yareynta Halista Argagixisada

W

asiiru Dowlaha waddanka Ingiriiska u qaabilsan Ciidamada Qalabka Sida Mudane Mark Lancaster ayaa bishii Abriil booqday Soomaaliya, halkaas oo uu ku ammaanay ciidamada Midowga Afrika kaalinta ay ka geysteen nabadeynta dalkan ku yaal Geeska Afrika iyo yareynta halista argagixisada. Wasiirka ayaa kulan la yeeshay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire. Waxaa ay ka wada hadleen wareejinta mas’uuliyadaha amniga ee laga wareejinayo AMISOM loona wareejinayo ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo nooca iyo baaxadda taageerrada Ingiriiska ay u fidiso Howlgalka Midowga Afrika. “Waxaan jeclahay in aan ku bilaabo in aan boogaadiyo shaqada ay AMISOM qabatay kow iyo tobankii sano ee ugu dambeeyay, iyo waxyaabaha ay hureen, waayo waxaan shaki ku jirin haddii AMISOM aysan qaban lahayn shaqada wanaagsan ay qabatay koow iyo tobankii sano ee ugu

Mark Lancaster, oo ah Wasiirka Ciidamada Qalabka Sida ee Ingiriiska, oo kormeeraya ciidan ilaalo ah oo ay soo abaabuleen askar ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

dambeeyay, Soomaaliya ma aysan qaaddeen dhabbaha horumarka ee maanta ay ku taagan tahay,” ayuu yiri Mudane Lancaster. Kooxda Taageerrada Hawlgalka ee Ingiriiksa (UKMST), ee hoos timaadda mashruuca UK-70 ayaa waxaa ay sare u qaadday taageerrada dhanka ee ay u fidiso ciidamada AMISOM iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho iyo gobollada kale. “Waxaan ka wada hadalnay sidii aanu taageerro badan u fidin karno Howlgalka, balse waxaa si la mid ah ka arrinsannay sidii aan ku horumarin karno xaaladda

Soomaaliya bilooyinka iyo sanadaha soo socda,” ayuu raaciyay wasiirka ka socda Ingiriiska. Taaggeerrada dhinaca talooyinka iyo tababarka ee ay UKMST u fidiso AMISOM ayaa waxaa ay la xiriiraan dhinaca saadka, caafimaadka iyo kartida dhinaca injineernimada qalabka culus. “Waxaa farxad weyn noo ah in dowladda UK ay aad u xiisaneyso hawlaha aanu halkan ka wadno, isla markana ay noo soo direen Wasiiru Dowlaha u qaabilsan Ciidamada Qalabka sida. Booqashadaasi lafteeda aad ayay muhiim u tahay maadaama uu furimaha hore

ee dagaalka nala joogo xubin sare ee ka tirsan dowladda Ingiriiska,” ayuu yiri Danjire Madeira kaddib kulanka uu la qaatay Mudane Lancaster. Waxaa uu xusay in AMISOM ay xiriir wanaagsan oo dhow la leedahay Kooxda Taageerrada Hawlgalka ee Ingiriiska ee ku sugan Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyay taageerrada ay u fidiyeen Hawlgalka. Wasiiru Dowlaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa uu u xil-saaran yahay kormeerka hawlaha Ciidamada Qalabka Sida oo ay ka mid yihiin hawlgallada, diyaarinta ciidamada iyo xiriirka gaashaandhigga caalamiga.

Taageerada ay Ciidamada Ingiriiska u fidiyeen AMISOM

K

oox militari ah oo ka socda dalka Ingiriiska ayaa sii xoojiyay tababarka ay u fidinayaan Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya, ayaga oo u marayo barnaamijka lagu magac-daray UK-70 kaas oo qayb ka ah taageerada Qaramada Midoobay ee AMISOM. Shaqaalahan militariga ee ka socda dalka Ingiriiska ayaa ciidanka AMISOM u fidinaya taageero isugu jira mid caafimaad, mid saad iyo

dhinaca injineernimada, tanina waxaa ay qayb ka tahay ballanqaadka ballaaran ee Ingiriiska, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaarafda Difaaca ee waddanka Ingiriiska. Iyaga oo u marayo barnaamijka, ayaa kooxda waxaa ay tababaraysay Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan caasimadda Soomaaliya iyo maamullada xubin ka ah Dowladda Federaalka ah, iyada oo qayb ka ah kaalinta Dowladda Ingiriiska ku aaddan xasilinta

Xubin ka tirsan Kooxda tababarka caafimaadka militariga ee Ingiriiska ee joogta Soomaaliya, oo hoos imaata Kooxda Ciidamada ee UK-70, oo u soo bandhigaysa Shaqaalaha Caafimaadka ee AMISOM sida looga joojiyo dhiig baxa meesha xabadda ay ku dhacday.

Soomaaliya, si loo laba-laabo dadaallada nabad-ilaalinta isla markana loo yareeyo khatarta argagixisada ee Soomaaliya. “Kooxda Ciidamada ee UK 70 waxaa ay shaqooyin fara badan nagala qabanayaan goobo badan waxaa ayna naga caawinayaan in aan si hufan aan dhulka uga shaqayno. Waxaan leennahay nidaam guud oo (Sir doon, ilaalin iyo kormeer) ah oo ay naga caawiyeen in la hirgeliyo haddana si buuxda ayuu u shaqaynayaa,” ayuu yiri Madaxa AMISOM, Danjire

Mas’uuliyiinta Kooxda Ciidamada ee UK70 oo kormeeraya askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed oo ka dhisaya deer silig ah wareegga xerada Tababarka ee SST ee Baydhabo. Tani waxaa ay qayb ka tahay taageero tababar oo ay Ingiriiska u fidiyeen AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Francisco Madeira, waqti uu booqasho ku tagay Soomaaliya Wasiirka Ciidamada Qalabka Sida ee Ingiriiska, Mudane Mark Lancaster. 70-ka shaqaale militari ee jooga Soomaaliya kama qayb qaataan howlgallada dagaalka. “Waxaan u arkaynaa qorshahan iyo habka taageerada in ay yihiin kuwa faa’iido leh, maxaa yeelay waxaa ay wadddo u xaarayaan in dad kale ay kor u qaadaan kooxo yar yar oo ku sugan goobo gaar ah in ay.

Mas’uul ka tirsan UK70, SGT Adam Anderson, oo ku tusaya Ciidamada AMISOM ee la tababarayo sida loo cillad bixiyo matoorka waqtiga howlgallada militari lagu jiro Xerada Qaramada Midoobay ee Kismaayo. Tani waxaa ay qayb ka tahay taageero tababar oo ay Ingiriiska u fidiyeen AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. J oor naalka A MISOM

17


Wafdiga Midowga Afrika ee Qiimeynta PSOD ee Soomaaliya

W

afdi ka socda Qaybta Hawlgallada Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika ee loo soo gaabiyo PSOD ayaa bishii Febraayo booqday Soomaaliya si ay u qiimeeyaan hawlaha nabad-ilaalinta xilli uu meel fiican marayo qorshaha mas’uuliyadda amniga looga wareejinayo AMISOM laguna wareejinayo ciidamada ammaanka Soomaaliyeed. Muddadii afarta maalmood ee ay Soomaaliya ku sugnaayee, ayaa wafdiga ka kooban 10 qof wadahadallo la yeesheen mas’uuliyiin sarsare ee ka socda AMISOM, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOS) iyo safiirrada Waddamada Ciidamadooda ay joogaan Soomaaliya. Wafdiga oo uu hoggaaminayey Sarreeye Gaas Francis Okello, oo ah Madaxa Halwgallada iyo Qorshaynta ee PSOD ayaa sidoo kale wadahadallo la yeeshay wakiillo ka socda Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya, oo uu horkacayey La-taliyaha Amniga Qaran ee Madaxweynaha, Cabdisaciid Cali, Wadahadallada ayaa waxaa diiradda lagu saarey arrimo badan oo ay ka mid yihiin hawlaha nabadilaalinta, guulaha la gaaray iyo caqabadaha lagala kulmay nabadeynta Soomaaliya; iyo sidoo kale in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, iyo arrimo kale. “Guddiga Midwoga Afrika waxaa uu u xil-saaray kooxdani in ay yimaadaan oo

Sarreeye Gaas Francis Okello, oo ah Madaxa Wefidga ka socda Qaybta Howlaha Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika, oo ka hadlaya shir uu la yeeshay wakiilo ka socda Waddamada Ciidamada Deeqay oo fadhigoodu yahay Muqdisho iyo Mas’uuliyiin sare oo kale oo ka tirsan AMISOM.

ay sameeyaan qiimeyn haddii ay ahaan lahayd dhinaca diyaargarowga, qorshaha, hawlaha, iyo sidoo kale in ay eegaan xidhiidhka aanu la leennahay dhinacyada muhiimka ah sida Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,

maamul goboleedyada iyo sidoo kale hay’adaha na taageera sida Qaramada Midoobay, khaasatan UNSOS,” ayuu yiri kuxigeenka madaxa AMISOM, Simon Mulongo, kaasi oo qaabilay wafdiga.

Qaybta Hawlgallada Taageerada Nabadda (PSOD) waxaa loo xil-saaray qorshaynta, daahfurka, sii wadista, la socodka iyo xalliyaan dhammaan Halwgallada Taageerada Nabadda ee uu ansixiyay Midowga Afrika.

Wefdi ka socda Qaybta Howlaha Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay Sarreeye Gaas Francis Okello, oo ah Wakiilka Gaarka ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee soomaaliya, Danjire Francsico Madeira iyo Mas’uuliyiin sare oo kale oo ka tirsan AMISOM, oo ku jira shir ay la yeesheen Cabdisaciid Muuse Cali, oo ah La Taliyaha Madaxweynaha dhanka Ammaanka Qaranka Soomaaliya.

Qowlka Miisaanka Leh

Madaxweyne Farmaajo (oo taagan bartamaha dhinaca bidix) oo xiran ookiyaalaha madow kuna labisan direyska militariga iyo Wakiilka Gaarka ah Madeira (oo taagan bartamada dhinaca bidix) oo ku labisan suud kafee ah, ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay Akadeemiyada Militariga ee Jaale Siyad (Akadeemiyada Militariga ee Said Barre) oo hadda ay deggan yihiin ciidamada Burundi. Madaxweynaha ayaa la macaamilay ciidamada, waxaa uuna muujiyay mahadnaqiisa iyo tan dadka soomaaliyeed ay u qabeen shaqada wanaagsan ee ay AMISOM ka qabanayso Soomaaliya, waxaa uuna ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan howsha wanaagsan.

18

Jo o r n a a l ka A M IS O M

“Xorreynta Muqdisho ma ahayn hawl fudud. Waxaa ay ahayd shaqo aad u dhib badan. Waan uga mahadcelinayaa walaalaheenna AMISOM; ciidamada Uganda iyo Burundi oo dhiiggooda iyo naftooda u hurey in ay magaaladan ka xorreeyaan Al-Shabaab. Dhiig badan ayaa loo daadiyay halkan aanu taagannahay, xarunta difaaca. Aad iyo aad ayaanu uga mahadcelineynaa… Waa in aan abaal u muujinna walaalaheenna AMISOM. Waa in aan mar kasta xusuusanno in ay ku waynayaan askar ayna maalin kasto dhiig u daadinayaan Soomaaliya si ay u difaacaan sharafta dalkan. Waa in aan mar waliba xusuusannaa waxyaabaha ay AMISOM inoo hureen; iyo in ay wali nala joogaan; iyaga oo na taageerayan ooo gacan naga siinaya dhismaha ciidanka xoogga dalka. Waan uga mahadcelineynaa, haddii Ilaahay uu idmana, Soomaaliya marka ay cagaheeda ku istaagto, waxaanu ka qayb qaadan doonna xorreynta Afrika, anaga oo u mareyno hawlgallo nabad-ilaalin ah oo kani la mid ah” – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, markii la xusayay sanad-guuradii 58-aad ee Ciidanka Xoogga Soomaaliya.


Kulan Doodwadaag ah oo ku Saabsan AMISOM

B

ishii Febraayo, AMISOM oo kaashaneyso Hay’adda Heritage Institute, oo ah hay’ad Soomaaliyeed oo la talin ah ayaa qabatay kulan aqoon isweydaarsi ah oo looga hadlayay horumarka uu hawlgalku ka sameeyay Soomaaliya, waxaana looga gol lahaa in dadku ay helaan faham wanaagsan oo ku saabsan waajibaadka uu Hawgalka Midowga Afrika u joogo Soomaaliya. Siyaasiyiin, wakiillo ka socda bulshada rayidka, bahda ganacsatada, culimada, aqoonyahaanno, iyo dad ku xeel-dheer arrimaha amniga ayaa hoggaanka sare ee AMISOM wax ka weydiiyay guulaha uu garay Hawgalka, fashilka, ilaha uu dhaqaalaha ka helo, qorshaha ka bixitaanka dalka iyo barnaamijyada tababarka uu siinayo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo arrimo kale. Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Danjire Francisco Caetano Madeira, iyo madaxda kale ayaa ka hadlay eedeeymaha la xiriira wax-qabad xumida, asaga oo shaaciyay guulaha la gaaray tani iyo markii uu Hawlgalka Midowga Afrika soo galay waddankan ku yaala Geeska Afrika sanaddii 2007-dii. Madeira ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay wakhti xasillooni ah dhinaca siyaasadda iyo amnigaba. “Waxaa jiraa dhaqdhaqaaq iyo ganacsi xooggan, waxaa sare u kacay hawlaha duulimaadyada caalamiga ah, gaadiidleyda kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowliga ahba. Waxaa kobac laga dareemaya dhismooyinka iyo ganacsiyo cusub oo ka furmaya dalka, waxaana meesha ka maqneyn tirada sii badaneysa ee hay’adaha dhaqaalaha ee ka jira dalka. Dhammaan isbeddelladan waxaa sabab u ah nabadda hadda lagu naaloonayo ee ka jirta dalka oo idil, taasi oo ay sabab u tahay joogitaanka ciidamada Midowga Afrika,” ayuu xusay. Madaxa AMISOM ayaa waxaa uu xusay geeddi-socodka doorashooyinkii 2016/2017 iyo dhismaha labada aqal ee baarlamaanka in ay ka mid yihiin guulaha ugu waaweyn ee lagu tallaabsaday dhinaca siyaasadda, taasi oo ay sabab u tahay

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya iyo Madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira, oo la hadlaya ka qayb galayaasha shir dood-wadaag ah ee ku saabsanaa Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

wada-shaqeynta dhow ee u dhaxeysa AMISOM iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Nabadda jirta darteed, ayuu raaciyay Madeira, ayaa hay’ada ugu waaweyn

ee lagu maalgashado Soomaaliya,” ayuu yiri. Sanadkii la soo dhaafay, Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa waxaa ay ku dhawaaqday in ay dhici karto in ay

Mid ka mid ah qayb galayaasha ayaa weydiinaya su’aal Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya iyo Madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira, intii lagu guda jiray shirka.

dhanka maaliyadda, sida Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka, dib ugu soo laabtay dalka kaddib in ka badan muddo 25 sano oo ay dalka ka maqnaayeen. “Bankiga Adduunka waxaa uu haatan taageeraya hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya si loo horumariyo maamul wanaagga, loo dardargeliyo dib u soo kabsashada dhaqaalaha lana abuuro shaqooyin. Hadda waxaa jiraa jawi wanaagsan iyo kalsooni ballaaran

Ka qayb galayaasha kulanka wada tashiga ah oo ku saabsanaa Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya kaas oo uu martigeliyay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, oo ah Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo mas’uuliyiin sare oo kale ayaa lagu qabtay Muqdisho 22-dii Bishii Febraayo 2018-ka.

Soomaaliya ka caafiso lacago deyn ah oo gaaraya 5.3 bilyan haddii ay dowladdu qaaddo tallaabooyin wax ku ool ah ee ku aaddan dib u habeynta dhaqaalaha iyo horumarinta maamul wanaagga. Danjire Madeira ayaa xusay in AMISOM ay xoojisay wada-shaqeynta ka dhaxeysaa iyada iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si ay u suurtagasho in ay u bulshada u fidiso adeegyo wanaagsan. “Arrimahan oo dhan waxaa raacsan taageerro farsamo ah oo joogta ah oo ay AMISOM u fidiso dowladda kuwaas oo la xiriira arrimaha sharci dejinta, jinsiga, dib u heshiisiinta, iyo maareynta iyo xallinta khilaafaadka.” Hase yeeshee, Madeira ayaa sidoo kale aqoonsaday caqabadaha Hawlgalka Midowga Afrika ka hortaagan dhinaca amniga. Waxaa uu shaaciyay xagjireynta dhallinyarada in ay tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan xasilloonida Soomaaliya. Waxaa uu walaac ka muujiyay qorista, tababarka iyo dhallinyarada oo lagu tashkiiliyo in ay ku biiraan xagjirka rabshadaha wata. Madaxa Heritage Institute, Cabdirashiid Xaashi, ayaa ku tilmaamay wada-hadalka in ay ka caawisay Soomaalida in ay faham wanaagsan ka helaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. J oor naalka A MISOM

19


Maareynta Khasaaraha Goobaha Colaadda

K

oox ka kooban 39 dhaqaatiir militari ah oo ka tirsan AMISOM ayaa ka qayb-galay tababar ku saabsan daad-gureynta degdegga ah, maareynta khasaaraha iyo bukaannada uu ku dhacay qaracan, kuwaas oo ku sugan goobaha ay ka jiraan dhibaatooyinka badan. Tababarka oo la qabtay dhammaadka bishii Maarso ayaa qayb ka ahaa qorshaha taageerrada caafimaad ee loo fidinayo Hawlgalka Midowga Afrika, kaasi oo looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo in dhammaan shaqaalahooda caafimaad ay si weyn u fahamsan yihiin habka loo bixiyo Gargaarka Koowaad ee goobaha dagaallada, daad-gureynta iyo daryeelka dhaawacyada, maareynta daawoyinka, iyo sida loo maareeyo agabyada caafimaadka ee wasakhoobay. Daadihiyeyaasha tababarka socday muddo saddex maalmood ayaa ka koobnaa mas’uuliyiin ka socota kooxda tababareyaasha militariga ee Ingiriiska. “Hawlgalkani waxaa la idin ku bari doonaa noocyada dhaawacyada ka dhasha walxaha qarxa ee ugu badan, kuwaas oo aad qaarkiin aanay horey u arkin,” ayuu Jeneraalka howlgabka ah Fidza Dludlu, oo ah Madaxa Taageerrada Hawlgalka ee AMISOM u sheegay ka qayb-galayaasha maalintii ugu dambeysay ee tababarka caafimaad. Sarkaalka Caafimaadka ee Ciidamada, Gaashaanle Dhexe Diktoor Boniface Mandishona, ayaa inta badan dhaawacyada ka dhaca goobaha dagaallada

Shaqaalaha Caafimaadka Militariga ee ka shaqeeya Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa qabanaya shaqo ku aaddan sida loo joojiyo dhiig baxa. Tani ayaa la qabtay waqti lagu guda jiro shir caafimaad oo lagu qabtay Muqdisho, Soomaaliya.

ku aaneeyay sida baahsan ee ay argagixisada Al-Shabaab u adeegsadaan Walxaha Qarxa. Walxaha Qarxa ayaa weli ah halista ugu weyn ee wajahan dadka shacabka iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. “Waxaa la keenaa dhaawacyo aad looga naxo, shaqaalaha cusub qaarkoodna

horay ma aayan u soo arkin nooca dhaawacyada ee la inoo keeno. Sidaa daraadeed tababarkani waxaa uu siinayaa fursad ay kula kulmaan kooxdeenna tababareyaasha kuwaasi oo kaddibna ugu faa’iideeyaa aqoonta loo baahan yahay ee ay kula tacaali karaan xaaladaha noocani oo

kale ah,” ayuu yiri Diktoor Mandishona. Tababarka oo ay ka soo qayb-galeen shaqaalaha caafimaad ee ka socda dhammaan qaybaha kala duwan ayaa saraakiisha waxaa ay ka faa’iideen qaababka loola tacaalo qaracanka xaaladaha degdegga ah ee furriimaha dagaalka, waxaana ka mid ah barashada qaababka loo joojiyo dhiig-baxa saa’idka ah iyo sida ugu habboon ee loola tacaalo jabka, si loo xaqiijiyo in ciidamada dhaawacmay si wanaagsan loo gaarsiiyo isbitaallada. Sarreeye Gaas Salvatore Harushimana, oo ah Kuxigeenka Taliyaha Ciidamada AMISOM u qaabilsan Taageerada iyo Saadka ayaa ka soo qayb-galeyaasha ugu baaqay in ay xirfadaha ay barteen u adeegsadaan in ay si wanaagsan u maareeyaan xaaladaha degdegga ah ee goobaha dagaallada.

Shaqaalaha Caafimaadka Militariga ee ka shaqeeya Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa qabanaya shaqo ku aaddan sida loo joojiyo dhiig baxa.

Sarreeye Gaas Fidza Dludlu, oo ah Madaxa howlaha Taageerada ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), oo sawir koox ah kula jira saraakiil caafimaad oo ka tirsan AMISOM.

20

Jo o r n a a l ka A M IS O M


I

Hay’adda ‘Smile Train’ oo Gaartay Koonfur Galbeed

Bishii Maarso koox dhaqaatiir ah oo ka kala socda AMISOM, hay’adda caalamiga ah ee dadka fanaayda ah la tacaasho ee ‘Smile Train’ iyo Bancroft Global Development ayaa qalliinka faruuranka iyo fanaaynimada oo bilaash ka sameeyay Baydhabo, caasimadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed, kaasi oo loogu caawinayay tobaneeyo bukaanno ah oo qabaa xaaladdaasi. Barnaamijkan oo lagu qabtay Isbitaalka Heer Gobol ee Baydhabo ayaa ku guuleystay qalliinka 49 bukaan. Iyagoo taageero ka helaya UNSOS (Xafiiska Taageerrada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya), AMISOM iyo dhaqaatiir Soomaali ah ayaa kooxda “Smile Train” sidoo kale tababar siiyay dhaqaatiir ka socota AMISOM iyo shaqaale caafimaad oo Soomaali ah, si ay awood u yeeshaan in ay qaliinno noocaasi ah u fuliyaan mustaqbalka. Xaaladdani waa xaalad ku badan Soomaaliya, kumannaan qof ayaana sanado badan qabaa faruuranka iyo fanaaynimada, maadaama isbitaallada ku yaala dalka aysan lahayn awood farsamo oo ay wax uga qabtaan. “Faruuranka waa xaalad ku badan Soomaaliya,” ayuu yiri madaxa dhaqaatiirta fulinayay qalliinka, Kornayl James Kiyengo, oo ah dhaqtar Ugaandhiis ah. Diktoor Kiyengo ayaa sheegay in bukaannada la tacaalaya xaaladdaasi ay la kulmaan faquuq sababo la xiriira cambaareyn dadka uga timaadda iyo qiimaha qalliinka ee Soomaaliya oo aad u sarreeya. “Bukaannada leh faruurka waxaa ay dhibaato kala kulmaan qayrkooda. Carruurta waxaa mararka qaar ku jeesjeesaa kuwa kale, sidaasi darteedna ma aadi karaan dugsiyada, si fiican uma hadli

Koox dhaqaatiir ah oo u qaabilsan qalliinka iyo suuxinta, iyo kalkaaliyeyaal oo qalliinka faruurka ka fulinaya Isbitaalka Gobolka Baay ee ku yaal Baydhabo, Soomaaliya.”

karaan, kuma dhawaaqi karaan xarfaaha sida ‘p’. Marka ay hadlayaan, dibnaha jeexan ayaa ka reebeyso in ay si wanaagsan u hadlaan,” ayuu yiri Diktoor Kiyengo. Hase yeeshee waxaa uu bukaannada kula taliyay in ay xilli hore ay daaweyn raadsadaan, sababtoo ah haddaanan la daaweyn, waxaa ay qofku u horseedeysaa dhibaatooyin caafimaad oo kale sida naafo dhinaca wajiga ah iyo infekshenka dhagaha oo soo noqnoqda, kaasi oo mustaqbalka dhib weyn abuuri karaa mustaqbalka. Maamulka Isbataalka Heer Gobol ee Baydhabo oo taageero ka helaya wasaaradda caafimaadka ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa hormuud ka ahaa abaabulka dadkii

Bukaanno sugaya in lagu sameeyo qalliinka faruurka, oo ku sugan Isbitaalka Heerka Gobolka ee Bay, Baydhabo, Soomaaliya

qaliinka ka faa’iideysan lahaa. Safka dheer ee dadka yimaaday isbitaalka ayaa daliil u ah tirada badan ee bukaannada u baahneyd qalliinka. “Dowrkeenna waa in aan abaabulno dadka in ay u yimaadaan qalliinka. Bukaannada qaar waxaa ay ka imaanayaan gobollo kale, waana in ay xilli fiican u yimaadaan qalliinka. Ilaa iyo hadda waxaa aan diiwaangelinnay dad ka yimid magaalada Baydhabo iyo deegaannada u dhaw gaar ahaan gobollada Baay iyo Bakool,” ayuu yiri, Cabdifataax Ibraahim Xaanshi, oo ah Agaasimaha Isbitaalka Heer Gobol ee Baydhabo. Mid ka mid ah ehelka dadkii ka faa’iideystay qalliinka ayaa ku tilmaamay qallinka lagu sameeyay walaalkii ka yar mid noloshiisa beddeshay. “Waxaa aan ka nimid xaafadda Moodemoode. Maadamaa wajigu yahay qaybta ugu muhiimsan xubnaha jirka, qaar ka mid wajigiisa ayaa dib loo hagaajiyay, haddana si xor ah ayuu bulshada u dhex geli karaa,” ayuu yiri Madeey Kuusoow oo aad u faraxsanaa kaddib qalliinka lagu guuleystay ee lagu sameeyey walaalkiisa. Bukaannadda dhammantood uma ay suuraggelin in lagu sameeyo qalliin, maadaama ay aad u badnaayeen tirada bukaannada. Bancroft Global Development iyo saaxibada ayaa isla eegaya sidii ay u dhowaan ku sameyn lahaayeen qalliin noocaan ah. Intii u dhaxeysay 2016 iyo 2017, waxaa Isbitaalka Heerka 2-aad ee AMISOM ee ku yaalla Muqdisho qalliin la mid ah lagu sameeyay in ka badan 700 oo bukaan ah. Faruuranka waa xanuun oo yimaada markii faruurta ama afka aysan si fiican u sameysmin, marka uu cunuga ku jiro uurka hooyada. J oor naalka A MISOM

21


Maamuuska Haweenka Ka Tirsan Nabad-ilaalinta S anad kasta taariikhda marka ay ku beegan tahay 8-da bisha Maarso, caalamka oo idil waxaa diiradda la saara haweenka, waxaana la xusaa kaalintooda muhiimka ah ee ay ku doonayaan in ay adduunka ka dhigaan meel wanaagsan. Haweenka ka tirsan ciidamada nabadilaalinta ee Midowga Afrika (AMISOM) ayaa xusay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, iyaga oo baaq u diray dowladaha in ay dumar badan ku soo biiriyaan hawlgallada nabadilaalinta. Haweenkan oo ka kala yimid dhammaan Dalalka Ciidamada militariga iyo Booliska Deeqay ayaa waxaa la jiray dhiggooda ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliyeed si ay u xusaan maalinta.

Haweenkan ka tirsan hawgalka nabad-ilaalinta ayaa xuska maalintooda ku bilaabay socod, oo ay ugu ol’oleynayaan

Sarreeye Guuto, Gertrude Bili Mwale, oo ah La Taliyaha Midowga Afrika dhanka Difaaca oo kula hadlaya ciidamada haweenka ah ee nabad ilaalinta ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) xaflad lagu xusayay Maalinta Haweenka Adduunka taas oo lagu qabtay Muqdisho.

Haweenka nabad ilaaliyaasha ah ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa ka qayb galaya xaflad lagu xusayo Maalinta Haweenka Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho 8-dii Bishii Maarso 2018-ka.

22

Jo o r n a a l ka A M IS O M

nabadda caalamka. Waxaa ayna hawshooda ku soo idlaatay kulan ku saabsan hoggaanka. Guud ahaan, 850 oo haweeney ayaa haatan ka tirsan ciidamada nabad-ilaalinta AMISOM, taasi oo ka dhigeysa mid ka mid ah hawlgallada nabad-ilaalinta ee leh tirada ugu badan ee haweenka guud ahaan caalamka. Waxaa jiro qorshe lagu doonayo in lagu kordhiyo tirada haweenka nabadilaaliyeyaasha ah, si loo dardar geliyo geedi-socodka xasilinta ka hor doorashada 2020/2021 ee qofba iyo codkiisa ah.


Arrinta Jinsiga ee

A

Baarlamaanka Soomaaliya

MISOM ayaa bishii Febraayo siminaar socday muddo seddax maalmood u qabatay haweenka Soomaaliyeed ee ka tirsan baarlamanka, si looga wada-hadlo dowrkooda ku aaddan sharci dejinta isla markana ay isla eegaan sidii ay horumarin karaan heerarka haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed. Dadkii ka qayb-galay siminaarkan oo ay gacan ka geysatay Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa waxaa

Simon Mulongo, oo ah Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (DSRCC) ee Soomaaliya oo ka hadlaya aqoon isweydaarsi ku saabsan dhisidda awoodda xubno ka tirsan haweenka Soomaaliyeed ee xildhibaanada ah, kaas oo lagu qabtay Muqdisho 26-dii Bishii Febraayo 2018-ka. Aqoon isweydaarsiga waxaa looga gol lahaa awood siinta xildhibaanada, si ay u dhowraan ayna u hormariyaan xuquuqda haweenka, carruurta iyo kooxaha kale ee nugul.

ka mid ahaa haweenka xubnaha ka ah Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka ah. “Danta aad halkan u timaaddeen waa arrin muhiim ah in aad xaqiijisaan in aad isku xirtaan arrimaha maamul wanaagga, arrimaha sinnaanta jinsiga, dhowrista

Xubno ka tirsan Haweenka Soomaaliyeed ee xildhibaanada ah oo wax dhageysanayaa intii lagu guda jiray aqoon isweydaarsiga ku saabsanaa dhisidda awoodda xildhibaanada oo lagu qabtay Muqdisho, Soomaaliya. Aqoon isweydaarsiga waxaa looga gol lahaa awood siinta xildhibaanada, si loo ilaaliyo loona horumariyo xuquuqda haweenka, carruurta iyo kooxaha kale ee nugul.

xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta carruurta,” ayuu Simon Mulongo, oo ah Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ku sheegay khudbad uu u jeediyay ka qayb-galayasha. Mulongo ayaa xildhibaannada haweenka ah ugu baaqay in ay gacmaha is qabsadaan ayna u halgamaan ilaalinta haweenka iyo carruurta, oo ah kuwa ugu nugul bulshada. “Mabaadii’dan aanu ka hadleyno ee ku saabsan arrimaha jinsiga, ilaalinta carruurta iyo in la xaqiijiyo in dowladda ay siyaasadaheeda iyo qorsheyaasheeda horumarineed ku darto ma aha kuwa si fudud lagu gaari karo. Waa in aad u istaagtaan oo aad Halgan u gashaan, isla markana aad xaqiijisaan in la lagu daro,” ayuu yiri mas’uulkan sare ee AMISOM. “Marka aad dooneysaan in aad ballaadhisaan xuquuqda aadanaha, haweenka ayaa arrintan ugu fiican in ay sameeyaan. Haweenka Soomaaliyeed dowr aad muhiim u ah ayay ciyaari karaan. Waan wada ognahay dowrka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ciyaareen muddadii uu socday dagaalkii sokeeye,” ayuu raaciyey Mudane Bashiir Maxamed Axmed, oo ah KuXigeenka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka. J oor naalka A MISOM

23


La-kulanka Warbaahinta

Weriyayaasha oo dhagaysanaya Danjire Francisco Madeira, oo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, waqti lagu jiro war saxaafadeed ka dhacay Nairobi, Kenya, 21-dii Bishii Diseembar 2017-ka. Wakiilka Gaarka ah ayaa ka hadlay horumarka dhawaan laga gaaray dhinaca amniga ee Soomaaliya iyo xil wareejinta socota ee mas’uuliyadda amniga qaran laga wareejinayo AMISOM laguna wareejinayo Ciidanka Amniga Qaranka Soomaaliyeed.

M

adaxa AMISOM Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa bishii Diiseembar ee sanadkii la soo dhaafay guddoomiyey kulan saxaafadeed oo si weyn looga soo qayb-galay kaas oo ka dhacay caasimadda Kenya ee Nairobi – oo xarun u ah suxufiyiinta heer gobol iyo kuwa caalamiga ah. Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo sanadkii 2017-kii ku tilmaamay sanad guulo weyn laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,ayaa haddana walaac ka muujiyey caqabadaha horyaala Soomaaliya ee ku saabsan xil-wareejinta ciidamada Midowga Afrika. Madeira ayaa si kooban uga warramay wariyeyaasha heer gobol iyo caalamiga ah guulaha la gaaray 2017kii, isagoo sheegay in geeddi-socodkii doorashada ee si guul leh ku soo

Weriye ayaa duubaya Danjire Francisco Madeira, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya intii lagu guda jiray war saxaafadeed lagu qabtay Nairobi, Kenya.

dhammaaday kaasi oo lagu soo doortay Madaxweyne cusub, Baarlamaan iyo Xubnaha Aqalka Sare, ay ka mid ahaayeen guulaha ugu waaweyna ee uu horseeday joogitaanka AMISOM ee Soomaaliya.

Danjire Francisco Madeira, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya oo uu waraysi uga qaadayo weriye.

24

Jo o r n a a l ka A M IS O M

Waxaa uu carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in dhaqaale dheeraad ah la siiyo Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM 2018-ka, si ay ugu suurtogasho in ay la wareegaan goobaha haray ee ay Al-Shabaab gacanta ku hayaan, sarena loogu qaado awoodda ciidamada ammaanka Soomaaliyeed si ay mas’uuliyadda amniga kala wareegaan ciidamada AMISOM. “Ciidan ahaan, haddii la helo taageero dhinaca saadka, waxaa aan qorsheyneynaa hawlgal qorsheysan in aan ka sameyno dooxada Jubba, gobolka Gedo iyo gobolka Jubbada Dhexe kuwaasi oo ay weli maleeshiyaadka Al-Shabaab ku dhuumaaleystaan,” ayuu yiri Madeira. Waxaa uu sidoo kale ka digay tababarrada aan is waafaqsaneyn ee ay dhinacyada kala duwan siiyaan ciidamada ammaanka Soomaaliyeed. “Tababarka ciidanka waa in la is waafajiyo uuna ku saleysnaadaa hal caqiido iyo fikrad. Hadda xaadirkan waxaa jira dhinacyo fara badan oo ku lug leh tababarka ciidamada ammaanka kuwaasi oo aanan lahayn qorshe isku-duwan sida lagu xusay halwgalka qiimeynta diyaargarowga,” ayuu yiri. Waxaa uu muujiyay sida ay Midowga Afrika uga go’an tahay dhisidda awoodda ciidamada ammaanka Soomaaliyeed si ay ugu suurtogasho sugaan gacan-ku-haynta goobaha la xorreeyey. Hawlgalka, oo hadda toban jirsaday ayaa si tartartiib ah u dhimaya howlgalladeeda ciidan, kaasi oo loogu magac-daray “dhimmista ciidan”. Sida ku xusan Qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada ee cadadkiisu yahay 2372 (2017), Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si tartiib tartiib ah mas’uuliyadaha amniga kala la wareegi doonta AMISOM.


Qodobbada La Xiriira Ciidankeenna KENYA:

Hay’adda UN DFS oo tababar waji cusub ah u bilowday ciidamada nabad-ilaalinta Afrika

W

aaxda Qaramada ee Taageerada Goobaha Hawlgallada ayaa bishii Janaayo tababar waji cusub ah oo ku aaddan hawlaha culus ee injineernimada u furtay ciidamada nabad-ilaalinta ee Afrikaanka. Labo iyo toban ciidan oo ka kala socda Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Zambia, iyo Ethiopia ayaa ka mid ah Dadkii qaadanayay koorsada Macalimiinta Tababareyaasha oo socday muddo seddax bilood kaas oo ku aaddan Hawlaha injineernimada culus ee nabad-ilaalinta, oo lagu bixiyay Dugsiga Humanitarian Peace Support School (HPSS), ee ku yaall caasimadda Kenya ee Nairobi. Julian Otinkorang, oo ah Ku-Xigeenka Maareeyaha Mashruuca ee Mashruuca Iskaashiga ee Saddexgeesoodka (TPP) oo hormuud ka ah tababarka ayaa sheegay in

mashruuca looga gol leeyahay in lagu fududeeyo awoodaha meel-geynta ciidamada militariga Afrika, iyada oo wax laga qabanayo dul-duleellada ka jira dhinaca awoodaha injineernimo ee ciidamada militariga ee Afrika. 170 askar oo ay soo xusheen waddamada ay ka soo

Julian Otinkorang, oo a Ku-Xigeenka Maareeyaha Mashruuca Iskaashiga Saddex Geesoodka ah ee Qaramada Midoobay oo la hadlaya ka qayb galayaasha furtiaanka Mashruuca Iskaashiga Saddex Geesoodka ah,ee UN-DFS, Tababarka koorsooyinka tababarayaasha ee lagu qabtay Dugsiga Taageerada Nabadda ee Bani’aadamnimada ee Embakasi, Nairobi, Kenya.

C

iidamada Difaaca dalka Kenya ee ka tirsan AMISOM ayaa taageero caafimaad oo bilaash ah u fidiyay bulshada ku dhaqan magaalada Busaar ee

Sarreeye Guuto Joakim Mwaburi, oo ah Taliyaha Cutubka Kenya ee Qaybta 2-aad.

Soomaaliya bishii Abriil. Ciidamada oo daaweeyey carruur, haweenka uurka ah iyo dadka da’da ah ayaa sidoo kale bulshada u dhisay dugsi Qur’aan. Dadka ka faa’iideystay daaweynta bilaashka ah waa dadka ay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay ka mamnuucday in ay daaweyn caafimaad ka helaan ciidamada iyo hay’adaha caalamiga ah. Bulshada halkaas ku dhaqan ayaa si weyn isugu soo baxay in ay ka faa’iideystaan daaweynta caafimaad ee bilaashka. Ciidamada ayaa hawlo la mid ah ka fulin doonaa guud ahaan koonfurta Soomaaliya.

Ka qayb galayaasha oo xaadiray furitaanka Mashruuca Iskaashiga Saddex Geesoodka ah ee UN-DFS, Tababarka koorsooyinka tababarayaasha ee lagu qabtay Dugsiga Taageerada Nabadda ee Bani’aadamnimada ee Embakasi, Nairobi, Kenya.

jeedaan ayaa ilaa iyo hadda la siiyay tababar ku aaddan injineernimada maareynta warshadaha iyo cillad-bixinta, tani iyo markii la bilaabay tababarrada ay ka gacan ka geysaneyso QM 2015-KII. Kuwa horey uga faa’iideystay tababarkani, oo lagu barto hawlaha injineernimada culus kaas oo muhiim u ah hawalgallada nabad-ilaalinta, ayaa waxaa ka mid 11 ciidan oo ka socda Hawlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), 60 askar oo ka timid Kenya, 10 ka timid Rwanda, 9 Uganda ka timid iyo 7 Ghana ka socday. Ethiopia ayaa tababarka lagu daray sanadkani. Kenya ayaa bixineysay goobta lagu bixiyo tababarka

TPP, oo lagu hirgaliyay dadaal wadajir ah oo ka dhaxeeya Qaramada Midoobay, dowladda Switzerland, Japan iyo Waddamada Afrikaanka ee Ciidamada Deeqay. Iyadoo loo marayo Xarunta Caalamiga ah ee Taageerada Tababarrada Nabadda (IPSTC), Dugsiga HPSS waxaa uu Qaramada Midoobay iyo dowladda Switzerland la waday iskaashi ku aaddan cilmi-baaris, tababar iyo karti-dhiska ciidamada. Askarta ayaa mashruucan ka faa’idaa xirfado kala duwan oo ay ka mid yihiin sameynta iyo ilaalinta garoomaha yaryar ee diyaaraha, qardeynta goobaha, diyaarinta xerada iyo dayactirka goobta ay ka duulaan diyaaraha, mashruucana waxaa uu u furan yahay guud ahaan Afrikaanka.

Ciidamada AMISOM iyo dadka tuulada oo taagan dibedda madarso cusub oo laga dhisay magaalada Busaar. Ciidamada Kenya. Ciidamada Kenya waxaa ay sidoo kale sameeyeen xero caafimaad oo bilaash ah oo lagu caawinayo dadka deegaanka ah.

J oor naalka A MISOM

25


Qodobbada La Xiriira Ciidankeenna BURUNDI:

Ciidanka oo Isku furay Waddada Isku-xirta Muqdisho iyo Jowhar MSR

D

adka isticmaala waddada isku-xirta Muqdisho iyo Jowhar waxaa ay u ahayd war ay ku farxaan kaddib markii ciidamada AMISOM ee ku sugan Qaybta 5-aad fureen waddada, si ay dadku u sameeyaan isku-socod xor ah. Ciidamada Burundi ayaa la wareegay Galoley oo u dhaxeysa Balcad iyo Garsaar, halkaas oo ay Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayeen si ay waddada ku qaadaan weerarro gaadmo ah. Hawlgal looga saarayo goobtaasi ayaa waxaa la qaaday inta u

dhaxeysay 5-tii ilaa iyo 9-kii bisha Abriil ee 2018. Gaashaanle Nigaba Theodore ayaa sheegay in ciidamada ahmiyad gooni ah siin doonaan waddooyinka muhiimka ah si loo xaqiijiyo in bulshada ay sameeyaan dhaqdhaqaaq xor ah, isla markana loo hubiyo ammaanka dhammaan dadka isticmaala waddooyinka, oo ay ka mid yihiin kolonyada sahayda wadda. Gaashaanle Chatière Nyandwi oo ah taliyaha cutubka 43-aad ayaa sheegay in ciidamada ay wax yar oo

Ciidamada AMISOM ee ka tirsan cutubka Burundi ee Qaybta 5-aad ayaa ilaalo ka haya waddada muhiimka ee u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar ka dib markii lagu guulaystay in la banneeyo waddada, taas oo oggolaatay dhaqdhaqaaqa dadka iyo sahayda gargaarka ah.

iska caabbin ah la kulmeen markii ay la wareegayeen Galooley. Waxaa uu maamulka Shabeellada Dhexe iyo bulshada ku dhaqan u ballan-qaaday in ciidamada ay si toos ah garab ku siin doonan la dagaalanka

argagixisada, kuwaas oo waddada dadka u gali jiray. Maamulka Shabeellada Dhexe ayaa ciidamada ugu deeqay labo nee foo lo’ ah kuwaas oo loogu mahad celinaayo shaqada wacan oo ay qabteen.

Labo Cutub oo ka Socda Burundi oo Dhammeystay Muddo Xileedkooda

G

uutooyinka 40-aad iyo 41-aad ee ciidanka Burundi ayaa muddo xileedkooda dhammeystay kaddib shaqo cajiib ah oo ay ka qaybteen jiidda hore ee dagaalka. Ciidamada ayaa natiijo aad u wanaagsan ka soo hoyey dhinaca hawlgallada, wada-shaqeynta ciidamada militariga iyo shacabka, iyo dhisidda kartida dhiggooda Soomaaliyeed. “Waxa aan qabannay roondooyin aanu iska kaashaneyno si aan u xaqiijinno in cadowga laga cirib tiray goobaha aan hawlgallada ka fulinno. Waxa aynu maalin kasta ilaalineynay waddooyinka muhiimka ah

si aay kolonyadeenna, iyo bulshaduba u sameeyaan dhaqdhaqaaq xor ah,” ayuu yiri Sarreeye Ladistas Singirankabo, oo ah taliyaha Cutubka 40-aad ee wakhtigooda dhammaaday. Sarreeye SIngirankabo ayaa waxaa uu muddo xileedkiisa dhammeystay bishii Maarso. Meelaha ay ku soo shaacbaxeen ciidamada ka tirsan Qaybta 5-aad ayaa waxaa ka mid ah sugidda amniga doorashooyinka iyo caleemasaarka madaxweynaha maamulka HirShabeelle ee sanadkii 2017-kii. Ciidamada ayaa ku guuleystay in ay marar badan iska celiyaan weerarro lagu soo qaaday goobaha ay uga sugan yihiin Biyo Cadde

iyo Mir Tiqwo, isla markana waxaa ay marar badan u soo gurmadeen shacabka ay dhibaato ku haayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Cutubyadan, ayaa ayaga oo kaashanaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, sidoo kale ka qayb-galay hawlgal loogu magac-daray “Horey u Soco” ee laga fuliyay Galooley, kaas oo looga gol lahaa in lagu sugo amniga isla markana lagu nadiifiyo waddada tagta Garoonka DIyaaradaha ee Jowhar, halkaas oo ay cadowga dhowr mar ka fuliyeen weerarro gaadmo ah. Gaashaanle Zenon Ntisiniza oo ah taliyaha Cutubka 41-aad ayaa sheegay in inta uu xilka

haayay, ay ciidamadu qabanqaabiyeen tartanno kubadda cagta ah oo u dhaxeeya kooxaha maxalliga ah, kuwaas oo loogu talagalay in lagu wanaajiyo xiriirka u dhaxeeya ciidamada iyo bulshada deegaannadaasi ku dhaqan. Ciidamada ayaa sidoo kale sugay amniga Cadale, Raga Celi iyo Xaaji Cali, waxaa ay isla markana ilaaliyeen ammaanka hay’adaha samafalka ah ee gargaar fidinayey, waxaa ay sidoo kale abaabuleen ciidamo sameeya roondo. Intaasi waxaa dheer in ciidamada ay siiyeen bulshada biyo nadiif oo joogta ah iyo taageero caafimaad oo bilaash ah si ay uga faa’iideystaan bulshada taagta daran.

Xirfad Siinta Ciidamada Amniga ee Maxalliga ah ee Maamulka Hirshabeele

B

ishii Maarso, AMISOM oo la kaashaneyso Hay’adda Qaramadda Midoobay u Qaabilsan Wax ka qabashada Miinooyinka (UNMAS), ayaa saraakiisha booliiska Maamulka Hirshabeelle siisay tababar ku aaddan sidii ay uga hortagi lahaayeen adeegsiga walxaha qarxa. Tababarka oo lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Jowhar ayaa waxaa soo abaabulay Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Wax ka qabashada Miinooyinka oo la kaashaneyso ciidamada Qaybta 5-aad. “Maadaama Al-Shabaab ay gacanteeda ka baxeen magaalooyin iyo tuulooyin badan oo istaraatiji ah waxaa ay noqdeen kuwa tabar daran,

26

Jo o r n a a l ka A M IS O M

Sawir koox ah oo ay ku jiraan ka qayb galayaasha tababar ku saabsan Walaxha Qarxa ee lagu qabtay Jowhar. Tababarka waxaa soo abaabulay Ciidanka amniga Soomaaliyeed ee ku sugan Maaamulka Hirshabeele.

waxaa ayna la yimaadeen xeelado iyo farsamo kale oo dagaal, iyaga oo walxaha qarxa ku aasa waddooyinka muhiimka ah si ay u cabsi ugu abuuraan dadka aan waxba galabsan,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Victor Nduwumukza, oo ah taliyaha Ciidanka Qaybta 5-aad.

“Bal qiyas baaxadda saameynta ay walxaha qarxa ku leeyihiin dadka Soomaaliyeed oo anaga na looga fadhiyo in aan ilaalinno, saamaynta ay ku leeyihiin qalabkeena iyo ciidankeenaba,” ayuu yiri, isaga oo ku celcelinaya baahida loo qabo in ciidanka ay la shaqeeyaan ciidamada

ammaanka ee Soomaaliyeed si loo soo afjaro khatarta Walxaha Qarxa. “Tababarku waxaa uu kobcin doonaa kartida ciidamada ammaanka ee Soomaaliyeed si ay faham isku mid ah ka yeeshaan howgallada caadiga ah iyo hab-raacyada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay,” ayuu taliyaha qaybta u sheegay ka qaybgalayaasha iyo martida markii la daahfurayay barnaamijka tababarka. Martida waxaa ka mid ah Wasiirka amniga iyo dhaqan celinta ee Maamulka Hirshabeele, oo afar wasiir, ku-xigeennadooda iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe, u hoggaamiyay furitaankii rasmiga ahaa ee tababarka.


Qodobbada La Xiriira Ciidankeenna UGANDA:

Cutubka 21-aad oo Wakhtigooda Shaqo Dhammeystay

H

awgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa cutub ka kooban ciidamo ka socda Uganda ku sharfay shaqadooda wanaagsan kaddib xaflad billad gudoonsiin ah oo lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Askarta ayaa qayb ka cutubka 21-aad ee ka mid ah Ciidamada Difaaca Uganda kuwaas oo uu u soo idlaaday muddadoodii shaqo ee ay ku joogeen Soomaaliya. Taliyaha Ciidamada AMISOM u qaabilsan Taageerada iyo Saadka, Sarreeye Gaas Salvator Harushimana, ayaa asaga oo u boogaadinaya ciidamda wakhtigooda dhammaaday, oo hoos tagayay taliska Korneel Chris Ogwal, ku nuuxnuuxsaday sidaa ay uga go’an tahay Midowga Afrika in ay xaqiijiso in Soomaaliya ay noqoto meel ammaan ah oo xasilloon. Waxaa uu ciidamada ku ammaanay sida heerka sare ah ee ay uga soo baxeen waajibaadkooda. Ku-Xigeenka Taliyaha Ciidanka ayaa sheegay in Kooxda Ciidamada ay ka qayb qaateen howlgallo badan, oo ay ka mid yihiin fulinta howlgallo dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab ee lagu sugayo amniga Wadooyinka Muhiimka ah, iyagoo

Sarreeye Gaas, Nathan Mugisha, oo ah Ku-Xigeenka Safiirka Uganda u fadhiya Soomaaliya, oo ka hadlaya xaflad billad guddoonsiin ah oo loogu talagalay saraakiisha militariga Uganda.

samaynayay ilaalo joogto ah isla markana wehelinayay gawaarida sida gargaarka bani’aadamnimada. Ku-Xigeenka Safiirka Uganda u fadhiya Soomaaliya, Sarreeye Gaas, Nathan Mugisha oo marti sharaf ka ahaa xafladda billad guddoonsiinta, ayaa ku baaqay in maalgelin badan lagu sameeyo xarumaha bulshada kuwaas oo muhiim u ah badbaadada dadka Soomaaliyeed, si ay u kaabaan dadaallada ay militariga sameynayaan ee lagu xasillinayo dalka. Taliyaha Cutubka Ciidamada Uganda ku sugan Soomaaliya, Sarreeye

Sarreeye Guuto Paul Lokech, oo ah Taliyaha Qaybta Ciidamada Uganda ee ka howlgala Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), oo ka hadlay xaflad billad guddoonsiin ah oo loogu talagalay saraakiisha militariga Uganda kuwaas oo dhammaystay safarkoodii shaqo ee sannadka ahaa. (INSET) Sarreeye Guuto Paul Lokech, oo ah Taliyaha Qaybta Ciidamada Uganda ee ka howlgala Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), oo billad ku dhajinaya Sarkaal militari oo AMISOM ah intii lagu guda jiray xafladdii billad guddoonsiinta.

Guuto Paul Lokech, ayaa uga bogaadiyay ciidamada

Sarreeye Gaas Salvatore Harushimana, oo ah Ku-Xigeenka Taliyaha Ciidanka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), oo shahaado ku wareejinaya sarkaal militari oo AMISOM ah intii lagu guda jiray xafladda abaal marinta ee lagu qabtay Muqdisho, Soomaaliya.

wakhtigooda dhammaaday dadaalkooda hagar la’aanta ah ee ay ku sugayeen Dalka Geeska Afrika. “Waxaad caalamka u muujiseen in Afrika ay suurtagal ka dhigi karto. 2007-dii markii aan halkan imaanaynay, waxaa ay warbaahinta reer Galbeedka waxaa ay noo sheegeen in howlgalkan uu fashilmi doono isla maalinta uu soo galo; laakiin maanta, 10 sano ayaa laga joogaa waktigii welina hor ayaan u soconnaa, innagoo sare u qaadayno calanka Howlgalka Midowga Afrika iyo calanka Uganda,” ayuu yiri. Sarreeye Guuto Lokech ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyey askartii naftooda ku waysay halgankii loogu jiray in ay Soomaaliya nabad hesho isagoo sheegay in weligood lagu xasuusan doono geesinimadooda. “Dhammaan saaxiibbadeena ku dhintay dagaalka, waxaa ay u dhinteen hadaf, weligeenna marnaba ma hilmaami doonno,” ayuu yiri. J oor naalka A MISOM

27


Qodobbada La Xiriira Ciidankeenna ETHIOPIA:

Ciidamo ka tirsan Qaybta 3-aad oo raashin ugu deeqay dad deegaanka ah

C

iidamada AMISOM ee ku sugan Qaybta 3-aad ayaa qaar ka mid ah raashinkooda la wadaagay bulshada ku dhaqan Xarunta Cali Salaamey ee ku taalla Baydhabo 9-kii bishii Maarso. Xilli ay ka sii darayeen abaaraha ka jira Baydhabo iyo nawaaxigeeda ayaa ciidamada difaaca dalka

Ciidamo dejinaya raashin ay bixiyeen Ciidamada Itoobiya ee ka tirssan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ay ugu deeqeen dadka deegaanka ah ee Baydhabo, Soomaaliya.

Ethiopia il naxariis ah ku eegeen dadkii dhibaateysnaa isla markana ka jawaabceliyay baaqa ay u soo jeediyeen, ayaga oo cunno ugu deeqay dadkii aad ugu baahnaa raashiinka. 110 qoys oo masaakiin baahan, ayaa ka faa’iidaystay ol’olahooda deeqda cuntada.

Dadka deggan Baydhabo, Soomaaliya ayaa sugaya in ay helaan raashin ay ugu deeqeen ciidamada Itoobiya.

28

Jo o r n a a l ka A M IS O M

Ciidamada AMISOM oo ku sugan Baydhabo ayaa horay u sameeyay deeq bixintan oo kale, si ay uga faa’ideeyaan bulshooyinka ku nool meelaha u dhow xeryahooda. Sida ay ciidamada ugu jawaabceliyeen baaqa bulshooyinka ku dhaqan maamulka Koonfur Galbeed ayaa sare

u qaaday xiriirka u dhaxeeya ayaga iyo dadweynaha ku nool gobolka. Hay’adaha samafalka ee maxalliga ah ayaa ku dayday oo ayagana bixiyay gargaar dheeraad ah. Bulshada halkaasi ku nool ayaa ciidamada uga mahadceliyay sida naxariista leh ay gargaarka u fidiyeen.

Dadka deggan Baydhabo, Soomaaliya oo guddoomaya raashin ay ugu deeqeen ciidamada Itoobiya ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).


Qodobbada La Xiriira Ciidankeenna DJIBOUTI:

H

awlaha Qaybta 4-aad ee AMISOM, oo ay Ciidamada Djibouti mas’uul ka yihiin, ayaa waxaa ka mid ah tababar ay qabatay Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Wax ka qabashada Miinooyinka (UNMAS) oo weli socda, roondo lug ah oo 5km wareeg ah oo ay ka sameeyeen galbeedka Garoonka Diyaaradaha ee Beledweyne. Cutubka Djibouti ayaa dhawaan iska caabbiyay weerar lagu soo

qaaday, wuxuuna halkaasi ku burburiyay 17 madaafiic iyo risaas cabbirkoodu yahay 12.77mm deegaanka Aaden Garab, oo deegaanka Orahsan u dhaca Koonfur Galbeedka. Cutubka waxaa sidoo kale roondo ay isticmaalayeen baabuur ka fuliyay deegaanka Kalabeyr, oo ku yaalla 15km waqooyiga bari ee Beledweyne, waxaa ayna roondo ka fuliyeen waqooyiga beledweyne. Dhawaanna waxaa ay qabteen howlahan soo socda.

 Abriil 3, 2018 – Ayaga oo kaashanayay ciidamada Soomaaliyay, waxaa ay la wareegeen gacan ku haynta dhowr deegaan oo ku yaallo gobolka Hiiraan.  Abriil 3, 2018 - Ciidamada ayaa waxaa ay dib u fureen waddooyinka isku xira magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan ayaa goob-joog ka ahaa furitaanka waddooyinka.

 Abriil 3, 2018 – ciidamada waxaa ay gacantooda ku soo dhigeen hub, gaari iyo sahay caafimaad ay leeyihiin Al-Shabaab kaddib dagaal xooggan ee ay la galeen maleeshiyada.  AMISOM waxaa ay la wareegtay deegaanno ka tirsan Hees, iyo Cali Fanax oo ku yaal Hiiraan kaddib howlgal uu hoggaaminay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

SAWIRRO: Ciidamada Djibouti ee ka tirsan AMISOM oo ay wehelinayaan dhiggooda Soomaalida ah oo roondo ka fulinaya Gobolka Hiiraan. Roondada waa ay miro dhashay, iyada oo la soo qabtay maleeshiyaad ka tirsan AlShabaab ah isla markana lagala wareegay hub. J oor naalka A MISOM

29


Sierra Leone oo Booliska ugu badan u dirtay Soomaaliya

S

ierra Leone ayaa 160 saraakiil boolis ah u dirtay Soomaaliya bishii Abril, kaasi oo ah cutub boolis ah oo ugu weynaa ay u dirtay dalkan ku yaala Geeska Afrika, kaddib Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay meel-marisay 2017-kii, kaas oo ansixiyay in sare loo qaado tirada saraakiisha booliska ee ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), oo la gaarsiiyo ugu badnaan 1,040. Saraakiisha cusub waxaa ay dhiggooda Soomaaliyeed ka caawin doonaan dhowrista sharciga iyo kala dambeynta ee saldhigyada ku yaal Maamul Goboleedka Jubbaland. Kooxdani waxaa ay qayb ka yihiin dadaallo sare loogu qaadayo tirada saraakiisha booliska Midowga Afrika kuwaas oo tababarayo isla markana hagayo saraakiisha booliska Soomaaliya, si loogu diyaariyo in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, sida dhowrista sharciga iyo kala dambeynta ee goobaha la xorreeyay. “Imaatinkooda waxaa uu noqon doonaa mid xoojiya awoodda Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland. Sannadkii 2016-kii, waxaanu tababarnay 600 saraakiil boolis ah oo ku sugan Jubbaland haddana Cutubka Booliska Diyaarsan ee Sierra Leone waxaa ay gacan ka geysan doonaan sidii loo dhisi lahaa isla markana lagu tayeyn lahaa howlgalkooda boolis,” ayay tiri Marwo Christine Alalo, oo ah Ku Simaha Taliyaha Booliska AMISOM. Waxaa ay uga mahad celisay dowladda Sierra Leone in ay saraakiil dheeraad u dirto Soomaaliya si ay gacan uga geystaan dadaallada loogu jiro xasilinta dalka. Sida ay sheegtay Alalo, saraakiisha cutubka booliska diyaarsan waxaa ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan xaqiijinta amniga goobaha horay loo xoreeyay. Waajibaadyada ugu waaweyn ee saraakiisha booliska waxaa ka mid ah; maareynta kala dambeynta dadweynaha, ilaalinta xarumaha iyo taageeridda howlgallada booliska ee u baahan fal-celin wadajir ah. Imaatinka cutubka ayaa arrin lagu farxo u ah dadaallada AMISOM ay ugu jirto in ay kor u qaaddo awoodda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, maadaama ay tani suurtagelineyso howlgalka in uu ballaariyo howlaha uu ka qabanayo Maamullada Xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

30

Jo o r n a a l ka A M IS O M

Abilu Martin Ernest, oo ah Sarkaalka Iskuduwaha Booliiska AMISOM ee Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya oo la hadlaya saraakiisha ciidamada booliska cusub ee ka socda Sierra Leone, markii ay ka soo degeen Garoonka Diyaaradaha ee Kismayo

AMISOM waxaa ka go’an in ay laba jibbaarto dadaalladeeda ku aaddan tababaridda iyo shaqaaleynta saraakiil booliska Soomaaliyeed oo dheeraad ah inta lagu guda jiro muddada xil wareejinta, maadaama ay diyaar garoobayso in ay mas’uuliyadda amniga ku wareejiso ciidamada ammaanka Soomaaliyeed, sida ku cad Qaraarka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. “Waan ka tagaynaa Muqdisho. Waxaan u gudbaynaa maamul goboleedyada, oo si qoto dheer aan u galayno degmooyinka waana u baahannahay iyaga maxaa yeelay waxaa ay naga caawin doonaan dhaqdhaqaaqa iyo hawlgallada kale,” ayay tiri Alalo.


Isku-dhafka Ciidamada Daraawiishta

A

MISOM ayaa bishii Maarso bilowday diiwaangelinta ciidamada Daraawiishta ee dowlad goboleedka Jubbaland, ka hor inta aanan lagu dhafin ciidamada ammaanka ee maamul goboleedka. Waxaa lagu wadaa in barnaamijkan lagu diiwaangeliyo in ka badan shan kun oo ka tirsan ciidamada ku sugan Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbbada Dhexe. Diwaangelinta casriga ah ayaa waxa ay ka kooban tahay uruurinta xogta muhiimka ah ee shakhsiga oo ay ka mid yihiin sawirrada iyo fara qaadista xubin kasta oo ka tirsan kooxda.

“Arrintani waxa ay waafaqsan tahay barnaamij ay wadaan AMISOM iyo UN- ta kaasi oo looga gol leeyahay in ciidanka laga dhigo ciidan boolis ah oo ka howlgala Jubbaland, kaas oo ay shaqadiisu noqon doonto dhowrista sharciga iyo kala dambeynta iyo sugidda amniga ee maamul goboleedka,” ayuu yiri Martin Abili, oo ah Iskuduwaha Ciidanka Booliska ee AMISOM ee Kismayo. Barnaamijkani, oo gacan ka geysanayo horumarinta iyo xoojinta hay’adaha amniga qaranka Soomaaliya, waxaa uu qayb ka yahay dib-uhabeyta laamaha amniga, taasi oo loo arkayo in ay ahmiyad

weyn u tahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo bah-wadaagteeda, sida uu qorayo heshiiska siyaasadeed ee taariikhiga ahaa oo ay gaareen hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed oo ku wajahnaa Hab-dhismeedka Amniga Qaran bishii Abriil 2017, iyo Heshiiskii Amniga ee Shirweynihii London ee dhacay 11-kii May 2017. Mudane Adan Yuusuf Saalax, oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga ee Jubbaland ayaa boogaadiyay iskaashiga ka dhexeeya AMISOM iyo dowlad goboleedka Jubbaland ee ay ku gaareen guushani. Taliyaha Ciidamada Jubbaland Sarreeye Guuto

Aadan Maxamed Ibraahim ayaa barnaamijkani ku tilmaamay mid “aad muhiim” u ah gobolka. “Waxaan diyaar u nahay in aan ciidamada dhamaantood meel kasta oo ay joogaan aan diyaarinno, si loo diiwaangeliyo”, ayuu yiri. Waxa uu ugu baaqay AMISOM, Qaramada Midoobay iyo bah-wadaagta kale in ay sii wadaan taageerada ay ka siinayaan dhammeystirka Qiimeynta U diyaargarowga Hawlgalka, oo ah arrin muhiim ah oo loogu talagalay ‘qaabeynta’ iyo dib-u-habeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya (SNA) iyo Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Shaqaale ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) Qaybta Booliiska ayaa samaynaya diiwaan gelinta ciidamada Daraawiishta ah si ay ugu biiraan Ciidamada amniga ee Maamulka Jubbaland ee jooga Kismaayo, Soomaaliya.

AMISOM oo Xoojineysa Tababarka Saraakiisha Booliska Soomalaiyeed

A

MISOM ayaa xoojisay tababarka iyo la talinta saraakiisha booliska Soomaaliyeed, si ay ugu suurtagasho in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, si waafaqsan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ee la meel-mariyay bishii Agosto ee sanadkii la soo dhaafay, kaas oo Hawgalka Midowga Afrika ku waajib yeelaya in ay bilaabaan xil-wareejin xilliyeysan oo shuruud ku saleysan taasi oo mas’uuliyadda amniga qaranka loogu wareejinayo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Ku-Xigeenka Madaxa AMISOM Simon Mulongo, ayaa sheegay in awoodda booliska Somaaliya sare loo qaadi doono, isla markana la gaarsiin doono heerarka caalamiga. “Sanadkan waxaa lagu wadaa in la xoojiyo tababarrada, la xoojiyo la talinta ciidamada booliska ee Soomaaliyeed ee halkan

Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee AMISOM, Simon Mulongo, oo shahaado abaalmarin ah ku bixinaya xaflad abaalmarin ah oo lagu xusayo bixitaanka saraakiisha booliiska ee ka tirsan Cutubka Nigeria, xafladaas oo lagu qabtay Muqdisho Soomaaliya, 6-dii Bishii Jannaayo 2018-ka.

jooga, taasina waxaa ay ka dhigan tahay in la sameyn doono shaqaaleyn, tababar isla markana la dhisi doono guddi u qaabilsan in ay booliska ka dhaqaajiyaan heerka ay maanta joogaan, ayna gaarsiiyaan heer sare,” ayaa ka yiri xaflad abaalmarineed ee la qabtay bishii Janaayo, taasi oo lagu sharfayey saraakiisha booliska Nigeria oo dhammeystay wakhtigooda

shaqo ee ay ku joogeen Soomaaliya. “Waxaannu eegeynaa da’da, imisa jir ayay yihiin, tababarkooda, tababar intee ah iyo nooca tababarka ee loo qabanayo iyo tiradooda, iyo joogitaankooda. Waxaan eegeynaa qalabka ay haystaan, saadka, taliska iyo xakameynta iyo xarumaha ay leeyihiin,” ayuu yiri Mulongo.

Waxaa uu Cutubka Saraakiisha Booliska Nigeria oo hoos imaanayay taliska Uba Shehu, shaqadooda wanaagsan iyo kaalinta ay ka ciyaareen xasilinta Soomaaliya. Madaxa shaqaalaha ee Booliska AMISOM, Rex Dundun, iyo Isku-duwaha Hawlgallada ee Booliska AMISOM, Daniel Ali Gwambal, ayaa sidoo kale saraakiisha uga mahad celiyay xilkasnimadooda heerka sare iyo dadaalkooda ku aaddan waajibaadkooda. Nigeria waxaa ay Midowga Afrika ku biirisaa Saraakiisha Cutubka Booliska (FPU) iyo Sarakiisha Booliska ee Shakhsi ahaaneed (IPO). FPU waxaa uu ciidanka Booliska Soomalaiyeed siiyaa taageer dhinaca hawlgalka, halka IPO ay saraakiisha siiyaan tababar, hagid iyo la talin. Shaqada ay ka hayaan Soomaaliya waxaa ka mid ah maareynta sharciga iyo kala-dambeynta bulshada, la talinta saraakiisha booliska Soomaaliya, iyo bixinta ilaalada. J oor naalka A MISOM

31


AMISOM oo Tababar Siisay Bah-wadaagta dhinaca Samafalka

H

awlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM ayaa magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ee maamul goboleedka HirShabeelle ku qabatay tababar ku saabsan fududeynta hawlaha samafalka, kaas oo ay u qabatay bah-wadaagta rayidka ah iyo ciidamada. Tababarka ayaa looga gol lahaa in ka qaybgalayaasha ay faham wanaagsan ka helaan Hab-raacyada Soomaaliya Iskaashiga Dadka Rayidka iyo Militariga ee dhinaca Samafalka, kaas oo hagayo wada-shaqeynta u dhaxeysa bah-wadaagta iyo hawlgalka. “Caqabadaha dhinaca bani’aaddinimada waxaa ay u baahan yahay iskaashi iyo wada-hadal u dhaxeeya AMISOM iyo saaxiibbada ka shaqeeya deegaannada la xorreeyay,” ayuu yiri Abdul Diabagate, oo ah Sarkaalka Sare ee Xiriirinta Samafalka ee AMISOM, mar uu ka hadlay siminaarka aqoon isweydaarsiga. Diabagate ayaa muujiyay baahida loo qabo in sare loo qaado hawlaha lagu fududeynayo samafalka iyo xiriirka bulshada ku dhaqan deegaannada ay ka jiraan dhibaatooyin daran iyo musiibooyin dabiici ah. Tababarka oo ujeedkiisu ahaa in uu dhiso iskaashi u dhaxeeya saraakiisha AMISOM ee xiriirinta rayidka iyo bah-wadaagta kale, ayaa sidoo kale ka qaybgalayaasha ka wacyigeliyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro Xeerka Caalamiga ah

Abdul Diagabate, oo ah Sarkaalka Saree e AMISOM u Qaabilsan Arrimaha Bani’aadamnimo, oo la hadlaya howlwadeennada rayidka ah intii lagu guda jiray tababarka gargaarka bani’aadamnimo ee lagu qabtay Jowhar.

ee Bani’aaddinimada, mabaadii’da bani’aaddinimada, iyo Xeerka Caalamiga ah ee Qaxootiga. Diabagate ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in ay si weyn ka wada shaqeeyaan Hawlgalka, hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta dhinaca fududeynta samafalka. Intiii uu socday tababarka ayaa AMISOM bandhigtay Warbixinta Soomaaliya ee Wada-shaqeynta Rayidka iyo Ciidamada Militariga ee 2017, kaas oo

la daah-furay bishii Sebteembar ee la soo dhaafay. Warbixinta ayaa bidhaamiyay guulaha ay gaartay kooxda wadashaqeynta, dhaqannada ugu habboon, iyo iskaashiga istaratiijiga ah ee kaalin ku lahaa yareynta dhibaatada abaaraha ee saameeyay shacabka, isla markana barakaciyay dad rayid ah. Tababarka xiga ee looga qabanayo ciidamada ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco magaalada Beledweyne, ee maamul goboleedka HirShabeelle.

Qayb ka mid ah bahwadaagta rayidka ah ee ka qayb galaysa tababarka gargaarka bani’aadamnimo oo ay AMISOM ka abaabushay Jowhar.

32

Jo o r n a a l ka A M IS O M


Xildhibaannada HirShabeelle oo kobciyay Xirfaddooda ku aaddan Hab-raacyada Baarlamaanka

A

fartan iyo labo qof oo xubin ka ah baarlamanka maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa bishi Maarso ku kulmay caasimadda Kenya ee Nairobi, oo ay u aadeen siminaar karti dhis ah oo ku aaddan dowrka iyo hawlaha baarlamanka, hab-raacyada baarlamanka, sida loo diyaariyo sharci dejinta iyo dowrka guddiyadaha la socodka ee baarlamanka. Iyada oo ay tani qayb ka ahayd aqoon kororsi, ayaa xildhibaannada waxaa ay booqdeen aqallada baarlamanka ismaamulka Nairobi iyo ismaamulka deriska la ah ee Machakos, si ay ula kulmaan dhiggooda dalka Kenya, isla markana ay u kobciyaan xirfaddooda dhinaca doodaha baarlamanka. Tababarka iyo booqashada ay ku tageen baarlamaannada ismaamullada ugu horreeya dalka Kenya, ayaa xildhibaannada waxaa ay ka kororsadeen dhaqannada baarlamaaniga ah ee ugu habboon, iyada oo isla markana ay 42-da xildhibaan oo xubno ka ah guddiyada sharci dejinta iyo la socodka, ay ka heleen aqoon iyo waayo-aragnimo wax ku ool ah ee ku aaddan maareynta hawlaha baarlamanka. Siminaarkan karti dhiska ah waxaa qabanqaabisay AMISOM, waxaa uuna qayb ka ahaa dadaallada uu Hawlgalka ku kobcinayo kartida baarlamaannada maamul goboleedyada ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah. “Haddii aan nahay AMISOM, waxaa na saaran mas’uuliyad ah in aan xaqiijinno in hay’adaha Soomaaliyeed la dhiso, la tayeeyo, isla markana laga shaqeysiiyo. In aan xubnaha baarlamaanka HirShabeelle u suurtagelinno in ay halkan booqdaan, waxaa ay buuxineysa hadafkeenna ah in Guddoomiyaha baarlamanka iyo xubnaha baarlamanka uu iskaashi dhex maro dhiggooda Ismaamulka Nairobi. Waxaan ku wadnaa in aan sidoo kale booqanno Ismaamulka Machakos halkaas oo aan sidoo kale xubnaha baarlamanka HirShabeelle ku bari doono arrimaha sharci-dejinta, hawlaha guddiyada iyo run ahaantii in ay arkaan sidii ay kal-fadhiyo nidaamsan uga socdaan labadan Ismaamul,” ayuu yiri Diktoor Opiyo Ododa, oo ah Madaxa Barnaamijka Xasilinta iyo Dib u soo Kabsashada Hore. HirShabeelle waxaa ay ka mid tahay shanta maamul goboleed ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waana baarlamanka labaad ee booqasho ku tagay dalka Kenya, kaddib markii ay s xubnaha baarlamanka Jubbaland iyagana booqdeen bishii Maarso ee sanadkii la soo dhaafay. Guddoomiyaha Baarlamanka Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa Hawlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ka codsaday in ay qaban-qaabiyaan

siminaarro la mid ah, si loo kobciyo aqoonta baarlamaan dheeraad ah. “AMISOM waxaa ay nagala shaqeysaa in ay na kobciso oo naga dhigo dad hufan, waxaa ayna naga taageerta dadaallada nabadeynta, si aan u cirib tirno AlShabaab,” ayuu yiri Guddoomiyaha. Iyadoo u marayso Barnaamijkeeda Xasilinta, AMISOM ayaa waxaa ay horay uu tageertay tababarro loo fidiyay xildhibaannada ka soo jeeda maamul goboleedyada kale ee federaaliga ah, tababarradaas oo ku saabsanaa sharci-dejinta iyo la socodka hawlaha baarlamaanka, kuwaas oo qayb ka ah waajibaadkeeda, si ay gacan uga geysato dhisida hay’addo dimuqraadi ah, markii laga soo gudbo xaqiijinta amniga dalka, si loo suurtageliyo dib u dhiska dalka iyo maamul goboleedyada. Tababarkan ayaa sidaas daradeed, ku saleysan hannaanada socda ee looga gol leeyahay in laga faa’iideysto guulaha la gaaray dhinaca ammaanka iyo siyaasadda waxaana uu awood sinayaa Xildhibaanada maamul goboleedyada si ay uu gaaran go’aamo muhiim ah oo ay uga faa’iideynaayan dadka ay matalayaan. Diktoor Opiyo ayaa intaas ku daray in arrimaha u baahan sharci dejin ay ka mid yihiin siyaasad ilaalineysa degaanka islamarkaana wax ka qabaneyso saameynta ka dhalata abaaraha. Waxaa uu Xildhibaanada ku xujeeyay in ay xal degdeg ah u helaan caqabadaha degdegga ah ee saameynaya dadkii soo doortay. “AMISOM waa ay idin ku garab taagnaan doonta safarkan,” ayuu xildhibaanada u xaqiijiyay. “Ka faa’idaysta tababarkan si wanaagsan markaad laaabataanna, waxaad noqonaysaa xildhibaan karti leh,” ayuu Simon Mulongo, oo ah Ku-Xigeenka Madaxa AMISOM, kula taliyay gebagebada siminaarka socday muddo lix maalmood. Mudane Aadan Ducaale, oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Qaran ee Kenya, ayaa sidoo kale hadal u jeediyay xildhibaannada maalinta ugu dambeysay ee siminaarka, asaga oo ku boorriyay in ay “fursad siiyaan dumarka” si ay gacan uga gaystaan dhismaha qaranka. Waxaa uu ugu baaqay xildhibaanada in ay adeegsadaan cashirradii ay ka barteen siminaarka, si ay u abuuraan fikrado xoojin kara kartida iyo dimuqaadinimada maamul goboleedkooda iyo guud ahaanba Soomaaliya. “Waxaa jirta baahi loo qabo in kor loo qaado awoodda Maamul Goboleedyada ay ku leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, tanina waxaa ay muhiim u tahay xoojinta guulaha Soomaaliya ay samaysay ka dib in ka badan labaatan sano oo colaado ah,” ayuu yiri Ducaale, isaga oo ballan qaaday in Baarlamaanka Kenya uu diyaar u yahay in uu ka caawiyo hay’adaha sharci dejinta Soomaaliya dhisidda kartida iyo qiimeynta.

Xildhibaano ka socda Maamulka Hirshabeele ee Soomaaliya oo kalfadhi baarlamaaneed kala socda Baarlamaanka Ismaamulka Machakos ee Kenya.

Xildhibaanno ka socda Maamulka HirShabeelle ee Soomaaliya oo ciyaar loogu qaabilayo dibedda Ismaamulka Machakos.

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aden Ducaale (dhanka bidix) ayaa guddoonsiinaya shahaado Sheekh Cusmaan Bare Maxamed (qofka labaad dhinaca bidix), oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeele intii lagu guda jiray xiritaankii xafladda tababarka dhisidda awoodda oo loogu talagalay xubno ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabeele ee lagu qabtay Hoteelka Stanley Sorova Hotel ee ku yaalla Nairobi, Kenya. Waxaa kor ka eegaya Simon Mulongo, oo ah Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (DSRCC) ee Soomaaliya, Diktoor Opiyo Ododa, oo ah Madaxa AMISOM ee Xasilinta iyo Dib u soo Kabashada Degdegga ah, iyo Fadhil Karrar (dhanka bidix) Sarkaalka AMISOM u Qaabilsan Arrimaha Madaniga ah.

Sheekh Cusmaan Bare Maxamed, oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeele, ayaa la hadalaya ka qayb galayaasha xiritaankii xafladda ee tababarka dhisidda awoodda ee AMISOM ee loogu talagalay xildhibaanada, ee lagu qabtay Nairobi, Kenya 29-kii Bishii Maarso 2018-ka.

J oor naalka A MISOM

33


Kooxda Haweenka

K

Shaima Sallaal Maxamed, oo ah Madaxa Fulinta ee Dugsiga Tababarka Kubadda Cagta ee Golden Girls oo la joogta ciyaartooyda, kaddib tababar ay ku qaateen Muqdisho, Soomaaliya.

oox ka kooban gabdho da’ yar ah ayaa meesha ka saaraya caqabadaha dhaqameed ee ka jira Soomaaliya, iyaga oo sameystay dugsiga tababarka kubadda cagta ah ee loogu talagalay haweenka kaliya. Shaima Sallal, oo gabadh 24 jir ah ayaa ah maskaxda ka dambeysay aasaaska dugsiga tababarka, waxaa ayna sidoo kale tahay Madaxa Fulinta ee Dugsiga Tababarka Kubadda Cagta ah ee Golden Girls. Shaima ayaa sheegtay in ay hawl culus tahay in la dhiso koox oo isla markana la aasaaso dugsi tababar ah. “Sannadkii 2015-kii, waxaan rabay in aan billaabo koox aniga aan leeyahay, laakiin suuraggal ma ahayn maadaama nabadgelyada dalka aysan markaasi fiicneyn. Sannadkii 2017kii, waxaan go’aansaday in aan gaaro riyadeyda iyo hiigsigeyga. Waxaan la imaaday qorshe istaraatiji ah oo ku aaddan sidii loo soo dhisi lahaa koox kubadda cagta ah. Waxaan ku guulaystay in aan aasaaso hay’ad aan dowli ahayn oo iga taageero awood siinta gabdhaha iyagoo laga qayb-galinayo ciyaaraha,” Shaima ayaa sharraxaad ka bixisay. In kasta oo ay jireen caqabado, waxaa ay ku guulaysatay in ay ka dhaadhiciso afar gabdhood in ay ku biiraan dugsiga tababarka sannadkii tagay. Xilligaasi ilaa iyo 2018-ka, kooxda ayaa si weyn u weynaatay, haatanna waxaa ka tirsan 30 xubnood oo aad u firfircoon. Maadaama la joogo dal ay kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab ay haweenka ka mamnuucday in ay ciyaaraan kubadda cagta, Shaima iyo kooxda gabdhaha ah ee ka tirsan “Dugsiga Tababarka Kubadda Cagta ee Golden Girls,” waxaa ay u shaqeeyaan si taxaddar leh, iyaga oo ka cabsi qaba in ay dadka taageersan AlShabaab u arkaan dad xadgudbay. Shaima iyo kooxdeeda waxaa ku dhiiriggelinayo in ay horay u sii wadaan howshooda waa jaceylka ay u qabto ciyaarta kubadda cagta. “Kubadda cagta waa nolosheyda, waa riyadeyda, rajadeyda, iyo wax walba. Waxaan billaabay in aan ciyaaro kubadda cagta aniga oo yar. Xilligaas waa ay adkayd in la helo dumar ciyaara

Ciyaartoyda Kooxda Kubadda Cagta ee Golden Girls oo sawir ku wada jira kaddib tababar ay ku sameeyeen Muqdisho, Soomaaliya.

34

Jo o r n a a l ka A M IS O M


Ciyaartooyda Kubadda Cagta ah ee Golden Girls kubadda cagta. Sidaa darteed waxaan go’aansaday in aan soo saaro hibada ay leeyihiin oo tababarro,” ayay tiri. Madaxa Fulinta Kooxda Golden Girls waxaa ay ku soo barbaartay Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, halkaas oo uu ku dhashay jaceylka kubadda cagta. Shaima ayaa sheegtay in dadka dariska la ahaa ay la yaabi jireen mar waliba ay ciyaarta kubadda cagta ah la gasho wiilasha. Waxaa ay raacisay in dadka ay inta badan garab ka heleysay ay yihiin wiilashii ay isla soo koreen. “In badan ayay i dhiirigeliyeen. Markii aan billlaabayay, waxaan la billaabay wiilal. Lama aanan billaabin gabdho,” ayay tiri. Maxamed Shariif, oo ah aasaasaha Hay’adda Somali Hope Restoration Organization (SOHRO), oo si dhow ula shaqeeya dugsiga kubadda cagta ee Shaima, ayaa ka mid ah dadka sida ugu weyn u taageero. “Waa wax lagu farxo in la arko gabdho Soomaaliyeed oo u soo baxaya in ay ciyaaraan kubadda cagta. Tani waxaa ay nagu dhiirigelinaysaa in aan la sii shaqayno oo aan sidoo kale ku dhiirigelinno in ay sii wadaan riyooyinkooda,” ayuu yiri Maxamed. Guud ahaan Soomaaliya, dad badan ayaa daawadaa kubadda cagta ah. Horyaalka kubadda cagta ah ee ragga ayaa ah mid kobcaya; rag badan oo kubadda cagta ciyaara ayaa noqonaya kuwa xirfad u leh kubadda cagta waxaa ayna fursado wanaagsan ka raadsanayaan dalka dibaddiisa. Shaima waxaa ay aaminsan tahay in ay jiraan fursado wanaagsan ee lagu horumariyo kubadda cagta ah ee haweenka Soomaaliyeed, oo la gaarsiiyo heer sare. Haddii wax yar la garab siiyo, waxaa suuraggal a in kubadda cagta ah ee haweenka, oo haatanba caan ka noqonaysa dalka, in ay noqoto mid ay dadku xiiseeyaan sida kubadda cagta ah ee ragga, taasi waa haddii kooxaha kubadda cagta ah haweenka ay helaan taageer wax ku ool ah. AMISOM waxaa ka go’an in ay xaqiijiso in xasiloonida ka jirto dalka ay waarto si ay ugu suurtagasho gabdhaha da’da yar sida Shaima, kooxdeeda iyo dhallinyarada kale in ay ciyaaraan kubadda cagta ah iyo ciyaaraha kale si cabsi la’aan ah.

Ciyaartoyda Kooxda Kubadda Cagta ee Golden Girls oo ku jira tababar lagu qabtay Muqdisho, Soomaaliya. J oor naalka A MISOM

35


Nagala soco Onlinka


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.