shan habeen

Page 131

Mulkiyeey abaayo, waxaan kugu qiyaastaa sidii ubax deyr baxay, waaberi iftiimay, ubadkeyga hooyadood. Waxaana rajeynayaa inaan wax intaa udhigma aan kuula mid ahay. Mulkiyeey abaayo, ayaankeygu waa adiga, cawadeyduna waa anigoo ku arkoo aroor walba ku eegta. Mukiyeey abaayo, jaceylka aan kuu qabo ma aha mid aan qalin iyo warqad kusoo koobi karo. Lakiin hadaan qiyaaso waa mid ciidda ka tiro badan, onkodkana ka dheereeya, cadceedana ka iftiin badan. Mulkiyeey abaayo, waxaa iga talo ah inaan isku dhaafin howlaha cishqi, garanmeyno goor aan go’eynoo godka aakhiro tageynee! Kan isagoo ilo biyo ah ag jooga kuu ooman! Axmed Markuu fiidkaa akhriyey ereyada uu bil ka hor u qoray Mulki, ayuu isku dhoola cadeeyey keligii! Yes! Wuu ku qanacsanaa ereyada siduu iskugu hagaajiyey. Ma ahaayeen ereyo uurka ka yimid? Mise suugaanta ayuu ku fiicnaa kol haduu macalin soomaliga dhiga ahaan jiray 22 sano ka hor? Isma weydiin inay tuhuntay ereyediisa, ee wuxuu isweydiiyey ”tolow imisa mar ayay kusoo ceshceshatay akhrinta warqadan?”


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.