shan habeen

Page 142

Waa macquul in nabarka ku haya uu yahay in caadadu kaasoo daahday oo ay kusoo dhaafila’dahay. Dawo ayaa la soo siiyey xanuunka joojiya. Alvedon iyo Ipren. Todobaadki xigay. Weli maxkamada uma dacwoon, weli qareenki ma qabsan, weli axmed ma helin, welina caadadi uma iman. Waxay marlabaad la xiriirtay waaxda daryeelka caafimaadka ee xaafada. Xanuunki weli wuu i hayaa! Ayay usheegtay. Wuu ka darayaa! Waxaa la yiri kaadi koobkan kusoo shub oo qolka fadhiga iska tag. Naga jawaab sug. Mulki oo lugaha kala heysa, dhabarkeedu ku beegan yahay kursiga halka salka la saarto ayuu usoo noqday dhakhtarki. Uur ayaad leedahay! Waad welwelsan tahay, calooshaada waa welwelsan tahay! Ayaa loogu sharaxay xanuunka haya. Uur? Dhulki ayaa la wareegay. Dhakhtarki baa la wareegay, naqaski baa ku yaraaday. Iyadoo gacanta la hayo dhulkuna wareeganayo ayaa ugu war danbeeyey. Qolki ayay ku suuxday. Waxay kasoo toostay dhakhtar kale. Dhakhtarka xaafada markey ku dhacday ayaa ambalaaso lagu qaaday. Waxaa la keenay dhakhtarka weyn oo ay kasoo toostay, Östra Sjukhuset.


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.