AMISOM Magazine - Issue 21 - Somali

Page 1

www.amisom-au.org |

Caddadka 21 | April – Juun 2017

ISKAASHI

XOOGGAN JOORNAALKA AMISOM

1


Dhambaal ka yimid

SRCC

Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Uqaabilsan Soomaaliya (SRCC), Danjire Francisco Caetano Madeira

AMISOM waxaa ay maanta ku faani kartaa in joogitaankeeda dalka uu isbeddel wayn keenay, maadaama uu sare u kacay heerka xasilloonida dalka.”

—Danjire Francisco Caetano Madeira

S

oomaaliya waxaa ay horumar weyn ka gaartay howlgallada ammaanka ee ka socda caasimadda Muqdisho oo markii ugu horreysay muddo labaatan sano ah ay hormuud ka yihiin ciidamo Soomaaliyeed. Horumarkani waxaa ay si cad u muujineysa awoodda ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ay u leeyihiin in ay si buuxda ula wareegi karaan mas’uuliyadda nabadgelyada caasimadda iyo dhammaan gobollada dalka. Waxyaabihii ugu dambeeyay ee laga faa’iiday hawlgallada ammaanka ee ka socda caasimadda waxaa ka mid ah in bishii Ramadaan ay si nabad ah ku soo dhammaatay iyadoo Muslimiinta ay si dhib la’aan ah danahooda u gudanayeen. Waxaan ku boogaadinaya ciidamada ammaanka ee Soomaaliya shaqada wacan ee ay wadaan, sidoo kale waxaan shacabka Soomaaliyeed ku ammaanayaa sida ay u la shaqeeyaan ciidamada ammaanka oo ayna la wadaagaan macluumaadka muhiimka ah. Taasi waxaa ay sabab u noqotay in la burburiyo gabbaadyada ay argagixisada ku lahaayeen qaybo badan oo caasimadda ka mid ah. Horumarka muuqda ee hadda ka socda Soomaaliya ayaa ka mid ah guulaha ugu muhiimsan ee ay Midowga Afrika ku faani karto tobankii sano ee ay joogtay dalka. AMISOM waxaa ay maanta ku faani kartaa in joogitaankeeda dalka uu isbeddel wayn keenay, maadaama ay sare u kacday heerka xasilloonida dalka. Mudddooyinkii ka dambeeyay doorashada waxaan diiradda saareynay xoojinta Ciidanka Xoogga Dalka si loo xaqiijiyo in ay si buuxda diyaar ugu yhiin la wareegidda masuuliyadda ammaanka qaranka. Hase yeeshe, iyada oo aan diyaar u nahay in aan Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya ku wareejinno mas’uuliyadda ammaanka ee dalka, waxaan haddana ugu wareejinaynaa inaga oo tixgelineyno xaaladda waddanka ka jirta. Bishii May guddi qiimeyn ah oo ka socda Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa soo gabagabeeyay kulamo ku saabsan qorshaha xil wareejinta AMISOM, kaddib qorshe horey loo gaaray ee lagu dhimayo ciidamada AMISOM. Ujeeddada guddigani wadajirka ah ee dib u eegista ayaa ahayd in lala yimaado qaab-dhismeed wax ku ool ah oo si hufan ciidamada AMISOM looga wareejiyo masuuliyadda ammaanka dalka, laguna wareejiyo Ciidanka Xoogga Dalka. Guddigan waxaa uu ka duulaya baahida loo qabo in si degdeg ah loo dhiso ciidamada ammaanka dalka iyo laamaha ammaanka heer federaal iyo heer maamul, sida ku xusan Qaab-dhismeedka Ammaanka Qaranka oo ah heshiis siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada oo la gaaray bishii Abril 2017-ka. Heshiiskan waxaa uu udub dhexaad u yahay hanashada isbeddel dhinaca ammaanka, iyo in AMISOM laga wareejiyo mas’uuliyadda koowaad ee ammaanka, loona wareejiya ciidamada ammaanka ee Soomaaliya. Waxaan aaminsannahay in si ay Soomaaliya nabad waarta iyo xasillooni u hesho, loo baahan yahay xal ka yimaada waddanka gudihiisa. AMISOM waa ay soo dhaweyneysaa hannaankan maadaama ay bixineyso waddo cad oo ay ciidamada dalka uga baxayaan, iyada oo bisha Oktoobar sanadka 2018 la bilaabi doono dhimista ciidamada. Waxaan diyaar u nahay waajibaadkeenna cusub kaasi oo la shaacin doono dhowaan, wuxuuna qeexi doona dowrka cusub ee aan ku leennahay Soomaaliya, xilli ay ciidamada Soomaaliya u diyaargaroobayaan geeddi-socod oo ay Soomaalida hormuud ka tahay Akhris wacan!

2

JOORNAALKA AMISOM


JADWALKA 2

Farriinta Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika

4

Wararka

8

Xil Wareejinta

11

Shirkii London ee Soomaaliya

14

AMISOM oo kulan la yeelatay Soomaalida London

15

Rajo iyada oo lala tacaalayo Abaar

17

Ciribtirka Cudurka Jadeecada Soomaaliya

18

Imtixaanka Qaranka oo Kumanaan arday ah u diyaarinaya in ay ku biiraan Jaamacadaha

19

Midowga Yurub oo deeq lagu horumarinayo waxbarashada u fidiyay Soomaaliya

20

Tiirka Afaraad ee Islaamka

21

Dhallinta Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay howlaha nabad-dhisidda iyo xallinta khilaafaadka

22

AMISOM oo Xildhibaannada Jubbaland siisay Tababar ku Aaddan Howlaha Baarlamaanka

23

Gacan Naxariis u leh Bulshada

24

Agab cusub oo gacanta u soo galay Ciidanka Xoogga Dalka

25

Munaasabadda Xuska Maalinta Afrika ee 2017

26

Gudaha Markabka Midowga Yurub ee ESPS Galicia

27

Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda oo la Furay

28

Koox Ciidamo ah oo Cusub oo loo diray Soomaaliya

29

Shaqada Boolisnimo iyo Hadaf kale

32

Muuqaallada AMISOM (Sawirro)

34

Somali Yellow Pages

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mousa Faki Mahamat iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Mudane Antonio Guterres oo ku kulmay Shirka London ee Soomaaliya ee ka dhacay Lancaster House ee London, 11-ka May 2017. Sawirka/GOV.UK

Qaabaynta Iyo Cinwaanka: Noel Lumbama Sawirada: AU-UN IST Newsroom | thenewsroom@auunist.org Email: amisommediacentre@gmail.com P.O. Box 20182 – 00200, Nairobi, Kenya Taleefan: +254 202 713 755 /56 /58 Fax: +254 202 713 766 Soo Saarista: AMISOM Public Information Unit

JOORNAALKA AMISOM

3


WARARKA 2017

MARCH

25

2017

APRIL

2017

M

agaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay tartanka orodka caalamiga ah muddo soddon sano kaddib. Orodka waxaa lagu maamuusayey Saamiya Yuusuf Cumar oo ku geeriyootay badda Mediterranean-ka iyadoo dooneyso in ay Yurubka u gudubto, waxaana sidoo kale orodka lacag loo uruuriyey dadka ay saameeyeen abaaraha. In ka badan 200 orodyahanno ah oo ka kala yimid waddamo kala duwan ayaa ka qayb qaatay orodka, oo ay ka mid yihiin 30 orodyahaanno Soomaali ah oo qaar ay yihiin kuwo ka soo qayb qaatay tartamadii Olombikada ee lagu qabtay Rio 2016-kii.

C

iidamada Qaranka Soomaaliyeed (SNA) ayaa magaalada Muqdisho ugu dabbaaldegay xuska sanad guurada 57-aad iyada uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’. Madaxweynaha ayaa argixisada ku boorriyay in ay ka faa’iideystaan cafiska loo fidiyay ayna hubkooda dhigaan, haddii kalena ay qaban doonto gacanta adag ee dowladda. “Meermeersan mayno. Waxaa aan adeegsan doonna xeeladaha aan horay u soo adeegsannay, waana xoreyneyna dalka oo dhan anaga oo kaashanaya ciidamadeenna,” ayuu yiri.

13

2017

APRIL

B

oolista AMISOM ayaa waqti ku daray barnaamijka tababarka ee ku saabsan isticmaalka qalabka diiwaangelinta, ee laga waday Koonfur Galbeed. Tababarka oo lagu wado in lagu diiwaan geliyo in ka badan 500 oo askarta Koonfur Galbeed ah ayaa wuxuu ka hagi doonaa go’aannada ku saabsan maareynta shaqaalaha, aqoonsiga, dallacsiinta iyo askarta oo meel kale loo diro. Taliyaha boolista AMISOM Anand Pillay ayaa sheegay in diiwaangelinta xogta ay wax weyn ka beddeli doonto maareynta shaqaalaha Booliska Soomaaliya heer federal iyo heer maamul gobolleedba.

15

4

JOORNAALKA AMISOM

APRIL

3

M

adax sare oo ka tirsan AMISOM ayaa shir la yeeshay wakiilo ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Taliyeyaal sar sare oo ka socday Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Waxaa laga wada hadlayey qaabkii waddooyinka muhiimka ah loo furi lahaa loona ilaalin lahaa si gaargaarka bani’aadamnimo loo gaarsiiyo dadka ay saameysay abaarta ka jirta dalka. Shirka oo ay albaadada u xirnaayeen oo lagu qabtay caasimadda Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, Wasiirka Difaaca ee DFS Rashiid Cabdullaahi Maxamed, Taliyaha Ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Janaraal Cismaan Nuur Subagle iyo Taliye ku xigeenka Ciidamada Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Cali Baashi Maxamed iyo kuwo kale.


2017

2017

APRIL

APRIL

23

M

24

S

adaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho ku tagay magaalada Baydhabo, caasimadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed si uu u qiimeeyo saamenyta ay abaartu ay ku yeelatay maamul goboleedkaasi oo ah meesha ay aad abaartu ugu dhufatay.

hir labo maalin socday oo ay iskugu yimaadeen xubnaha haweenka ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho. Shirka waxaa baaq loogu diray xubnaha baarlamaanka in ay midoobaan si ay horay ugu dhaqaaqaan oo ayna u hirgeliyaan ajendayaasha haweenka ee horyaalla. Wasiiradda Arrimaha Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa khudbadda ay ku furtay shirka oo ay iskugu yimaadeen haweenka ka tirsan baarlamaanka federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ku sheegtay in loo baahan yahay in xubnaha baarlamaanada isku soo dhawaadaan oo ay si wadajir ah u shaqeeyaan. “Waxaan ogahay haddii aan midoowno anagoo ah haweenka ka tirsan baarlamaanka federaalka iyo kuwa maamul gobolleedyada, Wasiirada iyo xubnaha ururrada bulshada ka shaqeeya arrimaha haweenka in cabashadeenna la dhagaysan doono oo aana gaari karno hadafkeenna,” ayay tiri.

2017

APRIL

24

I

n ka badan 200 oo askari oo ka mid ah booliska Jubbaland ayaa loo soo xiray tababar socday seddax biloood oo ay qabatay Hawgalka Midowga Afrika ee Soomaalia (AMISOM). 201-ka askar oo isugu jira rag iyo dumar ayaa ah kooxda seddaxaad ee ka mid ah booliska loo tababaray Jubbaland. Tani waxaa ay ka dhigeysaa tirada askarta loo tababaray Jubbaland 600. Kordhinta tirada booliska tababaran ayaa

waafaqsan Habka Cusub ee Booliska oo la ansixiyay 16-kii bishii Juun 2016-ka kaasoo la

doonayo in la dhiso xoogagga boolista ee heer federaal iyo heer maamul gobolleedba.

JOORNAALKA AMISOM

5


WARARKA 2017 MAY

1

J

armalka ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya siineyso deeq lacageed oo dhan 76 milyan oo doolar iyadoo sidoo kale sheegtay in ay qorsheeyneyso in ay ugu yaraan laba jibbaarto gargaarkaasi si loo dardargeliyo dadaalada loogu jiro wax ka qabashada abaaraha ka jira Soomaaliya. Waxaa deeqdaasi ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka Sigmar Gabriel xilli uu booqasho hal maalin ah ku tagay Soomaaliya si uu qiimeeyo xaaladda bani’aadamnimo ee ka jirta waddanka.

2017 MAY

2

S

hir fikrado looga uruurinayey qaybaha muhiimka ah ee ka mid dadka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa ka dhacay magalaada Muqdisho. Shirkaasi oo hordhac u ahaa shir weynihii London lagu qabtay 11-ka bisha May ayaa lagu falanqaynayey arrimaha sida ammaanka, siyaasadda, bulshada iyo horumarka dhaqaalaha.

2017 MAY

13

B

ulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London ayaa kulan heer sare ah la yeesheen Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, waxaana ay ka wada-hadleen guulaha ay Soomaaliya ka gaartay dhinaca nabadgelyada, iyo kaalinta Midowga Afrika uu ka ciyaaro Geeska Afrika. Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi, ayaa sidoo kale looga wada-hadlay sida ay dadka Soomaaliyeed ee qurba-joogta ah ay gacan ka geysan karaan.

6

JOORNAALKA AMISOM

“Maadaama aad tihiin hoggaamiyeyaasha qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool London, in aad abaabushaan, dhiirrigelisaan, oo aad war bixin sax ah siisaan

muwaadiniinta waxaa ay xaqiijineysaa in dadaalkiinna aad ku anfaceysaan qaranka Soomaaliya,” ayuu Danjire Madeira ku sheegay kulankan oo ay dad badan ka soo qaybgaleen.


2017 MAY

25

D

abbaaldegga Maalinta Afrika ayaa si weyn looga xusay Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Munaasabaddan ayaa diiradda lagu saaray kaalinta muhiimka ah ee dhallinyarada iyo awooda ay u leeyihiin in ay isbeddel ku keenaan qaaradda, mowduuca laga duulayayna waxaa uu ahaa“Ka faa’ideysiga Waxtarka qaybaha kala duwan ee Dadweynaha, iyada oo la Maalgashanayo Dhallinyarada.”

2017 MAY

2017

29

M

idowga Yurub oo kaashanaya Qaramada Midoobay iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa daahfuray mashruuc ay ku baxeyso lacag dhan �12 milyan (13.4 oo doolar) kaasi oo lagu taageerayo isdhexgalka dadka barakacayaasha iyo bulshada kale ee gobolka Benaadir. Mashruuca oo loogu magac daray “RE-INTEG” ayaa

2017

JUUN

16

JUUN

13 D

owladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Shirka Dib u heshiisiinta Qaranka ee ka dhacay Muqdisho carrabka ku adkeysay ballanqaadkeeda ahaa in ay mideyn doonto dalka si loo helo nabad iyo xasillooni waarta. Raysal Wasaare kuxigeenka dalka, Mahdi Axmed Guuleed, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay dib u heshiisiin siyaasadeed iyo mid diimeed kuwaasi oo in muddo ah la taabanin colaadda dalka ka jirtay darteed.

sidoo kale ujeedkiisu yahay in kor loo qaado xaaladda nolosha ee barakacayaasha iyo qaxootiga waddanka dib ugu soo laabtay iyagoo loo samaynayo hannaan maamul oo nidaaminaya xuquuqdooda ay u leeyihiin in ay helaan hooy, dhul iyo hanti iyo sidoo kale xuquuqda ay uga mid noqonayaan bulshada iyo siyaasadda.

S

oomaaliya ayaa sida waddamada kale ee qaaradda Afrika xustay Maalinta Carruurta Afrika iyadoo baaq loo diray dadka daneeya arrimaha carruurta in ay wax ka qabtaan carruurta darbi-jiifka ee waddanka. “Carruurtani dartood aan isku nimaadno. Tani waxaan ku samayn karnaa labo qaabood. Mid hore waa in qoys kasta uu qaato cunug darbi-jiif uuna cunuga u koriyo sida kiisa oo kale, haddii kale waa in aan lacago uruurinno oo aan dhisno xarumo aan wax ugu qabanno si ay u helaan hooy iyo waxbarasho,” ayuu yiri Maxamed Cabdiqaadir Nuur oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada oo ka hadlayey munaasabad ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo kaashaneysa Hawgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

JOORNAALKA AMISOM

7


Xil Wareejinta

G

uddi qiimeyn ah oo ka kooban Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa bisha May soo gabagabeeyay kulamo lagu qorsheynayo xil wareejinta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), kaddib qorshe hore loo gaaray ee lagu dhimayo tirada ciidamda AMISOM ee dalka jooga. Guddiga wadajirka ayaa dib u eegis ku sameeyey xalaadda ammaanka ee haatan ka jirta Soomaaliya iyo Qaabdhismeedka Ammaanka Qaran ee la sameeyey, waxayna soo jeediyeen tallaabooyinka la qaadi lahaa si mas’uuliyadda ammaanka dalka loogu wareejiyo Ciidamada Ammaanka Qaranka ee Soomaaliyeed. Guddiga qiimaynta oo ka kooban mas’uuliyiin ka socota Qaybta Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, Xarunta Dhexe ee Qaramada Midoobay, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Midowga Afrika, Deeqbixiyeyaal iyo bahwadaag

Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali, La Taliyaha arrimaha Ammaanka ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo, oo hadal ka jeedinaya shirkii u dhexeeyay Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Hawl-galka Qiimeynta Wadajirka ah oo lagu qabtay Muqdisho, Soomaaliya 21 Maajo 2017.

Madaxa Waaxda Howlaha Nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay, Walid Musa Abdelkarim, oo hadal ka jeedinaya shirkii u dhexeeyay Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee howlaha Qiimeynta Wadajirka ah.

kale ayaa loo xilsaaray in ay la yimaadaan qaab-dhismeed shaqayn kara kaasi oo xaqiinaya in si hufan mas’uuliyadda ammaanka looga wareejinaya AMISOM laguna wareejinaya Ciidanka Xooga Dalka. “Howl weyn ayaa inoo taala, taasoo ah inaan Soomaaliya ka caawinno in ay si degdeg ah, waana ku celinayaa si degdeg ah u dhisato Ciidamadeeda Ammaanka Qaranka iyo laamaha amaanka si waafaqsan Qaab-dhismeedka Ammaanka Qaran ee heer qaran iyo heer maamul goboleedba,” ayuu ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Raisedon Zenenga ku yiri guddiga wadajirka ee dib u eegista. “Taasi waa howl adag oo inoo wada taala oo la doonayo in aan ka miro dhalinno muddo afar sano gudaheeda oo hadda billaabaneysa.”

8

JOORNAALKA AMISOM

Guddiga dib u eegista waxaa sidoo kale looga xilsaaray in ay bal soo ogaadaan baahiyada hadda taagan ee dedejin kara in masuuliyadda difaaca qaranka ee waddanka lagu wareejiyo laamaha ammaanka ee dalka uu leeyahay. “Waxaa jiro baahi degdeg oo ah ee loo qabo in Ciidamada Ammaanka Qaranka ee Soomaaliyeed ay la wareegaan mas’uuliyadda. Marka waa in aan ka bilownaa waxa xaqiiq ahaan suurto gal ah in la sameeyo hadda iyo waqtiga aan samayn karno,” ayuu yiri danjire Madeira. “Qaab-dhismeedka Ammaanka Qaran waa qoraal aad muhiim u ah waxaana rabnaa in uu hirgalo. Ma dooneyno in warqad un kaliya uu ku ekaado. Waa fikrado fiican, waa ujeeddo wanaagsan. Hadda ma aha ujeeddo waxa la doonayo ee waa natiijo.” ayuu raaciyey.


Madax ka socota Qaramada Midoobay iyo Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka qeyb-galaya shirkii u dhexeeyay Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee Hawl-galka Qiimeynta Wadajirka ah oo lagu qabtay Muqdisho, Soomaaliya 21 Maajo 2017.

Madax ka socota Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ka qeyb-galaya shirkii u dhexeeyay Midowga AfrikaQaramada Midoobay, Dowladda Federaalka Soomaaliya kuna saabsanaa Hawl-galka Qiimeynta Wadajirka ah oo lagu qabtay Muqdisho.

Mudane Xusein Macalim Maxamuud Sheekh Cali, la-taliyaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinaca ammaanka qaranka ayaa hoggaaminaya xubnaha dowladda u matalaya kulanka. “Anigoo matalaya DFS, waxaan u mahad celinayaa walaalaheenna AMISOM kuwaasi o garabkeenna ka dagaalamayey tobankii sanno ee la soo dhaafay,” ayuu ka sheegay kulanka isagoo isla markaasina qeexay baahida loo qabo sii joogitaanka AMISOM ee waddanka

ilaa laga helo ciidamo qaran oo isku filan in ay hantaan ammaanka waddanka. “Uma aragno in tobankii sano ee ay AMISOM joogtay Soomaaliya in ay nagu raageen,” ayuu yiri. “Balse waxaan u aragnaa in aad xoogiinna u geliseen, aad ayaad wax badan u hurteen, baahida aad Soomaaliya u timaadeenna wali way jirtaa. Maanta waxaa noo bilaabmay wadahadalka ku saabsan sida baahidan lagu baabi’in lahaa,” ayuu carabka ku adkeeyay.

Talo-jeedinta guddiga wadajirka ah ee dib u eegista oo uu ka mid yahay jadwal hagaya sidii ciidamada loo dhimi lahaa loona kordhin lahaa tirada booliska Midowga Afrika ayaa waxaa hadda loo bandhigi doonaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si ay u ansixiso. Dhimista ciidamada Midowga Afrika waxaa ay soconeysaa ilaa muddo afar sano ah iyadoo lagu wado in ay dhammaato doorashada 2021-ka kaddib. JOORNAALKA AMISOM

9


Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo soo gaaray Aqalka Lancaster ee London oo ah madasha lagu qabanayo shirkii London ee Soomaaliya taariikhdu marki ay aheyd 11 Maajo 2017. 10

JOORNAALKA AMISOM


Shirkii London ee Soomaaliya

11

-ka bisha May 2017, waxaa magaalada London lagu qabtay shir caalami ah ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya. Ugu yaraan afartan iyo labo ee ka mid ah saaxibbada iyo bahwadaagta Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaal iyo dowladaha Bariga Afrika ayaa ka qaybgalay shirkan socday hal maalin shirkan ee looga gol lahaa dardargelinta horumarka laga gaaray dhinaca ammaanka, xoojinta jawaabta caalamka ee ku aaddan abaaraha dalka ka jira iyo dhibaatooyinka bina’aadinimo, iyo in la isku afgarto iskaashiga caalamiga ah ee loo baahan yahay si Soomaaliya ay cagta saarto waddada u horseedi karto nabad iyo barwaaqo. Dowladda Ingiriiska, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa si wadajir ah u guddoominayey shirka. War murtiyeedkii ka soo baxay shirkii London ayaa waxaa diiradda lagu saaray gargaar bani’aadanimo oo loo helo abaarta jirta, Xoojinta Ammaanka Qaranka iyo siyaasad dagan oo loo dhan yahay taas oo xal looga gaari karo arrimaha ku saabsan dastuurka oo ay ka mid tahay dhamaystirka hannaanka dib u eegista dastuurka. Waxaa hoos ku xusan warbixin kooban ee ku saabsan ammaanka sida ku qoran war-murtiyeedka ka soo baxay shirka; Xoojinta Ammaanka Qaran  Shirka waxaa lagu xusay in si looga adkaado ururrada argixisada waxaa ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ay u baahan yihiin in ay qaataan tababar isku mid ah, in si fiican loo qalabeeyo, ay helaan hooy fiican, la siiyo mushaar joogta ah, iyo sidoo kale ay yeeshaan darajo iyo masuuliyad cayiman.  Waxaa lagu soo dhaweeyay heshiiskii siyaaadeed ee taariikhiga ahaa ee ay 16-ka bishii Abril 2017 ay gaareen madaxda Soomaaliyeed ee ahayd in la isku dhafo ciidamada maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda federaalka ah lana waafajiyo Qaab-dhismeedka Ammaanka Qaranka si ay u noqdaan ciidan la wareegi karo mas’uuliyadda nabadgelyada dalka, iyo in si degdeg ah loo dhiso Golaha Ammaanka Qaranka iyo Xafiiska Ammaanka ee Qaranka; in la hirgeliyo heshiiska siyaasadeed ee ku saabsan waajibaadka iyo masuuliyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, sida loo dhisi karo ciidamada iyo jadwalka ku xusan Qaab-dhismeedka.  Shirka waxaa la isku raacay in Heshiiska Ammaanka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka looga duulo heshiis siyaasadeed ee u dhaxeeya Soomaalida, iyo in ay Soomaalida hormuud ka noqoto.  Muddooyinkii la soo dhaafay madaxda Soomaaliya waxaa ka go’nayd in ay horseed u noqdaan in ay ammaan kaga soo dabaalaan Soomaaliya iyagoo ammaan ka higelinaya goobaha dib loo qabsaday, waddooyinka muhiimka ah iyo sidoo kale doorashda 2021-ga.  Madaxda Soomaaliyeed waxaa ay ballan qaadeen in ay hormuud ka noqanayaan in ay Soomaaliya ka hirgesho nabadgelyo, waxaana ka mid ah in ay sugaan amniga dhulalka la xorreeyay, in ay xaqiijiyaan ammaanka waddooyinka muhiimka ah, iyo in ay sugaan amniga doorashooyinka 2021.  Bahwadaagta Soomaaliya ayaa sidoo kale muujiyay sida ay ka go’an tahay in ay sii wadaan taageerrada ay u fidinayaan Soomaaliya dadaalka ay ku xoojineyso awooddeeda ku aaddan maareynta iyo xakameynta hubka.

 Si ay Soomaaliya u hesho nabad iyo xasillooni, waxaa ay u baahan tahay in la hirgeliyo Qaabka dhammeystiran ee loo wajahayo Ammaanka, iyada oo loo marayo iskaashi – si loo xoojiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, si loogu guuleysto in Ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay si hufan u wareejiyaan waajibaadkooda, si loo ballaadhiyo loona horumariyo dadaallada dib u soo kabsashada iyo xasillinta, iyo in laga hortago lalana diriro xagjirka iyo argagixisada.  Iyadoo la aqoonsan yahay muhiimadda ay leedahay in la adeegsado xeelado kale oo aan ahayn militari, kuwaas oo qayb ka ah qaabka dhammeystiran ee loo wajahayo ammaanka, waxaa shirka lagu taageeray Istarateejiyadda Qaran Soomaaliya iyo Qorshe Howleedka ee ka Hortagga iyo la Dagaalanka Xagjirnimada ee la daahfuray 12-ka bisha Sebtembar 2016.  Waxaa ay boogaadiyeen dowrka muhiimka ah ay AMISOM ka qaadatay hirgelinta ammaanka iyo xasilinta dalka si ay Soomaaliya ugu suurto gasho in ay dhisto hay’ado dowli ah oo ay u balaadhiso dhulalka ay ka taliso. Waa labo arrimood oo aasaas u ah qorshaha loogu wareejinayo hay’adaha dowliga ah iyo ciidamada ammaanka ee dalka mas’uuliyadda nabadgelyada. Waxaa lagu aqoonsaday in dadaallada ay waddo AMISOM ay waddamada ciidamada ugu deeqday ay ku hureen wax badan, waxaana lagu ammaanay geesinimada iyo go’aanka adag ay muujiyeen ciidamada AMISOM iyo ciidamada Soomaaliyeed ee la dagaalanka Al Shabaab.  Shirka waxaa sidoo kale lagu aqoonsaday go’aanka adag ee ay qaadeen waddamada AMISOM ugu deeqday Ciidamada iyo Booliska, ee ku aaddan xasilinta Soomaaliya, waxaana lagu garwaaqsaday baahida loo qabo maalgelin joogta ah ee loo helo AMISOM si ay u gutaan waajibaadkooda.  Dhammaan bahwadaagta waxaa ay aqoonsadeen deeqda muhiimka ah ee aad loogu baahi qabay uu Midowga Yurub bixiyay tani iyo 2007, iyo baahida loo qabo in mas’uuliyad la iska saaro maalgelinta AMISOM 2018 kaddib, isla markaana lala shaqeeyo Qaramada Midoobay iyo bahwadaagta kale ee caalamiga ah si loo daboolo baahida AMISOM iyo Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya si ay wax uga qabtaan caqabadaha taagan iyo kuwa muddada gaaban ee dhinaca nabadgelyada ee Soomaaliya.  Bahwadaagta ayaa taageeray in shuruudo lagu xiro wareejinta waajibaadka ammaanka ee laga wareejinayo AMISOM laguna wareejinayo ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya, laga bilaabo dhammaadka 2018, lana yeesho wakhti cayiman ee ku xiran isbeddelka iyo guulaha laga gaaro dhinaca ammaanka ee dalka, sida ku xusan Heshiiska Amniga. Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika dib u eegista ay ku sameynayaan AMISOM laga bilaabo bisha May 2017, iyada oo si dhow lala shaqeynayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa talo ku saabsan dowrka AMISOM, iyada oo la eegay baahida ka jirta Soomaaliya, ayaa loogu soo jeedin doonaa dhammaan bahwadaagta, si ay u ansixiyaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka hor inta aan la cusbooneysiin waajibaadka AMISOM bisha Luulyo 2017. JOORNAALKA AMISOM

11


SU’AALAHA INTA BADAN LA ISWEYDIIYO 1

Maxaa looga hadlay shirka London ee Soomaaliya ee la qabtay 11-ka May?

Xoojinta Ammaanka Qaranka iyo Damaanad Ammaanka caalamiga ah.

Siyaasad dagan oo loo dhan yahay.

Kabsasho dhaqaale.

• Ayidida iskaashiga cusub ee Soomaaliya.

2 Waa maxay Heshiiska Qorshaha Amniga Dalka?

3 Muxuu ka kooban yahay Heshiiska Amniga?

4 Waa maxay habka dhameystirin ee amniga (CAS), taas oo qayb ka ah heshiis dhinaca ammaanka ee lagu soo bandhigay shirka? 12

JOORNAALKA AMISOM

Heshiis siyaasad oo taariikhi ah oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada oo la gaaray April 2017-ka.

Heshiiska waxaay udub-dhexaad u tahay ka miro dhalinta dib u habayn amni oo waara iyo kala wareejinta mas’uuliyadda ammaanka iyadoo AMISOM ku wareeijn doonto xooggaga ammaanka ee Soomaaliya.

Qorshe dib loogu habeynayo ammaanka oo qayb ka ah qaab ballaadhan oo lagu abuurayo ammaan waara, oo ay beesha caalamka dooneyso in uu socdo si loo helo taageero joogta ah.

Heshiis siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada oo ku aadan qaab dhismeedka amniga qaranka.

Ballamo ku saleysan shuruudo ka yimid dalalka saaxiibada nala ah, oo ah in la taageero laamaha amniga, oo lagu xaqiijin doono shir caalami ah oo gaar ah oo dhici doona 6 bil gudahood.

Waxaa lagu heshiiyey in AMISOM ay qayb weyn ka tahay xaqiijinta ammaanka Soomaaliya, iyadoo xilka ku wareejinta AMISOM ee ciidamada ammaanka Soomaaliya ay sharuudo ku xirnaan doonto.

Waxaa jiri doona qaab wax ku ool ah oo lagu hirgalinayo, dib u eegisna loogu sameynayo dhaqan galinta ballamaha heshiiskaan lagu sheegay

CAS waa qaabka guud ee ballanqaadyada caalamiga ah, oo waafaqsan mabaadi'da loo yaqaan 4As (la goyni karo, la aqbali karo, lala xisaabtami karo iyo la awoodi karo), oo hoos yimaado shan goobood oo shaqo: o Awood-siinta hawlaha wax ku ool ah AMISOM, ay ka mid yihiin u gudubka ammaan ay Soomaaliya horseed u tahay. o Horumarinta hay'adaha amniga Qaranka Soomaaliya. o Taageerada qorshaha xasilinta dowladda Soomaaliya iyo dib u soo kabashada bulshada / awooda dowladda (CRESTA / A). o Ka hortagga xagjirnimada daran. o Kobcinta taageerada caalamka ee oo ay ka mid tahay dhisidda hab isuduwid wax ku ool ah.


5 Waa maxay horumarka la isku raacay ee habka dhamaystiran ee ku aadan ammaanka?

2017 - 2018: Heshiisyada siyaasa deed iyo xoojinka xiriirka u dhexeeya FGS IYO FMSs.

2018 - 21: Suggidda Amniga shacbiga Soomaaliyeed si ay si buuxda u codeeyaan doorashada.

2027: Hay'daha AmnigaSoomaaliyeed oo tayeysan oo waaro lagu maalgelinayo dakhliga dalka.

6

Howlwadeennada waxaa ay ka hadleen ka hortagga abaaraha oo ay xiqiijiyeen in ay ka go'antahay in ay kor u qaadaan dadaalka.

Maxay ahaayeen natiijooyinka ka soo baxay shirka ee ku aaddan waxqabadka banii'aadanimamada ee Soomaaliya?

Dib-u-eegis lagu sameeyay Qorshaha Waxqabadka Banii'adanimada ee Soomaaliya ay lagu soo bandhigay codsi lagu codsanayo lacag gaaraysa 1.5 bilyan dollar oo lagu dardargelinayo howlaha banii'aadinimo.

7 Maxaa looga wada hadlaya shirka ee ku aaddan dib u soo kabsashada dhaqaalaha Soomaaliya?

8 Maxaa ugu dhiganyahay dalka Soomaaliya Iskaashiga Cusub (NPS)?

9 Sidee Shirka looga qaybgaliyay bulshada rayidka?

Kabsashada dhaqaalah waa mud naan lagu horumarinayo hab-no loleedyada, shaqo abuur iyo dakhli dhallinta dakhliga gudaha.

Tani waxay hoos u dhigi doonta nuglaanshaha, adkeynta xasiloonida iyo horumarinta xal waara oo la wada dhanayahay oo adkeysi leh.

Afarta Sanna Heshiiska Qorshaha Kabsashada Iskaashiga Dhaqaalah ee u dhexeeya shirkadaha dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa lagu aasaasay shirka.

NPS ayaa diyaarinaya ka go'anaanshaha Beesha Caalamka si loo waafinayo taageerada horumarka Soomaaliya ee waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka.

NPS waxaa lagu saleeyay mabd'a la xisaabtanka labada dhinac u dhexeeya Soomaaliya iyo taageerayaasheeda caalamiga ah, iyadoo labada heshiis uu ku salaysanyahay mabaa'dii xukumeysa iskaashiga.

Waxaa ay u oggolaanaysaa Soomaaliya in ay si buuxda u qaadato hogaanka dejinta ajeendaha horumarkeeda iyo in ay Soomaaliya ka faa'ideysato qorshe howlwadeennada ku heshiiyaan in ay raacaan.

Habsocodka Horumarka waxaa la gudbin doonaa sannadkiiba labo jeer inta lagu guda jira Iskaashiga Shirarka ee Heerka Sare ah ee lagu qabanayo Muqdisho ama caasimadaha Howlwadeennada Caalamiga ah.

• Talooyinka lagu soo bandhigay shir horudhac ah oo 2dii May magaalada Muqdisho ka dhacay, ayna ka soo qayb galeen wakiilada 150 ururada bulshada rayidka ah, ayaa looga hadlay shir barbar socday shirkii London. •

Waxaa shirka lagu qaybiyey buug ay ku qoran yihiin natijooyinka waayaragnimada iyo xirfadaha ay uruada bulshada rayidka iyo qurba joogta ku tabarucii karaan, si sare loogu qaado horumarka wanaagsan ee Soomaaliya. JOORNAALKA AMISOM

13


AMISOM oo kulan la yeelatay Soomaalida London

M

aalin kaddib Shirka guusha ku dhammaaday ee London, bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London ayaa kulan heer sare ah la yeesheen Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, waxaana ay ka wada-hadleen guulaha ay Soomaaliya ka gaarta dhinaca nabadgelyada, iyo kaalinta Midowga Afrika uu ka ciyaaro Geeska Afrika. Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi, ayaa sidoo

Xubnaha jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan London oo la yeelanaya wada-hadal Danjire Francisco Madeira, oo ah Wakiilka Gaarka ah Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya taariikhdu markii ay ahayd 12 Maajo 2017.

Danjire Francisco Madeira, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (dhexda) oo khudbad u jeedinaya xubnaha jaaliyada Soomaalida ee London, 12 May 2017.

kale looga wada-hadlay sida ay dadka Soomaaliyeed ee qurba-joogta ah ay gacan ka geysan karaan.

“Maadaama aad tihiin hoggaamiyeyaasha qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool London, in aad

Xubnaha jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan London oo la yeelanaya wada-hadal Danjire Francisco Madeira, oo ah Wakiilka Gaarka ah Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya. 14

JOORNAALKA AMISOM

abaabushaan, dhiirrigelisaan, oo aad war bixin sax ah siisaan muwaadiniinta waxaa ay xaqiijineysaa in dadaalkiinna aad ku anfaceysaan qaranka Soomaaliya,” ayuu Danjire Madeira ku sheegay kulankan ka dhacay Bartamahada London oo ay dad badan ka soo qaybgaleen. Shirka London ee Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saaray xaaladda Hay’adaha Ammaanka ee Soomaaliya. Waxaa la isku afgartay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin culus si loo xoojiyo ciidamada xoogga dalka, iyo in lagu caawiyo Soomaalida in ay hantaan ammaanka dalka. “Waxaan ku rajo weynahay in aan guuleysan doono. Shirkii London waxaa uu si cad muujiyay in aan joogna meel wanaagsan oo aan gaari doonno heer sare,” ayuu yiri Danjire Madeira. Kulanka lala yeeshay Soomaalida ku nool London ayaa waxaa looga faallooday horumarka wanaagsan ee ka socda dalka, sababo la xiriira nabadda oo dib ugu soo laabatay dalka. “Waxaan u baahanahay waa in beesha caalamka ay ku taageerto - Dowladda Ingiriiska ama Midowga Yurub ama Qaramada Midoobay – in ay taageeraan dhisidda Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya si ay ula dagallaamaan oo ay uga adkaadan Alshabaab,” ayuu yiri mid ka mid ah ka qaybgalayaasha shirka. Sayid Cali oo ah qof u shaqeeya bulshada ee joogo London, ayaa intaas raaciyay, “Waxaa ay ila tahay in dalka Soomaaliya uu yahay dal qani ah, qof kastana waa uu ogyahay. Waxaan u malaynayaa wax kasta in ay wanaagsanan doonaan, waxaana rajaynayaa in nabad iyo amni laga helo Soomaaliya in ay dan u tahay caalamka iyo qaaradda Afrika.”


Rajo iyada oo lala tacaalayo Abaar

X

og ay soo saartay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku duwidda Arrimaha Bani’aadinimada ayaa waxaa ay muujineysaa in dad ka badan 6.2 milyan – taas oo u dhiganta bar dadka ku nool Soomaaliya – ay baahi degdeg ah u qabaan in lala soo gaaro gargaar bani’aadinimo. Ku dhowaad seddax milyan oo qof ayaa la il daran cunno yari. Abaaraha ba’an ee ka jira dalka ayaa kumannaan qoys ka barakiciyay guryahooda. Dadkan ayaa u qaxay xerooyinka barakacayaasha, halkaas oo ay ka heli karaan cunno iyo caawimaad. Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa gacan weyn ka geystay yareynta dhibaatada ay la kulmayaan kumannaankan qoys oo ay saameysay abaarta iyada oo u furtay waddooyinka muhiimka ah si loo fududeeyo gargaarka iyo isku socodka dadka. “Ma aanan helin wax gargaar ah oo aan ka ahayn

caawimaad ay noo fidiyeen ciidamada AMISOM oo 90 qoys ee ka mid ah dadka ugu liita u dhiseen musqulo una qeybiyeen bustooyin iyo teendhooyin xilliga daadadka,” ayay tiri Magaalo Maxamed Xuseen, oo ah maareeyaha mid ka mid ah seddaxda xero ee barakacayaasha ee Beledweyne. Si ay ula qabsadaan cimilladan aadka u daran, dadka qaar oo ay saameysay abaarta ayaa la yimid xeelado ay uga gudbayaan dhibaatada abaartan ba’an ee lagu tilmaamay in ay tahay middii ugu darneyd shantii sano ee la soo dhaafay, si aayan kaliya ugu tiirsanaanin deeqda ay ka helaan hay’adaha gargaarka. Magaalada Baydhabo oo ah xarunta maamulka Koonfur Galbeed ahna meesha ay u soo qaxeen barakacayaasha ugu badan ayaa dadka ay saameysay abaarta waxaa ay la yimideen qaabab ay ku soo sameysanayaan dakhli oo ay ku maareeyaan naftooda, markii

Saf dheer oo gaari-dameero ah oo ay ku raran yihiin haamaha biyaha oo maran oo u safan isha durdurka ee Baydhabo, 5 Abriil 2017. Isha durdurka waa isha kaliya oo ay ka waraabaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool xerooyinka magaalada.

laga soo tago gargaarka loo fidiyo. “Shabellow waxaan uga soo qaxnay baahi iyo harraad dartood. Waxaan galnay safar aad u dheer inaga oo carruurteenna dhabarka ku sidanna. Nolosheenna waxaan ku maareynaa qoryaha oo aan uruurinno iyo dadka oo aan dharka u dhaqno,” ayay tiri Xabiiba Aadan oo ah hooyo dhashay shan carruur. Xabiiba Ibraahim waxaa ay ugu dambeynti dukaan yar ka furatay xerada dhexdeeda. Lacagta ay ka hesho dukaanka waxaa ay ku maareysaa nolosha qoyskeeda ee ka koobaan toddoba iyo toban qof. “Waxaan ka qaxnay Bardaale, waxaana imaadnay xerada barakacayaasha ee Kormari. Kaddib waxaan furannay ganacsi yar oo hadda inoo kacay. Barakacayaasha intooda badan waxaa ay noo yihiin macaamiil. Dukankeenna ayay wax ka iibsadaan,” ayay tiri Xabiiba oo faraxsan.

Dad barkacayaal ah oo cooshado ka dhisanaya xero qaxooti ah oo cusub oo ku taala duleedka magaalada Baydhabo, kaddib markii ay ka soo barakaceen guryahooda oo ku yaalla gobolada ay aafaysay abaarta, taariikhdu markii ay ahayd 14 Abriil 2017.

Khadiija Ibraahim Cabdiraxmaan oo iyadana ku nool xerada barakacayaasha ay ku nooshahay Xabiiba, ayaa waxaa nolol-maadmeedka qoyskeeda ka kooban toddoba qof ay ka heshaa iibinta dhagxaanta. Iyada oo ka sheekeyneysaa ayaa waxaa ay tiri, “Waxaan uga qaxay gurigeyga ku yaalla Gaal Looge gaajo iyo biyo la’aan dartood. Waxaan nololmaalmeedkeyga ka sameystaa dhagaxda”. Magaalada Kismaayana, Sacdiya Aadan Mursal oo ah hooyo naas nuujineysa ayaa biilka ay ku maareyso qoyskeeda ka heshaa iibinta qoryaha wax lagu karsado. “Waxaan ka soo tagay Saakoy isla markii aan dhalay cunugeyga. Seddax maalmood ayaan safar ku jirnay si aan halkan u soo gaarno,” ayay tiri Sacdiya. “Waxaan leeyahay toddoba carruur. Mararka qaar aniga iyo haween kale ayaa waxaan ka tagnaa xerada si aan u soo uruurinno qoryo. Kaddib waan iibinnaa qoryaha si aan ka helno lacag ee aan ku iibsanno cunno iyo biyo,” ayay tiri. Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan ku baaqay deeq lacag oo dhan $863 milyan sii loo yareeyo saameynta abaarta. Ballanqaadyada la sameeyay ayaa weli si tartiib ah u soo galaya, in kasto ay Qaramada Midoobay iyo dowladda federaalka ah ay ku boorrinayaan in si degdeg ah loo bixiyo ballanqaadyadaas si loo yareeyo dhibaatada haysta dadka. JOORNAALKA AMISOM

15


Xaaladda Jawaabta Abaaraha ee Soomaaliya

Q

Haween xambaarsan alaabtooda iyo ulahooda ay ku dhistaan hoygooda oo gaaray xero barakacayaasha loogu talo-galay kadib markii ay ka soo carareen abaaraha saameeyay meelihii ay ku noolaan jireen 4tii Abriil 2017.

aybta u qaabilsan Qiimeynta Ammanka Cunnada iyo Nafaqada ee FAO ayaa ka digtay in ay xaaladda abaarta ka jirta dalka ay isku beddesho macluul sababo la xiriira cunno yari ba’an, nafaqo darro daran, cudurrada badan iyo ku tiirsanaanshaha gargaarka. Ilaa iyo bisha Juun 2017, waxaa la qiyaasayay in ay ku dhowaad 2.5 milyan oo qof ay dhibaato soo gaarto, halka 700,000 ay galaan xaalad degdegga ah ee cunno yarida. Warbixinta oo faahfaahsan ka bogo.

Haween xambaarsan caagadaha biyaha lagu dhaansado oo jooga meel xero barkacayaasha ku nool yihiin duleedka magaalada Baydhabo kaddib markii ay soo barakicisay abaarta saameysay meelihii ay ku noolaayeen 4-tii Abriil 2017. 16

JOORNAALKA AMISOM


Ciribtirka Cudurka Jadeecada Soomaaliya

B

isha Abriil waxaa Soomaaliya laga bilaabay ol’ole ballaaran oo talaalka cudurka jadeecada oo looga gol lahaa in lagu tallaalo 110,000 carruur ah oo ka yar shan sano ee ku nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ol’olaha oo ay hirgelisay wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka ah oo taageero ka heleysa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Hay’adda Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Carruurta (UNICEF), iyo hay’ado kale ee ka shaqeeya arrimaha samafalka ayaa sidoo kale carruurta oo ay sida daran u saameysay abaarta Soomaaliya ka jirta lagu siiyay cunnada fitamiin A ah iyo kiniinyada gooryaanka. Ol’olaha waxaa laga daahfuray xerada barakacayaasha ee Beerta Muuri ee ku taallo magaalada Baydhabo, xarunta maamulka Koonfur-Galbeed halkaas oo ay u soo qaxeen dad ka badan 100,000 oo qof kuwaas oo doonaya gargaar bani’aadanimo. Waxaa ol’olaha

Hooyooyin iyo carruurtooda oo saf ugu jira tallaalka cudurka jadeecada xerada Beerta Muuri oo ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah markii la daahfuritay ol’olaha tallaalka oo ay taageereyso hay’ada UNICEF ee magaalada Baydhabo, 24-tii Abriil 2017.

Hooyooyin iyo caruurtooda oo saf ugu jira tallaalka cudurka jadeecada ee xerada Beerta Muuri oo ay ku nool yihiin dad barakacayaasha ah ee magaalada Baydhabo, Soomaaliya.

Ilmo qaadanaya tallaalka jadeecada markii la daahfuray ol’olaha tallaalka ee xerada barakacayaasha Beerta Muuri, Baydhabo, Soomaaliya.

loogu talagalay in lagu tallaalo ugu yaraan 30,000 oo carruur ah muddo toddobaad ah. “Ol’olahan waa mid si degdeg ah loo baahanyahay. Marka la eego cudurrada tallaal looga hortagi karo, ma jiro cudur ka halis badan cudurka jadeecada,” ayuu uga faallooday Maareeyaha Mashruuca ee UNICEF, Jane Mbakaya. Marwo Mbakaya waxaa ay sheegtay in ugu yaraan 16 qof looga shakiyay in ay la il daran yihiin cudurka jadeecada. Ku dhawaad 5,700 qof ayaa lagu soo warramay in uu ku dhacay cudurka jadeecada guud ahaan dalka illaa bilowgi sannadkan 2017, tiradaas oo ka badan tiradii sannadka 2016. Abaaraha ba’an ee dalka ka jira ayaa gacan weyn ka geystay in uu cudurka ka sii daro. JOORNAALKA AMISOM

17


Imtixaanka Qaranka oo Kumanaan arday ah u diyaarinaya in ay ku biiraan Jaamacadaha

U

gu yaraan seddax iyo labaatan kun oo arday ee wax ka barata 77 dugsi ee ku kala yaala daafaha Soomaaliya ayaa bisha Maajo 2017 u fadhiistay imtixaanka shahaadiga ee waxbarashada dugsiga sare. Ardayda sanadkan u fadhiistay ayaa laba jibbaar ka badan ardayda u fadhiistay imtixaanka sanadka 2016, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka, Mudane Cabdiraxmaan Dahir. Seddaxda sano ee ugu dambeeyay waxaa aad u sii kordhay tirada ardayda u fadhiisanayso imtixaanka shahaadiga ah ee qaranka. Sanadka 2015 waxaa imtixaanaadka u fadhiistay arday dhan 3,500, halka 2017 ay u fadhiisteen arday gaaraysa 23,000. Imtixaanaadka qaranka ee hadda sanadka seddaxaad la qabanayo waxaa lagu qaadaa gobollada Benaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed, iyo HirShabelle, waxaana kormeeraa wasaaradda waxbarashada ee dowladda federaalka. Gobollada Baay iyo Bakool iyo Shabeellaha Hoose, 1117 arday ayaa xarumo kala duwan uga fadhiistay imtixaanaadka. “Guud ahaan, imtixaanaadka si wanaagsan ayay u socdaan,” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada ee Maamulka ku meelgaarka ah ee Koonfur Galbeed, Mudane Sadat Cali Ibraahim, xilli uu imtixaanka socday.

“Imtixaanaadka si wanaagsan ayaa loo nidaamiyey sanadkan. Waxaan dhihi karaa wuu ka fiican yahay sanadaha la soo dhaafay. Waxaan rajeyneynaa natiijo wanaagsan,” ayuu yiri Ibraahim Cali Axmed, Maamulaha Dugsiga Model School oo ku yaala magaalada Baydhabo, ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed. Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa imtixaanaadka ka qaybgalay lix iyo toban dugsi, waxaana imtixaanka u fadhiistay 1354 arday. “Wasaaradda Waxbarashada waxaa ay xarun waliba u diyaarisay ilaaliyeyaal ee kormeeri doona imtixaanaadka,” ayuu yiri Mudane Axmed Cabdi Cali, Ku xigeenka Wasiirka Waxbarashada ee HirShabelle. Toban maaddo oo ay ka mid yihiin Kimistari, Bayoolaji, Fisikis, Xisaab, Ingiriis, Af-Soomaali, Taariikhda iyo Juqraafi ayaa lagu imtixaamay ardayda. Ammaanka goobaha lagu sameynayay imtixaanaadka ayaa si aad ah loo adkeeyay si looga hortago qishka iyo in ay maleeshiyaadka carqaladeeyaan imtixaanka. Farxaan Cabdulle Cadow oo ah arday 18 jir ah oo wax ka dhigta dugsiga sare ee Mujamac ee ku yaala degmada Beledweyne ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in uu heli doono natiijo wanaagsan. “Waxaan is lahaa imtixaanka shahaadiga ah ee qaranka oo ay qaadeyso dowladda federaalka ah wuxuu noqon doona mid adag, balse waan ku faraxsanahay sida ay arrintu u dhacday,” ayuu yiri.

Ardayda Dugsiga sare ee Mujamac oo ku yaalla magaalada Beledweyne oo u fadhiya imtixaanka shahaadiga ah, taariikhda markii ay ahayd 22 Maajo 2017. 18

JOORNAALKA AMISOM

Dhanka kale, magaalada Kismaayo oo ah xarunta maamulka Jubbaland waxaa aad loo adkeeyay ammaanka xarumaha lagu qaadayay imtixaaanaadka. Arday badan ee u fadhiistay imtixaanka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay ku biiri doonaan jaamacadaha. “Aad ayaan u faraxsannahay. Waxaan joognaa meesha ugu sarreysa uu gaari karo ardayga labo iyo toban sano ku jiray dugsiga dhexe iyo sare, waana xilliga uu ka gudbi lahaa wajigaas ee waxbarashadiisa ka mid ah. Dhammaanteen waxaa aan rajeyneynaa in aan ku biirno jaamacadaha aan dooneyno,” ayuu yiri Abdijabaar Siraaji oo ah arday 19 jir ah. Raisal Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa 20-kii bisha May daah furay imtixaanka shahaadiga ee qaranka. In si guul ah lagu soo gabogabeeyay imtixaanka waxaa ay muujineysa in meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah ay ka hirgashay nabad iyo xasillooni. Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxaa ay taageereysaa dadaallada dhallinyarada loogu fidinayo fursadaha waxbarashada, waxaa ayna kala shaqeyneysaa ciidamada ammaanka ee Soomaaliya in la xaqiijiyo in aan waxbarashada la carqaladeyn. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horumar weyn ka sameysay dib u habaynta nidaamka waxbarashada ee burburay kaddib markii ay burburtay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Arday Dugsira Sare ee Mujamac oo ku yaalla Beledweyne oo muraajaceynaya casharradooda ka hor imtixaanka shahaadiga.


Midowga Yurub oo deeq lagu horumarinayo waxbarashada u fidiyay SOOMAALIYA

M

idowga Yurub oo u marayo Safiirka u fadhiya Soomaaliya, Marwo Veronique Lorenzo, ayaa ku dhawaaqay deeq lacag ah oo dhan 49 milyan oo Yuuro ee loogu talagalay qaybta waxbarashada ee Soomaaliya. Deeqdan ayaa lagu dhawaaqay xilli loo dabbaaldagayey xuska sanad guurada 60-aad tani iyo markii la aasaasay Midowga Yurub. Deeqdan xidhmada waxbarashada ayaa waxaa Muqdisho ku kala saxiixday Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya iyo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, xilli lagu guda jiray xuska munaasabadda Maalinta Yurub. “Barnaamijkan waxaa uu xoojinaya qaar ka mid ah guulaha aan gaarnay, waxaana uu ballaarinaya waxbarasho tayo leh ee loo siman yahay loona dhan yahay”, ayay tiri Marwo Lorenzo. Taageerada uu Midowga Yurub u fidiyay Soomaaliya ee ku aaddan arrimaha horumarinta, gargaarka bani’aadinimada xasilinta dalka waxaa ay kor u dhaafeysaa 2.4 bilyan oo Yuuro, taasina waxaa ay Midowga Yurub ka dhigeysaa

Madax ka socota Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Guddomiyaha Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka qeyb-galaya xafladda lagu maamuusayo Maalinta Yurub, magaalada Muqdisho 9-kii Maajo 2017.

saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya dhinaca arrimaha horumarinta. “Soomaliya, waxaan u taagannahay horumarinta ku dhaqanka sharciga. Waxaan dooneynaa in aan aragno in ay jiraan hay’ado dowli ah oo xooggan. Waxaan rabnaa in aan aragno sharciyada dalka oo la xushmeynayo. Waxaan dooneynaa in aan idin kala shaqeyno dib u eegista dastuurka, si loogu muujiyo rabitaanka iyo baahiyada dalka iyo shacabka”, ayay Marwo Lorenzo u sheegtay madax sare oo ka socday dowladda federaalka ah ee ka qaybgalay xafladda saxiixa.

Xafladda lagu kala saxiixanayay deeqda lacageed ee waxbarashada waxaa sidoo kale lagu xusay sanad guurada 30-aad ee aasaaska barnaamijka waxbarashada ee ERASTUS Mundus ee loo arko mashruuca Midowga Yurub ugu guusha badan kaas oo 10 arday oo Soomaali ah u fidiyay deeq waxbarasho oo heerka waxbarashada ee mastarka ay ka qaadanayaan jaamacado ku yaalla Yurub. “Waa bilowga mashruucyo badan oo ay ku bixi doonaan malaayiin Yuuro”, ayuu yiri Mudane Jamal oo markaasi garabkiisa uu taagnaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda

Wasiirka Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan (dhexda) iyo Veronique Lorenzo oo ah Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya oo kala saxiixanaya heshiis xilli lagu guda jiray xuska Maalinta Yurub ee ka dhacay Muqdisho.

Waxbarashada ee dowladda federaalka ah, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dowladda Federaalka ah, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa ahaa marti sharafka xuska Maalinta Yurub. “Waa in aan ugu baaqo Midowga Yurub iyo asxaabteenna ee dalalka Yurubka in ay nagu kaalmeeyaan horumarinta koboca dhaqaalaha, iyo in dalka laga saaro gaajada hadda ka taagan, hab waari karo,” ayuu ugu boorriyay Mudane Jawaari. Marwo Lorenzo ayaa ku celcelisay in Yurub ay garab taagan tahay Soomaaliya, xilli ay la tacaaleyso abaaro ba’an oo dhibaato badan iyo dhimasho geystay. “Waxaan aan niyaddeenna iyo dareenkeenna la qaybsaneynaa dadka Soomaalida oo ay saameysay abaarta, iyo kuwa ay dhibaatada ka soo gaartay colaadaha iyo amni xumida,” ayay tiri. “Haddii aan nahay Midowga Yurub, waan idin garab taagannahay.” Midowga Yurub ayaa ilaa iyo wakhtigan la joogo Soomaaliya u fidiyay lacag dhan 450 milyan oo loogu talogalay gargaarka bani’aadinimada. JOORNAALKA AMISOM

19


Tiirka Afaraad ee Islaamka

U

mmadda Soomaaliyeed ee Islaamka ah ayaa ku biiray Muslimiinta kale ee caalamka in ay soomaan bisha barakeysan ee Ramadaan, iyaga oo rajo badan muujiyay. Sanadkan, bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa ay ku soo aadday xilli ay dalka ka jiraan abaaro ba’an oo ay boqolaal qof naftooda ku waayeen, kumanaan kalena guryahooda ka barakiciyay. “Aniga oo ka mid ah dadka barakacayaasha, waxaan dhihi lahaa waxaan u baahannahay hay’adaha gargaarka bani’aadinimada in ay nala soo gaaraan gargaarka,” ayay tiri Xabiiba Maxamuud Cabdi, oo ah hooyo barakacayaasha ka mid ah. Waxaa ay ka cabsi qabtaa in nolosha ay ku sii adkaan doonto dadka ku nool xerooyinka barakacayaasha. Ramadaan waa bisha 9-aad ee bilaha Hijriga, dadka Muslimiinta ee awoodi karana waxaa waajib ku ah in ay soomaan. Waa tiirka afaraad ee shanta tiir ee Islaamka. “Haddii aan la imaanno soonka bisha Ramadaanka sida la inoo jideeyay, waxaan aan xal u heleynaa dhammaan dhibaatooyinka, oo ay ka mid tahay in xal loo helo arrimaha nabadgelyada”, ayuu yiri Sheekh Bashiir, 20

JOORNAALKA AMISOM

Guddoomiyaha Midowga Culimada Soomaaliyeed. “Maadaama ay jiraan abaaro, waxaa jiraa dad badan oo u baahan in la caawiyo, ha noqdaan barakacayaal, ama dadka ay saameysay dhaqaalo xumida ba’an” ayuu xusay Sheek Bashiir, asaga oo ku baaqay in loo naxariisto lana caawiyo dadka taagta daran. Ifrax Maxamed oo ah shaqaale ka shaqeysa Jaamacadda City ee bartamaha Muqdisho ku taalo, ayaa ku boorrisay ummadda Soomaaliyeed in ay is cafiyaan. “Waan in aan ku dadaalno in aan horumarinno oo hor u socod u sameyno dalka, “ayay tiri. Dhankiisa, Bashiir Sheekh Cabdullaahi Cabdi oo ah arday ku jira sanadka afaraad ee koorsada Injineermada howlaha Madaniga iyo Kaabayaasha ee jaamacadda City University, bisha Ramadaan waxaa ay ka dhigan yahay in loo baahan yahay in uu wakhtigiisa si wanaagsan u qorsheeyo, maadaama ay soo dhowyihiin imtixaanaadka. “Shakhsi ahaanteyda, jadwalka qorshaha Ramadaanka waxaa aan sii diyaarsadey 3 maalmood ka hor Ramadaanka si aan ugu diyaargaroobo imtixaanaadka

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo Muslimiin kale oo ku duceysanaya gudaha masaajidka intii lagu guda jiray bishii barakeysneyd ee Ramadan.

simistarka,”ayuu yiri Bashiir. “Waxanaa qorsheynayaa in aan in badan wax akhristo, oo ay ugu horreyso akhrinta Quraanka kariimka”. Dadka sida Cumar Xasan Maxamed oo ah dareewal magaalada Muqdisho ku kaxeeya bajaaj, ayaa ganacsigiisa faa’iido badan soo xareeya, waxaana uu ku aaneynaya amniga caasimadda oo wanaagsanaaday. “Ilaahay ayaan ku mahadinayaa in uu dalkeenna uu hadda xasilloon yahay, oo ay wax badan naga maqneyn. Ganacsigeyga waa uu fiican yahay, waayo waxaan helnaa dad badan oo aan u kaxeyno suuqa,” ayuu yiri.

Warbixinta ugu dambeysay oo ay soo saartay Qaybta Qiimeynta Ammaanka Cunnada iyo Nafaqada ee Hay’adda Cunnada iyo Beeraha (FAO), waxaa ay ka digtay in ay sii badaneyso khatarta macluul sababo la xiriira cunno yari daran, nafaqo yari ba’an, cudurrada badan iyo ku tiirsanaanshaha gargaarka. Ilaa iyo bisha Juun 2017, waxaa la qiyaasayay in ay ku dhowaad 2.5 milyan oo qof ay dhibaato soo gaarto, halka 700,000 ay galaan xaalad degdegga ah ee cunno yarida, sida ay sheegtay Qaybta Qiimeynta Ammaanka Cunnada iyo Nafaqada.


Dhallinta Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay howlaha nabad-dhisidda iyo xallinta khilaafaadka

D

hallinyaro ka kala yimid toddobada iyo tobanka degmo ee Muqdisho ayaa go’aan ku gaaray in ay adeegsan doonaan habab aan dhib iyo colaad wadanin ee lagu xalliyo khilaafaadka kaddib siminaar ku saabsan nabaddhisiida ay ku qaateen magaalada Muqdisho bisha May. Ugu yaraan 70 qof ayaa ka qaybgalay siminaarka socday labo maalmood oo ujeedkiisu ahaa in lagu kobciyo xirfadahooda iyo wacyigooda ku aaddan xaalinta khilaafaadka iyo dhibaatooyinka. Tababarka waxaa soo qabanqaabiyey maamul goboleedka Banaadir oo la kaashaanaya Ifrah Foundation iyagoo taageero ka helaya Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). “Waxaan ku dhiiri-gelinayaa in ay iskaashi dhexdooda ah sameeyaan halkii ay iska fadhin lahaayeen oo ay dowladda ama odayaasha ka sugi lahaayeen in ay dowrkooda siiyaan,” ayuu yiri Dr. Walters Samah oo ah Masuul sare ee Arrimaha Siyaasadda ee AMISOM.

Waxaa uu ku boorriyay dhallinyarta oo ah dadka tiro ahaan ugu badan bulshada Soomaaliyeed in ay ka faa’ideystaan tiro badnidooda si ay u horumariyaan dimuqraaddiyadda. “Waa in ay qaybtooda qaataan. Balse, si ay sidaasi u sameeyaan, waa in ay dhexdooda ka dhisaan iskaashi.” Thaabit Maxamed, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa dhalinyarada kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii ay bulshadooda iyo xaafadahooda ugu horumarin lahaayeen wada noolaanshaha. “Waa laga maarmaan in la dhiso xiriir u dhaxeeya dhallinyarta iyo Maamulka Banaadir si loo fududeeyo geeddi-socodka nabadeynta,” ayuu yiri duqa magaalada, Thabit. “Haddii aan ka wada shaqeyno nabad-dhisidda iyo xallinta khilaafaadka, dadka ugu horreeyo ee ka faa’iidayo waa dhallinyarta,” ayuu ku daray. Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee dowladda Federaalka ah ayaa ayadana ku nuuxnuuxsatay dowrka muhiimka ah oo

Sawir ay wada galeen ka qaybgalayaasha iyo madaxda sare ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) intii lagu jiray siminaar ku saabsanaa nabad-dhisidda iyo xallinta khilaafaadka ee bulshada.

Wasiirka Dhallinyarta iyo Cayaaraha, Khadiijo Maxamed Diiriye, oo khudbad u jeedineysa ka qaybgalayaasha siminaar ku saabsanaa Habka Nabadeynta iyo Xallinta Khilaafaadka oo loo qabtay dhalinyarada Banaadir ee Muqdisho, Soomaaliya.

ay dhallinyarta Soomaaliyeed ka geysan karaan dhisidda aayaha dalkooda. Cabdikaafi Maxamuud Makaraan oo ah mid ka mid ah ka qaybgalayaasha, ahna Guddoomiyaha Dhallinyarada ee Banaadir, ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay wacyigelin badan oo ku saabsan dadaallada ku aaddan nabaddhisidda, si dhallinyarta loogu dhiirrigeliyo in ay ka qayb qaataan geeddisocodka. “Dhalinyarada waxaa in muddo ah loo adeegsanayay in ay dhibaato geystaan. Laakiin wacyi-gelinta maanta la siiyay waxaa ay muujineysa in dhallinyarada ay kaalin muhiim ah ciyaari karaan haddii laga faa’ideysto dhallinyarnimadooda iyo haddii loo abuuro fursado shaqo; waa in la howlgaliya si ay uga fogaadaan fikradaha xunxun,” ayuu yiri Cabdikaafi. AMISOM waxaa ay hormuud ka tahay horumarinta hannaanka nabad-dhisidda iyo xallinta khilaafaadka oo aan ku saleysneyn rabshad iyo dagaal. Tababarka wuxuu qayb ka yahay howlaha Tababarka AMISOM ee Nabadda, oo ay hor kaceyso waaxdeeda Arrimaha Siyaasadda. JOORNAALKA AMISOM

21


AMISOM oo Xildhibaannada Jubbaland siisay Tababar ku Aaddan Howlaha Baarlamaanka

X

ubnaha baarlamanka maamulka Jubbaland ayaa safar ku tagay dalka Kenya si ay wax ku saabsan howlaha baarlamanka ka bartaan baarlamanka dalka Kenya sii loo kobciyo awooddooda baarlamaaneed, wakhti ay Soomaaliya ku howlan tahay in ay hirgeliso nabad iyo dib u heshiisiin. Marka laga reebo tababarrada iyo casharrada kooban oo ay bixiyeen dad takhasus qoto dheer u leh arrimaha sharci dejinta iyo siyaasadda, waxaa ay soddonka qof ee hoggaamiya 13-ka guddiyo baarlamaan booqasho ku tageen baarlamanka is-maamulka Nairobi si ay u kuurgalaan howlaha baarlamanka. Dowladda Denmark, iyada oo u mareyso kaalmada ay siiso AMISOM ee loogu magac daray Barnaamijka Xasilinta iyo Kabshashada Hore, ayaa maalgelisay tababarkani socday hal usbuuc. Tababarkani waxaa uu madaxda sawir ka siiyay dimuqraaddiyadda, wuxuuna iftiimiyay arrimaha la xiriira kala qaybinta awoodaha, kaalinta baarlamanka ee ku aaddan dimuqraaddiyadda, xallinta khilaafaadka, dhisidda guddiyo baarlamaan oo howlahooda si hufan u

Xubnaha Baarlamanka maamulka Jubbaland oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka qaybgalaya siminaar aqoon kororsi ah, Maajo 11-ka, 2017. Siminaarka waxaa qabanqaabiyay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

guta, waajibaadka iyo dowrka AMISOM, iyo mowduucyo kale.

Dr. Opiyo Ododa, oo khudbad ka jeedinaya siminaarka loo qabtay xubnaha Baarlamanka Jubbaland.

Tababarkan aqoon kororsiga ah waxaa uu ka mid yahay doonista AMISOM ay ku dooneyso in ay daneeyayaal Soomaaliyeed ee kala duwan u dhisto xirfado farsamo si ay u gaaraan heshiis, ayna dalkooda ka hirgeliyaan nabad. “Waxaa ay guul weyn u tahay wadashaqeynta AMISOM iyo waddamada gobolka,” ayuu ku yiri Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga

Dr. Mumo Nzau (bidixda) iyo Dr. Walters Samah, Madaxa Arrimaha Siyaasadda, oo jooga siminaarka loo qabtay xubnaha Baarlamanka Jubbaland, ee Nairobi, Kenya bisha Maajo 11-ka 2017. Siminaarka waxaa taageeray Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). 22

JOORNAALKA AMISOM

Afrika ahna Madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira, khudbadda uu u jeediyay xubnaha baarlamanka, ee caasimadda Kenya. Waxaa uu sheegay in markii ay xildhibaannada qaataan tababarro noocan ah ayay “si sax u ah u cabbiri karaan dhibaatooyinka saxda ah ee haysta dadka ay matalayaan, haddii ay doonayaan in ay xal u helaan.” Dr. Opiyo Ododa oo ah Madaxa Barnaamijka Xasilinta iyo Kabsashada Hore ee AMISOM ayaa jeediyay warbixin ku saabsan taariikhda aasaaska baarlamanka Jubbaland, kaas oo ugu horreyn la daahfuray Abriil 2015 oo xilligaas ay ka koobnaayeen 75 qof oo afar ka mid ah ay ahayeen dumar. Dr. Opiyo ayaa xusay in baarlamanka uu ansixiyay dhowr sharci, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay ahaayeen kuwo “aad muhiim u ah howlaha maamulka.” Cabdi Maxamed Cabdulraxmaan, Guddoomiyaha Baarlamanka Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa ugu mahadceliyay AMISOM dhibaatooyinka ay u marayaan in ay Soomaaliya ka hirgeliyaan nabad. “Haddii aad ku dhimato dal kale adiga oo iyaga u daneynaya, runtii naftaada ayaad u hurtay,”ayuu yiri isagoo dabcan ula jeeda ciidamada AMISOM ee dhintay iyaga oo waajibaadkooda gudanaya. Cabbaas Cali Ibraahim oo ah ku xigeenka guddoomiyaha Guddiga Anshaxa ee baarlamanka Jubbaland, ayaa asna sheegay in uu ku faraxsan yahay tababarka, waxaa uuna ku boorriyay AMISOM in ay qabanqaabiso siminaarro badan oo kan la mid ah. “Ina kaalmeeya, na taageera sida loo taageero carruurta yar ee soo koraya ilaa ay ka weynaadaan. Waxaan nahay sida carruur, ee na garab qabta,” ayuu carrabka ku adkeeyay.


Gacan Naxariis u leh Bulshada

X

aafadaha ku xeeran xarunta AMISOM ee Muqdisho ayaa haatan ka faa’iideystaa biyo nadiif ah oo aan kala go’ lahayn. Goob biyo ah oo ay dhiseen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa 23ka bisha shanaad lagu wareejiyay bulshada halka ku dhaqan. “Dadaallada ku aaddan in Soomaaliya lagu soo dabbaalo nabad looma adeegsanayo kaliya qori, waxaa sidoo kale ka mid ah in dadka laga farxiyo oo la qanciyo; biyahana waa xuquuq aasaasi ah,” ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee Midowaga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, xilli uu wareejinayay mashruuca biyaha.

Mashruuca waxaa mudnaanta koowaad siiyay bulshada halkaa ku dhaqan oo sheegay in uu yahay mid muhiim u aha noloshooda iyo fayo-qabka dadka. “Waxaan idin kaga mahadcelineynaa nabadgelyada aad ka shaqeyseen; AMISOM waxaa aan uga mahadnaqeynaa sababtoo ah waxaa ay nagu deeqdaa raashiin, mararka qaarna askarta raashiinkooda ayay nala qaybsadaan,” ayuu yiri Cabdi Ibraahim Yaasiin, oo bulshada hoggaamiye u ah, asagaa oo uga mahadcelinayo biyaha. Mashruucan xarunta biyaha oo ay hirgeliyeen qandaraaslayaal maxalli ah ayaa lagu dhammeystiray muddo labo bilood gudahood, waxaana

Danjire Francisco Madeira, Wakiilka Gaarka ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya oo sawir la taagan hogaamiyayaasha bulshada xilli la wareejinayay goobta biyaha.

Danjire Francisco Madeira, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo kormeerayaa goob biyaha laga dhaansado xilli lagu guda jiray xafladdii xil ku wareejinta xarunta biyaha oo ay ku deeqday Gudiga Midowga Afrika ee Soomaaliya.

xarunta biyaha ay leedahay lix tuubo. Waxaa ka faa’iideysanaya mashruucan biyaha ah 76 qoysas oo ay ku noolyihiin qiyaas ahaan 250 qof, kuwaas oo u dhow xarunta AMISOM. “Waxaan aaminsannahay in la shaqeynta bulshada ay qayb weyn ka tahay taageeridda waajibaadka AMISOM, si aan u gaarno danta aan halkan u joogno,” ayuu yiri Dr. Opiyo Ododa, Sarkaal sare ee u xilsaaran Arrimaha Madaniga, ahna Madaxa Xasilinta iyo Kabsashada Hore. Bulshadu waxaay ka kooban tahay barakacayaashii hore kuwaasi oo degay xerada AMISOM meel u dhaw. AMISOM waxaa ay horay

barakacayaasha u geyn jirtay booyado biyo ah seddax maalmood kaddib mar, balse waxaa ay haystaan biyo joogta ah oo aan ka fogeyn halka ay ku noolyihiin. Mashruuca biyaha waxaa maalgeliyay Boqortooyada Ingiriiska, iyada oo u marisay barnaamijka Dib u dhiska iyo Horumarinta Colaadda kaddib, ee Midowga Afrika, waxaana mashruuca ku baxay lacag dhan $34,000. Kani ma aha mashruuca kaliya ay taageerto AMISOM. Bulshada ayaa horay AMISOM uga faa’iideystay mashruuca korontada, sidaa darteedna guryahooda hadda aad ayay u iftiimayaan.

Bulshada oo ka faa’iday dugsi dib loo dayactiray

A

MISOM ayaa gacan ka geystay dhismaha Dugsiga Dhexe ee Cali Xaaji ee ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay wax ka bartaan qiyaas 500 oo arday oo ka yimid xeryaha barakacayaasha. Dugsiga wuxuu ka mid yahay mashruucyo badan oo ay AMISOM ugu magac dartay Mashruucyada Saamaynta Degdegga ah leh oo ay ka fulisay gobollada kala duwan ee Soomaaliya ay ka mid yihiin Koonfur Galbeed, Hiiraan Gabdho yaryar oo hor taagan fasalkooda kaddib markii ay wafdiga Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ay booqasho ku tageen dugsigooda ee dhismihiisa ay gacan ka geysatay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), degmada Wadajir, Muqdisho.

iyo Jubbaland iyo sidoo kale magaalooyinka kala ah Baraawe iyo Dhoobleey. Mashruucyadani waxaa ka mid ah dacaytirka dugsiyo iyo dhisidda isbitaallo iyo saldhigyo boolis ah. “AMISOM hawlo kala duwan ayay qabataa. Waxaan qabanaa hawlo ciidan iyo hawlo boolis. Waxaan sameynaa xeelado lagu beddelaya afkaarta khaldan, waxaan ka shaqeynaa waxbarashada, waxaan tayeynaa maamullada,” ayuu yiri Madeira oo ah Ergayga Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya ahna madaxa

Dugsi waxbarasho oo lagu dhisay taageerrada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), degmada Wadajir, Muqdisho.

AMISOM xilli u booqasho ku tagay Dugsiga Hoose ee Cali Xaaji bishii Maarso. Wuxuu yiri AMISOM waxaa ay dooneysaa in ay mashruucyo kuwaasi la mid ah fuliso iyadoo kaashaneyso Qaramada Midoobay, ”Sababtoo ah taasi waxaa ay ballaarineysa awoodda la isku biirsaday iyo waxtarka”. Waxaa booqashada dugsiga ku wehelinayey wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika. “Waxaan rabnay in Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ay yimaadaan oo ayna arkaan dadaallaada kale aan halkan ka sameyneyno ee aan ahayn dagaal kaliya,” ayuu

yiri Danjire Madeira isagoo baaq u diraya Midowga Afrika in ay deeq lacageed o dheeri ah siiyaan Mashruuca Saamaynta Degdegga ah leh si mashruucyo looga hirgeliyo goobaha Al Shabaab laga xoreeyey. “Mashruucyada waxaa ay sare u qaadaan nolosha dadka ay saameeysay colaadaha, waxaana la rajeynaya in mashruucyadani ay horseedaan dib u heshiisiin iyo xasilinta dadka,” ayuu yiri Danjire Madeira. Ergada Midowga Afrika ayaa sidoo kale booqasho ku tagay saldhigga Booliska ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, oo AMISOM ay gacan ka geysatay dhismihiisa. JOORNAALKA AMISOM

23


Agab cusub oo gacanta u soo galay Ciidanka Xoogga Dalka

H

owlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa 25-ta bisha May agab kala duwan ku wareejisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya si ay ugu isticmaalaan howlgallada ammaanka lagu sugayo. Agabkan oo ay bixisay Dowladda Shiinaha waxaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Sarreeye Guud Maxamed Axmed Jimcaale ku wareejiyay Ergeyga Gaarka ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira. Waxaa ka mid ah agabka lagu wareejiyay seddax jiko la

Danjire Francisco Madeira, Wakiilka Gaarka ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya (oo xiran suudka buluugga ah) iyo Sarreeye Guud Maxamed Axmed Jimcaale (dhexda), oo ah Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya xilli lagu guda jiray xaflad ka dhacday Muqdisho, Sooomaaliya, oo agab lagu wareejinayay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, taariikhda markii ay ahayd 25-tii Maajo 2017.

guurin karo oo cunno loogu khidmeyn karo ku dhawaad 600 oo askari, garoon shiid hurdo, maro kaneeco, koofi aan bir ka sameysneyn iyo teendhooyin. Agabkan waxaa ay waxgal u yihiin Ciidamada Xoogga Dalka ee jooga jiidda hore ee howlagallada. “Waxaan aaminsannahay in deeqdan muhiimka ah oo ay noogu deeeqday dalka aan saaxiibbada nahay ee China ay in badan yareyn doonto baahida dhanka xaaladaha

Mid ka mid ah jikada la guurin karo oo ay Hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay udu deeqeen Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya, ee magaalada Muqdisho, Soomaaliya.

24

JOORNAALKA AMISOM

shaqo, xaaladaha howlgallada ee ciidamadeenna Sooomaaliyeed,” ayuu xusay Danjire Madeira. Sarreeye Guud Maxamed Axmed Jimcaale ayaa asna sheegay in agabkan loogu deeqay ay wanaajin xaaladaha nololeed ee askarta ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ee xerooyinka ku jira. “Kuwani waa agab waxtar u leh Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. Baahi weyn ayaan u qabnay agabyadan,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Sareeye Guud Maxamed Axmed Jimcaale, Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hadal ka jeedinaya xafladda ay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ay Ciidanka Xoogga Dalka ku wareejineysay agab.

Danjire Francisco Madeira (midigta), Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya oo salaamaya Sarreeye Guud Maxamed Axmed Jimcaale (bidixda), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilli la wareejinayay agabka.


Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Jose Madeira, Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, iyo Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, Micheal Keating, oo sawir la galay madax kale inta lagu guda jiray dabbaaldeggii lagu maamuusayay Maalintii Afrika oo lagu qabtay xarunta AMISOM ee Muqdisho.

MUNAASABADDA XUSKA MAALINTA AFRIKA ee 2017 Kooxda baambeyda ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ka qaybgalay xuska Maalinta Afrika ee lagu qabtay xarunta AMISOM ee Muqdisho, Soomaaliya.

M

unaasabadda xuska Maalinta Afrika ayaa si weyn looga dabbaaldegay caasimadda Muqdisho. Xuska Maalinta oo mowduuc looga dhigay, “Ka faa’ideysiga Waxtarka qaybaha kala duwan ee Dadweynaha, iyada oo la Maalgashanayo Dhallinyarada”, ayaa waxaa diiradda lagu saaray ahmiyadda dhallinyarada, iyo in ay kaalin mug leh ka geysan karaan horumarka qaaradda. “Waxaan garwaaqsannahay in guulaha dhinaca amniga laga gaaray Soomaaliya in aan la xaqiiqsan karin haddii aan dhallinyarada loo haynin qorshe cad,” ayuu ku yiri Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika, Danjire Francisco Caetano Madeira dadka ka qayb galay munaasabadda Maalinta Afrika.

Dhallinyarada da’doodu u dhaxeyso 10 ilaa iyo 35 sano waxaa ay yihiin boqolkiba 51 tirada dadka ku nool dalka, halka boqolkiba 60 dadka ku nool qaaradda Afrika ay yihiin 24 sano iyo wax ka yar, sida lagu xusay xogta ugu dambeysay. Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxaa ay hormuud ka tahay taabbagelinta dhallinyarada si loogu caawiyo in ay nolol wanaagsan dhistaan. “Tirada ugu badan ee dadka ka qayb qaadanaya dagaallada waa dhallinyaro Soomaaliyeed, waxaan u baahannahay in aan kobcinno dhallinyarada Soomaaliyeed aana badbaadinno kuwooda ay duufsadeen argagixisada,” ayuu Ergeyga Gaarka ah Madeira. Wasiirka Warfaafinta ee dowladda Federaalka ah, Mudane Cabdiraxmaan

Askar nabad-ilaalin ah ee cayaaro uga qayb qaadanaya xuska Maalinta Afrika ee lagu qabtay xarunta AMISOM ee Muqdisho.

Ciidamo nabad-ilaalin ah ee ka socda dalka Nigeria oo ka qaybqaadanaya xuska lagu maamuusayay Maalinta Afrika oo lagu qabtay xarunta AMISOM ee Muqdisho, Soomaaliya.

Cumar Cusmaan oo ahaa marti sharafka munaasabadda ayaa ammaanay taageerada

noqoto qarankii ay dadka dhammaantood ogaayeen,” ayuu yir.

Askarta Midowga Afrika oo Salaan Sharafeed bixinaya intii ay socotay dabaaldeggii lagu maamuusayay Maalinta Afrika oo lagu qabtay xarunta AMISOM ee Muqdisho, Soomaaliya.

joogtada ah uu Midowga Afrika u fidiyo Soomaaliya. “Soomaaliya waxaa ay mar ka mid ahayd waddamada ugu wanaagsan uguna awoodda badan qaaradda Afrika ee kaalin muhiim ah ka ciyaari jirtay halganka ay dalalka ee Afrika ugu jireen madaxbannaanida,”ayuu yiri wasiirka. “Waan ku faraxsannahay in aan munaasabaddan ka qaybgalo maanta, in aan aragno ciidamada Afrika oo na garab siinayo oo na taageerayo; si ay Soomaaliya mar kale u

Waxaa uu ugu mahadceliyay go’aanka ay gaareen dalalka Afrika ee ah in ay ciidamadooda sii joogaan Soomaaliya. Howlgalka Midowga Afrika ayaa xusaysa sanad guurada tobanaad tan iyo markii ay yimaadeen Soomaaliya. Munaasabadda Maalinta Afrika waxaa ay ku beegan tahay bisha Maay 25, waxaana loo xusaa aasaaska Ururka Midowga Afrika ee hadda loo yaqaanno Midowga Afrika, ee ugu horreyn la aasaasay May 25, 1963 JOORNAALKA AMISOM

25


Gudaha Markabka Midowga Yurub ee

9

ESPS Galicia

-kii bishii Maay Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre ku marti qaaday gudaha markabka ESPS Galicia. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in looga wada-hadlo wadashaqeynta Midowga Yurub iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ku aadan ilaalinta badda Soomaaliya. Ciidamada Badda ee Midowga Yurub waxaa ay xaadirkan ku socdaan magaca “Operation Atlanta” kaasoo ah hawgal militari oo ay ka fulinayaan xeebaha Soomaaliya oo looga hortagayo burcad badeeda. Ciidamadaasi waxaa ay ilaaliyaan maraakiibta u socda Soomaaliya oo ay leeyihiin Hay’adda Qaramada Midoobay ee Cunnada Adduunka iyo Hawgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Kulanka u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiinta Midowga Yurub ayaa diiradda lagu saarayey hawlgallada looga hortagayo burcad badeedda, dhacdooyinki burcad-badeednimo ee dhawaan ka dhacay badweynta Hindiya iyo sida ugu habboon ee uu Midowga Yurub gacan ku siin karo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si ay si buuxda ula wareegto ammaanka baddeeda taasoo aasaasi u ah xasilooni waarta oo waddanka ka dhaqangasha.

ganacsiyada sida gaarka ah loo leeyahay, kuwaas oo u baahan in ay jirto xasillooni, nabadgelyo, si ay u maalgashadaan ganacsiyada gaarka ah oo ay faa’ido fiican ka helaan,” ayay intaasi raacisay. Ra’iisul

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo ka hadlaya shir jaraa’id asaga oo saran markabka dagaalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub, ESPS Galicia oo markaas taagnaa meel ka yara baxsan xeebaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Midowga Yurub waxaa hoggaamineysay Marwo Veronique Lorenzo oo ah Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Sareeye Gaas Magowan CBE, Taliyaha Howgalka ee Midowga Yurub NAVFOR, iyo Sareeye Guuto Maurizio Morena, Taliyaha Tabobarka Howlgalada Midowga Yurub ee Soomaaliya. “Waxaan Soomaaliya ka taageernaa dhinaca ammaanka, ammaanka baddana waa udub dhexaad ee inta badan la iska indha tiro,” ayay tiri Danjire Lorenzo. “In la ilaaliyo xeebaha Soomaaliya iyo in ka badan 3,300 kilomitir oo baddeeda ah, ganacsiga kalluumeysiga kaliya muhiim uma aha, balse waxaa ay muhiim u tahay maraakiibta ganacsiga, iyo guud ahaan

Veronique Lorenzo, oo ah Danjiraha Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya oo ka hadleysa shirka jaraa’id ayada oo saran markabka dagaalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub, ESPS Galicia oo markaas taagnaa meel ka yara baxsan xeebaha Soomaaliya.

Wasaare Kheyre waxaa sidoo kale lagu soo dhex wareejiyey markabka ESPS Galicia oo ah markabka loo isticmaalo howgallada ka dhanka ah

Askari u ka tirsan Ciidamada Badda ee Midowga Yurub (EU) oo heegan ah asaga oo saaran markabka ESPS Galicia ee jooga Baweynta Hindiya ee meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya, taariikhda markii ay ahayd 8-dii Maajo 2017. Ciidamada Badda ee Midowga Yurub waxaa ay ku howlan yihiin la dagaalanka burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya.

26

JOORNAALKA AMISOM

Sareeye Gaas Robert Magowan, Taliyaha Howlgalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub (EU) oo shir jaraa’id ka hadlaya asaga oo saran Markabka dagaalka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub oo lagu magacaabo ESPS Galicia.

burcad badeedda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday Ciidamada Badda ee Midowga Yurub in ay xoojiyaan howgallada militari ee looga hortagayo burcad badeedda oo ay keenaan maraakiib dheeri ah, ayna badiyaan roondada cirka, maadaama ay dhawaan jireen falal burcad badeednimo. “Waxaan sidoo kale isla soo qaadnay arrimo iskaashi wadajir ah si loo qorsheeyo qaababka lagu soo afjari karo kalluumeysiga sharci darrada ah ee marakiibta shisheeye ka sameeyaan badaha Soomaaliya. Sidaa daraadeed waxaan isku raacnay in la wado wada hadallada ku saabsan sidii loo ilaalin lahaa khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre. Sida uu sheegay Sarreeye Guuto Robert Magowan oo ah Taliyaha Howgallada Ciidamada Badda Midowga Yurub “Hawgalka Atlanta” ee la bilaabay bishii Juun 2016 uu xilkooda ku eg yahay Diseembar 2018-ka. Sarreeye Guuto Magowan ayaa sheegay in muddada ay gudanayeen waajibaadkooda in fashiliyeen weerarro ay burcad badeedu isku dayeen in ay qaadaan Wuxuu intaasi ku daray in ay sii xoojin doonaan howgalka si ay uga hortagaan una wiiqaan burcad badeedda joogta xeebaha fog. La Kulanka Madaxda Muhiimka ah ee loogu casumayo Markabka Spanishka waxaa uu qayb ka yahay howlaha lagu maamuusayay Maalinta Yurub ee 2017, si wacyigelin laga sameeyo taageerrada Midowga Yurub ee Soomaaliya


Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda oo la Furay

W

axaa bisha shanaad si rasmi ah loo daahfuray Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda oo waajibkiisa yahay in uu maareeyo hannaanka diiwaangelinta xisbiyada siyaasadda ee Soomaaliya, sida ku xusan Qodobka 47aad ee Dastuurka federaalka ee qabyada ah. Furitaanka Xafiiska waxaa uu muujinaya in laga gudbay nidaamka ku saleysan qabiilka ee lagu dooran jiray wakiillada, loona gudbay nidaamka xisbiyada. Nidaamkan waxaa uu xaqiijinaya in qof waliba oo ka tirsan xisbi siyaasadeed uu ka qayb-qaadan karo hannaanka. “Xafiiska gacan naga siin doono in aan ka dhabeyno hiigsigeenna waa xafiiska diiwaangelinta xisbiyada siyaasadeed,” ayay tiri Xalima Ibraahim, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, hadal ay ka jeedisay munaasabadda daahfurka.

Maxamed Cumar Cumar, Madaxa Diiwangelinta Xisbiyada Siyaasadda, oo hadal u jeedinaya xubnaha ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka intii lagu guda jiray munaasabad si rasmi loogu furayay Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda ee lagu qabtay Villa Soomaaliya, Muqdisho.

Madaxa Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda, Mudane Maxamed Cumar Maxamuud, oo 21-ka bisha May uu Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka u magacaabay xilkan ayaa ballan qaaday in uu ku dadaali doono in uu ka soo baxo waajibaadka looga fadhiyo. “Waxaa na horyaala howlo aad u culus, si lagu guuleystana waxaa loo baahan yahay in aan wada shaqeyno,”ayuu yiri Madaxa Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda. Shaqadiisa koowaad waxaa ay tahay in uu fuliyo Xeerka Xisbiyada Siyaasadeed ee la ansixiyay bisha Juun 2016, uuna bilaabo howlaha uu ka mid yahay kormeerka xisbiyada siyaasadeed. Xisbiyada waxaa laga doonaya in ay gudbiyaan warqadaha loo baahan yahay si uu Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed

Kamaal Guutaale, Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir, oo hadal u jeedinaya xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka munaasabaddii si rasmi ah loogu daah-furay Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda oo lagu qabtay Madaxtooyada, Muqdisho, Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ibraahim oo hadal u jeedineysa xubnaha ka tirsan Guddiga Doorashooyinka intii lagu guda jiray munaasabadii si rasmi ah loogu daah-furay Xafiiska Diiwaan-gelinta Xisbiyada Xiyaasada oo lagu qabtay Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

u baaro ka hor inta aan la diiwangelin. Guddiga Doorashada Qaranka waxaa uu kala shaqeyn doonaa Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda maareynta hannaanka. Furitaanka Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed oo uu furay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka oo ah hay’adda loo xilsaaray qabashada doorashooyinka dalka, ayaa ah tallaabo wax ku ool ah ee Soomaaliya u horseedi doonto in ay mustaqbalka gaarto doorasho qof iyo cod, waana geeddi-socod ay taageerayaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. JOORNAALKA AMISOM

27


Koox Ciidamo ah oo Cusub oo loo diray Soomaaliya

C

iidanka Uganda oo ka mid ah Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa ciidamo cusub u soo diray dalka si ay kaalin ka geystaan howlgallada nabadda iyo amniga ee ka socda dalka. Ciidamadan cusub ee hoos imaanaya Kooxda Ciidamada XXI ayaa waxaa ay beddelayaan Kooxda Ciidamada XVII oo dhammeystay muddo xileedkooda ee sanadka ah. Ciidamadan cusub waxaa ay sugi doonaan amniga goobo muhiim ah ee Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Dekedda Muqdisho, Baarlamanka Federaalka ah, Madaxtooyada, Gegidda Diyaaradaha ee Muqdisho, iyo xerada AMISOM ee Xalane. Sidoo kale, kooxdan cusub waxaa ay la wareegi doonaan ayna sugi doonaan xerooyinka ay ka duulaan AMISOM

C

iidamada Difaaca ee Dalka Burundi (BNDF) ayaa ciidamo cusub u diray Soomaaliya si ay uga mid noqdaan Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Imaanshahooda ayaa dhammeystiraya ciidamada ka mid ah cutubka 43-aad oo uu taliye u yahay Gaashaanle Chartier Nyandwi, kaas oo kala wareegaya cutubka 37-aad ee muddo xileedkooda dhammeystay. “Ciidamada baxaya si wanaagsan ayay u guteen waajibaadkooda. Ciidamada waxaa ay muujiyeen asluub,

ee dhulalka la xoreeyay ee kala ah Leego, Carbiska, Afgooye, iyo Jasiira, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla Shabeellaha Hoose. Dalka Uganda waxaa uu ka mid yahay dalalka

ciidamo iyo boolis ugu deeqay AMISOM. Waxaa dalka u joogaa 6,000 oo ciidan, waxaa ayna barbar shaqeeyaan ciidamada ka socda dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya.

sidoo kalena waxaa ay ku dhaqmeen sharciga howlgalka. Shaqo wacan ayay qabteen, waxaan fursaddan uga faa’ideysanaya in aan u hambalyeeyo. Waxaan rajeynayaa dadaalka ay halkan ku bixiyeen mid la mid ah in ay dalkooda ka wadaan,” ayuu yiri Sarreeye Guuto Venuste Nduwayo, oo ah Taliyaha Ciidamada Qaybta 5-aad ee ciidamada Burundi. Taliyaha Qaybta Shanaad ayaa intaasi raaciyay in cutubka ciidamada baxaya ay gacan weyn ka geysteen fulinta howlgalka loogu magac

daray ‘Operation Antelop’ ee ujeedkiisu ahaa in la isku furo lana sugo amniga waddooyinka muhiimka ah, gaar ahaan maamulka HirShabelle ee qaniga ah. Gaashaanle Nyandwi, Taliyaha cutubka cusub ayaa farxad iyo rajo ka muujiyay in kooxdiisa ay ka soo bixi doonaan waajibaadkooda ayna gacan ka geysan doonaan ka mira dhallinta masuuliyadda Howlgalka ee ah in ay xasillooni ka hirgeliyaan Soomaaliya. “Waxaan halkan u nimaadnay in aan xaqiijinno

Ciidamo cusub oo ka tirsan Ciidanka Difaaca ee Uganda oo gaaray garoonka caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho taariikhda markii ay ahayd 7-dii Abriil 2017. Ciidamadan waxa ay hoos imaan doonaan Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

in howlaha AMISOM ay sii socdaan, iyo in aan ka caawinno walaalaheenna Soomaaliyeed in ay helaan nabad, si la mid ah sida ay u shaqeeyeen ciidamada kale. Waxaan la shaqeyn doonnaa walaalaheenna Soomaalida ah, haddii loo eego tababarka aan haysanno, waxaa aan hubaa in aan ka soo bixi doono shaqadeenna, Soomaaliyana ay helo doonto nabad,” ayuu yiri Gaashaanle Nyandwi. Ciidamada Burundi ayaa ka taliya Qaybta Shanaad ee fadhigeedu tahay Jowhar, xarunta maamulka HirShabelle.

Ciidamo cusub oo ka socda wadanka Burundi oo soo gaaray Muqdisho. Waxa ay qeyb ka yihiin Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo loo soo gaabiyo (AMISOM). 28

JOORNAALKA AMISOM


Shaqada Boolisnimo iyo Hadaf kale Wacyigelinta xadgudubka galmada ee xerada barakacayaasha

B

oolis ka socda AMISOM iyo Ciidanka Booliska ee Soomaaliya ayaa bilaabay ol’ole wacyigelin ah ee ka dhan ah xadgudubyada galmada iyo xadgudubka loo geysto haweenka ku nool xerooyinka barakacayaasha ee Baydhabo, xarunta maamulka Koonfur Galbeed, kaddib markii ay korodhay dhibaatada loo geysto haweenka iyo gabdhaha ku dhaqan xerooyinka. Saraakiishan booliska ah ee ka socda qaybta jinsiga iyo ilaalinta ayaa kulammada ay ku sameynayaan wacyigelinta ka bilaabeen xerooyinka barakacayaasha ee caasimadda gobolka, bisha Juun. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa magangelyo u ah tirada ugu badan ee dadka barakacayaasha kuwaas oo guryahooda uga qaxay si ay u raadsadaan cunno iyo biyo, sababo la xiriira abaaraha dalka ka jira. “Waxaan la kulannaa caqabad markii ay inoo yimaadaan gabdhaha dhibbanayaasha jirdilka iyo kufsiga,” ayay tiri Farxiyo Axmed Maxamed oo ah Sarkaal u qaabilsan Arrimaha Jinsiga ee Ciidanka Booliska ee Soomaaliya, iyada oo walaac ka

Saraakiil ka socota ciidamada booliiska Soomaaliyeed iyo Hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo qeyb-galaya kulan wacyi-gelin ah oo looga xaajoonayo rabshadaha galmoodka iyo jinsiga ku saleysan oo lagu qabtay xero ay ku nool yihiin barakacayaasha oo ku taala Baydhabo, Sooomaaliya 31kii Maajo 2017.

muujisay dhaqannada carqalad ku ah in haweenka loo geystay xadgudub galmo ay helaan caddaalad. “Odayaasha waxaa ay rabaan in ay kiisaska ku xalliyaan xeer dhaqameed. Anaguna waxaan dooneynaa in aan u gudbinno maxkamadda si dadka dhibbanayaasha ay helaan caddaalad,” ayay tiri Farxiyo. Kooxdan ayaa sidoo kale xuseen in markii laga soo tago xadgudubka galmada, ay

gabdhaha iyo dumarka ay ku noolyihiin xaalad aad u daran. “Waxaan booqannay meelo kala duwan si aan u helno xog ku saabsan ilaalinta haweenka iyo gabdhaha,” ayay tiri Marwo Gloria Jaase, oo ah Madaxa Ilaalinta ee AMISOM. Waxaa ay si gooni ah u sheegtay in walaaca ugu weyn ay yihiin hooy, biyo iyo fayadhowr. Wajiga koowaad ee ol’olaha wacyigelinta, ergada ka socday AMISOM iyo Ciidanka Booliska ee

Askar ka socota Ciidanka Booliska ee Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo kulan la qaadanaya dadka barakacayaasha ku nool magaalada Baydhabo si looga wacyi-geliyo Xadgududbka Galmada iyo Shaqaaqooyinka ku saleysan Jinsiga.

Soomaaliya ayaa waxaa ay la kulmeen bahwadaag kala duwan si ay u ogaadaan siyaabaha kala duwan ee lagu xallin karo dhibaatooyinka ay la kulmaan haweenka iyo gabdhaha ku nool xerooyinka barakacayaasha. CSP Pat Adegoke, Isku duwaha arrimaha Jinsiga ee Booliska AMISOM, ayaa ku boorrisay dhibbanayaasha xadgudubyada galmada in ay ka faa’iideystaan miiska lagu qaabilo arrimaha jinsiga ee laga sameeyay saldhigyada booliska, si ay u gudbiyaan dacwadaha la xiriira kufsiga iyo noocyada kale ee shaqaaqada. “Waxaan hadda leennahay miiska arrimaha jinsiga waxaana jira askar jooga Baydhabo oo ay u gudbin karaan. Taasi ayaan ah sababta aan halkan u joogno,” ayay tiri Adegoke. Maamulaha Isbitaalka Gobolka Bay, Mudane Cabdullaahi Yusuf, ayaa ku boorriyay dhibbanayaasha xadgudubyada galmada in ay doontaan caawimaad caafimaad ah. Booliska AMISOM waxaa ay la kaashanayaan dhiggooda Ciidamada Booliska ee Soomaaliya si loo ciribtiro dhibaatadan sii badaneyso. JOORNAALKA AMISOM

29


Dalka Zambia oo ka mid noqday waddamada AMISOM ugu deeqda ciidamada Booliska

A

far saraakiil ee ka tirsan ciidanka booliska ee dalka Zambia ayaa qayb ka ah labaatan iyo labo askari oo cusub ee ka mid noqon doono booliska gaar gaarka ah ee ka mid ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Askartan ayaa tababar iyo la talin ku saabsan arrimaha nabadgelyada

siin doona ciidamada booliska ee Soomaaliya, heer federaal iyo heer maamul. Waa markii koowaad ee uu dalka Zambia ciidamo boolis ah u diray Howlgalka Midowga Afrika, inkastoo ay Soomaaliya u joogaan ciidamo militari ah. Saraakiisha booliska ayaa ciidamada booliska Soomaaliya siin doona tababar khaas

ah, xilli lagu wado in ay la wareegaan waajibaadka culus ee dhowrista sharciga iyo kala dambeynta. “Waxaa ii muuqda in uu jiro rajo in ay wax shaqeynayaan oo aan ka duuli karno, waana halkaas meesha aan xoogga saareyno in aan ka caawinno walaalaheenna Soomaalida, si ay u dhistaan

Saraakiil Boolis ah oo ka socda dalalka kala ah Zambia, Kenya, Sierra Leone iyo Uganda oo sawir la galaya Taliyaha Shaqaalaha AMISOM, Rex Dundun iyo saraakiisha kale ee booliska AMISOM kaddib markii la soo gabagabeeyay tababarka 8-da casho ee lagu soo dhaweynayo saraakiisha booliska, kaas oo ka dhacay Muqdisho, Soomaaliya.

boolis nidaamsan,” ayuu yiri taliska ciidanka booliska ee Zambia, Kasatle Tresphord. Ciidamada booliska ee Zambia iyo boolis ka socda waddamada Kenya, Uganda iyo Sierra Leone, ayaa bisha May Muqdisho ku qaateen tababar soo dhoweyn ah ee lagu barayo howlaha howlgalka. “Dadaal badan muujiya; waxaynu halkan u joognaa in aynu caawinno Soomaalida si ay cagahooda ugu istaagaan kaddib 20-sano oo dagaal sokeeye iyo burbur uu ka jiray dalkooda,” ayuu ACP Rex Dundun ugu boorriyay askarta kaddib tababarka soo dhoweynta. “Inta aan ku guda jirno kaalmeynta Soomaalida, aan muujinno nidaam. Ciidanka booliska meel waliba ay joogaan, waa in ay ku shaqeeyaan nidaam,”ayuu carrabka ku adkeeyay ACP Dundun.

Madaxda booliska oo ansixiyay manhajka mideysan ee shaqaaleynta booliska Soomaaliya

M

adaxda booliska ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa ansixiyay manhaj cusub ee shaqaaleysiinta booliska. Manhajkan mideysan ayaa loo adeegsan doona

tababarka booliska dhammaan dalka, si loo horumariyo tayada hay’adaha dhowrista sharciga. Madaxda booliska ayaa waxaa ay saxiixeen in ay dhammaantood ku heshiiyeen in ay si rasmi ah u ansixiyaan

manhajkan xilli ay ku jireen shir ay isku yimaadeen booliska, ee ka dhacay caasimadda Muqdisho 11-ka bisha May 2017-ka. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka booliska ee

Soomaaliya, xubno sare ee ka socda booliska Galmudug, Hirshabeelle, Puntland, iyo Koonfur Galbeed, Hay’adaha Qaramada Midoobay, Howlgalka Midowga Yurub ee u qaabilsan Tababarka ee Soomaaliya (EUCAP), iyo

Jeneraal BashiirCabdi Maxamed, Taliye ku Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (dhexda), oo magaalada Muqdisho ku saxiixayaa waraaqaha lagu ansixinayo manhajka cusub ee shaqaaleynta booliska Soomaaliya, ee taariikhda markii ay ahayd 11-ka Maajo 2017. 30

JOORNAALKA AMISOM


xubno matalaya AMISOM iyo Beesha caalamka. Gaashaanle Sare Axmed Cabdi Cabdi ‘Baariyow’ oo ah Madaxa Tababarka Booliska ee gobollada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ayaa yiri, “Manhajka cusub ee tababarka xubin ka noqoshada booliska waa mid waxtar weyn u leh booliska iyo qof waliba ee daneeya sharciga iyo kala dambeynta”. Waxaa uu sheegay in manhajka cusub uu booliska ka caawin doono horumarinta ku dhaqanka sharciga ee

dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada. Guddiga Horumarinta Xirfadaha Booliska ayaa soo saaray manhajkan cusub iyada oo ay dadaal wadajir ah u galeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamullada xubinta ka ah dowladda federaalka oo taageero ka helaya beesha caalamka oo ay ka mid yihiin , Barnaamijka Wadajirka ah ee Xukunka Sharciga ee Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Yurub ee u qaabilsan Tababarka

ee Somalia (EUCAP), iyo AMISOM. Ansixinta manhajku waxaa ay daba socotay heshiiska siyaasadeed ee ku saabsan Qaab-dhismeedka Ammaanka Qaranka oo ay gaareen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada. Gen. Bashiir Cabdi Maxamed, oo ah ku xigeenka Taliyaha Ciidanka Booliska ee dalka ayaa ka codsaday bahwadaagta arrimaha

horumarinta in ay ka caawiyaan booliska Soomaaliya qalabka ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda. Waxaa uu sidoo kale ka codsaday in ay gacan ka geystaan dayactirka saldhigyada booliska ee burburay. “Kaliya in la tababaro oo la dhiso tayada qofka micneheedu ma ahan in uu qofka si wacan uu uga soo bixi doono shaqadiisa, haddii aan la siin qalabka uu ku shaqeyn lahaa. Tababar aan lahayn qalab waa wax aan faa’ido lahayn,” ayuu yiri.

AMISOM oo ku wareejisay booliska Jubbaland saldhig booliis ah ee dib loo dayactiray

Q

aybta Booliska ee AMISOM ayaa 9-ka bisha May, 2017 ku wareejisay maamulka Jubbaland oo fadhigiisu yahay Kismayo saldhig boolis ah. Tani waxaa ay qayb ka tahay howlaha ay Howlgalka Midowga Afrika ku taageereyso booliska iyo dhowrista sharciga iyo kala dambeynta ee Soomaaliya. Saldhiggan booliska ah ee qalabkiisa loo dhammeystiray ayaa munaasabad ay goobjoog ka ahaayeen madaxda sare ee AMISOM loogu wareejiyay Taliyaha Ciidamada Booliska

ee Jubbaland, Axmed Naasir Guuleed. “AMISOM wax badan ayay u qabteen dadka Soomaaliyeed, kanina waa mid ka mid ah mashruucyo badan oo ay qabteen,” ayuu Mudane Axmed Naasir Guuleed oo ah Taliyaha Booliska Jubbaland u sheegay martida ka soo qaybgashay xafladda wareejinta saldhigga. “Waxa aad qabateen wax muuqdo. Waxaan si kalsooni leh u oran karnaa waxaad ka soo baxdeen waajibkiina, waxaana rajeyneynaa in aad taageeradiinna sii wadi doontaan mustaqbalka.

“Tani waxaa ay si cad u muujineysaa in booliiska AMISOM ay ka go’antahay taageerada Ciidanka booliiska ee maamulka Jubbaland si kor loogu qaado tayadooda ay uga soo baxaan adeegga booliska,”ayuu yiri Francis Ayitey oo ah Isku duwaha Tababarka Booliska iyo Horumarinta. Dhammeystirka mashruuca wuxuu oofinaya mid ka mid ah ujeeddooyinka AMISOM ee ugu muhiimsan, kaasi oo ah in Booliska Soomaaliyeed la siiyo waxyaabaha aasaasiga ay u baahan yihiin si ay sida ugu wanaagsan u gutaan

waajibaadkooda. Adan Yuusuf, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga ee Jubbaland, ayaa shacabka Jubbaland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan maamulka oo ay maskax iyo muruqba ku taageeraan si dib u dhis loogu sameeyo xarumaha maamulka sida saldhigyada booliska. Mudnaanteenna koowaad waa in aan innagu isku filnaano. In aan dayactirno saldhigyadeenna booliska, sugno amnigeenna, oo aan inaga isku tashannaa arrimaha amniga sababtoo ah AMISOM waligeed halkan ma joogeyso,” ayuu Mudane Adan Yusuf carrabka ku adkeeyay.

Dhaqtar Opiyo Ododo (bidixda) Madaxa Xasilinta iyo Soo kabashada hore ee Howlgalka Midowga Afrika ee soomaaliya, Axmed Naasir, Taliyaha Booliska Jubbaland, iyo Isu-duwaha Tababarka Booliska ee AMISOM, Ku-xigeenka Taliyaha Booliska AMISOM Francis Avitey Aryee, oo ka qeyb-galaya xafladda wareejinta saldhig boolis oo la dayactiray. JOORNAALKA AMISOM

31


Muuqaallada AMISOM (Sawirro)

Haweenka Xildhibaannada Soomaaliyeed oo ku sugan shir sanadeedkii ugu horreeyay kaas oo ka dhacay Muqdisho taariikdha markii ay ahayd 24-tii Abriil 2017. Shirkan oo ay qabanqaabisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayna gacan ka geysatay hay’adda UNDP ayaa la qabtay seddax bilood kaddib markii la soo gabagabeeyay geeddi-socodkii doorashada ee Soomaaliya kaas oo ay tirada haweenka ee xildhibaannada ah oo markii hore ahayd boqolkiba 16, gaartay boqolkiba 25. AMISOM waxaa ay geeddi-socodka ka qaadatay dowr muhiim ah siiba sugidda ammaanka wadanka oo idil oo ay ka mid tahay goobaha ay ka socdeen doorashooyinka, waxaa ayna kala shaqeysay ciidamada ammaanka ee Soomaaliya dhowrista sharciga iyo kala dambeynta.

Bidixda: Sarreeye Guuto Patrick Muta Nderitu, Agaasimaha Xarunta Tababarka Nabada iyo Amaanka ee Caalamiga ah (IPSTC) oo khudbad u jeedinaya ka soo qeyb-galayaasha xilli lagu guda jiray xiritaanka xaflada. Dhexda: ka qayb-galayaasha oo jooga xafladda xiritaanka koorsada Tababarka Tababarayaasha ee AMISOM oo ku saleysan ka hortagga qorista iyo adeegsiga caruurta loo isticmaalo hub dagaal ahaan, ee loo qabtay hawl-wadeenada arrimaha amaanka. Waxaana lagu qabtay Xarunta Tababarka Nabada iyo Amaanka ee Caalamiga ah (IPSTC), Nairobi, Kenya 19kii Maajo 2017. Midigta: Darin Reeves, Horjoogaha Daadihiyeyaasha Romeo Dallaire Child Soldiers Initiative oo u khudbeynaya ka qayb-galayaasha.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo (dhexda), Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya XasanCali Kheyre (Midigta) iyo Wasiirka Gaashaandhiga, Cabdirashid Cabdullaahi Maxamed oo ka qaadanaya salaan sharaf Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya munaasabaddii sanad-guuradii 57-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidamada xooga dalka soomaaliyeed. 32

JOORNAALKA AMISOM

Ciidamada Xoogga Qaranka Soomaaliya oo gaardinaya intii lagu guda jiray sanad-guuradii 57-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka oo lagu qabtay Wasaaradda Gaashaandhiga ee Muqdisho, 12kii Abriil 2017.


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadal muhiim ah ka jeedinaya shir sanadeedkii ugu horreeyay ee haweenka xildhibaannada ah, kaas oo lagu qabtay Muqdisho, 24-tii Abriil 2017.

Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Sarreeye Guud Cusmaan Nuur Subagle oo u xiraya bilad sharaf sarkaal ka tirsan militariga AMISOM intii lagu guda jiray xafladda abaal-marinta oo lagu qabtay Muqdisho, 30-kii Abriil 2017.

Saraakiisha Boliiska iyo Militariga oo hoos yimaada AMISOM oo sawir wada galaya kaddib markii la soo gabagabeeyay siminaar ku saabsanaa Dabaggalka, Qiimeynta iyo Wax ka qabashada Waxyeeleynta Rayidka, ee lagu qabtay Muqdisho, Soomaaliya, 2-dii Maajo 2017.

Sawir wadajir ah ay u galeen ka qayb-galayaasha iyo daadihiyeyaasha tababar waajib ah oo ay bixiyeen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee loo yaqaanno Tababarka Tababarayaasha ee Warbaahinta iyo Isgaarsiinta ee loo qabtay AMISOM.

Akar boolis ah oo sawir laga qaadayo xilli lagu guda jiray howlaha diiwaangelinta casriga ah ee laga sameeyay Baydhabo, 10-kii Abriil 2017.

Askari ka tirsan booliska soomaaliya oo diiwaangelinaya xogta askari kale xilli lagu jiray Diiwaangelinta Casriga ee ah ee laga sameynayay magaalada Baydhabo, 10-kii Abriil 2017. JOORNAALKA AMISOM

33


Buugga Somali Yellow Pages

‘S

omali Yellow Pages’ waa daabacaadda ugu dambeysay ee kicinaysa suuqa. Buuggan ka kooban 136 bog oo ay ku qoran yihiin talefoonnada iyo xogta shirkadaha iyo ganacsiyada ayaa loo daabacay baahi loo qabo in la isku xiro ganacsatada iyo macaamiishooda. Xuseen Maxamed Qooje oo ah mulkiilaha daabacaadda ayaa sheegay in uu daabacay buugga kaddib markii uu ogaaday in uu jiro baahi loo qabo buug qorayo cinwaannada iyo talefoonnada ganacsiyada iyo shirkadaha ka howlgala Muqdisho. Xuseen waxaa uu kaddib go’aansaday in uu oggolaansho ka qaato ‘Yellow Pages’ oo ah shirkadda awal soo saartay buugga oo ku taalo waddanka Mareykanka. “Waxaan ogaaday in uu jiro dalool dhanka macluumaadka maadaama ay dadka raadinayeen hoteello iyo ganacsiyo balse aysan xiriiri karin,” ayuu

Milkiilaha buugga ‘Somali Yellow Pages’, Xuseen Maxamed Kooje oo hadlaya mar laga warreystay hal-abuurkiisa iyo saameeynta uu ku yaalanayo ganacsiyada Muqdisho, 15 Abriil 2017.

yiri Xuseen oo buugga ka faaloonaya. “Dadka hoteellada joogana ma aysan la xiriir

karin dadka jooga shirkadaha duulimaadka. Marka waxaa jiray baahi taagan.”

Daabacaddan waxaa ay u abuurtay fursad muhiim ah oo ay ganacsiyada iyo

Milkiilaha buugga ‘Somali Yellow Pages’, Xuseen Maxamed Kooje oo u qeybinaya buuggiisa macaamiishiisa, magaalada Muqdisho. 34

JOORNAALKA AMISOM


Macaamiil eegeysa buugga ‘Somali Yellow Pages’, magaalada Muqdisho.

macaamishooda ay ku xiriiraan. Waxaa ku qoran ganacsiyo ee ka mid ah 23 qaybood, oo ay ka mid yihiin bangiyada, shirkadaha isgaarsiinta, hoteellada iyo isbitaallo iyo shirkadaha dhismaha. Xuseen waxaa uu qaata lacag yar si uu xayeysiin ku soo geliyo daabacaadda. “Waxaan ‘Somali Yellow Pages’ ka bartay wakiillo iyaga ka socday ee shirkaddeenna u yimid in ay naga uruuriyaan xog. Waa ay I wareysteen, kaddibna waxaa ay naga qorteen xogtii,” waxaa sidaas yiri Maxamed Cabdullahi Cali oo ka socda shirkadda Daruuro Travel Agency, oo asna shirkaddiisa duulimaadka ku xayeysiiyay daabacaaddii koowaad. Maxamed Xasan Ibraahim, agaasimaha Al-Kowthar oo ka mid ah carwooyinka dukaameysiga ee ugu waaweyn Muqdisho, ayaa ka faallooday faa’iidada ku jirta in xayeysiin lagu sameeyo daabacaadda. “Somali Yellow Pages” waxaa ay noo furtay albaabo cusub, waxaa ay noo suurtagelisay in aan helno

Agaasimaha Al-Kowthar Furniture and Shopping mall, Maxamed Xasan Ibrahim oo hadlay mar laga wareystay saameynta ay ‘Somali Yellow Pages’ ku yeelatay ganacsigiisu.

adeegyo cusub, in aan helno macaamiil cusub, iyo aan gaarno macaamiil aan horey ula socon waxaan aan hayno,” ayuu yiri. “Tani waxaa ay naga caawisay in uu kordho iibkeenna. Hadda waa nala soo wacaa, waxaana alaabta geynaa meelo aan horey u geyn jirin”. Xuseen oo dhiirrigelin ka helay guulaha daabacaddiisa ayaa sheegay in uu ku talo jiro in uu buugga ku qoro shirkadaha iyo ganacsiyada ka howlagala dhammaan daafaha dalka. “Qorshaheyga fog waa in aan shaqaaleysiiyo dad dheeraad ah maadaama aan haddaba shaqo geliyay 50 qof, si aan ka hirgeliyo gobollada,” ayuu yiri. ‘Yellow Pages’ waa bug ay ku qoran yihiin lambarrada talefoonnada ee ganacsiyada ka howlgala deegaan. Buuggan talefoonnada waxaa ugu horeyn laga bilaabay dalka Mareykanka, sanadka 1883, in kastoo daabacaadda rasmiga ah ee ‘Yellow Pages’ markii ugu horeysay uu daabacay Reuben Donnelley, sanadka 1886. JOORNAALKA AMISOM

35


Nagala soco Onlinka


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.