AMISOM Magazine - Issue 22 - Somali

Page 1

www.amisom-au.org |

Daabacaadda 22-aad | Luulyo – Diseembar 2017-ka

XIL

WAREEJINTA JOORNAALKA AMISOM

1


Dhambaal ka yimid

SRCC

Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Uqaabilsan Soomaaliya (SRCC), Danjire Francisco Caetano Madeira

“AMISOM waxaa ay ku howlaneyd dhaq-dhaqaaq ciidan oo looga gol lahaa in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada Jiidda Hore ku jira ee guud ahaan Soomaaliya, si ay ugu diyaargaroobaan xil wareejinta mas’uuliyadda amniga”. —Danjire Francisco Caetano Madeira

T

oban sano ka hor, baaq ka timid saaxiib garab u baahan ayaa waxaa uu horseeday howlgalka nabadeynta ee abid ugu weynaa Afrika, kaas oo isugu keenay waddamadda Uganda, Burundi, Ethiopia, Djibouti iyo Kenya, howlgal ballaaran ee looga dan lahaa in maleeshiyaadka Al-Shabaab laga saaro caasimadda Muqdisho iyo magaalooyinka waaweyn ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Maanta haddii aan dib u milicsanno, waxaa aan ku faraxsannahay oo aan ku qanacsannahay horumarka ballaaran ee laga gaaray in ay Soomaaliya ku laabato sida ay ahayd. Waxaa haatan la galay weji cusub kaasi oo mas’uuliyadda amniga dalka lagu wareejinayo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Tani waxaa ay gogol xaar u tahay in ciidamada dalka ay qaataan hoggaanka ammaanka dalkooda. Waxaan u bogay oo aan ku qancay dadaalkooda iyo sida ay uga go’an tahay in ay ka soo baxaan waajibaadkooda amni, sida ku xusan Hab-dhismeedka Amniga Qaranka iyo Istaratiijiyadda Difaaca Qaran. Sida uu qorayo qorshaha dhimista ciidamada, ciidamada Midowga Afrika waxaa ay mas’uuliyadda amniga magaalooyinka waaweyn ku wareejin doonaan ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, iyada oo lagu saleynayo qorshe xil wareejin ah oo ku dhisan shuruud. In kasta oo howsha na hortaallo ay tahay mid aad u culus, waxaa aan ku kalsoonnahay in AMISOM ay ka tagi doonto ciidamo tayeysan oo ka soo bixi karo baahiyada dhinaca amniga ee Soomaaliya. Si yoolkan loogu guuleysto, waxaa dhammaan bah-wadaagta looga baahan yahay taageerro buuxda. Waxaa aad muhiim ah baahida loo qabo in hal aragti la yeesho. Si la mid ah, waxaa laga maarmaan ah in ciidamada ay helaan taageerrada bulshada Soomaaliyeed, si ay uga adkaadaan argagixisada. AMISOM iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay sii wadaan wada-hadal ku saabsan dhimista ciidamada, kaasi oo looga gol leeyahay in la xaqiijiyo in guulaha laga gaaray wiiqidda maleeshiyaadka gacanta ka bixin. Inta lagu guda jiro xil wareejinta, AMISOM iyo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya waxaa ay sii wadayaan in ay ka wada-shaqeeyaan howlgallo wadajir ah oo laga dan leeyahay in gebi ahaanba la burburiyo maleeshiyaada iyo in la isku furo waddooyinka muhiimka ah. Waxaa sidoo kale mudnaanta la siinayaa ilaalinta dadka rayidka ah iyo abuurista jawi ammaan ah si ay dadka u sameeyaan horumar ayna si carqalad la’aan ah u wataan howlahooda. Toddobaadyada la soo dhaafay, AMISOM waxaa ay ku howlaneyd dhaqdhaqaaq ciidan oo looga gol lahaa in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada Jiidda Hore ku jira ee guud ahaan Soomaaliya, si ay ugu diyaar-garoobaan xil wareejinta mas’uuliyadda amniga. Usbuucyada soo socdana, waxaa sii socon doona dhaq-dhaqaaqa istarateejiyadeed ee ciidamada AMISOM, iyada oo aan wax carqalad ah la gelin doonin bixinta adeegyada ku aaddan amniga, si loo xaqiijiyo ammaanka dadka Soomalaiyeed, kuwaas oo mar waliba mudnaan u ah howlaha AMISOM. Akhris wacan!

2

JOORNAALKA AMISOM


TUSMO 2

Dhambaal ka yimi Wakiilka Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya

4

Qodobbada Wararka

8

Wareejinta Mas’uuliyadda Amniga

10

Howlgallada Militari

12

Ka Mideysan Cadowga

14

AMISOM oo xoojisay Dadaallada ka dhanka ah Walxaha Qarxa

16

Soomaaliya oo qabatay shir-weynihii ugu horreeyay ee ku saabsan amniga

18

Xoojinta Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya

19

Mareykanka oo deeqay Baabuurta Dagaalka

20

La Dagaalanka Qorista iyo Adeegsiga Askarta Carruurta ee Colaadda Hubka la isla Adeegsado

21

AMISOM oo Jaamacad ku Wareejisay Dowladda Soomaaliya

23

ITF oo soo Saartay warbixinta Guddiga Wadashaqeynta Rayidka iyo Militariga ee Soomaaliya

24

Midowga Afrika oo deeq raashiin ah gaarsiiyay dhibbanayaashii abaaraha Soomaaliya

24

Milicsiga AMISOM

29

Bulshada ku nool Dhoobley, ee gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya oo ka faa’iideystay taageerrada ciidamada AMISOM

30

Soomaaliya oo dejisay waxyaabaha mudnaanta u ah dhaqan-celinta soo goostayaasha

31

Boolisnimada Soomaaliya

35

Bandhigga Saddexaad ee Buugaagta ee lagu Qabtay Muqdisho

Wiil yar oo 18-ka Sebtembar Ceebta Kismaayo ee Soomaaliya ku sawiraya calaamad nabadda ka hor Maalinta Adduunka ee Nabadda taasi oo la xuso 21-ka Sebtembar sanad kasta. Soomaalida waxaa ay u wada tabaabusheysteen dadaallada nabad waarta. Photo: AU-UN IST

Naqshadda: Noel Lumbama Sawirka: Qolka Wararka ee Midowga Afrika – Qaramada Midoobay| thenewsroom@auunist.org Email-ka: amisommediacentre@gmail.com P.O. Box 20182 – 00200, Nairobi, Kenya Talefoon: +254 202 713 755 /56 /58 Fax: +254 202 713 766 Daabacaadda: Qaybta Wargelinta Dadweynaha ee AMISOM

JOORNAALKA AMISOM

3


Qodobbada Wararka 11-kii

BISHII LUULYO

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa waxaa ay si rasmi ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku wareejisay dhismaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, oo gacantooda ku jiray muddo 10 sano ah. Ciidamada Midowga Afrika kuwooda ka socda dalka Burundi ayaa marka ugu horreysay jaamacaddaasi dagay 2007-dii oo marka hore u adeegsanayay saldhig howlgallada laga fuliyo, taasi oo marki dambe noqotay xarunta dhexe ee guutada ee laga abaabulo howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab; waxaa ayna horseedday in dagaalyahaannada laga saaro Muqdisho. Wareejinta jaamacadda waxaa ay u gogol xaareysaa in dib loo furo xaruntan waxbarasho, kaddib dayactir uu Xafiiska Taageerida Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ku sameeyay.

2017

17-kii

BISHII LUULYO

AMISOM iyo Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay si wadajir ah magaalada Gaalkacayo daaha ka rogeen tababar loo samaynaayay ciidamadda booliska ee isku dhafan. AMISOM iyo Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa waxaa ay qaban-qaabiyeen tababarka wadajirka ah ee loogu talagalay in lagu diyaariyo koox boolis ah oo ka soo kala jeeda maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug si ay gacan uga geystaan sugidda amniga magaalada Gaalkacyo, taas oo qayb ka ah heshiiska xabbad joojinta ee la kala saxiixday. Tababarkan waxaa uu qayb ka yahay Heshiiska Xabbad joojinta ee Gaalkacyo oo ay 1-dii bisha Janaayo ay kala saxiixdeen Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug. Sida ku xusan heshiiska, koox boolis ah ee ka soo kala jeedo labada maamul ayaa la siin doona tababar, si ay gacan ka geystaan dhaqan gelinta xabbad joojinta ee labada maamul goboleed.

2017

29-kii

BISHII LUULYO

2017

Kulan wadajir ah oo dhex maray Howlgalka Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsanayd in la sameeyo dhimista ciidamada AMISOM oo ku dhisan shuruudo. Kulankan oo lagu qabtay gudaha caasimada Muqdisho ayaa waxaa uu ku soo idlaaday baaq ku aaddan in AMISOM loo helo maalgelin “ku filan oo la saadaalin karo” si loogu suurtageliyo AMISOM in ay tayeyso Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya si ay diyaar u noqdaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga ee dalka.

4

JOORNAALKA AMISOM

13-kii

BISHII AUGUST

2017

H

ay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya aanan laga sheegin kiisas ku saabsan cudurka dabeysha muddo 3 sano oo xiriir ah balse hay’addan Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in taxaddar laga muujiyo oo laga hortago in fayraskan waddanka la soo geliyo. Warbixintan ayaa waxaa ku dhawaaqay Agaasimaha Howlaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO uu qaabilsan Bariga Mediterranean-ka, Dr. Maxamuud Fikri oo ka qayb-galay madashii loogu dabaal degaayay guushan la gaaray oo lagu qabtay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Xafladdan ayaa waxaa si rasmi ah uu daah furay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed ‘Farmaajo’’. ““Maanta waxaan uu dabaal-degeynaa guul aad u muhiim ah. Hase ahaatee waxaa xusid mudan in shaqadeenna aysan weli dhammaanin. Iyada oo dunida ay ku sii siqeeyso cirib-tirka cudurka dabeysha, in taxadar laga muujinaayo waddamada khatarta ugu weyn ugu jiro in cudurkan dabeysha ah la soo geliyo sida Soomaaliya ayaa hadda la siinayaa mudnaan ka badan tii hore ee la siin jiray”—Dr. Maxamuud Fikri.


24-kii

BISHII AUGUST

2017

J

effrey Feltman oo ah Xog-haye hoosaadka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda ayaa booqday Soomaaliya waxaana uu kulamo dhowr ah la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan madaxda dalka si midnimo uu ugu muujiyo dowladda iyo dadka Soomaaliyeed iyo sidoo kale in uu xaqiijiyo taageerada Qaramada Midoobay ay siineyso dowladda cusub. Waxaana uu kala xaajooday qaababka xal loogu heli karo caaqabadaha dalka haysto sida abaarihii dalka ku dhuftay dhawaan iyo sidoo kale arrimaha la xiriira ammaanka.

7-kii

BISHII SEBTEMBAR

warbixinta Guddiga Wadashaqeynta Rayidka iyo Militariga ee Soomaaliya taas oo ka hadlaysa horumarka laga sameeyay dhinaca taageerrada bani’aaddinimada 3-da sano ee ugu dambeeyay. Warbixintan oo ay si wadajir ah u soo saareen AMISOM iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Isku-Duwidda Arrimaha Bani’aaddinimada (UNOCHA), waxaa ay sidoo kale mustaqbalka gacan ka geysan doontaa howlaha bani’aaddinimada xilli ay

2017

A

AMISOM iyo bahwadaagteeda ayaa waxaa ay daahfureen

21-kii

BISHII SEBTEMBAR

2017

9-kii

BISHII OKTOOBAR

2017

— Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Simon Mulongo.

3-kii

BISHII OKTOOBAR

2017

S

oomaaliya ayaa xustay Maalinta Nabadda ee Adduunka iyada oo ku boorrisay dhallinyarada in ay colaadda u raadiyaan xal nabad ah. Dhallinyarada ayaa ballanqaaday in ay horumarin doonaan nabadda. Maalinta Nabadda ee Adduunka waxaa hirgelisay Qaramada Midoobay sanadka 1981-dii si loo xoojiyo ballanqaadyada dhinaca nabadda caalamka.

Soomaaliya ku dadaaleyso in ay dhisto qaab-dhismeed jawaab-celin degdeg ah looga bixiyo musiibooyinka. “Markaan haysanno Guddi u qaabilsan Wada-shaqeynta Rayidka iyo Militariga kuwaas oo dib u eegaya sida ugu wanaagsan ay u wadashaqeyn karaan militariga iyo hay’adaha gargaarka, waa arrin aan soo dhaweyneyno, dhismihiisana waa in loo qaato si dhab ah”

H

oggaamiyeyaal sarsare oo ka socday Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Siminaar ku saabsan Xiriirka oo socday labo maalmod isugu yimaaden magaalada Muqdisho si xaal loogu raadiyo qaabab wax ku ool ah loo soo bandhigi karo guulaha ay gaaren AMISOM iyo Somaaliya. Madaxdan ayaa ka wada hadlay caaqabadaha ka

haysta dhanka isgaarsiinta gaar ahaanna aaladaha casriga ah ee aan la maamulin iyo qaababka wax looga qaban karo iyo in la raadiyo qaababka xal loogu heli karo baahiyaha AMISOM ee dhanka isgaarsiinta istaraatiijiga ah iyo sidoo kale baahiyaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. “Waxaa muhiim ah in aan leennahay isku duwid isgaarsiineed waayo waxaan leenahay oo keliya hal cadow cadowgaasina waa xagjirka rabshadaha wata ee Al Shabaab ah, waa cadow dadaal ugu jira in uu keeno kala qeybsanaan” Waa hadalada Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka ah Abdirahman Yusuf Yarisow u ka jeediyay madasha lagu daah furaayay kulankan.

R

a’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khaire ayaa si rasmi ah u furay xafladdii loogu dabaal degaayay xuska sanad guuradii 55-aad ka soo wareegtay tan iyo markii Uganda ay xuriyaddeeda qaadatay. Waxaa uu ku boogaadiyay dowrka Uganda ay ka qaadatay soo afjaridda dagaallada sokeeye ee socday muddo dhowr iyo toban sano, iyo soo celinta nabadda iyo amniga. Hadalkan ayaa waxaa uu ka jeediyay xaflad ay qabatay safaarada waddanka Uganda ay ku leedahay magaalada Muqdisho. JOORNAALKA AMISOM

5


10-kii

BISHII OKTOOBAR

2017

16-kii

BISHII OKTOOBAR

2017

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sarakiil ka tirsan ciidanka booliska Koonfur Galbeed u qabatay tababar qaatay muddo 10 maalmood ah oo ku saabsanaa maareynta goobaha ay ka dhaceen falal dembiyeedyada aasaasiga ah kaas oo lagu qabtay magaalada Baydhabo, oo xarun uu ah maamul goboleedka Koonfur Galbeed. 20 sarkaal oo ka socday waaxda dembi baarista ayaa ka qeyb qaatay tababarkan oo qeyb ka ah tababarro khaas ah oo ay bixisay boolista AMISOM. Ciidamadda iyo shaqaalaha rayidka ee AMISOM ayaa waxaa ay soo qaban qaabiyen barnaamij dhiig loogu deeqaayay dhibbanayaashii weerarkii 14-kii bishii Oktoobar ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Sarreeye Guud Nuur Subagle oo hormuud ka ahaa ol’olahan dhiigga loogu deeqaayay oo ka dhacay xarunta taliska ciidamadda AMISOM ayaa ku baaqay in midnimo loo muujiyo islamarkaasina la taageero dhibanayaasha. “Waxaan doonayaa in aan farriin uu diro Soomaalida taas oo ah in Al Shabaab ay tahay cadowga dadka iyo bani’aadannimada. Dadkaasi haddii ay yihiin dad caadi ah ma aysan bartilmaameydsan lahayn dadka caadiga ah. Qofna yuusan uu maleynin in Al Shabaab ay la dagaalamayso AMISOM ama ciidamada ammaanka ee Soomaaliyeed amaba ciidamo kale ee ku sugan waddanka. Waa in ay ogaadan in Al Shabaab ay cadow ku tahay jiritaanka ummadda Soomaaliyeed”

25-kii

BISHII OKTOOBAR

2017

7-kii

BISHII NOFEMBAR

2017

Kulanki 4-aad ee sanadlaha ah ee qaaradda oo ay yeeshaan Guddiyada Maareeya Doorashooyinka ayaa lagu qabtay Kigaali, caasimadda Rwanda iyadoo lagu aqoonsaday in dhalinyaradu ay kaalin lixaad leh ku leeyihiin geeddi-socodka doorashooyinka ee Afrika. Kulanka oo labo maalin socday ayaa lagu lafaguray dhaqamada iyo xalka ugu wanaagsan ee loo heli karo caqabadaha maareynta doorashooyinka qaaradda. AMISOM ayaa uu fududeeysay in xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Soomaaliya ay ka qayb qalaan kulankaasi.

6

JOORNAALKA AMISOM

—Sarreeye Guud Cusman Nuur Subagle

Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (FGS) iyo Hay’adaha Kale ee daneeya Arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa ay qabteen kulan degdeg ah oo ay dib u eegis ugu samaynaayen weerarkii14-kii bishii Oktoobar kaas oo galaaftay nolosha dad ku dhow 400 oo qof. Kulankan Guddiga Wadajirka ee Maareeynta Dhibaatooyinka oo ay soo agaasintay AMISOM ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminaayay Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya Raisedon Zenenga iyo sidoo kale madaxda laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidamada Difaaca Dalka Sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Xusein ayaa waxaa ay isku afgarteen tallaabooyinka looga hortagi karo in mustaqbalka ay dhacan weeraro noocaas oo kale.


11-kii

BISHII NOFEMBAR

2017

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxaa ay si wadajir ah u qabteen kulanka oo ay uga hadlaayen habka dhammaystiran oo loo wajahayo amniga Soomaaliya. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale la is kula soo qaaday waxyaabaha mudnaan qaran u ah Soomaaliya, horumarka laga sameeyay habka dhammaystiran ee ammaanka loo wajahayo iyo gaabisyada jirta waxaana kulankan ka soo qeyb galay Wasaaradaha muhiimka ah ee Dowladda Federaalka ah, maamul goboleedyada, Qaramada Midoobay, AMISOM iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee ay bah-wadaagta yihiin.

16-kii

BISHII NOFEMBAR

E

rgayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya (SRCC) iyo Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa wehliyay ergo madax sare ah ee ka socday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu hoggaaminaayay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khaire ayaa booqasho qiimeyn amni ku tagay magaalada Barawe, oo ah magaalo xeebeed istaratiiji ah oo ku taalla Shabeellaha Hoose. Ergadan ayaa waxaa ay la kulmeen duqeyda magaalada iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Mudane Khaire ayaa uu ballanqaaday in AMISOM ay sii heli doonto taageero si ay ugu suurtagasho in ay sii sugaan amniga magaalo xeebeedkaas ilaa iyo inta ciidamada ammaanka Soomaaliyeed ay diyaar uga noqonaayan in ay si buuxda ammaanka magaalada u la warreegan.

2017

22-kii

BISHII NOFEMBAR

2017

H

awlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa siminaar ku saabsanaa taabbagelinta iyo taageerida arrimaha la xiriira isdhexgalka jiinsiyadaha goobaha kala duwan ee laga shaqeeyo oo qaatay muddo dhan 2 maalmood u qabtay xubno ka tirsan Ciidamadda Xoogga Qaranka. Tababarkan oo loo qabtay ugu yaraan 32 shaqaale oo ka kala socday qaybta ammaanka ee Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa waxaa taageerayaa Safaarada Waddanka Ingiriiska ay ku leedahay Soomaaliya.

4-kii

BISHII DISEMBAR

2017

S

hir heer sare oo looga hadlay amniga Soomaaliya kaas oo qabsoomay 4-tii bisha Diseembar ayaa lagu heshiiyay in “si degdeg ah loo sameeyo qorshe xilwareejin ah oo macquul ah kuna saleysan shuruudo”, si mas’uuliyadda amniga laga wareejiyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya laguna wareejiyo

ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Kulanka iskaashiga ahaa ee la qabtay 5-tii bishii Disembar ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka kala socotay 25 waddan iyo 6 hay’ado oo caalami ah, madaxda 5-ta maamul goboleed iyo sidoo kale hoggaamiyaha Maamulka Gobolka Benadir oo ay Muqdisho ka mid tahay. JOORNAALKA AMISOM

7


Wareejinta Mas’uuliyadda Amniga

Ka qaybgaleyaal soo xaadiraya xafladda xiritaanka Shir Wadajir ah oo ay qabteen AMISOM iyo DFS oo ku saabsan Xilwareejinta Mas’uuliyadda Amniga oo AMISOM laga wareejinayo laguna wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed oo ka dhacay Muqdisho, Soomaaliya

A

MISOM iyo Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa bishii Luulyo qabtay shir heer-sare ah, si looga arrinsado lana isku af-garto qorshe wax ku ool ah ee ku aaddan in mas’uuliyadda amniga dalka lagu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, sida lagu caddeeyay Heshiiska Hab-dhismeedka Amniga Qaranka iyo Habka Dhammeystiran ee loo wajaho amniga. Heshiisyadan oo udub dhexaad u ah in la gaaro dib u habeyn amni oo waarta iyo in mas’uuliyadda koowaad ee amniga laga wareejiyo AMISOM laguna wareejiyo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya, ayaa isla markana aqoonsanaya in AMISOM ay weli muhiim u tahay sugidda amniga Soomaaliya. Shirkii bishii Luulyo lagu qabtay caasimadda Muqdisho oo lagu aqoonsanayay baahida loo qabo in taageero dheeraad ah la siiyo AMISOM, si ay awood ugu yeelato in ay u gudato waajibkeeda si wax ku ool ah ayaa lagu soo jeediyay baaq cusub oo ah in Howlgalka Midowga Afrika loo helo maalgelin “ku filan lana saadaalin karo”.

Waxaa shirka laga sheegay in maagleinta ay awood u yeeleyso Howlgalka in ay sii waddo tayeynta Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya, si ay diyaar u noqdaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga. Shirka ayaa la isku af-gartay in taageerrada dheeraadka ah diiradda lagu saari doono tababar dheeraad ah, hagid iyo in lagu qalabeeyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya kaabayaasha lagama maarmaanka ah gaadiid, si ay ugu suurtagasha in ay gutaan mas’uuliyaddooda amni si hufan. War murtiyeed la soo saaray gabagabadii shirka shanta maalmood socday ayaa labada bad-wadaag ku xaqiijiyeen in ay ka go’an tahay xil wareejinta sida ku cad talooyinkii laga soo jeediyay shir-weynihii London ee Soomaaliya ee la qabtay bisha Maay 2017-kii, iyo warbixintii Dib u eegista Wadajirka ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee AMISOM. War murtiyeedka oo ay saxiixeen Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya, Mudane Cabirashiid Cabdullaahi Maxamed iyo

Danire Francisco Madeira oo ah Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo ah Wasiirka Difaaca ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo saxiixaya war-murtiyeed ku saabsan Xilwareejinta Mas’uuliyadda Amniga oo AMISOM laga wareejinayo laguna wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo ka dhacay Muqdisho, Soomaaliya, 29-ka Luulyo 2017-ka. 8

JOORNAALKA AMISOM

Danjire Francisco Caetano Madeira oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa xusay hab “tartiib ah oo ku dhisan shuruudo” in lagu sameyn doono xil wareejinta, si loo xaqiijiyo in guulaha laga gaaray Al-Shabaab aysan dib u dhac ku imaanin. War murtiyeedka ayaa sheegay in loo baahan yahay howlgallo wadajir oo “muhiim ah degdegna ah” oo laga fuliyo guud ahaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya si “loo curyaamiyo loona wiiqo” Al-Shabaab. “Taliyayaasha qayabaha ee Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa soo bandhigay hadafkooda degdegga ah iyo howlgallada mudnaanta la siiyay si loo sii wiiqo AlShabaab,” ayaa ku qoran war murtiyeedka. “Waanu wadahadalnay, waxaan isku daynay in aan isla eegno sida ugu habboon ee aan horey ugu socon karno dhinaca qorsheynta habka ugu wanaagsan ee loo hirgelin karo go’aamadan si ay saameyn xooggan ku yeeshaan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab,” ayuu ku yiri Danjire Madeira gabagabada shirkii shanta maalmood socday. Waxaa jiray heshiis in AMISOM iyo Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya ay yeesheen kulamo qorsheyn ah kuwaas oo lagu abaabulayo howlgallada wadajirka ah ee inta ka dhiman sanadka iyo wixii ka dambeeya. “Ujeeddada ugu weyn waa sida aan u wada shaqeyn lahayn oo aan isku xoogdarsanno dhinaca dadaalkeenna si ay noo suurtagasho in aan xaqiijinno in aan ka soo baxno howlaha na looga fadhiyo in aan sameyno sida ugu habboon ee nagu caawin karo in aan xasilinno dalkani,” ayuu carrabka ku adkeeyaya Wasiirka Difaaca, Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed. AMISOM waxaa laga dalbaday inay gacan ka geysato qorshaha la dagaalanka maleeshiyaadka.


Habka dhammeystiran ee loo wajahayo ammaanka

11

-kii bishii Nofeembar Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo AMISOM ayaa waxaa ay qabten kulan wadajir ah oo ay arrinsanayeen Habka Dhammeystiran ee loo wajahayo Amniga Soomaaliya. Kulankan ayaa waxaa la iskula soo qaaday arrimaha qaran ee mudnaanta u ah Soomaaliya, horumarka laga gaaray Habka Dhammeystiran ee loo wajahayo Amniga iyo dulduleelka jira. “Sugidda amniga kaliya ma ahan in tallaabo dagaal ah la qaado, waxaa aan garwaaqsannahay in aan u

Wakiillo ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maamul Goboleedyada iyo bah-wadaagta caalamiga oo ka qaybgalaya shir madax sare oo ku saabsan habka dhammaystiran ee loo wajahayo amniga ah oo lagu qabtay Muqdisho 11-ka Nofeembar 2017-ka. (Midig) Mudane Xassan Cali Khaire, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlaya shirka kaasi oo ay gacan ka geysatay Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

baahannahay xeelad dhinacyo waliba leh oo uu si wanaagsan u qeexay madaxweynaheenna, kaas oo dadaal ugu jira in uu shacabkeenna ka qayb geliyo maamul wanaag, la dagaalanka musuqmaasuqa, arrimaha dib u heshisiinta iyo ka soo kabsashada dhaawacyadii aan horay uu soo marnay”, ayuu shirka ka yiri Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre. Waxaa u sidoo kale xusay in xeeladda dhammeystiran ee lagula tacaalayo xaaladda amniga Soomaaliya in

ay muhiim tahay, xilli ay dowladda isku diyaarineyso in ay gebi ahaanba ka adkaato maleeshiyada Al-Shabaab, si dalka dib loogu soo celiyo nabad waarta iyo kala dambeyn. Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa carrabka ku adkeeyay dadaallada wadajirka ah ee wax looga qabanayo caqabadaha dhanka amniga. “Mar haddiiba aan garaneyno cadowga, mar haddii

aan garaneyno awoodda aannu leennahay, waan garaneynaa waxaa loo baahan yahay in aan sameyno. Mar haddiiba aan garaneyno waxa loo baahan in aan sameeyno, waxaan uu baahannahay dhaqaale. Waxaan uu baahannahay in aan wada fadhiisanno oo aan isla eegno sida aan ku heli lahayn dhaqaalahaasi”, ayuu yiri. Madeira ayaa sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo is dhaafsiga macluumaadka iyo awoodaha sirdoonka ee ku saabsan argagixisada.

Wakiilka Midowga Afrika Madeira oo ku biiray wafdi madax sare oo ka socday dowladda booqasho ay ku tageen Barawe

S

i horey loo wado qorshaha xil wareejinta, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Danjire Francisco Caetano Madeira, ayaa u wehliyay wafdi madax sare oo ka socday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Ra’iisal Wasaaraha Mudane Xasan Cali Khaire, booqasho lagu qiimeynayay amniga magalaada Barawe, oo ah magaalo xeebeed istaratiiji ah oo ku taallo gobolka Shabeellaha Hoose. Booqashadan ayaa waxaa ay ku soo aadday xilli ay socdaan wada-hadal ka dhaxeeyo AMISOM, Dolwadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya oo ku saabsan in dhimis lagu sameeyo tirada ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala magaalooyinka waaweyn ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. “Si ay AMISOM ugu suurtagasho in ay halkani si

Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira iyo Ergayga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Michael Keating oo howlo shaqo u imaanaya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Dhexe 15-kii Nofeembar 2017-ka.

hufan uga shaqeyso, waxaa loo baahan yahay in dhammaan bahwadaagta iyo Soomaalida laftooda laga helo aragti isku mid ah iyo taageerro si aan anaga oo wadajir ah aan u wiiqno aanna baabi’inno Al-Shabaab”, ayuu xusay Danjire Madeira. Sida ku sugan qorshaha dhimista, ciidamada Midowga Afrika waxaa ay mas’uuliyadda

amniga ee magaalooyinka waaweyn ku wareejin doonaan ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, iyada oo loo marayo qorshe xil wareejin ah oo ku saleysan shuruudo, si ay ugu suurtagasho in ay qaataan mas’uuliyadda koowaad ee amniga. Ra’iisal Wasaare Khaire, ayaa u xaqiijiyay bulshada ku

nool Barawe in AMISOM ay heli doonto taageerrada ay u baahan tahay si ay u sii waddo howsha ay ku sugeyso amniga dalka, ilaa iyo marka ay ciidamada dalka ay diyaar u noqdaan in ay la wareegaan. “Waxaan ognahay in aad diyaar u tihiin in aad iska celisaan cadowga, waxaana halkaan u joognaa in aan idiin muujinno in aan idin garab taagannahay,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha. Wafdiga aaday magaalada Barawe waxaa uu ka koobnaa Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sharif Xasan Sheekh Aadan; Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Veronique Lorenzo; Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaliya, Michael Keating; ku Xigeenka Safiirka Uganda u fadhiya Soomaaliya, Sarreeye Gaas Nathan Mugisha; mas’uuliyiin ka socday Qaramada Midoobay, AMISOM iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. JOORNAALKA AMISOM

9


Howlgallada Militari

T

allaabo degdeg ah oo lagu yaraynayo weerarrada argagixisada oo dheeri ah oo ka dhaca Soomaaliya ayaa la qorsheeyay bishii Oktoobar, kaddib qaraxii weynaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho 14-kii Oktoobar, kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 400 qof. Shir degdeg ah oo ay ka soo qayb galeen Midowga Afrika (AU), Qaramada Midoobay (UN), Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo daneeyayaal kale oo

Sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod oo ah Taliyaha Ciidamada Difaaca ee Soomaaliya oo ka hadlaya shir wadajir ah oo ku saabsan maaraynta xasaradaha oo dib-u-eegis loogu samaynayey qaraxii Is-goyska Zoobe ka dhacay 14-kii Oktoobar. Shirka waxaa lagu qabtay Xarunta Dhexe ee howlgalka AMISOM ee ku taala Muqdisho.

muhiim ah ayaa lagu bilaabay tallaabooyin lagu yareynayo khatarta weerarrada lala beegsado rayidka. Shirka Guddiga Wadajirka ah ee Maaraynta Dhibaatooyinka, oo ay soo abaabushay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa waxaa ka soo qayb galay saraakiil sar-sare oo ka socday Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Raisedon Zenenga, iyo madax sar-sare oo ka socday laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen Taliyaha Ciidamada Difaaca, Sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen, ayaa looga hadlay siyaabooyinka ugu wanaagsan ee la isla wadaagi karo xogta iyo arrim1o kale. Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Simon Mulongo ayaa xusay in shirka lagu aqoonsaday baahida loo qabo in laga hortago dhacdooyinka la mid ah ee mustaqbalka, iyada oo loo marayo in la helo amni wanaagsan iyo isku duwid hufan. “Shirka waxaa la isku raacay in la dejiyo tallaabooyin lagu yareynayo weerarrada oo fal celin wanaagsan loo bixiyo mustaqbalka. Waxaa aan leennahay koox farsamo oo ka shaqeyn doonta sharraxaadda noocyada fal celinta iyo sida ay isku xigi doonaan, iyo sida ugu dhaqsaha badan ee aan fal celinta ku

Simon Mulongo, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka hadlaya shir wadajir ah oo ku saabsan maaraynta xasaradaha oo dib-u-eegis loogu samaynayey qaraxii Is-goyska Zoobe ka dhacay 14-kii Oktoobar. Shirka waxaa lagu qabtay Xarunta Dhexe ee howlgalka AMISOM ee ku taala Muqdisho 25-ka Oktoobar 2017-ka.

bixin karno, marka labaadna, waxaa aan isku duwi doonnaa howlaheenna qaab nidaam leh waxaana xaqiijin doonnaa in arrimaha taliska iyo xakameynta in si wanaagsan la isla ogaado,” ayuu yiri Mulongo. 14-kii bishii Oktoobar 2017-ka, argagixisada ayaa baabuur laga buuxiyay walxaha qarxa ku qarxiyay isgoys mashquul badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay cawaaqib aad u daran. “Waxaa jira caqabado badan oo loo baahan yahay in wax laga qabto xilligaan la joogo, oo inooga baahan in aan midowno,” ayuu yiri Sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen, oo ah Taliyaha Ciidamada Difaaca ee Ciidanka Xoogga Soomaaliya (SNA).

Madax ka socota Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) Qaramada Midoobay iyo howl-wadeenada kale ee caalamka oo ka qaybgalaya shir wadajir ah oo ku saabsan maaraynta xasaradaha oo dib-u-eegis loogu samaynayey qaraxii Is-goyska Zoobe ka dhacay 14-kii Oktoobar. Shirka waxaa lagu qabtay Xarunta Dhexe ee howlgalka AMISOM ee ku taala Muqdisho 25-ka Oktoobar 2017-ka 10

JOORNAALKA AMISOM


Askari ka socda Uganda oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ilaala ku jira xilli lagu guda jiray howlgallo Al-Shabaab looga nadiifinayo duleedka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose 15-ka Nofeembar 2017-ka.

Howlgallada Wadajirka ah ee Gobolka Shabeellaha Hoose C iidamada Midowga Afrika iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa qaaday howlgal ballaaran oo maleeshiyaadka Al-Shabaab looga sifaynayo Gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka wadajirka ah oo la qaaday toddobaadkii ugu horreeyay ee bishii Noofeembar, wuxuu u qaybsami doonaa wejiyo, si loo xaqiijiyo in ammaanka

waddooyinka muhiimka ah ee isku gobolka iyo Muqdisho uu sugan yahay si dhaq-dhaqaaqa badeecada iyo adeegyada loo gudbiyo six or ah, sida laga soo xigtay Gaashaanle Dhexe Israel Kaheru Bagenda, oo ah Taliyaha Cutubka 11-aad ee Ciidanka Difaaca Uganda. “Ujeeddadu waa in la hubiyo in maleeshiyaadka Al-Shabaab laga sifeeyo meelahan guud

ahaan,” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Bagenda. “Waa in aan farriin cad u dirno Al-Shabaab meel walba oo ay joogaan, taasi oo ah in aan u oggoleyn in aan dib ugu soo laabtaan Afgooye, Balcad, Ceelasha Biyaha, Lafoole, oo ay bilaaban in ay gaystaan burbur”. AMISOM waxaaa ay Al-Shabaab ka saartay meelo badan oo dalka ka mid ah, oo

Kornayl Israel Kaheru Bagenda, Taliyaha Howlgalka Cutubta 11-aad ee ka tirsan Ciidamada Difaaca Uganda oo qayb ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo la hadlaya wariyeyaal xilli lagu guda jiray howlgallo AlShabaab looga sifeynayo duleedka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose

Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo isku diyaarinaya in ay qaadaan howlgallo haraaga Al-Shabaab looga saarayo duleedka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya.

ay ka mid yihiin magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, iyaga oo qaaday seddax howlgallo militari ah oo waaweyn oo loogu magac daray Howlgalka Eagle, Howlgalka Indian Ocean iyo Howlgalka Jubba Corridor. Ujeeddada laga lehaa howlgallada ayaa waxaa ay isugu jirtay seddax arrin oo kala ah; in la xoreeyo magaalooyinka, in hakad la geliyo waddooyinka sahayda loogu gudbiyo argagixisada iyo in laga hor istaago in ay canshuurta sharci darrada ah ka qaadaan dadweynaha. JOORNAALKA AMISOM

11


Ka Mideysan

Cadowga

H

Rag iyo dumar oo xaaqin wata oo waddada ka xaaqaya burburkii uu ku reebay qaraxii baabuurka ahaa ee ay qaadeen kooxda maleeshiyada Al-Shabaab ee ka dhacay caasimadda Muqdisho 15-kii Oktoobar 2017-ka.

Kumanaan qof ayaa isku soo bax sameeyay oo cambaareeyay Al-Shabaab xasuuqa ay u geysatay dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuwaas oo aan awood u lahayn in ay iska difaacaan. Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa si weyn uu cambareeyay weerarka iyada oo ciidamo iyo saraakiil ka socday AMISOM ay si degdeg ah uga qeyb qaaten dadaalada gurmadka ah iyo ka soo kabsashada. “Kani waa fal fuleeynimo ah oo ay geeysten kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab waxaana tan looga dan lahaa in bulshada la cabsi geliyo si ay iyagu taageeraan balse waan ka adkaan doonnaa” ayuu yiri Taliyaha Ciidamadda Difaaca Uganda ah Sarreeye Muhanga Kayanja. Baabuur walxaha qarxa lagu soo buuxiyay ayaa ku qarxay isgoys aad uu mashquul badan oo ku yaallo wadnaha magaalada waxaana uu ku Taliyaha Qaybta Ciidamada Uganda ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Sarreeye Guuto Kayanja dhintay kuna dhaawacmay Muhanga oo booqanaya goobta uu ka dhacay qaraxii baabuurka ee ay ku qaadeen kooxda maleeshiyada Al-Shabaab boqollaal qof. caasimadda Muqdisho.

addii weerarkii 14-ka bisha Oktoobar looga dan lahaa in lagu qalbi jebiyo shacabka, wuxuu noqday mid aan lagu guuleysan oo aan miro dhal lahayn. Weerarka oo ahaa

12

JOORNAALKA AMISOM

kii ugu saameynta badnaa taariikhda Soomaaliya, ayaa hase ahaatee, isku keenay Soomaaliya, waxaa ayna ka mideysnaadeen dagaalka ka dhanka ah argagixisada.


Waddamada Deeqay Ciidamada oo Taageerro u fidiyay Dhibbanayaashii weerarkii 14-ka Oktoobar

D

alalka ciidamada ku deeqay AMISOM ayaa gargaar caafimaad fidiyay oo waddamadooda u qaaday dadka ay soo gaareen dhaawacyada culus si ay u helaan daryeel caafimaad oo dheeraad ah. Dalalka Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Jabuuti

ayaa ahaa qaar ka mid ah waddamada taageerro fidiyay. “Waxaanu keennay 11 tan oo daawooyin kala duwan ah. Waxa aan sidoo kale diyaar u ahay in aan u qaado 26 bukaan Isbitaalka Kenyatta National Hospital. Dadka lafta dhabarka ka dhaawacmeyna, waxa aan u

qaadi doonnaa Isbitaalka heer Qaran ee Laf-dhabarka ee Nairobi. Waxaa aan Alle ka baryeynaa in uu dhammaan idin siiyo sabar aad ugu adkeysataan khasaaraha weyn ee idin soo gaaray,” ayuu yiri Sarreeye Gaas ee hadda howlgabka ah, Lucas Tumbo, Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya.

Booliska Soomaaliyeed oo 17kii Oktoobar 2017-da Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ku dejinaya deeq daawooyin oo ka timid dowladda Kenya oo ay ugu tabarruceyso dhibaneyaasha qaraxii 14-ka Oktoobar ka dhacay Muqdisho.

Dhibane wax ka soo gaaray qaraxii 14-ka Oktoobar ka dhacay Muqdisho oo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde naxash lagu wado si daawayn loogu qaado Kenya.

Diktoreyso Fowziya Abiikar Wasiirka Federaalka ah ee Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada oo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde kula hadleysa warbaahinta kaddib markii ay daawooyin ka guddoontay dowladda Kenya. JOORNAALKA AMISOM

13


AMISOM oo xoojisay Dadaallada ka dhanka ah Walxaha Qarxa

S

ababo la xiriira sare u kaca khatarta Walxaha Qarxa ee ku aaddan dadka rayidka ah iyo ciidamada ammaanka, AMISOM waxaa ay magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dib u eegis loogu sameynayo halista iyo khatarta Walxaha Qarxa, waxaana ay la yimaadeen awood looga hortagi karo Walxaha Qarxa ee Soomaaliya. Kulankan oo la qabtay bishii Septembar ayaa waxaa ka soo qayb galay wakiillo ka kala socday Howlgalka Midowga Afrika, ciidamada ammaanka Soomaaliyeed, Qaramada Midoobay iyo Ciidamadda Ingiriiska. “Waxaan filayaa in jeediyo talooyin lagu dhaqaaqi karo si loo hago dhammaan qaybaha kala duwan laga bilaabo Xarunta Dhexe ee Taliska iyo in talooyin loo jeediyo Qaybta Taageeridda Howlgallada Nabadda ee Midowga Afrika si ay tallaabo u qaadaan,” ayuu yiri Sarreeye Guud Cusman Nuur Subagle, Taliyaha Ciidamada 14

JOORNAALKA AMISOM

AMISOM inta lagu guda jiray furitaanka rasmiga ah kulankan socday seddax maalmood oo ay maalgeliyeen Dowladda Ingiriiska iyo Hay’adda Wax ka Qabashada Miinooyinka ee Qaramada Midoobay (UNMAS). Sarreeye Guud Cusman Nuur Subagle ayaa xusay in siminaarradii hore eek u saabsanaa Walxaha Qarxa ay sare u qaadeen wacyiga iyo aqoonta, waxaa ay horseedday in ay si weyn sare u kacaan tirada walxaha qarxa ee la helay isla markaasina la burburiyey. “Si loo yareeyo khatarta walxaha qarxa, waxbarasho, tababar, warbixin wanaagsan, is dhaafsiga macluumaadka, wiiqidda shabakada argagixisada iyo in la maal-gashado qalabka looga hortagi karo Walxaha Qarxa, intaba waa loo baahan yahay,” ayuu ku nuuxnuuxsaday Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira.

Simon Mulongo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya oo shahaado ku wareejinaya Sarreeye Daniel Reilly oo ka mid ah ciidanka Ingiriiska xilli la soo xirayey tababar ku saabsan ka hortagga Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa oo Muqdisho lagu qabtay.

Wadahadalka waxaa diiradda lagu saaray sida si hufan loo xakameyn karo faafitaanka

walxaha qarxa ee ay adeegsadan ururrada argagixisada ah sida Al-Shabaab.


Saraakiil ka socota Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo bah-wadaagta caalamka oo ka qaybgalaya xirirtaanka tababar ku saabsan ka hortagga Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa oo Muqdisho lagu qabtay.

“Ma jirto xabbad gaar ah, ma jiro xal fudud, mana jiro hal arrin oo xal ah oo wax looga qaban karo caqabaddan Walxaha Qarxa,” ayuu yiri Taliyaha Ciidamadda Ingiriiska, Gaashanle Sare John Wakelin. “Ma jirto maalgelin, ma jirto hal farsamo ama xeelad arrintan lagu xallin karo. Waa arrin isku dhafan,” ayuu ku raaciyay. Adeegsiga xeelado kala duwan ee dhinaca dagaalka ka dhanka ah walxaha qarxa ayaa la xusay in ay tahay mid ka mid ah qaababka wax ku oolka ah ee loola tacaali karo caqabadda. Mudane Amadu Kamara oo ah Agaasimaha Taageerrada Howlgalka ee Xafiiska Taageerada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka hadlay baahida loo qabo in lala yimaado “xeelado wax ku ool ah ee lagu yareyn karo walxaha qarxa, oo qayb ka ah habka dhammeystiran ee loo wajahayo amniga ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya”.

Kulanka ayaa waxaa lagu heshiiyay in laga hortago isticmaalka baahsan ee walxaha qarxa.

M

udane Allan McDonald oo ah Agaasimaha UNMAS ayaa hadalkiisa ku celceliyay muhiimada ay leedahay in aqoontii la kororsaday loo gudbiyo ciidamada jiidda hore ee dagaalka ku jiro, gaar ahaan ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, si waafaqsan dadaallada lagu taageerayo howlgallo ay hoggaminayaan Soomaalida, ka hor qorshaha lagu wado in la dhimo tirada ciidamada Midowga Afrika. Ka soo qayb galayaasha kulanka ayaa soo jeediyay in ciidamada Midowga Afrika iyo Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ay si hufan u horumariyaan oo ay wanaajiyaan awooddooda ku aaddan uruurinta xogta iyo sirdoonka, taasi oo ah tallaabo wax ku ool ah ee looga hortagi karo dhibaatan walxaha qarxa. “Waxaa keliya aan mas’uuliyad ku warreejin karnaa ciidan (Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed)

Danjire Madeira Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Amadu Kamara oo ah Agaasimaha Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOS) oo eegaya qalab xilli lagu jiray tababar ku saabsan ka hortagga Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa oo Muqdisho lagu qabtay Sebteembar 25, 2017.

awood u leh in ay uu howlgalan sida aan inagu nahay, haddii aysanba ka sii wanaagsanayn. Marka sidaas daraadeed inagoo sii wadno tababaridda ciidamadda AMISOM, waa in si la mid ah amaba ka sii sarreeysa aan uu tababarnaa ciidamada qaranka,”

ayuu yiri Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Simon Mulongo. Waxyaabaha kulanka laga soo jeediyay waxaa lala wadaagay Qaybta Taageeridda Howlgallada Nabadda ee Midowga Afrika si ay tallaabo u qaadaan. JOORNAALKA AMISOM

15


Soomaaliya oo qabatay shir-weynihii ugu horreeyay ee ku saabsan amniga

S

hir heer sare oo looga hadlay amniga Soomaaliya kaas oo qabsoomay toddobaadkii ugu horreeyay bisha Diseembar ayaa lagu heshiiyay in “si degdeg ah loo sameeyo qorshe xilwareejin ah oo macquul ah kuna saleysan shuruudo”, si mas’uuliyadda amniga laga wareejiyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya laguna wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. “Qorshahan waa in uu hago xukunka sharciga, dhowrista

xuquuqda aadanaha waana in lagu soo daro ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata, xasilinta iyo dowladnimada,” ayuu qoraya qayb ka mid war-murtiyeedka uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan. Kulanka oo lagu qabtay caasimadda Muqdisho ayaa sidoo lagu heshiiyay in la dhiso qorshaha hannaanka xilwareejinta tani iyo Diseembar 31, 2017, “iyada oo laga gol leeyahay in la dhammeystiro qorshaha xil-wareejinta ee

qabyada ah ka hor Dib u Eegista Wadajirka ah ee AMISOM ee sanadka 2018-ka”. “Tani waxaa ay u baaahan tahay wada-shaqeyn dhow iyo iskaashi u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada, iyo iskaashi u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, si loo xaqiijiyo in la helo natiijooyin cad”. Sida ku sugan qorshaha xil-wareejinta, waxaa la sameyn doonaa istarateejiyad lagu diyaariyo shuruudaha xilwareejinta. Waxaa uu qorshaha

Diblomaasiyiin caalami ah oo ka qaybgalaya Shirka Amniga ee Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho 4-tii Diseembar 2017-ka. 16

JOORNAALKA AMISOM

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo u khudbeynaya ka soo qaybgaleyaasha xilli lagu jiray Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho, Soomaaliya.

qorayaa waxyaabo ay ka mid yihiin in la helo “ciidan la awoodi karo kharashkooda, la xisaabtan leh oo la aqbali karo”, kuwaas oo awood u leh in ay sugaan amniga guud ahaan Soomaaliya. “AMISOM waxaa ay sii wadi doontaa taageeridda xilwareejinta, iyada oo u mareyso howlaha mudnaanta la siiyay, ee ku xusan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee cadadkiisu yahay 2372”, ayuu war-murtiyeedku sidoo kale qoraya.


Qayb ka mid ah diblomaasiyiinta caalamiga ah oo ka qaybgalaya Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho, Soomaaliya.

Ka soo qaybgaleyaasha oo xaadiraya Shirka Amniga Soomaaliya oo 4-tii Diseembar lagu qabtay Muqdisho, Soomaaliya.

Howlaha si wadajir ah ay u qaban doonaan AMISOM iyo Ciidanka Xoogga ee Soomaaliya waxaa ka mid ah sugidda amniga Waddooyinka Muhiimka ah, sugidda ammaanka goobaha ay bulshada iskugu yimaadaan; iyo sidoo kale hagidda ciidamada ammaanka ee Soomaaliya kuwooda militariga ah iyo Booliskaba. Ka qaybgalayaasha shirka ayaa ku heshiiyay in si degdeg ah

loo hirgeliyo Qaab-dhismeedka Amniga Qaran kaas oo udubdhexaad u ah in lagu guuleysto dib u habeyn waarta ee dhinaca amniga, iyo in mas’uuliyadda koowaad ee amniga laga wareejiyo AMISOM laguna wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Arrimaha mudnaanta la siiyay in la hirgeliyo waxaa ka mid ah isku-dhafka ciidamada maamul goboleedyada iyo

ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Joogteynta taageerrada caalamiga si loo dhiso awoodda ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo hay’adaha ku howl leh ammaanka ayaa sidoo kale la soo hadal qaaday in si degdeg ah wax looga qabto Shirka amniga ee Soomaaliya waxaa si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, kaas oo hoosta ka xarriiqay horumarka bilaha ugu dambeeyay laga gaaray fulinta dib u habeynta amniga iyo wanaajinta midnimada Dowladda Federaalka ah iyo xubnaha Maamul Goboleedyada. “Qiimeynta Diyaargarowga Howlgalka waa la dhaammeystiray waxaana ogaannay awoodaha, dulduleelka iyo casharrada ee ku aaddan ciidamada Booliska iyo kuwa Xoogga Dalka. Waxaan tani u adeegsan doonnaa in aan ku ogaanno aanna ku fulinno

4. Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Soomaaliya iyo Duqa magaalada Muqdisho oo ka qaybgalaya Shirka Amniga Soomaaliya oo 4-tii Diseembar lagu qabtay Muqdisho, Soomaaliya.

dib u habeynta loo baahan yahay,” ayuu Madaxweyne Farmajo ku yiri khudbad uu ka jeediyay furitaanka shirka. Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay ka go’an tahay in hormuud ay ka noqoto amniga dalka balse waxaa uu xusay in ay jirto baahi degdeg ah in la tayeeyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ka hor inta aan mas’uuliyadda amniga ee dalka lagu wareejin. Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano ayaa ku nuuxnuuxaday in midnimada madaxda Soomaaliyeed ay tahay arrin loo baahan yahaysi loo gaaro nabad waarta. Waxaa uu sheegay in dib u habeynta amniga ee Soomaaliya aan si wax ku ool ah loo hirgelin karin iyada oo aan midnimo jirin. Midnimada madaxda Soomaalida ayaa loo baahan yahay si wax looga qabto caqabadahani loona xalliyo si dhammeystiran oo loo dhan yahay, dadaal joogta ahna la geliyo,” ayuu yiri. Kulankani Amniga oo ay soo qaban-qaabiyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, AMISOM iyo Qaramada Midoobay ayaa looga gol lahaa in laga wada-hadlo horumarka laga gaaray Habka Dhammeystiran ee loo Wajaho amniga dalka, wuxuuna daba socday Shirki London ee la qabtay bisha Maay 2017. Inta lagu guda jiray Madasha Iskaashiga, bahwadaagta Soomaaliya ee dhinaca horumarinta waxaa ay ballanqaadeen in dalka ay siinayaan taageerro la saadaalin karo oo joogta ah. Kulankan heer sare ah waxaa ka qaybgalay 25 dal iyo 6 hay’adood, madaxweynayaasha shanta maamul goboleed iyo madaxa maamulka gobolka Benaadir oo ay Muqdisho hoos timaaddo. JOORNAALKA AMISOM

17


Dhisidda Awoodda NISA

I

yada oo ay ka mid tahay dadaallada lagu dhisayo kartida ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugidda Dalka (NISA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay siminaar ku saabsan baarista dagaalyahaannada ka soo goostay Al-Shabaab. Siminaarkan oo ay ka qaybgaleen saraakiil laga soo xulay NISA ee ka socda maamul goboleedyada ka jira dalka, ayaa looga gol lahaa in dib u eegis lagu sameeyo habraaca howlgallada iyo dhisidda kartida NISA ee dhinaca baaritaanka dagaalyahaannada soo goostay. Hannaanka baaritaanka waxaa uu yahay qayb muhiim ah oo ka mid Barnaamijka Qaran ee la Tacaalidda iyo Maareynta Dagaalyahaannada soo goostay ee Soomaaliya. Siminaarkan ayaa waxaa looga wada hadlay siyaabaha kala duwan ee looga hortagi karo argagixisada laguna xaqiijin karo in dagaalyahaannada Al-Shabaab ka soo goostay kuwaas oo doonaya in dib loogu celiyo bulshada ay helayaan taageerrada ay u baahan yihiin.

Cabdirashiid Ibraahim Maxamed agaasimaha Barnaamijka Dhaqan-celinta soo goostayaasha oo hoos tagta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka ah oo u khudbeynaya ka soo qaybgaleyaasha xilli lagu jiray tababar ku saabsan karti dhiska ciidamada ammaanka ee Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho 4-ta Luulyo 2017-ka.

Zenaide Gatelli oo ah Madaxa qaybta Hub-ka-dhigista, Dhaqancelinta iyo Dib-u-dhexgelinta ee Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) oo shahaado guddoonsiinaya sarkaal dhammaadka tababar ku saabsan dhisidda kartida ciidamada ammaanka ee Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho 5-ta Luulyo 2017-ka 18

JOORNAALKA AMISOM


Bulshada oo Adeegsanaya Kubadda Cagta ah si ay u afjaraan Colaadaha ku saleysan Qabiilka

M

aadaama ay ka daaleen dagaallada, qaar ka mid ah dadka ku nool Soomaaliya waxaa ay qaadeen tallaabo geesinimo leh si ay hubka u dhigaan ayna waxa u dhaxeeya ku dhammeeyaan ciyaaro. Si ay uga faa’iideystaan miraha nabadda, bulshooyinka waxaa ay la imaanayaan dooq wanaagsan – wada noolansho in ay ka doorbidaan dagaallada. Magaalada Marka, oo ku taallo Gobolka Shabeellaha Hoose, bulshada waxaa ay adeegsanayaan ciyaaraha kubadda cagta si ay u sameeyaan wada xaajood ayna ku horumariyaan dib u heshiisiin. Xubnaha ka tirsan labo qabiil oo muddo sanado ah dagaal ka dhaxeysay, ayaa dhinac u dhigay waxyaabaha ay isku haystaan, waxaa ayna ku midoobeen ciyaarta kubadda cagta ah. Ciyaar saaxiibtinimo ah oo u dhaxeysay qabiillada Biimaal iyo Habargidir ayaa lagu qabtay Ceel-Jaalle bisha Sebtembar, waxaana lagu qabtay garoon lagu dhisay dadaal ay sameeyeen bulshada. Garoonka waxaa dhisay dadka ku nool degmada ayaga oo gacan ka helay Kooxda Isku Duwidda Rayidka iyo

Militariga ee Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), kuwaas oo bulshada ka caawiyay dhinaca nadiifinta iyo in la simo garoonka oo uu bulshada ugu deeqay nin oday ah. Qabaa’illada khilaafka ka dhaxeeyay ayaa u kala saftay xulalkooda – xulka kubadda cagta ah ee Marka Ayuub iyo xulka kubadda cagta ah ee CeelJaalle – ciyaarta koowaad oo ugu dambeyn ku dhammaatay eber iyo eber. Cayaartu waxaa ay daba socotay kulamo dhexdhexaadin ah iyo wada-xaajood oo ay hormuud ka ahaayeen Kooxda Isku Duwidda Rayidka iyo Militariga ee AMISOM iyo

Qaybta AMISOM ee dhulka sifeysa oo dhul simeysa si ay garoon kubadda cagta ugu sameeyaan labo qabiil oo Marka isku dagaalayey kuwaasi oo heshiis nabaddeed dhex maray. Labada qabiil oo waligoodba soo dagaali jiray ayaa hadda waxaa ay isku afgarteen in ay dagaal ku dhammeeyaan wada-hadal iyo wada-xaajooda ay dhexdhexaadisay ciidamada AMISOM ee jooga goobahaasi.

Korneyl Bonny Ogwal oo ah Taliyaha Guutada XXII ee Ciidamada Uganda oo ka howlgala degmada. “Howlahan oo kale oo aan u qabaneyno bulshada waxaa ay ka mid yihiin dadaalkeenna joogtada ah ee aan ku dooneyno in aan dhisno aana xoojinno xiriirka aan la leennahay bulshada aan wada-shaqeyno si aan xaqiijinno ammaanka. Cayarta kubadda cagta ah waxaa suurta gelisay nabadda ka jirta Soomaaliya maanta,

Labo koox oo laga samaayey labo qabiil oo is dagaaleysay oo sawir galaya ka hor inta aayan ciyaar kubadda cagta ah isku la ciyaarin Marka, Soomaaliya 28-dii Sebteembar 2017-da. Labada qabiil oo waligoodba soo dagaali jiray ayaa hadda waxaa ay isku afgarteen in ay dagaal ku dhammeeyaan wada-hadal iyo dhexdhexaadin ay hirgeliyaan xogagga AMISOM ee jooga goobahaasi.

taas oo u sahashay dadweynaha in ay ka qayb-glaan howlaha bulshada iyo isboortiga,” ayuu yiri Gaashaanle Robert Kamara, oo ah Afhayeenka Ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM. Firkaddan kubadda cagta ah waxaa soo jeediyay maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo AMISOM ka codsaday in ay gacan ka siiso nadiifiinta iyo dhismaha garoonka kubadda cagta ah, kaddib markii uu oday ku dhaqan degmada ugu deeqay qayb ka mid ah dhulkiisa oo uusan isticmaalin si uu u taageero mashruuca isboortiga. Bulshada ayaa isku biirsaday dadaalkooda si ay u dhisaan garoonka kubadda cagta. Ayaga oo taageero ka helaya AMISOM waxaa ay isticmaaleeen cagaf si ay ku simaan dhulka si uu u noqdo garoon ku habboon ciyaarta kubadda cagta. Cayaarta kubadda cagta ah waa cayaar caan ku ah Soomaaliya waxaan inta badan loo adeegsadaa in lagu abaabulo dhallinyarada in ay horumariyaan howlaha nabadda.

JOORNAALKA AMISOM

19


La Dagaalanka Qorista iyo Adeegsiga Askarta Carruurta ee Colaadda Hubka la isla Adeegsado

A

MISOM ayaa waxaa ay lixdan saraakiil oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya siisay tababar ku saabsan ka hortagga qorista iyo adeegsiga carruurta la askareeyo ee xilliga ay socdaan colaadaha. Tababarka socday muddo labo maalmood ee la qabtay bishii Sebtembar oo ay gacan ka geysteen Dowladda Ingiriiska iyo Romeo Dallaire Child Soldiers Initiative, iyaga oo u marayo Jaamacadda Dalhousie ee Canada, waxaa ka qayb galay dad ka socday ciidamada militariga Soomaaliyeed, booliska iyo nabad-sugidda. Wakiillo ka socday hay’adaha aan dowliga ahayn, dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyadaba ayaa sidoo kale ka qayb galay siminaarka. “Waa in aan carruurtan ka badbaadinno in la geliyo xagjirnimo, in lagu tashkiiliyo in ay ku dhaqaaqaan falal gurracan ee ka dhan ah dadkooda, ka dhan ah dalkooda, iyo deriskooda,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inta uu socday siminaarka karti dhiska ah. Wakiilka Gaarka ah ayaa xusay in adeegsiga carruurta askarta ah xilliyada colaadaha uu aad ugu badan yahay

Ka soo qaybgaleyaal ka kala socda Laamaha Amniga ee Soomaaliya eek ala duwan ayaa ka qaybgalaya Koorso Tababaridda Tababareyaasha AMISOM oo ku saabsan ka hortagga Askaraynta iyo Isticmaalka Carruurta ee Colaadda Hubeysan oo lagu qabtay Muqdisho, Soomaaliya 14-kii Sebtembar 2017-ka.

Soomaaliya, waxaana uu ka hadlay baahida loo qabo in la diyaariyo xog ku saabsan baaxadda ay gaarsiisan tahay dhibaatadan. “Waa ay adag tahay in dhab ahaan loo garta tirada carruurta da’yarta ah ee qayb ka ah dagaalkan. Waxaan dhihi karnaa waa wax aad u baahsan, gaar ahaan dhinaca Al-Shabaab,” ayuu yiri Danjire Madeira. Tababarka waxaa diiradda lagu saaray

ogaanshaha carruurta la askareeyay, ka hortagga qorista ama shaqaaleynta, dhaqan-celintooda iyo dib u dhexgelintooda. Danjire Madeira ayaa sheegay in tababarka ay qaban qaabiyeen Soomaalida horey loo siiyay tababar kale oo ay bixisay AMISOM. “Qorshahan waxaa uu qayb ka yahay istaratiijiyadda ka bixitaanka AMISOM kaas oo looga gol leeyahay in la dhiso awoodda Soomaaliya si

McNeil Jennifer, Isku-duwaha Tababarka ee hay’adda Romeo Dallaire Child Soldeirs Initiative (RDCSI) khudbad ka jeedineysa Koorso Tababaridda Tababareyaasha AMISOM oo ku saabsan ka hortagga Askaraynta iyo Isticmaalka Carruurta ee Colaadda Hubeysan oo lagu qabtay Muqdisho, Soomaaliya. 20

JOORNAALKA AMISOM

ay u qaataan mas’uuliyaadda tababaridda kuwooda asxaabtooda kale,” ayuu yiri. Safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Mudane David Concar, ayaa kooxda maleeshiyaadka Al-Shabaab ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan sare u kaca tirada carruurta askar ahaan loo qoro. “Dhibaato weyn ayay ku leedahay bulshada, waxaa ayna dib u dhac ku tahay dadaalka loogu jiro nabadda ee dalkan ku yaalla Afrika,” ayuu xusay Mudane Concar. “Marka dhibaatadan waxaa aan u qaadaneynaa si dhab ah. Waxaan dooneynaa in aan wax ka qabanno. Waana sababata aan ula shaqeyneyno Midowga Afrika anaga oo u mareyno AMISOM, iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo aan maalgelinno tababar khaas ah,” ayuu raaciyay. Tababarka waxaa isku duway Mudane Musa Gbow, Taliyaha Ilaalinta Carruurta ee AMISOM. “Ujeeddada laga leeyahay tababarka waa in la sii xulo tababareyaasha mustaqbalka, kuwaas oo bisha Sebtembar la siin doono Tababarka loogu talagalay Tababareyaasha, si ay u sii gudbiyaan farriinta ayna tababar siiyaan dadka kale ee guud ahaan dalka,” ayuu yiri Mudane Gbow.


AMISOM oo Jaamacad ku Wareejisay Dowladda Soomaaliya

A

MISOM ayaa si rasmi ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku wareejisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo gacantooda ku jiray muddo toban sano ah. Ciidamada Midowga Afrika ee ka socday dalka Burundi ayaa markii ugu horreysay saldhig ka dhigtay

jaamacadda sanaddii 2007-dii, xilligaas oo ay u adeegsanayeen xero ay ka fuliyaan howlgallada, taasi oo marki dambe noqotay xarunta dhexe ee guutada ee laga abaabulo howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab; taasi oo horseedday in maleshiiyaadka laga saaro caasimadda Muqdisho. Wareejinta jaamacadda

Fasallada cusub ee casharrada lagu bixiyo ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed 11-kii Luulyo 2017-ka.

waxaa ay gogol xaar u ahayd furitaanka machadka waxbarashada. “Arrintaani, AMISOM waxaa ay si cad ugu muujineysaa in aan bilownay in aan mas’uuliyadda ku wareejinno Soomaalida. Waxaa aan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo aan u adeegsaneynay xarun militari oo aan dib ugu celinnay machad

Martida xafladda wareejinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho Soomaaliya, 11-ka Luulyo 2017-ka. JOORNAALKA AMISOM

21


Martida oo joogta xafladda wareejinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho Soomaaliya.

Maxamed Axmed Jimcaale, oo u qaabilsan arrimaha diinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo hadal ka jeedinaya xafladda wareejinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho Soomaaliya

tacliinta sare, oo aan gacanta u gelinnay Soomaalida,” ayuu Danjire Francisco Caetano Madeira, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya ku yiri dadka ka soo qayb galay xafladda wareejinta jaamacadda, oo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Tacliinta Sare, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan. Ciidamada oo jaamacadda saldhig u ahayd ayaa waxaa loo guuriyey Xarunta Qaybta 5-aad ee Ciidamada AMISOM eek u taalla magaalada Jowhar. Howlaha guuritaanka waxaa la bilaabay bisha Abriil sanadka 2016-ka. Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa sheegay in wareejinta gacan ku haynta jaamacadda in ay ahayd “bilowga geeddi-socodka mas’uuliyadda amniga loogu wareejinayo Ciidamada Ammanka Soomaaliyeed,” asaga oo intaasi raaciyay in ay muujineyso sida ay Soomaalida ay hormuud u yihiin dadaallada dib u dhiska dalkooda.

Danjire Francisico Madeira, Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, Wasiirka Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo xariga jaraya xilli lagu jiray xafladda wareejinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho Soomaaliya, 11-ka Luulyo 2017-ka. 22

JOORNAALKA AMISOM

“Xafladdan wareejinta waxaa ay si cad u xaqiijineysaa in maalmaha Al-Shabaab ay kooban yihiin. Caasimaddan waxaa ay gacanta ku haayeen sanado badan. Maanta xaggey joogaan? Duurka ayay ku jiraan,” ayuu yiri Danjire Madeira. Jaamacaddan ee la aasaasay 1954 waxaa albaabada loo laabay kaddib marka uu qarxay dagaallada sokeeye ee sanadka 1991. Hase yeeshee, bisha Agosto ee sanadka 2014, jaamacadda ayaa dib loo furay, waxaana ay bilowday in ay bixiso tababar gaar ah, kaddib markii ay Soomaaliya heshay nabad. “Waxaan halkaan u joognaa seddax shay in aan u dabbaaldegno. Marka koowaad waa in aan xusno dowrka AMISOM, gaar ahaanna ciidamada Burundi, guud ahaanna AMISOM oo dhan, oo kala shaqaynayey ciidamada ammaanka ee Soomaaliya nabadeynta halkan iyo meela aad u badan ee dalka Soomaaliya ka mid ah tobankii sano ee adkaa ee ugu dambeeyay, anigana waxaan si aad iyo aad u boogaadinayaa wax qabadkaasi,” ayuu yiri Mudane Keating oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa ku tilmaamey wareejinta jaamacadda “astaanta dib u dhalashada Soomaaliya”. “Waxaan mudnaanta siinnay ammaanka, horumarinta dhaqaalaha iyo waxa ugu muhiimsan oo ah, waxbarashada. Waxaan aaminsannahay in waxbarashadu saldhig u tahay horumarka waara,” ayuu yiri wasiirka. Waxaa hadalkiisa ku raacay Maxamed Axmed Jimcaale oo ah shaqsiga u qaabilsan arrimaha diinta ee Jaamacadda Ummadda ayaa asna sheegay in dib u howlgelinta jaamacadda in ay “muujineyso soo laabashada nabadda, amniga iyo xasilloonida” ee Soomaaliya.


ITF oo soo Saartay warbixinta Guddiga Wada-shaqeynta Rayidka iyo Militariga ee Soomaaliya (AMISOM) iyo bahwadaagteeda ayaa waxaa ay daahfureen warbixinta Guddiga Wada-shaqeynta Rayidka iyo Militariga ee Soomaaliya taas oo ka hadlaysa horumarka laga sameeyay dhinaca taageerrada bani’aaddinimada 3-da sano ee ugu dambeeyay. Warbixintan oo ay si wadajir ah u soo saareen AMISOM iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee u qaabilsan IskuDuwidda Arrimaha Bani’aaddinimada (UNOCHA), waxaa ay sidoo kale mustaqbalka gacan ka geysan doontaa howlaha Madax ka socota Qaramada Midoobay iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ka qaybgalaya shir ku bani’aaddinimada saabsan kooxda wadashaqaynta Shacabka iyo Militariga oo lagu qabtay Muqdisho, Soomaaliya, 7-dii Sebteembar 2017-ka. xilli ay Soomaaliya ku dadaaleyso in ay dhisto qaabbani’aaddinimo ee meesha uu muhiim ku noqday “Tirada sii kordheysa ee dhismeed jawaab-celin degdeg mustaqbalka. ku xiriirkeenna iyo militariga, hay’adaha bani’aaddinimada ah looga bixiyo musiibooyinka. Warbixinta ayaa waxaa si aan u xaqiijinno in gargaarka ka shaqeeya Holwgalkani “Markaan haysanno Guddi ay sheegeysaa in AMISOM, la gaarsiiyo deegaannada aan waxaa ay baahan tahay in u qaabilsan Wada-shaqeynta iyada oo taageerro iyo hagid inta badan la gaari karin, AMISOM iyo OCHA ay Rayidka iyo Militariga kuwaas ka heleysa Guddiga Wadasi looga caawiyo dadka ku yeeshaan xiriir shaqo oo hufan. oo dib u eegaya sida ugu shaqeynta Militariga iyo dadka dhaqan deegaannadaas in ay ka Dhankeenna, waxaan ku wanaagsan ay u wadashaqeyn Rayidka ah, ay muujisay in badbaadaan macluusha,” ayuu kalsoonnahay in dadaallada karaan militariga iyo hay’adaha ay kaalin wax ku ool ah ka yiri Brady. noocaas oo wadajirka ah aysan gargaarka, waa arrin aan soo ciyaari kari lahayd furitaanka Hase ahaatee waxaa uu kaliya gacan ka geysan doonin dhaweyneyno, dhismihiisana waddooyinka muhiimka ka digay in Soomaaliya aysan in aan fahamno meelaha aan waa in loo qaato si dhab ah,” ah iyada oo adeegsaneysa weli ka bixin khatar ay ugu isku midka ka nahay, balse in ayuu ka yiri Wakiilka Gaarka agabka Howlgalka oo noqoto jirto macluusha, waxaana uu aan xalinno meelaha lagu kala ah ee Midowga Afrika u ‘tallaabada ugu dambeeya’, oo sheegay in dalka uu weli u duwan yahay,” ayuu yiri Ku fadhiya Soomaaliya, Simon lagu xaqiijiyo in la gaaro dadka baahan yahay caawinaad, taasi Xigeenka Wakiilka Gaarka ah Mulongo, xafladda ay goobjoog baahan. oo u baahan wada-shaqeyn ee Midowga Afrika. ka ahaayeeen saraakiil sarsare Warbixinta ayaa sidoo u dhaxeeya hay’adaha iyo Justin Brady oo ah Madaxa oo ka socday AMISOM, kale sheegeysaa jawi howlgal militariga. Xafiiska Qaramada Midoobay wakiillo ka socday hay’adaha oo sida Soomaaliya u caqabad “Wax badan ayaa inoo ee u qaabilsan Isku-duwidda Qaramada Midoobay iyo badan loo baahan yahay in si dhiman. Dabcan waxaa Arrimaha Bani’aaddinimada dibloomaasiyiinta. dhow ay u wada shaqeeyaan aan dhinnay deegaannada (UNOCHA) ee Soomaaliya, Waxaa uu ammaanay maamulka, deeq bixiyeyaasha khatar ugu jiro macluul, balse ayaa xusay in maadaamada xiriirka wanaagsan ee u iyo bah-wadaagta dhinaca khatarta weli waa ay jirtaa meesha ay hay’adaha samafalka dhaxeeya AMISOM iyo samafalka. waxaana sii wadeynaa in aan diiradda saarayaan loo hay’adaha samafalka, asaga Sanadka 2015, AMISOM ka shaqeyno in aan si dheeraad beddelay dhinaca ka hortagga oo sheegay in xiriirkan uu iyo Qaramada Midoobay ah u gaarsiinno gargaarka, macluusha, in ay aad muhiim gacan ka geystay wanaajinta ayaa kaddib markii ay wada taasina waxaa ay baahan tahay u tahay in la wanaajiyo isku-duwidda gargaarka ay u xaajood dheer ay la yeesheen wada-shaqeyn u dhaxeeya xiriirka u dhaxeeya hay’adaha baahan yihiin bulshada. hay’adaha gargaarka, waxaa hay’adaha iyo militariga,” ayuu iyo militariga, si dadka Waxaa uu xusay in isbeday saxiixeen ayna ansixiyeen yiri. dhibaateysan loo gaarsiiyo beddelka xaaladaha ka jira xeerka hay’adaha rayidka Marka laga soo tago gargaarka. Soomaaliya iyo sare u kaca iyo militariga ee u gaarka ah faahfaahinta horumarka laga “Sagaalka bilood ee tirada hay’adaha ka shaqeeyo Soomaaliya oo ku aaddan gaaray dhinaca arrimaha ugu dambeeyay wuxuu noo arrimaha bani’aadinimada, wada-shaqeynta hay’adaha bani’aaddinimada, warbixinta muujiyay in Soomaaliya aynan waxaa sii badanaya baaqa ah in samafalka iyo AMISOM. waxaa ay soo jeedineysaa in la kaliya ku jirin dhibaatooyin ay wada shaqeeyaan militariga Xeerka u gaarka ah waddanka sameeyo loona hoggaansamo caadi ah oo daba dheeraaday, iyo hay’adaha gargaarka, si waxaa uu maamulaa xiriirka Xeerarka Bani’aaddinimada ee balse in aan diiradda saareyno loo xaqiijiyo in gargaarka la isku duwidda rayidka iyo u Gaarka ah Soomaaliya si wax ka habka ka hortagga gaarsiiyo deegaannada ay militariga ee Soomaaliya. looga qabto dhibaatooyinka macluusha, waana halkaa adagtahay in la gaaro. JOORNAALKA AMISOM

23


Raashin ku raran gaari xilli lagu guda jiray xaflad Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya loogu wareejinay raashiin kala duwan oo uu deeqay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ee Muqdisho.

Midowga Afrika oo deeq raashiin ah gaarsiiyay dhibbanayaashii abaaraha Soomaaliya

M

idowga Afrika ayaa deeq raashiin ah oo lagu qiyaasay lacag dhan 100,000 oo doolar siiyay dhibbanayaashii abaarihii ku dhuftay Soomaaliya. 67 tan oo deeq ka kooban bariis, sokor, digir, iyo saliidda cuntada ayaa waxaa si rasmi ah mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku wareejiyay madaxa Howlgalka, Danjire Francisco Madeira oo matalayay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mousa Faki Mahamat, bisha Oktoobar 10. Xilligii uu booqasho ku yimid Soomaaliya bishii Maarso, Mudane Mahamat waxaa uu ballanqaaday taageero samafal bani’aadannimo kaddib markii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay codsatay in gargaar degdeg ah lala soo gaaro. Baaqan ayaa waxaa jawaab aan horay loo arag ka bixiyay dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo soo

uruuriyay lacag dhan 1.1 bilyan oo doolar oo loogu talagalay tallaabooyinka looga hortagayo macluusha. “Halka xaaladdan [abaarta] wax yar oo isbeddel ah laga sameeyay, dhibaatada dhinaca bani’aaddinimada waxaa ay weli u baahan tahay taageerro joogta ah oo dheeraad ah. Xilliga uu Guddoomiyaha Guddiga ku dhawaaqay deeqda 100,000 doolar oo ka timid Midowga Afrika si loogu caawiyo dadka ay saameysay abaarta, waxaa uu sheegay in uu rajeynayo in dadka kale ay ku daydan,” ayuu yiri Danjire Madeira, asaga oo intaas ku daray in xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid aan sugneyn. Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa ballanqaaday in u hubin doono in AMISOM ay sii waddo taageerada joogtada ah ee ay siiso dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka si ay ugu suurtagasho oo ayna uu taageeran dadka uu baahan caawimaad.

Madax ka socota AMISOM, Qaramada Midoobay iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo jooga xaflad ka dhacday Muqdisho 10-kii Oktoobar 20170-ka oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya loogu wareejinayay raashiin kala duwan oo uu deeqay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya. 24

JOORNAALKA AMISOM

“AMISOM ayaa waxaa ay si dhow ula shaqeyn doontaa Wasaaradda Arrimaha Bani’aaddinimada iyo Maareynta Musiibooyinka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ee deegaannada si loo hubiyo cunooyinka la qeybiyay islamarkaasina la gaarsiiyay dadka caawinaadda u baahan,” ayuu yiri. Marka lagu wareejiyay deeqda, Xog-hayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Bani’aaddinimada iyo Maareynta Musiibooyinka Macalim Maxamed ayaa farxad ka muujiyay asaga oo xusay in taageerrada ay ka heleen hay’adaha kala duwan dartood in ay ka caawiyeen Soomaaliya ka hortagga macluusha. “Soomaalida ku nool qaybaha kala duwan ee caalamka ayaa si aad ah ugu hawlanaa uruurinta lacag si ay u caawiyan walaalahood. Beesha caalamka waxaa ay sidoo kale qabatay shaqo cajiib ah taas oo ah in ay gargaar aad loogu baahnaa siiyan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Macalim Maxamed. Waxaa uu intaas ku daray in dowladda ay ka shaqayneyso habka loo yareyn karo saameynta ka dhalata abaaraha soo noqnoqda iyada oo xal waara la raadinayo si ay Soomaaliya u noqoto mid wax soo saar leh. Ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Peter de Clercq, ayaa ku boogaadiyay Midowga Afrika deeqdan oo ay bixiyeen wakhtiga loo baahan yahay. Waxaa uu sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed uu ku amaanay dowrka ay ka qaateen jawaab bixinta abaaraha iyo caawinta dadka baahan. “Waxaan aad ugu mahad celineynaa Midowga Afrika mana ahan oo keliya in aan uga mahad celineyno deeqdan iyo in ay muujiyeen sida ay qaaradda ugu hawlan tahay arrimaha quseeysa, balse dowrka ay ka qaateen furitaanka waddooyinka iyo sugidda amniga ee dalkan, kuwaas oo suurtagaliyay gargaarka bani’aaddinimada,” ayuu xusay de Clercq.


Milicsiga AMISOM Taliyaha Ciidamada oo booqday Ciidamada Kenya oo qaybta ka ah AMISOM

B

isha Oktoobar, Taliyaha Ciidanka AMISOM, Sarreeye Guud Cusmaan Nuur Subaagleh ayaa muddo seddax maalmood ah la qaatay ciidamada Kenya oo qaybta ka ah AMISOM, oo ku sugan Qaybta 2-aad ee maamul goboleedka Jubbaland. Taliyaha Ciidanka ayaa booqday ciidamada ku sugan Dhoobley, Afmadow iyo Kismaayo, wuxuuna uga mahadceliyay waxyaabaha ay hureen iyo dadaallada ay ku bixinayaan xasilinta Soomaaliya. Asaga oo uu wehlinayey Taliyaha Qaybta 2-aad, Sarreeye William Shume iyo labo sarkaal oo sarsare oo ka socday Xarunta Dhexe ee ciidamada AMISOM, Sarreeye Guud Cusman Nuur Subagleh waxaa uu farxad ka muujiyay shaqada wacan ee ay ciidamada qabanayeen. Dhanka Afmadowna, oo ay ciidamada Kenya ka fuliyaan howlgallada, Taliyaha ciidanka waxaa soo dhoweeyay Sarkaalka Taliska, Gaashaanle Dhexe Ptiony. Waxaa uu kaddib daah-furay Isbitaalka Afmadow oo ay dayactir ku sameeyeen ciidamada Kenya, taasi oo qayb ka ah waajibaadka u dhaxeeya ciidamada iyo rayidka. “Waan idin mahadcelinayaa reer Afmadow. Waxaa aad ka soo baxdeen kaalintiinna ku aaddan nabadda iyo amniga, in badan waad dadaasheen. Ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland waa ay idin kaga mahadcelinayaan dowrkiinna, waxaa ayna ku faraxsan yihiin in ay idin la shaqeeyaan,” ayuu Sarreeye Guud Cusmaan Nuur Subagleh ku yiri bulshada reer Afmadow kaddib markii uu daaha ka qaaday isbitaalka. Taliyaha Ciidamada ayaa Guddoomiyaha Degmada Afmadow,

Alifle Martha Maroa oo billad sharaf ka guddoomeysa Taliyaha Qaybta 2-aad ee AMISOM Brig William Shume xilli Taliyaha Ciidanka AMISOM Sarreeye Guud Cusmaan Nuur Subagle uu booqasho ku tagay Dhoobleey, 6-da Nofeembar 2017-ka.

Maxamed Sheekh Dhaqane, ku wareejiyay raashiin iyo dawooyin, kuwaas oo loogu talagalay in loo qaybiyo bulshada halkaasi ku dhaqan. “Si ay dadku u helaan nolol dhammeystiran, waxaa ay u baahan yihiin amni. Marka aad hesho nabad, wax aad heli kartaa waxbarasho, daryeel caafimaad, beeraha ayaad falan kartaan, waxaadna ka sameysan kartaa ganacsi,” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada. Odayaasha Afmadow ayaa amaanay AMISOM, waxaa ayna ciidamada ku

dhiiriggeliyeen in ay sii wadaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka. “Waxaa aan ugu baaqayaa Taliyaha Ciidanka, maadaama aad tahay taliyaha ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya, si aad taariikh wanaagsan ka tagto, waxaa loo baahan yahay in aad wiiqdo AlShabaab,” ayuu yir Oday Olal. Jeneraal Subagleh ayaa sidoo kale booqasho ku tagay xarunta laga fuliyo howlgallada ee Tabda, oo 40 kilimitir u jirta Dhoobley, halkaas oo uu la sheekeystay ciidamada.

Bulshada ku nool Dhoobley, ee gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya oo ka faa’iideystay taageerrada ciidamada AMISOM

B

ulshada ku nool Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ee ku yaalla jihada koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ka faa’iideystay howlo kala duwan oo ay u fidiyeen Ciidamada Difaaca ee Kenya, kuwaas oo hoos yimaada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Ciidamada waxaa ay bixiyeen kaalmo caafimaad, waxaa ay

dayactir ku sameeyeen dugsiyo waxbarasho, isbitaallo, goobaha lagu cibaadeysto, waxaa ay sidoo kalena deeqeen agab waxbarasho, ayaga oo taageeraya dadka baahan ee ku dhaqan deegaannada ay ka howlgalaan. Ciidamada Qaybta 2-aad oo xaruntooda ay tahay Dhoobley, ayaa bulshada ku nool Busaar u abaabulay rug caafimaad oo bilaash ah,

Ciidamada Kenya oo qayb ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka qayb qaadanaya howlo bani’aadamnimo oo ay ka mid yihiin baaritaanno caafimaad, gudniin, iyo bixinta deeq shamiinto ah iyo rinji ay siiyeen masaajidka deegaanka iyo kitaabo Quraan ah oo ay ugu deeqeen bulshada deegaanka. JOORNAALKA AMISOM

25


halkaas oo ay ku daaweeyeen xanuunnada caadiga ah ayna ku sameeyeen qalliin fud fudud. Ciidamada ayaa sidoo kale ku deeqay qalabka dhismaha ee lagu dayactiri lahaa masaajid ku yaal Busaar, waxaa ayna bixiyeen Kitaabo Qur’aanka Kariimka ah iyo qalabka cod-baahinta oo ay bulshada u adeegsan doonaan kulammada ay bulshada isku yimaadaan. Dhinaca dugsiga Hoose iyo Sare ee Waamo oo ku yaal magaalada Dhoobley, ciidamada waxaa ay rinji mariyeen ganjeelka laga soo galo dugsiga iyo darbiga, waxaa ay sidoo kale ugu deeqeen in a badan 100 kuraas iyo khaanadaha buugaagta. Dugsiga waxaa wax ka barta 350 arday. Taliyaha Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah AMISOM, Sarreeye William Shume, maamulaha

dhaqaatiirta Ciidanka Difaaca Kenya ayaa fidiyay baaris caafimaad oo bilaash ah isla markana waxaa ay daaweeyeen bukaanno halkaas ku dhaqan.

dugsiga iyo hoggaamiyeyaasha deegaanka ayaa ka qayb qalay xafladda wareejinta agabka waxbarashada. Dhinaca Cabdalle Biroole, oo ku yaalla isla qaybtaas,

Ciidamada Kenya oo qayb ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka qayb qaadanaya howlo bani’aadamnimo oo ay ka mid yihiin baaritaanno caafimaad, gudniin, iyo bixinta deeq shamiinto ah iyo rinji ay siiyeen masaajidka deegaanka iyo kitaabo Quraan ah oo ay ugu deeqeen bulshada deegaanka.

Bilihii ugu dambeeyay, ciidamada Kenya waxaa ay sidoo kale iskaashi la sameyeen maamulka deegaanka si ay bulshada ay saameeysay abaarta ka jirtay gobolka u gaarsiiyaan gargaarka iyo biyo nadiif ah. Ciidamada ayaa sidoo kale taageeray Ciidamada Xoogga Dalka in ay deer ku wareejiyaan xarooyinka Ciidanka Xoogga Dalka ayna ka qodaan gabbaadyo agagaarka xerooyinka si looga hortago in ay Baaburta laga buuxiyay walxaha qarxa ay jabiyaan difaacyadooda. AMISOM waxaa ka go’an xaqiijinta amniga iyo horumarinta heerarka nolosha ee dadka Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ay ka howlgalaaan.

Ciidamada AMISOM ee Qaybta 3-aad oo la sharfay kaddib markii uu u dhammaaday muddo 14 bilood oo howlgal ah

B

isha Luulyo, ayaa waxaa xaflad lagu qabtay magaalada Baydhabo oo ah xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed taasi oo lagu sharfayay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM kaddib markii ay si guul ah ku dhammeysteen howlgalka ay u joogeen gobollada Baay, Bakool iyo Gedo. Xafladdan ayaa waxaa soo xaadiray saraakiil ka socotay maamulka ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed, UNSOM, UNSOS, UNMAS, booliska, Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed, Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka ee NISA, oday dhaqameedyada, ururrada haweenka, saxafiyiinta iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah. Ciidamadan ayaa waxaa ay u adeegayeen bulshada

seddaxdaasi gobol ku nool muddo 14 bilood, iyaga oo hoos imaanayay taliyaha Qaybta 3-aad ee xilka ka sii degayaa, Jeneral Gabremeskel Gebrezigabe. Askarta ayaa waxaa lagu abaal mariyay billado iyo shahaadooyin qadarin ah. “Waxaan doonayaa in aan uga mahad celiyo maamulka ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed iyo bulshooyinka ku nool Qaybta 3-aad sida ay u garab istaagen askarteena” ayuu yiri Jeneraal Gabremeskel. Maxamed Xasan Fiqi oo matalaayay maamulka ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeedka ayaa ku amaanay ciidamada sida ay naftooda ugu hureen si Soomaaliya ay nabad u hesho. “Si wanaagsan ayaan runtii ula shaqeynay ciidamada

Taliyaha Guud ee Qaybta 3-aad ee tagaya, Janaraal Gabremeskel (sawirka weyn) oo la jira Taliyaha Ciidamada AMISOM oo dhagaysanaya xafladda Dhammaadka Muddo-xileedka oo lagu qabtay Baydhabo, Soomaaliya, 15-kii Luulyo.

difaaca ee Itoobiya ee qaybta ka ah Howlgalka AMISOM 14-kii bilood ee laga soo gudbay. Taageeradooda kuma aysan ekeyn oo keliya in lala dagaalamo Al Shabaab. Ciidamada waxaa ay ka qayb qaateen jawaab celinta abaarihii iyo xaaladaha degdegga ah ee la yimid oo ay ka mid tahay la

tacaalida cudurka daacuunka ee dilaacay,” ayuu yiri Mudane Fiqi. Taliyaha Ciidamada AMISOM Sarreeye Gaas Cusman Nuur Subagle oo xaadir ka ahaa madasha ay xafladda ka dhacaysay ayaa ku boogaadiyay ciidamada howlgallada lagu taageerayo nabadda ee wax ku oolka ahaa.

Ciidamada Itoobiya ee AMISOM qaybta ah oo xusay Sanadguurrada 26-aad ee Ginbood 20

B

ishii May 28, Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa xusay sanad-guurradii 26-aad ee Ginboodka 20-aad, taasi oo loo xuso burburka xukunkii militariga ahaa ee Itoobiya. Taliyaha Ciidamada AMISOM Sarreeye Guud Subagleh iyo howlwadeennada kale oo ka qaybgalay xafladdan heerka sare.

26

JOORNAALKA AMISOM


Ciidamada AMISOM oo xorreeyay Cali Foordheere

C

iidamadda AMISOM iyo Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed ayaa 3-dii bishii Agosto ee 2017-ka si wadajir ah u qaaday hawlgal ballaaran oo ay ku xorreynaayan deegaanka Cali-foordhere si ay dadka ku nool tuulooyinka laga xorreeyo gacanta Al-Shabaab. Ciidamadan oo ka socday qeybta 43-aad ee Ciidamada Difaaca Waddanka Burundi iyo Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed oo uu

majaraha u haayey Gaashaanle Sare Léonidas Nindereye ayaa qorsheeyay dagaalka lagu qaaday maleeshiyaadka ku sugnaa Mahadaay. “Hadafka ugu muhiimsan ee hawlgalkan ma ahan oo keliya in suurtagelinno isku socod xor ah ee ciidamada Burundi eek u sugan qaybta 5-aad iyo in aan furno waddooyinka muhiimka ah, balse in aan xorreyno bulshada ku nool deegannada ay

haystaan argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Gaashaanle Sare Nindereye. Argagixisada ayaa waxaa ay dhulka ku aaseen miinooyin si ay u carqaladeeyaan islamarkaasina ay dib u dhac ku sameeyaan; hase ahaate, feejignaanta iyo xirfadda ciidamada Burundi dartood, miinooyinkan waa la soo saaray ciidamadana halkooda ayay ka sii wateen howlgalkooda. Deegaanka Cali-Foordhere waxaa la xorreeyay iyada oo aan wax iska caabbin ah lagala kulmin maleeshiyaadka, kuwaas oo u cararay kaynta Jimbilow. Ciidamada Burundi iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa dhowr maalmood ku daba jiray, waxaa ayna u baxsadeen kaynta. Ciidamada waxaa ay sii wadaan in ay raadiyaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada. Howlgalkan ayaa waxaa uu yimid kaddib soo jeedinta la iskula soo qaaday kulan ay si wadajir ah u yeesheen AMISOM iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo bisha Luulyo 2017-ka lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan in ay qaadaan howlagallo wadajir ah si gebi ahaanba loo wiiqo Al-Shabaab, si loo suurtageliyo furitaanka waddooyinka muhiimka ah. Furitaanka waddooyinka muhiimka ah waxaa ay fududeyn doontaa in uu ganacsi dhex maro bulshada Soomaaliyeed.

Koox Ciidan oo Cusub oo ka Socdo Uganda oo loo diray Soomaaliya

K

oox Ciidan oo cusub oo ka mid ah Ciidamada Difaaca Uganda oo ah (Ciidanka qaybta 22-aad), ayaa loo soo daabulay dalka Soomaaliya bishii Luulyo, si ay u beddelaan Ciidanka Qaybta 19-aad. Askarta waxaa ku qaabilay imaanshahoodii Muqdisho Taliye Kayanja Muhanga, oo ah Taliyaha Cutubka Ciidanka Uganda. “Waxaa aan ka rajeynaynaa in ay soo hoyiyaan guul ka badan xitaa tii ciidanka qaybta19-aad. Dabacan in la xaqiijiyo amniga Waddooyinka Muhiimka ah waa lagama maarmaan,

amniga dadweynahana aad ayay muhiim u tahay iyo sidoo kalena wiiqidda Al-Shabaab. Taasi ayaa ah sabab u ah in aan halka nimaadno oo aan ugu taageerno dowladda howlaheeda,” ayuu yiri Sarreeye Muhanga. Kooxda qaybta 19-aad waxaa ay Soomaaliya ka baxeen 21-kii bishii Luulyo kaddib markii uu u dhammaaday muddadooda shaqo ee sanadka ah ee ay joogeen dalka. Ciidamada waxaa ay la shaqeeyeen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ee jooga Magaalada Marka, ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Sarreeye Muhanga ayaa billado ku taxay kooxda

Ciidamo cusub oo qayb ka noqon doona Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo diyaarad ka dagaya Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho, Soomaaliya. JOORNAALKA AMISOM

27


ciidanka ee ugu horreeyay, wuxuuna guddoonsiiyay shahaado aqoonsi ah. “Ciidanka qaybta 19-aad waxaa ay ka howlgalayeen meel xaaladdeedu adag tahay; waa degmada Marka oo ku taalla Gobolka Shabeellaha Hoose. Shaqo wacan ayay ka qabteen meeshaas,” ayuu yiri Taliyaha Cutubka. “Waxaa ay ilaalinayeen dadka rayidka ah. Waa og tihiin waxaa jira xerooyin loogu talagalay dadka barakacayaasha ah. Waxaa ay sugayeeen amniga dadweynaha ku nool goobo kala duwan, ku nool xerooyin

Taliyaha Qaybta 1-aad ee AMISOM, Kayanja Muhanga oo shahaado guddoonsiinaya sarkaal oo Soomaaliya ku dhammaystay muddo-xileed hal sano ah.

kala duwan iyo kuwa ku nool xarunta,” ayuu raaciyay. Gobolka Shabeellaha Hoose wuxuu ka mid yahay gobollada Soomaaliya ee ay si ba’an u saameeyeen abaaraha. Kumanaan qoysas ah ayaa ka qaxay guryahooda si ay ugu noolaadaan degsiimooyinka dadka barakacayaasha ah, halkaas oo ay si fudud ka heli karaan gargaarka bani’aadamnimo. Inta badan xerooyinka dadka barakacayaasha ah waxaa ilaaliya Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya ciidamada AMISOM.

Koox ciidan ah oo cusub oo ka socda Burundi oo soo gaaray Soomaaliya

K

oox ciidan ah oo cusub oo ka socota Ciidamadda Difaaca ee waddanka Burundi ayaa bishii Agosto soo gaaray Soomaaliya, kuwaas oo howlo shaqo ku joogi doona dalka muddo sanad ah. Guutada 45-aad ee Ciidamada Difaaca ee waddanka Burundi oo uu hoggaaminaayey Gaashanle Dhexe Philbert Hatungimana, ayaa beddelay cutubka 39-aad ee wakhtigooda dhammaaday. Gaashanle Dhexe Hatungimana ayaa muujiyay in ciidanka ay diyaar u yihiin in ay kalin ka ciyaaraan in Soomaaliya ku soo dabbaalaan nabad iyo xasillooni. “Waxaa aan rajeynayaa in howlgalkan uu gacan ka geysan doono in dib loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida iyo in ummadda Soomaaliyeed ay dib u helaan nabad,” ayuu yiri. Guuto kale, guutada 44-aad ayaa sidoo kale soo gaaray Soomaaliya bishii Agosto si ay ula wareegan shaqadii ay haayen guutadii 38-aad. Burundi waxaa ay ahayd waddankii 2-aad kaddib dalka Uganda oo ciidamo u soo diro waddanka Soomaaliya si dib loogu soo celiyo nabad iyo xasillooni Ciidamo cusub oo ka socda Burundi oo Muqdisho gaaray kuwaasi oo qayb ka noqon doona kaddib dagaallo sokeeyey oo daba dheeraaday. howlgallada taageerada nabadda ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, 20-ka Agoosto Waddamada kale ee ciidamada deeqay waxaa ay kala 2017-ka. yihiin Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Djibouti.

Ciidamada AMISOM oo Baaq Saaxiibtinimo ka helay Gobolka Shabeellaha Dhexe

B

ushada Islaamka ah ee ku dhaqan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ciidamada Burundi oo qaybta ka ah AMISOM oo ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe ugu deeqday toban neef

oo lo’ ah, oo loogu talagalay dabaaldagga Ciidul Adxa. Wanaaggan oo loo arkay mid muujineysa saaxibtinimo ayaa sidoo kale ahaa mid muujinayay xiriir wanaagsan ee u dhaxeeya cutubka Burundi

Ciidamada AMISOM oo baaq saaxibtinnimo ka helaya gobolka Shabeelaha Dhexe. 28

JOORNAALKA AMISOM

ee AMISOM iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka. Madaxa Shaqaalaha cutubka 10-aad, Gaashaanle Sare Alphonse Rwintwari, oo ku hadlay magaca Taliyaha cutubka ayaa xaflad ay ka qayb galeen Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe IYO Guddoomiyaha Degmada

Mahadaay uga mahadceliyay bulshada deeqda ay bixiyeen iyo naxariistooda. “Waxaad ku shaqaysaan maalin iyo habeen xaalado adag. Waxaad xitaa hurtaan noloshiinna si dadka Soomaalida ah ay u helaan nabad iyo amni, waana idin kaga mahad celinaynaa,” ayuu yiri Goddmiyaha Gobolka.


Taliyaha Cusub ee Ciidamada Difaaca Uganda oo booqay Soomaaliya

T

aliyaha Ciidamada Uganda Jeneraal David Muhoozi ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Soomaaliya bishii Agoosto. Booqashada uu ku tagay Soomaaliya oo ahayd booqasho qiimeyn ah oo joogta ah, ayaa ahayd booqashadiisa ugu horreysay tan iyo marka loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha Ciidamada Difaaca. Intuu booqashada ku guda jiray, wuxuu la sheekeystay ciidamada, kormeer ku sameeyay xarumahooda wuxuuna la kulmay dhowr hoggaamiyeyaal ah. Waxaa booqashadiisa Soomaaliya ku wehlinayay saraakiil sar-sare oo ka tirsan Ciidamada Difaaca ee Uganda. “Ujeeddadda booqashadu waxaa ay ahayd in aan kormeero

Taliyaha Ciidaamada Difaaca ee Uganda, Janaraal David Muhozi oo ay soo dhoweeynayaan saraakiil sar sare oo ka mid ah ciidamada Uganda oo qayb ka ah Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

ciidamada; waa booqasho joogto ah laakiin waxaa ay daba socotaa dhacdadii doawaan ka dhacday Goryowein. Waxaa la qorsheeyay in aan imaanno aanna la kulanno saraakiisha

iyo ragga ku sugan goobta howlgalka taasi ayaana ah ujeeddada imaanshahayga halkan,” ayuu yiri Jeneral Muhoozi markuu imaaday Muqdisho.

Jeneraal Muhoozi ayaa kulamo la qaatay Taliyaha Ciidanka AMISOM, Sarreeye Guud Cusmaan Nuur Subagle iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Danjire Francisco Caetano Madeira, si uu u helo faham dheeraad ah oo ku saabsan howlgallada. Waxaa ay ka wada hadleen xaaladda amni ee hadda ka jirta Soomaaliya iyo tallaabooyinka la qaadayo si loo taageero geedi-socodka nabadda. Uganda waxaa uu ahaa dalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u soo diro ciidamo bishii Maarso 2007dii. Waxaana uu ugu yaraan Howlgalka Midowga Afrika uu ku deeqay 6000 oo ciidan.

Guddoomiyeyaasha Baarlamanka Soomaaliya iyo Jabuuti oo booqday Beledweyne

G

uddoomiyaha Golaha Shacabka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari iyo dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xaamid ayaa dhowaan booqasho ku tagay magaalada Beledweyne, oo ku taallo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, si ay ula kulmaan maamulka iyo xildhibaannada maamul goboleedka. Labada mas’uul ayaa sidoo kale booqday xarumaha Qaybta 4-aad ee Hiiraan oo ay mas’uul ka yihiin ciidamada Jabuuti, halkaas oo ay kulamo la yeesheen taliyeyaasha ciidamada militariga Jabuuti.

Jabuuti waxaa ay ka mid tahay waddamada ciidamo ugu deeqay AMISOM oo dagaal kula jira kooxda argagixisada ah ee AlShabaab, iyaga oo barbar dagaalama ciidamada ka socda Burundi, Itoobiya, Kenya iyo Uganda. Ujeeddada booqasahada ayaa waxaa ay ahayd in lagu dhiiriggeliyo ciidamada laguna boogaadiyo dadaallada ay wadaan si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabeelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare, ayaa ku wehliyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Dowladda Federaalka ah Professor Jawaari oo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xaamid u wehlinaya shir ay la yeelanayaan maamulka Hiiraan wax yar kaddib markii uu yimid Beledweyne. Waxaa labaduba la kulmay Madaxweynaha HirShabeele Mudane Maxamed Cabdi Waare (midka wata suudka buluugga ah).

guddoomiyeyaasha booqashadooda. Guddoomiyaha baarlamanka Jabuuti waxaa uu kulamo la qaatay madaxweynaha HirShabeelle, waxaa ayna ka wada hadleen arrimo kala duwan.

Guddoomiyaha Jabuuti waxaa uu Soomaaliya u yimid booqasho rasmi ah, halkaas oo uu khudbad u jeediyay xubnaha Baarlamanka Federaalka ah, uuna ka qayb galay fadhiga ‘Golaha Shacbiga’.

Ciidamada Jabuuti oo dhammeystay muddo xileedkooda

Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan qaybta 4-aad ee AMISOM oo dhoolatus sameynaya xilli lagu jiray xaflad dhammaadka muddoxileedka ay u joogeen Soomaaliya, 17-ka Diseembar 2017-ka, Beledweyne. Ciidamada ayaa inta lagu guda jiray xafladda la guddoonsiiyey shahaadooyin ay ku kasbadeen adeegyo heersare ah.

C

iidamo ka tirsan ciidanka Jabuuti ayaa qabtay xaflad kaddib markii ay dhammaatay muddo xileedkooda ay ku joogeen Soomaaliya. Taliyaha Ciidanka Jabuuti, Xasan Jaamac ayaa si rasmi ah u furay xafladda sagootinta ciidamada ee lagu qabtay xarunta Qaybta 4-aad ee AMISOM. Inta lagu guda jiray xafladda, ciidamada ayaa sameeyay dhoola tus, waxaana la guddoonsiiyay shahaado sharaf ee lagu maamuusayo gabogabada howsha wacan ee ay qabteen inta ay la shaqeynayeen AMISOM.

JOORNAALKA AMISOM

29


Soomaaliya oo dejisay waxyaabaha mudnaanta u ah dhaqan-celinta soo goostayaasha

B

arnaamijka Dhaqan-celinta soo Goostayaasha ee Soomaaliya ayaa dejiyay qorshe howleed faahfaahsan oo ku aaddan is dhexgelka iyo dhaqan-celinta dadka ka soo laabtay kooxaha nabad-diidka ah. Qorshaha mudnaanta la siiyay waxaa ka mid ah hub ka dhigista dadka soo goostay iyo ka qayb gelinta bushada heer deegaan, tabar iyo taageerro farsamo oo loogu talagaly Barnaamijka lagu Dhaqan celinayo Dadka soo goostay, dhisidda xiriirka, maalgelin, abaabulka hantida, ol’ole iyo la socod, sameynta xiriir iyo wargelin habboon, abuuridda xogta dhaqan-celinta dadka soo goostay iyo wacyigelin. Si loo fududeeyo xiriirka iyo wargelinta, guddi isku duwid ah ayaa la dhisi doonaa oo isku keena Barnaamijka Dhaqan celinta Dadka soo goostay, Hay’adda Nabad-sugidda iyo Hay’adaha kale ee maamul goboleedyada ah. Qorshe Howleedka oo faahfaahsan waxaa la hirgelin doonaa laga bilaabo Janaayo ilaa iyo Diseembar Sanadka 2018-ka. Qodobbadan mudnaanta la siiyay waxaa lagu diyaariyay tababar socday muddo afar maalmood oo ku saabsanaa dhaqan celinta iyo dib ugu dhex gelinta bushada dadka soo goostay. Siminaarka waxaa maalgelisay Dowladda Denmark waxaana soo abaabulay Barnaamijka Dhaqan celinta Dadka soo goostay iyo AMISOM, bishii Nofeembar waxaana lagu qabtay caasimadda Kenya ee Nairobi. Kow iyo toban shaqaale oo ka socda Barnaamijka Dhaqan celinta Dadka soo goostay iyo ka qayb galayaal ka socda Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka, Hay’adda Arrimaha Caalamiga ee Norway, Qaramada Midoobay iyo Safaaradda Ingiriiska ayaa ka qayb galay aqoon siminaarka, kaas oo furmay isniintii.

Cabdirashiid Ibraahim Maxamed Agaasimaha Barnaamijka Dhaqan-celinta soo goosteyaasha oo la jira Diktoor C.A Mumma Mertinon, Diktoor Opiyo Ododa iyo Mudane Faadil Karraar ayaa shahaado guddoonsiinaya Ingvild Magnes Goesvik oo ka socda Machadka Arrimaha Caalamiga ah ee Norway xilli lagu jiray xiritaanka tababarka ku saabsan Dhaqan-celinta soo goosteyaasha iyo ka hortagga Xagjirnimada Soomaaliya oo lagu qabtay Nairobi, Kenya.

“Kani wuxuu ahaa siminaar muhiim u ah kooxdayda,” ayuu yiri agaasimaha Barnaamijka Dhaqan celinta Dadka soo goostay, Cabirashiid Ibraahim Maxamed gabagabadii xafladda. “AMISOM wakhti badan ayay gelisay in ay xaqiijiso in aan ka faa’iidaysanno waxaa ay na barayeen,” Waxa uu sheegay in hay’addiisu ay u baahnayd karti dhis badan. “Qabanqaabiyeyaasha wakhti badan ayay geliyeen si ay u diyaariyaan siminaarkan muhiimka ah. Aniga oo ku hadlaya magacaya xukuumadda Soomaaliya, aad ayaan uga mahadnaqayaa.” Tababarka ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee qayb ka ah Barnaamijka Dhaqan celinta Dadka soo goostay si loo dhiso kartida shaqaalaha, ayuu yiri. “Waxaan rajaynaynaa in aan helno tababaro badan oo la mid ah.” Inta lagu guda jiray xafladda furitaankeedii, Mudane Ibraahim Maxamed ayaa sheegay in 2000 oo soo goostayaal ah mar hore lagu guulaystay in ay bushada dib ugu noqdaan maadaama barnaamijka uu bilowday sanadkii 2011-kii.

Diktoor Opiyo Ododa, Madaxa AMISOM ee Xasilinta iyo soo Kabsashada Hore oo ka khudbeynaya xafladda xiritaanka tababarka ku saabsan Dhaqan-celinta soo goosteyaasha iyo ka hortagga Xagjirnimada Soomaaliya oo lagu qabtay Nairobi, Kenya, 30-kii Nofeembar 2017-ka. 30

JOORNAALKA AMISOM

Barnaamijka wuxuu ka kooban yahay wacyigelinta, soo dhaweynta dadka soo goostay, baaritaanka, dhaqan celinta iyo dib ugu celinta bulshada. “Waad dareemi kartaa khatarta ay keeni karaan haddii aan si fiican loogu celin bushada,” ayuu yiri Ibraahim, isagoo ka wado dagaalyahannadii hore ee AlShabaab iyo kooxaha kale ee hubaysan. Diktoor Ododa Opiyo, oo ah Sarkaal sare ee AMISOM u qaabilsan Arrimaha Rayidka ahna Madaxa Howlaha Xasilinta iyo Dib u soo kabashada, ayaa sheegay in siminaarka uu horseeday “in ay ka qayb galayaasha dejiyaan waxyaabaha mudnaanta la siinayo kuwaas oo laga miro dhalinayo wakhtiga la isku raacay (ay isku raaceen ka qayb galayaasha laftooda).” Wuxuu yiri AMISOM waxaa ay la shaqayn doontaa Barnaamijka Dhaqan celinta Dadka soo goostay si loo xaqiijiyo in lagu guuleysto ujeeddooyinka barnaamijka, oo ay ka mid tahay in ay taageerto howlaheeda. “Waxaan ku faraxsanahay in aan gaarnay heer aan anaga lafteenna diyaarsannay halka aan u soconno. Marka aan is dhex galnay, waxaan isla ogaannay shaqada la qabanayo inta ay la eg tahay.” Tababarkii lagu guulaystay waxaa looga hadlay dib ugu dhex celinta siyaasadda, Tababarka sida guusha leh ku dhammaaday waxaa looga hadlay dib ugu dhex celinta siyaasadeed, geedi-socodka xagjirnimada iyo habka loo qaabilayo, maalgelinta iyo abaabulka kheyraadka, hannaanka hub ka dhigsta, aqoonsiga dadka iyo shuruudaha degan ee u qalmidda Barnaamijka Dhaqan celinta Dadka soo goostay. Sida laga soo xigtay Qaraarka 2372-aad ee Qaramada Midoobay (2017) , AMISOM, oo kaashaneyso Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay si ku meel gaar ah u qaabilayaan dadka soo goostay. Tani ma aha kaliya mid yarayneyso khatarta Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka kale, laakiin sidoo kale waxaa looga fadhiyaa in ay ka caawiso ciidamada ammaanka Soomaaliya in ay ku soo dabbaalaan nabad iyo kala dambayn Soomaaliya.


Boolisnimada Soomaaliya Taliyaha Booliska AMISOM oo ay u soo idlaatay muddo xileedkiisa ee Soomaaliya

S

areeye Guuto Anand Pillay oo ah Taliyaha Booliska Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa howgalka nabad-ilaalinta ka tagay 29-kii bisha Noofembar kaddib markii ay u soo dhammaatay muddadiisii shaqo. Sareeye Guuto Pillay oo Howgalka Midowga Afrika ku soo biiray 2014-kii ayaa lagu xasuusan doonaa in uu hormuud u ahaa uuna dib u habayn ballaaran ka fuliyey dhinaca booliska Soomaaliya, kuwa federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadaba. Intii uu hoggaanka hayey, Booliska AMISOM waxaa ay qorshe cad oo karti dhis ah u fidisay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin baaritaanka, qorista ciidamada, tababaridda iyo hagidda saraakiisha booliska Soomaaliyeed. Waxaa uu meel ku ogaaday tababarka iyo xirfad-siinta 3,500 askar oo ka mid ah ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo dhisidda nidaamyo iyo

hannaan, oo ay ka mid yihiin la imaatinka hab casri ah oo lagu diiwaangeliyo ciidamada ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya. Sidoo kale, muddadii uu xilka haayay, boolista AMISOM waxaa ay adeegyadooda gaarsiiyeen goobaha dhowaan la xorreeyey, waxaa ayna gaarsiiyeen caasimadda maamul goboleedyada oo ay ka mid yihiin Baydhabo oo ah maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Jowhar oo ah caasimadda HirShabeelle, Dhoobleey iyo Kismaayo oo ah gobolka Jubbada Hoose iyo Beledweyne oo ah caasimadda gobolka Hiiraan. “Waxaa aan si gaar ah u dhihi karaa in Pillay uu shaqadiisa u gutay si ammaan mudan oo leh hoggaan istaraatijiyad leh, guulihiisana way iska cad yihiin oo qof kasta waa u jeedaa,” Mudane Alex Dundun oo ah Madaxa Shaqaalaha Booliska AMISOM ayaa ka yiri xaflad sagootin ah oo loo qabanayey Taliyaha Booliska ee muddadiisa dhammaatay.

Taliyaha Booliska AMISOM ee mardhaw muddo-xileedkiisa dhammaaday Sarreeye Guuto Anand Pillay (midka dhexe ee aan koofi xirneyn) oo doolsho la jaraya saaxibadiisa xilli lagu jiray xaflad isaga lagu sagootinayey.

“Waxaa aad ahayd qofki ugu horreeyey ee hirgeliya habka cusub ee booliska. Waxaa aan u soo joognay adiga oo si guul leh u sugay ammaanka doorashooyinka. Waxaa aad ku guuleysatay in aan isku dayno in aan sameyno hor u socod si aan gaarno meelaha la xorreeyey, iyadoo ay caqabado ka jireen,” ayay tiri ku xigeenka Taliyaha Booliska AMISOM, Marwo Christine Alalo. “Anigoo ku hadlaya magaca Wakiilka Guddoomiyaha Guddoonka Midowga Afrika

u fadhiya Soomaaliya iyo guud ahaan AMISOM, guul ayaan kuu rajeynayaa hiigsigaaga mustaqbalka,” ayuu Sareeye Gaas Fidza Dludlu oo ah Madaxa Kaalmaynta Howlgalka AMISOM ku yiri Pillay. Waxaa uuna ku ammaanay in uu hormuud u ahaa dhisidda iyo dayactirka xarumo badan oo boolis ah oo laga sameeyey koonfurta iyo bartmaha Soomaaliya, si loo hirgeliyo sharci iyo kala dambayn, khaasatan goobaha dhawaan dib loo qabsaday.

AMISOM iyo Qaramada Midoobay oo Gaalkacyo ka daah-furay tababarka Booliska Isku Dhafka ah

A

MISOM iyo Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa waxaa ay bisha Luulyo bilaabeen tababar isku dhaf ah ee loogu talagalay koox boolis ah oo ka soo kala jeeda maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug si ay gacan uga geystaan sugidda amniga magaalada Gaalkacyo. Arrintan waxaa ay qayb ka tahay heshiiska xabbad joojinta ee la kala saxiixday.

Tababarkan waxaa uu qayb ka yahay Heshiiska Xabbad joojinta ee Gaalkacyo oo ay 1-dii bisha Janaayo ay kala saxiixdeen Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug. Sida ku xusan heshiiska, koox boolis ah ee ka soo kala jeedo labada maamul ayaa la siin doona tababar, si ay gacan ka geystaan dhaqan gelinta xabbad joojinta ee labada maamul goboleed. Ugu yaraan 100 askar boolis ah oo kormeeri doonaa

hirgelinta Heshiiska Xabbadjoojinta ee Gaalkacyo ayaa ka qayb qaatay daahfurka tababarka koowaad ee wadajirka ah oo lagu daah-furay Xarunta Bulshada ee Gaalkacyo. Sida ku xusan heshiiska xabbad-joojinta ee Gaalkacyo, madaxda labada maamul waxaa ay sidoo kale ballan qaadeen in ay saaraan ciidamadooda ayna qaadaan kontaroollada si loo fududeeyo isku socodka dadka iyo badeecooyinka.

“Dhisidda askarta isku dhafka ah waa bilowga geeddi socodka is-dhexgalka dadka Soomaaliyeed. Waa fursad aanan iska lumin karin,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, asaga oo intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay in ay hormuud ka noqoto isdhexgalka bulshada ku nool Soomaaliya oo idil, laga bilaabo dhaqangelinta heshiiska Gaalkacyo.

Booliska AMISOM oo tababar ku saabsan ka hortagga argagixisada siiyay Ciidanka Booliska ee Soomaaliya

B

ishii Agosto AMISOM waxaa ay qaban-qaabisay tababar qaatay muddo 10 maalmood ah oo la siiyay saraakiil ka socotay booliska Soomaaliyeed si loo kobciyo awooddooda dhinaca la dagaalanka argagixisada. Askarta ayaa sidoo kale la siiyay tababar ku aaddan habka dadka nugul, gaar ahaan haweenka

iyo carruurta, looga ilaaliyo dhammaan noocyada kala duwan ee dembiyada. Tababarkan oo ay maalgelisay Dowladda Japan, iyada oo u mareyso Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashruuca (UNOPS) ayaa waxaa furay Ku xigeenka Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye

Saraakiishta Booliska Soomaaliyeed oo ka qaybgalaya tababar ku saabsan ka Hortagga Maleeshiyaadka ee Aasaasiga ah oo Muqdisho lagu qabtay 22-ka Agoost 2017-ka. Tababarka waxaa gacan ka geysatay Qaybta Booliska Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) JOORNAALKA AMISOM

31


Mukhtaar Xuseen Afrax, iyo Tababaraha Booliska AMISOM, Kormeeraha Guud ee Booliska, Christopher Kashita. Kormeeraha Guud Kashita ayaa sheegay in labada koorso loogu talagalay in lagu xoojiyo tayada Ciidanka Booliska

Soomaaliyeed si loo wanaajiyo fidinta adeegga booliska iyo kor u qaadista amniga dadweynaha. “Tababarka aasaasiga ah ee ka hortagga argagixisada waxaa loogu talogalay in ka qaybgalayaasha lagu qalabeeyo aqoon,

xirfado iyo hab-dhaqanka loo baahan yahay si ay si hufan uga hortagaan howlaha argagixisada ee goobaha ay ka howgalaan, iyo Soomaaliya oo dhan,” ayuu xusay sarkaalka AMISOM. Kormeeraha Guud Kashita ayaa sheegay in danta laga

leeyahay tababarka ku saabsan ilaalinta haweenka iyo carruurta ay tahay in sare loo qaado awoodda ka qaybgalayaasha si ay si hufan u ilaaliyaan dadka nugul, gaar ahaan haweeenka iyo carruurta, ee goobaha colaadaha ka soo kabsanayo.

AMISOM oo Booliska Koonfur Galbeed siisay tababar ku saabsan baarista dembiyada waaweyn

I

yada oo qayb ka ah waajibaadkeeda, AMISOM ayaa ugu yaraan 15 askar oo ka tirsan Booliska Koonfurta Galbeed tababar ku saabsan baarista dembiyada waaweyn ku siisay magaalada Baydhabo oo ah xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed, bishii Nofeembar. Saraakiishan ee laga soo xulay saldhigyada kala duwan ee gobolka Baay ayaa waxaa la siiyay tababar dhammeystiran oo ku saabsan ilaalinta hufan iyo jawaab-celinta meelaha jariimada ay ka dhaceen. Tababarka waxaa lagu bartay maareynta goobaha ay ka dhaceen fal dembiyada iyo baaritaanka fal dembiyada. “Wuxuu ahaa tababar muhiim ah, kaas oo loo qabtay labo qayb oo min toban maalmood ah. Qaybta koowaad waxaa lagu baray maareynta goobaha ay dambiyada ka dhaceen, halka qaybta labaad waxaa la baray baaritaanka dambiyada waaweyn,” ayuu Gaashaanle Sare Cabdullaahi Ibraahim Aadan ku yiri gabagabada tababarka, asaga oo ku daray in dadka la tababaray ay tababarka ka faa’iideysteen aqoon aad u qiimo badan. Shukri Maxamuud Wardheer, oo ah mid ka mid dadka qaatay

Saraakiisha Booliska ee Koonfur Galbeed oo ka qaybgalaya tababar ku saabsan baaritaanka dembiyada waaweyn oo Saraakiisha Booliska Koonfur Galbeed loogu qabtay Baydhabo, Soomaaliya, 28-dii Nofeembar 2017-ka. Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa qabatay tababarka.

tababarka ayaa ku raacday hadalka Gaashaanle Sare Cabdullaahi. Waxaa ay tiri, “Waxaa aan tababarkani ka barannay sida loo ilaaliyo goobaha ay dambiyada ka dhaceen. Marka hore, goobta uu dambiga ka dhacay waa in la xira. Marka labaad, waxaa aad u baahan tahay in aad xaqiijiso ammaankaaga; seddaxaad, waa in ogaato xaaladaha khatarta ah ee goobta sida walxaha qarxa ama dad dhaawac ah; kaddib waxaa aad isku dayi kartaa in aad caawiso dadka u baahan caawinaad degdeg ah. Ugu dambeyn, waxaa aad baareysaa dadka laga shakisan

yahay in ay ka dambeeyeen dambiga”. Isku Duwaha Ciidanka Booliska ee AMISOM ee u qaabilsan Koonfur Galbeed Tresphord Kasale, ayaa xusay in tababarkani oo ujeedkiisu ahaa in lagu kobciyo xirfadaha saraakiisha booliska ee dhinaca baaritaannada in uu ahaa mid waxtar u lahaa muujinta hababka maareeynta goobaha dambiyada ay ka dhaceen iyo baaritaannada. Mudane Cabdirisaq Cabdi Aadan oo ah Wasiir Ku Xigeenka Amniga ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa farxad

ka muujiyay xirfadaha ay kororsadeen saraakiisha ciidanka, asaga oo sheegay in uu kobci doono xirfadaha saraakiisha ka shaqeeya waaxda baaritaanka dambiyada. Iyada oo ay tahay qayb ka mid ah waajibaadkeeda, AMISOM waxaa ay shaqaaleysaa, tababarta oona hagid u sameysaa Ciidanka Booliska Soomaaliya, si sare loo qaado heerarka boolisnimada ee dalka oo la kobciyo xirfadahooda si ay awood u yeeshaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda soo celinta ku dhaqanka sharciga iyo kala dambeynta ee guud ahaan Soomaaliya.

Wafdi Wadajir ah ee AMISOM iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo booqday goobaha lagu tababaro booliska

W

afdi wadajir ah ee ka kooban saraakiil sarsare ee ka socda AMISOM iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa booqasho laba maalmood ah ku gaaray goobaha tababarka ee ku yaalla Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe bishii Agosto, ka hor inta aan si rasmi ah loo billaabin wajiga

cusub ee lagu tababarayo saraakiisha booliska ee cusub. Wafdiga oo uu hoggaaminayay taliyihii hore ee Booliska AMISOM, Sarreeye Guuto Anand Pillay iyo taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Maxamed Cabdi Bashiir ayaa kormeeray xarumaha tababarka

Janaraal Bashiir Maxamed, Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo saxiixaya dukumeenti xilli uu qalab ka guddoomayey Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo loogu talogalay maamulka HirShabeele oo ka dhacday Jowhar, Soomaaliya. 32

JOORNAALKA AMISOM

ee ku yaalla Beledweyne iyo Jowhar, oo kala ah caasimadaha Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Iyadoo taageero dhanka dhaqalaha ah laga helayo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ee loo soo gaabiyo DFID, Waaxda Horumarinta ee Dalka Ingiriiiska, AMISOM waxaa ay tababar u fidin doontaa 1000 saraakiil boolis ah oo ka socda Gobolka Hirshabeelle; 600 oo ka socda Beledweyne iyo 400 oo kale oo ka socda Jowhar. Pillay ayaa qalab xafiiseed oo ay ugu deeqday Dowladda Japan ku wareejiyay Saldhigga Booliska ee Jowhar, iyadoo qayb ka ah dadaallada ku aaddan sidii loo horumarin lahaa kartida korna loogu qaadi lahaa waxtarka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Mayre Makaran oo guddoomay deeqda ayaa uga mahad celiyay Booliska AMISOM iyo Dowladda Japan gargaarka ay u fidiyeen, isagoo sheegay in ay kor u qaadi doonto shaqada saraakiisha sharciga fulisa. “Aad ayaan uga mahadnaqaynaa qalabka la siiyay Booliska Hirshabeelle, gaar ahaanna kuwa Shabeellaha Dhexe. Qalabka ayaa wax weyn ka tari doonta diyaarinta kaydka xogta ee macluumaadka muhiimka ah.” “Awooddeena dhanka qalabka ah waa ay yar tahay laakiin waxaad heli doontaa qayb ka mid ah waxa aan helnay, tanna qayb ayay ka tahay,” ayuu yiri Jeneraal Maxamed Cabdi Bashiir, oo ah Taliye Ku-xigeenka Booliska Gobolka Hirshabeelle.


Taabbagelinta Ciidanka Booliska Soomaaliya

A

MISOM iyo Qaramada Midoobay ayaa bisha Oktoobar xarun cusub oo boolis ah ku wareejiyay maamulka Jubbaland. Taliyaha Ciidanka Booliska ee Jubbaland, Axmednasir Guuleed Xasan ayaa sheegay in xarunta ay si weyn gacan uga geysan doonto ka hortagga falal dembiyeedka. Mudan xasan ayaa sheegay in xafladda furitaanka xafiisyada cusub iyo deeqda baabuurta la siiyay saldhigga booliska in ay si cad u muujineyso xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya, deeqbixiyeyaasha, Qaramada Midoobay iyo AMISOM. “Waxaan la shaqeynnaa Qaramada Midoobay iyo AMISOM, waxaa ay tababaraan ciidankenna, waxaa ay tababareen in badan ee saraakisheenna oo ku sugan xaruntaan waxaa ayna tababar

siinayaan kuwo kale oo badan. Waxaan leennahay xiriir shaqo oo wanaagsan,” ayuu raaciyay Taliyaha Ciidanka Jubbaland. Waxaa uu xusay in baabuurta ay AMISOM ugu deeqday ay yareyn doonto caqabadaha dhinaca gaadiidka ee ay maalin waliba ciidamada booliska Jubbaland u dhabar adeygaan. Madaxweyne ku Xigeenka Jubbaland, Cabdiqaadir Xaaji Maxamud Luga Dheere, ayaa ku boorriyay beesha caalamka in ay sii wadaan caawinta Soomaaliya si ay u gaarto hiigsigeeda. “Waxaan ku sugannahay waddan 30 sano ay dagaallo sokeeye ka socdeen. Waxaan marka idiin ka codsanaynaa taageerradiinna si aan u helno Soomaaliya oo cagaheeda ku istaagto oo isku filan,” ayuu xusay Mudane Cabdiqaadir. Ku Xigeenka Taliyaha Booliska AMISOM, Christine

Cabdiqaadir Maxamuud Lugadheere Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland oo mahadnaq fidinaya kaddib markii uu Christine Alalo oo ah ku xigeenka Taliyaha Booliska AMISOM ka guddoomay furaha gaari loogu deeqay Booliska Jubbaland, xilli lagu guda jiray xafladda wareejinta saldhig boolis oo la dayactiray loogu wareejinayey mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Jubbaland oo ka dhacday Kismaayo ee Soomaaliya.

Alalo, ayaa ku boogaadisay hay’adda UNOPS dhisidda xarunta, iyada oo ku dartay in dhismaha uu adeegyada booliska u soo dhoweyn doono bulshada. “Maanta waxaa aan halkan u joognaa in aan garab

istaagno bah-wadaagteenna, gaar ahaan UNOPS oo dhistay dhismahan,” ayay tiri Marwo Alalo. Dhismaha iyo dayactirka waxaa ay ku qaadatay muddo 12 bilood in la dhammeystiro.

Booliska Midowga Afrika oo qalab xafiiseed ku wareejiyay Booliska Banaadir

C

iidamadda Booliska AMISOM ayaa noocyo kala duwan oo qalabka xafiiska ah ay ku wareejiyen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed 18-kii bishii Sebteembar. Qalabkan oo ay ugu deeqday dowladda Denmark waxaa si rasmi ah ku wareejiyay Jeneraal Axmed Xasan Macalin oo ah Taliyaha Saldhigga Booliska ee Gobolka Banaadir, Marwo Christine Alalo, oo ah Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska ee AMISOM. “Waxan halkan Soomaaliya u joognaa in aan gudanno waajibaad waxaana waajibaadkeenu ah in aan dhisno kartida ciidanka booliska ee Soomaaliya. Waxaana ka mid ah tababaro, hagid, taageero dhanka

howlgalaha ah; waad aragtaan Qeybta Booliska oo roondooyin sameeya habeen iyo maalinba. Waxaa aan sidoo kale sameynaa la talin istaraatiiji ah balse marka waxaas oo dhanba laga soo tago waxaa noogala baahan yahay in aan siinno taageerro dhankaka saadka iyo qalabka iyo in aan qalabeyno saldhigyada ciidamada booliska,” ayay faahfaahisay Marwo Alalo, xilliga ay dhiggeeda ku wareejineysay qalabka. Qalabka oo ka koobnaa qalabka xafiisyada, kombiyuutaro, qalabka wax lagu daabaco, kuraas, miisas, qaanado, tooshashka cedcaadda ah iyo feynuusta cedcaadda ah kuwaas ayaa la geeyay saldhigyada kala duwan ee ay booliska ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Christine Alalo, ku-xigeenka Taliyaha Booliska Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo agab xafiis oo ay deeqday AMISOM ku wareejineyso Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ka dhacday Muqdisho, Soomaaliya, 18-ka Sebteembar 2017-ka.

Jeneraal Axmed Xasan Macalin ayaa sheegay in mucaawinada ay waxtar weyn u leeyihiin fududeynta shaqada saraakiisha booliska si ay u dhowraan ku dhaqanka sharciga iyo kala dambeynta. “Waxaan aad uga mahad celineynaa

deeqda ay inoo keenen walaalaheen ka tirsan ciidamada Booliska AMISOM. Waxaan u qeybin doonnaa 4 saldhig oo ku yaallo Banaadir waxaana ogahay in ay si weyn u wanaajin doonaan howlaheenna,” ayuu yiri.

AMISOM oo qalab ugu deeqday Ciidanka Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed

B

ooliska AMISOM ayaa bishii Oktoobar qalab kala duwan ee kuwa xafiiska ah ugu deeqday Ciidanka Booliska Maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo, si ay gacan uga geystaan horumarinta amniga ee maamul goboleedkaasi. Qalabkan ayaa waxaa lagu wareejiyay Jeneraal Mahad Cabdiraxman Adan, Taliyaha Ciidamadda Booliska ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed waxaana ku wareejiyay John Ambayo oo ah Madaxa Kooxda Ciidamada Booliska AMISOM ee u qaabilsan Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed. “Waxaan taageeri

Saraakiisha Booliska ee Maamulka ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed oo guddoomaya qalab xafiis kala oo duwan oo ay deeqday AMISOM.

doonnaa islamarkaasina aan xoojin doonnaa tayada (Saraakiisha Booliska ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed) si ay uu adeegyada si wanaagsan u bixiyaan. AMISOM waxaa ka go’aan in ay waajibaadkeeda ka soo baxdo,” ayuu yiri Ambayo. Booliska AMISOM waxaa waajib ku ah in ay taageerro dhanka howlaha siiyan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyaga oo dhisaya kartida laga maarmaanka ah si ay awood u yeeshaan in ay wax ka qabtaan baahiyada amni ee dalka ayna u gutaan howlahooda si waafaqsan sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah ee booliska. JOORNAALKA AMISOM

33


Koox ka kooban 39 Saraakiil Ciidanka Booliska ah oo la geeyay Soomaaliya

K

oox cusub oo saraakiil ciidanka booliska ah ayaa la geeyay Soomaaliya bishii Sebtembar, si ay ay xirfad u yeelaan una hagaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Saraakiisha Booliska oo ka kala yimi Kenya, Uganda, Zambia iyo Nigeria waxaa ay Soomaaliya joogi doonaan muddo hal sano ah oo ay u joogi doonaan howlo shaqo ah. Sarreeye Guuto Anand Pillay oo ah Taliyihii hore ee Booliska AMISOM ayaa saraakiisha ku wargeliyay heerarka cusub ee booliska, oo waafaqsan habka cusub ee

boolisnimada ee la ansixiyay kaas oo loogu talagalay heer federaal iyo heer maamul goboleed. “Waxaa jira hab booliisnimo oo federaali ah kaas oo uu qaatay dalkani, marka waa in aan dhisno hay’adda booliska heer federaal iyo heer maamul goboleed,” ayuu Pillay u sheegay Saraakiisha booliska. “Waddo dheer ayaa naga horreysa waxaana ka codsannay dadka in ay halkan la yimaadaan xirfado gaar ah, si aan u xaqiijinno Saraakiisha Booliska ah ee Cusub oo qayb ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM0 oo ka qaybgalaya tababar soo dhoweyn ah oo ka in aan kor u qaadno awoodda dhacay Muqdisho. booliska”.

AMISOM oo sharaftay Saraakiisha Booliska Nigeria oo lagu ammaanay kaalinta ay saraakiisha booliska ka qaateen sugidda amniga doorashooyinka Soomaaliya Sierra Leone

S

araakiisha Booliska Madaxabannaan ee ka soo jeeda dalka Sierra Leone ayaa lagu boogaadiyay shaqada wanaagsan ay qabteen ee ku aaddan hagidda dhiggooda Soomaaliyeed. Toban sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliska Sierra Leone oo dhammeystay muddo xileedkooda ay ku joogeen Soomaaliya ayaa xaflad bishii Agosto lagu qabtay magaalada Muqdisho lagu guddoonsiiyay shahaado sharaf. “Taliska qaybta booliska ee AMISOM si weyn ayuu ugu faraxsan yahay wax-qabadka ay muujiyeen ciidamada,” ayuu xafladda sagootinta ka yiri Taliyaha Shaqaalaha ee Booliska AMISOM, Rex Dundun.

Taliyaha Qaybta Booliska Sierra Leone’s, Sahr R. Marka oo ka hadleysa xaflad billad sharaf guddoonsiin ahayd oo lagu sagootinayey saraakiil boolis oo ka socday dalka Sierra Leone.

K

oox saraakiil boolis ah oo ka soo jeeda dalka Nigeria ayaa billad sharaf loo siiyay kaalinta wanaagsan ay ka ciyaareen sugidda amniga inta uu socday geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya. Saraakiishan oo muddo xileedkooda dhammeystay bishii Sebteembar ayaa xaflad lagu qabtay magaalada Muqdisgo lagu guddoonsiiyay billad sharaf iyo shahaadooyin. “Waxaa aad halkan timaaddeen xilli aad la idin ku baahnaa, gaar ahaan si aad Soomaalida uga caawisaan doorashooyinka xildhibaannada baarlamanka iyo madaxweynaha, kuwaas oo aad si aad u wanaagsan u taageerteen,” ayuu Taliyaha Booliska, Sarreeye Guuto Anand Pillay ku yiri saraakiisha. Waxaa uu ku ammaanay dowrka ay ka qaateen guusha geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, maadaama ay saraakiishan udub dhexaad u ahaayeen howlaha iyo qorshaha lagu xaqiijiyay in Soomaaliya ay yeelato doorasho guul ku dhammaatay. Waxaase uu walaac ka muujiyay in ciidamadan ay dalka ka baxayeen xilli aad loogu

Qayb boolis ah oo ka timid Nigeria oo ka qaybgalaya xaflad billad sharaf lagu bixinayay oo lagu sagootinayey cutub saraakiil boolis ah oo ka timid Nigeria.

baahnaa adeegyada ay bixinayeen, gaar ahaan xilli lagu jiro kala guur; iyo kaddib Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee caddadkiisu ahaa 2372, kaas oo ku baaqay in sare loo qaado tirada ciidamada booliska ee AMISOM. “Xil wareejinta micneheedu waxaa ay tahay in la dhimi doono ciidamada AMISOM, waxaana bilaabeynaa in aan mas’uuliyadda amniga ku wareejinno Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliyeed. Waa wakhti adag waayo waxaa inoo imaanaya dad cusub, dad badan oo shaqada ku xeel dheerna waa ay baxayaan. Balse, waan sii wadeynaa howsha,”ayuu yiri Sarreeye Guuto Pillay. illigaan la joogo, marka la eego lixda dal ee ciidamo boolis ah deeqay, kaliya waddamada Nigeria iyo Uganda ayaa leh

Qaybo Boolis ah oo Dhisan iyo Saraakiil Boolis ah oo Madax-Bannaan ee qayb ka ah Howlgalka.” “Ka Midowga Afrika, waxaa aan sidoo kale idin kaga mahadcelineynaa in aad qayb ka noqotaan AMISOM isla markaasina, waxaan uga mahadnaqeynaa dalkiinna Nigeria ballanqaadka ay sameysay iyo ka kaalinta ay ka ciyaartay Howlgalkan Soomaaliya laga wado ee looga gol leeyahay in nabad laga hirgeliyo Soomaaliya,” ayuu yiri Pillay. Saraakiisha Booliska ee Madaxa-bannaan waxaa ay u qaabilsan yihiin hagidda, la talinta iyo tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliya, kuwaas oo ay kala shaqeeyaan saldhigyada booliska ee Muqdisho iyo maamul goboleedyada.

Sarakiisha cusub ee booliska Uganda oo tababar soo dhaweyn ah la siiyay

S

araakiil cusub oo ka tirsan booliska Uganda ayaa bishii Agosto la siiyay tababar soo dhaweyn ah muddo yar kaddib markii ay dalka yimaadeen. Kaalinta ay ciyaari doonaan waa in ay howgallo wadajir ah la fuliyeen dhiggooda Soomaaliya, taasi oo qayb ka ah barnaamij hagid ah ee looga dan leeyahay in lagu kobciyo xirfadda saraakiisha ciidanka booliska Soomaaliyeed. “Waxaan rabaa in aan ku celceliyo in marka aan waajibaadkan fulineyno, in aan

34

JOORNAALKA AMISOM

u baahannahay in aan ilaalinno anshaxa. Yaanan ilaawin anshaxa shakhsiyeed. Yaanan ilaawin anshaxa aan ku soo barannay tababarrada aan ka soo qaadannay tani ilaa iyo marka aan dalkeenna ka nimid,” ayuu Taliyaha Shaqaalaha Booliska AMISOM, Mudane Rex Dundun, uga digay saraakiisha cusub ee booliska. Qaybta Booliska AMISOM waxaa waajib ka saaran tahay in ay taageerro siiso Ciidanka Booliska Soomaaliya, si loo tayeeyo lagana dhigo heer caalami ah.

Qaybta Booliska waxaa ay si wadajir ah kala shaqeysaa Ciidanka Booliska Soomaaliya dhinaca fulinta howlaha wada-shaqeynta booliska iyo bulshada, howlgallada la dagaalanka argagixisada, Saraakiisha Booliska ee Cutubta Nigeria maareynta kala dambeynta iyo Uganda oo dhowaan la keenay si ay uga mid noqdaan Howlgalka Midowga Afrika ee dadweynaha, burburinta Soomaaliya (AMISOM). walxaha qarxa; iyo howlgallada baaritaannada, ku deeqa AMISOM, waddamada iyo kuwa kale. kalena waxaa ay yihiin Nigeria, Uganda waxaa ay ka mid tahay Kenya, Sierra Leone, Ghana iyo lix waddan oo ciidamo boolis ah Zambia.


Muqdisho oo lagu Qabtay Bandhigga Seddaxaad ee Buugaagta – Sawirro

Martida oo eegaya buugagta la soo bandhigay furitaanka bandhigga seddaxaad ee Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho, 13-kii Sebteembar 2017-ka. (Hoos) Martida Martida oo dhageysaneysa soo jeedinta maalinta furitaanka bandhig sanadeedka saddexaad ee Bandhig Buugaagta ee Muqdisho oo la qabtay 13-ka Sebteembar 2017-ka

B

andhigga buugagta ee ugu weyn Soomaaliya ayaa waxaa uu dhacay bishii Sebteembar, waxaana isugu yimid aqoonyahaanno, qorayaal, mutacallimiin, dadka qora riwaayadaha, abwaanno, fannaaniin iyo dadka jecel akhrinta buugagta. 2000 oo buugag cusub ah, 850 oo mowduucyada buugagta ayaa lagu soo bandhigay bandhigga buugagta ee socday muddo seddax maalmood. Ugu yaraan 4.900 oo qof oo jecel akhrinta buugagta oo ay ka mid yihiin ardayda jaamacadaha ayaa soo buuxdhaafiyay carwada, sida uu sheegay qaban-qaabiyaha. “Halkan waa goob ay waxbarashada iyo aqoonta isku dhafan yihiin”, ayuu yiri Maxamed Sheekh Cali Axmed ‘Diini’ oo ah qaban-qaabiyaha bandhigga sanadlaha ah. Bandhigga Buugagta ee Muqdisho waxaa la bilaabay sanadka 2015-ka waxaana laga gol lahaa in lagu dhiiriggeliyo dad badan oo Soomaali ah in ay bartaan suugaanta dalkooda hodanka ku ah. Qabashada bandhigga waxaa suurtageliyay nabadda taalla iyo xasilloonida ay horseedeen joogitaanka ciidamada Midowga Afrika. JOORNAALKA AMISOM

35


Nagala soco Onlinka


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.