AMISOM Magazine 14 - SO

Page 1


Fariinta Wakiilka Gaarka ah ee

MAQS

Tifaftirka Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika Ugu qaabilsan Soomaalia Amb. Mahamat Saleh Annadif

G

eedi socodka lagaga xoreynayo Soomaaliya dagaalyahaniinta Al Shabaab waxay xaqiijisay guulo, laga soo bilaabo markii uu Golaha Amaanka ee Qaramada midoobey meel mariyay go’aankii tirsigiisu ahaa 2124 kaasoo u gogol xaaray in la badiyo tirada ciidamada AMISOM laguna daro riro dheeri ah oo gaareysa 4,395 oo askari, taasoo ka dhigtay awooda AMISOM wax ka badan 22,000 oo askar milatari ah. Marka loo fiiriyo kordhinta tirada ciidanka ee cusub, waxaan soo nooleynay howlgalada ciidamadayada si aan gacan ugu siino Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed inay dib u ula wareegaan, gacanta dowladana dib ugu soo celiyaan dhul dheeraad ah oo hada gacanta ugu jira dagaalyahanada Alshabaab. Laga soo bilaabo daah furkii howlgalkan cusub bishii Maarso ee sanadkan, Xeer loogu magac daray Howlgalkii Gorgorka, Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ayaa ka fara maroojiyay 10 magaalo oo waaweyn gacanta dagaal yahaniinta. Magaalooyinku waxay ka dhigan yihiin guud ahaanba gobolada Bakool iyo Gedo iyo qeybo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiraan. Aad ayaan hoos ugu ridnay awoodii milatari ee dagaalyahaniinta, ilahoodii dhaqaalena waan naafeynay. Meelihii ay taageerada ka helayeen ayaa si deg deg ah ugu sii gurayo, dagaal yahanadoodii dhalin yarada u badnaana si tiro badan leh ayay uga goosanayaan, ayagoo intay la joogi lahaayeen doorbidayo inay ka qeyb qaataan nabada iyo xasiloonida Soomaaliya. Sidaas darteed, daadku gaabisba haa ku socdee laakiin waxaa hubaal ah inuu hafin doono dagaalyahanada. Waxaan garab ku siindoonaa Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed dadaalkooda ay doonayaan inay ku xoreeyaan magaalooyin dheeraad ah bilaha soo socdo. Marka laga qabsado malaagooyin xag-jireyaasha dadkuna ay bilaabaan inay salka dhigta2

an guryahoodii, caqabado door ah ayaa soo baxidoono, kuwaasoo si gaar ah uga dhalanayo arrimaha xasilinta. Yoolkaanaga ugu weyn waa inaan ku wareejino nabadgelyada dalka, Ciidamada Difaaca Soomaaliya inta aanu sii wadno taageerada aan ku siineyno xasilinta dalka. Soo saarka wartabiyahan hada hortiina yaalo, waxaan soo bandhigeynaa talaabooyinka ay AMISOM qaadeyso si loo taageero xasilinta meelaha cusub ee dib loo qabsaday. Howl galadii milatari ee la qaaday waxaa looga golahaa in wado loo furo dadka si ay dib salka u dhigtaan guryahooda una bilaabaan dhisida nolashooda. Howlaha xasilinta waxaa loola jeedaa in lagu taageero dadka shacabka sidii uu u sameyn lahaa arrintan. Waxaan rajeyneynaa inay qormooyinku noqon doonaan kuwo kugu soo kordhiyo warbixino. Waxaan ka faa’iideysanayaa fursadan si aan u soo dhaweeyo Dr. Maman S. Sidikou oo loo magacaabay inuu noqdo Wakiilka cusub ee Gaarka ah ee Midowga Afrika Uqaabilsan Soomaaliya hada wixii ka danbeeyana hogaamin doono AMISOM. Dr.Sidikou, oo ka soo jeedo dalka Niger, ayaa ah nin waaya aragnimo weyn u leh dhinaca siyaasadda, diblomaasiyadda, xiriirka iyo arrimaha bini’aadamnimada. Waxaa sharaf ii ah inaan ku wareejiyo Ergada, hogaamiye Afrikan ah oo caan ah waxaana ka tagayaa Ergada anigoo ku kalsoon inuu AMISOM wax qabadyo aad usii waaweyn u soo hoyin doono. Waxaa kale oo aan soo dhaweynayaa Kuxigeenka cusub ee loo magacaabay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika Uqaabilsan Soomaaliya , Marwo. Lydia WanyotoMutende, oo ku soo biirtay Ergada. Ahna muwaadinad u dhalatay Uganda, Marwo. Mutende waxay leedahay waaya aragnimo hodan ah ayadoo aheyd xubin ka tirsan sharcidejiye-yaasha Baarlemaanka Bariga Afrika iyo sidoo kale dhinaca wada xaajoodka, arrimaha xukunka iyo sida

wararka loo maamulo. Marwo. Wanyoto waa ayba la wareegtay masuuliyaadeedii Ergada dhexdeeda ee sida xooga leh ay u raadineysay. Waxaa kale oon ku faraxsanahay inaan soo dhaweeyo Taliyaha Booliska AMISOM ee cusub, Mr. Anand Pillay, oo ah muwaadin u dhashay Koonfur Afrika, oo la wareegay howshiisa bishii May ee sanadkan. Ayadoo Saamooliya ay ku socoto sidii looga xoreyn lahaa gacan ku heynta xagjire-yaasha, ayay kaalinta Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ah ilaaliyaha sharciga iyo kala danbeynta noqoneysaa mid aad mihuum u ah. Booliska AMISOM ayay masuuliyad ka saran tahay kobcinta awooda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay sidhameys-tiran awoodna ay ku dheehan tahay ula wareegaan masuuliyadooda dalka gudihiisa oo dhan. Mudadii halka sano iyo barka aheyd een ahaa madaxa AMISOM, Ergada waxaa ku kordhay xoog, dhinaca baaxada iyo guulaha labadaba, laakiin si aad gaar u sii ah, waa dhinaca xoojinta xiriirka ay la leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya raadintooda nabada iyo xasiloonida. Sharaf weyn ayay ii aheyd inaan ku adeego awood intan dhan waxaana galin doonaa waaya aragnimadaas aan helay iyo fursada uu i siiyay Gudoomiyaha Midowga Afrika inaan ugu adeego umada reer Afrika. Waxaa dhiirigelin leh in la ogaado inay dhameystirayaan dadaaladani rabitaan siyaasadeed oo xoog badan oo ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo balaariyo guulaha loona abuuro jawi ku haboon doorashooyinka sanadka 2016 iyo marxalada ugu danbeysa ee ciidamada AMISOM ay Soomaaliya kaga baxayaan, horumarkan siyaasadeed iyo milatari ayaa ah arrin lagu muujinayo waxa la qaban karo, si dalka loo xasiliyo hadii aan wada shaqeyno. Waxaa si aad ah nooga go’an inaan la shaqeyno shacabka Soomaaliyeed si loo helo Soomaaliya nabad ah oo xasiloon. July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID


Tusmo July 2014 2 4-6 7

Fariinra Wakiilka Midowga Afrika Wareega wararka Gudoomiyeyaal loo magacaabay Bullaburde iyo Jalalaqsi

8-9

Wareysi lala yeeshay Taliyaha Ciidamada

10-11

Qoryooyle: Nolosha kadib al Shabaab

12 13

Al-Shabaab oo kharbuudaad ku sameeyay magaalada Xudur inteysan ka baxsan weerarkii AMISOM Waardiyeyaasha nolosha ee xeebta Liido

14-15

AMISOM oo waardiyeyneysa kaanboyda sida gargaarka

16-17

Sida uu u arko Xoriyada saxaafada Soomaalyia nin indhoole ah

18-19

Dareenka ganacsiyeed ee Muqdisho

20-21

Baydhabada AMISOM Mr. Fix It

22-23

Ciidamada AMISOM oo ka kaalmeeyo beeraleyda reer Baydhabo inay beerahooda fashaan AMISOM oo kuwareejisay maamulka Muqdisho ceelal biyo

24-25

28-29

Zabina Muhondo:Jabinta khuraafaadka; darawal gaari gaashaaman oo jiida dagaalka joogo Xeebya dhalaaleysa ee Kismayo muuqaalka meelaha hore

30-31

Booliska AMISOM Ciidamada Booliska Soomaaliyeed

26-27

Find us online Isku-dubaridaha: Eloi Yao Af-hayeenka: Kornayl Cali Aden Xoumed

amisom.somalia

amisom.somalia

issuu.com/amisom

amisomsomalia

vimeo.com/amisomnews

www.amisom-au.org

amisomsomalia

Qorsheynta: Zvezdan Djukanovic Sawir qaadayaal: David Mutua iyo Tobin Jones Email: au-amisom@africa-union.org or amisomhom@gmail.com

amisomsomalia

P.O Box: 20182 - 00200, Nairobi, Kenya Taleefoon: +254 202 713 755/56/58 Fax: +254 202 713 766 Soosaare: Waaxdawarbaahinta AMISOM

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

3


Warar Kooban

AMISOM waxay sii wadaa tababarka Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed

10 June 2014 – Ayadoo qeyb ka ah dadaalada lagu xoojinayo kartida Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, Ergada Midowga Afrika u Joogto Soomaaliya (AMISOM) waxay sii wadaa ku tababarida Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed dhinacyada nabadgelyada ee lagama maar maanka ah oo ay ku jiraan baraha lagu baaro gawaarida. Tani waa dadaalo dheeraad ah oo AMISOM ay ku xoojineyso kobcinta awooda hey’adaha nabadgelyada kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo fududeeyo bixitaanka AMISOM ee kama danbeysta ah. Isagoo ka hadlayay mid ka mid ah munaasabadaha tababarada, ayuu yiri taliyaha cashar bixinada AMISOM, Gaashaanle Amza Martin: AMISOM waxay tababartay wax ka badan 3,000 oo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ah, lana baray casharo kala duwan oo ku saabsan culuunta milatariga. “Waxaan halkan u joognaa inaan taageerno Dowladda Soomaaliya xoogageeda nabadgelyada. Tababarku wuxuu awood u siin doonaa ciidamada inay la wareegaan nabadgelyada dalka qorshaha ugu danbeeya ee AMISOM ay dalka kaga baxeyso. Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed waxaa haleeyay labaatan sano oo dagaal sokeeye ah, hadana waxaa ku socoto awood kobcin aad u weyn.

AMISOM oo ku wareejisay afar ceelasha biyaha ah maamulka Gobolka Banadir, Mogadishu 5 June 2014- Ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya Joogto (AMISOM), oo wakiil ay uga aheyd qeybteeda isku xirka Bini’aadamnimada, ayaa ku wareejisay afar ceel biyood Maamulka Gobolka Banadir ee magaalada Muqdisho. Afarta ceel oo ku kala yaalo Xamarweyne, Dharkenley, Wadajir iyo Xamarjajab, ayaa waxaa ka faa’iideysan doono wax ka badan 260,000 oo qoys. Dhismaha iyo dib u dayac tirka ceelashan ayaa waxaa maal geliyay Dowladda Sweden, taakuleytuna waxay aheyd AMISOM fulintuna waxaa iska laheyd hey’adda maxaliga ah ee la yiraahdo Hadaf Humanitarian Relief Organization (HADAF). Mashruucu waxay aheyd ujeedadiisa in loo helo biyo lagu aamin qabo nafiif nimadooda, lana cabi karo oo ay helaan dadweynaha ku nool degmooyinka Muqdisho ka dib labaatan sano oo dagaal sokeeye uu socday kaasoo ka dhigay shacabkii kuwo aan heysan adeegyadii aasaasiga ahaa una nugul cudurada halista ah, taasoo ah xaalad ay AMISOM dooneyso inay caawiso sidii loo badali lahaa. Sii hayaha Duqa Magaalada Muqdisho, Ismaaciil Macalim Cabdi, ayaa uga mahad celiyay AMISOM iyo Xukuumada Sweden taageerada ay siinayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladiisaba, isagoo yiri ceelashan biyahu waxay yareyn doonaan dhibaatada heysada shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Mareykanka oo u magacowday Soomaaliya safiirkii ugu horeeyay mudo 20 sano ah 3 June 2014- markii ugu horeysay wax ka badan 20 sano, dowladda Mareykanka ayaa usoo magacowday Soomaaliya safiir. Kuxigeenka wasiirka arrimaha dibada ee Dowladda Mareykanka Wendy Sherman ayaa sheegtay in go’aanka lagu magacaabay safiir u fadhiya Soomaaliya wuxuu muujinayaa waxay ugu yeertay calaamad tusineyso xiriirka dhidibada sii aasanayo ee u dhexeeyo Washington iyo Muqdisho iyo “sida la aaminsan yahay oo ah inay maalmo wanaagsan soo socdaan.”Waxay kula dardaarantay Soomaalida inay isaga fogaadaan dagaalada qabiilka ee jiilashii duqoobay, xoogana saaraan dhisida dowlad midnimo qaran. “Ma jiro ruux naga mid ah oo u sameyn karo Soomaalida arrinkaas,” Sherman ayaa u sheegtay Mac-hadka Nabadda ee Washington. Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay magacaabistaas dowladda Mareykanku ay ku magacowday safiirkeeda. “Waxaan ku faraxsanahay inaan sugno ujeedooyinka nabada ee naga dhexeeyo, horumarka joogtada ah iyo maamul wanaaga Soomaaliya. Magacaabista safiirka dowladda Mareykanka waxay muujineysaa xooga kalsoonida iyo iskaashiga ee u dhexeeyo Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka. Waxay ku taaganahay bilowga safar kaanagii aan ku hiigsaneynay nabada iyo barwaaqo ka hana qaado Soomaaliya. Waxaan qirayaa jidka dheer ee naga horeeyo, laakiin jidkaasi waxaa lagu fududeeyay ogaalkaanaga inay nala jiraan saaxiibo nala wadaago hal ujeedo oo aan wada hiigsaneyno,” ayuu yiri.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo gawaari ka helay AMISOM 1 March 2014 – Ayadoo qeyb ka ah sharciga AMISOM ee xoojinta kobcinta awooda Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, AMISOM waxay ku wareejisay toban gawaarida Toyota Land Cruiser ah oo lagu soo iibiyay kaalmo ka imaatay Dowladda Talyaaniga. Deeqdan waxay daba socotay koorso tababar ah oo qaadatay sadex bilood si gaar ahna loogu baranayay maamulka nidaamka guud laguna qabtay dalka Djibouti sanadkii tagay oo ay fududeysay 4

Tababarka xuquuqul insaanka si loo xoojiyo kobcinta awooda Ciidamada Booliska Soomaaliyeed

6 June 2014- Ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya Joogto (AMISOM), oo la kaashaneyso Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya UNSOM Qeybtiisa Xuquuql Insaanka iyo qeybtiisa Booliska, waxay isla fuliyeen tababarka tababareyaasha (ToT) oo shan maalmood qaatay loona qabtay saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed (SPF) kuna saabsanaa mabaadiida xuquuqul insaanka ee xiriirka la leh xoogaga booliska. Tababarku wuxuu diirada saaray shaqada booliska iyo badalida tooska ee qaab dhaqmeedkooda si loo hubiyo inay yihiin kuwo la falgalayo xushmeyna u hayo xuquuqul insaanka cid kastaba. 27 saraakiisha Booliska Soomaaliyeed ah ayaa ka qeyb galay tababarka, 13 ka mid ahna ay ahaayeen saraakiil dumara ah. Agaasimaha Qeybta Xuquuqul insaanka, Sahra Moxamed Cali ayaa u mahad celisay qaban qaabiye yaashii iyo kuwii qalin jebiyayba sida ay uga wada go’antahay inay tix-gelin siiyaan arrimaha xaquuqul insaanka waxayna ku celcelisay in masuuliyada ilaalinta xuquuqul insaanka ay tahay arrin dusha ka saaran Ciidamada Booliska oo ah hey’adda loo tiirinayo inay hubaal ka dhigto dhowrista awooda sharciga iyo kala danbeynta.

AMISOM iyo Dowladda Talyaaniga. Xafladii wareejinta dhexdeeda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa uga mahad celiyay AMISOM iyo Dowladda Talyaaniga iskaashiga iyo taageerada joogtada ah, marka ay muujinayaan guusha hindisahooda. Wuxuu dhahay gawaaridu waxay fududeyn doonaan shaqada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ay ku dhisayaan sharciga awooda iyo

abuurida jawi nabad iyo amaan leh oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed. Qeybta Booliska ee AMISOM ayay kaalinteeda koowaad tahay inay is badal ku sameyso Ciidamada Booliska Soomaaliyeed si uu u noqdo hey’ad lagu kalsoonaan karo kartina leh, kuna dhaqanta heerarka caalamiga ah. July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID


Madaxa Difaaca Sierra Leone oo Soomaaliya booqday

1 June 2014- Madaxa Difaaca Ciidamada Qalabka-sida ee Jamhuuriyada Sierra Leone, Maj. Gen. Samuel Omar Williams ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku yimid Soomaaliya. Ujeedada booqashdiisa ayaa aheyd inuu barto silsilada taliska AMISOM, oo dowladiisu ay guuto kaga qeyb galeyso. Madaxa Difaaca ayaa booqday ciidamada dalkiisa ka socda kalana sheekeystay wax yaabaha ay tabanayaan iyo sida xal ay ula gaari karaan AMISOM si sare loogu sii qaado xiriirka ka dhexeeyo dalkiisa iyo AMISOM. Waxaa kale oos wada hadal la sameeyay Wakiilka Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Soomaaliya Danjire Mahamat Saleh Annadif, Taliyaha Ciidamada AMISOM, Lt. Gen. Silas Ntigurirwa, Taliye Xigeenka qaabilsan dhinaca Howlgalada, Maj. Gen. Geoffrey Muheesi, iyo Taliyaha Aaga Kismayo, Brig. Gen. TambaRodnicAllieu. Guutada ka socoto Sierra Leone ee la shaqeyso AMISOM waxaa saldhig u ah Aaga Kismayo.

AMISOM oo gabagabeysay tababar ay siisay hogaamiyeyaalka shaqaalaha rayidka Soomaaliyeed 28 May 2014 - Qeybta siyaasada AMISOM ayaa fulisay koosro toban bari qaadatay kuna saabsaneyd Maamulka iyo Hogaanka Fulinta oo ay ka faa’iideysteen 80 shaqaalaha rayidka ah ee jagooyinka sare sare ka hayo xafiisyada dowladda laguna qabtay Muqdisho. Koorsadu waxay isu keentay qeybo badan oo agaasimeyaalkii guud ka mid ah iyo agaasime waaxeedyadii Dowladda Federaalka Soomaaliya. Tababarka oo ka dhacay Akaadeemiyada Booliska, General Kaahiye, ayaa waxaa si rasmi ah u furay Ra’isulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirka Shaqada Soomaaliya, Luqmaan Sheekh Ismaciil, Taliyaha Booliska Brig. Gen. Abdihakin Dahir iyo wakiilo sar sare oo ka socday AMISOM. Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya waxay dusha u riteen culeyskii ugu weynaa labaatankii sano ee dowlad la’aanta, taaso ay ku lumeen heerarkii darajo ee shaqaalaha iyo awoodoodii farsamo. Tababarka ayaa looga golahaa dhisida aasaaska shaqaalaha rayidka ah ee curdanka ah ee dalka ayadoo dowladu ay dib u soo celineyso helitaanka adeegyada guud markii ugu horeysay laga soo bilaabo 1991, taasoo qeyb ka ah ujeedooyinka waaweyn ee Horumarka iyo Dib u dhiska Soomaaliya iyo Ujeedooyinka Dowlad-dhiska iyo Nabada Soomaaliya. Tababarkaasi naf ahaantiisa wuxuu si gaar ah u ahaa dhacdo muuqato oo qeyb ka ah safarka lagu hiigsanayo caafimaadka Soomaaliya, waana kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu qabto dalka gudihiisa. Tababaro hore ayaa lagu qabtay meelo ka baxsan dalka sida Uganda, Burundi, Sierra Leone, Liberia iyo Rwanda laga soo bilaabo sanadkii 2010. Ayadoo qeyb ka ah sharcigeeda, AMISOM waxay gacan ka geysataa kobcinta awooda hey’adaha federaalka Soomaaliya ee qeybaha muhiimka sii ah sida nabadgelyada, isxukunka iyo xuquuqul insaanka. AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

AMISOM oo tababartay koox taliyeyaal cusub ah

15 May 2014 – Sagaal iyo labaatan ka mid ah saraakiil Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka qalin jabiyay tababar loo sameeyay koox taliyeyaal cusub ah koorso ay fulisay AMISOM laguna qabtay xerada tababarada Jaziira ee Muqdisho. Tababarkan sadexda bilood socday waxaa lagu qaatay qaabka tagtiiga, xirfadaha dagaalka, ka hortaga dagaalyahanada, maareynta xirfadeysan ee hubka, caafimaadka guud, la tacaalida suumanka miineysan, baraaruga iyo sharciga bini’aadamka ee caalamiga ah. Isogoo ka wakiil ahaa Taliyaha Ciidamada AMISOM, ayuu kuxigeenka taliyaha saraakiisha Maj. Gen. Masele Maseret yiri AMISOM way sii wadi doontaa inay xoojiso awooda Xoogaga Nabadgelyada Qaranka Soomaaliyeed ayadoo u mareyso siinta tababaro dheeraad ah si ay awood

ugu helaan inay la wareegaan nabadgelyada dalka. “Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxay qeyb dhameystir ah ka yihiin dib u soo kabashada Soomaaliya tababarka maanta la qaatayna wuxuu buuxin doonaa meel weyn oo ka marneyd Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, kadib sanado badan oo dagaal sokeeye ah iyo isku dhacyo hubeysan,” ayuu yiri. General Cabdulqadir Macalim Nuur oo ka socday Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa meesha ka sheegay erey waano ah oo uu siiyay qalin jabiyeyaasha, “Hada waxaad qaadateen tababarkan, wuxuuna idiin yahay fursad aad ku soo bandhigi kartaan waxaad barateen sadexdii bilood ee ugu danbeysay. Waxay tahay kaalintiinu inaad difaacdaan madaxbanaanida iyo midnimada dhulka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Maalinta Caalamiga ah ee Saxaafada 5 May 2014– Soomaaliya waxay sanadkan ku biirtay aduun weynaha intiisa kale ayadoo xustay maalinta Caalimiga ah ee Saxaafada, dowladuna ay balan qaaday inay wanaajineyso nabadgelyada suxufiyiinta ku nool dalka gudihiisa. Sanadkan 2014 warbixin ay ka qoreen xoriyada saxaafada aduunka hey’ada la yiraahdo Wariyeyaasha aan Xuduuda laheyn Soomaaliya waxay gelisay booska 176 oo ka mid ah 180 dal ee baaritaanka lagu sameeyay marka laga eego dhinaca nabadgelyada suxufiyiinta. Fariintiisii uu u diray suxufiyiinta aduunka Soomaaliya, Wakiilka Gaarka ah ee

Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa ka dhawaajiyay sida ay AMISOM u garwaaqsan tahay kaalinta ay kaga jirto saxaafada Soomaaliya hurumarka qaranka iyo helitaanka xukun dimoqraadiyad ku dhisan, kaasoo xoriyadu ay ka mid tahay tiirarkiisa.“AMISOM waxay garab taagan tahay xubnaha bahda saxaafada Soomaaliya si ay walaaltinimo ku dheehan tahay kuwaasoo hurayo xoriyadoodii ay sida shakhsiga ah wanaag ugu noolaan lahaayeen ayagoo qabanayo shaqooyin muhiim ah oo ay ugu sheegan warar dadweynaha arrimaha muhiimada ee qaranimo.” 5


Hopein oo baaqatay xero barakacayaal ayadoo AMISOM-na ay dayactireyso iskuul May 2014 – Dadka degan xerada barakacayaasha Kabka, oo ku taalo gobolka Banadir, ayaa sabab u helay inay farxaan markii ay ilmahooda u heleen iskuul la dayac tiray. Waxaa ka muuqdo aqalo buulal ah iyo dhaq dhaaq mashquulsan, laakiin waxaa ka maqan adeegyadii bulshada ee muhiimka u ahaa nolol fiican ku noolaanshaha,xerada Barakacayaasha Kabka waxay hoy u tahay kumanyaal dad ah kuwaasoo ka soo cararay guryahoodii una adkeysan waayay argagaxa Al Shabaab. Caruurtu, Xeradan ayaa ah guriga kaliya ee ay garanayaan. Sidaas darteed Iskuulka dhexe ee Saabir, oo ay ku dhistay AMISOM iyo saaxiibadeeda xeradan, ma aha iskuul caadi ah, laakiin wuxuu calaamad u yahay fursad iyo rajo mustaqbal

fiican caruurtaasi. Hada waxaa ka shaqeeyo todobo galaas oo shaqeeyo subixii iyo galabkiiba. Ayadoo qeyb ka ah u ujeedada Qeybta Rayidka ah ee AMISOM ee xoojinta bulshooyinka Soomaaliyeed ee kala duwan ee ay ka dhex shaqeeyaan, ayuu fuliyay mashruucan qandaraasle maxali ah oo iska leh hey’adan la yiraahdo, Brothers of Relief and Development Organization (BRADO). Dr. Opiyo Ododa, oo ah Sarkaalka Arrimaha Rayidka ugu sareeyo AMISOM, ayaa yiri ujeedadu waa in la hubiyaa inay bulshadu ka faa’iideysaneyso mashruuca dhinacyadiisa dhamaantood. Illaa iyo hada, afar iskuul ayaa laga dhisay Muqdisho. Waxaa kale oo ergadu ay bixisay qalab iskuul iyo fadhiyo ay siisay iskuulada qaar.

AMISOM oo sii wado roondooyinka habeenkii ee magaalada Muqdisho April 2014 – AMISOM qeybteeda Booliska la askumay ayaa sii wado taageerada Booliska Soomaaliyeed ee howlgalada habeen iyo maalinba leh ee ay ka sameynayaan degmooyinka Muqdisho si ay magaalada uga nadiifiyaan canaasirta xun xun. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, oo kaashanayo booliska AMISOM, wuxuu masuul ka yahay xoojinta nabadgelyada guud ee caasimada iyo ilaalinta sharciga iyo kala danbeynta. Mar uu ka hadlayay shir saxaafadeed, ayuu yiri afhayeenka booliska AMISOM waanu sii wadi doonaa taageerada xoogaga nabadgelyada Soomaaliya oo aan la sameyn doono howlgalo nabadgelyada lagu sugayo si loo tirtiro canaasirta danbiile yaasha ah “kuwaasoo mar marka qaar ku dhuunto dadweynaha dhexdooda.” AMISOM qeybteeda Booliska la askumay waxay cayaartaa kaalin wax ku ool ah si loo hubiyo soo wanaagsanaanta nabadgelyada meelaha la xoreeyay oo laga sameynayo roondooyin wada jira oo lala sameynayo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, ka taakuleynta maamulida kala danbeynta guud iyo qaabka loo waardiyeeyo shakhsiyaadka muhiimka ah iyo sidoo kale ilaalinta Saraakiisha Midowga Afrika ee qaabka milatariga u tababaran isla mar ahaantaa la geeyo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed xarumaha ugu badan ee suura galka ah. 6

AMISOM oo u dabaal degtay Maalinta Haweenka Caalamiga ah 8 March 2014 – Ayadoo aduunku uu u dabaal degay Maalinta Haweenka Caalamiga ah, ayaa Wakiilka Gaarka ah ee Midoega Afrika ugu Qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif uu ifiyay kaalinta haweenka Soomaaliyeed ay ka cayaaraan helitaanka isbadal wanaagsan oo Soomaaliya ka dhaco. “Waa wax farxad leh in la ogaado tilaabooyinka muuqdo ee ay Haweenka Soomaaliyeed u sameynayeen dhinaca kobaca iyo horumarka dalka. Kaqeybgalka haweenka ee arrimaha bulshada dalkani waa kuwo wax baritaarayo si ay u dhisaan qaab nabadii dalka dib loogu soo celin karo,” ayuu yiri. Danjire Annadif waxaa kale oos u sacabo tumay kaalinta haweenka ee leexleexadka aan la heyn ee ay ku garab taagan yihiin arrimaha nabadgelyada dalka, isagoo u mahad celiyay dumarka nabad ilaaliyeyaasha ah ee la shaqeeyo AMISOM ka qeyb galkooda soo celinta nabada Soomaaliya. AMISOM waxay sii wadaa la shaqeynteeda Dowladda Soomaaliya, si loo dhiso hey’ado iyo loona helo adeegayadii guud.

Madaxweynaha Burundi oo soo booqday Soomaaliya

22 April 2014 – Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa soo booqday Soomaaliya si uu kormeer ugu sameeyo ciidamadiisa ka hoos shaqeeyo Howlgalka Midowga Afrika iyo sidoo kale booqasho ugu tago Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Intii uu booqashada ku jiray, Madaxweyne Nkurunziza wuxuu sheegay rajadiisa ku aadan mustaqbalka Soomaaliya wuxuuna mar kale adkeeyay sida ay dowladiisa uga go’antahay inay la shaqeyso dowladda Soomaaliya si sare loogu qaado nabada iyo amniga. “Waxaan ku faraxsanahay Soomaaliya xili muhiim u ah dowladda federaalka ah oo dagaalka ay kula jirto Al Shabaab iyo argagixisada. Dowladda Burundi hada waxay u magacowday Soomaaliya safiirkeedii ugu horeeyay, waxaana naga joogo ciidamadeena la shaqeynayo AMISOM laga soo bilaabo 2007. Xiriirka ka dhexeeyo labadeena dal aad ayuu u fiican yahay ,” ayuu yiri. “Fariinta aan u dirayo Soomaaliya ayaa waxay tahay rajo iyo nabad. Burundi mar waxay aheyd mid uu halakeeyay dagaal sokeeye. Si kastaba, sababtoo ah waxaa jiray niyad wagaansan oo siyaasadeed ayna qabeen reer Burundi dhamaantood, hada waxaan ku nool nahay nabad. Xili mkasta amuurihiisuu leeyahay: waxaa jira xiliga dagaalka iyo xiliga nabada iyo xiliga horumarka. Hada xili fiican ayay u tahay Soomaalida inay ka fikiraan nabada iyo xasiloonida.” Madaxweyne Nkurunziza waxaa ka kale oo uu lahadlay ciidamada AMISOM ugana mahad celiyay ka qeyb galkooda nabada iyo xasiloonida Soomaaliya iyo naf huridii ay sameeyeen “si ay u taakuleeyaan walaalaheena Soomaaliyeed.”

Toban Magaalo oo lagu xoreeyay howlgal iskaashi ah oo ay sameeyeen Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM March 2014 – Howlgalada wadajirka ah ee dib loo cusbooneysiiyay una dhexeeyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM, ayaa toban magaalo oo istiraatiiji ah dib looga qabsaday kooxda xagjireyaasha ah ee Al Shabaab. Sanadkan horaantiisii, Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo ciidamada AMISOM ayaa dib gacanta ugu dhigay magaalooyinka Qoryoley, Xudur, Buuloburto, Qunrulow, Wajid iyo Rabdhure magaalooyinka laga saaray Al Shabaab markii dhawaa qeyb ka ahaa howlgalkii loogu magic daray Gorgorka (Eagle). Wakiilka Gaarka ah ee Midoega Afrika ugu Qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif, ayaa yiri qabsashada magaalooyinkan waxay u aheyd guul weyn dalka iyo wax u soo kordhay geedisocodka dib u soo celinta nabada Soomaaliya. Qabsashada magaalooyinkan waxay fududeyn doonaan fidinta gacan ku heynta dowladda Soomaaliya dhulkeeda iyo in awood loo siiyo shacabka Soomaaliyeed inay si xor ah ugu noolaadaan dhulkooda ayagoo aan ka baqeynin diktaatooriyada Al Shabaab. Howlgalka wadajirka ah ayaa loo qaaday qaab uu ku jiro dadaalka loo baahan yahay iyo dhowrista heerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka. July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID


MAAMULO oo magacaabay

B

degmooyinka BULLABURDE iyo JALALAQSI

ishii Juun waxaa dhacay horumar weyn oo ah dhinaca geedi-socodka loogu jiro xasilinta dalka, kadib markii dhowaa ee ay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM dhul muhiim ah Al Shabaabkala wareegeen. Waa qeyb muhiim ah oo ka mid ah xasilinta Soomaaliya, taasoo isla markiiba daba socotay markii dhulkaas gacanta lagaga dhigay xagjiretaasha, ayaa laga bilaabayaa ka dhaqan gelinta maamulo taasoo xaqiijin doonto in arrimaha dhulkaas ay maamulaan shacabka ku nool dhulkaas. Ayadoo tilaabadii u horeysay ee dhankan loo qaado ah, Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa saraakiisheeda maamuli doono degmooyinka Bullaburde iyo Jalalaqsi geysay meelahaas, laba degmo oo cusub oo la qabsaday kuna yaalo gobolka Hiiraan. Gudoomiyeyaalkaas ayay si rasmi ah u geysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, waxaana horkacaayay Agaasimaha Guud, Mr. Cali Abtidoon Xalane howl shaqo oos u tagay Bullaburde. Koox naga mida ayaa safar ku tagtay Bulla Burde si ay uga qeyb galaan shaqadaas. Bullaburde, oo mar mar badan ay ku naaneysi jireen dadka degani Buulaay, waxay dhacdaa 219 km oo ay kaga aadan tahay dhinaca waqooyi magaalada Muqdisho, 125 km-na waxay Beledweyne oo ah caasimada gobolka Hiiraan ka soo tahay dhinaca koonfureed. Xiliga roobabku ay da’ayaan, muuqaalka dhulka ee Bullaburde waa mid cagaaran, neecow leh, qudaar badan oo aan caadi ka aheyn meelhaas xiliyada kale. Garoonka diyaaradaha ee dhuuban ayaan ku degnay, oo hada ay isticmaalaan uun diyaaradaha helicopters ah, kamana dheera magaalada bartamaheeda, ayadoo ka duwan garoonka diyaaradaha Beledweyne kaasoo magaalada ka fog wax ka badan 5 km. jidka ka baxa garoonkana uu yahay mid xun oo ciid ah in kasta oo lagu jiro xiligii roobaabka oo mar dhow da’ay. Marka ay roobabku da’aan, biyaha isla markaasba waxaa cabayo ciida biyaha aadka ugu baahan bilo fara badana aan helin hal dhibic oo roob ah. Markii aan u dhaadhacnay magaalada bartamaheedii, waxaan aragnay dad dukaamankoodii hor fadhiyo, AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

iyo kuwa kale oo fadhiyo makhaayadihii ay wax ka cabayeen hortooda, shaahna fiiqsanayo, kuwa kale oo ku mashquulsan howl maal meedkoodii, dhamaantoodna si xiiso leh u fiirsanayo baabuurta magaalada Odayaal u dhashay gobolka Hiiraan oo ka qeyb galay aqoon dhex mareyso. Waxisweydaarsi ay qabanqaabiyeen AMISOM iyo Dowladda Federaalka aa jiray dad ruxayay Soomaaliya. Waxaa sawirka qaaday AMISOM/Ilyaas A. Abuukar calanka Soomaaliya si ay u soo dhaweeyaan gudoomiyaha cu- Federaalka Soomaaliya sida ay waqti go’an sub, taasoo aheyd calaamad tusineysa inay ugu magacowday maamulada degmooydadka magaalada ku dhaqani ay ka war- inka la xoreeyay si ay ugala wareegaan hayeen munaasabada dhici doonto maanta. xukunka Ciidamada Qaranka SoomaaliyAyagoo ku sii kulmay Xarunta Taliska eed iyo AMISOM taasoo qeyb ka ah dadaAMISOM si ay goob joog uga noqdaan xil alada lagu xasilinayo dalka. “Gudoomiye ku wareejinta gudoomiyaha ayay maam- yaalka degmooyinka meela kalena waa la ulkii kumeel gaarka ahaa, odayaalkii geeyay waxayna fulinayaan waajibaaddhaqanka, culimo udiinkii, haweenkii koodii sida lagu cadeeyay istiraatiijiyada iyo kooxdii dhalinyarada, ururadii bul- xasilinta dalka,” ayuu yiri. sha, AMISOM iyo Ciidamada Qaranka “AMISOM waxay sii waday sidii ay u Soomaaliyeed taliyeyaalkoodii iyo sidoo oofin laheyd sharcigeeda ku qotoma teekale dadka saxaamada ka shaqeeyo ayay geerida Doladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan sidii loo cirib tiri wada joogeen. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arri- lahaa howlaha xagjire yaasha’ loona abuuri maha Gudaha, Cali AbtidoonXalane wux- lahaa jawi ku haboon xukunka wanaagsan, uu u sheegay dadkii isku soo kulmay inay xuquuqul insaanka iyo sharciga dowldda,” dowladu mudo sadex bilood ah ku howlan- ayuu yiri Prof. Shuceyb. “Ayadoo taageero eyd sidii ay gudoomiye ugu magacaabi la- laga helayo AMISOM, gudoomiye yaasha heyd meelaha cusub ee gacanta dowladda degmooyinku maanta howshoodii ayay la dib u soo galay. “Qorshahaanagu waa in wareen. Lawareegidooda maanta ee deisla marka la magacaabo gudoomiyeyaalka gmooyinka Bullaburde iyo Jalalaqsi waa cusuba, naan siino tababar. Ujeedadu waa calaamad wanaagsan oo muujineysa horuin la tababaraa gudoomiyeyaalka, oo ay la mar.” Isagoo ka hadlayay munaasabada, ayuu jiraan taliye yaalka xabsiyada, nabadgelyada iyo booliska, si ay uwada hogaamiyaan gudoomiyaha cusub ee degmada Bullaburde Mr. Axmed Cabdi Wehliye sheegay maamulka.” “Geedisocodka magacaabista gudoom- mahad naqiisa weyn ee Ciidamada Qaiye yaalka wuxuu ahaa mid fudud,” ayuu ranka Soomaaliyeed iyo AMISOM, uruku siidaray, “hadana waan keenay. Waxaan rada bulshada, hooyooyinka, caruurta iyo u mahad celineynaa dadweynaha magaa- maamulkii kumeel gaarka ahaa ee hore lada Bullaburde. Waxaan magacownay kuwaasoo uu sheegay inay si wanaagsan u gudoomiyihii Bullaburde si uu uxoreeyo soo dhaweeyeen maamulka cusub. Isagoo degmadiisa isagoo kaashanayo AMISOM, ka hadlayay ciidamada AMISOM ee hada Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo jooga meeshaas, ayuu yiri “waa ciidamada dadweynihiisa reer Bullaburde.” Hiil Walaal. Magac ayuun bay ka yihiin Prof. Cabdi Moxamed Shuceyb oo ka AMISOM laakiinse waa dad Soomaaliytirsan Qeybta Arrimaha Siyaasadda ee eed. Waxaan la yeelaneynaa wada shaqeyn AMISOM ayaa ku amaanay Dowladda wanaagsan AMISOM.” g 7


AMISOM

oo u diyaar garowday dhaqaaqii ugu danbeyay

Al Shabaab -na LAGAGA XOREYNAYAY SOOMALIYA Wareysi lala yeeshay Taliyaha Ciidamada AMISOM

T

aliyaha Ciidamada AMISOM, Lt. Gen. Silas Ntigurirwa ayaa ugu baaqay ciidamadiisa AMISOM, oo si aad u dhow la shaqeyn ula leh dhigooda Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, inay isu diyaariyaan weerar dhaqaaqii ugu danbeeyay ah oo ay kaga xoreynayaan magaalooyinka Soomaaliyeed ee yar walina kusii jira xukunka waxashnimada ah ee argagixisada Al-Shabaab. Illaa iyo intii uu la wareegay taliska ciidamada AMISOM ee Soomaaliya bishii Nofembar 2013, Generaalkan waaya aragnimada weyn leh ee reer Burundi ayaa hogaaminayay ciidamadiisa, oo si iskaashi wanaagsana leh ula shaqeynaayay ciidamada Soomaaliyeed, wuxuuna kala wareegay xag jireyaasha Al-Shabaab magaalooyin waaweyn sida Xudur, Waajid, Bulaburte, Qoryoleey sidaasna kaga hoojiyay xag-jireyaasha dakhli ay ku maal gelin jireen danbiyadooda ay ka geli jireen dadka rayidka ah. Taliyaha Ciidamadu wuxuu hoosta ka xariiqay inay howl galo milatari oo waaweyn si deg deg ah uga bilaabi doonaan Aagaga ay AMISOM joogto dhamaantood, fufudeyn tuna uu leedahay Go’aankii Golaha Amaanka ee QM tirsigiisuna ahaa 2124 kaasoo xoojiyay tirada ciidamada kuna soo kordhiyay 4,400 oo askari. Go’aanku wuxuu kaloo diyaar ka dhigay xirmo taageero dhanka saadka ah oo la 8

siinayo 10,000 Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ah oo ay ku jirto in loo daad gureeyo meelaha daawada iyo daaweynta. “Ayadoo ay taageereyso AMISOM Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, waxaan aamin sanahay inaan leenahay awood aan ku xoreyno meelaha ugu danbeeyo ee Al Shabaab ay maamulaan. Waxaan aad ugu xiiso qabnaa inaan howshan iska dhameyno wax shaki ahna maskaxdaanada kuma jiro inaan arrintaas sameyn doono,” ayuu ku yiri Taliyaha Ciidamada mar wareysi lala yeeshay. Generaal. Ntirugirwa oo 46 jir ah wuxuu leeyahay CV kusoo jiidanayo.

Wuxuu ka soo qabtay jagooyin sar sare oo milatari iyo shibilba leh dalkiisa hooyo Burundi, oo ka soo kabtay 10 sano oo dagaalo naxariis la’aan ah, sanadihii sagaashamaadkii. Waxaa laga yaabaa inay tahay arrimo uu u soo joogay, taasoo Lt. Gen. Silas inuu keeno culuun loo baahnaa iyo waaya aragnimo diyaar ah oo lagu maamulo xaaladaha is bebedalka iyo dareenkaba leh oo ay ku jiraan kala dirka, hub kadhigista iyo dib u mideynta, kuwaasoo dhamaan looga baahan yahay Soomaaliya. Lajirkiisa, ayay durbadiiba AMISOM fulisay mabda’ cusub oo howl-galada ah kaasoo loogu talo gaJuly 2014 - AMISOM DIB-U EEGID


Taliyaha Ciidanka AMISOM, Lt. Gen. Silas Ntigurirwa iyo Taliyaha Ciidanka Difaaca Soomaaliya, Maj. Gen. Daahir Aden Cilmi. Sawir qaade AMISOM/David Mutua

lay in lagu xoojiyo ciidamada dib u qaabeyn istiraatiiji ahna laga hirgeliyo aagaga AMISOM ee Soomaaliya dhexdeeda ah si loo fududeeyo hogaanka iyo kala sareynta iyo sidoo kale inay AMISOM hesho qaab ay uga gacan sareyn karto argagixisada Al-Shabaab. Mabaadiida howl galadii ugu danbeeyay, ayay caasimada Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose ku hoos tagi doonaan Aaga 1aad, waxaana si wada jir ah u maamuli doono ciidamada Uganda iyo Burundi. Aaga 2aad wuxuu meel isugu keenayaa gobolada Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe oo hoos imaan doono AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

Ciidamada Kenya. Aaga Kismaayo waxaa kormeeri doono ciidamo isku dhaf ah oo ay hogaamineyso Sierra Leone ayna ku jiraan Burundi iyo Kenya, Aaga 3aad wuxuu daboolayaa gobolada Bay, Bakool iyo Gedo waxayna hoos imaanayaan nabad ilaaliye yaasha Ethiopi, Aaga 4aad waxaa xudun u ah gobolada Hiiraan iyo Galgaduud waxaana hormuud ka ah nabad ilaaliye yaasha reer Djibouti oo kaalmo ka helayo Ethiopiyan-ka. Ugu danbeyntiina, Aaga 5aad waa gobolka Shabeelaha Dhexe wuxuuna hoos imaadaa ciidamada Burundi. Generaalku wuxuu u mahad celi-

yay dadweynaha Soomaaliyeed iskaashiga dhow ee ay u muujiyeen Dowladda iyo AMISOM-ba dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab. “Waxaan dooneynaa inuu shacabka Soomaaliyeed ogaado inay ayagu ka masuul yihiin mustaqbalkooda guushaan soo hoyinana ayagaa iska leh. Ergadanu waa wax ay ku faanto Afrika guusha ugu sareysana waxay noqon doontaa marka uu shacabka Soomaaliyeed uu nabad ku noolaado awoodna ay u helaan inay aayahooda ka tashadaan cabsi gelin la’aan uga imaaneyso kooxaha argagixisada ah,” ayuu yiri Lt. Gen Ntigurirwa. g 9


Laba nin oo fadhiya banaanka dukaamankooda magaalada Qoryoole dhexdeeda. Sawir qaade AMISOM /Tobin Jones

QORYOOYLE:

W

ajigii koobaad ee howl-galka AMISOM ee loogu magac daray Gorgorka waxaa laga xoreeyay dagaal yahanada AlShabab sideed magaalo oo waaweyn kuna yaalo konfurta Soomaaliya. Mid ka mid ah magaalooyinkaas waa, Qoryooyle, kuna taalo baadiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, oo mar loo aqoon jiray ‘danbiishii cuntada ee Soomaaliya,’ halkaasoo uu wabiga weyn ee Shabelle dhex maro. Ayadoo ay leedahay magaaladu dad degaan ah oo ka kooban guud ahaan beeraley, howshoodu ay isugu jirto xoola dhaqato iyo wax soo saarka beeraha, aagaasu kaalin mug leh ayuu ka cayaaraa horumarka beeraha ee dalka. Wax in yar uun ka yar hal bil ah markii la xoreeyay, magaaladu waxay bilowday in dib isugu dhisto taageerada Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo guutada AMISOM ee reer Uganda. Jidadka magaalada dhexdooda wadiiqooyinka aadayo beeraha, waxaa ka jirta nolol bulsho oo dib loo cusbooneysiiyay horeyna wax jiro aan 10

Nolosha Al-Shabaab kadib

aheyn markii ay degmada ka talinayeen Al-Shabab. Dhalin yaradu si xor ah ayay sigaarka ugu cabayaan jidadka, sigaarkana si cad ayaa loogu gadayaa miisaska yaala jidadka hareerahooda, hadalada la isla dhexmarayo ee xoriyadan la helay ku aadan ayaa ah, “Markii ay Al-Shabaab ka talinayeen magaalada, sigaarku mamnuuc ayuu ahaa ruuxii la arko isagoo iibinayo, soo gadanayo ama cabayo waxaa lagu ciqaabi jiray karbaash. Odayaalka magaalada oo xiran go’yaalkii shaalka ahaa ee dhaqanka ahaan jiray iyo cimaamado midab qurxan, oo qaarna uu gaduud yahay, qaarna cad cadaan yahay ayaa si uusan kibir ka muuqan u fadhiya bananada makhaayadaha shaaha laga cabo, ayagoo shaah cabayo qaarna dubnad cayaarayo, ciradii cadeyd ee gararkooda ka muuqatay ayay ku gaduudiyeen cilaan, wajiyaalkooda waxaa ka muuqdo farxad iyo walbahaar isku jira. “Nolosheydii oo dhan magaaladan ayaan ku noolaa. Dadka meeshan ku nool waa dad aan kibir aqoon, waa dad

cibaadeysta ruuxna aan dhib u geysan. Xiligii Al-Shabab xitaa waxaa naloo diiday xaqa aan u leenahay inaan u cibaadeysano sidaan rabno. Isu imaatinkii dariiqooyinka suufiyada ayay joojiyeen Al-Shabaab cunaqabateyn xoog leh ayaana lagu sameeyay dadweynaha. Waxaan ku faraxsanahay inay AMSIOM mar kale dib u soo celisay xoriyadii, laakiin wali cabsi ayaan ka qabnaa dagaal yahanadii oo mudo dheer na argagax naguhayay xusuustoodana ay wali na ceyr-saneyso” ayuu yiri Sheekh Abuukar, oo ah mid ka mid ah hogaamiye dhaqameedka. Haweenka ayaa si xor ah u dhex socdo magaalada, ayagoo ka gadayo sambuus iyo cuntada kale ee fudud dadka jidadka marayo ama ka iibinayo dukaamo yar yar oo wax kasta laga helo, laga bilaabo caanaha iyo wixii kalee loo baahan yahay. Waa magaalo uusan ruuxu ka filaneyn inay dumarku ku dhex helaan xoriyad badan, haweenka maxaliga ah ayaa la arkayaa ayagoo socdo oo wato qalabkii ay kaga shaqeyn lahaayeen beerahooda, kuwo kale ayaa magaalaJuly 2014 - AMISOM DIB-U EEGID


Wiilal yar yar oo daawanayo mar ay Ciidamada Midowga Afrika rondo lugta ah ka dhex sameynayeen magaalada. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones

Nin Soomaali ah oo gudbayo mar ay Ciidamada Midowga Afrika roondo lugta ah ka sameynayeen magaalada. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones

da aadayo ayagoo wato danbiilahooda kuna sii jeedo suuqa si ay ugu iibiyaan qudaar. Beeraleydu waxay ku faraxsan yihiin inay dib ugu laabteen beerahoodii ayagoona cabsi ka qabin in loogu caga jugleeyo bixinta canshuuro aanan xaq aheyn. Si kastaba waxay walbahaar ka muujinayaan roobabkii guga oo sida caadiga ah di’I jiray inta u dhaxeyso bilaha Abriil iyo Juun. “Waxaa noo soo go’day yaanyo, liin iyo basal, waxaana ku iibinaa waxa noo soo go’o suuqa. Dhib badana ma qabno, Allaa mahad leh. Qoyskeyga iyo aniga waxaan u cararnay tuulooyinka anagoo cabsi ka qabnay ina dagaalka ay wax yeelo naga soo gaarto, laakiin hada guryahaanagii ayaan dib ugu laabaneynaa. Waxa kaliya een ka walbahaar sanahay waa roobabka soo daahay,” ayuu yiri mid ka mid ah beeraleyda. Mid ka mid ah caqabadaha badan ee bulshada maxaliga heysto ayaa ah nabadgelyo la’aan la xariirta isticmaalka jidadka magaalada ku xira magaalooyinka ku yaala gobolka Shabeelaha Hoose marka loo baahan yahay in la aado magaalada Marka ama Muqdisho. Dhibaatada ka jirta isticmaalka jidadka waxay sababtay xoogaa sare u kac ah oo dhanka maciishadii daruuriga aheyda sida bariiskii baastadii iyo saliidii. Mid ka mid ah dadka degaanka ayaa AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

Nabad ilaaliye yaasha AMISOM oo rondo ah ka wado Qoryoole. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones

Nabad ilaaliye yaasha AMISOM oo rondo lugta ah ka wado Qoryoole. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones

sheegay in qiimaha cuntooyinkaas aan soo sheegnay uu laban laabmay, “Waxaa caadi noo ahaan jirtay inaan ku iibsano hal kiilo oo sinsin ah hal dolar maantase wuxuu marayaa 2.50 dolar,” ayuu yiri Cabdullahi. Wuxuu yiri waan u awood la’ahay inaan beerto dhulkeygii sababtoo ah Al-Shabaab ayaa xiray jidkii. Nabad ilaaliye yaasha AMISOM, magaalada waxay ku leeyihiin joogitaan muuqdo, maalin kiiba laba jeer, ayay ku sameeyaan roondadooda caadiga ah, ayagoo dadka magaalada ay iswedaarsadaan salaanta Soomaaliga ah ee ah “ma fiicantahay” “fiican… fiican”. Sadex xidigle Olweny, oo ah sarkaal ka tirsan AMISOM, ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay in lala xariiro dadka maxaliga ah. “Waxaa qeyb ka ah howl-galka milatari in lala sameeyo xariir bulshada maxaliga ah. Waa caadi inaysan dadku faraxsaneyn kadib 7 sano oo ay xukumayeen dagaal yahanada, waana iska garaneynaa inay cabsidu ka tagi doonto wax yar kadib,” ayuu dhahay. Marka ay magaalada dhex mareyso kaanboyda AMISOM, caruurtu waxay daba ordaan gawaarida wayna u gacan haatiyaan. Waxay u egyihiin kuwo layaaban dadkan cusub ee magaalada ku soo biiray ee ku guu-

leystay inay soo celiyaan xasiloonidii magaaladooda ilaa heer. Dadka degaanku waxay leeyihiin way soo wanaagsanaatay noloshoodii ilaa heer kadib intay AMISOM imaatay, waxayna awood u yeesheen inay howlahoodii si xor ah u aadaan cabsi la’aan ama ciriiri gelin la’aan. Si kastaba, wali caqabado badan ayaa heysto dadka, gaar ahaan kaabeyaalkii hoose oo meesha ka maqan, sida iskuulada, isbitaalada iyo maamulkii degmada oo ay ka heli lahaayeen adeegyada. Waxaa ay sheegayaan wararku in macalimiintii iskuulada ayba ka carareen magaalada sababtoo ah waxaa beegsanayo dagaal yahanada, sidaas darteed caruurtu ma heystaan wado ay ku helaan waxbarashadii asaasiga aheyd. Qaar ka mid ah waxay kala shaqeeyaan beeraha waalidiin-tood. Hadii warka aan cadeyno, inkastoo magaalada Qoryooley laga xoreeyay Al-Shabaab, hadana waxaa ka horeeyo jid dheer si ay u noqoto magaalo si buuxdo u shaqeyneyso oo awood u leh inay ka jawaabto baahida dadkeeda. Waxaan rajeyneynaa, ayadoo lala kaashanayo qorsheyaalka xasilinta ee ay dejisay Dowladda Federaalka ahi, magaalooyinkaan cusub ee la xoreeyay inay heli doonaan taageerada loo baahan yahay. g 11


Al-Shabaab A

oo kharbuudaad ku sameeyay magaalada Xudur

intaanay ka baxsan weerarada

AMISOM

Gabdho joogo suuqa magaalada Xudur, caasimada Gobolka Bakool. AMISOM/Moxamuud Xassan

Sawir xaga circa ah oo looga qaaday magaalada Xudur, caasimada Gobolka Bakool, Soomaaliya. Sawir qaade AMISOM /Moxamuud Xassan 12

rgagixisada Al-Shabaab ee lala xariirinayo Ururka Al-Qaeda ayaa xiliyadii danbe muujiyay sida aanay u xushmeyneynin nafta, dadka Soomaaliyeedna ay cadowtinimo u muujinayeen ayadoo si ula kac leh kharbuudaad ugu sameeyay ceelashii biyaha ee kaliya ee ay laheyd magaalada Xudur, isbitaalkii weynaa iyo iskuuladiiba kadib markii ay maqleen in ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ay magaalada kaabiga u soo saran yihiin. Arrin dad badan argagax gelisay, xagjireyaashu waxay ku dhaqaaqeen waali, ayagoo burburiyay matoorkii weynaa ee biyaha iyo kaba sii darane ayagoo ceelkii biyaha dhagaxaan ku duugay dadkana oon ugu bakhtiiyay. Argagixisadu waxaa kale oo ay boobeen dukaanadii iyo bakhaaradii, cuntadii ayayna qaateen inteysan xoog ku gelin isbitaalkii Xudur halkaasoo ay ka qaateen daawooyinkii saarnaa iskafaale yaasha. Iskuuladii xitaa kama baxsan ee burburka ayaa soo gaaray tasoo ka dhigtay magaaladii sidii meel ay u dhamaatay. Xudur waa caasimada gobolka Bakool waxayna ahaan jirtay meel ay Al-Shabaab xoog ku leeyihiin sanadkii la soo dhaafay ilaa ay ugu danbeyntii ka carareen Ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM markey kusoo dhawaadeen bishii 10kii Maarso 2014. Natiijadii ka dhalatay kharbuudaadii Al-Shabaab, waxay noqotay in qiimihii cuntada uu sare u kaco magaalada Xudur ayadoo yaraanteedana ay gaartay heer halis ah, taasoo ku dedejisay AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya inay qeylo dhaan diraan si magaalada loola soo gaaro gar gaar bini’aadamnimo oo deg deg ah iyo sidoo kale magaalooyinka kale ee la xoreeyay ee saameynta xun ay ku yeelatay kharbuudaadii Al-Shabaab iyo iska indha tirka nolosha dadweynaha. Xudur waxay si tartiib tartiib ah uga soo kabaneysaa weerarka Alshabaab ee isagoo kale aan la arag sida bareerka ahna ay ula maaganaayeen inay kordhiyaan dhibaatada dadka ay dagaaladu daashadeen. Xasiloonida ilaa heer ay magaaladu heshay ayay dadka degaanku ku raaxeysanayaan hada, dowladuna ay ku gacan siineyso, inay sare u joogsadaan dibna u bilaabaan dhisida noloshoodii bur burtay kadib markii ay dib ugu bilowdeen adeegii biyaha iyo wax yaabihii kale ee baahida asaasiga u ahaa. Taliyaha Aaga 3aad ee AMISOM, Brigadier General Gebremedhin Fikadu ayaa dhawaan booqday magaalooyinka Xudur iyo Burdubo ee gobolada Bakool iyo Gedo si uu ugu tacsiyeeyo dadweynaha dhibaatu ay taabatay baahidoodana uu u soo qiimeeyo. Markii uu booqashooyinkaas ku jiray, wuxuu la kulmay taliye yaasha meelahaas horay ugu sii joogay AMISOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed si uu uga mahad-celiyo geesinimadooda. Waxaa kale oos la kulmay odayaasha, saraakiisha maamulada maxaliga ah si uu taageero ugu muujiyo hubaalna uga dhigo garab istaag iyo gacan siinta AMISOM ee joogtada ah. “Waxaan u imid inaan idinkaga mahad celiyo taageeradiina aad siineysaan AMISOM iyo Dowladda Soomaaliyeed oo la’aanteed aanaan awood u helneen inaan ka xoreyno magaalada Xudur Al-Shabaab. AMISOM way ogtahay dhibaatooyinka idin heysto ee ka dhashay kharbuudaadii Al-Shabaab,” ayuu yiri. “Waxaan codsi u dirnay aduunka inuu idinla soo gaaro kaalmo xiligan aadka u adag,” Brig. Gen. Gebremedhin u sheegay dadka reer Xudur. Xaliima Xassan, oo dukaan ku heysato magaalada Xudur ayaa tiri ganacsigu si tartiib tartiib ah ayuu u soo kabanayaa in kastoo awooda wax iibsi ee dadka degaanku ay hoos u socoto sababtoo ah dakhli dadka soo galayo ayaan jirin. “Keydkaanaga cuntada iyo sahaydii raashinka ee kale ee aasaasiga aheyd waa ay sii dhamaaneysaa sababtoo ah gawaari imaaneyso oo wax keeneyso ma jirto. Loorkii sonkorta ahaa wuxuu hada marayaa $75 dollar, loor barkiis ahna wuxuu marayaa $40 Dollar. Ganacsigu wuu gaabinayaa, macaamil wax iibsanayo majiraan raashin cuntana maba yaalo magaalada. Waa midaas dhibaatada na heysato. Al-Shabaab waxay noo sugeen siday u rabeen inaan halaagsano kadib markii ay naga jareen biyihii, cuntadiina naga bililiqeysteen. Waxay rabeen inaan dhamaano laakiin Illahay ayaa weyn sababtoo ah dowladaanada iyo AMISOM ayaa u yimid badbaadin taanada si aanaan gaajo ugu go’in,” ayay tiri. g July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID


X

eebta Lido ee Muqdisho ayaa durbadiiba noqotay meel lagu madadaasho laguna cayaaro. Qoysaska ayaa ku kulmo xeebta maalinta jimcaha ah si ay u dabaashaan uguna dabaal degaan marka ay wajiga xeebta ku nuurinayaan midabada ugu quruxda badan. Sanado yar oo la soo dhaafay, markii ay Al-Shabaab wali si adag gacanta ugu hayeen, arrintan maanta ka socoto xeebta mid maskaxda ku soo dhici kartayba ma aheyn. Markii ay Muqdsho xoreeyeen bishii Agosto 2011 Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo xoogaga Midowga Afrika, muwaadiniinta magaaladu waxay awood u heleen inay ku raaxeystaan xeebtooda bacaadka cad leh ee quruxda badan, biyaheeduna ay buluuga nadiifta ah yihiin. “Hada anigu ma cabsanayo, marka la bar bar dhigo sadexdii sano ee la soo dhaafay. Markii ay Al-Shabaab ay xukumayeen meeshan, ruux naga mid ah ma imaan Karin meeshan. Waxaa waajib nagu ah inaan u mahad celino AMISOM, saaxiibadaanada Midowga Afrika, oo nasiiyeen fursada lagu jabiyay Al Shabaab.” Ayuu dhahay Moxamed Yuusuf, afhayeenka Duqa Magaalada Muqdisho. Xeebtu waxay noqotay mid ka mid ah meelaha ‘IT’ ee magaalada Muqdisho laga joogi karo. Hadii aad ku sugan tahay makhaayadaha xeebta afkeeda kuyaalo, aad dabaalaneyso ama aad rabto inaad isaga lugeyso xeebta dhexdeeda,waxaad dareemeysaa mar walbo inaad meel amaan ah ku sugan tahay. Si loo helo nabadgelyo, golaha maxaliga ah wuxuu tababaray koox naf badbaadiye yaal ah oo gacan ka geysanayo yareynta tirada dadka biyaha ay qaadayaan, waana dhibaato in loo diyaar garoobo u baahan dhulka xeebta ku dherersan. Dad badan ayaa u tago xeebta inay ku dabaashaan ayagoon aqoon u laheyn dabaasha kuna danbeeya bada salkeeda. Cabdullahi Xusseen Xassan, macalin hore hadana ah gudoomiyaha aagaas, ayaa xasuusanayo sidii uu mid ka mida ardeydiisa ugu maanshoday xeebta, dhibaatadaaso ku khasabtay inuu go’aansado helitaanka mashruuc naf badbaadin ah oo ka hir galo xeebta. Mashruuca naf badbaadintu wuxuu ka bilowday xafiiska Duqa magaalada Muqdisho oo uu la jiro Gudoomiyaha Degmada Cabdulcasiis. Mashruucu wuxuu ka kooban yahay koox 15 ruux oo iskaa wax u qabso ku shaqeynayo, kuwaasoo la tababaray xafiiska Gudoomiyuhuna uu siiyay doomankii ay ku howl geli lahaayeen. “Dadku in badan biyaha ayaa qaado sababtoo ah hirarku aad ayay u xoog badan yihiin waxayna kugu tuurayaan bada, hadana wali kuwo badan maba garanayaan sida loo dabaasho,”ayuu yiri Cumar Xaaji Moxamuud, oo ah malay jilaabte isu badalay naf badbaadiye. “Todobaad walba waxaan bad baadinaa nafaf badan, oo wax lacag ahna aana nasiinin. Waxaan ku deeqnaa waqtigaanagana iyo waayo arag nimadaanada. Gudoomiyaha degmadu wuxuu nasiiyaa shidaalka aan u baahanahay.” Saameyn aad u weyn ayay durbadiiba yeesheen naf badbaadiye yaashu. Kuwo badan oo dabaasha yaqaano iyo kuwa bar baradka ee yimaada xeebta ayaa ku wada faraxsan arrinkan dareemayana inuu amaankoodu sugan yahay marka ay ku raaxeysanayaan xeebta bada. “Waan imaadaa meeshan Jimaca kasta waxaana ku farxsanahay wax wanaajinta la soo kordhiyay, sababtoo ah waxay ii suura gelineysaa inaan si nabad ah u dabaasho,” ayuu yiri Cismaan, kana mid ah dadka degan Muqdisho. Gudoomiyaha Degmada Cabdicasiis ayaa ku booriyay dadka ganacsata ah, oo ay ku jiraan dadka makhaayadaha ku leh, xeebta horteeda inay gacan ka geystaan iibinta doomo badbaado oo dheeraad ah si loo sii wanaajiyo kaalmeynta naf badbaadiye yaasha gaar ahaan marka ay badu kacsan tahay. Xarun caafimaad oo la tacaasho arrimaha deg degta ah oo ah dhaawacyo ku yimaado dabaashe yaasha ayaa laga hirgeliyay xeebta. Naf badbaadiye yaasha iyo xarunta caafimaadka ayaa ah tilaabo dhiiri gelineyso maamulka maxaliga ah inay diyaariyaan jawi nabad ah amaana leh oo ay helaan dadka degaanka ah ee u soo dabaal tago xeebta. g AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

Naf-badbaadiye daawanayo xeebta Lido ee magaalada Muqdisho. Sawir qaade AMISOM /Tobin Jones

Naf-badbaadiye

yaasha xeebta

LIDO

Naf-badbaadiye yaalka Xeebta Lido ee ku taalo magaalada Muqdisho oo rondo ku sameynayo biyaha xeebta agtooda. Sawir qaade AMISOM /Tobin Jones

Dadka degan magaalada Muqdisho oo ku raaxeysanayo daawasha biyaha xeebta Lido. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones 13


B

AMISOM

ilo yar ka hor, dadweynihii deganaa magaalooyinka Xudur iyo Waajid ayaa bilaabay inay dib ugu soo laabtaan magaalooyinkoodii kuwaasoo horay ugu jiray xukunka xagjire-yaasha Al-Shabaab’ sanado badan, hadana ay xoreeyeen ciidamada Ethiopia ee AMISOM. Waxshi nimada xag-jireyaashu waxay u bara kicisay wax badan oo shacabka ka mid ah dhinaca xuduuda Ethiopia. Hada ayagoo guryahoodii dib ugu soo laabtay, ayay la kulmeen abaar ayagoo aan sanado badan beeran dhulalkoodii. Intaas waxaa dheer, markii ay xag-jireyaashu kasii cararayeen imaatinka AMISOM, waxay baabi’iyeen wixii kaabe yaal guud ahaa badan koodii. Arrin dheerad ah oo muujineysa ujeedadooda xun ee shacabka, ayaa waxaa kale oo ay xireen jidadkii waaweynaa ee soo galayay magaalada durbadiiba kadib markii ay AMISOM iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed la wareegeen magaalada, taasoo ka dhigtay shacabkii inuu la kulmo cunto yaraan xoog leh, raashinka iyo wixii kale ee loo baahnaa. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada kale ayaa faragelin sameeyay ayagoo keenay gar gaar bi14

oo waardiyeyneysa sidda gargaarka

ni’aadamnimo oo lagu taakuleynayo shacabka ku dhaqan magaalooyinka Xudur iyo Waajid. Sikastaba, waxoogaa dhibaatooyin ah ayaa lala kulmay oo la xariira xiligii roobabka oo la joogay awgeed. Gawaarida duqoobay ee siday sahayda gargaarka ayay soo wajahday dhibaato dhinaca farsamada ah kaanboy diina waxay taagneyd magaalada Baydhabo xili ka dheer intii la rabay. Diyaarad ay leedahay Ethiopia ayaa dhowr jeer dal dashay sahayda si loo fududeeyo xaalada ilaa heer markii danbena kaanboydii waxay awood u yeelatay inay dhabaha dib cagta u saarto. 10kii bishii Juun, kaanboydii waday sahaydii bini’aadamnimo ee ugu baaxada weyneyd, ayaa bilowday inay u dhaqaaqdo magaalada Waajid ayadoo ka dhaqaaqday Baydhabo. Kaanboyda oo ka koobneyd 59 gawaarida xamuulka qaado ah, ayaa siday gar gaar bini’aadamnimo, qalab maamul oo uu lahaa maamulka maxaliga ah eee Xudur iyo sidoo kale gawaari ganacsi iyo kuwo milatari oo waardiyeynayeen kaanboyda. Sahaydii circa laga daldalay iyo tii lagu geeyay kaanboyda labadiiba waxay ku qaabileen shacabka ku dhaqan magaalooyinka Xudur

iyo Waajir farxad weyn, muujin run ah oo tuseysay isbaheysiga ka dhexeeyo AMISOM iyo shacabka Soomaaliyeed. Intii lagu guda jiray geedi socodkan, waxaa jiray iskaashi aad u dhow una dhexeeyay guutada Ethiopia ee AMISOM, mamulka dhulkaas, xoogaga nabadgelyada Soomaaliyeed iyo gudiga gargaarka bini’aadamnimada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugnaa meelihii uu howl galku ka socda. Kaalmada bini’aadamnimo ee AMISOM lana siinayo shacabka ku dhaqan dhulkaas waa ay sii socon doontaa ilaa ay xaaladu ka xasileyso dadkuna ay awood u helayaan inay helaan sahay ugana bislaato miraha ay ka soo goosteen beerahooda. Isagoo la hadlayay kooxdii waardiyeyneysay kaanboyda, taliyaha Aaga Sadexaad B ee AMISOM, Gen.Gebremedhin Fikadu ayuu hoosta ka xariiqay muhimada weyn ee ay kaanboydu u leedahay shacabka baahidu ay heyso, isagoo ku dhiiri geliyay inay mar walbo diktoonaadaan, u soo jeedaan jir ahaan iyo nafsaani ahaanba, ayagoo mar walbo maskaxda ku hayo khatarta ku foorarta mustaqbalkooda. July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID


kaanboyda Gaari ay ku rarantahay raashin sahay gargaar ah AMISOM-na ay ilaalineyso. Sawir qaade AMISOM / Sabir Olad

Qaar ka mid ah kooxihii waardiyeynaysay kaanboyda ayaa aaday magaalada Kurtum, oo 60 km u jirta Baydhabo, halka ay koox kale ka dhaqaaqday magaalada Waajid taaso geysay meeshii kama danbeysta aheyd. Ma dhicin wax weeraro ah oo waaweyn – hal qarax ayaa dhaawacay askari ayadoo qarax miino mida taangiyada loo dhigo ah oo gacanta lagu sameeyay ay si nabad ah u kala daadi-

yeen farsamayaqaanada la dagaalamo miinooyinka ee AMISOM. Ayadoo ay jireen caqabado badan oo lagala kulmay jidadka xun xun iyo dhibaatooyinka farsamo ee sida joogtada ah uga imaanayay gawaarida kaanboyda ee duqoobay, xoogagii wax waardiyeynayay waxay ku guuleysteen inay kaanboyda geeyaan meelihii lagu balan sanaa, ayadoo kaanboydu ay si nabad ah ku gaartay magaalooy-

inka Waajid unaga sii talowday Xudur. Kaanboydu si nabad ah ayay ku gaartay Xudur kadib 6 maal mood oo ay jidka sii heysay. Gar gaarku si deg deg ah ayaa loogu qeybin doonaa dadka ay halakeysay gaajada ee ku nool magaalada Xudur. Kani waa gar gaarkii bini’aadamnimo ee ugu horeeyay ee gaara gobolka ay cuna qabateeyeen Al-Shabaab laga soo bilaabo intii dibada looga ceyriyay magaalada. g

Dad rayid ah oo ag marayo nabad ilaaliye-yaasha AMISOM Gobolka Bay. Sawir Qaade AMISOM /Sabir Olad AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

15


Sida uu u arko Xoriyada

saxaafada Soomaaliya

I

sagoo ku soo koray qoys faqiir ah oo deganaa magaalada Muqdisho banaankeeda, 30 jir ah ayuu Xassan Cabdifatah ku riyoon jiray inuu suxufi noqdo. Markuu ahaa laba sano iyo bar jir, ayaa nasiib daro dameer uu haraantiyay isagoo aabihiis daba socdo ayna ku sii jeedeen beer taasoo qeyb ahaan ka dhigtay indhoole. Xassan oo wiil yar ahaa ayaa horay uga sii socday isagoo hal il ah ay u fiyowdahay markaasoo hadana ay dhacdo kale oo nasiib daro aheyd galaafatay ishii kale ee u soo hartay. Wuxuu si buuxdo ugu indha beelay markii wiil saaxiibkiis ah si kama’a ah ugu dhuftay isha mar banooni ay cayaarayeen. Wuxuu ku dhashay magaalada Marka ee Soomaaliya, qoyskiisu waxay u soo guureen magaalada Muqdisho hal sanad kadib, halkaasoo bilo yar uun kadib, uu aabihiis ku dhintay, markuu intii cabaar ah la lagdemayay cadur. “Qoysku waa uu sii darsaday,”taas ayuu xasuustaa. “Waan xasuustaa sanadihii xigay kuwo adag ayay u ahaayeen hooyaday oo u xoogsan jirtay walaala

nin indhoole ah

heyga lixda ah iyo aniga naf ahaanteyda, canug waxyaabo gaar ah u baahan, inuu shaqooyin aan caadi aheyn qabtana ay khasab ku tahay si uu u daboolo baahi jirta.” Midani waa sheekada Xassan Cabdifatah Axmed, oo ah suxufi, inkastoo uu indho la’yahay, kuna guuleystay inuu toosh ku ifiyo arrimo saameyn ku leh bulshadiisa. Xassan wuxuu ahaa laacib ka dhex muuqdo saxaafada Soomaaliya kow iyo tobankii sano ee u danbeysay, wax kastoo caqabad ah oo ay ku heysayba dhibaatada aragiisa, iyo xaalada qalafsan ee nabadgelyada Soomaaliya. Warbixinta sanadkan 2014 ee Xoriyada Saxaafada Aduunka ayna soo saareen Suxufiyiinta aan xuduuda laheyn ayaa ka geliyay dalkan booska 176 oo ka mid ah 180 dal oo ka mida dalalka soo kabsanayo ee warbixintan laga sameeyay dhinaca nabadgelyada suxufiyiinta. Xassan adkeysigiisa iyo jaceylka uu u qabo shaqadiisa, oo ay la jirto deganaantiisa, shakhsiyadiisa aan kibirka

aqoon ayaa ka dhigtay inuu naftiisa sumcad u sameeyo dhegeysteyaashiisa daacada ahna ay jeclaadaan. Xassan hada wuxuu u shaqeeyaa asagoo ah wartabiye, wararka akhriyo barnaamijyada wareysiyadana martigeliyo una shaqeeyo raadiyaha Goobjoog ee saldhigiisu yahay Muqdisho, oo hada u shaqeynayo mudo sadex sano ah. Maalinkii wuxuu shaqada soo gala 8.00 saac ee aroornimo wuxuuna ka baxaa 5.00 saac ee galabnimo, kadib markaasoo la arki karo isagoo shaaha kula cabayo saaxiibadiis makhaayadaha hortooda. Ma laha hiwaayado badan, oos leeyahay, sida ay waajib kaga dhigeyso indho la’aantiisa. Wuxuu leeyahay waxaan jeclaan lahaa inaan kubad cayaaro iyo cayaaro kale, laakiin wuxuu naftiisa la qabadsiiyay inuusan sameyn Karin wax kasta oos jecelyahay. Sikastaba midan kama joojin inuu nolashiisa si buuxdo ugu raaxeysto. Kadib marka uu nasto casarkii, Xassan wuxuu u yeertaa taxi ama mid ka mid ah saaxiibadiisa ayuu dhahaa xaafada igu tuur. Wuxuu leeyahay hal

Xassan Cabdi Fataax oo dib ugu eegayo wareysi lagaga qaaday taleefanka mobile-ka. Sawir qaade AMISOM/David Mutua 16

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID


Xassan Cabdi Fataax oo wareysi ka qaadayo Xildhibaan, Xusseen Carab Ciisse. Sawir qaade AMISOM /David Mutua

xaas iyo sadex caruur yar yar ah, kuwaas oos dhahay ayaga dartood ayaan u shaqeeyaa si aan daal laheyn, asagoon eegeynin caqabadaha jira kana imaanayo bii’ada uu ku shaqeynayo, isagoo rabo inay nolol wanaagsan ku noolaadaan. Noloshu mid fudud uma aheyn damaciisa suxufinimo. Wuxuu ka sheekeynayaa xiligii uu iskuulka dhiganaayay mar uuba ku dhawaaday inuu rajo beel ka noqdo inuu waligiiba heli doono nolol caadi ah. “Waxaan bartay ilaa dugsiga sare. Waan jeclaa inaan sii wado oo aan helo waxbarasho jaamacadeed, laakiin kama aanay jirin dalka hey’ad waxbarasho oo ka jawaabi kartay baahida dadka aniga ila midka ah. “Waxaan dhex fariisan jiray galaaska una dheg raaricin jiray waxa uu macalinku sharxayo. Mar marka qaar waxaa dhici jirtay inuu macalinku dhaho la kala baxa bogaas oo akhriya,” wuu dhoola cadeynayaa. “Waa arrin adag. Way iska cadahay inaanan sameyn Karin arrinkaas, , sidaas darteed ayaana isaga fadhin jiray. Marka uu yimaado xiliga imtixaanada, macalinku wuxuu idhihi jiray imtixaan ma sameyn kartid sababtoo ah indhoole ayaa tahay, sidaas darteedna wuxuu iigu qori jiray warqadeyda imtixaanka darajo iska yar. “Waxaan ashtako u gudbiyay maamulihii inaan xaq u leeyahay inaan u fariisto imtixaanka sida uu ugu fariisanayo arday kasta oo galaaska ila fadhiyo, aana wax wabarasho u dhex fadhiyay galaaska mudo dhowr bilood ah sida AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

dadka kaleba. Maamulihii waxba iima sameyn. Markii ay natiijadii soo baxday, waxaa la ii soo qoray inaan imtixaankiiba gelin oon ka habsaamay.” Xassan wuu nasiib badnaa markii loo soo badalay iskuul kale, kaasoo uu dhahay mar kaliya kuma aanan dhicin imtixaanadiisii. Iskuulkii cusbaa ee uu yimid, macalinka ayaa la fariisan jiray qol gooni ah siina jiray imtixaan afka ah. Horay ayuu u sii socday isagoo yadadiilo weyn ay gashay, ilaa uu uga badalay riyadiisii nolol dhab ah. “Sababta aan u doortay inaan suxufi noqdo waxaa weeye waan kala dhantaalnaa marka la i bar bar dhigo dadka kale. Waxaan ahaa ruux nugul saxaafaduna waa hey’ad awood badan leh. Waxaan la kulmay dad waxaana tagay meelo aanan waligey fursad u heleen inaan tago hadii aan ahaan lahaa ruux kale.” Mar la weydiiyay wixii waaya waaya ah ees usoo joogay ka suxufi ahaan, Xassan wuxuu hayaa sheekooyin badan oos ka sheekeeyo. Mar mararka ka mida tusaale ahaan, “aroortii ayaan toosay maalin wax walba ay caadi iska ahaayeen waxaana u baxay inaan shaqo ka soo qabto shir ka dhacayay mid ka mid ah hoteelada ku yaalo magaalada oo ay joogeen madax sar sare oo dowlada u shaqeeya. Markii aan tagay iridii, sugayayna in la i baaro si aan u galo, dad ayuun baa ka soo baxay meel aan la garaneyn bilaabayna inay xabad ooda kaqaadaan aan meelna loo kala dayeynin!

Ruux walbo wuxuu bilaabay inuu qeylo iyo carar isku daro. Ma aanan ordi karin sababtoo ah waxba ma aanan arkeynin. Meel kale oon aadana ma jirin. Dhulka ayaan isku tuuray waxaana bilaabay inaan garguurto, aniga oon garaneynba inaan ka durkayo khatartii iyo inaan ku socdo dhankeedii. Waxaase naxdintii iga fududeeyay markaan ku imid dhagaxaanta AMISOM ay jidadka agtiisa dhigeen si ay weerarada uga ilaaliyaan hotelada. Gadaashiisa ayaan ku dhuuntay, laakiin hadana wali, ma aanan garaneynin inay xabadu ka dhaceyso horteyda ama gadaasheyda. Waxaan maqlaayay oo dhan wuxuu un ahaa rasaas dhaceysa wadnahana wuxuu i yimid dhuunta.” Xassan sida uu qabo, wali waxaa jira wax yaabo badan oo ay tahay inay saxaafada Soomaaliya halgan u gasho si ay u hesho. Wuxuu rajo kaqabaa in la helo hey’ado heer xariif nimo gaaray oo tababara suxufiyiinta maxaliga ah. Wuxuu muujinayaa mushaaraadka ku yar suxufiyiinta iyo xaalada nabadgelyo ee liidato inay ka mid yihiin caqabadaha ugu daran ee heysto saxaafada. Wuxuu leeyahay baqdinta joogtada ah ee ka imaaneyso Al-Shabaab iyo maleeshiyaad sumcada xun ee kale ayaa khatar weyn ku ah nolosha dadka isaga la midka ah iyo shaqadoodaba. Sidaasoo ay tahayna, wuxuu rajo ka qabaa inay amuuruhu kasoo reyn doonaan markii ay sii socoto sii wanaag-sanaanta nabada dalka ee ay keeneen ciidamada dowlada taageeradana ka helaya AMISOM. g 17


Dawaarle dharka ku tolo suuqa Xamarweyne ee Muqdisho. Sawir qaade AMISOM/Stuart Price

I

n la helo wax isku xira dalka Soomaaliya iyo maalinta ganacsiga marka ugu horeysa wuxuu u muuqanayaa mid adag. Sikastaba, dadka Soomaaliyeed marka loo eego, dareenka ganacisgu wuxuu noqonayaa wax ay maalin walba ku dhexjiraan, gaar ahaan magaalada caasimada ee Muqdisho. Muqdisho waxay gacanta dowladda dib ugu soo laabatay bishii Agosto 2011 gacan ay ka geystay AMISOM awgeed. Illaa iyo markii ay Muqdisho dib ugu soo laabatay gacanta dowladda, waxaa furmay tiro badan oo ganacsi ah. Markii uu aduunku u dabaal degayay maalinta ganacsiga aduunka ee 16ka Abriil 2014, Muqdisho oo sanado badan aheyd tusaalaha burburka iyo fowdada, ayaa heshay sabab ay ku dareento inay qeyb ka tahay dabaal degaas. Maanta, magaaladu mar kale waxay noqotay rug ganacsi oo dhaq 18

Dareenka ganacsi ee

dhaqaaq fiican uu kajiro ayadoo dadka degan ay dib u bilaabeen inay dhisaan noloshooda kadib aragagax dheer oo ay ku hayeen Al-Shabaab. Arrin muhiim ah oo qeyb ka qaadaneysa dib u soo noolaanshaha magaalada ayaa ah soo noqoshada joogtada ah ee qurba joogtii Soomaaliyeed oo ka kala imaaneysa meel kasta oo aduunka ka mid ah. Marka aad maanta Muqdisho ku dhex lugeysid, sidaasna aad u milicsatid waxaad arkeysaa dhismeyaal socdo, timajareyaal shaqeysanayo, makhaayado, kuwo ubaxa ka shaqeysanayo iyo dhaq dhaqaaq ganacsi farabadan oo kale oo aad sida caadiga ah ku arkeysid magaalooyin Afrikaan ah. “Farqiga u dhexeeyo magaalada Bristol iyo Muqdisho wuu weyn yahay, marka laga fiiriyo dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshadaba. Hada, marka hoos loogu sii daadago suuqa

Muqdisho caqabado ayaa iska jira sababtoo ah raadkii uu kaga tagay dagaalka daba dheeraaday. Sikastaba, Bristol ayadana way leedahay caqabado, saacadihii shaqada ee aadka u dheeraa ayaa waxay iga dhigeen mid ay ku adag inaan waqti la qaato qoyskeyga iyo ilmaheyga; ayadoo Soomaaliya aanay sidaas aheyn, waxaana dareemaa lagdankii iyo waxyaabihii aan ku jiri jiray, ee aan la kulmi jiray kuwo aad u astaahila,” ayuu yiri Cabdulqaadir Cabdul, oo ah nin iska leh dukaan timaha lagu jaro waqti aan sii dheereyna ku noolaan jiray magaalada Bristol. Inkastoo xitaa ay Soomaaliya ku khasbantahay inay jid dheer marto si ay magaalo nabad buuxdo ku naalooneyso u noqoto, hadana waxaa jira faa’iidooyin badan iyo fursado hada diyaar ah oo in laga faa’iideysto ay haboon tahay. “Waxaan ku boorinayaa qurba joogJuly 2014 - AMISOM DIB-U EEGID


Mid ka mid ah dadka wadooyinka ku ganacsado oo suuqa Xamarweyne ee Muqdisho badeecadiisa ay u waran tahay. Sawir qaade AMISOM/Stuart Price

MUQDISHO ta inay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya oo hada fursado ay ka buuxaan. Warshadaha iyo dhinaca wax soosaarka ayaa hada sare u kacayo, ganacsiga dhaqdhaqaaqiisa ayaa sare u socdo. Si aan waligiis loo arag ayuu raqiis u yahay faa’iidana u leeyahay. Faa’iidooyin ayaa jira u baahan in la gurto kahor inta aan wax walbo la adkeynin,” ayay leedahay Ra’isulwasaare kuxigeenkii hore aheydna Wasiirka Arriamaha Dibada Soomaaliya, Marwo Fawsiya Yuusuf Haaji Adam. Warkii oo gaaban, waxaa laga yaabaa inay tahay xiligii ku haboonaa ee ganacsigaaga aad dhidibada u taagi laheyd. Soomaali badan oo dalalkii ay magan gelyada u joogeen ka soo tagayo dalkoodiina dib ugu soo laabanayo ayaa dareemay arrinkan gacantana ku dhigay fursadaha sida furan banaan oolka u ah dalkoodii hooyo dhexdiisa. Muqdisho hada waxay ka faa’iideysaneysaa ganacsiyada isku darka ah ee caafimaadka qabo ee ay isu keeneen dadka sanadihii xumaa dalka joogay iyo kuwa kasoo laabanayo qurbaha, dhamaana waxay soo bandhigeen waaya aragnimadooda ay kuwa kale la wadaagayaan iyo xirfadaha uu mid walbo kan kale ka baranayo, waana mabaa’diida ganacsiga. g AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

Dukaanle ku sugan suuqa Xamarweyne ee Muqdisho. Sawir qaade AMISOM/Stuart Price

Haweeney iyo gabar yar oo suuqa Xamarweyne ee Muqdisho wax ku gadanayo. Sawir qaade AMISOM /Stuart Price 19


Nabad-ilaaliyaha bisha:

Ninka la dhaho

Mr. Fix It ee AMISOM

kuna nool Baydhabo

W

aa kabatole, korontiiste, faryaamo. Wax kasta wuu dayactirayaa oo kaga soo hor baxo magaalada Baydhabo, ama si fudud waxaad ugu magacowdaa, Mr. wax walbo hagaajiye. La kulan Gerard Sindayihebura, nabad ilaaliye reer Burundi ah kana tirsan Aaga 3aad ee AMISOM, waa nin mow-hibo aad u balaaran leh. Mar kastood aragtid, wuxuu mashquul ku yahay wax uu sameynayo, wax buu dayactirayaa, hadii la weydiiyo sababtana, wuxuu leeyahay waxaan necbahay inaan shaqo la’aan iska fadhiyo, wuxuuna rabaa inuu waqtigiisa uga faa’iideyto sida ugu badan, isagoo ku dhex sameystay koox isaga jecel nabad-ilaaliye yaasha joogo Baydhbo dhexdooda, ninkan Gerard ah ee 39 jirka ah saldhig u ah wuxuu ka mid yahay nabad ilaaliyeyaasha. Xitaa marka uu hayo shaqo waardiye, Gerard wuxuu mashquul ku yahay hagaajinta kabaha googo’ay ama wuxuu ka sameynayaa dacasyo taayarada duqoobay ee aan si dhaqso ah u dhamaaneynin. Waxaa kale oos hagaajiyaa fadhiyada, gacana ka siiyaa askarta sidii ay u dhisan lahaayeen guryahooda kumeel gaarka ah wuxuu hagaajiyaa teendhooyinka dildilaacay iyo sidoo kale galalka mobilada kala jajabay. Fareemkii okiyaalihiisa oo ka jabay waxaa ugu xiran dun caag ah oo cagaaran oo isaga naf ahaantiisa uu hagaajistay, isagoo ku fara adeygayo wixii aragiisa kaalmeynayay laakiin hadana badbaadsanayo waxoogaa lacag ah oos ku soo 20

iibsan lahaa mid cusub. Gerard wuxuu leeyahay lagasoo bilaabo markuu yaraaba, dhaqan uu mar walbo wax uun ku sameeyo, isagoo is baray sidii uu u hagaajisan lahaa kabahiisa, hagaajin jiray fadhiga guriga, qalabka wax lagu cuno iyo wax yaabo kale oo guriga looga baahnaa, isagoo waayo aragnimo ka helay kana dhigtay wax caado u ah oos isticmaalo xiliyada uu firaaqada yahay. “Waan necbahay iska fadhi. Waana sababtaas mida aad mar walbo ii arkeysid anigoo ku mashquulsan kabo hagaajin ama hagaajinayo waxyaabo kale. Waxaan go’aansaday inaan saaxiibadeyda askarta ah saacido maxaa yeelay nolosha marka aad dalkaaga ka maqan tahay waa wax dhibadan waxaana jira waxyaabo badan oo askartu ay u baahan yihiin markaasna aan isku dayo inaan u hagaajiyo,” ayuu dhahay isagoo dhoola cadeynayo. Markii la keenay Soomaaliya bishii Abriil 2013, markaasoo aheyd markii ugu horeysay ees dalkiisa Burundi dibada uga baxo, wuxuu go’aansaday inuu horay u soo qaato irbadisii uu wax ku tolanayay taasoo bil kadib noqotay mid gacanba gacan u dhaafto. Wuxuu arkay sarkaal sare oo aan ku faraxsaneyn kabihiisii maqaarka ahaa oo ka kala go’ay maxaa yeelay wali wax la isticmaali karo ayay ahaayeen laakiin meeshi ay isaga imaanayeen ayaa kala baxday. Sarkaalku wuxuu rabay inuu iskaba tuuro kabahaas markaasoo Mr. wax walbo hagaajiye uu soo fara geliyay kabihiina u hagaajiyay.

Sindayihebura in action

Gerard hada wuxuu ka mid yahay dadka ay aadka ugu tiirsan yihiin askarta xerada AMISOM ee Baydhabo ku taalo. Sarkaalkii uu markii ugu horeeyay saaciday ayaa warkiisa ku faafiyay xerada, hadana ruux kasta oo rabo in wax loo hagaajiyo laga bilaabo kabo go’ay, baaldi biyaha daadinaya, kuraas kala daadatay ama wax kaleba wuxuu si fudud ugu keenayaa Mr. Fix It. “Mar ayaan baaskeel waxaan ka sameeyay biraha la iska nacay, tayuubyada caaga ah ee la iska tuuray iyo siligyada. Ugu horeytii dadku waxay iigu yeereen ninka waalaan markii ay i arkeen anigoo meelaha wareegayo oo soo aruursanayo biraha daxaleystay iyo caagaga kala googo’an. Laakiin markii aan dhameeyay baaskeel-keygii ruux kastaba wuxuu jeclaaday inuu kaxeeyo. Warkii baaskeelka ayaa si aan caadi aheyn u faafay ilaa ay dadkii igu cadaadiyaan inaan ka gado. Waan diidi kari waayay ugu danbeyntiina waxaan ku gaday $40,” ayuu yiri Gerard, isagoo ku mashquulsan kabo u sameynayo mid Burundiyanka nabad-ilaaleyaasha ka mid ah. Sarkaalka Warfaafinta guud u qaabilsan guutada Burundi sadex xidigle Anatole Ciza ayuu yiri dadka xirfadaha leh sida Gerard oo kale hadana waxtarka aadka awooda ugu sii leh ayaa ah kuwo muhiim u ah howl galka nabad ilaalinta ee Soomaaliya ka socdo ayagoo nolosha mid fudud uga dhiga walaalahooda ciidanka ah ee ku jira xaaladaha aan caadiga aheyn intaas oo mile-na ka soo fogaaJuly 2014 - AMISOM DIB-U EEGID


Mr Fix It Sindayihebura oo hagaajinayo teendho

day dalkoodii. “Waxaa maskaxdeyda ku soo dhaceysa hadii uusan nagu jirin kaba tole sida asagoo kale ama dad wax hagaajiyo, balaayo iyo baas ayey ahaan laheyd taasoo ka dhigi laheyd askarta inay waajibkooda dayacaan oo meelo kale ay ka raadiyaan wax kabaha u tolo. Waxaanu qirsanahay howsha muhiimka ah ees noo hayo waxaana rajeynayaan inaan si rasmi ah ugu mahad celiyo kuna dhiiri geliyo inuu sii wado hagaajinta wax yaabaha kala jajabay. Waa nin anaga aad muhiim nowgu ah,” ayuu yiri sadex xidigle Captain. g

Sindayihebura oo hagaajinayo teendho AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

21


CiidamadaAMISOM

ayaa Beeraleyda Baydhabo ka caawiya

dhinaca beeraha

Nabad ilaaliye-yaasha AMISOM oo miro ugu beerayo haweeney beerteeda ku taalo Baydhabo. Sawir qaade AMISOM /Maxamuud Xassan 22

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID


Nabad ilaaliye-yaasha AMISOM oo miro ugu beerayo nin beertiisa ku taalo Baydhabo. Sawir qaade AMISOM /Maxamuud Xassan

B

eerlayda oo intii muddo ahba quudareynayay roobkii soo raagay ayaa bilaabay hawlahooda beeraha kadib markii ay roobabkii bilowdeen. Beeraleyda ayaa ku yaacay hawlaha beeraha maadaama uu roobkii hooray. Hawlo isagu jira geedqaad, abuurid iyo falid ayaa lagula dhaqaaqay dhulbeereedkii. Diyaarinya dhulka oo runtii hawl adag ah ayaa waxa gacan mugleh ka geystay ciidamada AMISOM ee Ethiopia. Ciidamada AMISOM ayaa si iskaa-wax-u-qabso (mutawacnimo) beeraleyda garab ka siiyey diyaarinta dhulka sida abuuridda galleyda, masaggada iyo sisinta intaba. Isgarabsigan dhexmaray bulshada beeralayda iyo AMISOM ayaa waxaa soo agaasimay AMISOM qeybteeda xiriirka dadweynaha iyo militariga, si ay u xoojiyaan xiriirka shacabka iyo AMISOM. Nabad Ilaaliyeyaasha AMISOM ayaa sidoo kale biyo nadiif ah oo lacag la’aana siiyey shacabka degan nawaaxiga ku xeeran xarunta AMISOM. Duqowda iyo haweenka deegaanka ee ka faa’iideystay kaalmadan ayaa aad ugu farxay iyaga oo tibaaxay sida ay faa’iido weyn ugu leedahay, sheegayna haddii aysan AMISOM ahayn AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

inay ugu yaraan bil ku qaadan lahayd diyaarinta beeraha iyo abuurkoodaba. GebrahawariFitiwi oo ah sarkaal AMISOM ugu qaabilsan dhinaca xiriirka shacabka iyo militariga ayaa sheegay in AMISOM ay ka go’an tahay taageeridda xubnaha dadweynaha si kor loogu qaado niyadda dadka isla markaana loo dhiirrageliyo wax soosaarka deegaanka. Maadaama lajoogo xilli-roobaadka deegaanada, AMISOM ayaa gargaareysa dadka taagta daran sida curyaamiinta, dadka da’da ah iyo haweenkuba si ay u beertaan dhulkooda. Way naga go’antahay ka qeybqaadashada hawlaha bulshada. Isbadallo wax ku ool ah ayaa soo ifbaxaya durba maxaa yeelay amaankii ayaa kasoo raynaya ee AMISOM wax ka qabatay. Ka ciidan Nabad Ilaalin ahaan waxaa inoo qorsheysan inaynu sii wadno hawlaha noocan oo kale ah ee bulshada la isku garab taagayo isla markaana lagu hergelinayo mashruucyo taabogal ah oo natiijo dhaw laga gaari karo mustaqbalka” ayuu yiri GebrahawariFitiwi Baydhabo waa Magaalo madaxda gobolka Baay oo Muqdisho u jirta 240km galbeedka waxayna hodan ku tahay dhinaca beeraha. Watigii

nabadda gobolka Baay waxa uu ahaa isha ugu weyn ee ay masagadu ka quudato Soomaaliya. Gobolka waxa uu caan ku ahaa deegaan qabow oo daaq iyo caanoba leh taasoo lagu naaneeso Baydhaba-jannaay. Iyada oo ay ugu wacantahay amaandarro iyo abaaro soo noqnoqday ayaa sanadihii tagay dadka reer Bay waxay la kulmeen wax soosaar yari ay usii dheereyd canshuur naxariis darro ah iyo cagajugleyn ay kala kulmayeen kooxda Alshabaab taasoo sababtay inay beeraleyda ka qaxaan deegaanadooda islamarkaana ay ku biiraan dadka ku jira xeryaha barakacayaasha. “ Aniga iyo carruurteyda waxay nagu qaadan lahayd 3 bil ugu yaraan inaan geedqaadno beerteyda iyo waliba bil kale oo abuurid ah haddii aysan AMISOM na garabgelin, waana ku faraxanahay taageerada AMISOM na siisay ee diyaarinta beerta” ayay tiri Sontay Maxamed oo 40 sano jir ah. Beeraley kale oo la yiraahdo Geddi Cabdi, 60 jir ah ayaa ashqaraar iyo farxad darteed cabbiri waayey hadalkiisa, isaga oo yiri “ Xoogagga AMISOM runtii way na sharfeen, farxadna way nagu beereen, runtii way na caawiyeen manta waxaana ka rajeynaynaa inay sii wadaan gargaarka”. g 23


AMISOMoo ku

wareejisay maamulka

MUQDISHO CEELAL BIYO

24

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID


E

Gudoomiyaha Degmada Xamarjajab oo la wareegayo ceel ay ku deeqday AMISOM munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones Sarkaal ka tirsan maamulka magaalada Muqdisho oo dhadhaminayo biyaha ceel cusub oo ay ku deeqday Ergada Midowga Afrika. Sawir qaade AMISOM/ Tobin Jones

AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

rgada Midowga Afrika ka joogto Soomaaliya (AMISOM), qeybteeda bini’aadamnimada, ayaa mar dhaweyd ku wareejisay afar ceel oo biyo maamulka gobolka Banaadir. Ceelasha, oo ku kala yaalaan Xamarweyne, Dharkenley, Wadajir Xamaarjajab, ayaa waxaa ka faa’iideysan doono qoysas dhan 260,000. Ceelasha qodidooda iyo hagaajintooda waxaa maal galisay Dowladda Sweden, oo gacan ay siineysay AMISOM fulintana waxaa iska laheyd hey’ad maxali ah oo la yiraahdo HADAF Humanitarian Relief Organization. Isagoo ka hadlayay xafladii wareejinta wakiilna ka ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ugu Qaabilsan Soomaaliya Danjire Mahamat Saleh Annadif, ayuu Sarkaalka Siyaasada ugu qaabilsan AMISOM James Gadin yiri deeqdadu waxay kor u qaadi doontaa heerka nololeed ee shacabka ayadoo ay ka heli doonaan adeeg bulsho oo aasaasi ah. Dadka degan degmooyinka Muqdisho waxay heli doonaan biyo fiican oo nadiif ah labaatan sano oo dagaal sokeeye uu dalka ka socday magaaladana kaga tagay burbur xun kana dhigay mid aan laheyd adeegyadii aasaasiga ahaa iyo kaabeyaashiiba. Burburintii meelihii biyaha laga helijiray iyo kaabayaashii muhiimka ahaa waxaa ka dhshay inuu dadka ka dhex dilaaco shuban xun, arrinkaasoo AMISOM ay wax ka qabatay. Sarkaal sare oo isku xira bini’aadmnimada,lana dhaho Cabdul Diagabate ayaa yiri mashruucu wuxuu si weyn u saacidi doonaa wanaagsanaanta caafimaadka ruuxa shakhsi ahaantiisa iyo sidoo kale midka bulshada guud, waalidiintana wuxuu awood u siindoonaa inay waqti dheeraad ah helaan oo ay kaga shaqeeyaan baahida qoysaskooda. Wuxuu yiri caafimaadka liita ee ka dhashay isticmaalka biyaha xun waxay si weyn u saameeyeen ilmihii iskuulada dhiganayay kuwaasoo wax soosaarkoodii uu hoos u dhacay sababo la xariira caafimaad daridaas. Tani waxaa kaloo ay saameysay dhaq dhaqaaqii ganacsiga ee magaalada. Qiimaha sare eek u baxayo daryeelka caafimaadka waxay six un u saameyneysaa heerarka nolosha ee shacabka sidaas darteed ceelashan biyaha waxaa looga golahaa in lagu wanaajiyo caafimaadka ruuxa kali ahaantiisa iyo sidoo kale midka guud. Biyo nadiif ah oo dadku ay wada helaan waxaa laga yaabaa inay faa’iido u leedahay haweena ku nool meelaha ceelasha laga qoday, oo ah ruuxa sida aadka ah ugu sii baahaan si ay u fushadaan howl maal meedkooda una daryeelaan qoysaskooda. Mr. Diabagate wuxuu ku daray in mashruuca biyahani uu abuuray shaqooyin xiligoodu gaaban yahay oo loo baahnaa wuxuuna sare u qaaday awooda Soomaalida si ay maareeyaan mashariicda dib u dhiska mustaqbalka ee baaxadoodu ay weyntahaay. Sii hayaha Duqa Magaalada Muqdisho Ismaacil Macalim Cabdi ayaa uga mahadceliyay AMISOM Dowladda Sweden taageeradooda joogtada ah ee shacabka Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin iyo dowladoodaba, isagoo yiri ceelashan biyaha waxay noqon doonaan gargaar bini’aadamnimo oo aasaasi ah oo la siiyay shacabka Soomaaliyeed kana fududeyn doono baahida dhinacaas ah. AMISOM waxay dib u dayac tirtay hagaajisayna ceelashan, ayadoo isla mar ahaantaas ku rakibtay wax biyaha nadiifiya, matooro biyaha soo saaro, tuubooyinkii biyaha soo qaadi lahaa qeybina lahaa, hagaajisay meelihii ay biyaha haraadiga ah ka bixi lahaayeen, meeshii ay biyaha ka burqan lahaayeen iyo haamihii biyaha keydin lahaa intaba, taasoo qeyb ka ah dadaal lagu doonayo siinya shacabka Soomaaliyeed kaalmo bini’aadamnimo oo wax tar u leh. g 25


Lance Corporal Muhondo oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Uganda, qeybta darawalada ee heerka ah. Sawir qaade AMISOM/David Mutua

ZABINA MUHONDO Jabinta khuraafaadka

darawal gaari gaashaaman oo jiida dagaalka joogo

Z

abina Muhondo oo ah gabar 25 jir ah ma ahan gabar sahlan. Waxa lagu dhalay dagmada Gulu, waqooyiga Uganda. Zabina waxay ka tirsantahay ciidamada AMISOM ee taagan jiida hore ayadoo wado gaari gaashaaman. Howlgalinteeda waxay uga warheshay si caadi ah. “Subax subxaha ka mid ah aya waxan arkay wareegto ku qoran boorka ogeysiisyada ee xafiiskeena, kaasoo qeexayay inan aado xerada ciimadama militariga ee Singo si la ii siiyo tababar ka horeeyo howlgalinta” aya Zabina tiri, iyadoo ku dartay hadalkeeda “Aad ayan ugu farxay inan khibradeyda aan kazoo qaatay Ugadan usoo gudbiyo Somalia oo ah dal xaalad adag ku jiro. Waan xaqiiqsana inan inan howsha si wacan u qaban karo.” 26

Inkastoo ay ku faraxday warka howlgalinteeda, isla marka hadana waxay aad uga xumayd inay Uganda uga soo tagayso halkeeda canug iyo saygeeda. “Waxan bilaabay inan ka walwalo howlgalinteyda, ka maqnaanshaha ahalkayga mudo dheer, hase ahaatee waxan nafteyda u sheegay in marka waajib qaran imaado inay tahay in laga jawaabo, reerkaygana way ila fahmeen arintaas.” Zabina waxay qeexaysa in dabacsanaanta ay ka mid tahay waxyaabaha inu sargaalka militariga ah barto ama la qabsado at tahay. “Ma aha wax fudud dhulkaada ka maqantahay, iyadoo aadan huban inad nolol kusoo laaban, hase ahaatee markaad dareento in howlgalkaada uu wax badali nolosha ruux kale, si wanaagsan ayad

dareemi.” Qowskeeda aad ayay u taageereen, qaboojintooda waxay ku dhalisay inay dareento xasilooni ku aadan howlgalinteeda. Inta aysan soo aadin Somalia, Zabina waxay ahayd darawal tabaran oo ka wado taangiyada, kana howl galo Gulu, waqooyiga Uganda. Balse mudadaas waxay ahayd ruux u howl galaya si caadi ah, maadaama khibradeeda aysan ahayn mid loo baahna, sababtoy tahay Uganda ma ahayn dal ku jiro dagaal. Zabina waxay aaminsatahay in wax walbo oo raga uu qaba karo, dumarkana ay si ka wanaagsan u qaban karaan iyadoo arintan si dagan u qeexaysa iyadoo walibana aan wax la gabaneynin ayay tiri: “Tababarka militariga mid adag ayu u noqon kara gabarta”, “Ma filaneynin inu ii noqdo mid fudud July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID


Lance Corporal Muhondo oo dhageysaneysa amarada taliyeheeda qeybta saraakiisha taagiyada. Sawir qaade AMISOM/David Mutua

Lance Corporal Muhondo oo dhoola tusk u sameyneysa taangigeeda. Sawir qaade AMISOM Photo/David Mutua

iyadoo raga ay yihiin kuwa u badan ciiidamada. Waan oga inay tahay inan 3 jibaar dadaalo si aan u cadeeyo inan howshan ciidameed qaban karo.” Zabina waxay lu kulanta dad badan oo la tacajabo inay haweenay u wadi karto gaari gaashaaman, khaasatan jiida hore ee Somalia. Zabina waxay tiri: “balse waxan dadkaas u sheega in kaliya loo baahanyahay go’aan iyo daaal oo kaliya.” Iyadoo sii wadata waxay tiri: “haweenka wa dad aad u quwad badan, hadii loogu daro daacadnimadooda, natiijada waxa ay qabtaan mid su’aal gali karto ma aha.” Jadwalkeeda joogtada waxa ka mid ah inay aroor hore usoo kacdo tababar adag sida dhigeeda ciidameed. Kadib waxay qiimeysa xaalada taangiga ay wado, iyadoo hubsato in wax walbo AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

Lance Corporal Muhondo oo la jirta saaxiibadeeda nabad ilaaliye yaasha AMISOM taangigoodiina saaran. Sawir qaade AMISOM/David Mutua

fiicanyihiin iyadoo isu diyaarinayso dhaqdhaqaaqa maalintaas. Waxay tiri: “Iyadoo la eegayo sida aan u bartay taangigayga, xata hadii aad isoo kiciso hurdada dhexdeeda, waxan u wadi kara si fudud.” Waxay ku dartay in askariga howlgalkiisa uu yahay mid 24 saac ah maalintii, maalin walbo. “Waajibka wa mid taagan marwalbo. Hadii xata dhib yar dhoco saqda dhexe, wa inad toosta, labisata, heeganna gasha ileen waxwalbo aya dhici karee.” Markay joogto Somalia, Zabina sidoo kale waxay hesha waqti ku filan oo ay qabsato howlo gaar ah iyo nasiino. “Waxan dawana TVga, mararka qaar waxan helna waqti aan ku daawano filimao galbihii, waxana sidoo kale telefonadanada ka dhagaysana muusig badan”.

Zabina waxay isku dayda inay marwalbo la xiriirto ahalkeedii ay uga soo tagtay Ugadan. “Markaan helo lacag aan ku woco, ugu yaraan 3dii bariba mar ayan waca. Mararka qaar, usbuucii mar ama labadii usbuucba mar. waxa kaliya ee ay u baahanyihiin qowskayga wa inay maqlaan codkayga, ogaadaanna inan nabad qabo, wa intaas inta ay u baahanyihiin.” Joogitaankeeda Somalia is badal badan ayu ku abuuray, waxayna rajeynaysa inay noqoto qof kasii fiican keedii hore markay dhamayso howlgalkeeda. “Wax walbo oon bartay iyo waxlwabo oon baranayo, waxan ula laaban dona dalkayga anigoo cilmigaasna gaarsiin doono dad kale. Khibrada aan halkan ka helay lama qiimeyn karo, waxan aan khibradaas la simo ma garanayo”. g 27


Muuqaal dhanka circa ah oo xeebta dheer ee Kismayo. Sawir qaade AMISOM/Stuart Price

Muuqaalka bo horee xeebta

EE QURUXDA Muuqaal dhanka circa ah oo xeebta dheer ee Kismayo. Sawir qaade AMISOM/Stuart Price 28

July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID


H

ooska jiida a Kismaayo

BADAN AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

adii dalal kale ay ahaan lahayd, xeebta Kismayo waxa ku ooli laha hotel dalxiiseed 5 xidigla ah oo laga helo malaayiin dollar, balse sharci darrada daba dheeraatay ee Somalia ka jirto aawigeed, xeebtan soo jiidasha leh ee quruxda badan waxa maanta loo isticmala xarun ciidamada AMISOM ee joogo jiida hore ee Kismayo, iyadoo ay wada maamulaan Ciidamada Xoogga Kenya iyo askarta Sierra Leaone. Ciidamada Kenya oo kaashanaya kuwa Jubaland aya Kismayo ka qabsaday Shabaabka bishii September 2012, kuwaasoo ku milmay tuulooyinka ku teedsan agagaarka magaalo dakadeedka Kismayo. Kadib qabshadaas, magaalada Kismayo waxay si tartiib leh kusii talaabsanaysa hormar iyadoo gargaarka banii aadamnimana uu soo galayo, dadkii horaan u daganana ay soo laabanayaan si ay dib ugu dhistaan guryahoodii iyo ganacsigoodii burburay. Dadka dagaanka ah iyo ciidamada AMISOM waxay marwalbo ka hadlaan quruxda Kismayo iyo awoodeeda nacfiyeed eek u jirto. “Ma garanayo waxa keenaya inay Soomaalida dagaalamaan. Dhamaan hadaan kaluumeysi ka bilowno badan weyn, waxan helayna cunto nagu filan, iyo ziyaado la gado oo lacag laga helo. Galabtiina, waxan u baahanahay oo kaliya inan iska nasano, oon ku raaxaysano quruxda dalkeena. Dadka Kismayo Janno ayay ku jiri lahaayeen hadaan nabad haysan lahayn sababtoy tahay waxay leedahay xeebo aad u quruxsan, qudaar iyo cunno fareesh ah, waxa inta ka daran, caano badan,” waxa sida ku calaacalay Abdullahi Abdi oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo kazoo laabtay Australia. Meel ka go’an jidka mashquulka ah ee Kismayo oo ah jidka soo aado Muqdisho, waxa ku yaalo meel taag ah oo quruxsan, kuna teedsan yihiin geedo iyo buuro. Qeyb ka mid ah ciidamada AMISOM oo ka kooban askarta Kenya iyo Sierra Leone aya dagan meeshaas si ay uga ilaaliyaan magaalada Kismayo xagjirka Shabaabka oo iyagu isku dayo inay wax yeeleeyaan nabada iyo daganaanshaha, balse marwalbo wa la ceyriya. Saldhiga AMISOM ee halkaas ku yaalo wuxu leeyahay labo xarun oo wacan, hadana kala soocan. Xarunta ku taalo dhanka midig oo ah mida ay joogaan ciidama Sierra Leone waxay ku taala aasaaska hoose ee silsilado buuro ah oo ku wajahan Kismayo. Meeshan meel ka hooseyso oo ah xeeb bacaadeed indhaha qabtaan wa meesha ay daganyihiin ciidamada Kenya oo iyagu magaalada ka

ilaaliyo weerar ka imaado dhanka xeebta waqooyiga. Eeriyadan waxa daboolay bacaad iyo carsaanyo garguuraneyso, oo hirka bado marwalbo kusoo dhufto. Dhismayaal ciidameed daboolan oo ka samaysan baagag cagaaran oo carro ah iyo teendhooyin cagaar ah aya ku teedsan jiida hore ee xeebta, taas oo ku wajahan magaalada Kismayo Kadib markii ay ciidamada AMISOM bilaabeen inay si tartiib ah u sugaan amaanka, xeebtii awal hore ay ku raaxaysan jireen saraakiisha sarsare ee Al Shaba boo kaliya wa mid ah nabad ah, una furan dadwaynaha, kuwaas oo ku ciyaara, kuna orotomo xeebta. “Ma u jeeda buurtaas yar? Gadaasheeda ayay mararka qaar Shabaabka inta imaadaan ay si hadaf la’aan noo soo xabadeeyaan. Balse isla markaasba waan u jawabna, kadibna waxay ku milmaan duurka. Shabaabka ma laha awood ay kusoo qaadaan dagaal rasmi ah. Intay imaadaan ayay nasoo xabadeeyaan, kadibna cararaan sidii iyagoo yeerin hayo magacyo mudaysan,” waxa sida sheegay Sarreeye Maurice Otieno oo ah sarkaal maamulka qaabilsan oo ka tirsan qeybta labaad ee ciidamada qalabeysan ee dhulka. “Waxa farxad ii ah inan dalkayga ku matalo howlgalkan nabadeynta ee wanaagsan ee ciidama AMISOM. Waxa naga go’an inan Somalia ka caawino inay hesho nabad waarto maxa yeelay dalkani wad al aad u quruxsan, wuxuna noqon dona quwad dhawaale hadii nabad la helo,” waxa sida yiri Laba alifle Omar Ali Said oo isagu I marti galiyay aniga iyo sedex sarkaal oo Kenyan ah, kuwaas oo dhamaan wadaago dhismo gacameed ciidamada leeyihiin oo ku taalo jiida hore oo u dhow xeebta. Korneyl Hassan Chala, oo ah abaanduulaha qeybta ciidamada AMISOM Kenya eek u sugan xeebta wuxu aaminsayahay waqti kadib, in Somalia ay kasoo kabsan doonto burburka, qaadan doontana booskeeda ay ku leedahay beesha caalamka. “Markaad la hadasho dadka maxaliga ah, badankooda waxay kuu sheegi inay ka daaleen dagaal. Koox yar oo dagaalada faa’iido ugu jirto sida Shabaabka aya rabo in xaalada dagaal sii socoto danahooga gaarka awgeed. Mar alla markii aan Shabaabka ka saarno Jilib iyo Baraawe oo ay u carareen, waxan huba in dadka joogo halkan ay dabaal dagi doonaan, talaabadii ugu danbeysay ee kasoo kabsigana ay bilaaban doonyo,” abaanduulaha aya sida yiri isagoo is hubo. g 29


AMISOM

Bandhig Booliska AMISOM uu sameeyay kana dhacay Xarunta Booliska General Kahiye ee Muqdisho. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones

AMISOM Ciidanka oo Booliska tababareysa Soomaaliyeed

Saraakiisha Booliska Soomaaliyeed oo ka qeyb galayo tababarka ka socdo Xarunta Booliska General Kahiye. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones

Howl tababar oo ka socdo Xarunta Booliska General Kahiye fulinteedana ay leeyihiin Booliska AMISOM. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones 30

waxay sii wadaa tababarka aadka ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayadoo oofineysa waajibkeeda ay ku dhiseyso awooda hey’adaha Soomaaliyeed si ay ugu danmbeysta ula wareegaan waajibka damaanad qaadka ilaalinta sharciga iyo kala danbeynta dalka. Qeybta Booliska AMISOM ayaa mar aan sii fogeyn ugu soo gabagbeysay tababar 100 xibnood oo ka mid ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Xarunka Booliska General Kahiye ee Muqdisho. Tababarka qaatay halka todobaad waxaa looga golahaa in saraakiisha lagu qalabeeyo aqoon ay ku dabagalaan waxna uga qabtaan khatar kasta oo dhanka nabadgelyada kasoo foolyeelato Soomaaliya daafaheeda. 100ka tababarteyaasha ah oo ka koobnaa dumar iyo rag saraakiil boolis ah ayaa qaatay tababar ku aadan hareereynta iyo raadinta, xirida iyo gacanta bir kaga jabinta, roondeynta ku raadinta mootooyinka, iyo sidoo kale wareysiga. Waxaa kale oo ay qaateen qaabka bulsha loo maamulo, ilaalinta sharciga iyo kala danbeynta, sida loo xaliyo dagaalada maxaliga ah iyo sida loo maamulo cadowtinimada ka dhex kacdo dadweynaha guud. “Tababarteyaashu hada waajibaad ayay la fulinayeen hada Qeybata Booliska ee la askumay, aadida roondooyinka maalinlaha ah waxaana korjoog nimo wax lagu barayo lasiiyay intii mudo ah. Sikastaba waxaanala qumanaatay inaan siino koorso ah mida ay qaataan dadka cusub kuna aadan arrimaha qaakood ee ka jira ergada dhexdeeda xiligan,” ayuu yiri Dr. Benjamin Agordzo, Isku duwaha Tababarada Booliska AMISOM Tababarteyaashu waxay dheheen kooraskan cusub wuxuu yimid xiligii ku haboonaa mar ay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ee ay taageereyso AMISOM, ay sameyneyso koox amaanka qaabilsan oo xoojiso nabadgelyada inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Tababarka la qaatay wuxuu gacan ka geysan doonaa buuxinta baahi weyn oo ka jirtay awoodaha uu leeyahay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kadib sanado dagaal sokeeye iyo dagaalo hub la isu adeegsaday, isla mar ahaantaasna uu xoojiyo awooda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay u leeyihiin in meel mariyaan sharciga dowladda ilaaliyaana umada ay u adeegayaan. Kormeeraha tababarada AMISOM David Olama, ayaa qeexay kalsoonida uu ku qabo in tababarku uu mira dhal noqon doono ayadoo ay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed sii wadeen wanaajinta xirfadahooda iyo aqoontooda. “Markaan dhameystirno tababarka, banaanka ayaan u raaci doonaa tababarteyaasha si loo sameeyo howlo toos loo qabanayo sida roondooyinka loona fiiriyo siday u dhaqan gelinayaan xirfadihii la baray. Hadii ay noo soo baxaan wax dulduleelo ah, dib ayaan u soo celin doonaa si aan u siino tababar dheeraad ah oo cusub,” ayuu yiri Benjamin Agordzo Iskuduwaha tababarada Booliska AMISOM. g July 2014 - AMISOM DIB-U EEGID


Sarkaal Booliska Soomaaliyeed ka tirsan oo tababar kaga jira Xarunta Booliska General Kahiye. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones

Saraakiisha Booliska Soomaaliyeed ee Dumarka ah oo tababar kaga jira Xarunta Booliska General Kahiye ee Muqdisho. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones AMISOM DIB-U EEGID - July 2014

31


Haween Soomaaliyeed oo buraan-burayo heesana qaadayo mar ay xilwareejinta ceelal biyo socotay oo ay ku deeqday AMISOM. Sawir qaade AMISOM/Tobin Jones


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.