AMISOM Magazine - Issue 20 | Soomaaliya oo ku Kulmaysa Waabari Cusub

Page 1

www.amisom-au.org |

Caddadka 20-aad | Sebtembar – Maarso 2017

SOOMAALIYA

oo ku Kulmaysa Waabari Cusub JOORNAALKA AMISOM

1


Dhambaal ka yimid

SRCC

Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Uqaabilsan Soomaaliya (SRCC), Danjire Francisco Caetano Madeira

I

yada oo ay jireen caqabado fara badan oo aad u waaweyn, haddana Soomaaliya guul weyn ayay ka soo hoysay doorashada dhowaan lasoo gabagabeeyay. Soomaalida si geesinimo leh ayay u wajaheen caqabadahani waxaa ayna ka guul gaareen doorashada, kaddib geeddisocod doorasho oo aad u adkaa. Inkastoo ay sanadkani suurtogelin doorasho qof iyo cod, waxaa la dhisay aasaas, Soomaaliyana waxaa ay haatan cagta saartay waddadii ay sanadka 2020 ku gaari lahayd doorasho heer caalami ah. Ka madaxa AMISOM, waxaa aan u hambalyeynayaa Madaxweynaha iyo dhammaan shacabka Soomaaliya guushani ay gaareen. Waxaa aan uga mahadcelinayaa hoggaanka dalka dadaalka ay sameeyeen. Doorashadan madaxweynenimada ee guusha ku dhammaatay waxaa ay bishaaro waa cusub u tahay dalkani muddada dheer la daala dhacaayey sasillooni darro, dagaalo sokeeye, abaaro ba’an, burcadnimo iyo xagjir iyo argagixiso. AMISOM waxaa ay si dhow kala shaqeysay Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya ilaalinta ammaanka hannaanka doorashada. AMISOM waxaa ay ku faaneysaa wadashaqeyntani dhow iyo guusha la gaaray. Waxaa horteenna ah waddo aad u dhib badan iyo howl aad u culus. Hasee ahaatee, kalsoonida iyo hanka ummadda Soomaaliyeed iyo madaxdooda ay ku doonayaan in ay meel mariyaan ballanqaadyadii la sameeyay xilliga doorashada ayaa aad u weyn. Wax yar oo shaki ah kama qabo in Soomaaliya ay dhibta ka bixi doonto, ayna guuleysanayso. Madaxda waxaa ay haatan haystaan fursad muhiim ah oo ay uga wada shaqeeyaan dhisidda iskaashi adag ee u dhaxeysa shacabka iyo dowladdooda. 2

JOORNAALKA AMISOM

AMISOM waxaa weli ka go’an in ay si habsami leh ula shaqeyso dalka iyo dadka Soomaalida si loo helo nabad waarta iyo xasillooni buuxda. AMISOM waxaa ay sanadkani xusaysaa sanad-guuradeedii 10-naad oo ay Somaaliya joogtay. Markii la is barbardhigo horumarka la gaaray haatan, iyo xaaladda sida ay ahayd markii ugu horreysay ee AMISOM ay Muqdisho soo gashay, waxaa weeye sadar muuqdo su’aal ka dhan. Horumarka dhanka ganacsiga, caafimaadka, dhismooyinka iyo waxbarashada ayaa ka mid ah guulaha la gaaray. Inkastoo ay jireen dad dhinaca xun wax ka eegayey, qofka Soomaaliga ee caadiga ah wuxuu maanta ka faa’ideysanaya miraha nabadda iyo xasilloonida jirta. Dabcan gebi ahaan looma wada sifeyn maleeshiyaadka, balse waa aad loo wiiqay awooddooda, aadna loo xakameeyay howlgallada ay wadeen. Maadama dalka uu yeeshay dowlad cusub, waxyaabaha anaga iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya aan mudnaanta siinaay waxaa ka mid ah xoojinta dagaallada ka dhanka ah argagixisada, khaas ahaan deegaannada baaxadda leh oo ay ku dhuumaaleystaan. Waxaa inoo diyaarsan qorshe wax ku ool ah. Waxaa aan si dhow ah ula shaqeyn doonnaa ciidamada ammaanka ee ee soomaaliyeed, mana fadhiisayneyno ilaa aan si weyn u wiiqno argagixisada, aana ku guuleysano dagaalka ka dhanka ah argagixisaa Soomaaliya. Midowga Afrika waxaa uu aaminsan yahay in waxqabad kasto oo ay AMISOM la timaaddo, aanan nabad iyo xasillooni waarta laga helaynin Soomaaliya, ilaa iyo markii la helo ciidamada ammanka Soomaaliyeed oo tayeysan, qalabeysan, tababar fiican haysta, oo diyaar u ah howshooda.

Sidaas daraadeed, waxaa aan sii wadeynaa ol’oloha aan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ugu raadineyno taageero ku filan oo aan ku koobnayn kaliya howlgallada ay si wadajir ah haatan ama mustaqbalkaba ay la sameynayaan AMISOM, balse, guud ahaan dhisidda iyo tayeynta laamaha ammaanka ee Soomaaliya. Sidaas darteed, waxaa aanu ku sii adkeysaneynaa in loo baahan yahay asxaab ka gacan geysta laamaha ammaanka ee Soomaaliya. Iyada oo lagu wado in sanadka 2018 la dhimo ciidamada militariga ee AMISOM, Ciidamada Booliska AMISOM kaalin lixaad leh ayay ka ciyaareen xoojinta qaab dhismeedka boolista ee dhamman waddanka waxaa ayna si firfircoon ay ka qaybqaadaneysaa tababarka ciidamada booliska si ay u ilaaliyaan sharciga iyo kala dambeynta Waxaa aan sii wadi doonnaa in aan dowladda iyo maamulada dalka iyo asxaabta caalamka aan kala shaqeyno horumarinta xal dhinac kasto taabaneysa oo ku aaddan nabadgelyada kaas oo ku saleysan arrimo dhinacyada oo dhan dan u ah, sida, sal ballaarsiga dowladda iyo joogisteeda dhammaan dalka, hay’ado dowli ah oo shaqeynaya dowladnimo ku saleysan dimuqraaddi, gaarsiinta gargaarka bini’aadinimo iyo waxyaabaha muhiimka dadka u baahan, iyo bixinta adeegyada sida caafimaadka, waxbarashada, dhisidda waddooyinka, abuurista shaqooyinka, caddaaladda, sharciga iyo kala dambeynta, iyo ka hortagga iyo wax ka qabadka waxyaabaha keeni kara xagjirnimada taas oo qofka u sii horseedda argagixisanimo. Waxaa aan u rajeynayaa dhammaan shacabka Soomaaliya in dowladdan xilka haysa 2017 ilaa iyo 2020 ay u noqoto mid hufan oo wanaagsan. Akhrin xiiso leh!


Jadwalka

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmajo (dhexda) oo khudbad soo jeediyay kaddib markii la dhaariyay, Febraayo 8, 2017 ee magaalada Muqdisho. Doorashada madaxweynaha waxaa lagu soo afjaray geeddi-socod doorasho ee bilowday Oktoobay, 2016.

2

Dhambaal ka yimid Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

4

Wararka

8

Soomaaliya waa cusub ayaa u dhalatay

10

Muuqaallada doorashada Soomaaliya

13

Dib u milicsiga doorashada Soomaaliya – Danjire Francisco Madeira

14

Madaxwayne Farmaajo oo ay ka go’antahay in uu AMISOM kala shaqeeyo la dagaalanka argagaxisada

15

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo booqashadiisa koowaad ee rasmiga ah ku tagay Soomaaliya

16

Wafdiga Golaha Nabadda iyo Amniga oo xaqiiq-raadin u tagay Soomaaliya

17

Waa aynu taageeri doonnaa Soomaaliya – Deeqbixiyaasha

18

Midowga Yurub oo xoojisay taageerrada Soomaaliya

19

Wareysi lala yeeshay Marwo Veronique Lorenzo, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

20

Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo tababar ku saabsan dagaalka magaalooyinka bartay

21

Warbixinta AMISOM oo kooban

24

Wabiga Shabelle, oo dhib iyo dheefba leh

25

Ka Hortagga Macluusha Soomaaliya

26

Sharfidda Haweenka ka tirsan Nabad-ilaalinta

28

Sare-marinta Sharciga iyo kala Dambeynta

31

Barnaamijka Nabadda ee AMISOM ee Xallinta Khilaafaadka

33

Soo celinta dhoola caddeynta dhibanayaasha faruuran iyo dhanxanaga

34

Ganacsato Da’yar oo u daneeya dadka curyaanka ah

35

Signals Academy oo tababar ku aaddan Tiknoloojiyadda siiyay Haween ka tirsan NabadIlaalinta

Sawir-qaadaha Ilyaas Axmed.

Qaabaynta Iyo Cinwaanka: Noel Lumbama Sawirada: AU/UN IST Newsroom | thenewsroom@auunist.org Email: amisommediacentre@gmail.com P.O. Box 20182 – 00200, Nairobi, Kenya Taleefan: +254 202 713 755 /56 /58 Fax: +254 202 713 766 Soo Saarista: Unugta Warbaahinta AMISOM

JOORNAALKA AMISOM

3


Wararka

1

Janaayo 2017:

14

Janaayo 2017:

Dhammaan Soomaalida, arday iyo kallumeysataba, waxaa ay sanadka cusub ku soo dhoweeyeen farxad iyo rajo, rajo nabad oo dalka ka dhalataa iyo koboc dhaqaale. Waxaa Laga yaaba in aanu sida waddamada kale ee caalamka loo dabbaaldegin, balse sanadka 2017 waxaa uu rajo cusub ee barwaaqo ula imid ummadda Soomaaliyeed kuwaas oo sanado badan ku jiray burbur iyo amni xumi oo ay sabab u ahayd in ka badan labaatan sano ee dagaal sokeeye iyo argagixiso.

11

Janaayo 2017:

Guddoomiyaha hore Baarlamanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Professor Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa mar kale loo doortay in uu afarta sano ee soo socota xilka hayo. Professor Jawaari ayaa helay 141 cod, uuna sidaas uga xoog roonaaday seddaxda musharrax ee xilkan kula tartamayey. Khudbaddiisa, Mudane Jawaari waxaa uu ugu baaqay xildhibaannada in ay dhinac u dhigaan kala duwanaanshaha siyaasadeed ee u dhaxeeya ayna u daneeyaan dadka ay matalayaan. “Maanta ma jiro qof guuleystay iyo mid laga guuleystay. Waxaa guuleystay shacbiga Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Wafdi ka kooban madax sare ee ka kala socda MIdowga Afrika, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacbiga, Professor Maxamed Cusmaan Jawaari, kula kulmay xafiiskiisa Villa Hargeysa ee Muqdisho. Wafdigan ayaa u hambalyeeyay Professor Jawaari doorashada ee mar labaad loo doortay xilka uu haayo, waxaana ay ballanqaadeen in ay sii wadi doonaan taageradaooda Soomaaliya.

4

JOORNAALKA AMISOM


22

Janaayo 2017:

Xubnaha Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa doorasho ka dhacday caasimadda Muqdisho ku doortay Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi in uu qabto xilka guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka. “Waxaa aan Ilaahay ka baryayaa in xilkan cusub ee guddoomiyaha aqalka sare

27

in aan ku bilaabo asaga oo dalka iyo dadkaba ka saaray abaarta dalka sida xoogga leh ugu baahay. Waxaa aan sidoo kale Ilaahay ka baryayaa in uu ummadda Soomaaliyeed siiyo nabad iyo barwaaqo,” ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee Aqalka Sare khudbadda guushiisa kaddib.

Janaayo 2017:

Taliyaha Ciidamada AMISOM, Sarreeye Guud Cusmaan Nuur Subagle ayaa sheegay in si howlgalka guul laga gaaro, ay muhiim tahay in lala yimaado qorshe wax ku ool ah ee dhanka howlgallada militariga. Waxaa uu sidaan yiri xilli ay si rasmi ah u dhammaatay Koorsada Qorsheynta ee loogu talagalay shaqaalaha Xarunta Dhexe ee Ciidamada AMISOM oo socotay muddo labo toddobaad. Waxaa tababarkan qabanqaabiyay howlgalka oo kaashanaya Kooxda Taageerada Howlgalka ee Ingiriiska (UK MST) waxaana uu ujeedkiisu ahaa in la tayeeyo xirfadda dhanka qorsheynta ee shaqaalaha howlgalka.

31

Janaayo 2017:

Wajiga seddaxaad ee tababarka 201 ee ciidamada booliska cusub ee maamulka Jubbaland ayaa laga bilaabay magaaloxeebeedka Kismaayo. Tababarkan oo soconaya muddo seddax bilood waxaa qabtay qaybta Booliska ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Booliska Soomaaliyeed. Wajiyada koowaad iyo labaad ee barnaamijka waxaa la soo gabagabeeyay sanadka 2016. Hoggaamiyaha Booliiska ee

dhanka Tababarka iyo Horumarinta ahna ku xigeenka Kormeeraha Booliska, Emmanuel Ogom Nwaeyizie ayaa sheegay in 400 oo askar boolis ah ay ka qalinjebiyeen labada waji ee hore, waxaana loo kala diray saldhigyo kala

duwan ee ku kala yaalo Jubbaland. “201 ee ciidamada cusub waxaa la marin doona tababarka askarta cusub kaas maanta la bilaabi doono, uuna socon doono seddax bilood. Wajiyada koowaad iyo labaad si fiican bay inoo dhamaadeen. Waxaa aan rumeysanahay in kaddib markii kooxdan ay qalinjebiyaan aanu yeelaneyno ciidan boolis ah oo xirfadeysan oo si fiican u tababaran kuwaas oo gacanta ku dhigi doono gobolka,” ayuu yiri Ku xigeenka Kormeeraha Booliska, Nwaeyizie.

JOORNAALKA AMISOM

5


23 27

Febraayo 2017:

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqday madaxweynaha sagaalaad ee Soomaaliya, waxaana lagu caleema saaray xaflad heer sare ah oo ay ka qayb galeen in ka badan 1,200 oo qof oo ay ka mid ahaayeen labo madaxweyne, raisal wasaare iyo wakiillada beesha caalamka. Khudbaddiisa ee 25 daqiiqadood socotay oo ay inta uu akhrinayey garab taagnaa labo madaxweyne oo asaga ka horeeyay, Madaxeyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, ayuu Madaxweyne Farmaajo ku ballaanqaday in uu soo celin doono sharafta Soomaaliya. Waxaa uu xusay in nabadgelyada iyo wax ka qabashada abaaraha ay yihiin waxyaabaha uu mudnaanta koowaad siin doono waxaana uu dadweynaha ka codsaday in ay ku taageeraa hiigsigiisa. “Haddii aan ahay madaxweynaha Soomaaliya, waxaa aan ballan qaadayaa sharafkii iyo cisadii iyo karamadii Soomaaliya in aan soo celiyo. Caqabadaha ugu waa wayn e horyaala waxaa ka mid ah, amni xumo baahsan iyo dhibaatooyin bini’aadinimo. Waxaa aan mudnaanta siin doonaa dib u heshiisiinta, xoojinta sareynta sharciga iyo nidaamka caddaaladda, dib u soo cellinta kalsoonida ay shacabka ku qabaan dowladooda, iyo yareynta saboolnimada,” ayuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri xafladda caleema saarka ee lagu qabtay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Febraayo 2017:

Taliska sare ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa caasimadda Kenya ee Nairobi kulan ku yeeshay si ay u qorsheystaan howlahooda ayna u diyaariyaan misaaniyad yare ee lagu wadi lahaa howlaha Howlgalka ee sanadkan. Kulankan socday 5 maalmood ee magaciisa ahaa “Qabashada wax badan, ayada oo la isticmaalayo wax yar”, ayaa waxaa ka qayb galay dad ka socda Midowga Afrika, oo dantooda ugu muhiimsan uu yahay AMISOM. Kulanka waxaa lagu diyaariyay qorshe faahfaahsan iyo miisaaniyad ee lagu hagi lahaa howlaha iyo howlagallada AMISOM ee sanadka.

1

Maarso 2017:

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in abaaraha ba’an ee ka jira Soomaaliya ay yihiin musiibo qaran waxaana uu ugu baaqay beesha caalamka in ay ka jawaabaan codsiga Qaramada Midoobay ay ku waydiisatay lacag dhan 825 milyan oo doolar. Mar uu ka hadlayey shir heer sare ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ee looga hadlayey jawaabta abaaraha, Madaxweynaha waxaa uu abaaraha ba’an ku tilmaamay khatar aad u weyn, waxaana uu xusay in ay laysay xoolaha, kuwaas oo ah hantida ugu muhiimsan dadka Soomaalida. “Ma jiro khatar ka weyn macluusha; waa hubka ugu daran ee lagu baabi’in karo dad tiro badan, sida aan ku aragnayba 2012.

6

JOORNAALKA AMISOM

Sidaas darted, ka waa in aan ka dhigno ka hortagga macluusha mudnaanteenna koowaad,” ayuu Madaxweynaha ka yiri shirkan oo ay isugu yimaadeen dibloomaasiyiin, ururrada iyo wakiillada waddamada gobolka, hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya.


8

Maarso 2017:

9

Maarso 2017:

Soomaaliya waxaa ay dunida inteeda kale kala qaybgashay dabbaaldeegga Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka taas oo looga hadlay waxqabadka haweenka. Dabbaaldegga waxaa lagu qabtay caasimadda Muqdisho iyo maamul goboleedyada, waxaana ay asxaabta Soomaaliya ee caalamka ku ammaantay dalka in uu u horumar wayn ka gaaray awoodsiinta haweenka.

AMISOM waxaa ay ku fikireysaa hab cusub oo nabad iyo xasillooni ka hirgeliso Soomaaliya. Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiyo Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira ayaa ku sheegay shir heer sare ah oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka mid ah Midowga Afrika, deeq-bixiyeyaal, iyo asxaab kale in habkan hadda la wado oo ah in lagu tashto kaliya dagaal militari oo Al-Shabaab lagu qaado aanan lagu gaari karin hadafka la doonayo in la gaaro, kaas oo ah in xasillooni waarta ay ka dhacdo dalkan ku yaala Geeska Afrika. Kulankan waxaa uu ka dhacay magaalo madaxda Kenya ee Nairobi, waxaana ujeedkiisu ahaa in lagusoo bandhigo waxyaabaha u qabsoomay AMISOM

18

Maarso 2017:

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mousa Faki Mahamat ayaa bisha Maarso safarkiisa koowaad ee isla bisha uu xilka la wareegay ku tagay Soomaaliya. Mudane Mahat oo ay wehlinayeen Guddoomiyaha Nabadda iyo Amniga, Danjire Smail Chergui iyo

11

tobanka sano oo ay joogtay Soomaaliya. Waxaa sidoo kale ka hadlay shirka Gaashaanle Richard Leakey, Taliyaha Guddiga Taakuleynta Nabadda Bariga Afrika ee Ingiriiska, (BPST-EA). “Waxaa sidoo kale cad in howlgalka uu u tallaabsanayo wajiga xiga ee kala-guurka nabadgelyada oo aad u caqabado badan, waa in la kaashado khabiirro kala duwan si loo xaqiijiyo in habka ugu wanaagsan la wada fahamsan yahay, tallaabadii la qaadi lahaana la isla ogaado,” ayuu yiri Gaashaanle Leakey.

madax kale ayaa aqalka madaxtooyada ayaa kulan kula yeeshay madaxweynaha Dowladda Federaal ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo. Guddoomiyaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in Midowga Afrika

Maarso 2017:

Koorso si gaar ah loo diyaaray oo la xiriira Tiknoloojiyadda Macluumaadka iyo Xiriirka ee loogu talo galay in kor loo qaado aqoonta Tiknoloojiyadda Macluumaadka iyo xiriirka ee haweenka ka mid ah ciidamada Militariga iyo booliiska ayaa

laga bixiyay Machadka Waxbarashada Signals ee Qaramada Midoobay oo ku yaalo Xarunta Adeegga Gobolka ee Qaramada Midoobay ee magaalada

ay ka go’an tahay dadaallada Soomaaliya loogu jiro soo cellinta nabad waarta iyo xasilloonida. Mar uu ka hadlayey xaaladda abaaraha, Mudane Mahamat ayaa sheegay in Midowga Afrika “uu garab istaagi doono Soomaaliya wakhtigan adag ee ay ku jirto.” “Waxaa aan nasiib u yeeshay in ay i soo qaabilaan oo ay isoo dhoweeyaan Raisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaana u sheegay taageeradeenna iyo in aan garab taagannahay Soomaaliya,” ayuu saxaafadda ku yiri. Entebbe, dalka Uganda. Koorsadan socday labo toddobaad oo ka mid ah barnaamijyo taxane ah ee lala eeganayey haweenka ka tirsan ciidamada, ayaa waxaa loogu talagalay in awood loo siiyo in howlaha nabadilaalinta ay si hufan oo habsami leh u qabtaan. Koorsada ugu horeysay waxaa la bixiyay Nofembar 2016. Waxaa koorsada ka qaybgalay 39 dumar oo ku jira militariga kuwaas oo ka kala socotay 17 waddo oo afar ka mid ah ay ka socdeen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

JOORNAALKA AMISOM

7


Martida iyo xafladda caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka dhacday magaalada Muqdisho, Febraayo 22, 2017.

Soomaaliya oo waa cusub u dhalatay

F

eberaayo 8, 2017 Soomaaliya waxaa ay u ahayd maalin taariikhi ah kaddib markii xildhibaannada ay doorasho dimuqraaddi ah ee ka dhacday caasimadda Muqdisho ku doorteen madaxweynihii sagaalad. “Tani waxaa ay bilow u tahay midnimada shacabka Soomaaliyeed. Waxaa ay astaan u tahay bilowga amni iyo xasilooni ee Soomaaliya dal ahaan iyo bilowga dimoqraadiyadda ka hanaqaadda Soomaaliya iyo la dagaalaanka ka dhanka musuqmaasuqa. Waxa aan ballanqaadaya in aan takrifalin kalsoonidiinna, in aan si caddaalad ah u shaqeeyo iyo kaalmeynta dadka saboolka ah.” Waxaa yiri madaxweynaha cusub ee la doortay xilliga lagu guda jiray khudbadiisi madaxweynimada uu ku guuleystay. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu caleemo saaray xaflad heer sare ah oo ay soo xaadireeen 1,200 oo qof oo ay ka mid yihiin labo madaxweyne oo ka 8

JOORNAALKA AMISOM

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, oo salaamaya masuuliyiinta dowladda Soomaaliya xilli uu ka qaybgalayey xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ee magaalada Muqdisho ee Febraayo 22, 2017

Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo salaamaya masuuliyiinta dowladda Soomaaliya xilli uu ka qaybgalayey munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ee Muqdisho ka dhacday Febraayo 22, 2017.


Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud (bidix-da taagan) iyo Shariif Sheekh Axmed (midig) oo garab taagan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo munaasabadda caleema-saarka ee ka dhacday Muqdisho bisha Febraayo 22, 20177.

Xildhibaannada Baarlamanka Federaalka ah iyo kormeerayaal oo sugayo natiijada qofka ku guuleystay doorashada madaxweynenimada ee ka socotay gegidda diyaaradaha ee Muqdisho, Febraayo 8, 2017. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashada

mid ah madaxweynayaasha cusub oo uu gudddominayay Midowga Africa ee 2020 gaarto doorasho qof waddamada deriska ah, raisal Guddoomiyaha Golaha Soomaaliya, Danjire Francisco iyo cod,” ayuu yiri Michael wasaare iyo in ka badan 100 Shacbiga ee Baarlamanka Madeira, waxaa uu yiri Keating, Wakiilka Xoghayaha diblumaasiyiin ah. Federaalka ah, ayaa lagu soo Soomaaliya waxaa ay horay u Guud ee Qaramada Midoobay, Waxaa uu madaxweynaha afjaray geeddi-socod doorasho qaadday tallaabooyinka ay ku mar uu akhrinayay farriinta ballanqaaday in u dib u a. gaari lahayd nabad, asaga oo niyadsamida ee ka timid Xogsoo celin doona sharafta Doorashada intaa ku daray in AMISOM hayaha Guud ee Qaramada Soomaaliya iyo in uu dalka ka madaxweynaha cusub ay is hor taagtay Al-shabaab, Midoobay, Antonio Guterres. hirgelin doono nabad iyo diboo uu guddoominayay fududeysayna in geeddiWaxaa sidoo kale xafladda u-heshiisiin. Guddoomiyaha Golaha socodka doorashada uu ka caleema saarka ka hadlay Madaxweynaha cusub Shacbiga ee Baarlamanka dhaco Muqdisho, Baydhabo, Madaxweynaha Kenya Uhuru oo khudbaddiisa xilliga uu Federaalka ah ayaa lagu Cadaado, Jowhar iyo Kenyatta, Madaxweynaha akhrinayey ay dadka farxad iyo soo gabagabeeyay geeddiKismayo ayada oo aysan jirin Jabuuti Madaxweyne sacab ku soo dhoweeyeen ayaa socod doorasho taas oo lagu dhacdooyin amni darro ah ee Cumar Gelle, Raa’isul uu ku ballanqaaday in uu wax bilaabay doorashada xubanaha maleeshooyinka ka yimaada.” Wasaaraha Itoobiya Desalegn ka qaban doono amni xumada Aqalka Sare ee baarlamanka “Sida nabadda ah ee Hailemariam, Madaxweyne baahsan, musuqmaasuqa, federaalka ah iyo xubnaha awoodda la isku wareejiyay Ku-xigeenka Sudaan Ibraahim saboolminada iyo xaalad Golaha Shacbiga ee Aqalka waa mid taariikhi ah, Xamed iyo Madaxweynaha bini’aadinimo ee haatan dalka Hoose. Soomaaliyana u horseedi xilka lagala wareegay ee ka jirta. Ergeyga Gaarka ah ee doonto in ay noqoto dal Soomaaliya Madaxweyne Hoggaamiyaha cusub ayaa Guddoomiyaha Guddiga federaal ah iyo in ay sanadka Xasan Sheekh Maxamuud. shaaciyay qorshaha u deggan afarta sano ee soo socota, oo uu mudnaanta koowaad siin doono dib-u-heshiisiinta iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda si loo soo celiyo kalsoonida shacabka. Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri in afarta sano ee soo socota uu isku dayi doono “dhammeystirka dib-u-heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed, xoojinta sarreynta sharciga iyo nidaamka caddaaladda, dib u soo celinta kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladdooda iyo yareynta saboolnimada.” Guddoomiyaha golaha shacabka, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari, waxaa uu ku soo afjaray nidaamka doorasha oo bilowday Oktobar 2016 doorashada xubnaha barlamaanka ee aqalka sare iyo xubnaha golaha shacabaka. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la socdo tirinta codadka madaxweynenimada oo ay tirinayaan Guddiga Doorashada ee lagu Doorashada Madaxweynenimada, ee 8-da Febraayo, 2017. Farmaajo ayaa lagu dhawaaqay in uu noqday doortay madaxweynaha madaxweynaha cusub ee Soomaaliya markii uu tanaasulay madaxweynahi hore, Xasan Sheekh Maxamuud. JOORNAALKA AMISOM

9


Muuqaallada Doorashada

10

JOORNAALKA AMISOM


Soomaaliya

JOORNAALKA AMISOM

11


Muuqaallada Doorashada Soomaaliya

12

JOORNAALKA AMISOM


Dib u milicsiga geeddi-socodka doorashada Soomaaliya

Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay maanta dhigeen taariikh, waxaa ayna tusaale weyn u noqdeen dalalka ay colaadda ka jirto iyo dalalka kale ee ka soo kabsanaya colaadda ee ku kala yaala qaaradda iyo meelaha kale. Tani waxaa ay si cad u muujineysaa in Soomaalida kaliya ay masiirkooda ka tashan karaan.”

—Raisal Wasaaraha Itoobiya, Mudane Delasegn Hailemariam

Waxaa aan mar kale doonaya in aan xaqiijiyo in ay dowladdeyda ka go’an tahay xoojinta xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeyo labadeenna dal.”

—Madaxweynaha Kenya, Mudane Uhuru Kenyatta

Annaga waxaan sidnaa kalgacal iyo walaalnimo. Waa in la garab taagannahay muruq iyo maal, intaba. Waaxan jecelnahay Soomaaliya ayada nafteeda heshiis la ah. Waxaan jecelnahay Soomaaliya oo howsheedi gobolka sida ay u gudan jirtay ay u gudata. Waxaan jeclnahay ayada oo walaal la ah caalamka.”

—Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Cumar Geelle

Sida nabadda ku dheehan ee awoodda la isku wareejiyay waa mid taariikhi ah oo Soomaaliya u horseedi doonto in ay noqoto dal federal ah ee loo dhan yahay, iyo in ay 2020 gaarto doorashada qof iyo cod.”

—Michael Keating, Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Waxaan idin kula dardaarmaya in si buuxda loo garab istaago madaxweynaha iyo maamulka cusub in ay xilkooda ku guuleystaan. Waxaa cad in aan maanta ku taagannahay waddada aan ku gaari lahayn Soomaaliyada cusub ee aan hiigsaneyno, oo ah mid nabad ah, meelna uga bannaaneyn mucaaradnimo. Waxaan idin leeyahay madaxda cusub hala taageero, hala waaniyo hana loo duceeyo.” Madaxweynihi hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

“Waxaa aan dhihi karaa in wadashaqeynta ka dhaxeysay ciidanka booliska ee AMISOM, unugyada militariga ee AMISOM, Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed iyo Ciidamada Booliska ee Soomaaliya ay ahayd mid aan cajiib ah. Waa ay is garab qabteen, si aan horay loo arag ayay xogta iyo macluumaadka u wadaageen. Si wadajir ah ayay uga hortageen cadowga, waxaa ay sameeyeen howlgallo isugu jira baaritaan, waxaa ay fashiliyeen qaraxyo ay Al-Shabaab maleegeen, waxaa ay sagootiyeen dadka; odayaasha kasoo jeeda meelaha qaar oo ay geeyeen goobaha codeynta. Waxaa ay sugeen amniga goobaha codeynta, waana mahad Ilaahay iyo ayaga howsha wanaagsan ay qabteen, si wanaagsan ayaa wax kasto lagu soo gabogabeeyay. – Danjire Francisco Caetano Madeira

JOORNAALKA AMISOM

13


Madaxwayne Farmaajo oo ay ka go’antahay in uu AMISOM kala shaqeeyo la dagaalanka argagaxisada

W

ax yar ka dib doorashadiisii,

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo waxa uu la kulmay taliska sare ee AMISOM, oo uu u balanqaaday in uu si dhow la shaqayn doono AMISOM si loo ciribtiro ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab oo caqabad weyn ku ah nabadda iyo ammaanka dalka. “Hiigsigeyga waa in AlShabaab ka adkaanno labada sano ee soo socota,” ayuu 14

JOORNAALKA AMISOM

yiri Madaxweyne Farmaajo, asaga oo shaaciyay hiigsigiisa ku aaddan Soomaaliya oo ammaan ah. “Waxaa aan ku rajo waynahay haddii aanu si dhow aan u wada shaqeyno, waanu ka adkaaneynaa Al-Shabaab. Taa ayaa waxa aan hiigsanayo in aan arko labada sano ee soo socota si Soomaaliya loogu dabbaalo nabad iyo xasillooni,” ayuu ku yiri hoggaanka AMISOM, iyo safiirrada Dowladaha Ciidamadooda qayb ka ah AMISOM u jooga Soomaaliya.

“Madaxweynaha waxaa uu calaamadeystay waxyaabaha mudnaanta ah. Waxaa uu doonaya in Al-Shabaab sida ugu dhaqsiyaha badan looga adkaado. Waxaa aan madaxweynaha u xaqiijinnay in aan hiigsigaas ula garab taagnnahay aanna isla eegi doonno sida midkeenna midka kale u xoojin karo, iyo aan wada shaqeyno oo aan dadaal ku gelinno in aan taasi ku guuleysanno,” ayuu yiri Danjire Madeira, Madaxa AMISOM shirka kaddib.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo Villa Soomaaliya kula kulmayo safiirrada ka socda dalalka Ciidamadooda ugu deeqay holwgalka, oo uu hoggaaminayo Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, taariikhda markii ay ahayd Febraayo 18, 2017.


Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo booqashadiisa koowaad ee rasmiga ah ku tagay Soomaaliya

G

uddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Mousa Faki Mahamat, ayaa 18 Maarso safarkiisa ugu horeeyay tan iyo markii uu xilka la wareegay ku booqday Soomaaliya. Guddoomiyaha waxaa la socday taliyaha guddiga nabadda iyo amniga ee Midowga Africa Danjire Smail Chergui iyo saraakiil sarsare ee ka tirsan Midowga Africa. Mudane Mahamat ayaa madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaana uu carrabka ku adkeeyay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay in ay Soomaaliya ka hirgeliso nabad iyo xasillooni waarta. Guddoomiyaha Guddiga AU ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha iyo Raisal Wasaaraha doorashada ay ku guuleysteen hoggaanka iyo sida nabadda iyo sharafta leh oo ay doorashada ku dhacday. Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya ayaa kaalin mug leh ka ciyaaray xaqiijinta

ammaanka si ay doorashada si habsami leh u dhacdo. Mar uu ka hadlay xaaladda abaaraha, Guddoomiye Mahamat waxaa uu dareenkiisa la qaybsaday ummadda Soomaaliyeed oo ay saameysay abaaraha, asaga oo yiri Midowga Afrika “waa ay garab taagan tahay Soomaaliya wakhtigan adage e lagu jiro.” Soomaaliya waxaa ka taagan

Guddoomiya Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mousa Faki Mahamat oo la hadlayo shaqaalaha Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho, xilli uu ku sugnaa booqashadiisa koowaad ee uu ku tagay Soomaaliya, Maarso 18, 2017

abaaro ba’an oo ka dhashay roob la’aanta. Kumanaan qof ayaa qarka u saaran macluul, halka dhinaca kale dadka samadoonka ah ay ol’ole dhaqaalo uruurin gargaar ah ku jiraan si loo badbaadiyo dadka qarka u saran in ay baahi u dhintaan. “Waxaa aan nasiib u yeeshay in ay i soo qaabilaan oo ay isoo dhoweeyaan Raisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaana u sheegay taageeradeenna iyo in aan garab taagannahay Soomaaliya,” ayuu saxaafadda ku yiri Mudane Mahat waxyar kaddib kulanka ka dhacay madaxtooyada. Guddoomiyaha waxaa uu sidoo kale la hadlay shaqaalaha AMISOM ee saldhiggooda uu yahay Muqdisho. Waxaa uu ku boogaadiyay shaqaalaha Howlgalka waxyaabaha ay hureen iyo dadaalka ay sameeyeen 10-ka sano ee la soo dhaafay si ay sugaan amniga Soomaaliya. “Ciidamada ku lebisan tuutaha iyo dadka rayidka ah, Afrika waa ay idiin mahadnaqaysaa. Waa aan ku faaneynaa geesinimadiinna, dhiirranaantiinna, iyo

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mousa Faki Mahamat, oo Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ku qaabilayo Gegidda Diyaaradaha ee Aden Cadde International Airport, Maarso 18, 2017.

dhabaradeegiinna oo aad u hurteen naftiinna si aad Soomaaliya nabad uga dhalisaan,” ayuu yiri. “Waxaa aad muujiseen in Afrika ay awood u leedahay in sugto ammankeeda. Waxaa aan u nimaadnay in aan idin la kulanno oo aan idiin mahadcelinno adeegga aad Afrika u haysaan,” ayuu ku daray. “Afrika waxaa ay ku faaneysaa wiilasheeda iyo gabdhaheeda oo naftooda u hurayo nabadda.” Mudane Mahat ayaa ku amaanay Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika oo naftooda u huray in ay Soomaaliya ku soo dabbaalaan nabadda xilli lagu guda jiray xuska geesiyaasha naftooda huray, halkaas oo uu taallo suray. AMISOM waa howlgal nabad-ilaalin oo ay hindistay Midowga Afrika. JOORNAALKA AMISOM

15


Wafdiga Golaha Nabadda iyo Amniga oo xaqiiq-raadin u tagay Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, Danjire Ndumiso Ntshinga (dhexda) oo salaamayo madaxda sare ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Tani waxaa ay dhacday kaddib markii ay wafdi ka kooban 24 qof oo ka socday Golaha Nabadda iyo Amniga ay booqasho seddax maalmood ah ku tageen Muqdisho, Soomaaliya, bisha Maarso 23, 2017.

B

isha Maarso, 23 sanadka 2016, wafdi ka kooban labaatan iyo afar xubnood ee Golaha Nabadda iyo Nabadgelyada ee Midowga Afrika ayaa booqasho ku tagay Soomaaliya si ay u qiimeeyaan horumarka laga gaaray dhinaca difaaca iyo hay’adaha amniga, gaar ahaan dadaallada ku aaddan dhisidda ciidan qaran oo lagu kalsoonaan karo, nabadgelyana ku soo dabbaali karo dhamman dalka. Danjire Ntshinga Ndumiso, Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Amniga oo wafdiga hoggaaminayey ayaa sheegay in wada-tashigooda ay dirradda ku saari doonaan “dadaallada ku aaddan dhisidda ciidanka difaaca dalka iyo hay’adaha amniga”, kuwaas oo uu ku sheegay in ay ugu dambeyntii xambaari doonaan masuuliyadda ilaalinta nabadda iyo amniga ee Soomaaliya.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, oo hadlayo xilli uu kulan la qaatay wafdiga Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika. Wafdiga waxaa uu 16

JOORNAALKA AMISOM

Danjire Ndumiso waxaa uu sheegay in wada-tashi dhinac kastaba taabanaya ay la yeelan doonaan qaybaha kala duwan ee daneeyayaasha ah, waxaa ay taasna hagi doontaa howlaha Midowga Afrika ee Soomaaliya mustaqbalka. “Meelaha aan daneyneyno waa daahfurnaanta, wadashaqeynta, iyo iskaashi u dhaxeeyo dhammaan asxaabta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ku taageero dhanka tababarka,” ayuu ku yiri Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre iyo madax sare ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, xilli uu ka qaybgalayay shir lagu qabtay aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. “Baahida loo qabay maamul dowladeed ee la wareega dhammaan deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab, caqabadaha Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay la kulmeyso, iyo tallaabooyinka xiga ee la qaadi lahaa si looga guuleysto Al-Shabaab nabadna loo dhalin lahaa,” waa waxyaabaha Soomaaliya muhiim u ah, ayuu yiri. Raysal Wasaaraha ayaa ku raacay in Ciidanka Xoogga Dalka uu u baahan yahay in la xoojiyo si uu dalka uga hirgeliyo nabad iyo amni. Waxaa uu sheegay in ay dowladda u qorsheysan tahay in muddo labo sano gudahood ay ka guul gaarto hadafyada mudnaanta ah, kuwaas oo nabadgelyada ay ka kow tahay. “Waxaa aanu taagannahay xilli uu dalkan haysto fursado

badan uu horay ugu socdo. Waxaa aanu taagannahay xilli dhallinyarteenna, haweenkeenna, iyo culumada ay mar kale ka qayb qaadanayaan arrimaha siyaasadda. Marka, inkastoo ay jiri doonaan caqabado, amaba haddaba ay jiraan caqabado, laakin haddana dalkani waxaa uu leeyahay rajo,” ayuu xusay Raysal Wasaare Kheyre. Waxaa uu xusay taageerada muhiimka ah uu dalkan ka helay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). “AMISOM la’aanteed halkan ma aanan fadhin lahayn maanta,” ayuu yiri. “Waligood waxaa ay nagu lahaanayaan abaal,” ayuu ku daray. Raysal Wasaaraha waxaa uu sidoo kale shaaciyay caqabadaha Soomaaliya soo foodsaartay abaaraha daran awgeed. Waxaa uu xusay in nabad waarta iyo amni ay xaqiijin doonaan in la gaaro dadka la il daran abaaraha,

Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, Danjire Ndumiso Ntshinga, oo hadlayo xilli lagu guda jiray kulan ay Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, kula yeesheen aqalka Madaxtooyada ee Muqdisho, 23-di Maarso, 2017

waxaana uu AMISOM ka dalbay taageero si loo yareeyo saameynta abaarta daran. Caqabadda ugu weyn ee na haysata waa abaarta waxaanna dooneynaa taageero kasto oo naloo fidin karo wakhtigan xasaasiga ah, laakin haddana waxaa aan u baahannahay xal waara in aan ka gaarno dhibaatadan soo noqnoqotay. Sidaas darted waxaa aan rabnaa in aan dadkeenna barno sida ay ayagu kalluunka u soo qabsan lahaayeen inta aanu siin lahayn kalluunka waana taas taageerada aan idin ka rabno. Waa taas midda aan dooneyno in aan diiradda saarno,” ayuu yiri. Danjire Ndumiso waxaa xilli dambe Xarunta AMISOM ee Xalane ee Muqdisho dhigay ubaxyo oo uu ku xusaayo ciidamada Midowga Afrika ee dhintay. “In badan awoodda AlShabaab waa la wiiqay, dabcanna waxaa jiraa dhowr waxyaabood oo aan dooneyno in aan eegno. Maadama aan u dhownahay in aan cirib tirno Al-Shabaab, sheyga kale oo ay tahay in ay Soomaaliya diiradda saarto waa in ay dib u guranin, “ ayuu yiri Danjire Ndumiso. “Weli waxaa harsan xoogaa Al-Shabaab oo nalooga fadhiyo in aan sifeyno, waxaana inoo yaala howl badan, xilli aan ku jirno diyaargarowga ka bixitaanka AMISOM,” ayuu warkiisa ku gunaanaday. “Weli waxaa joogaa xoogaa Al-Shabaab oo nalooga fadhihyo in aan sifeyno, waxaana inoo yaala howl badan.


Waa aynu taageeri doonnaa Soomaaliya

A

MISOM waxaa ay qabatay shirka looga tashanayo miisaaniyadda 2018, waxaana ay deeq-bixiyeyaasha ka qaybgalay shirka ay ballanqaade in ay sii wadi doonaan taakuleynta Howlgalka Midowga Afrika si ay u ka guul gaarto waajibaadkeeda ah xasilinta Soomaaliya. Wakiillada Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Boqortooyada Ingiriiska, Xarunta Xalinta khilaafaadka ee Afrika (ACCORD) ayaa dhammaan xaqiijiyay in ay ka go’antahay in ay sii wadaan taakuleynta howlgalkan muhiimka ah oo ay Afrika ku dooneyso in ay nabad iyo xasillooni ka hirgeliso oo ay Soomaaliya ka samatabixiso dhibta ay ku jirto. Waxaa ballanqaadkan la sameeyay Maarso 3, 2017, shir shan maalmood ka socday Nairobi oo ay qabanqaabisay AMISOM ayna goobjoog ka ahaayeen deeqbixiyeyaal. Ujeedka shirkani waxaa uu ahaa in la isla meel dhigo howlaha la qaban lahaa iyo miisaaniyadda, kuwaas oo hagi doono Howlgalka xilli ay AMISOM isku diyaarineyso ka bixitaanka dalka dabayaaqada sannadka 2018-ka. Albrecht Braun oo ah wakiil ka socda EU-ACP (Midowga Yurub – u qaabilsan Afrika, Caribbean Pacific) ayaa ammaanay dowrka AMISOM ay ka ciyaartay xasilinta dalka oo haatan ka soo kabsaneysa in ka badan labaatan sano oo dagaal iyo burbur iyo dowlad la’aan. “Midowga Yurub guud ahaan waxaa uu sii wadi doonaa taabagelinta hannaanka xasilinta iyo bixinta kharash la taaban karo,” ayuu Mudane Braun yiri. Wakiilka Midowga Yurub waxaa uu xusay in AMISOM ay kaalin mug weyn ka qaadatay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay kaddib sanado badan

–Deeqbixiyaasha

oo ay colaad ku jirtay. “Si cad ayay ugu muuqata qof walba in Soomaliya aysan joogi lahayn maanta halka ay joogto AMISOM la’aanteeda. Wax badan ayaa qabsoomay, waxaa mahaddaas iska leh AMISOM oo sameysay jawi uu ku horumaro hannaan siyaasadeed,” ayuu yiri Mudane Braun. Mudane Braun ayaa xusay in 10-ka sano ee u dambeeyay EU-ACP ay AMISOM ku tabarucday lacag ka badan 1.3 bilyan oo Euro oo la mid ah 1.68 milyan oo doolar, ayna lacag dhan labo bilyan oo Euro ku bixisay arrimaha nabadda iyo amniga inta u dhaxeysa sanadka 2004 iyo 2017 ayada oo u marisay lacagahan African Peace Facility – lagacahan badankeedna waxaa la gaarsiiyay AMISOM. Lacago kale oo gaareysa 180 milyan oo Euro taas oo la mid ah 189.5 milyan oo doolarka Mareykanka waxaa loo qoondeyay in la isticmaalo bilaha Abriil ilaa iyo Diseembar ee 2017, ayuu intaas ku daray Mudane Braun. “Sidaas daraadeed waxaa aan u malaynayaa taas in ay daliil cad u tahay in ay naga go’aantahay taageerada AMISOM,” ayuu Mudane Braun ka sheegay shirka. Hase yeeshe, Mudane Braun waxaa uu ka boorriyay AMISOM in ay eegaan ilooyin kale ee dhaqaale ee lagu kaabo waxyaabaha dhiman. “Waxaa sidoo kale muhiim ah in deeqbixiyeyaal kale, gaar ahaan dowladaha Afrika iyo asxaabta kale laga raadiyo kaalmo dhaqaale oo dheeraad ah. Nabadda iyo xasilloonida waa waajib guud,” ayuu yiri wakiilka. Hubert Price, Madaxa xafiiska Taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOS) ayaa sheegay in shirka ka dhacay Nairobi uu UNSOS iyo AMISOM

Albrecht Braun, Wakiilka Midowga Yurub ee Afrika, Cariibean, Peacific, oo hadlayo xilli lagu jiray kulan ku saabsan Miisaaniyadda AMISOM ee 2018, ee ka dhacay Nairobi, Kenya bisha Maarso 2, 2017.

siiyay fursad muhiim ah oo ay ku wada wada sheekeystaan oo si qoto dheer u wada fahmaan ayna isku barbardhigaan inta ay la egtahay howsha u taallo iyo dhaqaalaha yaalla. “Waa in aan isla fiirino oo aan miisaamno dhaqaalaha aan u baahannahay iyo waxaa aan dhab ahaantii heli karno,” ayuu hadalkiisa ku yiri Mudane Price. “Tani waxaa ay UNSOS iyo AMISOM siineysa fursad qaali oo ay isla meel dhigaan habka ay uga wada shaqeyn karaan meelaha muhiimka ah sida taakuleynta iyo maareynta hantida, kuwaas oo mar waliba muhiim u ah wax waliba aan qabaneyno. Haddii aadan haysanin dhaqaale, ma awoodi kartid in aad gaartid yoolka aad leedahay,” ayuu yiri Madaxa UNSOS. UNSOS, ayuu hadalkiisa ku yiri, waxaa ay bixisay taakuleyn, saad iyo lojistikada, safarka hawada iyo dhulkaba, mushaaraadka iyo tababarka ciidamada iyo booliska, dhisidda tayada, raashiin, iyo waxyaabo kale.

Ka qayb-galayaasha oo la socda kulanka looga hadlayo Miisaaniyadda AMISOM ee 2018, ee ka dhacay Nairobi Kenya, 2-dii Maarso, 2017

“Waxaa aan ku rajo weynahay in aan sii wadno aana sii xoojinno xiriirkeenna iyo Midowga Afrika gaar ahaanna AMISOM ee Muqdisho ka howlgala,” ayuu yiri wakiil kale ee ka socdo Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya, Mudane Haggerty. Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Africa ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa shaaciyay Howlgalka uu ku guuldareystay in uu gaaro qaar ka mid ah hadafyada uu lahaa dhaqaale yari soo wajahday darteed, taasina ay ku khasabtay in ay masuuliyiinta ay xal kale raadiyaan. “Dhaqaale yarida ayaa caqabad weyn ku noqotay hirgelinta miisaaniyadda 3026, Dhaqaalaha aanu mashruucyada ku hirgelin lahayn lama haynin, runti ahaantii maba jirin dhaqaale,” ayuu yiri Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Afrika ee Soomaaliya. Wakiillada MIdowga Afrika ee shirka ka qayb galay oo ay ka mid yihiin, Francis Kankya (La taliyaha Guddoomiye ku xigeenta Guddiga Midowga Afrika), Assietou Diouf (Agaasimaha, miisaaniyadda, dhaqaalaha iyo xisaabinta) ayaa amaanay dowrka AMISOM ay ku leedahay dalka Soomaaliya. Waxaa ay ku boorriyeen howlgalka in uu ahaado mid hufan dhanka howlaheeda iyo maareeynta dhaqaalaha, in ay dhisaan iskaashi adag ee iyaga iyo deeqbixiyeyaasha u dhaxeysa, iyo maareeynta miisaaniyadda. JOORNAALKA AMISOM

17


Midowga Yurub oo Sare u Qaadaya Taageridda Soomaaliya iyagoo Daahfuray Mashruuc lagu magac daray RE-INTEG

M

idowga Yurub ayaa daahfuray mashruuc socon doono muddo seddax sano ee lagu taageerayo is dhexgalka bulshooyinka ku nool Soomaaliya iyo qaxootiga dib dalka ugu soo laabanay iyo dadka dalka gudihiisa ku barakacay. Mashruucan oo uu ku bixi doono lacag dhan €33 ayaa lagu wadaa in maamul goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Banaadir, Galmudug iyo Puntland, lagu taageero hirgelinta xal waara oo ku aaddan isdhexgalka dadka. Waxaa sidoo kale mashruuca ka faa’iideysan doonaa Somaliland. Mashruuca oo loogu magac daray “RE-INTEG” waxaa si wadajir ah u fulin doona hay’ado kale oo bahwadaag ah oo ay ka mid yihiin Norwegian Refugee Council, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan degaanada ee UN Habitat, Concern Worldwide, CARE iyo World Vision. RE-INTEG wuxuu ka kooban yahay shan mashruuc ah waxaana lagu taageeraya soo celinta xuquuqda guryaha, dhulka iyo hantida, waxbarashada hoose, biyaha iyo nadaafadda, tababarka xirfada gacanta; waxaana looga gol leeyahay xoojinta dowladaha hoose, dhallinta oo shaqo abuur loo sameeyo, iyo in la helo daryeel caafimaad. Safiirka Midowga Yurub u fadhida Soomaaliya, Marwo Veronique Lorenzo, ayaa waxaa ay sheegtay in mashruuca laga

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Veronique Lorenzo, oo hadleyso xilli ay daahfureysay mashruuca RE-INTEG, ee loogu talogalay taageeridda dib u dejinta qaxootiga dalka ku soo laabtay iyo dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya. Daahfurka mashruuca waxaa uu ka dhacay Muqdisho, Soomaaliya, Abriil 5, 2017.

hirgelin doono magaalooyinka waaweyn sida Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo kuwaasi oo ay joogaan dad fara badan oo ka mid ah qaxootiga soo laabanaya iyo dadka waddanka gudihiisa ku barakacay. “In aan maanta haysanno mashruuca RE-INTEG, inaan aan maanta daahfureyno shan mashruuc, waa fursad,” ayay tiri. “Aanu ka faa’iideysanno mashruucyadani oo ujeedkooda yahay in uu wax ka beddelo nolosha dad gaaraya 300,000 oo lagu gaarsiin doono adeegyada aasaasiga ah, caafimaad, waxbarasho, biyo iyo faya-dhowr. Dhammaan waxyaabaha nolosha aasaasiga u ah,”

Marka la dhamaystiro mashruuca, waxaa la filayaa in uu daboolo caqabadaha ku aaddan qaxootiga dib u soo laabanaya iyo in uu xoojiyo xukunka sharciga ah iyada oo la horumarinayo lana hirgelinayo nidaamyada iyo sharciyada ku aaddan dadka barakayaasha. Wuxuu mashruuca sidoo kale dowr ka qaadan doonaa xoojinta iskaashiga waddamada deriska ah ee arrimaha socdaalka, horumarinta ammaanka, kordhinta adeegyada asaasiga ah iyo in deegaannada martigelinaya qaxootiyada iyo dadka barakacayaasha laga abuuro fursado ay nolosha ku maareeyaan.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshisiinta ee Soomaaliya Mudane Cali Sheikh Maxamed Nuur ayaa sheegay in mashruuca uu kaabi doono dadaalada xasilinta ee ay wasaaraddiisa ku howlan tahay. “Waan soo dhaweyneynaa mashruucan muhiimka ah oo si weyn u muujinaya kalsoonida iyo rajada mustaqbalka uu dalka leeyahay. Waxaa aan ku rajo weynahay in hannaankan sida aadka looga fikirya uu yaren doono caqabadaha ay la kulmayaan qaxootiga dalka dib ugu soo laabanaya iyo dadka barakacayaasha oo uu fududeyn doono in si habsami leh dib u dejin loo sameeyo,” ayuu yiri Wasiir ku Xigeenka.

Qayb ka mid ah daneeyayaasha oo goobjoog ka ah daahfuurka mashruuca Midowga Yurub ee RE-INTEG, ee loogu talagalay dib u dejinta qaxootiga dalka ku soo laabtay iyo dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya. Daahfurka mashruuca waxaa uu ka dhacay Muqdisho, Soomaaliya, Abriil 5, 2017 18

JOORNAALKA AMISOM


Wareysi lala yeeshay Marwo Veronique Lorenzo, Safiirka Midowga Yurub u fadhido Soomaaliya S: Midowga Yurub ka go’aan taakuleynta waxyaabaha muhiimka u ah Soomaaliya. Waa maxay meelaha aad diiradda saareysaan iyo natiijada la aad ka rajeyneysaan mashruuca isdhexgalka bulshada? J Barnaamijka isdhexgalka bulshada waa mid muddo ka hor la qorsheeyay, waxaana loogu talagalay in wax looga qabto halka shay oo mar waliba iyo sanado badan dhib weyn Soomaaliya ku hayso – waa arrinta barakaca. Sannad un ka hor, hal milyan oo qof ayaa ku barakacay Soomaaliya gudaheeda, waxaana waddama Geeska Afrika ku barakacay in ka badan hal milyan. Sida darteed, danta laga lahaa barnaamijka isdhexgalka bulshada waxaa ay ahayd in lagu bixiyo adeegyo aasaasi ah – lala yimaado xal waara ee wax loogu qabanayo dadka barakayaasha, iyo sidoo kale in lagu taageero dowladda curdunka ah ee Soomaaliya si ay ayagu aayahooda iyo arrimahooda wax uga qabtaan. In maanta uu dalka wajahayo xaalad bin’aadinimo waxaa ay micneheedu tahay in barnaamijka isdhexgalka bulshada uu yahay mid muhiim ah oo haddana ku soo aaday xilli loo baahan yahay. Wuxuu imaanayaa xilli loo baahnaa si uu xal loogu helo dadka waddanka gudihiisa ku barakacay oo tiradadooda u korodhay in ka badan boqolkiba 50. Inta u dhaxeeysay Nofeembar 2016-ki iyo Maarso 2017-kii ku dhowaad nus milyan qof ayaa barakacay. Sidaa daraadeed aad ayaa loogu baahnaa gargaarkani. S: Marka la eego dhibaatooyinka bani’aadanimo ee ka jira Soomaaliya, waxaa aan ognahay in mashruucyada Midowga Yurub ay dowr weyn ka qaataan kor u qaadista nolosha Soomaalida caadiga ah. Sideed wakhtigan la joogo uga jawaabeysaan xaaladda bani’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya? J Runtii ma ahan mid aan ka sheekeyn karo dareenkeyga ku aaddan aafada iyo saameynta culus ee xaaladdan bini’aadinimo. Abaarta aad ayay u daran tahay, balse saameynta ay ku yeelatay dadka waa mid aan caadi ahayn. Taasi waxaa aan ogaannay bilooyin yar ka hor. Saddex shay ayaan isku daynay. Waad og tahay in uu jirin wax si fudud ku imaanayo. Sidaa daraadeed waxaa aan u baahannahay in aan istaraatejiyo dhowr ah isku geyno. Midda ugu hore dabcan waa gargaar bani’aadanimo oo loo marinayo ECHO (Badbaadada Rayidka iyo Howlaha Gargaarka Bani’aadanimo ee Yurub) kaasi oo ah xafiiskeenna arrimaha bani’aadanimo. Waxaa aan xal u raadinaa baahida ugu waaweyn ee degdegga ah. Kaddibna arrimaheenna horumarinta laakiin taasi kuma filno. Waad og tahay in gargaarka bani’aadnimo ee muddada gaaban aysan xal ku filan. Marka waxaa aan sidoo kale isku daynay in aan wax ka raadinno sanduuqeenna horumarinta. Waxaa aan u samaynay labo qaab oo kala duwan. Mida koowaad isla eegnay asxaabta hirgelinta mashruucyada oo dalka ka howgala in ay dib u eegis, dib u

habeyn ku sameyn karaan barnaamijyadooda si aanu bal xaaladdani iyo baahida degdegga ah wax uga qabtaan. Dabcan waxaa aan haysanna dhaqaale cusub, barnaamijyo cusub oo horumarineed kuwaasi maalgelin doona kabsashada, oo maalgelin doona meelaha ay biyaha fadhiistaan, maalgelin doono biyaha, maareynta biyaha, kobcinta xoolaha, iyo waxyaabaha gacan ka geysan doona in laga hortago xaaladda noocani oo dib soo laabato. Marka, guud ahaan waxaa aan gargaarka bani’aadamnimo ee halkani ku heynaa €78 milyan lacag ku dhawaad intaa lacag la egna waxaay ka imaaneysaa mashruucyada horumarineed. S: Waxaa laga jooga 10 sano tan iyo markii AMISOM ay Soomaaliya soo gashay – maadaama aad tihiin dadka dhaqaalaha ugu badan ku bixiya Howlgalka Midowga Afrika, ilaa iyo haatan maxaad ku qiimeyn kartaa waxqabadka howlgalka? Maxaa shaqeeyay maxaase u baahan in wax laga beddelo? J Waxaa aan u maleynayaa in dhammaanteen, ka Midowga Yurub ahaan, aan AMISOM u hayno mahadnaq shaqada ay qabatay 10-ka sano ee la soo dhaafay, ciidamadii noloshooda u huray si ay Soomaaliya ugu soo dabaasho ammaan. Sidaa daraadeed waxaan aad nasiib ugu yeelanay inaan ku tiirsanaano wadamada ciidamadooda ka qayb qaadanayaan si ay uga caawiyaan xagga ammaanka. Waxaan hadda ognahay in muddada dheer Soomaaliya aayan ku tiirsanaan karin wadamo kale si ay ugu keenaan ammaan. Qaabkaasi ma u shaqayso. Waxaay u baahan yihiin in iyaga ammaankooda la yimaadaan. Marka, waxaa aan si fiican u shaqeynin waa waaritaanka. Waxaa loo baahan yahay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. Waxaa aan u baahan nahay Ciidamada Ammanka Soomaaliya, labadoodiba, qorshe dhammeystiran ee shaqeeysa oo ka hirgeliya nabadgelyo muddo dheer. Waana halkaasi meesha aan diiradda ku saareyno oo aan kala shaqeyn doonno dowladdani cusub – sida aan, anaga oo kaashaneyno AMISOM, aan ciidamadan u dhisi karnaa una tayeyn karnaa si ay ammanka kala wareegaan AMISOM. S: AMISOM waxaa u buuxsantay 10 sano, maxaa kuu muuqda, taageero nooce ah ayuuna Midowga Yurub sii wadi doonaa in uu ugu taakuleeyo AMISOM? J Waxaa aan hadda gacanta ku hayno waa dhaqaalaha AMISOM ee ilaa 2018, waxaana haysannaa wakhti aan ku qorsheyno wixii 2018 kaddib. Waxaa aan u maleynayaa in guu ahaan anagu iyo Waddamad Ciimadooda ka mid ah Howlgalka, iyo Midowga Afrika, aanu ogaan doono in loo baahan yahay in aan ka gudubno waxaa ay haatan AMISOM qabato. Waa in uu jiraa dhimis lagu sameeyo ciidamada 2018-da kadib, taasina waa sababta sanadka bilooyinka soo socdo ee sanadka xiga ay aad muhiim u yihiin – in la wada ogaado sida dhimista

loo sameyn doono – maxaa yeelay dhimista lama sameyn karo meesha oo cidlo ah. Waa in la joogo ama ay la wareegaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya. S: Dhisidda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo xooggan ayaa wali ah caqabad arrimo badan oo jiro dartood. Waa maxay aragtidaada ku aadan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan haddii ay noqoto in la dhimo tirada Ciidamada AMISOM sanadka 2018? J Waxaa aan u maleynayaa marka koowaad, ciidan si fiican u tababaran waa muhiim. Sanado dhowr ah ayaan tani wadnay. Hase yeeshe, askariga tababarba ha lahaadee, kaligiisa waxba ma qaban karo. Waxyaabaha kale ee loo baahna oo dhan baa halkaa ka maqan. Sidoo kale waa in la helaa qaabdhismeed - ciidamo ammaan ah oo si hufan u shaqeeya oo shacabka abuuro nabadgelyo. Tani waa in ay ka bilaabataa heshiis siyaasadeed oo heer federal iyo heer xubnaha dowlad goboleedyada curdanka ah, yaa sarreeya? Yaa xukumaya, yaa amarka iska leh, imisaa? Dhammaan maamulka qaab-dhismeedka waa in laga shaqeeyaa marka hore. Waa in tani marka hore la meel mariya si askarta – kuwa hadda joogo, waa ayna joogaane; waa ay joogaan intooda badanna waa ay dagaalamaane, in ay hoos yimaadaan hannaan oo AMISOMna ka heli karo talobixin ku saabsan sida ay koox ahaan u wada dhaqmaan, iyo tababar. Hannaankaas lagu tababarayo kaliya ayay wax kasto macquul ku noqon karaan, oo horseedi Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, oo horseedi karaa xoojinta Ciiidanka Booliska Soomaaliya; maxaa yeelay, ciidamada booliska waxaa ay sidoo kale qayb muhiim ah ka ciyaari doonaan xaqiijinta ammaanka waayo waxaa ay u dhowyihiin shacabka. Waa intaasi waxaa haatan meesha ka maqan, taas ayaan aasaas u ah in la xaqiijiyo nabadgelyada. S: Maxaad ku soo gabagabayn lahayd? J Fariintayda ugu dambeysa waxaan ka dhigi lahaa hal mid. Iyadoo ay jiraan culeysyo iyo xaalad bani’aadanimo, haddana waxaa aan isleeyahay beesha caalamka dhaqdhaqaaq wanaagsan ayay muujinayaan. Bilooyin kahor ma jirto cid u maleyneysay in aan gaareyno halka aanu hadda taagannahay; doorashooyinka, inkastoo ay jireen caqabado, waxaa ugu dambeyntii haysanna Xildhibaano, Madaxweyne, Ra’iisul Wasaare, Golaha Wasiirrada. Aad ayaan ula dhacay tayada wasiiro qaar oo aan la kulmay. Waxaa ahaayeen kuwo aqoonyahaaniiin ah, aad u howlkar ah, aad uga go’antahay shaqadooda in ay qabtaan. Farriinteydu waa mid rajo ah. Waxaa aan haysanaa fursado badan oo aan horay ugu tallaabo qaadi karno waana u baahannahay sababtoo ah caqabadaha na hor yaala ayaa aad u weyn. Laakiin sanado badan kadib hadda ayaan joognaa xaaladii ugu fiicneyd ee aan wax uga qaban karno. JOORNAALKA AMISOM

19


Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo tababar ku saabsan dagaalka magaalooyinka bartay

U

gu yaraan 100 askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa Xerada Tababarka Ciidamada ee Jeneraal Dhegabadan (Jaziira) ee Muqdisho loogu soo xiray tababar ku aaddan xirfado dagaal. Tababarkani oo uu bixiyay Howlgalka Tababarka ee Midowga Yurub (EUTM) ee Soomaaliya, ayaa ciidamada lagu baray injineernimada dagaalka, dagaalka dhulka iyo isticmaalka Tiknoloojiyadda Macluumaadka iyo Xiriirka. “Muddo afar bilood ah waxaa aanu ku tababareynaa 300 oo ciidan si aan kor u sii qaadno tayada Ciidanka Xoogga Soomaaliya,” ayuu yiri Jeneral Maurizizo Morena, Taliyaha Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya. EUTM waxaa uu wajiga xiga ee tababarka si wadajir

ah la bixin doonaa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). “Anaga iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM waxaa aanu go’aansannay in aan bixinno hal tababar, hal wakhti, waxaa ayna tababarayaasheenna la hadlayaan tababarayaasha AMISOM si ay isku aragti kaga noqodaan tababarka,” ayuu yiri Sarreeye Guuto, Morena. Sarreeye Guud Cusmaan Nuur Subagleh, Taliyaha Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ciidamada la tababarayo ay isku meel joogi doonaan AMISOM, si ay u helaan tababar iyo la talin joogta ah. “Tani waa bilowgii isdhexgalka ku qotonnaa Qorshaha Guulwade. Waxaa aan ka tusaale qaadaneynaa tani waana sii wadeynaa. AMISOM waxaa ay iyana siin

Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo dhoolatus ku saabsan taktikada dhulka ee militiri sameynayo lagu gudo jiray xaflad lagu soo xirayo tababar ay bixisay Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) ee ka Xarunta Tababarka Jeneraal Dhegabadan (Jazeera) ee Muqdisho, Janaayo 14, 2017 20

JOORNAALKA AMISOM

Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo dhoolatus ku saabsan taktikada dhulka ee militiri sameynayo lagu gudo jiray xaflad lagu soo xirayo tababar ay bixisay Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) ee ka Xarunta Tababarka Jeneraal Dhegabadan (Jazeera) ee Muqdisho, Janaayo 14, 2017.

doontaa 150 askar tababar ku aaddan dagaalka dhulka, sida waafaqsan Qorsaha Guulwade,” ayuu hadalkiisa ku yiri Sarreeye Guud Subagleh. Sarreeye Gaas. Cali Baashi Maxamed, ku xigeenkii hore ee Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya, ayaa ku ammaanay Midowga Yurub ee taageerada ay fidisay ciidamada Soomaaliya sanado badan, “Farriinta aan u diraayo Ciidamada Xoogga Soomaaliya waxaa ay tahay, kuma laabaneysaan meelaha aad ka shaqeyn jirteen. Waxaa aan idin ka filayaa in aad iska ilowdaan qabiiladiina iyo caqiidooyinka

diinta aad haysataan. Waxaa aad tihiin askarta ugu fiican oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliya,” ayuu Sarreeye Gaas Bashi ku yiri askarta tababarka loo xiray. Saraakiil sar sare ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya, AMISOM iyo Howlgalka Midowga Yurub ayaa ka qayb qaatay dabbaaldagga qalinjabinta. Inta ay xafladda socotay, ciidamada la tababaray waxaa ay soo bandhigeen xirfaddooda ku addan dagaalka magaalooyinka, soo saarista miinooyinka waddooyinka lagu aasay iyo ka hortagga iyo walxaha qarxa.

Taliyaha Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM), Sarreeye Guuto Maurizio Moreno oo shahaado guddoonsiinayo askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliya xilli lagu gudo jiray xaflad lagu soo xirayo tababar militiri oo ay EUTM ku bixisay Xarunta Tababarka Jeneraal Dhegabadan ee Muqdisho, Soomaaliya.


Wararka AMISOM oo kooban Taliska AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya oo qorshaynaya howlgallo wadajir ah

S

araakiil sare ee ka tirsan ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya ayaa sanadka la soo dhaafay isku afgartay in ay qaadaan howlgal culus oo ay ku xoreynayaan deegaannada weli ku jira gacanta Al-Shabaab.

Saraakiil sarsare ee ka kala socdo Ciidamada Xoogga ee Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo ka qaybgalayo kulan ay si wadajir ay u agaasimeen Ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM, bisha Noofembar 23, 2016.

Qorshahan ee lagu doonayo in howlgal lagu qaado dagaalyahaannada waxaa lagu heshiiyay shir muddo seddax maalmood ka socday Muqdisho oo uu guddoominayay Taliyaha Ciidamada AMISOM, Sarreeye Guud Cusmaan Nuur Subagle. Shirka waxaa goob-joog ka ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cali Baashi Maxamed. “Waxaa aan la imaaneynaa qorshe oo aan howlgal wadajir ah ku qaadeyno, anaga oo dhinac ah ayaan dagaal ku qaadeynaa AlShabaab,” ayuu yiri Sarreeye Guud Subagleh. Taliye ku xigeenkii hore Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa asna sheegay in kulanka uu xoojiyay wada-shaqeynta u dhaxeysay ciidamada huwanta ah oo ay kaga hortagayaan dhibaatada ay gaysanayaan maleeshiyaadka. “Waxaa aanu ku heshiinnay in aan si dhow u wada-shaqeyno si aan dalka uga saarno cadowga. Nama soo marin fursad tan ka fiican oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo AMISOM ay isku imaan lahaayeen,” ayuu xusay Jeneraal Cali.

AMISOM oo Ciidanka Xoogga Soomaaliya ka saacidi doonta dhisidda xarun lagu tababaro ciidanka.

B

isha Febraayo 19-keeda, wafdi ka kooban saraakiil militari ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidamada AMISOM, Sarreeye Guud Cusmaan Nuur Subagle, ayaa booqasho ku tagay maamul goboleedka Koonfur Galbeed si loo calaamadeeyo dhulka ku habboon in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya looga dhiso xarun tababar. Wafdigaas oo uu ka mid ahaa Taliye ku xigeenka Qorsheynta iyo Howlgalka ee AMISOM, Sarreeye Gaas Abreha Tesfay, ayaa waxaa ay kulan la qaateen Taliyaha Qaybta 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Ibrahim Yarow iyo Taliye ku xigeenka Qaybta 3-aad ee Ciidamada AMISOM, Gaashaanle Sare Wanyo Abate.

“Safarkayga aan ku tagay Baydhabo waxaa aan ka dan lahaa in aan calaamadeyno dhulka laga dhisi lahaa xarun lagu tababaro Ciidamada cusub ee Xoogga Dalka Soomaaliya, taas oo ay dhiseyso ayna maalgelineyso dowladda Ingiriiska,” ayuu yiri Sarreeye Guud Subagle. “Xarunta waxaa loo adeegsan doonaa tababarka ciidamada cusub ee ka mid ah Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya si tayadooda iyo xirfaddooda kor loo qaado si ay muddo sanad iyo bar gudahood ay la wareegaan nabadgelyada dalka,” ayuu ku daray. Haddii la dhiso xaruntan tababarka ah, horumar wayn ayay Soomaaliya u tahay. Somaaliya weli waxaa ay u baahan tahay ciidama dheeraad ah waxaa ayna xaruntani ka caawin doontaa in lagu xoojiyo laguna tayeyo ciidamada Xoogga Soomaaliya si ay u noqdaan kuwo awood u leh in ay la wareegaan amniga dalka markii ay AMISOM ka baxaan dalka. Si ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay u hantaan una xaqiijiyaan nabadgelyada dowladda, shacabka iyo kaabayaasha dalka, waxaa aad muhiim u ah in la helo ciidan qaran oo tababar fiican haysta.

Midowga Afrika oo dooneysa in si degdeg ah go’aan laga gaaro arrinta magdhowga ciidamada.

M

idowga Afrika, qaybteeda Nabadda iyo Amniga, iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay kulan ay bisha Disembar ay yeesheen uga wada xaajoodeen habka loo wanaajin karo maareynta magdhowga ciidamada ee kala yimaadda dowladaha ciidamadooda AMISOM ku jiro. Waaxda Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliay ayaa kulan ay yeesheen bisha Disembar uga wada xaajoodeen hanka lagu wanaajin karo maareynta magdhowga ciidamada ka soo jeeda waddamada ciidamadooda iyo booliskooda qayb ka ah AMISOM.

Ka qaybgalayaasha oo goobjoog ka ah siminaar ku aaddan Maareynta Dhaqaalaha ee Waddamada Ciidamadooda iyo booliskood qayb ka ah AMISOM, ee ka dhacay Nairobi, Kenya, Disembar 05, 2016.

Kulankan oo afar maalmood socday ee dib u eegis loogu sameynaayey heshiiska ciidamadooda militariga iyo booliska AMISOM ka tirsan, waxaa lagu arrinsaday caqabada hortaagan bixinta magdhowga la xiriira dhimashada iyo curyaannimada si degdeg badan. Kulankan oo afar maalmood socday oo looga gol lahaa in dib u eegis lagu sameeyo qoraalka isfahamka ee u dhaxeeyay Midowga Afrika iyo waddamada ciidamadooda iyo booliskooda qayb ka ah AMISOM ayaa waxaa laga wadahadlay caqabadaha hortaagan bixinta magdhowga dhimashada iyo curyaannimada wakhti munaasab ah.

Mudane Selidji Gbaguidi, Madaxa Sanduuqa Taageerada Nabadda ee Guddiga Midowga Afrika ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo hab kontarool hoosaad ah kaas oo lagu xaqiijin doono xogta saxda ah ee ciidamada ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. “Waxaa ay ka saacidi doontaa in anagu iyo TCC nalaga helo xog sax ah oo lagu kalsoonaan karo si wakhti fiican magdhow loo siiyo dadka loogu talogalay. Sidoo kale, waa in aan run ahaanti dhisnaa nidaam waarta si mustaqbalka looga fogaado arrimahan oo isku uruura.” Waxaa uu soo jeediyay in la xoojiyo Guddiga Baaritaanka taas oo qiimeyn ku sameysa dadka wax gaaray si maghow loo bixiyo haddii uu qofka dhinto ama dhaawac gaaro. Mudane Adebayo Kareem, ku simaha Madaxa Shaqaalaha ee AMISOM, waxaa uu xusay in AMISOM ay xaqiijisay daahfurnaan iyo hawlkarnimo dhanka dhaqaalaha ee howlaheeda. Waxaa uu hufnaantan ku aaneeyay talooyinka wax ku oolka ah ee laga helay Qaybta Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika. “Waa aan ku faraxsanahay in aan xuso in sanadahan dambe xafiiska dhaqaalaha ee Qaybta Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika iyo AMISOM ay xaqiijiyeen in xita haddii aad caqabad kala kulanto Midowga Yurub, maareynta dhaqaalaha ka mid ma ahan arrimahaas,” “Waxaa aan u maareynay arrinta dhaqaalaha ee lacagaha ay inoo dhiibeen si daahfuran, “Lacagaha ay inoo dhiibeen waxaa aan u maareynay si daahfurnaan badan.” Gaashaanle Mor Mbow ee ka socdo Guddiga Midowga Afirka waxaa uu shaaciyay guulaha la gaaray sida qorista Heshiiska isFahamka, iyo Xeerka Habraaca Howlgalka ee u dhaxeeya AMISOM, Waddamada Ciidamadooda iyo Booliskooda qayba ka ah AMISOM, qiimeynta dhimashada iyo curyaannimada iyo oggolaanshaha dacwadaha. Gaashaanle Mbow waxaa u sheegay in Guddiga Midowga Afrika ay waddo hannaanka ay ku wanaajineyso daryeelka bukaannada iyo maareeynta ciidamada ku jiro isbitaalada waaweyn. Hase ahaatee, waxaa uu xuusay in loo baahan in la waanjiyo maareynta magdhowga shaqaalaha haddii ay timaaddo geeri ama curyaannimo. Mudane Anthony Okara, oo asna ka socda Guddiga Midowga Afrika ayaa daaha ka qaaday in Midowga Afrika ay waddo hannaan ay dhaqaale ugu raadineyso Ciidamada Nabad-ilaalinta Afrika si loo yareeyo ku tiirsananta deeqbixiyeyaasha shisheeye. “AMISOM wali waa ay xooggan tahay, in kastoo ay jirto dhaqaalo yari markii loo eego howsha weyn ee taallo,”ayuu yiri Okara.

AMISOM oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku wareejisay Jaamacad

A

MISOM ayaa waxaa ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku wareejisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed taas oo ay ayada isticmaaleysay in ka badan toban sano. JOORNAALKA AMISOM

21


Ciidamada Burundi ee qayb ka ah AMISOM ayaa jaamacadda fariisin u ahayd ilaa iyo sanadka 2016 markii la go’aansaday in ciidamada loo raro magaalada Muqdisho, caasimadda maamul goboleedka HirShabelle. Xaruntani waxbarashada waxaa dayactir ku sameeyay AMISOM ka hor xafladda wareejinta.

Ka qaybgalayaasha oo la guuddoonsiinayo shahaadooyin markii uu dhammaaday siminaar Nairobi ka dhacay Disembar 07, 2016, ee ku saabsanaa Badbaadinta Carruurta Askarta laga dhigay.

Xilli lagu guda jiray kulan lagu qorsheynaayey wareejinta jaamacadda ee Disembar 20, 2016, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Maxamed Axmed Jimcaale ayaa soo dhoweeyay go’aanka lagu wareejinayo xarunta, isaga oo sheegay in loo adeegsan doono horumarinta aqoonta iyo in lagu kordhiyo fursadaha waxbarashada ee dhallinta Soomaaliyeed.

AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya oo ku midoobay in ay wax ka qabtaan adeegsiga askarta caruurta ah ee dagaallada

H

owlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka wada shaqeynaya sida dalka looga joojin lahaa isticmaalka askarta carruurta ah. Go’aankan waxaa uu imaanaya xilli ay sii badanayaan adeegsiga askarta carruurta ah oo ay adeegsanayaan maleeshooyinka iyo ururrada argagixisada ee ka howlgala dalka. Wakiilka Guddoomiyaha Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira, ayaa sheegay in kooxaha kala duwan ee ka howlgala Soomaaliya ay qayb ka yihiin carruur askar ah oo jegooyin kala duwan haysta, sidaas darteedna loo baahan yahay in dhibtan looga hortago hab mideysan. “Shaqaaleynta iyo adeegsiga askar carruur ah oo ay sameynayaan kooxo gaar ah waxaa ay gacan ka geysaneysaa xaalad colaad ee ka jirta Soomaaliya. Carruurta waxaa ay ka ku jiraan dagaal oo ay ka dambeeyeen dadka waaweyn,” ayuu yiri Danjire Madeira. Madeira ayaa sidani yiri Disembar 7, mar uu guddoominayay xafladda furitaanka tababar seddax maalmood ah oo ku saabsan ka hortagga shaqaaleynta askarta carruurta ah ee ka dhacay Nairobi. “Haddii ay noo suurtowdo in aan fikirka xagjirnimada aan ka yeelno mid aan soo jiidasho lahayn, haddii ay noo suurtagasho in aan joojinno arrinta adeegsiga askarta carruurta ah, Al-Shabaab waa la cirib tiri waayo waxaa ay helaynin cid ay askar ahaan 22

JOORNAALKA AMISOM

u qortaan. Xabbadaha marka waa ay joogsan doonaan,” ayuu xusay Danjire Madeira. Maleeshooyinka sida Al-Shababa waxaa ay in muddo ah ka faa’iideysanayeen saboolnimada ka jirta Soomaaliya si ay u shaqaaleystaan La Taliyaha AMISOM ee qaybta Badbaadinta Carruurta, Musa Gbow, waxaa uu ku baaqay in la adeegsado xeelad dhinacyo badan leh, lagalana shaqeynayo asxaabta kala duwan si loo joojiyo dhibtan. Mudane Gbow waxaa uu xusay in ciidamada AMISOM aysan la shaqeyn koox waliba oo carruurta askar u adeegsato, asaga oo intaa ku daray in ka faa’ideysiga carruurta ay tahay xadgudub xuquuqda aadanaha. Dhulka waasaca ah oo jiqda ah ayuu ku sheegay mid ka mid ah caqabadaha ay AMISOM la kulanto xilliga ay isku dayeyso in ay xoreyso carruurta ka mid ah dagaalyahaannada. Xeerka Midowga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta waxaa uu mamnuucaya shaqaaleysiga carruurta oo askar laga dhigo. Tirakoobka la haayo waxaa ay muujinaysa in ay jiri karaan in ka badan 5,000 oo askar carruur ah, ayada oo ay Al-Shabaab sii waddo ol’ole ay ku shaqaaleysiinayaan carruurta.

AMISOM oo ammaantay kaalinta Burundi ku aaddan soo celinta celinta Nabadda Soomaaliya

T

aliska Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa ammaanay kaalinta Burundi ay ka ciyaarto soo celinta nabadda ee Soomaaliya. Xilli ay kulan la qaadatay Taliyaha Ciidamada Difaaca Burundi, Sarreeye Guud Prime Niyongabo, ku xigeenka hore ee Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Marwo Lydia Wanyoto, waxaa ay tiri waxaa ay tiri saameynta Burundi iyo waddamada kale ee ciidamadooda Soomaaliya ka howlgala qayb Xilli uu ka hadlaayey kulan oo la qaatay Taliyaha Ciidamada Difaaca Burundi, Sarreeye Guud Prime Niyongabo, ku xigeenka hore ee Wakiilka Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Marwo Lydia Wanyoto, waxaa ay tiri dowrka muuqdo oo ay Burundi iyo waddamada kale ee ciidamadooda Soomaaliya joogaa qayb lixaad leh ayay ka ciyaartay horumarka Soomaaliya ka muuqda. Sarreeye Guud Prime Niyongabo waxaa uu booqday Soomaaliya bisha janaayo, waxaana uu wakhti ciidamada wakhti kula qaatay Forward Operating Bases. Sidoo kale, waxaa uu kulamo la qaatay Taliyaha

Ciidamada AMISOM, Sarreeye Guud Cusmaan Nuur Subagleh iyo saraakil sarsare ee ka tirsan AMISOM. “Waxaa ay xaqiijiyeen amniga, waxaana ay suurtageliyeen dhisidda maamulka. Midda labaad waxaa ay ahayd geeddi-socodka lagu dooranayey madaxda gobollada si loo dhiso maamul goboleed, iyo sidoo kale doorashada tan dhoweyd ee dowladda federaalka ah. Tani waxaa ay muujineysa in kaalinta Burundi ay ka ciyaartay howlgalka ay tahay mid muuqato, taageradeenna buuxda ayay haystaan,” ayay tiri Marwo Wanyotto. Sarreeye Guud Niyongabo waxaa uu xaqiijiyey in ciidamada Burundiga ay si buuxda uga go’ antahay waajibaadka Howlgalka, waxaa uuna ballaanqaaday in ay la shaqeeyaan ciidamada kale ee Djibouti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda Burundi waxaa ay leedahay ciidamada labaad ee ugu badan ciidamada AMISOM, tiradoodana ay tahay 5,432 askari.

Ciidanka Djibouti oo dad dhibaateysan siiyay dawo

B

isha Janaayo 11-keedi, Ciidamada Djibouti oo ka tirsan AMISOM waxaa ay dawo u qaybisay dadka ku nool Beledweyne oo ay saameysay shuban biyood iyo abaarta kaddib markii uu sanadka la soo dhaafay shuban biyood ka qarxay 25 degmo ee Soomaaliya. Gobolka Hiiraan, gaar ahaan degmada Beledweyne iyo nawaaxigeeda ayaa saameynta ugu xooggan ka soo gaaray cudurka. Sidoo kale, gobolka waxaa ku dhuftay abaar aad u daran, halkaas oo kumanaan qof ay geeri u dhow yihiin. Gaashaanle Xasan Jaamac Faarax, taliyaha ciidanka Djibouti ayaa sheegay in deeqda ay bixiyeen ay qayb weyn ka ciyaari doonto yareynta macluusha ayna daweyn doonaan cudurrada aad ugu badan. “Waxaa aan soo marnay tuulooyin dhowr ah oo ay ka mid tahay Ceel-gal Bacaad, Kala Bayr, Jawiil, haatanna waxaa aanu la joognaa dadka reer Ditoor. Waxaa aan sidnaa dawo oo aan ugu talogalnay dadka ay saameysay cudurka shuban biyooka, waxaana u gacanta u galinay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Jawiil,” ayuu yiri Col. Farah. Guddoomiye ku xigeenka Degmada Jawiil, Cabdisalaan Xasan Mursal, ayaa ugu mahadceliyaya AMISOM kaalmada ay bixiyaan xilli loo baahan yahay. Col. Faarax waxaa uu sheegay in ciidamada ay kulan la yeesheen odayaasha iyo hoggaanka degmada waxaa ayna ka arrinsadeen sida loo horumarin lahaa amniga degmada. Sawirro (Sawirro ka qaad muuqaalka).

Ciidamada Itoobiya oo Baydhabo Qoysas baahan u qaybisay raashiin

C Ku xigeenka Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Lydia Wanyoto, oo Taliyaha Ciidamada Burundi, Sarreeye Guud Prime Niyongabo ugu wareejineysa billad sharaf, magaalada Muqdisho, Janaayo 29, 2017.

iidamada Itoobiya oo hoos yimaada AMISOM ayaa qoysas baaahan oo ku nool maamulka Koonfur Galbeed oo ay saameysay abaaraha u qaybisay raashiin. Qoysaskani waxaa loo qaybiyay raashiinka sida sokorta, baastada, bariis, burka, cusbo, saliid, caleeen shaah, iyo digir gasac ku jira. Taliyaha Ciidamada AMISOM ee ka howlgala qaybta 3-aad, Sarrwete Guuto Gabremeskel Gebrezigabe waxaa uu sheegay in ciidamada ay qaybiyeen qaar ka mid ah


cunnadooda si ay midnimo u muujiyaan qoysaska xilligan abaaraha ba’an ee lagu jiro.

Tani waxaa ay Wasiiradda Gaashaandhigga u ahayd booqashadeeda koowaad ay Soomaaliya ku tagtay, halka uu ay Taliyaha Ciidamada DIfaaca Kenya u ahayd mid ka mid safarradiisa joogtada ah uu ku tago Soomaaliya.

AMISOM oo howlgal loogu magac-daray Antelope ka bilowday HirShabelle

Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo raashiin u qaybinaya qoysas ku nool Baydhabo, Soomaaliya, bisha Janaayo 07, 2017.

“Waxaa aan go’aansannay in aan idin la qaybsanno waxa yar oo aanu haysanno. Waa aan idin la jirnaa xilligan imtixaanka lagu jiro. Balse, xillliyo fiican baa inaga horreya.” Wasiirka Hubka dhigista iyo Dhaqancelinta ee Maamulka ku meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Xuseen Maxamad, ayaa ugu mahad celiyay ciidamada deeqsinimadooda iyo taageerada ay bulshada u fidiyeen. “Waxaa aan aad ugu mahadcelinaya AMISOM taageerada joogtada ay iyo raashiinka ay u qaybiyeen qoysaska reer Baydhabo oo baahan. Ciidamada Difaaca ee Itoobiya oo ka tirsan AMISOM, mar waliba waxaa ay nala garab taagan tahay taagan tahay taageero iyo wax ka badan,” ayuu xusay wasiirka.

Madaxweynaha Kenya oo booqday Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya

1

8-kii Maarso, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa booqasho aan horay loo shaacin Ciidamada Difaaca Kenya Madaxweynaha ayaa booqasho oo aan horay loo shaacin ku booqday Ciidamada DIfaaca ee Kenya eek a Madaxweynaha oo ku lebisan tuutaha militariga ayaa waxaa uu u mahadceliyay ciidamada Tani waxaa ay ahayd booqashada ugu horeysay oo uu madaxweyne Kenyatta ku boqdo ciidamadiisa ee jooga Soomaaliya. “Joogitaankiinna Soomaaliya waxaa ay badbaadisay naf badan, dadka Kenyana waligood waa ay idinku faani doonaan. Joogitaankinna halkan waxaa ay ugu yaraan dadka ka xoreeysay cabsida ay ka qabaan AlShabaab.” Waxaa uu intaasi ku daray: “Waxaa aan dib u soo nooleynay dalxiiska, Madaxweynaha waxaa uu u xaqiijiyay ciidamada Kenya in ay dowladda mar waliba garab taagnaan doonto oo ay taagero ka heli doonaan. “Waxaa aanu la hadleynaa dowladda cusub ee Soomaaliya si aan u sheegno muhimadda in ay dhistaan ciidamadooda militari si aad idinku dib dalka ugu laabataan. Taasi waa istarateejiyaadda ka bixitaankeenna (Soomaaliya),” ayuu ku daray. Disembar 24, 2006, Wasiiradda Gaashaandhigga Kenya, Marwo Raychelle Omamo iyo Taliyaha Ciidamada Difaaca Kenya ee Jeneraal Samson Mwathehe ayaa booqasho aan horay loo sheegin ku booqday ciidamadooda jooga Kismaayo.

H

owlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Taakuleynta Soomaaliya (UNSOS) ayaa sanadka la soo dhaafay ku dhaqaaqay howlgal lagu furayo waddooyinka muhiimka ah ee gobollada hoos taga maamulka HirShabelle. Labadan hay’adood waxaa ay damacsan yihiin in ay furaan waddooyinkan gobolka ku yaalo si loo taageero bulshada iyo sidoo kale in ciidamada militariga ay helaan waddo ay ku gaaraan Xuramaha Howlgallada (FOB) ee qaybta hoos timaadda ciidamada Burundi. Gaashanle Raymond Kemei, oo ka tirsan Qaybta Suurtagelinta Howlgalka ayaa waxaa

Taliska Qybta 5-aad, Sarreeye Guuto Venuste Nduwayo, xilli lagu guda jiray bilowga holwgal lagu magic-daray Operation Antelope ee looga gol lahaa in la isku furo waddooyinka HirShabelle.

uu sheegay in howlgakani ee lagu magacaabay “Antelope” kaas oo lagu dayactirayo laguna furayo waddooyinka gobolka uu bulshada ka caawin doono in ay si sahlan u suuq-geeyaan dalagga ay beeraha ka soo goostaan; sidoo kale waxaa uu fududeynaya dhaqdhaqaaqa hay’adaha amniga si ay degdeg uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah Gaashaanle Kemei waxaa uu sidoo kale xusay in hay’adaha bini’aadinimada ay si sahlan ku gaari kari doonaan bulshooyinka Taliyaha Qaybta 5-aad, Sarreeye Guuto Venuste Nduwayo, waxaa uu sheegay in howlgalkan lagu dayactiri doono 150 km oo waddo ah ee gobolkan beeraha hodan ku ah. Waddooyinka loo calaamadeeyay dayactirka waxaa ka mid ah Gegidda Diyaaradaha ee Jowhar ilaa iyo magaalada Jowhar, Biyo Cadde ilaa iyo magaalada Jowhar, Mahadaay ilaa iyo Ceel Baraf, Biyo Cadde ilaa iyoo Raga celle, iyo Raga Celle ilaa iyo Muqdisho iyo kuwa kale.

Dadka ku nool Baydhabo oo ka faa’idaysan doona ceel-biyood oo ay dayactir ku sameeyeen ciidamada AMISOM

C

iidamada Difaaca ee Itoobiya oo ka tirsan AMISOM ayaa daahfuray ceelbiyood ay dib u dayactirtay, kaas oo bulshada ku nool meelaha u dhow ciidamada ay ka joogaan Baydhabo, Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed, ay ka heli doonaan biyo nadiif ah. Daahfurka oo uu hoggaaminayay Wasiirka Beeraha ee Maamul-Goboleedka Koonfur

Galbeed, Mudane Maxamed Xasan Fiqi, waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka socda qaybta 3-aad ee ciidamada AMISOM oo uu hoggaaminayay Taliyahooda, Sarreeye Guuto Gabremeskel Gebrezigabe, wakiilo ka socda dowladda hoose iyo madaxda bulshada. “Iyada oo ay jirto abaaro ba’an, dayactirka lagu sameeyay ceel-biyoodka xilliga ugu fiican ayuu ku soo aaday,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Taliyaha qaybta 3-aad ee Ciidamada AMISOM, Sarreeye Guuto Gabremeskel Gebrezigabe, ayaa sheegay in AMISOM ay qorsheysay in ay gobolka Baay ay ka qoddo 15 ceel-biyood ah si dhibka looga yareeyo bulshada halka ku nool. “Waxaa aan u mahadcelinayaa dhammaan dadkii ka qayb qaatay dayactirka ceelka,” ayuu yiri. “Ceelkani waxaa uu daboolaya 50% baahida biyaha loo qabo. Inkastoo arrintani ay tahay mid aad u fiican, balse aad ayaan uga fognahay in aan hadafkeenna gaarno, kaas oo ah in la daboolo baahida ay ciidamadeenna iyo bulshada inagu dhow ay u qabaan biyaha,” ayuu xusay Sarreeye Guuto Gabremeskel. Ceelkan oo markii hore la qoday 2013 waa uu jabay cillad farsamo awgeed. AMISOM, oo taageero ka heshay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taakuleynta Soomaliya (UNSOS) ayaa dayactirtay, kuna wareejisay maamulka deegaanka.

Ciidamada Uganda oo qayb ka ah AMISOM oo Muqdisho ka bixiyay adeeg caafimaad oo bilaash ah

C

iidamada Uganda oo hoos yimaada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa Febraayo 6 ee 2017 isbitaalka Madiina ee ku yaala caasimadda Muqdisho ku bixiyay adeeg caafimaad oo bilaash ah. Tani waxaa ay qayb ka tahay howlaha ay ku xuseyso Usbuuca Ciidanka Xoogga ee Uganda. Bukaannada kala duwan ayaa helay baaritaan iyo dawo bilaash ah oo ay bixiyeen dhaqaatiirta militariga ah oo kaashanayay shaqaalaha isbitalka Madiina.

Dhakhtar ka tirsan ciidamada Uganda oo hoos yimaada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo baarayo indhaha qof bukaan ah, ee isbitaalka Madiina ee ku yaalo Muqdisho, taariikhda markii ay ahayd Febraayo 05, 2017

Febraayo 6, oo sidoo kale loo yaqaanno “Tarehe Sita” maalin weyn ayay u tahay Uganda, waayo waa maalinta uu Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni uu sanadka 1981 uu qaaday halgan hub la adeegsaday, halgankaasi oo sabab u noqday in xisbiga the National Resistance Movement (NRM) ay talada dalka la wareegto. Maalintaasi waxaa ka horreeya “Usbuuca Ciidanka” oo ay Ciidamada militariga ee Uganda ay ku bixiyaan adeegyo samafal ah. JOORNAALKA AMISOM

23


Webiga Shabelle oo Dhib iyo Dheefba leh “Hiiraan waxaa ay sanadkii heshaa roob gaaraya 350-400ml, kaas oo aan ku fillayn tabcashada beeraha. Hase yeeshee, dadka reer Hiiraan waxaa ay uga baxsadaan Webiga Shabeele oo iyaga faa’iido badan u leh. Webiga Shabeele waxaa uu ka soo burqadaa Buuraha Itoobiya, waxaa uuna Soomaaliya ka soo gala gobolka Hiiraan. Ha yeeshee, wabiga waxaa uu sababaa fatahaad iyo daadad, kuwaas keeni kara halis dhanka caafimaadka iyo dhaqaalahaba. Dhibaatada ugu weyn waxaa ay gaartaa dadka webiga u dhow, ka hor inta uu gaarin dadka kale ee ka yara fog. Si kastaba ha ahaate, waxaa muhiim ah in la ogaado in ay sii bateen fatahaadda webiga. Fatahaaddani waxaa lagu aaneynayaa isbeddelka cimilada ee dunida,” —Dr. Bashiir Xuseen Dhore, Aasaasaha Bulshada Rayidka ee Hiiraan.

“Webiga Shabeele markii uu fatahaado, dadka waxaa qalbiyadooda ka buuxsamaa cabsi, waxaa ayna dareemaan in Ilaahay caradiisa ay sabab u tahay, Xaaladda noocaasi marka ay timaaddo, waxaa aan sameynaa waxaa dhaqan ahaan la yiraahdo Baxar, taas oo ah in sadaqo loo bixiyo ilaaha biyaha. Xubnaha bulshada ayaa lacag iska uruuriya si ay u iibsadaan neef ari ah,waxaana ay u yeeraan qof magaciisa la yiraahdo Baxar, qofkaas ayaa sadaqada bixinaya. Baxar waxaa uu kaddib gowraca neefka ariga ah, waxaana uu neefka oo dhiig baxaya ku tuuraa webiga,” — Cusmaan Aadan Carees, Ganacsade.

“Markii la gaaro xilliyada kuleylaha, Webiga Shabeele waxaa uu halis ku yahay dadka ku dhow iyo kuwa ka fogba. Yaxaaska, daanyeerada, waraabaha iyo mararka qaar jeerka waxaa ay weeraraan dadka reer Baladweyne. Xayawaanadani waxaa ay yimaadaan webiga qarkiisa, ayaga oo aan dhib u soo bixin in ay dhib geystaan balse in ay biyo cabaan. Hase yeeshee, maadama aysan inta badan la noolayn bini’aadamka, waxaa ay u arkaan in dhib loo geysan rabo sidaas darteed ayay dadka u weeraraan” —Maryan Cali Cabid, hooyo guri joog ah oo ku nool Beledweyne.

“Waxaa caado ku ah dadka ku nool Beledweyne in ay isticmaan biyaha gaduudka ah ee macdanta birta hodan ku ah ee webiga markii uu buuxsamo.

Dadka ku nool gobolkaan waxaa ay aaminsan yihiin in isticmaalka biyaha macdanta birta qaniga ku ah oo uga fiican yahay biyaha kale ee nadiifka ah. Dadka waxaa ay rumeysan yihiin in biyaha daadadku ay la yimaadaan manaafacaad dhanka caafimaadka ah, halka biyaha kale ay ka buuxaan jeermiska,” — ayuu yiri Cabdiweli Xasan Jimcaale, oo wariye ah. 24

JOORNAALKA AMISOM


Ka hortagga Macluusha Soomaaliya

F

eberaayo 28, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo abaaraha aafeysay in ka badan lix milyan oo Soomaali ah ku tilmaamay “musiibo qaran” Waxaana uu ugu baaqay beesha caalamka in ay ku tabarucaan deeq lacag dhan 825 milyan oo doolar si looga hortago xaaladda isku beddeleysa macluul. Baaqa Madaxweynaha waxaa ay sii xoojisay codsi hore oo ay sameysay Xafiiska Iskudubaridka Arrimaha Bini’aadinimo ee Qaramada Midoobay (UNOCHA) oo ay ku codsatay lagac dhan 864 milyan ee doolarka Mareykanka taas oo qayb ka ah qorshaha 2017 ee jawaabta xaalad bini’aadinimo ee wax loogu qabanayo dad lagu qiyaasay 3.9 milyan oo u baahan gargaar cunno degdeg ah. Qorshaha ka jawaabidda xaalad bani’aadinimo waxaa uu ujeedkiisu yahay in lagu kaalmeeyo dadka dhibaatada u nugul, lagu yareeyo macluusha, lagu xoojiyo badbaadada dadka barakacayaasha iyo horumarinta dib u dhiska nolosha caadiga ah. Mar uu khudbad ka jeediyay shirka looga hadlayay jawaabta abaaraha ka jirta Soomaliya, Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in abaarta ay baa’bi’say xoolaha, kuwaas oo ah hantida kaliya ay dad badan oo Soomaali ah ay ku tiirsan yihiin. “Dadkeenna halkan isugu yimid maanta ma awoodno in aan roob keenno, awoodna uma lihin in aan siino xoolaha biyo ku filan si ay u sii noolaadaan. Laakiin waxaa aan awoodna in

an ka jawaabno waana in aan hadda ku dhaqaaqno maadama qaranka Soomaaliya uu halis ugu jiro xaalad macluul, ayuu Madaxweyne Farmaajo ku yiri asxaabta dowladda oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiin ka socoto Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, diblumaasiyiin, Wasiirrada dowladda fedeeraalka, madaxweynayaasha maamul-gobolleedyada iyo wakiillada bulshada rayidka, culimaa’uudiinka iyo qanacsatada gaarka ah. Dowladda waxaa ay qiyaastay in ug yaraan 60% xoolaha dalka in ay abaarta laysay. “Waxaa aan u baahannahay in aan tallaabo qaadno. Waxaa aan u baahannahay in aan

Carruur saf ugu jira goob cunno lagu bixiyo ee ku taalo Muqdisho, Maarso 9, 2017. Soomaaliya waxaa haatan ka jira abaaro ba’an, waxaa ayna isku beddeli kartaa macluul haddii aan tallaabo bini’aadinimo la qaban.

tallaabo xoog leh sameyna, waana in aan hadda sameynaa haddii aan dooneyno in aan ka hortagno in mar kale ay dhacdo dhacdooyinkii foosha xumaa ee dhacay 2011 iyo 2012, oo ay in ka badan rubuc milyan oo dad ah ay ku naf waaweeyn,” ayuu yiri Raisal wasaare ku xigeenka hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte. Deeq-bixiyeyaasha ayaa yaboohay lacag ka badan $400 milyan ee lagu jawaabayo abaaraha ka sii dareysa. Hase ahaatee, lacagaha la yaboohay ayaa in yaryar loo bixinaya. Warbixin ay soo saartay Waaxda Qiimeynta Cunnada

Cunug la il-daran nafaqo yari oo aabihii dhabtiis ku fadhiya, Maarso 9, 2017. Waxaa ay joogaan Isbitaalka Banaadir ee Muqdisho, oo uu ku sugayo in la daweeyo. Carruurta ayaa saameynta ugu weyn ka soo gaarta abaaraha ka jira Soomaaliya, intooda badanna waxaa ay u dhimanayaan xanuuno la xiriiro abaaraha

iyo Nafaqada iyo Guddiga Saadalinta Abaaraha oo ay maareysa laanta Qaramada Midoobay ee Cunnada iyo Beeraha ayaa lagu qiyaasay tirada dadka Soomaalida ah ee kaalmo u baahan ay sarakacday bilihi u dambeysay, 5 milyan oo qof ayaa lagu qiyaasayey bisha sebtembar ee 2016, maantana tirada waxaa ay mareysaa 6.2 milyan oo qof. Tiradan waxaa ay u dhigantaa in ka badan badh tirada dadka ku nool Soomaaliya. Tirada Somaalida ahi ee wajahaya xaaalad “degdeg ah” iyo “mushkilo” ku aaddan cunno yarida ayaa korodhay, oo halka ay lix bilood ka hor ay tirada ahayd 1.1 milyan oo qof, sanadkan waxaa lagu qiyaasaya in ay gaarto 3 milyan oo qof. Qorshaha loogu jawaabay xaalad bini’aadinimo ayaa la daahfuray kaddib abaaro soo noqnoqotay oo aafeysay waqooyiga iyo bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, taas oo sii xoojisay dhibaatada cunno yarida ee sii jirtay. Roobabka la’aan jira awgeed, waxaa aad u yaraaday dalagga beeraha iyo tirada xoolaha nool, waxaayna taasi halis galisay nolosha malaayin qof. AMISOM waxaa ay kala shaqeynaysa Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya furitaanka iyo sugidda amniga Waddooyinka Muhiimka ah si gargaarka loo gaarsiiyo dadka aadka ugu baahan ee ku nool tuulooyinka iyo meelaha fogfog ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. JOORNAALKA AMISOM

25


Sharfidda Haweenka ka tirsan Nabad-ilaalinta

H

owlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxaa uu sharfay xubnaha haweenka ah ee ka tirsan ciidamada nabad-ilaalinta dowrkooda ku aaddan soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Aqoonsigan la aqoonsaday haweenka ka tirsan ciidamada nabad-ilaalinta waxaa saldhig u ah in la dareemay waxyaabaha badan oo ay haweenka huraan si ay jiidda hore ee dagaalka ka qaybgalaan. “Sida ciidamada kale ee ragga ah, waxaa ay ka dagaalameen jiidda hore, waxaa ay ku dagaalameen hub culculus sida madaafiicda si ay iska

Askar haween ah oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo u dabbaaldegayo kaalinta ay howlaha nabad-ilaalinta ka ciyaaraan haweenka, Maarso 7, 2017 ee Muqdisho, Soomaaliya.

dhiciyaan cadowga, waxaa ay noqdeen taliyeyaal ciidan, waxaa ay aruuriyeen sirta iyo xogta, si loo fuliyo howlgallada,” ayay tiri Christine Alalo, Taliye ku xigeenka booliska AMISOM. “Haweenka waxaa ay tababarayaan ciidamada nabadgelyada si ay u hantaan amiga waddankooda. Qaar waxaa ay ka mid yihiin maamulka iyo hoggaamiyeyaasha howlgalka si loo xaqiijiyo in waajibaadka iyo hadafka howlgalka la gaaray.” Kulan lagu sharfaayey haweenka ka tirsan nabadilaalinta ayaa lagu qabtay Muqdisho, taariikhda markii ay ahayd 12, Disembar, 2016.

“Waa aan idin ku boogaadinayaa go’aanka geesinimada ah iyo shaqada wanaagsan ee aad ka haysaan dhammaan lixda qaybood ee Soomaaliya,” ayuu Danjire Francisco Madeira, Wakiilka Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, haweenka nabad ilaalinta ka tirsan. “Wada hadalka lala yeeshay haweenka nabad-ilaalinta ka tirsan markii la eego, waxaa ay dareemayaan in la aqoonsaday abaalna looga haayo howlgalka,” ayay tiri Gaashaanle Bupe Chanda, Sarkaalka Jinsiga ee Militariga AMISOM xilli ay soo si kooban uga bixineysay howlaha kulanka.

Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Danjire Francisco Caetano Madeira (dhexda) iyo masuuliyiin sare ee AMISOM oo goobjoog ka ah kulanka haweenka nabad-ilaalinta AMISOM ee ka dhacay Muqdisho, Disembar 12, 2016. 26

JOORNAALKA AMISOM

Taliye ku xigeenka Booliska AMISOM, Christine Alalo, oo ka khudbayneysa kulanka haweenka ka tirsan nabad-ilaalinta AMISOM.

Wadar ahaan, haweenka ka tirsan AMISOM waa 657 kuwaas oo kal. Wadar ahaan haweenka AMISOM ka mid ah waa 657 kuwaas oo jegooyin kala duwan kala haysta. Hoggaanka


Haweenka ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaliya (AMISOM) oo ka qaybgalaya kulan ka dhacay Muqdisho, Disembar 12, 2016.

AMISOM waxaa uu ku dadaalayey in la badiyo tirada haweenka ee nabad-ilaalin u jooga Soomaaliya. Wadar, haweenka ka mid ah AMISOM waxaa ay yihiin 657, kuwaas oo dowr kala duwan iyo jego kala duwan haysta. Hoggaanka AMISOM waxaa uu ku dadaal ugu jiray in la badiyo tirada haweenka ee nabad-ilaalin u jooga Soomaaliya. Bisha Maarso, 7 ee 2017, xilli ay ku beegneyd Maalinta Haweenka Addunka, haweenka nabad-ilaalinta ka mid ah waxaa ay mar labaad muddo seddax bilood gudahood ku kulmeen si ay u muujiyaan kaalinta haweenka ku aaddan nabadda adduunka iyo amniga. 7-adii bisha Maarso ee 2017, oo ay ku beegneyd Maalinta Haweenka Adduunka, haweenka nabad-ilaalinta ka mid ah waxaa ay mar labaad muddo seddax bilood gudahood kulmeen si ay u muujiyeen dowrka haweenka ay ciyaaraan nabadda caalamka iyo amniga. Haweenkaas oo kasoo kala jeeda waddamada Ciidamadooda

iyo Booliskooda ay ka tirsan yihiin AMISOM iyo hay’adaha amniga ee Soomaaliya, waxaa ay ku bilaabeen. Si ay u muuujiyaan in ay garab taagan yihiin haweenka meel waliba ay caalamka ka joogaan; gaar ahaanna haweenka Soomaaliyeed oo Haweenkani oo kasoo kala jeeda waddamada Ciidamadooda iyo Booliskooda ka mid yihiin AMISOM iyo hay’adaha nabadgelyada ee Soomaaliya waxaa ay maalintooda ku bilaabeen socod ay ku muujinayaan in ay garab taagan yihiin haweenka idilkood meel waliba ay caalamka ka joogaan; gaar ahaanna haweenka Soomaaliyeed oo dhibaatada ugu weyn kasoo gaartay nabadgelyodarrada ka jirta waddanka Geeska Afrika ku yaala. Socodkii waxaa uu ku biyo-shubmay kulan oo ay isku weydaarsadeen darajada haweenka ee ka tirsan nabadilaalinta AMISOM. “Kama maarmi karno haweenka markii ay timaaddo xaaladaha u baahan nabad-

Askar haween ah oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo hees ku wada qaadaya kulanka haweenka nabad-ilaalinta, ee ka dhacay Muqdisho, Soomaaliya

Ku xigeenkii hore ee Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrka ee Soomaaliya, Lydia Wanyoto, oo ka hadleyso kulan lagu dabbaaldagayay dowrka haweenka ka tirsan ciidamada nabad-ilaalinta.

ilaalin waayo haweenka waxaa ay yihiin kuwa la fahmi karo. Haweenka waxaa ay in badan wax ka qabanayaan arrimaha la xiriira jinsiga. Haweenka waxaa ay leehiyiin il qarsoon oo ay ku qiimeyn karaan, kuna fahmi karaan xaaladaha,” ayay Judy Lamet, Taliye ku xigeenka Adeegga Booliska ee Kenya, ku tiri khudbaddeeda ay ka akhrisay kulanka. Haweenka waxaa ay in badan wax ka qabanayaan arrimaha la xiriira jinsiga. Haweenka waxaa ay leeyihiin il qarsoon taas oo qiimeyn kartaa arrimaha, fahmi og xaaladaha,” ayay tiri ku tiri ku xigeenka Taliyaha Adeegga Booliska ee Kenya, Judy Lamet, khudbaddeeda ay ka akhrisay kulanka. Mowduuca wadahadalkooda waxaa uu ahaa dowrka haweenka ay ka ciyaaraan nabad-dhisidda, la tacaamulka bulshada iyo wada-shaqeynta booliska iyo bulshada. “Haweenka ka mid ah nabad-ilaalinta AMISOM waxaa ay yihiin kaliya 357 taas oo u dhiganta boqolkiba 2.9 ee 22,000

ee ciidan oo inoo joogo, markii lagu daro kuwa rayidka ah,” ayay tiri Chirstine Alale, Taliye ku xigeenka Booliska AMISOM, ayada oo shaacisay baahida loo qabo in la kordhiya tirada haweenka qayb ka ah nabadilaalinta. “Inta badan dowladaha aan ka soo jeedno waa ay qaateen waana ay ansixiyeen. Waana hubaa in aad dhammaantin la socotaan in waddamadiinna kala duwan, gaar ahaan waddankeyga (Uganda), waxaa aanu leennahay Qorshe Howleed Qaran taas oo ka hadleysa xeerkan (1325) iyo habka loo meel marin doono, “ ayay tiri Gaashaanle Sare Flavia Byekwaso, iyada oo ay ka waddo Xeerka 1325 ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo la xiriira Haweenka, Nabadda iyo Amniga, kaas oo awood siinaya haweenka in ay kaalin muhiim ah ka ciyaaraan howlaha nabad-ilaalinta. Ciidamada kulanka ka qayb galay waxaa ay ka kala yimaadeen Burundi, Djibouti, Ethiopia, Ghana, Kenya, Nigeria iyo Uganda, iyo haweenka ka tirsan hay’adaha amniga ee Soomaaliya.

Askar haween ah ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo salaam sharaf sameynaya xilli lagu jiray kulanka haweenka ka tirsan ciidamada nabad-ilaalinta ee ka dhacay Muqdisho, Disembar 12, 2016. JOORNAALKA AMISOM

27


Booliska AMISOM – Wejiga Saddexaad ee Tababarka Booliska Cusub ee Jubbaland

W

axaa daba-yaaqadii bishaa Janaayo magaalo xeebeedka Kismayo laga bilaabay wejigi saddexaad ee tababarka 201 oo booliska cusub ee Maamul Goboleedka Jubaland. Wejiyada koowaad iyo labaad ee barnaamijka tababarida waxaa la soo gabagabeeyey sanadka 2016. Taliyaha Booliiska AMISOM ee dhanka Tababarka iyo Horumarinta ahna ku-xigeenka Koormeeraha Booliska, Emmanuel Ogom Nwaeyizie ayaa sheegay in 400 oo askar boolis ah ay ka qalinjebiyeen labada waji ee hore, waxaana loo kala diray saldhigyo kala

duwan ee ka mid ah saldhigyada Jubbaland. “201-dan askar oo cusub waxaa ay qaadan doonaan tababarka askarta cusub kaas maanta la bilaabi doono, uuna socon doono muddo seddax bilood. Wajiyada koowaad iyo labaad si fiican bay inoo dhamaadeen. Waxaa aan rumeysanahay in kaddib markii kooxdan ay qalinjebiyaan aanu yeelaneyno Ciidamo Boolis ah oo Soomaaliyeed oo xirfadeysan oo si fiican u tababaran kuwaas oo la wareegi karo mas’uuliyadda amniga gobolka,” ayuu yiri Ku xigeenka Kormeeraha Booliska, Nwaeyizie.

Janaayo 30, 2017 - Dad lagu wado in loo shaqaaleysiiyo Booliska Jubbaland oo saf u taagan xilli ay ka qaybgalayeen xafladda furitaanka wajiga seddaxaad ee tababarka ee ka dhacay Kismayo, Soomaaliya.

Gaashaanle Xasan Gabose Afey, Taliyaha Tababarka Boolsika ee Juubaland, ayaa uga mahadceliyay AMISOM dowrka ay ka qaadatay tabobaridda ciidamada booliska eeJubbaland isagoo sheegay in barnaamijka uu dowr weyn ka qaatay horumarinta ammaanka iyo xaqiijinta sharciga iyo kala dambeynta ee Jubbaland. Tababarka waxaa diiradda lagu saarayaa howlaha booliska mid camali ah iyo mid aan ahayn, oo ay ka mid yihiin sida loo dagaalamo, dhowrista xuquuqda aadanaha, iyo kala

shaqeynta bulshada arirmaha nabad-gelyada. Waaxda waxaa ay maalgalisaa barnaamijka tababarka booliska cusub kaasi oo lagu doonayo in lagu tababaro 600 oo askar boolis ah. Waajibaadka booliska AMISOM waxaa qayb ka ah tababarka iyo hagista ciidamda booliska Soomaaliya si loo dib loogu dhiso tayada hay’adda adeegga booliska si ay waajibaadkeeda ilaalinta ammaanka u gudato hab waafaqsan xeerarka booliska ee caalamiga ah.

Booliska Soomaaliya ayaa Baranaya sida loola Dagaalamo Shaqaaqada ku Saleysan Jinsiga

C

iidamada Booliska AMISOM qaybtooda arrimaha jinsiga ayaa maamul goboleedyada dalka Soomaaliya ka jira ka bilaabay ol’ole wacyi gelin ah oo ku aaddan Shaqaaqada ku Saleysan Jinsiga. Ol’olaha wuxuu dabasocda barnaamij la bilaabay 2016-ka kaas oo sabab u noqday in miis lagu eego arrimaha la xiriira Shaqaaqada Qoyska, Dambiyada la xiriira Galmada, iyo miiska Badbaadada Carruurta laga furo saldhigyada booliska ee Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedyada.

28

JOORNAALKA AMISOM

Askar ka tirsan AMISOM iyo Booliska Baidhabo oo sawir u taagan mar ay wadeen olole ka dhan Shaqaaqada ku saleysan jinsiga, iyo badbaadinta caruurta, taariikhda markii ay ahayd Janaayo 17, 2017.

Ujeedka barnaamijkan waa in kor loo qaado wacyiga iyo aqoonta booliska Soomaaliyeed wax ka qabashada kiisaska la shaqaaqada ku saleysan jinsiga. “AMISOM waxaa ay ciidamada booliska u tababartay sidi ay ula tacaali lahaayeen kiisaska la xidhiidha shaqaaqada jinsiga iyo tan qoyska. Sidaa daraadeed waxaan dhowr saldhigyo oo boolis ah ka asaasaasnay xafiis ka shaqeysa arrimaha Shaqaaqada Qoyska, Dambiyada Galmada iyo Badbaadada Carruurta,” ayay tiri Stella Maranga, Sarkaalka


Sare-marinta Sharciga iyo Kala Dambeynta Booliska AMISOM u qaabilsan arrimaha Jinsiga. “Ol’olohani waxaa aan kala shaqeyneynaa isla booliska hore si aan uga caawinno in aan barno habka loola tacaalo kiisaska la xiriira shaqaaqada jinsiga iyo galmada, shaqaaqada qoyska iyo badbaadinta carruurta,” ayay raacisay. 15 askari oo ka mid ah ciidamada booliska ayaa Baydhabo, xarunta maamulka ku meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, ku qaatay tababarkani. “Qaybta koowaad ee ol’olohani waa dowrka booliska. Saldhig kasto oo boolis ah waxaa uu leeyahay xafiis jinsiga ka howlgasha, haddana shakshi kasto oo boolis ah mar un buu la tacaamuli doonaa arrimaha la xiriira Shaqaaqada jinsiga iyo galmada. Midda labaad waxaa aan eegnaa xuquuqda

Ciidamada Booliska Jubbaland oo Kismayo ka qaybgalayo olole ka dhan ah Shaqaaqada Jinsiga ku saleysan, iyo badbaadinta caruurta ee ka dhacday Kismayo, Janaayo 16, 2016. Siminaarka waxaa qabanqaabisay qaybta booliska ee AMISOM

dadka dhibanayaasha iyo qaabka askarta booliska u caawin karaan dhibanayaasha in ay helaan xuquuqdooda. Tan saddexaad waxaa aan ka hadalnay habka loola tacaalo dhibanayaasha carruurta ah. Ugu dambeyntiina waxaa aan dhajinnay boorar si bulshada ay ogaadaan halka ay aadi karaan haddii ay la kulmaan arrimaha

Saraakiil Booliska Kenya ah oo shaqadooda wacan loo guddoonsiiyay billad sharaf

S

araakiil ka socda Booliska Kenya ah ee qayb ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa 28-ka Diseembar 2016 la guddoonsiiyay shahaado sharaf shaqada wacan ay qaybteen muddada sanadka ah oo ay shaqo rasmi u joogeen dalka. Kooxdani oo ka kooban lix askari oo hoos yimaadda ciidamada loo yaqaanno Ciidamada Booliska gooni goonida ah ayaa la guuddoonsiiyay billad sharaf iyo shahaado. Taliyaha Booliska AMISOM Anand Pillay oo xafladani guddoominayey ayaa sheegay in kooxdani ay sumcadda Kenya kor u qaadday iyagoo kaalin mug

leh ka gaystay geeddi-socodka xasilinta Soomaaliya. “Shaqo aad u fiican ayaad halkan ka qabateen. Waxaa aad qayb weyn ka ciyaarteen waajibaadka naloo igmaday. Caawimaadkiinna waxaa aan ku sameynay hor u socod. Waxaa weli noo taalo shaqo badan, waxaana ku rajo weynahay in kooxda idin beddeli doonto ay sii wadi doonaan shaqada fiican ee aad howgalkani kaga qayb qaadanaysaan,” ayuu yiri Taliye Pillay. Saraakiisha Boolista oo ka mid ah askarta gooni goonida ah waxaa ay Ciidamada Booliska ee Soomaaliya siiyaan tababarro iyo talooyin ku aaddan ammanka ee heer federaal iyo heer maamulba.

shaqaaqada galmada,” ayay hadalkeeda ku dartay Marwo Maranga. Noor Axmed Maxamed oo ah askar boolis ah oo ka howlgala saldhigga weyn ee booliska Baydhabo, ahna mid ka mid ah dadka ka faa’iidaysanaya tababarka ayaa sheegay in uu tababarka ka faa’iday aqoon dheeraad ah ee ku aaddan

New Kenyan Askar cusub ee booliska Kenya oo loosoo diray Soomaaliya

Ciidamo cusub oo ka mid ah booliska Kenya oo hoos yimaado AMISOM, oo ka qaybgalayo tababar soconayo usbuuc oo soo dhoweyn ah ee lagu barayo waajibaadkooda ee howlgalka. Tababarka waxaa uu ka dhacaya Muqdisho, Soomaaliya, bisha Janaayo 7, 2017

K Disembar 28, 2016 - Taliyaha Booliska AMISOM oo Muqdisho shahaado ku guddoonsinayo askar ka tirsan booliska Kenya oo sanad dhammeystay.

arrimaha la xiriira shaqaaqada jinsiga iyo galmada. “Casharrada waxaa ay xojiyeen fahamkeyga ku aaddan badbaadinta carruurta iyo xuquuqda haweenka,” ayuu yiri. Isu-duwaha arrimaha Jinsiyadda ee Boolista AMISOM, Patience Adegoke, ayaa sheegtay in ol’olaha uu ka sii socon doono qaybaha kale ee Soomaaliya. Kooxda waxaa ay ol’ole wacyi-gelin iyo baraarujin la mid ah u qabteen Booliska Jubbaland, oo ay ka fuliyeen magaalada Kismaayo, xarunta maamulka Jubbaland iyo Beledwyene ee gobolka Hiiraan xilli ay AMISOM iyo Booliska Soomaaliyeed ay doonayaan in ay dhidibbada u taagaan dhaqanka ka jawaabidda arrimaha xasaasiga ah ee la xiriira shaqaaqada galmada iyo badbaadada carruurta.

oox cusub oo ka mid ah askarta booliska Kenya ayaa loo soo diray Soomaaliya si ay uga mid noqdaan AMISOM. Kooxdani oo ka kooban lix qof ayaa loo qabtay tababar socday toddoba maalmood oo ujeedkiisu ahaa in la baro howlaha AMISOM. “Tababarkan soo dhoweynta wuxuu na siiyaa fursad si aan xubnaha cusub u siinno macluumaad muhiim ah ee ku saabsan howlaha ay gaar ahaan u qabanayaan, taasi

oo aan kaliya ka caawineyn in ay si fudud ula qabsadaan howlgalka, balse waxaa ay inoo tahay fursad aan iyaga ku diyaarinno si ay si fiican u gutaan waajibaadkooda iyo howlahooda, “ayuu yiri ACP Francis Aryee. Kooxdan askarta ah ee ka mid ah booliska Kenya waxaa ay beddelayaan koox kale oo baxday, kaddib markii ay u buuxsantay sanad oo ay shaqo rasmi ah u joogeen Soomaaliya. JOORNAALKA AMISOM

29


Nigeria oo Soomaaliya u soo dirtay cutub cusub oo boolis ah

B

isha Janaayo, waxaa sidoo kale tababar soo dhoweyn ah qaatay ciidamo boolis ah oo ka socda dalka Nigeria. Mar uu cutubkan cusub la hadlay, Taliyaha Booliska ee AMISOM, Anand Pillay, waxaa uu carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay dhisidda Ciidamada

Booliska Soomaliya, taas oo muhiim u ah yoolka nabadgelyo, si loo dhiso hay’adaha dowliga ee dalkan Geeska Afrika ku yaal. “Waxaa aan dhammaanteen wada ognahay in ay weli jiraan waxyaabo waddankani ammankeeda lid ku ah, waana mas’uuliyaddeenna

in aan ku taageerno hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya dhisidda laamaha ammaanka si ay la wareegaan nabadgelyada dalka,” ayuu yiri Pillay. Askartani waa cutubkii lixaad ee ka mid ah ciidamada booliska Nigeria ee Howlgalka loo soo diro. Waxaa ay beddelayaan cutub kale oo

Soomaaliya ka baxay bisha Janaayo, kaddib markii ay sanad dhammeysteen. Tababarka soo dhoweynta ah khasabka ah waxaa looga diyaariya saraakiisha booliska in ay fahmaan waajibaadka Howlgalka, iyo sida ay ula xiriirto howl-maalmeedkooda oo ay Soomaaliya ka qabanayaan.

Ciidamada booliska cusub ee Nigeria oo hoos imanayo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo Muqdisho ka qaybgalaya tababar lagu barayo waajibaadkooda shaqo ee howlgalka, Janaayo 13, 2017.

Askar ka socota Ghana oo Shaqadooda wacan loogu Sharfay

B

ishii Disembar ee 2016kii ayaa koox askar boolis ah oo muddo labo sano qayb ka ahaa AMISOM la guddoonsiiyay shahaado iyo billad sharaf shaqada fiican ay qabteen awgeed markii ay u soo dhammaatay wakhtigooda. Lixda askari ee booliska ee ka mid qaybta askarta gooni goonida ah ayaa lagu guddoonsiyaay shahaadooyin laguna sharfay billado xaflad uu guddoominayey Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira, oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiisha sare ee howlgalka, oo ku mid ahaa Taliyaha Booliska AMISOM, Anand Pillay, iyo Ku xigeenka Taliyaha Booliska Marwo Christine Alalo. ‘Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Medeira ayaa ugu hambalyeeyay 30

JOORNAALKA AMISOM

Ciidamada booliska Ghana oo sacbinaya xilli lagu gudo jiray munaasabad ka dhacday Muqdisho, Soomaaliya, Janaayo 11, 2016 ee lagu sagootinayay askarta qayb ka ahaa AMISOM ee dib ugu laabanaya Ghana.

askartan shaqadooda wacan. “Shakhsi ahaan aad ayaan ugu mahadcelinayaa shaqada wacan ee aad halkan ka qabateen. Waxaad ka caawiseen walaalaheenna Soomaaliya sidi ay u dhisan lahaayeen ciidamo boolis oo qaran,” Danjire Madeira ayaa sidaa ku yiri askarta.

Askarta booliska iyo militariga waxaa ay inta badan qayb ka ahaadaan howlgalka muddo sanad ah, kaddibna la beddelaa. Hase ahaatee, dhowr sababood awgood ayaa loo kordhin karaa wakhtiga uu askariga ka sii mid ahaanayo howlgalka oo ay ka mid tahay adeeg hufan.

Isaga oo tusaale ka bixinaya dhibta iyo khatarta ay ku howlgalaan ciidamada booliska, Danjire Madeira waxaa uu sheegay in ciidamada booliska ay wax badan u hureen yoolkan wanaagsan. “Waxaa aad tihiin halyeeyada qaaraddeenna sababtoo ah waxaa aad goobo ugu halista badan ayaad dagaal u gasheen wax anaga dan inoo wada ah. Waxaa aad ka soo tagteen qoysaskiinna 24 bilood ka hor. Waxaa aad ka soo tagteen nimankiinna iyo xaasaskiinna oo aad halkan timaadeen si aad u qabataan howl qaaraddeenna muhiim u ah. Kaalintinna ma ahan mid lagu khasaaray,” ayuu ku tacliiqay Danjire Madeira. Ghana waxaa Howlgalka qayb uga ah Ciidamo boolis oo qaybta gooni goonida ah, kuwaas oo ku howlan tababarka iyo talo-siinta Ciidamada Booliska ee Soomaaliya.


Barnaamijka Nabadda ee AMISOM ee Xallinta Khilaafaadka

Q

ayb ka mid ah howlgalkeeda lagu taageeryo dowladda Soomaaliya iyo dadaalkeedu lagu nabadeynaya Soomaaliya, AMISOM waxaa ay hirgelisay barnamaamijka nabaddeed oo lagu dhisay, laguna xoojinayo awoodda daneeyayaasha Soomaaliya ee wadahadlka khilaafka, xalinta iyo maareynta. Bisha Maarso, AMISOM waxaa ay tababartay 21 madax oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee bulshada dhexdhexaadinta iyo xallinta khilaafaadka. Waxaa ka mid ahaa wasiiro maamul-goboleed, xildhibaanno hore, madaxda dowladda, oday dhaqameedyo iyo wakiilla ka socday bulshada rayidka. Dhexdhexaadinta waa hannaan. Ma ahan wax maalin ku eg. Waa wax sii soconaya.” Ayuu yiri mid ka mid ah ka soo qaybgalayaasha tababarka, waxaana uu tababarka ku tilmaamay “indha fure”. “Haddii aad dhagaysatid dadka, ayagana waa ay ku dhagaysanayaan; haddii aad wada hadal la yeelatid, waxaa ay kula yeelanayaan wada hadal,” ayuu ku daray mid kale oo ka qaybgalayaasha ka mid ah. Marwo Sacdiya Cilmi oo ah mas’uul ka tirsan Wasaaradda Gudaha iyo Arrimaha

Ka qaybgalayaasha oo goobjoog ka ah tababar ku saabsan wada-xaajoodka iyo dhexdhexaadinta iyo sida loogu adeegsan karo xallinta khilaafaadka, ee ka dhacay KCB Leadership Centre ee Nairobi, Maarso 6, 2017.

Federaalka (MOIFA) oo joogta Muqdisho ayaa waxaa ay tiri dadka ka soo qaybgalay siminaarka waxaa ay bilaabeen in salka hoose wax ka bilaabaan si wax looga qabto khilaafka dalka daashaday in ka badan 26 sano. “Haa, farriinta waxaa ay tahay, fikirkaaga ha ahaado mid qaran, laakin ficilkaagu ha ahaado mid maxalli ah,” ayay tiri. Machadka Clingedale oo ah hay’ad la talin madax bannaan, oo kale loo yaqaanno Netherland’s

Institute of international relations iyo dowladda Holand ayaa fududeeyay oo bixiyay dhaqaalaha ku baxay siminaarka. Ka qaybgalayaasha siminaarka waxaa la baray hannaanka dhexdhexaadinta, wada xaajoodka, wada hadalka , ka qaybgalinta dhinacyaha kala duwan, waxyaabaha keena khilaafka, shuruudaha go’aan qaadashada, iyo istaraatijiyadda lagu xallinaya khilaafaadka oo ay ka mid tahay in ay ka qaybgalayaasha matalaad sameeyaan, oo marna iska

dhigan dhexdhexaadiyeyaal, marna dadka wada gorgortanka ama wada xaajoodka sameynaya. “Aniga waxaan rajaynaya xirfadda aad yeelateen in aad dib ula noqonaysaan Soomaaliya si aad kaalin ka ciyaartaan wada xaajoodka, dhexdhexaadinta iyo wada hadalka ka dhex jira bulshadiinna iyo goobaha shaqadaba,” ayuu Wakiilka Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa AMISOM ku booriyay dadka ka qaybgalay siminaarkan ee lagu

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, oo sawir la galaya koox ka qaybgalayey tababar ku saabsan dhexdhexaadinta iyo wada-xaajoodka iyo sida loogu adeegsan karo xallinta khilaafaadka. Tababarka waxaa uu ka dhacay KCB Leadership Centre ee Nairobi, Maarso 6, 2017 JOORNAALKA AMISOM

31


Sarkaalka sare ee arrimaha siyaasadda ee AMISOM, Haji Ssebirumbi Kisinziggo iyo Marwo Qaali Noor oo goobjoog ka ah tababar ku saabsan wada-xaajoodka iyo dhexdhexaadinta iyo sida loogu adeegsan karo xallinta khilaafaadka, ee ka dhacay KCB Leadership Centre ee Nairobi, Maarso 6, 2017

qabtay duleedka caasimadda Kenya, ee Nairobi. SIminaarkan saddexda maalmood socday waxaa bixiyay saddex khubaro oo aad ugu cadcad dhanka xallinta khilaafaadka, oo kala ah Mudane Roelf Meyer, Marwo Judith Van den Boogert iyo Dr. Walter Samah oo ayaga oo ku sameeynaya magaca Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM). Khubaradan waxaa ay ku booriyeen ummadda Soomaaliyeed in ay dhexdhexaadin nabadeed iyo wada xaajood adeegsadaan si looga baxo khilaafka galaafsadey dalkan ku yaalo Geeska Afrika. “Al-Shabaab dadka ka mid ah siyaabo kala duwan ayay ku biireen,” ayay tiri Marwo Booget. “Qaar ka mid ah dhallinyarada ku jirta Al-

Shabaab waxaa ay doonayaan in ay dib ugu laabtaan noolasha caadiga ah. Ma ahan in ka waabanno in aan dib u soo celinno dhallinyaradaas, waa in fahanno waxaa ay sheeganayaan oo aan ka beddelno fikirka ay haystaan.” Mid ka mid ah ka qaybgalayaasha ayaa sheegay in siminaarka uu ahaa mid faa’iido leh maadama ay ku luglahaayeen dhexdhexaadiyeyaal Soomaali ah, taas oo ka duwan sidii hore oo ay dhammaan dadka dhexdhexaadinta ku howl lahaa ay ahaayeen dad shisheeye oo dhul shisheeye jooga. “Waa muhiim in la hayo dhexdhaxaadiyeyaal Soomaali ah oo ku hadli karo luuqadda ay ku hadlaan dadka, isla markaana dareemi kara dareenka dalka ka jira,” ayuu yiri ka qaybgalaha.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, oo ka hadal kasoo jeedinaya tababarka ku saabsan dhexdhexaadinta iyo wada-xaajoodka iyo sida loogu adeegsan karo xallinta khilaafaadka, ee ka dhacay KCB Leadership Centre ee Nairobi, Kenya, bisha Maarso 6, 2017.

Mudane Cabdulqaadir Nuur Caraale, Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Arrimaha Dastuurka ee Maamul Gobolleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in ay xiiso gelisay taariikda Koonfur Afrika iyo sida ay uga gudubtay xaaladda kacsaneyd oo ay xukunka dalka haayeen dadka laga tiro badan

Muna Xasan Maxamed (2-aad dhanka bidix) oo Judith Van den Boogert, Tababaraha ugu sarreysa ahna wakiilka Clingendael, iyo Roefl Meyer, Fududeeyaha sare iyo Walter Samah ka guddomeysa shahaado xilli lagu jiray xafladda lagu soo afjarayo tababarka AMISOM eek u saabsan dhexdhexaadinta iyo wadaxaajoodka iyo sida loogu adeegsan karo xallinta Khilaafaadka ee ka dhacay KCB Leadership Centre, Karen, 8-da Maarso ee 2017. 32

JOORNAALKA AMISOM

yahay ee loo gudbay xukunka ay talada dalka hayaan dadka tirada badan labaatan sano ka hor. Faraxgeliyay waayaaragnimada Koonfur Afrika xilligii dalka uu ku jiray marxalada kacsan ee kala guurka xukunka laga tirada badanyahay oo loo guurayay xukunka tira badan labaatan sanna ka hor. “Khilaafka ka jiray Koonfur Afrika iyo kan Soomaaliya waa uu kala duwanyahay. Laakiin xalka waa isku mid. Qalabka iyo habka loo wajahayo waa ay isku dhawyihiin,” Sidaas ayuu yiri asaga oo tusaale u soo qaadanayo dhacdooyinka colaaddeed ee dalalka kale ee looga hadlay siminaarka. Mudane Caraale waxaa uu ku boorriyay maamulada iyo dowladda in ay isku dayaan in ay wadahadal dib u heshiisiin la sameeyaan dhammaan dhinacyada kala duwan, oo ay ka mid yihiin kuwa mucaaradka ah. “Dowladda waa in ay wadahadal la gashaa qof waliba, haba ahaadaan kooxaha mucaaradka ku ah, mucaaradnimada ha ahaato mid sabab u ah arrin siyaasadeed ama mid kheyraad ah, “ ayuu yiri, asaga oo ku tilmaamay siminaarka “xrimo aqoon”.


Dib u soo celinta farxadda dhibbanayaasha faruuran

K

u dhowaad soddon sano ayuu Sheekh Aweys Maxamed oo ah 29 jir kuna nool magaalada Muqdisho uu qabay cillada faruurnimada, balse kama uuna war qabin in xaaladdiisa lagu xallin karo qalliin ilaa iyo markii ay dhaqaatiirta AMISOM ay markii ugu horeysay Soomaaliya ka hirgeliyeen adeeg wax looga qabanayo dhibbanayaasha faruurnimada. Ka hor inta aan qallinka lagu sameyn, Sheikh Aweys oo ay faruurnimada saameeyn ku yeelatay hadalkiisa iyo ku dhawaaqidda ereyada, waxaa uu ahaa mid ka mid ah kumanaanka dhibbanayaasha faruurnimada ee ku nool Soomaaliya. “Waxaa aan ka maqlay mid saaxiibkayga ah in isbitaalka AMISOM uu qalliin sameynayo. Waxaa uu igu yiri fursad noocani ah mar waliba lama helayo ee dhab u qaado. Waxaa aan marka warkii la wadaagay waalidkeyga. Waa ay oggolaadeen waxaa ayna ka codsaday adeerkayga in uu ii raaco isbitaalka AMISOM. Waxaa uu saxiixay warqadaha oggolaanshaha qalliinka; haatan waxaa aan sugaya qalliin,” ayuu yiri Sheikh Aweys.

Baaritaanka kaddib, dakhtarkii waxaa uu ogaaday Aweys in uu qabo faruurka ah midka ugu daran. Waxaa sidoo kale safka ku jirtay gabadh yar oo lix bilood jirta oo ay dhashay hooyo Khadiija Xasan Nuur. Hooyadan oo jirta soddon iyo saddex sano ah waxaa ay rajeyneysaa in qaliinka gabadheeda u horseedi doono in ay ku noolaato noolal caadi ah. “Aniga waxaan jeclaan lahaa in gabadhayda lagu sameeyo qaliinka,” ayay tiri, inkastoo qalliinka gabadheeda lagu sameynaayo uusan ahayn waxa kaliya ay ka walwalsan tahay. Waxaa ay ka walwalsantahay Safiyo walaalaheed oo ay uga soo tagtay guriga ayada oo aanan cidna la joogin. “Waxa aan ka walaacsanahay in halkan la iga rabo in aan joogo oo aan heli waayo waxa aan ku masruufo qoyskeyga iyo carruurteyda ee guriga jooga waayo ninkayga hadda shaqo ma haysto,” ayay tiri. Sidaa oo kale xarunta caafimaadka waxaa timid Faadumo Cismaan Yuusuf oo sagaal iyo toban jir ah iyo wiilkeeda, Sayid, oo siddeeed bilood jir ah. “Waxaa inoo sheegay in la sameynayo qalliinka faruurka

qof aan qaraabo nahay oo halkanba maanta i keenay,” ayay tiri Faadumo. Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxaa ay abaabushay koox dhaqaatiir ah oo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika, hay’adda samafalka ee ‘Smile Train’ iyo Bancrof Global Development si ay u qaliiin lacag la’aan ah ugu sameeyso dhibbanayaasha Soomaalida ah oo la daaladhacay cilladda faruurka. Waxaa qalliinka lagu sameynayay isbitalka AMISOM ee heer labaad ee magaalada Muqdsiho waxaana ka faa’iday carruur ka kala yimid daafaha Soomaaliya. Howlgalkaas caafimaad waxaa ay tusaale u tahay gargaarka AMISOM ay u haysa dadweynaha kuwooda baahan ee dalka Soomaaliya ku nool. Jiiddada caafimaad oo lacag la’aanta ah waxaa ay uu buuxisay madnaa weyn oo ka dhalatay burburka ku yimid hay’adaha caafimaadka. “Faruurka waxaa lagu sameeya labo ama saddex qalliin. Waxaa qayb ka ah dakhtarka hadalka, dakhtarka cilmu nafsiga iyo dakhtarka ilkaha oo hagaajiyo ilkaha cillada ku timid. Marka waxaa dhacdaa in kharashka

Dr, James Kiyengo iyo kooxdiisa dhakhaatiirta qallinka ah, kuwa suuxinta, iyo kalkaalisoon oo qallinka faruuranka iyo dhanxanaga ah ku sameynaya isbitaalka AMISOM ee heer labaad ee Muqdisho, 11ka Nofembar, 2016. Dhakhaatiirta AMISOM iyo asxaabta caalamiga ah ee ka kala socda hay’adaha samafalka ee arrimaha faruuranka ee Smile Train iyo Bankroft Global Development, ayaa sameeyay qallinka faruuranka iyo dhanxanaga.

Dhakhtar AMISOM ah oo Muqdisho ku baaraya wiil 12 jir ah qallinka lagu sameeyay kaddib, taariikhda markay ahayd 3—ka Oktoobar ee 2016. Carruurta qaba faruuranka waxaa ay qabaan cillad dhalasho ah oo hadalka, wax cunista iyo neefsashada caadiga ah u diidaya.

ku baxayo uu gaaro wax u dhow1000 doolar. Taasi ma a ahan waxa ay awoodi karaan bukaanadan,” ayuu xusay Dr. Col. James Kiyengo. . Maadaaama dalka uu yahay dal ka soo kabsanaya colaad, waxaa adag in Soomaaliya lagu arko takhaatiirka qalliinka caagga ah, iyo isbitaal casri ah oo qalabkiisa u dhammeystiran yahay ee qalliin u baahan taxaddar badan lagu sameyn karo. Faruurka waa xaalad timaadda marka uu cunugga faruurtiisa ama afkiisa si buuxda u samaysmin xilliga uur-jiifka uu yahay. Faruurka waxaa uu noqon karaa dilaac yar ama jeex weyn oo gaaraya sanka. Faruunka waxaa uu abuurmaa markii uu cadka sameyn lahaa qaybta kore ee afka aaanan si fiican isku imaan xilliga uu cunuga uurka ku jiro. Inkasta oo ay jirin sharaxaad caafimaaad ee qeexaya cilladda faruurka iyo dhanxanaga, haddana waxaa ay dhaqaatiirtu ku sheegaan in ay yihiin wax la kala dhaxlo. “Waxaa la ogaaday in xaaladdani la kala dhaxlo. Tusaale, halkan waxaa jooga hooyo iyo cunugeeda oo sidaa oo kale qabo faruurka. Sidaa oo kale waxaanu haynaa hooyo oo labada bishin ka jeexan, cunnagana uu yahay sidaa oo kale,” ayuu ku qeexay Dr. Kiyeno. Haddda ma jira wax tirakoob oo laga sameeyay dhibbanayaasha faruuranka gudaha dalka Soomaaliya. JOORNAALKA AMISOM

33


Da’yar oo u daneeysa Dadka Naafada ah

S

aynab Maxamuud Xaabsay ayaa u adeegsataa khadka internet-ka si ay dadka uga aruuriso lacago oo ay wax ugu qabaneyso dadka naafafa ah ee ku nool Soomaaliya. Ayada oo u mareyso hay’adda Sahal Innocent Center oo Muqdisho ka howl gasho, Saynab waxaa ay ka faa’ideysataa adeegyada khadka internet-ka si ay u wanaajiso nolosha Dadka Naafada ah ee ku nool Soomaaliya. Waxaa ay qaadatay go’aanka ay ku caawineyso dadka naafada kaddib markii ay ogaatay in inkastoo ay Dowladda Federraalka ah ee Soomaaliya ay sameysay dadaallo ku aaddan meel mariso sharciga lagu ilaalinayo dadka naafada ah, haddana ay weli yihiin dad nugul. Warbixin ay bisha Maarso 2015 ay hay’adda Amnesty International soo saartay waxaa ay ku sheegtay in colaadda labaatanka sano Soomaaliya ka jirtay awgeed ay dadka naafada ahi heli karin adeegyada caafimaadka ah ee ku filan, ayna halis ugu jiraan guurka khasabka ah, shaqaaqo, kufsi, in la guriga xoog looga saaro iyo takoor. Ayada oo arday jaamacad ah ayay Seynab iyo sagaal ka mid ah saaxiibadeeda isku yimaadeen ayna ku aasaaseen Sahal Center, sanadka 2014. Waxaa ay u ahayd bilowga riyadeeda oo ah in ay wanaajiso nolosha dadka dhibban ee bulshada ka mid ah. “Waxaa jiraa hay’ado barnaamijyo ka wada Soomaaliya, laakin wax saamayn ah malahan. Hay’adaha waxaa ay diiraadda saaraan arimmaha siyaasadda, mana jiraan wax muuqdo oo ay dadka u qabteen,” ayay tiri 34

JOORNAALKA AMISOM

Seynab oo haatan ka qallinjabisay jaamacadda, oo ay haysato shahaado Tiknoloojiyadda Macluumaadka Ganacsiga (Business Information Technology). Waxaa ay door bidday in ay dhaqaale aruuriso kaddib markii ay la culaysyo kula kulantay deeqbixiyeyaasha iyo hay’adaha caalamiga ah. Markii hore, danta waxaa ay ku khasabtay in ay tiirsanaato saxiibbadeeda si loo sii wado howlaha hay’adda. Maanta, xaaladda sida hore waa ay uga duwan tahay Sahal Centre, tuubboyinka deeqbixiyeyaashana waa u furmeen. “Waxaa aan lacag ka uruurinaa dadka hantida leh iyo dadweynaha, waxaana aynu doonaa taageerida bulshada, sida dadka u shaqeeya dowladda iyo ganacsatada Facebook ku jira,” ayau tiri Seynab. Sahal Innocent Centre waxaa ay dhowaan aruurisay lacag dhan $27,000 ee doolarka Mareykanka si loo daboolo kharashka ku baxayo caafimaadka Maxamed Xasan oo ku nool Jariibaan ee waqooyiga dhexe ee gobolka Mudug. Maxamed waxaa uu muddo 10 sano la xanuunsanaa barar dhanka guumeerka ah. Dhaqaalaha loo aruuriyay ayaa u sahashay in loo qaado Isbitaalka Gaalkacyo, halkaas oo la marsiin doono baaritaan ka hor inta aan loo dirin isbitaal ku yaala dalka Hindiya si qalliin loogu sameeyo. “Qof aynu saaxiib nahay farriin ku saabsan Maxamed arrintiisa ii soo diray, iyo sawirradiisa. Waa qof miskiin ah oo aan awood karin kharashka caafimaadka, wax qaraabo ahna oo daryeela ma joogo. Waxaa aan adeegsaday Facebook, waxaa aan la xiriiray

asxaabteyda kuwaas oo ayagana farriintii si weyn u sii faafiyay. Waxaa bilowday ballanqaadyo, ugu dambeyntina waxaa aan qasnad (akoon) uga furnay Dahabshiil iyo Salaama Bank oo ay dadka deeqda ku soo diraan,” ayay tiri Seynab. “Waxaa aan jeclaan lahaa dadka saboolka ahba in ay si wanaagsan u noolaadaan. Kuma faraxani xaaladdooda,” ayay ku dartay. Maxamed Cali Faarax oo u ol’ololeeya xuquuqda dadka naafada ah ee Soomaaliya ayaa ammaanay shaqada wanaagsan oo ay hayso Sahal Innocent Centre, taas oo ah in ay taageerto dadka naafada ah ee ku nool Soomaaliya. Taageerada ay bixiso waxaa ka mid ah bixinta waxyaabaha aasaasiga ah iyo tababar aqoon-kororsi. Nin askari ah ayaa toogtay Seynab walaalkeed asaga oo beerta dadweynaha ee Muqdisho kula ciyaarayo saaxiibkiis. Waxaa dhaawac ka soo gaaray laf-dhabarta, maantana waa curyaan oo ku eg kaliya gaariga curyaamiinta. Dhacdadaas nasiib darrada kaddib, Sahal Innocent Centre waxaa ay bilowday ol’ole loogu magac daray ‘iridda fur’ “open the door”. Ol’olaha waxaa uu ku dhiiragaliyaa machadyada sida Iskuulada, xafiisyada dadweynaha, isbitaalada, hoteelada iyo guryaha gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya dhexdeeda ah in ay dadka naafada ah u sameeyaan meel ay ku mari karaan gaariga curyaamiinta, si loogu fududeeyo socodka iyo dhaqdhaqaaqa. Halqabsiga ol’olahan waxaa laga dhigay “Taageer dadka naafada ah maanta, Waxaa dhici kartaa in aad naafo noqotid beri.”

“Waxaa aan lacag ka uruurinaa dadka hantida leh iyo dadweynaha, bulshada ayaan taageero ka doonanaa, sida dadka u shaqeeya dowladda iyo ganacsatada Facebook ku jira,” Waxaa aan jeclaan lahaa dadka saboolka ahba in ay si wanaagsan u noolaadaan. Kuma faraxani xaaladdooda,” —Seynab Maxamuud Xaabsey.


​Signals Academy

oo tababar ku aaddan Tiknoloojiyadda siiyay Haween ka tirsan Nabad-Ilaalinta

S

oddon iyo sagaal haween oo isugu jira ciidamo iyo shaqaalaha dhanka xiriirka ah ee socday 17 waddan oo ay afar yihiin kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa loo soo xiray tababar socday labo usbuuc ee loogu talagalay in lagu kobciyo xirfadda dhanka Tiknoloojiyadda iyo Xiriirka ee haweenka ka tirsan ciidamada militariga iyo kuwa booliska ah. Tababarkani waxaa lagu bixiyay dugsiga tababarka Qaramada Midoobay ee Signals Academy oo ku yaalo Xarunta Adeegga Gobolka ee Qaramada Midoobay ee Entebbe, Uganda. Agaasimaha Waaxda Taakuleynta dhanka Xiriirka iyo Tiknoloojiyadda ee Qaramada Midoobay, Mudane Anthony O’Mullane, oo muuqaal ahaan khadka internet-ka kula hadlay ka qaybgalayaashay ayaa sheegay in tababarka uu ku dhiirrigelin doono haween badan in ay ka qayb qaataan howlaha nabadilaalinta. Tababarkani waxaa uu yahay tababarkii labaad ee qayb ka ah barnaamijyo aqoon kororsi ah ee loogu talagalay haweenka ka tirsan ciidamada ujeedkiisuna uu yahay in lagu caawiyo haweenka qayb ka ah ciidamada nabad-ilaalinta in ay howlahooda si hufan u gutaan. Tababarkii ugu horeeyay waxaa

la qabtay bisha Nofembar ee 2016. Maareeyaha Barnaamijyada ee dugsiga tababarka Signals Academy ee Qaramada Midoobay, Samuel Leal, ayaa xaqiijiyay in dugsiga uu ka go’an yahay in uu horumariyo sinnaanta jinsiga iyo awoodsiinta haweenka ka mid ah nabad-ilaalinta. Waxaa uu hadalkiisa ku soo qaatay Xeerka 2122 (2013) ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ku dhiirrigelinayo Waddamada Ciidamada iyo Booliska ugu deeqaya howlaha nabad-ilaalinta in ay badiyaan tirada haweenka ka tirsan howlaha nabad-ilaalinta ee Qaramada Midoobay. Tababarka waxaa uu ka kooban yahay qaybo barasho uun ku kooban iyo qaybo camali ah oo ku aaddan agabyada Qaramada Midoobay, nidaamka howlgallada ee caalamiga ah, arrimaha jinsiga iyo la qabsiga arrimaha guud ee howlgallada Qaramada Midoobay. Marwo Safia Boly, Madaxa Xarunta Adeegga Gobolka ee Qaramada Midoobay ee Entebbe ayaa ku boorrisay ka qaybgalayaasha in ay ku dadaalaan in ay heer sare ka gaaraan shaqadooda. Mudane Yutaka Nakamura, Safiir ku xigeenka Jabaan u fadhiya dalka Uganda ayaa

Qayb ka mid ciidamada militariga iyo booliska oo tababar ku qaadanaya dugsiga tababarka ee Qaramada Midoobay ee Signals Academy oo ku yaala gudaha Xarunta Adeegga Gobolka ee Qaramada Midoobay ee Entebbe, dalka Uganda.

asna sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in ay taageero siiso tababarka nabadda iyo amniga. Dowladda Jaban ayaa taageero ku bixineysay barnaamijka tan iyo markii la bilaabay. Waxaa sidoo kale taageero dheeraad ah laga helay Howlgalka Mareykanka ee Afrika (USAFRICOM), Dowladda Jarmalka, Howlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfur Suudaan (UNMISS) iyo Xafiiska Taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOS). Tan iyo markii la aasaasay, dugsiga Qaramada Midoobay ee Signals Academy waxaa uu tababar siiyay 87 haween oo ka mid ah 1,222 haween ee ka tirsan shaqaalaha dhanka xiriirka.

Dugsiga tababarka Qaramada Midoobay ee Signals Academy waxaa la aasaasay 2015 kaddib Shirka Koowaad ee heer Caalami ah ee kuu aaddanaa isticmaalka Tiknoloojiyadda ee arrimaha Nabad-ilaalinta, kaas oo lagu qabtay magaalada Brindisi ee Talyaaniga, waxaana si wadajir ah u aasaasay Qaramada Midoobay iyo dowladaha taageero. Dugsiga waxaa uu tababar gaar ahaaneed siiyaa ciidamada iyo booliska ku howlan arrimaha xiriirka ee ka soo jeedo TCC/PCC iyo ururrada gobolka sida Midowga Afrika (AU), si loo tayeeyo waxqabadka iyo hufnaanta shaqaalaha dhanka xiriirka ee ka tirsan howlaha nabadilaalinta.

Ka qaybgalayaasha oo sawir u taagan xarunta dugsiga tababarka ee Qaramada Midoobay ee Signals Academy oo ku yaala gudaha Xarunta Adeegga Gobolka ee Qaramada Midoobay ee Entebbe, dalka Uganda. 39 haween oo ka tirsan ciidamada militariga iyo kuwa xiriirka ku howlan oo ka kala yimid 17 waddan oo afar ka mid ah ay yihiin kuwa AMISOM ayaa tababarkani ka qaybgalaya. Tababarka waxaa taageero ku bixiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taakuleynta Soomaaliya (UNSOM) iyo kuwa kale. JOORNAALKA AMISOM

35


Nagala soco Onlinka


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.