shan habeen

Page 87

Intuu wiilkoodu kasii korayo waxaa sii yaraanayay nolosha ay wadaagaan labadooda. Midba midka kale ayuu ula dhaqmi jiray sidii hawadi. Markuu rabo inuu wax usheego wiilka ayaa la iska soo mari jiray. Markii la qo slayo wiilkaa ayaa lala qoslaa. Labadoodu wax ay wadaagaan wey yaraayeen. Xataa dhaqaaalaha oo ay markii dambe kala qeybsadeen. Ceyrta qofba walba intiisa ayay usoo diri jirtay. Markuu Muuse aqal kale iskusoo qoray wixiisa halkaa ayaa loogu diri jiray. Mulki wixi lasiiyo iyadaa maamulan jirtay. Waxay kirada kudhiibto, waxay wiilkeeda iyo raashinka guriga ku iibsato iyo waxay udirto hargeysa iyo Adis ay ahaayeen. Sidaan wax ka fiican maleh! Ayay Eedadeed u sheegtay Mulki. Dadkaaga haduu damcay inuu kaa gooyo ialah baa kaaga hiiliyey. Gaaladaa ilaah naxariis kuu geliyey. Sow lacagta caruurta adiga laguma siiyo? sow aqalka adiga kuma qornid? Sow masruufkaadi iyo mas’uulki kiradaba adiga laguuma dhiibin. Naag ilaah uu jecelyahay baad tahay Eedo! Ayay eedadu usheegtay Mulki oo ku faraxsan xorriyada dhaqaale oo ay gaartay. Waa guul ilaahey kusiiyey! Ayay tiri eedada, kuna guubaabisay Mulki inay eebe uga shukriso nimcada. Muuse qudhiisu wuu ku qanacsanaa xorriyada dhaqaale oo uu isaguna gaadhay. Karoomaadka uga soo dhaca xafiiska shaqada inyar mooyee


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.