Qabyo Qoraalka Xeerka Maamulka Magaalada Muqdisho

Page 1

Muqdisho: Dowlad Hoose oo ay yeelato Magaalo-madaxda Qaranku Xeerka Qabyada ah ee Muqdisho Gogoldhig Xeerka qabyada ah ee Magaalada Muqdisho (XQM) wuxuu qayb ka yahay barnaamijka Qaramada Midoobay ee Wadajirka ah ee Maamul Hoosaadka Degaamada iyo Hannaanka Daadejinta Adeegyada. Wuxuu daba socdaa qoraal qabyo hore oo lagu falanqeeyay kulan hawleed ku qabsoomay Nayroobi bishii Abriil 2010 oo lagu xulayay hannaan gaar ah oo loo raaco Xeerka Magaalada Muqdisho- waa magaca ay kooxdii khubarada ahayd xusheene- waxaana ay wada shaqaynayeen koox farsamo oo ka socotay Muqdisho oo ku sugnayd Jabuuti bishii Juunyo 2010ka, oo loo oggolaaday inay wada shaqeeyaan Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka Federaalka ah oo iyaguna halkaa u joogay sidii ay u dejin lahaayeen dastuur cusub oo ay Soomaaliya yeelato. Kulankaa waxay ka soo jeediyeen kooxdii farsamo in la taliyaha, ay la soo heshiisay UNDP si uu taageero farsamo uga gaysto habka diyaarinta Xeerka Magalaada Muqdisho, inuu diyaariyo xeer qabyo ah oo ku salaysan hannaankii lagu falanqeeyay kulankaa iyo in xeerkaasi si faahfaahsan loogu lafoguro kulan danbe. UNDP-na kooxda way la qaadatay taladan la taliyahana waxa loo xil saaray inuu soo diyaariyo xeer qabyo ah. Hawshii baahinta xeerku muddo bil ah ayay dib u dhacday iyada oo ay sababtu ahayd dib u dhac ku yimid daabacaaddii Qabyo-qoraalkii Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka oo la filayay inay soo saari doonaan xeerar cad cad oo tilmaamaya xaaladda mustaqbalka ee Muqdisho. Dejinta xeerkan qabyada ahi wuxuu bilaabmay bishii Agoosto waxaana uu dhamaaday dabayaaqadii Sebtembar. Xeerka qabyada ah waxa hor dhac u ah talo bixin ay soo jeediyeen Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka Federaalka ah oo ku saabsan magaalada Muqdisho iyo faahfaahin ku saabsan qaabka loo hirgelinayo tilmaamaha Muqdisho ee xeerka qabyada ahi dhigayo. Waxa haddana ku xiga muuqaal guud oo ah dulucda mabaa’diida xeerka ku jirta ah. Qayb kasta oo xeerkan qabyada ah ka mid ah waxay leedahay hordhac soo koobaya nuxurka qodobada ku xusan qaybtaa ee mudan in la dhugto. Waxaa mudan in la caddeeyo in kani uu yahay nuqul qabyo oo qayb kasta oo ka mid ahina ay tahay mid u furan wax ka beddelid iyo wax ku darid. Qodobka 67 ee Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka Federaalka ah, tallo bixinta dastuurka qabyada ah: Sida hore loogu socon karo 1


Qabyo-qoraalka Dastuurka Guddiga Madaxabanaan waxa uu bixiyey saddex qaab oo xaaladda Muqdisho noqon karto silooga munaaqashoodo: 路 Qaabka 1: Caasimaddu waxay ku taallaa dowlad goboleed waxaana xukumaya dowladda gobolkaa; 路 Qaabka 2: Muqdisho waa degmada magaalo-madaxda oo si toos ah u hoos tageysa dowladda federaalka ah; 路 Qaabka 3: Muqdisho waxa iyada laga dhigayaa dowlad goboleed. Qodobada muhiimka ahi waa, tan koowaad in dadka deggan Muqdisho waa in aanay isu arag dad la gacan bidixaynayo oo ka duwan dadka kale ee ku dhaqan magaalooyinka kale ee dalka oo loo tixgeliyaa (b) maamul hoosaadkooda; (t) ka qayb galkooda golaha sharci dejinta ee qaranka. Tan labaad, oo iyana muhiim ah, in dadka deggan magaalooyinka iyo gobollada kale aanay u arag in dadka degan Muqdisho ay helayaan xaq aanay intooda kale helin oo ay ku helaan xarunta dowladda federaalka ah ee ay deggan yihiin darteed. Run ahaantii arrintan waxa si cad u tilmaamayaa qodobka 56 (1) (d) ee Dastuurka Qabyada ah:

Qayb kasta oo Jamhuuriyadda ka tirsani in ay hesho isla adeegyada ay kuwa kalena helaan iyo, sidoo kale, waxqabad xukuumadeed oo waxtar leh. Sababahaa awgood, aragtida labaad ee Qabyo-qoraalk Dastuurka Guddiga Madaxabanaan waxay u muuqanaysaa mid aan wax lagu bilaabi karin: qof kasta oo aan ku sugnayn xarunta dowladda federaalka ahi wuxuu u qaadanayaa in la gacan bidixaynayo, qof kasta oo Muqdisho ku noolina wuxuu waayayaa dowlad goboleed iyo maamul dowlad hoose oo taabogal ah. Qaabka koowaad wuxuu xaqiijinayaa sinaanshaha dowlado goboleedyada Soomaaliya laakiin hirgelintiisu waa mid aad u kharash badan oo suurtogalna ay tahay in aanu socon karin. Magaalada Muqdisho waxay waayi doontaa dadka faraha badan iyo dakhliga ka soo xarooda dowladda gobolka. Waxa dhici kara is-qabsiyo dhex mara golaha dowladda hoose ee magaalada iyo dowladda gobolka oo labaduba si buuxda ugu tiirsan dhaqaalaha magaalada. Waxa iyaguna sidoo kale isku dhacaya dowlad goboleedka iyo dowladda qaran oo isku qabanaya maamulka Muqdisho. Dowlad goboleedkuna markaa wax shaqo

2


ah yeelan mayso. Sidoo kale waxa iman kara isku dhacyo beeleed oo la isku qabto dhulka iwm. Sidaa awgeed qaabka koowaad wuxuu keenayaa hab maamul fadhiid ah, kharash badan isla markaana aan suurto gal ahayn. Waxa soo harey qaabka saddexaad: Muqdisho waxa iyada laga dhigayaa dowlad goboleed. Talobixinta Qabyo-qoraalka Dastuurka ee Guddiga Madaxbanaan waxay sheegaysaa haddii la doorto qaabkan, inuu keeni karo inay isku dhacaan dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedku. Waxayna ku salaynayaan laba fikradood oo aanay fahmin: waa tan koowaade, in aan wax khilaaf ahi ka dhalan karin labada qaab ee kale Muqdisho iyo dowlada fadaralaaka ah midkoodna; iyo tan labaad, oo ah in aanay kala soocnaanayn habka maamul ee dowlad goboleedka Muqdisho iyo dowlad goboleedyada kale. Qodobka koowaad, hab maamul kasta oo loo qaato Muqdisho waxa jiri doonaa xiisad ka dhex jiri doonta dowlad goboleedka Muqdisho iyo dowladda faderaalka ah. Xiisadahaas dhex yaalaa dowlad goboleedka magaalo-madaxda iyo dowladda qaran waa dhibaatooyin haysta wadamo badan oo Afrika ah iyo kuwo aan Afrika ahayn intaba: waa hubaal in danaha labada dowladood kala duwanyihiin mararka qaarkoodna maamulladu ay ka kala yimaadeen xisbiyo kala duwan. Laguma xalin karo in dowladda Muqdisho xarun looga dhigo xarunta dowladda federaalka ah (qaabka 2) sabata oo ah arrintani waxay keenaysaa in xiisadi ka abuuranto reer Muqdisho iyo dowladda federaalka ah, waxana xaaladda sii cakiri doonaa haddii la qaato habka dowlad goboleedka (qaabka 1). Sida ugu habboon ee dhibtan loo xallin karaa waa in la garawsado oo loo dejiyo sharci lagu kala hago danaha kala duwan ee labada dowladood ka leeyihiin magaalo-madaxda; waana qaabka ay ka ilduufeen Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka Federaalka ahi. Tani waxay ina tusaysaa qaladka labaad; aragtida ah in dowlad goboleedka ‘Muqdisho’ ay noqonayso mid la mid ah dowlad goboleedyada kale oo dhan. Laakiin xaaladdaha gaarka ah ee Muqdisho ee ah in ay tahay magaalo-madaxdii federaalka waa in aan meesha laga saarin ee la lagu talogalaa. Dowladaha federaalka ah, magaalo-madaxda federaalka waxa loo sameeyaa xeerar qeexaya in aanay ahayn xaruntii federaalka oo keli ahe ay sidoo kale tahay mid leh meelo kale oo hoos yimaada oo muujinaya inay tahay dowlad goboleed. Sidaa awgeed magaalo-madax federaal waa inay yeelataa saddex qaybood: dowlad hoose oo dadka magaalada deggan u adeegta; dowlad qaran oo federaalka ah; gole wakiilada maamul goboleedyadu ay yeeshaan. (eeg Falanqaynta uu ka

3


qoreen Peter Hall (cutubka 1aad) iyo Lawrence J. Vale (cutubka 2aad) ee David Gordon (2006 ed) Planning Twentieth Century Capital Cities). Talo bixinta Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka Federaalka ah ee ku saabsan xaaladda Muqdisho waxay si cad u muujinaysaa in ay door bidayaan qaabka labaad: in dowladda federaalku si toos ah u maamusho magaalada. Laakiin tusaalayaasha ay bixiyeen waa kuwa uu Peter Hall ku sheegay “ Magaalo-madaxyo siyaasadeed”: magaalo-madaxyo loogu talo galay in uun ay ahaadaan magaalo-madaxyo federaal oo aan wax xiriir toos ah la lahayn gobolada ay ku yaallaan: magaalada Canberra waxa laga soo jaray gobolka New South Wales; Washington D.C waxa laga soo jaray gobolada Virginia iyo Maryland; Abuja waxa laga soo jaray labada dowlad goboleed ee la deriska ah (dowlad goboleedyo badan baa la sameeyay Abuja ka dib). Sidoo kale magaalo-madaxyadaa waxa laga gooyay awoodda dhaqaale ee dowlad-goboleedyada laga jaray: dhammaan dowlad goboleedyada magaalooyinka Australia; New York; Chigaco, Los Angeles, aan sheegno uun saddexda xarun dhaqaale ee USA; Lagos, Nigeria. Magaalo-madaxyadaa la sameeyay jiritaankoodu wuxuu ku salaysan yahay (dadkooda badankooduna wuxuu shaqo ka helaa) dowladda federaalka ah oo ay aad ugu tiirsan yihiin. Dhanka kalena Muqdisho sida magaalo-madaxyo badan oo Afrika ah, waxay ahayd tahay, ama ahayd, waxaana ay mar kale noqon doontaa xarun dhaqaale oo weyn maaddaama ay iskugu imanayaan dad iyo ururo ka madax banaan dowladda federaalka ah oo aan aqbali doonin in magaalada loo diido inay is maamusho. Sida wadamada kale ee soo koraya, magaalo-madaxdu waxay soo saari doontaa 60% ama in ka badan oo ah dakhliga dalka. Maaddaama ay tahay halka ay ku taalo dekadda ugu weyn ee dalku waxay heli doontaa fursado badan oo sii xoojiya inay noqoto xarun dhaqaale oo weyn. Waxay noqon doontaa, run ahaantii, Nairobi iyo Mombasa oo la isku dhafey. Ama aan iraahdee waxay noqon doontaa Daarasalaam oo kale sidaasaa ka habboone. Doorkan dhaqaale ee ay ku leedahay heerka qaran ayaa keenaya in lagu xisaabsato dhismaheeda maamul, gaar ahaan xagga qorshaynta iyo horumarinta Muqdisho. Muqdisho waxaa u weheliya caqabadaha kale ee xagga dhulka ka imanaya: sida loo xallinayo arrimaha la xiriira cidda xaqa u leh dhulka- sida in dadkii lahaa dib loogu celinayo dhulkii ay lahaayeen iyo sida looga qaadi karo kuwa haatan haysta 20 sano iyo dheeraad dagaal sokeeye socday ka dib; sidee loo xaqiijinayaa in dadka xaq taariikhi ah iyo lahaansha muddada dheer ah ku leh dhulka sideese ugu qancayaan in aan dhismayaashooda ama dhulkooda lagaga qaadin arrimo huwan dano qaran iyo awood 4


dowladeed; sidee loo habaynayaa jaangoynta iyo horumrinta dhulka magaalada gudaheeda ah si uu ugu filnaado danaha degaanka iyo kuwa qaran sida guryaha, dugsiyada, xarumaha bulshada, goobaha caafimaadka, xafiisyada, garoomada ciyaaraha, taallooyinka qaran, jaamacadaha qaran xarumaha ciidanka iwm. In wejiga laga qarsado oo la yiraahdo wax dhibaato xagga dhulka ahi kama jirto Muqdisho waxay tahay mid keenaysa khatar weyn oo wiiqi doonta isku day kasta oo lagu doonayo in Muqdisho lagaga dhiso dowlad shaqayn karta oo la wada aqbali karo. Haddaba, ujeeddadu waa in ay noqotaa in Muqdisho loo sameeyo hannaan dowladeed oo habboon guud ahaan qaranka; shaqooyinka qaar waxa loo deyn doonaa dowladda federaalka ah; kuwo kalena dowladda hoose (waxana loo sii kala qayb qaybin doonaa gole degaan ilaa heer maamul xaafadeed). Muqdisho oo dowlad goboleed laga dhigo ayaana si howl yar u fududaynaysa in la gaaro ujeeddooyinka aasaasiga ah ee ku xusan Dastuurka Qabyada ah Cutubka 7 iyo Qaybta 2. Waxa ku habboon Muqdisho (ee laakiin aan ka suurtogeli karin dowlad goboleedyada kale ama magaalooyinka kale) waa in ay dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedka Muqdisho si wadajir ah u sameeyaan Guddiga Dhulka iyo Horumarinta oo iska kaashada qorshaynta iyo horumarinta magaalada iyaga oo xisaabta ku darsanaya baahiyaha degaanka iyo kuwa qaran labadaba. Shaqada u horaysa ee guddi noocaas ahi ku dhaqaaqi karaana waa bilowga iyo dib u qaabaynta qorshaha horumarinta ee Muqdisho. Arrintaas oo marka danbe noqon doonta halka laga anbaqaadayo Xeerka Magaalada Muqdisho. Dulucda xeerka qabyada ah Ujeeddada ugu weyn ee Xeerka Magaalada Muqdisho waa in golaha degaanka ee magaaladu noqdo mid u fududeeya hawlaha ay ururada bulshada rayidka ah ee xaaladda adag ee haatan jirta ku hawlan inay dadka gaarsiiyaan adeegyada kala duwan ee madaniga ah. Waa in dhammaan uraradaa kala duwani helaan madal ay kaga arrinsadaan sidii ay waxa ugala qaban lahaayeen golaha degaanka magaalada gaarsiinta dadka ee adeegyo fiican oo agaasiman. Golaha degaanka magaaladu ma aha inay keligood hawlahaas oo dhan dhabarka u ritaan; goluhu tartan kulama jiro ururrada bulshada rayidka ah. Ma laha awood dhaqaale iyo mid shaqaale oo ay ku wada dabooli karaan baahiyaha jira haatan iyo mustaqbalka dhowba. Shaqadooda koowaad waa inay dejiyaan qorsheyaal lagu hagaajinayo nolosha dadka magaalada oo ay hirgelintoodana iska kaashadaan dadka degaanka iyo ururada bulshada rayidka ah. Xeerka qabyada ah ee Muqdisho waxa ku jiri kara shaqooyin fara badan oo ay tahay inay qabtaan golaha 5


degaanku hase ahaatee, xeerku wuxuu si cad u tilmaamayaa in shaqooyinkaa ay qabtaan ama ay sii wadaan ururada bulshada rayidka ah ee haatanba ku hawlani. Ujeeddada labaad ee muhiimka ahi waa in si niyad sami ah loo dhaqan galiyo habka “ xaqa magaalonimo” ee maamulka dowladda. Cutubak 3 ee xaga hore ee xeerkan qabyada ahi wuxuu sheegayaa xuquudda dadka degaanka ahi ay u leeyihiin adeegyada madaniga ah. Dadka degaanka ah xuquuqdoodu ma aha uun inta uu xeerkani dhigayo iyo sida uu u dhigayo waxaase jira xuquuq ay iyagu isku leeyihiin; oo ah sida ay iyagu iskula dhaqmayaan si ay u abuuraan bulsho wada jirta oo si nabad ah ugu wada nool magaalada. Sidaa awgeed waxa muuqata in waajibaadka dadka degaanka iyo xuquuqdoodu isku dheelitiran yihiin. Sidoo kale waajibaadka iyo xuquuqda dadka degaanka way is kaabayaan. Cutubkan waxa loogu talo galay inuu noqdo aasaaska hab cusub oo maamulka madaniga ah ee Soomaaliya laga hirgelinayo, dulucdiisuna way ku soo noqnoqonaysaa guud ahaan xeerka qabyada ah. Ujeeddada saddexaad (oo malaha ah mid aan weli si buuxda u dhaqan gelin) waa baahida loo qabo habka iskaashiga maamul ee ka dhexeeya golaha degaanka oo ah maamulkii dowlad goboleedka magaalada iyo dowladda federaalka ah ee ku wada sugan Muqdisho. Iskaashigani run ahaantii waa mid lagama maarmaan u ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya balse aan ku koobnayn uun dowlad goboleedka Muqdisho. Dhibaatooyinka ugu weyn ee la xiriira xeerkan magaalada Muqdisho waa in qodobada Dastuurka Qabyada ahi aanay si cad u qeexayn dhismaha federaalka Soomaaliya, nuxurka dastuurada dowlad goboleedyada, kala qaybsanaanta awoodaha dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada (cutubka 13 iyo qaybta 2 ee Qabyo-qoraalka). Waa qoraal ay diyaariyeen dad aan wax badan ka ogayn. Marka la eego ujeeddada ku talagalka cutubka 2 iyo qaybta 2 ee cutubka 11 ee Xeerka Magaalada Muqdisho. Iyo sidoo kale farqadaha kooban ee ku saabsan maaliyadda ee cutubka 10: ilaa si cad loo faahfaahiyo arrimaha maaliyadda iyo xeerarka kala hagaya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada oo lagu daro dastuurka federaalka ah, xeerarka hoose iyo dastuur goboleedyadu waxay noqonayaan kuwo aan la fahmi karin sida ay u maareynayaan arrimaha maaliyadda. Waxa run ahaantii la qorayay ma uusan ahayn uun XMM oo la xiriira ujeeddooyinka kale ee laga leeyahay inay is waafaqaan sida ay xeerarka caalamiga ah ee dowladaha hoose dhigayaan laakiin waxa looga dan leeyahay inuu waafaqo dastuur goboleedka dowlado goboleedka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Arintani waxay ina tusaysaa ujeeddada afraad ee muhiimka ah ee XMM. Waa qoraal dastuur la mood ah, waxaanu awoodda saarayaa aasaasidda xarumaha iyo shaqaalaha 6


dowlad goboleedka Muqdisho; awoodahooda iyo waajibaadkooda; sida ay awoodahooda ugu dhaqmayaan, waajibaadkooda iyo xuduudaha awoodahooda. Waana arrin loo arkay in ay tahay mid aad uga muhiimsan faahfaahinta arrimaha kale ee madaniga ah. Habkasta oo federaal ah, arrimahaas waxa loo daayaa in ay sharciyadooda dejiyaan dowlad goboleedyadu, sharciga magaalada Muqdishona waxa uu ka caawinayaa uun inay helaan awoodaha ay u baahan yihiin golaha degaanku si ay sharciyadaa u dejiyaan.

7


XEERKA MAGAALADA MUQDISHO 2011 HORMAYNTA QAYBAHA CUTUBKA 1 Hordhac 1. 2. 3. 4. 5.

Cinwaan gaaban iyo bilowga Dhaqangelinta Macnaha eray bixinta (Macneynta) Ujeeddooyinka xeerkan Talobixinta dowladda CUTUBKA 2 Hormaynta aasaasiga ah ee dowlad goboleedka Muqdisho

6. 7. 8. 9. 10.

Muqdisho halka ay kaga jirto dhismaha dowladeed ee Soomaaliya Bedka iyo xuduudda magaalada Muqdisho Maamulka bedka ay magaaladu ku fadhido Degmooyinka magaalada Wax ka beddelidda xuduudaha Muqdisho iyo kuwa gudaheedaba CUTUBKA 3 Xuquuqda iyo waajibaadka dadka iyo maamulka Muqdisho

11. 12. 13. 14.

Xuquuqda dadka degaanka ah Waajibaadka dadka degaanka ah Waajibka koowaad ee maamullada degaanka Muqdisho Waajibka iskaashiga iyo wadashaqaynta dowladda federaalka ah CUTUBKA 4 Dhismaha Golaha Degaanka Muqdisho Qaybta 1 Xarunta (golaha) xildhibaanada Golaha Degaanka

8


15. 16. 17. 18. 19. 20. 21. 22. 23. 24. 25. 26. 27. 28.

Dhismaha Golaha degaanka magaalada Golaha xildhibaanada Golaha Degaanka Shuruudaha u qalmidda Xildhibaanada Golaha Degaanka Shuruudaha u-qalmid la’aanta xildhibaannimada U ololaynta xubnaha u tartamaya xildhibaanimada La tartanka xildhibaanka Doorashada xildhibaanada Muddada xilka xildhibaanada Is casilaada xildhibaanka Dib ugu yeerida xildhibaanka Shaqooyinka hoose ee banaanaada Xilqabashada Waajibaadka xildhibaanka Falalka ka reeban xildhibaanada Qaybta 2 Xarunta danaha madaniga ah

29. 30. 31. 32.

Qaybaha xarunta danaha madaniga ah Xulidda xubnaha xarunta danaha madaniga ah Muddada xilka ee wakiilka Shaqooyinka xarunta danaha madaniga ah. Qaybta 3 Qodobada shaqada golaha ee saameeya xildhibaanada iyo wakiilada

33. 34. 35. 36. 37. 38.

Sharcinimada falalka xildhibaanada iyo shaqaalaha Awooda bixinta mushaharka iyo gunooyinka xildhibaanda iyo wakiilada Xeerka anshaxa ee xildhibaanada iyo wakiilada Diiwaanka danaha Ka maqnaansh a kulamada golaha iyada oo dano gaar ah la eeganayo Shaqo ka joojinta iyo kulan ka saarida xildhibaanada iyo wakiilada

CUTUBKA 5 Duqa iyo Ku Xigeenada Duqa

9


39. 40. 41. 42. 43. 44. 45. 46.

Baaxada cutubkan Fadhiga lagu dooranayo Duqa iyo ku xigeenadiisa Habka doorashda Duqa iyo ku xigeenadiisa Muddada xilka Duqa iyo ku xigeenadiisa Xil ka qaadista Duqa iyo ku xigeenkiisa Fadhiyada gaarka ah ee qiimeynta waxqabadka Duqa iyo ku xigeenadiisa Shaqooyinka Aasaasiga ah ee Duqa Shaqo sharafeedyada Duqa CUTUBKA 6 Fadhiyada iyo xeerarka Qaybta 1 Fadhiyada Golaha

47. 48. 49. 50. 51. 52. 53. 54. 55. 56.

Baaxada cutubkan Fadhiyada caadiga ah ee golaha Fadhiyada gaarka ah ee golaha Duqa ayaa fadhiyada guddoominaya fadhiyada Fadhiyada waa in albaabadu u furan yihiin Kooramka fadhiyada Go’aanada fadhiyada Hadal-qoraalka fadhiyada golaha Iskaashiga Golaha Degaanka iyo dadka degaanka iyo ururadooda Xeerarka hawlgalka Qaybta 2 Guddiyada

57. 58. 59. 60. 61. 62. 63.

Guddiga Maamulka Guddiyada joogtada ah ee golaha degaanka Shaqada guddiyada joogtada ah ee golaha degaanka Fadhiyada guddiyada joogtada ah Xeerarka fadhiyada Guddiga iyo guddiga caadiga ah ee joogtada ah Hadal-qoraallada fadhiyada guddiga iyo guddiyada joogtada ah Guddi hoosaadyada guddiga joogtada ah 10


64. Awood ku wareejinta guddiga iyo gudiyada caadiga ah ee joogtada ah 65. Awoodda magacaabidda guddiga joogtada ah 66. Awooda magacaabidda guddi xiliyeedka 67. Xulashada xubno aan golaha ka mid ahayn oo lagu daro guddiga joogtada ah iyo gudi xiliyeedka CUTUBKA 7 Shaqooyinka golaha degaanka magaalada Qaybta 1 Shaqooyinka waaweyn 68. 69. 70. 71. 72. 73. 74.

Awoodaha dowlad goboleedka Bixinta adeegyada madaniga ah Awoodaha golaha ee bixinta adeegyada madaniga ah iyo kuwa kale Xuduudah a awoodaha golaha degaanka magaalada Qorshayaasha lagu horumarinayo xaaladda guud Ka qayb galka hannaanka diyaarinta qorshaha bulsho Diyaarinta iyo oggolaanshaha istiraatiijiyadda bulshada Qaybta 2 Shaqo hoosaadyada

75. 76. 77.

Waaxyaha Golaha Ujuurooyinka iyo khidmadaha Qandaraasyada

78. 79. 80. 81. 82. 83. 84.

Awooda dhul lahaanshaha Awooda dhul maareynta Wakaalad Caymis Awoodda haddiyado qaadashada Awoodda dhaafidda dakhliyada iyo kharashaadka kale ka maqan golaha Warbixin Sanadeedka CUTUBKA 8 Saraakiisha iyo shaqaalaha kale

11


85. 86. 87. 88. 89. 90. 91. 92. 93. 94.

Saraakiisha sar sare ee golaha Magacaabidda saraakiisha sar sare Waajibaadka guud ee dhammaan saraakiisha golaha Xeerka anshaxa saraakiisha iyo shaqaalaha Shaqada Xoghayaha Fulinta Shaqada Xoghayaha Maaliyadda Shaqada Xoghayaha Sharciga Magacaabidda saraakiisha iyo shaqaalaha Xil-saaridda saraakiisha Hawl-gaar ah u dhiibashada saraakiisha CUTUBKA 9 Sharci dejinta golaha degaanka magaalada

95. Awoodda sharci dejinta ee golaha degaanka magaalada 96. Awoodda sameynta xeerarka dheeraadka ah 97. Hannaanka la xiriira samaynta xeerarka dheeraadka ah 98. Qodobo gaar ah oo xeerar dheeraad ah noqonaya 99. Baahinta xeerarka dheeraadka ah 100. Caddaynta xeerarka dheeraadka ah ee goluhu soo saaro 101. Ciqaabta ku xad gudubka xeerarka dheeraad ka ah 102. Awoodda dowladda federaalka ahi ay ku dalbanayso samaynta xeerarka dheeraadka ah 103. Muunad xeerar dheeraad ah CUTUBKA 10 Maaliyadda 104. 105. 106. 107. 108. 109. 110. 111.

Sanduuqa Maaliyadda Muqdisho Dakhliga golaha Kharashka Hantida, dib u cusboonaysiint a iyo sanduuqyada gaarka ah Daymaha xun Xisaabaadka bankiyada Qiimeynaha sanadlaha ah Ka qayb galka hannaanka diyaarinta qiimeynaha sanadlaha ah 12


112. 113. 114. 115. 116. 117. 118. 119. 120. 121. 122. 123.

Bixinta kharashaadka Hawl u gaarka ah Xoghayaha Fulinta Cashuuraha Daymaha Adeegsiga lacagaha la soo daynsado Dib u bixinta daymaha Bixin waaga daymaha Qaadashada dayn hore looga heshiiyey Daynsiga sharci darrada ah Xisaabaadka Hanti dhawrka Xeerka Maaliyadda CUTUBKA 11 Maamulka iyo kormeerka Qaybta 1 Kormeerka gudaha

124. 125. 126. 127. 128. 129. 130.

Xafiiska Kormeerka Gudaha Hanti dhawrka gudaha Garsoore madax banaan Cabasho u gudbinta garsooraha madaxa banaan Waajibaadka golaha ee fududaynta shaqada Xafiiska Tixgelinta gudiyada iyo golaha ee warbixinnad a loo soo gudbiyo Warbixin sanadeedka Waaxda Qayb-hoosaadda 2 Kormeerka dibadda

131. Magacaabidda kormeere 132. Tallaabo ka qaadida saraakiisha iyo shaqaalaha marka kormeeruhu ka soo warbixiyo 133. Shaqo ka joojinta xildhibaanda marka warbixin baaritaan laga soo gudbiyo Qaybta 3 Kormeerka iyo habeynta garsoorka 13


134. 135. 136. 137.

Dib u eegida garsoor ee tallaabooyinka maamulka oo uu golaha sameeyo Ilaalinta shakhsiyaadka Laaluushka iyo musuq maasuqa U gudbinta maxkamadda CUTUBKA 12 Qodobada kale

138. 139. 140. 141. 142. 143. 144.

Adeegyada la beddelo. Baahinta sida ogaysiisyada iyo wararka kale Xuquuqda soo gelidda xafiisyada Ciqaabta weeraridda saraakiisha ama ka hor joogsiga shaqadooda Falal denbiyeedka guud iyo ciqaabaha guud Xeerar ku meel gaar ah Qodobbada ku meel gaarka ah ee la xiriira sharciyada iyo xeerarka. Jadwallada 1 iyo 2 ma jiraan Jadwalka 3

Shaqooyinka golaha degaanka magaaladu isagu qaban karo ama uu qandaraas ku siin karo ururada bulshada rayidka ah

14


Qodobada ay tahay in loo fiirsado ee Cutubka 1 Kani waa cutubkii caadiga ahaa ee hordhaca u ahaa sharci. Wuxuu sheegayaa cinwaanka sharciga; goorta iyo sida loo dhaqangelinayo; macnaha ay yeelanayaan erayada muhiimka ah ee loo adeegsaday sharciga- waana hab muhiim ah oo la isku dayayo in lagu xaqiijiyo in faham midaysan laga qaato nuxurka sharciga; waxa ay yihiin ujeeddooyinka muhiimka ah ee sharcigu; iyo in marka horeba la muujiyo baahida loo qabo inay xiriir dhaw yeeshaan dowladda federaalka ah iyo maamulka magaaladu. Aad ugu fiirso faqradaha 4 iyo 5. Haddii wax lagu darayo faqradda 4. faqradda 5 ma looga baahan yahay halkaas5? Ogow sidoo kale qeexitaanada ‘ururada bulshada rayidka ah’ iyo ‘adeegyada madaniga ah’ CUTUBKA 1 Hordhac Cinwaan gaaban iyo bilowga 1. (1) Xeerka waxa loogu yeeri karaa Xeerka Magaalada Muqdisho 2011 waxaana u dhaqan gelayaa qodobaddiisa ama dhammaantiisba laga bilaabo taariikhda ay dowladdu si rasmi ah u faafiso. (2) Taariikho kala duwan ayaa loo qaban karaa dhaqan gelinta dhammaan ama qaybo ka mid ah qodobada xeerkan haddii ay dowladdu si rasmi ah arrintaa u faafiso. Dhaqangelinta 2. Xeerkan waxa lagu dhaqayaa – (b) Golaha Degaanka Magaalada Muqdisho; (t) Maamul degaan kasta oo ku dhexyaal magaalada Muqdisho si waafaqsan sida xeerkani qeexayo. Macneynta 3. Xeerkani wuxuu dhigayaa haddii aanu isagu si kale u macnayn – “Qiimeynaha/qiyaasaha sanadlaha ah” waxa loola jeedaa sida ku cad qaybta 110;

15


“Xeerar dheeraad ah” waxa loola jeedaa xeerarka dheeraadka ah ee goluhu soo saaro isagoo adeegsanaya awoodda sharcigan qaybtiisa.. ay siisay waana inay ku jiraan eray bixinta ah ‘xeerar dheraad ah’ “Guddoomiye” waxa loola jeedaa qofka guddoominaya golaha, guddi, guddi jooto ah, guddi hoosaad ama guddi xiliyeed; “Xarunta danaha madaniga ah” waxa loola jeedaa xarunta danaha madaniga ah ee magaalada Muqdisho; “Xarunta xildhibaanada” Waxa loola jeedaa xarunta xildhibaanda ee magaalada Muqdisho; “Madaxa hanti dhawrka gudaha” waxa loola jeedaa madaxa hanta dhawrka gudaha ee lagu magacaabay qaybta 124; “Magaalo” waxa loola jeedaa Magaalada Muqdisho; “Golaha degaanka Magaalada” waxa loola jeedaa xarunta xildhibaanada iyo xarunta danaha madaniga ahee magaalada Muqdisho; “Degmo magaalo” waxa loola jeedaa degmooyinka Muqdisho ee lagu qeexay qaybta 9; “Ururo bulsho rayid ah” waxa loola jeedaa wakaalad ama urur kale oo gaar ah, mutadawac ah, ganacsi ah, samofal ama diimeed oo ka hawl gala magaalada dhexdeeda si ay adeegyada madaniga ah ugu fidiyaan dadka deggan magaalada adeegyadaa madaniga ah ee ay bixinayaan ha ahaadaan kuwo lacag la’aan ah, kuwo lacagta qayb la iska bixyo ama kuwo lacag laga qaadayee, waxaana ka mid ah dhammaan ururadaas ha ahaadaan kuwo ka soo askumey Soomaaliya gudaheeda ama kuwo meelo kale ka yimide; “Xeerka anshaxa” waxa loola jeedaa xeerka anshaxa ee xildhibaanada ee lagu sheegay qaybta 35; “Guddi” waxa loola jeedaa Guddiga Maareynta/maamulka ee lagu sheegay qaybta 57; “guddi” waxa ka mid ah Guddiga, gudiyada wada jirka ah ee joogtada ah, guddiga joogtada ah ee caadiga ah, guddiga joogtada ah ee loo aasaasay si waafaqsan 64; guddi xiliyeedka lagu aasaasay si waafaqsan 65; guddi hoosaad kasta oo ay sameeyaan guddiyada lagu qeexay qaybtan iyo guddi kasta oo ay sameeyaan Golaha Wadajirka ah ee Qorshaynta iyo Horumarintu; “gole” waxa loola jeedaa xarunta xildhibaanada Magaalada Muqdisho iyo golaha degmooyinka magaalada; “xildhibaan” waxa loola jeedaa qofka loo soo doorto inuu xubin ka noqdo golaha degaanka; “waax” waxa loola jeedaa waaxda golaha ee lagu sheegay qaybta 75; “Duq ku xigeen” waxa loola jeedaa ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho; 16


“Xoghayaha Fulinta” waxa loola jeedaa qofka loo magacaabay inuu noqdo Xoghayaha Fulinta magaalada si waafaqsan qaybta 86; “amarka kama danbaysta ah ee shaqo ka joojinta” waxa loola jeedaa sida ku cad qaybta 133; “Xoghayaha Maaliyadda” waxa loola jeedaa qofka loo magacabay inuu noqdo Xoghayaha Maaliyadda magaalada si waafaqsan qaybta 86; “Shaqooyinka” waxa ku jira waajibaadka iyo awoodaha; “Sanduuq” waxa loola jeedaa Sanduuqa Maaliyadda Muqdisho; “dowladda” waxa loola jeedaa Dowladda Jamhuuriyada Soomaaliya; “Muqdisho” waxa loola jeedaa Magaalada Muqdisho; “Garsoore Madaxbanaan” waxa loola jeedaa garsoore madaxbanaan oo lagu magacaabay si waafaqsan qaybta 124; “kormeere” waxa loola jeedaa kormeere lagu magacaabay si waafaqsan qaybta 131; “shaqo ka joojinta muddaysan” waxa loola jeedaa sida ku cad qaybta 133; “Golaha Wadajirka ah ee Qorshaynta iyo Horumarinta” waxa loola jeedaa Golaha Wadajirka ah ee Qorshaynta iyo Horumarinta ee lagu sheegay qaybta 14; “dhul” waxa ku jira dhulka kasta iyo guryaha ama dhismayaasha kale ee dhulka ku yaal; “Xeer” waxa loola jeedaa Xeerka Magaalada Muqdisho 20..; “Xoghayaha Sharciga” waxa loola jeeda qofka loo magacaabay inuu noqdo Xoghayaha Sharciga si waafaqsan qaybta 86; “cashuuraha dowladda hoose” waxa loola jeedaa cashuuraha ay soo rogaan golaha deegaanka ee magaalada Muqdisho waxana ku jira qiimaha loo gooyo dhulka iyo hantida ma-guurtada ah; “Duqa” waxa loola jeedaa Duqa Magaalada Muqdisho; “Wasiir” waxa loola jeedaa wasiir ka tirsan dowladda federaalka ah ee u xil saaran dowladda hoose ee magaalada; “Muunad xeerarka dheeraadka ah” waxa loola jeedaa xeerarka dheeraadka ah ee ay samayso dowladdu sida ku cad qaybta 103; “Guddi xiliyeedka” waxa loola jeedaa guddi xiliyeedka golaha sida ku cad qaybta 66; “Xafiis” waxa loola jeedaa Xafiiska Kormeerka Gudaha; “fadhiga caadiga ah” waxa loola jeedaa fadhiyada caadiga ah ee golaha sida ku cad qaybta 48; “guddiga joogtada ah ee caadiga ah” waxa loola jeedaa guddiga joogtada ah ee golaha sida ku cad qaybta 58; “diiwaanka danaha” waxa loola jeedaa diiwaanka danaha maaliyadeed ee xildhibaanada sida ku cad qaybta 36; 17


“wakiil” waxa loola jeedaa xubin ka tirsan qaybta danaha madaniga ah ee golaha degaanka magaalada; “dadka deggan Muqdisho” waxa loola jeedaa qof kast oo ku nool ama ku noolaa tobankii sanadood ee u danbeeyay ugu yaraan shan ka mid ah magaalada Muqdisho; “go’aan” waxa loola jeedaa go’aanka ay soo saaraan goluhu; “qof” waxa loola jeedaa qofka u dhashay ama sharci ku jooga dalka oo ay ka mid yihiin ururada bulshada rayidka ahi; “Madaxweynaha” waxa loola jeedaa Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaaliya; “mashruuc” waxa loola jeedaa mashruuca maareynta saraakiisha iyo shaqaalaha ee loo diyaariyay si waafaqsan qaybta 92; “Soomaaliya” waxa loola jeedaa Jamhuuriyadda Soomaaliya; “fadhi gaar ah” waxa loola jeedaa fadhiga gaarka ah ee golaha sida ku cad qaybta 49; “Warbaahinta hadasha” waxa ka mid ah raadiyaha iyo telefishanka; “Guddiga joogtada ah” waxa loola jeedaa guddiga joogtada ah ee golaha sida ku cad qaybta 65; “Xeerarka shaqada” waxa loola jeedaa xeerarka goluhu ku shaqeeyo ee ku cad qaybta... ee xeerkan; “Qorshe/istiraatiijiyad” waxa loola jeedaa qorshaha bulsho ee loo diyaariyay si waafaqsan 56; “Adeegyada madaniga ah” waxa ku jira bixinta adeegyada carruurta; waxbarashada, korantada, daryeelka caafimaadka, cusbitaallada iyo xarumaha caafimaadka, guryaha, nadiifinta waddooyinka, ururinta iyo qubidda qashinka, biyaha; iyo bixinta talooyinka iyo kaalmada la xiriira mid ka mid ah adeegyada lagu sheegay qeexitaankan waxaana ka mid ah hawlaha kale ee kaabaya bixinta adeegyada lagu xusay halkan midkood. Ujeeddooyinka Xeerkan 4. (1) Ujeeddooyinka xeerkan waa – (b) In laga sameeyo Muqdisho dowlad wax ku ool ah, loo simanyahay, laga wada qayb galo oo wax qabad leh; (t) In la dejiyo xuquuqda iyo waajibaadka dadka deggan Muqdisho iyo maamulka Muqdisho ay isku leeyihiin; (j) In la fududeeyo ka qaybgalka dadka ee dimoqraadiga ah ee maamulka iyo bixinta adeegyada madaniga ah ee Muqdisho; (x) In la abuuro ilaha dakhliga iyo la xisaabtanka maaliyadeed ee magaalada; (kh) In la sameeyo xiriir iskaashi oo ay yeeshaan Dowladda Jamhuuriyada Soomaaliya iyo maamulka magaaladu. 18


(2) Isagoo u gudanaya shaqadiisa si waafaqsan xeerkan, golaha degaanka waxa saaran mas’uuliyad uu ugu hoggaansamayo kuna dhaqangelinayo ujeeddooyinka xeerkan ee ku xusan qayb hoosaadka (1). Talo bixinta dowladda 5. (1) Dowladdu waxa ay kolba mar talo bixin ku saabsan hawlihiisa u soo jeedin kartaa golaha si xeerkan waafaqsan, taas oo wax ka beddelileysa ama wax ka beddeli karta sida ay u qabanayaan hawlaha dowladda iyo adeegsiga dhul ee dowladda hawlaheeda gaarka ah ku fuliso. (2) Goluhu waa inuu tixgeliyaa oo ku dhaqmaa talo bixintaa hawlihiisa ah si waafaqsan xeerkan. (3)

Talo bixinta dowladda waa in la baahiyaa.

Qodobada ay tahay in loo fiirsado ee Cutubka 2 Cutubkani wuxuu ku saabsan yahay dowladda aasaasiga ah ee Muqdisho ee lagu sheegay inay noqoto dowlad goboleed ka mid ah dowladda federaalka Soomaaliya. Dowladda Muqdisho ka dhisani waxay noqonaysaa mid laba qaab ah: gole degaan iyo goleyaal degmo. Waxaa la aqoonsadey in loo baahan yahay in dib loo eego xuduudaha degmooyinka Muqdisho gudaheeda iyo xuduudda Muqdisho marka lagu jiro dejinta habka cusub ee federaalka ah ee dowladda federaalka ah lagu siinayo awoodaha ay bixiyaan baarlamaanka federaalka ah oo is beddelka laga maarmi waayo lagu samaynayo. Awoodahaa aad ugu fiirso; iyo sidoo kale dhismaha laba geeslaha ah ee dowladda oo hirgelintiisa loo hormayn karo kolba sida dhaqaalaha la hayaa saamaxayo.

CUTUBKA 2 Hormaynta aasaasiga ah ee dowlad goboleedka Muqdisho

19


Muqdisho halka ay kaga jirto dhismaha dowladeed ee Soomaaliya 6. (1) Muqdisho waa magaalo-madaxda Jamhuuriyada Soomaaliya. (2) Muqdisho waa dowlad goboleed ka mid ah Jamhuuriyada Soomaaliya si waafaqsan sida ay dhigayaan qodobadda xeerka/sharciga ee sheegaya qaababka iyo hawlaha ka dhexeeya dowladda Muqdisho iyo dowladda federaalka ah, iyo dowladda Muqdisho iyo maamullada degmooyinka ku dhex yaala Muqdisho, qodobada Cutubka 7 iyo jadwalka 2 ee dastuurka ayaa qeexaya hab maamulka dowlad goboleedka. (3) Xeerkani wuxuu ku saabsan yahay hawlaha maamulka magaalada Muqdisho oo ah gole degaan ay adeegyada madaniga ah ku gaarsiinayaan dadka ku dhaqan magaalada, haddii aan si cad loogu qeexin halkan, xeerkan ma dhigayo wax kale oo maamulka Muqdisho looga baahan yahay ama awood u siinaya inay qabtaan iyaga oo ah dowladda goboleed Dastuurkan oggolaadey. Xuduudadah a iyo bedka magaalada Muqdisho 7. Bedka lagu qeexeen xuduudahaha ku cad Jadwalka Koowaad ee gaarka ah ee xeerkan ayaa ah bedka magaalada Muqdisho. Maamulka bedka ay magaaladu ku fadhido 8. (1) Maamulka degaanka iyo kan heer gobol ee bedka xadkiisa lagu cayimay jadwalka koowaad waxa leh golaha degaanka magaalada Muqdisho. (2) Magaalada Muqdisho waxay noqonaysaa hay’ad gaar ah oo jirta sida xeerkani dhigayo – (b) Waa inay ahaataa mid weligeed jirta ayna lahaataa shaabad rasmi ah; (t) Magaceeda gaarka ah ayaa ay wax ku dacweyn kartaa laguna dacweyn karaa; (j) (x)

Sida xeerkani dhigayo waxay awood u leedahay inay lahaato, iibsato iyo inay bixiso hanti kasta guurto ama ma-guurto ama dhulkaba; Waxay bixin kartaa qandaraasyo;

20


(kh) Waxay qoran kartaa shaqaale isla markaana mushahar siin kartaa shaqaalaha ay qoratay; iyo (d) Samaynta iyo fulinta dhammaan hawlaha iyo waxyaabaya ay hay’adi si buuxda u qaban karto si waafaqsan xeerka Soomaaliya. (3) Haddii xeerkan uu oggolaado ma ahee, hanti kasta oo guurto ama ma guurto ah ama dhul kasta oo uu golaha degaanka magaaladu doono inuu iibiyo waa in lagu iibiyaa qiimaha ugu fiican ee maangalka ah xilliga hantida la iibinayo. Degmooyinka magaalada 9. (1) Magaaladu waxay ka kooban tahay degmooyinka soo socda: (2) Xuduudaha degmooyinka lagu sheegay qaybtan waxa ay noqonayaan kuwa lagu qeexey laguna faahfaahiyey Jadwalka Labaad ee Xeerkan. (3) Dowladdu haddii ay golaha degaanka magaaladu u soo jeediyaan waxay sameyn kartaa oo ay magacaabi kartaa degmooyin dheeraad ah oo laga sameeyo magaalada laakiin go’aanka noocaas ah ee dowladda waa in loo gudbiyaa Baarlamaanka si ay u ansixiyaan. Wax ka beddelida xuduudaha Muqdisho iyo kuwa gudaheedaba 10. (1) Dowladdu marka ay dhaqangelinayso Dastuurka wax way ka beddeli kartaa xuduudaha Muqdisho ama xuduudaha degmooyinka Muqdisho gudaheeda ah. (2) Wax ka beddelka qaybtan lagu sheegay waa in (b) qaab qoraal qabyo ah loo baahiyaa si ay dadku u ogaadaan; (t) ay ka qayb qaadataa lagala tashadaa bulshada degaanka; (j) la soo jeediyaa sanad gudihiisa marka uu dhaqan galo dastuurka; (x) Ay ansixiyaan labada aqal ee baarlamaanku ka hor inta aan la dhaqangelin (3) Meelaha xuduudoodu loo beddelo sida ku cad qaybtan, dowladdu waxa ay amarka sheegaya wax ka beddelkaas ama amar ama amarro kale oo kaas ku xiga, ay ku soo saareysaa qodobo ku saaban – (b) Kala qaybinta hantida, dakhliga, daymaha iyo kharashka iyo dhammaan xuquuqaha, danaha, waajibaadyada la xiriira heshiiyada qandaraasyada ay gashay goobta ama goobaha lagu wareejinayo gobol ama gole degaan loo kala qaybiyo gobolka ama golaha degaanka ee laga soo wareejinaya iyo 21


(t)

(j)

gobolka ama golaha degaanka ee lagu wareejinayo taas oo ka dhalatey isbeddelka ku yimid xuduudaha; Ilaalinta, socodsiinta ama wax ka beddelka xuquuqaha dadka ku dhaqan goobta ama goobaha la wareejiyay kuwaas oo ay siinayeen xeerarkii ka jirey maamulka degaanka ee goobta ama goobaha laga soo wareejiyay. Dhaqangelinta xeerarka dheeraadka ah ee golaha degaanka magaalada Muqdisho iyada oo laga fulinayo goobaha cusub oo loo soo wareejiyey magaalada. Qodobada ay tahay in loo fiirsado ee Cutubka 3

Cutubkani wuxuu ku saabsanyahay xuquuqda iyo waajibaadka dadka ku dhaqan Muqdisho iyo maamullada ka jira Muqdisho gudaheeda. Aad ugu fiirso dhammaan. Miyaa wax laga tagay? Ma tahay in lagu daro waajibaadyo kuwan la mid ah oo dowladda federaalka ah ka saaran dadka? Aragtida ah ‘qofka deggan degaanka” ma tahay mid lagu qanci karo? Si gaar ah ugu fiirso qodobbada 13 iyo 14 ee ah bu’da hannaanka maamul ee loo samaynayo Muqdisho: goleyaasha degaanka oo ah fududeeyayaasha balse aan ahayn kuwa fulinaya hawsha; iyo habka iskaashiga dhexmaraya maamulka federaalka ah iyo maamulka magaalada CUTUBKA 3 Xuquuqaj a iyo waajibaadyada dadka iyo maamulka degaanka Muqdisho Xuquuqda dadka deggan 11. Xuquuqaha dhammaan dadka deggan Muqdisho ee ay dhammaan maamullada degaanka Muqdisho u xil saaran yihiin ilaalintoodu waa (b) ka qaybgalka qof ahaaneed iyo wadareed ee isku imaatinnada ay samaystaan iyagu kuna dooranayaan (i) dowlad goboleedka Muqdisho; (ii) bixinta adeegyada madaniga ah; (iii) jannaanka dib u qaabeynta magaalada iyo dib u habeynta goobaha isku raranta (obosiibooyinka) ah; (iv) hannaanka ka qayb galka dejinta miisaaniyada; (v) hannaanka ka qaybgalka qorshaynta magaalada; 22


(vi) (vii)

aftida heer degaan; xaqa dib ugu yeeridda (xil kala noqoshada) xildhibaanada

degaanka; (viii) la socodka wax qabadka golayaasha degaanka; (ix) hindisiyaasha shacabka; iyo (x) iskaashiga waaxyaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee dhinaca bixinta adeegyada madaniga ah; (t) in ay si joogto ah uga helaan maamulka degaanka macluumaad ku saabsan maamulka iyo maaliyadda magaalada si ay awood ugu yeeshaan inay helaan xuquuqda kor ku xusan; (j) in ay ku noolaadaan deegaan nabad iyo ammaan leh oo caafimaad qaba; (x) in ay si cadaalad ah oo ay awoodi karaan u helaan adeegyada madaniga ah ee aasaasiga ah loona fududeeyo in ay helaan dhul, biyo nadiif ah oo la cabo, adeegyada asturidda qashinka iyo korantada; (kh) in ay u helaan dhammaan adeegyada si tixgelin leh, wax ku ool ah, eex la’aan ah ayna helaan waqtii la rabey; (d) in loola dhaqmo si waafaqsan mabaad’iida maamulka cadaaladda; (r) in aan si sharcidarro ah looga saarin qofku guriga uu ku nool yahay, haddii ay dhacdo in laga saarona, in la siiyo waqti ku filan oo uu ku diyaar garoobo, laga caawiyo guuridda iyo nooli iyo magdhaw si dhaqso ah looga siiyo wixii qasaare ah ee soo gaara; (s) in ay helaan taakulayn xagga xalinta khilaafka ah iyo heshiisiinta marka uu yimaado khilaaf la xiriira arrimaha xuquuqda hantida, dhulka iyo guryaha; (sh) in ay diidaan go’aan ama tallaabo uu qaatay goluhu ama sarkaal ka tirsani iyagoo ku cuskanaya inuu yahay sharci darro, xadgudub awoodeed ama ku talax tag, iyo sidoo kale in go’aankoodaa, haddii laga fursan waayo, ay dib u eegto laan ka madax-banaan golaha oo eegta tallaabada ay dadku diideen; (dh) in qofku uu deriskiisa ula noolaado si xor ah, sharaf leh iyo bulshada dhexdeeda oo uu nabad ku helo. Waajibaadyada dadka deggan magaalada 12. Waajibaadyada dhammaan dadka deggan Muqdisho ee ka saaran dadka ay wada deggan yihiin iyo maamulka degaankuba waa: (b) in ay cashuuraha degaanka ee loo soo rogey si waafaqsan xeerka; 23


(t) (j)

(x) (kh) (d)

in ay u hoggaansamaan dhammaan amarrada sharciga ah ee golaha, xildhibaanada iyo saraakiisha; in ay si nabadgelyo ah ula noolaadaan deriskooda oo aanay kula kicin falal wax u dhimaya xasiloonida iyo nabadgelyada iyo in aanay wax xiisad ah ka abuurin bulshadada dhexdeeda; in ay qaadaan tallaabo kasta oo suurtogal ah oo ay ku xasilinayaan xiisadaha kaca iyo wax ka qabashada khilaafka degaanka ka dhasha; in ay dadka kale iska kaashadaan sidii deegaanka xaafaddooda uu u noqon lahaa mid bedqab, ammaan iyo caafimaad lagu helo; iyo in ay tixgeliyaan oo daryeelaan degaanka dabiiciga ah iyo kan dhisan

Waajibka ugu wayn ee Maamullada degaanka Muqdisho 13. (1) Golaha degaanka magaalada iyo kuwa degmooyinka ku dhexyaalba waa in ay sida waajibkoodu yahay sameeyaan madal ay iskugu keenayaan dhammaan dadka iyo ururrada gaarka ah, kuwa mutadawaciinta ah, kuwa diinta, kuwa ganacsiga iyo dhammaan waaxyaha dowladda ee doonaya in ay bixiyaan adeegyada madaniga ah si ay awood ugu helaan inay wada falanqeeyaan, qorsheeyaan oo ay uga wada xaajoodaan arrimahan iyaga iyo golaha degaanku marka la qaadayo tallaabooyinka noocaas ah ee ay ka midka yihiin u xilsaaridda ama qandaraas ku bixinta shaqooyinka si loo wada gaaro ama qayb-ahaan loo gaaro ujeeddooyinka soo socda ee loogu adeegayo dadka deggan magaalada – (b) Kor u qaadista iyo ilaalinta nabadda, ammaanka iyo xasiloonida iyo wadanoolaanshaha dadka ku dhaqan magaalada; (t) dhiirrigelinta iyo hawlgelinta hannaan dowladeed furan oo laga wada qayb geli karo; (j) dhiirrigelinta iyo hagaajinta xaaladdaha dhaqaale, bulsho, degaan, iyo nololeed; (x) bixinta adeegyada madaniga ah oo waxtar leh oo ay ka mid yihiin balse aan ku koobnayn uun waxbarashada, daryeelka caafimaadka, qashin ururinta, biyaha iyo guriyaynta; (kh) sharciyey iyo hagaajinta xaafadaha isku rararnta (obosiibooyinka) ah; (d) Fududaynta xalinta khilaafka la xiriira hantida, dhulka iyo guryaha; (2) Fulinta tallaabooyinkaa iyo qabashada tallaabooyinka ku xusan qaybhoosaadda (1) waa in lagu saleeyaa mabaa’diida la daah-furnaanta, baaritaanka, xisaabtanka, , ka qaybgalka iyo u hogaansanka ujeeddooyinka maamulka cadaaladda. 24


(3) Iyada oo uu hogaansamayo mbaa’diida maamulka cadaaladda, ayaa goluha waxa waajib ku ah inuu baaro oo uu wax ka qabto cabashooyinka dadka deggan magaalada ay sida ku cad faqrada (i) ee qaybta 11 ee uga soo cawdaan tallaabo uu qaadey ama go’aan uu gaarey golaha. Waajibka iskaashiga iyo wada shaqaynta dowladda federaalka ah 14. (1) Golaha degaanka magaalada waxa ku waajib ah iskaashiga iyo wada shaqaynta dowladda federaalka ah ee dhammaan dhinacyada maamulka Muqdisho gudaheeda iyo weliba gaar ahaan qorshaynta, horumarinta iyo maareynta dhulka, xafiiskyada iyo guryaha iyo dhismayaasha kale iyo maareynta gaadiidka ka hawl gala magaalada gudaheeda iyo daafaheeda ee inta badan loo adeegsado danaha dowladda federaalka ah. (2) Si ay gacan uga gaystaan fulinta waajibka ku xusan qaybtan, waa in wada ajir u dhisaan Golaha Qorshaynta iyo Horumarinta ee Wadajira oo ka kooban tiro is le’eg oo xunbo ka kala socda maamulka magaalada iyo dowladda federaalka ah, golahaas oo shaqadiisu noqonayso qorsheynta, maareynta iyo jaangoynta horumarka xerooyinka (dhismooyinka) waaweyn si ay ugu shaqeyso dowladda federaalka ah ayna u noqoto halka ay ku yaallaan xafiisyada ayna ka socdaan hawlaha dowlad goboleedyada si waafaqsan qorshaha horumarinta guud ee Muqdisho iyadoo ujeeddada ugu weynina tahay in deegaan nabad, bedqab, ammaan, oo la joogtayn karo ay uga helaan dadka ku nool iyo kuwa ka shaqeeya Muqdisho. (3) Qodobada Jadwalka Labaad ee qeexaya cidda ay ka kooban yihiin, shaqada iyo xeerarka Golaha Wadajirka ah ee Qorshaynta iyo Horumaritna waa in lagu dhaqmaa. Qodobada ay tahay in loo fiirsado ee Cutubka 4 Cutubkani wuxuu ku saabsan yahay shaqaalaha ka hawl galaya magaalada: xildhibaanada iyo xubnaha xarunta danaha madaniga ah, sidaa awgeed cutubkani waa bu’da dowladda degaanka magaalada. Arrinta ugu weyn ee Cutubkani waa xarunta (waaxda) danaha madaniga ah ee la isku raacay kulankii kooxda farsamada yeesheen bishii Juunyo. Qaybta 1aad waxay ku saabsan tahay xarunta xildhibaanda, arrimaha muhiimka ah ee la tixgelinayo marka la eegayo shuruudaha xil 25


qabashada iyo kuwa xil-qaadista cidda xubin ka noqonaysa xarunta danaha madaniga ah taas oo lafteed aad loo falanqeeyay Juunyo. Gaar ahaan, waxa jiray aragti cad oo sheegeysa in ay habboon tahay in dadwaynuhu talo ka dhiibtaan cidda noqonaysa xildhibaan golaha degaanka ah, arrintana waxa lagu xusay qodobada 19 iyo 20 oo loo baahan yahay si fiican loo tixgeliyo. Qodobada kale ee muhiimka ahi waa 24- dib ugu yeeridda xildhibaanka – iyo qodobka 27- waajibaadka xildhibaanka iyo qodobka la siman ee 28- waxyaabaha ka reeban xildhibaanka. Qaybta 2aad waxay ku saabsan tahay xarunta danaha madaniga ah. Aad ugu fiirso dhismaha- tirada xubnaha iyo cidda xubno ka noqon karta- iyo shaqooyinka xarunta kuwaas oo asal ahaan ah mid la-socod. Ma tahay in shaqooyinkaa aad loo sii qeexo? Badi tallaabooyinkaas iyo hawlahaaasi waxay ka dhacayaan xarunta xildhibaanada laakiin ma in la sii faahfaahiyo baa si ay xarunta danaha madaniga ahi aanay shaqadeedu u noqon uun mid la socod? Qaybta 3aad waxay ku saabsantahay arrimaha labada xarumood ka dhexeeya. Dhammaantoodana kuwani waa qaar aan wax muran ahi ka imanayn laakiin loo baahanyahay in si aad ah loogu fiirsado qodobka 37- ka baaqashada hawlaha golaha iyada oo ay taasi sabab u tahay dano gaar ah ama dano xisaabeed iyo maaliyadeed iyo qodobka 38- shaqo ka joojinta iyo eryidda xildhibaanda iyo wakiillada. CUTUBKA 4 Dhismaha Xubnaha Golaha Degaanka Muqdisho Qaybta 1 Xarunta xildhibaanada magaalada Dhismaha xubnaha golaha degaanka magaalada 15. Golaha degaanka magaaladu wuxuu ka koobnaanayaa laba qaybood (aqal) oo kala ah: (b) Qaybta xildhibaanada golaha oo ay dadka magaalada Muqdisho si toos ah u soo doortaan; (t) Qaybta danaha madaniga ah oo xubnaheeduna lagu soo xulanayo si waafaqsan qaybta 26.

26


Qaybta xildhibaanda 16. (1) Qaybta xildhibaanada goluhu waxay ka koobantahay 48 xildhibaan. (2) Degmo kasta waxa laga soo dooranayaa saddex xildhibaan oo ugu yaraan midkood tahay ruux dumar ah oo ugu yaraan midkoodna yahay rag. Shuruudaha xildhibaanada 17. (1) Qofka u tartamaya jaga xildhibaan gole degaan waa inuu buuxiyaa shuruudahan – (b) inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed; (t) in uu yahay qof codeyn kara uuna ku jiro diiwaanka codbixiyeyaasha doorashooyinka Soomaaliya; (j) in uu yahay kuwan soo socda midkood (i) qof deggan degmada uu jagadeeda u tartamayo; ama (ii) ugu yaran 5 sano oo 10 kii sanadood ee ka horeeyay doorashada deganaa degmada uu jagadeeda u tartamayo; ama (iii) ugu yaraan 5 sano oo ka mid ah 10kii sano ee u danbeeyay degmada u hayay shaqo, hawlo mutadawacnimo, qoyskiisa ama qoladiisu deganyihiin, ama si kale arrimaha la mid ah ugu xirnaa degmada uu jagadeeda u tartamayo; (x) waa in aan da’diisu ka yareyn 25 sanadood taariikhda doorashadu dhacayso; (kh) akhirin karaa qorina karaa Af-Soomaaliga (Far-Soomaaliga); iyo (d) in uu ku dhaarto qofkaasi in aanu ka qayb qaadanin qalalaasihii sharci darrada ahaa ee siyaasadeed ama dowladeed ilaa 1991. (2) Xalaado gaar ah awgood ayaa Guddiga Doorashooyinu waxay ka fududayn kartaa sharuudaha looga baahan yahay qofka tartarmaya sida ku cad faqrada (kh) ee qodobka (1) haddii ay caddaato in qofkaasi shaqadiisa iyo waxtarka uu u leeyahay bulshadu ay muujiyaan inuu wax weyn ku biirin karo shaqada golaha degaanka. Ka soo bixid la’aanta shuruudaha lagu noqon karo xildhibaanka golaha degaanka 18. Qofka uma istaagi karo in loo doorto xildhibaanimada golaha degaanka magaalada haddii – (b) aanu ahayn muwaadin Soomaali ah; (t) sharci ahaan loo caddeeyo in aan maskaxdiisu fayoobayn; 27


(j)

(x)

(kh) (d) (r) (s)

(sh) (dh)

ay ku cadaato in denbi lagu helay 10 sanadood ee u dambeysay oo uu dalka ka galay sida musuq maasuq, khiyaamo, been-abuur, fal dembiyeed gacan ka hadal ah ama akhlaaqda wax u dhimaya oo uu ku mutaystay xarig muddo aan ka yarayn sanad haddii la xiro iyo haddii kaleba; ay ku cadaato inuu galay fal danbiyeed la xiriira musuq maasuq, wax is dabamarin arrimaha doorashada ah oo uu ku doonayo inuu ku soo galo golaha degaanka Soomaaliya gudaheeda ama dibaddeeda ka dhacday 10 sanadood ee u danbeeyay; haddii Guddiga doorashadu ku helaan inuu ka been sheegay warbixinta uu ugu soo gudbiyay waraaqaha (foomamka) doorashada; Haddii uu musalifey, faro-maran yahay ama si kaleba uu u awoodi waayey inuu iska bixiyo daymaha lagu leeyahay; Haddii sabab kastaa ha keentee uu lumiyo xaqiisa codbixinta; Haddii uu iska bixin kari waayo kiro, ujuurooyin ama deyn kale oo ay ku leeyihiin laamaha dowladdu oo laga sugayay in ka badan muddo saddex bilood ah; Haddii uu buuxin waayo qodobada ku xusan qaybta....; Haddii uu yahay shaqaale mushahar ka qaata golaha degaanka ee uu doonayo inuu isu soo taago doorashadeeda.

Baahinta/faafinta qofka u tartamaya xildhibaanimada 19. (1) Qof kasta oo doonaya inuu u tartamo doorashada golaha degaanku waa in uu foomka/waraaqaha codsiga doorashada oo ay ku qoran yihiin faahfaahinta ku cad qaybaha 17 iyo 18 oo ay la socdaan saxiixyada iyo magacyada ugu yaraan toban qof oo isaga taageersan u soo gudbiyaa Guddiga Doorashada ugu yaraan lix toddobaad ka hor maalinta doorasha. (2) Liis ay ay ku qoran yihiin dhammaan dadka isu so sharaxay doorashooyinka golaha ayaa waxaa daabacaya/baahinaya Guddiga Doorashooyinku todobaad gudihiisa kaas oo ka bilowda maalinta ay ku eg tahay qabashada foomamka/waraaqaha lagu xusey qayb-hoosaadka (1) Dacwad ka keenidda musharaxiinta 20. (1) Qof kasta oo cod-bixiye ah oo deggan degmada uu musharax uu u soo gudbiyey foom doorasho waxa uu muddo toddobaad ah oo ka bilaabata marka la baahiyo liiska musharaxiinta, uu dood ka keeni karaa saxnaanta waraaqda musharaxa ama dhaarta 28


uu galay musharaxa ama waxaa uu ku eedeyn karaa in sumcadda ama dhaqankii hore ee musharaxaa ay keeneyso in musharaxaas ay tahay in aan loo oggolaanin inuu isku soo taago doorashadaas isaga oo dacwaddiisa ka dhanka ah musharaxa qoraal ama af ugu gudbiya Guddiga Doorashooyinka isaga oo ku soo bandhigaya dacwadda ka dhanka ah musharaxa. (2) Marka ay timaado dacwad waafaqsan qayb-hoosaadka (1) Guddiga Doorashooyinku waa in, haddii aanay u caddaanin in cabashadu tahay been abuur iyo sumcad dilid, uu ku wargeliyaa musharaxa dacwadda laga soo gudbiyey uuna siiyaa fursad uu iskaga difaaco maamulka hortiisa iyada oo fadhigaana uu ka soo qayb galayo sarkaal sare oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinku. (3) Qofka dacwadda soo gudbiyay wuu ka soo qayb geli karaa fadhiyada noocaas ah dooddiisana waa ka dhiiban karaa. (4) Qofka dacwadda soo gudbiyay iyo musharaxa labaduba maragyo waa ay keeni karaan. (5) Sarkaalka dawcada dhagaysanayaa isagaa go’aan ka gaaraya arrinta marka uu labada dhinacba dhegeysto. (6) Labada dhinacba racfaan way u qaadan karaan Guddiga Doorashooyinka oo dhegeysanaya labada dhinacba oo go’aanna ka gaaraya racfaanka. Doorashada xildhibaanada degaanka 21. (1) Dhammaan xubnaha golaha degaanka waa in lagu doortaa doorasho la qabto oo ujeeddadeedu waafaqsan tahay qodobada xeerka markaa jira ee doorashada xubnaha maamulka dowladdaha hoose. (2) Doorashooyinka caadiga ah waxa la qabanayaa inta aanay dhammaanin muddada xilka golaha markaa shaqaynayaa xubnaha la doortayna waa in aanay xilka la wareegin ilaa xubnihii hore ee golaha muddadoodu ay dhamaato. (3) doorashada caadiga ah ee xildhibaanada golaha degaanka magaaladu waxay dhacaysaa mudo sanad gudihii ah marka xeerkan lagu dhaqan galiyo wareego toos uga soo baxday wasiirka wixii intaa ka danbeeyana afartii sanoba mar ayaa la qabanayaa. 29


Muddada xilka xildhibaanada 22. (1) Muddada xilka xildhibaanada golaha degaanku waa afar sanadood. (2) Xildhibaanada waxa uu dhammaantood xilku ka wada dhammaanayaa afartii sanadoodba mar, afar maalmood ka dib maalinta doorashada caadiga, waxaana xildhibaanada la doortayna waxay xilka la wareegayaan maalinta ay kuwii hore xilkoodu dhammaado. (3) Si waafaqsan sida ay dhigayaan qodobada qaybaha 17 iyo 18, xildhibaanku mar labaad doorashada waa uu isu soo taagi karaa. (4) Marka doorasho ku celin ah loo qabto hal jago oo xildhibaan, qofka la soo doortaa wuxuu xilka haynayaa inta ka hartey muddada xilka xubintii uu beddeley. Iscasilaada xildhibaanada deegaanka 23. Xildhibaanku wuu iska casili karaa golaha degaanka isagoo duqa magaalada ku wargalinya is casilaadiisa oo qoraal ah. Xil kala noqoashada xildhibaanka 24. (1) Haddii tiro aan ka yarayn toban meeloodoow meel dadkii degmada laga soo doortay xildhibaanku ay soo u soo gudbiyaan Guddiga Doorashooyinka qoraal ay ku dalbanayaan in xildhibaankaa xilka lagala noqdo, xildhibaankaa waxa loo arkayaa inuu ka soo bixi waayey xilkiisa xillibaanimada degaanka. (2) Sababaha xil kala noqoshada xildhibaanku waa in uu– (b) xildhibaanku u gudan waayo waajibaadkiisa si waafaqsan xeerkan; ama (t) uu u dhaqmay si aan ku habboonayn xilkiisa xubinimo ee golaha degaanka; ama (j) uu ka baaqsado in uu caddeeyo hantidiisa iyo danahiisa dhaqaale sida uu dhigayo Xeerkani oo ah in uu xildhibaanku shaaca ka qaado. (x) la muujiyo in uu been ugu dhaartay qodobbada qaybta 17(1)(d). (3) Dacwad xil kala noqosho oo ka dhanka ah xildhibaanka looma gudbin karo Guddiga Doorashooyinka: (a) ilaa ugu yaraan 12 bilood ay ka soo wareegato xiligii la soo doortay xildhibaanka laga cabanayo; ama 30


(b)

waqti kasta oo 12ka bilood ee ka horreeya doorashada caadiga ah ee uu gelayo xildhibaanka dacwadda laga soo gudbinayo.

Xilka banaanaada 25. (1) Xilka banaanaada waxa uu dhacayaa uuna uu ku dhawaaqayaa Duqa magaalada marka xildhibaan – (b) geeriyoodo; (t) la ogaado in aanu buuxinin shuruudihii looga baahnaa xildhibaanka; (j) marka uu jabiyo shuruudaha ku cad qaybta 18; (x) doorashaddii ay maxkamada ama gole kale oo awood u lihi ay ku dhawaaqaan in ay sharci darro ahayd si waafaqsan xeerka markaa jira ee doorashada xubnaha maamulka dowladaha hoose; (kh) dadkii soo doortay ay xilka kala noqdaan; (d) iska casilo xilka; (r) uu muddo saddex bilood ah ka baaqdo fadhiyada golaha, ama guddiga joogtada ah ee golaha oo ay ka mid yihiin guddiyada kala duwan ee goluhu, haddii aanu marka hore golaha u oggolaanin in xildhibaanku uu muddadaa maqnaan karo. (2) Xoghayaha Fulintu ayaa xilka banaanaada ku wargelinaya Duqa marka uu haysto sabab uu ku aamino in xil bannaanaadey ay tahay in lagu dhawaaqo si waafaqsan qayb-hoosaadda (1). (3) Marka xil banaanaado, doorasho gaar ah oo lagu buuxinayo waa in lagu qabtaa muddo laba bilood gudahood ah marka Duqu ku dhawaaqo banaanaankta xilkaa sida ku cad qayb-hoosaadka (1). (4) Si waafaqsan qayb-hoosaadka (1)(d) waxa xeerkani caddeynayaa in goluhu awood u leeyahay fasax inuu siiyo xildhibaanka muddo gaareysa 6 bilood oo ka mid ah 12 bilood oo isku xigta. Qabashada xilka 26. Qofka loo doortay xildhibaan, inta ka horaysa fadhiga koowaad ee uu ka qaybgalayo waa inuu Xoghayaha Fulinta u gudbiyaa qoraal sidii loogu talogaley u qoran oo saxiixan kaas uu ku caddaynayo inuu aqabalay xilka xildhibaannimada iyo inuu si daacad ah oo waafaqsan Xeerkan iyo dhammaan Xeerarka u habboon shaqada 31


xildhibaanimada degaanka, xeerarka shaqada iyo xeerka anshaxa ee qeexaya waajibaadkiisa uu u gudan doono shaqadiisa. Waajibaadka xildhibaanka 27. (1) Xildhibaanku waa inuu sida ugu fiican ugu dadaalaa inuu ugu shaqeeyo dadka Muqdisho, oo uu danahooda iyo xuquuqdooda xoojiyaa si ay u hagaagto xaaladdooda ammaan, dhaqaale, deegaan iyo wanaagga bulsho ee dhammaan dadka magaalada iyadoo aan cidna la takoorayn, xildhibaanku marka uu waajibaadkiisa guud gudanayo waa in uu– (b) ilaaliyaa danta qaranka; (t) ku dhaqmaa xeerka anshaxa xildhibaanada; (j) si joogto ah ula xiriiro dadka soo doortay oo uu dadka degamadiisa ku wargeliyaa arrimaha lagaga tashanayo golaha iyo inuu ku dadaalo in aragtidooda uu u gudbiyo golaha degaanka; (x) u cayimaa waqti ugu yaraan laba saacadood toddobaadkiiba laba maalmood ah uuna u sheegaa goobtii ay xildhibaanku kula kulmi lahaa dadka soo doortay haddii uu shakhsi yahay iyo haddii kooxi tahaba si ay ugala hadlaan kala hadlo dhibaatooyinka ama arrin kasta oo jirta oo ay dadkaasi doonayaan in ay kala hadlaan; (kh) in uu dabogalo oo uu la soo qaado saraakiisha golaha degaanka ee ay khuseyso arrin kasta oo saameysa qof degmada deggan taas oo ka dhalatey adeeg uu golaha degaanku bixiyo oo uu qof uga soo cawdey xildhibaanka; (d) inuu daba galo arrin kasta oo dadka degmada xildhibaanka laga soo doortay kaga xiranta ururada adeegyada bixiya ee uu qof degaanka deggan la soo qaado xildhibaanka ; (r) ugu yaraan laba bilood ka hor inta aanu golaha degaanku u fariisan jaangoynta miisaaniyadda, waa inuu abaabulaa kulamo bulsheed oo degmadiisa ka dhaca si uu u helo aragtida dadka degmada ee ku aaddan baahiyaha degmada ka jira iyo sida ugu fiican ee maaliyadda golaha degaanka iyo maaliyado kaleba loo heli karo loona bixin karo si wax looga qabtobaahiyahaas; (s) si joogto ah warbixin u siiyo dadka degmada xildhibaanka laga soo doortay oo uu gaarsiiyo arrimaha la xiriira go’aamada iyo hawlaha goluhu qabtey ee wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka ay soo sheegeen dadk degmada deggan;

32


(sh)

(dh) (c)

haddii golaha degaanku qoondeeyo lacago loogu talo galay in la siiyo kooxo ka mid ah bulshada degmo deggan si ay ugu fushadaan mashaariic bulsheed, waa inuu isku xiraa dadka degmada laga soo doortay iyo golaha degaanka xiriirintaas oo ku saabsan dhinaca fulinta mashaariicdaas; ka qayb galo fadhiyada golaha, gudiyada iyo dhammaan kulamada kale oo uu fikradahaas iyo talooyinkaas ka soo jeediyaa kulamadaas; in uu door muuqda ka qaato hawlaha horumarinta degaanka iyo bulshada ee ka socda degmada uu matelo xildhibaanka.

(2) Haddii xildhibaanku ku qanci waayo sida uu sarkaal golaha degaanka ka tirsani wax uga qabtay arrin mid ka mid ah dadka degmada xildhibaanka laga soo doortay ahi ka soo cawday, xildhibaanku wuxuu xaq u leeyahay inuu – (b) ku wargaliyo Xoghayaha Fulinta sida aanu ugu qanacsanayn arrinta iyo sababta keentay; iyo (t) uu keeno in arrinta la soo hordhigo kulanka ugu horreeya ee ay yeeshaan guddiga golaha degaanka ka tirsan ee awoodda u leh arrintaas. Arrimaha ka reeban xildhibaannada 28. Xildhibaanka waxa ka reeban inuu – (a) isku dayo in uu amar siiyo ama farogeliyo shaqada saraakiisha iyo shaqaalaha golaha degaanka; (t) marka hore u sii sheego qof ama dadba sida uu codkiisa uga dhiiban doono arrimiha lagu falanqeyn doono fadhiyada ay yeelan doonaan guddiyada golaha degaanka ama guddi hoosaadyada kale; (j) u ololeeyo ama isku dayo inuu saameyn ku yeesho golaha degaanka, guddiyada golaha ama gudi hoosaadyada golaha degaanka si ay – (i) qof u magacaabaan xafiis ka mid ah xafiisyada golaha degaanka; (ii) qandaraasyada alaabta iyo adeegyada goluhu u baahanyahay la siiyo qof ama urur; (iii) ay qof ama urur siiyaan ama u diidaan fasaxa ama shati ay ku qabanayaan hawlo gaar ah taas oo uu golaha degaanku awood uu u leeyahay in uu bixiyo shati ama oggolaansho; (x) inuu aqbalo alaabo ama adeegyo lacag la’aan ah oo uu ka helo ururo ama qof ka iibiya ama soo codsadey qndaraas ama ay u badan tahay in uu ka soo codsado in uu qandaraas ka helo uu kaga iibinayo alaabo ama adeegyo uu ka helo golaha degaanka haddii aan alaabadaas iyo adeegyadaan aan 33


(kh)

lacag la’aan lagu wada siinin dhammaan xildhibaannada degaanka si aan qarsoodi ahayn; inuu qaado tallaabo ama ku lug yeesho falal la mid ah ama ujeeddadoodu tahay waxyaabaha lagu mamnuucay qaybtan. Qaybta 2 Xarunta Danaha Madaniga ah

Dhismaha xubnaha xarunta danaha madaniga ah 29. (1) Xarunta danaha madaniga ahi waxay ka koobantahay 50 wakiil oo kala ah sidan: (b) Labaatan oday dhaqameed oo ka wakiil ah dadka iyo beelaha deggan degmada; (t) Toban wakiil oo ka socda ururada aan dowliga ahayn iyo kuwa bulshada ee adeegyada siinaya dadweynaha deggan Muqdisho; (j) Toban wakiil oo ka socda ururada ganacsatada iyo baayac mushtariga ee ka hawl gala Muqdisho; (x) Toban wakiil oo ka socda ururada dadka xirfadleyaasha ah. (2) Marka laga reebo wakiillada lagu sheegay faqrada (b) ugu yaraan wakiilada kale afar ka mid ahi waa inay noqdaan dumar waxaana ugu yaraan afar kale oo wakiillada ka mid ahi noqonayaan rag. Xulida xubanaha xarunta danaha madaniga ah 30. (1) Si waafaqsan qodobada qaybta, ayaa wakiilada ku xusan qaybta 30 waa inay soo xulaan ururada ay wakiilka ka noqonayaan. (2) Qodobada ay waajib tahay in raaco marka la soo xulayo wakiilladu waa kuwan soo socda: (b) Qodobada qaybta 17(1)(b),(t)(x) iyo (kh) qaybta 18 iyo qaybta 20 ayaa qeexaya shuruudaha qof kasta oo loo soo magacaabayo inuu noqdo wakiil; (t) Odayaal dhaqameedku waa inay si caddaalad ah isugu dheelitiran yihiin oo u matalayaan beelaha kala duwan ee ku dhaqan ee danaha dhaqan ku leh magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda;

34


(j)

(x) (kh)

Hal qof wax ka badan lagama soo xuli karo ururrada aan dowliga ahayn, kuwa bulshada ku dhisanba ama ururrada kale ee ganacsatada iyo baayac mushtariga; waa in si cadaalad ah la iskugu dheeli tiraa wakiillada urarrada kala duwan ee lagu sheegay faqradaha (t) (j) iyo (x); Urur kasta oo qof u soo magacaabaya inuu u noqdo wakiil waa inay magaca qofkaasi iyo warbixin kooban oo ka hadlaysa waxqabadkiisa soo gudbiyaan ugu yaraan lix toddobaad ka hor inta aanu qofkaasi noqonin wakiilka.

Muddada xilka wakiillada 31. (1) Muddada xilka wakiilladu waa afar sanadood haddii aanu qofka wakiilka ahi uusan is cassileynin ka hor inta aaney dhammaan muddadaa afarta sano ah. (2) Marka wakiil is casilo, qofka lagu badalaa waa inuu xilka hayaa muddo afar sanadood ah. (3) Wakiilku waxa uu isu casili karaa isaga oo warqad is casilaaddiisa u soo gudbinaya ururkii soo magacaabay (4) Qodobada qaybta 25(1) (b),(t),(j),(x) iyo (r) ayaa qeexaya sida wakiiladu ay xilkooda ku waayi karaan haddii qof uu ku xadgudbo mid kasta oo ka mid ah qodobadaa. Shaqooyinka xarunta danaha madaniga ah 32. (1) Shaqooyinka xarunta danaha madaniga ahi waxay noqonaysaa (b) in ay xaqiijiyaan in danaha guud ee magaalada iyo gobolkaba ay ku hor maraan tallaabooyinka uu qaado iyo go’aamada uu gaaro golaha degaanku; (t) in ay gacan ka geystaan isku duwidda bixinta adeegyada madaniga ah ee dadka ku dhaqan magaalada ay ka helayaan qaybaha ku jira xarunta danaha madaniga ah iyo golaha degaankaba; (j) in ay xaqiijiyaan in danaha qaybaha ku jira xaruntu danaha madaniga ah lagu wada xisaabtamo marka go’aamo iyo tallaabooyin uu golaha degaanku qaadayo; (x) in ay la socdaan hawlaha iyo waxqabadyada golaha degaanka ee magaalada; (kh) in ay ansixiyaan miisaaniyad sanadeedka golaha degaanka magaalada;

35


(d)

in ay dhex dhexaadiyaan oo heshiisiiyaan haddii khilaaf ka dhex aloosmo golaha degaanka magaalada iyo dadka degaanka ah ama kooxo ka mid ah dadka degaanka;

(2) waxa ay: (b)

Iyaga oo fulinaya shaqooyinka lagu qeexay qayb hoosaadka (1) xaruntu

(t)

(j)

iyaga oo sii maraya guddoomiyahooda u yeeri karaan Duqa magaalada, guddoomiyaha guddi kasta ama sarkaal kasta oo sare si uu u horyimaado xubnaha xarunta oo uu uga jawaabo su’aalaha ay weydiiyaan oo si buuxda oo runta waafaqsan uga sheego; in ay xarunta u sammeeyaan guddiyada ay u arkaan in ay xoojinayaan kartida iyo gudashada waajibaadkooda; waase in: (i) guddiyadaasi ay ku jiraan ugu yaraan hal wakiil oo ka socda ururada lagu sheegay qaybta 30(1); iyo (ii) aan wakiilkiiba ku jiraynin wax ka badan laba guddi; in ay sameeyaan guddi dhexdhexaadin iyo heshiisiin ka gala wixii khilaafaad ah ee ka aloosma magaalada gudaheeda

Qaybta 3 Qodobbada ku saabsan shaqada golaha degaanka ee khuseeya xildhibaannada iyo wakiillada Sharcinimada falalka golaha iyo saraakiisha 33. (1) Dhammaan falalka golaha ama qof haya xilka Duqa, Duq ku xigeen, xildhibaan, Xoghaye Fulineed ama sarkaal kale oo ka tirsan kolba sidii ay tahay waxa ay, iyadoon la eegayn in doorashadiisii xildhibaanka ama magacaabistiisii wakiilka ay noqonayaan wax ka khaldanaayeen ay noqonayaan kuwo sax ah oo saameyntooda leh sidii ay ahaan lahaayeen haddii qofkaasi uu ahaan lahaa xildhibaan si sax ah loo soo doortay ama wakiil si sax ah loo soo magacaabay. (2) Fal kasta, dacwad ama wax kale oo uu qaado goluhu ama ka dhan ah golaha saameyn kuma yeelanayso sharci-darrada doorashada xildhibaan ama magacaabista wakiil laakiin waxaa loo qaadayaa loona xukumayaa dacwadda sidii in sharci-darranimadaasi aaney meesha ku jirin. Awoodda bixinta ujuurooyinka iyo kharashkaadka xildhibaanada iyo wakiillada 36


34. (1) Golaha degaanku, isagoo tixgelinaya qiimaha sida uu u jaray Wasiirku marka ay la tashadaan Wasiirka markaa haya xilka maaliyadda waxay bixin karaan (b) mushaharka (ujuurooyinka) (i) duqa iyo ku xigeenadiisa inta xilka hayaan; (ii) xildhibaanada iyo wakiillada; (t) gunooyinka Duqa iyo ku xigeenadiisa, xildhibaanada iyo wakiillada ee la xiriira safarada, jiifka, habeen-dhaxyada, iyo kharashka toos jeebka qofka uga baxa ee ay galaan marka ay xilkooda gudanayaan, waase in (i)

ay ku safreen habka ugu jaban ee u habboon bedqabkooda, amaankooda, iyo gaarista waqtigii la rabey halka ay u socdaalayaan; iyo (ii) aan ujuuro ama kharash la siinin xildhibaan ama wakiil taas oo la xiriirta safar ama hawl Soomaaliya dibaddeeda ka dhacda haddii uusan si cad hore ugu oggolaanin Wasiirka iyada oo aan oggolaanshahaasi hore aan si sabab la’aan ah loo diideynin. (j) Kharashaadka aan caadiga ahayn si waafaqsan sida uu dhigay qodobbada qaybt-hoosaadda (2) (2) Ma jireyso wax lacag ah oo la siinayo Duqa, ku xigeenadiisa, xildhibaan ama wakiil taas oo ah qarash aan caadi ahayn oo ay galeen xilli ka baxsan xiliyada lagu qeexay qayb-hoosaadka(1) haddii aan rasiid saxiixan oo ay la socoto faahfaahini sababaha qarashka aan caadiga ahay lagu galay la soo gudbinin. Xeerka anshaxa xildhibaanada iyo wakiilada 35. (1) Golaha degaanku waa in ay diyaariyaan xeer anshax oo ay ku dhaqmaan dhammaan xildhibaanada, wakiilada iyo xubnaha kale ee la magacaabey ee goluhu. (2) Xeerka anshaxa waa inay ku jiraan hantida maaliyadeed iyo hantida kale ee shakhsiyaadka lagu xusay qaybtan ay tahay in ay ku diiwaan teliyaan diiwaanka danaha/hantida. (3) Marka xeerka anshaxa la diyaariyo, golaha degaanka iyo golayaasha degmooyinku waa inay qaraar rasmi ah ku dhaqangeliyaan xeerka anshaxa. (4) Marka xeerka anshaxa la dhaqangeliyo waxaa uu qabanayaa dhammaan xildhibaanada markaa xilka haya iyo kuwa mustaqbalka ee golaha degaanka magaalada 37


iyo kuwa degmooyinka iyo dhammaan wakiillada xarunta danaha madaniga ah ee magaalada. Diiwaanka danaha/hantida 36. (1) Xoghayaha Fulint ayaa furayaa oo haynayana diiwaan lagu qoro danaha/hantida xildhibaanada, wakiilada xarunta danaha madaniga ah iyo dhammaan xubnaha kale ee golaha degaanka. (2) Xildhibaanku muddo bil gudaheed ah marka loo doorto golaha degaanka ee magaalada waa inuu danihiisa maamuliyadeed iyo kuwa kale ee lagu qeexey xeerka anshaxa in loo baahan yahay in la diiwaan geliyo uu ku qoraa diiwaanka danaha.. (3) Xildhibaanka marka la sameynayo diiwaanka hantida/danaha xilka hayaana waa inuu diiwaan geliyaa danihiisa maaliyadeed oo galiyaa diiwaanka danaha ee golaha degaanka muddo bil ah gudaheed oo ka bilaabata marka diiwaankaa la sameeyo. (4) Wakiilku muddo bil gudaheed ah marka loo soo magacaabo xarunta danaha madaniga ah waa inuu diiwaanka golaha degaanka magaalada ku diiwaangeliyaa danihiisa maaliyadeed iyo danaha kale ee uu xeerka anshaxu qeexey in loo baahan yahay in la diiwaan geliyo. (5) Diiwaanka danaha waa in ay eegi karaan dhammaan xubnaha bulshada oo uu u furnaadaa saacado maangal ah oo la dhigaa xarunta weyn ee golaha degaanka magaalada. Kaga baaqashada ka-qaybgalka hawlaha golaha dano gaar ah awgood 37. (1) Haddii xubin golaha degaanka ka mid ah oo si dadban iyo si toos ah dano dhaqaale uga lehi qadrasaas, qandaraas la soo jeediyey ama arrin kale oo xubintaasina ay joogto kulan goluhu ama guddi kale oo golaha ka mid ah kaga xaajoonayaan qandaraaska, qandaraaska la soo jeediyey ama arrin kale, waa in xubintaas marka ugu horaysa ee suurtogal tahay ee uu kulanku bilaabmo, uu shaaca ka qaadaa arrinta jirta kamana qayb qaadanayo mana joogayo halka arrintaas looga tashanayo mana u codeyn karo su’aal kasta oo la xiriirta qandaraaskaas, qandaraaskaas la soo jeediyey ama arrin kale, si waafaqsan qodobada qayb-hoosaadka (2).

38


(2) Qaybtani ma khuseyso danaha qandaraasyada, qandaraas la soo jeediyey ama ama arrin kale oo xubinta golaha ka mid ahi uu ku helayo canshuur ama kiro bixiye ahaan ama qof degaan golahaas hoos yimaadaa deggan ahaan, ama dano ku saabsan arrimo kale oo xaqa helidda adeegyada, ay ka mid yihiin alaabo la bixinayo ay wada yeelihiin dhammaan dadweynaha. (3) Qaybtan marka la joogo, waxa xubin golaha ka tirsan loo qaadanayaa in uu dano maaliyadeed oo toos aan ahayn ku leeyahay qandaraas, qadaraas la soo jeediyey ama arrin kale, haddii xubintaas ama qof ka tirsan qoyskiisu uu xubin ka yahay shirkadda ama uu wax ku leeyahay shirkadda la siinayo qandaraaska ama la soo jeedinayo in la sameeyo ama uu dano maaliyadeed oo toos ah uu ku leeyahay arrinta kale ee la tixgelinayo; halka qofkaas uu yahay qof ay wada-shaqeystaan ama uu u shaqeynayo qof la siinayo qandaraaska ama la soo jeediyey in la siiyo ama ku leh dano dhaqaale oo toos ah arrinta kale ee la tixgelinayo.

(4) Qaybtani marka la joogo, dano toos ah ama dano aan toos ahayn oo uu xaas ama xubin kale oo qoyska xildhibaanka ka mid ah waxa, haddii uu xubintaas ka mid ah goluhu uu arrinta la socdo, loo qaadanayaa in ay tahay dano gaar ah oo toos ama toos aan ahayn oo uu xildhibaanku leeyahay. (5) Xubin kasta oo diida ama raaci waayo qayb-hoosaadka (1) (b) waxa uu galey dembi waxaana marka lagu helo uu muteysanayaa ganaax aan ka yarayn hal malyan oo shilin ama xarig aan ka badnayn hal sano ama labadaba; (t) waxa u wehelineysa iyada oo ka madax-bannaan dembi kasta oo ka baxsan qaybtan in laga xayuubiyo in uu xubin ka sii ahaado golaha iyo (j) in uu golaha u soo celiyo faa’iido kasta oo ay xubintaasi ka heshey qandaraas ama arrintaas noocaas oo kale ah. (6) Qaybtan marka la joogo, xubin ka mid ah qoyska xubin xildhibaanka golaha ahi waa mid kasta oo ka mid ah xaasaska ama lamaanayaasha dheddiga ah ee xubinta golaha ka midka ah ee labka ah,, aabbihii, hooyadii, adeer, eeddo, habaryar, carruur uu dhaley, walaalka ama walaasha ama qof ay is qabaan ama lammaane u ah aabbaha, hooyada, adeer, abti, eeddo, habaryar, walaalka ama walaasha xubintaa iyo 39


sidoo kale marka laga hadlayo xubin lab ah oo ka tirsan golaha , lammaanaha dheddig ee xubintaas labka ah iyo waxaana walaalka iyo walaasha ku jira kua ay isku aabbaha ama hooyada oo keliya yihiin. Shaqo ka joojinta iyo eryidda xildhibaanada iyo wakiillada 38. (1) Saraakiisha madaxda ka ah golaha degaanka iyo xarunta danaha madaniga ah waxa ay ka joojin karaan wakiil ama xildhibaan in uu ka qaybqaato hawlaha golaha haddii lagu soo eedeeyo inuu u dhaqmey mid kasta oo ka mid ah siyaabaha soo socda: (b) ugu dhaartay been qodobka 17(1)(d); (t) ku fadqaladeeyey fadhiyada golaha ama wakiillada falal, dhaqamo ama hadallo keeni kara ama lagu talogaley in ay keenaan isku dhac dhex mara (j) (x) (kh) (d) (r)

xubnaha golaha iyo xarunta wakiillada; ku xadgudbey xilkiisa xildhibaanimo ama wakiilnimo; uusan caddeyn dano uu ku waajibinayey in uu caddeeyo qaybta 38; ku kaco falal musuq maasuq; isaga oo ah xildhibaan, haddii si joogto ah u gudan waayo waajibaadkiisa isla markaana cudur daar maangal ah keeni waayo si waafaqsan qaybta....; haddii wakiilka ama xildhibaanku ku kaco falal sumcadda golaha degaanka wax u dhimaysa;

(2) Shaqo ka joojintu waxa ay noqoneysaa mid aan ka badneyn muddo hal bil ah oo ah inta uu go’aamiyo sarkaalka madaxda ahi. (3) Marka laga soo gudbiyo mooshin qoraal ah oo ay saxiixeen ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha goluhu ama haddii ay u habboon tahay xubnaha xarunta danaha madaniga, waxa uu goluhu ama xarunta danaha madaniga soo jeedin karaan in xubin uu shaqada ka joojiyey sarkaalka madaxda ah, waxaa (b) shaqada laga joojinayaa xubintaa mudo kale oo ilaa hal bil ah; ama (t) laga qaadayaa xilka xildhibaannimada ama wakiilnimada waxaana uu sidaa ku weynayaa xubinnimada golaha. (4) Marka laga doodaya mooshinka lagu sheegay qayb-hoosaadka (3) xildhibaanka ama wakiilka mooshinka lagu soo oogay waa in la siiyaa fursad uu kaga hadlo oo uu iskaga difaaco ka saaridiisa golaha.

40


(5) Mooshinka qaybtan lagu sheegay haddii ay ansixiyaan aqlabiyada xilidhibaanada ama wakiiladu waa in la meel mariyaa. (6) Xildhibaanka ama wakiilka xilka lagaga xayuubiyo mooshinka lagu sheegay qayb-hoosaadda (4) waxa uu xaq u leeyahay inuu racfaan u qaato maxkamadda.

Qodobada ay tahay in loo fiirsado ee Cutubka 5 Cutubkani wuxuu ku saabsan yahay Duqa iyo saddexdiisa ku xigeen ee Kooxda Farsamada ay u arkeen in ay yihiin lagama maarmaan. Kooxu waxay qaateen hannaanka Duqa-ka-tirsan-golaha in loo sameeyo dowladda hoose ee Muqdisho halkii laga dhigi lahaa Duq magaalo oo awood fulineed oo kelidii ah leh, taas oo ay u arkeen in ay awood fara badan siinayso qof keli ah. Qodobada oo intooda badan ah xeerar hawlgal-sida hawlaha loo qabanayo- ayaa saddex qodob oo ka mid ah loo baahan yahay in aad loogu fiirsado. Qodobadaasi waa 43 oo ka hadlaya xil ka qaadista Duqa ama ku xigeenkiisa; 44 oo ka hadlaya kulanka lagu qiimeynayo waxqabadka Duqa iyo ku xigeenadiisa oo keeni kara shaqo ka joojin ama xil ka qaadis 45 oo isna ka hadlaya hawlaha muhiimka ah ee Duqa. Xil ka qaadistu miyay fududahay mise waa mid aad u adag? Waa muhiim in dowladda hoose ee magaalada loo oggolaado in ay hawlaheeda wadato iyadoo aan si joogto ah isbeddel loogu samaynin shaqaalaha ugu sarreeya. Doorka Duqa waa inuu u maamulo dowladda hoose ee magaalada si habboon oo wax ku ool ah laakiinse aanu kelidii dejinin siyaasado gaar ah ama hawlo uu keli ku yahay, waana sababta qodobka 45 meesha loogu soo daray. CUTUBKA 5 Duqa magaalada iyo Ku xigeenada Duqa Baaxadda Cutubkan 39. Cutubkani waxa uu ku saabsan yahay Duqa iyo Ku xigeenada Duqa iyo dhammaan hoggaamiyeyaasha golayaasha degmooyinka iyo ku xigeenadooda, marka la leeyahay Duqa iyo ku xigeenadiisa waa in loo qaataa in ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha 41


degmooyinka golaha degaanka magaca ay doonaan ha lahaadaane, marka la leeyahay Xoghayaha Fulinta golaha waa in loo qaataa inay ku jiraan saraakiisha fulinta ee degmooyinka magaca ay doonaan ha lahaadaane. Fadhiga lagu dooranayo Duqa iyo Ku xigeenada Duqa 40. (1) Muddo aan ka yareyn laba toddobaad ka dib marka golaha la soo doorto, Guddoomiyuhu waa inuu golaha ugu yeeraa fadhi ay ku dooranayaan Duqa iyo saddexda Duq ku xigeen. (2) Qoraal ogaysiin ah waa in loo diraa xildhibaan kasta oo la soo doortay oo lagu wargalinayo qabashada fadhigaa lagu sheegay qayb-hoosaadka (1) muddo aan ka yarayn shan maalmood ka hor maalinta fadhigu qabsoomayo. (3) Ogaysiiska lagu sheegay qayb-hoosaadka (2) waa in lagu sheegaa taariikhda, wakhtiga iyo goobta fadhigu ku qabsoomayo.

(4) Marka la iskugu yimaado fadhiga lagu sheegay qayb-hoosaadda (1) xildhibaanadu waa in ay midkood u doortaan inuu noqdo Duqa magaalada iyo saddex xubnood iyaga ka mid ah oo noqda ku xigeennada Duqa. (5) Xoghayaha Fulintu ayaa guddoomiya fadhiga lagu dooranayo Duqa iyo ku xigeenadiisa isaga ayaana qabanaya doorashada. Habka doorashada Duqa iyo Ku xigeennada Duqa 41. (1) Xildhibaan kasta, oo oggolaada in la doorto, ayaa la soo jeedin karaa laguna raaci karaa in uu noqdo Duqa ama Ku xigeenka Duqa waxaana markaa ka dib xildhibaannada goob-joogga ah, si waafaqsan qodobbada qayb-hoosaadda (2) u dooranayaan Duqa iyo ku xigeennada Duqa Waa in aan hal qof wax ka badan oo beel keliya ka soo jeeda aan loo dooranin jagada Duqa iyo Ku xigeenada Duqa, oo haddii ay dhacdo in wax ka badan hal qof oo isku beel ah loo doorto xilalkaas, Guddoomiyuhu waa inuu qofka hela codadka ugu badan u magacaabaa inuu ku guulaystay jagada loo tartamayo, waxaana uu dhammaan tartamayaasha kale ee beeshaas ka tirsan ka dhigayaa kuwo aan loo dooran Ku Xiqeen Duq, qodobkani waxa kale oo lagu dhaqayaa xaaladda lagu sharxay qayb-hoosaadda (2)

42


(2) Sida uu dhigayo qodobka (1) haddii tartame keli ahi uu isu loo soo sharaxo oo laguna raaco jagada Duqa ama Ku xigeenada Duqa, Guddoomiyuhu waa inuu isaga oo aan cod qaadin, ku dhawaaqayaa in musharaxaas loo doortay xilka. (3) Marka musharaxiin laba ama ka badan ahi ay isu soo taagaan jagada Duqa ama Ku xigeenada Duqa, habka doorashadu waxa uu noqonayaa codbixin qarsoodi ah oo cod keliya oo la wareejin karo ah. (4) Marka laba tartame ama ka badan loo so sharxo oo laguna raaco jagada Duqa ama Ku xigeenada Duqa, musharax kastaa waxa uu codbixinta ka hor hadal kooban u jeedin karaa xildhibaannada kaas oo uu kaga hadlayo qorshihiisa waxqabad ee dhinaca horumarinta iyo maareynta magaalada haddii uu noqdo Duqa ama Ku Xigeen Duq. Muddada xilka ee Duqa iyo Ku xigeenada Duqa 42. (1) Duqa iyo Ku xigeenada Duqa haddii aanay is casilin ama aan xilka laga xayuubinin waxa ay xafiiska haynayaan ilaa laga gaaro taariikhda muddada xilka loo doortay xildhibaanku ay dhammaanayso. (2) Duqa iyo Ku xigeenadu Duqa waxa iyaga oo aan luminayn xilkooda xildhibaanimo iska casil karaan xilka Duqa ama Ku xigeenka Duqa iyaga oo qoraal ugu gudbinaya Guddoomiyaha Fulinta golaha degaanka. (3) Is casilaada Duqa ama ku xigeenkiisu ma dhaqangaleyso ilaa iscasilaaddaasi uu aqbalo Guddoomiyaha Fulinta ee goluhu, kaas oo diidi kara iscasilaaddaas haddii ay jiraan baaritaano ku socda Duqa ama Ku Xiggeenada Duqa taas oo la xiriirta waxqabadkooda ama dhaqankooda intii ay ahaayeen Duqa ama Ku Xigeen Duq. Xil ka qaadista Duqa iyo Ku xigeenka Duqa 43. (1) Xoghayaha Fulintu waxa uu, mar kasta oo ay qoraal ugu yaraan saddex meelood meel ka mid ah xubnaha xildhibaanada goluhu ay u soo gudbiyaan qoraal ay ku dalbanayaan uu isugu yeerayaa fadhi gaar ah oo ujeeddadiisu tahay in lagu gaaro qaraar xilka lagaga qaadayo Duqa ama Ku xigeenka Duqa,

43


(2) Fadhiga gaarka ah ee lagu sheegay qayb-hoosaadda (1) waxaa lagu qabanayaa muddo aan ka badaneyn saddex toddobaad oo ka bilaabaneysa taariikhda uu soo gaaro qoraalka lagu sheegay qayb-hoosaadda (1). (3) Duqa ama Ku xigeenka Duqa waxa xilka lagaga qaadi karaa go’aan ay xilka lagaga qaadayo oo ay ansixiyeen ugu yaraan kalabar wadarta tirada xildhibaanada golaha oo lagu darey hal xildhibaan ka dib markii la qabto fadhiga gaarka ah ee goluhu ka yeesho ujeeddada ku xusan qayb-hoosaadda (1) (4) Marka Duqa ama Ku xigeenka Duqa lagaga qaado xilka qaraar ay goluhu soo saareen sida ku cad qayb-hoosaadda (3), xildhibaanada golaha ee fadhigaa gaarka ah isugu yimid waa inay isla markaaba midkood u doortaan Duq ama Ku xigeen Duq kolba sida xaalku yahay iyagoo raacaya qodobada qaybta . (5) Qaraarka qaybtan lagu sheegay lagama soo jeedin karo fadhi gaar ah oo, lamana qaban karo fadhi gaar ah oo lagaga tashanayo qaraarka noocan ah – (b) sanadka koowaad ee muddada xilka Duqa iyo Ku xigeenada Duqa; (t) wax ka badan hal mar sanadka labaad ama saddexaad ee muddada xilka Duqa iyo Ku xigeenka Duqa; (j) sanadka afraad ee muddada xilka Duqa iyo Ku xigeenka Duqa. Fadhiya gaarka ah ee lagu qiimeynayo Duqa iyo Ku xigeennada Duqa 44. (1) Muddo aan ka badnayn sodon maalmood ka dib marka sanadka labaad ee muddada xilka Duqa iyo ku xigeenka Duqu dhammaado, Xoghayaha Fulinta ayaa iskugu yeeraya golaha fadhi gaar ah oo lagu qiimeynayo waxqabadkii iyo hab-dhaqankii Duqa iyo Ku xigeenada Duqa. (2)

Xoghayaha Fulinta ah ayaa guddoominaya fadhigaa gaarka ah.

(3) Duqa iyo Ku xigeenadau Duqa waxa ay soo diyaariyaan ayna u soo jeedinayaan golaha warbixin qoraal ah oo ka waramaysa waxqabadkoodii iyo habdhaqankoodii labadada sanadood ee u horaysay muddada xilkooda. (4) Xildhibaan kastaa waxa uu Duqa iyo Ku xigeenada Duqa weydiin karaa su’aalo ka dhashey ama la xiriira warbixinta ay u soo jeediyeen golaha ee ku cad qayb-

44


hoosaadda (3) waxaana Duqa ama Ku xigeenada Duqa ay bixiyaan jawaabo buuxda oo run ah oo ay kaga jawaabayaan dhammaan su’aalaha la weydiiyo. (5) Haddii inta lagu guda jiro fadhiga gaarka ah, qaraar la soo jeediyo, lagu raaco oo la meel mariyo kaas oo sheegaya in xilka laga qaado Duqa ama Ku xigeenka Duqa, markaa waa in: – (b) haddii qaraarka ay ansixiyaan aqlabiyadda golohu sida ku cad qaybta 29 (3), Duqa ama Ku xigeenka Duqa kolba kii ay khuseyso markaa uu halkaa ku joogsanaya xilkii uu hayey waxaana fadhiga gaarka ah uu u gudbayaa in uu ku dhaqaaqo awoodaha uu lagu siiyay qodobka 29(4); laakiin (t) haddii qaraarka aanay ansixinin aqlabiyadda ku xusan qodobka 29 (3), markaa qaraarku noqonayaa codsigii looga hadley qaybta 29 (1) waxaan lagu dhaqmayaa sida ay dhigayaan qodobada qaybta 29. (6) Xoghayaha Fulinta ayaa markaa diyaarinaya warbixin buuxda oo ku saabsan fadhigaa gaarka ah oo nuqul ka mid ah u diraya Wasiirka sida ugu dhakhsaha badan. (7) Warbixinta buuxda ee laga qoro fadhigaa gaarka ah waa in dad waynuhu arki karaan iyaga oo aan wax lacag ah laga qaadin saacadaha shaqadu socoto. (8) Qodobbada qaybtani ma keenayaan in laga tago xuquuqda uu xildhibaan kasta u leeyahay in uu Duqa iyo Ku xigeenka uu weydiiyo su’aal kasta oo la xiriirta shaqada Duqa ama Ku xigeenka Duqa waxaana Duqa iyo Ku xigeenka Duqu waajib ku ah in ay jawaab degdeg ah, buuxda oo run ah ka bixiyaan su’aalaha lagu weydiiyey qayb hoosaaddan. (9) Xeerarka hawlgalka ayaa tilmaamaya hannaanka su’aal weydiinta iyo qaabka jawaabaha laga bixinayo arrimaha ku xusan qayb hoosaadda (8). Shaqooyinka muhiimka ah ee Duqa 45. (1) Shaqooyinka muhiimka ah ee Duqu waa inuu xaqiijiyo in hawlaha goluhu u socdaan si waxtar leh oo taabogalna ah, sidaa awgeedna Duqu waxa uu – (b) guddoominayaa fadhiyada golaha marka laga reebo fadhiyada Xoghayaha Fulintu uu sharcigan iyo sharci kale oo qoran uu ku waajibinayo in uu guddoomiyo; (t) guddoominayaa fadhiyada Guddiga iyo Guddi-hoosaadka; 45


(j)

(x) (kh) (d) (r)

(s) (sh) (dh)

kormeerayaa uuna hubinayaa fulinta iyo hirgelinta – (i) istiraatiijiyadda bulsho ee golaha; (ii) miisaaniyad sanadeedda iyo qorshayaasha shaqada ee golaha; (iii) Go’aanada iyo qaraarada golaha; Isku duwo barnaamijyada iyo qorshayaasha guddiga joogtada ah ee golaha; Diyaariyo oo u gudbiyo wasiirka warbixinaha magaalada; Xaqiijiyo in si fiican loogu talo galo hirgelinta xeerarka qaran iyo kuwa heer gobolba; Qaado tallaabooyinka lagu soo bandhigayo – (i) Miisaaniyada golaha lagu horgaynao guddiga; (ii) Xeerarka dheeraadka lagu horgaynayo guddiga; Intaa ka diba miisaaniyada la qoondeeyay iyo xeerarka dheeraadka ah uu u gudbiyo golaha si ay u ansixiyaan; Saxeexo heshiisyada goluhu cid la galayo; Ansixiyo oo saxeexo kharashaadka; Qabto wixii kale ee hawlo ah ee la xiriira arrimaha lagu xusay qodobkan ee dar dar galinaya barnaamijyada golaha.

(2) Haddii Duqu iscasilo, ama xilka laga xayuubiyo, ama uu gudan kari waayo waajibaadkiisa fulineed, ku xigeenka Duqa ayaa shaqooyinkaa qabanaya. Shaqo sharafeedka 46. (1) Shaqo sharafeedyada Duqu waa inuu isagoo ka wakiil ah maamulka magaalada – (b) Ku soo dhaweeyo madaxwaynaha, madaxwayne xigeenka, af-hayeenka baarlamaanka federaalka ah iyo xubnaha golaha wasiirada xafladaha ka dhacaya Muqdisho; (t) ka qayb galka soo dhawaynta iyo sagootinta madaxwaynaha, madaxwayne xigeenka, saraakiisha baarlamaanka iyo xubnaha golaha wasiirada ee socdaalada shaqo ee dibada ah u baxaya; (j) Ka qayb galka furitaanka iyo ka hadalka xafladaha sida Ciidaha, munaasibadaba taariikhiga ah iyo dhacdooyinka kale ee muhiimka ah ee la xiriira xorriyada iyo jiritaanka Soomaaliya ee ka dhacaya Muqdisho; (x) Hubinta diyaarinta, qurinta iyo qabaynta goobaha la iskugu yimaado ee maalmaha Ciidaha iyo munaasibada kale; 46


(kh)

(d)

(r)

ka qayb galka iyo soo dhawaynta madaxda dowladdaha, wasiirada iyo danjirayaasha shisheeye iyo wafdiyada kale muhiimka ah ee imanaya magaalada Muqdisho; Inuu matalo golaha ama dalkaba haddii wasiirku u xilsaaro marka uu ka qayb galayo shirarka caalamiga ah ee lagaga hadlayo arrimaha dowladdaha hoose; Inuu ka qayb galo oo agaasimo xaflado sharafeedyada uu u garto in isagoo Duqii magaalada ah uu ka qayb galo isla markaana dani ugu jirto golaha degaanka.

(2) Haddii Duqu is casilo, xilka laga xayuubiyo, maqanyahay ama uu gudan kari waayo waajibaadkiisa shaqo sharafeedyada ah, waxa xilkaasi ku wareegayaa ku xigeenka Duqa; (3) (b) (t)

Goluhu wuxuu soo saarayaa – Astaanta ku habboon iyo awooda Duqa; Magacyda xilalka taxanaha ah ee Duqa iyo ku xigeenadiisa.

Qodobada ay tahay in loo fiirsado ee Cutubka 6 Cutubkani wuxuu ku saabsanyahay sida goluhu u shaqaynayo; sida fadhiyada loo qabanayo; sida loo samaynayo gudiyada iyo gudi hoosaadyada iyo awoodaha ay yeelanayaan. Hannaanka maamul ee Duq-ka-tirsan-golaha waxa sal dhig u ah gudiyada, waana kuwa wadaya maamulka magaalada. Xiliyadan casriga ah waxa soo baxay fikir odhanaya Duq awood fulineed kelidii leh ayaa waxtarkiisu badanyahay laakiin adeegsiga gudiyaa iyo xildhibaanda golaha ayaa ka dimoqraadisan oo si toos ahna ula xiriiri kara dadwaynaha. Arinta muhiimka ahi waxa weeye in loo fiirsado sida loo samaynayo dhismaha maamul ee loo suurto galinayo inuu ahaado mid dimuqraadi ah oo ay wax ku darsan karaan bulshada rayidka ahi iyo dadka degaanka ahiba, u fiirso qodobka 55 ee ka hadlaya xiriirka dhaw ee ay yeelan karaan maamulka iyo ururada bulshada rayidka ahi; qodobka 67 oo isna ka hadlaya iskaashiga lala yeelanayo dadka aan xubnaha ka

47


ahayn golaha degaan iyo kulana goluhu la yeelanayo bulshada guud ahaan. Si hawshu si wanaagsan ugu socoto waxa la samaynayaa guddiga fulinta ee golaha sida ku cad qodobka 57; arintani waxay u baahantay in laga fiirsado. Qodobka 58 wuxuu sheegayaa in guddiga joogtada ahi samaynteeda uu iska leeyahay golaha degaanku. Habkan oo hadaba kooxda farsamo aanay aad u lafogurini ma yahay mid habboon? Awoodo intee leega ayay gudiyadu yeelanayaan?. Qodobka 64 ayaa oggolaanaya in awoodaha go’aan qaadashada lagu wareejin karo gudiyada. Kooxda farsamo way ilduufeen arintan laakiin haddii golaha oo dhan awooda lagu soo ururiyo waxba badani qabsoomi maayaan. Guddiga goluhu waa sida wasiirada oo kale; go’aamada oo dhanna golaha wasiiradu ma gaadhaan;wasiiradu run ahaantii go’aanada badankooda ayagaa gaadha waxaan ka ahayn go’aanada waaweyn ee u baahan in wadar ahaan ay u gaadhaan golaha wasiiradu. CUTUBKA 6 Fadhiyada iyo xeerarkooda Qaybta 1 Fadhiyada golaha Baaxada cutubka 47. Cutubkani wuxuu ku saabsanyahay fadhiyada iyo xeerarka golaha degaanka iyo fadhiyada iyo xeerarka gole hoosaadyada degmooyinka marka magacyadan la sheegana waa in loo qaadaa inay ku jiraan Duqa iyo ku xigeenadiisu magacay doonaan ha wataane iyo xoghayaha fulinta golaha degaanka oo isna marka la sheego loo qaadanayo inay ku jiraan saraakiisha fulinta ee heer degmo iyo kuwa goluhu magacay doonaan ha wataane. Fadhiyada caadiga ah ee golaha 48. (1) Goluhu wuxuu qabanayaa fadhigiisa caadiga si uu u fuliyo hawlihiisa ugu yaraan labadii biloodba mar goobta iyo goorta la qabanayona waxa sheegaya golaha. (2) Fadhiga ugu horeeya ee caadiga ah ee goluhu marka xeerkani dhaqan galo ka dib waa inuu qabsoomaa kuna qabsoomaa meesha iyo xiliga uu sheego guddoomiyaha fulinta ee goluhu. Fadhiyada gaarka ah ee golaha degaanka magaalada 48


49. (1) Fadhiga gaarka ah ee golaha degaanka magaalada wuxuu ku qabsoomayaa mudo ka yar ama 21 casho gudahood ah sida uu dhigayo xeerka hawlgalku, golahana waxa iskugu yeedhaya – (b) Duqa marka uu doono; (t) marka uu helo qoraal codsi ah oo ay saxeexeen ugu yaraan saddex meelood meel tirada golaha oo ay ku dalbanayaan fadhi gaar ah; (j) Xoghayaha fulinta sida xeerkani dhigayo. (2) Ogaysiiska fadhiga gaarka ah waa in lagu sheegaa ujeedda fadhiga loo qabanayo isla markaana waa in aan lagaga hadal wax aan ahayn ujeeddada la sheegay ee fadhigaa gaarka ah. Duqa ayaa guddoominaya fadhiyada 50. (1) Fadhi kasta oo goluhu yeesho waxa guddoominaya– (b) Duqa; ama (t) Haddii uu maqanyahay Duqu, ku xigeenkiisa; ama (j) Haddii ay maqan yihiin Duqa iyo ku xigeenadiisu, waxaa fadhiga guddoomineya xubinta ay xubnaha golaha fadhiyaa u doortaan inuu guddoomiyo fadhiga. Fadhiyadu waa inay u furnaadaan dadwaynah a 51. (1) Fadhi kasta oo goluhu yeelanayo ama guddiga golaha, ama gudi hoosaadyada, gudiyada wada jirta ama gabi ahaanba golaha oo dhami waa inuu u furnaadaa inay ka soo qayb gali karaan xubno ka socda dadwaynaha iyo wakiilada warbaahinta. (2) Gudi kasta, gudi hoosaadyada, gudiyada wada jirka ah ama golaha gabi ahantiiba wuxuu u codayn karaa in laga saaro goobta xubnaha dadwaynaha iyo wakiilada warbaahinta ee fadhiga dhagaysanaya laakiin waa in – (b) la cadeeyaa sababta looga saarayo; iyo (t) magacyada xildhibaanda dalbday in laga saaro iyo kuwa diidan in laga saaro dadwaynaha iyo wakiilada warbaahintaba goobta. (3) Guddoomiyaha guddiga joogtada ah ama gudi hoosaad kaleba, marka uu la tashado xubna gudidiisa wuxuu u oggolaan karaa xubnaha dadwaynaha ah ee fadhiga

49


dhagaysanayaa inay ka hadlaan goobta ama ay su’aalo ka waydiiyaan guddiga arrimaha ay doodayaan hase ahaatee wax codbixin ah looma ogola. Kooramka Fadhiyada 52. (1) Kooramku wuxuu noqonayaa kala badh tirada golaha, hadiise tirada goluhu marka la qaybiyo aanay noqonayn tiro isleeg kooramku wuxuu noqonayaa kala badh iyo hal dheeri tirada xubnaha golaha ah. (2) Kala badh tirada guddiga, gudi hoosaadka ama guddiga wada jirka ah ayaa noqonaya kooramka fadhigaa, hadiise marka la kala qaybiyo aanay tirade isleegayn kooramku wuxuu noqonayaa kala badh iyo hal dheeri tirada xubnaha guddiga (3) Marka la go’aaminayo kooramka fadhiga guddiga ama gudiyada wada jirka ah xubnaha labada dhinac ku jira laba goor la tiring maahyo. (4) Kooramka fadhiyada gooarka ah ee golaha degaanka magaalada sida uu dhigayo qodobka 50 waa inuu noqdaan saddex meelood laba dhammaan xubnaha golaha, haddii boqolayda tirada goluhu soo baxdo tiro kinsi ah kooramku waa inuu noqdaa tiro idil oo ka badan saddex meelodow laba tirada golaha degaanka. (5) Sida xeerkani dhigayo goluhu haddii go’aan ku gaadho fadhigooda laakiinse ay sugnaato in go’aankaasi ay gaadheen xubno aan kooramkii u dhamayn, xoghayaha fulintu waa inuu ku wargaliyaa arinta Wasiirka, Wasiirkuna waa inuu qaadaa tallaabada ku habboon ee sharcigu u fasaxayo si uu u dhaqan galiyo hawlaha ay ka baaqsadeen goluhu. (6) Marka la tirinayo kooramka, tirada dhabta ah ee xildhibaanada golaha ee ka soo qayb gala fadhigaa waa in lagu saleeyaa kooramka oo inta markaa fadhida uun la tiriyaa. Go’aanada fadhiyada 53. (1) Dhammaan arrimaha uu fasaxayo xeerkani ama xeer kale oo qorani ayaa goluhu go’aano kaga gaadhayaan aqlabiyada xildhibaanada goluhu fadhiyada caadiga ah iyo kuwa gaarka ahba. (2) Dhammaan arrimaha xeerkani fasaxayo ama xeer kale oo qorani ama xeer hoosaadkka kale ee golaha degaanka magaalada ayaa lagu go’aaminayaa fadhiyada 50


golaha, gudiyada, gudi hoosaadyada ama guddiga wadajirka ah oo lagu meel marinayaa aqlabiyada codadka la dhiibto. (3) Haddii codadka xildhibaanada fadhiyaa ay ka dhiibtaan arin ay laba isleeg noqdaan, guddoomiyaha ama qofka markaa guddoominaya ayaa codkiisa dhinac ku taageeraya. Hadal-qoraalka fadhiyada golaha 54. (1) Dhammaan hawlaha, go’aanada iyo amarada ka soo baxa dhammaan fadhiyada golaha waa in lagu qoraa diiwaanka qodobada golaha si looga tixraaco, wax looga badalo haddii loo baahdo ama loogu ansixiyo fadhiyada danbe ee goaha waana in uu saxeexaa guddoomiyaha fadhigaasi. (2) Magaca dhammaan xildhibaanda goob jooga ah iyo xubnaha kalee soo booqda fadhiga golaha waa in lagu qoraa buuga qodobada. (3) Nuqulka qodobada ah ama badh laga soo qaatay oo uu saxeexay Duqu waa inay maxkamadu u aqoonsataa inuu noqon karo cadayn sharci ah haddii loo baahdo oo cadaynaysa hawlaha goluhu fadhigaa kaga arinsanayay oo laga soo min guuriyay buuga qodobada golaha. (4) Qodobada fadhiyada golaha waa in ay arki karaan dadwaynuhu markasta oo saacadaha shaqada ah. (5)

Nuqulada dhammaan qodobada golaha waa in loogu diraa wasiirka si deg

deg ah. Iskaashiga golaha ee dadka degaanka ah iyo ururadooda 55. (1) Golaha degaanka magaalada ujeeddadiisu waa qaabaynta, dib u eegida siyaasadahooda iyo barnaamijyada ay ku fududaynayaan bixinta ad adeegyada madaniga ah si ku habboon oo waxtaraysa dadka magaalada waa inay kulmaan oo ay falanqeeyaan siyaasadahooda iyo barnaamijyda oo ay kala tashadaan dadka degaanka ay ee aqoonta u leh hawlaha bixinta adeegyada madaniga ah oo ka socda qaybaha kala duwan ee magaalada. (2) Golaha degaanka magaaladu waa inu iskaashi iyo wada shaqayn la yeeshaa ururada iyo wakaaladaha ku hawlan bixinta adeegyada madaniga ah, ha ahaadaan kuwo dowladeed ama kuwo aan dawli ahaynbee si iskaaashigaa iyo wada 51


shaqayntaasi waa in ay samaystaan gudiyo wadajir ah oo joogto ah golaha iyo wakaaladahaasi. (3) Guddiga wadajirka ah ee joogtada ahi waa in ay kulmaan ugu yaraan labadii biloodba mar si ay uga wada xaajoodaan arrimaha la xiriira baahiyaha dadka iyo sidii siyaasadaha golaha iyo barnaamijyda loo hirgelin lahaa loona joogtayn lahaa iskaashigaa isaga ah. (4) Waa in ay isku dheeli tirnaadaan xildhibaanada ka mid noqonayaa xaga degaanka, beelaha, labka iyo dhedigba. (5) Duqa ama ku xigeenka duqa ayaa guddoominaya gudiyada wadajirka ah ee joogtada ah ee lagu sheegay (2). (6) Golaha degaanka magaaladu, mudo lix bilood gudaheed ah marka xeerkani dhaqan galo waa inay fuliyaan hawlha qabtan lagu xusay. Xeerarka hawlgalka 56. (1) Goluhu wuxuu xeerar hawlgal u samaynyaa – (b) Xeerarka, anshaxa iyo qabashada fadhiyada golaha iyo gudiyada iyo gudi hoosaadyada; iyo cida guddoominaysaa fadhiyadaa; (t) Dhaqangelinta xeerarka fadhiyadaa oo ay ka mid yihiin awooda ka horjoogsiga fadhiga ee xildhibaanka ama ka saarida see guddoomiyuhu yeelanayo, ama tallaabada laga qaadayo xildhibaanka si ula kac ah u carqaladeeya hawlaha golaha, guddiga ama gudi hoosaadka; (j) koobidda, wax ka badalka iyo dib u eegida qaraarada golaha; (x) Waxtarka, wax ku oolka iyo maareynta dhaqaale iyo adeegsiga ilaha dhaqaale ee golaha iyo hantidiisa; (kh) Arrimaha kale ee looga maarmi waayo sida xeerkani dhigayo golaha degaanka ama sida uu faro wasiirku, oo ay ka midyihiin wax ka badalka xeerarka hawlgalku. (2) Xoghayaha fulintu isagaa nuqul sax ah oo ay ku qoranyihiin xeerarka hawl galka iyo dhammaan wax ka badalada ay sameeyaan goluhu oo u gudbinaya wasiirka.

52


(3) Wasiirka ayaa wixii ay latahay in lagu dari karo xeerarka hawgalka talo ugu gudbinaya golaha degaanka, goluhuna wuu tixgelinayaa talo bixinta wasiirka ee la xiriira wax ka badalka xeerarka hawlgalka. Qaybta 2 Guddiyada Guddiga maareynta 57. (1) Golaha deegaanku sanadkiiba waa inuu magacaabaa Guddiga Maareynta oo shaqadeedu noqonayso maareynta hawlaha golaha degaanka magaalada. (2) Gudidu waxay ka koobnaanaysaa – (b) Duqa oo guddoominaya guddiga; (t) Ku xigeenada Duqa; (j) Guddoomiyaha iyo ku xigeenka waaxda danaha madaniga ah; (x) Xoghayaha fulinta; iyo (kh) Guddoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee caadiga ah. (3) Xildhibaanadu saddex jeer oo min hal sano ah wax ka badan ma qaban karaan xilka xubinimada guddigan. (4) Ku xigeenada duqu si meerto ah ayay u qabanayaan xilka guddoomiye ku xigeenka guddiga muddada sanadka ah. (5) (b)

(t)

(j)

Shaqada gudidu waa – inay xaqiijiyaan in go’aanada iyo hawlaha goluhu ay waafaqsanyihiin waajibaadka aasaasiga ah ee golaha sida xeerku dhigayo... iyo in xuquuqda dadka degaanka ah ee ku xusan ...... la ilaaliyo oo la dhawro; Inay maareeyaan dhammaan dhaqaalaha lagu fulinayo barnaamijada goluhu ansixiyay, oo ay ku jiraan barnaamijyada bixinta adeegyada madaniga ah goluhu maal galinayo gabi ahaantoodba ama wax ka bixinayo ee ay hirgelinayaan ururada bulshada rayidka ahi; adeegyada maaliyadeed iyo xisaabaadka golaha’ shaqaalaha golaha, dhulka golaha iyo hantidiisa kale, qaybaha golaha iyo xarumaha kaydka, iyo dhammaan hantida kale ee golaha; Inay ilaaliyaan qalabka iyo adeegyada lgu fulinayo hawlaha iyo barnaamijyada goluhu ansixiyay ee ku xusan (t) oo ay ka mid yihiin 53


(x) (kh)

(d)

(r) (s) (sh)

(dh)

dhismayaasha xafiisyada, adeegyada xoghayneed iyo Kombuyuutarada iyo qalabka kale, gaadiidka iyo mashiinada kale; Inay diyaariyaa oo dib u eegaan qorshaha bulsho ee golaha iyagoo tixgelinaya talo bixinaha ay ka helaan golaha; Inay taageeraan oo ka kaaliyaan golaha horumarinta iyo dib u eegid qorshayaashiisa, gaar ahaa – (i) sanad xisaabeed kasta marka goluhu faro ama ay ka helaan golaha warbixin hor dhac ah oo ku saabsan siyaasadaha iyo barnaamijyada sanad xisaabeedka soo socda ee goluhu ansixiyay iyo inay golaha warbixin ka siiyaan qiimaha ay ku kici karaan qalabka iyo adeega iyo khidmada shaqaalaha fulinaya hawlahaa; iyo (ii) Marka goluhu, warbixintaa darso ka dib, haddii ay noqoto lagama maarmaan in arintaa la qabo hawlahaa, in ay u gudbiyaan golaha qiyaas kharasheedka ay sameeyeen ee la xiriira hawlaha la qaban doono sanadka soo socda oo warbixintoodana ku lifaaqaan cashuuraha iyo tacriifadaha kale ee ku waajibaya barnaamijyada ay doonayaan in la fuliyo; Inay warbixnaha iyo qodobada ka helaan gudiyada googtadaha ah, gudiyada wada jirka ah iyo gudiyada kale ee golaha oo ay golaha u gudbiyaan talo bixin ku saabsan warbixinaha iyo qodobada ay soo gudbiyaan gudiyadaasi; Inay golaha u gudbiyaan warbixnahaas oo faahfaahsan ama iyagoo guud kolaba sida uu goluhu uga codsado; Inay si deg deg ah u dhaqan galiyaan dhammaan qaraarada golaha; Inay eegaan wax kasta oo la xiriira arrimaha dowladda hoose oo loo soo gudbiyo golaha si uu tallaabo ug qaado oo ay talooyinka ku habboon uga siiyaan golaha arrimahaa loo soo gudbiyay; Inay iyagoo ka wakiil ah golaha gaadhaan go’aanda iyo heshiisyada sida deg dega ah loogu baahdo, hase ahaatee Duqa ayaa soo hordhigaya go’aanadaa iyo heshiisyada ay galeen fadhiga caadiga ah ee golaha si ay u ansixiyaaan go’aanada gudidu gaadhay;

Guddiga joogtada caadiga ah ee golaha 58. (1) Guddigaa kor ku xusan ka sokow, golaha degaanka magaaladu waa inuu sameeyaa gudiyadan joogtada caadiga ah ee soo soco – 54


(b)

Guddiga joogtada ah ee nabada iyo heshiisiinta oo u xilsaaran ilaalinta nabad galyada iyo nidaamka bulshada magaalada oo xallinaya qilaafaadka magaalada ka aloosma; (t) Guddiga joogtada ah ee arrimaha bulshada iyo degaanka oo u xil saaran waxbrashada, daryeelka bulshada, ciyaaraha iyo dhaqanka, guriyaynta, daryeelka caafimaadka, cusbitaalada iyo xarumaha caafimaadka, fayo dhawrka guud, biyaha, nadaafada, wax ka qabashda qashinka iyo ka hortagga wasakhowga degaanka; (j) Guddiga joogtada ah ee qorshaynta dhulka oo u xilsaaran qaybinta iyo maareynta jagooyinka, adeegsiga iyo horumarinta dhulka oo ay ka midyihiin hagaajinta iyo qaabaynta xaafadaha isku raranta ah ee ku dhexyaal magaala iyo fasaxa ama u diidida dhismayaasha cusub. (2) Goluhu sanad walba fadhigiisa caadiga ah ee ugu horeeya waa inuu cod bixin ku doortaa xildhibaanada xubnaha ka noqonaya gudiyada joogtada ah ee lagu sheegay(1). (3) Guddiga joogtada ahi waa inay ka koobnaataa ugu yaraan laba iyo toban xubnood oo ugu yaraan saddex meelood meeli dumar tahay. (4) Degmo kastaa waa inay wakiil ku leedahay gudiyada joogtada ah. (5) Waa inay si cadaalad ah isugu dheeli tiranyihiin xubnaha gudiyada ku jiraa ee xaga beelaha. (6)

Xildhibaan kastaa ugu yaraan waa inuu ku jiraa gudi joogto ah.

(7) (b)

Marka – ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha goluhu qoraal ku soo codsadaan fadhi gaar ah si loogu qaado codka kalsoonida gudi joogto ah, Duqu waa inuu iskugu yeedhaa golaha fadhi gaar ah mudo kow iyo labaatan casho gudahood ah; Goluhu marka uu fadhi gaar ah iskugu yimaado sida ku cad faqrada (b) aqlabiyada tirada guud ee golaha ayaa lagu ansixinayaa codka kalsoonida ah ee loo qaadayo guddiga joogtada ah. Waxa kale oo go’aan goluhu ku gaadhi karaa in dhammaan xubnaha guddigaa codka kalsoonida ah loo qaaday laga joojiyo inay mar danbe ka mid noqdaan guddigaa;

(t)

55


(j)

Isla marka ay xubaha guddigaasi xilka wareejiyaan sida ku cad faqrada (t) goluhu waa inuu doortaa gudi joogto ah oo cusub sida ku cad qodobka (2)

(8) (b) (t)

Mooshinka ku xusan qodobka (7) lama keeni karo – Sanadka ugu horeeya ee guddiga joogtada ah la sameeyay; Wax mar ka badan sanadka labaad ama ka saddexaad ee muddada xilka guddigaa joogtada ah; Sanadka afraad ee muddada xilka guddigaa joogtada ah.

(j)

Shaqooyinka guddiga joogtada caadiga 59. Guddiga joogtada ah ee caadiga ahi hawlaheedu waxay la xiriiraan arrimaha lagu sheegay qodobka 58, shaqooyinkeeduna waa – (b) iskaashiga iyo la socodka hawlaha dhammaan ururada bulshada rayidka ah ee bixiya adeegyada madaniga ah gaar ahaan kuwa lagu sheegay faqradaha(b),(t) iyo (j) ee qayb-hoosaadka qodobka 59; (t) ka go’aan gaadhida arrimaha golaha degaanku u xilsaaray; (j) Ka talo siinta golaha kolba sidii ugu habboon ee wixii goluhu ka soo codsado ama ay gartaan iyagu in goluhu u baahanyahay; (x) Kormeerida la socodka awooda saraakiishooda iyo shaqaaluhu ku fulinayaan hawlaha loo igmaday guddiga; (kh) kormeerida qaybaha fulinaya hawlaha loo igmaday guddiga; (d) Taageerida iyo dhiiri galinta saraakiisha iyo shaqaalaha; (r) Dhagaysiga iyo wax ka qabashada cabashooyinka dadka degaanka ahi ka qabaan shaqadooda ama shaqada ay hayaan saraakiisha iyo shaqaalaha golaha degaanku; (s) diyaarinta warbixinaha fadhiyada caadiga ah iyo kuwa gaarka ah ee golaha ee goluhu ka codsado inay warbixin ka diyaariyaa; (sh) Qabashada wixii hawlo kale ah ee goluhu u xilsaaro; Fadhiyada gudiyada joogtada ah 60. (1) Fadhiga ugu horeeya ee guddiga joogtada ah sanad walba, xubnaha guddigaasi waa inay u doortaan mid iyaga ka mid ah inuu noqdo guddoomiyaha gudidooda iyo mid noqda guddoomiye ku xigeenka guddiga. (2)

Kooramka guddiga joogtada ahi waa inay noqotaa tiro idil oo kala badh ka

badan. 56


(3) Iaygoo raacay amarada golaha guddiga joogtada ahi waa inay fadhiistaan bishiiba mar. (4) Iyagoo raacaya ogaysiinta hordhaca ah sida xeerka goluhu dhigayo, guddiga joogtada ahi waxay fadhi gaara iskugu iman karaan – (b) Haddii guddoomiyaha guddiga joogtada ahi iskugu yeedho; (t) Haddii ay qoraal guddoomiyaha ugu soo gudbiyaan codsi qoraal ah ugu yaraan kala badh tirada xubnaha guddiga joogtada ahi; (j) Waxa iskugu yeedhi kara Xoghayaha fulinta isagoo raacaya xeerkan ama xeer kale oo sidan faraya, Ogaysiinta qabashda fadhiga gaarka ah waa in lagu cadeeyaa waxa fadhigaa gaarka ah lagaga wada hadlayo wax aan ujeeddada fadhiga ahayna waa in aan lagu soo qaadin fadhigaa. (5) Duqu waa inuu gudi kasta oo joogta ah ka ahaadaa xubin aan cod lahayn hase ahaatee kooramka lagu tiriyo. (6) Xildhibaan kastaa wuu ka saoo qayb gali karaa fadhiyada gudiyada joogtada ah isagoo ah dhagayste haddii ay ka codsadaan gudidu ama ay fasax u siiyaan, hase ahaatee wax cod ah kuma laha waxana uu hadli karaa uun haddii guddoomiyaha gudidu u ogolaado. (7) Xoghayaha fulinta ama sarkaalka ku xiga ama sarkaalka kale ee xeer hoosaadka goluhu u faxayo ayaa ka qayb galaya fadhiyda guddiga joogtada ah oo siinaya talooyinka ay uga baahdaan, hase ahaatee wax cod ah kuma laha fadhiga. (8) Guddiga joogtada ahi ma dhamaystirna awoodna uma laha inay hawlo fuliyaan ama go’aamo gaadhaan haddii aan qodobka (7) la buuxinin. (9) Fadhi kasta oo ay gudi ama gudi joogto ahi yeelanayaan wuxuu ku qabsoomayaa xarunta golaha degaanka degaanka ama meeshii kale ee magalaada gudaheeda ah ee gudidu isla qaataan, marka ay goobta fadhi ku qabsoomayo go’aaminayaana waa inay tixgeliyaan in meeshaasi ku habboontahay ka soo qayb galka dadwaynaha si ay u fahmaan hawlaha golaha degaanku u hayo.

57


Hannaanka fadhiyada guddiga iyo gudiyada joogtada ah 61. (1) Sida qodobkani uu dhigayo, goluhu wuxuu fadhigiisa ugu horeeya yeelanayaa mudo 60 casho gudahood ah marka xeerkani dhaqan galo ka dib ku soo saarayaa xeerarka fadhiyada guddiga iyo dhammaan gudiyada joogtada ah ee golaha. (2) Sida qodobkani dhigayo, guddiga iyo gudi kasta oo joogto ahi iyadaa ilaalinaysa hannaanka fadhiyadooda. (3) Fadhi kasta oo guddiga ama gudiyada joogtada ahi yeelanayaan waa in – (b) Ay xubnuhu u hogaansamaan go’aamada guddoomiyaha fadhiga; (t) Guddoomiyuhu xaqiijiyaa in xubin kasta oo fadhiga ka qayb galaysaa haddii ay doonto inay ka hadasho arrimaha ajandaha midkood in la siiyo fursad ay ku hadasho; (j) Xubina uma banaana, wixii ka baxsan xaaladda ku cad faqrada (x) ama haddii aanu guddoomiyuhu fasax u siinin, in uu ka hadlo mar qudha wax ka badan mid ka mid ah arrimaha ajandaha fadhiga; (x) Xubin way soo hordhigi kartaa guddiga mooshin ama arin kale oo lagaga hadlo fadhiga, xubintaas soo hor dhigtay guddiga mooshinka waa in loo ogolaadaa inay faahfaahiso mooshinka marka ugu danbaysa inta aan mooshinka cod loo qaadin ka hor; (kh) Mooshin kasta oo fadhiga la keenaa arimo dheeraad ah oo ku xiriirsan way jiri karaan laakiin mudnaanta waxa leh oo laga doodayaa mooshinka; (d) Xubuhu waa inay si cadaalad ah oo siman u dhagaystaan doodaha xubnaha kale ay soo jeedinayaan. Qodobada fadhiyada guddiga iyo gudiyada joogtada ah 62. (1) Qodobada fadhiyada guddiga iyo gudiyada joogtada ah waa in la qoraa – (b) Dhammaan go’aanada la gaadhay iyo tirada codadka lagu ansixiyay; (t) Dhammaan talo bixinaha la soo jeediyay iyo tirada codadka lagu ansixiyay; (j) Magacyada xubnaha guddiga ee goobta ku sugan iyo kuwa maqan; Waana inuu qoraa sarkaalka fadhiga ku sugan sida uu dhigayo qodobka 60 (7) oo uu saxiixaa qofka guddoominaya fadhigaa, qodobadaa uu saxeexayna haddii aanay jirin wax cadaynaya in qalad ku jiro waxay noqonayaan cadayn maxkamadi cuskan karto. (2) Gudi kasta oo joogto ahi waa inay hawlahooda ku wargaliyaan golaha, go’aamadooda, talo bixinahooda iyo tallaabo kasta oo ay ku dhaqaaqaan dhaqan gal ma noqonayaan haddii aanay gudidu golaha ugu soo warbixin si waafaqsan qodobka 57(4)(d). 58


(3) Haddii aanu xeerkani diidin, qodobada gudiyada joogtada ah waa in ay dadwaynuhu arki karaan xiliyada shaqada iyagoon wax khidmad ah la waydiinayn, hadiise ay jiraan sababo maangal ahi guddoomiyaha gudidu qodobada waa u diidi karaa dadwaynuhu inay arkaan. Guddi-hoosaadyada gudiyada joogtada ah 63. (1) Gudi kasta oo joogto ahi waxay iska sii dhex dooran karaan gudi-hoosaad haddii ay u baahdaan, kuwaas oo u xil saaraanaya warbixinta iyo diyaarinta talo bixinaha arrimaha loo igmaday guddiga joogtada ah laakiin guddiga joogtada ahi waa in aanay gudi-hoosaadka siinin awood ay go’aan ku gaadhaan keligood. (2) Tirada xubnaha gudi-hoosaadka, guddoomiyahooda iyo muddada xilkooda waxa go’aaminaya guddiga joogtada ah ee iska dhex dooranaysa. (3) Waa inay xildhibaanada gudi-hoosaadka ka mid noqonayaa si cadaalad ah iskugu dheeli tiranyihiin xaga degaanka, beelaha iyo raga iyo dumarka. (4) Sida ku xusan qodobka (3), qodobka 62(3) iyo xeer hoosaadka golaha, gudi-hoosaadku iyadaa go’aaminaysa hannaanka hawlahoodu u soconayaan. (5) Sida uu dhigayo qodobka 63 waa in ay ku wada dhaqmaan gudihoosaadyadu. Awood siinta guddiga ee gudiyada joogtada ah 64. (1) Sida uu dhigayo qodobka (2), ee ku saabsan guddiga, qodobka 58 iyo wixii shuruudo ah ee uu u arko goluhu in lagu xidhi karo ayaa wuxuu awood siin karaa guddiga iyo gudiyada joogtada ah si ay iyagoo ka wakiil ah golaha u qabtaan hawlaha. (2) Golaha degaanka magaaladu awood uma siin karo guddiga iyo gudiyada joogtada ah – (b) Dejinta xeerarka dheeraadka ah; (t) Cashuur ku soo rogida, goynta qiimaha tacriifadaha iyo cashuuraha; (j) Odoroska dakhliga iyo kharashaadka golaha degaanka; (x) Iyo awoodaha kalee xeerkan ama xeer kale oo qorani u ogolaaday in golaha oo keli ahi yeesho.

59


(3) Golaha degaanka magaaladu wuu kala noqon karaa ama wax ka badali karaa awoodaha uu siiyay guddiga ama gudiyada joogtada ah laakiinse wax ka badalka iyo kala noqoshada awooduhu waa in aanay wax saamayn ah ku yeelanin go’aamada sida sharciga ah ay u gaadheen gudiyadaasi intii ay awooda u lahaayeen. (4) Shaqo kasta oo ay qabteen ama awood kasta oo guddiga ama guddiga joogtada ahi wax ku fuliyeen iyagoo hasta kalsoonida iyo awooda goluhu siisay shaqo uu qoluhu qabtay. Awooda magacaabidda gudidyada joogtada ah 65. (1) Golaha degaanka magaaladu wuxuu qaraar ku samayn karaa gudiyo joogto ah markasta oo ay lagama maarmaan noqoto si ay hawlaha iyo waxqabadka golaha ugu maareeyaan si waxtar leh oo wax ku ool ah. (2) Qaraarka sida xeerkani dhigayo lagu samaynayo guddiga joogtada ah waa in lagu cadeeyaa xeerarka ay ku shaqaynayaan guddigaasi. (3) Guddiga joogtada ah ee sida xeerkani dhigayo la sameeyaa waxay la wareegi karaan shaqooyinka gudi joogta ah oo caadi ah laakiinse ma badeli karaan gudi jirta. (4) Qodobada 60 ilaa 65 ayaa ka hadlaya hannaanka iyo hawlaha gudiyada joogtada ah ee sida xeerkani dhigayo loo sameeyay, sida ay uga hadlayaan gudiyada caadiga ah ee joogtada ah oo kale. (5) Guddiga joogtada ah ee sida xeerkani dhigayo la sameeyaa waa inay ka koobnaataa ugu yaraan lix xildhibaan ugu badnaanna laba iyo toban xildhibaan oo ugu yaraan saddex meelood meeli tahay dumar. (6) Waa in ay xildhibaanada gudidu si caddaalad ah isugu dheeli tiranyihijn xaga beelaha iyo degmooyinkaba. Awoodda magacaabid da gudiyo xiliyeedka 66. (1) Golaha degaanka magaaladu wuxuu samayn karaa gudiyo xiliyeed oo kolba ay eegi doonaan baahida loo qabo si ay u baadhaan ugana warbixiyaan arrimaha ay u arkaan in ay yihiin lagama maarmaan kuna habboonyihiin shaqooyinka iyo hawlfulinta fiican ee maareynta arrimaha iyo hawlaha golaha.

60


(2) Gudi xiliyeedka loo sameeyo sida xeerkani dhigayo mudadeedu waa in aanay ka badnaanin hal sano laakiin goluhu wuxuu ugu kordhin karaa mudo kale oo hal sano ah. (3) Marka goluhu dhiso gudi xiliyeed, waa inuu isla markaana magacaabaa guddoomiyeheeda. (4) Gudi xiliyeedka sida xeerkani dhigayo loo sameeyaa waa in ay ugu yaraan ka koobnaataa lix xildhibaan ugu badnaanna laba iyo toban oo ugu yaraan saddex meelood mid dumar tahay. (5) Waa inay si caddaalad ah isugu dheeli tirnaadaan xildhibaanada gudidu xaga beeralaha iyo degmooyikaba. (6)

Gudi xiliyeedka waxa lagu dhaqayaa qodobada 62 iyo 63.

Iskaashiga gudiyada joogtada ah iyo gudi xiliyeedyada iyo xubnaha aan ku jirin 67. (1) Guddiga caadiga ah ee joogtada iyo gudi xiliyeedyadu, haddii goluhu marka hore u fasaxo, waxay iskaashi la yeelan karaan xubnaha aan gudiyadooda ka mid ka ahyn, dadkaasi laakiin waa in aanay ka badnaanin tirada idil ee saddex meelood meel ka tirsan xildhibaanda guddiga, waxayna iskaashiga kala yeelanayaan waayo aragnimada, arrimaha guddiga loo xil saaray ay u leeyihiin sida xeerkani dhigayo ama goluhu u arko inay lagama maarmaan u tahay fulinta iyo habsami u socodsiinta hawlha guddigaa. (2) Dadka ay gudidu iskaashiga la yeelanaysaa sida xeerkani dhigayo waa inay lahaadaan xuquuq iyo awood la mid ah ta xubnaha gudididu u leeyihiin hawlaha ay fulinay sida xeerku dhigayo. (3)

Qodobada 17 iyo 18 ayaa xubnaha gudidu iskaashiga la yeelanayaan.

Meelaha ay tahay in loo fiirsado ee Cutubka 7 Cutubkani wuxuu ku saabsanyahay shaqooyinka golaha degaanka magaalada. Inkastoo cutubkan cinwaankiisu yahay sidaa, hadana waxa muhiim ah in la ogaado in bilawgaba in hawlahaa inta badan ay qabtaan 61


urarada bulshada rayidka ah ee aanu qaban golaha degaanka ee Muqdisho, laakiin sharciga ayaa sidan u dhigan oo loo qaabeeyay si goluhu si sharci ah ugu wareejin karo ama qadaraas ugu siin karo hawlaha fulintooda ururada noocaas ah. Qaybta 1 ee cutubkani waxay ku saabsantahay shaqooyinka ugu muhiimsan. Qodobka 68 ayaa si cad u qeexaya in Golaha Degaanka Muqdisho GDM uu yahay dowlad goboleed. Qodobada 69 iyo 70 ayaa muujinaya doorka guud ee GDM ee ah bixinta adeegyada iyo doorka muhiimka ah ee u fududaynta ururada bulshada rayidka ah bixinta adeegyada. Si fiican ugu fiirso mabda’a “hawl qabashada” ee GDM; dejinta qorshaha iyo daryeelka fayo dhawrka guud ee magaalada sida ku cad qodobada 72-74: Taasi waxay keenayaa mucda siyaasada bixinta adeegyada madaniga ah ee la siinayo dadwaynaha. Qaabka loo dejiyay hannaanka iyo qorshayaasha bixinta adeegyadu ma yahay mid lagu qanci karo? Qaybta 2 waxay ku saabsantaay shaqo hoosaadyada GDM. Kuwa ugu muhiimsan arrimahaasina waa qaybaha oo GDM samayn karo. Kooxda Farsamo waxay diideen in la sameeyo wax shuruuda ah oo lagu xidho qaybaha la samaynayo sidaa awgeed Xeerka ayaa ku qeexaya qodobka 75 in ay tahay shaqada golaha inuu xeeriyo duruufaha iyo arrimaha kaleba marka ay samaynayaan qaybaha. Ma yihiin arrimahaasi kuwo maan gal ah oo lagu xisaabtamo? Arinta kale ee muhiimka ahi waxa weeyi maareynta dhulka sida ku cad qodobada 78 iyo 79. Waxa jirta in loo baahanyahay xeer faahfaahsan oo ah maareynta dhulka laakiin arintaas lafteedu waa hawl sugaysa GDM inay sameeyaan. Sidoo kale ogow in waajibaadka GDM ay ka mid tahay soo saarida warbixino sanadeedyo ku saabsan hawlaha golaha oo dadka loo soo bandhigo. CUTUBKA 7 Shaqooyinka Golaha degaanka magaalada Qaybta 1 Shaqooyinka waaweyn Awoodaha dowlad 68. (1) Golaha degaanka magaaladu, sida ku cad qodobada dastuurka iyo awoodaha xeerkani qeexayo, wuxuu awood u leeyahay dhammaan arrimaha lagu sheegay jadwalka 2 ee Dastuurka. 62


(2) Xaga arrimaha bixinta adeegyada madaniga ah, golaha degaanku waa inuu ku dhaqmaa qodobada cutubkan. Bixinta adeegyada madaniga ah 69. (1) Golaha degaanka magaaladu wuxuu awood u leeyahay bixinta ama qandaraas ku bixinta ama u fududaynta qof ama urur bulsho rayid ah bixinta adeegyada madaniga ah ee lagu gaadhayo ujeeddooyinka soo socda – (b) Ilaalinta iyo fidinta nabada, degaanaanshaha, xasiloonida iyo dowlad wanaagga; (t) Daryeelka iyo kobcinta dhaqaalaha; (j) Daryeelka iyo kobcinta arrimaha bulshada; (x) Daryeelka iyo ilaalinta degaanka; (2) Awooda ku xusan qodobka (1) waxa la meel marin karaa uun hyadii ay faa’iido u keenayso – (b) Guud ahaan magaalada ama qayb ka mid ah; (t) Dhammaan ama qayb ka mid ah dadwaynaha degaan magaalada ama qayb ka mid ah. (3) Marka urur bulsheed rayid ahi bixinayo ama wax ka bixinayo adeeg madani ah, waa in golaha degaanku gacan siiyaa si ay u joogteeyaan bixinta adeegaa waana in aanu goluhu hawshaa ay hayaan ee bixinta adeega ah kala wareegin. (4) Marka la go’aaminayo sida ama goorta la meel marinayo awoodaha ku xusan qodobka (1) goluhu waa inuu tixgeliyaa qorshayaashiisa bulsho ee u dejisan sida ku cad qodobka 74. Awoodaha golaha degaanka ee la xiriira bixinta adeegyada madaniga ah 70. (1) Awoodaha ku xusan qodobka 69 waxa ku jira awoodaha goluhu u leeyahay – (b) Kharashaadka; (t) Lahaanshaha iyo iibinta dhulka iyo hantida kale; (j) Go’aaminta tacriifadaha iyo cashuuraha; (x) Kirada iyo khidmadaha laga qaado bixinta adeegyada, khidmada shatiyada iyo fasaxyada goluhu bixiyo; 63


(kh) (d) (r) (s) (sh)

Inay heshiisyo la galaan qof ama ururo; Is kaashiga iyo wax la qabsiga ururada ama shakhsiyaad; In ay iyagoo ka wakiil ah cidda heshiis ka dhaxeeyo hawlaheeda fuliyaan; Inay siiyaan cidda ay doonaan shaqaale, adeeg, qalab, iyo hoy. La socodka adeegyada madaniga ah ee ay bixiyaan ururada bulshada rayidka ah ama cidii kale ee ay u xilsaareen.

(2) Isaga oon sinaba ugu tagri falayn awoodaha Xeerkan ama mid kale oo qorani siiyay goluhu wuxuu awood u leeyahay qabashada wax kasta oo loo arko inay ku habboonyihiin ama fududaynayaan hirgelinta shaqooyinkiisa sida ku cad jadwalka 3. (3) Awooda fulinta hawlaha Xeerkan ama mid kale oo qorani dhigayo waxa ka mid ah awooda goluhu u leeyahay dhammaan ila dhaqaalaha eel agama maarmaanka ah ha ahaadeen shaqaale, dhul dhimeyaal ama adeegyo kale noocay doonaan ha noqdaane oo goluhu u arko in aan looga maarmayn waxtarka iy habsami u socodka hawlahiisa. (4) Marka la go’aaminayo sida loo fulinayo shaqooyinka ku cad jadwalka 3, goluhu waa inuu tixgeliyaa waajibkiisa ka saaran gaadhitaanka iyo meel marinta ujeeddooyinka ku cad qodobka 4 markastana ku dadaalaa inuu qandaraas ku siiyo ururada bulshada rayidka ah bixinta adeegyada madaniga ah si ay u suurto gasho in la gaadho ujeeddooyinkaasi. (5) Shaqooyinka ku cad jadwalka 3 waa in la fuliyaa iyadoo la tixgelinayo tilmaamaha iyo xuduudaha ku cad jadwalka 3. (6) Haddii ay laan ama qayb ka tirsan dowladda federaalka ahi ka soo codsato, goluhu waa inuu sameeyaa wax kasta oo laga soo codsaday haddii ay fududaynayaan ama suurto galinayaan shaqadada laanta ama qaybta soo codsatay. Xuduudah a awoodaha golaha degaanka magaalada 71. (1) Awoodaha ku cad qodobka 68(1) iyo 69(1) iyo 92) uma fasaxayhe poan goluhu inuu ku tallaabsado wax kasta oo dhaqanku ka reebay, xuduudaha awoodahooda ee ku cad Dastuurka ama xeer kale oo qoran. (2) Goluhu waa inuu tixgeliyaa siyaadaha iyo qorshayaasha qaranka ee uu soo saaro wasiirka awooda u lihi sida ku cad qodobka 71(1) ee awoodaha goluhu. Qorshayaasha horumarinta fayodhawrka guud 64


72. (1) Goluhu mudo laba sanadood gudahood ah marka Xeerkani dhaqan galo uu diyaariyaa qorshe(sida xeerkani u cadeeyay qorshaha bulsho) si loo fidiyo loona adkeeyo nabadgalyada iyo xasiloonida dhaqaale, buldho iyo degaanka magaalada ee wax ku taraya koboca dhaqaale iyo xasiloonida bulsho iyo horumar ee Soomaaliya. (2)

Goluhu mudadiiba mar wax waa ka badali karaa qorshehiisa bulsho.

(3) Marka la dejinayo ama wax laga badalayo qorshaha bulsho, goluhu waa inuu tixgeliyaa siyaasadaha qaran ee la xiriira arrimaha ku jira qorshaha bulsho ama lagu dari karo. Ka qayb galka hannaanka diyaarinta qorshaha bulsho 73. (1) Goluhu waa inuu si buuxda uga qayb galiyaa dadwaynaha, ururada bulshada rayidka ah iyo shakhsiyaadka kale ee laga maarmi waayoba, diyaarinta qorshaha bulsho, kuwaas oo wadar ahaan la yidhaahdo sida xeerkani dhigayo “ka qayb galayaal” (2) Ujeeddada hannaanka ka qaybgalku waa in la helo aragtiyaha ka qayb galayaasha ee la xiriira arrimaha saamaynaya, fikradahooda iyo soo jeedinahoogaba waa in lagu daraa qorshaha bulsho ee la diyaarinayo oo si fiiro leh loo dhagaystaa ka qayb galayaasha doonaya inay waxyaabo kale soo jeediyaan. (3) Iyagoon ku tagri falayn hababka ka qayb galka goluhu waa inuu ka fikiraa sida ugu hagaagsan ee uu uga faa’iidaysan karo hababkan ka qayb gal ee soo socd– (b) In lagu qabto fadhi dadwayne degmo kasta oo magaalada ka mid ah; (t) In la sameeyo sahano lagu ururinayo fikradaha dadwaynaha degan degmooyinka magaalada; (j) In fadhiyo loo qabo golayaasha degmooyinka; (x) In fadhiyo lala yeesho ururada bulshada rayidka ah ee ka wakiil ah ah bulshooyinka kala duwan ee kala danaha ah ee ku dhaqan mgaalada; (kh) U faah faahinta dadka ka qayb galaya doodaha qorshayaasha bulsho oo looga sheego idaacada iyo telefishanka. Diyaarinta iyo ansixinta qorshaha bulsho 74. (1) Guddiga ayaa u diyaarinaysa qoraal qabyo ah oo qorshaha bulshada ah si waafaqsan habka ka qaybgalka ee ku cad qodobka 73. 65


(2) Gudi kasta oo joogto ah oo goluhu leeyahay waa inay eegtaa oo wixii talo bixin ah ee ku saabsan qorshaha bulsho ee qabyada ah uga dhiibtaan. (3) Gudidu marka ay daristo warbixinaha iyo talooyinka ay u soo jeediyeen gudiyada joogtada ah sida ku cad qodobka (2) iyo wararka ay ka helaan habka ka qayb galka ee ku cad qodobka 75 waa inay diyaariyaan qorshaha bulsho kaas oo waafaqsan habka ka qayb galka bulshada ee qodobka 75 ka dibna waa in goluhu fadhi gaar ah kaga arinsadaa ansixinta qorshahaa bulsho. (4) Qorshaha bulsho waa inay eegaan Golaha wadajirka ah ee Qorshaynta iyo Horumarintu inta aan loo gudbinin golaha, golaha degaankuna waa inuu si buuxda u tixgeliyaa talo bixin kasta oo golaha wada jirka ahi soo jeediyo. (5) Marka golaha degaanka magaaladu ansixiyo qorshaha bulsho, waa in dadwaynaha magaalada degan lagu wargaliyaa oo loo baahiyaa. Qaybt 2 Shaqooyinka hoose Qaybaha golaha 75. (1) Si ay u qabtaan shaqadooda, goluhu waa inuu qaraar ku habeeyaa qaybahaas una kala asteeyaa shaqooyinkooda isagoo tixgelinaya sida ay qayb waliba ugu habboontahay fulintinta hawlahaa iyo waxtarkeeda iyo xaga qiimaha ku kacayaba. (2) Marka la samaynayo qaybaha, goluhu waa inay tixgeliyaan qodobada 71 iyoo 72 si gaar ahna waa inay ugu fiirsadaan arrimahan soo socda: (b) Faa’iidada ay leedahay in meel qudha la iskugu keeno ilaha dhaqaale iyo maaliyadeed ee golaha; (t) Habboonaanta in la helo qaybo waafaqsan arrimaha gaarka ah ee lagu xusay qodobka 71 faqradihiisa (b),(t),(j) iyo (x). (j) Dhaqaalaha, waxtarka, iyo wax ku oolnimada hawlaha golaha; (x) Muhiimada gaarka ah ee dhulka, bixintiisa, maareyntiisa iyo horumarintiisa; (kh) Xaga golaha degaanka magaalada, doorka muhiimka ah ee Dastuurka iyo xeerka u maamulka Muqdisho heer dowlad goboleed iyo mid gole degaan ahaan labadaba, waa baahida loo qabo in ay xiriir iskaashi oo wax ku ool ah la yeelato mar kasta dowladda federaalka ah. 66


(3) Goluhu mudadiiba mar si hawlihiisu waxtar iyo wax ku oolba u noqdaan wuxuu samayn karaa qaybo cusub, ama kuwo hore u jiray ayuu dib u qaabayn karaa, shaqooyinka qaybi leedahayna mid kale ayuu ku wareejin karaa. Kirada iyo Khidmadaha 76. (1) Dhammaan kirooyinka, khidmadaha, cashuuraha iyo tacriifadaha goluhu soo rogo isagoo ka duulaya qodobka 70 waxa habaynahay oo lagu dhaqayaa xeerarka dheeraadka ah haddii aan xeerar u gaar ah aanu u yeelin xeerkani ama mid kaloo qorani arrimahaas iyaga ah. (2) Goluhu isagaa qaabaynaya tacriifadaha iyo khidmadaha laga qaado adeegyada iyo shaqooyinka golaha ee lagu qabtay guryaha goluhu kiraystay haddii aan si caadi ah goluhu qaa’imada u jarin. (3) Goluhu wuxuu diyaarin karaa barnaamij lagu fasaxayo dib u eegida kirooyinka, khidmadaha iyo cashuuraha goluhu soo rogo ee ay dadka dadnyarta ahi bixin karayn. Qandaraasyada 77. (1) Qodob kasta oo Xeerkan ka mid ah oo ku saabsan shaqada goluhu wuxuu u fasaxayaa in goluhu qandaraas cid ku siiyo inay golaha u qabtaan adeeg ama u keenaan qalab si goluhu u fuliyo hawlhiisa. (2) Qandraas kasta oo qodobkani sheegayo oo qiimihiisu ka badanyahay hal miliyan oo shilin ama intii u dhiganta sida wasiirku, xeer ku sheego, waa in lagu dhaqan galiyaa qoraal la kala qorto mana ansaxayo haddii aanu qandraaskaasi ahayn mid qoran. (3) Golaha waxa waajib ka saaranyhay inuu qaado tallaabo kasta oo loo baahdo si loo xaqiijiyo in qandaraas kasta oo halkan lagu sheegay uu golaha dakhli u soo galiyo, iyadoon laga tallaabsanayn qodobada guud goluhu waa inuu – (b) Naadiyaa qandaraas kasta oo lagu sheegay qodobka (2); (t) In qandaraaska la siiyo cidda qiimaha ugu macquulsan la timaada; (j) Inay ururiyaan magacyada shirkadaha hawlo fiican u qabtay golaha oo ay liisaskaa cid walba tusaan; (x) Inay xaqiijiyaan in shuruudaha qandaraaska lagu daro kormeerid joogto ah iyo xisaabin uu golaha ama qof khibrad u leh oo ka wakiil ahi la yeelato cidda qaadatay qandaraaska si loo ogaado in qandaraaska hawshii lagu 67


bixiyay si fiican loo qabtay isla markaana la dhamaystiray inta aan la bixinin qaybta ugu danbaysa lacagta ka hor. (4) Waa in lagu daraa xeerarka maaliyadeed ee ku cad qodobka...... xeerarka lagu dhaqayo bixinta qandaraasyda, naadinta, cida saxeexaysa qandaraaska iyo arrimaha la xiriira. Awooda dhul yeelashada 78. (1) Goluhu qaraar uu isku raaco ayuu ku yeelan karaa dhul ama xaqa uu u leeyahay danta dhulka ku yaal magaalada iyadoo ujeeddadu tahay si uu hawlihiisa u fuliyo. (2) Haddii goluhu, marka uu dadaal iyo niyad wanaag uu ku galayo heshiis ku galayo ka dib ay u suurto gali waydo inuu dhulkaa helo oo baahida jirtaana tahay in aan laga maarmayn dhulkaas si ay u socdaan hawlaha goluhu, goluhu wuxuu ka codsanayaa wasiirka ay khusayso arintani inuu adeegsado awoodihiisa heer fadaraaal oo si qasab ah dhulkaa loogu wareejiyo golaha si uu u noqdo dan guud. (3) Ilaa inta la soo saarayo xeer suurto galinaya in dhulka si qasab ah dowladu ula wareegto haddii danta guud looga maarmi waayo, oo waafaqsan mabaadii’da caalamiga ah ee maamul wanaaga sida ku cad faqrada (r) ee qodobka (3) Jadwalka 2 ee Dastuurka awooda wasiirka ee arinta ku xusan qodobka (2) waxay ku xadidnaanaysaa ku dhaqanka qodobada 31 iyo 38 ee Dastuurka. (4) Dhammaan kharashaadka iyo magdhawga uu bixiyo wasiirku isagoo adeegsanaya awoodihiisa ku cad qodobka (2) waxa dayn ahaan ula wareegaya golaha oo dib u siinaya wasiirka. Awooda maareynta dhulka 79. (1) Sida xeerkani dhigayo ama xeerarka kale ee la xiriira dhaqangelinta bixinta, kiraynta, iyo qaybinta dhulka goluhu wuu – (b) Badalan karaa, kirayn karaa, iibin karaa ama cid keliya si gaar ah uga kirayn karaa; (t) Kiro ku soo dallaci karaa dadka degan guryaha ka dhisan dhulka goluhu leeyahay. (j) Qorshayn karaa oo nidaaminayaa horumarinta iyo adeegsiga dhulka magaalada; 68


(x) gaar ah.

Dhulka goluhu leeyahay waxa uu u qoondayn karaa u qorshaynta arimo

(2) Inta aanu goluhu adeegsan awoodiisa ku xusan qodobka (1)(x) goluhu waa inuu ogaysiisyo ku dhajiyaa meelaha muuqda ee u dhaw dhulka laga hadlayo ugu yaraan afar iyo toban casho ka hor inta aanu goluhu ku dhaqaaqin tallaabooyinka ku cad qodobka (1)(x). (3) Ogaysiisku waa inuu caddeeyaa in cid kasta oo danaynaysaa goobtaa iyada ah inay si toos ah ama iyagoo xildhibaan u soo maraya ula soo xiriiraan golaha ugu yaraan mudo bil gudaheed ah oo ka bilaabmaysa maalinta ogaysiisku soo baxay. (4) Haddii wax diidmo ah ka soo baxdo, goluhu waa inuu si degan u tixgeliyaa oo qaraal ku diidaa ama wax kaga badalaa go’aankiisa hore isagoo ku xisaabtamaya diidmada ka hor timid. Wakaalad 80. Marka dowladu ka codsato, goluhu – (b) Waa inuu wakiil u noqdaa dowladda federaalka ah ama waax ka tirsan dowladda federaalka ah oo uu u soo ururiyaa cashuuraha wixii khidmad ah iyo shuruudo ahna waa inay ka wada hadlaan oo ka heshiiyaan; ama (t) isaga oo kaba wakiilka ha dowladda federaalka ah iyo waaxdii kale ee federaal ahba, goluhu isagaa isku xilsaaraya ururinta dakhliga iyo cashuuraha, wixii shuruudo ahna waa inay ka heshiiyaan golaha iyo cidda ay khusaysaa. Caymiska 81. Goluhu wuxuu ka caymin karaa dhammaan hantidiisa khatar kasta oo ku iman karta sidoo kale saraakiishiisa iyo shaqaalihiisana waa ka caymin karaa dhib kasta ama dhaawac iyo khasaare ku iman kara. Awooda aqabalaada hadyaha 82. Goluhu wuu aqbali karaa hadyad, maamuli karaa hanti kale iyadoo ujeeddadu tahay in looga faa’iideeyo dadwaynaha oo ay ka mid yihiin hawlaha hagaajinta iyo daryeelka hantidaa lagu wareejiyay golaha.

69


Awooda dhaafida daymaha kharashaadka iyo ama aha kale ee golaha 83. (1) Sida ku cad qodobka (2) goluhu mararka qaar isagoo tixgelinaya talo bixinaha xoghayaha maaliyadda wuxuu qaraar ku dhaafi karaa daymaha cid kaga maqan taas oo markaa ka dib aan loo raaci doonin cidii qaamaysnayd, sababaha uu daynta ku dhaafayaana waa inay ahaadaan kuwo maan gal ah sida haddii ay jirto saboolnimo ba’an haysata qofka ama cidda kale ee daynta lagu leeyahay. (2) Dayn laga dhaafi maayo cidna sida ku cad qodobka (1) haddii lacagta laga dhaafayaa ay ka badantahay wadarta guud ee xoghayaha maaliyadu ansixiyay. (3) Sida uu dhigayo qodobka (4) goluhu isagoo ka duulaya talo bixin hore oo xoghayaha maaliyadu u soo gudbiyay wuxuu qaraar ku dhaafi karaa daymaha ka maqan. (4) Daynna la dhaafi maayo sida ku cad qodobka (3) haddii ay ka badantahay inta uu ansixiyay xoghayaha maalinyadu. (5) Qaraar kasta oo ku salaysan qaybtani wuxuu u baahanyahay in ay marka hore ansixiyaan ugu yaraan boqolkiiba lixdan xildhibaanada golaha iyo boqolkiiba lixdan xubnaha waaxda danaha madariga ah, qaraarka aqlabiyad intaa leeg aan lagu ansixinini ma hirgelayo lana fulin maayo. Warbixin sanadeedka 84. (1) Goluhu wxu diyaarinayaa oo soo saarayaa warbixin sanadeed faahfaafsan oo ku saabsan hawlaha maaliyadeed ee golaha iyo waxqabadkii sanadkaa uu sameeyay goluhu. (2)

Warbixin sanadeedka waa in la soo saaraa 31 Maarso sanadkasta.

(3) Warbixin sanadeedku waa in loo bandhigaa dadwaynaha oo ay ku arki karaan xafiisyaa saacadaha shaqadu socoto isla markaana la baahiyaa si ay dadwaynuhu u ogaadaan wax qabadka golaha iyo qiimaha uu ku kacay. Qodobada ay tahay in loo fiirsado ee Cutubka 8 Cutubkani wuxuu ku saabsanyahay saraakiisha iyo shaqaalaha. Sida cutubkani dhigayo GDM waxa looga baahanyahay inuu magacaabo saddex sarkaal oo sare: Xoghayahay Fulinta, Xoghayaha Maaliyadda iyo 70


Xoghayaha Sharciga. Saraakiil sare sare oo kalena waa la magacaabi karaa. Ujeeddada ka danbaysa habkan magacawga saddexda sarkaal waxa weeye in ay fuliyaan oo fududeeyaan hawlaha golaha. Ujeeddadan aad ugu fiirso iyo waliba shaqooyinka saraakiishan ee lagu sheegay qodobada 89-91. Habka soo magacawgoodu ma yahay mid habboon? U fiirso sidoo kale qodobka 87 ee waajibaadka guud ee saraakiisha iyo shaqaalaha ee ku jira cutubka 3 ee xuquuqda dadka degaanka ah iyo waajibaadka GDM. Qodobka 96 tusaale ahaan waa ka suurto galinaya iskaashiga dhexmaraya dadwalada federaalka ah iyo GDM:u soo dirida GDM saraakiil ka socota dowladda federaalka oo ka caawisa hawlahooda.

CUTUBKA 8 Saraakiisha iyo shaqaalaha kale Saraakiisha sar sare ee golaha 85. Saraakiisha sar sare ee goluhu waa kuwan soo socda – (b) Xoghaye fulineed; (t) Xoghaye maaliyadeed; (j) Xoghaye sharci; iyo (x) Saraakiisha kale ee goluhu u garto inay madax u noqdaan qaybaha golaha degaanka Magacaabidda saraakiisha sar sare 86. (1) Jagooyinka saraakiisha sar sare waa in lagu xayaysiiyaa ugu yaraa hal wargays oo wada gaadha magaalada waxa kale oo lagu xayaysiin karaa warbaahinta dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. (2) Guddiga ayaa waraysanaysa dadka u tartamaya jagoojinka la xayaysiiyay oo warbixin ka siinaya golaha kartida dadkaas iyo waayo aragnimadooda iyo wixii kale ee taageerayaba si uu goluhu go’aan uga gaadho cida loo qaadanayo. (3) gudi-hoosaadka guddiga oo ka kooban Duqa, ku xigeenka duqa iyo guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa soo saaraya liiska inta qof ee u qalanta jagada la xayaysiisay si mar kale ay gudidu waraysi ula sii yeeshaan dadkaasi oo looga xusho 71


sarkaalka sare ee loo doonayo jagada banaan. Liis kastaa waa in aanu ka yaraan ugu yaraan afar magac. (4) Gudi-hoosaadku waa inay ku tixgeliyaan marka ay go’aan ka gaadhayaan liiska ilaa intii suurto gal ah isku dheeli tirnaanta xubnaha la qaadanayo ee xaga beelaha iyo lab iyo dhediga. (5) Goluhu waa inuu si buuxda oo taxadar leh ugu fiirsadaa talo bixinta guddiga lagu sheegay qodobka (3) ka dibna ay doortaan qofka u qalma jagada Waajibaadka guud ee dhammaan saraakiisha golaha 87. (1) Dhammaan saraakiisha golaha waxa had iyo goor saaran waajibaadkan – (b) u shaqaynta golaha saacadaha shaqada oo buuxa, iyo in daacadnimo ku dheehantahay kartidoodana aanay la bakhaylin; (t) Inay la shaqeeyaan Duqa, ku xigeenkiisa, xildhibaanada iyo wakiiladoo si loo xaqiijiyo in hawlaha golaha iyo bixinta adeegyada madaniga ahi loo gaadhsiiyo dadwaynaha si waxtar iyo wax ku ool ah wixii dhaqaale ahna si siman loogu qaybiyo; (j) inay xildhibaanada ka caawiyaan fulinta waajibaadkooda ku cad qodobka 28 iyo inay uga digaa xildhibaanda waxyaabaha ka reeban ee ku cad qodobka 29; (x) Ianay ka caawiyaan waaxda danaha madaniga ah iyo wakiiladooda fulinta waajibaadkooda; (kh) inay si cadaalad ah oo aan cidna loo eexanayn ay dhammaan dadwaynaha ugu adeegaan iyagoo tixgelinaya xuquuqdooda ku cad qodobka 11; (d) Inay hawlahooda u gutaan si waafaqsan mabaadii’da maamulka cadaalada; (r) inay xaqiijiyaan in goluhu ilaaliyo oo ku dhaqmo xeerkan iyo dhammaan xeerarka kale marka uu go’aamo gaadhayo; (s) inay u fuliyaan hawlahooga si waafaqsan qaraarada golaha,gudiyada, gudiyada joogtada ah isla markaana ku jaan go’an wakhtiga loo cayimay; (sh) Inay ku dhaqmaan dhammaan amarada sharciga ah ee uu siiyo Duqa, kuxigeenka duqa ama xildhibaan kale oo awood u lehi ama saraakiisha kale ee awooda u lihi; (dh) Inay xaqiijiyaan in xiriir saxan ay yeeshaan golaha iyo wasiirka iyo dhammaan laamaha kala duwan iyo wakaaladaha dowladda federaalka ah.

72


(2) Xoghayaha Fulinta iyo saraakiisha sar sare ee lagu sheegay qodobka 85 iyo dhammaan madax waaxyeedyadu waxay u xilsaaranyihiin inay warbixin qoraal ah u gudbiyaan golah oo ku saabsan arrimaha uu sarkaalkaasi u arko inay yihiin kuwo loo baahnyahay in loo madaxbaneeyo si hawlaha goluhu si fiican ugu socdaan, sarkaalka sare ee warbixin noocaas ah golaha u soo gudbiyaana waa inuu ka qayb glaa fadhiga lagaga arinsanayo soo jeedintiisa. (3) Haddii sarkaal ay la noqoto in golaha ama guddiga golaha ama xildhibaan gaar ahiba ka mas’uulyahay waxyaabo aan sharci ahayn sida wax is daba marin, musuq maasuq oo keeni kara maamul xumo iyo fadhiidnimo golaha ku timaada waa inuu ku wargaliyaa fikirkiisa xoghayaha fulinta, xoghayaha fulintuna waa inuu isla markaaba warbixin qoraal ah oo arintaa ku saabsan ugu gudbiyaa golaha fadhi gaar ah sida ku cad qodobka 50(1)(J) mudo todoba casho ka dib ahna marka fadhigug qabsoomo Xoghayaha fulintu waa inuu u gudbiyaa warbixintaa iyo qaraarkii goluhu ka soo saarayba wasiirka. (4) Haddii fadhiga gaarka ah ee lagu sheegay qodobka (3) lagu qaban waayo kooramka oo dhinaada awgeed, xoghayaha fulintu waa inuu warbixinta lagu sheegay qodobka (3) u gudbiyaa wasiirka iyo Duqa. Xeerka anshaxa ee saraakiisha iyo shaqaalaha 88. (1) Goluhu waa inuu, isagoo tixgelinaya arrimaha ku cad qodobka 87(1) diyaariyaa xeerka anshaxa ee dhammaan saraakiisha iyo shaqaalaha isla markaana qaraal ku meel mariyaa. (2) Xeerka anshaxa waa in la tixgeliyaa oo sidiisa loogu dhaqmaa oo uu la mid ahaadaa, haddii aanay jirin sabab cad oo loo baalmari karaa, ka dhammaan shaqaalaha dowladda federaalka ah. (3) Xeerka anshaxa ee goluhu ansixiyo waa in ay dhammaan shaqaalaha iyo saraakiisha goluhu ku dhaqmaan. Shaqada xoghayaha fulinta 89. (1) Xoghayaha fulintu waa sarkaalka ugu sareeya ee ka mas’uulka ah xisaabaadka iyo maareynta hawlaha golaha.

73


(2) Sarkaal sare oo kasta iyo madax waaxeedku sida ku cad qodobka 87(2) waxa uu hoos imanayaa xoghayaha fulinta oo ah sarkaalka ugu sareeya ee ay hoos imanayaan waaxyaha iyo qaybaha kala duwan ee goluhu. (3) Hawlaha kalee xoghayaha fulintu u xilsaaranyahay sida xeerkani dhigayo waxa u dheer – (b) inuu u xilsaaranyahay habsami u fulinta dhammaan amarada sharciga ah ee ka soo baxa golaha, guddiga, duqa, ku xigeenka duqa ama xildhibaanada kale ee awooda u leh; (t) Inuu qaado tallaabo kasta oo maan gal ah oo uu ku xaqiijinayo in dhammaan gudiyada joogtada ah iyo gudi xiliyeedka lagu gaadhsiinayo waxii macluumaad iyo warar ah ee ay u baahanyihiin si waafaqsan xeerkan. (j) Inu u xilsaaranyahay isku duwida iyo agaasinka barnaamijyada golaha iyo fududaynta hawlaha golaha ee bixinta adeegyada madaniga ah ee ay u xilsaareen ururada bulshada rayidka ah. Iyo kormeerka guud iyo hubinta habsami u socodka hawlaha dhammaan laamaha iyo xafiis hoosaadyada golaha. (x) inuu u xilsaaranyahay dhammaan xiriirka iyo war is waydaarsiga rasmiga ah ee golaha dhexdiisa; (kh) Inuu u xilsaaranyahay diyaarinta ajandayaasha, gudbinta qoraalada, warbixinaha, talo bixinaha iyo qodobada fadhiyada golaha iyo dhammaan gudiyada; (d) inuu u xilsaaranyahay ilaalinta qoraalada, dukumentiyada iyo diiwaanada golaha iyo gudiyadiisa iyo gudi-hoosaadyada; (r) Inuu u xilsaaranyahay ku wargalinta golaha ee amarada iyo tilmaamaha ka soo baxa dowladda federaalka ah iyo xaqiijinta in amaradaasi fulaan. (s) inuu u xilsaaranyahay maareynta shaqaalaha golaha oo ay ka mid tahay dallacsiintooda, erigooda anshax marintooda iyo la socodka guud ee waxqabadkooda; (sh) Inuu u xilsaaranyahay waajib kasta oo sharci ah ama amar ah oo ay faraan golaha, guddiga iyo gudihoosaadyadiisa. (4) Xoghayaha fulintu sida xeerkani dhigayo ama amar kale oo goluhu leeyahay waxa uu qaban karaa hawlaha kale ee loo xilsaaro.

74


Shaqada xoghayaha maaliyadda 90. Xoghayaha maaliyadu wuxuu u xilsaaranyahay ilaalinta iyo maareynta maaliyadda golaha iyo hantida kale ee golaha isaga oo aan ku tagri falayn waajibaadkiisa guud waxa kale oo uu qabanayaa hawlahan – (b) Inuu xaqiijiyo in golaha, gudiyada iyo gudi-hoosaadyadiisu mar kasta ay helaan talooyinka maaliyadeed ee ay u baahanyihiin oo ay ka mid tahay qiimaha lacageed ee ay ku kacayaan barnaamijyada iyo tallaabooyinka goluhu doonayo inuu fuliyo; (t) Inuu diyaariyo odoros sanadeedka loo gudbinayo guddiga iyo golaha; (j) inuu xaqiijiyo in odorska lagu dhaqmo; (x) inuu xaqiijiyo in dhammaan xeerarka la xiriira armaha maaliyadeed sidooda loogu dhaqmo; (kh) Inuu diyaariyo warbixin bileed iyo mid sanadle ah oo ku saabsan xaaladda maaliyadeed ee golaha oo uu u gudbiyo guddiga iyo golaha; (d) inuu sameeyo xisaab xidhyo joogto ah oo uu ku sameeyo hantida golaha. (r) Inuu fasaxo oo saxeexo bixinta kharashaadka adeegyada iyo qalabka golaha loo sameeyo si waafaqsan xeerka qandaraaska iyo inuu xaqiijiyo in lacagahaa la bixiyay la galiyo buugaagta xisaabaadka ee golaha; (s) Inuu u xilsaaranyahay fulinta amarada iyo tilmaahama sharciga ah ee ka soo baxa golaha, guddiga ama cidii kale ee goluhu awood u siiyo bixinta amarada noocaas ah. Shaqada xoghayaha sharciga 91. Xoghayaha sharcigu wuxuu u xilsaaranyahay inuu xaqiijiyo in goluhu ku dhaqmo xeerka iyo dhammaan xeerarka kale ee jira marka uu gudanayo hawlihiisa iyo meel marinta barnaamijyada iyo qaraarada uu soo saaro isaga oo aan ku tagri falayn awoodihiisa intaa waxa u dheer xoghayaha sharciga arrimahan soo socda – (b) Inuu golaha, guddiga iyo dhammaan gudi hoosaadyada iyo kuwa joogtada ah arrimaha sharciga iyo saamaynta iyo cawaaqibka sharci ee ka dhalanaya tallabooyinka, go’aamada iyo qraarada ay soo saaraan; (t) Inuu sharciga kala taliyo saraakiisha iyo cawaaqibka sharci iyo saamaynta go’aamadooda iyo tallaabooyinka ay qaadaan; (j) inuu xaqiijiyo in hawlaha sharciga ee dhammaan gudiyada iyo gudi hoosaadyada loo qabso sida ugu habboon;

75


(x)

(kh)

(d) (r)

Qorida, dib u eegidda, iyo ansixinta xeerarka dheeraadka ah, qandaraasyada, heshiisyada iyo qoraalada kale ee goluhu arko inuu talo sharci uga baahanyahay si uu u fuliyo hawlihiisa Si waafaqsan xeerarka dacwad ku qaadida iyo dadka ku eedaysan faldanbiyeedyada inuu ku oogo dacwadaha goluhu u haysto dadkaas sida xeerkani dhigayo; Inuu golaha uga doodo maxkamada horteeda marka hawlo ka galaan; Inuu u xilsaarnaado fulinta iyo amarada iyo tilmaamaha sharciga ah ee ay bixiyaan golaha, guddiga ama gudiyada joogtada ahi.

Magacaabidda saraakiisha iyo shaqaalaha 92. (1) Goluhu, isagoo raacay qodobadan wuxuu magacaabi karaa, musharsiin karaa, dallacsiin karaa, darajo ka qaadi karaa, dacwad ku qaadi karaa ama eryik karaa shaqaaalaha si ay golaha ugu qabtaan hawlaha uu u igmado. (2) Marka la go’aaminayo tirada, darajada, gunaynta iyo waxyaabah kale la siinayo saraakiisha iyo shaqaalaha, goluhu waa inuu tixgeliyaa waajibkiisa dhaqaale, waxtarka iy wax ku oolnimada ay arrimahaasi u leeyihiin hawlaha golaha iyo danta dadwaynaha. (3) Xoghayaha fulintu marka xeerkani dhaqan galo ka dib mudo lix bilood gudahood ah waa inuu ku diyaariyaa oo ugu gudbiyaa guddiga barnaamijka magacaabidda, maareynta, anshax marinta, oo ay ka midyihiin eriga io mushar siinta shaqaalaha iyo saraakiisha golaha. (4) barnaamijka la diyaarinayo ee lagu sheegay qodobka(2) waa inay ka muuqdaan arrimahaa lagu sheegay. (5) Gudidu waa inay daristaa barnaamijkasta oo loo soo gudbiyo oo ay u sii gudbisaa barnaamijkaa iyagoo ku ladhaya talo bixintooda. (6) (b) (t) (j) Barnaamijka, diiday.

Goluhu waa inuu qaraar– Meel mariyaa; wax kaga badalaa; ama Diidaa, haddii uu goluhu diido barnaamijkaa waa inuu sheegaa sababa uu ku

76


(7) Haddii goluhu diido barnaamijka, gudidu waa inay dib u eegtaa barnaamijka oo dib ugu celisaa marka ay wax ka badaal golaha si isagoo adeegsanaya awoodiisa uu hadana goluhu mar kale dib ugu eego barnaamijka. Hawl u xilsaarida saraakiisha 93. (1) Si waafaqsan qodobka, wax kastaa oo xeerkan ama xeer kale oo qorani dhigayo oo goluhu ku tallaabsado ama sarkaalka ama xildhibaanka loo xilsaaray hawl isagoo ka wakiil ah goluhu waxa uu qabtaa waa sharci. (2) Goluhu wuxuu hawl u xilsaari karaa dadka lagu sheegay qodobka (1) haddii ay golaha la noqoto in loo baahanyahay, hase ahaatee cidda hawsha loo xilsaaray waa in lagu wargaliyaa golaha, guddiga ama gudiyada joogtada ah. (3) (b) (t) (j) (x)

Arrimahan soo socda golaha ayaa magacaabaya cidda loo xilsaarayo– Dejinta cashuur; Lacag u soo amaahashada golaha; Samaynta xeerarka dheeraadka ah; Qabashada hawlaha kale ee xeerkan ama xeer kale oo qorani si cad ugu fasaxayo goluhu inuu cid u igmado.

Magacaabidda saraakiil ku xigeenada 96. (1) Dowladu waxay diyaarin kartaa barnaamij ay shaqaalaha federaalka ah kaga dhigayso ku xigeenada saraakiisha golaha degaanka si goluhu hawlihiisa ugu qabsado. (2) Sarkaalka lagu soo qoro golaha degaanka sida xeerkani dhigayaa wuxuu qaban karaa xafiis ka mid ah kuwa golaha degaanka si waafaqsan xeerka saraakiisha iyo shaqaalaha golaha. Qodobada ay tahay in loo fiisrado ee Cutubka 9 Cutubkani wuxuu ku saabsanyahay dejinta xeerarka golaha degaanka magaalada. Goluhu wuxuu yeelanayaa hawlood oo xeer dejin ah: mid heer dowlad goboleed ah iyo mid heer gole degaanka ah. Labada arimood way isku imanayaan laakiinse suurto gal ayay u tahay in GDM uu doonayo inuu ka fikiro hirgelinta xeerar heer goboleed ah saamaynaya meelaha ka baxsan magaalada Muqdisho. Waxa loo 77


qaadan karaa in ay jirto baahi loo qabo hirgelinta xeerar heer goboleed ah oo loo hirgeliyo qaab federaal ah wixii ku saabsan arrimaha qaran sida aariboorka, dekadda ama hirgelinta heshiisyada caalamiga ah. Xeerkani arrimahaa waxba kama odhanayo. Sidaa awgeed cutubkani wuxuu si gaar ah ugu saabsanyahay oo keli ah xeerarka dheeraadka ah ee maamulka magaalada: xeerarka dheeraadka ah ee dhammaan arrimaha ku cad jadwalka 3. Cutubku wuxuu awooda saarayaa sida loo samaynayo xeerarka dheeraadka ah iyo qaybta ay ku yeelanayaan dadwaynaha, ururada bulshada rayidka ahi. Hase ahaatee arin u baahan tixgelin gaar ah aya jira sida ku cad qodobka 102; dowladda federaalka ahi waxay waydiisan kartaa GDM inay sameeyaan xeerarka dheeraadka ah oo haddii ay awoodi waayan ay iyadu samayso. Arintani waa awood wayn oo dowladda federaalka ah la siinayo laakiin run ahaantii xaqiijinaysa habsami u socodka hawlaha dowladda federaalka ah. CUTUBKA 9 Xeer dejinta golaha degaanka magaalada Awooda xeer dejinta ee golaha 95. (1) Golaha degaanka magaaladu, si waafaqsan qodobada Dastuurka iyo awoodaha xeerkani siiyay, wuxuu awood u leeyahay inuu xeerar u dejiyo dhammaan arrimaha ku cad jadwalka 2 ee Dastuurka. (2) Wixii la xiriira hawlaha arrimaha xeerkani dhigayo, golaha degaanka magaaladu waa inuu ku dhaqmaa qodobada cutubkan. Awooda dejinta xeerarka dheeraadka ah 96. (1) Goluhu mudadiiba mar ayuu dejin karaa xeerar dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha uu uga maarmi waayo fududaynta iyo meel marinta hawlihiisa – (b) fulinta shaqooyinkiisa sida xeerkani dhigayo; ama (t) shaqooyinka kalee xeerkani u xilsaaray. (2) xeerkasta oo dheeraad ah oo goluhu dajiyo waa in loo akhriyaa oo la waafajiyaa xeerkan si uu u xoojiyo iyadoon laga tallaabsanayn qodobada Dastuurka ama xeerarka kalee qoran ee Jamhuuriyada Soomaaliya ee arrimaha la xiriira magaalada iyo 78


ilaa xadka xeerarkaa dheeraadka ahi aanay si toosa uga hor imanayn xeerarka dalka, haddii ay ka hor imanayaana waa in la tuuraa. (3) Awooda dejinta xeerarka dheeraadka ah ee cutubkani qeexayo waxa ka mid ah wax ka badalidda, kaabidda, iyo dib u eegidda xeerarka dheeraadka ah ee jira. (4) Xeerarka dheeraadka ah ee loo dajiyo si waafaqsan xeerkan waa in si buuxda looga dhaqan galiyaa dhammaan dhulka ay gaadhsiisantahay awooda golaha, awooda dejinta xeerarka dheeraadka ah ee goluhu leeyahay waxa ka mid ah u dejinta xeerar dheeraad ah qaybo ka mid ah dhulka goluhu maamulo. Hannaanka la xiriira dejinta xeerarka dheeraadka ah 97. (1) Marka goluhu soo jeediyo dejinta xeerar dheeraad ah(oo ay ka midyihiin waxa ka badalkodu) waa in ugu yaraal laba todobaad ka hor fadhiga golaha ee lagaga arinsanayo xeerarkaa dheeraadka ah, uu ogaysiiyaa dadka xeerarkaasi saamayn karaan si wixii diidmo ah ee ay ka qabaan ay u sheegaan muddadaa gudaheeda. (2) Goluhu ugu yaraan ha qabto hal kulan oo uu la yeesho dadwaynaha kaas oo xoghayaha fulinta ama sarkaal uu u xilsaartay uu ka soo qayb galo si uu ugu faahfaahiyo dadka xeerarka dheeraadka ah ee la doonayo in la soo saaro iiyo saamaynta ay ku yeelanayaan dadwaynaha, wixii diidmo ah ee ay dadwaynuhu ka muujiyaan xeearkaa dheeraadka ahna waa in loo gudbiyaa golaha degaanka. (3) Marka muddadaasi dhamaato lagu ururinayo wixii diidmo ah ee dadwaynuhu ka qabaan xeerarka dheeraadka ah ee la dejinayo gudidu waa inay ka fadhiistaan oo iyagoo tixgelinaya cabashooyinkaa lagu sheegay qodobka (2) in – (b) wax diidmo ah laga muujiyay iyo in kale; (t) Gudidu waa inay tixgeliyaan wixii diimo ah ee soo gaadhay haddii ay yihiin kuwo golaha ku dirqiyaya inuu ka noqdo go’aanka uu xeerarkaa dheeraadka ah ku dejinayo iyo in kale; ama (j) Gudidu waa inay tixgeliyaan xeerarka dheeraadka ah ee la doonayo in la dejiyo waa inay dib u eegaan ama wax ka badalaan si waafaqsan cabashooyinka iyo diidma ka timid, Gudidu waxay golaha talo ku siinaysaa inay xeerka sidiisa u dejiyaan iyo inay wax ka badalaan kolba kii uga soo baxa kulankooda. (4) Haddii gudidu garato in diidmada iyo cabashooyinka laga muujiyay xeerarka dheeraadka ah ee la wadaa inay keenayaa sababo lagu qanci karo oo lagu 79


joojinayo xeerarka la wado, gudiduwaa inay ku wargaliyaan golaha in ay joojiyaan dejinta xeerarkaa dheeraadka. (5) Goluhu waa inuu si buuxda oo taxadar leh u tixgeliyaa talobixinta guddiga ee arrimaha ku saabsan xeerarka dheeraadka ah iyo diidmada laga muujiyay. Qodobada gaarka ah ee dejinta xeerarka dheeraadka ah 98. (1) xeerkasta oo dheeraad ah ama badhkii wuxuu soo kordhin karaa khidmad, kiro, tacrifad ama cashuur dheeraad ah oo lagu soo rogo waraaqaha fasaxyada, shatiyada iyo qoraalada kale ee loo soo saaro dadka, waxana la fari karaa cidda waraaqahaa loo soo saaray inay arrimaha loo ogolaaday oo kaleiya u adeegsadaan fasaxyadaa oo wixii shuruudo ah ee la socdana la fuliyaa. (2) Xeerkasta oo dheeraad ah oo loo dejiyay si waafaqsan xeerkan wuxuu awood u siinayaa golaha, saraakiisha iyo shaqaalaha kormeerka fulinta hawlaha si ay u fuliyaan si waafaqsan xeerarka dheeraadka ah. Faafinta xeerarka dheeraadka ah 99. (1) Xeerarka dheeraadka ah waa in lagu faafiyaa wargayska dowladda ee rasmiga ah si loo gaadhsiiyo dhammaan meelaha awooda goluhu gaadho, waxaanay xeerarkaasi ka dhaqan galayaan goobahaas taariikhdaa la faafiyay, (2) Goluhu isagoo fulinaya waajibkiisa waa inuu faafiyaa xeerarka dheeraadka ah ee goluhu soo saaro marka ay dhaqan galaan waana in lagu wargaliyaa dadka xeerkaasi saamaynayo waana in goluhu fuliyaa arrimahan soo socda – (b) Faafinta xeerarka dheeraadka ah oo lagu faafiyo wargaysyada ama wargays goluhu leeyahay; (t) Ku faahfaahinta xeerarka dheeraadka ah kulano dadwayno oo la qabo ama idaacadaha iyo telefishanada; (j) Dhigidda nuqulada xeerarka dheeraadka ah xarumaha golaha deegaanka iyo goobaha kale ee dadwaynuhu ku kulmaan. (3) Nuqulka dhammaan xeerarka dheeraadka ah ee goluhu soo saaro waa in la dhigaa xarunta golaha degaanka si dadwaynuhu saacadaha shaqada u akhriyi karaan iyagoo haddii goluhu go’aamiyo laga qaadayo khidmad lacageed oo maangal ah. Caddaymaha xeerarka dheeraadka ah ee golaha

80


100. Nuqulka xeerka dheeraadka ha ee goluhu soo saaro waxa lagu dhaqangelinayaa shahaado uu saxeexo Duqa ama kuxigeenkiisa ama qof kale oo awood goluhu u siiyay taas oo sheegaysa in: (b) Xeerka dheeraadka ah lagu faafiyay sida ay dhigayaan qaraarada goluhu; (t) Nuqulka xeerka dheeraadka ahi yahay mid run ah; Xeerka dheeraadka ahi wuxuu noqn karaa cadayn la hor dhigi karo maxkamad oo aan u baahnayn wax kale oo lagu xaqiijinayo. Ciqaabta ku xad gudubka xeerarka dheeraadka ah 101. (1) ku xad gudubka xeerarka dheeraadka ah waxa ka dhalanaya ciqaabhan – (b) Shaqo ka joojin mudaysan; (t) Ganaax aan ka badnayn hal milyan oo shilin; (j) Xadhig aan ka badnayn lix bilood; (x) Adeeg bulsho oo lagu kormeero oo aan ka badnayn konton saacadood; (kh) Ciqaabaaha kor ku xusan oo wada socda. (2) Sida ku cad qodobka (1) ciqaabaha kala duwan waxa loogu qaadi karaa ku xad gudubyada soo noq noqda ee xeerarka dheraadka ah. (3) Xeerkasta oo dheraad ah oo dhigaya in qofka lunsada hanta ama gala fal danbiyeed lagu qaado waa in lagu qaadaa qofkaa inu bixiyo wixii uu lunsaday iyo ciqaab dheeri ah sida ku cad qodobka (1). Awoodaha dowladda federaalka ahi u leedahay dalbashada dejinta xeerarka dheeraadka ah 102. (1) Dowladu, haddii ay ku qanacdo in goluhu dejin kari waayay xeerarka dheraadka ah ee looga baahanyahay ee sida tooska ah u saamaynaya dowladda iyo hawlaheeda sida ku cad faqrada(1)ee jadwalka 2 ee Dastuurka, waxay si toosa u faraysaa golaha inuu dejiyo xeerar dheeraad ah oo ay dowladu u tilmaanto. (2) Haddii goluhu, marka amarkaasi soo gaadho ka dib, muddadaa la faray oo aan ka yarayn laba bilood uu ku fulin waayo amarka dowladda, dowladu sida qodobka (3) dhigayo waxay u adeegsanaysaa dhammaan awoodaheeda uu xeerkani u faxayo sidii xeerarkaa dheeraadka ah loo samayn lahaa. (3) Xeerarka dheeraadka ah loo dejin maayo si waafqsan qodobka (2) haddii aanay dowladu fursad siinin golaha uu kaga baaraan dago amarka ay dowladu fartay.

81


Xeerar dheeraad ah oo muunad ah 103. (1) Dowladu mudadiiba mar ayay golaha u samayn kartaa xeerar dheraad ah oo muunad ah si uu goluhu ugu jaan gooyo xeerarkiisa dheeraadka ah. (2) Dowladu waxay golaha ku marti qaadaysaa kulano lagaga arinsanayo dejinta xeerarka dheeraadka ah ee muunada ah ee lagu dhaqayo dhulka goluhu maamulu. (3) Marka golhu go’aaminayo aqbalaada mrtiqaadka dawlahda sida ku cad qodobka (2) qodobada 99 ayaa lagu dhaqaayaa dejinta xeerarka dheeraadka ah ee cutubkani sheegayo. Qodobada ay tahay in loo fiirsado ee Cutubka 10 Sida ka jirta wadamo badan, dowladda hoose maaliyadeeda waxa qeexa xeerar gaara maaddaama ay u baahantahay lacag badan oo ay ugu adeegto dadwaynaha. Dowladdaha federaalka ah, u qoondaynta maaliyadda dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada waxa had iyo goor lagu dhaqaa hannaan sharci oo la isku raacay. Hannaan noocaas ahi kuma jiro Dastuurka ku meel gaadhka ah ee qabyada ah, ilaa qodobo arrimahaa ka hadlaya la helona qodabada maaliyadda Muqdisho waa iska qabyo lagu sii hawl galayo uun oo marka loo baahdo kolba ay dowladda federaalka ahi dib u eegi karto ilaa inta la ansixinayo dastuurka cusub. Waxa kale oo ay tahay in la ogaado in ka hor inta aan la dhisin GDM si uu u adeegsado dhammaan awoodihiisa maaliyadeed inay mudo qaadanayso. Habadaba, cutubkani iskuma dayayo inuu hannaan sharci oo dhamaystiran oo lagu maamulo maaliyadda GDM uu sameeyo. Hase ahaatee wuxuu dhigayaa uun qodobada aasaasiga ah ee lagu xaqiijinayo in (i) cashuuro la guro: (ii) bixinta kharashaadka (iii) gudbinta qorshayaasha iyo odorska ; iyo (iv) xisaab celinta iyo hubinta in kharashaadkii baxay waafaqsanyihiin sharciga. Qodobada kale waa iska kaabeyaal kale uun oo lagama maarmaan ah. Ka qaybgalka dejinta miisaaniyada waxa lagu sheegay qodobka 111 kaas oo fasaxaya fursado badan oo la siiyo ururada bulshada degaanka iyo maalgalinta mashaariicda bulsho ee muhiimka ah. Aad ugu fiirso shaqooyinka gaarka ah ee xoghayaha fulinta ee ku cad qodobka 113; ee ah in sarkaalkaasi awood u leeyahay inuu fasaxo ama joojiyo 82


bixinta kharashaadka. Ugu danbayntii, qodobka 123 wuxuu dhigayaa in GDM oo ah dowlad goboleed dajiyo xeerka maaliyadda iyo hannaan cusub oo lagu hawl galiyo dhammaan qodobada muhiimka ah

CUTUBKA 10 Maaliyadda Sanduuqa maaliyadda Muqdisho 104. Goluhu wuxuu samaynayaa Sanduuqa Maaliyadda Muqdisho (oo wixii Sanquuq lagu magacabayo wixii imika ka danbeeya) sanduuqaas oo lahaanaya xiisaabo kala duwan – (b) Dhammaan dakhliga soo xarooda iyo kharashka baxa ee golaha; (t) Hantida, cusboonaysiinta iyo sanduuqda gaarka ah; (j) Lacagaha ama aha ah; iyo (x) Ganacsiga, iyo dakhliyada iyo kharashaadyada la galo. Iyo sida uu dhigayo cutubkan dhammaan dakhliga golaha iyo kharaadkiisa noocay doonaan ha ahaadane oo laga bixinayo sanduuqaas isaga ah. Dakhliga golaha 105. Dakhliga golaha ee ku soo xaroonaya sanduuqu wuxuu ka koobanyahay – (b) Dhammaan cashuuraha goluhu qaado; (t) Wixii kiro ah ama khidmad laga qaado shatiyada, fasaxyada iyo waraaqaha goluhu si sharci ah u soo saaro ka soo xarooda; (j) Dhammaan khidmadaha, cashuura, tacriifadaha, iyo kirooyinka kale ee sida xeerkani dhigayo u waajiba golaha; (x) Dhammaan dakhliga ka soo xarooda wixii baayac mushtari ah ee goluhu sameeyo; (kh) Dheefta laga helo lacagha goluhu maal gashiga ku sameeyo ama bangiga ku taalla; (d) dhammaan wixii macaash ah ee ka soo xarooda iibka wixii goluhu ka baayac mushtaraynayo (r) dhammaan dakhliga ka soo xarooda kirada hantida golaha; (s) dhammaan wixii kale ee dakhli ah ee ka soo xarooda hawlaha goluhu qabo; (sh) Amaaaha

83


Kharashaadka 106. (1) Goluhu isagoo ka duulaya qodobada xeerkan ama xeer kale oo qoran wuxuu awood u leeyahay maamulida kharashaadka sida dastuurku dhigayana lacag wuu diri karaa si sharci ah oo uu ku fulinayo hawlihiisa ama lagu bixinayo kharashaadka fadhiyadiisa ama amaahaha lagu leeyahay. (2) Wax kasta oo laga bixiyo sanduuqa ama sanduuq kale oo goluhu leeyahay waa inuu bixiyaa xoghayaha maaliyadda oo fulinaya amarada ka soo baxa guddiga ee ay ku farayaan inuu bixiyo kharashaadkaa iyagoo waafaqsan xeerkan ama xeer maaliyadeed oo kale. Hantida, cusboonaysiint a iyo sanduuqyada gaarka ah 107. (1) Goluhu wuxuu u samaynayaa sanduuq gaar ah haddii uu ka maarmi waayo hantida iyo dib u cusboonaysiintoooda una samaynayaa xisaabo ku filan. (2) Lacagaha amaahda ah ee hawlaha noocaas ah lagu fulinay waa in loogu xisaabtamaa inay yihiin hanta golhu leeyahay. Amaahaha culus 108. (1) Goluhu wuxuu qaadayaa tallaabo kasta oo uu ka maarmi waayo si uu u soo urursado dhammaan cashuurada, khidmadaha iyo wixii kale ee dakhli ah ee ka maqan sida uu dhigayo xeerkan ama xeerarka kale. (2) Guddiga ayaa u faxaysa xoghayaha maaliyadda inuu wixii dakhli ah ee aan la bixin karin ka dhaafo cidda lagu leeyahay. Xisaabaha bankiyada 109. (1) Goluhu waa inuu xisaabo ka furtaa banki ama in ka badan xisaabo haddii goluhu u arko inay tahay lagama maarmaan si ay ugu sahlanaato hawlihiisa bixinta iyo qabashada dakhliga iyo kharashaadka bankiyaduna waa inay ahaadaan kuwo ka sharciyaysan Soomaaliya. (2) Dhammaan lacagaha goluhu qabanayo ahdii aan xeer kale horjoogsan, waa in si toos ah loogu dhigaa xisaabaha uu ku leeyahay bankiyada wixii lacag ah ee goluhu bixinayona waa in dhammaantood laga bixiyaa xisaabaha golaha ee bankiyda. (3) Wixii lagac ah ee ka baxaya xisaabaadka golaha wax kasta ha ku baxaane waa in xoghayaha maaliyadu fasaxaa ama sarkaalka uu u wakiisho isagoo ka wakiil ah golaha, haddii kale oo aan qof kali ahi inuu saxeexo jeegaga ama qoraalada kale ee 84


lagacta lagu bixinayo aan la ogolayn waa in labadooduba ay wada saxeexaan iyagoo golaha ka wiil ah. (4)

Wixii lacag ah ee goluhu aani adeegsigeeda deg deg ugu baahdnayn waa

(b) (t)

lagu shubaa xisaabta bankiga uga furan golaha; ama lagu maal galiyaa si sharci ah oo gudidu asaxisa.

in –

Odoros sanadeed ka 110. (1) Goluhu waa inuu ku diyaariyaa ugu badnaan laba bilood gudahood inta aanu bilaabmin sanad miiisaaniyadeedku fadhi gaar ah oo ay ka soo qayb galayan dhammaan waaxyaha goluhu si loogu ansixiyo odoros sanadeedka gudidu u soo gudbisay goha ee dakhliga iyo kharashaakda sanadlaha ah. (2) Goluhu waa inuu ku wargaliyaa dadwaynaha isagoo uga sheegaya warbaahinta marka la ansixiyo odoros sanadeedka si ay dadwaynuhu u hubiyaan. . Ka qaybgalka habka diyaarinta odoros sanadeedka 111. (1) Goluhu mudo lix bilood gudahood ah ugu yaraana lix todobaad ka hor inta aanu qabsoomin fadhiga gaarka ah ee lagu samaynayo odoros sanadeedka waa inuu ku wargaliyaa dadwaynaha iyo cidii kale ee ay la noqoto inay ka soo qayb galaan diyaarinta odoros sanadeedka. (2) Ujeeddada habka ka qaybgalku wa in la helo aragtida ka qayb galayaasha ee ku aadan arrimaha saamaynaya, fikradahooda iyo talo soo jeedintooda ku saabsan habka dakhli ururinta iyo ku bixinta kharashka ee arrimaha bulshada waa in si fiican loo dhagaystaa oo loo tixgeliyaa. (3) Isagoon ka tallaabsanayn hababka ka qaybgalka waa in goluhu ka fikiraa sidii loo suurto galin lahaa ka qaybgalka dadwaynaha ee arrimahan soo socda– (b) Qabashda kulano dadwayne oo lagu qabto degmo kasta si loogu faahfaahiyo dadwaynaha odoros sanadeedka; (t) Qabashda kulano lala yeesho ururada bulshadada rayidka ah iyo gudiyada ka wakiilka ah beelaha kala duwan ee magaalada ku dhaqan. (j) Faahfaahinta odoros sanadeedka iyo sidii loo qoondeeyay oo laga baahiyo idaacadaha iyo telefishanada.

85


(4) Marka golaha ama gudidu diyaarinayso odoros sanadeedka waa inay tixgeliyaan talo bixinaha ay dadwaynu ka soo jeediyeen odoros sanadeeka. Bixinta kharashaadka 112. (1) Wax kharash ah ma gali karo goluhu haddii aan marka hore la qoondayn qarashka ku baxaya. (3) Goluhu wuu bixin karaa lacago haddii kharashkaasi ay galeen urarada bulshada rayidka ah ee magaalada ka hawl gala isla markaana goluhu ansixiyo. (4) Gudidu waxay ansixin karaan in goluhu bixiyo kharashaad haddii xaaladu deg deg ah ama masiibooyin kale yimaadaan oo aan marka hore qorshahooda lagu sii darin odoros sanadeedka. Sanduuqa gaarka ah ee Xoghayaha fulinta 113. (1) Xoghayaha fulintu isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee ah xisaab hayaha golaha wuxuu u xilsaaranyahay in – (b) Golaha ku wargaliyo kharashaadka sharci darrada ah ee aanu goluhu ku ansixinin odoros sanadeedkiisa ee sida qaldan u baxaya. (t) Inuu ku amro sarkaal ama shaqaale ka tirsan golaha goluhu in aany qaadi karin tallaabo keenaysa in goluhu galo kharash sharci daro ah oo aan la ansixinin awooduu doono ha la haado sarkaalkaasiye (j) Inuu qoraal ku joojiiyo isagoo sababaynaya amarada ka soo fula golaha guddiga ama gudi hoosaadyada haddii mid kood amro in la bixiyo kharashaad sharci darro ah. (x) Inuu qoraal ugu gudbiyo xisaabiyaha guud wixii kharashaad ah ee sharci darro ku baxay iygoo aan la ansixinin ee uu cadayn karayo inay qaldanyhiin. (2) Xoghayaha fulintu shakhsi ahaan wax mas’uuliyad ah kuma yeelanayo wixii eedayn ama cawaaqib ah ee ka dhasha tallaabooyinka uu qaado marka uu u gudanayo waajibaadkiisa shaqo si waafaqsan xeerkan oo niyad wanaag leh. Cashuuraha 114. (1) Goluhu wuxuu sanad maaliyadeed kasta soo rogayaa cashuuro si kor loogu qaado dakhliga ka soo xarooda meelaha kale si loo helo odoros dhab ah oo lagu jaangooyo cashuurahaa lacagha ka soo xaroonaya.

86


(2) Marka la go’aaminayo qadarka maaliyadeed ee loo baahanyahay inay dakhli ahaan ku soo xarooto, goluhu waa inuu muhiimadiisa koowaad ka dhigaa tixgelinta heerka guud ee dakhliga soo galaha dadka ku nool Muqdisho iyo hawlaha ganacsi ee ka socda si looga qaado cashuuro aan iyagna dhib ku ahayn. (3) Goluhu waa inuu sameeyaa hab dib loogu eegayo in ay suurto gal tahay in cashuuraha hafto lagu bixiyo iyo in laga dhaafi karo dadka ay saboolnimdu ku habsatay ee aan bixin karayn cashuuraha ku waajibay iyo in la joogteeyo dib u eegista si kolba wixii wax kabadal ah loogu sameeyo habka cashuuraha loo qaado. Amaahaha 115. (1) Goluhu wuxuu qaraar ku soo saari karaa inuu lacag amaahdo haddii ay ansixiyaan labada waaxood ee goluhu. (2) Muddada uu amaahda lagu yeelan karo goluhu waa in aanay ka badnaanin labaatan sanadood. (3) Marka goluhu ansixiyo inu amaahdo lacag arrimaha ku saabsan faahfaahinteeda iyo waxa lagu qabanayo iyo shuruudaha ku xidhanba waa in gudidu ansixisaa. (4) Lacagta la soo amaahdo inkasta oo ay leegtahayba waa in lagu bixiyaa muddada goluhu go’aamiyo (5) Dhammaan amaahaha iyo wixii dulsaar ah ee la socdaba waa in marka horeba la xisaabiyaa golaha. Adeegsiga lacagaha amaahda ah 116. (1) Goluhu waa inuu xisaab gaar ah ka furtaa bankiga oo ay leedahay lacagaha amaahaha ah laga bixiyo kuwa daynta ahina ku soo xaroodaan sida ku cad qodobka 117. (2) Ujeeddada lacag ama aha loo qaadanayo waa in lagu xadidaa hantida ama mashruucha markaa la hirgelinayo ee faa’iido laga sugayo inuu u keeno dadka degaanka ha sida ku cad qodobka 71.

87


(3) Marka goluhu, sababkastaa ha keentee, uu iibiyo hantidiisa wax ka mid ah si uu ugu bixiyo amaaho lagu leeyahay way u furantahay inuu iibkaa fuliyaa sida ku cad qodobka (1) lacagta ka soo baxdana waa in lagu bixiyaa amaahda golaha lagu leeyahay Bixinta amaahaha 117. Goluhu sanad xisaabeed kasta waa inuu wax uga qoodeeyaa dakhliga qayb lagu bixiyo ama aha iyo dulsaarkooda ee golaha lagu leeyahay, marka amaahahaa lagu bixinayo haftada. Bixinta Ama aha oo baaqata 118. (1) Haddii dayn ka maqan golaha lagu bixin waayo mudo saddex bilood gudahood ah marka mudadeedu dhamaato Xoghayaha fulinta ama cida uu u wakiishaa waa inay qoraal rasmi ah u gudbisaa maxkamada awooda u leh arintaa si ay ugu dacweeyaan dakhliga golaha u soo xaroon lahaa ee uu ka baajiyay qofkaasi (2) (b) (t)

Marka ay maxkamadu dacwada dhagaysato– Amri kartaa in lacagtaa ka maqan cashuurteeda qofka la saaro si dakhligii golaha uga soo xaroon lahaa lacagtaasi ugu soo hoyato. Ama Ama in qofkaa hantidiisa goluhu la wareego si uu ugu qaato daynta ka maqan.

(3) Ama in maxkamadu xaraashto hantidaa oo wixii kharashaad ah ee goluhuku lahaa la siiyo ama ay cid u wakiilato inay xaraashka hantidaa. Amaah korodhsiga 119. (1) Goluhu wuxuu qaadan karaa lacag horumis ah oo uu ka qaato bankiyada oo ku jaan go’an xaaladdaha gudidu ansixiso. (2) Wixii hormaris ah ee goluhu qaataa waxay ku noqonaysaa dayn waxana loogu xisaabtamayaa sidii dakhli aahaan oo kale ilaa inta laga bixinayo amaahdaa sida ku cad qodobka 112.. Amaahashada sharci darrada ah 120. (1) Banki iyo cid kasta oo bixisa amaah intay doonto ha leekaatee haddii aan goluhu u ansixinin si waafaqsan xeerkan la siin maayo.

88


(2) Haddii goluhu amaahdo lacag aan waafaqsanayn cutubkan, xildhibaanada iyo saraakiisha kale ee si sharci daro ah u ansixiya lacagahaasi iyaga ayaa u qoollaan doona bixinta amaahdaa iyo dulsaarkeedaba. (3) Marka la bixinayo amaahaha ama horumaris waa in lagu bixiyaa shahaado ay saxeexay xoghayahay maaliyadu si waafaqsan xeerkan. Xisaabaadka 121. Goluhu wuxuu diyaarinayaa warbixin maaliyadeedka sanad laha ah ee xisaabaadka oo ay ka midyihiin warbixinaha dakhliga iyo warbixinaha khasaaraha iyo wixii korodh ah ee yimaada oo ay u gudbiyo wasiirka Xisaabtanka 122. (1) Xisaabaadka golaha waxa loo xil sarayaan in ay qabtaan shirkado sumacad, xirfad iyo waayo aragnimo leh. (2) Goluhu waa inuu warbixinta xisaabaadka ugu gudbiyaa hanti dhawrahooda mudo lix bilood ah ka hor dhamaadka sanad maaliyadeedka. (3) Ujeeddooyinka laga leeyahay fulinta hanta dhawrka iyo xisaabaadka ee goluhu waxa weeye – (b)

(t) (j)

u gudbinta hanta dhawraha dhammaan buugaagta iyo warbixin xisaabeedka oo ay la socdaan wixii kale ee qoraalo ah ee uu u baahanyahay hanta dhawruhu si uu hawlahiisa u guto. Inay u fasaxaan hanta dhawraha inuu kormeero dhammaan istoodhada iyo hantida golaha marka loo baahdo; Inay hanta dhawraha siiyaan wararka iyo faahfaahinta uu u baahanyahay ee u fududaynaysa gudashda waajibaadkiisa shaqo.

(4) Hanti dhawruhu waa inu warbixin qoraal ah u soo gudbiyaa golaha dhamaadka sanad maaliyadeedka – (b) Warbixintaas oo waafaqsan sida xeerku dhigayo ee maareynta iyo adeegisa hantida iyo ilaha maaliyadeed ee kale; (t) oo loo diyaariyay si habboon oo waafaqsan qaab xisaabeedka iyo anshaxa (j) u maareynta hawlaha golaha si waxtar iyo in la ilaaliy qiimaha lacageed ee lagu bixinayo ujeeddooyinka goluhu leeyahay.

89


(5) Si loo hubiyo in la gaadho ujeeddooyinka ku xusan qodobka (4) hanti dhawruhu waa inuu hubiyo in – (b) Goluhu inuu ilaaliyo buugaagta iyo diiwaanada xisaabaadka; (t) Xisaabaadka goluhu ay u habaysanyihiin si waafaqsan xeerarka maaliyadeed ee golaha; (j) Hanti dhawruhu waa inuu helaa dhammaan warbixinahaa iyo faafhaahintaaba si ay ugu fududaato gudashada waajibaadkiisa shaqo; (x) Dhammaan waxyaabaha hanta dhawruhu u baahanyahay waa in loo diyaariyaa iyadoo lagu dhaqmayo xeerarka. (6) Ka sokow warbixintaa lagu sheegay qodobka (4) hanta dhawruhu waa inuu ku warbixiyaa dhammaan arrimaha ku saabsan waxyaabaha la qabtay intii ay socotay hawsha hanti dhawrka ahi iyo in loo qabtay si sharciga waafaqsan iyo in kale oo ay ka muuqdaan gabood falo ka yimid xaga hanta dhawraha. (7) Marka uu helo warbixinta hanta dhawraha ka dib mudo 30 casho gudahood ah waa inuu xoghayaha fulintu ugu gudbiyaa golaha warbixinta oo faahfaahsan isla markaana uu ansixiyay. Xeerka maaliyadda 123. Mudo sanad gudihii ah marka xeerkani dhaqan galo ama muddada ay qoondayso dowladda federaalka ah, goluhu isagoo ku dhaqmaya awoodiisa heer dowlad goboleed waa inuu diyaariyaa oo dhaqan galiyaan Xeerka Maaliyadda ee Magaalada Muqdisho kaas oo samaynaya hannaan maaliyadeed oo lagu dhaqayo arrimaha maalyada golaha ee cutubkani dhigayo.

Qodobada ay tahay in loo fiisrado ee Cutubka 11 Cutubkan ujeeddadiisu waxay tahay inuu adkeeyo cutubka 3: ee xuquuqda dadka degaanka ah iyo waajibaadka GDM. Wuxuu abuurayaa hannaan gude iyo mid dibadeed oo lagu kormeero laguna dhaqo. Xaga gudaha, Madaxa hanta dhawrka gudaha iyo xisaabiye madax banaan oo hubiya sharciyada hawlaha iyo arrimaha maaliyadeed ee GDM iyo wixii cabashooyin ah ee ka soo baxa hab dhaqanka xildhibaanada golaha iyo saraakiishiisa. GDM waa in aanu

90


wax amarro ah siinin saraakiisha ku hawlan baadhitaanada noocaas ah oo ay ka caawiyaan baadhitaanadoodana. Xaga dibada, dowladda federaalka ahi waxay qaadan kartaa door muhiim ah oo ay ku magacaabayso mid ama in kabadan oo ah kormeerayaal baadhaya GDM kolba sida ay yihiin hawlihiisa iyo maareyntooda. Waxa u sal ah arintan agaasinka sida loo soo dhexgalayo marka ay arrimaha goluhu u muuqdaan inay six un u socdaan iyo in kale. Sida lagu wado arintani waa inay ku habboontahay dhammaan dowlad goholeedyada maaddaama ay dan qaran oo midaysaa jirto si daacad iyo kalsooni ahna looga hirgelinayo dowlado hoose magaalooyinka oo dhan. Laakiin waa awood ballaadhan oo ay tahay in ay dowladda federaalka ahi si aad ah u lafa gurto. Ogow, hadaba, in dowladda federaalka ahi ay hawlahan fulinayso iyadoo u igmanaysa Xoghayaha fulinta. Sidoo kale waxay qaadi kartaa tallaabooyin ay shaqada kaga joojinayso xildhibaanda ay cadaato inay ku lug leeyihiin wax is daba marin oo iyaguna xaq u leh inay arintaa maxkamada horteeda iskaga difaacaan. Awoodahaa dowladda federaalka ahi ma yihiin kuwo ballaadhan? Sidee looga wareegi karaa? Habka kormeer ee ugu danbeeyaa waa in ay waaxda garsoorku jaangoysaa. Maxkamadaha ayaa la siiyay awoodo gaar ah oo ay ku xakamaynayaan arrimaha sharci darada ah ee goluhu ku tallaabsan karo. Habkani waa hab maamul oo sugan oo isla markaana siinaya dawldda federaalka ah soo saarida xeer lagu dhaqangelinayo qodobka 38 ee Dastuurka Qaybyada ah ee Federaalka ah: “xaga maamulka uun”

CUTUBKA 11 Kormeerka iyo la socodka Qaybta 1 Kormeerka gudaha Xafiiska kormeerka gudaha 124. (1) Goluhu waa inuu sameeyaa xafiisyo ku habboon, shaqaale iyo maaliyad loogu talo galay fulinta waajibaadka xafiiska kormeerka gudaha

91


(2) (b) (t)

Xafiisku wuxuu lahaanayaa laba qaybood oo kala ah – Qaybta hanti dhawrka gudaha; Qaybta maamulka garsoorka

(3) Madaxa qaybta hanti dhawrka guduhu wuxuu noqonayaa sarkaalka ugu sareeya waaxda hanti dhawrka gudaha. (4) banaan.

Madaxa qaybta maamulka garsoorku wuxuu noqonayaa garsoore madax

(5) Madaxa qaybta hanti dhawrka guduha iyo garsooraha madaxa banaan waxa lagu xulanayaa xayaysiis lagu naadiyo jagooyinkaa iyo waraysiyo lala yeesho dadka u soo tartama sida ku cad qodobka 88. (6) Shuruudaha jagada hanti dhawraha gudaha waa inuu yahay qofka qabanayaa xisaabiye shahaado leh iyo waayo aragnimo gaadhsiisan ilaa heer maareeye maaliyadeed oo sare, garsooraha madaxa banana shuruudu waxa weeye inuu sito shahaado sharci iyo waayo aragnimo ah maamule sare oo garsoor. (7) Hogaanka xafiisku waxa uu sanadle ugu wareegayaa madaxa hanti dhawraha gudaha iyo garsooraha madaxa banaan. (8) Xafiiska waa inay ka hawl galaan shaqaale sida madax xafiiseedka oo la tashanaya madaxa waaxda si uu u fulliyo hawlihiisa shaqo ee uu u xilsaaranyahay. (9) Goluhu waxa uu u xilsaaranyahay inuu xafiiska siiyo wixii warbixino iyo odoros sanadeed ah ee la sameeyo. (10) Xafiisku wuxuu mas’uul ka noqonayaa gudbinta warbixinaha joogtada ah ee loo gudbinayo Duqa waana inuu warbixinahaasi soo hor dhigaa guddiga (11) Marka ay gudanayaan waajibaadkooda, sida uu dhigayo qodobkani Madaxa hanta dhawrka gudaha iyo garsooraha madaxa banaan iyo shaqaalehoodu waa inay ku dhaqmaan wixii amaro iyo tilmaamo ah ee ka soo baxa golaha, Duqa, ku xigeenadiisa, shaqaaluhu wixii amarro qaldan ama handadaado ah ee ay la kulmaan waa inay ku wargaliyaan Madaxa hanta dhawrka gudaha iyo garsooraha madaxa banaan si ay u hordhigaan guddiga. 92


(12) Warbixinaha noocaas ah ee guddiga loo soo gudbiyo sida uu dhigayo qodobka (11) haddii gudidu marka ay hesho ku baahin waydo mudo bil ah gudaheed madaxa xafiiska ayaa baahinaya. Hanti dhawrka gudaha 125. (1) Madaxa hanti dhawrka gudaha ayaa xisaabinaya xisaabaha golaha oo si joogta ah ula soconaya isla markaana diyaarinaya warbixin bileedyada loo gudbinayo guddiga ee ku saabsan xaaladda maaliyadeed ee golaha. (2) Madaxa hanti dhawrka guduhu waa inuu si gaar ah u xisaabiyaa xisaabaha golaha haddii laga codsado oo cida codsatayna waa inay warbixin qoraal ah ugu gudbisaa goalha arintaas. (3) Madaxa hanti dhawrka guduhu waa inuu golaha ka siiyaa warbixin wixii ka soo baxa xisaabaadka uu samaynayo iyo hanti dhawrka ee la xiriira wixii si sharci darro ah loo fuliyay, warbixinta madaxa hanti dhawrka gudaha iyo talo bixintiisaba waa in goluhu qaataa haddii ay u arkaan arin wax ka lagaga qaban karo ama lagu joojin karo hanta lunsi danbe oo mustaqbalka yimaada. Garsooraha madaxa banaan 126. Waajibaadka garsooraha madaxa banaani waa – (b) Qabashda iyo baadhitaanada cabashooyinka ka yimaada dadwaynaha (oo ay ka mid yihiin saraakiisha iyo shaqaalaha golaha) ee ku saabsan maamul xumada ka dhalata hab dhaqanka maamul ee saraakiisha ama shaqaalaha golaha ee ay kula kaceen qofka cabanaya ama cid ka tirsan qoyskiisa; (t) dejinta xeerar habboon, dhex dhexaad ah oo aan dhana u janjeedhin oo hab maamul ah oo ay ku wada dhaqmaan shaqaalaha iyo saraakiisha goluhu; (j) dejinta iyo qabashda barnaamijyo tababar oo la xiriira arrimaha ku xusan faqrada (t) (x) Qabashada shaqooyinka kale ee lagu horumarinayo hirgelinta hannaanka maamul wanaaga golaha. Cabashooyinka loo soo gubinayo garsooraha madaxa banaan 127. (1) Qof kastaa cabasho wuu u soo gudbin karaa si qoraal ah ama hadal ah garsooraha madaxa banaan ee uu ka qabo hab dhaqanka maamul iyo wax qabadka shaqaalaha ama saraakiisha golaha ee xad gudubka ku ah xuquuqdiisa sida ku cad 11, 93


arrimahaas oo keeni karaa in qofka laga duudsiyo adeegyada uu ka helo golaha degaan ama ay bixiyaan ururada bulshada rayidka ah ee ka wakiilka ah golaha. (2) Marka cabashdadaasi soo gaadho, garsooraha madaxa banaani waa in – (b) isla markaaba baadhaa cabashada; ama (t) diyaariyaa warbixin iyo talo bixin uu arinta ku hordhigayo guddiga (3)

Warbixinta uu diyaariyo garsooraha madaxa baanaani ee ku cad (2) waa

(b) (t) tahayna (j)

Sheegtaa nuxurka cabashda; Sheegtaa in cabashadu maan gal tahay iyo in kale; haddii ay maan gal

inay –

(x)

Ay talo bixin ka dhiibaysaa sida ugu habboon ee – (i) Cabashdadaa wax looga qabanayo; (ii) la sameeyo hab dhaqan maamul oo habboon oo ay fuliyaan dhaqaalaha iyo saraakiisha laga cabanayaa; (iii) Mag dhaw laga siiyo cidda cabanaysa wixii dhibaato ah ee ka soo gaadhay gabood falka lagula kacay; oo lagu wargaliyo ciddii cabashadu ka timidna .

Waajibaadka golaha ee fududaynt a shaqada xafiiska 128. Si xafiisku u helo awood uu ku guto waajibaadkiisa golaha shaqaalihiisa iyo saraakiishiisuba waa inay – (b) ay u fududeeyaan madaxa hanti dhawrka gudaha iyo garsoorha madaxa banaanba helida dhammaan buugaagta, waraaqaha iyo wixii dukumentiyo kale ah ee hawlahooda baadhitaan u fududaynaya ee ay u baahdaan; (t) u ogolaadaan madaxa hanti dhawrka gudaha iyo garsoorha madaxa banaan kormeerida xafiisyada, istoodhada iyo meelaha kale kaydka markasta oo ay u baahdaa; (j) Siiyaan madaxa hanti dhawrka gudha iyo garsooraha madaxa banaan wixii faahfaahin iyo warar ah ee u fudaynayah gudashda waajibaadkooda. Tixgelinta warbixinaha ee guddiga golaha 129. (1) Gudidu waa inay tixgelisaa warbixin kasta oo ay u soo gudbiyaan madaxa hanti dhawrka gudaha iyo garsooraha madaxa banaan oo warbixintaa iyo wixii talo bixino ah ee ay ku lifaaqayaan ay u sii gudbiyaan golaha si goluhu uga gaadho go’aan.

94


(2) Haddii goluhu aqbalo warbixintaa, waa inay faraan xoghayaha fulinta inuu qaado tallaabada ku habboon ee lagu hirgelinayo warbixintaa. (3) Haddii goluhu diido warbixintaa, waa inuu soo saaraa warbixin uu ku sheegayo diidadiisa iyo sababaha. (4) Hadba wuxuu noqdo go’aanka ay goluhu warbixinta ka qaataan, madaxa hanti dhawrka gudaha iyo garsooraha madaxa banaani waa inay – (b) Nuqul ka mid ah warbixinta oo ay la socoto jawaabtii goluhu dhigaan xafiisyada golaha si dadwaynaha u arki karaan saacadaha shaqadu socoto iyagoon wax lacag ah laga qaadayn; (t) Inay warbixinta baahiyaan si ay u wada gaadho dadwaynaha. Warbixin sanadeedka xafiiska 130. (1) Madaxa hanti dhawrka gudha iyo garsoorha madaxa banaani wada jir waa inay u soo saaraan warbixin ka hadlaysa shaqada iyo wax qabadka xafiiska, warbixintoodaasina waa inay inay faahfaahisaa iskaashia xafiisku ka helay golaha iyo dhammaan saraakiisha iyo shaqaalaha golaha. (2) Nuqulka warbixin sanadeedka waa in – (b) La dhigaa xafiisyada golaha; (t) ay u furnaataa aragtida dadwaynaha saacadaha shaqada ee caadiga ah; (j) la siiyo iyadoo kooban qofka dadwaynaha ka tirsan ee codsada iyadoon lacag laga qaadaynin Qaybta 2 Kormeerka dibadda Magacaabid da kormeerayaasha 131. (1) Dowladu marka ay labada aqal ee baarlamaanku ugu fasaxaan qaraar, waxay magacaabi kartaa qof ama in ka badan oo noqda gudi ujeeddadeedu noqoto kormeerka hawlaha golaha sida xeerkani dhigayo. (2) si waafaqsan ujeeddada xeerkan, gabood fallada golaha waxa ka mid ah: (b) Ka baaqsiga hawlihisa ama badhkood oo socota mudo dheer; (t) Baal marida sharciga; (j) ku dhaqaaqida talaabooyin aan loo tixgelinin awooda maaliyadeed ee golaha; 95


(x) (kh) (d)

Baal marida maamulka garsoorka; Musuq maasuqa; fulinta danaha gaarka ah ee beel qudha ama koox keliya oo ku dhaqan magaalada; Iyo in dadka degan magaalada laga gooyo adeegyada madaniga ah ee ay xaga u leeyihiin sababahaa awgood. (3) Qaraalka lagu xusay qodobka (1) waa inay la socdaan warqad cadaynaysa nuxurka eedaymaha loo soo jeedinayo golaha. (4) Qofka loo magacaabayo inuu ka mid noqdo guddiga kormeerku waa inuu lahaadaa tacliin iyo ugu yaraan waayo aragnimo ballaadhan oo toban sano ah oo uu u leeyahay maareynta ururada dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahaynba. (5) (b) (t)

Qofka sida xeerkani dhigayo loo magacaabo inuu ka mid noqdo gudidu – Wuxuu ka qayb galayaa fadhiyada golaha, gudiyada iyo gudiyada joogtada ah ee golaha; Marka uu ku wargaliyo Xoghayaha fulinta ujeeddadiisa, wuxuu baadhi karaa buugaagta, qoraalada iyo dukumentiyada kale, istoodhada, meelaha kaydka ah, qandaraasyda iyo wixii kalee hanta ah hoosyimaada golaha.

(4) Guddiga baadhitaanku waa inay warbixin qoraal ah u gudbisaa dowladda nuqul ka mid ahna u dirtaa Duqa. Tallaabada laga qaadayo saraakiisha iyo shaqaalaha marka warbixinta kormeerku soo baxdo 132. (1) Marka ay dowladu hesho warbixinta guddiga baadhitaanka, dowladu waxay eegaysaa in – (b) Wax kharash ahi baxay – (i) iyadoo aan la fasaxin; ama (ii) Si mas’uuliyad darro ah oo ku xad gudub ah oo aan sinaba u waafaqsanayan shaqooyinka golaha loo bixiya sida ku cad qaybta 7; (t) In goluhu ka baaqsaday soo ururinta dakhliga; (j) in la lunsaday lacag ama hanta kale; (x) In wax khasaare ahi gaadhay hantida; iyo in waxyaabaha lagu sheegay faqradaha (b), (t), (j) iyo (x) ay ku dhaceen kas ama dayac iyo musuq maasuq;

96


(kh)

tallaabo kasta oo sharciga baal marsan oo ay goluhu si ula kac ah u qaadeen oo aan waxba u kordhinayn danta dadwaynaha; haddii ka mas’uulka ah arrimahaa la sheegay. (3) Xoghayaha fulintu waa inuu ku dhaqmaa amarada ay dowladu siiso waaina inuu ka qaadaa saraakiishaa iyo shaqaalhaa tallaabooyinka anshax marinta ah ee la faray isla markaana dowladda ku wargaliyaa in tallaabo laga qaaday. Shaqo ka joojinta xildhibaanka markay warbixin baadhitaan soo baxdo ka dib 133. (1) Marka dowladu sida qodobka 132 uu dhigayo ay hesho warbixin ay ku qanacdo oo sheegaysa in xilbaan ka mas’uulyahay arrimaha ku cad qodobka 132(1) waa inay si ku meel gaadh ah uga joojisaa shaqada xildhibaankaas. (2) Xildhibaan kasta oo ka cabanaya shaqo ka joojinta ku meel gaadhka ah waa inuu racfaan u qaataa mackamda awooda u leh inay shaqada ku celiso. (3) Haddii maxkamadu ansixiso ama ay diido shaqo ka joojinta xildhibaanka go’aankeeda u danbeeya ee soo baxa waxa la odhanayaa waa go’aanka shaqo ka joojinta ee maxkamada. (4) Haddii xildhibaankku aanu racfaank ka qaadanin shaqo ka joojinta ku meel gaadhka ah, waa inuu dhaqan galaa waxana la odhanayaa qaraarka shaqo ka joojinta. (5)

Qaraarka shaqo ka joojintu ma dhaqan galayo ilaa maxkamadi ansixiso.

(6) Qaraarka kama danbaysta ah ee shaqo ka joojintu waa inuu ka horeeyaa ogaysiin la siinayo xildhibaanka shaqada laga joojinayo si aanu uga soo qayb galin fadhiyad golaha, gudiyada iyo gudiyada joogtada ah ama aanu u qaadan waxyaabaha gunooyinka ah ee goluhu siiyo xildhibaanda ilaa inta lagu soo celinayao shaqada. (7) Qaraarka shaqo ka joojinta ee kama danbaysta ahi waa in aanu ka badnaanin mudo toban sanadood ah Qaybta 3 Kormeelka garsoorka iyo la socoka Dib u eegida maamulka garsoorka ee golaha 97


134. (1) Qof kasta oo uu dhibo go’aanka ama tallaabo uu goluhu qaaday ama saraakiishiisu wuxuu arinkaa u gudbin karaa maxkamada awooda u leh si ay dib ugu eegto arrimahaas. (2) Marka maxkamadu eegayso dacwada uu hor keenay qofka eedaynaya goluhu sida ku cad qodobka (1) maxkamadu waa inay tixgelisaa in golaha, saraakiisha, ama shaqaalahu ay tallaabadaa u qaadeen iyagoo ka wakiil ah golaha oo ay galeen qaladadan soo socda – (b) tallaabo ama fal aan habboonayn oo sharci darro ah; (t) Tixgelin la’aanta waxyaabaha ay tahay in la tixgeliyo; (j) ku tagri falka ama xil gudasho la’aan; (x) Sabab la’aan; (kh) Sharci darro; (d) Qalad xaga habka ka yimid; (r) isku dheeli tir la’aan; (s) ka baaqsashada ilaalinta xeerarka dabiiciga ah ee cadaalada; (sh) Foorjari, niyad xumo iyo awood sheegasho; (dh) Khalad sharci; (c) ku tagri fal xafiis dowladeed. (3) Haddii maxkamadu go’aamis in dacwada la horkeenay ay tahay mid ay ku jiraan qalalaad badan oo maamul isda ku cad (2) maxkamadu sida ku cad qodobka (4) waxay qaadaysaa tallaabooyinkan soo socda midkood – (b) Go’aan sanadeed; (t) inay shaqadeeda u qabsato sid waafaqsan xeerka; (j) Inay dacwada tallaabo ka qaado; (x) inya qofka cabanaya mag dhaw u xukunto, Marka ay eegto arrimaha ku cad qodobka (1) ee midkood uun lagula kacay qofkaa. (4) Maxkamadu iyadoo tixgelinaysa qodobka (3) waxay soo saari kartaa bayaan sheegaya in xeerku dhigayo bayaan kasta oo ay maxkamadu soo saarto in goluhu ku dhaqmo. Ilaalinta shakhsiyaadka 135. (1) Tallaabo, go’aan ama arin kale oo uu qaaday ama ka tagay – (b) Xildhibaan; (t) Sarkaal ama shaqaaale golaha ah; ama 98


(j) Qof kale oo ku socda amar ka soo baxay golahaa, ma sheegan karo magadhaw haddii uu qofka hawshaa fulinayay isagoo ka wakiil ah golaha oo niyad wanaag ku hawlgalaya, (2) Marka dacawadi socoto su’aalaha la xiriira in niyad wanaag lagu hawl galay iyo in kale, in culays jiray markii hawsha la qabanayay ama qofku ka been sheegay niyad wanaagiisa waa in maxkamadu tixgelisaa. Laaluushka iyo musuqmaasuqa 136. (1) Xildhibaan, sarkaal, shaqaale, iyo qof kasta oo isagoo ka wakiil ah golaha hawl fulinaya ee si toosa iyo si dadbanba u qaata hadyad, abaal marina ma waxa kale oo aan ahayn mushaharkiisa, si uu cid ugu qabso adeeg waa danbiile lagu qaadayo haddii ay ku cadaato ganaax aan ka yarayn tobon milyan oo shilin ama xadhig aan ka yarayn mudo saddex sanadood ah ama labadaba. (2) Qof kasta oo si toos ah ama si dadban u bixiya ama ugu ballan qaada xildhibaan, sarkaal ama shaqaale ka sitan golaha inuu siin doono aduun ama hadyado kale haddii loo fuliyo hawlha gaarka ah ee uu doonayo waa danbiile lagu qaadayo ganaax aan ka yarayn toban milyan oo shilin ama xadhib aan ka badnayn saddex sanadood ama labadaba. Maxkamad u gudbinta 137. (1) Goluhu marka qaar kood wuxuu go’aamin karaa inuu maxkamada awooda u leh u gudbiyo arrimaha doodu ka taagan tahay ee la xiriira hawlaha golaha. (2) Maxkamadu markay dhagaysato dacwada loo soo gudbiyay waa inay go’aan ka gaadhaa oo ka soo saartaa bayaan la xiriira arintaa la hor keenay. Qodobada ay tahay in loo fiirsado ee Cutubka 12 Cutubkani wuxuu tilmaamayaa awoodo la isla wada garanayo oo kaabaya hirgelinta xeerkan. Ma jiraan arimo gaar ah oo aan ahayn kuwa ku cad qodobka 143: xeerarka ku meel gaadhka ah oo kale. Kuwani waa kuwo ku meel gaara oo loo samayeeay inay kaabaan dhaqangelinta sharciga ee wixii la xiriira fididnta sharciga waxaana marka loo baahdo lagu badali kaaraa kuwo cusub. 99


CUTUBKA 12 Arrimo hoosaadka Isku badalka adeega 138. (1) Haddii qofka loo xilsaaray bixinta ogaysiintu uu ku qanco in aanu si shaqsi ah u baahin karayn sababta oo ah in cidii loo xilsaaray ay ka caga jiidayso ama si kaleba jirto, qofkaasi wuxuu ku dhaqaaqayaa – (b) Gaadhsiinta ogaysiiska qof wayn oo ka tirsan qoyska uu ogaysiisku ku socdo si uu ugu sii gudbiyo; (t) Inuu ku dhajiyo nuqulka ogaysiiska meel muuqata oo halka qofka uu ku socdaa daganyhayay ah; iyo (j) In qofka ogaysiiska loo mariyo idaacada Daabacaada ogaysiisyada iyo wixii warar ah ee kale 139. (1) Marka sida xeerkani dhigayo, ogaysiis ama war kale la baahiyo si loo gaadhsiiyo dadwayna, waajibku waa in nuqul ka mid ah warkaas – (b) lagu dhajiyaa meel muuqata oo u dhaw dhulka ogaysiiskaasi ku saabsanyahay; iyo (t) lagu dhajiyo meelo muuqda oo ah xafiisyada golaha iyo meelaha kale dadku iskugu yimaadaan kolba sidii goluhu amarka ku bixiyo; iyo (j) in warbixin kooban oo afeed loo sii marayio dadka ku dhaqan ama ka shaqeeya aagga ay ku dhaqanyihiin cidda ogaysiisku ku socdaa; (2) Marka ogaysiiskal ku saabsan dhulka oo ka kooban guryaha la daganyahay iyo wixii warar ah ee kale ee saamaynaya dadka guryaa ku jira loo qaabeeyo si waafaqsan qodobka (1) ogaysiiska ama wargalinta waa in lagu soo koobaa sidan – (b) In qofkaa afka looga sheego ogaysiiska ku saabsan dhulka iyo that person iyo guriga uu daganyahay; iyo (t) In qofka ama qof kaloo wayn oo ka tirsan qoyskiisa ah la gaadhsiiyo ogaysiiska si uu ugu gudbiyo. Xuquuqda soo galitaanka golaha 140. (1) Qofkasta oo xoghayahay fulintu u fasaxay wuxuu soo gali karaa xafiisyada si uu u baadho xilliyada suurto galka ah inta u dhaxaysa 6:00 subaxnimo ilaa 6:00 galabnimo iyo meelihii kale ee sida xeerkani qeexayo ah hanta uu leeyahay goluhu. 100


(2) Ogaysiinta sida uu dhigayo qodobka (1) waa in la sii bixiyaa intaan qofka kormeerka ahi bilaabin shaqadiisa oo lana cadeeyaa sababta iyo qiyaasta muddada uu qofkaa kormeerka ahi ku jirayo golaha. (3) Qofkasta oo loo fasaxay inuu galo golaha si uu u kormeero waa in uu sitaa warqad qoran oo uu saxeexay xoghayaha fulintu. (4) marka qof loo fasaxay uu wax dhibaato ah u gaadhsiiyo dhulka ama hantida kalee golaha, xoghayaha fulintu waa inuu qof kale u xilsaaraa inuu soo qiimeeyo qasaaraha dhacay si mag dhaw deg deg ah looga qaado cidii gaysatay. Ciqaabta gacan saarka ama carqaladaynta saraakiisha 141. Qof kasta oo si ula kac ah ugu gacan qaada, ka horjoogada shaqdooda ama si kaleba u dhiba sarkaal ama shaqaale ka tirsan golaha oo xoghayaha fulintu u fasaxay inuu soo eego dhul ama hanta kale sida uu dhigayo xeerani, qofka weerarka noocaas ah gaystaa waa danbiile lagu qaadayo ganaax aan ka badnayn shan boqol oo kun o shilin ama xadhin aan ka yarayn mudo lix bilood ah ama labadaba. Falal danbiyeedka guud iyo ciqaabtooda 142. (1) Qof kasta oo ka horyimaada ama ku dhaqmi waaya xeerkan iyo xeerarka kale dheeraad ahi waa danbiile lagu qaadayo ganaax aan ka badnayn shan boqol oo kun oo shilin ama xadhib mudo lix bilood ah aan ka yarayn ama labadaba (2) Marka qof lagu helo danbiyada ku cad qodobka (1) ee kala ah– (b) Shati ama fasax la’aanta; ama (t) ku xad gudubka iyo ku dhaqmi waaga shuruudaha goosashada shatiyada iyo fasaxyada sida uu dhigayo xeerkan ama xeerarka dheeraadka ahi, maxkamadu ciqaabta ay ku qaadayso waxa u dheer inay ka xayirto shatiga iyo wixii oggolaansho ah ee kale mudo aan ka badnayn laba iyo toban bilood. Xeerarka ku meel gaadhka ah 143. Goluhu isagoo ka duulaya qodobada dastuurka wuxuu samaynayaa xeerar ku meel gaadh ah si uu hawlihiisa si fiican ugu wado laakiin xeerarkaa ku meeg gaadhka ahi iyo wixii wax ka badal ah ee lagu sameeyaaba waa inay dhaqan galaan mudo sanad ah gudaheed marka xeerku dhaqan galo.

101


Kaydka iyo qodobada ku meel gaadhka ah ee ku saabsan marrada iyo wixii la mid ah 144. Xeer, amar, tilmaan, ogaysiis iyo xaalad kasta oo la soo saaraa way dhaqan galaysaa sida xeerkani dhigayo. Qodobada ay tahay in loo fiirsado ee Jadwalka 3 Jadwalkani gabi ahaanba waa mid is sharaxaya. Wuxuu taxaa shaqooyinka GDM qabanayo sida xeerkaniba u cadeeyay ee hawlaha ururada bulshada rayidka ah lagu wareejinayo, sanado badan ka dib ayayna suurto gal noqon kartaa in ay ururada ama GDM helaan dhaqaalaha ay ku fulinayaan hawlaaas. Jadwalka 3 Shaqooyinka golaha degaanka magaaladu fulinayaa ma ay u xilsaarayaana ama qandaraaska ku siinayaa ururada bulshada rayidka ah

1. Adeeegyada waxbarasho ee ay ka midka yihiin waxbarashda hoose iyo ta dugsiga sare iyo kormeerka hawlahaas haddii golaha, cid gaara ama in mutadawaciin ahi fulinayaanba. 2.

Adeegyada caafimaad oo ay ka mid yihiin – (b) Xarumaha caafimaad, xanaanooyinka iyo meelaha bixinta gargaarka deg degga ah; (t) Xakamaynta cudurada faafa ee ay ka midka yihiin HIV/AIDS, Qaaxada iyo Leprosy; (j) Ka hortagga in cudurku magaalada ku fido; (x) Adeegyada dhoolliga; (kh) Bixinta adeegyada caafimaad ee asaasiga ah; (d) Bixinta adeegyada bulsho; (r) Xakamaynta fiditaanka cudurada.

3.

Adeegyada nadaafadeed waxa ka mid ahanitary – (b) Ka gurida qashinka meelaha danta guud ah iyo guryaha dadka gaarka ah;

102


(t) (j) (x) (kh)

Gurida qashinka iyo bakhtiga xoolaha; Ka gurida qashinka iyo wax kasta oo wasakh ah meelaha guud iyo meelaha gaarka ah; Samaynta iyo maareynta meelo lagu ururiyo qashinka; Ka hortagga iyo joojinta wax kasta oo halis u keeni kara caafimaadka dadwaynaha magaalada ku dhaqan.

4. Qandaraas ku siinta ururada bulshada rayidka ah bixinta adeegyada biyaha; 5. dib u dhista iyo ilaalinta wadooyinka iyo laydhadhka wadooyinka iyo ka gurida wadooyinka wax kasta oo xanibaya in la maro. 6. Dhisida iyo daryeelka adeegaydan– (b) Adeegyada dab damiska iyo gurmadka; (t) Xabaalaha, qolalka maydka lagu hayo iyo wixii kale ee adeeg ah ee la siinayo dadka saboolka ah ee aan aasi karayn dadka ka dhinta iyo maydadka kale la garan waayoba aasidooda. (j) Xafiisyo, istoodho, geerashyo, bakhaaro iyo dhismayaashii kale ee fududaynaya shaqda golaha; 7.

Xayirida, hakinta iyo la socodka shatiyada – (b) Wadhatada iyo cooshadaha laga dhiso wadooyinka ee ujeeddadootu tahay in lagu ganacsado; (t) Xashiis ku daadinta wadooyinka, meelaha danta guud ah, dhulka banaan ama meelihii kale la mid ka ah oo laga guro xashiiskaa lagu daadiyay; (j) dhisida cooshadaha, dhismayaasha ku meel gaadhka ah iyo waxyaabaha kalee madadaalada loogu talo galay iyo bandhigyada kale; (x) Dhigida wax kasta oo xanibaya wadooyinka ama meelaha danta guud ah; (kh) Qabashda iyo dilida ayda halista ah, bisadaha riyaha iyo xawayaanka kale ee keeni kara cudurada (d) Hudheelada iyo albeerkooyinka; (r) Dukaan, meel ganacsi, warshad, ama suuq kasta oo lagu qiimeynayo adeegayda ama ganacsiga ay ku jiraan sida ay faa’iidada ugu leeyihiin dadwaynaha iyo halista ay ku keeni karaan caafimaadka dadwaynaha oo iyagana xeerar lagu nidaamiyo; (s) Mukhmaaradaha iyo dhillaysiga.

103


8. Magacyo u bixinta wadooyinka iyo meelaha kale dadwaynuhu iskugu yimaad oo magacyadooda lagu dhajiyo boodhadh muuqda. 9. Lambaro ama calaamado kale oo la siiyo guryaha wadooyinka ama meelaha kale dadku iskugu yimaadaan. 10. In qofka leh guriga ama cidda ku jirta la faro inuu daryeelo guriga iyo dhulka uu ku yaalba si loo ilaaliyo ammaanka iyequire the owner or occupier of any building or other premises to take such action on and about his land and things growing or built on and about dhawrka guud ee bulshada. 11. Ilaalinta akhlaada bulshada iyo ka hortagga dhaqan xumada lagu samaynayo wadooyinka iyo meelaha dadku iskugu yimaadaan si looga hortago khasaare soo gaadha hantida dowladda, ta golaha iyo ta dadkaba. 12. Bixinta adeegyo lagu fududaynayo xalinta khilaafadka ka dhex aloosma dadka magaalada degan oo nabad galyada lagu ilaaliyo.. 13. Ka hortagga iyo bakhtiinta dadbka, duminta guriga dabku qabsaday si kuwa kale loo bad baadiyo iyo in mag dhaw la siiyo qofka gurigiisa gubanaya la dumiyay. 14. Qandaraas ku bixinta adeegyada bulsho ee goluhu bixin lahaa si uu golaha dakhli u soo galo. 15. Bixinta, qorshaynta iyo la socodka dhulka la doonayo in ay adeegsadaan wakaalado ama dad doonayaa inay ka dhistaan magaalada dhexdeeda. 16. Xakamaynta iyo jaangoynta dhismayaasha magaalada; 17. Shaqadii kale gaar ahaan golaha uu sharci u saaray. 18.

Waxbarashda farsamo ee gaarka ah.

19.

Adeegyada caafimaad waxa ka mid ah – (b) Cisbitaalda aan ahayn kuwa waaweyn ee jaamacadaha hoos taga; (t) Adeegyda umulaha iyo daryeelka dhalaanka; (j) Waxbarashda caafimaadka

20.

Dhisida iyo daryeelka– (b) dhismayaal yar yar oo ku dhegan xafiisyada oo dadku wax ku sugaan;

104


(t) (j) (x) 21.

Xero dhiigta, qaboojiyaasha iyo kormeerka warshdadaha hilibka, caanaha hargaha iyo saamaha; Xarumaha ciyaaraha oo ay ka faa’iidaystaan dadka magaalada dagan oo ay ka midyihiin beeraha, jardiinooyinka iyo dhismayaasha kale madadaalada; Xarumaha bulsho;

Xayirida, hakinta iyo la socodka shatiyada – (b) Ururuinta lagacaha iyo alaabta loogu talo galay deeqaha; (t) kaydinta shidaalka iyo xaabada; (j) Dhagax jabinta iyo gurida niista; (x) Goobaha madaadalada oo ay ka midyihiin sinimooyada, goobaha isboortiga, hudheelada iyo makhayadahu; (k) Hudheelada iyo albeerkooyinka.

22. Qurxinta wadooyinka iyo dhismeysaashda dowladda iyo taallooyinka laga taagay wadooyinka magaalada; 23. banaynta iyo simida dhulka banaan ee danta guud ah, dhir iyo ubax ku beeridooda meelaha beeraha dadku iskugu yimaadan ah. 24. fulinta hawlaha gaarka ah iyo adeegyda lacagi ka soo xaroorayso. 25. Iibinta dhammaan waxyaabaha ka soo baxa shaqooyinka golahu qabto, 26. Dejinta iyo fulinta barnaamijyo lagu hagaajinayo oo lagu horumarinayo meelaha isku rararta ah iyadoo la siinayo dadka degana xaqa dib u dajnta iyo ka qayb galka iskaashiga maareynta dib u dejinta. 27. Iibinta, kiraynta iyo heshiis ku bixinta dhulka ama dhismeyaasha goluhu maamulo. 28. Taageerida iyo gargaarida lacageed ama farsamo ee dhisida dugsiyda iyo daryeelka xarumaha caafimaad, xanaanooyinka iyo cisbitaalada, rugaha kutubta, guryaha lagu daryeelo dadka waaweyn, xarumaha agoomaha ee aan iyagu isku isku wadi karin. 29. La socodka iyo xakamaynta, maareynta iyo maamulka shatiyda lagu bixinayo adeegyada goluhu u baahanyahay si uu hawlihiisa ugu guto si habboon. 30. Horumarinta iyo hirgelinta barnaamijyda dib loogu dhisayo ama lagu dayactirayo dhismeyaasha halista u keeni kara dadwaynaha ku nool, guryaha noocaas ah haddii goluhu dumiyo ama dadka ka rarona waa in la siiyaa mag dhaw dadka arinkaasi saameeyay. 105


31. Horumarinta iyo hirgelinta barnaamijyada daryeelka bulsho ee loogu talo galay in lagu yareeyo saboolnimada iyo dhibaatooyinka ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah. 32. Dhiiriggelinta iyo hirgelinta barnaamijyo lagu habeeyo, yareeyo laguna dhimo dhibaatooyinka ay keenaan wasakhowga hawada, biyaha iyo dhulku. 33. In la siiyo dharka loogu talogaley (gowns), silsilada xafiiska, calaamadaha iyo kaararka xildhibaanada degaanka iyo Duqa magaalada. 34. Kor u qaadista magaca iyo sumcada golaha 35.

wixii kalee shaqo ah ee aan kor ku xusnayn ee loo baahdo.

106


Issuu converts static files into: digital portfolios, online yearbooks, online catalogs, digital photo albums and more. Sign up and create your flipbook.